29.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 12, 2026

Daawo: DF oo soo xirtay ganacsade u awood sheegtay shaqaale ajaanib ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka oo ka duulaya cabasho ay si hoose ula soo wadaageen shaqaale ajaanib ah oo ka cabanayey ganacsade Soomaali ah ayaa maanta tallaabo qaaday.

Waxaa lasoo xiray ganacsadahaas oo dalka keenay, kadibna u diiday xuquuqdii ay ugu shaqeeyeen lix nin ajaanib ah, sidoo kale ganacsadahaasi waxaa loo heystaa in shaqaalaha ka soo dacwooday ee Pakistan u dhashay uu ku xareystay meel gaar ah.

Xafiiska ayaa hoggaanka barista dambiyada ee ciidanka booliska Soomaaliyeed faray in baaris lagu sameeyo cabashada dadkaas ajaanibta ah eek a soo dacwooday ganacsadaha Soomaaliga ah.

Taliska booliska qeybta guud ee gobolka Banaadir ayaa soo xeray milkiilaha shirkad ka shaqeysa dhismaha oo dalkaan keenay shaqaalahaan ajaanibta ah, si ay ugu shaqeeyaan, balse la sheegay inuu u diiday xuquuqdoodii.

Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ayaa soo qabashadii ninkaas kadib wuxuu bilaabay baaritaanka kiiskaan, asagoo maxkamadda gobolka Banaadir horgeeyay eedeysanaha.

Xeer ilaaliye ku xigeen dalka Yaxye Maxamuud Saciid ayaa sheegay in xafiiska uu baaris ku wado falka loo geystay shaqaalahaan ajaanibta ah, markii baaritaankaan soo dhamaadana loo gudbin doono maxkamadda gobolka Banaadir, si loo maxkamadeeyo.

Xafiiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa digniin u diray ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka keena shaqaalaha ajaanibta ah, waxaana la faray in ay ka taxadaraan ilaalinta xaquuqda ay leeyihiin, inta ay u shaqeynayaan.

Sidoo kale xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa maanta ballanqaaday in qofkii ku xad-gudba ilaalinta shuruucda aadanaha iyo tan dalkba tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono.

Hoos ka daawo

Faah-faahinta hoobiyeyaal lagu weeraray xerada Xalane

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya hoobiyeyaal maanta lagu weeraray xarunta Xalane ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Illaa laba hoobiye ayaa la sheegay inay ku soo dhaceen xerada Xalane, halka mid saddexaad uu ku dhacay nawaaxiga halka diyaaradaha ay kasoo degaan ee garoonka Aadan Cadde.

Hoobiyeyaasha ayaa waxaa laga maqlay degmooyinka qaar ee magaalada Muqdisho, waxaana isla markiiba ka howl-galay laamaha amaanka oo gaaray aaggii la rumeysnaa in laga soo tuuray.

Qoraal kasoo baxay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa shaaciyay in howl-galkaas ay ciidanka amaanka sameeyeen gacanta ku soo dhigeen dhowr xabo (baalooto) oo hoobiye ah.

Sidoo kale ciidanka ayaa gacanta kusoo dhigay mobile-dii laga qarxinayay oo wata fiilooyinkooda iyo gurigii laga soo ridayay, sida uu shaaciyay taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

“Ciidanka amaanka gaar ahaan kuwa howlgalka Ciiltire oo uu ugu horreeyo ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ciidanka hay’adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaran iyo Ciidanka Polizia Militare ee xoogga dalka Soomaaliyeed oo iskaashanaya ayaa waday howlgalo lagu xaqiijinayo amaanka caasimada iyo nawaaxigeeda ayaa ka howlgalay aagii la rumeysnaa in laga soo tuuray hoobiyeyaasha,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Taliska ayaa shaaciyay in dowlada federaalka ay la wareegtay gurigii laga soo riday ilaa inta la helayo xubnihii Shabaab-ka ahaa ee shacabka dhibaataynayay.

“Waxaa (guriga) hadda ku sugay ciidanka amaanka. Waxaana socoto baaris arrinta la xariirta,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Booliska.

Weerarkan ayaa qeyb ka noqonaya falalka amni darro ee mararka qaar ka dhaca caasimada, xilli dowladda federaalka ay kordhisay howl-gallada lagu sugayo amniga iyo kuwa lagula dagaalamayo Al-Shabaab ee ka socda caasimada.

Wararkii ugu dambeeyay baarista shaqaaqadii Baraawe iyo cidda masuuliyada leh oo…

0

Baraawe (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo ay wehliyaan Guddoomiyaha Maxkamadda darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta hortegay guddiga xaqiiqo raadinta BF ee shaqaaqadii dhawaan ka dhacday magaalada Baraawe.

Kulankaan oo ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyada BF ee Villa Hargeysa ayaa waxa uu guddiga gaarka ah ee guddoomiyaha Golaha Shacabka u saaray shaqaaqadaasi warbixin uga dhageystay Wasiirka Gaashaandhigga iyo masuuliyiinta kale.

Xubnaha Guddiga ayaa Wasiirka Gaashaandhigga iyo xubnaha kale ee la socday su’aalo ka weydiiyay wixii Baraawe ka dhacay iyo kadib markii ay tageen waxyaabihii kusoo arkeen.

Waxa uu wasiirka guddiga uga warbixiyay hadda sida ay tahay xaaladda magaalada Baraawe ee caasimadda maamul-goboleedka Koonfur Galbeed, oo iska hor-imaad hubeysan ku dhexmaray ciidamada milatariga iyo kuwa Daraawiishta ee maamulkaas.

Guddoomiyaha Guddiga Xildhibaan Yuusuf Geelle Ugaas oo kadib markii uu kulanka soo dhamaaday la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in weli ay socoto baarista shaqaaqadii dhawaan ka dhacay Baraawe, islamarkaana ay sharciga la tiigsan doonaan ciddii masuuliyadeeda ku cadaato wixii ka dhacay halkaasi.

“Wasiirka iyo xubnihii la socday waxay warbixin naga siiyeen wixii ay kusoo arkeen meesha (Baraawe). Baarista waa socota cid kasta oo lug ku yeelata ay maxkamadaha horgeyn doonaan,” ayuu yiri guddoomiyaha guddiga xaqiiqo raadinta shaqaaqadii Baraawe ee BF.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ciidankii la kala qaaday, islamarkaana labada sarkaal ee hoggaamineysay ciidamadaas loo soo qaaday Muqdisho.

“Waa Ilaahay mahadii mar haddii garoonkii diyaaradaha la furay, ciidamadii la kala qaaday oo masuuliyiintii labada sarkaal lasoo qaaday, wixii dambena baaritaanka lasoo dhameystiri doono.”

Wasiirka Gaashaandhigga iyo saraakiisha kale ee kulankaan warbixinta looga dhageystay ayaa dhawaan gaaray degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose, halkaas oo maalmo ka hor uu ka dhacay dagaal sababay khasaare culus.

Dhammaan masuuliyiintaasi ayaa markii ay tageen Baraawe waxay kulamo la qaateen ciidamadii ku dagaalamay magaaladaas iyo saraakiishooda, kuwaas oo ka kala tirsan dowladda federaalka iyo K/Galbeed.

Si kastaba, Maxkamadda Ciidamada ayaa haatan wada baarista dagaalkii Baraawe oo ay ku dhinteen 8 qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo intaas ka badan, kadib markii lagu guuleystay in la kala qaado labada ciidan.

Xasan Sheekh oo shaaciyey arrin caqabad ku noqotay dagaalka kooxda Al-Shabaab

0

New York (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada New York kula kulmay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mudane António Guterres.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Xoghayaha Guud ee QM Antonio Guterres ayaa ka wada-hadlay arrimo badan oo ay kamid yihiin amniga, xasilinta, iyo xaaladda bini’aadantinimo ee Soomaaliya.

Antonio Guterres ayaa intii kulanka socday dowladda federaalka Soomaaliya ku bogaadiyey guulaha wax ku oolka ah ee ay ka gaartay dagaalka ka dhanka kooxda Al Shabaab, kuwaas oo laga xoreeyay deegaano horle oo sanado badan ku jiray gacantooda.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada New York kaga qeybgaley shirka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, isagoo ka jeediyay Khudbad uu uu kaga hadlay xaalada dalka, amniga iyo qaadista cuna-qabateynta hubka saaran Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa ka codsaday ergada in ay gacan ku siiyaan baaqa ah “in gebi ahaanba laga qaado cuna-qabateynta hubka ee saaran Soomaaliya.”

“Marka aad sidaas sameysaan waxaad awood noo siinaysaan in aan xaqiijinno madax-bannaanideena, si wax ku ool ah loola dagaallamo argagixisada, oo ummaddeenna aan u dhisno mustaqbal nabad iyo barwaaqo ah,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh mar uu ka hadlaayay tallabada loo qaaday in lagu maareeyo hubka iyo rasaasta dalka.

Sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyay adkeeyey in cuna-qabateynta hubka ay noqotay caqabad halkii ay ka ahaan lahayd mid waxtar leh.

“Aan si cad u sheego – Soomaaliya 2023 ma aha Soomaaliya 1992. Helitaanka awoodaha lagama maarmaanka ah waxay noqotay hawl adag, taasoo caqabad ku ah awooddayada dhanka dagaalka argagixisada Al-Shabaab iyo xaqiijinta nabad iyo xasillooni waarta”

Golaha Ammaanka ee QM ayaa bishii Janaayo 1992-kii kusoo rogay Soomaaliya cunaqabateyn aan dhamaad lahayn kahor inta aan qeyb ahaan wax laga bedelin Febraayo 2007-dii, si loogu ogolaado sahayda hubka ee ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa xilligaan ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaasi oo wejigiisi koowaad ay iska kaashanayeen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka, ayada oo wejiga labaad ee dagaalkan ay qeyb ka noqon doonaan dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya, si loo xoojiyo howl-gallada ka socda dalka.

Sawirro: Gudoomiyaha cusub ee Hiiraan oo guddoomiyey shirka amniga gobolka

0

Jowhar (Caasimada Online) – Guddoomiyaha magacaaban ee gobolka Hiiraan Cabdullaahi Axmed Maalin Sufuroow ayaa maanta shir guddoomiyay shirka amniga gobolka Hiiraan.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb-galay guddoomiye ku-xigeennada gobolka, xoghayaha guud ee gobolka, Duqa magaalada Beledweyne iyo saraakisha laamaha amniga gobolka Hiiraan sida Booliska, Nabad-sugida, iyo militariga.

Kulankaan ayaa waxaa looga hadlay xaaladda gobolka iyo sidii looga wada shaqeyn lahaa horumarka deegaanada iyo degmooyinka gobalka Hiiraan, oo ka taagan tahay xiisad siyaasadeed.

Guddoomiyaha magacaaban ayaa kulankaan warbixino uga dhageystay xubnaha maamulka gobolka Hiiraan, heer gobal iyo heer degmo iyo saraakiisha laamaha amniga, isaga oo carabka ku xoojiyey in ahmiyada la saaro amniga iyo xasiloonida gobolka.

Sufuroow ayaa sidoo kale waxa uu balan-qaaday in maamulka gobolka Hiiraan uu la imaan doono siyaadad hufan oo la iskula shaqeeyo, si loo kabo hanaanka dowliga daah-furnanata iyo isla-xisaabtan-ka midaas oo qeyb ka ah siyaasadda maamulka gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha magacaaban ayaa waxa uu faray laamaha amniga gobolka Hiiraan in ay kala shaqeeyan sugida amniga iyo sidii looga hortagi lahaa kooxda Al-Shabaab iyo wax walba oo qalqal-gelin kara hanaanka dowliga ah, sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyntiina waxa uu ammaanay shaqada adag oo madaxda maamulka u hayaan bulshada, isaga oo ku booriyay sidii gurmad loo gaarsiin lahaa qoysaska ka barakacay howl-galka Al-Shabaab ka dhanka ah ee Hiiraan ka socda.

Kulankan ayaa imanaya, xilli ay kasii dareyso xiisadda ka taagan magaalada Beledweyne, kadib tallaabo uu qaaday guddoomiyihii xilka laga qaaday ee gobolkaasi Cali Jayte Cismaan.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in la xiray garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif, kadib warqad kasoo baxday guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan.

Cali Jayte ayaa amray in muddo 4 maalin ah oo ka bilaabaneysa 24 bishan oo maanta ku beegan ilaa 28 bisha ay joojiyeem diyaaradihii rakaabka ee kasoo dagayey garoonkaaasi, ayada oo muddadaas la fasaxay diyaaradaha ATMIS, kuwa samafalka ee QM iyo kuwa sida Qaadka.

Si kastaba, HirShabelle ayaa haatan wajaheysa xaalad siyaasadeed oo ka dhalatay xilka qaadistii guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan iyo dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, lamana oga sida ay wax noqon doonaan.

Fal-celin xooggan oo ka dhalatay tallaabo ay qaaday maxkamadda ciidamada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Fal-celin xooggan ayaa ka dhalatay xukunno ay maanta maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka ku ridday laba askari oo faafiyay muuqaal si weyn u qabsaday baraha bulshada, kaas oo ku saabsanaa jirdil loo geystay wiil dhalinyaro ah.

Muuqaalkaas ayaa laga dheehan karayay askar jirdil ka baxsan bini’aadanimada u gaysanaya askari hore oo baahiyaha gaarka ah qabay oo adeeg u doontay xarunta Taraafikada ee magaalada Muqdisho.

Xukunka labada askari ee faafiyay muuqaalkaas ayaa qeyb ka ahaa xukunno ay maanta maxkamadda ciidamada ku riday askar lagu helay falka jirdilka ee ka dhacay xarunta Taraafikada ee magaalada Muqdisho.

Axmed Xasan Cadaawe oo ahaa madaxa Camerada CCTV, ayaa isna lagu helay in muuqaalka uu bixiyay, islamarkaana uu la wadaagay Cabdullaahi Abuukar Cariif oo ah ninka kusii baahiyay baraha ay ku wada xiriirto bulshada ee Internet-ka.

Labadan nin ayaa sidoo kale lagu xukumay min laba sano oo xabsi ciidan ah iyo sidoo kale feer celin.

“Waxa ay awoodi kareen in ay la wadaagaan muuqaalka hay’adaha ku shaqada leh CID iyo Xeer Ilaalinta Ciidamada balse badalkeed waxa ay doorteen ceebaynta Qaybta ilaalada Nabad Galyada Waddooyinka” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay maxkamadda.

Haddaba, Sidee looga fal-celiyay arrintaan?

Cumar Naaji: “Maxkamadu waxay dhiiri-galinaysaa tacadiyada ka dhaca xarumaha dowlada in aan lasoo bandhigin oo dhibkaas iyo kuwa ka daranba la qariyo Ilaahay ayaa noo maqan.”

Shariif Axmed Nuur ayaa isna yiri “Labada askari waxa ay aheyd in la dalacsiiyo maaheyn in loo qaato fadeexeyn waana mudnaayeenba in bulshadu aragto waxa halkaas ka jira.”

“Dalkeena wali garsoor iyo cadaalad kama jirto waa uun iska awood sheegasho, kii danbiga galay iyo kuwii inuu danbi galay shacabka iyo maxkamada tusay 3 sano iyo 2 sano lagu kala xukumay!!. Qof Soomaali ah sidee ugu dhiiran karaa danbi uu arkay inuu soo sheego?,” ayuu yiri Liibaan oo kamid ah dadka ka fal-celiyay xukunka maxkamadda.

Warda Cabdiraxmaan Caseyr ayaa tiri: “Kuwa muuqaalada baahiyey abaal marin ayey mudnaayeen sidee ila tahay laakiin waa ka xumahay.”

Aadan Bulaale ayaa isna yiri: “War dulmi badnidiinaa nimanka muuqaalka baahiyay daaya. Ilaahey ma taqaaniin miyaa.”

“Muuqaal aad faafisay 2 sano oo xabsi ah ha kuu horseedo waa cashar nololeeed,” ayuu yiri Muumin Raage Axmed.

Maxamed Cali Diiriye oo kamid ah dadka ka fal-celiyay arrintaan ayaa yiri “Macnaheedu waxay tahay haddaanu muqaalkaasi dibadda usoo bixi lahayn muwaadinkaasi caddaalad ma heleen!.”

Cabaas Sheekh Cismaan: “Cadaalad ma ahan xukunkaan fal dambiyeed badan aya ka jira xarumaha dowlada yaa la sheegin miyaa laga wadaa teeda kale Social Media-ha kiiska la keeno ayaa wax laga qabtaa, midaas ayaana ku riixday inay halkaas kuso gudbiyaan dhacdada.”

Suldaan Samawade Suldaan ayaa isna yiri “Waxaa hubaa hadii lala wadaagi lahaa hay’adaha xeer ilaalinta in aan waxba laga soo qaadeen oo horay looga socon lahaa, maxaa ku jaban hadii bulshada lala wadaago mise in la qariyaa rabteen oo meesha lagu baabiiyo markii shacabkii ay kaceen ayaa xukunka rideen.”

“Ninkii ninka naafada ahaa dilayay iyo nimankii bulshada tusay isku xukun miyaa laga dhigay allow hana badin cadaalada maxkamadahaas oo aan wax iska badalin,” ayuu yiri Cabdinaasir Maxamed Jimcaale.

Cabdullaahi Saciid: “Ninka CCTV hadii uusan samayn lahayn arinkaan ma umalaynayo in uu cadaalad heli lahaa ninkaas curyanka ahaa ee la dulmiyey.”

“Qofkii soo bandhigo tacadi iyo dhibaato ka jirto xafiis dowladdeed waa la xakumaa, halkii laga abaalmarin lahaa oo kuwa falkaas gurucan geystana laga ciqaabi la haay. Tani ma ahan kaliya xukun lagu riday labo shaqsi ee waa fariin ku socota shacabka oo leh ‘war afaaraheena ka baxa haddii kale waa la idin maxkamadeynaa,” ayuu yiri Yaasir Saciid.

Qodobada heshiiska Putin iyo hoggaamiyaha Wagner

Moscow (Caasimada Online) – Madaxa kooxda calooshood u shaqeystayaasha ah ee Wagner ayaa ka tegi doona Ruushka, mana wajihi doono wax dacwado ah kadib markii uu baajiyey duullaankii ciidankiisa ee Moscow, waxaa sidaas sheegay Kremlin-ka.

Khilaafka madaxa Wagner Yevgeny Prigozhin iyo hoggaanka militariga Ruushka ayaa rabshad isku beddelay Sabtidii, ayada oo ciidamadiisa ay qabsadeen xarun militari oo ku taalla koonfurta Ruushka, kadibna u dhaqaaqeen dhinaca waqooyi ee caasimadda.

Hase yeeshee, waxaa xalay lagu dhowaaqay heshiis, ayada oo Kremlin-ka uu sheegay in Yevgeny Prigozhin uu tegi doono dalka Belarus, halka Ruushka aysan maxkamadeyn doonin isaga iyo ciidankiisa. 

Kahor warka kasoo baxay Kremlin-ka, Prigozhin ayaa si lama filaan ah ugu dhowaaqay in ciidamadiisa ay diba uga laaban doonaan Moscow, oo ay ku noqon doonaan xerooyinkooda, si looga fogaado dhiig ku daata caasimadda Ruushka. 

Prigozhin ayaa sheegay inuu dareesan yahay muhiimadda xilligan, islamarkaana aanu dooneyn “inuu daadiyo dhiigga Ruushka.”

“Waxay doonayeen inay kala diraan shirkadda militari ee Wagner. Waxaan 23-kii June billownay socodka cadaaladda ee aan ku tageyno Moscow. 24 saac gudahood, waxaan 200 km u jirsanay Moscow, innaga oo aan xitaa ridin hal xabbad,” ayuu Prigozhin ku yiri farriin cod ah.

“Hadda waxaa timid daqiiqaddii dhiiggu daadan lahaa. Innaga oo fahansan … in dhiigga Ruushka uu daadan karo, waxaan go’aansannay inaan dib ugu laabanno xerooyinkeena.”

Saacadihii hore ee Axadda maanta ah, Wagner ayaa billowday inay ciidamadeeda kala baxdo magaalada Rostov, halkaasi oo ay Sabtidiii qabsatay xarumo militari. 

Hase yeeshee kahor inta aanay bixin, dadka deegaanka ayaa ku qaylinayey “Wagner! Wagner!” ayaga oo ku sugan dibedda xarumaha ay qabsadeen.

Mas’uuliyiinta gobolka Koonfurta Ruushka ee Lipetsk ayaa billaabay inay qaadaan xayiraadaha ay soo rogeen kadib markii Wagner, oo horey gobolka usoo galay, ay ku dhowaaqeen dib u gurasho. 

Hoggaamiyaha Belarus Alexander Lukashenko ayaa sheegay inuu xabad-joojin kala xaajooday Prigozhin, taasi oo Moscow ay uga mahad-celisay.

Afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov ayaa goor dambe weriyayaasha u sheegay “Kiis dambiyeed ka dhan ahaa Prigozhin waa laga laaban doonaa. Isagana wuxuu aadi doonaa Belarus.”

Peskov wuxuu sheegay in xubnaha Wagner ee ka qeyb qaatay waxa ay mas’uuliyiinta ugu yeereen “kacdoon hubeysan” aan la maxkamadeyn doonin.

“Ka fogaanshaha dhiig daata, dagaal maxalli ah, iyo isku dhacyo aan natiijadooda la saadaalin karin, ayaa ahaa hadafka ugu weyn,” ayuu yiri Peskov. 

Saciid Deni oo tallaabo culus qaaday kadibna sameeyay…

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Saciid Cabdullaahi Deni oo qaaday tallaabo culus ayaa sameeyay xilka qaadis iyo magacaabis deg deg ah, kadib wareegtooyin uu soo saaray.

Deni ayaa maamul cusub u magacaabay gobolka Nugaal, isaga oo dhammaan xilalkii ka qaaday guddoonkii hore ee gobolkaasi oo ay haatan ka jirto xiisad siyaasadeed oo xoogan.

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Nugaal ayaa waxaa loo magacaabay Cabdiraxmaan Abshir Faarax, halka ku xigeenkiisa 1-aad uu yahay Mukhtaar Faarax Jeer, waxaana ku xigeenka labaad ah Cabdiraxmaan Ciise Maxamed (Bariir).

Wareegtada ayaa lagu sheegay in sababta isbeddalkan loo sameeyay ay tahay baahi loo qabo dardargelinta maamulka gobolka Nugaal, si horay loogu wado howlaha maamulka.

Sidoo kale waxaa lagu sheegay in xubnaha cusub ee la magacaabay lagu xushay aqoon iyo waayo aragnimo shaqo oo ay leeyihiin.

“Markuu arkay:  Dastuurka  Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad. Markuu arkay: Baahida loo qabo dar-dar gelinta Maamul ee Gobolka Nugaal, Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo-aragnimadooda shaqo. Wuxuu xeeriyey:-

  1. Waxaa Cabdiraxamaan Abshir Faarax loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Nugaal
  2. Waxaa Mukhtaar Faarax Jeer loo magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka 1-AAD Gobolka Nugaal
  3. Waxaa Cabdiraxmaan Ciise Maxamed (Bariir) loo magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka 2-AAD Gobolka Nugaal
  4. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay” ayaa lagu yiri wareegtada.

Waxaa sidoo kale G]guddoomiyaha cusub ee gobolka Gardafuu isna waxaa loo magacaabay Cumar Cismaan Saciid, sida lagu sheegay wareegto kale oo ay soo saartay madaxtooyada.

Dhanka kale, madaxweynaha Puntland ayaa isbeddal ballaaran ku sameeyay taliyeyaasha qeybaha booliska ee gobollada Nugaal, Karkaar, Gardafuu iyo Sanaag.

Gaashaanle Sare Maxamed Cali Axmed loo magacaabay Taliyaha guud ee Qaybta Boliiska ee Gobolka Nugaal. Waxaa isna G/Sare Xuseen Cali Maxamuud Taliyihii hore Qaybta Boliiska Gobolka Nugaal isna loo beddalay Taliyaha Qabta Boliiska Gobolka Karkaar.

Waxaa sidoo kale Gaashaanle Sare Aadan Axmed Cali loo magacaabay Taliyaha Qaybta Boliiska ee Gobolka Sanaag, halka Gaashaanle Sare Fu’aad Maxamud Xuseen loo magacaabay Taliyaha Qaybta Boliiska ee Gobolka Gardafuu.

Dhammaan tallaabooyinkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo Puntland haatan ay wajaheyso xaalad cakiran oo ka dhalatay muranka doorashada oo shaki ay ka qabaan mucaaradka.

Xiisadda Beledweyn oo kasii dirtay kadib talalabo uu maanta qaaday Cali Jeyte

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta ay kasii dartay xiisadda ka taagan magaalada Beledweyne, kadib tallaabo uu qaaday guddoomiyihii xilka laga qaaday ee gobolkaasi, Mudane Cali Jayte Cismaan.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in la xiray garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif, kadib warqad kasoo baxday guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan.

Cali Jayte ayaa amray in muddo 4 maalin ah oo ka bilaabaneysa 24 bishan oo maanta ku beegan ilaa 28 bisha ay joojiyeem diyaaradihii rakaabka ee kasoo dagayey garoonkaaasi.

Dhanka kale, waxaa la fasaxay oo kaliya muddada afarta maalin ah diyaaradaha ATMIS, kuwa samafalka ee QM iyo kuwa sida Qaadka.

Amarkan ayaa saameyn ku yeeshay shacab fara badan oo maanta u kala safri lahaa magaalooyinka Muqdisho iyo Beledweyne, kuwaas oo ka baaqday safarkooda, maadaama la joojiyay dhamaan diyaaradaha.

Arrintan ayaa kusoo aadeyso, ayada oo Sabtidiid shalay ay HirShabelle shaacisay inay ATMIS kala hadashay xoojinta amniga garoomada ku yaalla deegaanada maamulkaasi, si aysan u saameyn isku dhacyada iyo khilaafka haatan jira.

“Wasiirka Wasaaradda Amniga ayaa Golaha uga waramay xaaladaha amni ee deegaanada Hirshabeelle iyo deegaanadii dhawaan laga xoreeyay cadowga Khawaarijta ah, Isagoo tilmaamay in Ciidamada ATMIS ee gacanta ku haya Garoomada Diyaaradaha uu faray inay xaqiijiyaan amniga garoomada Hirshabeelle” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay shir ay yeesheen Golaha Wasiirads HirShabelle

Gudoomiyiihii xilka laga qaaday ee Cali Jayte Cismaan ayaa horay ugu dhowaaqay in diyaarad sidda mas’uul ka tirsan HirShabelle aysan ka dagi karin garoonka magaaladaasi, isaga oo wacad ku maray in uu soo ridayo, haddi ay isku deydo inay soo degto.

HirShabelle ayaa haatan wajaheysa xaalad siyaasadeed oo ka dhalatay xilka qaadistii guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan iyo dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Si kastaba, lama sida ay wax noqon doonaan, waxaana xaaladdahan ay uga sii darayaan dhibaatooyinka adag ee ka jira deegaanada maamulkaasi.

DAGAAL culus oo maalintii labaad ka socda magaalada Laascaanood (Warbixin)

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Sool ayaa sheegaya in maanta mar kale dagaal culus uu ka qarxay duleedka magaalada Laascaanood ee xarunta gobolkaasi, kaas oo u dhexeeyo ciidamada milatariga Somaliland iyo dadka deegaanka.

Dagaalka oo galay maalintii labaad oo xiriir ah, soona billowday shalay ayaa lagu soo warramayaa inuu ku sii fiday deegaano horleh oo ku yaalla bariga iyo waqooyiga magaaladaasi.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dagaalka ay barbar socoto duqeyn xoogan, taas oo sii adkeyneysa xaaladda adag ee ka jirta halkaasi.

Sidoo kale xaaladda magaalada ayaa lagu soo warramayaa inay cakiran tahay, isla-markaana ay koronto la’aan tahay, taas oo ay waxyeelo gaarsiiyeen madaafiicda.

Duqeynata ayaa sidoo kale saameysay goobo kale sida dugsi lagu barto farsamada gacanta, xarun ay leedahay shirkadda isgaarsiinta Telesom, meelo kale oo isbitaalka guud ka mid ah, meel kayd u ah shirkad gaaska iibisa iyo guryo aad u badan.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkan, balse labada dhinac ayaa weli is weydaarsanaya hub culus iyo sidoo kale hoobiyeyaal.

Muddooyinkii u dambeeyay xaaladda magaalada Laascaanood ayaa ahayd mid deggan, inkastoo mas’uuliyiinta labada dhinac ay hanjabaadyo isku marinayeen warbaahinta.

Dagaalladan ayaa kusoo aadayo, ayada oo bayaan kasoo baxay Golaha Ammaanka ee QM looga hadlay xaaladda adag ee ka jirta magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, ayada oo loogu Somaliland in ciidamadeeda ay kala baxdo aagga Laascaanood, sidoo kalena ay is xakameeyaan ciidamada SSC, si gargaar loo gaarsiiyo dadka ay waxyeelada soo gaaray.

Daawo: Amniga magaalada Muqdisho oo si weyn loo adkeeyay iyo UJEEDKA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa xoojisay ammaanka Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, waxayna ka billowday howlgallo culus.

Ujeedka ayaa ah u diyaar garowga maalmaha xoriyadda iyo munaasabadda Ciidul Adxaa oo haatan nagu soo foodleh.

Caawa ayaa la filayaa in la qabto munaasabadda 26-ka June oo loogu dabaal-dagayo marka ay xornimada qaateen gobollada waqooyi oo hadda la yooqaano Somaliland.

Ciidamada ammaanka oo ka duulaya munaasabadadaasi isku soo aaday ayaa howlgallo ka bilaabay gobolka Banaadir, kuwaas oo ay saraakiishu sheegeen in lagu sugayo amniga.

Wararka ayaa sheegaya in xalay ciidamada Booliska ay gaareen degmooyinka Dayniile iyo Heliwaa, halkaas oo ay ka sameeyeen baaritaano dad lagu soo qab-qabtay.

Sarkaal u hadlay Booliska Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday ujeedka howlgalkooda, isaga oo tilmaamay inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan caasimada.

“Maalmaha xoriyadda iyo ciida ayaa kusoo foodleh dhammaan dadka Soomaaliyeed, waxaana adkeyneynaa amniga Muqdisho” ayuu yiri saraak ka tirsan ciidanka Booliska.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka socday howlgallo guud oo lagu sugayo amniga, sidoo kalena lagu dagaalamayo burcadda iyo maan dooriyaha.

Maxkamadda ciidamada oo xukuntay saddex askari oo lagu helay kiis xasaasi ah

0

Muqdisho (Caasimada Online)  – Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka ayaa maanta xukuno ku ridday saddex askari oo lagu helay kiis xasaasi ah oo si weyn u qabsaday baraha bulshada, kaas oo ku saabsanaa jirdil loo geystay wiil dhalinyaro ah.

Mid kamid ah askartan oo lagu magacaabo, Maxamed Axmed Maxamuud (Carab) ayaa la arkay isago oo jirdil ka baxsan Bini’aadanimada u gaysanayo askari hore oo baahiyaha gaarka ah qabay oo adeeg u doontay xarunta Taraafikada ee magaalada Muqdisho.

Ninkan ayaa lagu xukumay saddex sano oo xabsi ciidan ah iyo feer Celin, sida ay shaaca ka qaaday maxkamadda ciidamada.

Sidoo kale waxa ay maxkamadda xukuntay laba askari oo kalo oo lagu helay inay faafiyeen muuqaalka lagu baahiyay baraha bulshada, kuwaas oo maxkamadda kasoo muuqday.

Axmed Xasan Cadaawe oo ahaa madaxa Camerada CCTV, ayaa isna lagu helay in muuqaalka uu bixiyay, isla-markaana uu la wadaagay Cabdullaahi Abuukar Cariif oo ah ninka kusii baahiyay baraha ay ku wada xiriirto bulshada ee Internet-ka.

Labadan nin ayaa sidoo kale lagu xukumay min laba sano oo xabsi ciidan ah iyo sidoo kale feer celin.

“Waxa ay awoodi kareen in ay la wadaagaan muuqaalka hay’adaha ku shaqada leh CID iyo Xeer Ilaalinta Ciidamada balse badalkeed waxa ay doorteen ceebaynta Qaybta ilaalada Nabad Galyada Waddooyinka” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay maxkamadda.

Maxkamadda ayaa sidoo kale intaasi kusii dartay in raggan ay heystaan fursad kale oo ay racfaan ku qaadan karaan, haddii aysan ku qanacsaneyn xukunka maanta lagu ridday.

HirShabelle oo hal arrin kala hadashay ATMIS, kadib tallaabadii Cali Jayte

0

Jowhar (Caasimada Online) – Wasiirka amniga maamulka HirShabelle Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Khayre oo ka qayb-galay shir xasaasi ah oo Golaha Wasiirada HirShabelle ku yeesheen magaalada Jowhar ayaa sheegay inuu kulan gaar ah la yeeshay saraakiisha ciidanka ATMIS.

Wasiirka ayaa golaha la wadaagay inuu howlgalka ATMIS kala hadlay amniga garoomada ku yaalla deegaanada HirShabelle, maadaama ay mas’uuliyad gaar ah ka saaran tahay.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay inuu kala hadlay adkeynta amniga garoomada, si looga hortago qalqal amni oo ka dhaca, madaama mararka qaar uu yimaado isku dhac.

Waxaa kale oo uu wasiirku shirka kusoo bandhigay warbixin ku aadan howlgalladii ugu dambeeyay ee laga sameeyay gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

“Wasiirka Wasaaradda Amniga ayaa Golaha uga waramay xaaladaha amni ee deegaanada Hirshabeelle iyo deegaanadii dhawaan laga xoreeyay cadowga Khawaarijta ah, Isagoo tilmaamay in Ciidamada ATMIS ee gacanta ku haya Garoomada Diyaaradaha uu faray inay xaqiijiyaan amniga garoomada Hirshabeelle” ayaa lagu yiri qoraal laga soo saaray kulanka.

Intaas kadib Golaha Wasiirada HirShabelle ayaa taageeray qodobkaas, waxa ayna soo jeediyeen n la dardargeliyo wada shaqeynta iyo dhaqan-gelinta xoojinta nabadgalyada garoomada diyaaradaha ee ku yaalla deegaanada maamulkaasi.

Arrintan ayaa daba socota tallaabadii uu qaaday guddoomihii hore ee gobolka Hiiraan, Miudane Cali Jayte oo ku dhawaaqay in diyaarad sidda mas’uul ka tirsan HirShabelle aysan ka dagi karin garoonka magaaladaasi, isaga oo wacad ku maray in uu soo ridayo.

HirShabelle ayaa haatan wajaheysa xaalad siyaasadeed oo ka dhalatay xilka qaadistii guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan iyo dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Si kastaba, lama sida ay wax noqon doonaan, waxaana xaaladdahan ay uga sii darayaan dhibaatooyinka adag ee ka jira deegaanada maamulkaasi.

Mutinous Russian mercenaries halt onslaught on Moscow

Moscow (Caasimada Online) – In a dramatic turn of events, Russian mercenaries previously advancing towards Moscow have agreed to halt, according to their leader.

This development signals a de-escalation of a threat that posed a significant challenge to President Vladimir Putin’s authority.

Yevgeny Prigozhin, the former Putin ally and head of the Wagner private army, said on Saturday that the fighters were a mere 200 km from the capital when they chose to stop.

“Now the moment has come when blood could be spilled,” Prigozhin noted in an audio message.

“Understanding that Russian blood will be spilled on one side, we are turning our columns around and going back to field camps as planned.”

Before traversing the country rapidly, the mercenaries had seized Rostov, hundreds of miles south.

Prigozhin stated that the halt was orchestrated to avert bloodshed, citing their desire not to spill the blood of their fighters as the key motivation.

Belarus-brokered deal 

According to his office, the agreement to halt Wagner’s advancement across Russia was mediated by Belarusian President Alexander Lukashenko.

This action was taken in return for the assurance of safety for the mercenaries. At the time of reporting, there was no official statement from Putin’s office regarding the agreement.

Earlier, Prigozhin had indicated that his “march for justice” aimed to eliminate corrupt and inept Russian commanders he blames for mishandling the war in Ukraine.

During a televised address from the Kremlin, Putin declared that Russia’s existence was at stake, vowing retribution for those who orchestrated the armed insurrection.

Ukrainian President Volodymyr Zelenskiy pointed to the Wagner revolt as a symptom of disarray in Russia.

“Today, the world can see that the masters of Russia control nothing—simply complete chaos. An absence of any predictability,” Zelenskiy said.

In a show of international concern, U.S. President Joe Biden engaged in talks with the leaders of France, Germany, and Britain.

In addition, U.S. Secretary of State Antony Blinken spoke with G7 nations, while the top U.S. military officer, Army General Mark Milley, canceled a trip to the Middle East due to the situation in Russia.

The Rostov takeover

The Wagner fighters had also managed to take control of Rostov, the city serving as the primary logistical hub for Russia’s invasion force in Ukraine, without firing a single shot.

Videos from Rostov show locals filming the mercenaries in armored vehicles and battle tanks as they assumed positions in the city.

The situation was tense, with locals asking the fighters if a civil war was on the horizon.

“No, everything will be fine,” a mercenary responded. The area surrounding Rostov, a critical oil, gas, and grains hub, was under control.

Britain’s defense ministry states that the insurrection poses “the most significant challenge to the Russian state in recent times.”

This upheaval threatens to leave Russia’s invasion force in Ukraine in chaos, precisely as Kyiv is launching its most robust counteroffensive since the war began last year.

Hoggaamiyaha Wagner oo go’aan lama filaan ah ka qaatay xiisadda Ruushka

Moscow (Caasimada Online) – Hogaamiyaha kooxda calooshood u shaqeystayaasha ah ee Wagner, Yevgeny Prigozhin ayaa goordhow ku dhowaaqay inay joojiyeen duulaankii ay ugu socdeen magaalada caasimadda u ah dalka Rushka ee Moscow, si uusan dhiig badan u daadan.

Madaxweynaha dalka Belarus Alexander Lukashenko oo deg deg xiisadaan u soo faro-geliyey ayaa taleefoonka kula hadlay hoggaamiyaha kooxda Wagner Yevgeny Prigozhi.

Wadahadal dheer oo dhex-maray hoggaamiyaha ciidankaas calooshood u shaqeystayaasha ah iyo Madaxweynaha dalka Belarus ayaa lagu go’aamiyey in lagu dhawaaqo xabad joojin.

Madaxa kooxda Wagner Group Yevgeny Prigozhin ayaa Al-Jazeera u sheegay in uu amar ku siiyay ciidamadiisa oo ku sii siqaya magaalada Moscow inay dib ugu laabtaan xeryahooda, si dhiig badan uusan u daadan.

“Waxay doonayeen inay kala diraan shirkadda militari ee Wagner. Waxaan 23-kii June billownay socodka cadaaladda ee aan ku tageyno Moscow. 24 saac gudahood, waxaan 200 km u jirsanay Moscow, innaga oo aan xitaa ridin hal xabbad,” ayuu Prigozhin ku yiri farriin cod ah.

“Hadda waxaa timid daqiiqaddii dhiiggu daadan lahaa. Innaga oo fahansan … in dhiigga Ruushka uu daadan karo, waxaan go’aansannay inaan dib ugu laabanno xerooyinkeena.”

Kooxda Wagner ayaa billowday inay dib ciidankeeda iyo qalabkeeda ugala baxdo magaalada Rostov ee ku taalla xuduudda Ukraine kadib amarka kasoo baxay hoggaamiyahooda Yevgeny Prigozhin ee ahaa in la hakiyo ku siqitaanka Moscow.

Weriye ka tirsan AFP, oo goobta ku sugan, ayaa sheegay inuu arkay taankiyo iyo dhowr baabuurta xamuulka ah oo sida dagaal-yahanno oo ka tegaya xarunta ciidamada oo kooxda ay horey u qabsatay. 

Dhinaca kale, mas’uuliyiinta gobolka Koonfurta Ruushka ee Lipetsk ayaa billaabay inay qaadaan xayiraadaha ay soo rogeen kadib markii Wagner, oo horey gobolka usoo galay, ay ku dhowaaqeen dib u gurasho. 

Dadka siyaasadda fallanqeeya ayaa rumeysan in heshiis culus oo qarsoodi ah uu dhacay, sababtoo ah go’aanka uu Prigozhin dib ugu celiyey “waa mid halis xooggan gelin karta naftiisa,” islamarkaana ka lumineysa fursadda uu haystay.

Xafiiska madaxweyne Alexander Lukashenko ayaa sheegay in si ay dib ugu laabtaan loo dammaanad qaaday kooxda Wagner amnigooda. Weli ma jiro war kasoo baxay Putin oo ku saabsan heshiiska.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, oo xiisadaan ka hadlay ka hor heshiiska la shaaciyey, ayaa sheegay in qorshaha kooxda Wagner uu yahay khiyaano qaran, isagoo ku goodiyey inuu tallaabo cad ka qaadi doono kooxdaas.

Putin oo wajahaya loolankii ugu adkaa ee la geliyo xukunkiisa 23 sano jirka ah, ayaa wacad ku maray inuu burburin doono kacdoonka Wagner, oo uu la meel dhigay dagaalkii sokeeye ee qarni kahor ka dhaay Ruushka.

Putin ayaa sheegay in jiritaanka Ruushka uu hadda halis ku jiro.

Prigozhin ayaa ku eedeeyay hoggaanka sare ee militariga Ruushka in uu amray weerar gantaal ah oo lagu qaaday xerooyinka ciidamada Wagner ee Ukraine, islamarkaana halkaas ciidankiisa looga dilay dagaalyahano badan.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa sheegay in “Daciifnimada Ruushka ay caddahay,” isagoo rajeynaya in Moscow ay ku adkaan doonto inay sii haysato ciidan calooshood u shaqeystayaal ah, inta ay sii wado fowdada uu Ruushku ka abuuray Ukraine.

Xaaf oo dowladda Xasan Sheekh ku tilmaamay tii ugu liidatay abid, farriina u diray

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa aad u dhaliilay dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo sheegay in waligiis uusan arkin dowlad ka liidata.

Xaaf oo hadalkaan ka sheegay munaasabad ay ku caleema-saarayeen Suldaanka beeshiisa, ayaa sheegay in dowladda uu dhaliilayo, balse uusan mucaarad ku aheyn.

“Dowladdan mid ka liidata dalkaan iyo dadkan sooma marin, waxaan soo joogay waayo badan, welina ma arkin tanoo kale bal aan faataxada u marno in ilaahey toosiyo,” ayuu yiri Xaaf.

Wuxuu dalbaday in farriintaan laga gaarsiiyo madaxda ugu sareysa dowladda federaalka, maadaama sida uu sheegay waayahaan uusan arkin.

“Sanadkaan waa la liitaa, dowladnimadii xitaa dhib badan ayaa ka jira, horta bal dowladaan aan faataxada u marno, dowladaan federaalka iyo dowlad goboleedyadaba dadkii waa ku dhex dhinteen, Soomaali maanta ayey ugu liidataa wax badanaan soo joogaye,” ayuu yiri madaxweyne hore Xaaf.

Wuxuu intaas ku sii daray, “Anigu waayahaan ma arko dowladda waaweyn ee cidii aragta ha iiga war geyso, war sidaan hala isku dhaamo xaalku ma fiicnee.”

Xaaf ayaa sheegay in dhibka ugu weyn uu maanta ka jiro nidaamka federaalka, maadaama uu maamul kasta awood is bidayo oo gobol-gobol loo sii laabanayo.

“Sidaan waxaaba ka roon in dowlad goboleedyada kaliya la ahaado oo federaalka meesha laga saaro, hadii gobol kasta uu rabo in kaligiis uu is xukumo, is-maamul goboleed hala wada noqdo, xaalku ma fiicnee towfiiqda Allaha na waafajiyo, madaxdana Allaha noo toosiyo,” ayuu hadal jeedintaan ku yiri Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Xaaf.

Ugu dambeyntii Xaaf ayaa sheegay in mucaarad uusan aheyn, waligiisna uusan mucaarad noqon, balse hadalkaani uu kala jeedo dhaliil iyo wax toosin, “Meel aan ka hadlo ayaan waayey kaligeyna shir jaraa’id ma qabanayo, marka maanta ayaan halkaan kaga faa’iideystay inaan gudbiyo farriintaan,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Daawo: Jeneraal Biixi oo fagaare ka sheegay sababtii xilka looga qaaday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii ciidanka dhulka ee xoogga dalka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa sheegay in sababta xilka looga qaaday ay salka ku heyso xiisadda maamul ee ka taagan gobolka Gedo.

Jeneraal Bixii oo maanta khubad ka jeediyey xafladii uu xilka ku wareejiyey ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan xaaladaha dalka.

Wuxuu su’aalay sababta xilka looga qaaday Taliyihii isaga ka sareeyey ee Jeneraal Odawaa, maadaama isaga xilka qaadistiisu ay salka ku heyso qadiyadda maamul ee ka taagan gobolka Gedo.

“Arrin yar oo kaftan ah, laakiin kaftan ka xoog badan ayaan idin su’aalayaa, aniga waxaa xilka la iiga qaaday qadiyadda ka taagan Gedo, balse Jeneraal Odawaa maxaa xilka looga qaaday?” ayuu yiri Jeneraal Biixi oo aan sii faahfaahin sababta ay xil ka qaadistiisu salka ugu heyso xiisadda Gedo.

Jeneraal Biixi ayaa intaas ku sii daray inuu aaminsan yahay in xil ka qaadistu ay sunno u tahay dowladnimada, “Odawaa sababta xilka looga qaaday waa sunada dowladnimada, laakiin aniga waa qadiyadda Gedo,” ayuu martidii xafladaas kula kaftamay Jeneraal Biixi.

Jananka ayaa farriin u diray dadka reer Gedo, wuxuuna kula dardaarmay inay ka shaqeeyaan midnimada dadka Soomaaliyeed.

“Maadaama aan Gedo soo hadal qaaday, waxaan leeyahay reer Gedo ka shaqeeya midnimada, qqdiyadda qof malahan ee gobolka dadka degan oo dhan ayaa iska leh,” ayuu arrinta Gedo ka yiri Jeneraal Biixi.

Sarkaalkaan oo saaxiib dhow la ahaa Madaxweynihii hore Farmaajo isku heybna ay ahaayeen ayaa ka mid ahaa saraakiishii gobolka Gedo u horseeday kala qoqobkaan iyo khilaafka maamul ee soo jiray 3-dii sano ee lasoo dhaafay.

In kastoo ay kaga awood badnaayeen saraakiil kale oo NISA ka tirsanaa, hadana Biixi wuxuu Gedo ka dejiyey ciidan ka tirsan Gor Gor, kuwaas oo Gedo ka wiiqay awoodii maamulka Jubbaland, sidoo kale wuxuu ka mid ahaa saraakiishii la dhacsaneyd in Farmaajo muddo kororsi sameysto.

Hoos ka daawo

La-taliyaha madaxweyne Xasan Sheekh oo soo jeediyey nooc doorasho oo cusub

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dr. Cabdiraxmaan Cabdullaahi Baadiyow oo ah La-taliyaha Arrimaha Dastuurka ee Madaxweynaha Soomaaliya ayaa soo jeediyay talo ku aadan sidii looga bixi lahaa nidaamlka 4.5 oo 25-kii sano ee la soo dhaafay qal-qal galiyay Ummadda Soomaaliyeed.

Baadiyow ayaa sheegay in muhiim ay tahay in Soomaaliya laga hirgeliyaa nidaamka ku haboon ee doorasho qof iyo cod ah (1Q1C).

“Waa inuu noqdaa mid heshiis lagu yahay oo daahfuran. Haddii la isku dayo in la sameeyo dimoqaraadiyad muqaal been ah leh, natiijadeedu waa fashil iyo cawaaqib xumo. Casharkaas waa kii 1969 iyo 1991,” ayuu yiri Dr. Cabdiraxmaan Cabdullaahi Baadiyow.

Sidoo kale wuxuu intaas ku daray in boob doorasho horay loo soo arkay, islamarkaana laga dhaxlay burbur iyo dagaal sokeeye.

“1/2/1969 waxaa la boobay doorashadii, waxaa loo bixiyay “Vote-khasaare”. Waxaa ka dhashay dilkii madaxweyne Cabdirashid iyo inqilaabkii ciidanka. Markii la caburiyay dimoqaraadiyadda oo doorasho hal xisbi ah la sameeyay, dalka waxaa ka dhacay dagaal sokeeye, qarankii waa la dumiyay 1991,” ayuu mar kale yiri Dr. Cabdiraxmaan Baadiyow.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Dimoqaraadiyad been ah oo boob ku dhisan iyo caburinta dimoqaraadiyadda, ay isticmaaleen madaxdii markaas dalka ka talinaysay.

Waxaan xasuusinayaa madaxda maanta inay casharkaas si fiican uga faa’idaystaan oo aynaan noqon ma gudbayaal. Xalku waa doorasho qof iyo cod ah oo sax loo maamulo!

Dr. Cabdiraxmaan Cabdullaahi Baadiyow oo ah La-taliyaha Arrimaha Dastuurka ee Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka mid ah qabiirada Soomaaliya xiligaan jooga, waxa uuna marar badan ku baaqay in laga gudbo oo la daaweeyo Kansarka Soomaaliya ku dhacay oo ah qabyaalad iyo waxa loogu yeero 4.5 oo uu sheegay in ay ku adeegtaan siyaasiyiinta xiligaan joogta dalka.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, ayada oo haatan Golaha Wadatashiga Qaranka uu soo saaray heshiis siyaasadeed oo lagu go’aamiyay doorasho qof iyo cod ah oo ay dadweynaha Soomaaliyeed ku soo dooranayaan wakiiladooda, taas oo dood xoogan ay ka keeneen inta badan xubnaha mucaaradka.

Wagner oo qabsatay xarumo muhiim ah iyo wararkii ugu dambeeyey xiisadda Ruushka

Moscow (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha kooxda calooshood u shaqeystayaasha ah ee Wagner, Yevgeny Prigozhin oo hoggaaminaya kacdoon ka dhan ah madaxda Moscow, ayaa sheegay in dagaal-yahanadiisa ay qabsadeen xarunta ciidamada ee magaalada Rostov-on-Don.

Waxa uu sheegay “inaysan xitaa hal xabbad halkaas ka dhicin,” isaga oo yiri in dadka deegaanka ay taageerayaan.

Dagaal-yahanada Wagner ayaa xalay Ruushka uga soo gudbay dhinaca dalka Ukraine, waxayna qabsadeen xarunta ciidamada ee magaalada koonfureed, oo saldhig muhiim u aheyd ciidamada Moscow ee ka dagaalamaya Ukraine.

“Muxuu waddaanka inoo taageerayaa? Sababtoo ah waxaan u dhaqaaqnay caddaaladda,” ayuu Prigozhin ku yiri codkii ugu dambeeyey ee uu soo dhigay barta Telegram.

“Waxaan gacanta ku dhignay Rostov. Ayada oo aysan hal xabbad dhicin ayaa qabsanay xaruntii ciidamada.”

Waxa uu sheegay in ciidankiisa calooshad u shaqeystayaasha “aysan taaban hal askari.” “Ma dilin xitaa hal qof, inkasta oo duqeyn na lagu sameeyey oo hubka culus iyo diyaarado qumaatiga u kaca na lagu soo weeraray,” ayuu yiri.  

Prigozhin ayaa sheegay in dagaal-yahanadiisa ay miinooyin ka saareen bannaanka dhismaha ay qabsadeen Wagner ee ku yaalla Rostov. 

Goor sii horreysay hoggaamiyaha Wagner ayaa u jawaabay madaxweyne Vladimir Putin, oo Prigozhin ugu yeeray daba-dhilif isaga oo khudbad u jeediyey shacabka Ruushka.

“Marka ay noqoto khiyaanada qaran ee dhulka hooyo: madaxweynaha aad ayuu khadan yahay. Waxaan nahay waddiniyiinta dhulkeena hooyo,” ayuu yiri 

Madaxweyne Putin oo wajahaya loolankii ugu adkaa ee la geliyo xukunkiisa 23 sano jirka ah, ayaa wacad ku maray inuu burburin doono kacdoonka Wagner, oo uu la meel dhigay dagaalkii sokeeye ee qarni kahor ka dhaay Ruushka.

Putin ayaa sheegay in jiritaanka Ruushka uu hadda halis ku jirp.

“Waxaan u dagaalamaynaa nolosha iyo ammaanka dadkeena, madax-bannaanideena iyo xoriyaddeena, iyo in Ruushka uu sii jiro, qaran leh kun sano oo taariikh ah,” ayuu yiri.

“Dhammaan kuwa sida ula kaca ah u qaaday waddada khiyaanada, ee diyaariyey jabhad hubeysan, kuwa qaaday waddada baqo maalidda iyo marinada argagixisada, waxay wajihi doonaan ciqaab aan laga baxsan doonin, waxaan u jawaabi doonnaa sharciga iyo dadkeenaba,” ayuu yiri Putin. 

Prigozhin, oo u jawaabay Putin, ayaa sheegay in isaga iyo ciidankiisa aysan wax qorshe ah ka lahayn inay is-dhiibaan.

Ciidamada Wagner ayaa weli kusii socda Moscow, halkaasi oo hoggaamiyaha kooxdan uu wacad ku maray inuu qabsan doono.

Wixii kusoo kordha kala soco Caasimada Online, Inshaa Allah.

Puntland oo ku dhowaaqday arrin sii hurineysa xiisadda ka taagan magaalada Garowe

0

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka warfaafinta xukuumadda Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir oo war cusub soo saaray ayaa ka hadlay doorashada madaxtooyada, taas oo uu weli ka taagan yahay muran u dhexeeya xukuumadda iyo xubnaha mucaaradka ah.

Wasiirka ayaa sii xoojiyay hubanti la’aanta ka jirta xilliga ay dhaceyso doorashada madaxweynaha oo mucaaradka ay doonayaan in aysan dhaafin sideeda January.

Dirir ayaa si cad u sheegay in doorashada madaxtooyada ay qaban doonaan, xilligii ay iyagu u gartaan inay ku dhacdo, taas oo uga sii dareysa xiisadda haatan taagan.

Sababta ayaa waxa uu ku sheegay in aysan doonin in dib loogu laabto doorasho hannaan qabiil ah, balse go’aankooda uu yahay in nidaamkaas laga guuro, lana aado xisbiyada.

“8 january, 24 sano ayaa qabiil wax lagusoo dooranayay. War qabiilka waa laga gudbay. Qofkii qabiil doonaya baadiyaha ha gudbo,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Puntland.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dhinacyada haatan kasoo horjeeda xukuumadda Puntland ay yihiin kuwa diidan horumarinta doorashooyinka, isaga oo ku eedeeyay inay rabaan in dib loogu laabto doorashadoo hore ee nidaaka qabiilka, sida uu hadalka u dhigay.

Dhanka kale, arrintan ayaa muujineyso damaca madaxweyne Deni ee ku aadan inuu sameysto muddo kororsi horleh, ugana shaqeeyo doorasho uu ku soo laaban karo, balse waxa uu la kulmayaa cadaadis xoogan iyo jawaabo adag oo uga imaanaya mucaaradka.

Si kastaba, hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo weli xiisad kacsan ay ka taagan tahay Garowoe oo todobaadkii hore ay ku dagaalameen labada.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaana weli dhaq-dhaqaaq ciidan laga dareemayaa Garoowe, inkastoo dadaallo xoogan ay wadaan Isimada Puntland.