27.7 C
Mogadishu
Tuesday, May 12, 2026

Daawo: Shariif oo shaaciyay arrinta aas-aaska u ah dagaalada sokeeye ee dalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay dagaallada sokeeye iyo dhiiga ku daadanaya qaar kamid ah magaalooyinka dalka, xilli lagu jiro maalmihii xorriyadda iyo weliba bisha xurmada leh.

Shariif ayaa ugu horreyn waxa uu umadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey munaasabadda 26-ka Juun, 63 guuradii ka soo wareegtay markii ay ka xoroobeen gumeystihii Ingiriiska gobollada Waqooyi ee dalka (Somaliland).

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa waxa uu shaaciyay in dhiiga daadanaya iyo dagaallada sokeeye ee soo noq-noqday ay aas-aas u yihiin cadaalad darro baahsan oo ka jirta dalka.

“Waxaa xanuun leh in maanta meelo badan dalka dhibaato ay ka jirto, dhiig Soomaaliyeed daadanaayo oo laga baaqsan karo lana arki waayay bisha xormada leh iyo dhiigga xormada leh labadaba ayna u daadanayaan si masuuliyad darro ah,” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.

Waxa uu intaas kusii daray “Dagaallada Sokeeye iyo dhiigga daadanaya runtii waxaa aas-aas u ah cadaalad darro iyo dulmi dhexdeena ka jira, Ilaahay umaddaan Islaamka waxa uu ku amaanay inay tahay umadda ugu fiican umadaha laba sabab dartooda, waxay iska reebaan xumaanta oo waxay is faraan wanaaga.”

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iyo madaxda sare ee dalka in la joojiyo colaadda iyo dhiigga ku daadanaaya qaar ka mid ah magaalooyinka dalka.

“Bishaan Carafo oo ah bil barakeysan oo Muslimiinta aad ugu weyn, waxaan ugu baaqayaa dadka Soomaaliyeed meel ay joogaanba shacab iyo masuuliyiin in la joojiyo dhiigga daadanaayo.”

Ugu dambeyntiina waxa uu ku baaqay in umadda Soomaaliyeed ay gacmaha is qabsadaan, islamarkaana ay ka hor istaagan dulmiga, iyaga oo isfaraya wixii wanaagsan, si dalkaan uu hore ugu sii socdo.

“Dal wanaagsan oo waasic ah ayaa Ilaahay inoogu deeqay, umad Muslimiin ah oo wanaagsan oo runtii u baahan in loo adeego ayaa Ilaahay noogu deeqay, marka waa in aan masuuliyadeeda qaadano.”

Resurgence of Terror: Al-Shabab’s murderous month in Kenya

Nairobi (Caasimada Online) – A sudden surge in fatal incidents has swept across various Kenyan counties, raising grave concerns about national security.

The terrorist group Al-Shabab, with roots in Somalia, has heightened its aggressive operations across East Africa, with Kenya as its current primary target.

A striking tally of over 20 fatalities has been reported just within the current month, instigating widespread alarm.

The bloodbath in Kenya began in the early hours of June when Al-Shabab launched a series of ruthless attacks in Mandera County.

From the beginning of June until the present, data analyzed by the Nation reveals that these attacks have claimed 27 Kenyan lives, mainly comprising police officers, with many others gravely wounded.

Government intelligence reports indicate that numerous Al-Shabab fighters are operational within four Wajir sub-counties.

The nightmare in Salama and Juhudi

In the latest atrocity committed by this terror group, five men were beheaded in the villages of Salama and Juhudi in the Mkunumbi division of Lamu West on a chilling Saturday night.

According to Pamela Akoth Ogutu, who witnessed the horrifying event, more than 30 gunmen armed with firearms, pangas, and knives, stormed the villages. Dressed in military regalia, they identified themselves as “Original Al-Shabab.”

Upon entering the households, they demanded that the occupants lie on the floor. Among the victims was Barack Hussein, 19, a Form Three student of Bakanja Secondary School, home for his half-term break.

He and other victims were forcibly dragged from their homes, tied up, and gruesomely beheaded.

Ogutu recounts, “They also told us to deliver a message to President William Ruto that they were unhappy with the reopening of the Kenya-Somalia border.”

Rising tensions in East Africa

The horrific killings in the villages of Salama and Juhudi haven’t isolated incidents. In January last year, these villages witnessed a similar onslaught, where six individuals were killed, and suspected Al-Shabab militants torched more than ten houses.

Garissa County also experienced a grim echo of terror this month when eight security officers were killed during patrol.

Survivors of the recent raids accuse security agencies of delayed responses to these nightmarish events.

Joseph Mwangi, an elder from the affected area, lamented, “They only came this morning to collect the bodies. It’s unfortunate. Only the National Police Reservists in our villages responded quickly. They’re the ones who fought and prevented more deaths here.”

These attacks have sparked an outcry from the public, urging the government to ensure their safety.

Pastor Peter Muthengi of the Salama Redeemed Gospel Church called for an investigation, expressing the palpable tension suffusing the region after the brutal night raids.

Kenyan government response

In response to the mounting pressure, the State launched a substantial operation in various areas to hunt down the terrorists.

Defence Cabinet Secretary Adan Duale announced the modernization of police and KDF artillery to end Al-Shabab attacks in the region.

He declared, “Al-Shabab … we are coming for you. We will use the Navy, Air Force, and special forces to hunt you in Kenya and Somalia.”

Furthermore, he warned that sympathizers of Al-Shabab within the region would not be spared.

While the Kenyan government pledges to crack down on this menace, residents continue to live in fear as they anticipate the next potential terror attack.

RUTO oo saxiixay sharci ay ka biyo diideen mucaaradka iyo arrin laga cabsi qabo

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa maanta saxiixay sharci canshuurta ku kordhinaya badeecado kala duwan, sida ay sheegtay madaxtooyada.

Ruto ayaa u muuqda mid iska dhego tiray dhalleeceyn ku saasabn inuu xaaladda kusii adkeynayo shacabka wajahaya dhibaatooyinka dhaqaale, maadaama uu canshuur dheeri ah ku waajibinayo shacabka.

Sharcigan cusub ee canshuuraha ayaa waxaa toddobaadkii tegay saxiixay baarlamanka, wuxuuna laba laabayaa canshuurta shidaalka, oo uu ka dhigayaa 16 boqolkiiba.

“Madaxweyne Ruto wuxuu ansixiyey sharciga maaliyadda. Wuxuu ku saxiixay madaxtooyada,” ayey madaxtooyada ku tiri farriin ay u dirtay suxufiyiinta, oo ay wehlisay sawirka madaxweynaha oo saxiixaya.

Ruto oo xafiiska la wareegay bishii September kadib doorasho si xooggan loogu loolamay ayaa isku dayaya inuu buuxiyo qasnadaha dowladda ee maran, islamarkaana dib u hagaajiyo dhaqaalaha waddanka oo daymo badan lagu leeyahay, kuwaas oo uu ka dhaxlay madaxweynihii ka horreeyey Uhuru Kenyatta.

Kenya ayaa waxaa hadda lagu leeyahay dayn gaaraysa $70 bilyan, taasi oo u dhiganta 67 boqolkiiba wax soo saarka guud ee dalka (GDP).

Sharciga cusub oo la filayo inuu soo kordhiyo in ka badan $2.1 bilyan oo dakhli cusub ah ayaa canshuurta ku kordhin doona badeecado iyo adeegyo ay ka mid yihiin cuntada iyo adeegga lacagta la isugu diro mobile-ka.

Dadka bishii uu soo galo dakhli dhan 500,000 shilling ($3,600) ayaa bixin doona 32.5 boqolkiiba oo ah canshuurta dakhliga, halka kuwa sameeya 800,000 shilling ($5,700) ay bixin doonaan 35 boqolkiiba, halka markii hore ay bixin jireen 30 boqolkiiba.

Sidoo kale waxaa la saddex jibaaray canshuurta ganacsiyada yaryar oo laga dhigay saddex boqolkiiba.

Canshuur cusub oo ah shan boqolkiiba ayaa la saaray dadka dakhliga ka sameeya muuqaallada baraha bulshada sida Facebook iyo YouTube.

Mucaaradka Kenya ee uu hoggaamiyo Raila Odinga ayaa ku hanjabay dibad-baxyo cusub oo ka dhan ah canshuurta cusub, ayaga oo sheegay inay culeyska ku kordhin doonto shacabka markii horeba dakhliga ciriiriga ku ahaa.

AFP + VOA

Daawo: Aadan Madoobe oo sheegay arrin nasiib darro ah oo xuska 26 June kusoo aaday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Madoobe oo ka qeyb-galay munaasabadda xuska sannad-guurada 63-aad ee markii calan Soomaaliyeed oo xor ah laga taagay dhul Soomaaliyeed ayaa nasiib darro ku tilmaamay arrin uu kusoo aaday xuskaan.

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa waxa uu nasiib darro weyn ku tilmaamay in meelo badan oo dalka ah ay ku daadanayaan dhiig, iyada oo lagu jiro maalmaha xorriyada.

“Waxaan runtii aad uga xumahay in dalkeenna weli ay ka taagan tahay colaad, yacni argigixisada ka sakow, in xitaa gobolada qaarkood weli dhibaato ka taagan tahay oo dhiig shacabka Soomaaliyeed arrimo siyaasadeed iyo arrimo qabyaaladeed loo daadinayo,” ayuu yiri guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe.

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay “Arrintaas aad iyo aad ayaa uga xumahay, arrintaas waxaa loo baahan yahay in u guntano oo arrintaas dalka ka istaagto.”

Sidoo kale waxa uu madaxweynaha Soomaaliya ugu baaqay sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka ka taagan qeybo badan oo dalka ah, si loo joojiyo colaadda uu dhiiggu ku daadanayo.

“Waxaa isleeyahay haddii la helo oo masuuliyiintii dalkana ka howl-galaan arrintaas sidii looga gudbi lahaa (colaaddahaasi). Marka shacabka Soomaaliyeed waxba iska bedelaya,” ayuu yiri guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ka dhawaajiyay in loo baahan yahay caddaalad garsoor, caddaalad siyaasadeed iyo caddaalad maamul, taasi oo lagama maarman u ah si ooga gudbo dhibaatooyinka dalka ka aloosan.

“Shacabka Soomaaliyeed waxaa ugu baaqayaa in aan la idinku beer-laxowsan dagaal dambi rida oo walaalihiina dila oo guul ayaa ku gaadheyna oo aan riixno reer hebel in aad ka ogolaanin siyaasi kasta oo dan gaar ah leh,” ayuu yiri guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo baaq u direy Shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntiina waxa uu bogaadiyay howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab, kaasi oo kooxda looga xoreeyay deegaano horleh, isaga oo ugu baaqay dhinacyada qeybta ka ah gulufka socda inay dardar-geliyaan oo sii wadaan, si guud ahaan dalka looga xoreeyo argagixisada.

“Dhamaan masuuliyiinta abaabushay, ciidamada qalabka sida, shacab weynaha Soomaaliyeed kacdoonka sameeyay oo ku dhiiraday inay naftooda u huraan oo argagixisada iska xoreeyaan, waxaa leenahay waxyar ayaa noo dhiman aan dhameystirno.”

Hoos ka daawo

Qodobada laga beddelayo dastuurka Puntland oo la shaaciyey iyo xiisadda oo…

0

Garoowe (Caasimada Online) – Baarlamaanka Dowlad-goboleedka Puntland ayaa si rasmi ah u shaaciyay qodobada wax ka bedelka lagu sameynayo ee Dastuurka maamulkaasi.

Qorshaha wax ka bedelka iyo meel-marinta Baarlamaanka ee ah in la furo Dastuurka ayaa dhawaan waxaa ka dhashay isku dhac hubeysan oo ka dhacay magaalada Garoowe, gaar ahana agagaarka xarunta Aqalka Wakiilada.

Fariin lagu baahiyay bogga rasmiga ah ee Baarlamaanka Puntland ee Facebook ayaa waxaa lagu shaaciyay in wax laga bedalayo qodobka 46-aad ee dastuurka Puntland, qodobka 56-aad, qodobka 64-aad, qodobka 7-aad iyo qodobada 112-113.

“Muwaadin Golaha Wakiilada Dawladda Puntland isaga oo ka duulaya qodobka 139-aad faqradiisa 3-aad ee Dastuurka Dowladda Puntland, waxa uu dadweynaha dal iyo dibadba ku wargelinayaa in wax ka bedel lagu sameynayo Dastuurka Dowladda Puntland,” ayaa lagu yiri farriintaan uu baahiyay Baarlamaanka Puntland.

Qodobka 46-aad oo kamid ah qodobada Dastuurka ee wax ka bedelka lagu sameynayo ayaa waxa uu ku saabsan yahay xisbiyada siyaasadda, wuxuuna Baarlamaanka shaaciyay in wax ka bedelka lagu sameynayo qodobkaas la waafajin doono qodobada kale ee doorashooyinka.

Golaha Wakiilada Puntland ayaa sidoo kale waxa uu ku tilmaamay wax ka bedelka lagu sameynayo qodobka xisbiyada siyaasadda “si fursad loo siiyo ka qeyb-galka siyaasadda ee muwaadiniinta.”

Tallaabadaan ayaa uga sii dareysa xiisadda siyaasadeed ee ka taagan maamulka Puntland, iyada oo dhawaan Isimada gobolka Nugaal ay dalbadeen in la hakiyo tallaabooyinka wax ka bedelka Dastuurka Puntland illaa inta ay ka dageyso xiisadda siyaasadeed ee dhawaan isku rogtay gacan ka hadalka.

Guddoonka Golaha Wakiilada Puntland ayaa gadaal ka riixaya qorshaha wax ka bedelka loogu sameynayo Dastuurka, oo sida la fahamsan yahay gacan-saar la leh madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Dhawaan ayay aheyd markii Golaha uu ansixiyay wax ka bedelka Dastuurka Puntland, kadib markii ay ogol ugu codeeyeen 34 mudane oo kamid ah 35 mudane oo soo xaadiray kulankaasi.

Si kastababa, Puntland ayaa haatan wajaheysa xaalad adag oo hubanti la’aan ah, maadaama gacan ka hadal uu ka dhashay furista Dastuurka maamulkaasi, kaasi oo ay meel adag iska taageen siyaasiyiinta mucaaradka.

Hoos ka dhageyso farriinta Golaha Wakiilada Puntland

JUXA oo weerar culus ku qaaday Isimada Puntland

0

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha dowlad goboleedka Puntland, Cabdi Faarax Saciid (Juxa) oo war cusub soo saaray ayaa weerar culus oo dhanka afka ah ku qaaday Isimada Dhaqanka ee ka soo jeeda maamulkaasi.

Juxa ayaa shaaca ka qaaday in Isimadu ay indhaha ka laabteen xaaladda cakiran ee Puntland, gaar ahaan xiisadda dagaal ee ka taagan magaalada Garoowe.

Sidoo kale wuxuu ku eedeeyay inay ka gaabiyeen doorkii looga baahnaa ee ahaa inay qabtaan cidda gar-daran ee diidan doorashooyinka maamulkaasi.

Wasiirka ayaa xusay in ka maamul ahaan ay dadaaleen, si aysan rabshado u dhicin, balse taasi ganafka lagu dhuftay, markii ay tallaabooyin kale qaadeen xubnaha mucaaradka.

“Geed dheer iyo mid gaaban ba waan u kordhay in aysan dhibaato dhicin. Ma aysan suurto galin inay isimadu dadka kala dhex galaan, oo qabtaan cidda qaldan” ayuu yiri Juxa.

Dhanka kale wuxuu hoosta ka xariiqay inay aad uga xun yihiin aamusnaanta Ismida, maadaama ay xaaladdu faraha ka baxday, dhiigna uu ku daaday magaalada Garoowe.

“Taas waa arrin aan kaa xunnahay in kaalintii loo baahnaa oo isimadu xilligii qabashada lahayd oo digniinta lahayd aysan ugu baraarugin,” ayuu yiri hadalkiisa sii raaciyay.

Ugu dambeyn wuxuu sheegay in hoggaanka Punland u diyaar u yahay inay la fariisto cid kasta oo tabashada ka qabta hannaanka loo wado doorashooyinka maamulkaasi.

Puntland ayaa haatan wajaheysa xaalad adag oo ka dhalatay muranka doorashooyinka iyo furista dastuurka oo ay isku qabteen xukuumadda Deni iyo xubnaha mucaaradka ah.

Farmaajo oo bayaan kasoo saaray xaaladda DALKA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo bayaan cusub soo saaray ayaa guud ahaann dadka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda 26-ka June oo maanta ku beegan.

Farmaajo ayaa sheegay in 26 June ay tahay maalin qaran oo ku weyn xasuusta dadka Soomaaliyeed, isla-markaana ay muhiim u tahay gobanimada iyo midnimada dalka.

“Caawa oo kale, 26-ka Juun,  waxa ay xasuus wayn u tahay muhiimadda ay leedahay gobanimada, midnimada, wadaniyadda iyo sanad guurada ka soo wareegtay dharaartii xornimada Gobollada Woqooyi” ayuu warsaxaafadeedkiisa yiri madaxweyne Farmaajo.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Caawa waxay fursad u tahay malaayiinta Soomaaliyeed ee ku nool gobanimada iyo xornimada in ay u duceeyaan halgameyaashii ragga iyo dumarkaba lahaa ee inoo horseeday qarannimada, kuwaas oo ay ugu horreeyaan dhaq-dhaqaaqyadii dhallinyarada Soomaaliyeed ee u midoobey xoreynta dalka, iyaga oo ka fogaaday qabyaaladda iyo eexda.”

Madaxweynihii hore ee dalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sidoo kale baaq u diray shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna ugu baaqay inauy ka shaqeeyaan horumarka dalka.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay inuu xalka maanta ku jiro in la xoojiyp midnimada iyo wadajirka bulshada Soomaaliyeed,

“63 sano kaddib waxaa muuqata in dawada kaliya ee aynu ku dabiibi karno dhaawacyada curyaamiyey horumarka dalkeenna ay ku jirto in aan jidkaas dib u qaadno, xoojinno midnimada iyo wadajirka bulshad.” ayuu mar kale qoraalkiisa ku yiri Farmaajo.

Wuxuu qoraalkiisa kusoo xiray “Aniga oo rajaynaya in aynu weyneyno Toddobaadkan Xorriyadda ee caawa inoo bilowday, si aynu kor ugu qaadno wacyiga waddaniyadeed.

Soomaaliya ayaa ku jirta todobaadka xoriyadda, ayada oo xalay si weyn dalka looga dabaal-degay 26 June oo ah markii ay xoroobeen gobollada waqooyi ee dalka.

Sidoo kale waxaa haatan loo diyaargaroobayaa munaasanada kowda Luulyo oo iyana maalin kale oo qiimo badan, isla-markaana ay xoreebeen gobollada koonfuree ee dalka.

CALI JEYTE oo sheegtay in madaxweyne loo doortay

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan oo wareysi gaar ah siiyay VOA ayaa shaaca ka qaaday in doorasho gacan taag ah oo ka dhacday magaalada Beledweyne loogu doortay madaxweyne.

Cali Jeyte ayaa sheegay in reer Hiiraan ay tashadeen, isla-markaana ay sameysteen maamul ka madax bannaan HirShabelle, kaas oo la magac baxay “Hiiraan State” waxa uu tilmaamay inay go’aansadeen inay ka hoos baxaan HirShabelle, sida uu hadalka u dhigay.

“Dadkan waa dad bani’aadam ah waa dad Soomaaliyeed aragti ayay lee yihiin, aragtidooda ayay soo bandhigeen, marka waxay go’aansadeen inay dalladdaa ka hoos baxaan oo State kale sameystaan ayay go’aansadeen” ayuu yiri guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in isaga loo doortay madaxweyne, halka ku xigeenna loo doortay Axmed Inji oo horay usoo noqday guddoomiye ku xigeenkii amniga ee Hiiraan.

“Madaxweyne iyo ku xigeen waxaa loo doortay aniga iyo nin la yieraahdo Axmed Cismaan Cabdalle (Inji)” ayuu mar kale wareysiga ku yiri guddoomiye Cali Jeyte Cismaan.

Guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Hiiraan, Cali Jeyte oo hadalkiisa sii wata ayaa mar kale ka hadlay khilaafka kala dhexeeya madaxda HirShabelle, wuxuuna sheegay in uusan marnaba diyaar u aheyn inuu ka hoos shaqeeyo Cali Guudlaawe iyo Dabageed.

‘Aniga hal mid ayaan kuu caddeynayaa diyaar uma ihi inaan dad ka hoos shaqeeyo, haddii ay wax kasta dhacaan nimankan iyaga ah ewelbaa dhib ku qabay” ayuu sii raaciyay.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada weli xiisada kacsanaan ah ay ka taagan tahay gudaha magaalada Beledweyne, waxaana ku wada sugan guddoomiyaha lasoo magacaabay Cabdullaahi Axmed Maalin Sufuroow iyo Cali Jeyte oo ciidamo ku heysta magaaladaasi.

Guddoomiyaha cusub oo hadlay ayaa shaaca ka qaaday in xiisadda ka taagan gudaha magaalada Beledweyne ay salka ku hayso sharciga oo aan lagu dhaqmeyn, “Haddii sharciga lagu toosnanayo oo meesha wax uu dhigo la dhigayo ma timaadeen.”

Si kastaba, lama sida ay wax noqon doonaan, basle dhaq-dhaqaaqyadan ayaa saameyn ku yeeshay howlgalladii ka dhanka ahaa Al-Shabaab ee ka socday gobolka Hiiraan.

MUUSE BIIXI oo war lama filaan ah ka soo saaray dagaalka Laascaanood

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo xalay khudbad xasaasi ah ka jeediyay munaasabadda 26 June oo lagu qabtay magaalada Hargeysa ayaa si lama filaan ah uga hadlay dagaalka weli ka socda aagga Laascaanood.

Biixi ayaa shaaca ka qaaday in dhibaatada ka taagan Laascaanood laga soo abaabulay dibadda, isla-markaana halkaas laga geystay dil iyo dhaawac aan loo baahneyn.

“Maanta dhibaatada dibadda laga soo agaasimay ayaa ku dhacday reer Laascaanood, qax aan loo baahneyn ayaa la geliyay, dil aan loo baahneyn baa dhacay, dhaawacbaa dhacay, weli la’isku weydiin muxuu noogu dhacay?” ayuu khudbaddiisa ku yiri madaxweyne Biixi.

Madaxweynaha Somaliland ayaa sidoo kale tilmaamay in ciidankiisa aysan marnaba weerarin Laascaanood, balse markastaa lasoo weeraray, iyaguna ay is difaacayeen.

“Somaliland horay umay dilin, haddana kumay duulin waxaa dagaal dhacaayay maalin qura Somaliland weerar ma qaadin xabadna kumay horeyn, tu lagu soo riday oo daafacday mooyaanee, shalay iyo maantaa u dambeeyay madaafiic ayey nagu soo rideen” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Laascaanood ay ka dagaalamayaa ciidanka  gaarka ah ee Puntland iyo xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.

“Nimanka halkaa jooga ma’aha reer Laascaanood waa ciidankii Puntland, weliba kuwii ay tababareen dowladaha shisheeye ee magaca gaarka ah la baxay ee daganaa Boosaaso, waxa kale oo joogo oo nina aan ka qarsooneyn unugyo kamid ah Al-Shabaab iyo Argagixisada oo gudaha u galay Laascaanood” ayuu mar kale hadalkiisa sii raaciyay.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in Somaliland ay diyaar u tahay wada-hadal, isla-markaana ay ku baaqeyso nabad iyo xabad joojin.

“Waxaa ku baaqeynaa, nabad, wadadahadal xabad joojin wax taa dhaama garan meyno” ayuu khdubaddiisa kusoo gabageeyay madaxweynaha Somaliland.

Soomaaliya: Xorriyaddii dhulka ee shalay iyo midda nafta ee maanta

Muqdisho (Caasimada Online) – Kumanaan qof oo Soomaali ah ayaa xalay u dabaal-degay 63-aad guurada kasoo wareegatay maalinkii umadda Soomaaliyeed ee Waqooyiga (Somaliland) ka xorowday gumeystihii Ingiriiska.

26 June 1960-kii waxay ku suntan tahay curashadii Umad Soomaaliyeed oo dhulkooda u madax banaan oo ka adkaatay gumeystihii soo duulay ee reer Yurub, oo ka tashanaya aayahooda.

Muqdisho, Hargeysa iyo dalalka deriska ah ee Soomaalida wax ka degto ayaa xalay si weyn looga maamusay curashadii xorriyadda Soomaaliya.

26-kii June iyo afar cisho kadib 1-dii Luulyo oo Waqooyiga iyo Koonfurta xor noqdeen kadibna isku biireen waxay ku timid halgan dheer oo loogu jiray in dhulka Soomaaliyeed laga xoreeyo gumeystihii reer Yurub.

Markaas waxaa loo diriraayay dhulkeena nooga kaca. Xornimaddii dhulka waa lagu guuleystay wallow daruufaha siyaasadda iyo hab dhaqankii nidaamkii milatariga uu keenay in markale Soomaalida kala irdhowdo, balse weli waxaa muuqata fursad ah in boogahaasi la dhayi karo oo dib loo xajin karo midnimadii dalka.

Iyada oo 63 sano lago joogo xornimadii dhulka, ayaa dhinaca kale waxaa maanta dhul kale oo Soomaaliyeed ka taagan xornimo la’aan nafta ah.

Boqolaal kun oo Soomaali ah ayaa guryahoodii uga cararay koox yar oo la yiraahdo Al-Shabaab, oo halis ku ah nafta muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Kooxdan oo ah hal abuur ajnabi ayaa dishay tobanaan kun oo Soomaali ah 15-kii sano ee lasoo dhaafay. Sida ay guumeystaha ula socdeen dad Soomaaliyeed, kooxdan mashruuceeda dibadda laga keenay iyadana waxaa ku biiray dad Soomaali ah oo isugu jira kuwa ajnabiga la shaqeysta, kuwa caqiido ahaan loo qiyaanay iyo dhalinyaro duruufaha dhaqaalaha, shaqo la’aanta iyo jahliga looga faa’ideystay.

Muqdisho oo la sheegay inay ku nool yihiin in ka badan afar milyan oo qof, dadku si xor ah uma hadli karaan, qaarkood lacag baad ah ayay bixiyaan si ay isaga gooshaan 17-ka degmo, qofku ciddii uu doono lama ganacsan karo.

Dad ayaa guryahoodii kiro jaban lagu degay, iyaguna guryo ay amni ka dooneen ku degan lacag qaali ah. Shaqooyinka qaar ma qaban kartid, goobaha qaar kuma fiidsan kartid, mana u noolaan kartida sida aad adigu qorsheysatay sababta oo ah waxaa jirta koox naftaada u diidan xoriyadda waana Al-Shabaab.

Haddii Soomaalidii nooleyd qarniyadii 18-aad iyo 19-aad ay u dagaalameen xoriyadii dhulka, maanta waxaa dadka Soomaaliyeed ee nool la gudboon inay u dagaalamaan xoriyadda nafta oo ay iska dulqaadan kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab oo kumanaan ruux naftoodii dhaafisay, inbadan oo noolna u diidan inay si xor ah meeshay rabaan dalka uga noolaadaan, si xor ah u fikiraan oo si xor ahna u ganacsadaan.

Shalay dhulka maantana nafta!.

Sawirro: Halka laga soo rido hoobiyaha lagu weeraro XALANE oo la ogaaday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa ogaatay halkii laga soo tuuri jiray hoobiyeyaal sanadihii lasoo dhaafay oo dhan lagu garaaci jiray xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.

Markii ay ciidamada ammaanku ku guuleysteen inay ka hortagaan qaraxyadii iyo dilalkii qorsheysnaa ee Al-Shabaab ka fuli jireen Muqdisho, waxaa ku adkaatay inay hakiyaan weerarrada hoobiyaha loo adeegsado.

Kooxda Al-Shabaab ayaa inta badan hoobiyaha ku garaacda xerada Xalane oo safaaradaha caalamka ay degan yihiin oo ku taalla aagga garoonka diyaaradaha, madaxtooyada Soomaaliya iyo xaafadaha ka agdhow.

Ugu dambeyntii shalay ayuu fashilmay saldhigoodii hoobiyaha ay Muqdisho ku garaaci jireen, kadib markii ay dhowr gantaal ku soo tuureen xarunta Xalane, ciidamada ammaanka oo cabir ka qaatay halkii laga soo riday hoobiyihii shalay ayaa gudaha u galay gurigii saldhigga u ahaa kooxda.

Gurigaas oo ku yaalla deegaanka Garasbaaley oo koonfur ka xiga Muqdisho ayaa loogu tegay raadka kooxda weerarrada hoobiyaha u qaabilsan Al-Shabaab iyo dhowr gantaal oo weli aan qarxin, balse waxaa lagu guul-dareystay in lasoo qabto kooxdii.

Afhayeenka booliska Soomaaliya oo shir jaraa’id ku dhex qabtay gurigaas ayaa warbaahinta u soo bandhigay qalabkii ay Al-Shabaab weerarka ku fuli jireen, isagoo sheegay inay ku raad joogaan ragii joogay gurigaas oo ka baxsaday goobta inta aysan soo gaarin ciidamada ammaanka.

Hoobiyeyaasha oo laga maqlay degmooyinka qaar ee magaalada Muqdisho, ayaa waxaa isla markiiba ka howl-galay laamaha amaanka oo gaaray aaggii la rumeysnaa in laga soo tuuray, taasi waxay ciidanka u suurta-gelisay inay gurigaan helaan.

Sidoo kale ciidanka ayaa gacanta kusoo dhigay mobile-dii laga qarxinayay oo wata fiilooyinkooda, sida uu sheegay Afhayeenku waxaa gurigii la wareegtay dowladda, kaas oo gacanta dowladda ku jiri doona ilaa laga soo qabto raggii weerarrada ka soo dhex abaabuli jiray, sida uu Sadiiq Doodishe shirkiisa jaraa’id ku sheegay.

Weerarkii shalay ayaa qeyb ka noqonaya falalka amni darro ee mararka qaar ka dhaca magaalada caasimada ee Muqdisho, xilli dowladda federaalka ay kordhisay howl-gallada lagu sugayo amniga iyo kuwa lagula dagaalamayo Al-Shabaab ee ka socda caasimada Muqdisho.

Sawirro: XASAN oo ubax dhigay taallada Dhagaxtuur

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ubax dhigay taalada Dhagax-tuur, kaasi oo lagu maamuusayay halgamayaashii Soomaaliyeed ee naftoodii u horay halgankii dheeraa ee xorriyada dalka.

Qoraal kooban oo kasoo baxay Villa Somalia ayaa lagu shaaciyay in tallaabadan uu maanta qaaday madaxweynaha ay qeyb ka tahay weynaynta toddobaadka xorriyadda, midnimada iyo geesiyaashii naftooda u huray halgankii gobonnimo doonka dalkeen.

“Madxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo weynaynaya Todobaadka Xorriyadda, midnimada iyo geesiyaashii naftooda u huray halgankii gobonnimo doonka dalkeenna ayaa ubax dhigay Taallada Dhagaxtuur oo ka mid ah xusuusaha halgankii dadka Soomaaliyeed ay iskaga dulqaadeen heeryadii gumeysiga,” ayaa lagu yiri qoraalka Villa Somalia.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay ka hadlay munaasabadda loogu dabaal-dagayay xuska 26 June ayaa xusay qiimaha taariikhiga ah ee ay ka tarjumeyso maalintan oo ku suntan midnimo iyo Soomaalinimo.

Waxa uu sheegay in aan la inkiri karin dhibaatooyinka ay soo mareen dadka Soomaaliyeed iyo dhaawacyada gaaray midnimada, balse jiilasha maanta iyo barri ay hortaallo sidii ay uga dhabeyn lahaayeen riyada ku aaddan Soomaaliya xasilloon, heshiis ah, dadkeeduna ay ku mideysan yihiin, taas oo u baahan isu dhibrin iyo isu tanaasul.

“Dadka Soomaaliyeed waa in ay ka fakaraan boqol sano kaddib xornimada, Soomaaliya noocee ah ayaan u dabbaal dagi doonnaa?!. Soomaaliya qurxoon oo deggan oo ay na mahadiyaan kuwa u dabbaal degi doona ayaa la rabaa in aynu hirgelinno. Dadka waxa isku haynaya oo aan kala geynayn ayaa na hurran,” ayuu yiri madaxweyne Xasan.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyntiina waxa uu ku baaqay in la xoojiyo midnimada, si looga gudbo dhibaatooyinka kala xir-xiray Soomaalida, islamarkaana si dhab ah looga heshiiyo in aanay markale dib u dhicin wixii tabashadaas sababay.

R/W ku xigeenka DALKA: Gumeystihii hore mid lamid ah ayaa hadda ka jira dalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, Mudane Saalax Axmed Jaamac oo xalay ka qayb-galay munaasabadda 26 June ayaa ka hadlay arrimo ku aadan xaaladda guud ee dalka, maadaama loo dabaal-dagayo xoriyadda Soomaaliya.

Saalax ayaa shaaciyay in weli Soomaaliya ay la daala dhaceyso dhibaatooyin adag isla-markaana uu dalka ka jiro gumeysi lamid ah midkii hore, sida uu hadalka u dhigay.

“Waayihii markaa jiray ee gumeysi la dirirka ee la’isaga kicinayay ee dowladnimada lagu hirgeliyay waayo lamid ah ayaa la jira hadda” ayuu yiri ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka.

Sidoo kale waxa uu xusay in dalka uu leeyahay Al-Shabaab oo uu tilmaamay inay cadow ku yihiin dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya ayaa tilmaamay in loo baahan yahay sidii la’isaga dul qaaday gumeystihii hore in Al-Shabaab la’isaga dul-qaado.

“Cadow-beynu leenahay, dadkiina barakiciyay, leynaya, halis gelinaya. Raggii maalintaa u kacay say ugu kaceen oo dhexda u xidheen baa annaga nalaga rabaa” ayuu markale yiri.

Waxa kale oo uu sii raaciyay “Marka gumeysi cad in la’iska kiciyo maahee ee kan dadkii gumaadaya ee Diinteenii sheeganaya ee midankeenana leh isna waa in la’iska kiciyo”.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo dalka ay haatan ka socdaan howlgallo culus oo Al-Shabaab looga xoreynayo dalka oo dhan, kaas oo wajigiisa 1-aad guul weyn laga gaaray.

Si kastaba, wajiga labaad oo haatan bilaabanaya ayaa qorshuhu yahay in lagu gaaro Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, waxaana kusoo biiri doono ciidan ka socda dalalka dariska.

Daawo: Sufuroow oo ku dhawaaqay tallaabo ka dhan ah go’aankii CALI JEYTE

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Guddoomiyaha magacaaban ee gobolka Hiiraan Cabdullaahi Axmed Maalin Sufuroow ayaa ku dhawaaqay in uu furan yahay garoonka diyaaradaha ee Beledweyne, xilli guddoomiyihii hore ee Cali Jeyte uu amray in diyaaradaha rakaabka aysan kasoo degi karin.

Guddoomiye Surufoow ayaa sheegay in xiisadda ka taagan Beledweyne ay salka ku hayso sharciga oo aan lagu dhaqmeyn, “Haddii sharciga lagu toosnanayo oo meesha wax uu dhigo la dhigayo ma timaadeen.”

“Reer Hiiraan waxaa u sheegaya haddii aad aragto qof qeylinayo labo ayay mid tahay; Wax uusan laheyn ayuu raadinaya ama waxa ka maqan uusan aqoon. Marka waxaa leeyahay dadka walaalahay ah aan nidaamka ilaalino,” ayuu yiri guddoomiyaha magacaaban ee gobolka Hiiraan.

Waxa uu intaas sii raaciyay “Qofkii tegay si wanaagsan ha u tago, qofkii yimidna shacabkoow si wanaagsan u soo dhaweeya.”

Guddoomiyaha ayaa weerar ku qaaday Xildhibaannada heer federaal ee garab istaaga u muujiyay qorshaha Cali Jeyte oo ka horyimid xil ka qaadistii uu ku sameeyay madaxweynaha HiShabeelle Cali Guudlaawe.

Waxa uu ku dhaliilay masuuliyiintaas inay gabeen wixii loo igmaday ee dadka reer HirShabeelle u doorteen, “Waxa socda eaa wax shirko lagu yahay.”

“Oohinta Orgiga waa ka weyn tahay, waxaa jira Xildhibaano walaaladeen ah oo shaqadii aan u dirsanay ee shalay maamulka HirShabeelle in iyagu maraaan sababteeda ugu gudbay dowladda dhexe, haddana dhibaatada halkaan ka jira 80% iyaga masuuliyadooda iska leh.”

Guddoomiyaha magacaaban ayaa sidoo kale waxa uu si adag uga horyimid maamulka cusub ee Cali Jeyte uu ku dhawaaqay dhismihiisa ee Hiiraan State, isaga oo shacabka ugu baaqay inay la shaqeeyaan maamulka cusub iyo laamaha amniga.

Ugu dambeyntiina waxa uu meesha ka saaray xayiraada uu Cali Jeyte Cismaan kusoo rogay diyaaradaha rakaabka ee imaan jiray garoonka Beledweyne, islamarkaana uu furan yahay garoonka, sida uu sheegay.

“Garoonka waa furan yahay, shirka jaraa’id marka ka baxno waa cadeynayna inuu furan yahay. Shirkaddii ka qeyb qaata garoonka oo aan xidhneyn inuu u dhaqmo sidii uu xidhan yahay ayagana fiiro gaar ah ayaa u yeelaneyna.”

Waxa uu intaas kusii daray “Waxaa ceeb nagu ah in wax dhexdeena ah Hooyo ama Aabe xanuusan u diyaarad waayo ama uga soo dego meel 120KM u jirta, taasna ceeb waaye.”

Hadalkaan ayaa imanaya, xilli ay kasii dareyso xiisadda ka taagan magaalada Beledweyne, kadib tallaabo uu qaaday guddoomiyihii xilka laga qaaday ee gobolkaasi Cali Jeyte Cismaan.

Cali Jeyte ayaa soo saaray amar dhigaya in muddo afar maalin ah oo ka bilaabaneysay 24 bishan illaa 28 bishaan ay joojiyeen diyaaradihii rakaabka ee kasoo dagayey garoonka Beledweyne, ayada oo muddadaas la fasaxay diyaaradaha ATMIS, kuwa samafalka ee QM iyo kuwa sida Qaadka.

Si kastaba, HirShabelle ayaa haatan wajaheysa xaalad siyaasadeed oo ka dhalatay xilka qaadistii guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan iyo dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, lamana oga sida ay wax noqon doonaan.

Hoos ka daawo muuqaalka

Madaxweyne Xasan oo arrin xasaasi ah uga hadlay khudbaddii 26-ka June

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay khudbad ka jeediyey munaasabadda xuska sannad-guurada 63-aad ee markii calan Soomaaliyeed oo xor ah laga taagay dhul Soomaaliyeed, gaar ahaan gobollada Waqooyi ee dalka.

Madaxweyne Xasan ayaa xusay qiimaha taariikhiga ah ee ay ka tarjumeyso maalintan oo ku suntan midnimo iyo Soomaalinimo.

Waxa uu sheegay in aan la inkiri karin dhibaatooyinka ay soo mareen dadka Soomaaliyeed iyo dhaawacyada gaaray midnimada, balse jiilasha maanta iyo barri ay hortaallo sidii ay uga dhabeyn lahaayeen riyada ku aaddan Soomaaliya xasilloon, heshiis ah, dadkeeduna ay ku mideysan yihiin, taas oo u baahan isu dhibrin iyo isu tanaasul. 

“Dadka Soomaaliyeed waa in ay ka fakaraan boqol sano kaddib xornimada, Soomaaliya noocee ah ayaan u dabbaal dagi doonnaa?!. Soomaaliya qurxoon oo deggan oo ay na mahadiyaan kuwa u dabbaal degi doona ayaa la rabaa in aynu hirgelinno. Dadka waxa isku haynaya oo aan kala geynayn ayaa na hurran,” ayuu yiri madaxweyne Xasan. 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bogaadiyey xasilloonida iyo horumarka ay ku tallaabsadeen Gobollada Waqooyi, waxa uuna sheegay in ay ka dhiman yihiin waxbadan oo kale oo ay ku heli lahaayeen midnimada iyo dowladnimada Soomaaliyeed.

Waxa uu soo bandhigay sida ay uga go’an tahay in la dhammeystiro xal u helidda cabashadooda ku aaddan dowladnimada Soomaaliya.

Sidoo kale, Munaasabadda waxaa kalmado ku aaddan qiimaha midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed ka jeediyey, Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XJFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur, Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale, culimmo iyo waxgarad Soomaaliyeed.

Al-Shabaab oo shan qof ku gowracay gudaha Kenya kadibna shaacisay sababta

Lamu (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa shan qof oo shacab ah ku dilay dalka Kenya, oo qaarkood ay gowraceen sida ay sheegeen booliska Axaddii. 

Weerarka ayaa Sabtidii ka dhacay xaafadaha Juhudi iyo Salama ee gobolka Lamu ee ku dhow xuduudda, sida ay sheegeen goobjoogeyaal iyo booliska. 

“Shan qof ayaa la dilay. Dhibanayaasha qaarkood waa la gowracay,” ayey yiraahdeen dadka deegaanka. 

Mid ka mid ah dadka deegaanka oo lagu magacaabo Hassan Abdalla ayaa wakaaladda wararka AFP u sheegay “Haweenka guryahooda ayaa lagu xiray, raggana waxaa la amray inay soo baxaan, halkaasi oo gacmaha laga xiray kadibna la gowracay.”

Dadka la dilay waxaa ka mid ahaa arday dhigta dugsiga sare, sida uu sheegay Hassan, oo intaas ku daray in “dhammaan dadka la dilay cunaha laga jaray, qaarkoodna la gowracay.”

Ismaaciil Xasan oo isna dadka deegaanka ka mid ah ayaa sheegay in mintidiinta ay xadeen sahay cunto kahor inta aysan bixin ayaga oo rasaas kor u ridaya.

“Waxaan xoojinay amniga aagaas kadib weerarka,” waxaa sidaas yiri barasaabka Lamu Louis Rono.

Kooxda Al-Shabaab ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in weerarka ay ku dishay 6 qof oo Kenyan ah, kuna gubtay 10 baabuur. Al-Shabaab waxay sheegtay in weerarka uu jawaab u yahay xasuuqa ay ciidamada Kenya ka wadaan gudaha Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa toddobaadyadii dhowaa aad u xoojisay weerarada ay ka fuliso gobollada Kenya ee ku teedsan xuduudda Soomaaliya.

Bishan gudaheed, sideed sarkaal oo boolis Kenyan ah ayaa dhintay markii gaarigooda uu haleelay qarax ay dhulka ku aaseen Al-Shabaab, meel u dhow magaalada Gaarisa.

Kenya iyo Soomaaliya ayaa bishii tagtay isku raacay inay si aayar dib ugu furaan saddex bar oo ka mid xuduudda dhulka ee ay wadaagaan oo la xiray 2011 si wax looga qabto rabshadaha Al-Shabaab.

26-ka June: 63 sano kahor: Xeyle Sallaase iyo israacii Hargeysa iyo Muqdisho

63 sano ayaa laga joogaa 26 June 1960 oo ku beegan maalintii ay Xornimada ka qaateen Ingiriska gobolada Waqooyi ee Soomaaliya, sidoo kalena aheyd markii ugu horeysay ee calan Soomaaliyeed laga taago dhul Soomaaliyeed. munaasabadaasi waxaa iyadana xigtay kowdii Luulyo oo goboladii Koonfureed heeryadii gumeysigii Talyaaniga ka xoroobay iyo isku biiridii walaalahoodii Waqooyi, halkaasina ku abuurantay Jamhuuriyadii Soomaalia.

Waayahaasi adkaa ee lasoo maray 63 sano kahor, Guushii Israacii iyo Midowga Gobolada Waqooyi iyo Koonfur 1960-kii waxay niyad jab ku noqotay xiligaasi Gumeystihii Ingriiska oo markaasi dareemay wada jirka Soomaali ay dooneyso iney ku wada noolaadaan, waxaase Ingiriiska kasii darnaa Boqorkii Itoobiya ee Xeyle Sallaare oo markii uu maqlay Midowga Gobolada Waqooyi iyo Koonfur, beesha caalamka u muujiyay sida uu ugu xun yahay israaca labada Gobol.

Boqor Xeyle Sallaase kuma ekaan inuu ka xumaado kaliye israaca Muqdisho iyo Hargeysa wuxuu Midowgii Sofiyeeti iyo Mareykanka weydiistay taageero Milateri si uu uga gaashaanto halista ugu imaan karto Israaca Muqdisho iyo Hargeysa, wuxuuna ka dalbaday Xeyla Sallaase Mareykanka, Ingiriiska iyo Ruushka iney caqabad ku noqdaan israaca Labada Gobol.

Halgankaasi dheer ee loo soo maray iyo marxaladaha ay maleegeen Dowladdaha deriska iyo kuwa caalamka waxaa maanta horseedaya hadimadii Xeyla Sallaase oo kale mashruuca Federaalisimka ee lagu soo dhex tuuray Soomaalida, kuwa sida qaldana u adeegsanaaya oo ka biyo diidsan Soomaali mideysan awoodeedii leh, Laabtana ka jecel Gooni isu maamulka sida Somaliland.

Burburkii dawladnimadii Soomaaliya kadib, waxaa dalku uu soo maray marxalado kala duwan, burbur, hoggaamiye kooxeedyo, kooxo diineed iyo dowladdo jilicsan oo lugaha ay qabsadeen siyaasiyiin iyo maamul goboleedyo qabyaaladeysan ee magac ahaan badalay qabqablayaashii dagaalka iyo faragelinta shisheeyaha  iyo dalalka deriska.

Goboladii Waqooyi oo iyagana tashaday waxay ku dhawaaqeen inay yihiin dowlad madax bannaan oo 30 sano ay ku dhibtoonayaan aqoonsi aan ilaa weli u cadeyn inay helayaan.

Soomaaliya oo isla garatay in ay qaadato nidaamka Federalism-ka lagu soo dhex tuuray ee halbeeggana loogu dhigay maamul siyaasadeedka dalka ayaa wuxuu noqday mixno fidno ah ee la eeday. Asalkiisu wuxuu nooga yimid Shirkii Embagathi ee Meles Zenawi ku andacoonaayay inuu Soomaali halkaasi uga soo dhisay maamul federaal ah oo Ethiopia laga soo min guuriyay.

Soomaalida oo aan wax faham ah ugu bilaabnayn “Waa maxay Federalism, iyo what is Federal System” ayaa lagu yiri qaata isku maamula. Puntland oo ku andacoota inay tahay hooyadii Federaalka ayaa caqabada koowaad ee awood sheegashada iyo sida qaldan u fasiraneysay 14-kii sano lasoo dhaafay marna ku goodineysay inay tashan doonto.

Soomaaliyada maanta, waa kasoo kabaneysaa sidii hore, waxaa muuqato yadadiilo iyo horumar dhan walbo leh, waxaase aan la qaadan karin dastuurada qaldan ee maamulada habka qabiligi ku dhisan, arrimaha Federalismka iyo kala qeyb qeybsanaanta dowladda dhexe iyo maamulada qabiliga qaar ee Federalismka u arka xalkooda.

Ugu danbeyntii, 63 sano Soomaaliya oo xor ah, waxaa muuqata rajo aan horay u muuqan, inkastoo caqabada xiligaan jirta aanu dhihi karno amni darada ka imaaneysa kooxaha xagjirka dhiiga shacabka caadeystay inay daadiyaan iyo nidaamka musuqa ku dhisan ee weli dalka ka jira, balse dowladda bilowday inay la dirirto, waxaase muwaadinka Soomaaliyeed isweydiinayaa yaa la diriri doona madaxda sare ee musuqa ku macaashay?

Hambalyo 26- June iyo maalmaha Xorriyadda
Cali Muxiyaddiin Cali
Caasimada Online

Cracks in Kremlin: US eyes weakened Putin amid chaos

Moscow (Caasimada Online) – In an unprecedented event, Russian President Vladimir Putin faced a significant challenge to his authority as a mutiny led by Yevgeny Prigozhin, better known as Wagner fighters, unfolded on the country’s political stage.

This unexpected insurrection has raised serious questions about the stability of Putin’s regime and his capacity to manage internal and external pressures effectively.

United States Secretary of State Antony Blinken characterized the uprising as an “internal matter” for Putin.

Speaking on ABC’s “This Week” program, Blinken stated, “We’ve seen more cracks emerge in the Russian facade. It’s too soon to tell exactly where they go and when they get there. But certainly, we have all sorts of new questions that Putin is going to have to address in the weeks and months ahead.”

The Secretary of State noted that these events might affect Moscow’s military capabilities in Ukraine, where Russia is currently embroiled in a conflict.

Blinken emphasized that the U.S. focuses “resolutely and relentlessly on Ukraine,” aiming to ensure that the nation has the resources to “defend itself and take back territory that Russia seized.”

‘Russia’s eroding military capabilities’

Prigozhin, a former ally of Putin and an ex-convict has led some of the most brutal battles in Russia’s 16-month-long war in Ukraine.

Retired U.S. Air Force General Philip Breedlove, former head of U.S. European Command, posited that the recent turmoil points to a degradation of Russian capabilities.

Breedlove noted in an interview, “One of the outcomes, I believe, of the last 36 hours, maybe 48 hours, is that the institutions that we have long seen as being very secure in Russia are slowly unraveling.”

He added, “The whole institution of the military now, the appearance of what the Russian military is, is much diminished.”

Members of the U.S. Congress expressed the view that the recent chaos in Russia might indirectly benefit its neighbors, including Poland and the Baltic states.

Representative Don Bacon, a former U.S. Air Force general and House Armed Services Committee member, stated that a diminished Putin could serve as a boon for Russia’s neighbors such as Finland, Estonia, Latvia, Lithuania, and Poland.

Ukraine’s decisive counteroffensive

Meanwhile, the turmoil within Russia does not lessen the urgency for the U.S. to continue supporting Ukraine in its counteroffensive against Russian forces.

Senator Ben Cardin, a Democrat and member of the Senate Foreign Relations Committee, underscored this point by stating, “This is a critical time for Ukraine. This counteroffensive is going to be defining as to where we’re going to be in the next year or two.”

As more details about the mutiny and the resultant deal mediated by Belarusian President Alexander Lukashenko come to light, it’s clear that the ramifications of this episode will not disappear overnight.

As Secretary Blinken noted, “It may be that Putin didn’t want to debase himself to the level of negotiating directly with Prigozhin.”

This incident serves as a glaring indicator of the current pressure faced by Putin’s regime, and it’s a situation that will demand the world’s attention for weeks, if not months, to come.

Bloody massacre in Kenya: Al-Shabab strikes again

Lamu (Caasimada Online) – In the latest terror attack in eastern Kenya, Al-Shabab jihadists claimed the lives of five civilians, some of whom were tragically beheaded, reported a local witness and police source on Sunday.

The assault was launched on Saturday around 7:30 pm (1630 GMT) in the small villages of Juhudi and Salama in Lamu county, bordering Somalia.

“The victims had their throats slit, and others were gruesomely beheaded,” the source provided chilling details.

A resident, Hassan Abdul, painted a horrifying picture of the incident, revealing that “men were yanked out of their homes, while women were forcefully confined inside.”

The men were subsequently tied up and slaughtered in senseless violence.

The victims

Among the victims was a secondary school student, Abdul further disclosed. All the slain individuals met the same grisly fate – their throats were cut, and some beheaded, adding to the horror of the situation.

Following the violent carnage, the militants reportedly pilfered food supplies. They departed, firing their weapons into the air, stated another resident, Ismail Hussein.

Post the incident, security measures have been enhanced in the affected area, assured Lamu County Commissioner Louis Rono. “We have intensified security after the attack,” Rono said.

Long-standing insurgency

The Al-Shabab group, headquartered in Kenya’s eastern neighbor, Somalia, has led a bloody jihadist insurgency against the unstable Mogadishu government for over a decade and a half.

In 2011, Kenya deployed troops into Somalia to combat the Al-Qaeda-affiliated militants, significantly contributing to an African Union military operation against the group.

However, Kenya has borne the brunt of several revenge attacks, including a devastating siege at Nairobi’s Westgate mall in 2013, resulting in 67 casualties, and a 2015 assault on Garissa University, killing 148 people.

Despite a substantial offensive by pro-government forces and the African Union force, ATMIS, launched last August, Al-Shabab has sustained its deadly attacks within Somalia.

A region under siege

Lamu region, home to the famed Lamu Island beach destination, has been a frequent target of such attacks, typically conducted with roadside bombs.

Saturday’s gruesome killings unfolded near Mpeketoni, a town approximately 450 kilometers from Nairobi and 120 kilometers from the Somali border.

Previously, an attack, credited to Al-Shabab, in January 2022 resulted in six fatalities and multiple houses burned down in the same area.

A series of armed attacks 2014 led to almost 100 casualties in Mpeketoni and the surrounding Lamu County villages.

In a suspected Al-Shabab assault last June, an improvised explosive device claimed the lives of eight Kenyan police officers in the neighboring Garissa county.

Recently, Kenya and Somalia agreed to gradually reopen three land border points, initially closed in 2011 to thwart Al-Shabab’s violent activities.

Xogta afar masuul oo ka tirsan DF oo maanta maxkamad lasoo taagay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska xeer  ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa maanta maxkamadda gobolka Banaadir horgeeyay ilaa afar masuul oo loo soo xiray falal la xariira Musuq-maasuq iyo xatooyo xoolo dadweyne.

Afarta masuul ee maanta maxkamadda la hor geeyey ayaa ka howl-gelayey xafiisyo ku yaalla garoonka Aadan Cadde ee caasimadda Muqdisho, waxayna kala yihiin:

1 – Agaasimihii hore ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada XFS.

2 – Agaasimaha waaxda ajaanibta ee hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.

3 – Masuulkii xafiiska Fiiso bixinta ee hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.

4 – Maamulihii Bangiga Dhexe ee laanta garoonka Aadan Cadde.

Qoraal ka soo baxay xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa lagu yiri “Eedeysanayaashaan oo maanta la hor-geeyey maxkamadda gobolka Banaadir waxay u dirtay xabsi ku heyn ku meel gaar ah, si looga gungaaro kiiska lagu eedeynayo, kadibna maxkamadda loogu soo gudbiyo eeda loo heysto.”

Dowladda Soomaaliya ayaa wada olole xoog leh oo ay kula dagaalameyso musuq maasuqa, waxaana xabsiga la dhigay masuuliyiin badan oo ka tirsan hey’daha dowladda, balse u badan agaasimeyaal.

Maalmaha soo socda waxaa lagu wadaa in maxkamadda gobolka Banaadir ay ka soo hor muuqdaan xubno badan oo loo heysto musuq maasuq.

Dowladda madaxweyne Xasan Sheekh uu hoggaamiyo ayaa go’aan ku gaartay inay dalka ka ciribtirto musuqa, sida marar badan ay warbaahinta ka sheegeen Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha dalka.