26.9 C
Mogadishu
Sunday, June 21, 2026

Dalalka GEESKA AFRIKA: Dhibaha iyo Dheefaha

0

Aagga Dalalka Geeska Afrika (DGA) waa kan ugu kooneeya qaaradda Afrika, dhinaca bari. Waxa uu ka kooban yahay dalalka Soomaaliya, Itoobiya, Jabuuti, iyo Eritrea. Waa aag xasaasi ah oo xasarado badan ay ka jireen qarniyo badan, tan iyo waagii hore. Ma degi karaa? Yaa isku haysta? Ma jiraa wax gobolka u gaar ah?

Marka hore, ogow in uu ku fooraro, koonfurta ka xigo Badda Cas, Gacanka Cadmeed, iyo Badweynta Hindiya. Waa marin badeed ay maraan boqolkiiba laba iyo toban (12%) ganacsiga adduunka, oo ay ku jiraan shidaalka laga keeno Gacanka Carbeed ama Faarisiga, kolba sida aad u qaadato.

Sidaas darteed, indhaha dalal badan ayaa kusoo jeeda, kuwaas oo ay ka mid yihiin dowladaha waaweyn, kuwa dhexdhexaadka ah, iyo kuwa gobollada kale. Dhibaatooyinka iyo faa’iidooyinka ka jira aagga waa kuwo isku xidhan. Waxaa ka mid ah: gaajo, harraad, nabadgelyada badda, siyaasado cakiran, iyo tartanka loogu jiro gacan ku haynta gobolka.

Waxaa sidoo kale meesha soo gala loollanka Masar iyo Itoobiya, oo had iyo jeer isku haysta biyaha Webiga Niilka Buluuga. Xaaladda hadda taagan waxay salka ku haysaa biyo-xidheenka ay Itoobiya dhisatay, oo ay ugu magac dartay Biyo-xidheenka Dib-u-curashada Itoobiya (BDI). Xidhiidhka labada dal wuu sii xumaaday, iyadoo BDI uu qayb weyn ka yahay muranka.

Itoobiya waxay filaysaa in BDI uu kobcin doono dhaqaalahooda, balse saamayntiisu waxay gaadhaysaa ammaanka gobolka. Arrintan waxay si gaar ah u taabanaysaa Soomaaliya, oo xiriir taariikhi ah la leh Masar, Eritrea, Jabuuti, iyo weliba Suudaan, oo Galbeedka ka xigta Itoobiya. Dhibaatada ay dhalisay ayaa saameyn ku yeelatay xasiloonida gobolka oo dhan, iyadoo Masar iyo Itoobiya ay si isdabajoog ah u loollamayaan.

Itoobiya waxay isku aragtaa, ama waligeedba ku hammiday, inay tahay awoodda ugu weyn ee gobolka DGA. Ciidamo badan iyo hub badan ayay haysataa, hase yeeshee, dalalka kale ee gobolku si rasmi ah uma aqoonsana awoodeeda.

Dhanka kale, Masar waxay xiriir la leedahay dalalka kale ee gobolka sida Soomaaliya, Eritrea, Jabuuti, iyo Suudaan. Itoobiya waxay ku guul-darraysatay inay xidhiidh wanaagsan la yeelato dalalkan, inkasta oo ay isku dayday. Hadda, hanjabaadaha Masar ayaa kaga xoog badan dedaallada Itoobiya.

Itoobiya waxay mar walba sheegtaa inay bad u baahan tahay, taasina waxay keentay in dalal kale, sida Turkiga, ay si dhow ula macaamilaan Soomaaliya si ay uga caawiyaan ilaalinta badda.

Haddaba, awoodda Masar, oo mar islahayd Geeska Afrika adigaa ugu awood badan, hadda wuu yaraaday. Culays badan ayaa yimid markii Turkigu heshiis dhex dhigay Soomaaliya iyo Itoobiya. Taasi waxay si toos ah u beddeshay miisaanka awoodaha gobolka, iyadoo ciyaartoy kale ay soo galeen xisaabta.

Xundhurta heshiiska lama oga, balse waxaa la xaqiijiyay in uu salka ku hayo arrimaha amniga, kobcinta ganacsiga, iyo iskaashiga lagu xoojinayo la dagaallanka kooxaha argagixisada ee gobolka ku nagaaday tobannaan sano.

Turkigu hadda wuxuu u muuqdaa in uu noqday awoodda shisheeye ee ugu firfircoon ee gobolka ka shaqaynaysa, isagoo dhaqaale ahaan danihiisa kobcinaya. Isbeddel weyn ayaa ku dhacay qaab-dhismeedkii gobolka, oo si ka duwan sidii hore loo wajahayo awoodaha.

Inkasta oo la leeyahay waxbay u taraysaa Soomaaliya, haddana weli lama arko isbeddel muuqda oo ku yimid amnigeeda ama dhaqaalaha. Dhibaatada iyo hoogu sidii bay u taagan yihiin; siyaasadda qasan sidii bay u qasan tahay; argagixisadu sidii bay u goolibaadhaysaa. Shacabkuna uma muuqdaan kuwo si buuxda u ogol heshiiska ay Itoobiya la galeen.

Waxaa kale oo jira walaac ay qabaan dalalka jaarka sida Kenya iyo Jabuuti, kuwaas oo aan si sax ah u fahamsanayn sida ay wax u socdaan. Waxaana cabsi hor leh keeni kara kororka dhaqaale ee Soomaaliya, gaar ahaan haddii shidaalka laga filayo baddeeda la soo saaro tobannaan sano ee soo socda.

Danaha reer Galbeedka kama maqna xisaabta gobolka DGA, gaar ahaan Maraykanka, Shiinaha, iyo Ruushka, oo si firfircoon uga dhex muuqda Itoobiya, Jabuuti, iyo Eritrea. Hindiya ayaa iyaduna dadaal ugu jirta in ay saamayn ku yeelato gobolka.

Waddamada Gacanka Carabtuna waxay saameyn ku leeyihiin gobolka, gaar ahaan Imaaraadka, oo si weyn ugu lug leh siyaasadda iyo dhaqaalaha Geeska Afrika. Soomaaliya iyo Itoobiya labaduba waxay xiriir dhow la leeyihiin Imaaraadka, hase yeeshee, lama oga halka ay wax u dambayn doonaan.

Haddaba, waxa muhiim ah in dadka gobolka ay fahmaan in danahooda ay gacantooda ku jiraan. Shisheeyuhu danahooda ayuu ka shaqaynayaa. Marka maxaa diidaya in Soomaalida gaar ahaan ay ka shaqeeyaan danahooda, isku tanaasulaan, wax wadaagaan, oo ay isku darsadaan halkii ay sii kala fogaaan lahaayeen, iyagoo moodaya inay danaysanayo, balse dhab ahaantii cadowgooda xoojinaya? Waa su’aal da’ weyn.

Dr. Suleyman Axmad Walhad

Saamaynta ay leedahay marka qurbo-joogtu maal-gashadaan dalal kale halkii ay ka maalgashan lahaayeen dalkooda

0

Qurbo-joogta — oo ah dadkii ka haajiray dalalkooda hooyo—waxay door weyn ka ciyaaraan kobcinta dhaqaalaha ee wadamada ay ka yimaadeen iyo kuwa ay degeen. Inkastoo dad badan oo qurbo-joog ah ay si weyn uga qayb qaataan horumarinta dalkooda hooyo iyaga oo xawilaad lacageed, ganacsi, iyo tabarucaad samaynaya, haddana waxaa sii kordhaya tirada dadka doorbidaya inay maalgashadaan dalalka shisheeye halkii ay dalkooda hooyo ka maalgashan lahaayeen. Isbeddelkan wuxuu leeyahay saameyn weyn oo dhinacyo badan leh, oo ay ka mid yihiin horumarka dhaqaale, barwaaqada bulshada, iyo xoojinta aqoonsiga Qaran.

1. Saamaynta Dhaqaale ee Dalkooda Hooyo

Marka qurbo-joogtu ay doortaan inay maalgashadaan dalal kale, taasi waxay dhalinaysaa dhibaatooyin dhaqaale oo badan:

• Kobaca Dhaqaale oo Gaabis Ah: Wadamada soo koraya waxay si weyn ugu tiirsan yihiin maalgashiga qurbo-joogta si ay u horumariyaan kaabayaasha dhaqaalaha, u abuuraan shaqooyin, oo ay u xoojiyaan ganacsiyada. Marka lacagahooda loo weeciyo dalal kale, dalkooda hooyo wuxuu waayaa fursado dhaqaale oo muhiim ah.

• Fursado Ganacsi Oo Laga Faa’iidaysan Waayo: Dalal badan oo ay qurbo-joogtu kasoo jeedaan waxay leeyihiin suuqyo furan oo ay ka heli karaan faa’iido badan, laakiin maalgashiga oo la waayo waxay sababtaa in ganacsiyo badani aanay kobcin.

• Ku Tiirsanaanta Kaalmada Dibadda: Haddii maalgashi toos ah oo badan laga waayo qurbo-joogta, dalalkooda hooyo waxay sii ahaanayaan kuwo u baahan deeqo iyo deymo dibadeed, taasoo mararka qaar la timaada shuruudo adag oo aan waxtar u lahayn horumarka dalkooda.

2. Abuurista Shaqooyin iyo Saamaynta Shaqo La’aanta

Maalgashiga qurbo-joogta ee dalkooda hooyo wuxuu abuuri karaa shaqooyin badan, gaar ahaan dhinacyada warshadaha, dhismaha, beeraha, kaluumaysiga, waxbarashada, caafimaadka iyo waxsoosaarka kale. Haddii maalgashigaas la waayo, waxay keentaa:

• Kordhinta Shaqo La’aanta: Wadamada ay dhalinyaradu aad u badan yihiin waxay la kulmaan shaqo la’aan ba’an, taasoo sabab u noqota dhaqaalaha oo taagnaada, dembiya oo kordha, iyo xasillooni darro bulsho.

• Maskax Bax (Brain Drain): Markii maalgashi la waayo, xirfadlayaal badan ayaa doorbida inay shaqo u raadsadaan dalal kale, taasoo ka dhigan in wadankooda hooyo uu waayo shaqaale karti sare leh.

• Kobaca Ganacsiyada Oo Yaraada: Ganacsiyada yar yar iyo kuwa dhexe (SMEs) waa laf-dhabarka dhaqaale ee dalal badan. Haddii qurbo-joogtu aysan bixin maalgashi, ganacsiyadan waxay la kulmaan caqabado dhaqaale oo weyn.

3. Saamaynta Bulsho iyo Dareenka Muwaadinnimada

Ka sokow dhaqaalaha, marka qurbo-joogtu doortaan inay maalgashadaan dalal kale, waxay wax u dhimaysaa xidhiidhka dalkooda hooyo:

• Xiriir Daciif Ah oo Laga Dhexlayo Dalkooda Hooyo: Markay qurbo-joogtu maal-gashadaan dal kale, waxay si xooggan ula jaanqaadaan dhaqaalaha iyo bulshada dalkaasi, taasoo keeni karta in jiilalka dambe ay lumiyaan xidhiidhka ay la leeyihiin dalkooda hooyo.

• Dadkii Gudaha Oo Ka Xanaaqa Qurbo-Joogta: Shacabka ku nool dalkooda hooyo waxay dareemi karaan in qurbo-joogtu ay iska indha tireen, taasoo keenta dareen xumaan iyo caro leh.

• Tabarucaadka Bulshada Oo Hoos U Dhaca: Qurbo-joog badan waxay caawiyaan horumarinta dugsiyada, isbitaalada, iyo mashaariicda bulshada. Haddii maalgashiga loo wareejiyo dalal kale, taasi waxay yareynaysaa horumarka dalka hooyo.

4. Faa’iidooyinka Maalgashiga Qurbo-Joogta ee Dalkooda Hooyo

Waxaa jirta faa’iido badan oo laga helayo haddii qurbo-joogtu ay doortaan inay maalgashadaan dalkooda hooyo:

• Kobac Dhaqaale Oo Waara: Maalgashiga tooska ah wuxuu abuurayaa dhaqaale adag oo aan ku tiirsanayn lacagaha xawilaadda.

• Shaqo Abuuris iyo Yaraynta Saboolnimada: Haddii la maalgeliyo ganacsiyada maxalliga ah, shaqooyin badan ayaa abuurmaya, taasoo sare u qaadaysa nolosha dad badan.

• Xoojinta Saamaynta Caalamiga Ah: Wadan horumarsan wuxuu helaa kalsooni iyo awood uu kula xaajoodo wadamada kale.

• Ilaalinta Dhaqanka iyo Aqoonsiga Qaranka: Haddii qurbo-joogtu maalgashato dhaqanka, dalxiiska, iyo barnaamijyada dhaxal-galka ah, jiilalka mustaqbalku waxay sii wadi doonaan xidhiidhka ay la leeyihiin dalkooda hooyo.

Gunaanad

Inkastoo qurbo-joogtu ay xor u yihiin in ay maalgashadaan halka ay doonaan, haddana waxaa lama huraan ah in mudnaan gaar ah la siiyo horumarinta dalkooda hooyo. Dowladaha waa inay abuuraan jawi fududeynaya maalgashiga, sida canshuur dhimis, fududeynta shuruudaha ganacsiga, iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.

Haddii isbeddelkan sii socdo oo qurbo-joogtu sii doorbidaan inay maalgashadaan dalal kale, dalalkooda hooyo waxay wajihi doonaan caqabado dhaqaale iyo kuwo bulsho. Laakiin haddii la dhiirrigeliyo maalgashiga dalkooda hooyo, waddanku wuxuu ka faa’iidaysan karaa awoodda iyo xirfadda dadkiisa si loo dhiso mustaqbal ifaya.

W/Q: Hussein Yusuf Huhule

Somalia: Puntland forces kill dozens of foreign IS fighters

Bosaso, Somalia Puntland’s security forces have killed more than 40 Islamic State (ISIS) militants in a large-scale military operation in the Cal Miskaad mountains of Somalia’s Bari region, officials said.

The offensive, which targeted key militant strongholds, also led to the capture of strategic locations previously controlled by the extremist group.

The operation, launched in the early hours and lasting throughout the day, resulted in the deaths of dozens of ISIS fighters, including many foreign combatants, according to Puntland military sources. Several other militants were wounded in the fighting.

Puntland forces released images showing the bodies of slain militants, along with weapons and other equipment seized during the assault. Officials confirmed that their troops had controlled all areas targeted in the operation.

ISIS strongholds captured

Key areas stretching from Qurac to Dhashaan, long held by ISIS, were recaptured. One of the fiercest battles took place in Togga Jeceel, where Puntland forces overran a militant base, seizing heavy weaponry and encountering wounded fighters left behind by retreating militants.

A specialized ISIS unit of 12 operatives—trained for long-range sniper attacks and planting improvised explosive devices (IEDs)—was also eliminated during the assault, officials said.

Puntland military commanders vowed to continue pursuing ISIS remnants fleeing the battlefield. “Our forces are chasing down the remaining terrorists who managed to escape,” one senior officer told local media.

Authorities also reported disruptions to militant communications, as operations targeted areas where ISIS had been using telecommunication networks to coordinate activities.

The Islamic State in Somalia

ISIS has maintained a presence in Somalia since 2015, mainly through defectors from the al-Qaeda-linked al-Shabaab group. The militants have established bases in the mountainous terrain of the Bari region, where they have engaged in extortion, smuggling, and sporadic attacks on security forces and civilians.

The Cal Miskaad mountain range, part of the larger Golis mountains, has long been a key hideout for ISIS operatives due to its remote and rugged landscape, making military operations in the area particularly challenging.

Recent U.S. airstrikes 

The Puntland offensive comes shortly after U.S. airstrikes targeted ISIS fighters in the same region. On February 1, 2025, the U.S. military launched strikes on militant hideouts in the Golis mountains, reportedly killing multiple ISIS operatives, including a senior planner.

The Pentagon stated that the strikes were part of ongoing counterterrorism efforts to weaken ISIS’s operational capabilities in Somalia. Officials described the area as a vital hub for the group’s recruitment and logistics.

The Bari region’s proximity to the Gulf of Aden and the port city of Bosaso makes it a critical area for both Puntland authorities and international security efforts.

Controlling these mountainous areas is crucial to preventing ISIS from using them as a base for attacks or illicit activities such as arms trafficking and human smuggling.

The Puntland administration has reaffirmed its commitment to eradicating ISIS from its territories, with continued operations expected in the coming weeks.

Puntland’s forces have received backing from international partners, including intelligence-sharing agreements aimed at tracking militant movements and disrupting their operations.

Puntland oo dishay ajaanib-tii ugu badneed – Maxaa maanta ka dhacay Calmiskaad?

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Ciidamada Daraawiishta Dowlad Goboleedka Puntland oo howlgallo culus saacadihii la soo dhaafay ka fuliyey buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari ayaa dilay in ka badan 40 ka mid ah Khawaarijta Daacish.

Saraakiisha howlgalka hogaaminaysa ayaa warbaahinta u sheegay in maleeshiyaadka ay howlgalkaas ku dileen ay u badnaayeen ajaanib, isla markaana ay jiraan dhaawac badan oo soo gaaray argagixisada.

Waxaa lasoo bandhigay sawirrada meydadka Khawaarijtii lagu dilay howlgalka, iyadoo Ciidamadu ay la wareegeen gacan ku heynta dhammaan goobihii howlgalkaas ay ka fuliyeen.

Saraakiisha Ciidamada Puntland ayaa sheegay in Ciidamada geesiyaasha ah ay sii baacsanayaan firxadka Khawaarijta naf la caariga ah.

Dagaalkaan ayaa bilowday aroornimadii hore ee saakay, makhribnimadiina galabta ayuu soo gaaray, waxayna ciidamadu xoreeyeen deegaano muhiim ah.

Deegaanada Qurac ilaa Dhashaan ayaa dagaalkii maanta looga xoreeyey Daacish, saldhigyada rasmiga ahaa ee madaxda Daacish ay joogeen ayaa gudaha loo galay.

Dagaalka ugu culus wuxuu maanta ka dhacay Togga Jeceel, waxaa la sheegay in kooxda laga furtay hub culus, sidoo kale dhaawacyo nool ayaa loogu tegay goobaha qaar.

Koox ka kooban 12 oo ay ugu talogaleen Toogasho fog iyo Qarxinta Miinooyinka ayaa iyana la dilay, cimilada oo qalafsan iyo Telfoonada oo dhan ayaa hawada ka baxay, maadaama loo dagay aag Togga Jaceel maanta.

Sawirro: Weerar dhimasho badan oo ka dhacay Sweden

Orebro (Caasimada Online) – Ugu yaraan 10 qof ayaa Talaadada maanta ah lagu dilay weerar toogasho oo ka dhacay xarun waxbarasho oo ku taalla Sweden, oo uu ka mid yahay ninka looga shakisan yahay weerarka, sida ay boolisku sheegeen. Weerarkan ayaa ka mid ah weerarrada dhifka ku ah xarumaha waxbarasho ee dalkaas.

Mas’uuliyiintu markii hore waxay sheegeen in dhowr qof ay ku dhaawacmeen rabshadaha ka dhacay Campus Risbergska, oo ah dugsi sare oo loogu talagalay dhallinyarada waaweyn kuna yaalla magaalada Orebro, balse ma aysan xaqiijin dhimasho.

In kasta oo weerarrada ka dhaca dugsiyada ay ku yar yihiin Sweden, haddana dalka wuxuu wajahaya xasarado la xiriira rabshadaha kooxaha burcadda ah, kuwaas oo sannad kasta galaafta nolosha tobannaan qof.

“Ugu yaraan 10 qof ayaa maanta lagu dilay weerarka,” ayuu warfidiyeenada u sheegay Roberto Eid Forest, taliyaha booliska Orebro, isagoo xusay in aysan si sax ah u caddeyn karin tirada dhimashada.

“Qofka weerarka geystay ma ahayn qof horey booliska ugu diiwaan-gashanaa,” ayuu raaciyay, isagoo intaas ku daray in aan weli la ogayn sababta keentay falkaan.

Isbitaallada oo la geeyay dhaawacyo 

Taliye Forest ayaa sheegay in booliska ay warbixinadii ugu horreeyay heleen 12:33 duhurnimo (1133 GMT), balse aysan weli si sax ah u xaqiijin karin in weerarku ka dhacay gudaha ama dibadda dugsiga.

Labo macallin oo ka tirsan Campus Risbergska, Miriam Jarlevall iyo Patrik Soderman, ayaa wargeyska Dagens Nyheter u sheegay inay maqleen rasaas ka dhacaysa jaranjarada dugsiga.

“Ardaydu waxay nagu soo ordeen iyagoo leh qof ayaa toogtay. Markaas kaddib, waxaan maqalnay rasaas kale oo ka dhacaysa jaranjarada. Dibadda uma bixin, waxaan isku qarinay xafiisyada,” ayay yiraahdeen.

“Markii hore rasaasta aad bay u badnayd, kaddib muddo nus saac ah waxba ma dhicin, balse mar kale ayay bilowday. Waxaan isku qarinay miisaska hoostooda, cabsi darteed.”

Goobjoogeyaal qaar ayaa warbaahinta Sweden u sheegay inay maqleen rasaas u eg mid si toos ah loo riday.

Boolisku waxay rumeysan yihiin in ninka weerarka geystay uu kaligiis ka dambeeyay falkaan.

Telefishinka TV4 ayaa weriyay in boolisku Talaadadii galabkii baaris ku sameeyeen guriga tuhmanaha ee ku yaalla Orebro.

Warbixintu waxay sheegtay in tuhmanaha uu da’diisu ku dhowdahay 35 jir, uu haystay shatiga hubka, isla markaana uusan horey u lahayn diiwaan dambiyeed, balse faahfaahin dheeraad ah lagama bixin aqoonsigiisa. Boolisku ma aysan xaqiijin macluumaadkaas.

Booliska ayaa sheegay inay baarayaan kiis la xiriira “isku day dil, dab qabadsiin, iyo fal dambiyeed hub oo culus.”

Waxay dadweynaha ugu baaqeen inay ka fogaadaan goobta ama ay guryahooda ku nagaadaan.

Dugsiyada oo la xiray 

Ardayda dhowr dugsi oo ku yaalla agagaarka goobta, iyo dugsiga la weerarayba, ayaa saacado badan gudaha lagu hayay “sababo amni dartood,” ka hor inta aan si tartiib tartiib ah loo fasixin, sida ay boolisku sheegeen.

“Maanta waa maalin aad u xanuun badan dhammaan Sweden,” ayuu bartiisa X ku qoray Ra’iisul Wasaare Ulf Kristersson.

“Xusuusteydu waxay la jirtaa dhammaan kuwa maalintii waxbarasho ee caadiga ahayd loogu beddelay argagax. In qof uu fasalka ku xayirmo isagoo noloshiisa ka baqaya waa riyo xun oo aanay cidna la kulmin.”

Wuxuu xusay in xukuumaddu si dhow ula socoto xaaladda.

Hooyo wiilkeedu uu saacado badan ku xayirnaa mid ka mid ah dugsiyada agagaarka ku yaalla ayaa AFP u sheegtay inay dareemayso “naxdin iyo caro.”

“Wiilkeygu wuxuu ku jiraa dugsigan naga dambeeya, iyagana waa la xiray. Waa inay is qariyaan, sidaas darteed waxaan sugayaa in la daad gureeyo,” ayay tiri Cia Sandell, oo 42 jir ah.

“Arrintani waa waalli, si layaab leh ayeyna u dhacday. Aad baan u caraysanahay, aadna waan u naxay. Tani waa wax aan dhici lahayn,” ayay sii raacisay.

Inkasta oo weerarrada tooska ah ee dugsiyada aysan Sweden ku badnayn, haddana rabshado kale oo ka dhacay sannadihii u dambeeyay ayaa cabsi geliyay bulshada.

Bishii Maarso 2022, arday 18 jir ah ayaa laba macallin ku dilay dugsi sare oo ku yaalla magaalada Malmo.

Labo bil kahor, wiil 16 jir ah ayaa mindi ku dhaawacay arday kale iyo macallin dugsi ku yaalla magaalada yar ee Kristianstad.

Bishii Oktoobar 2015, saddex qof ayaa lagu dilay weerar cunsuriyad salka ku haya oo ka dhacay dugsi ku yaalla magaalada Trollhattan, weerarkaasi oo uu fuliyay qof seef watay, kaasoo markii dambe boolisku dileen.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo saxiixay sharci muhiim u ah…

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay sharciga Xeerka Shaqada Soomaaliya oo ay soo gudbisay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, kaas oo horey ay usoo ansixiyeen labada Golle ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Xeerkani wuxuu muhiim u yahay in la xaqiijiyo xuquuqda shaqaalaha iyo in loo abuuro jawi shaqo oo cadaalad ah, kaas oo ku saleysan mabda’a sinnaanta iyo xorriyadda shaqaalaha.

Waxaa sidoo kale diiradda lagu saarayaa in shaqaalaha Soomaaliyeed ay helaan xuquuqda ay ku leeyihiin goobaha shaqada, iyadoo la ilaalinayo danta guud iyo horumarka dhaqaalaha dalka.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS Yuusuf Maxamed Aadan ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha JFS saxiixa sharciga xeerka shaqada Soomaaliya.

Sharcigaan ayaa markii ugu horreysay 52 sano kadib wax ka beddel iyo casriyeyn lagu sameeyay.

Sidoo kale sharcigaan wuxuu la jaan qaadayaa hannaanka dawlad-dhiska, ganacsiga xorta ah ee dalka ka hanaqaaday iyo xaqsiinta shaqaalaha, si waafaqsan Diinteena suubban iyo xeerarka caalamiga ah ee shaqaalaha.

Dowladda Soomaaliya meelaha ay ka liidato waxaa kamid ah xuquuq siinta shaqaalaha, taasi oo loo sababeeyo dhaqaale yari, balse waxaa u dheer tixgelin la’aan iyo madaxda qaranka oo wax masuuliyad ah aan iska saarin.

Wasaaradaha Dowladda Soomaaliya waxaa jooga shaqaale aan 5 sano 4 sano 3 sano iyo labo sano aan wax mushaar ah qaadan, taasi oo la filayo in sharcigaan uu Xasan Sheekh saxiixay uu wax weyn ka bedelo, maadaama madaxda qaranka aysan waxba ka qaban sanadihii lasoo dhisayey dowladaan.

Oday 100 jir ahaa oo sabab yaab leh loogu dilay xadka Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhacdo argagax leh oo saaka ka dhacday deegaanka Xalfooley oo dhaca xadka ay wadaagaan gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, kadib markii sabab yaableh loogu dilay Oday 100 sano jir ah oo kamid ahaa dadka deegaanka.

Marxuumka oo ahaa xoolo dhaqato ayaa waxaa lasoo wariyay inay dileen maleeshiyaad beeleed hubeysan, kuwaas oo kadib goobta isaga dhaqaaqay.

Sababta loo dilay odeyga waayeelka ah ayaa waxaa lagu sheegay inay la xiriirto aano qabiil, balse dhacdadan ayaa argagax ku reebtay dadka deegaanka, maadaama waayeelada, carruurta iyo haweenka ay kamid yihiin dadka birimageedada ah ee aan la taaban.

Mid kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay Radio Kulmiye ayaa ka warbixiyay sida ay wax u dhaceen, wuxuuna sheegay in odeyga la dilay loo tegay, isaga oo la joogo xoolihiisa, kadibna si arxan darro ah loo dilay.

“Deegaanka Xalfooley nin 98 sano jiro oo iska socdo oo waayeel ah ayaa lagu dilay, xoolaley ayuu ahaa waxaana loogu yimid xoolihiisa waana la dilay” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Dhacdadan waxay ka mid tahay colaadda meesha ka jirto iyo dagaal beeleedyada ka socda xadka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe”.

Dhacdadan dilka ah ayaa kusoo aadeyso, xilli maalmahan ay xadka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ka socdeen dadaallo nabadeed oo lagu doonayo in xal nabadeed looga gaaro colaadda beelaha ee ka taagan halkaasi, taas oo saameyn ku yeelatay HirShabelle.

Saddex u jeedo oo Trump uu ka lahaa amarkii Soomaaliya

Washington (Caasimada Online) – Toddobaadyo kadib markii Donald Trump dib ugu soo laabtay Xafiiska Oval-ka, Mareykanka ayaa Sabtidii fuliyay duqeymo cirka ah oo ka dhacay Soomaaliya.

Weerarradan ayaa dad badan ka yaabiyay, maadaama uu Trump horey u amray in ciidamada Mareykanka laga saaro dalka intii uu xilka hayay. Arrintan ayaa sidoo kale imaneysa xilli Soomaaliya aysan ka mid ahayn meelaha ay dunidu sida weyn indhaha ugu hayso, iyada oo laba dagaal oo waaweyn ay ka socdaan caalamka.

Bayaan ka soo baxay mamaulka Trump ayaa lagu sheegay in duqeymuhu ay bartilmaameedsadeen xubno ka tirsan kooxda Daacish ee waqooyiga Soomaaliya. Weerarkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee Mareykanku fuliyaan tan iyo markii Trump dib ugu soo laabtay Aqalka Cad.

Wararka duqeymaha kaddib, Xoghayaha Difaaca ee cusub, Pete Hegseth, ayaa sheegay in qiimeyntii ugu horreysay ay muujisay in weerarradu ay ku dileen xubno badan oo Daacish ah, kuwaas oo ku sugnaa buuraleyda Golis, iyadoo aysan jirin wax khasaare ah oo soo gaaray dad rayid ah.

Trump ayaa is bogaadiyay, isaga oo bartiisa Truth Social ku qoray in weerarka lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsanaa kooxda argagixisada.

“Weerarradan waxay burburiyeen goobihii ay ku dhuumaaleysanayeen argagixisadu, waxaana lagu dilay tiro badan, iyadoo aan wax khasaare ah loo geysan dad rayid ah. Anigu ayaan go’aankaas qaatay, sababtoo ah Biden iyo kooxdiisu waxba kama qaban,” ayuu Trump ku qoray TruthSocial.

Wuxuu intaas ku daray: “Farriinta aan u dirayno Daacish iyo ciddii Mareykanka cadow ku ah waa mid cad: ‘WAANU IDIN SOO HELI DOONAA, WAANUNA IDIN DILI DOONAA!’”

Haddaba, muxuu Trump uga dan lahaa amarka weerar?

Intii lagu guda jiray shir jaraa’id oo Sabtidii dhacay, Hegseth wuxuu xaqiijiyay in weerarrada ay fuliyeen diyaarado dagaal oo ay ka mid yihiin F/A-18, kuwaas oo laga qaaday markabka USS Harry S. Truman, oo ku sugan Badda Cas.

“Hawlgalkaan wuxuu sii wiiqayaa awoodda Daacish ee ah inay qorsheeyaan weerarro argagixiso oo khatar ku ah Mareykanka, saaxiibbadeenna, iyo dad rayid ah,” ayuu yiri Xoghayaha Difaaca.

Waxaa jira saddex sababood oo suurtagal ah oo duqeymaha Soomaaliya loo fuliyay:

1 – Tallaabo astaanta Ah

Warbixin uu daabacay New York Times ayaa xustay in saraakiil ka tirsan Wasaaradda Difaaca ay aaminsan yihiin in duqeymahan ay ahaayeen tallaabo calaamadeyn ah oo aan lahayn saameyn militari oo weyn. Trump ayaa la rumeysan yahay inuu doonayay in uu isu muujiyo sidii hoggaamiye adag oo ka hortagaya argagixisada, taas oo mar walba ahayd astaan siyaasadeed oo uu ku faano.

2 – Aargoosiga weerarkii New Orleans

Sanadka 2025 wuxuu ku billowday dhacdo argagax leh oo ka dhacday New Orleans, halkaas oo nin Mareykan ah oo horey uga tirsanaa ciidanka, islamarkaana la sheegay inuu ka mid ahaa dadkii Daacish dhiirigelisay, uu dad badan ku jiirsiiyay gaari intii ay dabaaldegyada sanadka cusub socdeen.

Weerarkii Mareykanka ee Soomaaliya waxaa loo fasiran karaa aargoosi ka dhan ah falkaas, iyada oo sidoo kale muujinaysa in Washington ay si dhow ula socoto dhaq-dhaqaaqyada Daacish, xitaa meelaha ka fog sida Soomaaliya. Khubaro ka tirsan laamaha amniga Mareykanka ayaa horay uga digay in khatarta Daacish ay korodhay.

3 – Aamusinta mucaaradka gudaha

Trump ayaa horey u shaaciyay xaalad degdeg ah oo la xiriirta xuduudaha Mareykanka, wuxuuna codsaday in ciidamo badan la geeyo halkaas. Mucaaradkiisa ayaa dhaleeceeyay go’aankaas, iyaga oo sheegay in tani ay carqaladeyn karto howlgalada kale ee militari.

Sidaas darteed, weerarka Soomaaliya waxaa loo arkay mid uu Trump ku muujinayo inuu weli xoogga saarayo la dagaallanka argagixisada.

Maxaa is-beddelay?

Waxaa xusuus mudan in 2021, Trump uu amray in 700 oo askari oo Mareykan ah laga saaro Soomaaliya. Markii Biden xukunka la wareegay, wuxuu dib ugu celiyay 450 askari.

Hadda, lama oga sida uu Trump mar kale u qorsheynayo in uu ula macaamilo Soomaaliya. Waxaa muhiim ah in la xuso in ciidamada Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya ay inta badan tababar siiyaan ciidamada dowladda, balse aysan si toos ah uga qeyb qaadan dagaallada ka dhanka ah argagixisada.

Xoghayaha Difaaca Hegseth ayaa sheegay in Mareykanku “diyaar u yahay inuu raadiyo oo ciribtirayo argagixisada halis ku ah Mareykanka iyo xulafadiisa, xilli uu sidoo kale xoogga saarayo sugidda xuduudaha dalka.”

Al Shabaab vs. Daacish: Halista Soomaaliya

Soomaaliya waxaa si weyn loogu yaqaan dagaalka ay kula jirto Al-Shabaab, oo ah garab ka tirsan Al Qaacida. Warbixinaha sirdoonka Mareykanka ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay leeyihiin 7,000–12,000 dagaalyahan, islamarkaana dakhliga ay helaan sannadkiiba uu gaarayo $120 milyan, taasoo ka dhigaysa garabka ugu awoodda badan ee Al Qaacida.

Halkaas marka la joogo, Daacish oo ka hawlgasha waqooyiga Soomaaliya weli ma gaarin awoodda Al-Shabaab, balse lama dhayalsan karo khatarta ay leedahay.

Bishii May ee sanadkii hore, Mareykanka wuxuu fuliyay duqeyn lagu dilay saddex xubnood oo Daacish ah, inkasta oo markii dambe la ogaaday in mid ka mid ah uusan aheyn sarkaal sare oo kooxda ka tirsanaa.

Soomaaliya oo soo dhaweeysay weerarka

Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in xukuumaddu ay la socotay weerarka Mareykanka, islamarkaana uu bartilmaameedsaday Daacish.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa bogaadiyay hawlgalka, isagoo xusay in “Soomaaliya ay garab taagan tahay dadaalka Mareykanka ee lagu ciribtirayo argagixisada caalamiga ah.”

Weerarkaan ayaa muujinaya in, inkasta oo Soomaaliya aysan ahayn mudnaanta koowaad ee Mareykanka, haddana Washington ay mar walba diyaar u tahay inay wax ka qabato khatarta argagixisada.

3 key reasons behind Trump’s order of airstrikes in Somalia

WASHINGTON – In a surprise move, the United States carried out airstrikes in northern Somalia on Saturday, targeting operatives of the Islamic State (ISIS) in what marked the first significant military action under President Donald Trump since his return to the Oval Office.

The strikes caught many off guard, mainly since Trump had previously ordered the withdrawal of US troops from Somalia.

The airstrikes were conducted against ISIS operatives in the remote Golis Mountains of northern Somalia, an area known for hosting extremist factions. According to the Trump administration, the strikes were aimed at dismantling ISIS’s ability to plan and execute attacks that could threaten US citizens, allies, and innocent civilians.

“Multiple operatives were killed,” said newly appointed Defense Secretary Pete Hegseth in a statement, adding that no civilian casualties were reported. Hegseth confirmed that Navy and Air Force warplanes, including F/A-18 fighter jets from the aircraft carrier Harry S. Truman, carried out the strikes.

Trump quickly took to his social media platform, TruthSocial, to claim credit for the operation, calling it a significant victory.

“The strikes destroyed the caves they live in and killed many terrorists without harming civilians. Our Military has targeted this ISIS Attack Planner for years, but Biden and his cronies wouldn’t act quickly enough to get the job done. I did!” Trump posted, underscoring his commitment to taking strong action against terrorism. “The message to ISIS and all others who would attack Americans is that ‘WE WILL FIND YOU, AND WE WILL KILL YOU!'”

Why Somalia?

The question of why Trump ordered airstrikes in Somalia after previously reducing US military presence there remains central to the broader discussion. There are three likely reasons for the decision:

1- Symbolic Gesture

Some defense officials suggest that the airstrikes were partly a symbolic gesture, reinforcing Trump’s image as a brutal “commander in chief” who would protect the US from terrorism from day one of his second term. This action was seen as an effort to portray Trump as decisive, particularly in the early days of his presidency.

2- Response to rising terrorism concerns

The new year began with a high-profile attack in New Orleans, where a US Army veteran inspired by ISIS rammed a car into a crowd celebrating New Year’s. This tragedy underscored the growing concerns over ISIS-related threats, and the airstrikes could be seen as a response to these concerns. Analysts have warned that the influence of ISIS is resurging, with terrorist attacks increasingly linked to the group.

3- Deflecting domestic criticism

The airstrikes could also be seen as a way to shift focus from domestic issues, such as Trump’s calls for military involvement at the US-Mexico border. Critics had argued that such actions could distract from other military priorities, including counterterrorism efforts abroad. By conducting the strikes, Trump may have sought to quiet criticism and demonstrate a proactive approach to national security.

The changing US military stance in Somalia

Trump’s decision to re-engage militarily in Somalia is shocking, considering his 2021 order to withdraw 700 US troops from the country.

Under President Joe Biden, 450 US troops were redeployed to Somalia, focusing primarily on training Somali forces rather than conducting counterterrorism operations. The recent strikes have raised questions about the future direction of US military involvement in the region.

Secretary Hegseth emphasized that the US “stands ready to find and eliminate terrorists” while also fulfilling its border protection responsibilities. This statement suggests that the Biden administration’s approach to Somalia may evolve, particularly given the recent uptick in military action.

Al-Shabab and ISIS in Somalia

While Somalia has long struggled with the militant group Al-Shabaab, which is linked to Al-Qaeda, the threat from ISIS in the northern part of the country cannot be ignored.

Despite its smaller presence in Somalia compared to Al-Shabaab, ISIS has increasingly made its mark, with US airstrikes targeting its operatives in recent years.

In May 2023, a US airstrike killed a senior ISIS leader in northern Somalia, marking a significant blow to the group’s operations.

US Special Operations forces also eliminated ISIS financier Bilal al-Sudani in a January 2023 raid, further highlighting the importance of Somalia in the broader global fight against ISIS.

Somalia’s reaction

The Somali government welcomed the US operation, with President Hassan Sheikh Mohamud acknowledging the support of the United States in the fight against international terrorism.

“The latest American operation reinforces the strong security partnership between Somalia and the United States in combating extremist threats,” Mohamud said. This statement reflects the Somali government’s ongoing cooperation with the US military in counterterrorism efforts.

While the strikes may have raised eyebrows internationally, many in Somalia view them as a positive step toward eliminating the threat posed by ISIS, which continues to operate in the country’s northern regions.

Ciidanka Jubaland oo dib u qabsaday xarunta degmada Baardheere iyo ciidankii DF…

0

Baardheere (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in maanta isbeddal lama filaan ah uu ka dhacay gobolkaasi, kadib markii ciidamada Jubbaland ay dib ula wareegeen gacanta ku haynta xarunta degmada Baardheere.

Isbeddalka ayaa yimid, kadib markii xalay ciidamadii horay u joogay gudaha degmadaas oo taabacsanaa dowladda federaalka ay ka baxeen Baardheere, waxaana saaka gudaha u galay Daraawiishta Jubbaland oo si buuxda hadda u maamulayo xarunta degmada.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in arrintan ay ku timid, kadib kala fur-furis lagu sameeyay ciidamadii halkaasi ku sugnaa ee taabacsanaa dowladda dhexe.

Sidoo kale waxaa xarunta degmada Baardheere tegay guddoomiyaha degmadaas ee Jubbaland, Mudane Aadan Muxumad Axmed, isaga oo kormeer ka sameeyay Baardheere, kaas oo lagu qiimeynayay xaaladda guud iyo arrimaha ammaanka ee degmada.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale xusay in haatan wixii ka dambeeya ay gudan doonaan waajibaadkooda, xaruntana loogu shaqeyn doono bulshada deegaanka.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha dowladda Soomaaliya ee jooga gobolka Gedo, kuna aadan la weerigaanka Jubbaland ee degmada Baardheere.

Dowladda Dhexe iyo maamulka Axmed Madoobe ayaa indhowanahan si weyn ugu loolamayay gacanta ku haynta gobolka, taas oo salka ku hayso xiisadda labada dhinac.

FIQI: Magac xisbi iyo shaqo NGO la iskuma wadi karo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa weerar culus oo dhanka afka ah ku qaaday hoggaamiyeyaasha xisbiyada mucaaradka ee kasoo horjeedo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Fiqi ayaa dhaliilay hab dhaqanka madaxda hoggaamisa xisbiyada mucaaradka, wuxuuna tilmaamay inuu la yaabay sida ay ku diidan yihiin in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, ayna sii rabaan in xisbigooda guuleysto.

“Waxaad arkaysaa Munaasabad ay ugu  magac dareen shirweyne Xisbi, waxaana wada xaadir ah madaxda iyo xubnaha xisbiga, waxaadna la yaabaysaa nin sheeganaya hogaamiyaha xisbiga oo ka soo qeybgalayaashii ugu sheekaynaya “doorasho qof iyo cod ah ma rabno” ayuu ku yiri qoraalka uu soo saaray wasiir arrimaha dibadda Soomaaliya.

Axmed Macallin Fiqi ayaa sidoo kale farriin u diray xubnaha muwaadiniinta ah ee ku jira xisbiyadaasi, isaga oo ugu baaqay inay isaga baxaan, ayna ku biiraan xisbiyo ogol in dalka ay ka dhacdo doorasho xor ah oo xalaal ah.

“Muwaadiniinta Xisbiyadaas doorasho diidka ah ka tirsan, waxaa loogu baaqayaa in ay ku biiraan, xubno firfircoon iyo Madax ka noqdaan xisbiyada oggol doorashada ama in ay ayagu aasaastaan xisbiyo aysan cidna marti uga ahayn!” ayuu mar kale yiri wasiirku.

Waxaa kale oo uu intaasi sii raaciyay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya “Magac xisbi, shaqo NGO la iskuma wadi karo”.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan xiisad siyaasadeed ay ka taagan tahay dalka, taas oo ka dhalatay qorshaha Villa Soomaaliya ee ku aadan qabashada doorasho qof iyo cod ah oo ay diidan yihiin Puntland, Jubbaland iyo siyaasiiyinta kale ee mucaaradka.

XASAN SHEEKH oo haysta fursad weyn oo uusan helin Farmaajo – Maxaadan ogeyn?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa haatan haysta fursad weyn oo uusan helin madaxweynihii ka horreeyay ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, taas oo ah in uusan dalka ka jirin mucaarad macno leh.

Marka laga reebo madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed, mucaaradka kale ayaa haatan si weyn u kala qeybsan, kuwaasi oo saddex qeybood noqday.

Qeybta koowaad: Qaar Xasan Sheekh biil ka qaata, oo Facebook ruwaayad mucaaradnimo ah ku jila. Jeebka labaad ee Xasan Sheekh ayey lacagta kala baxan iyagoo iska dhaadhicinaya in uusan Xasan ogeyn.

Tan ayaa micnaheedu ka dhigan yahay in nin la biilo uusan dal iyo dad toona badbaadin karin.

Qeybta labaad: Kuwo loo heysto dambiyo hore oo ka baqaya inuu Xasan Sheekh dib u furo kiisaskooda hadii ay dagaal dhab ah la galaan.

Tan ayey dadka qaarkii ku tilmaameen kuwa aan xukun u socon, maadaama aysan meel wada gelin xukun iyo cabsi, “xukun cabsi laguma helo,” ayey leeyihiin dadka sida dhow ula socda siyaasadda Soomaaliya.

Qolada u dambeysa ee saddexaad ayaa iyaguna ah qaar aaminsan in dhuumasho iyo is-qarin kursi lagu heli karo, oo aan rabin inay jidka soo istaaggan xilligaan.

Tan ayaa lid ku ah hanaankii Xasan Sheekh uu ku yimid kursiga iyo dabciga xukun kala xoogga ee Soomaaliya, iyadoo la fahamsan yahay in mucaarad aan xooganeyn uusan xukunka dhaafin karin ninka kursiga ku fadhiya.

Fallan-qeeyayaasha ayaa qaba inta uu xaalka mucaaradku sidaan yahay, oo uusan baarlamaan adag jirin inay adag tahay in laga hortago boobka ku socda hantida qaranka, barakicinta shacabka iyo lacagaha baadda ah ee maalin walba lagu soo rogo shacabka Muqdisho degan.

Mareykanka oo Masar ugu hanjabay xiisadda Itoobiya si ay u fuliso qorshe xasaasi ah

Qaahira (Caasimada Online) – Mareykanka ayaa la sheegay inuu u adeegsaday xiisadda biyaha Masar si uu cadaadis ugu saaro Qaahira inay ogolaato qorshaha barakicinta khasabka ah ee Falastiiniyiinta Gaza, sida uu werinayo wrageyska Al-Arabi Al-Jadeed.

Intii lagu guda jiray booqasho uu toddobaadkii hore ku tagay Qaahira, sarkaal sare oo ka tirsan maamulka Trump ayaa kulamo gooni-gooni ah la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar Badar Abdelatty iyo Madaxa Sirdoonka Guud Hassan Rashad. Wadahadallada ayaa diiradda lagu saaray qorshaha muranka badan dhaliyay ee barakicinta dadka reer Gaza iyo xiisadda ka taagan biyo-xireenka Grand Renaissance ee Itoobiya.

Ilo xog ogaal ah ayaa sheegay in danjiraha Mareykanka uu soo jeediyay in taageerada Mareykanka ee xallinta xiisadda biyo-xireenka Itoobiya ay ku xirnaan karto sida ay Masar uga shaqeyso qorshaha lagu barakicinayo shacabka Gaza, looguna wareejinayo gudaha Masar iyo Urdun.

Si kastaba ha ahaatee, mas’uuliyiinta Masar ayaa si adag u diiday soo jeedinta Madaxweyne Donald Trump, oo ku baaqay in Gaza la “nadiifiyo” isla markaana dadka halkaas ku haray oo tiradoodu gaareyso 2.3 milyan lagu wareejiyo dalalka deriska la ah.

Mas’uuliyiinta Masar ayaa walaac xoogan ka muujiyay qorshaha, iyagoo ka digay caqabadaha iyo cawaaqibka ka dhalan kara, kuna adkeystay in hirgelintiisu ay aad u adag tahay.

Danjiraha Mareykanka ayaa sidoo kale la kulmay shakhsiyaad caan ah iyo laba hoggaamiye xisbi oo siyaasadeed si uu u qiimeeyo mowqifka Masar ee ku aaddan qorshaha barakicinta. Wadahadallada ayaa lagu gorfeeyay in dibadbaxyada ka dhan ah qorshahan ay ka tarjumayaan dareen ballaaran oo ka dhan ah Mareykanka, ama haddii ay si gaar ah ula xiriiraan diidmada qorshaha barakicinta.

Sida laga soo xigtay Al-Arabi Al-Jadeed, danjiraha Mareykanka ayaa si furan uga hadlay bannaanbaxyada, isagoo sheegay in ay si toos ah uga falcelinayeen qorshaha ay wadaan Mareykanka.

Sarkaal sare oo ka tirsan diblomaasiyadda Masar oo xog ogaal u ah kulammadaasi ayaa sheegay in ay adkaan doonto in Qaahira iska caabiso qorshaha Trump haddii aysan helin taageero ballaaran oo ka timaadda dalalka Carabta.

Trump oo ku dheggan qorshihiisa

Sarkaalka ayaa xusay in Trump uu si adag ugu taagan yahay dhaqaajinta qorshahan, inkasta oo Masar si cad uga hortimid.

Mas’uuliyiinta Masar ayaa ku celiyay inay diyaar u yihiin sahminta xalal kale oo xaqiijin kara ammaanka Israa’iil iyada oo aan si khasab ah loo barakicin shacabka Falastiin.

Labo ilo xog ogaal ah – mid diblomaasi ah iyo mid siyaasadeed – ayaa sheegay in booqashada danjiraha Mareykanka ay u badan tahay inay tahay kulankii Trump uu todobaadkii hore sheegay xilli uu la hadlayay saxafiyiinta isaga oo saarnaa diyaaradda Air Force One.

Trump ayaa sheegay inuu qorshaha barakicinta kala hadlay Madaxweynaha Masar Abdel Fattah el-Sisi, hase yeeshee sarkaal sare oo Masri ah ayaa xilligaas beeniyay in wadahadal noocaas ah uu dhacay.

Sabtidii, madaxtooyada Masar ayaa war rasmi ah ku xaqiijisay in Madaxweyne Sisi uu habeenkii hore taleefoon ka helay Trump.

Afhayeenka Madaxtooyada Masar Mohamed El-Shenawy ayaa sheegay in labada hoggaamiye ay “wadahadal togan” ka yeesheen hirgelinta wejiyada koowaad iyo labaad ee heshiiska xabbad-joojinta Gaza, kaas oo ay garwadeen ka ahaayeen Masar, Qadar, iyo Mareykanka.

Sidoo kale, waxay hoosta ka xariiqeen muhiimadda ay leedahay dedejinta gurmadka bani’aadantinimo ee loo dirayo Gaza.

El-Shenawy ayaa intaa ku daray in Madaxweyne Sisi uu markale ku celiyay baahida loo qabo in la gaaro nabad waarta oo gobolka laga hirgeliyo.

Wuxuu sidoo kale xusay in beesha caalamka ay Trump u aragto qof muhiim ah oo door ka ciyaari kara xalinta khilaafka muddada dheer taagnaa, isagoo soo xiganaya sheegashada Trump ee ah inuu “u heelan yahay nabadda”.

Hogaamiye sare oo ka tirsan Daacish-ta Soomaaliya oo isa soo dhiibay + Magaciisa

Boosaaso (Caasimada Online) – Taliye sare oo ka tirsan garabka kooxda Daacish ee Soomaaliya ayaa la qabtay Isniintii, sida ay xaqiijiyeen booliska Puntland, laba maalmood uun kaddib markii hoggaanka Daacish lala beegsaday duqeymo ay fuliyeen ciidamada Mareykanka, iyadoo ciidamada amnigu ay sii wadaan weerarro ay toddobaadyadii la soo dhaafay ku qaadeen kooxda.

Sanadihii la soo dhaafay, garabka Daacish ee Soomaaliya ayaa si isa soo taraysa uga mid noqday shabakadda caalamiga ah ee kooxdaas, iyada oo ay xoojisay dagaalyahanno ajanabi ah oo ku soo biiray iyo dhaqaale kordhay sababo la xiriira canshuur ururin horumarsan.

Bishii December, kooxda ayaa sheegtay in ay weerar ku qaadday saldhig ciidan, iyadoo la sheegay in ay adeegsadeen laba gaari oo qaraxyo lagu xiray. Falanqeeyeyaasha amniga ayaa sheegay in taasi muujinayso in Daacish ay la timid xeelado dagaal oo casri ah.

Cabdiraxmaan Shirwac Aw-Saciid, oo ahaa madaxa unugga dilalka qorsheysan ee kooxda, ayaa Isniintii isu dhiibay laamaha ammaanka xilli uu ku sugnaa buuraha Cal Miskaad ee gobolka Bari, Puntland.

Taliyaha booliska gobolka Bari ee Puntland, Cabdikaadir Jaamac Diriir, ayaa xaqiijiyay qabashada sarkaalka lagu naaneyso “Laahoor”, kaasoo sidoo kale mas’uul ka ahaa lacago baad ah oo kooxda ay ka qaado ganacsatada deegaanka.

Bishii December, maamulka Puntland wuxuu ku dhawaaqay dagaal ballaaran oo ka dhan ah Daacish iyo kooxda kale ee Al-Shabaab, oo xiriir la leh Al-Qaacida. Puntland ayaa sheegtay in ay tan iyo markaas la wareegtay saldhigyo badan oo ay lahaayeen dagaalyahannada Daacish.

Xogtii ugu horreysay ee laga helay duqeymihii Mareykanku Sabtidii la beegsaday Daacish ayaa muujisay in ay ku dhinteen dagaalyahanno badan, sida uu sheegay Xoghayaha Difaaca Mareykanka, Pete Hegseth, Axaddii.

Ilaa dhawaan, garabka Daacish ee Soomaaliya looma arkin khatar weyn oo dhanka amniga ah marka la barbar dhigo Al-Shabaab, oo gacanta ku haya deegaanno badan oo ka tirsan koonfurta Soomaaliya.

Xog: Axmed Madoobe oo qorsheynaya inuu isku sharxo madaxweynaha Soomaaliya

0

Kismaayo (Caasimada Online) –Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo muddo labo toddobaad ah ku sugnaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa masuuliyiintii uu halkaas kula kulmay qaarkood wuxuu u sheegay in sanadka soo socda ee 2026 uu u tartami doono xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Axmed Madoobe oo maalin ka hor ku soo laabtay Kismaayo ayaa ku sir qarsaday qaar kamid ah xildhibaanadii, siyaasiyiintii iyo ganacsatadii uu kula kulmay Nairobi, kuwaas oo xogtaan siyaabo kala duwan ula wadaagay Caasimada Online.

Axmed Madoobe ayaa in ka badan 10 sano heysta Jubbaland, madaxweynayaashii kala dambeeyey ee dowladda federaalka ayaa dhowr mar isku dayey inay Axmed dhaafiyaan maamulkaas, balse kuma guuleysan.

Inkastoo Axmed Madoobe yahay dagaal yaqaan, hadana waxaa lagu qiimeyn doonaa waxa uu kasoo qabtay Jubbaland, hadii uu isku soo sharaxo xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Axmed Madoobe iyo guud ahaan Jubbaland hadda waxaa saaran cunaqabateyn, waxaana ku socda maamulkiisa kala furfur ay ku wado dowladda federaalka, iyadoo dowladda federaalka ay u suurtagashay inta badan gobolka Gedo inay kala wareegto.

Wasiirka Amniga Jubbaland Yuusuf Dhuumaal oo xalay la hadlay VOA ayaa si cad u sheegay in Jubbaland ay qalqal amni gashay iyo mid dhaqaale oo ka dhashay cunaqabateynta iyo talaabooyinka militeri, isla markaana ay diyaar u tahay inay wadahadal la gasho dowladda federaalka.

Axmed Madoobe ayaa horay u sheegay in uu diyaar u yahay in dowladda federaalka uu wadahadal la furo, balse dowladda federaalka ayaan dheg-jalaq u siin, kuna qaaday dagaal toos ah, in kastoo meelihii ugu muhiimsanaa uu Axmed Madoobe ku awood badiyey.

Hadii Axmed Madoobe uu u tartamo xilka Madaxweynaha Soomaaliya, ma noqon doono Madaxweynihii maamul goboleed ee ugu horeeyey, waxaana uga horeeyey Saciid Deni oo natiijo fiican ka gaaray tartankii ugu dambeeyey ee Xasan Sheekh uu ku soo baxay.

Muxuu yahay sharciga cusub ee C/casiis Lafta-gareen uu maanta saxiixay ? + Sawirro

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa maanta saxiixay sharciga naafada Koonfur Galbeed.

Sharcigan oo ay diyaarisay wasaarada haweenka maamulka Koonfur Galbeed ayuu ugu dambeyntii maanta qalinka ku duugay madaxweyne Lafta-gareen, munaasabaddaas oo ka dhacday madaxtooyada maamulka.

Wasiirka haweenka Marwo Shamsa Maxamed Yarow, agaasimaha madaxtooyada Cabdifataax Mahad iyo madax ka socotay Qaramada Midoobay, gaar ahaan xafiiska xuquuqul insaanka ayaa Goobjoog ahaa munaasabada saxiixa sharciga naafada.

Dhinaca kale, madaxweynaha maamulla Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa sidoo kale maanta ka qeyb-galay munaasabada dhaarinta wasiirka cusub wasaaradda qorshaynta Koonfur Galbeed Cabdixakiin Maxamed Xaaji Fiqi.

Wasiiro ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed, gudoomiyaha maxkamada sare iyo agaasimaha guud madaxtooyada ayaa goobjoog ahaa munaasabada dhaarinta wasiirka cusub wasaarada qorshaynta Koonfur Galbeed.

Maalin kahor ayey aheyd markii Lafta-gareen uu Cabdixakiin Fiqi u magacaabay wasiirka qorshaynta maal-gashiga iyo horumarinta dhaqaalaha maamulka Koonfur Galbeed, kadib markii uu xilkii ka qaaday wasiirka hore ee wasaaraddaasi.

Xogta howlgal lagu jabiyay DAACISH oo ka dhacay BARI

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Bari ayaa sheegaya in weli ciidamada Puntland ay howlgallo ka dhan ah kooxda Daacish kasii wadaan dhulka buuraleyda ee gobolkaasi, kaas oo khasaare lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka argagixisada.

Howlgalkii ugu dambeeyay oo maanta ka dhacay aagga Togjaceel ayaa waxaa jab culus lagu gaarsiiyay kooxda Daacish, sida ay shaacisay Puntland.

Qoraal kasoo baxay Taliska Howlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in xubnaha kooxda Daacish ay isku dayeen inay is difaacaan, balse laga adkaaday, kadib dagaal adag oo ay la galeen ciidanka ammaanka gobolka Bari iyo Daraawiishta Puntland.

“Ciidanku wuxuu howlgal Argagixisada Daacish lagu sifeynayo ka wada maanta bartamaha Togjaceel. Waxaa la Jebiyey Argagixiso isku dayday inay isdifaacdo” ayaa lagu yiri qoraalka.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo ciidan laga dareemayaa qaybo badan oo kamid ah Bari, gaar ahaan aagga buuraha Calmiskaad ee gobolkaasi.

Daacish ayaa haatan wajaheysa xaalad adag, waxaana culeyska saaran kooxda uu sababay in Cabdiraxmaan Shirwac Aw-Saciid, oo ahaa madaxa unugga dilalka qorsheysan ee kooxda uu Isniintii isu dhiibay laamaha ammaanka xilli uu ku sugnaa buuraha Cal Miskaad ee gobolka Bari.

Taliyaha booliska gobolka Bari ee Puntland, Cabdikaadir Jaamac Diriir, ayaa xaqiijiyay qabashada sarkaalka lagu naaneyso “Laahoor”, kaasoo sidoo kale mas’uul ka ahaa lacago baad ah oo kooxda ay ka qaado ganacsatada deegaanka.

Si kastaba, Bishii December, maamulka Puntland wuxuu ku dhawaaqay dagaal ballaaran oo ka dhan ah Daacish iyo kooxda kale ee Al-Shabaab, oo xiriir la leh Al-Qaacida. Puntland ayaa sheegtay in ay tan iyo markaas la wareegtay saldhigyo badan oo ay lahaayeen dagaalyahannada Daacish.

Is-ballaarinta Oromada iyo is-dabar jaridda Soomaalida

0

Qaybta 1-aad

Soomaalidu waa dad soo jireen ah oo ku nool Geeska Afrika tan iyo xilligii Faraaciinta, iyagoo lahaa boqortooyo la dhaho Buuni (Punt), taas oo ganacsi la lahayd boqortooyadii Faraaciinta. Boqortooyadan waxay aasaastay magaalooyinka xeebaha ku yaalla sida Saylac, Berbera, Xaafuun, iyo Muqdisho. Waxay aqoon durugsan u lahayd ganacsiga badaha, iyadoo dhoofin jirtay udug, dahab, iyo waliba dhirta dawooyinka laga sameeyo.

Dadka dhinta waxay marin jireen hab dabiici ah oo ilaalinaya in jidhkoodu uusan isbeddelin ama ur yeelan. Dhirtaas dabiiciga ah waxaa markii dambe dhoofsan jiray Faraaciinta, kuwaas oo boqorradooda dhinta ku marin jiray hab la mid ah. Illaa iyo hadda lama oga sida boqortooyadaasi u burburtay, balse dhulka Soomaalida waxaa weli laga helaa farshaxankii ay ka tageen, sida afkii ay ku hadli jireen iyo sawirrada xoolihii ay dhaqan jireen.

Markii Islaamku soo gaadhay deegaannada Soomaalida, wadaado badan ayaa u ambabaxay dhulka Carabta si ay u bartaan diinta. Markii ay dib ugu soo noqdeen dalkii ay ka tageen, waxay bilaabeen faafinta Islaamka. Wadaadadaas, si ay kalsooni ugu helaan dadka ay diinta barayeen, waxay sheegteen inay ka soo jeedaan reerkii Nebiga (CSW). Arrintan waxay sababtay in la lumiyo abtirsiimadii dhabta ahayd ee Soomaalida, taasoo keentay samayska qabiilo cusub.

Boqortooyooyinkii ay Soomaalidu hoggaamin jirtay waxaa ka mid ahaa:

  • Boqortooyadii Ajuuraan, oo xukumaysay koonfurta Soomaaliya, badh ka mid ah Kenya, iyo qaybo ka mid ah Itoobiya.
  • Boqortooyadii Cadal, oo ka talin jirtay bariga Soomaaliya ilaa Jabuuti, Ereteriya, Itoobiya, iyo qaybo ka mid ah Suudaan.

Xilliyadii hore, Soomaalidu waxay bilaabeen inay sameystaan beero iyo ganacsi, iyagoo wax u dhoofin jiray Jasiiradda Carabta. Waxay dunida gaadhsiiyeen ganacsigii ugu horreeyey ee bunka (coffee).

Marka aynu leenahay “Soomaali,” uma jeedno qabiilada maanta jira oo keliya, balse waxaa jiray qabiillo Soomaaliyeed oo qaarkood ka haajiray dhulka markii Islaamku yimid, sida Tutsiga. Qaar kale sida Xarla way dabar go’een, halka kuwo badanna ay ku dhex milmeen qabiilooyinka Soomaalida iyo Canfarta, iyagoo xitaa gaadhay Suudaan.

Doodaha sheegaya in Oromadu horey dhulka Soomaalida ugu noolaan jirtay waa been cad. Waxa ay sheegtaan, sida in magacyada deegaannada Soomaalida yihiin magacyo af-Oromo ah, waa wax aan sal iyo raad toona lahayn. Tusaale ahaan, waxay ku andacoodaan in magaaladan Hargeysa magaceedu ka soo jeedo af-Oromo, balse xaqiiqadu waxay tahay in magaca “Hargeysa” uu ka yimid ganacsigii Soomaalidu ka keeni jirtay Harar. Markay badeecadaha ka soo qaadayaan, waxay ku hakan jireen ceel ku yaalla agagaarka Berbera, taasoo lagu naanaysi jiray “Hararyar,” kadibna magacu wuxuu u xuubsiibtay “Hargeysa.”

Imaanshihii Oromada ee dhulka Soomaalida

Oromadu ma aysan ka tirsanaan boqortooyadii Xabashida iyo tii Islaamka midna, waxayna ahaayeen dad reer-guuraa ah oo ku noolaa dhul buuraley ah oo ku yaalla koonfurta Itoobiya, gaar ahaan agagaarka wabiga Galla Sagan. Halkaas ayuu magacii “Galla” oo horay loogu yaqaannay kasoo jeedaa.

Markii ugu horreysay ee Oromadu weerarro kusoo qaadaan dhulka Muslimiinta waxay ahayd kadib dilkii Axmed Gurey. Waxay fursad ka heleen dagaalladii dhex maray Muslimiinta iyo Kiristaanka, iyagoo ka faa’iidaysanaya burburkaasi. Weerarkoodii ugu horreeyey waxay kusoo qaadeen gobolka Baali sanadkii 1537. Wixii ka dambeeyay, Oromadu waxay weerarro ku qaadeen:

  1. Boqortooyadii Xabashida, oo uu xukunkeeda hayay boqor la oran jiray Galawadows.
  2. Boqortooyadii Cadal, oo uu xukunka u hayay nin Soomaaliyeed oo la oran jiray Amiir Nuur.

Qore: Abshir Adam
Lasoco Qaybta 2aad

Trump oo hakiyay awaamiir xiisad xooggan dhalisay

0

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa hakiyay canshuur-kodhinti uu saaray badeecadaha ay Canada iyo Mexico u soo dhoofiyaan Mareykanka, canshuurtaas oo gaareysay 25%, taas oo abuurtay xiisad xooggan.

Go’aanka madaxweynaha Mareykanka ayaa yimid kaddib marki uu khadka telefoonka kula hadlay madaxweynaha Mexico haweeneyda lagu magacaabo Claudia Sheinbaum iyo Ra’iisul wasaaraha Canada Justin Trudeau.

Qoraal uu soo dhigay baraha ay ku xiriirto bulshada ayuu Trump ku sheegay, “in u uku faraxsanyahay natiijada horudhaca ah ee arrintan kasoo baxday, isla markaana muddo 30 maalin ah la hakiyay tacriifta si uu u arko in la gaari karo heshiis dhaqaale oo kama danbeys ah oo uu la galo Canada.

Ra’iisul wasaaraha Canada Trudeau ayaa isna dhankiisa sheegay, in Canada ay geyn doonto xadka ay la wadaagto Mareykanka ciidan iyo qalab cusub oo tiknolooji ah ah, si loo joojiyo qul qulka daroogada fentanyl.

Wuxuu sheegay in uu khadka telefoonka kula hadlay madaxweyne Trump,” “Canshuurta lasoo jeediyay waxaa la hakiyay muddo 30 cisho ah, halka aan sii wadeyno wada shaqeynteenna.” Ayuu yiri.

Madaxweynaha Mexico Claudia Sheinbaum ayaa sheegtay in ay xadka Mexico uu la wadaago Mareykanka u direyso ilaa 10,000 oo askari oo ka tirsan millatariga, si ay u xakameeyaan daroogada nuuceeda dilaaga ah ee loo yaqaanno fentanyl, taas oo Mareykanka kasoo gasha dhanka Mexico.

Waxay kaloo sheegtay in dowladda Mareykanka ay u ballan qaadday in ay wax ka qaban doonto joojinta hubka awoodda badan ee loo dusiyo dhinaca Mexico.

Waxay intaasi ku dartay in madaxda labada waddan ay sii wadi doonaan wada hadalladooda ku aaddan dhinacyada ammaanka iyo ganacsiga, isla markaana arrinta canshuurta muddo bil ah la hakinayo.

Inkasta oo la hakiyay tacriifti uu madaxweyne Trump saaray Mexico iyo Canada, haddana waxaanan wali waxba laga baddalin canshuurti uu saaray Trump badeecadaha uu Shiinaha u soo dhoofsho Mareykanka.

SOMALILAND oo qaaday tallaabooyin xasaasi ah oo la xiriira xiisadda Ceerigaabo

0

Ceerigaabo (Caasimada Online) – Somaliland ayaa ku dhowaaqday tallaabooyin cusub oo lagu adkaynayo amniga iyo xasilloonida Ceerigaabo iyo guud ahaan gobolka Sanaag, kaddib dagaallo dhawaan dhacay oo barakiciyay ilaa 45,000 oo qof isla markaana sii kordhiyay cabsi laga qabo rabshado hor leh.

Wafdi sare oo ay ka mid yihiin xubno ka tirsan goleyaasha sharci-dejinta Somaliland ayaa ku dhawaaqay in ciidamada booliska kaliya loo oggolaan doono inay sugaan amniga magaalada Ceerigaabp, iyagoo amray in dhammaan kooxaha hubaysan ee shacabka ah ay si degdeg ah uga baxaan magaalada.

“Laga billaabo maanta, qofna looma oggolaan doono inuu si sharci-darro ah hub ugu dhex wato magaalada. Qof kasta oo jebiya amarkan wuxuu la kulmi doonaa tallaabo sharci ah,” ayuu yiri afhayeenka wafdiga, isaga oo adkeeyay muhiimada fulinta xeerarkan cusub ee amniga la xiriira.

Wafdiga ayaa sidoo kale ugu baaqay dadka barakacay inay dib ugu laabtaan guryahooda, iyagoo ku adkeeyay in xaaladda Ceerigaabo ay deggan tahay. “Magaaladu waa ammaan, wax sabab ah oo barakaca loogu sii jiro ma jiraan,” ayuu yiri afhayeenku.

Dagaallada Ceerigaabo ayaa qarxay bartamihii December, waxaana isku dhacay ciidamada Somaliland iyo xoogagga SSC-Khaatumo, taasoo keentay barakac baahsan iyo xiisado sii xoogaystay guud ahaan gobolka Sanaag.

Dad badan ayaa u qaxay magaalooyin ay ka mid yihiin Ceel Afweyn iyo Laasqoray, halka qaar kalena ay magan-galeen deegaanno ay ka mid yihiin Boosaaso, Laascaanood, Xudun iyo Burco.

Colaaddan oo salka ku haysa muranno dhuleed iyo khilaafaad beeleed ayaa sababay barakaca dad badan iyo waxyeello soo gaartay kaabeyaasha dhaqaalaha.

Xiisadda ayaa cirka isku sii shareertay kaddib shir beeleed dhawaan ka dhacay magaalada Badhan, halkaas oo hoggaamiyeyaasha beelaha Dhulbahante iyo Warsangali ay ku dhawaaqeen qorshe ay ku doonayaan inay kula Ceerigaabo.

Hoggaamiye dhaqameedka caanka ah ee Somaliland Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuu shirkaas abaabulay si uu qalalaase u kiciyo, isaga oo ku andacoonaya in madaxweynuhu uu adeegsanayo fikradda doorasho qof iyo cod ah si uu farogelin uga sameeyo gobollada Sool iyo Sanaag.

Villa Somalia ayaan ka jawaabin eedeynta Buurmadow uu u jeediyey madaxweynaha.