25.5 C
Mogadishu
Sunday, June 21, 2026

Trump oo hakiyay awaamiir xiisad xooggan dhalisay

0

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa hakiyay canshuur-kodhinti uu saaray badeecadaha ay Canada iyo Mexico u soo dhoofiyaan Mareykanka, canshuurtaas oo gaareysay 25%, taas oo abuurtay xiisad xooggan.

Go’aanka madaxweynaha Mareykanka ayaa yimid kaddib marki uu khadka telefoonka kula hadlay madaxweynaha Mexico haweeneyda lagu magacaabo Claudia Sheinbaum iyo Ra’iisul wasaaraha Canada Justin Trudeau.

Qoraal uu soo dhigay baraha ay ku xiriirto bulshada ayuu Trump ku sheegay, “in u uku faraxsanyahay natiijada horudhaca ah ee arrintan kasoo baxday, isla markaana muddo 30 maalin ah la hakiyay tacriifta si uu u arko in la gaari karo heshiis dhaqaale oo kama danbeys ah oo uu la galo Canada.

Ra’iisul wasaaraha Canada Trudeau ayaa isna dhankiisa sheegay, in Canada ay geyn doonto xadka ay la wadaagto Mareykanka ciidan iyo qalab cusub oo tiknolooji ah ah, si loo joojiyo qul qulka daroogada fentanyl.

Wuxuu sheegay in uu khadka telefoonka kula hadlay madaxweyne Trump,” “Canshuurta lasoo jeediyay waxaa la hakiyay muddo 30 cisho ah, halka aan sii wadeyno wada shaqeynteenna.” Ayuu yiri.

Madaxweynaha Mexico Claudia Sheinbaum ayaa sheegtay in ay xadka Mexico uu la wadaago Mareykanka u direyso ilaa 10,000 oo askari oo ka tirsan millatariga, si ay u xakameeyaan daroogada nuuceeda dilaaga ah ee loo yaqaanno fentanyl, taas oo Mareykanka kasoo gasha dhanka Mexico.

Waxay kaloo sheegtay in dowladda Mareykanka ay u ballan qaadday in ay wax ka qaban doonto joojinta hubka awoodda badan ee loo dusiyo dhinaca Mexico.

Waxay intaasi ku dartay in madaxda labada waddan ay sii wadi doonaan wada hadalladooda ku aaddan dhinacyada ammaanka iyo ganacsiga, isla markaana arrinta canshuurta muddo bil ah la hakinayo.

Inkasta oo la hakiyay tacriifti uu madaxweyne Trump saaray Mexico iyo Canada, haddana waxaanan wali waxba laga baddalin canshuurti uu saaray Trump badeecadaha uu Shiinaha u soo dhoofsho Mareykanka.

SOMALILAND oo qaaday tallaabooyin xasaasi ah oo la xiriira xiisadda Ceerigaabo

0

Ceerigaabo (Caasimada Online) – Somaliland ayaa ku dhowaaqday tallaabooyin cusub oo lagu adkaynayo amniga iyo xasilloonida Ceerigaabo iyo guud ahaan gobolka Sanaag, kaddib dagaallo dhawaan dhacay oo barakiciyay ilaa 45,000 oo qof isla markaana sii kordhiyay cabsi laga qabo rabshado hor leh.

Wafdi sare oo ay ka mid yihiin xubno ka tirsan goleyaasha sharci-dejinta Somaliland ayaa ku dhawaaqay in ciidamada booliska kaliya loo oggolaan doono inay sugaan amniga magaalada Ceerigaabp, iyagoo amray in dhammaan kooxaha hubaysan ee shacabka ah ay si degdeg ah uga baxaan magaalada.

“Laga billaabo maanta, qofna looma oggolaan doono inuu si sharci-darro ah hub ugu dhex wato magaalada. Qof kasta oo jebiya amarkan wuxuu la kulmi doonaa tallaabo sharci ah,” ayuu yiri afhayeenka wafdiga, isaga oo adkeeyay muhiimada fulinta xeerarkan cusub ee amniga la xiriira.

Wafdiga ayaa sidoo kale ugu baaqay dadka barakacay inay dib ugu laabtaan guryahooda, iyagoo ku adkeeyay in xaaladda Ceerigaabo ay deggan tahay. “Magaaladu waa ammaan, wax sabab ah oo barakaca loogu sii jiro ma jiraan,” ayuu yiri afhayeenku.

Dagaallada Ceerigaabo ayaa qarxay bartamihii December, waxaana isku dhacay ciidamada Somaliland iyo xoogagga SSC-Khaatumo, taasoo keentay barakac baahsan iyo xiisado sii xoogaystay guud ahaan gobolka Sanaag.

Dad badan ayaa u qaxay magaalooyin ay ka mid yihiin Ceel Afweyn iyo Laasqoray, halka qaar kalena ay magan-galeen deegaanno ay ka mid yihiin Boosaaso, Laascaanood, Xudun iyo Burco.

Colaaddan oo salka ku haysa muranno dhuleed iyo khilaafaad beeleed ayaa sababay barakaca dad badan iyo waxyeello soo gaartay kaabeyaasha dhaqaalaha.

Xiisadda ayaa cirka isku sii shareertay kaddib shir beeleed dhawaan ka dhacay magaalada Badhan, halkaas oo hoggaamiyeyaasha beelaha Dhulbahante iyo Warsangali ay ku dhawaaqeen qorshe ay ku doonayaan inay kula Ceerigaabo.

Hoggaamiye dhaqameedka caanka ah ee Somaliland Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuu shirkaas abaabulay si uu qalalaase u kiciyo, isaga oo ku andacoonaya in madaxweynuhu uu adeegsanayo fikradda doorasho qof iyo cod ah si uu farogelin uga sameeyo gobollada Sool iyo Sanaag.

Villa Somalia ayaan ka jawaabin eedeynta Buurmadow uu u jeediyey madaxweynaha.

Muqdisho diyaar ma u tahay doorasho qof iyo cod ah?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa mudooyinkii ugu danmbeeyey waday dadaalo la xiriira sidii guud ahaan dalka looga qaban lahaa doorashooyin qof iyo cod ah.

Goobaha loo asteeyey in ay doorashooyinkaasi ka dhacaan ayaa waxaa kamid ah magaalada Muqdisho oo la sheegay in 16 degmo ah oo qeyb ka ah degmooyinka uu ka kooban yahay gobolka Banaadir ay doorashooyinka ka qabsoomaan.

Goobahan ayaa waxaaa shalay kormeer ku tegay xubno ka tirsan guddiga madaxa-banaan ee doorashooyinka qaranka iyo soohdimaha, kuwaas oo ku howlan hanaanka doorasho ee illaa haatan lagu muransan yahay.

Xubnaha booqday goobaha cod-bixinta ayaa qiimeyn ku sameeyay qaab-dhismeedka iyo diyaar-garowga goobaha doorashada, iyagoo sidoo kale kulan la qaatay mas’uuliyiinta degmooyinka Xamar Jajab, Xamar Weyne, Waberi iyo Warta-Nabada si ay u qiimeeyaan diyaar garowga doorashooyinka, sida lagu sheegay qoraal uu soo saaray guddiga.

Mas’uuliyiinta degmooyinkaas ayaa sheegay in ay si buuxda ugu diyaar garoobeen doorashooyinka golaha deegaanka oo lagu wado in markii ugu horeysay ay noqdaan kuwo ku saleysan nidaamka qof iyo cod.

“Mas’uuliyiinta degmooyinka Xamar Jajab, Xamar Weyne, Waberi, iyo Warta-Nabada ee gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin doorashooyinka golaha deegaanka ee qof iyo cod,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay guddiga doorashooyinka qaranka.

Kormeerkan ayaa qeyb ka ah booqashooyin guddiga doorashooyinka qaranka ay sheegeen inay ku tagayaan goobaha cod-bixinta si loo hubiyo in doorashadu u dhacdo si habsami leh.

Guddigu ayaa horey u sheegay in ka badan 300 xarumood oo codbixin ah ay u diyaarsan yihiin, kuwaas oo dhawaan lagu soo kordhin doono xarumo hor leh.

Si kastaba, tirada guud ee xarumaha cod-bixinta ayaa la qorsheynayaa in la gaarsiiyo illaa 800, taasi oo sare u qaadeysa awoodda ka qeyb-galka doorashada, sida uu sheegay guddiga doorashooyinka qaranka.

Jubaland’s Ahmed Madobe eyes Somalia presidency in 2026

KISMAYO, Somalia – Ahmed Mohamed Islam, commonly known as Ahmed Madobe, the long-standing President of Somalia’s semi-autonomous Jubaland state, has indicated his intention to run for the presidency of Somalia in the 2026 national elections, according to sources familiar with his plans.

During a two-week stay in Nairobi, Madobe reportedly confided in select Somali parliamentarians, political figures, and business leaders about his presidential aspirations. These discussions, held behind closed doors, suggest a strategic move by Madobe to transition from regional leadership to the national stage.

A decade of regional leadership

Ahmed Madobe has led Jubaland since 2013, securing re-election for a third term in November 2024. His tenure has been marked by both development initiatives and ongoing security challenges, particularly in combating the al-Qaeda-linked militant group al-Shabaab.

Despite efforts by successive federal administrations to unseat him, Madobe has maintained his position, often clashing with Mogadishu over governance and resource control.

Tensions between Jubaland and Somalia’s federal government have escalated in recent months. In November 2024, Jubaland announced the suspension of all relations and cooperation with the federal administration, accusing it of constitutional violations and undermining regional autonomy.

This move followed disputes over regional elections and mutual accusations of power usurpation.

The strained relationship has led to significant security and economic challenges for Jubaland. Federal-imposed sanctions and military actions have reportedly destabilized the region.

Jubaland’s Security Minister, Yusuf Dhuumaal, acknowledged the adverse effects of these measures, expressing a willingness to engage in dialogue with the federal government to restore stability.

If Madobe proceeds with his presidential bid, he will follow in the footsteps of other regional leaders who have sought national office. Notably, Said Deni, the President of Puntland, contested the presidency in the most recent election, achieving a commendable performance against the incumbent, Hassan Sheikh Mohamud.

Looking ahead to 2026

As Somalia approaches the 2026 elections, Madobe’s potential candidacy adds a significant dimension to the nation’s complex political landscape. His leadership in Jubaland and the ongoing tensions with the federal government will likely influence his campaign and the broader electoral dynamics.

Ahmed Madobe emerged as a prominent figure in Somalia’s political scene in the early 2000s. Initially associated with Islamist movements, he later aligned with regional and international efforts to stabilize southern Somalia.

As President of Jubaland, he has been a pivotal player in the fight against al-Shabaab. He has navigated the intricate clan-based politics of the region.

Jubaland, located in southern Somalia, has a strategic border with Kenya and a coastline along the Indian Ocean. Its capital, Kismayo, is a vital port city that has historically been a commercial hub.

The region’s stability is crucial for both Somalia and neighboring countries, particularly in efforts to curb militant activities and enhance economic development.

Major blow as key Islamic State leader surrenders in Somalia

Bosaso, Somalia  A top commander in the Islamic State group’s Somali affiliate surrendered to authorities on Monday in the semi-autonomous Puntland region, officials said, just days after US airstrikes targeted the organization’s leadership amid an intensified security crackdown.

The surrender of Abdulkadir Shirwa Aw-Said, also known as “Lahore,” represents a significant development in the ongoing fight against IS in Somalia.

Aw-Said, who headed the group’s assassination unit and oversaw extortion operations targeting local businesses, reportedly turned himself in while hiding in the rugged Cal Miskad mountains of Puntland’s Bari region.

“Lahore has surrendered. He was in charge of assassinations and extorting money from businesses,” Bari region police commander Abdulkadir Jama Dirir confirmed to reporters.

Puntland intensifies operations

Aw-Said’s surrender comes on the heels of a broader offensive launched by Puntland authorities against both IS and the larger, Al-Qaeda-linked Al-Shabaab insurgency.

In December, Puntland’s government declared an all-out war against the two groups and has since claimed to have captured several IS strongholds.

The recent US airstrikes, confirmed by US Defense Secretary Pete Hegseth on Sunday, resulted in “numerous” IS casualties, according to initial assessments. The strikes highlight the growing concern over IS’s expanding presence in Somalia and the US commitment to supporting counterterrorism efforts in the region.

IS’s growing sophistication

While initially considered a lesser threat compared to Al-Shabaab, the Islamic State’s Somali branch has steadily expanded its capabilities and influence in recent years. Bolstered by foreign fighters and increased funding from sophisticated extortion schemes, the group has demonstrated a growing capacity to carry out complex attacks.

In December, IS claimed responsibility for a brazen assault on a military base using two vehicle-borne improvised explosive devices (VBIEDs), a tactic more commonly associated with Al-Shabaab.

Security analysts say this incident demonstrates the group’s adoption of more advanced operational tactics, raising alarm bells about its evolving threat profile.

“The use of VBIEDs is a worrying sign that IS is learning from and adapting the tactics of its rivals,” said one regional security analyst, who spoke on condition of anonymity. “This suggests a higher level of operational sophistication than previously observed.”

The Islamic State in Somalia

The Islamic State’s Somali affiliate, often referred to as “Islamic State in Somalia” (ISS) or locally as “Da’ish,” emerged in 2015 as a splinter group from Al-Shabaab. Led by its long-time leader, Abdul Qadir Mumin, the group established a foothold in the mountainous regions of Puntland, particularly in the Bari region.

Unlike Al-Shabaab, which controls large swathes of territory in southern Somalia and seeks to establish a state governed by its interpretation of Islamic law, ISS has primarily operated as a smaller, more regionally focused entity.

However, its connections to the global IS network and its increasing reliance on foreign fighters have raised concerns about its potential to destabilize the region further.

The Cal Miskad mountain range in Puntland’s Bari region has long served as a haven for militant groups, including both Al-Shabaab and IS. Its remote location, rugged terrain, and proximity to the Gulf of Aden make it ideal for training camps, weapons caches, and hideouts.

Puntland, a semi-autonomous region in northeastern Somalia, has historically enjoyed relative stability compared to the south. However, it has faced increasing security challenges from both IS and Al-Shabaab in recent years.

The region’s authorities have struggled to contain the spread of militancy, often hampered by limited resources and the challenging terrain.

Somaliland oo si kulul u diiday warkii ka soo baxay Mareykanka

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa si kulul u diiday warbixin ka soo baxday Taliska Ciidammada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) oo sheegaysay in duqeymo cirka ah oo dhawaan lala beegsaday maleeshiyada Daacish ay ka dhaceen Buuraha Golis ee ku yaalla Somaliland.

Saraakiisha ayaa caddeeyay in weerarradaas laga fuliyay Buuraha Galgala, oo ah deegaan hoos taga maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya, balse aanay ka dhicin gudaha dhulka Somaliland.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland Isniinta maanta ah, ayaa lagu diiday goobta uu AFRICOM tilmaamay in duqeymuhu ka dhaceen, iyadoo lagu adkeeyay in aanu jirin wax hawlgal ah oo ay ciidammada Maraykanku ka sameeyeen gudaha dhulka Somaliland.

“Si ka duwan hadallada loo tiiriyay Xoghayaha Gaashaandhigga Maraykanka, Peter Hegseth, duqeymaha cirka ah ee laga hadlayo kama dhicin, mana aanay saamayn Buuraha Golis ee ku yaalla gudaha dhulka Jamhuuriyadda Somaliland,” ayay tiri wasaaraddu. “Balse, hawlgalladan waxaa laga fuliyay Buuraha Galgala, oo ku yaalla gudaha Puntland, oo ah qayb ka mid ah dhulka Soomaaliya.”

Murankan ayaa tusaale u ah xasaasiyadda ka taagan xuduudaha dhuleed ee waqooyiga Soomaaliya.

Silsiladda Buuraha Golis, oo dhex marta Somaliland iyo Puntland, ayaa inta badan loo adeegsadaa eraybixin juquraafi ahaan ah oo guud, balse saraakiisha Somaliland ayaa ku adkaysanaya in Buuraha Galgala, oo u dhow magaalada Galgala ee gobolka Bari ee Puntland, ay gebi ahaanba ka baxsan yihiin dhulkooda.

Saraakiisha Somaliland ayaa ku doodaya in ilaalinta caddaynta xuduudaheedu ay lama huraan u tahay dhowrista madaxbannaanida dhulkeeda iyo dadaalka ay ugu jirto helidda aqoonsi caalami ah, sida ay hadalka u dhigeen.

Somaliland, oo iskeed isugu dhawaaqday dawlad madax-bannaan tan iyo sannadkii 1991-kii, ayaa leh dawlad, ciidan, iyo nidaam maamul oo u gaar ah. In kasta oo aanay haysan aqoonsi caalami ah, haddana waxa ay ka mid tahay gobollada ugu xasilloon Geeska Afrika.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu muujiyay iskaashiga muddada dheer soo jiray ee Somaliland la leedahay Maraykanka dhinacyada la dagaallanka argagixisada iyo sugidda amniga gobolka.

“Waxaan fursaddan uga faa’iidaysanaynaa inaan dib u xaqiijinno sida ay nooga go’an tahay ilaalinta nabadda iyo xasilloonida gobolka,” ayaa lagu yiri warka.

“Somaliland waxa ay weli tahay saaxiib la isku hallayn karo oo safka hore kaga jira dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo xagjirnimada, waxaanan sii wadaynaa inaan la shaqayno beesha caalamka, oo uu Maraykanku ka mid yahay, si kor loogu qaado xasilloonida Geeska Afrika.”

Fadeexad: Wasaarado ka tirsan DF oo isku haysta lacag lagu soo rogay shacabka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay go’aanka Machadka Caafimaadka Qaranka iyo Wasaaradda Caafimaadka XFS ay ku soo rogeen amar lagu qaadanayo talaal seddax nooc ah oo lagu waajibiyey qof kasta oo garoonka Aadan Cadde ka baxaya ama kasoo gelaya.

Wasaaradda Maaliyadda ayaa ka hortimid nidaamka aruurinta khidmadaha la xiriira buugga caafimaadka ee rakaabka ka baxaya iyo kuwa soo galaya Dalka, iyadoo cadeysay in cid wasaaradda Maaliyadda aan aheyn aysan dhaqaale uruuri karin.

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya maalmo ka hor dadwaynaha ku wargelisay dhaqan gelinta go’aan qofka soo gelaya ama ka baxaya dalka uu ku qaadanayo tallaalada kala ah:

1-Tallaalka ka hortagga duumada (Yellow Fever)

2-Tallaalka Dabaysha (Oral Poliomyelitis Vaccine)

3-Iyo Tallaalka Qaaxada Maskaxda (Quadrevalent Neisseria Meningitis Vaccine)

1-dii ilaa 10-ka bishaan Febraayo ayaa la go’aamiyey in qorshaha qaadashada tallaalka uu dhaqan galo, balse wasaaradda maaliyada ayaa culeys saartay wasaaradda Caafimaadka, iyadoo si cad u diiday in cid aan wasaaradda maaliyadda aheyn ay lacag dowladeed qabato.

“Waxaan halkaan kugu ogeysiinayaa, mamnuucidda in Dakhli Dawladeed Lagu Shubo ama Lagu Hayo Koonto Bangi ee aan ahayn Khasnadda Mideysan (TSA) ee Golaha Wasiiradu soo saarayn 21 Agoosto 2024, in Wasaaradda Maaliyadda oo kaliya awood loo siiyay dejinta iyo wax-ka-bedelka dhammaan tacriifadaha saldhiga u ah noocyada kala duwan ee dakhliga Dawladda oo ay ka mid yihiin khidmadaha la-xiriira buuga caafimaadka ee rakaabka ka-baxaya iyo kuwa soo-galaya Dalka iyo sidoo kale in dhammaan hay’adaha kale ee Dawladda, ha ahaadan rayid ama ciidan, laga mamnuucay dejinta iyo wax-ka-bedelka dhammaan tacriifadaha saldhiga u ah noocyada kala duwan ee dakhliga Dawladda,” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saartay wasaaradda maaliyadda.

Wasaaradda Maaliyaddu waxay samayn doontaa dib u eegis qotodheer, iyadoo la tashanaysa cidda ay khusayso, waxayna soo saari doontaa khidmadaha daruuriga ah, kuwaas oo si buuxda u waafaqsan Sharciga Maamulka Dakhliga, 2019, sida lagu sheegay qoraalka wasaaradda maaliyadda.

Intaas kadib, Wasiirka Caafimaadka Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa soo saaray warqad uu ku sheegay inay ka jawaabayso dareenka dadweynuhu ay ka muujiyeen hannaanka shaqo ee xafiiska Caafimaadka dekedaha iyo garoomada ee la xiriira qaadashada Tallaaladii horay loo baahiyey.

“Wasiirku uu go’aansadey in la hakiyo waajib ahaanshaha Tallaaladaasi, inta laga dhameystirayo habraaca hirgelinta qaadashada Shahaadada yellow Fever iyo qaadashada Tallaalada lagama maarmaanka u ah Musaafuriinta Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaraddda Caafimaadka.

Go’aanka u yaalla dowladda federaalka  ayaa dhigaya in hay’ad aan aheyn wasaaradda maaliyadda aysan qaadi karin wax dakhli ah, taasi oo sababtay in wasaaradaha caafimaadka iyo maaliyada ay is qabsadaan, inkastoo hadda ay u muuqato in wasaaradda maaliyadda ay ogaato.

Xildhibaan Cagaweyne oo u jawaabay Qeybdiid: Intaa taqaanay wey dhaaftay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cagaweyne ayaa si adag ugu jawaabay Senator Cabdi Qaybdiid oo ka horyimid hannaanka doorashada ee qof iyo cod, kaas oo ay dowladda federaalka Soomaaliya soo jeedisay in laga dhaqan-geliyo Soomaaliya sannadka 2026-ka.

Cagaweyne ayaa wax la’la yaabo ku tilmaamay in Qeybdiid oo gacantiisa ku ansixiyay hanaankan uu eedeeyo qof kale, “intaa taqaaney waa dhaaftay dalkana waa ka gudbay xiligii afduubka loo haysan jiray,” ayuu xildhibaanka ku yiri qoraal uu soo saaray, kaas oo ugu jawaabay Qeybdiid.

“Waa nasiib darro weyn in Senator-ka maanta dhaho dalka iyo qaranimada ayaan u baqay, iyadoo dalka maanta uu ku talaabsaday wadadii horumarka iyo amniga, una jiheystay taariikh iyo waa cusub, ayna dadka Soomaaliyeed oo mudo 56 sano kadib ay dooranayaan hogaankii xukumi lahaa,” ayuu yiri Cagaweyne.

Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran;

Waxaa nasiib darro ah in siyaasadii dalka lagu jaangooyay maslaxado gaar ah oo hadii la waayo ay aflagaado ku xigto.

Dalka waxaa loo doortay Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud dastuurka dalkana wuxuu awood usiinayaa in qorshayaashii dib u doorashadisa ku balan qaaday uu fuliyo waxaana ugu horeysay in dastuurka dalka la dhameystiro doorasho qof iyo codna dalka kadhacdo labadii qodob oo ugu muhimsanaa maanta waxay marayaan meel gabagaba ah.

Dalka wuxuu kujiraa gacan aamin ah waxaa madax ka ah Madaxweyne 40 kii sano laso dhaafay dalka aan meelna ka aadin laba marna soo hogaamiyay dalka mana loo baqaayo maanta maalin uu ka fiicanyahayna masoo marin, dalka wuxuu ka guuray mugdigii mudada dheer uu kujiray wuxuuna u guuray iftiinka caalamka kasocda ee dimuqraadiyada.

Senator Abdi Qeybdiid waxaa leeyahay wixii aad adiga gacantada ku ansixisay haku eedeyn qofkale intaa taqaaneyna waa dhaaftay dalkana waa ka gudbay xiligii afduubka loo heesanjiray.

Ugu danbeyn Senatorka wuxuu u soo joogey dalkaan oo aan wax nidaam ah ka jirin oo dadku si sharci daro ah loo dhacaayay loona dilaayay xoolahooda iyo xurmadoodana lagu xadgudbayay gaajo iyo macluulna ay kajirtay dalka amni darro xoogana ay hareysay.

Waa nasiib darro weyn in Senatorka maanta dhaho dalka iyo qaranimada ayaan u baqay iyadoo dalka maanta uu ku tilaabsaday wadadii horumarka, barwaaqada iyo amniga una jiheestay taariikh iyo waa cusub dastuurkii mudada dheer qabyada ahaa oo la dhameystirayo iyo dadka Soomaaliyeed oo mudo 56 sano kadib ay dooranayaan hogaankii xukumi lahaa!!!

Xasan oo darajooyinkii ciidan usoo celiyay sarkaal uu dagaal adag la galay Fahad

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xeer madaxweyne dib ugu soo celiyay dhammaan darajooyinkii iyo xuquuqdii ciidan ee Gaashaanle Sare Ibraahim Macallin Cabdullaahi uu ku lahaa hay’adda sordoonka iyo nabad-sugidda qaranka.

Madaxweyne Xasan ayaa ku saleeyey xeerkan madaxweyne si waafaqsan qodobbada 87-aad iyo 90-aad ee dastuurka KMG ah iyo sharciga dhismaha hay’adda sirdoonka iyo nabad-sugidda qaranka ee Lr. 003, soona baxay sanadkii 2023-dii.

Tallaabadan ayaa ku timid codsi uu soo gudbiyey Gaashaanle Sare Ibraahim Macallin Cabdullaahi iyo muhiimadda ay leedahay in dib loo soo celiyo xuquuqdiisa iyo darajooyinkiisa ciidan si waafaqsan dastuurka iyo sharciyada dalka.

“Gaashaanle Sare Ibraahim, laga bilaabo maanta oo la saxiixay xeerkan madaxweyne, waxa uu xaq u yeelanayaa dhammaan xuquuqda ciidan ee sharcigu uu u ogolyahay, iyadoo xeerkani uu baab’inayo dhammaan wixii xeer ah oo ka horreeyey,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Villa Somalia.

Gaashaanle Sare Ibraahim Macalin Cabdullaahi oo horey usoo noqday Taliyaha nabad-sugida tobolka Banaadir ayaa waxaa dhammaan xuquuqdii iyo darajadii uu lahaa laga xayuubiyay xilligii uu Fahad Yaasiin hayay xilka agaasimaha hay’adda sirdoonka iyo nabad-sugida qaranka.

Xeerkan Madaxweyne ayaa dhaqan galay maanta oo ay taariikhdu ahayd 3-da Febraayo 2025, oo ah markii lagu baahiyey faafinta rasmiga ah ee dowladda.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tan iyo dib u doorashadiisi saraakiil dhowr ah dib ugu soo celiyay darajooyinkii iyo xuquuqdii ee ciidan ee xaqa u lahaayeen, kuwaasi oo badankood laga xayuubiyay kal-xukunkii madaxweynihii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Al-Shabaab oo shan mas’uul ka afduubtay Kenya + Magacyada

Mandheera (Caasimada Online) – Dabley looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ayaa afduubtay shan madax-xaafadeed (chiefs) kuwaas oo ku socdaalayay inta u dhaxaysa Ceelwaaq iyo Mandheera, xilli ay ku guda jireen kormeer howlo ay dowladdu ka fulisay degmooyin ka tirsan Mandheera.

Taliyaha ciidanka booliska degmada dhacda koonfurta Ismaamulka Mandheera, Mudane Julius Njeru, ayaa xaqiijiyay afduubkan.

Saraakiishan ayaa ka soo ambabaxay deegaanka Ceel-Gaduud, kuna sii jeeday magaalada Ceelwaaq ka hor intii aan afduubka loo geysan, sida uu sheegay Mudane Njeru.

Ciidanka amniga ee Ismaamulka Mandheera ayaa la geliyay heegan sare, iyadoo haatan uu socdo baadi goob ballaaran oo loogu jiro samatabixinta saraakiishan ka tirsan wasaaradda amniga Kenya.

Kooxda Al-Shabaab ayaa warbaahinteeda ku sheegatay afduubka shan mas’uul oo ka tirsan maamulka Mandheera, waxayna ku kala sheegeen, sida ay hadalka u dhigeen.

  1. Cadow Cabdulle Maxamed, oo ah gudoomiyihii hore ee magaallada War-gaduude.
  2. Maxamed Nuur Xaaji, oo ah Gudoomiyaha deggaanka Jajaboole.
  3. Cabdi Xasan Surre, oo ah Gudoomiyaha deegaanka Qurac Madoobe.
  4. Maxamed Xasan Kulmiye, oo ah Gudoomiyaha magaallada War-gaduude qeybta Bari.
  5. Ibraahiim Gaabow Cabdulle oo ah Gudoomiye-ku-xigeenka qeybta Bari ee magaallada War-gaduude.

Dhacdadan afduubka ah ee ka dhacday Ismaamulka Mandheera ayaa ku soo beegmaysa iyadoo la filayo in maalmaha soo socda uu socdaal ku gaari doono halkaas madaxweynaha Kenya, Dr. William Arap Samoei Ruto.

Guddoomiyaha Ismaamulka Mandheera, Mudane Maxamed Aadan Khaliif, ayaa si kulul u cambaareeyay falkan, wuxuuna ka codsaday saraakiisha ammaanka inay dadaal dheeri ah muujiyaan, si sida ugu dhaqsiyaha badan ay u soo samata bixiyaan madax-xaafadeedka la afduubtay.

Xog cusub oo kasoo korortay duqeyntii Mareykanka ee Puntland iyo arrin la xaqiijiyey

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Waxaa weli isa soo taraya macluumaadka laga helayo duqeyn culus oo Sabtidii lasoo dhaafay Mareykanka ka fuliyay aagga dhulka buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari oo hoostaga Puntland, taas oo lagu beegsaday kooxda Daacish.

Xog cusub oo haatan soo baxday ayaa muujineyso in weerarkan dhanka cirka ah uu Mareykanka la bartilmaameedsaday goobo ay ku dhuumaaleysanayeen xubno sar-sare oo ka tirsan kooxda, kuwaas oo ku jiraan shaqsiyaad si weyn looga baadi goobayo caalamka.

Wararka ayaa sheegaya in duqeynta si gaar ah loogu garaacay godad waa weyn oo ku yaal dhulka hoostiisa, waxaana la rumeysan yahay in uu ku jiro god weyn oo ay gabaad ka dhiganayeen xubno ay kamid yihiin hoggaamiyaha kooxda Daacish ee Soomaaliya Cabdulqaadir Muumin iyo Cabdiraxmaan Faahiye oo labaduba kasoo jeeda Puntland.

Illaa iyo hadda lama shaacin magacyada shaqsiyaadka lagu dilay weerarkan oo ay siyaabo kala duwan uga hadleen Mareykanka, dowladda Soomaaliya iyo maamulka Puntland.

Waxaa kale oo la xaqiijiyay in duqeynta ay ku nafwaayeen in ka badan illaa 40 xubnood oo ka tirsanaa Daacish, sida uu shaaciyay afhayeen u hadlay ciidamada ammaanka Puntland.

Weerarkan oo aad loo soo qorsheeyay ayaa waxaa amray madaxweynaha dib loo doortay ee Mareykanka Donald Trump, wuxuuna ujeedka ku sheegay naafeynta kooxaha argagixisada.

Kooxda Daacish ayaa joogitaan kooban ku leh gudaha Soomaaliya marka loo eego kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida, laakiin khubarada ayaa ka digay dhaq-dhaqaaqooda oo la sheegay inuu sii kordhayo.

Si kastaba, waa wareerkii ugu horreeyey ee Mareykanka uu ka fuliyo Soomaaliya tan iyo markii uu madaxweyne Donald Trump xilka dib ula wareegay 20-kii Janaayo, 2025.

Madaxweyne Cirro oo indhaha soo saaray baaxadda dabkii suuqa Hargeysa + Sawirro

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa booqday soona kormeeray khasaaraha ka dhashay dabkii xalay qabsaday suuqa ganacsiga ee gobonnimada, qaybtiisa idaacadda.

Madaxweynaha oo ay wehlinayaan xubno kamid ah golaha wasiirrada, qaar kamid ah taliyayaasha ciidamada kala duwan ee dalka, maayar ku-xigeenka caasimadda, badhasaabka gobolka Maroodi-jeex iyo masuuliyiin kale oo xukuumadda ka tirsan, ayaa indhihiisa ku soo arkay dhibaatada uu dabkaasi gaadhsiyey hantidii goobahaas taallay.

Mudane Cirro ayaa waxa uu caddeeyey in xukuumadda uu hoggaamiya ay si buuxda u garab taagan tahay dadkii khasaaruhu soo gaadhay.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale muujiyey sida uu uga xun yahay khasaaraha ku dhacay dadkii halkaas ku ganacsanayey, isaga oo u duceeyey, Eebbena uga baryey inuu ciwad khayr qaba ka siiyo.

“Waxa aan murugada iyo xanuunka la qaybsanayaa ganacsatada suuqa Gobonnimo, khasaaraha iyo dhibta soo gaadhayna qaranku wuu la qaybsanayaa, wuuna ka xun yahay, waxana aan Ilaahay uga. Baryayaa inuu wax khayr qaba ugu. Beddelo,” ayuu yiri.

Waxa uu shacabka ugu baaqay inay gacan siiyaan dadka khasaaruhu gaadhay, kana qayb qaataan qaadhaanka dadkaas loo ururin doono, isaga oo xusay talo qaran laga yeesho sidii looga hortegi lahaa dabka soo noqnoqda ee khasaaraha ku haya bulshada iyo dhaqaalaha Somaliland.

Ugu dambayntii, madaxweynuhu waxa uu sheegay in dhibka dhacay loo saaray guddi farsamo, kuwaas oo soo dersi doona talana ka keeni doona sidii looga soo kaban lahaa khasaaraha dhacay.

Suuqan ayaa ahaa kan labaad ee ugu weyn caasimada Somaliland ee Hargeysa, waxaana ku shuf beelay ganacsiyo aad u badan, iyada oo ay ku cayroobeen dad shalay hantiilayaal ahaa.

R/W Xamza oo xil sare u magacaabay Ismaaciil Siciid

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Fdeeraalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo digreeto soo saaray ayaa maanta xil sare u magacaabay Mudane Ismaaciil Siciid Aw-muuse oo ah wiil dhalinyaro ah oo firfircoon.

Ismaaciil Siciid Aw-muuse ayaa waxaa loo magacaabay inuu noqdo mareeye ku-xigeenka Dekadda Xamar, kadib soo jeedin ka timid Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda.

Sidoo kale, magacaabistan ayaa qayb ka ah qorshaha dardargelinta iyo horumarinta kaabayaasha Dekadaha Dalka, si waafaqsan Qorshaha Isbeddelka Qaranka, sida lagu sheegay wareegtada kasoo baxday xafiiska ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya.

Dhinaca kale waxaa magacaabistaan ka dhalatay hadal-heyn xooggan, waxaana ka fal-celiyay qaar kamid ah dadweynaha isticmaala baraha bulshada.

Cabdiraxmaan Ibraahim Gacal “Eebow dardargalin ma jirtee biilka xaafadda waa juusto”.

Cabdixakiin Maxamed “Nin Puntland ka yimid muxuu dekadda Xamar ka qaban waxba kamaba fahansanee?”.

Rijaal Maxamed Nuur “Soo jeedin gole wasiiro waxba laguma magacaabee naga daaya baahasha.

Dhamme Shakuur “Ilmaha caanahooda miyaa waxaasi xil ma ahane waxaan?”.

Si kastaba, maalmihii u dambeeyay ra’iisul wasaaraha ayaa waday macagaabista xilal cusub, waxaana ugu dambeysay Marwo Aamina Axmed Samatar oo noqotay Isu-duwaha Arrimaha Haweenka ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XJFS (Gender Coordinator OPM).

Qeybdiid oo hor-istaagay in qorshaha Xasan ka hirgalo Galmudug, weerarna ku qaaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Cabdi Qaybdiid ayaa diiday hannaanka doorashada ee qof iyo cod, kaas oo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya soo jeedisay in laga dhaqangeliyo Soomaaliya sannadka 2026-ka.

“Dowlad Goboleedka Galmudug waxaa ka dhici doonta oo kaliya doorasho qaran oo lagu heshiiyay. Daneeyeyaasha Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa si wadajir ah uga arrinsan doona arrinkaa,” ayuu yiri Senatar Qaybdiid.

Wuxuu dhaliilay socdaallada joogtada ah ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku tago dibadda. “Ma habboona in muddo gaaban gudaheed dalba dal loo safro. Waxaan ugu baaqayaa labada gole ee Baarlamaanka Federaalka inay feejignaadaan oo ay u kuurgalaan jidka qaldan ee ay Soomaaliya cagta saartay,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Senatar Qaybdiid, oo horey u soo noqday Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ayaa ah Senatarkii ugu horreeyay ee si cad uga soo horjeesta hannaanka doorashada ee muranka dhaliyay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay hannaankan ka dhaqangelin doonto qaybo ka mid ah dalka, iyadoo laga reebay Dowlad Goboleedka Puntland, oo ah maamul-goboleedkii ugu horreeyay ee laga hirgeliyey Soomaaliya sannadkii 1998-kii.

Hadalka Qeybdiid ayaa imanaya ayada oo dowladda federaalka ay wax walba u sameyneyso sidii ay doorashadan u dhici laheyd, oo ay ku jirto kordhinta muddo xileedka hoggaamiyeyaasha dowlad-goboleedyada, taasi oo ay ku tilmaamtay tallaabo lagama maarmaan u ah horumarinta dib-u-habeynta doorashooyinka iyo u-gudbidda nidaamka “hal qof, hal cod”.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda, Saalax Axmed Jaamac, ayaa sheegay in muddo kordhintan, oo lagu soo afmeeray shirkii ugu dambeeyay ee Golaha Wadatashiga Qaranka, ay qeyb ka tahay qorshaha dowladda federaalka ee isku aaddinta jadwalka siyaasadeed ee dalka, si doorashooyinka dhammaan heerarkooda kala duwan hal mar loogu wada qabto.

“Muddo kordhintu waa tallaabo lama huraan ah oo looga weecanaayo hannaanka doorasho ee dadban, kaas oo ku saleysan nidaamka beelaha, isla markaana aan ku dhaqmeyney muddo haatan laga joogo toddobo sano,” ayuu Mudane Jaamac hadalkan u sheegay wariyeyaasha ka howlgala magaalada Muqdisho.

Siyaasiyiinta ka soo horjeeda hannaanka dowladda ayaa weliba walaac xooggan ka muujiyay waqtiga loo qabtay, iyagoo ku adkeystay in khilaafaadyada siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo maamul-goboleedyada, kuwaas oo aan xal rasmi ah laga gaarin ay sababi karaan dib-u-dhac kale ama xitaa inay hurin karaan colaad hor leh.

DF Somalia oo tallaal qasab ah ku soo rogtay shacabka

Muqdisho (Caasimada Online) – Dawladda Soomaaliya ayaa tallaal qasab ah ku soo rogtay dhammaan dadka safarka ah ee dalka soo gelaya ama ka baxaya, si loo xakameeyo wax ay ugu yeertay faafitaanka cudurrada faafa, oo ay ka mid yihiin xummadda jaallaha ah (yellow fever), dabaysha (poliomyelitis), iyo qaaxada (meningitis).

Amarkan oo ay Axaddii si rasmi ah ugu dhawaaqday Wasaaradda Caafimaadka iyo Adeegyada Aadanaha, ayaa isla markiiba dhaqan galay, waxaana lagu qasbay shacabka in ay qaataan 1-da illaa 10-ka Febraayo, 2025.

Hindisahan ayaa waafaqsan Xeerarka Caafimaadka Caalamiga ah (IHR 2005) ee Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO), kuwaas oo dejinaya halbeegyada caalamiga ah ee ka-hortagga cudurrada iyo xakameynta caafimaadka ee xuduudaha.

Mas’uuliyiinta ayaa carrabka ku adkeeyay in siyaasaddani ay lama huraan u tahay ka-hortagga dillaaca cudurrada iyo ilaalinta caafimaadka dadweynaha, xilli ay sii kordhayaan khataraha caalamiga ah ee cudurrada saf-marka ah.

Sida ku cad siyaasaddan cusub, dhammaan dadka safarka ah, iyadoon loo eegin da’dooda ama dhalashadooda, waxaa waajib ku ah inay soo bandhigaan Shahaadada Tallaalka Xummadda Jaallaha ah oo sax ah marka ay soo gelayaan ama ka baxayaan goobaha laga dhoofo ama lagu soo dego ee dalka.

Wasaaraddu waxay hoosta ka xariiqday in dadka safarka ah ay tahay in ay qaataan tallaalka ugu yaraan 10 maalmood ka hor safarka si loo xaqiijiyo difaacooda.

Waxaa la asaasay xarumo tallaal oo gaar ah, oo ay ku jiraan goobo ku yaal garoommada diyaaradaha ee caalamiga ah, dekedaha badda, iyo isbitaallada dowladda, si loogu adeego dadka safarka ah. Xarumahan ayaa la rumeysan yahay in ay leeyihiin dad ka tirsan dowladda ama xiriir hoose la leh.

Cafis caafimaad ayaa la siin doonaa shakhsiyaadka aan awoodin inay qaataan tallaalka sababo caafimaad oo gaar ah dartood, iyadoo shardi ay tahay inay soo bandhigaan warqad cafis caafimaad oo rasmi ah.

Dadka safarka ah ee ku guuldareysta inay buuxiyaan shuruudaha tallaalka waxay wajihi doonaan tallaabooyin caafimaad oo dadweyne, oo ay ku jiraan karantiil ama in laga mamnuuco inay dalka soo galaan.

Xummadda jaallaha ah, oo ah caabuq fayras oo ay kaneecadu gudbiso, waxay sababi kartaa xanuun daran iyo dhimasho haddii aan la daaweyn. Sida laga soo xigtay Ururka Caafimaadka Adduunka, tallaalku waa habka ugu waxtarka badan ee lagula dagaallamo cudurka.

Mas’uuliyiinta caafimaadka Soomaaliya ayaa sheegay in siyaasadda tallaalka qasabka ah ay qayb ka tahay dadaallada joogtada ah ee looga hortagayo gudbinta cudurka ee xuduudaha iyo ilaalinta dadweynaha.

Shuruudda xummadda jaallaha ah ka sokow, dadka safarka ah waa inay soo bandhigaan caddeynta tallaalka ka hortagga dabaysha ee afka laga qaato (oral poliomyelitis) iyo cudurka qoorgooyaha noociisa afar-geesoodka ah ee loo yaqaanno Neisseria meningitis.

Wasaaradda Caafimaadka iyo Adeegyada Aadanaha ayaa ku boorrisay dadka safarka ah inay u hoggaansamaan amarkan, iyadoo iftiimisay doorkiisa muhiimka ah ee lagu xoojinayo safar caalami ah oo badqab leh.

“Annagoo iskaashaneyna, waxaan ka hortagi karnaa faafitaanka xummadda jaallaha ah iyo cudurrada kale ee faafa,” ayay Wasaaraddu ku sheegtay bayaan ay soo saartay.

Dowladda Soomaaliya ayaa marar badan soo rogtay tallaalo kala duwan, waxaana loo arkaa hanaan mar kasta lacag looga sameeyo shacabka taagta darran. Tallaalka ayaa qasab laga dhigaa in laga qaato dhowr xarun oo kaliya oo xiriir la leh madaxda dowladda kaliya, kuwaas oo lacagaha laga qabto ay qaataan xubnaha dowladda ee wax ka leh ama ka wakiilka ah.

Guri ku yaalla Kismaayo oo loogu tegay xubno Shabab ah

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Macluumaad dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo xalay ka dhacay gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ka ah ee maamulka Jubbaland, kaas oo lagu beegsaday xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Howlgalka oo ay fuliyeen ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee loo carbiyay la dagaallanka kooxaha Argagixisada ayaa waxaa lagu beegsaday guri ku yaalla xaafadda New Kismaayo, kaas oo ay ku jireen saddex xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Ciidamada oo ka war helay raggan oo tiradooda lagu sheegay saddex nin ayaa ugu tegay guriga, waxayna goobta ku dileen laba kamid ah, halka ay soo qabteen mid kale, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Jubbaland.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeedka saddexda nin ayaa Al-Shabaab u qaabilsanaa dilalka qorsheysan, waxaana ka war helay ciidanka oo sidaas ugu daatay guriga ay joogeen.

“Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee loo carbiyay la dagaalanka kooxaha Argagixisada ayaa goor dhow u daatay guri ku yaala xaafadda New Kismaayo, kaasi oo ay ku jireen sadex kamida Argagixisada gaar ahaan kuwa qaabilsan madax jabiska sida aan xogaha ku helnay” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “Ciidamada Jubaland gaar ahaan kuwa gaarka ah ee qaabilsan ladagaalanka Argagixisada oo hayay xogta dhagar qabayaasha, ayaa ku guuleystay in sadexdii dhagar qabe labo kamida ay dilaan, halka kii kalana ay nolosha ku qabteen.”

Waxaa sidoo kale isla xalay howlgal kale oo amni xaqiijin ah ciidamada Booliska Jubbaland ay ka sameeyeen xaafadaha magaalada Kismaayo, kaas oo ay hoggaaminayeen saraakiil sare oo ka tirsan Ciidanka Booliska.

Kismaayo ayaa waxaa mararka qaar weeraro qaraxyo ah iyo dilal qorsheysan ka fuliya dagaalyahanada Al-Shabaab oo weli ku xooggan gobollada Jubbooyinka.

 

Maxay DF ka tiri dhibaatada soo gaartay Somaliland?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay dhibaatada Somaliland kasoo gaartay dab wayn oo xalay ka kacay Suuqa Gobonimo, gaar ahaan qaybta xigta deyrka waqooyi ee Idaacada, kaas oo gaystay khasaare hantiyeed oo baaxad leh.

Dabka ayaa inta badan baabi’iyay suuqa oo ah kan labaad ee ugu wayn magaalada Hargeysa, wuxuuna ku fiday goobo ganacsi oo ku yaallay gudaha suuqaasi.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo qoraal soo saaray ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay xanuunka la qaybsaneyso ganacsatadii ku hanti beeshay dabka xalay ka kacay suuqa labaad ee magaalada Hargeysa.

Sidoo kale, Al-Cadaala ayaa dadka uu soo gaaray khasaaraha Eebbe uga baryay inuu siiyo beddal khayr leh, maadaama ay ku xoolo beeleen dabkaasi.

“Ilaaheey badal khayr leh ha siiyo muwaadiniinta ku xoolo beelay Dabkii xalay qabsaday Suuqa Gobonimo ee Magaalada Hargaysa, xanuunka ayaan la qaybsanaynaa” ayuu yiri Al-Cadaala.

Dabka oo aad u xoogganaa ayaa waxaa mar dambe ku guuleystay xakamayntiisa ciidanka dab-damiska, waxaana hadda socda tirakoobka inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha.

Sida uu sheegay taliyaha ciidanka dab damiska Sareeye Guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili guud ahaan ciidamada dab damiska degmooyinka caasimada ayaa hawlgalkan ka qayb-galay, sidoo kale 26 gaari dab damis ah ayaa iyaguna ka qayb qaatay howlgalka.

“Alla Mahadii ciidamada ayaa ku guuleystay in dabkaa hareereeyaan, inta aanu ku fidin suuqa intiisa kale oo ah mid cidhiidhi ah ayna adagtahay in gaadiidka Dabdemisku si fudud u galaan. Dabkan ayaa bilaabmay 11:56 pm” ayuu yiri taliye Axmed Sawaaxili.

Waxaa kale oo uu ka hadlay ciriiriga ka jira waddooyinka iyo dadka oo aad u badnaa, isaga oo fariin wacyigelin ah u diray bulshada Somaliland.

Horay waxaa sidaan oo kale ugu gubtay suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa, kaas oo dhaliyay khasaare lixaadleh iyo burbur wayn oo soo gaaray suuqaasi.

Xogta shir muhiim ah oo DF Soomaaliya iyo IMF uga furmay dal kale + Sawirro

0

Riyadh (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Riyadh ee wadanka Sacuudiga ka furmay shir muhiim ah oo u dhexeeya hay’adaha maaliyadda dowladda federaalka Soomaaliya iyo hay’adda lacagta adduunka ee IMF.

Shirkan ayaa waxaa diiradda lagu saaraya horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya iyo sidii loo maalgalin lahaa ilaha wax soo saarka dalka oo uu ugu horeeyo kheyraadka dabiiciga ah ee uu wadankeenu hodanka ku yahay.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Imaan Cige oo hoggaaminaya xubnaha kala duwan ee shirka ka qeyb-galaya oo ka kooban xafiisyada madaxeynaha, ra’iisul wasaaraha, wasaaradaha kala ah wasaaradda maaliyadda, wasaaradda qorsheynta, wasaaradda batroolka, bangiga dhexe, hay’adda warbixinada maaliyadda, hay’adda istaatistikada qaranka iyo xafiiiska xisaabiyaha guud.

Shirkan oo socon doona muddo afar maalmood ah ayaa lagu gorfayn doonaa wixii u qabsoomay dowladda Soomaaliya muddadii sanadka aheyd ee kasoo wareegtay markii lagu dhawaaqay in Soomaaliya laga cafiyay deymhii lagu lahaa.

Sidoo kale waxa uu noqonayo qorshaha ku aadan horumarinta dhaqaalaha dalka iyo sidii loo maalgalin lahaa mashaariicda horumarineed ee Soomaaliya gaarsiin kara isku filnaan dhaqaale.

Wasiir Biixi oo furitaanka shirka ka hadlay ayaa faah-faahin buuxda ka bixiyay dadaalka wasaaradda maaliyadda ee ku aadan dib-u-habeynta maaliyadda iyo casriyeynta ilaha dakhliga, kuwaas oo uu ku tilmaamay inay hadda ku socdaan hanaankii saxda ahaa ee lagu gaari lahaa horumar maaliyadeed.

Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in dowladda federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay hufnaanta iyo horumarinta maaliyadda, isagoo u mahad-celiyay sanduuqa IMF iyo bangiga adduunka oo si wanaagsan u la shaqeeya hay’addaha maaliyada Soomaaliya, taageerada farsamo iyo mid maaaliyeed ee ay ku taageeraan dowladda federaalka.

Sharaxid: Waa maxay Tacriif – Agabka dagaal ee Trump u adeegsanayo dalalka dunida

Washington (Caasimada Online) – Tacriif-ta ama cashuuraha ganacsiga ayaa haatan si weyn looga hadal hayaa warbaahinta.

Haddaba, waa maxay tacriif, maxaase muhiim ah in aad ka ogaato? Tacriifta waa canshuur la saaro badeecadaha la soo dhoofiyo. Waxaa badanaa lagu xisaabiyaa boqolkiiba qiimaha badeecadda uu iibsaduhu ka bixiyo alaab-qeybiyaha shisheeye.

Mareykanka, cashuuraha ganacsiga waxaa ururiya saraakiisha Kastamka iyo Ilaalada Xuduudaha (Customs and Border Protection) oo ka howlgala 328 dekedood iyo bar ganacsi oo dalka ku yaal. Heerarka cashuuraha Mareykanka way kala duwan yihiin: tusaale ahaan, cashuuraha la saaro baabuurta rakaabka waa 2.5%, halka kabaha golf-ka ay yihiin 6%.

Cashuurahaasi waxay hoos uga dhici karaan waddamada uu Mareykanka la leeyahay heshiisyada ganacsi. Tusaale ahaan, inta badan badeecadaha ayaa si xor ah ugu kala gudbi kara Mareykanka, Mexico, iyo Canada, sababo la xiriira heshiiskii ganacsi ee Trump uu la saxiixday dalalkaasi ee US-Mexico-Canada Agreement.

Dhaqaalaha iyo cashuuraha ganacsiga

Khubarada dhaqaalaha ayaa guud ahaan ka shaki qaba waxtarka tacriifta, iyagoo aaminsan inaysan ahayn hab wax ku ool ah oo dawladuhu dhaqaale uga helaan ama koboc dhaqaale u horseedi karaan.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, oo taageere u ah tacriifta, wuxuu ku adkaystay in dalalka shisheeye ay bixinayaan cashuurahaasi. Laakiin xaqiiqda dhabta ah waa in shirkadaha Mareykanka ah ee soo dhoofiya badeecadaha ay bixinayaan cashuuraha, lacagtana ay ku dhacdo khasnadda dawladda Mareykanka (U.S. Treasury).

Shirkadahani, si ay u magdhabaaan khasaaraha, waxay sare u qaadaan qiimaha badeecadahooda, taasoo macnaheedu yahay in macaamiishu bixinayaan qarashka cashuuraha. Sababtaas awgeed, dhaqaaleyahannadu waxay sheegaan in cashuuraha ganacsiga ay ugu dambeyn ku dhacaan shacabka.

Hase yeeshee, cashuurahaasi waxay sidoo kale dhibaato ku noqon karaan dalalka shisheeye, maadaama ay sare u qaadaan qiimaha badeecadahooda, taasoo adkeynaysa in la iibiyo. Shirkadaha shisheeye ayaa mararka qaar ku khasbanaada inay hoos u dhigaan qiimaha badeecadahooda, taasoo yareyn karta faa’idadooda si ay uga tartamaan suuqa Mareykanka.

Daraasad uu sameeyay dhaqaaleyahan Yang Zhou oo ka tirsan Jaamacadda Fudan ee Shanghai ayaa lagu ogaaday in tacriifta Trump uu saaray badeecadaha Shiinaha ay saddex jeer ka badan waxyeelleeyeen dhaqaalaha Shiinaha marka loo eego saameynta ay ku yeesheen Mareykanka.

Trump iyo Tacriif-ta

Trump wuxuu ku dooday in tacriifaha ay abuuri doonaan shaqooyin warshadeed, yareyn doonaan deynta dawladda, hoos u dhigi doonaan qiimaha cuntada, islamarkaana u suurtagelin doonaan dawladda inay maalgeliso daryeelka carruurta.

“Cashuuraha ganacsigu waa wax la yaab leh oo la ikhtiraacay,” ayuu Trump ka yiri xaflad ka dhacday Flint, Michigan intii lagu jiray ololihiisii doorashada.

Muddadii uu xilka hayay, Trump wuxuu cashuuro dul-dhigay badeecadaha laga keeno dibadda, oo ay ka mid yihiin qoraxda laga dhaliyo korontada (solar panels), biraha, iyo dhammaan badeecadaha Shiinaha. Isagoo xoojinaya mowqifkiisa, wuxuu isku magacaabay “Tariff Man” (Ninka Tacriif-ta).

Trump ayaa ballan qaaday in haddii dib loo doorto uu kordhin doono cashuuraha ganacsiga ee uu saaro badeecadaha shisheeye, taasi oo uu billaabay in uu ka dhabeeyo.

Mareykanka ayaa sannadihii u dambeeyay si tartiib ah uga baxay doorkii uu ka ciyaarayay horumarinta ganacsiga xorta ah ee caalamiga ah tan iyo dagaalkii labaad ee adduunka.

Isbeddelkani wuxuu ka dhashay dareenka ah in shaqooyin badan oo warshadeed ay lumaan, arrintaasoo loo aaneeyo ganacsiga aan xakamaysnayn iyo koboca dhaqaale ee Shiinaha.

Ujeeddada Tacriif-ta

Tacriif-ta ayaa loogu talogalay in lagu ilaaliyo warshadaha gudaha. Sare u qaadista qiimaha badeecadaha la soo dhoofiyo waxay faa’iido u noqon kartaa shirkadaha gudaha oo si fudud uga tartami kara suuqa.

Sidoo kale, cashuurahaasi waxay noqon karaan ciqaab la dul-dhigo waddamada lagu eedeeyo inay sameeyaan xeelado ganacsi oo aan cadaalad ahayn, sida kabidda (subsidizing) badeecadahooda ama iibinta alaabta qiimo aad u jaban (dumping).

Ka hor inta aan canshuurta dakhliga federaalka la hirgelin sannadkii 1913, tacriifaha waxay ahaayeen isha ugu weyn ee dakhli ka soo galo dowladda. Sida uu sheegay dhaqaaleyahan Douglas Irwin oo ka tirsan Jaamacadda Dartmouth, inta u dhaxeysay 1790 iyo 1860, cashuuraha ganacsiga waxay ka koobnaayeen 90% dakhliga dawladda.

Si kastaba ha ahaatee, cashuurahaasi waxay hoos u dhacaan markii ganacsiga xorta ah uu kobcay ka dib dagaalkii labaad ee adduunka, iyadoo dawladda ay u baahatay ilo dhaqaale oo ballaaran si ay u maareyso miisaaniyaddeeda.

Dowladda Mareykanka waxay sannad maaliyadeedkii dhammaaday 30-ka Sebtembar ururisay ku dhowaad $80 bilyan oo doollar oo cashuuraha ganacsiga ah, taasoo aad uga yar marka loo eego $2.5 tirilyan oo doollar oo ka soo xarooday canshuurta dakhliga shakhsiga iyo $1.7 tirilyan oo doollar oo ka yimid canshuurta bulshada (Social Security iyo Medicare).

Si kastaba ha ahaatee, Trump wuxuu doonayaa in Mareykanku dib ugu laabto xeerarka miisaaniyadeed ee jiray qarnigii 19-aad, isagoo si xooggan u adeegsanaya cashuuraha ganacsiga.

Tacriif-ta iyo cadaadiska Diblomaasiyadeed

Tacriif-ta waxaa sidoo kale loo adeegsan karaa cadaadis diblomaasiyadeed, xitaa marka arrimahaasi aysan la xiriirin ganacsiga.

Sannadkii 2019, Trump wuxuu isticmaalay hanjabaadda cashuuraha si uu cadaadis ugu saaro Mexico inay xakameyso qulqulka muhaajiriinta ka imaanaya Bartamaha Ameerika ee sii maraya xuduudda Mexico una sii socda Mareykanka.

Trump xitaa wuxuu cashuuraha u arkaa hab lagula xallin karo dagaallada. “Hal wicitaan ayaan sameynayaa,” ayuu ka yiri xaflad ka dhacday North Carolina bishii Agoosto.

Haddii waddan kale isku dayo inuu dagaal billaabo, wuxuu sheegay inuu ku hanjabi doono: “Waxaan idin dul-dhigi doonnaa cashuur 100% ah.”

Dhaqaaleyahannada oo ka digaya Tacriif-ta

Dhaqaaleyahannadu waxay rumeysan yihiin in cashuuraha ganacsigu ay sare u qaadaan qiimaha badeecadaha, taasoo saameyn taban ku yeelan karta shirkadaha iyo macaamiisha. Waxaa sidoo kale la filan karaa in dalalka kale ay sameeyaan aargoosi.

Tusaale ahaan, Midowga Yurub wuxuu cashuuro dul-dhigay badeecadaha Mareykanka sida bourbon-ka iyo mootooyinka Harley-Davidson si uu uga jawaabo cashuuraha Trump ee birta iyo aluminium-ka.

Daraasad ay sameeyeen dhaqaaleyahanno ka kala socda MIT, Jaamacadda Zurich, Harvard, iyo Bankiga Adduunka ayaa lagu ogaaday in cashuuraha Trump aysan wax shaqo ah u soo celin dalka.

 

Midowga Yurub oo wacad ku maray jawaab adag xilli Trump uu billaabay dagaal

Brussels (Caasimada Online) – Midowga Yurub ayaa Axaddii wacad ku maray inuu si Midowga Yurub ayaa Axaddii ku adkaystay inuu si adag uga jawaabi doono haddii Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu tacriif ama cashuuro ku soo rogo, iyadoo Brussels ay cambaaraysay dagaalka ganacsi ee uu billaabay ee ka dhanka ah Canada, Mexico iyo Shiinaha.

Brussels ayaa illaa hadda sheegaysay inay rajaynayso in ay ka fogaato khilaaf ganacsi oo kala dhexeeya Trump, iyadoo loo marayo wada hadal.

Laakiin Jimcihii, hoggaamiyaha Maraykanka ayaa xaaladda sii adkeeyay isagoo sheegay inuu “gebi ahaanba” qorshaynayo inuu beegsado Midowga Yurub mustaqbalka, kaddib markii uu marka hore cashuuro saaray dalalka deriska la ah ee Waqooyiga Ameerika iyo Shiinaha.

“Midowga Yurub wuxuu ka xun yahay go’aanka Maraykanka ee uu cashuuraha ugu soo rogay Canada, Mexico iyo Shiinaha,” ayuu yiri Afhayeen u hadlay Guddiga Yurub.

“Cashuuruhu waxay abuuraan khalkhal dhaqaale oo aan loo baahnayn, waxayna sare u qaadaan sicir-bararka. Waxyeello ayay u gaystaan dhammaan dhinacyada.”

Afhayeenku wuxuu sheegay “in Midowga Yurub uu si adag uga jawaabi doono waddan kasta oo ay ganacsi wadaagaan, kaasoo si aan caddaalad ahayn ama si aan loo meel dayin cashuuro ugu soo roga badeecadaha Midowga Yurub”.

“Waqtigan xaadirka ah, ma ogin wax cashuuro dheeraad ah oo lagu soo rogay badeecadaha Midowga Yurub,” ayuu raaciyay.

Wuxuu sheegay in Midowga Yurub oo ka kooban 27-ka dal ay weli ka go’an tahay cashuuro hooseeya si “kor loogu qaado kobaca iyo xasilloonida dhaqaale ee nidaam ganacsi oo xooggan oo ku dhisan sharci”.

Wuxuuna ku celiyay sida ay uga go’an tahay Midowga Yurub xiriirkiisa ganacsi iyo maalgashi ee uu la leeyahay Maraykanka — “ka ugu weyn adduunka”.

“Waxaa jira wax badan oo halis ku jira,” ayuu yiri Afhayeenku. “Waa inaan labadeennuba eegnaa sidii loo xoojin lahaa xiriirkan.”

Trump ma uusan qarsan cadaawaddiisa ku wajahan Midowga Yurub, isagoo ku eedeeyay inuu Maraykanka “si aad iyo aad u cadaalad-darro ah” ula dhaqmay dhanka ganacsiga.

Xiisadaha ayaa sidoo kale sare u kacay ka dib markii uu si joogto ah ugu adkaystay inuu doonayo inuu Greenland ka qaato Denmark, oo xubin ka ah Midowga Yurub.

Sannadkii 2018, intii lagu jiray muddo xileedkiisii ugu horreeyay, Trump wuxuu cashuuro saaray dhoofinta birta iyo aluminiumka Yurub — taasoo keentay in Midowga Yurub uu kaga jawaabo cashuuro u gaar ah oo ka sarreeya.

Natiijadaas awgeed, Yurub waxay muddo bilo ah dajinaysay qorshayaal kala duwan si loo hubiyo inay diyaar u tahay markan, haddii uu go’aansado inuu bilaabo khilaaf ganacsi oo cusub oo uu la galo ururka.

‘Cidna ma caawin doonto’ –

Dibloomaasiyiinta iyo saraakiisha Midowga Yurub ayaa ku adkaysanaya inay midaysan yihiin, ayna haystaan qalab ay kaga jawaabaan tallaabooyinka Trump — laakiin khubarada ayaa sidoo kale tilmaamaya dildillaacyo suurtagal ah haddii uu cadaadiska kordhiyo.

Awoodda dhaqaale ee Jarmalka — oo wajahaysa doorasho adag bishan iyo dhaqaale hoos u dhacay — ayaa ka gaabsanaysay arrimaha cashuuraha.

Trump waxa kale oo ay u badan tahay inuu isku dayo inuu iska horkeeno danaha dowladaha shakhsi ahaaneed ee Midowga Yurub.

Qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha Yurub ayaa horeyba ugu loolamayay inay ku dhowaadaan, iyadoo Giorgia Meloni ee Talyaaniga ay hoggaaminayso.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Talyaaniga, Antonio Tajani, ayaa Axaddii qoray in “dagaal cashuureed uusan cidna caawinaynin”, isagoo sheegay in Talyaanigu uu hayo fikrado uu ku ilaalinayo shirkadihiisa, isla markaana ay Rome dhex-dhexaadiye ka noqon doonto Washington.

Saraakiisha Midowga Yurub ayaa weli rajaynaya inay ka dhaadhicin karaan Trump inuusan sii wadin qorshihiisa cashuuraha.

Madaxa Guddiga Yurub, Ursula von der Leyen, ayaa bishii Nofembar soo jeedisay qorshe suurtagal ah oo lagu ilaalinayo taageerada TRUMP: iibsashada gaas dabiici ah (LNG) oo badan oo ka yimaada Maraykanka.

Taas ayaa lagu tilmaamay mid labada dhinacba ay ku wada guulaysanayaan, maadaama ay ka caawin doonto ururka inuu iska daayo saadka ka yimaada Ruushka, halka ay sidoo kale qancinayso hoggaamiyaha Maraykanka.

Trump laftiisa ayaa dalbaday in Midowga Yurub uu iibsado saliid iyo gaas badan oo Maraykan ah — isagoo sidoo kale ka cabanaya in ururku uusan soo dhoofsan wax ku filan oo ah baabuurta Maraykanka iyo wax-soo-saarka beeraha.

Hoggaamiyeyaasha Midowga Yurub ayaa la filayaa inay ka wada hadlaan khatarta cashuuraha ee soo fool leh, ee ka imaanaysa Ttump, magaalada Brussels maanta oo Isniin ah, shir looga golleeyahay in diiradda lagu saaro arrimaha difaaca.

Awoodda militari ee Maraykanka ayaa weli aasaas u ah amniga Yurub iyada oo loo marayo NATO. Xulafada Maraykanka oo si xilkasnimo leh isha ugu haya Ruushka ayaa ka baqaya in ka caraysiinta Trump ay khatar gelin karto kaalinta Washington ee ilaalinta qaaraddooda.