Sawirro: XAMZA iyo Rooble oo si wadajir ah u booqday xarunta cusub ee xukuumada

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamza Cabdi Barre iyo Ra’iisul Wasaaraha xilka wareejinaya Maxamed Xuseen Rooble ayaa si wada jir ah maanta u kormeeray xarunta cusub ee xukuumadda iyo Ra’iisul Wasaaraha oo oo heer gabo-gabo ah maraya.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa waxaa kaloo ku wehliyay qaar ka mid ah Golaha Wasiirada Xukuumadda Xil gaarsiinta, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka, Safiirka Dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Taliyaha Ciidanka xoogga dhulka, Taliyaha Ciidanka Booliska Gobalka Banaadir, iyo Guddoomiyaha Degmada Warta Nabadda.

Waa booqashadii ugu horreysay uu Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya uu ku tago xarumaha dowladda tan iyo 25 Juun 2022-kii oo Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay siiyeen codka kalsoonida.

Xamza Cabdi Barre ayaa Ra’iisul Wasaaraha 21-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya loo magacaabay 15 Juun 2022-ka, waxaana lagu wadaa in uu xilka la wareegay saacadaha soo socda, si uu usoo dhiso Xukuumadda cusub.