Home Blog Page 3765

Baarlamanka oo amar culus siiyay wasaaradda maaliyadda Dowladda

0

Baarlamanka Soomaaliya ayaa mudo u qabtay Wasaarada Maaliyada Xukuumada Soomaaliya inay soo bandhigto gunada ku baxda ciidamada dowlada Soomaaliya ee ka dagaalaya Gobolada dalka.

Kadib markii maalintii shalay Baarlamanka Soomaaliya uu ogalaaday Ansixinta Miisaaniyada ay ku shaqaynayso Xukuumada Soomaaliya ayaa baarlamanka waxaa uu baadi goob ku bilaabay lacagta Ciidanka ay qaataan in la soo ogaado.

Mahad Cabdala Cawad Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay in Baarlamaanka Soomaaliya uu galayo fasax islamarkaana Bisha March 03-deeda Xukuuumadda Soomaaliya gaar ahaan Wasaarada maaliyada looga fadhiyo inay keento dhaqaalaha ku baxo ciidanka.

Baarlamanka Soomaaliya ayaa ku doodaya in gunada ay ciidamada Dowlada qaataan ay tahay mid aad u hoosaysa waxaana ay rabaan in loo kordhiyo ciidamada gunada ay qaataan Islamarkaana waxaa ay ka horyimaadeen mudanayaasha baarlamanka in ciidanka Amisom ay ka  guno badnaadaan Kuwa dowlada.

XOG: Dowladda iyo Raaskambooni oo mar kale ku kala tagay arrin cusub oo Dowladda ay soo bandhigtay

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Warbixino hor leh oo soo baxay, ayaa sheegaya in kullamadii dhowaan ku dhex maray Kismaayo madaxda ururka Raaskambooni iyo waftigii Dowladda ay hakaasi booqday ay ku dhammaadeen is marin waa.

Horey ayaa inta badan warbaahintu oo Caasimada Online ay ku jirto waxa ay u weriyeen in is afagard uu ka dhex dhacay labada dinac, hase yeeshee xog aan ka helnay sarkaal ka tirsan Raaskamabooni oo doonaya inaan magaciisa la adeegsan, ayaa muujineysa in labada dhinac ay weli aad u kala fog yihiin.

“Waxaa jira in weli la isku khilaafsan yahay arrinta Jubbaland” ayuu yiri sarkaalka.

Waxa uu intaas ku daray “Wasiirada dowladda waxa ay soo bandhigeen arrin ay doonayee oo ah in Dowladda ay Kismaayo usoo magacowdo maamul KMG ah oo waqtigiisu ku eg yahay 3 bil, ka hor inta aan maamul rasmi ah loo dhisin.

Waxa uu sheegay in madaxda Raaskambooni ay ku gacan seereen soo jeedinta Dowladda, islamarkaana taasi ay hor seeday murran siyaasadeed hor leh oo labada dhinac ka dhex dilaacay, ayna kula tageen ayaga oo aan heshiin.   Sarkaalka, ayaa dhinaca kalena sheegay in kooxaha siyaasadeed ee Kismaayo ay weli ku taagan yihiin mowqifkooda ah dhismaha maamul dadka deegaanka ay soo dhisaan oo dowladda aysan wax shaqo ah ku lahayn.

Hadalladiisa ayaa khilaafaya kuwa uu dhowr maalmood ka hor jeediyay hogaamiyaha Raaskamabooni Axmed Madoobe oo u sheegay waftigii Dowladda in dhisamaha maamulka Jubbaland uu ku jiro gacanta dowladda, inkasta oo hadalkiisa lagu macneeyay mid diblomaasiyadeed, oo aan ka tarjumeyn mowqifkiisa dhabta ah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Kismaayo

[email protected]     

Guriceel: Kooxo hubeysan oo weeraray sarkaal la shaqeeya hay’adaha

0

Guriceel (Caasimada Online) Sida ay Shabakada Caasimada Online u  sheegeen wariyaal ku sugan magaalada Guriceel ee gobalka Galgaduud,  waxa maanta halkaas lagu dhaawacay nin la shaqeenaayay hey’addaha  gargaarka, kaasoo lagu magacaabo Saleebaan Maxamed Saalax.

Nin la weerraray ayaa la socday gaari ay lahaayeen hey’addaha  gargaarka , gaar ahaan kuwa caafimaadka iyo xaananada xoolaha, waxana  la sheegay in uu ka badbaday weerrarkaas.

Illaa hadda ma cadda sababta loo weerraray sarkaal kan ka tirsan  hey’addaha gargaarka ee ka shaqeeya Gobalka Galgaduud.

Maamulka Ahlu Sunna oo ka arrimiya Guriceel ayaa saxaafadda u sheegay  in weerrarkaas loo qabtay nin la sheegay in uu ahaa ninka rasaasta ku  furay gaariga.

Ma ahan markii ugu horreysay oo magaalada Guriceel lagu weerraro  shaqaalaha hey’addaha gargaarka, Soomaaliya wax caadi ka ah in la  weerraro shaqaalaha samafalka, mararka qaar waaba la dilaa, cidna  looma soo qabto.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Wenger: Theo Walcott Arsenal way jeceshahay iibna maahan.

0

Tababaraha Arsenal Arsene Wenger ayaa ku celceliyey go’aankiisa ah inuu ceshto Theo Walcott ka dib markii uu xidiga dalka England Sedaxleey shabaqa huwiyey kulankii ay 7-3 guusha kaga gaareen Newcastle ciyaar ka dhacday Fly Emirates Stadium.

Wenger ayaa mar kale qirtay ka dib kulankaan inuusan Walcott meelna u socon inta lagu jiro Janaayo wuxuuna rajo weyn ka qabaa inuu qandaraaska u dheereeyo Gunners, kaasoo dhacaya dhamaadka xilli ciyaareedkan.

“Kooxdu wey jeceshahay Theo, Theo isna waa jecelyahay kooxda, I rumeysta aniga jaceylka ay is dhaafsadeen waa wax adag in la sameeyo,” ayuu yiri Wenger.

“Wuxuu ahaa ciyaaryahankii ciyaarta, laakiin awooda rajadeydu waa la mid sidii ay aheydba wuxuuna ahaa kulan dhib badan: Waxaan ka doonayaa inuu qandaraaska dheereeyo waxaana rajo ka qabaa inuu dheereyn doono.

“Theo wuxuu muujiyey waxa uu sameyn karayo; laakiin waxaa jiray xalal kale oo isaga ku saabsan rajaduna waa inuu ka ciyaaraa weerarka.

“Waa ogahay inuusan xoog badneyn. Waase ciyaaryahan xariif ah sababtoo ah wuxuuba ka xariifsan yahay xarfaanta kale, wuxuuna sii wadan doonaa inuu kor isku soo qaado.”

Walcott ayaa afar gool dhaliyey wuxuuna ku guuleystay in goolku laad uu kooxda u keeno sedaxdii kualn ee u dambeysay ee uu ka ciyaarayey Weerarka, waana booska uu weydiistay inuu ka dheelo, si kastaba, 14 gool ayuu dhaliyey xilli ciyaareedkaan.

CASUUMADII ABOORKA

0

Soomaalidu tan iyo markii ay gacmahooda ku riday Dowldii loo arkayay in ay ku fadhido sadbursiiyo ay heli lahaayeen saraakiil iyo ganacsato midba maalintiisa gadooday qabyaaladina aaneey ka marneyn, dibna looga qoomameeyay waxa ay dhex maquurteen colaado kala calamo duwan oo mid waliba car-carteeda iyo ceynad gaara laheyd.

Mudadaa 21-ka sano ah,Roobabku waxa ay da,yeen iyadoo difaac la isugu jiro,qoraxda Soomaaliya u dhalataana  ma aaneey dhicin iyadoo aaneey dhicin wixii dhici lahaa, oo ah dagaalo sokeeye,mid Siyaasadeed,mid dhul Dowladeed oo la isku heysto,mid aana qabiil,gaadiid lakala dhacayo,mid Isbaaro,Mid Diimeed,mid ganacsato,mid Dowlad lagu taageerayo,mid Qaad ka bilowda,maalin walbana waxaa la soo ahaa umad is wada dileysa,oo kala qaxeysa oo aan isku soo galin,mar walbana waxaa loo sacabo tumayay fikrad kooxi keentay oo aan la is weydiin halka ay ku dhamaaneyso,aakhirkana waxaa laga haraa oo mid kale looga diga rogtaa iyadoo kii hore laga dhaxlay dhimasho iyo dhaawac.

Ma aheyn wixii la soo maray iyo dhawaqyadii la maqli jiray cayaar sharax ah ama wilisiqo rag xoogani garaacayeen,ee waxa ay ahaayeen rasaas iyo madaafiic lagu ridayay dad iyo daaro wixii markaa noolaa,marka aadse u fiirsato si miyir qab ahna u eegto   hadii aad ka soo samata baxday  wixii si maalayacni ah rag isugu soo dileen ama ay u soo galaafteen kuwa aan waxba galabsan,sow lama oran karo waxa ay Soomaalidu u ekeyd Umad taariikhda iyo mustaqbalku u yihiin qadar iyo nasiib iska yimaada oo iska taga,ee aaneey u aheyn natiijo ka dhalata waxa ay sameynayaa,marnana aan xiligaa is weydiin su,aalo ay jawaabahooda hadda hayaan,waxa ay u ekyihiin dad dunida u arka in la isku soo jujuubay oo ka firxanaya oo sida ugu dhaqsiyaha badan u dhimanaya,waa dad rubuc Qarni deegta ku sita Ak-47 oo ah darka wadku u soo maro xaqna uma laha ineey noloshooda  canaantaan maadaama ay iyagu doorteen.

Sidoo kale waayadaan danbe waxaa Soomaaliya ku soo batay Qaraxyo ismiidaamin ah oo dad badan oo masaakiin ah u taxaabay Aakhiro,markase aad maqasho gaari qarxay oo qofkii waday kaligii ku dhintay ama ruux meel cidlaa isku  qarxiyay waa suurta gal in aad su,aalo badan is weydiiso,sidoo kale marka aad maqasho dagaal socda oo salka ku haya muran Isbaaro,guri dowladeed oo la isku heysto,ruux kun shilin loo dilay iyo waa ka shakiyay,ama Qaad lakala dhacayo,oo sababa dhimashada in ka badan 20 ruux iyo dhaawaca Sodomeeyo kale,iyana waa suurta gal in mar qura ay maskaxdaada ku dagaalamaan su,aalo badan oo ay ka mid tahay waxa dhacay iyo waxa la isku heysto sida ay u kala fogyihiin,aaway noloshii qiimaha laheyd,maxaa dadkan nabad iney dunida ugu noolaadaan u diiday!!!

Bal u fiirso Tahriibka badda waxaa 7-aad walba soo yeeraya soomaali badan baa badda ku dhimatay maalin walbana doomuhu waa sii raran yihiin oo waxaa lagu soo daadinayaa biyaha , weliba waa lagu kala tartamayaa geeridaa naxdinta leh.

Dhanka kale hadii aad maqasho askari askari kale dilay ama nin ciidana oo qof rayida dilay oo maalmo dabadeed Maxkamad la soo taagay, ina heblaayo hebel dabadeedna lagu xukumay dil toogasho ah,waxa aad is weydiineysaa bal waxa uu ka faa,iday falkiisii hore iyo in uu dilkani ka fiican yahay dilalkii hore ee aan la isku daba gali jirin.

Markase la isku xooriyo inkastoo geeridu xaq tahay,dhimashadan soomaaliya laga wada caashaqay mar qurana aan la is weydiineyn waxa lagu dhimanayo waxa ay yihiin,welina  Qorigii hebelo badan lagu dilay la sito,la iskuna tag taagayo  si dhimashadu u sii socoto iyadoo la og yahay ruuxii dhintaa in aanuu dib ifka ugu soo laabaneyn,sow waxa loo wada dag dagayo lama oran karo Soomaalida ABOOR BAA CASUUMAD U DHIGAY !!!!

DH A M A A D  

C/qaadir Maxamed Faarax (Dulyar)

[email protected] Muqdisho/Somaliya.

Chelsea oo dooneysa inay meel dhexe ka afduubato Demba Ba.

0

Ilo uu soo xiganayo wargeyska Sky Sports ayaa fahamsan in wakiilka Demba Ba uu la kulmi doono Chelsea habeenka Axada ah (Caawa).

Ba, waxaa qandaraaskiisa lagu burburin karaa 7 milyan oo ginni kaasoo diyaar noqon doona inta lagu jiro Janaayo marka uu suuqu dib u furmo.

Weeraryahanka heerka caalami ee dalka Senegal ayaa waayo fiican ku riyaaqay xilli ciyaareedkaan wuxuuna dhaliyey 13 gool sanadkaan 2012-13.

Waxay u muuqataa inuu kooxda sida macquulka ah ka dhaqaaqo, marka lagu daro Arsenal iyo Tottenham, QPR iyo kooxda Faransiiska ah Paris Saint Germain ayaa xiiseynaya.

Hada waxaa lasoo werinayaa inay Chelsea kusoo biirtay loolanka loogu jiro, ka dib markii Ilo ku dhow kooxda Blues ay Sky Sports u sheegeen in la isla meel dhigay wadahalada Ba iyo kooxda heysata Horyaalka Yurub.

Tababaraha Chelsea Rafa Benitez ayaa diiday inuu beeniyo warka ay sheegayaan saxaafadu ee ah inuu 27-jirka reer Senegal u dhaqaaqo London.

Isagoo hadlaayey ka dib kulankii ay 2-1 ku garaaceen Everton, wuxuu yiri: “Kama hadalno ganacsiga, kulan muhim ah ayaan laheyn maanta.”

 

Shir weyne looga hadlayay dhismaha Jubbaland oo lagu qabtay Doolow

0

Waxaa Magaalada Doolow ee Gobolka Gedo ka dhacay Shir Balaaran oo ay ka soo qaybgaleen Siyaasiyiinta Gobolka Gedo lagana hadlayay  Mustaqbalka Maamul usameynta Jubbaland State.

Shirkaan oo labo maalmoood oo xiriir ah ka socday Magaalada Doolow ee Gobolka Gedo ayaa waxaa waxaa ka qayb galayay dhinacyo kala duwaan oo ay ka mid yihiin Wafdi Balaaran  oo dhawaan soo garay Gobolka Gedo kuwaas oo markoodi hore ka yimid Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada hoose iyo Siyaasiyiinta iyo saraakisha Ciidamada Gedo  kuwaas oo ka kala yimid  Dagmoyinka xorta ah ee gobolka gedo marka laga reebo Dagmada Ceelwaaq oo aan so xaadirin.

Shirkaan ayaa waxaa loga hadlayay sida ugu macquulsan ee lo dhisi karo maamul ay yeeshaan Jubboyinka iyo Gedo iyo kaalinta ay qaadan karto Dowlada Fadaralka Somalia.

Dood badan oo  dhinacyadi  Shirka ka qayb galayay  ay is wadarsadeen ka dib  Siyaasiyiinta  Saraakiisha  iyo waxgaradka gobolka gedo waxay isku raceen in  si buuxda lo taageero dhismaha maamul mideeya Jubboyinka iyo Gedo.

Sido kale Siyaasiyiinta iyo Saraakiisha iyo Waxgaradka Gobolka Gedo waxaay isku raceen in Kaalin mugleh  howlaha maamul usameynta jubboyinka iyo gedo laga siiyo Dowlada Fadaraalka Somalia oo ay sheegen in ay tahay Dowlada Rasmiga ah ee ka talisa Wadanka Somalia.

Sh. Maxamed Maxamuud Yusuf Aw-libaax  oo hogaaminayay Wafdigii Kismaayo ka yimid ayaa waxaa uu shegay in uu soo dhamaday madmadowgi Dowlada Somalia iyo Gudiga Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo ku dhex jiray waxana uu si weyn ugu mahad celiyay Raisulwasaaraha Somalia oo uu shegay in uu kalin weyn ka qatay isfahanka dhexmaray dhinacyadi is diidana.

“Hadi ay jirtay waqti la oran jiraay Gudiga Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo iyo Dowlada Somalia way is haystaan  hada  taasi wa laga gudbay shacabka reer Jubbaland wa in ay u diyaargarooban  dhismaha Maamul ay si wada jir ah iskaga kaashadan Dowlada Somalia  Gudiga Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo iyo iyo Odayaasha Dhaqanka Gobolada Jubboyinka iyo Gedo ayu yiri Gudomiye Aw-libaax.

Kulankaas ayaa waxaa sido kale  ka hadlay Masuliyiin ay ka mid yihiin  Ex Xildhibaan Maxamuud Sayiid Adaan, Gudomiyaha Doolow  Cabdirashiid Janan, Gudomiyaha Dagmada BaladXaawo Mudane Beerxaani, iyo Masuuliyiin kale oo ka kala socotay Dagmoyinka Luuq iyo Garbahareey, Odayaal dhaqameed iyo waxgarad kale kuwaas oo guud ahaan mujiyay sida ay u garab taagan yihiin Dhismaha Maamul mideeya Gobolada Jubboyinka iyo Gedo oo ay Dowlada Somalia ku yeelato kaalin muuqata.

Ugu  danbeyn Shirkaan ayaa waxaa uu ku soo dhamaday  guul iyo isfahan ayado wafdigii ka socday Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo ay dib ugu labteen Magaalada Balad Xaawo ee Gobolkas Gedo  halkaas oo ay uga sii gudbidoonan Dagmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo  oo ayadana ay ku qaban doonan kulan la mid ah midka ka dhacay Doolow kadib na waxaay uga sii gudbi doonan Magaalada Dhobleey ee Gobolka Jubbada hoose .

Daawo Muuqaal Qurux Badan oo laga soo duubay Wadooyinka Muqdisho.

0

Muuqaalka Maanta waa Amaanka Wadooyinka Muqdisho Iyo Bilicda Magaalada oo dib u soo noqoneyso, Aqristoow Daawo Muuqaalkani waxaa dareemeeysaa Amaanka Magaalada iyo Wadooyinka sida ay gawaarida isku dhex marayaan.

Hadaba ma is lee dahay Sanadka 2012 waa sanadkii Nabada iyo horumarka ee Dowladnimo waa kanaa Saansaan Dowladeed oo soo ifaya iyo dadkii oo nidaamka dowladnimo u diyaar ah.

HALKAAN RIIS SI AAD U DAAWATO VIDEO-GAN.

Sawirada bilicda magaalada Kismaayo

0

Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa kazoo kabaneysa dagaaladii ka dhacay, ayada oo sidoo kalena xaaladda magaalada ay caadi kuso noqotay.

Warbaahinta qaranka Soomaaliyeed ayaa sawirro kazoo qaaday magaalada oo aan jecleysanay inaad nala aragtaan.

kismayo 1kismayo 2kismayo 3kismayo 4kismayo 5kismayo 6kismayo 7kismayo 8kismayo 9

Gareth Bale: Waxaan ku daysadaa Cristiano Ronaldo.

0

Ciyaaryahanka garabka uga ciyaara kooxda Tottenham Gareth Bale ayaa sheegay inuu ku daysado xidiga kooxda Real Madrid Cristiano Ronaldo, ka dib markii uu labadii sano ee dambeysay la yaab ka dhigay goolka hortiisa.

Bale ayaa sagaal gool ka dhaliyey Premier League isagoo ka ciyaaraya garabka xilli ciyaareedkaan wuxuuna ahaa mid weerarka ku fiican. Ninka uu isla meel dhigay, Ronaldo ayaa 14 gool isna ka dhaliyey La Liga intii lagu jiray 2012-13, xidiga heerka caalami ee dalka Wales ayaana la dhacsan 27-jirkaas, wuxuuna ka dhigtay midka uu ku daysado.

“Maalmihii dhowaa wax walba waa kala duwanaayeen, waa inaad sameeysaa wax yaabo cusub, ama aad wax raali gelin ah ka sameysaa garoonka dhexdiisa,” ayuu Bale u sheegay ESPN.

“Sida Cristiano Ronaldo – maba waayo fursad u timaada waqtiyada dhowaa wixii uu sameynaayey. Wixii uu sameeyo ayaan ana sameeyaa. Waa qofka aan ku daysado.”

Real Madrid iyo PSG oo wadahal la furay Ashley Cole.

0

Kooxaha Real Madrid iyo Paris ­Saint-Germain ayaa Isbuucaan wadahadalo la furi doona Ashley Cole sidii uu xagaaga ugu soo dhaqaaqi lahaa.

Balse Cole ayaa ilaashan kara inuu heysto qorshihiisa furan, iyadoo qandaraaskiisa Chelsea ay qasab tahay inuu dhaco dhamaadka xilli ciyaareedka Manchester City iyo Manchester ­United ayaana la socda xaaladiisa.

Cole ayaa loo ogolaaday inuu la hadlo kooxda Ajnabi ah wixii ka bilowda Talaadadii Real iyo PSG ayaanan beer-dareyn doonin fursad ay kula hadlaan xidiga. Daafaca bidix Cole ayaana awooda inuu qandaraas hor dhac ah la galo kooxahaas ama uu sugo ilaa xagaaga isagoo markaas si xor ah ugu biiraya kooxaha la xafiiltama Chelsea.

Balse Cole weli kama dhawaajin inuu ka tegaayo Stamford Bridge wuxuuna qiimeynayaa inay Chelsea ka dalbato wax ka badan hal sano oo qandaraas ah xilli uu horaanba diiday halka sano kaftiisa.

Real iyo PSG ayaa labadooduba 32-jirkaan u ogol qandaraas sedax sano Jose Mourinho iyo Carlo ­Ancelotti ayaana ah tababareyaal oo kaga soo hoos shaqeeyey Blues.

Dhanka kale, Chelsea ayaa kalsooni ku qabta inay ku guuleysato hardanka loogu jiro saxiixa weeraryahanka dalka Colombia Radamel Falcao, sida uu qoray Daily Mirror.

Mo Farah oo Al-Qacidanimo loo xayiray

0

Wargeyska The Sun ee ka soo baxa magaalada London ayaa baahiyay wareysi uu la yeeshay orodyahanka Mo Farah, kaasi  oo uu ku xaqiijiyey in mudo saacado ah lagu haystey garoonka diyaaradaha magaalada Portland ee gobolka Oregon ee dalka Mareykanka.

Mo Farah waxa uu sheegay in laga shakiyay babasaboorkiisa oo lagu arkay Soomaali taana sababtay in la xayiro muddo.

Orod yahanka caanka ah ee asal ahaan ka soo jeeda soomaaliya balse heysta dhalashada Britian ayaa sheegay in isaga uusan walwal ka qabin shakiga la xariira in xariir uu la leeyahay kooxaha al-qaa’ida,maadaama uu sheegay inuu yahay nin caan ah oo aduunka laga wada yaqaano.Mo Farah wuxuu u sheegay saraakiishii su’aalaha waydiinaysay ee uga shakisay argagixisnimada in hadii ay isaga shaki ka qabaan in uu yahay Mo Farah ay eegaana cadeymaha uu haysto,“Ma Rumeysan karin in dhalashada aan ku dhashay Soomaaliya in la ii xiro ama tuhun la iga qaado, mar kasta oo aan imaado wadanka Mareykanka, laakiin markan waxaan watey cadeymihii biladihii aan ku guuleystey inkasoo aanay qaadan ama rumaysan{Kooxaha baarayaasha}” ayuu yiri Mo Farah oo 29 sano jir ah.Mo Farah wuxuu sheegay in xiligii uu loo qabtey shakiga argagaxisnimada in uu ka yimid magaalada Toronto ee wadanka Canada, isagoo xusey inuu doonayey in uu ka qaato wadanka Mareykanka deganaansho ay u diyaarisay shirkada Nike oo uu kula jiro heshiis, uuna ku tababarto xarunteeda,

Wararka ayaa intaasi waxa ay ku darayaan in Mo Farah markii la weydiiyay su’aalo badan islamarkaan la aqoonsaday ayaa waxa uu sheegay in loo ogalaaday in u dhaqaaqo halkii uu doonayay.

Real Madrid oo bedelka Casillas u aragta David De Gea.

0

Real Madrid ayaa 22 milyan oo ginni ku dalban doonta goolhayaha kooxda Manchester United David De Gea xagaaga soo aadan, sida uu qoray wargeyska The Sun on Sunday.

Kooxda ka dhisan Isbaanishka ayaa soo dhaqaaqjin doonta 22-jirka goolka u qabta Manchester United, kaasoo 18 bilood ka hor deriskooda Atletico Madrid kaga dhaqaaqay 18.9 milyan oo ginni.

Tababaraha Real Madrid Jose Mourinho iyo goolhayaha 31-jirka ah Iker Casillas ayaa dagaal dhex maray xilli ciyaareedkaan. Waxaana la ogyahay inuu goolhayaha xulka Spain ee da’doodu ka yartahay 21-jirada De Gea uu diirada u saaran yahay.

Ilo ku dhow Real ayaa u sheegay The Sun: “De Gea sida muuqata waxaa doonaya Mourinho laakiin waa wax inta badan ku tiirsan mustaqbalkiisa.

“Laakiin wax ayuu baray De Gea sida ugu dhow aad ayuuna u xiiseynayaa.”

Barlamanka oo ansixiyay miisaaniyada

0

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta meel mariyay miisaaniyada sanadka 2013 ay ku shaqeynayso Xukuumadda Soomaaliya.

kulan ay maanta Magaalada Muqdisho ku yeesheen xubnaha Baarlamanka Soomaaliya oo uu ka mid ahaa Wasiirka maaliyada Xukuumadda Soomaaliya ayay Xildhibaanada ay ku meel mariyeen miisaaniyada sanadka ee Xukuumadda.

Fadhiga baarlamaanka ayaa waxaa soo xaadiray Xildhibaano gaaraya 177-waxaana ansixiyay Miisaaniyada Xukuumadda 176-iyadoo hal xildhibaan kaliya uu ka aamusay.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cabdala Cawad ayaa ku dhawaaqay natiijada ansixinta miisaaniyada sanadka ee Xukuumadda Soomaaliya.

Baarlamanka Soomaaliya ayaa horay u diiday ansixinta Miisaaniyada ay xukuumada ku shaqaynayso waloow maanta ay ogalaadeen.

Liverpool oo ku biirtay loolanka loogu jiro saxiixa Sneijder.

0

Sida ay qorayaan wargeysyada kasoo baxa dalka Italy Wesley Sneijder ayaa diirada u saaran kooxda Liverpool oo dooneysa inay lasoo saxiixato.

Warkaan xanta ah ayaa bogga hore kaga daabacnaa wargeysla La Gazzetta dello Sport kaasoo cadeeyey inay Reds horaanba heshiis la gaartay Inter Milan oo ay sida macquulka ah ugu kaxeysaneyso Sneijder.

Liverpool ayaa la dareensan yahay inay soo dhaqaajin karti 28-jirkaan kaasoo qandaraaskiisa lagu burburin karo 9.5 milyan oo ginni Inter ayaana door bidi karta inay iska iibiso Sneijder kaasoo Isbuucii mushaar ahaan kooxda kaga qaata 200 kun oo  ginni diidayna inuu dhimo.

Si kastaba, mushaarkiisa faraha badan ayaa laga yaabaa inuu hor istaago Liverpool, xilli laga yaabo in lagu garaaco Sneijder iyadoo uu Gazzetta cadeeyey in milkiilayaasha u dhashay America ay isha ku hayaan inay kooxda kusoo celshaan waayaheedii guulaha.

Sneijder ayaa la aaminsan yahay inuu doonayo inuu u dhaqaaqo Manchester United, halka uu Sir Alex Ferguson xidigaan si dhab ah u doonayo balse tababaraha Scottish-ka ah ayaa sheegay inuusan qorsheyneyn inuu Janaayo lasoo wareego wax ciyaartoy ah.

Kooxo kale ayaa lala xiriirinayaa Sneijder marka lagu daro Tottenham, Schalke, PSG iyo Anzhi laakiin sida muuqata laba koox oo keliya ayaa awood mushaarkiisa.

Sneijder ayaa u sheegay wargeyska Holland kasoo baxa ee De Telegraaf ka hor feystada Kirishtaanka: “Sida iska cad qof walba waa ay u fiican tahay hadii aan tegaayo inta lagu jiro bisha Janaayo.

“Hadii aysan midaasi dhicin, markaas waan joogi doonaa. Waxaan Inter kula jiraa qandaraas ilaa June 2015ka ah.”

Jose Mourinho: Meelna ugama socda Real Madrid.

0

Tababaraha kooxda Real Madrid Jose Mourinho ayaa meesha ka saaray inuu waqti dhow ka tago kooxdiisa wuxuuna qirtay inuu doonayo inuu ku guuleysto markiisii sedaxaad Uefa Champions League, uuna Rikoor u dhigo Koobka.

Macalinka u dhashay dalka Portugal ayaa noqon kara tababarihii u horeeyey ee Koobkaan kula guuleysta sedax kooxood oo ka dhisan dalal kala duwan hadii uu kooxda Spain ku hugaamiyo, halka ay sidoo kale guushaasi noqoto Koobkii Tobnaad ee Los Blancos.

Mourinho ayaa La Liga ku hugaamiyey Madrid sanadkii hore, laakiin hada waxay ku jiraan kaalinta sedaxaad, iyagoo 16 dhibcood ka dambeeya hugaamiyeyaasha Barcelona.

Tababarihii hore ee Porto, Chelsea iyo Inter Milan ayaa sidoo kale dhowaanahaan eedo loo jeedinaayey markii uu keydka cabsiiyey goolhaye Iker Cassilas.

Laakiin wuxuu sheegay inuusan meelna uga dhaqaaqeyn kooxda Bernabeu. Isagoo gaashaanka ku dhuftay wararka xanta ah ee la isla dhex maraayo.

“Ka dib guul darradii Sabtida ee Malaga, wax badan ayaan fikiraayey si taxadar leh ayaana xaaladeyda Real Madrid u qiimeynaayey,” ayuu yiri.

“Waa inay timaadaa hal wado oo dhamaad ah. Isbedelada Kubada cagta. Inta badan waa iska maalin kasta, daqiiqad kasta iyo inta badan Il-biriqsi kasta. Laakiin waxaa jira hal shey oo aan isbedelin, taasna waa fududahay waa macalinka kooxdu ay mar walba heysato.”

Arsenal, Liverpool iyo Tottenham oo isku heysta Lewis Holtby.

0

Kabtanka Xulka Jarmalka ee da’doodu ka yartahay 21-jirada Lewis Holtby ayaa wadahadalo la furi doona sedaxda kooxood eek ala ah Liverpool, Arsenal iyo Tottenham inta lagu jiro bisha Janaayo si uu ugu soo dhaqaaqo dhamaadka xilli ciyaareedka.

Holtby ayaa u sheegay kooxdiisa Schalke inuusan qandaraas cusub u saxiixi doonin wuxuuna u dhego taagayaa inuu si xor ah ugu dhaqaaqo Barclays Premier League.

22-jirkaan qadka dhexe ka ciyaara ayaa wadahadalo sanadka cusub la bilaabi kara kooxaha Liverpool, Arsenal iyo Spurs wuxuuna quud dareyanayaa inuu wadahal is-af-garad ah u saxiixo.

Aabaha dhalay Holtby ayaa ah nin u dhashay dalka Ingiriiska wuxuuna fursad u heli karaa inuu u ciyaaro xulka England ka hor inta uusan xirfadiisa caalamiga ah ka bilaabin xulka Germany, halkaas oo uu ku dhashay.

Holtby saaxiibki ayaa yiri: “Waxaa jira kooxo badan oo Ingiriis ah oo xiiseynaya hamigiisuna waa inuu u dhaqaaqo Premier League.”

Arsenal ayaa horaan wakiil daawada u dirtay Schalke xilli ciyaareedkaan oo ah kooxda uu u ciyaaro Holtby waana intii ay kooxda Jarmalku ciyaareysay marxada Group-yada ee Champions League.

Balse Gunners ayaa loolan adag kala kulmeysa kooxaha Liverpool iyo Tottenham.

Guddigii Baarlamaanka u xil saaray heshiiskii Somalia iyo Turkiga oo ku baaqay in la ansixiyo (Aqri qodobada)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddi Baarlamanka Somalia u xil saaray dib u eegista heshiis Somalia iyo Turkey-ga ku dhex maray Ankara, ayaa soo jeediyay in la ansixiyo heshiiskaasi oo ah mid milatari.

Heshiiska, ayaa waxaa kala saxiixday wasaaradaha difaaca ee labada dal, intii lagu guda jiray socdaal madaxweynaha Somalia iyo wafti uu horkacayay ay ku tageen dalka Turkiga.

Qodobada Heshiiska ee la soo jeediyay in la ansixiyo ayaa waxaa ka mid ah:-

– Wadashaqeynta tababarka ciidamada,
– Tababarka saraakiisha oo loo dirayo kulliyada abaanduulka,
– Tababarka saraakiisha loo dirayo kulliyada caafimaadka,
– Tababarka saraakiisha loo dirayo kulliyada dhanka jiheynta iyo dhulka [topography],
– Tababarka saraakiisha loo dirayo dugsiyada sare ee militariga,
– Tababarka ciidamada iyo saraakiisha heeganka ee dugsiga sare,
– Isweydaarsiga wufuuda saraakiisha militari,
– Ka qeybgalka carbisyada wadajirka ah,
– Iskaashiga dhanka tababarka Saadka ciidamada (logistics)
– Xoojinta nabadda,
– Gargaarka aadamiga,
– Ka hortagga burcad badeeda.

Xubnaha guddigaasi ayaa waxaa ay kala yihiin:-

1- Jen Muuse Xasan Cabdulle (Gudoomiye)
2- Admiral Maxamed Maxamuud Xayd (xubin)
3-Jen Axmed Geedi Jimcaale  (xubin)
4- Xuseen Carab Ciise
5- Jen Bashiir Goobe
6- Col. Axmed Mayow Cabdulle (Col. Ruush)

Haddaba xubnahaasi ayaa u sheegay Baarlamanka in heshiisku yahay mid u wanaagsan Somalia, sidaa darteedna ay ku talinayaan in baarlamanku ansixiyo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Wasiirka arr. gudaha oo faah-faahiyay qorshaha sugida amniga Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arimaha gudaha iyo Amniga Qaranka C/Kariin Xuseen Guuleed, ayaa ka hadlay xaaladda ammaan ee magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia iyo qorshaha dowladda ee ku aadan sugida amnigeeda.

Cabdi Kariim, ayaa wacad ku maray in Ammaanka maagaalada Muqdisho ay wax badan ka qaban doonaan.

Qorshaha Xukuumada Soomaaliya ee ku aadan howlaha Amaanka Muqdisho, ayaa wasiirku waxa uu sheegay inuu yahay mid la dejiyay oo is-beddel weyn sameyn doona.

C/Kariin Xuseen Guuleed, ayaa sheegay in Muqdisho loo samaynayo Ciidamo gaar ah oo amaankeeda suga, soona celiya nabad galyadii hore oo ay la hayd caasimada.

Wasiirka waxaa uu u digay dadka Sharciga aan hubka ku wadin inaan lagu arki karin gudaha magaalada ama aan ahayn qof  ka madax banaan dowlada.

Amaanka Caasimada Soomaaliya, ayaa soo hagaagayay dhowaanahan, laakiin waxaa jiro kooxo maleeshiyaad ah oo hub isaga dhex wata magalaada.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Faroole oo beeniyay arrin lagu heystay muddooyinkii dhowaa

0

Garowe (Caasimada Online) –Madaxwaynaha Maamulka Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamad Faroole ayaa ka hadlay wararka sheegayay inuu sii dheeraysanayo Waqtigiisa Madaxwaynaha Puntland.

C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole  mar uu ka hadlay Xasaradaha siyaasadeed ee ka jira Puntland, waxaa uu sheegay inaysa jirin Mudo kororsiga la sheegay.

Wuxuu sheegay inuu dhamaysanayo Shanta Sano ee ku qoran dastuurka Maamul Goboleedka Puntland.

Faroole ayaa ku faanay in Musharaxiinta Xilkiisa u tar tamaya ay isaga ka baqayaan in markale uu  doorashada ku soo baxo.

Ma lahan buu yiri Wax kalsooni ah ah dadka dhan ee doonaya in Umad dhan ay hogaan u qabtaan ayna ka fidinayaan dacayado raqiis ah.

Madaxwaynaha Puntland hadalkiisa ayaa waxaa uu yimid xili ay dibad baxyo balaaran oo isaga looga soo horjeeday ay ka dhaceen  Magaalada Gaalkacyo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garowe

[email protected]