27.1 C
Mogadishu
Wednesday, July 22, 2026

Farmashiyaal ku yaala Kismaayo oo wax aan laga fileyn laga helay caawa

Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in ciidamada Dowlada Soomaaliya halkaasi ay caawa ka wadaan baaritaano adag oo lagu baadi goobayo dadka amni darada ka geysnayo magaalada.

Sida dadka deegaanka ay u sheegeen Caasimada Online ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa waxay magaalada kasoo qabteen waxyaabaha qarxa iyo hub,waxaana ay xabsiga u taxaabeen dadkii lagu soo qabtay xubka.

Ciidamada Dowlada ayaa gudaha u galay dhowr farmashiyayaal oo ku yaala bartamaha magaalada waxaana la sheegay inay soo qabteen waxyaabaha qarxa oo ku jiray farmashiyeyaasha iyo bastoolado.

Dadka deegaanka oo ka agdhow goobta howlgalka uu ka dhacay ayaa sheegaya in ciidamada ay kaxeysteen wilal gadayay Farmashiyeyaasha kuwaasi oo la dhigay xabsiga magaalada.

Dhanka kale waxaa magaalada ka socda caawa baaritaano adag,iyadoo dadka lagu soo rogay bandow ku eg xiliga salaada Subax ee Geeska Africa.

Kismaayo seddexdii habeen ee lasoo dhaafay waxaa ka dhacay dilal qorsheysan oo loo geystay dad rayid ah.

Saddex Nafood….!!! (Qiso Jaceyl oo xanuun badan, Qeybti 3-aad)

Qeybti 3-aad qeybihi hore halkan ka aqriso   Qeybti 1-aad  Qeybti 2-aad

Jaariyadda xun ee gurigan ka shaqaysa bal iyada ka warran? Dhawr jeer oo horena waad ka fekertay, laakiin malaha iyadu weligeedba kaama ay fekerin? Ma qurux liidato laakiin dabeecadda ayey ka arradday. Dabeecaddeeda maxaa kaa galay wax aad isku daweysid uun sow dooni maysid? Maxaa kaa geli waayey sow la noolaan maysid oo carruur kuu dhali mayso? Waar nolol iyo carruur lahaane naftaadan besteeda ah meel dhig! Laakiin waxay kaga dartay kibirka, adeegto in ay tahayba isuma haysato. Kibirkeeda maxaa kaa galay, iyada ayaaba shaqaysata oo kirada kula bixin lahayde? Naag iyada kaaga habbooni ma jirto ee berri la hadal. Wax uun baad yeeli lahayde horta habeenkan baas mar uun yaa dhammeeya!

Imika bal adeegtada ka feker. Sariirteedii xumayd ayey ku jiiftaa. Sidee bay u jiiftaa, ma dhabarka mise beerka mise dhinac? Maxay gashan tahay? Billay qaawan tahay? Qaawanaan? Ma muddug? Ma iyada oo dhabarka u jiifta ayey haddana qaawan tahay? Oo markaa maxaaba u qarsoon? Acuudu billaahi mina sheydaani rajiim! Istaaqfurullah! Caawa sheydaan baa kugu shaqaystay. Kitaab Ilaahay baad gacanta ku haysaa waxaana waad ku fekeraysaa! Laakiin in laga fekeraa ma denbi baa? Mooyi, mooyi, horeba waa adigii jawaab ugu waayey.

Laakiin iyada iyo Siraad toodee qurux badan? Isuma dhowa, Siraad baa si walba u qurux badan. Laakiin jaariyadda dusha uun baad ka aragtay ee iyada oo qaawan ma aad arag. Laakiin bal malee? Kollay naasaheeda iyo caloosheeda diraca ka muuqda wax loo dhigaa ma jiraan. Balaayadu waa isku wada mid; waa tii la yidhi sheydaan baa xayaysiiya oo marka ay soo jeedaan naasaha ruxa marka ay sii jeedaanna badhida. Kii allekoodka ahaa ee maalintii dhoweyd baska ka dhex sheekaynayey muxuu lahaa?: “Sheydaan ma ruxo ee malaa’ig baa ruxda.” Imaanka Alle kaa qaad! Kaasi isaga ayaaba sheydaan ahaa. Malaa’igta maxaa naasaha iyo badhida dumarka u geeyey! Laakiin in uu sheydaan ruxo qudhaadu yaad ka maqashay? Ma aayad baa mise waa xaadiis? Mise waa iska wax kale? Horta cid ruxdaba shaki kuma jiro in la ruxo.

Ciddii doontaa ha ruxdee imika ma waxaad leh dahay adeegtadu guntiinadii ay ku seexatay waa ay ka furantay oo qaawanaan ayey dhabarka u jiiftaa? Haddii aad daaqadda ka eegi lahayd qolkeedu waa mugdi. Haddii aad u tagtid oo legga ka gashid maxay samayn lahayd? Marka ay toosto ee ay ku garato maxay yeeli lahayd? Miyey qaylin lahayd? Mise si xariifnimo ah ayey isu seexin lahayd? Mise wax bay kula maamuli lahayd? Inkaari ku dhacday armay qaylin lahayd? Oo maxay la qaylinaysaa miyaad dishay? Iyaduba sow nafley ma aha oo xanuunka aad qabtid kulama qabto? Xanuun? Xanuun maxay ah?

Laakiin haddii ay iska aamusto bal ka warran? Sow sidaasi ma dhici karto? Haa. Ka dibna? Inta aad labada naas xantoobo ka buuxsatid oo midba mar cantuugtid, ayaad haddana dhegta iyo dhabanka ka qaniini lahayd, dabadeed labadeeda bawdu ku dhex libdhi lahayd. Ku dhex libdhid? Ma dalaq? Ma naag aadan Shareecada Islaamka ku qabin? Istaaqfurullah! Istaaqfurullah! Istaaqfurullah! Ilaahow tooba!

Laakiin balaayadu armay gabadh tahay oo aanay in lagu dhex libdho oggolayn? Haddii ay ku dhex libdhid noqoto Siraad baa dhaanta oo sida la isugu libdho taqaan. Laakiin taasi waa macsi dheeraad ah waayo waa naag la qabo. Haddii la qabo maxay daaqad furan iyo ilays shidan isugu qaawinaysaa? Haddii ay isku qaawiso sow gurigeedii ma aha? Haddii uu gurigeedii yahay daaqadda sow ma ay furin? Haddii ay furtay sow kulayl ma jirin? Maya, maya, iyada ha eersan ee berri adeegtada guurso, ama tii digirta karin jirtay………..LA SOCO QEYBTA XIGTA JIMCAHA XIGA INSHA ALLAH

W/Q: Ibraahin Axmed Yuusuf (Hawd).

Amar adag oo deg deg ah oo la dul dhigay shacabka Kismaayo.

Ciidamadda iyo maamulka magaalada Kismaayo ayaa waxay amar adag ay dul dhigeen shacabka ku dhaqan magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose.

Ciidamada maamulka magaalada ayaa ku amray shacabka magaalada Kismaayo inaysan dhaqdhaqaaq sameyn karin laga bilaabo lixda maqrib ilaa shanta subaxnimo xiliga Soomaaliya.

Arintaan ayaa saameyn xoogan ku yaalan doonto haweenka iibiya qaadka iyo haweenka caanaha ku iibiya bartamaha magaalada Kismaayo kuwaasi oo la sheegay in xilli dambe ay ku gaari jireen magaalada.

Arintaan waxaa ciidamada ay ku sheegeen inay tahay mid looga hortagayo amni darada kismaayo ku soo korortay magaalada Kismaayo maalmihii ugu dambeeyay.

Magaalada Kismaayo waxaa maalmihii ugu dambeeyay ka dhacayay dilal qorsheysan kuwaasi oo loo geystay dadka shacabka ah ee ku dhaqan magaalada Kismaayo.

Koonfur Africa: Bile oo Bilaawe lagu bireeyey (Fal argagax leh oo wiil Somali ahaa ku qabsaday E. Cape)

Muwaadin Soomaali ah ayaa xalay dhallinyaro kale Soomaali ah waxa ay ku dileen Magaalada King Wilmes oo ka tirsan Gobalka Eastern Cape ee dalka Koonfur Afrika.

ALLAHA u naxariistee Wiilkan dhintay oo magaciisa la iigu sheegay Bile, ayaa dhallinyaro Soomaali ah oo muran xagga ganacsiga ah uu kala dhaxeeya waxa ay kala dageen marxuumka gaari uu lahaa, iyagoo ka dibna mindi ama toorey kaga dhuftay surka taasi oo sababtay inuu durbadiiba ku geeriyoodo isla goobta uu falku ka dhacay, waxaana warar aan wali si rasmi ah loo xaqiijin ay sheegayaan in Bile qoorta looga jaray mindida, balse Booliska ayaa laga war sugayaa oo hadda meydka marxuumka gacanta ku haya.

Muranka dhalinyaradani Soomaaliyeed ayaa salka ku haya meherado ganacsi oo la isku ag qabtay, taasi oo aalaaba dalkani Koonfur Afrika caado ka noqotay in lagu dagaalamo maxaa dukaankaaga ganacsi iigusoo dhawaysay.

Booliska K/Afrika, oo hareereeyey goobta, ayaa maanta la wareegay meydka Marxuum Bille, iyagoo sheegay inay baaritaano deg deg ku samayn doonaan qaabkii loo dilay muwaadinkani Soomaaliyeed iyo cidda ku gacansiisay Soomaalidan inay si dhuumaalaysi ah u baxsadaan.

By C/risaaq IndhaJaceyl

Cape Town, South Africa

E – Mail : – [email protected]

Madaxweyne Xasan oo Waraaqaha Aqoonsi ka gudoomay Safiirka EU-da.

21-sano kadib ayaa maanta Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu ka Guddoomay warqadihiisa aqoonsiga Safiirka cusub ee Soomaaliya ufadhin doono Midowga Yurub kaasi oo dhawaan lasoo magacaabay.

Kadib Xaflad ka dhacaday Aqalka madaxtooyada ayaa Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu kulan kula qaatay wafidagan uu horkacayo safiirka cusub ee Midowga Yurub  Madaxtooyada waxaana kulankooda uu kaga guddoomay warqadaha aqoonsiga ee safiirnimo.

Kulanka kadib ayaa waxaa shirjaraa’id si wadajir ah u qabtay Wasiirka arimaha Dibada Xukuumadii hore C/laahi Xaaji Xasan Iyo Safiirka cusub ee Midowga Yurub u fadhin doona dalka Soomaaliya Cervone Diulso kuwaasi oo labada ka sheekeey muhiimada safaaradan ay uleedahay dalka Soomaaliya.

Intaa kadib Ku simaha wasaarada arimaha dibada Xukuumadda Soomaaliya C/laahi Xaaji Xasan oo ugu horeen halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in safiirkaan cusub ee Midowga Yurub uu sii xoojin doono xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo 20-sano ee lasoo dhaafay wanaagsanaa.

Cervone Diulso Safiirka cusub ee Soomaaliya Midowga Yurub ayaa isna dhankiisa sharaxay qorshaha Midowga Yurub ee safaaradan cusub isaga oo xusay in muddo 21-sano kadib uu isaga noqday safiirkii ugu horeeyay ee loosoo magacaabo Soomaaliya.

Tani ayaa waxaa ay Muujinaysaa in Muqdisho ay ku soo noqotay Muqdishadii la yaqiinay Waagii bari Samaadkii.

 

Xog iyo Gorfeyn: Sirta ka dambeysa booqashada Gaas ee Puntland iyo war aan farxad u lahayn Faroole.

Ra’iisul Wasaarehii hore ee Somalia Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas, ayaa shalay gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobollka Mudug, kadib markii uu kasoo farxashay howshii uu ka hayay Dowladda Federaalka Somalia.

Markii Prof. Gaas uu halkaas tagay aad ayaa loo soo dhweeyay, waxaanu yiri erayo ay ka mid ahaayeen “Waxaan usoo laabtay inaan ka qeyb qaato oo kaalinteedu ku biiriyo horumarka Puntland, dadkana aan la tashto”

Marka la fiiriyo booqashada Gaas, xilliga ay kusoo beegmatay, xaaladda siyaasadeed ee Puntland iyo inay ka go’an tahay inuu halkaas muddo sii joogo, waxaa soo baxay su’aalo siyaasadeed iyo war aan farxad u lahayn Madaxweynaha Puntland Cabridraxmaan Faroole.

Ujeeda Booqashada Gaas.

Gaas, waxa uu arkaa fursad dahabi ah oo uu kula wareegi karo hogaanka Puntland, isaga oo dhinacyo badan wax ka eegaya, taageero xooganna heysta.

Xaaladda Puntland ayaa ah mid iminka cakiran. Faroole waxa uu waqtiga kaga eg yahay 8-da January ee 2013, hase yeeshee waxaa ka go’an inuu shan sano oo kale ku darsado, habkuu doono ha usoo maro’e sharci iyo sharci la’aan intaba.

Hase yeeshee Faroole farqaha ayaa lagu dheggan yahay, oo waa laga diidan yahay inuu dastuurka ka tallaabsado.

Xog aan helnay ayaa sheegeysa in Gaas uu deegaanada Puntland ka billaabi doono olole deg deg ah, balse xoog ku socon doona, isaga oo adeegsanaya lacag iyo taageero shacbi, si uu u noqdo Madaxweynaha Puntland.

Socdaalkiisa kuma koobna oo kaliya Gaalkacyo, ee waxa uu mari doonaa deegaanada Puntland oo idil, haba ugu weynaadaan’e Garoowe, Boosaaso, Qardhow iyo kuwa kale.

Faroole oo aan la dooneyn.

Intii uu hayay xilka ra’iisul wasaarenimada Somalia, Gaas waxa uu ogaaday in siyaasadaha Faroole aysan u wanaagsaneyn dadka deegaanka iyo Soomaalida oo idil, taasi oo Faroole uu ku kasabaday mucaarado xoogan, sidaa darteedna uu meesha ka tuuri karo.

Dad badan oo reer Puntland ah ayaa aaminsan in maqaamka Puntland ee Somalia uu yahay mid aan daah saarneyn, hase yeeshee siyaasdaha kaligii talisnimo ee Faroole ay Puntland wax badan ku seegtay, ayna muhim tahay in Faroole uu meesha ka baxo.

Inkasta oo aysan ahayn xeer qoran, haddana xeer beeleedka Puntland, ayaa muujinaya in beesha Faroole ay qaadatay shanteedii sano, ayna tahay waqtigii ay jagada kusoo laaban lahayd beesha Gaas.

Xusuuso waxay ku billaabatay Cabdullahi Yuusuf, Cadde Muuse iyo Faroole, waana markii ay kusoo laaban lahayd jufada Gaas iyo allaha u naxariistee Madaxweyne Yuusuf, mana jiro qof iminka ka mudan Gaas, oo beesha ay soo xulan lahayd.

Waxaa kale oo xusid mudan in marka laga reebo labada beel oo ay kasoo kala jeedaan Gaas iyo Faroole, beesha gobolka Bari ay si aad ah u diidan tahay Faroole, taasi oo war wanaagsan u ah Gaas.

Taageerada DF.

Gaas waxa uu madaxweynenimada ku taageeray Xasan Sheikh, wuxuuna si marxabeyn leh xilkii uu hayay ugu wareejiyay Saacid, isaga oo aqbalaya siyaasadda cusub ee ah “Wejiga cusub”, waxaana taas beddelkeeda uu ka helayaa taageero xoogan.

Ilo wareedyo ku sugan Villa Somalia, ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in madaxda Somalia ay si buuxda gadaal uga riixayaan sidii Gaas uu ula wareegi lahaa maamulka Puntland, taasi oo ay u arkaan inay aad isugu soo dhoweyn karto Dowladda dhexe iyo Puntland.

Xasan Sheikh, ayaa rumeysan in Puntland ay leedaahay miisaan siyaasadeed culus, oo ay muhim u tahay dowladda dhexe, sidaa darteedna ay lagama maarmaan tahay sidii loo fariisin lahaa qof lala macaamili karo.

Qorshaha Gaas ma ahan mid hadda billowday, ee wuxuu socday muddo tan iyo markii uu ogaaday inuusan madaxweynaha Somalia heli doonin iyo ra’’isul wasaare midna, sidaa darteedna u Puntland u arkay fursad muhim ah iyo sidoo kale maqaam uu mar kale gorgorton siyaasadeed ku gali doono.

Faroole iyo Gaas waxa ay kala tageen muddo fog markii uu Faroole xansaday qorshaha siyaadadeed ee Gaas.

Si kastaba ku labaashada Gaas ee Puntland ma ahan war farxad u leh Faroole, oo lama oga sida uu madax xanuun ka yahay iminka. Hadadad dooneyso caddeyn, booqo website-ka radiyaha ku hadla afka Faroole iyo maamulka Puntland ee uu maamulo Maxamed Faroole oo ah wiilka Faroole ee Garoweonline.com, kaasi oo marnaba aan laga baahin booqashadii Gaas ee Gaalkacyo, xilli warbaahinta Soomaalida oo idil oo ay ku jirto Caasimda Online ay si wanaagsan uga hadashay.

W.Q: Axmed Cali Sheikh

Tifaftiraha Caasimada Online.

Ra’iisul Wasaare Saacid oo u ballan qaaday shacabka 11 qodob.

Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Somalia C/qaadir Faarax Shirdoon, ayaa shaaca ka qaaday qodobo dhowr ah uu xooga saari doona ama uu sameyn doono inta uu yahay ra’iisul wasaaraha dalka.

Shirdoon ayaa u ballan qaaday shacabka Soomaaliyeed in arrimaha ugu waawayn ee uu xooga saarayo afarta sano ee soo socta inay tahay:-

1 – Hagaajinta ammaanka.
2 – Ku soo celinta dadka bara kacay guryahooda.
3 – Bixinta adeegyada bulshad.
4 – Dib u noolaynta dhaqaalaha qaranka.
5 – Abuuridda jawi wanaagsan oo maalgashi.
6 – La dagaalanka musuqmaasuqa, xag jirnimadda, argagixisanimadda iyo burcad badeedda.
7 – Hagaajinayo nidaamka garsoorka
8 – Dhisidda dawlad tayo leh.
9 – Sii wadidda dib-u-heshiisiinta qaran.
10 – Iaalinta midnimada Soomaaliya.
11 – Dib usoo celinta dawrkii Soomaaliya ee masraxa caalamka.

Ra’iisul wasaare Shirdoon ayaa sidoo kale yiri “Dawladaydu waxay ka shaqayn doontaa in ay dhisto xidhiidh ku dhisan wada shaqayn iyo is ixtiraam la geesood ah oo ku aaddan waddamada dariska ah iyo beesha caalamka,”

“Dib ayaan u hindisi doonaa dawrka Soomaaliya ee caalamka iyo urur gabaleedyada ay Soomaaliya xubno ka tahay si aan u soo celino sharaftii iyo maqaamkii Soomaaliya ee masraxa caalamka.”

Shirdoon ayaa la rajaynayaa in uu dhiso golohiisa wasiiro maalmaha soo socda. Dastuurka Soomaaliya ayaa siinaya ra’iisul wasaaraha 30 maalmood si uu u soo dhiso gole wasiiro uuna hor keeno baarlamaanka si loo ansaxiyo.

Dowladda “Ajnabigii Meydkiisa laga helay Xeebta Jazeera, wuxuu ahaa xubin Al-Qacida ah” (Dhageyso)

Saraakiisha Ciidamada Somalia, ayaa ka warbixiyay meydka nin shalay laga soo qaaday xeebta Aljazeera ee magaalada Muqdisho. Waxaa shir  jaraa’id magaalada Muqdisho ku qabtay taliyaha booliiska gobolka Banaadir General Axmed Xasan Maalin iyo taliyaha ciidamada Nabad sugidda gobolka Khaliif Ereg, waxana aay sheegeen inuu ninkaas ka mid ahaa saraakiisha Al-Qacida.

Halkan ka dhageyso Codkooda.

Cayil iyo Caato midkii aad tahayba, qormadan aqri (Fadlan)

Siyaabaha Miisaankaaga loo maareeyo

In aad si xaad dhaaf ah u cayisho waxay halis weyn kuu gelineysaa dhibaatooyin caafimaad sida dhiig kar sare, sonkorow iyo wadne xanuun. Kala doorashooyin caafimaad samee maalin walba halkii aad marna cunto cuni lahayd marna iska joojin lahayd.

Si tartiib ah u luminta 227 garaam – 1 kiilo toddobaadkiiba ayaa ugu wanaagsan. Haddii aad miisaan badan si deg deg ah u lumiso, badanaa cayilku dib ayuu kuugu soo noqonayaa.

• Cuntooyin ha ka boodin. Maalinta ku billaabo quraac caafimaad leh. Cunidda ugu yaraan 3 cunto maalin kasta waxay jirkaaga ka caawinaysaa inuu helo tamarta uu u baahan yahay waxayna kaa celinaysaa baahida.

• Xakamee cabbirka qaybtaada. Isticmaal saxan yar isla markaana qaado xaddiyo yar oo cuntooyin kala duwan ah. Ilbiriqsiyo ka dib ha ku noqonnin.

• Cun markaad gaajooto. Ka fogow in aad cunto u cunto in aad isku dejiso, ama in aad caajistay ama diiqootay awgeed. Soco ama wax aad ku raaxaysato samee.

• Qor cuntada aad cunto oo dhan. Ku soo dar nooca cuntada, xaddiga iyo waqtiga aad cuntay. Tani waxay kaa caawinaysaa in aad noqoto mid aad ula socda si markaas aad u awooddid in aad si fiican u maareyso cunto cunkaaga.

• Jir dhis samee. Ka soo hubi takhtarkaaga ka hor inta aadan billaabin jir dhis joogto ah. Noqo mid aad u fir-fircoon adigoo jaranjarada qaadanaya ama baabuurkaaga meel fog soo dhiganaya. U qasad in aad jir dhis sameyso 1 saac maalin walba, ugu yaraan 5 maalmood toddobaadkii adigoo sameynaya hawlaha sida socosho, bushkuleeti fuulid, dabbaalasho, orod iyo meel sare fuulid. Fasallada lagu barto jir dhisku way ku caawin karaan.

• Iska xaddid sonkorta iyo mac-macaannada. Iska xaddid cuntada ay ku jirto sonkorta lagu daray sida mac-macaanka, doonaatka, buskudyada iyo nac-naca. Kuwaani waxay leeyihiin kalooriyo fara badan iyo nafaqo yar. Cabitaannada u isticmaal macaaneeye macmal ah halkii sonkor aad ka isticmaali lahayd.

• Biyo cab. Dadka cabba biyo fara badan waxay u badan yihiin in ay lumiyaan miisaan badan. Cab 6-8 koob oo biyo ah maalin kasta.

• Ka taxaddar marka aad dibedda cunto ka soo cuneysid. Marka aad dibedda cunto ka soo cuneyso, dooro maraq iyo khudrad ama cuntooyin yar-yar oo dufanku ku yar yahay. Weydiiso suugo iyo labeenta ansalaatada la marsado. Haddii qaybuhu ay ballaaran yihiin, wax ka wadaag saxan ama kala bar guriga u qaado.

• Cunto fudud oo caafimaad fiican leh. Ku raaxayso furuto aan la warshadayn, khudrad, ama garoor fudud oo aan dufan lahayn halkii aad ka cuni lahayd cuntooyin fudud oo la soo baakadeeyey. Qarjawleyaasha dufanku ku yar yahay, siiriyaalka iyo boorashku cuntooyin fudud oo fiican ayey noqdaan.

• Isticmaal dufan yar marka aad cunto karineyso. Dub, bir iyo dhuxul ku dub, sol, ama uumi ku kari cuntada halkii aad ka shiili lahayd. Baruurta iyo maqaarka ka jar hilibka. Dufanka ka miir.

• Noqo dukaan wax ka soo iibsade caqli badan. Cuntooyinka horey u sii qorsheyso. Isticmaal taxane kana fogow dukaan wax ka soo iibsashada markaad aad gaajaysan tahay. Soo iibso furuto, miro wadajira, khudrad, cuntada badda, digaag iyo hilib caato ah. Haddii aad cunto waxyaabaha caanaha laga sameeyo, soo iibso kuwa aan dufan lahayn ama uu ku yar yahay.

Isbeddello yar-yar waxay horseedi karaan natiijooyin wanaagsan. halkaan ku waydii haddii aad wax su’aalo ama walaac ah qabtid.

Waxaa diyaariyay Xiriirka Caafimaadka Soomaaliyeed.

Jose Mourinho: Waa la dhaafay waqtigii Barcelona mana ahan in la is daaliyo.

Tababaraha kooxda Real Madrid Jose Mourinho ayaa rumeysan inuusan jirin tusmo loogu daydo Barcelona ka dib markii ay gacmaha Real Madrid La Liga halka ay Chelsea sanadii hore ka reebtay Champions League.

Catalans ayaa inta badan lasoo jeedinaayey inay tahay koox mudan in lagu daysado ka dib guulohoodii dhowaanahaan, laakiin Ninka reer Portugal uma muuqato falsafad kubadeed Barca iyo inay tahay koox quwadeedii luntay.

“Waxaan u maleynayaa in la gaaray goortii ay dadku iska dhaafi lahaayeen ka hadalka Barcelona,waan inaysan dadku is xiijin is bar-bar dhig ay nagula sameeyaan,” ayuu Special One u sheegay  France Football.

“Waa maxay sababta ay dadku uga hadlayaan Barca? Real Madrid ayaa ah horyaalka Spain, Chelsea-na waa horyaalka Yurub. Barcelona waqtigaan ma ahan labadaasna midkood.”

W/Q: Ahmed Farah Salaad Jaangoan

E-mail: [email protected]

Mogadishu, Somalia.

Jack Wilshere oo lagu daray kooxda Arsenal ee la ciyaareysa Norwich City.

Jack Wilshere ayaa lagu soo dari doonaa kooxda Arsenal ee la ciyaareysa Norwich, sida uu akoonkiisa Twitter –ka ku xaqiijiyey wakiilkiisa Simon Bayliff.

Lama filaneynin inuu ka mid ahaado kooxda Gunners ay wajaheysa Canaries laakiin waxaa jira fursado u banaan oo ah inuu soo fariisto kursiga keydka sida aan kasoo xiganay wargeyska Talk Sport.

Bayliff ayaa ku qortay akoonkiisa Twitter: “Waxaan idiin sidaa laba war oo farxad leh oo maalmo isku xiga inta badan dhicin. Jack wuxuu ka mid noqday kooxda koowaad ee Arsenal Football Club ee u safartay Norwich !! Waana wax lagu farxo.”

W/Q: Ahmed Farah Salaad Jaangoan

E-mail: [email protected]

Mogadishu, Somalia.

Roberto Di Matteo oo diiday inuu ka hadlo hadii uu John Terry sii ahaanayo kabtanka Chelsea.

Tababaraha kooxda Chelsea Roberto Di Matteo ayaa diiday inuu ka hadlo hadii uu John Terry sii ahaanayo kabtanka kooxda.

Terry ayaana la ganaaxay afar kulan iyo 220 kun oo ginni, ka dib markii lagu helay inuu hadalo cunsuri ah u adeegsaday daafaca QPR Anton Ferdinand.

Terry oo aqbalay khamiistii ganaaxa, ayaa raali gelin ka bixiyey inuu isticmaalay luqadaas, halka loo qorsheynaayo inay Chelsea ciqaab marsiiso ciyaaryahanka, laakiin bedelkii banaanka ay usoo bixin lahaayeen ciqaabta la marsiinayo waxay ka dhigan doonaan mid sir u ah kooxda.

Di Matteo ayaa sheegay in Terry uu ogyahay hadii uu Chelsea kabtan usii ahaanayo – laakiin tababaraha ayaa diiday inuu qaato go’aan rasmi ah.

“Si waadac ah ugama hadalno ciqaabaheena dishibiliinka ee aan ku qaado ciyaaryahanadeena. Waxay u tahay mid qarsoodi ah. Waa inaad sugtaa aadna aragtaa,” ayuu yiri macalin Di Matteo.

“Waxyaabaha dhexdooda ah, iyo ficilada aan ku sameyno ciyaaryahanadeena, ma aan dooneyno inaan banaanka soo dhigni.”

Mar wax laga weydiiyey hadii uu Terry sii ahaanayo kabtanaka Chelsea, Di Matteo ayaa yiri: “Sanado badan ayuu halkaan soo joogay wuxuuna tusay tayadiisa.”

W/Q: Ahmed Farah Salaad Jaangoan

E-mail: [email protected]

Mogadishu, Somalia.

Fiorentina oo 8 milyan ku dooneysa weeraryahanka Man Utd Javier Hernandez.

Javier Hernandez Chicharito ayaa ku socda wadadii uu kaga tegi lahaa Manchester United  iyadoo ay Fiorentina isku diyaarineyso inay dalab 8 milyan oo ginni ah u diraan weeraryahanka reer Mexico, sida uu qoray wargeyska Daily Mail.

Hernandez ayaa hadda keliya ku bilowday hal kulan oo Barclays Premier League ah, wuxuuna dooq ahaan weerarka kooxda uga dambeeyaa Robin van Persie, Wayne Rooney iyo Danny Welbeck.

Kooxdiisa ayuu la galay shan sano oo qandaraas ah 12 bilood ka hor, laakiin wuxuu u baqooli karaa Serie A ka dib markii ay ku adkaatay inuu helo boos joogta ah.

Kooxda ka dhisan Talyaaniga ayaa xidigaan u balan qaaday mushaar dhan 80 kun oo ginni isbuucii, waxeyna rajo ka qabaan inay sanada dambe ka qeyb galaan Uefa Champions League.

W/Q: Ahmed Farah Salaad Jaangoan

E-mail: [email protected]

Mogadishu, Somalia.

Diouf: Gerrard waa maseyroow, mana kala jecla guusha ama guul darrada Liverpool.

Xidigii hore ee kooxda Liverpool El Hadji Diouf ayaa weerar ku qaaday kabtanka haatan ee Reds Steven Gerrard – wuxuuna ku tilmaamay inuu yahay ciyaaryahan keligiis wax walba isla jecel isagoona ku sheegay inuu yahay maseyroow.

“Gerrard wuxuu iga maseyri jiray markii aan caalamka isku baray cagteyda. Waa nin kaligiis wax walba isla jecel…. Waxba iskama saaro qof kale.

“Garrard wuxuu ka jecelyahay inuu gool dhaliyo inay kooxda guul darro soo gaarto. Ciyaartoydii hore wax necbaayeen. Ha igu qasbin inaan xitta bilaabo ka hadalka [Jamie] Carragher.”

El Hadji ayaa usoo ciyaaray , Rennes, Lens, Bolton, Sunderland, Blackburn, Rangers iyo Doncaster wuxuuna hada u ciyaaraa isagoo 31 jir ah kooxda Leeds ee ciyaarta Championship-ka England.

W/Q: Ahmed Farah Salaad Jaangoan

E-mail: [email protected]

Mogadishu, Somalia.

Ma taqaan hadallada haweenka xusuusta ku reeba?

Habluhu ma sinna, isku dooqna ma aha, midba wax gaar ah ayay xiiseysaa. Xeeldheerayaasha daraaseeya umuuraha haweenka waxa ay isku raaceen in quluubta dumarka ay aad u jilicsantahay markii uu jiro ruux gayaankeeda ah oo kula dabaasho mawajadaha cidlada iyo moolasha badan ee badweynta Caashaqa.

Akhrostow waxaan halkan kuugu soo uruuriyay qaar kamid ah hadalada ay jecelyihiin haweenka in dhagahoodu ay maqlaan. Erayadan kooban waxaa la sheegay in ay xiiso iyo xusuusba ku reebaan haweynka.

Waan ku jeclahay’ sadaxddan eray waa kuwa kaliya oo aysan dhagaheeda ka daalin inay maqlaan,inkastoo ay ogtahay inaad jeceshay suurtagalna aysan aheyn inaad noolaato la”aanteed hadana ku celcelintooda waxay dareensiiyaan reyreyn gaar ah.

‘Waxaan jeclahay cumrigeyga inta ka dhiman inaan adiga kula qaato’

‘Waligeey kuma qiyaanaayo’

‘Waad quruxbadantahay’ macnaha ma aha kaliya inay muuqal ahaan qurxoontahay waxay koloo muujineysaa in nafsiyan ay tahay mid quruxbadan.

‘Waxaad tahay qofkii ugu quruxda badnaa ee aan waligey dhaayo saaro’

‘Waan nasiibbadanahay maxaayeelay adiga ayaan ku helay’

‘Saaxiibaddaa waad ka qurux badantahay’

‘Kuma iloobidoono gacaliso’

‘Waan boogaadinayaa waxkasta oo aad ii sameyso’

‘Aduunka oo dhan ayaad ii tahay’ ayada oo og inaad muhiim u tahay hadana markii ay erayadaan kaa maqasho waxay dareentaa farxad gaar ah.

‘Waxaad i dhameystirtay’

‘Waad saxantahay’

‘Aniga ayaa ku leh’

‘Cuntada ugu macaan ayaad karintaqaanaa’

‘Nolasheyda Ayaad badashay’

‘Indhahaaga waan ka helaa’

‘Maxaad isleedahay macaanto’

‘Yaab ayaad leedahay’

‘La’aantaa waxaan ahay wax aan jirin’

Axmednuur Cabdulaahi Cali

[email protected]

Caasimada Online

London

Maraakiib Dagaal oo soo fariistay xeebta degmada Hobyo.

Wararka ka imanaya degmada Hobyo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in xeebta magaaladaasi lagu arkay maraakiib dagaal, oo aan la garaneyn waddanka laga lee yahay.

Maraakiibtaasi oo ah illaa kuwa dhowr ah ayaa muddoo aan la cayimin waxa ay ku sugan yihiin xeebta, ayada oo ay joogaan meel aad ugu dhow xeebta oo si wanaagsan ay isha u qaban karto.

Warkan ayaa waxaa xaqiijiyay guddoomiye ku xigeenka degmada Hobyo Shariif Wada-Cadde, oo yiri in maamulkiisa illaa iyo hadda ay la yaaban yihiin sababta ay maraakiibtaas halkaasi u joogaan.

Shalay galab ayaa sidoo kale la sheegay in mid ka mid ah maraakiibta dagaal uu xeebta kusoo tuuray wiil dhallinyaro Soomaaliyeed ah, oo nool.

Wiilkaasi ayaa sheegay in ahaayeen 7 qof, oo laga soo qabtay xeebta Cadalle, islamarkaana lix ka mid dadkii isaga lala soo qabtay ay weli saaran yihiin markabka dagaal.

Dadka qaar ayaa sheegaya in laga yaabo in maraakiibtaasi ay yihiin kuwa reer galbeedka ee dhowaanahan joogay meelo ku dhow xeebaha Somalia, ayaga oo qiil ka dhiganayay inay la dagaalamayaan burcad badeedda, hase yeeshee la rumeysan yahay inay dano kale lee yihiin.

Tahniyad ku socota Weriye Siidii iyo Safiya Isxaaq.

1-Aabe Isxaaq Canshuur
Hooyo Xaliimo Yuusuf Cabdi
Sahra Isxaaq Canshuur
Sowda Isxaaq Canshuur
Samiira Isxaaq Canshuur
Deeqo Isxaaq Canshuur
Maxamed isxaaq Canshuur
Usaama isxaaq Canshuur
Laylo Cabdulaahi Canshuur
Luul Cabdulaahi Canshuur
Suleekho Cabdulaahi Canshuur
Kadis Cabdulaahi Canshuur
Axmed Cabdulaahi Canshuur
Jaamac Cabdulaahi Canshuur
Hooyo Caasho Xirsi Kheyre
Faaiso Cabdi shuuriye
Ubax Cabdi shuuriye
Amran Cabdi shuuriye
Warsame cabdi shuuriye
Nuur Cabdi shuuriye
Maxamed Cabdi shuuriyeMustafa Cabdi Shuuriye
Sharmaake Cabdi shuuriye
Aabe Cabdulaahi Aadan
Hooyo Maryan Cabdi faarax
Hooyo saaqo Maxamd carab
Luul cabdulaahi Adan
Ubax cabdulahi aadan
Cabdi cabdullaahi Aadan
Dhamaan reer Canshuur iyo reer cabdulaahi waxay tahniyad aroos hawadda u marinayaan Arooska iyo aroosadda Maxamed Cabdulaahi Aadan Siidii iyo Safiya Isxaaq Canshuur oo arooskoodu 19-bisha Oktober 2012 kadhacay Magaaladda muqdisho gaar ahaan Xaafadda towfiiq. Waxay leeyihiin iskuwaara ubad qeyrqabana kala hela. Aamiin aamiin aaamiin

C/Weli Gaas oo Faroole wajahaya kadib Diyaarad ka qaaday Muqdisho.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabda Wali maxamad cali gaas ayaa maanta gaaray  Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Maalinta Shalay ayay ahayd markii Dr Gaas uu xilka ku wareejiyay Ra’iisul Wasaare Saacid iyadoo xalay la ogaa in Gaas loo sameeyay Xaflad Sagootin ah.

Safar dhaqsa ah ayuu ku tagay Gaas  Gaalkacyo maanta waxaana uu gudaha garoonka Aadan Cade kula hadlay Saxaafada inta uusan muqdisho ka tagin.

Gaas ayaa Safarkiisa ku sheegay inuu yahay mid uu ku booqonaya Ehelkiisa iyo Caruurtiisa oo ku nool magaaladaas waxaana uu meesha ka saaray in arimo kale uu halkaas uu ugu socdo.

Qorshaha maanta uu ku tagay Gaas Gaalkacyo ayaa waxaa uu imaanayaa iyadoo maalmahan laysla dhexmarayay inuu doonayo inuu noqdo  Madaxwaynaha maamulka Puntland walow mar maalintii Shalay Saxaafada ay ka waydiyeen inuu rabo Xilkaas uu ka gaabsday inuu jawaab ka bixiyo.

FAALLO: Islaamiyiinta Soomaaliya: Xaalad kala-guur ah.

Maqaalkani waa mid dad badani ay u arkaan inuu xasaasi yahay lakiin anigu aan u arko inuu muddan yahay in wax laga iftiimiyo inta la awoodo.Somaliaoo ah dal ku yaala Bariga Africa waxa uu kaabiga ku hayaa badwaynta Hindiya oo lagu qiyaaso bada ugu saxmada badan caalamka dhinaca kala gooshida maraakiibta shixnadaysan.

Sidoo kalle dalku wuxuu ku dherersanyahay bada cas oo ah marrinka ugu mashquulka badan caalamka muhiimad badane u leh isku socodka maraakiibta. Haddaba hadii aan intaas kaga soo gudbo muhiimada ganacsi ee uu dalku caalamka u leeyahay waxaa iyana maanku lu ka dharagsanyahay in siyaasad kastaa oo dalka ka jirta inay muhiimad u leedahay caalamka ayna tahay inay si feejigan ula soocdan.

Islaamiyiinta Somalia : xaalad kala-guur waa maqaal u baahan in xaqiisa la siiyo si waafi ahna looga hadlo lakiin waxaan ka cudur-daaranayaa inaan ku dheeraan karin sababo jirra awgood ayna tahay inaan ka guud marro intaa aan isleeyahay waa arrin umada ku cusboonaan karta. Islaamiyiin marka la yiraahdo waxaa iska cad in ay ka hadlayso arrimo diin gaar ahaan diinta muqadaska ah ee Islam. Lakiin shanta xaraf ee ka danbeeyaa( iyiin) waxay muujinaysaa inay jirto siyaasad ku salaysan islam ama waxa loo yaqaan (Islamic politics).

Hadaba Islaamiyiinta sooomalia ayaa leh taariikh dheer soona martay maalinba heer lakiin waxa ay ka duulayaani ay ahayd inay maalin un hirgaliyaan siyaasada Islaamka.

Hadaba Islaamiyiinta Somalia waxay ku biloowmeen xaalad dag-dag ah waxayna ku baaheen dhamaan qaybaha kala duwan ee Somalia lakiin waxaa xussid mudan in waqtigaasi ay un ku ekaayeen faafinta manhajkooda iyo sidii ay umada uga dhaadhicin lahyeen waxaana ay isla waqtigaasi fooda isdareen xisbiyo u badnaa suufiyda oo iyagu lahaa goobo cayiman bulshadana aan dhex gali jirrin inkastoo ay ixtiraam wayn ku dhex lahaayeen.

Islaamiyiintu waxay si dhakhsa ah guulo waawayn uga gaareen sal u dhigida fikirkooda waxayna hanteen dugsiyo iyo waliba masaajida oo u ahaa rugta kalliya ee ay ka faafiyaan fikirkooda. Waxaa lawada ogsoonyahay marka laga soo gudbo halganadii xoraynta oo ayba laftirkoodu kasoo qayb-qaateen sida kii sayid maxamed cabdule iyo shiikh bashiir in ay hadana ku lug lahaayeen Islaamiyiintu isku dhacyo siyaasadeed oo aan ka xussi karno kii shuuciyada ee madaxwaynihii hore maxamed siyaad barre. Ma ahan waxaan meesha uga hadlayno inaan halbeeg saarno cidna lakiin waxaan ka xusayaa is badalka iyo kala-guurka ku dhacay Islaamiyiinta.

Kadib burburkii dawladii shuuciga ahayd ee siyaad,Somaliawaxay gashay xaalad mugdi badan waxayna ku dhacday dabin ay adagtahay inay ka baxdo. Islaamiyiintu waxa ay noqdeen cida kalliya ee ka badbaaday burburkaa dalka ku dhacay waxana la sheegay inayba kusii xoogaysteen ayna heeleen fursado badan oo aysan horay u haysan. Halkan waa dulucda maqaalka. Waxa lawada ogaa inay Islaamiyiintu ahayeen urur dhisan kuna taagan tiirar adag lakiin ku ekaa fikir faafin in kastaba haku qaadatee. Markan Islaamiyiintu waxay la soo baxeen siyaasad u duugnayd oo ah inay maamulka dalka faraha aysan ka laaban waxaana la wada ogsoonaa inayba dagaaladiiSomaliaka dhacay kuwii ugu waawaynaa ay ka qaybqaateen waxayna isku badaleen quwad siyaasadeed.

Hase yeeshe halkani waa qayb wayn oo kamida kala-guurka ku dhacay Islaamiyiinta, qaar kamida waxay horboodeen dagaladaas iyagoo aaminsan inay tahay mid ay ku khasban yihiin ayna tahay inay fursadaa ka faaiidaystaan, qaar kalle way ka gaabsadeen waxayna u leexdeen dhankii fidinta fikirkooda, qaar kalle waxay lidi ku noqdeen kuwii kalle oo waxayba la safteen dhinacyadii kalle oo ay dagaalamyeen.

Waxaan kusoo gunaanadayaa suaashan. Ma la is oran karaa kala-guurka Islaamiyiinta waxaa assal u ahaa ka qayb-qaadashada dagaalada dalka mase waxay u ahayd isku day loo baahnaa?

W/Q: Cabdi Jaliil Maxamed

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan.

Chelsea, Man United iyo Tottenham oo isku heysta kabtanka Stoke Shawcross.

Ryan Shawcross ayaa qarka u saaran inuu mar kale kusoo laabto Manchester United iyadoo indha-indheeyayaal ka socda Old Trafford ay daawadeen kabtanka kooxda Stoke City.

Daafaca halbowlaha dhexe ayaa lagu daray xulka England ee ka qeyb qaadanaya ciyaarayaha isreeb-reebka koobka aduunka, wuxuuna ka mid ahaa xulkii loo magacaabay inay la ciyaaraan San Marino iyo Poland.

Bandhigiisa cajiibka ah ayaa loo fiirinaayey inuu damac ka galay kooxaha ugu awooda badan Barclays Premier League, iyadoo sidoo kale Chelsea iyo Tottenham ay isha ku hayaan xidigaan, sida laga soo xigtay wargeyska Sky Sports.

Shawcross, waa 25 jir, kasoo baxay Akadeemiga Manchester United, wuxuuna keliya bedel kusoo galay laba kulan oo League Cup intii uu la joogay kooxdiisii ugu horeysay ka hor inta uusan 2008dii u dhaqaaqin Stoke City.

Wuxuu noqday daafac lagu xisaabtamo, kaasoo Stoke la meel dhigay koox aan daafaceeda lagu degdegin oo ka jirta Premier League.

Laakiin Shawcross ayaa ku jira 18 kii bilood ee ugu dambeysay qadaraaskiisa Britannia Stadium waxaana laga yaabaa in Tababare Tony Pulis uu lumiyo daafciisa aadka u adag, oo ay doonayaan kooxo waa weyn.

W/Q: Ahmed Farah Jaangoan

E-mail: [email protected]

Mogdishu, Somalia.