24.7 C
Mogadishu
Tuesday, July 28, 2026

Ajaanib lagu dilay dalka Somalia

0

Wararka aan ka heleyno degmada Hobyo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in kooxda burcad badeeddaay dileen la heyste u dhashay wadanka Denmark, oo horey loogala haray markab iyo shaqaalo ay madax furasho ka qaateen shufta badeedda Soomaalida.

Muwaadinka u dhashay dalka Denmark ee ay dileen kooxda burcad badeedda ayaa la sheegay inuu ahaa Injineer sare, waxaan kooxda shufata badeeddu dalbatay lacag madax furasho gaar ah in laga siiyo injineerkan, taasina waxaahorey uga biya diiday shirkadda iskalaheyd markabka uu la socday injineerka u dhashay dalka Denmark.

Warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in dilka Injineerku uu ka dambeeyay markii ay dowladda Denmark ka gaabisay jawaab ay ka bixiso sii deynta burcad badeeda ayka qabteen xeebaha ku dhaw dalka Soomaaliya.

Bishii Janaayo ee sanadkii 2011-kii ayaa la xusuustaa in kooxaha burcad badeeddu ay injineerkani kala hareen markab uu saarnaa kaasoo ay la socdeen shaqaalo badankood u dhashay dalka Filibiin.

Ninka ajanabiga ah ee ay dileen burcad badeedo ayaa waxa lagu magacaabi jiray EddyLlopez waxa  uuna gacanta burcad badeeda ku jiray mudo sand ku dhawaad ah .

Toogashada muwaaidnkan u dhashay  Denmark ayaa imaaneyso iyadoo muddo lix bilood ah aanu shufta badeeddu qabsan markab,waloo lacago badan ay ka heshay shuftadu sii deynta maraakiib iyo shaqaalo ay horey u qabsadeen.

Burcad badeeda soomaaliya ayaa horay looga baran in ay dilaan shaqaalaha saran maraakiibta ay qafaashaan , waana fal ku cusub shufta baedeedda Soomaalida, hayeehsee dowladda Denmark ayaa kamdi ah wadamada dagaalka adag kula jira kooxda burcad badeedda Soomaalida.

Isha: Salaamanews.com

Dooni ku dagtay Xeebaha Puntland iyo ganacsto ku hanti beeshay

0

Garowe (Caasimada Online) Wararka naga soo gaarato deeganka Bander-beyla ee gobalka Karkaar ayaa sheegaya in dooni u rarneed ganacsato Soomaali ah ay ku degtay halkaasm karii ay ku kaceen dabeelo xooggan oo roobab wata.

Doonida ayaa la sheegay in ay ku soo keeday dekedda Magaalada Muqdisho,

Agaasimaha waaxda dowladaha hoose ee wasaarada arimaha gudaha maamulka Puntland Jaamac Xasan Xuseen hadda ku sugan deeganka Bandar-beyla ayaa saxaafadda u sheegay in dooni siday agab u badan bagaash ay ku degtay xeebaha bari ee deegannada Puntland.

Wuxuu sheegay in la soo arkay qaar ka mid ah alaabtii saarnaa doonta oo badda ay soo carisay, laakin doonida iyo shaqaalaha la socday in aan la ogayn meel ay jaan iyo cirib dhigeen.

Dadka deeganka ayaa sheegay in ay arkeen qalab badan oo la sheegay in ay ahaayeen kuwii saarnaa doonida degtay.

Waxa goobta soo gaaray ciidamada gurmadka iyo shaqaale kuwaasoo baadi goob u galay doonida degtay.

Maamulka Puntland ayaa amray in la soo badbaadiyo doonida iyo shaqaalaha oo illaa hadda aan la hogeyn sida ay xaaladooda tahay.

Si kastaba, dabeelo xooggan ayaa ka bilowday xeebaha bari ee waddanka Soomaaliya, kuwaasoo horrey looga digay.

Illaa hadda khasaaro baaxad leh oo ay geesteen dableelaha rooababka wata lama soo sheegin.

Meelaha la sheegay in ay ku dhufan doonto dabeelaha wax aka mid ah mid ah degmada Caluula iyo tuulooyinka u dhow.

Duufaantan oo ku socota xawaare u dhaxeeya 30-ilaa 40 mile ayaa la saadaalinayaa in marka ay dhulka soo gaarto uu xowligeedu is dhimo oo uu noqdo 18 mile.

Sannadkii 2004-tii ayaa meelo badan oo xeebaha bariga Soomaaliya waxa ku dhuftay Sunaami xooggan , waxana uu geestay waxyeelo xooggan oo dad iyo duunyo ah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garowe

Adel Taarabt oo sheegay inuu ku wajahan yahay AC Milan.

0

Kubad Sameeyaha Muslimka ah ee kooxda Queen Park Rangers Adel Taarabt ayaa shaaca ka qaaday inuu wadahadalo sida macquulka ah uu ugu dhaaqaaqayo AC Milan uu kulan jiro, xilli kooxda San Siro ay dooneyso inay dib u dhis weyn isku sameyso.

Xidiga dalka Morocco ayaa sheegay in wakiilkiisu uu wadahadalo magaalada Milano kula jiro Madaxweyne ku xigeenka kooxdasa Adriano Galliani, xidigaan ayaana horaan iska diiday inuu ku biiro kooxo Premier League ah ama Real Madrid ama Barcelona midkoodna.

Taarabt ayaa xiligaan fure u ah kooxda QPR xilli uu gaarsiiyey guusoodii ugu horeyay ee Premier League xilli ciyaareedkaan kulan ay hornaantii bisha tan wajheen kooxda Fulham, wuxuuna dhaliyey labada gool ee kooxdiisu ay ku badisay, bandhigiisa ayaana xidigaan ka dhigaya inuu ka ciyaaro meel ka baxsan London.

Taarabt ayaa u sheegay wargeyska kasoo baxa Talyaniga ee Gazzetta dello Sport: “Waan diidi lahaa dalabyo iiga yimaada kooxaha waa weyn ee Ingiriiska hadii ay Milan isoo dalban laheyd.

“Wakiilkeyga ayaa wadahal kula jira Galliani, laakiin waxay ku xiran tahay xaalka Robinho iyadoo lasoo warinaayo inay Milan diirada saareyso Javier Pastore.

“Milan hada maahan koox waqti fiican ku jirta, kamana mid ahan kooxaha sar sare.

“Si kastaba, hadii aan ku biiro Milan markaas waxaan ku daah furan lahaa kooxo waa weyn sida Real Madrid iyo Barcelona.”

Taarabt ayaa la aaminsan yahay inuu guulo ku gaari karo kooxda Talyaaniga ka dhisan, sida saaxiibkiis ay horay ugu soo wada ciyaareen Tottenham ee Kevin-Prince Boateng.

Rafael Benitez: Chelsea weli way u tartami kartaa Horyaalka EPL.

0

Tababare Rafael Benitez ayaa shaaca ka qaaday inay  Chelsea weli xilli ciyaareedkaan ku tartami karto horyaalka Barclays Premier League.

Ka dib markii ay 8-0 ku xasuuqeen kooxda Aston Villa Axadii, Benitez ayaa diiday inuu meesha ka saaro inay kooxdiisu qaadi karto Horyaalka, inkastoo ay 11 dhibcood ka dambeeyaan hugaamiyeyaasha Manchester United.

Markii la weydiiyey inuu ciyaatoydiisa u sheegi doono inay ku guuleysan karaan Horyaalka, Benitez ayaa yir: “Waxaan arki doonaa ka dib laba ama sedax kulan.

“Waad arki kartaa inay ciyaartoydu halsooni ku qabaan nafsadooda, waana aaminsan yihiin, marka waa inaan sugnaa dhamaadka.

“Waxay sameynayaan dhaqdhaqaaq fiican, fursado ayey abuurayaan. Hada hadii aan xaaladaan kusii jirto markaas waa ii fududahay inaan dhaho waan ku dagaalami karnaa.”

Gool dhaliyaha Swansea Michu oo loogu yeeray qaranka Spain.

0

Weeraryahanka kooxda Swansea City Michu oo la yaab ka dhigaya Horyaalka Ingiriiska ayaa looga yeeray xulkiisa Spain bisha February.

Vicente del Bosque, tababaraha xulka heysta Koobka Qaramada Yurub iyo Kan Aduunka, ayaa xaqiijiyey inuu 26-jirkaani ciyaari doono kulanka saaxiibtinimo ee  Spain 6da February magaalada Doha kula ciyaareyso Uruguay.

Weeraryahanka xulka Spian ayaa kula biiri doona dhigiisa kooxda Celta Vigo Iago Aspas, kaasoo la fahamsan yahay inuu Janaayo diirada u saran yahay tababaraha kooxda Swansea Michael Laudrup.

“Iago Aspas iyo Michu waxay kasoo muuqan doonaan kulanka (Uruguay),” ayuu Del Bosque u sheegay TV-ga Spain.

Michu ayaa ahaa xidig aad u dhameystiran tan iyo markii uu kusoo biiray kooxda Laudrup, wuxuuna xagaagii 2.2 milyan kaga soo dhaqaaqay kooxda Rayo Vallecano. Xidigaan ayaana ahaa dhaliyihii goolka barbaraha ee Swansea kulankii ay Axada Barclays Premier League ku wajaheen Man United, 13 gool ayuuna dhaliyey 18 kulan oo uu saftay xilli ciyaareedkaan.

Dhanka kale, Aspas, ayaa la yaab ka dhigay La Liga xilli ciyaareedkaan, wuxuuna dhaliyey lix gool 17 kulan oo uu saftay. Waxaana lagu qiimeeyaa 8 milyan oo ginni.

Benitez oo la dhacsan inuu D.Luiz qadka dhexe kasii ciyaaro.

0

Tababaraha Chelsea Rafael Benitez ayaa diyaar u ah inuu David Luiz kulamada soo aadan u isticmaalo qadka dhexe si ay kooxdu ugu tartanto Horyaalka.

Blues ayaa usoo hanqal taagtay horyaalka Premier League markii ay guul darro 8-0 ah cabsiisay kooxda Aston Villa kulan Axadii ka dhacay Stamford Bridge.

Daafaca dambeedka dhexe, Luiz, ayaana dhaliyey goolka labaad ee Chelsea oo ahaa Laad xor ah oo uu si cajiib ah u dhaliyey, waxaana lagu sii heyn karaa booskaas ka dib markii uu la yaab ku dhigay kooxda Villans.

Tababaraha KMG ah ayaa yiri: “Wuxuu leeyahay awooda uu ku ciyaari karo boos walba wuxuuna kooxda u yahay daafac cajiib ah.

“Dadku waxay dhahayaan sidoo kale doorka qadka dhexe wuu ku fiican yahay waxaan u maleynayaan way saxan yihiin.

“Kulankii aan wajahnay Villa ayuu tusay inuu booska qadka dhexe xakameyn kara wuxuuna leeyahay awooda uu ku sameeyo.”

Luiz, oo 25 jir ah, ayaa qadka dhexe ku wehlinaayey halyeey Frank Lampard iyadoo kooxda heysata Koobka Kooxaha Yurub Chelsea ay dib u heleen taageeradooda markaasoo ay la yaab ku dhigeen kooxda Paul Lambert.

SAF: Van Persie waa Eric Contana-ha cusub ee Man United.

0

Sir Alex Ferguson ayaa aaminsan inuu Robin Van Persie la mid yahay halyeeygii kooxda Manchester United Eric Contana.

Tababaraha United ayaa shalay daaha ka qaaday inuu Van Persie ku dhiman karay markii uu kubad madaxa kaga dhuftay daafaca Swansea  Ashley Williams.

Laakiin, inkastoo ay Red Devils barbaro 1-1 ah la gashay kooxda ka dhisan Wales Fergie ayaa arka sida uu muhimka u yahay xidigaan ay 24 milyan oo ginni kaga soo qaateen Arsenal xagaagii.

Tababaraha Scotland u dhashay ayaa yiri: “Abaal marinteena sanadka cusub waxaan helnay markii uu Robin van Persie yimid Old Trafford.

“Uma badni inta badan inaan ka hadlo hal qof maxaa yeelay waxaan rumeysanahay inay guusha kubadu ku timaado wada shaqeyn. Kooxduna kuma tiirsana hal qof laakiin waxaad mararka qaar nasiib u yeelaneysaa inaad hesho ciyaaryahankii kuu dhameystiri lahaa shaxdaada.

“Shaki kama taagna in sidii uu halkaan u yimid uu dhameystiray weerarkeena.”

 

Daawo Sawirada Bilicda Garoonka Koonis oo la dhigay cows macmila

0

Howl cows macmil ah lagu dhigaya garoonka Istaadiyo Koonis ee magaalada Muqdisho ayaa shalay lasoo gebe gebeeyay kadib muddo ay howshaasi socotay.

Cows-ka ayaa ahaa mid xiriirka kubadda cagta adduunka ee FIFA uu ugu deeqay xiriirka Soomaaliyeed, waxaana cowska dhigay khabiir u dhashay dalka Holland.

Cowska cusub ayaa ka dhigay garoonka mid aad u qurux badan oo indhuhu u riyaaqaan

Daawo Sawirrada.
coos 4coos 5coos 6coos 1coos 2coos 7coos 8

Daawo Sawirrada: Bilicda Garoonka Koonis oo la dhigay cows macmil ah

0

Howl cows macmil ah lagu dhigaya garoonka Istaadiyo Koonis ee magaalada Muqdisho ayaa shalay lasoo gebe gebeeyay kadib muddo ay howshaasi socotay.

Cows-ka ayaa ahaa mid xiriirka kubadda cagta adduunka ee FIFA uu ugu deeqay xiriirka Soomaaliyeed, waxaana cowska dhigay khabiir u dhashay dalka Holland.

Cowska cusub ayaa ka dhigay garoonka mid aad u qurux badan oo indhuhu u riyaaqaan

Daawo Sawirrada.
coos 4coos 5coos 6coos 1coos 2coos 7coos 8

Muxuu Sh. Maxamud Aw C/lle Cariif ka yiri wal walka Duufaanta Somalia?

0

Sheekh Maxamuud Aw Cabdula Cariif oo kamid ah Culimada Soomaaliyeed ee sida weyn looga yaqaano Soomaaliya ayaa ka hadlayay wararka sheegayay in Soomaaliya duufaano ay ku dhufan doonaan amaba ay ku dufteen, gaar ahaan dhul xeebeedyada.

Mar uu la hadlayay Idaacadaha Muqdisho waxaa uu sheegay Warkaas inuu yahay wax mala awaal ah laguna cabsi gelinayo dadka Islaamka ah.

Wuxuu carabaabay in wax walba qadarta Alle ay ku dhacaan laakiin aan lagu adkaysan karin ama aan hubaal laga dhigi karim inay dhacayaan duufanahaas.

Dhulalka ay duufaanka ka dhacayso ayuu tusaale ka bixiyay waxaana uu sheegay inay yihiin kuwa ay ku noolyihiin dad Alle ka furtay lana ciqaabay hadii Soomaaliya ay ka dhacaana ayuu yiri Alla ka cabsiga oo ku yaraaday iyo dambiga oo batay ayaa sabab u ah.

Sheekh Maxamuudd Aw Cabdula Cariif  ayaa uga digay dadka Soomaaliyeed in warkaas aysan qaadan oo ay tala saartaan Allaah.

Inkasta oo meelo ka mid ah xeebaha waqooyi bari xalay ay ka dhaceen roobab xoogaan iyo duufaano, haddana ma ahayn kuwa aad u weyn oo la mid ah kuwii saadaasha laga bixiyay.

XOG: Warar sheegaya in Faroole uu ogolaaday arrin aan laga fileyn

0

Kadib dibad baxyo xoogan oo shalay gil gilay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, kuwaas oo looga soo horjeeday xukun jaceylka Faroole iyo odayaashii uu u xiray inay isaga diideen, ayaa warar xalay soo baxay waxa ay sheegayaan in Faroole iminka diyaar u yahay inuu tanaasulo.

Dadka reer Puntland ayaa si cad u diiday awood kororsiga Faroole, oo waqtigiisa ku eg yahay 8-da bisha January  ee soo aadan, balse doonaya sanad dheeri ah.

Dibadbaxyadii shalay ka dhacay Gaalkacyo, ayaa kaabayay mucaaraddo xoogan oo siyaasiyiinta iyo shacabka Puntland ay ka qabaan maamul kordhisashada Faroole, oo gaartay heer dameeradii Puntland lagu qoro “NO Faroole”.

qardho 9Warar aan xalay ka helnay Garoowe, ayaa sheegaya in Faroole uu shir deg deg ah la qaatay xukuumadiisa, isaga oo doonaya in ra’yi laga siiyo tallaabadii uu qaadi lahaa, kadib markii ay cadaatay in reer Puntland ay diideen kali talisnimo.

Waxaan xogta ku helnay in Faroole lagula taliyay inuu ogolaado in doorashadu ku dhacdo waqtigeeda, haddii aysan dhici karinna uu qabsado waqti ka yar sanad oo lagu diyaariyo doorashada.

Waxaa la isku soo qaaday in waqtiga sanadka ah uu kusoo koobo 6 bilood, taasi oo la sheegay in Faroole uu aqbalay, balse uu marka hore eegi doono, haddii mucaraadada lagu hayo ay kasii darto iyo in kale.

Faroole waxa uu doonayaa in haddii dadka reer Puntland ay ka gaabiyaan diidmadooda in sanadkiisa dheeriga ah uu sii wato, balse haddii uu arko wixii shalay ka dhacay Gaalkacyo oo kale, uu ku dayo lix bilood.

Shir muhim ah oo Soomaalida uga furmay Magaalada Johannesburg

0

Kulan sanadeedkii 3 aad ee jaaliyadda Soomaalida wadankan Koonfur Africa oo xalay ka furmay magaalada Johannesburg ayaa si habsami leh uga sii socda Masjidka Imaamu Shaafici ee magaaladani.

Kulanka oo ay ka qeyb galayaan Culumaa’udiin si weyn looga yaqaano Soomaalida dhexdeeda ayaa sanad walba waxaa lagu casuumaa qaar ka mid ah culumada iyo aqoonyahanada Soomaaliyeed si ay dadkooda ku dhaqan wadankan ugu faa’ideeyaan xilliyadan fasaxyada la galo wadankan.

Sanad walba waxaa kulankan soo qabanqaabiya oo suura galiya in ay Culumada Soomaaliyeed wadankan kula hadlaan Soomaalida, Hey’adda Culumada Soomaalida waddankan ee lagu magacaabo Albayaan Islamic Counsil Trust.

Waa sanadkii 3aad ee kulankan lagu qabto waddankan isaga oo noqon doona mid taxane ah oo sanad walba lagu qabto halkan. Kulankan ayaa soo bilaawday sanadkii 2010kii kolkaasoo waxii ka dambeeyey dalkan lagu casuumay culumo waawayn.

Sanadkan 2012 ayaa waxaa ka qeyb galaya sida uu ii sheegay Sh Axmad Dheere oo ka mid ah saraakiisha sar sare ee Albayaan Islamic Counsil Trust, culuma gaareysa ilaa iyo lix sheekh oo ka kala yimid meelo aad uga fog fog waddankan South Africa.

Mashaa’iqda ilaa iyo hadda magacyadooda aan helnay waxaa ka mid ah:

  1. Sh. Maxamad Cabdi Umal…….Kenya
  2. Sh Cusmaan Cali Faarax………London, United Kingdom
  3. Sh Sh Maxamad Aadam………Soomaaliya
  4. Sh Maxamad Idiris Axmad….Sacuudiga
  5. Sh Maxamad Calasow…………Kenya
  6. Sh Cabdirixiim Dhabar Abul Ceyneyn……Kenya

Kulankan sanadlaha ah ee haatan ka socda Masjidka Imaamu Shaafic ee magaalada Johannebsurg waxaa uu socon doonaa muddo 3 cisho ah ayadoo bishan 28keeda uu dib uga furmi doono Magaalo xeebeedka Capetown.

Goobaha ay culumada tagi doonaan ayaa waxaa ka mid ah magaalooyinka Port Elizabeth, Rustenburg iyo meelo kale oo si weyn ay jaaliyadda Soomaalidu u degan tahay.

Culumadii hore uga qeyb gashay kulankan sanadihii la soo dhaafay ayaa waxaa ka mid ah Sh. Maxamuud Shible, Sh Cali Wajiis, Sh Mustafa Xaaji Ismaaciil haaruun iyo Sh Axmad Daahir Aways.

Hey’adda Albayaan Islamic Counsil Trust ayaa ah Hey’ad Soomaaliyeed oo mar walba isku howsha sidii ay dadka Soomaaliyeed u gaarsiin diinta meel walba iyo waqti walba, waxaana howlaha Albayaan ay qabato ka mid ah Aaska Soomaalida Dalkan ku dhimata, Furidda madarasooyin ay carruurta wax ku bartaan, qabashada tartamada Qu’raanka, u dooddida xuquuqda dadka Soomaalida ee badankood aan sharciyo wanaagsan ku joogin dalka iyo waliba taakuleynta Agoomaha.

Albayaan ayaa mararka qaar waxqabadkeedu ka tallaabsada waddankan oo waxaa lagu xusi karaa xilligii abaaraha Dalka Soomaaliya ku habsadeen oo ay u istaagtay in ay Soomaalida ku wacyi geliso iney dadkooda caawiyaan.

Yusuf Shuqale

Johannesburg

[email protected]

Isu ekaanshaha Qoyska Faroole iyo kan Korea-da Waqooyi

0

Farshaxamiistaha Soomalaiyeed ee caanka ah Amin Amir, ayaa sawir qosol badan ka sameeyay xukun jaceylka Madaxa maamulka Puntland Cabdiraxmaan Faroole iyo wiilkiisa Maxamed Faroole.

Amin Arts ayaa Faroole iyo wiilkiisa la meel dhigay kaligii taliyihii geeriyooday ee Korea-da Waqooyi Kim Jong-il iyo wiilkiisa oo uu xukunka uga tagay Kim Jong-un.

Halkan ka arag Sawir gacmeedka Amin Arts.

faroole

 

Daawo: Hees kooxda Qeylodhaan ay u sameysay 3-da madax ee dalka

Kooxda QEYLODHAAN, ayaa soo saaray hees cusub oo waddani ah oo ay kula hadlayaan madaxda cusub ee Dowladda Federaalka Somalia ee dhowaan la wareegay talada dalka.

Heesta oo hal ku dhigeedu yahay Mas’uulkii tala hayow oo sidoo kale ay kasoo dhex muuqdeen fanaaniin joogta Naiorbi, ayaa waxa ay si toos ah ula hadleysaa madaxweyne Xasan Sheikh, Ra’iisul Wasaare Saacid iyo guddoomiye Jawaari.

Waxaa erayada sameeyay Shucayb Cabdinuur, Laxankii Jooqle Shire iyo Musica-dii Cabdi Xakiin Farayare.

Halkan ka Daawo heesta.

Wasiirka Arimaha gudaha oo tagay Afgooye

0

Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga qaranka ee Dowlada Soomaaliya Cabdi kariin Xuseen guuleed ayaa maanta waxaa uu gaaray Gobolka Shabeelaha Hoose.

Socdaalka Wasiirka ayaa waxaa uu ku tagay Degmada Afgooye ee gobolka sh/hoose waxaana Safarka Wasiirka ku wehlinayay Saraakiil ka tirsan ciidamada dowlada  iyagoo haatana kulama halkaas kula qaadanaya Maamulka degmada.

Ujeedka Socdaalka Wasiirka ayaa waxaa ay tahay sida uu ula socon lahaa Xaalada Amaan ee degmada Afgooye iyo sidii shacabka degmadaas Nabad loogu so horseedi lahaa.

Sidoo kale masuuliyiin katirsan maamulka Gobalka Shabeelaha hoose ayaa sheegay in socdaalka wasiirka ay suuragal tahay inuu ku tago deegaano ka tirsan Gobalka Shabeelaha Hoose.

Waxaa kale oo Wasiirka uu kala hadli doonaa maamulka degmada Afgooye Isbaarooyin ciidanka Dowlada ay soo dhigteen Lafoole waxaana ay jibiyeen Amarka Madaxwaynaha.

Daawo Warbixin laga diyaariyay Muuqaalka Qurxoon ee Muqdisho.

0

Wariye Soomaaliyeed oo Nolashiisa oo idil ku noolaa Wadanka Kenya ayaa markii ugu horeeysay tagay Magaalada Muqdisho ee ah Caasimada Wadankeena Somalia waxuu soo arkay wax uusan filaneynin asagoo horay loogu sheegay halkaasi in ay tahay meel bahalo galeyn ah.

Hadaba Wariyaha waxaa laga hayaa kalmad yaab leh oo uu ku cel celiyay oo uu doonaya in uu ku tilmaamo Magaalada Muqdisho asagoo ugu dambeyn qaatay kalmada ah Xamar Cadeey Barasho Wanaagsan.

HALKAAN KA DAAWO WARBIXINTA OO  MUUQAAL VIDEO AH:

 

Roobab wata duufaano oo ka da’ay meelo ka mid ah Somalia

0

Roobab wata duufaano xoogan ayaa ka billowday deegaano ka tirsan Waqooyi bari ee dalka Somalia, Warbixino laga helay dadka deegaanka ayaa sidaas sheegaya.

Roobka iyo duufaanta ayaa sababay in la damiyo qaar ka tirsan shirkadaha isgaasiinta iyo shirkadaha korontada qaarkood.

Digniino la xariira duufaan iyo roob ku soo fuul-leh qaar ka tirsan gobollada dalka Soomaaliya ayay maalmihii ugu dambeeyay soo saarayeen hay’adaha saadaasha hawada.

Duufaanta oo la yiraahdo Tropical Cyclone 4 waxaa la sheegayay inay soo dhex jibaaxayso masaafo 600 oo mayl koonfur bari gacanka Raas Caseyr tan iyo habeenkii Sabtida.

Degmada Bandarbeyla ayaa laga soo sheegayaa in galabta hal ruux uu ku dhaawacmay kadib markii dooni ku jirtay badda ay dabeylo ku burburiyeen, sida uu xaqiijiyey gudoomiyaha degmadaasi Siciid Maxamed “Anteeno”.

Waxay kaloo roobabka culus ay dul heehaabayeen degmooyinka Caluula iyo Baargaal iyo dhulka xeebaha ah ee ku dhow illaa xeebta ay ku yaallaan ee Badweynta Hindiya.

Duufaanta oo ku fool-leh dhinaca galbeed  ayaa sidoo kale la sheegay inay ku soconayso xawaare gaarsiisan 18 mayl saacaddiiba, laakin xoogeeda la filayo inay gaarto 63 meyl saacadiiba, oo u dhiganta 101 km saacaddii.

Sidoo kale degmooyinka Eyl iyo Garacad oo ka kala tirsan gobolada Nugaal iyo Mudug ayaa laga soo sheegayaa in roobabka ay isa soo xirxireen oo jawiga hawada ay dadku ka dareemayaan daruuro mugdi ah oo cirka isku shareeray. Garacad waxaa laga soo sheegayaa in mowjado hirar ah ay baddu bilawday iyadoo galabta badda lagu arkay iyadoo ka soo durugtey halkii ay joogtay shalay taasoo cabsi gelisay dadka ku nool degmada Garacad oo ah kalluumeysato.

Roob ka dhasha duufaantan ayaa la odorasay inuu maanta ka da’o qaybo ka tirsan deegaannada xeebaha ee Soomaaliya kuwaasoo socon doona ilaa berri oo Talaado ah.

 

Soomaali badan oo ka soo cararaya Nairobi kuna qulqulaya Muqdisho

0

Nairobi (Caasimada Online) Tan iyo wixii ka dambeeyay markii dowladda Kenya ay ku dhawaaqday in qoxootiga Soomaalida ee ku sugan magaalada Nairobi ay iska xaadiriyaan xeryaha qoxootiga Dhadhaab iyo Kaakumo, waxa bilowday in Soomaali badan ka soo tagaan halkaas.

Waxa mashquul noqday xarumaha wakiilada shirkadaha duulimaadka ee aada Soomaaliya, waxa lagu arkayaa Soomaali badan oo raba in ay aadaan Soomaaliya, kuwaasoo ka cabsi qaba in saameen ku yeelato amarka Kenya ay soo saartay.

Waxa aad u batay duulimaadka ka immaanaya Kenya ee soo aadaya Soomaaliya, waxana inta badan shirkadaha diyaaraha ay sheegeen in ay soo qaadaan toddobaadkii dhowr duulimaad oo ah Soomaali ka immaaneysa Kenya, kuwaasoo doonaya in ay soo aadaan Soomaaliya.

Qaar badan oo ah shaqaalaha ka shaqeeya xafiisyada ayaa sheegaya in toddobaadyo ka hor shaqo badan aysan heenin, laakin wixii ka dambeeyay amarkii Kenya in xafiisyadda shirkadaha diyaaradaha ay noqdeen kuwa mashquul ah.

Soomaali badan oo horrey uga soo cararay Soomaaliya, gaar ahaan Muqdisho, ayaa hadda raba in ay dib ugu soo laabtaan, sababtu waxa ay tahay dhibkii ay ka carareen ayaa hadda la soo darsay, mar haddii qaraxyo iyo dilal ay ka bilowdeen xaafadda Soomaalida ugu badan tahay ee Islii.

Qoysas badan ayaa lagu arkayaa garoonka diyaaradaha Jooma Kinyaata, kuwaasoo raba in ay soo aadaan Muqdisho, waxa aad u kordhay duulimaadyada aada Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Sida ay lee yihiin shaqaalaha xafiisyadda shirkadaha diyaaradaha ee xaafadda Islii, waxa maalin kasta magaalada Muqdisho soo aada in ka badan 200 oo qof.

Dhinaca kale, waxa jirta Soomaali badan oo iyana u sii gudbay waddanka Uganda, kuwaasoo raacaya diyaarad ama bas.

Goobaha basaska laga raaco magaalada Nairobi ayaa waxa lagu arkayaa qoosas badan oo carruur wata kuwaasoo doonaya in ay soo aadaan Muqdisho ama Kampala.

Soomaali badan ayaa ku nool xaafadda Islii ee magaalada Nairobi, waxana QM ay sheegtay in magaalada Nairobi ay ku nool yihiin ku dhawaad 30,000 oo Soomaali ah.

Soomaalida xaafadda Islii iyo magaalada Nairobi waxa ay ku lee yihiin goobo ganacsiyo oo aad u waawayn, kuwaasoo dhowrkii sano ee la soo dhaafay halkaas laga sameeyay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Baarlamanka Soomaaliya oo ay ka dhex tafatay maanta

0

Kulan buuq ku dhamaaday ayaa waxaa maanta magaalada Muqdisho ku yeeshay Xildhibaanada Barlaamanka Soomaaliya kaas oo natiijo la’aan lagu kala tagay maanta.

Waana Markii ugu horaysay Mudanayaasha Cusub ee Baarlamanka Soomaaliya ay buuq ka dhex sameeyaan kulan ay lahaayeen dhexdooda.

Muhiimada kulanka oo ahaa ka doodista miisaaniyada Xukuumadda Soomaaliya ee 2013 ayaa intii ay socotay dooda waxaa Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ay talo ahaan usoo jeediyeen in safaaradaha tirada badan la yareeyo.

Cismaan Aw-libaax oo kamid ah xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa goobta ka jeediyay in laga maarmo safaaradaha qaar ee ku yaala dalalka caalamka isaga oo ka xusay dalka China iyo Ruushka.

Dhankiisa waxa soo istaagay oo goobta hadal ka jeediyay Xildhibaan C/raxmaan Xaaji Ibi oo ah mudane ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya kaasi oo sheegay in hadii laga maarmo saafaradaha dalalka China iyo Ruushka taasi macnaheeda uu yahay in iyana laga maarmo Turkiga iyo qaar kamid ah safaaradaha dalalka Africa.

Intaasi kadib ayaa waxa ay goobta noqotay meel buuq iyo qeylo noqotay oo ay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ay buuqaan taasi oo keentay in kulanka uu kusoo dhamaado natiijo la’aan.

Gudoomiye ku xigeenka Baarlamanka oo kulanka Shirgudoominayay ayaa waxaa uu sheegay in shirka uu xeran yahay.

Shirka buuqa ku dhamaaday maanta ayaa waxaa ka maqnaa Gudoomiyaha Baarlamanka Jawaari oo matalaya Madaxwaynaha dalka.

Warbixin: Dibad baxyo ka dhan ah Faroole oo ka dhacay Gaalkacyo

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) Faah-faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa dibadyo maanta ka dhacay maagalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug, kuwaasoo looga soo horjeedo madaxwaynaha maamulka Puntland Cabdi Raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole.

Dibad-baxyada ayaa la soo sheegayaa in khasaaro naf ay ka dhasheen sida ay lee yihiin goobjoogayaasha.

Inta la ogyahay seddax qof ayaa ku dhaawacmay dibad-baxa markii ciidamada ammaanka rasaas ay kula kala ceyriyeen dad dibad-baxayay oo ku sugnaa waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Dadka ayaa ku dhawaaqayay erayo ka dhan ah maamulka madaxwayne Faroole, waxana ay la haayeen “Doonimeyno kaligii taliye waa inuu aqbalaa in doorashada Puntland la qabtaa 8-da January 2013-ka isla markaana la sii daayaa nabadoonada Puntland.”

Dibad badbaxa oo markii hore ku bilowday si tar-tar tiib ayaa markii dambe isku badalay dibad bax ballaran, oo ciidamada iyo dad dhagxaan wata ay is raacdeesteen, sida ay lee yihiin dadka goobjoogayaasha.

Waxaa ay u badnaayeen dhalliyaro iyo haween, kuwaasoo watay boorar lagu soo qoray hal ku dhigyo ka dhan ah madaxwaynaha Puntland.

Markii dibad-baxyada bilowdeen waxa la xiray dhammaan goobaha ganacsiga ee ku yaalla magaalada iyo goobihii dawlada sida xarunta gobolka, xarunta degmada, xarunta booliska, maxkamada iyo xafiisyada kale kuwaasoo laga cabsi qabo in la weeraro.

Ma jiraan wax war ah oo illaa hadda ka soo baxay masuuliyiinta Puntland oo ku aadan dibad-baxyada maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

Xaalladda magaalada ayaa caawa deggan, waxana weli xiran goobaha ganacsiga, iyadoo magaalada lagu arkayo ciidamo si teel-teel ah u wareegaya.

Bishii hore ayaa dibad-baxyo looga soo horjeedo madaxwayne Faroole oo ay ka qayb qaateen dameero ay ka dhaceen magaalada Qardho ee gobalka Karkaar, xilligaas waxa magaalada booqanaya madaxwaynaha Puntland.

Deegannada Puntland waxa hadda ku soo qulqulaya siyaasiyiin iyo ganacsato caan ah kuwaasoo damac uu ugu jiro in ay ka qayb galaan doorashada Puntland oo lagu wado in ay ka dhacdo bisha soo socota, laakin wali aan la isku afgaran oo uu jiro khilaaf ballaaran.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Gaalkacyo


Fatal error: Uncaught Error: Undefined constant "console" in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php:60 Stack trace: #0 [internal function]: dynamic_data_flow_filter('<!doctype html ...', 9) #1 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/functions.php(5493): ob_end_flush() #2 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(341): wp_ob_end_flush_all('') #3 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(365): WP_Hook->apply_filters('', Array) #4 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/plugin.php(522): WP_Hook->do_action(Array) #5 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/load.php(1308): do_action('shutdown') #6 [internal function]: shutdown_action_hook() #7 {main} thrown in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php on line 60