25.5 C
Mogadishu
Sunday, June 21, 2026

Midowga Yurub oo wacad ku maray jawaab adag xilli Trump uu billaabay dagaal

Brussels (Caasimada Online) – Midowga Yurub ayaa Axaddii wacad ku maray inuu si Midowga Yurub ayaa Axaddii ku adkaystay inuu si adag uga jawaabi doono haddii Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu tacriif ama cashuuro ku soo rogo, iyadoo Brussels ay cambaaraysay dagaalka ganacsi ee uu billaabay ee ka dhanka ah Canada, Mexico iyo Shiinaha.

Brussels ayaa illaa hadda sheegaysay inay rajaynayso in ay ka fogaato khilaaf ganacsi oo kala dhexeeya Trump, iyadoo loo marayo wada hadal.

Laakiin Jimcihii, hoggaamiyaha Maraykanka ayaa xaaladda sii adkeeyay isagoo sheegay inuu “gebi ahaanba” qorshaynayo inuu beegsado Midowga Yurub mustaqbalka, kaddib markii uu marka hore cashuuro saaray dalalka deriska la ah ee Waqooyiga Ameerika iyo Shiinaha.

“Midowga Yurub wuxuu ka xun yahay go’aanka Maraykanka ee uu cashuuraha ugu soo rogay Canada, Mexico iyo Shiinaha,” ayuu yiri Afhayeen u hadlay Guddiga Yurub.

“Cashuuruhu waxay abuuraan khalkhal dhaqaale oo aan loo baahnayn, waxayna sare u qaadaan sicir-bararka. Waxyeello ayay u gaystaan dhammaan dhinacyada.”

Afhayeenku wuxuu sheegay “in Midowga Yurub uu si adag uga jawaabi doono waddan kasta oo ay ganacsi wadaagaan, kaasoo si aan caddaalad ahayn ama si aan loo meel dayin cashuuro ugu soo roga badeecadaha Midowga Yurub”.

“Waqtigan xaadirka ah, ma ogin wax cashuuro dheeraad ah oo lagu soo rogay badeecadaha Midowga Yurub,” ayuu raaciyay.

Wuxuu sheegay in Midowga Yurub oo ka kooban 27-ka dal ay weli ka go’an tahay cashuuro hooseeya si “kor loogu qaado kobaca iyo xasilloonida dhaqaale ee nidaam ganacsi oo xooggan oo ku dhisan sharci”.

Wuxuuna ku celiyay sida ay uga go’an tahay Midowga Yurub xiriirkiisa ganacsi iyo maalgashi ee uu la leeyahay Maraykanka — “ka ugu weyn adduunka”.

“Waxaa jira wax badan oo halis ku jira,” ayuu yiri Afhayeenku. “Waa inaan labadeennuba eegnaa sidii loo xoojin lahaa xiriirkan.”

Trump ma uusan qarsan cadaawaddiisa ku wajahan Midowga Yurub, isagoo ku eedeeyay inuu Maraykanka “si aad iyo aad u cadaalad-darro ah” ula dhaqmay dhanka ganacsiga.

Xiisadaha ayaa sidoo kale sare u kacay ka dib markii uu si joogto ah ugu adkaystay inuu doonayo inuu Greenland ka qaato Denmark, oo xubin ka ah Midowga Yurub.

Sannadkii 2018, intii lagu jiray muddo xileedkiisii ugu horreeyay, Trump wuxuu cashuuro saaray dhoofinta birta iyo aluminiumka Yurub — taasoo keentay in Midowga Yurub uu kaga jawaabo cashuuro u gaar ah oo ka sarreeya.

Natiijadaas awgeed, Yurub waxay muddo bilo ah dajinaysay qorshayaal kala duwan si loo hubiyo inay diyaar u tahay markan, haddii uu go’aansado inuu bilaabo khilaaf ganacsi oo cusub oo uu la galo ururka.

‘Cidna ma caawin doonto’ –

Dibloomaasiyiinta iyo saraakiisha Midowga Yurub ayaa ku adkaysanaya inay midaysan yihiin, ayna haystaan qalab ay kaga jawaabaan tallaabooyinka Trump — laakiin khubarada ayaa sidoo kale tilmaamaya dildillaacyo suurtagal ah haddii uu cadaadiska kordhiyo.

Awoodda dhaqaale ee Jarmalka — oo wajahaysa doorasho adag bishan iyo dhaqaale hoos u dhacay — ayaa ka gaabsanaysay arrimaha cashuuraha.

Trump waxa kale oo ay u badan tahay inuu isku dayo inuu iska horkeeno danaha dowladaha shakhsi ahaaneed ee Midowga Yurub.

Qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha Yurub ayaa horeyba ugu loolamayay inay ku dhowaadaan, iyadoo Giorgia Meloni ee Talyaaniga ay hoggaaminayso.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Talyaaniga, Antonio Tajani, ayaa Axaddii qoray in “dagaal cashuureed uusan cidna caawinaynin”, isagoo sheegay in Talyaanigu uu hayo fikrado uu ku ilaalinayo shirkadihiisa, isla markaana ay Rome dhex-dhexaadiye ka noqon doonto Washington.

Saraakiisha Midowga Yurub ayaa weli rajaynaya inay ka dhaadhicin karaan Trump inuusan sii wadin qorshihiisa cashuuraha.

Madaxa Guddiga Yurub, Ursula von der Leyen, ayaa bishii Nofembar soo jeedisay qorshe suurtagal ah oo lagu ilaalinayo taageerada TRUMP: iibsashada gaas dabiici ah (LNG) oo badan oo ka yimaada Maraykanka.

Taas ayaa lagu tilmaamay mid labada dhinacba ay ku wada guulaysanayaan, maadaama ay ka caawin doonto ururka inuu iska daayo saadka ka yimaada Ruushka, halka ay sidoo kale qancinayso hoggaamiyaha Maraykanka.

Trump laftiisa ayaa dalbaday in Midowga Yurub uu iibsado saliid iyo gaas badan oo Maraykan ah — isagoo sidoo kale ka cabanaya in ururku uusan soo dhoofsan wax ku filan oo ah baabuurta Maraykanka iyo wax-soo-saarka beeraha.

Hoggaamiyeyaasha Midowga Yurub ayaa la filayaa inay ka wada hadlaan khatarta cashuuraha ee soo fool leh, ee ka imaanaysa Ttump, magaalada Brussels maanta oo Isniin ah, shir looga golleeyahay in diiradda lagu saaro arrimaha difaaca.

Awoodda militari ee Maraykanka ayaa weli aasaas u ah amniga Yurub iyada oo loo marayo NATO. Xulafada Maraykanka oo si xilkasnimo leh isha ugu haya Ruushka ayaa ka baqaya in ka caraysiinta Trump ay khatar gelin karto kaalinta Washington ee ilaalinta qaaraddooda.

Xogta howl-gallo culus oo maanta ka dhacay gobolka…

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Sheekh Abuukar Maxamed ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixiyay howl-gallo qorsheysan oo ay maanta ciidamada Macawiisleyda ay ka fuliyeen gobolka Galgaduud.

Howlgalka koowaad ayaa waxa uu tilmaamay inuu ka dhacay magaalada Bud-Bud, islamarkaana laga saaray maleeshiyaadkii Al-Shabaab ee muddada ku sugnaa halkaasi.

“Ciidanka deegaanka ee ka howlgala bariga gobolka Galgaduud ayaa howlgal qorsheysa waxa ay ka fuliyeen meesha la yiraahdo Bud Bud iyo Bood waxay qabsadeen gacan ku heynta magaalada oo dhan,” ayuu yiri Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in ciidamada marka ay qabteen magaalada ay isugu yeereen dadka deegaanka, islamarkaana ay kula hadleen goob fagaare ah, iyaga oo ka dalbaday inay kala shaqeeyaan nabad-gelyada, maadaama laga xoreeyay Al-Shabaab.

“Waxay isugu yeereen dadkii shacabka ahaa waxayna u sheegeen in kooxda maafiyada Khawaarijta in aysan tabar badneyn is dajiyaan ciidankana ay la shaqeeyaan,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Afhayeenka ayaa sidoo kale xusay in howl-gal kale oo ay qaadeen ciidamada deegaanka uu isna ka dhacay degmada Ceelbuur, kaas oo isna lagu beegsaday goob ay ku shirayeen horjoogayaal ka tirsanaa Al-Shabaab, islamarkaana dhimasho iyo dhaawac loo gaystay.

“Waxaan la soconaa dad deegaan ah oo is abaabulay inay weerareen degmada Ceelbuur ay maafiyadii ay ku shireyso oo horjoogayaal ay kamid yihiin ay ku khaarijiyeen,” ayuu yiri.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo ciidan laga dareemayaa qaybo badan oo kamid ah gobollada dhexe oo ay ka socdaan dagaallo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Suuqa labaad ee ugu weyn Hargeysa oo gubtay + Sawirro

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dab wayn oo xalay ka kacay Suuqa Gobonimo, gaar ahaan qaybta xigta deyrka waqooyi ee Idaacada, kaas oo gaystay khasaare hantiyeed oo baaxad leh.

Dabka ayaa inta badan baabi’iyay suuqan oo ah kan labaad ee ugu wayn magaalada Hargeysa, wuxuuna ku fiday goobo ganacsi oo ku yaallay gudaha suuqaasi.

Ciidamada dab damiska Somaliland oo goobta gaaray ayaa mar dambe ku guuleystay xakamaynta dabka, waxaana hadda socda tirakoobka inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha.

Sida uu sheegay taliyaha ciidanka dab damiska Sareeye Guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili guud ahaan ciidamada dab damiska degmooyinka caasimada ayaa hawlgalkan ka qayb-galay, sidoo kale 26 gaari dab damis ah ayaa iyaguna ka qayb qaatay howlgalka.

“Alla Mahadii ciidamada ayaa ku guuleystay in dabkaa hareereeyaan, inta aanu ku fidin suuqa intiisa kale oo ah mid cidhiidhi ah ayna adagtahay in gaadiidka Dabdemisku si fudud u galaan. Dabkan ayaa bilaabmay 11:56 pm” ayuu yiri taliye Axmed Sawaaxili.

Sidoo kale wuxuu ka ka hadlay ciriiriga ka jira waddooyinka iyo dadka oo aad u badnaa, isaga oo fariin wacyigelin ah u diray bulshada Somaliland.

Ugu dambeyn wuxuu u mahadceliyay Wasaarada Arrimaha Gudaha,Badhasaabka, Maayar xigeenka, Xoghayaha dawlada hoose, xildhibaanada, Dawlada hoose Hargeysa,  Ciidamada Booliska, Ciidanka Military ga, Wasaarada Warfaafinta, Booyadaha Shacabka iyo dadweynaha oo iyaguna ka qayb qaatay dadaalka daminta dabkaasi.

Horay waxaa sidaan oo kale ugu gubtay suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa, kaas oo dhaliyay khasaare lixaadleh iyo burbur wayn oo soo gaaray suuqaasi.

Somalia: Key senator rejects government’s vote plan

Mogadishu, Somalia – A prominent Somali senator has publicly rejected the federal government’s proposal for a one-person-one-vote electoral system, intensifying an already heated debate about the country’s political future and raising concerns about potential instability.

Senator Abdi Qaybdiid, a former Somali Police Chief and a key figure from the Galmudug regional state declared his opposition to the proposed electoral model slated for implementation in 2026.

“Only a nationally agreed-upon election will take place in Galmudug,” Qaybdiid asserted. “The stakeholders of Galmudug will jointly deliberate on this matter.”

Qaybdiid’s statement marks the first open challenge by a sitting senator to the controversial one-person-one-vote system, which has become a central point of contention in Somalia’s complex political landscape.

The senator also criticized President Hassan Sheikh Mohamud’s frequent international travels, urging the federal parliament to be vigilant of the “wrong path” Somalia was treading.

Federal Government defends plan

The Federal Government of Somalia (FGS) maintains that the new system will be implemented in parts of the country, excluding the autonomous Puntland state, which was established in 1998 as the first federal member state in Somalia.

The government has framed the transition to a one-person-one-vote system as a crucial step towards democratization and a departure from the current clan-based indirect election model.

Deputy Prime Minister Salah Ahmed Jama defended the plan, arguing that aligning the country’s political calendar and holding elections at all levels simultaneously is necessary.

“The term extension is an essential step to move away from the indirect election system, which is based on the clan system and which we have been using for the past seven years,” Jama told reporters in Mogadishu.

The term extension refers to a recent decision by the National Consultative Council, a body comprising federal and regional leaders, to extend the mandates of regional leaders. The government claims this is necessary to facilitate the transition.

One-person, one-vote: A contentious proposal

The proposed shift to a one-person-one-vote system, also known as universal suffrage, has long been a goal for Somalia as it seeks to establish a stable democracy after decades of civil war and political turmoil.

The current system, known as the “4.5 system,” allocates parliamentary seats based on clan affiliation, a process many see as undemocratic and divisive.

However, the ambitious 2026 timeline for implementing the new system has drawn criticism.

Critics, including opposition politicians and political analysts, express concerns about the feasibility of such a rapid transition given the ongoing security challenges posed by the al-Shabaab insurgency and unresolved political disputes between the federal government and regional states.

Fears of renewed conflict

Opponents of the government’s plan have voiced strong concerns about the timeline, arguing that the unresolved political disagreements between the federal government and regional states could lead to further delays or even trigger renewed conflict.

They point to the lack of a finalized constitution, ongoing disputes over power-sharing and resource allocation, and the volatile security situation as major obstacles to implementing nationwide direct elections.

Puntland’s exclusion from the proposed electoral system adds another layer of complexity to the situation. The region has consistently advocated for a greater degree of autonomy and has had a strained relationship with the central government in Mogadishu.

Puntland leaders have previously expressed concerns regarding the one-person-one-vote system, fearing it could marginalize their influence.

The success or failure of the proposed electoral reform will have far-reaching implications for Somalia’s political stability and its transition to a fully functioning democracy.

Wareysi: Jubaland oo codsi u dirtay DF, kana cabatay cunaqabateynta la saaray

0

Doolow (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga ee Maamulka Jubbaland, Jeneraal Yuusuf Dhuumaal ayaa sheegay in maamulkiisu uu diyaar u yahay in la xaliyo khilaafka kala dhaxeeya dowlada federaalka.

Wasiir Dhuumaal oo wareysigaan siiyey Idaacadda VOA ayaa sheegay in khilaafkaan uu saameyn weyn ku yeeshay amniga Jubbaland, isla markaana ay lama huraan tahay in la xaliyo.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa ka hadlay safarkii Axmed Madoobe uu ku tegay Nairobi, isagoo sheegay in halkaas uu kula soo kulmay qaar kamid ah safiirrada caalamka.

“Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu lasoo kulmay madaxda dowladda Kenya, maadaama aan wadaagno xuduud dheer, muhiimna ay tahay inaan ka wadashaqeyno amniga, markii barnaamijyadaasi u soo dhamaadeena, wuxuu ku soo noqday Kismaayo,” ayuu yiri Wasiir Dhuumaal.

Wasiirka ayaa la weydiiyey waxa ka jira wadahadalo ay yeesheen Jubbaland iyo dowladda federaalka, wuxuuna sheegay in wax wadahadal ah aysan dhicin, “xitaa hadii ay jirto waa wax madaxweynaha gaar u ah,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxaa la weydiiyey in Axmed Madoobe uu Nairobi u tegay arrimo caafimaad, wuxuuna dafiray hadal-heyntaas, “Qaabilaad iyo shaqo ayuu ku jiray mooyaane, ma jirin arrimo caafimaad oo madaxweynuhu Nairobi u tegay,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Sidoo kale wasiirka amniga Jubbaland ayaa codsaday in khilaafkaan laga wadahadlo, “Madaxweynaha sharafta leh Xasan Sheekh waa madaxweynaheena colaad nagama dhaceyso, waxaan ogolnahay wadahadal, hadii aan qaldanahay waa nala qabsan karaa,” ayuu yiri wasiir Dhuumaal.

Wasiirka ayaa quus ka muujiyey xaaladda Jubbaland, isagoo tusaale u soo qaatay in isagoo jooga Doolow uusan tegi karin degmada ugu dhow ee Luuq, “Khalaafkaan saaneyn adag ayuu nagu yeeshay ciidamadii waxaa laga soo jeediyey argagixisadii ay dagaalka kula jireen, waxaan joogaa Doolow oo go’doon ah,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Hoos ka dhageyso wareysiga wasiir Dhuumaal.

Jabuuti oo war kasoo saartay weerar ay ku qaaday jabhadda FRUD, balse Itoobiya oo…

Jabuuti (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa fuliyay weerar ay ka gaysteen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (Drones-ka) meel ku dhow xadka ay la wadaagaan dalka Itoobiya, halkaas oo ay ku dileen siddeed xubnood oo ka tirsan koox hubeysan iyo tiro aan la cayimin oo dad rayid ah, sida ay mas’uuliyiintu shaaciyeen Axadda maanta ah.

“Weerar ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa lala beegsaday koox hubeysan oo ku sugneyd deegaanka Addorta ee dalka Jabuuti, kaas oo qiyaastii lix kiiloomitir (3.7 mayl) u jira xadka Itoobiya,” ayay tiri wasaaradda gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Jabuuti.

“Siddeed ka mid ah kooxda hubeysan ayaa lagu dilay weerarkaasi,” ayay wasaaraddu hadalkeeda ku dartay. Waxay kaloo qirtay in “khasaare soo gaaray dad rayid ah oo u dhashay Jabuuti uu jiro, arrintaas oo ah mid aan ka xunahay,” balse ma aysan bixin faahfaahin intaa ka badan.

Wasaaradda Gaashaandhigga Jabuuti ayaa shaacisay in baaritaan la furay, iyadoo intaa ku dartay in kooxda hubeysan ee la beegsaday ay wadeen “abaabul colaadeed” oo “khatar ku ahaa saldhigyada ciidamada ee ku yaalla xadka.”

La-taliyaha Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, oo lagu magacaabo Alexis Maxamed, ayaa sheegay mar ay wariyeyaasha AFP wax ka weydiiyeen weerarkan, in kooxda hubeysan ee la beegsaday ay ka tirsanaayeen Jabhadda Hubaysan ee Soo Celinta Midnimada iyo Dimuqraadiyadda (FRUD A), oo Jabuuti u aqoonsan tahay koox argagixiso ah.

Jabuuti mise Itoobiya?

Wargeyska Addis Standard ee ka soo baxa Itoobiya ayaa sheegay in weerarka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn uu ka dhacay gudaha dhulka Itoobiya, balse mas’uuliyiinta Jabuuti ayaa arrinkaas gaashaanka ku dhuftay. Mudane Maxamed ayaa ku celceliyay in weerarku uu ka dhacay gudaha Jamhuuriyadda Jabuuti.

Mas’uuliyiinta dowladda Itoobiya ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin codsiyada ay wariyeyaasha AFP u direen si ay uga hadlaan dhacdadan.

Bishii Oktoobar 2022, toddoba askari ayaa la dilay, lix kalena waa la afduubay, ka dib weerar lagu qaaday xerada ciidankooda ee Garabtiisan, oo dhacda waqooyiga Jabuuti. Mas’uuliyiinta Jabuuti ayaa weerarkaas ku eedeeyay jabhadda FRUD. Askartii la afduubay ayaa dib loo sii daayay dhowr toddobaad ka dib.

Jabhadda FRUD oo xubnaheeda laga soo uruuriyo qowmiyadda Cafarta ee ku dhaqan waqooyiga Jabuuti, ayaa sannadkii 1991-kii billowday dhaq-dhaqaaq hubeysan oo ka dhan ah dowladda, iyagoo sheeganayay inay difaacayaan danaha qowmiyadda Cafarta oo ay ka ilaalinayaan qowmiyadda Ciisaha, oo ah qowmiyadda kale ee ugu tirada badan dalka.

Kooxdan ayaa markii dambe u kala qeybsantay laba garab. Iyadoo garabka FRUD uu hadda qeyb ka yahay isbahaysi ka kooban afar xisbi siyaasadeed oo taageera Madaxweyne Geelle, haddana garabkeeda hubaysan ee FRUD A ayaa sii wada weerarrada hubeysan.

Jabuuti oo ku taalla mid ka mid ah marinnada maraakiibta ee ugu mashquulka badan adduunka, halkaasoo ay isaga darsamaan Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, ayaa waxaa ku yaalla saldhigyo milatari oo muhiim ah, kuwaas oo ay ku leeyihiin dalalka Mareykanka iyo Faransiiska.

DF oo shaacisay qorshe ka dambeeya muddo kordhinta madax goboleedyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa difaacday go’aankeeda ku aaddan kordhinta muddo xileedka hoggaamiyeyaasha dowlad-goboleedyada, iyadoo ku tilmaamtay tallaabo lagama maarmaan u ah horumarinta dib-u-habeynta doorashooyinka iyo u-gudbidda nidaamka “hal qof, hal cod”.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda, Saalax Axmed Jaamac, ayaa sheegay in muddo kordhintan, oo lagu soo afmeeray shirkii ugu dambeeyay ee Golaha Wadatashiga Qaranka, ay qeyb ka tahay qorshaha dowladda federaalka ee isku aaddinta jadwalka siyaasadeed ee dalka, si doorashooyinka dhammaan heerarkooda kala duwan hal mar loogu wada qabto.

“Muddo kordhintu waa tallaabo lama huraan ah oo looga weecanaayo hannaanka doorasho ee dadban, kaas oo ku saleysan nidaamka beelaha, isla markaana aan ku dhaqmeyney muddo haatan laga joogo toddobo sano,” ayuu Mudane Jaamac hadalkan u sheegay wariyeyaasha ka howlgala magaalada Muqdisho.

‘Qorshaha doorasho toos ah oo socda’

“Waxaa naga go’an in aan muwaadiniinta Soomaaliyeed u suurta galinno in ay si toos ah u soo doortaan hoggaamiyeyaashooda — laga soo bilaabo mas’uuliyiinta heer deegaan, illaa heer gobol, iyo weliba kuwa dowlad-goboleed.”

Saalax ayaa sidoo kale sheegay in guddiga doorashooyinka qaranka ee dhawaan la asaasay uu haatanba bilaabay howlaha la xiriira diyaar-garowga coddeynta, iyadoo saraakiil ka tirsan guddigu ay kormeer ku kala bixin doonaan gobollada muhiimka ah ee dhammaan dowlad-goboleedyada dalka.

Guddiga ayaa qorsheynaya inuu korjoogteeyo geeddi-socodka xilliga kala-guurka ah, sidoo kalena xaqiijiyo in daneeyeyaasha kala duwan ee heer deegaan ay qeyb ka noqdaan howlaha doorashooyinka.

Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa shaaciyay in bisha Juun 2025 ay tahay waqtiga loo qorsheeyay qabashada doorashooyinka golayaasha degaanka, taasoo haddii ay hirgasho astaan weyn u noqon doonta geeddi-socodka dib-u-habeynta hannaanka doorashooyinka.

Si kastaba ha ahaatee, qorshahan ayaa dhaleeceyn xooggan kala kulmay qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka, kuwaasoo ku doodaya in hannaanka lagu fulinaayo aanu lahayn hufnaan ku filan, isla markaana uu sii xoojin karo awoodda maamulka talada haya.

Siyaasiyiinta ka soo horjeeda hannaanka dowladda ayaa weliba walaac xooggan ka muujiyay waqtiga loo qabtay, iyagoo ku adkeystay in khilaafaadyada siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo maamul-goboleedyada, kuwaas oo aan xal rasmi ah laga gaarin ay sababi karaan dib-u-dhac kale ama xitaa inay hurin karaan colaad hor leh.

Caqabadaha doorasho qof iyo cod ah

Dhinaca kale, caqabad weyn ayaa weli ka taagan dhanka ammaanka. Iyadoo kooxda Al-Shabaab ay weli ku xooggan tahay deegaannada baadiyaha ah, ayna weerarro joogta ah ka geysato gudaha dalka, hubinta in dhammaan muwaadiniintu ay si nabad ah uga qeyb-qaadan karaan doorashooyinka ayaa weli ah arrin walaac weyn laga qabo.

Soomaaliya ayaa tan iyo horraantii qarnigan 21-aad ku tiirsaneyd hannaanka doorasho ee dadban, halkaasoo odayaasha dhaqanka ay soo xulaan xubnaha Baarlamaanka, kuwaasoo markooda doorta Madaxweynaha.

Hannaankan, oo saldhig u ah qaab-dhismeedka awood qeybsiga beelaha ee 4.5, ayaa ahaa xal wax-ku-ool ah oo lagu xaqiijinaayay metelaadda siyaasadeed ee waddan kasoo kabanaayay colaad sokeeye, laakiin waxa uu muddooyinkii u dambeeyay dhaleeceyn kala kulmayay inuu kordhiyey musuqmaasuqa, isla markaana xaddiday ka qayb-galka siyaasadeed ee shacabka.

Maamulladii hore ee dalka ayaa isku dayay inay hirgeliyaan doorasho qof iyo cod ah, hase yeeshee isku dayadaas ayaa la kulmay caqabado laxaad leh. Tusaale ahaan, sannadkii 2020, dowladdii hore ayaa qorsheysay inay dalka ka hirgeliso nidaamka “hal qof, hal cod”. Hase yeeshee, khilaafaadyadii siyaasadeed ee soo noqnoqday iyo caqabadaha dhanka ammaanka ayaa sababay in dib loo dhigo qorshayaashaas.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo ay xildhibaannadu ku doorteen doorasho dadban bishii Maajo 2022, muddo xileed afar sano ah, ayaa mudnaanta koowaad siiyey in dalka laga hirgeliyo doorasho toos ah, taasoo uu sheegay inay tahay ujeeddooyinka ugu muhiimsan ee maamulkiisa. Xildhibaannada ayaa tan iyo markaas soo jeediyay in muddo xileedka Madaxweynaha laga dhigo shan sano, inkastoo wax-ka-beddelkaas aan weli la ansixin.

Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in qorshaheeda hadda uu abuuri doono nidaam siyaasadeed oo loo dhan yahay, hufan, isla markaana xaqiijinaaya metelaadda shacabka.

Saalax Axmed Jaamac ayaa markale ku celiyay in dowladda ay u furan tahay wadahadal lala yeesho kooxaha mucaaradka si wax looga qabto walaacyada ay qabaan, balse waxa uu ka digay in dib-u-dhacyo hor leh ay khatar gelin karaan jadwalka dib-u-habeynta.

“Waxaan heynaa qorshe cad oo aan ku dhaqaaqeyno,” ayuu yiri Mudane Jaamac. “Ma awoodno inaan iska lumino fursaddan taariikhiga ah ee dib-u-habeynta siyaasadeed ee dalka.”

Somalia defends regional leaders’ term extensions

MOGADISHU, Somalia – Somalia’s federal government has defended its decision to extend the terms of regional leaders, calling it a necessary step towards electoral reforms and a transition to a “one person, one vote” system.

The extension, finalized during the latest National Consultative Council meeting, is part of the federal government’s plan to synchronize the country’s political calendar, Deputy Prime Minister Salah Ahmed Jama said.

“The term extension is a necessary step to move away from the indirect election system, which is based on a clan system and has been practiced for seven years,” Jama told reporters in Mogadishu.

‘Direct election plan underway’

“We are committed to enabling Somali citizens to elect their leaders directly – from the local to the regional and state levels,” he added.

Jama said the recently established National Electoral Commission has already begun preparations for the polls, with officials set to visit key regions in all federal member states. The commission will oversee the transition process and ensure the participation of local stakeholders.

The National Electoral Commission announced that local council elections are scheduled for June 2025, marking a significant milestone in the electoral reform process if it goes ahead.

However, the plan has drawn criticism from some opposition politicians, who argue that the process lacks transparency and could further consolidate the current administration’s power.

Opposition politicians have also expressed concerns about the timeline, arguing that unresolved political disputes between the federal government and regional administrations could cause further delays or ignite new conflicts.

Challenges to implementing universal suffrage

Security remains a major challenge. With Al-Shabaab militants still controlling parts of the countryside and carrying out frequent attacks, ensuring that all citizens can participate safely in the elections remains a major concern.

Somalia has relied on an indirect election system since the early 2000s, where clan elders select members of parliament, who then elect the president.

This system, which is the basis of the 4.5 clan power-sharing formula, was initially seen as a pragmatic solution to ensure political representation in a country recovering from civil war. However, it has increasingly been criticized for fostering corruption and limiting political participation.

Previous administrations attempted to implement universal suffrage, but these efforts faced significant obstacles. For example, in 2020, the previous government planned to implement a “one person, one vote” system. However, recurring political disputes and security challenges caused these plans to be postponed.

President Hassan Sheikh Mohamud, whom lawmakers elected in an indirect election in May 2022 for a four-year term, has prioritized direct elections as a key objective of his administration.

Lawmakers have since proposed extending the presidential term to five years, although this amendment has not yet been approved.

The federal government maintains that its current plan will create a more inclusive and transparent political system that ensures public representation.

Jama reiterated that the government is open to dialogue with opposition groups to address their concerns but warned that further delays could jeopardize the reform schedule.

“We have a clear plan that we are moving forward with,” Jama said. “We cannot afford to miss this historic opportunity for political reform in the country.”

Djibouti drone strike kills rebels and civilians

DJIBOUTI CITY, Djibouti – Djibouti’s military launched a drone strike targeting a rebel group near the Ethiopian border, killing eight militants and an unspecified number of civilians, authorities said Sunday, raising tensions in the volatile Horn of Africa region.

The strike, which took place in Addorta, a Djiboutian locality approximately six kilometers (3.7 miles) from the Ethiopian border, targeted members of the Armed Front for the Restoration of Unity and Democracy (FRUD A), according to the Djibouti Defense Ministry.

“Eight terrorists were neutralized,” the ministry said in a statement, adding that “collateral damage was unfortunately reported among Djiboutian civilians.” The statement did not specify the number of civilian casualties.

Dispute over location of strike

While Djibouti maintains the strike occurred within its territory, the Ethiopian daily Addis Standard reported the attack took place in the Siyaru Kebele, Elidar district of Ethiopia’s Afar region, citing local sources.

A resident, speaking to Addis Standard on condition of anonymity, claimed the attack happened “multiple times during the night” and resulted in “the deaths of more than eight people,” including a pregnant woman and two brothers. The resident added that at least four others were seriously injured.

Alexis Mohamed, an advisor to Djibouti President Ismael Omar Guelleh, confirmed to AFP that the targets were FRUD A members but insisted the strike occurred on Djiboutian territory.

Ethiopian authorities have not yet commented on the incident.

Djibouti’s Defense Ministry said the targeted rebels had been engaged in “hostile actions” that constituted “a potential threat to our advanced posts.” The government has opened an investigation into the incident.

The FRUD A, which Djibouti considers a terrorist organization, has been active in the country’s north since the early 1990s. Recruited primarily from the Afar ethnic group, the group launched a rebellion in 1991, claiming to defend Afar interests against the Issa, the country’s other main ethnic community.

FRUD: A history of conflict and division

The FRUD, the movement’s political wing, signed a peace accord with the government in 1994, officially ending the civil war. This agreement led to the group’s integration into the ruling coalition. The FRUD currently supports President Guelleh.

However, a splinter group, the FRUD A, rejected the peace deal and continued its armed struggle. This faction has been implicated in several attacks in recent years, including a 2022 raid on a military barracks in Garabtisan, northern Djibouti, which resulted in the deaths of seven soldiers. Six kidnapped soldiers were released a few weeks later.

Djibouti, a small nation of under one million people, holds strategic importance due to its location on the Bab el-Mandeb Strait, a crucial chokepoint for global shipping connecting the Red Sea to the Gulf of Aden.

This strategic location has attracted major world powers. The country hosts a significant US military base, Camp Lemonnier, which serves as a hub for counterterrorism operations in the region. T

he former colonial power, France, also maintains a large military presence in Djibouti. China, Japan, and Italy have all recently established military bases there.

The drone strike comes amid a period of heightened tension and instability in the Horn of Africa.

Ethiopia, Djibouti’s larger neighbor, has been grappling with internal conflicts, including a devastating civil war in the Tigray region that ended in November 2022. It currently faces other internal conflicts, such as in the Amhara region. The region is also affected by the ongoing conflict in Somalia and the recent war in Sudan.

Xasan Sheekh iyo Deni oo sameeyay arrin ay dunida la yaabtay iyo waxa ay muujineyso

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hoggaamiyaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa si gooni-gooni ah ugu mahad-celiyay Mareykanka, iyaga oo siyaabo kala duwan uga hadlay duqeyntii ay milateriga Mareykanka ka fuliyay gudaha dalka.

Labada nin oo midkoodna uusan ka kale soo hadal qaadin ayaa Donald Trump ku amaanay tallaabadan, tan oo muujineysa heerka khilaafka shaqsiga ah ee labada nin gaaray, kaasi oo si weyn u saameeyay dowladnimada Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ma xusin Puntland, dagaalka ka socdana kama hadal tan iyo intii uu gulufkaas bilowday, waraysigii ugu dambeeyey ee uu siiyey wargayska Washington Post sooma hadal qaadin Daacish iyo duulaanka ay Soomaaliya ku soo qaaday.

Si lamid ah, madaxweynaha Puntland isna sooma qaadin Soomaaliya iyo dowlad federaal ah toona, laakiin Trump iyo taliskiisa ciidan ee AFRICOM waxay sheegeen in ay dowladda federaalka ah wargeliyeen, iyadna ku abaal sheegteen, sababtoo ah dunidu dawladda Soomaaliya bay aqoonsan tahay.

“Argagixisada Al-Shabaab iyo Daacish waa natiijo ka dhalatay dowlad la’aanta, haddii si kale loo dhigo waa qandhadii ee ma aha cudurkii. Colaadihii sokeeye waxay dhaawaceen is aaminiddii bulso, iyo kalsoonidii lagu qabay dawladda, waxaa la kala dhowaystay, la iskuna xoojiyaa ajnabiga,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka hadlay arrintan.

Xildhibaanka ayaa sheegay in argagixisada looga adkaan karo, dadkuna dowladda ku aamini karaan hoggaanka dalka, hay’adaha dawladda iyo habdhaqanka horwaynta siyaasadda oo ka waantooba sababihii keenay burburka dowladda iyo ka aamin baxeeda kuwaasi oo ah;

  1. Ku tumashada dastuurka iyo sharciga, ku takrifalka awoodeed iyo ku amar taaglaynta.
  2. Sadbursi, qoys iyo qaraabo kiil.
  3. Eex, musuq iyo ajnabi u adeeg.

“Masuuliyadda looma sinna ee eedda ugu wayn waxaa leh ninkii shafka u gaaracay, Soomaalina u xil saaratay in uu dalka kala qaybsan iyo dadka kala irdhoobay isku keeno,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Madaxweyne hore oo si yaab leh ugu jawaabay mucaaradka ku kacsan Xasan Sheekh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee HirShabelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa si weyn u difaacay dowladda madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo u jawaabay mucaaradka maalmihii dambe ku dhaganaa ee eedeymaha u jeedinayay madaxweynaha.

Cosoble ayaa ugu horreyntii difaacay in dowladda bixiso dhulka danta guud si loogu faa’iideyo shacabka iyo dowladnimada, halka mucaaradka ay sheegeen in dhaqaale yar lagu xaraashayo dhulkiii danta guud oo badankood si xoog ah looga kiciyay shacab deganaa.

“Dhulaa la bixiyeeey waa wareeey dhulaa la boobeeey ayey meelaha la taagan yihiin. Waxay ugu sheekeynayaan shacabka inaysan dowladii dhul bixin karin. Dowladaha dhul waa bixiyaan. Dhul waxaa la siiyaa hey’ado dowli ah, safaarado shisheeye, warshado gaar loo leeyahay oo dalka looga baahan yahay, shirkado ama kambaniyo waddani ah ama kuwo ajnabi oo maalgelin sameynaya,” ayuu yiri Cosoble.

Waxa uu intaas kusii daray “Dad badan oo Soomaali ah waxay rabaan Xamar iney gudaafad u ekaato oo eysan yeelan muqaal caasimadeed. Kuwo kalana damac ayaa uga jira xukunka dalka, balse waxa keliya ee ay rabaan iney shacabka ku hantaan waa iney baraha bulshada la taagnaadaan dacaayado weliba been abuur ah oo raqiis ah.”

Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran;

Dhulaa la bixiyeeey waa wareeey dhulaa la boobeeey ayey meelaha la taagan yihiin. Waxay ugu sheekeynayaan shacabka ineysan dowladii dhul bixin karin. Dowladaha dhul waa bixiyaan. Dhul waxaa la siiyaa hey’ado dowli ah, safaarado shisheeye, warshado gaar loo leeyahay oo dalka looga baahan yahay, shirkado ama kambaniyo waddani ah ama kuwo ajnabi oo maalgelin sameynaya.

Haddey dalka timaado shirkad caasimadda ka dhiseysa hotel caalami ah oo ay ku baxeyso dhismihiisa 50 malyan oo dollar, muwaadiniin badan ay shaqo ka helayaan, dowladdana ay uga soo xarooneyso sannadkii dhowr malyan oo dollar, cid looga fasax qaadanayo ma jirto ee meesha ugu habboon ayaa laga siinayaa dhulka, taana micnaheeda ma aha dhulka in la boobayo.

Dad badan oo Soomaali ah waxay rabaan Xamar iney gudaafad u ekaato oo eysan yeelan muqaal caasimadeed.

Kuwo kalana damac ayaa uga jira xukunka dalka, balse waxa keliya ee ay rabaan iney shacabka ku hantaan waa iney baraha bulshada la taagnaadaan dacaayado weliba been abuur ah oo raqiis ah.

Ma hayaan barnaamijyo ay dalka ku horumarinayaan iyo qorsheyaal la xiriira sida ay dalka uga sifeynayaan argagixisada, sida ay dhowr malyan oo dhallinyaro ah shaqo ugu abuurayaan, sida ay waxbarashada u gaarsiinayaan dalka oo idil, sida ay sare ugu qaadayaan wax soo saarka beeraha hoosna ugu dhigayaan ku tiirsanaanta mucaawinooyinka raashiinka, sida ay dalka dib ugu soo celinayaan Soomaalida qaxootiga ah, iwm.

Qorsheyaashaa ma hayaan ee warkooda oo dhan waa dastuurkii ayaa la beddelay, dhulaa la gatay, see Itoobiya iyo Masaari loo kala ilaalinaa iyo hadallo badan oo qofkii damiir leh uu ku yaq-yaqsoonayo.

Kuwa raba in uusan dalka ka bixin tiiha uu ku jiro muddada aadka u dheer waxaan leeyahay umadda yaan la marin habaabin ee Ilahey ka baqa. Kuwa u heysta iney Ilaahey oo laga baqo ku kooban tahay shanta waqti oo la tukado, kadibna laga shaqeyn karo been iyo masabbid iyo wax walboo xun waxaan leeyahay shaydaan baa been idiin sheegay ee isaga fogaada.

Xogta mashruuc weyn oo markii u horeysay laga hirgelinayo dalka + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa maanta dhagax dhigay mashruuc weyn oo ka kooban Sima 5-Star Hotel oo ah kii ugu horeeyay ee noociisa ah ee dalkeennu yeesho.

Mashruucan maanta la dhagax dhigay ayaa qeyb ka ah suuq (Mall) weyn oo ay u dhammeystiran yihiin dhammaan adeegyada suuq casri ah looga baahan yahay.

Mashruucan ayaa qayb weyn ka qaadan doonaa horumarka dalka, si gaar ah caasimadda, isagoo abuuri doona fursado shaqo oo tiro badan, sida uu sheegay xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Soomaaliya ayaa sanadihii dambe laga hirgelinaya mashaariic muhiim ah oo qeyb ka ah dib u dhiska iyo horumarka dalka, taas oo caalamka tusaysa wejiga Soomaaliyada cusub.

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa isla maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee dowladda Falastiin Rowaid Adil Mohamed , oo dhawaan laga guddoomay warqadaha aqoonsiga danjiranimo.

Kulanka ayaa diirradda lagu saaray xoojinta xiriirka walaaltinimo ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Falastiin.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa Safiir Rowaid Adil Mohamed ugu hambalyeeyay xilka cusub, isaga oo caddeeyay in Soomaaliya ay mar walba garab taaggan tahay shacabka Falastiin, gaar ahaan xaqa taariikhiga ah ee ay u leeyihiin Falastiiniyiintu xornimada iyo madax-bannaanidooda wuxuunna cadeeyay in dowladda Soomaaliya aysan raali ka ahayn barakicinta shacabka falastiin.

Safiir Rowaid ayaa dhankiisa uga mahad-celiyey dowladda federaalka Soomaaliya taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay shacabka Falastiin, isaga oo xustay in dadka reer Falastiin ay si dhow u og yihiin abaalka walaaltinimo ee dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Waxa uu sidoo kale ballan-qaaday in uu ka shaqeyn doono xoojinta xiriirka iyo wada-shaqeynta ka dhaxeysa labada bulsho.

S/LAND oo qaaday tallaabo ka dhan ah Abuu Yaasir kadib heshiiskii uu la galay DF

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa shatiigii kala noqotay xarun weyn oo lagu baaro xoolaha nool oo ku taallay magaalada Berbera, kadib markii ay ku eedaysay milkiilaheeda oo Carab ah inuu heshiis aan idmanayn la galay dowladda federaalka Soomaaliya.

Tallaabadan ayaa loo arko mid halis ku ah warshadaha dhoofka xoolaha nool ee gobolka oo ah mid muhiimad weyn leh. Xaruntan oo uu maamulayay ganacsade Abu Yaasir, ayaa ka mid ahayd saddex xarumood oo karantiilka xoolaha ku yaalla Somaliland, kuwaas oo baara xoolaha nool kahor inta aan loo dhoofin suuqyada waaweyn, gaar ahaan Sacuudi Carabiya.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha ee Somaliland, Cumar Shucayb ayaa xaqiijiyay xidhitaanka xarunta, isagoo sheegay in ay lagama maarmaan ahayd si loo ilaaliyo danaha dhaqaale ee gobolka.

“Kadib markii aan ogaanay in ganacsaduhu uu ku lug lahaa heshiis uu la galay Soomaaliya, waxaan go’aansannay inaan xidhno xarunta,” ayuu Shucayb u sheegay BBC-da laanteeda afka Soomaaliga.

Wuxuu intaa raaciyay in mas’uuliyiinta Somaliland ay horay ugu yeedheen Yaasir magaalada Jabuuti, iyagoo ku boorriyay inuu ka laabto heshiiska. “Inkastoo uu qirtay inuu gef sameeyay, haddana wuu diiday inuu ka noqdo heshiiska, taasoo noo reebtay inaan shatiga kala laabano oo kaliya,” ayuu yidhi Shucayb.

Berbera oo ah isha ugu muhiimsan ee dhoofinta xoolaha nool, ayaa door laf-dhabar ah ka ciyaarta dhaqaalaha Somaliland. Malaayiin ido, riyo, geel, iyo lo’ ah ayaa sannad walba laga dhoofiyaa gobolka, iyadoo Sacuudi Carabiya ay tahay dalka ugu badan ee xoolaha ka iibsada.

Xarumaha karantiilka ee dekedda ayaa xaqiijiya in xooluhu ay buuxiyaan shuruudaha caafimaad ee caalamiga ah, taasoo muhiimad gaar ah u leh sii jiritaanka ganacsiga Somaliland ee suuqyada faa’iidada badan leh ee Khaliijka.

Awoodda gaarka ah ee loo siiyay Abu-Yaasir ayaa dhalisay cambaarayn ballaadhan oo kaga timid ku dhawaad 100 xildhibaan oo Soomaaliyeed, kuwaas oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay khatar gelisay qayb ka mid ah dhaqaalaha oo ay ku tiirsan yihiin 60% dadweynaha, isla markaana sanadkiiba soo xareeya lacag dhan $1.07 bilyan.

Xildhibaannadu waxay ka digeen in ganacsatada maxalliga ah laga reebo suuqyada dhoofinta, taasina ay horseedi karto shaqo la’aan, musuq-maasuq, iyo xasillooni-darro dhaqaale oo raagta.

Xildhibaannadu waxay ballan-qaadeen inay u yeedhi doonaan mas’uuliyiin sare oo dawladda ah, oo uu ku jiro Wasiirka Xanaanada Xoolaha, si su’aalo loo weydiiyo marka ay dib u furmaan fadhiyada Baarlamaanka.

“Waa markii ugu horreysay taariikhda Soomaaliya oo qof keli ah la siiyo awood intaa le’eg oo ku saabsan qayb muhiim u ah dhaqaalaha,” ayuu yidhi Xildhibaan Mursal Maxamed Khaliif.

“Go’aanku wuxuu halis gelinayaa dhaqaalaheenna, wuxuuna kumanaan xoolo-dhaqato ah, dillaaliin, iyo shaqaalaha gaadiidka ah u horseedayaa hubanti la’aan xagga dhaqaalaha ah.”

Mas’uuliyiinta Somaliland ayaa u arkaa go’aanka dowladda federaalka inuu qayb ka yahay qorshe ballaadhan oo lagu wiiqayo ismaamulka gobolka ee ku dhawaaqay gooni isu taagiisa 1991-kii.

“Awooddan gaarka ah ee qofka kaliya loo siiyay ma aha oo kaliya inay carqaladaynayso ganacsiga, balse waxay sidoo kale ku xadgudbaysaa xaqa ay Somaliland u leedahay inay maamusho kheyraadkeeda dhaqaale,” ayuu yiri Wasiir Maxamed.

Abu-Yaasir oo leh sumcad muran badan dhalisay, ayaa waxaa horey xildhibaannadu ugu eedeeyeen inuu si sharci darro ah uga macaashay ganacsiyada maxalliga ah, isla markaana uu boobay hantida ganacsato Soomaaliyeed.

Awoodda gaarka ah ee loo siiyay ayaa sidoo kale horseeday in muddo laba toddobaad ah uu hakad ku yimaado dhoofinta xoolaha ee Berbera, taasoo keentay in xoolo-dhaqatadu aysan awoodin inay iibiyaan xoolihii ay noloshooda ku maareyn lahaayeen.

Dawladda federaalka Soomaaliya ayaan weli ka jawaabin eedeymahan loo jeediyay.

Weerar drone oo dhimasho badan oo ka dhacay Itoobiya iyo Jabuuti oo lagu eedeeyey

Addis-Ababa (Caasimada Online) – In ka badan siddeed qof ayaa lagu dilay, tiro kalena waa lagu dhaawacay weerar cirka ah oo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (Drone) 30-kii Jannaayo 2025, kaas oo ka dhacay Gobolka Cafarta ee Itoobiya, gaar ahaan meel u dhow xadka Jabuuti, sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo.

Weerarku wuxuu si gaar ah uga dhacay deegaanka Siyaru Kebele, oo ka tirsan degmada Eli-Daar, kuna yaalla aagga xadka labada dal.

Qof deegaanka ah, oo codsaday in magaciisa la qariyo sababo amni awgood, ayaa sheegay in weerarku dhacay “dhowr jeer habeenkii oo dhan,” isla markaana sababay “dhimashada in ka badan siddeed qof.” Weli si rasmi ah looma xaqiijin karo tirada guud ee khasaaraha, ayuu hadalkiisa raaciyay.

Dadka dhintay waxaa ku jiray haweeney uur lahayd iyo laba nin oo walaalo ah, halka ugu yaraan afar kale ay soo gaareen dhaawacyo halis ah, laba ka mid ahna hadda lagu dabiibayo Isbitaalka Guud ee Dubti, oo ku yaal magaalada Dubti ee gobolka Cafarta, sida uu sheegay qofka deegaanka ah.

Sida uu noo sheegay qof goobjooge ah oo deegaanka ku sugan, liiska dadka dhintay waxaa ka mid ah Maxamed Caydaahis, Gama Cali Orbis, Kako Cali Orbis, Cali Maxamed Kako, iyo Caysha Baddul Cali.

Dadka dhaawacmayna waxaa ku jira Mayram Maxamed Cabdalla, Fatuma Cali Xammed, iyo Cali Maxamed Cali. Si kastaba ha ahaatee, wuxuu xusay in liiska dhammaystiran ee khasaaruhu aan weli la helin.

Jabuuti oo la eedeeyey

Qofka deegaanka ahi wuxuu farta ku fiiqay in weerarka ay ka dambaysay dawladda Jabuuti, isagoo xusay in ay tahay “markii labaad muddo laba bilood gudahood ah” oo diyaaradaha Drones-ka ay beegsadaan aagga.

Wuxuu ku dooday in weerarka lagu qaaday “iyadoo lagu andacoonayo in la beegsanayo FRUD,” oo ah jabhad oo ah koox hubeysan oo ka soo horjeeda xukuumadda Jabuuti.

Ilo-wareed kale, oo isna la hadlay wargeyska Addis Standard, ayaa weerarka ku sheegay mid la xiriira xiisadaha cakiran ee u dhexeeya Jabuuti iyo jabhadda FRUD.

Ilo-wareedku wuxuu tilmaamay in mas’uuliyiinta Jabuuti “ay sheeganayaan in dagaalyahannada FRUD ay saldhigyo ku leeyihiin aagga xadka,” wuxuuna ku eedeeyay in weerarku uu beegsaday dadka deegaanka, “iyadoo marmarsiinyo laga dhiganayo weerar ka dhan ah FRUD” ama qayb ka ah isku day “lagu doonayo in dadka deegaanka xoog looga rariyo gobolka.”

Ururka Xuquuqda Aadanaha ee Jabuuti (LDDH), oo ah urur u dhaqdhaqaaqa xuquuqul insaanka oo ka jira gudaha dalkaas, ayaa isna dhankiisa sheegay in weerarku ahaa mid aad u khasaare badan, wuxuuna caddeeyay in “14 qof ay dhinteen, oo ay ku jiraan afar haween ah,” tiro kalena oo ay ku jiraan “haween iyo carruur,” ay dhaawacmeen.

Ururka ayaa ku andacooday in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn “ay sii wadeen duqaynta xeryaha reer-guuraaga habeenkii oo dhan,” taasoo sababtay khasaare dheeraad ah.

War-saxaafadeed uu soo saaray 31-kii Jannaayo 2025, ayuu ururku si kulul u cambaareeyay weerarka, isagoo ku tilmaamay “fal-dambiyeed dagaal oo si bareer ah u beegsanaya rayidka Cafarta,” wuxuuna su’aal ka keenay taageerada ay dawladaha shisheeye siiyaan ciidamada Jabuuti, isagoo is weydiiyay, “Ilaa goorma ayay Turkiga iyo Shiinaha sii hubaynayaan taliska Jabuuti ee ku xasuuqaya reer-guuraaga saboolka ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee dilaaga ah?”

Xiisadaha u dhexeeya dawladda Jabuuti iyo jabhadda FRUD ayaa cirka isku shareeray sannadihii u dambeeyay, iyadoo kooxda lagu eedeeyay inay weerarro ku qaadday ciidamada ammaanka.

Bishii Oktoobar 2022, Wasaaradda Gaashaandhigga Jabuuti ayaa warisay in toddoba askari lagu dilay weerar lagu qaaday Guutada Tadjourah. Wasaaraddu waxay markaa sheegtay in dagaalyahannada FRUD ay “argagax geliyeen oo ay dhaceen dadka ku nool meelaha fogfog” waxayna ballan qaaday in “baacsigu uu socdo” si loo soo qabto kuwii weerarka ka dambeeyay.

Waqtigaas, dawladda Itoobiya ayaa si kulul u cambaaraysay weerarka, iyadoo ku tilmaantay “mid arxan-darro ah oo fulaynimo ah” waxayna muujisay “diyaar-ahaanshaheeda buuxda” ee ay ku taageerayso Jabuuti sidii wax looga qaban lahaa khataraha amniga.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa markii dambe shaaca ka qaaday inay “fududaysay sii-daynta” lix askari oo Jabuutiyaan ah oo ay afduub u haysteen jabhadda FRUD, iyadoo xustay in askarta lagu wareejiyay iskaashi dhex maray iyaga iyo dawlad-goboleedka Cafarta.

War ka cusub shantii qof ee loo xiray dilka ninkii Sweden ku gubay qur’aanka kariimka

0

Stockholm (Caasimada Online) – Shantii eedaysane ee loo haystay dilka Salwan Momika, kaasoo sannadkii 2023-kii marar badan gubay nuqullo ka mid ah kitaabka Qur’aanka Kariimka, ayaa dhammaantood la sii daayay, sida uu sheegay xeer-ilaaliye kiiskan gacanta ku hayay.

“Shakigii markii hore jiray hadda wuu daciifay, mana jirto sabab aan hadda dadkan ugu sii hayno xabsiga falkii dilka ahaa ee Arbacadii dhacay,” ayuu yiri xeer-ilaaliye Rasmus Oman oo war-saxaafadeed soo saaray, isagoo raaciyay in baaritaanku uu weli socdo.

Momika, oo 38 jir ahaa, ayaa Arbacadii lagu toogtay guri dabaq ah oo ku yaalla magaalada Sodertalje, oo dhinaca koonfureed kaga toosan caasimadda Stockholm, halkaas oo uu deggenaa. Waxaa la xaqiijiyay in uu isbitaalka ku geeriyooday wax yar kaddib markii la toogtay.

Shanta qof ee loo xiray kiiskan ayaa la qabtay habeenimadii Arbacada, saacado kooban uun kaddib markii toogashadu dhacday.

Maxkamad ku taalla Stockholm ayaa la filayay inay Khamiistii go’aan ka gaarto in Momika, oo ahaa Kirishtaan asal ahaan ka soo jeeda Ciraaq, uu ku kacay kicinta naceyb qowmiyadeed, laakiin waxay shaacisay inay dib u dhigtay go’aankeeda illaa 3-da Febraayo, sababo la xiriira geeridiisa awgeed.

“Si buuxda ayuu ula socday in khatar aad u weyn ay naftiisa ku soo fool lahayd,” ayay qareenkiisa Anna Roth u sheegtay wakaaladda wararka TT ee dalka Sweden.

Dowlad shisheeye oo la tuhmayo

Ra’iisul Wasaaraha Sweden Ulf Kristersson ayaa sheegay in laga yaabo in dowlad shisheeye ay ku lug lahayd dilka toogashada ah ee ninkii ka soo horjeeday diinta Islaamka.

“Waxaan idin xaqiijin karaa in hay’adaha amnigu ay si qoto dheer ugu lug leeyihiin baaritaanka kiiskan, maxaa yeelay waxaa jirta khatar muuqata oo ah in falkan uu xiriir la leeyahay quwad shisheeye,” ayuu yiri.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka, Ebba Busch, ayaa iyaduna si kulul u cambaaraysay falka dilka ah. “Waa weerar lagu qaaday dimoqraadiyaddeena xorta ah. Waa in lagu wajaho awoodda buuxda ee bulshadeenna,” ayay ku soo qortay barteeda X (oo markii hore loo aqoon jiray Twitter).

Sannadkii tegay, hay’addu waxay shaaca ka qaadday in dawladda Iiraan ay adeegsanaysay shabakado dambiilayaal ah oo ka howlgala gudaha Sweden si ay u fuliyaan falal rabshado wata oo ka dhan ah dowlad, kooxo iyo shakhsiyaad gaar ah.

Madaxweynaha cusub ee Suuriya oo booqashadiisi u horeysay ku tegay dalka…

0

Riyadh (Caasimada Online) – Madaxweynaha kumeel-gaarka ah ee Suuriya, Axmed Al-Sharac ayaa maanta socdaalkiisii ugu horreeyay ee dibadda ku tagay Sacuudi Carabiya, tallaabo u muuqata in Dimishiq ay ka fogaaneyso Iran oo ahayd xulufada ugu weyn gobolkaas.

Axmad al-Sharac oo mar xiriir la lahaa kooxda al-Qaacida, ayaa ka degay Riyadh isagoo la socda wasiirkiisa arrimaha dibadda, Ascad al-Shaybaani. Labada mas’uul waxay safarkooda ku tageen diyaarad Sacuudiga laga leeyahay, iyadoo calanka Sacuudiga uu ka muuqday miiska ka dambeeya.

Telefishinka dowladda Sacuudiga ayaa si weyn u shaaciyay in socdaalka ugu horreeya ee al-Sharac oo markii uu dagaalka kula jiray maamulka Bashaar al-Asad loo yaqaanay Abu Mohammed al-Golani uu Riyadh noqday.

Calanka Suuriya ayaa la garab suray calanka Sacuudiga markii al-Sharac uu kasoo degay diyaaradda isagoo xiran suudh iyo taay. Wuxuu qorsheynayaa inuu la kulmo Dhaxal-sugaha Sacuudiga Mohammed bin Salman, oo ah hoggaamiyaha dhabta ah ee boqortooyada.

Sacuudi Carabiya waxay ahayd mid ka mid ah dalalka Carabta ee maalgeliyay kooxaha mucaaradka ee isku dayay inay xukunka ka tuuraan madaxweynihii hore ee Suuriya, Bashaar al-Asad, ka dib markii dibadbaxyadii Gu’gii Carabta ee 2011 ay isu bedeleen cabburin dhiig badan ku daatay.

Si kastaba ha ahaatee, kooxaha mucaaradka ah ayaa la jabiyay, iyadoo Asad uu taageero ka helay Iran iyo Ruushka, taasoo keentay in dagaalku uu noqdo mid aan guul cad laga gaarin.

Xaaladdaas ayaa is bedeshay kaddib duullaankii bishii December ee degdegga ahaa ee Hay’at Tahrir al-Sham (HTS) ee uu hogaaminayay al-Sharac. Kooxdan waxay horay xiriir ula lahayd al-Qaacida balse waxay si rasmi ah u shaacisay inay ka go’day ururkaas.

Tan iyo markaas, al-Sharac iyo kooxda HTS waxay si xeel dheer u wanaajiyeen sumcaddooda. Waxa uu sidoo kale xilal u magacaabay haween, wuxuuna isku dayay inuu xariir la yeesho bulshada Kiristaanka iyo Shiicada Calawiyiinta ee Suuriya.

Dhinaca kale, Suuriya waxay si tartiib ah iskaga fogeyneysaa Iran iyo Ruushka. Iran weli dib uma furan safaaraddeeda Dimishiq, taasoo horey u ahayd xarun muhiim ah oo ay kaga shaqeyso “Xariirka kooxda iska caabbinta” ee ay ku mideysanaayeen Suuriya, Xisbullah-da Lubnaan, iyo kooxo kale.

Dalka Ruushka ayaa isagu doonaya inuu sii haysto saldhigyada cirka iyo badda ee uu Suuriya ku leeyahay, balse waxa uu magan-gelisay Asad markii uu ka cararay dalka xilligii duullaankii HTS.

Talaabooyinkan cusub ee ay qaadaneyso dowladda kumeelgaarka ah ee Suuriya waxay u muuqdaan kuwo loogu gogol xaarayo sidii cunaqabateynta Mareykanka iyo Reer Galbeedka looga qaadi lahaa Suuriya.

Fal-celin aan caadi ahayn oo ka dhalatay soo laabashada Axmed Madoobe

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Hadal-heyn xooggan ayaa ka dhalatay soo laabashada madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed (Axmed Madoobe) oo shalay dib ugu laabtay magaalada Kismaayo, kadib safar qaatay labo toddobaad oo uu ugu maqnaa dalka Kenya, isagoo jebiyey xayiraaddii ay dowladda federaalku ka saartay safarada dibadda ah.

Axmed Madoobe oo maalmihii lasoo dhaafay kulamo siyaasadeed iyo abaabulka mooshin ka dhan ah Xasan iyo Xamse ka waday Nairobi ayaa haatan dib ugu soo laabtay Kismaayo oo ku jirta xaalad sicir barar ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa ka carootay safarka uu Axmed Madoobe ku tegay magaalada Nairobi, waxaana Kenya laga dalbaday inay faahfaahin ka bixiso safarkaas, balse ilaa hadda warbaahintu ma arkin jawaab ay ka bixisay Kenya.

Haddaba sidee looga fal-celiyay soo laabashada Axmed Madoobe?

Qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed ee isticmaala baraha bulshada ayaa siywaabo kala duwan uga hadlay arrinta Axmed Madoobe, gaar ahaan jebinta xayiraadda dowladda.

Faysal Cumar Kuulow “Maasha Allaah mudane madaxweyne kusoo dhowow Kismaayo welcome back”

Axmed Cismaan “Bixitaankiisu iyo imaatinkiisa maxay micno ah oo ay soo kor dhinaysaa?

Maxamed Cali “Dalka dibaddiisa kulahaa cirka muu jiray waddan hebel ma la awoodi waayay haddii sidaa lo dhuudhuumanaayo maa edab la yeesho?”.

Khadar Maxamed Cumar “Odagii xassan ahaa xaalku waa ku xunyahay”

Saalax Salaad Axmed “Adigoon hal safiir la kulmin horta Kismaayo ma ku soo laabatay”

Maxamed Axmed Kaafi ayaa isna ku jawaabay “Nairobi, Kenya ayaa lagu xiray aaway?.

Puntland oo si ka duwan DF uga hadashay duqeyntii uu Mareykanka ka fuliyey Bari

0

Garoowe (Caasimada Online) – Maamul goboleedka Puntland oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa si ka duwan dowladda federaalka uga hadlay duqeyn uu Sabtidii Mareykanka ka gaystay aagga buuraha Calmiskaad, taas oo lagu beegsaday kooxda Daacish.

Dowladda Federaalka waxa ay sheegtay in duqeyntaan uu fuliyay Mareykanka, isla-markaana lala socod-siiyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

“Hawlgalkii ugu dambeeyay wuxuu xoojinayaa iskaashiga amniga ee xooggan ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Maraykanka ee la dagaallanka khataraha xagjirka ah. Soomaaliya waxay ku taagan tahay inay la shaqeyso xulafadeeda si loo ciribtiro argagixisada caalamiga ah loona xaqiijiyo xasilloonida gobolka,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay ““taageerada aan kala go’a lahayn ee Maraykanka ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada caalamiga ah wuxuuna soo dhaweynayaa ballanqaadka sii socda” ee hoos yimaada hoggaanka go’aanka leh ee Madaxweyne Trump”.

Dhinaca kale qoraalka Puntland waxaa lagu sheegay in weerarka uu daba socday howlgalka ay qaadeen ciidamadeeda, ayna si wadajir ah u fuliyeen Mareykanka iyo Imaaraadka Carabta oo ay uga mahadcelisay taageeradooda ku aadan dagaalka kooxda Daacish.

“Dowladda Puntland oo in dhoweyd ku jirtay Howlgal ay Argagixisada Daacish uga sifeynayso Puntland, waxay u mahadcelinaysa saaxiibada Adduunka ee ka caawinaya hawlgalka gaar ahaan Dowladaha Maraykanka iyo Imaaraadka oo ka qeyb qaatay duqeymaha xagga Cirka ah ee lagu bartilmaameedsaday Argagixisada Daacish ee ku dhuumalaysanaysa Buuralayda Calmiskaad ee Gobolka Bari, iyadoo maanta oo u danbeysay duqeyntii dhacday lagu dilay xubno xilal sarsare ka hayey ISIS (Daacish)” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

Sidoo kale, Puntland ayaa shaaca ka qaaday in howlgalka uu haatan galay wajigiisa labaada, isla markaana ujeedka uu yahay in laga adkaado maleeshiyaadka Daacish.

“Howlgalka oo hadda galay wejigiisa labaad, ayaa Ciidanka Dowladda Puntland wejigii koowaad ka gaareen guulo badan, waxaana ka go’an Dowladda Puntland in Argagixisada Daacish laga sifeeyo deegaannada ay ku dhuummanayaan” ayaa mar kale lagu yiri.

 

Muxuu ahaa ujeedka shirka uu guddoomiyay Xamza?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta guddoomiyahay shirka guddi-hoosaadka xubnaha golaha wasiirrada ee siyaasadda loo dhanyahay, kaas oo ka dhacay xafiiskiisa.

Shirka oo ay inta badan kasoo qayb-galeen xubnaha golaha wasiirada ayaa waxaa looga hadlay arrimo ay kamid yihiin dardargelinta doorashada iyo dhammaystirka dastuurka.

Inta uu socday shirka ayaa waxaa sidoo kale lagu soo bandhigay dadaallada hirgelinta doorashada iyo sidii ay xukuumaddu u qaadan lahayd doorka kaga aaddan in dalka ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah oo ay ka qayb qaadan karaan dadweynaha.

Xamza oo kulanka ka hadlay ayaa faray golihiisa wasiirada ee ku jira Guddi-hoosaadka siyaasadda Loo dhan yahay in ay dardargeliyaan kaalintooda ku aaddan hirgelinta iyo fududeynta wax yaabaha loo baahan yahay, si ay doorashadu u hirgasho, iyada oo xoogga la saarayo wacyigelinta dadweynaha, si ay faham buuxa uga helaan muhiimadda ay leedahay in muwaadinku codkiisa u dhiibto si xor ah.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in howlaha doorashooyinka looga dambeynayo guddiga lasoo dhisay, xukuumaddana ay kala shaqeyn dooto sidii loo gaari lahaa qof iyo cod.

“Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS), waxa uu u madax-bannaan yahay qabashada dhammaan doorashooyinka heer walba, iyada oo Xukuumadda waajib ka saaran yahay taageeridda guddiga, si uu dalka uga hirgeliyo doorasho qof iyo cod ah. Dhammaan hey’addaha dowladda ee ku shaqada leh taageeridda guddiga waxaan farayaa in ay dardargeliyaan mas’uuliyadaha kaga soo aaday hawlaha doorashada.”Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Waxaa kale oo kulankan lagu soo qaaday warbixinno la xiriira dhammeystirka Dib-u-eegista Dastuurka cutubyadiisa 5aad ilaa 9aad, iyo halka uu marayo diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP), kaas oo heer gabo-gabo ah ku dhow.

Tallaabadan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo weli is mari waa uu ka taagan yahay sida loo wajahayo doorashooyinka oo ay isku hayaan madaxda dowladda federaalka Soomaaliya, qaar kamid ah maamul goboleedyada dalka iyo sidoo kale siyaasiyiinta mucaaradka ah.

SSC oo qaaday tallaabo uga sii dareysa xiisadda kala dhexeysa Somaliland

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Sanaag ayaa sheegaya in maanta xaalad kacsanaan ah laga dareemayo gobolkaasi oo ay weli isku horfadhiyaan ciidamada SSC-Khaatumo iyo kuwa maamulka Somaliland.

Xiisadda ayaa kasii dartay kadib tallaabo ay maanta qaaday SSC oo lasoo wariyay in ciidamo dheeraad ah ay ku daabushay jiidda hore ee dagaalka.

Ilo wareedyo dadka deegaanka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in ciidamadan oo ka baxay Laascaanood ay gaareen aagga deegaanka Oog, halkaas oo ay ka sameysteen fariisimo ciidan oo difaac ah.

Ciidamadan oo wata gaadiidka dagaalka iyo hub culus ayaa waxaa hoggaaminayo taliyaha guutada 4-aad ee ciidanka SSC-Khmaatumo Jenaraal Mubaarak Maxamed Warsame, waxaana Oog kusoo dhaweeyay saraakiil kale iyo ciidamo joogay halkaasi.

Ujeedka SSC-Khaatumo ayaa ah in ciidamadan ay ku xoojiso kuwa kale oo horay halkaasi u joogay, si ay uga hortagaan haddii ay dagaal soo qaado Somalilad.

Xaalad cakiran ayaa ka taagan deegaanka, waxaana shacabka ku nool halkaasi ay cabsi ka muujinayaan in dagaal u dhexeeya labada dhinac uu dib u qarxo.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Somaliland oo ku aadan ciidamada ay SSC ku daabuleyso aagga magaalada Oog oo ay isku horfadhiyaan ciidamada labada maamul.

Horay Somaliland iyo Khaatumo ayaa ugu dagaalamay Sool, waxaana weli gobolkan iyo qaybo kale oo kamid ah Sanaag laga dareemayaa colaad u dhexeyso labada dhinac.