24.8 C
Mogadishu
Sunday, June 21, 2026

Daawo: Qoys iska duubay muuqaalo anshax-xun oo lagu maxkamadeeyey Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Degmada Waaberi ayaa maanta go’aan ka gaartay kiiska dacwad lagu soo oogay nin iyo Xaaskiisa, kuwaas oo lagu eedeeyay inay iska duubeen muuqaallo Anshax Xumo ah.

Labada eedeysane ayaa maxkamadda ka hor qirtay in muuqaaladaas oo gaaraya 124 Video ay si ku talagal ah isaga duubeen, iyadoo ujeedku ahaa in laga hanjabeeyo waalidka gabadha, kuwaas oo ku maqan dalka dibadiisa, si lacago ay uga qaataan.

Maxkamadda ayaa laga hor cadeeyey in ujeedada laga lahaa muuqaallada ay iska duubeen qoyskaan uu ahaa in lagu qiyaamo waalidkii dhalay gabadha oo la gaarsiiyey videoyada anshax-xumada ah.

Xarunta Maxkamada Degmada Waaberi oo kiiskaan maanta lagu qaaday waxaa Goobjoog ahaa ehellada eedeesanayaasha, Qareenadii u doodayey yo xeer ilaaliyaal ku soo oogay dacwadaan.

Guddoomiyaha maxkamadda Degmadda Waaberi ayaa sheegay in ficilkan uu ka hor imaanayo qiyamka bulshada, isla markaana tallaabo adag looga qaadi doono ciddii lagu helo inay ku kacdo falalka noocan oo kale ah.

Ugu dambeyntii, Maxkamadda ayaa min labo sano oo xabsi ah ku xukuntay ninkaan iyo xaaskiisa, kadib markii lagu helay inay iska duubeen muuqaallo anshax-xumo ah, sida oo ku dhawaaqay Guddoomiyaha Maxkamada Degmadda Waaberi ee Gobolka Banaadir Abshir Cumar Cabdullaahi.

Kiiskaan ayaa noqday mid aad loola yeebay, maadaama gabadha Aabaheed toos loogu diray muuqaalada, si lacago looga qaato, weliba iyadoo raali ka ah.

Cadeymaha Maxkamadda la keenay waxaa kamid ahaa in gabadha Aabaheed uu shil galay oo dhaawac halis ah uu soo gaaray, isbitaalna la dhigay, kadib markii uu ka naxay muuqaalada laga soo duubay Gabadhiisa.

Hoos ka daawo kiiska

Ifrah Foundation iyo saaxiibada caalamka oo xusay maalinta u dul qaadasho la’aanta FGM-ka

0

Waxaa magalaada Muqdisho gaar ahaan Hotel Decele lagu qabtay  xuska maalinta caalamiga ah ee u dulqaadasho la’aanta gudniinka fircooniga ee FGM-ka, waxaana xuska goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin ka socota wasaaradda Haweenka iyo xuquuqul Insaanka Soomaaliya, mas’uuliyin ka socotay hay’adahaha UNICEF iyo UNFPA iyo dad kala duwan.

Waxaa sidoo kale kulanka lagu casuumay oo ka soo qeyb galay dadka u dhaqdhaqa bulshada, culumaa’udiin, dad kasoo badbaaday gudniinka fircooniga iyo waliba Dhakaatiir.

Ifrah Ahmed oo ka hadashay madasha ayaa sheegtay iney ka go’antahay ciribtirka gudniinka fircooniga ee Soomaaliya (FGM) si loo ilaaliyo xuquuqda Gabdhaha iyo Haweenka Soomaaliyeed.

Intii lagu guda jiray xuska maalintan caalamiga ah, Ifrah Ahmed, aasaasaha Ifrah Foundation, ayaa daadihisay  doodo  qiiro leh  oo ay kasoo qeyb galeen laba haween ah oo FGM maray, Sheikh Diinta bartay,  kalkaaliso caafimaad iyo Wariye.

Haweenka soo maray FGM-ka waxay la wadaageen dadkii kasoo qeyb galay xuska xanuunkii ay u mareen iyaga oo sheegay iney tahay mid dhibaato badan.

“Waxaan ku soo barbaarnay  iyada oo la’aaminsan yahay in  FGM ay sharaf u tahay gabadha, ayna muhiim u tahay in la gudo. Waxaan la dhihi jiray gabadh aan la gudin waa la caayi, lama guursado, xitaa way furantaa.”

Haweeneyda dooda kasoo qeyb gashay ayaa ka sheekeysay qaar kamid ah dhibaatooyinkii ay la kulantay “Aad buu u xanuun badnaa. Ma jirin daawo xanuun joojiye ah, waxaan dhiig bixayay maalmo badan, saddex bilood ayaan sariirta saarnaa , inaa kaadiyo  waxay noqotay ciqaab, balse waan ka badbaaday”

Waxa ay sidoo kale intaas ku dartay in markii ay weynaatay ay dhibaatada sii saa’iday  “Dhiigga caadada wuu dhib badnaa, gogosha ama la kulanka ninka aa guursadayna   wuxuu lahaa xanuun iyo cabsi, Dhalmada waxay ahayd tii ugu naxdinta badnayd—maalmo ayaan foolanayay runtii markasta ani iyo ilmaha halis weyn ayaan galeenay.”

Waxaa madasha sidoo kale kasoo qeyb galay qaar kamid ah culumada iyo Dhakhaatiirta Soomaaliyeed kuwaa oo si kulul u cambaareeyay gudninka FGM-ka.

Mid kamid ah culumada kasoo qeyb gashay kulanka ayaa yiri “FGM ma laha sal diin. Islaamku ma oggola in la waxyeelleeyo qof bini’aadam xiliga ay doonto ha ahaateen. Falkan Gudniinka fircooniga waa in la joojiyaa.”

Mid kamid ah Dhakhaatiirta caafimaad oo sidoo kale kulankaas kasoo qeyb gashay ayaa  ka sheekeysay waxyeelada caafimaad oo  gudniinka gabdhaha ee FGM-ka uu leeyahay.

Waxey tiri “Dumarka iyo gabdhaha waxay la kulmaan dhibaatooyin badan sida dhalmo dheer, dhaawacyo joogto ah iyo xanuun nafsiyeed. Waa waqtigii aan joojin lahayn dhaqankan halista ah.”

Ifrah Ahmed oo ah aas’aasaha Ifrah Foundation ayaa dirtay baaq deg deg ah oo ku aadan joojinta gudniinka fircooniga.

Waxey si xoogan Ifrah Ahmed ugu baaqday in la dedejiyo tallaabooyinka lagu joojinayo FGM, iyadoo xustay guusha ololeha “Dear Daughter” oo ay ku biireen in ka badan 100,000 oo qoys oo ballan qaaday inay ilaalinayaan gabdhahooda.

Waxey dhanka kale baaq u dirtay madaxda iyo qeybaha kala duwan ee bulshada “Waalidiinta, hogaamiyayaasha, iyo masuuliyiinta dowladdu waa inay qaadaan doorkooda. Waxaan idinku dhiirrigelinayaa inaad ka mid noqotaan dhaqdhaqaaqa difaaca gabdhaha Soomaaliyeed.”

Ifrah Ahmed ayaa sidoo kale ugu baaqday wasaaradda Haweenka iyo Baarlamaanka Soomaaliya in la meel mariyo shaci qaran oo mamnuuca gudniinka  ((Female Genital Mutilation)

“Sharci dejin dhab ah ayaa muhiim ah. Waa in gabdhaha la ilaaliyo, cidda sii wada FGM-na lala xisaabtamo” ayey tiri Ifrah Ahmed.

Dhankeeda waxaa taageero weyn muujisay Beesha Caalamka George Conway, Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, ayaa ku celiyay in beesha caalamku ay garab taagan tahay Soomaaliya:

“Waxaan halkan u joognaa inaan taageerno baaqa shacabka Soomaaliyeed ee isbedelka doonaya. Waxaan la garab taaganahay haweenka iyo gabdhaha la dhibaateeyay, oo ay ku jiraan kuwa lagu khasbo guurka iyo FGM.”

Sidoo kale waxaa halkaas ka hadlay wasiirka haweenka, qoyska iyo xuquuqul aaadanaha Marwa Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzumi iyada oo sheegtay iney dowladda Soomaaliya ka shaqeyneyso in lasoo afjaro dhaqanka gudniinka, iyada oo sheegtay iney hayaan cadeymo badan oo muujinaya in FGM uu si daran u wax yeeleeyo caafimaadka Gabdhaha.

“Caddaymo badan ayaa muujinaya in FGM ay si daran u waxyeelleyso caafimaadka gabdhaha. Maanta waxaan mar kale u taaganahay inaan dhammeeyo dhaqankan waxyeellada leh.” 

Ugu dambeyntii Ifrah Ahmed ayaa baaq u jeedisay qeybaha kala duwan ee buslahda Soomaaliyeed iney si midnimo leh

Waxay ugu baaqday bulsho-weynta Soomaaliyeed in si midnimo leh la isugu tago sidii loo meel marin lahaa sharci ka dhan ah FGM:

“Macallimiinta, dhalinyarada, culimada, iyo qoysaskuba waa inay is garab istaagaan si aan u ansixino sharci ilaalinaya gabdhaha Soomaaliyeed.”

Ugu dambeyntii waxaa xuska maalinta u dul qaadasho la’aanta laga soo saaray in si wadajir ah looga hor tago gudniinka gabdhaha iyo sidoo kale in la ilaaliyo haweenka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan iyada oo mas’uuliyiinta iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ee yimid xuska  maalinta u dul qaadasho la’aanta FGM-ka iney arrintaan looga shaqeyn doono si wadajir ah iyo waliba si gooni gooni ah.

By: Abdiaziz Hassan Ibrahim (Loyal)
Email: [email protected]

Daawo: Shiikhaal oo 24 saac u qabatay DF kadib weerarkii looga dilay dhallinyarada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxgaradka Beesha Shiikhaal oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa dowladda federaalka u qabtay in muddo 24 saac ah ay uga soo jawaabto kiiska dhalinyaradii shalay lagu dilay deegaanka Jaziira.

Odayaasha u hadlay beesha Shiikhaal ayaa cadeeyey in meydkii labo wiil oo halkaas looga dilay aysan weli aasin, isla markaana ay doonayaan in cadaalad ay ka helaan dowladda.

Ciidamada Dowladda ayaa la sheegay in shalay ay weerar ku qaadeen deegaanka Jazeera, halkaas oo lagu dilay koox maleeshiyaad ah oo hubeysan, halka kuwo kalena nolosha lagu soo qabtay.

Waxaa jiray war sheegayey in ciidamada dowladda ay weerareen rag la aaminsan yahay in ciidan loogu magac-daray (Badbaado Qaran) ay ku diyaarinayeen duleedka Muqdisho.

Odayaasha u hadlay beesha Shiikhaal ayaa maanta sheegay in waxba aysan ka jirin wararka sheegaya in wiilashooda ay ahaayeen ciidan loo diyaariyey ‘Badbaado Qaran 2’.

Sidoo kale odayaasha ayaa sheegay in deegaanka Jazeera uu ka taliyo maamulka Koonfur Galbeed, isla markaana dowladda federaalka ay ka doonayaan inay ka jawaabto gardarrada lagu laayey wiilashoodii.

“Waxaan cadeyneynaa in uusan jirin siyaasi ka soo jeeda beesha Shiikhaal oo ku lug leh abaabulka waxa loogu yeeray Badbaado Qaran, sidaas darteed waa lagu been abuurtay wiilasheena, waxaana dowladda uga fadhinaa in 24 saac ay uga soo jawaabto cabashadeena, meydadka wiilasheenii ayaa dhabta noo saaran,” ayey dheheen odayaasha hadlay.

Deegaanka Jaziira wuxuu ka tirsan yahay gobolka Shabeellaha Hoose, waana deegaan ay deggan yihiin beesha Shiikhaal Jaziira, sidoo kale eedeymaha kasoo yeeray dowladda waxaa kamid ahaa in kooxda la weeraray ay isbaaro u taallay deegaanka.

Waxgaradka beesha ayaa horey uga digay dhul boob ka socda deegaanka Jaziira, iyagoo uga digay shirkadaha, bangiyada, ganacsatada, iyo dowladaha caalamka inay ka qeybqaataan boobka dhulka beesha oo masuuliyiin ka tirsan dowladda ay ku eedeeyeen.

Dowladda Soomaaliya weli kama aysan hadlin eedeymaha loo jeediyay ee ku saabsan weerarka lagu qaaday dhalinyarada lagu dilay, qaarna lagu qabtay deegaanka Jaziira ee duleedka magaalada Muqdisho.

Hoos ka daawo

 

Sababta xildhibaanno iyo wasiiro hore oo federaal ugu degeen heer gobol

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in xildhibaannada badankood ka niyad jabsaan yihiin siyaasadda dalka, isagoo tilmaamay in wasiirro iyo xildhibaano hore oo federaal ay u dagteen heer gobol.

“Waxaad arkaysaa kuwo hore wasiirro iyo xildhibaanno federaal soo noqday oo naf ka dayey wasiir gobol ama isku leexiyey shaqo maamul iyo mid diblomaasiyadeed,” ayuu yiri Xildhibaan Warsame.

Xildhibaanka ayaa waxa uu sheegay in hoggaanka dowladda uu lumiyay awooddii mooral iyo rajadii la qabay, iyadoo markii horeba aysan buurnayn awoodda dowladda, taasoo sababtay in badan oo kamid ah kuwo xilal wasiir ama ka sarreeya haya in aysan ku qanacsanayn, sida uu sheegay.

“Waxaa cadaatay in deg-degga lagu fuulo sallaanka siyaasadda looga dego, maal iyo mansabkii loo galayna lagu qanci la’yahay, sababtoo ah bani’aadanka markii uu haqabtiro baahida daruriga ah, wuxuu u baahan yahay in uu bulshada ka helo aqoonsi oo ah qaddarin ,qiimeeyn, iyo xushmayn.”

Hoos ka aqriso qoraalka xildhibaanka

Waxaan sheekaysannaa xildhibaanno ka niyad jabsan siyaasadda dalka, waxaad arkaysaa kuwo hore wasiirro iyo xildhibaanno federaal soo noqday oo naf ka dayey wasiir gobol ama isku leexiyey shaqo maamul iyo mid diblomaasiyadeed.

Iyadoo markii horeba aysan buurnayn awoodda dawladda, ayuu hoggaankeedii lumiyey awooddii mooral, iyo rajadii la qabay, taasoo sababtay in badan oo ka mid ah kuwo xilal wasiir ama ka sarreeya haya in aysan ku qanacsanayn.

Waxaa cadaatay in degdegga lagu fuulo sallaanka siyaasadda looga dego, maal iyo mansabkii loo galayna lagu qanci la’yahay, sababtoo ah bani’aadanka markii uu haqabtiro baahida daruriga ah, wuxuu u baahan yahay in uu bulshada ka helo aqoonsi oo ah qaddarin ,qiimeeyn, iyo xushmayn.

Aqoonsigu kuma yimaadaa mansab iyo maal la helo oo keli ah ee hillinka aad u martay iyo halganka aad ku heshay ayaa sameeya qiyamka, akhlaaqda, iyo anshaxa shakhsiyadda lagu aqoonsado.

Ruux kasta oo ka booda jaranjarada halganka nolasha, bulshaduna aqoonsanayn tabaca iyo halganka uu hantida iyo mansabka ku helay, wuxuu isku dayaa in uu wado kasta u maro, kuna kaco ficil walba oo u soo jeedin kara indhaha bulshada.

Webigu wuxuu ugu deggan yahay markuu buuxo.

Xogta kulamo uu Cirro ka wado magaalada Dubai

0

Dubai (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo maalintii labaad ku sugan dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa halkaasi ka bilaabay kulamo muhiim ah, isagoo la kulmay Sheikh Mohammed Bin Rashi Al-Maktoum oo ah madaxweyn ku-xigeenka iyo ra’iisul wasaaraha Imaaraadka Carabta, islamarkaana ah Amiirka Dubai.

Madaxweyne Cirro ayaa sidoo kale la kulmay Sheikh Mansour Bin Zayed Bin Sultan Al-Nahyan oo ah wasiirka arrimaha madaxtooyada ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Cirro ayaa waxa uu madaxda dowladda Imaaraadka kala hadlay arrimo door ah oo muhiimad iyo mudnaanba u leh labada dhinac iyo weliba labada shacab ee walaalaha ah, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Madaxtooyadda Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland ayaa madaxda uu la kulmay waxa uu si gaar ah ugala hadlay arrimo ay kamid yihiin; iskaashiga arrimaha dhaqaalaha, maal-gashiga iyo ka wada-shaqaynta xasiloonida mandaqadda.

“Madaxweynuhu waxa uu dowladda Imaaraadka Carabta kala hadley inay Somaliland ka taageerto xagga kaabayaasha dhaqaalaha iyo in labada dhinac ay iska kaashadaan xagga arrimaha amniga, gaar ahaan xasiloonida marrin biyoodka gacanka cadmeed iyo badda cas,” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka kasoo baxay Somaliland.

Cirro ayaa ugu dambeyntiina wuxuu dowladda Imaaraadka Carabta uga mahad-naqay marti-qaadka rasmiga ah iyo maamuuska sare ee loo fidiyey, si uu uga qeyb galo shirka caalamiga ah ee kulanka dawladdaha caalamka.

Madaxweynaha Somaliland oo shalay ka qeyb-galay furitaanka shirka dowladdaha caalamka ayaa halkaasi ka jeediyay khudbad uu ku iibgeynayo ictiraaf raadinta Somaliland, isagoo ka qeyb-galayaasha kulanka usoo bandhigay fursadaha maalgashi ee maamulka.

Sawirro: Soomaaliya iyo Azerbaijan oo kala saxiixday heshiisyo taariikhi ah

0

Baku (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Azerbaijan, Mudane Ilham Aliyev, ayaa maanta ku kulmay magaalada Baku, halkaas oo ay ku kala saxiixdeen heshiisyo muhiim ah oo lagu xoojinayo iskaashiga labada dal.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay horumarinta xiriirka labada dal, iyadoo diiradda la saaray dhinacyada waxbarashada, tamarta, amniga, iyo khibradaha dhanka maamulka.

Soomaaliya iyo Azerbaijan ayaa kala saxiixday heshiisyo dhaxalgal ah oo ay ka mid yihiin kobcinta iskaashiga waxbarasho, siinta deeqo waxbarasho ardayda Soomaaliyeed, horumarinta cilmi-baarista, iyo hal-abuurka. Sidoo kale, waxaa la isla gartay in Azerbaijan ay Soomaaliya ka taageerto horumarinta tamarta, gaar ahaan dhinacyada shidaalka, gaaska, iyo tamarta la cusboonaysiin karo.

Dhinaca amniga iyo difaaca, labada dal ayaa ku heshiiyay wada-shaqeyn dhow oo ku aaddan tababarada ciidamada, la-dagaallanka argagixisada, iyo tayeynta hay’adaha amniga. Waxaa sidoo kale la isku afgartay in la casriyeeyo maamulka dowliga ah, iyadoo la dardargelinayo adeegyada dadweynaha iyo dowlad wanaagga.

Madaxweynaha Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, iyo dhiggiisa dalka Azerbaijan, Mudane Ilham Aliyev, ayaa goobjoog ka ahaa saxiixa heshiisyadan.

Madaxweyne Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweyne Ilham Aliyev waxay hoosta ka xariiqeen muhiimadda ay leedahay in la dhiso madal joogto ah oo lagu xoojiyo xiriirka labada dal, taas oo fududeyn doonta fulinta heshiisyada la saxiixay.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdiga uu horkacayo ayaa shalay booqasho rasmi ah ku tegay magaalada Baku ee caasimadda Azerbaijan, taas oo la xiriirta hirgelinta heshiiska iskaashiga diblomaasiyadeed ee labada dal ay dhawaan wada gaareen.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahad-celiyay dhiggiisa Azerbaijan, Mudane Ilham Aliyev, iyo xukuumaddiisa soo dhaweynta diirran ee ay ku qaabileen wafdigiisa iyo muhiimadda sare ee ay siinayaan kobcinta xiriirka labada dal. Tani waxay ahayd booqashadii ugu horreysay ee madaxweyne Soomaaliyeed uu ku tago Azerbaijan.

Inta lagu guda jiro booqashada madaxweynaha, Soomaaliya iyo Azerbaijan ayaa sidoo kale kala saxiixan doona heshiisyo muhiim ah oo lagu xoojinayo xiriirka labada dal, iyadoo wafdiga madaxweynuhu ay kulammo la qaadan doonaan dhiggooda dalkaas.

Booqashada Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muujinaysa ahmiyadda ay dowladda Soomaaliya siinayso ballaarinta iskaashiga caalamiga ah iyo horumarinta dhaqaalaha iyo amniga, si ay uga faa’iidaystaan labada dal iyo shacabka Soomaaliyeed iyo kan Azerbaijan.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa casuumay dhiggiisa Azerbaijan, Mudane Ilham Aliyev, inuu booqasho rasmi ah ku yimaado Soomaaliya, si loo sii xoojiyo iskaashiga labada dhinac.

 

Booliska oo qaaday tallaabo culus kadib dagaalkii shalay ka dhacay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta faah-faahin dheeraad ah ka bixiyay dagaal gelinkii dambe ee Talaadadii shalay ka dhacay gudaha degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir, kaas oo u dhexeeyay Booliska iyo rag kale oo hubeysan oo ku sugnaa guri laga dhisayay waaxda Neero ee degmadaasi.

Afhayeenka Booliska, Cabdifitaax Aadan Xasan oo shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa soo bandhigay hub ay soo qabteen ciidamada amniga, kadib dagaalkii ka dhacay degmada Cabdicasiis, wuxuuna tilmaamay in lasoo xiray 3 eedeysane, 4 kalena ay baxsadeen.

Cabdifitaax ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada Booliska oo fulinayay amar kasoo baxay maxkamadda ay soo weerareen kooxdaas oo lasoo abaabulay, sida uu hadalka u dhigay.

“Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan Saldhigga degmada Cabdicasiis oo fulinaayo amar kasoo baxay maxkamadda ayaa waxaa soo weeraray kooxo abaabulan oo dano gaar ah leh oo raba inay si sharci darro ah ku dhistaan dhul” ayuu yiri afhayeenku.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Awaamiirta kasoo baxda maxkamadda waxa uu Booliska Soomaaliyeed u xil saaran yahay inuu fuliyo, waana la fuliyay howlgalkii”.

Waxaa kale oo uu tilmaamay in haatan ay socoto baaris, isla markaana maleeshiyaadka gaystay falkan oo uu hoggaaminayay nin ka tirsan Booliska lagula xisaabtami doono khasaarihii ka dhashay dagaalkaasi.

Afhayeenka Booliska ayaa sidoo kale u digay cid kasta oo isku deyda inay ka hortimaado sharciga, isaga oo ku goodiyay inay ka qaadi doonaan tallaabo adag oo sharci ah.

Muqdisho ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca isku dhacyo hubeysan, kuwaas oo gaysta khasaarooyin oo isugu jiro dhimasho, dhaawac iyo bubur hantiyeed oo xooggan.

CC Shakuur oo si weyn loogu dhalleeceyay tallaabadii uu qaaday – Maxaa lagu haysta?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Fal-celin aan caadi ahayn ayaa ka dhalatay tallaabadii uu shalay qaaday Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo taageero weyn u muujiiyay Puntland oo dagaal kula jirto kooxda Al-Shabaab, isaga oo noqday Xilldhibaankii ugu horreeyay ee ku dhawaaqay inuu mushaarkiisa u jarayo ciidamada maamulkaasi.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa xubnaha labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ugu baaqay inay gacan ka geystaan taakuleynta ciidanka Puntland ee dagaalka kula jira Daacish, xilli uu maamulka Puntland sameeyay sanduuq lagu garab istaagayo ciidanka.

“Bil mushaarkayga ah ayaan ku deeqay, waxaanan ku dhiirrigelinayaa labada Gole ee Baarlamaanka inay gacan ka geystaan taakuleynta naftood-hurayaasha difaaca dalkeenna iyo diinteenna u halgamaya,” ayuu yiri Xildhibaan Warsame.

Waxa uu intaas ku daray: “Waxaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa ka qayb-qaadashada taakulaynta ciidanka naftood-hurayaasha ah ee la diriraya cadowga argagixisada ah ee dalkeenna ku soo duulay.”

Haddaba sidee looga falceliyay tallaabada uu qaaday CC Shakuur?

Dad badan oo baraha bulshada ku falanqeeyay tallaabada Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa si weyn uga horyimid, waxayna ku dhaliileen in aanu horay u taageerin ciidamada Xoogga iyo kuwa deegaanka ee howlgallada xoreynta ka wada deegaannada uu kasoo jeedo.

Liibaan Cumar “Deegaanka aad matasho Bari-ujeed waligaa xitaa kama hadlin mana tagin, wiilasha furinta ku jirana maalin ma dhiirogalin”.

Cabdiraxmaan Cusmaan “Waa tallaabo wanaagsan mudane dadkii wax iska dhicinaya wax la taageero waa yihiin qof aanba far qaadeeyn qaab lagu taageeri karo ma jiro”.

Nuur Xaaji Adduunyo “Gurmad gargaar iyo garab istaag dhulka Habargidir ee aad matasho ayaa kaaga baahan iyo kuwa aad kursigooda ku fadhido ee cadawgu heesto”.

Liibaan Lugcad “Kaasina wuxuu ahaa CC Shakuur oo ku dhashay Buuloburde, kana soo jeeda Barujeed oo dagaalka Calmiskaad ugu deeqay mushaarkiisa bishaan!!!”.

Cabdirisaaq Jeestoole ayaa isagana fal-celintiisa ku yiri “Kuwii Galmudug ka socday maxaa u garab istaaagi wayday”.

Cali Xaashi “Kuwii gurigaada lagu dilay ee kaboohoda lagu aasay ma ka war heysaa carruurtii ay ka tageen?”.

 

PUNTLAND oo gacanta ku dhigtay lacag ay lahayd Daacish

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee Puntland ee weli howlgallada kasii wada gobolka Bari, gaar ahaan aagga buuraleyda Calmiskaad ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen lacag tiro badan oo ay lahayd Daacishta ay dagaalka adag kula jiraan.

Saraakiil sar sare oo u hadashay ciidamada Puntland ayaa shaaca ka qaaday inay qabteen teleefoonno lacago badan ay ku heysatay kooxda Daacish, kadib markii laga qabsaday saldhigyo muhiim ah oo ku yaalla dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari ee Puntland.

Lacagaha soo galay gacanta Puntland ayaa laga helay teleefannada xubno laga dilay kooxda, oyada oo markii la baaray laga helay Simikaaro ay ku jiraan lacago badan.

Mid kamid ah Simikaarada ayaa waxaa ku jirta lacag gaareysa illaa 180 kun oo doollar, sida ay shaaciyeen saraakiil ka tirsan Taliska Howlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland, balse saraakiisha ma bixin faah-faahin intaas dheer oo ku aadan halka ay lacagtaas kasoo gashay, qofka sida gaarka ah u maamulayay iyo su’aalaha kale ee haatan la’si weydiinayo.

Howlgallada oo weli sii socda ayaa jab culus lagu gaarsiiyay kooxda Daacish, waxaana looga dilay xubno badan, iyada oo laga qabsaday saldhigyo ku yaalla gobolka Bari.

Puntland ayaa bishii December ku dhawaaqday dagaal culus oo ka dhan ah maleeshiyaadka Daacish, waxaana ay sheegtay in tan iyo xilligaas ay dishay maleeshiyaad ka badan 100, kuwaas oo u badan ajaanib.

Garabka Daacish ee Soomaaliya ayaa sanadihii u dambeeyay noqday qayb muhiim ah oo ka mid ah shabakadda caalamiga ah ee Daacish, waxaana bishan horraanteedii bartilmaameed u ahayd duqeymo cirka ah oo ay fuliyeen ciidamada Mareykanka.

Iyadoo lagu qiyaasayo tiradooda inay u dhexeyso 700 ilaa 1,500 oo dagaalyahanno ah, garabka Daacish ee Soomaaliya ayaa sanadihii la soo dhaafay kobcay sababo la xiriira kusoo biirista dagaalyahanno ajnabi ah iyo kororka dakhliga dhaqaale.

Si kastaba ha ahaatee, maleeshiyaadkan ayaa weli aad uga yar kooxda Al-Shabaab, oo gacanta ku haysa qaybo ballaaran oo ka mid ah koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Ninka loo haysto dilka afar gabar oo Soomaali ah oo xog cajiib ah laga helay

0

Nairobi (Caasimada Online) – Eedaysane Hashim Dagane, oo loo haysto dilka afar haween Soomaali ah oo ka dhacay xaafadda Islii, ayaa la sheegay inuu ka tirsanaa ciidanka gaarka ah ee Itoobiya ee Yahedic Commandos, intii u dhaxaysay 2010 illaa 2015, markaasoo uu shaqada uga tagay duruufo aan la caddeyn.

Hay’adda Dambi Baarista Kenya ee DCI ayaa ogaatay in Hashim uu dhigan jiray dugsiyada hoose iyo sare intii u dhaxaysay 2006 illaa 2010 gobolka Godey ee Itoobiya, halkaas oo uu wali ku nool yahay aabihii, Maxamed Khalif.

Baaritaanka DCI ma caddayn xilliga saxda ah ee Hashim uu u guuray Garissa iyo kadib Nairobi. Si kastaba ha ahaatee, waxaa la xaqiijiyay in bishii Febraayo 2024 uu uga shaqeynayay darawal ahaan si ku-meelgaar ah iskuul ku yaalla Eastleigh.

Qoraal dhaar ah oo uu qoray Sarkaalka DCI ee qaybta dilalka, Xasan Maxamed, loona gudbiyay maxkamadda xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud (ODPP), ayaa muujiyay in Hashim uu haysto baasaboorka Soomaaliya oo uu ku helay magac kale.

Sarkaalkan ayaa sheegay in Hashim uu 15-kii Juun 2023 codsaday inuu ka helo Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Maamulka Qaranka kaarka aqoonsiga muwaadinimo ee Kenya. Waxaa loo soo saaray kaarka aqoonsiga isagoo ku magacaaban Hashim Dagane Muhumed.

“Sanadkii 2022, eedaysanaha (Hashim) wuxuu codsaday baasaboorka Soomaaliya isagoo isticmaalaya magaca Hashim Maxamed Khalif, waxaana loo soo saaray 13-kii Febraayo 2022,” ayuu ku yiri sarkaal Xasan qoraalka caddeynta ah ee maxkamadda loo gudbiyay.

“Marka la eego in eedaysanuhu haysto baasaboorka Soomaaliya iyo kaarka aqoonsiga Kenya oo magacyo kala duwan ku qoran, waxaan ka baqaynaa in haddii dammaanad lagu sii daayo uu ka baxsado maxkamadda, maadaama uu haysto dhalashooyin labo ah,” ayuu yiri.

Hashim, oo ah aabe saddex carruur ah, ayaa wajahaya afar dacwadood oo dil ah oo ka dhan ah qodobka 203 oo ay la socdaan qodobka 204 ee xeerka ciqaabta, ka dib markii lagu eedeeyay inuu dilay Dahabo Daud Said, oo loo yaqaan Waris, 37 jir, gabadheedii 13-jirka ahayd Musyaba Abdi Mohamed, iyo ilmo adeertood Amina Abdirashid Dhahir.

Saddexdan qof ayaa la dilay intii u dhaxaysay 21–22 Oktoobar 2024, iyadoo jirkooda oo jarjaran lagu tuuray meelo kala duwan oo ka tirsan Nairobi iyo Machakos.

Hashim waxa kale oo lagu eedeeyay inuu dilay saaxiibtiis Deka Abdi Noor Gorane, oo 26 jir ahayd, intii u dhaxaysay 29–31 Oktoobar 2024, magaalada Lavington ee Nairobi.

Deka waxay ahayd ardayad sanadkii afraad dhigata Jaamacadda Great Lakes ee Nairobi, halkaas oo ay ka baranaysay Bachelor of Science ee Caafimaadka Bulshada. Waxay sidoo kale ka shaqaynaysay maqaayadda Albaik Restaurant ee Islii.

Baaritaanka DCI ayaa muujiyay in Hashim uu deris la ahaa Waris, degmada Bulla Tawakal ee Garissa, waxayna ahaayeen kuwo si wanaagsan isu yaqaan.

Hashim waxa uu u dhowaa qoyska Waris ee Nairobi, wuxuuna mararka qaar u qaban jiray howlaha qoyska isagoo ahaa darawal taxi si ku-meelgaar ah.

Qoraalka maxkamadda loo gudbiyay si looga hortago dammaanad-siintiisa ayaa sheegay in Hashim uu baasaboorkaasi u isticmaalay inuu u safro Soomaaliya iyo inuu kasoo laabto.

“Eedaysanaha (Hashim) maadaama uu xididdo ku leeyahay Kenya iyo Soomaaliya, waxaan ka cabsi qabnaa inuu halis ugu jiro inuu baxsado, iyadoo la tixraacayo in xadka labada dal uu yahay mid sahlan oo la maro,” ayuu yiri sarkaalka.

Sarkaalkan ayaa intaa ku daray inuu ka cabsi qabo in Hashim uu faragelin ku sameeyo markhaatiyaasha dacwadda, maadaama uu si fiican u yaqaan inta badan markhaatiyaasha madaniga ah ee kiiskan.

Markhaatiyaashu waxa ka mid ah ninkii qabay Waris, shaqaalaha maqaayadda ee ay ka shaqaynaysay Deka, shaqo-bixiyihii Hashim, iyo darawal taxi ah oo qaaday Hashim iyo Deka markii ay ka baxayeen maqaayadda.

Si kastaba ha ahaatee, Hashim oo codsaday dammaanad ayaa sheegay in siyaasadda dammaanadda iyo shuruudaha dammaanad-siinta ay qeexayaan duruufaha maxkamaddu ku siin karto dammaanad, DCI iyo ODPP-na aysan soo bandhigin caddeymo ku filan oo lagu diido dammaanadda.

“Xaqiiqda kaliya ee ah inaan hore ugu safray Soomaaliya, ma noqon karto sabab xoog leh oo lagu diido dammaanad, maadaama aanan jirin eedeyn sheegaysa inaan ku lug lahaa wax falal sharci-darro ah intii aan safarka ku jiray,” ayuu yiri Hashim.

“Intaa waxaa dheer, ma aanan kaliya tegin Soomaaliya, balse waxaan nasiib u helay inaan booqdo dalal kale sida Turkiga. Sidaa darteed, waxaa la iigu sheegay qareenkayga in safarka kaliya ee dalka dibaddiisa aanu noqon karin sabab dammaanad la’aan ah haddii aan la hayn caddeymo muujinaya in safarkaasi uu sharci-darro ahaa.”

Hashim waxa kale oo uu sheegay in DCI iyo DPP aysan soo bandhigin wax caddeymo ah oo muujinaya inuu deganaa Itoobiya ama uu ku biiray ciidanka Itoobiya.

Wuxuu ku adkaystay inuu yahay muwaadin Kenyan ah, isagoo soo bandhigay lambarkiisa aqoonsiga muwaadinnimo iyo magaca hooyadiis (magaca hooyada waa la qariyay) oo ku nool degmada Garissa.

Wuxuu intaa ku daray inuu iskiis iskugu dhiibay saldhigga booliska Kamukunji ee Nairobi, wuxuuna sheegay in haddii uu damacsanaa inuu baxsado, uu si sahlan uga dhuuman lahaa booliska.

Garsoore Margaret Muigai ayaa amartay in la sameeyo baaritaan bulsho oo ku saabsan eedaysanaha, kaasoo maxkamadda la horgeyn doono 4-ta Maarso. Warbixinta baaritaankaasi ayaa go’aamin doonta in Hashim uu u qalmo dammaanad iyo in kale.

War cusub oo kasoo kordhay xiisadda suuqa Bakaaraha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta dib loo furay ganacsiga suuqa weyn ee Bakaaraha, kadib markii xal hordhac ah laga gaaray xiisaddii ka taagneyd suuqaas oo ka dhalatay canshuuraha dheeraadka ah ee ay dowladdu kusoo rogtay ganacsatada Muqdisho.

Dib u furidda suuqa Bakaaraha ayaa timid kadib markii uu xalay arrintan soo farogeliyay guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, ahna usimaha Madaxweynaha, Sheekh Aadan Maxamed Aadan Nuur (Aadan Madoobe), kaas oo qaabilay guddiga ay ku mideysan yihiin ganacsatada Gobolka Banaadir oo horay ugu dhowaaqay shaqo joojinta ay sameeyeen.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay guddoomiyaha guddiga dhaqaalaha, ganacsiga, warshadaha, iyo maalgashiga ee Golaha Shacabka Xildhibaan Garaad Maxamed Sheekh iyo guddoomiyaha guddiga difaaca ee golaha shacabka Xildhibaan Yuusuf Geelle Ugaas oo welinayay ku simaha Madaxweynaha.

Guddiga ganacsatada ayaa Aadan Madoobe la wadaagay cabasho ay qabeen, maadaama dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay ay xirnaayeen suuqyada ganacsi ee Muqdisho.

Intaasi kadib ku simaha madaxweynaha ayaa u sheegay ganacsatada in dowladda aysan marnaba raali ka ahayn in culeys la saaro ayna diyaar u tahay xalinta tabashooyinka ay ganacsatada qabaan, waxaana ugu dambeyn lagu balamay in la furo suuqyada ganacsiga ee xiran.

Xiisadda suuqa Bakaaraha ayaa soo noq-noqotay waxana ganacsatadu ay sheegeen  inay qaati ka taagan yihiin canshuuraadka lasoo rogay, iyaga oo tilmaamay inay kasii wadi waayeen ganacsigooda.

Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dareen in maalin kasta la handado, isla-markaana loogu tego goobahooda ganacsi, iyada oo la waydiinayo inay soo daabacaan akoonadooda.

Si kastaba, xirnaashaha suuqa ayaa saameyn xooggan ku yeelatay dad badan oo Soomaaliyeed iyo xittaa ganacsatada qudhooda, maadaama ay istaagtay shaqada, walow haatan xal laga gaaray, laguna heshiiyay in dib loo furo goobaha ganacsiga ee suuqaasi.

Sanad kadib magacaabistii safiirka Somalia ee Imaaraadka

0

Sanad kadib magacaabistii Danjiraha Soomaaliya u fadhiya safaaradda Soomaaliya ee Imaaraadka Carabta, Xuseen Cabdi Xalane, waxaa muuqda waxqabad la taaban karo oo uu safaaradda ka hirgeliyay muddadii uu xilka hayay.

Danjire Xuseen Cabdi Xalane, oo ah safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan dalka Isu Tagga Imaaraadka Carabta, ayaa la magacaabay 9-kii February 2024. Muddo sanad gudaheed ah, wuxuu safaaradda Soomaaliya ee Imaaraadka Carabta ku soo kordhiyay horumaro muuqda, isagoo isbeddel weyn ku sameeyay adeegyada safaaradda ee la xiriira bulshada Soomaaliyeed ee dalkaas ku nool. Dalka Imaaraadka Carabta ayaa muhiim u ah isku socodka iyo ganacsiga bulshada Soomaaliyeed ee caalamka.

Xuseen Cabdi Xalane, oo horey u soo noqday Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya isla markaana ah siyaasi rug-cadaa ah, ayaa markii loo magacaabay safiirka Soomaaliya u fadhiya Imaaraadka Carabta wax badan ka beddelay xaaladda safaaradda. Wuxuu xiriir joogto ah la yeeshay jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas si uu xog-ogaal ugu noqdo xaaladooda, isagoo sidoo kale ka caawiyay dhibaatooyinka ay kala kulmaan gudaha dalkaas, gaar ahaan ganacsatada Soomaaliyeed ee halkaas ku shaqeysta.

Danjire Xuseen Xalane ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay inuu bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Imaaraadka Carabta u yahay dalkoodii labaad, maadaama uu dalkaasi yahay meelihii ugu horreeyay ee ganacsi lagu abuuro kadib burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya 35 sano ka hor. Sidoo kale, wuxuu ballan qaaday inuu ka shaqeyn doono xoojinta iskaashiga labada dal iyo horumarinta danaha labada dowladood ee Soomaaliya iyo Imaaraadka.

Xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa hadda ah mid wanaagsan, wuxuuna sii xoogeysanayay tan iyo dib u doorashadii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee 15-kii May 2022. Imaaraadka Carabta ayaa ka mid ah dowladaha Carbeed ee xiriirka wanaagsan la leh Soomaaliya, wuxuuna ka fuliyay mashaariic kala duwan, isagoo sidoo kale taageero siiya ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Ganacsade Maxamed Jaamac, oo ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Dubai, ayaa ka hadlay waxqabadka Danjire Xuseen Xalane sanadkii uu joogay safaaradda. Wuxuu yiri:

“Waxaan oran karaa Danjire Xuseen Xalane waxa uu safaaradda Soomaaliya ee Imaaraadka Carabta ku soo kordhiyay midnimo iyo isku xirnaan bulshada Soomaaliyeed. Shaqaalaha safaaradda waxay diyaar u yihiin inay ka jawaabaan taleefannada muwaadiniinta Soomaaliyeed waqti kasta oo ay u baahdaan adeegyo safaaradeed. Shaqadiisa waxay noo xasuusineysaa erayo ku qoran baasaboorrada caalamiga ah oo ay ka mid yihiin, ‘Muwaadin ha welwelin, waan kula joognaa meel kasta,’ taas oo muujineysa sida shaqaalaha safaaradda, laga bilaabo safiirka ilaa shaqaalaha hoose, ay ugu heellan yihiin taageerada bulshada.”

Ganacsaduhu wuxuu intaas ku daray: “Danjire Xuseen Cabdi Xalane waxa uu astaan u yahay midnimo iyo isku duubni bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Imaaraadka Carabta. Waa safiir u taagan danaha dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed, isagoo aan kala saarin cid gaar ah. Safaaradda iyo shaqaalaheeda waxay si joogto ah ugu adeegaan bulshada Soomaaliyeed, waxaana uga mahadcelineynaa Danjire Xalane oo aan dhihi karo waa siyaasi waaya-arag ah, dad jecel, safiir wanaagsan, kana shaqeeya horumarka bulshada.”

Abdihakim Elmi Hassan
Nairobi, Kenya
Tel: +252 4 711830393
Email: [email protected]

Guusha laga gaaray hannaanka deyn-cafinta iyo dalabaadka cusub ee DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – 23-kii bishii November ee sanadkii hore Hey’adda Lacagta Adduunka IMF iyo Baanka Adduunka ayaa ku dhawaaqday in Soomaaliya laga cafiyay deyn dhan 4.5 bilyan oo doolarka Mareykanka ah, waxaana isa soo taraya boogaadinta saaxiibada caalamka ay u dirayaan dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed oo gaaray guul taariikhi ah, waxaa kaloo jirta in Kristalina Georgieva oo ah Madaxa IMF ay Soomaaliya ugu hambalyeeysay guushan.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Iimaan Cige iyo Safiirka Dowladda Denmarka u fadhiya Soomaaliya Steen Sonne Anderson ayaa si wadajir ah ugu saxiixay magaalada Muqdisho heshiis dowladda Soomaaliya looga cafinayo Lacagihii Deynta ahaa ee Dowladda Denmarka ku laheyd Dowladda Soomaaliya.

Wasiir Biixi oo qoraal soo dhigay xilligaasi, isagoo ka hadlaayay heshiiskaasi ayaa waxa uu yiri “Waxaa dhaboobay miraha ka dhashay barnaamijka dib u habeynta maaliyadda iyo guulihii laga gaaray hannaankii deyn cafinta, waxaana u mahadcelinayaa dowldda Denmarka oo ah saaxiib qiimo badan oo qeyb ka ah horumarka maaliyadeed eek u talaabsaneyso Soomaaliya”.

Madaxa Heyadda Lacagaha Adduunka Mrs. Kristalina waxay kaloo tilmaantay in IMF ay sii wadeyso xoojinta wada shaqeynta iyo xiriirka ay Soomaaliya la leedahay. Waxaa kaloo isna soo hambalyeeyay Xoghayaha guud ee Urur Goboleedka IGAD Workneh Gebeyehu oo isna ammaanay dadaalka dheeriga ah ee dowladda Soomaaliya ay ku bixineyso dib u habeynta dhaqaalaha iyo arimaha bulshada.

Waxa uuna bogaadiyay doorka hogaamineed ee gaarka ah ee horseeday isbedallo muhiim ah, iyadoo dhinaca Midowga Yurub-na ay iyaguna sheegeen in ay ka go’an tahay taageerida Soomaaliya guushaan weyn ka dib, iyaga oo sare u qaadaya isbedalka dhaqaalaha.

Mareykanka oo laalay $1.1 bilyan oo deyn ah oo Soomaaliya lagu leeyahay oo ah heshiis maaliyadeed oo taariikhi ah, taasi oo aheyd ballan-qaadka deyn-bixiyaha ugu weyn ayaa ah kii ugu dambeeyay heshiisyo taxane ah oo lagu cafiyay deyn dhan $4.5 bilyan. Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in inka badan $1.1 bilyan (£860m) oo deymo ah oo baaqi ahaa uu Mareykanku baabi’in doono, taasoo ka dhigan qiyaastii rubuc ka mid ah deynta harsan ee dalka Soomaaliya lagu lahaa, sida uu qoray Wargeyska the Guardian ee dalka Ingiriiska.

Ku dhawaaqista ayaa ah heshiisyadii ugu dambeeyay ee ay Soomaaliya deymaha lagu leeyahay ay ku balameen in ay ka cafiyaan. Inta badan deymaha Soomaaliya lagu leeyahay waxa ay aheyd xilligii kaligii Taliskii Millatari ee Siyaad Barre, kaasi oo burburay dabayaaqadii 1990-aadkii oo dhaliyay dagaal sokeeye oo burburiyay Seddex iyo Toban sano.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dalka “uu ku caburoobay culeys weyn oo deyn ah oo aan la aqbali karin” taasoo ah lacago dulsaar ah oo aan la bixin karin “intii lagu jiray muddada dheer ee burburka dowladeed”.

Mareykanka iyo Soomaaliya ayaa kala saxiixday heshiis rasmi ah oo deyn cafinta oo ku kacaya $1.14 bliyan. Safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya iyo Wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya ayaa ku kala saxiixday heshiiska, kaasi oo ka dhacay Safaaradda Mareykanka ee magaalada Muqdisho.

Haatana, wararka laga helay magaalada Dubai ee cariga Imaaraadka Carabta ayaa sheegaya in wada-xaajood muddo dheer socday uu shalay oo taariikhdu tahay 11-ka Bisha February 2025-ka ugu dambeyntii isku rogay heshiis rasmi ah. Heshiiskan ayaa xal looga gaaray deyn dhan $257 milyan oo doolar, deyntaas oo ay dowladii Dhexe ee Soomaaliya ee xilligaasi qaadatay, kuna maal-galisay mashruucii Warshadii Sokorta Jubba.

Heshiiskaan oo ay si wadajir ah u saxiixeen Wasiirka Maaliyadda XFS Biixi Imaan Cige iyo Agaasimaha Guud ee Sanduuqa Horumarinta Abdu Dubai Mr. Mohamed Saif Al-Suwaidi ayaa albaabada u furaya in Sanduuqu uu dib ula fal-galo ka qeyb qaadashada mashaariicda horumarineed ee Soomaaliya ka jira iyo helidda maalgalin cusub oo dib loogu maal-gelin karo kaabayasha dhaqaalaha ee dalka, kuwaasi oo baahi weyn loo qabo.

Dowladda Soomaaliya ayaa muddooyinkii la soo dhaafay waxa ay dadaal xoogan ugu jirtay sidii Soomaaliya ay u heli laheyd maal-galin iyo horumarin ilaha dhaqaalaha dalka, kadib markii laga cafiyay deymhii adduunku ku lahaa.

SONNA

Soomaaliya iyo Imaaraadka oo gaaray heshiis cusub

0

Dubai (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya iyo Sanduuqa Horumarinta Abu Dhabi ayaa shalay gaaray heshiis xal looga gaarayo dayn dhan $257 milyan oo doolar.

Dayntaas oo ay dowladii dhexe ee Soomaaliya qaadatay kuna maal-galisay mashruucii Warshadii Sokorta Jubba, ayaa wada-xaajood muddo dheer socday kadib maanta si rasmi ah heshiis looga gaaray.

Heshiiskaan oo ay si wadajir ah u saxiixeen Wasiirka Maaliyadda XFS Biixi Imaan Cige iyo Agaasimaha Guud ee Sanduuqa Horumarinta Abdu Dubai Mr. Mohamed Saif Al-Suwaidi ayaa albaabada u furaya in Sanduuqu uu dib ula fal-galo ka qeyb qaadashada mashaariicda horumarineed ee Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu dhabaha u xaaraya helista maal-galin cusub oo dib loogu maal-gelin karo kaabayasha dhaqaalaha ee dalka, kuwaas oo baahi wayn loo qabo.

Dowladda Soomaaliya ayaa muddooyinkii la soo dhaafay waxa ay dadaal xoogan ugu jirtay sidii Soomaaliya ay u heli laheyd maal-galin iyo horumarin ilaha dhaqaalaha dalka kadib markii laga cafiyay deymhii adduunku kulahaa.

Daba-yaaqadda sanadkii 2023-kii ayey aheyd markii Soomaaliya si rasmi ah looga cafiyay guud ahaan deyntii uu caalamka ku lahaa, taasi oo dhabaha u xaareysa inay hesho maalgashi horleh.




Militariga Mareykanka oo xog cusub ka bixiyay khasaaraha duqeyntii Calmiskaad

0

Washington (Caasimada Online) – Taliska Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa war cusub kasoo saaray duqeyn culus oo ay kowdii bishaan ka fuliyeen aagga buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari, taas oo lala beegsaday maleeshiyaadka kooxda Daacish.

Warsaxaafadeed kasoo baxay AFRICOM ayaa waxaa lagu sheegay in iyaga oo kaashanaya dowladda Soomaaliya ay bartilmaameedsadeen saraakiil sar sare oo tirsan kooxda Daacish, isla markaana lagu beegsaday meel ay ku dhuumaleysanayeen oo ku taalla gobolka Bari.

“Taliska AFRICOM oo kaashanaya dowladda federaalka Soomaaliya ayaa 1-dii Febraayo ee sanadakan 2025 wuxuu howlgal lagu bartilmaameedsaday horjoogayaal sare oo ka tirsanaa argagixisada Daacish ka fuliyay buuraha ay ku dhuumaalaysanayeen oo qayaas ahaantii 50 mile dhanka koonfur bari kaga beegan magaalada Boosaaso” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale waxaa warsaxaafadeedka lagu sheegay in duqeyntn lagu dilay illaa 14 xubnood oo ay ku jiraan horjoogayaal ka tirsanaa Daacish oo muddo la baadi goobayay.

Sida ay sheegtay AFRICOM xubnahaasi la dilay waxaa kamid ahaa horjooge sare oo kooxda Daacish u qaabilsanaa qorista maleshiyaadka iyo dhinaca dhaqaalaha, kaasi oo magaciisa lagu sheegay Axmed Maleninine oo la sheegay inuu mas’uul ka ahaa in xubnaha argagixisada ee u safrayo wadamada Yurub iyo Mareykanka, sida qoraalka lagu sheegay.

Waxaa kale oo AFRICOM ay intaasi kusii dartay in weerarka cirka ah aanu wax khasaare ah kasoo gaarin dadka rayidka ah, isla markaana uu u dhacay sidii loo qorsheeyay.

Hadalka ayaa imaanayo iyadoo mudooyinkii ugu dambeeyey ay sii xoogeysanayeen howlgallada ka dhanka ah Daacish ee ka socda buuralayda gobolka Bari, kuwaasi oo ay iska kaashayaan ciidamada ammaanka maamulka Puntland iyo saaxibada caalamiga ah.

Xogta howlgallo qaatay 3 maalin oo lagu fashiliyay qorshe ay wadday Shabaab

0

Xarardheere (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgallo qorsheysan oo ka socda degmada Xararardheere ee gobolka Mudug, kuwaas oo lagu beegsaday maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa duleedka degmadaasi.

Howlgllada oo qaatay saddex maalmood oo xiriir ayaa waxaa si wada jir ah u sameeyay Kumaandooska Gorgor iyo ciidanka Xoogga, qeybtooda 21-aad iyo ciidamadda deegaanka, kuwaas oo jab culus gaarsiiyay maleeshiyaadka Khawaarijta.

Ciidamada ayaa gaaray deeaanno ay kamid yihiin Tuulo Xaaji iyo Tuulo Cadad oo dhammaan hoostaga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, halkaas oo muddo dheer ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka kooxaha argagixisada.

Qoraal kooban oo kasoo baxay dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalladan looga hortagay dhagar ay soo maleegeen Al-Shabaab oo xubnahooda ay isku uruursanayeen halkaais.

“Howlgalkan oo socday muddo saddex maalmood ah ayaa looga gol lahaa ciribtirka maleeshiyaadka Khawaarijta, kuwaas oo la helay xogtooda, xilli ay maleegayeen dhagaro argagixiso. Ciidamadda ayaa si taxaddar leh uga hortagay kooxaha nabad-diidka ah, iyagoo ku beegsaday goobo ay isku uruursanayeen” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah.

Sidoo kale saraakiisha hoggaamineysay howlgalka ayaa xaqiijiyay in kooxda la gaarsiiyay jab xooggan, isla markaana la burburiyay saldhigyo ay ku dhuumaaleysanayeen.

“Howlgalka inta uu socday ayaa Khawawrijta laga dilay tiro maleeshiyaad” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo ciidan laga dareemayaa aagga degmada Xarardheere oo ah meesha ay isku hayaan dowladda iyo kooxda Al-Shabaab.

HirShabeelle oo qaaday tallaabo ka dhan ah Muqdisho iyo DF kadib arrin ay…

0

Warsheekh (Caasimada Online) – Maamulka HirShabeelle ayaa maanta dhagax-dhigay soohdin kala qeybineysa gobolka Banaadir iyo gobolka Shabeellaha Dhexe, xuduudda labada gobol ayaa laga dhigay deegaanka Ceelcadde oo waqooyi ka xiga magaalada Muqdisho.

HirShabeelle ayaa go’aan ku gaartay in aysan aqbali doonin in Muqdisho ku fido deegaano ka tirsan Sh/Dhexe, sidoo kale maamulkaas ayaa mamnuucay in iyadoo lasoo war-gelin aan soohdintaas lasoo dhaafi karin ajaanibta maalgashi doonka iyo injineerada dhulka cabira isugu jirta.

Masuuliyiin uu soo diray Cali Guudlaawe oo guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Dhexe uu hoggaaminayo, qeybna uu ka yahay guddoomiyaha degmada Balcad ayaa maanta Ceelcadde ka dhagax-dhigay aargo muujineysa in laga baxay Muqdisho oo gudaha loo galay Sh/Dhexe.

Tallaabada uu qaaday maamulka HirShabeelle ayaa ka dhalatay markii lagu dhawaaqay in Muqdisho cusub laga dhisayo inta u dhaxaysa degmada Warsheekh iyo degmada Gubadley ee gobolka Banaadir, sidoo kale la dhisayo garoon weyn iyo dekad ay magaaladaasi yeelaneyso.

Wax dood ah kama taagna socdaalka bulshada, balse HirShabeelle ayaa si cad u sheegtay inay diidan yihiin in masuuliyiinta dowladda federaalka ay deegaano ka tirsan Sh/Dhexe geeyaan xubno ajaanib ah, iyagoo qorsheynaya in halkaas ay ku balaariyaan Muqdisho, iyagoo sameynaya maalgashi.

Ma jiraan wax khilaaf ah, sida ay Caasimada Online u sheegeen masuuliyiinta HirShabeelle, balse waxay cadeeyeen in wax tixgelin ah aan la siin oo iyadoo HirShabeelle aysan ka war heynin la doonayo in Muqdisho lagu balaariyo dhul ka tirsan Sh/Dhexe oo HirShabeelle ay maamusho.

“Maanta waxaan dhagax-dhignay xadeyn cusub oo kala qeybineysa Muqdisho iyo gobolka Sh/Dhexe, waxaan soo dhaweyneynaa hormarka laga sameyn doono aagga degmada Warsheekh, dalku wuxuu leeyahay hal dowlad, laakiin waxaan rabnaa in qof kasta Meesha uu masuul ka yahay lagu tix-geliyo,” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Sh/Dhexe korneyl Masdile.

Sidoo kale waxaa xusid mudan in dowladda Soomaaliya ay qorsheyneyso in halkaas laga hirgeliyo saldhig Dayaxgacmeed oo dowladda Turkiga ay dhiseyso, balse HirShabeelle ayaa wax aan suurtagal ah aheyn ku tilmaantay in aan lala socodsiin waxa ka socda dhulka ay maamusho.

 

War ka cusub heshiiska Soomaaliya iyo Itoobiya iyo tallaabo Turkiga uu qaaday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Turkiga, Burhanettin Duran, ayaa Isniintii si rasmi ah loogu soo dhoweeyay Muqdisho isagoo booqasho shaqo ku jooga, sida ay xaqiijiyeen ilo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Talaadada maanta ah.

Duran waxa uu kulammo la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, iyo Wasiirka Batroolka iyo Kheyraadka Dabiiciga, Daahir Shire Maxamed, ka hor inta aanu si rasmi ah u qaabilin Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhinacyadu waxay ka wadahadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo diyaarinta wadahadallada farsamo ee Soomaaliya iyo Itoobiya, kuwaas oo qayb ka ah Heshiiskii Ankara ee labada dal ay ku kala saxiixdeen Turkiga, si loo soo afjaro xiisadda u dhaxeysay.

Duran waxa uu sidoo kale Khamiistii booqasho gaar ah ku tagay caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa si uu ula kulmo dhiggiisa Itoobiya, oo uu sidoo kale kala hadlay Heshiiska Ankara.

Xisbiga talada haya ee Turkiga, Justice and Development Party (AK Party), ayaa bishii hore laba heshiis istiraatiiji ah la saxiixday xisbiyada maamula Itoobiya iyo Soomaaliya si loo xoojiyo xiriirka labada dhinac ee dowlad-dowladeed iyo xisbiyada.

Khilaafka Somaliland

Xiriirka u dhexeeya Turkiga iyo Soomaaliya ayaa gaaray heer iskaashi istiraatiiji ah, iyadoo socdaallada heerka sare ah ay sii xoojiyeen xiriirka labada dal sanadihii la soo dhaafay, sida ay sheegeen ilo-wareedyada.

Dowladda Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan waxay dadaal xooggan ku bixisay kordhinta hawlaheeda diblomaasiyadeed iyo horumarinta dhaqaalaha Afrika, iyadoo dhexdhexaad ka ah khilaafka u dhexeeya Itoobiya iyo Soomaaliya.

Ankara waxay door muhiim ah ka qaadatay xalinta khilaaf socday muddo sanad ah oo halis gelinayay xasilloonida Geeska Afrika, iyadoo dhex-dhexaadin ka sameysay khilaafka la xiriiray Somaliland ee u dhexeeya Itoobiya iyo Soomaaliya sanadkii hore.

Khilaafkan ayaa billowday bishii Janaayo markii Itoobiya oo aan bad lahayn ay heshiis la gashay gobolka gooni isu taagga ah ee Somaliland si looga kireeyo dhul xeeb oo loogu talagalay deked iyo saldhig ciidan.

Bedelkeeda, Somaliland oo ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya sanadkii 1991-kii, taasi oo Muqdisho ay ku gacan sayrtay, ayaa sheegtay in Itoobiya ay si rasmi ah u aqoonsan doonto, inkastoo Addis Ababa aysan si cad u xaqiijin arrintaas.

Soomaaliya ayaa heshiiskaas ku tilmaantay mid xadgudub ku ah madax-bannaanideeda, taasoo keentay walaac caalami ah oo ku saabsan khatarta dagaal cusub oo ka qarxa gobolka xasillooni darrada ay ka jirto ee Geeska Afrika.

Turkiga ayaa dhexdhexaadinta bilaabay bishii Luulyo, isagoo qabtay saddex wareeg oo wadahadallo ah – laba ka dhacay Ankara iyo mid kale oo ka dhacay New York – ka hor guushii la gaaray bishii Diseembar, taas oo ay amaaneen Midowga Afrika, Washington, iyo Brussels.

Bishii December, Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa saxiixay heshiis is-afgarad ah oo ka dhacay Ankara kadib wadahadallo adag oo saacado qaatay, kaas oo lagu xaqiijiyay midnimada dhuleed ee Soomaaliya, isla markaana lagu bilaabay wadahadallo ku saabsan siinta Itoobiya marin badeed oo Soomaaliya ah.

Sawirro: Ciidamo si gaar ah u tababaran oo kusoo biiraya dagaalka Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Cutubyo ka tirsan ciidamada hubeysan ee hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka qaranka (NISA), kuwaas oo si gaar ah loogu tababaray dagaalka ka dhanka ah argagixisada, ayaa si rasmi ah ugu biiray howlgalada lagula dagaallamayo kooxda Al-Shabaab.

Ciidamadan oo maanta uu sagootiyay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa la siiyay tababaro khaas ah oo ku saabsan weerarrada qorsheysan, waxaana tababarka bixiyay khuburo ka socotay dowladda Turkiga.

Ciidamadan ayaa door muhiim ah ka qaadan doona howlgalada dalka ka socda ee lagu cirib-tirayo kooxaha argagixisada ah, iyadoo la doonayo in lagu xaqiijiyo amniga, kala dambeynta, iyo xasilloonida guud ee dalka.

Madaxweynaha Soomaaliya oo la hadlayay ciidamada ayaa tilmaamay inay wax weyn ka tari doonaan burburinta godadka ay ku dhuumaaleysanayaan horjoogeyaasha iyo maleeshiyaadka argagixisada, maadaama ay heleen tababarro adag oo xirfado sare leh.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay garab istaagaan ciidamada qaranka ee dagaalka kula jira kooxda Khawaarijta.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si gaar ah uga mahadceliyay dowladda Turkiga taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay Soomaaliya, gaar ahaan dhismaha iyo tayeynta ciidamada amniga.

Ugu dambeyn, wuxuu ku dhiirrigeliyay ciidamada tababarka dhammeystay inay ka dhabeeyaan dhaartii ay mareen iyo go’aanka ay qaateen ee difaaca dalkooda.

Gulufka dagaal ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, oo hoos u dhacay bilihii lasoo dhaafay, ayaa haatan dowladda Soomaaliya ku waddaa dardar-gelin xooggan si markale dagaal culus loogu qaado kooxdaas, iyadoo howlgaladu ka socdaan jihooyin dhowr ah.






Faah-faahinta dagaal culus oo ka dhacay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa dagaal goor dhow ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu u dhexeeyay ciidamada amniga ee dowladda iyo rag hubaysan oo uu hoggaaminayay nin ka tirsan ciidanka booliska.

Iska horimaadka ayaa ka bilowday guri ku yaalla waaxda Neero ee degmada Cabdicasiis, dhanka xigta Mirinaayo. Wararka ayaa sheegaya in la isku haystay lahaanshaha guriga, kaas oo maxkamaddu hore u amartay in aan la dhisi karin, balse dhisme lagu bilaabay amarka maxkamadda kaddib.

Ciidamo boolis ah ayaa tagay guriga si ay u joojiyaan dhismaha, taasoo sababtay inuu dagaalku bilowdo. Wararka ayaa intaas ku daraya in dhaawacyo soo gaareen taliyeyaasha saldhigyada booliska ee degmooyinka Cabdicasiis iyo Kaaraan.

Saraakiil ka tirsan hay’adaha amniga ee dowladda ayaa gaaray goobta iska horimaadka, waxaana ugu dambeyn ciidanku ku guuleysteen inay soo afjaraan shaqaaqadan.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in laamaha amniga ay gacanta ku dhigeen laba ruux oo ka mid ah raggii hubaysnaa, inkastoo uu baxsaday ninka la sheegay inuu booliska ka tirsan yahay ee ciidanka la dagaallamay.

Si kastaba ha ahaatee, xaaladda goobtii lagu dagaallamay ayaa haatan deggan, waxaana gacan ku haynta guriga la wareegay ciidamada amniga ee dowladda.