29.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 12, 2026

Daawo: Abaabul ka dhan ah maamulka HirShabeelle oo BELEDWEYNE ka socda

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka ayaa sheegaya in maanta dhaq-dhaqaaqyo ciidan iyo abaabul ka dhan ah maamulka HirShabelle uu ka billowday duleedka magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Abaabulkan ayaa waxaa horkacayo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, kuwaas oo horay u taageeray guddoomiyihii xilka laga qaaday Cali Jayte Cismaan.

Ciidamo hubeysan oo sidoo kale wata gaadiidka dagaalka ayaa lagu arkay duleedka magaalada, halkaas oo ay warbaahinta kula hadleen xildhibaanada horkacaya.

Sidoo kale ciidamada oo ku qaylinayay erayo ka dhan ah HirShabelle ayaa dhoolatus ballaaran kusoo bandhigay halkaasi oo sidoo kale khudbado loogu jeediyay.

Xildhibaan Maxamed Cabduqaadir oo wariyeyaasha la hadlay ayaa shaaciyay in laga dhegeysan waayay tabashada reer Hiiraan, hadana ay diyaar yihiin in xaqooda raadsadaan,

“Dadkeena waa mudaharaadeen, korna waa u hadleen balse waa la dhageysan waayay tan hadda taagan way ka gudubtay sabarkii shalay waxa la rabo wiilka 20 jirka ah ee gobolka Hiiraan kasoo jeedo in uusan talo lahaanin” ayuu yiri xildhibaankan oo kasoo jeedo Hiiraan.

Sidoo kale wuxuu eedeyn culus u jeediyay madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, isaga oo sheegay in uusan waxba u qaban dadkiisa iyo guud ahaan reer HirShabelle.

“Cali Guudlaaawe haddii horumar iyo nolol dad uu horseedaayo asaga reerka uu ka dhashay ayuu u horseedi lahaay” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Dhankiisa xildhibaan Maxamed Buraale oo qayb ka ah dhaq-dhaqaaqan ayaa sheegay in HirShabelle aysan waxba u qaban isla-markaana ay ka tirsanayaan dhibaato xoogan.

“HirShabelle nolol nooma ogola waad ogtihiin magaalooyinkiinii waa baaba’waxa walba ayuu hor istaagay” ayuu isna yiri Xildhibaan Buraale.

Waxaa kale oo ku eedeeyay in madaxweyne Cali Guudlaawe uu ka baxay ballantii uu horay uga qaaday reer Hiiraan, markii lagu soo dhoweeyay magaalada Beledweyne.

“Ninkaas madaxweynaha ah runtii meeshaan ayaa la keenay ballanaa lala galay maanta ballantii kama soo bixin haddana waxaan aragnaa in dadkeena ay falaadaayaan” ayuu yiri.

Arrimahan ayaa kusoo aadayo, ayada oo ay sii xoogeysaneyso xiisaddii ka dhalatay xilka qaadistii Cali Jayte, taas oo keentay khilaaf horleh oo haatan ka taagan HirShabelle.

FAROOLE oo weerar culus ku qaaday SACIID DENI iyo Golaha Wakiilada Puntland

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Puntland, ahna Senator haatan ka tiran Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Maxamed Faroole oo markii ugu horreysay si faahfaasan uga hadlay xiisadda magaalada Garoowe ayaa weerar culus ku qaaday madaxweyne Saciid Deni iyo xubnaha Golaha Wakiilada.

Faroole ayaa marka hore eedeymo culus u jeediyay madaxweyne Deni, wuxuuma sheegay inuu horay u qaaday tallaabooyin ka dhan ah Puntland, kuna xadgudbay sharciga.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in haatan u wado qar iska tuurnimo, si mar kale loogu doorto hoggaanka sare ee Puntland.

“Madaxweynaha isaga oo sanadkii hore ogolaansho ka heysan Golaha Wakiilada, isna casilin ayuu isa sharaxay, una tartamay madaxweynaha Soomaaliya, wuxuuna u dhaartay inuu 5 sano joogayo oo uu xukunka heynayo” ayuu yiri Senator Cabdiraxmaan Faroole.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Damac kale ayaa ku dhashay madaxweynaha wuxuuna isku dayay inuu xoogo system-ka oo dhan oo magaca dimuquraadiyadda fure ka dhigto oo si isugu sameytay lagu doorto.

Dhinaca kale waxa uu soo hadal qaaday dastuurka Puntland, isaga oo tilmaamay in aan xiligan la furi karin, wuxuuna tilmaamay in loo baahan yahay tirakoob iyo afti dadweyne.

“Dastuurka sidiisa lama furi karo dastuurkan waa xeer qaran dadbaa ku heshiiyay” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Senetor Faroole.

Ugu dambeyn wuxuu dhibaatada dhacday ku eedeeyay inay dhaliyeen xildhibaanada Puntland, wuxuuna sababt ku sheegay inay keeneen arrinta dagaalka sababtay.

“Eedeynta guddoonka Golaha Wakiilada waa sax, maxaa yeelay gacan togaaleyn iyo sharci jebin ayay sameeyeen wayna soo kala hormariyeen, ayada oo laga rabay miisaaniyadda sanadkii hore ayay keeneen waxaan, marka waxay marag ka tahay inay isku milmeen, in labadaas ciidan ay isku dhacaan iyaga ayaa keenay” ayuu mar kale yiri Senataro Faroole.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo weli xaalad kacsanaan ah laga dareemayo gudaha magaalda Garoowe oo ay haatan dhaq-dhaqaaqyo ciidan ka wadaan labada dhinac.

Dagaal culus oo ka socda duleedka LAASCAANOOD

Laascaanood (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Sool ayaa sheegaya in haatan dagaal culus uu ka socdo duleedka magaalada Laascaanood, kaas oo u dhexeeyo ciidamada milatariga Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka ee SSC-Khaatumo.

Dagaalka ayaa lagu soo warramayaa inuu xoogiisa ka socdo bariga magaalada Laascaanood oo ay maalmihii u dambeeyay isku horfadhiyeen ciidamada labada dhinac.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa inoo sheegay in dagaalkan uu ka dhashay weerar ay ciidamada Somaliland kusoo qaadeen fariisin ay leeyihiin kuwa ASC-Khaatumo, waxaana kadib sidaas ku qarxay dagaalka oo illaa haatan ka socda bariga magaalada Laascaanood.

Milatariga Somaliland ee duulaanka soo qaaday ayaa iska caabin adag kala kulmay dhanka ciidamada deegaanka ee SSC ee haatan ku sugan jiidda hore ee dagaalka

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana lasoo warinayaa inay labada dhinac is weydaarsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Sidoo kale madaafiic xoogan ayaa ku dhacday aagga lagu dagaalamayo, taas oo uga sii dareysa xaaladda adag ee ka taagan halkaasi.

Duqeynata ayaa goobaha ay saameysay waxaa ka mid ah dugsi lagu barto farsamada gacanta, xarun ay leedahay shirkadda isgaarsiinta Telesom, meelo kale oo isbitaalka guud ka mid ah, meel kayd u ah shirkad gaaska iibisa iyo guryo aad u badan.

Ugu yaraan 4 qof ayaa ku dhintay dagaalkan, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo intaasi ka badan, kuwaas oo isugu jiro askar iyo dad kale oo shacab ah.

Muddooyinkii u dambeeyay xaaladda Laascaanood ayaa ahayd mid deggan, inkastoo mas’uuliyiinta labada dhinac ay hanjabaadyo isku marinayeen warbaahinta.

Weerarkan cusub ayaa kusoo aadayo, ayada oo bayaan kasoo baxay Golaha Ammaanka ee QM looga hadlay xaaladda adag ee ka jirta magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, ayada oo loogu Somaliland in ciidamadeeda ay kala baxdo aagga Laascaanood, sidoo kalena ay is xakameeyaan ciidamada SSC, si gargaar loo gaarsiiyo dadka ay waxyeelada soo gaaray.

Imaaraadka Carabta oo ku faanay inuu ka dambeeyey in madaxweyne Xasan uu….

0

New York (Caasimada Online) – Xafiiska Ergayga Imaaraadka Carabta ee Qaramada Midoobay ayaa soo saaray qoraal uu ku shaaciyey in Imaaraadka Carabta ay ka dambeeyeen safarkii madaxweyne Xasan Sheekh ee New York.

Qoraalka ayaa lagu xusay in Imaaraadka ay shirkii golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ay ku casuumeen madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Qoraalkaan oo lagu baahiyey barta twitterka ee Ergeyga ayuu Imaaraadku ku muujiyey doorkiisa hoggaaminta shirkaas iyo in Soomaaliya tahay xubin muhiim ah.

“Anagoo ah guddoomiyaha golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxaan sharaf noo lahayn inaan shirka ku casuuno madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, si uu golaha warbixin uga siiyo xaaladda Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka UAE.

Qoraalka Guddoomiyaha golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa intaas ku sii daray, “Madaxweynaha warbixintiisa ayaa hoosta ka xariiqday in Soomaalida lafteedu ay leeyihiin go’aan iyo aragti ay ku gogol xaarayaan sidii loo heli lahaa bulsho meel-marisa rabitaankooda.”

Kursiga guddoomiyaha golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey waxaa hadda haya Ergeyga Imaaraadka ee golahaas, taas oo sababtay in Madaxweynaha uu ku casuumo shirka golaha, sida uu ku shaaciyey boggiisa twitterka.

Imaaraadka iyo Soomaaliya ayaa hadda waxaa ka dhaxeeya xiriir sii xoogeysanaya maalinba, maalinta ka dambeysa, gaar ahaan dowladdaan uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh waxay aad u tixgelineysaa xiriirka kala dhexeeya Imaaraadka.

Dhinacyo tababarrada ciidamada ay ugu horeyso ayuu Imaaraadku ka taageeraa Soomaaliya oo ka soo kabaneyso colaado sokeeye, sidoo kale dano badan ayaa la aaminsan yahay in dowladda Imaaraadka ay ka dhex aragto Soomaaliya.

Markii uu xafiiska yimid Madaxweyne Xasan Sheekh waxyaabihii ugu horeeyey ee u qabsoomay waxaa ka mid ahaa dib u hagaajinta xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka, maadaama Madaxweynihii ka horeeyey ee Farmaajo uu xiriirka u jaray dowladda Imaaraadka.

DAAWO: Maxaa ka soo kordhay xiisada Baraawe?

0

Baraawe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in ugu dambeyntii la kala qaaday ciidamadii ku dagaalamay gudaha magaaladaasi, kadib dadaallo ay sameeyeen mas’uuliyiin ka socday dowladda federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed oo gaaray magaallo xeebeedkaaasi.

Xubnaha ku sugan Baraawe waxaa kamid ah wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida, guddoomiyaha maxkamadda sare ee ciidamada iyo wasiirka wasaaradda cadaaladda dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, kuwaas oo xal raadin u tagay magaaladaasi oo ay ku dagaalameen ciidamada daraawiishta maamulka Koonfur Galbeed iyo kuwa Xoogga dalka ee ku sugan halkaasi.

Maxkamadda Ciidamada ayaa haatan billowday baaris ku aadan dagaalkii Baraawe oo ay ku dhinteen 8 qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo intaas ka badan, waxaana sidoo kale maxkamadda iyo mas’uuliyiinta kaleba ay ku guuleysteen in la kala qaado labada ciidan.

Ugu horreyn waxaa goobta ka hadlay wasiirka cadaaladda Koonfur Galbeed oo shaaca ka qaaday inay ku kalsoonyihiin maxkamadda, balse waxa uu dalbaday in wixii ka dhacay Baraawe la waafajiyo sharciga, si tallaabo adag looga qaadi ciidamadii ka dambeeyay.

“Aniga oo ku hadlaayo afka madaxweynaha Koonfur Galbeed waxaan kalsooni ku qabnaa aana rabnaa, isla-markaana aan sugeynaa cadaaladda in la waafajiyo wixii halkan ka dhacay” ayuu yiri wasiirka wasaaradda cadaaladda ee maamulka Koonfur Galbeed.

Dhankiisa guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida, Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur (Shuute) oo goobta ka hadlay ayaa shaaca ka qaaday in la buun buuniyay wixii ka dhacay Baraawe, wuxuuna tilmaamay in isku dhaca uu ahaa labada ciidan, balse la siyaasadeeyay, ayada oo dano kale oo waa weyn laga leeyahay.

“Waxa meeshaan ka dhacay dadka bannaanka ka qaylinaya waxa ay sheegayaan maba aha waa laba ciidan oo isku dhacay waayay macnaha labadaas ciidan xaajadooda xeer ilaaliyeyaasha ayaa ku mashquulsan” ayuu yiri Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur (Shuute).

Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in haatan ay wadaan baaris guud, isla-markaana marka ay soo dhamaato ay qaadi doonaan tallaabo adag oo sharci ah.

‘Marka ay baarista dhammaato waxaan ballan qaadeynaa inaan tallaab qaadi doono oo ciddii reer Baraawe xabadda ku ridday iyo ciddii sababta u aheyd inaan qof kasto dambigiisa dusha ka saarno” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Guddoomiyaha Maxkamadda.

Waxaa kale oo uu yiri “Qofka dambi galo isagaa galay ee ma gelin kooxda iyo reerka uu ka soo jeedo, marka saraakiisha iyagaa ka rabnaa in askarigii dhib geysta ay keenaan”.

Odowaa iyo Biixi oo maanta xilalka wareejiyay + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta si rasmi ah xilalkii ugu kala wareegay taliyeyaashii hore ee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa cusub ee todobaadkii hore lasoo magacaabay.

Wasiirka Gaashandhigga Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo goojoog ahaa munaasabadda ayaa xilalka u kala wareejiyey taliyaha cusub ee ciidanka Xoogga dalka, Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxiyadiin iyo Taliyihii hore Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage.

Sidoo kale taliyihii hore ee ciidanka dhulka, Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa isna xilka ku wareejiyey taliyaha cusub Jeneraal Axmed Aadan Cali.

Labada taliye ee xilka wareejiyay Odowaa iyo Biixi oo hadallo ka jeediyay munaasabadda ayaa sheegay inay la shaqeeyaan taliyeyaasha lasoo magacaabay, si horey loogu socdo.

Dhankooda taliyeyaasha cusub Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxiyadiin iyo Jeneraal Axmed Aadan Cali ayaa ballan qaaday inay shaqada halkeeda kasii wadi doonaan, waxayna sidoo kale ammaan iyo boggaadin u jeediyeen labada taliye ee maanta xilalka ku wareejiyay.

Isbeddalka ayaa imaanaya ayada oo uu hakad galay dagaalkii ka dhanka ahaa kooxda Al-Shabaab, oo aysan dowladda muddo bil ah qaadin wax howlgal ah oo ka dhan ah kooxda.

Si kastaba, waxaa iska soo beegmay xilka qaadista lagu sameeyay taliska ciidanka Xoogga dalka iyo xilka qaadistii guddoomiyihii hre gobolka Hiiraan Cali Cusmaan Jeyte, oo isna hormuud u ahaa dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda gudaha dalka.

Soomaaliya waxaa haatan ka socda guluf dagaal oo la doonayo in dalka oo dhan looga xoreeyo, kaas oo wajigiisa labaad la filayo inay kusoo biiraan waddamada dariska ah.

 

Isku day afgambi oo ka socda Ruushka kadib markii ay gadoodeen kooxda Wagner

Moscow (Caasimada Online) – Isku day afgambi ayaa ka socday dalka Ruushka, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Moscow kadib markii uu gadooday madaxa kooxda calooshood u shaqeystayaasha ah ee Wagner Group.

Yevgeny Prigozhin, oo ah aas-aasaha Wagner, ayaa ku eedeeyey Moscow inay weerar gantaal oo dhimasho badan la beegsatay ciidamadiisa, wuxuuna wacad ku maray aar-gudasho.

Prigozhin oo ciidankiida ay kaalin muuqata ka cayaareen dagaalka bariga Ukraine ayaa ku dhowaaqay inuu billaabay howlgal dib loogu soo celinayo “caddaaladda.”

Waxa uu wacad ku maray inuu qaadi tallaabo kasta oo lagama maarmaan ah si uu xukunka uga tuuro hoggaanka militari ee Moscow.

Waxa uu sheegay in ciidamadiisa “ay burburin doonaan wax kasta” oo ka horyimaada.

“Horey ayaan u soconnaa, waxaana soo taaban doonnaa dhammaadka,” ayuu Yevgeny Prigozhin ku yiri farriin cod ah oo uu soo duubay.

Waxa uu intaas ku daray in ciidamadiisa ay soo galeen xuduudda gobolka koonfureed ee Rostov.

Waxa uu dadka Ruushka ugu baaqay inay kusoo biiraan ciidankiisa, islamarkaana ciqaabaan hoggaanka militari ee Moscow, tani oo ah loolankii ugu adkaa ee uu wajaho madaxweyne Putin tan iyo markii uu dagaalka Ukraine billowday sanadkii tegay.

Aqalka Kremlin-ka ee looga arrimiyo Ruushka ayaa sheegay in dacwad-oogaha guud ee dalka uu madaxweyne Putin ku wargeliyey isku dayga kooxda Wagner ay ku sameeyeen kacdoon ciidan.

“Dacwad-oogaha guud ee Federaalka Ruushka Igor Krasnov wuxuu ku wargeliyey Putin inuu billaabay kiis dambiyeed la xiriira isku dayga lagu abaabulayo kacdoon ciidan oo hubeysan,” waxaa sidaas yiri afhayeenka Kremlin Dmitry Peskov.

Wakaaladda wararka Ruushka ayaa ku warrantay in mas’uuliyiinta Moscow ay qaadeen tallaabooyin lagu adkeynayo amniga caasimadda Moscow.

“Waxaa la adkeeyey tallaabooyinka amni ee Moscow. Dhammaan xarumaha iyo kaabayaasha muhiimka ee dowladda waxaa la geliyey xaalad amni oo dheeraad ah,” ayey tiri wakaaladda wararka TASS.

Warbaahinta gudaha ayaa baahiyey muuqaallo muujinaya garaawida dagaalka oo ku sugan waddooyinka caasimadda, oo ay ku jirto meel u dhow wasaaradda difaaca.

Illaa iyo hadda lama soo werin wax isku dhac ah oo dhex maray ciidamada dowladda iyo kuwa Wagner.

Wixii kusoo kordha kala soca Caasimada Online, Inshaa’Allah

Tahriibayaal badan oo lagu la’yahay TALYAANIGA

0

 Lampedusa (Caasimada Online) – In ka badan 40 qof ayaa la la’yahay kadib markii doon ay saarnaayeen ay ku degtay jasiiradda Lampedusa ee dalka Talyaaniga, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Musiibadan ayaa Khamiistii dhacday, waxaana ugu yaraan hal cunug oo dhawaan dhashay uu ka mid yahay dadka la la’yahay, sida uu sheegay wakiilka UNHCR ee Talyaaniga Chiara Cardoletti.

Markabkan oo ka soo ambabaxay magaalada Sfax ee dalka Tunisia ayaa waxaa la socday 46 muhaajiriin ah oo u kala dhashay dalalka Cameroon, Burkina Faso iyo Ivory Coast, sida uu qaxiijiyay Flavio Di Giacomo, oo ah afhayeenka hay’adda socdaalka Qaramada Midoobay ee IOM.

Doonta ayaa ku rogmatay dabeylo xooggan iyo mowjado aad u sarreeya, ayuu yiri. “Qaar ka mid ah kuwa badbaaday ayaa loo qaaday Lampedusa kuwa kalena waxaa lagu soo celiyay Tunisia”.

“Dadka la la’yahay waxaa ku jiray toddobo dumar ah iyo qof aan qaan-gaarin, dadka badbaaday ayaa dhamaantood ah rag qaangaar ah,” ayuu raaciyay.

VOA + APF.

Uganda’s new focus: Home security over Somalia mission

Kampala (Caasimada Online) – The Ugandan opposition has reacted strongly to the brutal murder of students in the country’s western region last week, carried out by the Allied Democratic Forces (ADF) – a militia group with roots in the Democratic Republic of Congo.

Their ruthless attack, in which they killed 42 individuals, including 37 students, has shocked the nation and raised significant concerns over its security preparedness.

The ADF, previously implicated in bombings in the East African country, managed to meticulously plan and execute this attack undetected, which begs the question of how effective is the country’s security framework.

Shadow minister advocates 

In a press conference on Wednesday, Abdallah Kiwanuka, the opposition’s shadow cabinet minister for internal affairs, expressed the opposition’s stance on this critical issue.

“Our troop commitments overseas, such as in Somalia where we are part of an African Union force battling Islamist insurgents, have ‘overstretched’ our security resources,” he stated.

“This has created room for the ADF to execute attacks within our borders.”

Kiwanuka further implored the government to heed their call. “Our aim is to urge the government to retract our forces from foreign territories and bolster our domestic security,” he told AFP.

Ongoing investigation and arrests

In response to the gruesome assault, police have detained 21 individuals in relation to the incident, including the principal and director of Lhubiriha Secondary School in Mpondwe, where students were shot, mutilated, and set on fire.

Among the detained was a man named Kalenzi Resto, who announced his ADF membership in a viral TikTok video.

“Investigations are currently underway,” confirmed police spokesman Fred Enanga.

While investigations continue, families await DNA test results to identify the charred remains of their loved ones.

Besides executing their heinous act, the assailants kidnapped several students. They fled toward the Uganda-DRC border, known for its lax security.

The uncertainty has left families on edge, desperate to see the fate of their kin.

Roti Masereka, a local driver, shared his turmoil with AFP, “We don’t know whether my brother’s son is among the deceased or the kidnapped… It has been a long, painful wait.”

ADF’s rise and persistence

Initially composed predominantly of Muslim Ugandan rebels, the ADF established itself in the DRC’s eastern region during the 1990s.

In 2021, Uganda and the DRC initiated a joint offensive to dislodge the ADF from their Congolese bases.

However, their efforts have been unsuccessful in curtailing the group’s violent activities.

Furthermore, since 2019, the Islamic State group has claimed several ADF attacks in the DRC, recognizing the fighters as the Islamic State Central Africa Province.

Shiinaha oo war kasoo saaray dagaalka Laascaanood xilli ay is-hayaan Somaliland

0

New York (Caasimada Online) – Warbixintii Dowladda Shiinaha ay ka jeedisay shirkii golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayey kaga hadashay arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan dagaalka Laascaanood iyo khilaafka Somaliland iyo SSC.

Safiirka Shiinaha u fadhiya Qaramada Midoobay Zhan Jun oo si faahfaasan uga hadlay arrimaha Soomaaliya ayaa soo hadal qaaday dagaalka Laascaanood.

“Dagaalka Laasacaanood ee u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo maleeshiyada deegaanka, waxaan ugu baaqeynaa dhammaan qeybaha dagaalka ku lugta leh inay degdeg xabadda u joojiyaan, ciidamadooda kala baxaan, wadahadalna ay galaan” ayuu yiri Zhan Jun.

Safiirka Shiinaha u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa ka hadlay mowqifkooda iyo sida ay u arkaan Soomaaliya, isagoo sheegay inay ka soo horjeedaan wax kasta oo kala qeybinaya Soomaaliya, waxna u dhimaya madaxbannaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda.

Shiinaha iyo Somaliland waxaa ka dhexeysa xurguf weyn oo salka ku heysa qadiyadda Taiwan, maadaama Somaliland iyo Taiwan ay is aqoonsadeen, halka Shiinuhu uu colaadiyo ciddii albaabka u furta is-maamulkaas.

Somaliland ayaa heshiis la gashay Taiwan, tallaabadaasna waxaa ka carooday Shiinaha, iyadoo xiligaas dowladda federaalka Soomaaliya ay Taiwan ka dalbatay in ay ka digtoonaato ku xad-gudubka qarannimada Soomaaliya.

Horay ayey saaxiibada beesha caalamka ee Soomaaliya u cambaareeyeen dagaalka Laascaanood. Bayaan ay soo saareen ayey ku sheegeen in ay ‘aad uga welwelsan yihiin’ saameynta dadka rayidka ah kasoo gaareysa isku dhacyada Laascaanood.

Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa ka mideysan qadiyadaha Somaliland iyo Taiwan, labada dowladoodba waxay ku adkeysanayaan in dhulkooda ay ka tirsan yihiin is-maamulladaas, halka ayaguna ay ku doodayaan inay yihiin dowlado madax-banaan, inkastoo dunida ay wax aqoonsi ah ka waayeen.

Daawo: DF iyo dowlad goboleedyada oo gaaray heshiis cusub oo 13 qodob ah

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Shirkii wadatashiga arrimaha waxbarashada Soomaaliya ee maalmahaan ka socday magaalada Dhuusamareeb ayaa maanta lasoo gabagabeeyey, waxaana laga soo saaray war-murtiyeedka 13 qodob ah.

Bayaanka ka soo baxay oo ay ku saxiixan yihiin dhammaan wasiirrada waxbarashada ee dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka ayaa lagu odorosay qorshe guud oo lagu hormarinayo waxbarashada Soomaaliya.

Ujeedka shirkaas oo dhowr maalmood ka socday Dhuusamareeb ayaa ahaa dib u eegista heshiisyadii hore ee dhinacyada waxbarashada heer federaal iyo heer dowlad goboleed, diyaarinta jawi iskaashi oo lagu fulinayo sharciyada, xeerka iyo istaraatiijiyadda lagu hormarinayo waxbarashada iyo abuuridda madal la isku dhaafsado khibradaha iyo aqoonta lagu maareynayo waxbarashada dalka.

Wasiirrada waxbarashada dalka ayaa ku heshiiyey in deg deg loo howlgeliyo macalimiintii ay dhawaan qaadatay dowladu oo gaareysa 3,000 iyadoo la geynayo deegaanada la qorsheeyey inay ka howlgalaan.

Sidoo kale waxaa lagu heshiiyey in deegaanadii la xoreeyey laga bilaabo waxbarashada sanad-dugsiyeedkaan, laga bilaabo bisha soo socota ee Sebtember.

“Waa in la taaba-geliyo ololaha baahinta akhris qoraalka, lana gaarsiiyo dalka oo dhan, in ahmiyad gaar ah la siiyo dugsiyada qur’aanka kariimka, iyadoo hormarintooda la bilaabi doono sanad-dugsiyeedka soo socda ee sebtember 2023,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Dugsiyadii farsamada cagcanta in guud ahaan dalka laga howl-geliyo ayaa lagu heshiiyey, markii la gaaro Sebtember 2023-ka, iyadoo kor loo qaadayo tayada waxbarashada.

“Wasiirradu waxay go’aamiyeen in la shaqaaleysiiyo maamulayaal dugsi oo khibrad leh, si ay sare ugu qaadaan tayada waxbarashada Soomaaliya, iyadoo la taaba gelinayo kormeer qaran oo la socda tayada waxbarashada,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Inta aan la gaarin bisha Decenber ee sanadkaan waxaa lagu heshiiyey in la dejiyo miisaanaiyadda mushaaraadka macalimiinta iyo in la tayeeyo macaahidda iyo tababarrada macalimiinta.

Hoos ka daawo bayaanka

Daawo: K/Galbeed oo ku adkeysatay go’aan xasaasi ah oo la xiriira xiisadda Baraawe

0

Baraawe (Caasimada Online) – Wasiirka Caddaaladda Koonfur Galbeed Xasan Cabdulqaadir ayaa maanta ka hadlay xiisadda salka ku heysa dagaalkii ka dhacay magaalada Baraawe, isagoo dalbaday in cadaaladda lagu kala baxo.

“Waxaan kalsooni ku qabnaa in caddaaladda la marsiiyo wixii ka dhacay Baraawe,” ayuu yiri Wasiirka Caddaaladda Koonfur Galbeed Xasan Cabdulqaadir oo ka mid ah masuuliyiin ka socota K/Galbeed oo guddoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose uu ku jiro oo Baraawe jooga.

Wasiirka ayaa meesha ka saaray in dagaalkii Baraawe uu salka ku haayo arrimio qabiil, isagoo ku adkeystay in waxa dhacay ay dhex mareen ciidamo ka kala tirsan K/Galbeed iyo dowladda federaalka, isla markaana aysan jirin sabab loogu jiheeyo dhanka qabiilka.

Wasiirka Caddaaladda Koonfur Galbeed ayaa masuuliyiinta maxkamadda iyo xeer ilaalinta ciidamada ka dalbaday in la dedejiyo baaritaanka kiiskaas iyo in lagu kala baxo cadaaladda.

Sidoo kale wasiirkaan oo sheegay inuu ku hadlayo afka madaxweynaha iyo guud ahaan maamulka K/Galbeed ayaa carrabka ku adkeeyey in marnaba aysan aqbali doonin in kiiskaas lagu xaliyo meel aan maxkamad aheyn.

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee ciidamada qalabka sida Liibaan Cali Yarow, Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada Korneyl Xasan Cali Nuur Shuute, Wasiirka Cadaaladda Koonfur Galbeed, Guddoomiyaha Gobolka Sh/Hoose, saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kale ayaa saacadihii lasoo dhaafay gaaray degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose.

Dhammaan masuuliyiintaas ayaa ciidanka ku booqday difaacyadooda, sidoo kale waxay u kuur-galeen nolosha shacabka ku nool magaalada Baraawe.

Askarta qaar iyo saraakiisha ciidamada ayaa laga wareystay sida uu ku bilowday gacan ka hadalkii dhawaan ka dhacay Baraawe, waxayna masuuliyiinta maxkamadda ciidamada qalabka sida ku amreen ciidamada inay is walaashadaan oo gacan ka hadal dambe uusan ka dhicin Baraawe.

Wasiirka Gaashaandhigga ee XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo ciidanka kula dardaarmay inay masuuliyad muujiyaan oo xabad dambe aysan isku ridin ayaa masuuliyiinta maxkamadda ciidamada ka codsaday inay dedejiyaan baaritaankooda, si caddaaladda loo waafajiyo shaqaaqadii ciidanka ku dhex-martay Baraawe.

Ciidamo ka tirsan ilaalada Madaxtooyada K/Galbeed iyo cutubyo ka tirsan militeriga Soomaaliya oo 10-kii sano ee lasoo dhaafay ku sugnaa magaaladaas ayaa dhawaan ku dagaalamay Baraawe.

Hoos ka daawo wasiirka cadaaladda K/Galbeed

Daawo: DF oo suuqyo cusub caalamka uga raadineysa…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka xanaanada xoolaha, dhirta iyo daaqa ee XFS Xasan Xuseen Maxamed (Xasan Eelaay) ayaa ka hadlay qorshaha ay wasaaraddu hiigsaneyso ee dhoofka xoolaha Soomaaliya.

Wasiirka oo ka qeyb galay barnaamij ka baxay warbaahinta dowladda laga wareystay dhoofka xoolaha Soomaalida ee caalamka loo iib-geeyo, gaar ahaan dalalka Carabta.

Xilligaan sanad kasta waxaa suuq fiican yeesha xoolaha Soomaaliya, maadaama ay soo dhowdahay ciidda Carafo oo dunida muslimka laga qalo xoolo badan oo Udxiyo ah.

Sanadkaan waxay ganacsatada Soomaaliyeed qaar ka mid ah wadamada dunida Muslimka u dhoofiyeen xoolo aad u badan, kuwaas oo suuq fiican ka helay dalal u badan Khalijka.

Dowladda Soomaaliya waxay sidoo kale qorsheyneysaa in ganacsatada Soomaaliyeed ay helaan suuqyo cusub oo ay u iib geysan karaan xoolahooda, sida uu wareysigaan ku sheegay wasiirka xanaanada xoolaha Soomaaliya.

’’Waxaan ka shaqeyneynaa in aan Suuqyo hor leh u helno iibka xoolaha Soomaaliya, waxaa socda xiriirro meel fiican maraya oo aan ku raadineyno suuqyo cusub,” ayuu yiri wasiir Xasan.

Wuxuu intaas ku sii daray, in sanadka soo socda ay dowladdu qorsheyneyso in laba u jibaar ay ku kororsto tirade xoolaha ay Soomaaliya u dhoofiso caalamka.

“Waxaan rabnaa in suuqyo cusub aan ka helno Masar, Ciraaq, Indunisea iyo dalal badan oo kale, meel fiican ayuu qorshahaas noo marayaa, dadka Soomaaliyeed inay dhoofsadaan xoolahooda ayaan ku dadaali doonaan, taas ayaa naga go’an si dhaqaalaheenu u kobco,” ayuu hadalkiisa ku sii daray wasiir Xasan Eelaay.

Wasiirka ayaa shaaciyay in tirada xoolaha sanadkaan laga dhoofiyay Soomaaliya ay gaareyso in ka badan 1.2 Milyan oo Neef.

“Qiyaasta aan hadda hayno ku dhawaad 1.2 illaa 1.5 Milyan xoolo ah ayaa Xajka loo qaaday, tirada u dambeysana marka ay dhamaadaan ayaa soo sheegi doona Insha Allah,” ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Soomaaliya.

Hoos ka daawo

Sawirro: Arrin cusub oo ku soo korortay xiisadda Baraawe

0

Baraawe (Caasimada Online) – Saraakiil uu hoggaaminao wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa maanta gaaray degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose, halkaas oo maalmo ka hor uu ka dhacay dagaal sababay khasaare culus.

Gudoomiyaha Maxkamada sare ee ciidamada qalabka sida Liibaan Cali Yarow, kan darajada koowaad Korneyl Xasan Cali Nuur Shuute iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan maxkmadda ciisamada ayaa qeyb ka ah wafdiga maanta gaaray Baraawe.

Sidoo kale masuuliyiinta gaartay Barawe waxaa ka mid ah Wasiirka Cadaaladda ee maamulka Koonfur Galbeed iyo Gudoomiyaha Gobolka Sh/Hoose.

Dhammaan masuuliyiintaasi markii ay usugu tageen Baraawe waxay maanta la kulmeen ciidamadii ku dagaalamay magaaladaas iyo saraakiishooda, kuwaas oo ka kala tirsan dowladda federaalka iyo K/Galbeed.

Askarta qaar iyo saraakiisha ciidanka ayaa laga wareystay sida uu ku bilowday dagaalkii ka dhacay Baraawe, maadaama masuuliyiintaas ay baaritaanka kiiskaas Baraawe u tageen.

Masuuliyiinta Maxkamadda Ciidamada ayaa askarta labada dhinac ee ku dagaalantay Baraawe amarku siiyey inay is walaashadaan oo mar dambe aysan soo laaban is dhacyadii iyo gacan ka hadalkii dhexmaray.

Ciidamo ka tirsan ilaalada Madaxtooyada K/Galbeed iyo cutubyo ka tirsan militeriga Soomaaliya oo 10-kii sano ee lasoo dhaafay ku sugnaa magaaladaas ayaa dhawaan ku dagaalamay Baraawe.

Khasaare culus ayaa kala gaaray labada ciidan, sidoo kale dad shacab ah ayaa ku waxyeeloobay dagaalkaas oo sababay barakac xoog leh oo Baraawe ka dhacay sanado badan kadib.

Ciidanka la gadaalamay militeriga ee ka socda K/Galbeed ayaa dhawaan la geeyey Baraawe, kuwaas oo hadda ilaaliya dhismaha madaxtooyada K/Galbeed ee Baraawe, halkaas oo maamulku muddo qorsheynayey inuu u soo guuro, maadaama ay tahay caasimadda rasmiga ah.

Waxaa xusid mudan in guddoomiyaha golaha shacabka Sheekh Aadam Madoobe uu huray guddi 10 xildhibaan ah ugu magacaabay baaritaanka sidii uu ku bilowday dagaalkii Baraawe, in kastoo guddigaas uu is khilaafay oo laba ka mid ah ay is casileen.

Cindy McCain oo caalamka u dirtay baaq deg deg ah oo ku saabsan Soomaaliya

0

New York (Caasimada Online) – Madaxa Barnaamijka Cuntada Adduunka ee WFP ayaa Khamiistii ugu baaqday beesha caalamka inay caawimaad u diraan Soomaalida “dhibaatada iyo gaajada” ay hayso, xilli cunto yarida ay kusii baaheyso dalka.

In ka badan 6.6 milyan oo qof, ama saddex meelood laba meel shacabka, ayaa la filayaa inay wajahaan xasarad cunto ama heerar gaajo oo kasii daran sanadkan, ayey Cindy McCain u sheegtay Golaha Ammaanka ee QM.

“Waxaan tegay Soomaaliya bishii tagtay, waxaana soo arkay sida dagaalka iyo isbeddelka cimilada ay isaga kaashanayaan burburinta nolosha malaayiin Soomaali ah,” ayey tiri.

“Waan argagaxay oo ka qalbi jabay waxa aan soo arkay — rabashado, cabsi, iyo gaajo daran ayaa xaqiiqda nolosha ka ah halkaas.”

Soomaaliya oo abaar daran ay ka jirtay tan iyo 2020, ayaa 2022 ka badbaaday macluul “sababtoo ah beesha caalamka ayaa aragtay digniinaha una carartay inay ka jawaabto,” ayey tiri McCain.

“Hase yeeshee waxaan hadda halis ugu jirnaa inaan lumino horumarkii la sameeyey tan iyo maalmihii madoobaa ee sanadkii tegay,” ayey ka digtay.

Tirooyinka halista ah waxaa ka mid ah 40,000 oo qof oo hadda ku sugan “xaalado macluul oo kale ah” iyo 1.8 milyan oo caruur ah oo la filayo in sanadkan ay wajahaan nafaqo darro.

Tan iyo billowgii sanadkii tegay, dagaallada ayaa uga sii daray barakac ka dhashay baahi lala xiriirinayo isbeddelka cimilada.

“Guuritaanka joogtada ah ayaa dad badan ka dhigay kuwa sabool ah, gaajeysan oo argagaxsan,” ayey tiri McCain.

Waxay sheegtay in ayada oo taas ay jirto, haddana ay WFP ay dhintay gargaarkii ayada oo kaliya sadded milyan ay bishii April heleen gargaar cunto, taasi oo ka yar shan milyan oo helay bishii December.

Haddii aan la helin maal-gelin dheeraad ah, tiradaas waa ay sii yaraan doontaa oo waxay noqon doontaa laba milyan bisha July.

QM ayaa codsatay $2.6 bilyan oo gargaar ah oo loogu talo-galay Soomaaliya 2023, hase yeeshee kaliya 30 boqolkiiba qorshahaas ayaa la maal-geliyey.

AFP, VOA

Jeneraal Odowaa Yuusuf oo meesha ka saaray arrin hadal hayn badan dhalisay

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ee dhawaan xilka laga qaaday ayaa meesha ka saaray inay jirto habacsanaan dhanka ciidanka, xilli ay muddooyinkii dambe kordheen weerarada kooxda Al-Shabaab ay ku qaado ciidanka dowladda.

Jeneraal Odowaa oo wareysi siiyay VOA ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ay dagaal kula jiraan, sidaas darteed aysan weeraradooda ku imaan habacsanaan ciidanka ah, islamarkaana uu ciidanka si weyn u feejigan yahay, sida uu sheegay.

“Haddii ay noqon laheyd difaacyada ay ciidamada kusoo weerareen guulo wax ku ool ah ayay ka gaareen ciidanka. Majirto goob ay cadowga ku dagaalameen oo gashay gacanta cadowga oo sida uga huleeleen ciidamada qaranka.”

Jeneraalka ayaa waxa uu intaas sii raaciyay “Ciidanka habacsan warbaahinta ka arkaa, weerar haddii uu dhaco in ciidanka la gaaday oo aysan feejigneyn ma ahan, weerar waa dhici karaa, muhiimada ma ahan ma la weeraray mise lama weerarin ee natiijada ayaa muhiim ah.”

Taliyihii hore ee ciidanka xoogga dalka ayaa qiray in mararka qaar khasaare uu ciidanka kasoo gaaro weerarada Al-Shabaab, balse ay markasta gacan sareeyaan ciidanka dowladda.

“Ciidanka xoogga dalka dagaal meel ka dhacay oo ciidamo ku dhaawacmeen iyo dhinteen waa jirtaa, siddeedaba dagaal ayaa galaa dhiman maayo oo dhaawacmi maayo meesha ay ku qoran tahay ayaa baaris u baahan,” ayuu yiri Jeneraal Odowaa oo ku cel-celiyay in ciidanka ay jab xooggan gaarsiiyeen kooxda.

Hadalka Odowaa ayaa imanaya xilli muddooyinkii dambe ay hadal-heyn badan ka dhalatay sababta ciidanka dowladda loogu laayo weerarrada gaadmada ah ee kooxda Al-Shabaab, waliba xiliyo isku mid ah, sida aroorta hore, taas oo mararka qaar loo sababeeyo habacsanaan ciidanka dhexdiisa ah, taas oo uu meesha ka saaray Jeneraalka.

Si kastaba, Dowladda ayaa dagaal culus kula jirta kooxda Al-Shabaab, waxayna horey u sheegtay in wejigii hore ee dagaalka ay ku guuleystay, oo ay Al-Shabaab ka saartay dhul horleh, islamarkaana ay uga dishay horjoogayaal iyo maleeshiyaad badan.

DF oo shaacisay sababta ay A/Madoobe ugu taageertay magacaabista maamulka Gedo

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta dowladda federaalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa shaaciyay sababta dowladda ay Axmed Madoobe ugu taageertay magacaabista maamulka cusub ee gobolka Gedo.

Wasiir Fiqi ayaa ayaa sheegay in maadaama gobolka Gedo uu kamid yahay maamulka Jubbaland ee uu hoggaamiyo Axmed Madoobe ay dowladdu ku saxan tahay inay ku taageerto Jubbaland mamulkaasi cusub u magacaabay gobolkaasi.

“Nidaamka dowladnimada waxa uu qabaa haddii uusan jirin gobol yiri waa go’nay oo anaga waa ka baxnay, sharcigu waxa uu qabaa in madaxweyne dowlad-goboleedku soo magacaabo maamulka gobolada iyo degmooyinka, kuwa la doorto mooyaane kuwa kale.”

“Sabab looga horyimaada (magacaabista Axmed Madoobe ee maamulka gobolka Gedo) ma muuqan, dalkuna waa federaal oo mowqifkeygu waa midka dowladda (ee hore loogu taageeray tallaabadaasi),” ayuu yiri wasiir Fiqi oo ka hadlayay kulan dadweyne oo ka dhacay Kismaayo.

Sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyay in magacaabista Gedo aysan ka duwaneyn magacaabista dowlad-goboleedyada kale ee gobolada iyo degmooyinka.

“Dowladda fedraalka ah mowqifkeedu waxa weeyi maamulkii la soo magacaabay ee halkaan laga soo magacaabay ayay ayiday, dowladda federaalka mowqifkeeda kaas waaye. Sida ay u ayidsan tahay midka Shabeellaha Hoose iyo Hiiraan jooga ayay u ayidsan tahay.”

Wasiir Fiqi ayaa garowshiyo ka bixiyay xiisadda ka taagan gobolka Gedo, isaga oo shaaciyay in xalkeeda lagu jiro, “Bulshada wax wey taban kartaa dareen ayay leedahay wixii u dhaxeeya waa in la xaliyo, waana xalineyna arrinta gobolka Gedo.”

Dhawaan ayay aheyd markii wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta ay soo dhoweysay magacaabista maamulka cusub ee madaxweyne Axmed Madoobe u magacaabay gobolka Gedo.

“Wasaaraddu waxay u hambalyeyneysaa maamulka cusub ee uu madaxweynaha Jubbaland u magacaabay gobolka Gedo,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta.

Gobolka Gedo ayaa ah gobol inta badan aan gacan ugu jirin maamulka Axmed Madoobe, wuxuuna intii uu xilka hayey madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo laga xukumi jiray Villa Somalia.

Waxaa weli intiisa badan gacanta ku haya ciidamo diidan Axmed Madoobe oo qaarkood ay ka tirsan yihiin ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya, balse uu halkaas geeyey madaxweyne Farmaajo.

Lama oga sida xubnaha cusub ee uu magacaabay Axmed Madoobe uga shaqeyn karaan gobolka Gedo, maadaama siyaasiyiinta gobolka ay si weyn u diidan yihiin Axmed Madoobe, islamarkaana ay awood ciidan ku joogaan gobolka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa marar badan sheegay inuu xal u heli doono xiisadda gobolka Gedo, balse weli uma dhaqaaqin inuu ka dhabeeyo ballan-qaadyadaas, waxaana hadda muuqata in dowladda federaalka ay la safan tahay garabka Axmed Madoobe oo is-hayaan garabka awoodda ciidan ku jooga gobolka.

Si kastaba, Xaaladda gobolkaasi ayaa markale cirka isku sii shareertay, waxaana dhawaan magaalada Garbahaareey laga soo celiyay diyaarad uu la socday gudoomiyaha cusub ee dhawaan uu magacaabay Axmed Madoobe loo soo magacaabay, kadib markii ay is-hortaag ay ku sameyeen xubno ka tirsan maamulka horay ugu magacawna gobolkaasi iyo dad deegaanka.

Wejiga labaad ee dagaalka Shabab oo caqabado wajahaya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya iyo ciidamo ka socda dalalka safka hore oo kaabaya ayaa diyaar-garow ugu jira wejiga labaad ee dagaalka kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah.

Dowladda ayaa horey u sheegtay in wejigii hore ee dagaalka Al-Shabaab ay ku guuleystay, oo ay kooxda ka saartay dhul horleh, islamarkaana ay uga dishay horjoogayaal iyo maleeshiyaad badan.

Diyaar-garowga wejiga labaad ee dagaalka ayaa waxa uu haatan ku soo aadayaa, iyada oo rabshado iyo khilaafaadyo ay ka soo cusboonaadeen qaar kamid ah dowlad goboleedyada xubnaha ka dowladda federaalka.

Prof Liibaan Xuseen Ciise oo barre ka ah Jaamacadda Muqdisho, kana tirsan ururrada bulshada rayidka oo la hadlay VOA ayaa sheegay in khilaafyada soo cusboonaaday ay curyaamin karaan wejiga labaad ee howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

“Dagaalada kasoo cusboonaaday meelaha kala duwan ee dalka waa wax laga xumaado run ahaantii, waxaas oo dhan waxay saameyn ku yeelaneysaa amniga sugistiisa oo dhan, oo waxaa isku mashquulaya hay’adihii dowladda dhexdooda, oo dadkii ayaa mideysneyn.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in kala qeybsanaanta ka dhalatay khilaafaadyada soo cusboonaaday ay meesha ka saarayaan isku duubnidii wejigii koowaad ee looga adkaaday kooxda Al-Shabaab.

“Marka amniga la sugayo waxaa ugu muhiimsan in dadka quluubtooda mideysan tahay oo hal dhinac u wada jeedaan, waxyaalahaas oo dhan saameyn weyn ayay ku yeelaneysa.”

Arrimahan ayaa imanaya ayada oo uu hakad galay dagaalkii ka dhanka ahaa kooxda Al-Shabaab, oo aysan dowladda muddo qaadin wax howl-gal ah oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Si kastaba, waxaa bilihii dhowaa dowladda federaalka ay sheegeysay inuu billaaban doono wejiga labaad ee dagaalka, inkasta oo aanay weli hadalkaas ficil u beddelin.

Daawo: DF oo dib u kicineysa warshadii Dharka iyo Suufka Soomaaliya ee Balcad

0

Balcad (Caasimada Online) – Markii ay burburtay dowladnimadii Soomaaliya 32-sano ka hor dhalinyaro ku nooleyd degmada Balcad ee gobolka Shabeellada Dhexe ayaa ku guuleysatay inay badbadiyaan Warshadii Dharka iyo Suufka ee Soomaaliya oo ku taalla Balcad.

Warbaahinta Dowladda Soomaaliya ayaa baahisay warbixin ku saabsan sidii ay ku suurtagashay in bililiqadii dalka ka dhacday laga badbaadiyo Warshadii Dharka iyo Suufka ee Balcad, wiilashii xilligaas u soo baxay badbaadinta warshadaan oo hadda waayeel noqday ayaa ka soo muuqday warbixintaan.

“Waxaan ka mid ahaa shaqaalihii dowladda ee warshadaan, markii ay burburtay dowladdu waxaa bililiqo lagu bilaabay warshada, qaar ka mid ah shaqalihii oo wax hub ah aan heysan ayaa go’aansaday inay tuugada ka difaaacaan warshadaan, maalinkaas qaarkeen waa dhintay, hadda waxaa jooga rag dhaawacmay xiligaas,” ayuu yiri Maxamed Geesey oo ka mid ah odayaasha ilaa hadda gacanta ku haaya warshadda.

Sidoo kale Maxamed Cigaal oo ka mid ah odayaashaan ayaa sheegay in 7-dowladood ay dalka soo martay intii ay gacanta ku hayeen warshadaan, wuxuu quus ka muujiyey inta ay sii joogi karaan halkaan, maadaama ay da’ yihiin.

Aabe Maxamed Cigaal ayaa is weydiinaya goorta ay suurta-geli doonto in gacan dowladeed ay ku celiyaan warshadii dharka iyo suufka Soomaaliya ee Balcad.

Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya Jabriil Cabdirashiid oo ka jawaabay cabashada iyo weydiimaha odayaasha gacanta ku haya warshadda Balcad ayaa sheegay in qorshaha dowladda uu yahay in la shaqaaleysiiyo odayaasha.

Sidoo kale wasiir Jabriil wuxuu sheegay in warshadaas aysan laheyn cilado badan, isla markaana ay ku taamayaan in dib loo howlgeliyo, isagoo ganacsatada ugu baaqay inay wasaaradda kala qeyb qaataan dib u kicinta warshadda dharka iyo suufka Soomaaliya ee Balcad.

Hoos ka daawo warbixinta

Arrimaha ay Soomaaliyada maanta uga gedisan tahay Soomaaliyadii shalay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku tallaabsatay horumar ballaaran, gaar ahaan dhanka amniga.

Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyey Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ka dhawaajiyay in geediga ay dowladdiisu ugu jirto Soomaaliya nabdoon oo barwaaqo ah laga gaaray guullo wax ku ool ah.

Madaxweynaha ayaa waxa uu sheegay in sannadkii la soo dhaafay laga xoreeyey gacmaha argagixisada in ka badan 70 deegaan, kadib guluf culus oo ciidanka dowladda iyo dadka deegaanka ay ku qaadeen kooxda Al-Shabaab.

Howl-galladaasi ayaa door weyn ka ciyaaray fududeynta isu socodka dalka ee Waqooyi iyo Koonfur, gaar ahaan dhul-beereed ballaaran oo hodon ah, sida uu Golaha Ammaanka ee QM ka hor sheegay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

“Iyadoo la xoojiyey weerarrada ciidanka ee ku aaddan dabar-goynta argagixisada Alshabaab iyo in la curyaamiyo dhaq-dhaqaawooda sirdoon ahaan, waxaan ku guuleysannay in hoos loo dhigo falalkoodii gurrucnaa ee ay ka fulin jireen Caasimadda Muqdisho,” ayuu yiri madaxweynaha.

Sidoo kale waxa uu sheegay in kooxda Al-Shabaab laga adkaado ay u baahan tahau qorshe dhinacyo badan leh oo ay ugu horreeyaan ciidamo tayo iyo awood leh, taasi oo uu sheegay inay si dhab ah uga shaqeynayso dowladda federaalka Soomaaliya.

“Waxaan garoowsannahay in Al-Shabaab oo laga adkaado ay u baahan tahay qorshe dhinacyo badan leh oo ay ugu horreeyaan ciidamo tayo iyo hanawood leh, dhismo dowladeed oo loo dhan yahay iyo in dowladdu ay awood u yeelato bixinta adeegyada aas-aasiga ah ee shacabka.”

“Dowladdaydu waxay si dhab ah uga shaqeynaysaa arrimahaas oo dhan, si ay u gaarsiiso dalka nabad waarta iyo barwaaqo.”