Dagaal laga cabsi qabo in mar kale uu dhexmaro Galmudug iyo Puntland

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, ayaa sheegaya in halkaasi ay ka taagan tahay xiisad u dhexeysa maamulada Galmudug iyo Puntland.

Wararku waxa ay sheegayaan in xiisada ay tahay mid ka taagan Garoonka Diyaaradaha ee Gaalkacyo, kaasi oo dhawaan Puntland ay sheegtay in ay balaarineyso dhismaha Garoonka.

Xiisada u dhexeysa labada maamul ayaa sidoo kale ka dhalatay guryo ku yaalla dhanka Galmudug ee Magaalada Gaalkacyo kuwaa oo la burburiyay.

Maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa dhaqdhaqaaq kawada qeybo kamid ah magaalada Galkacyo,waxaana lasoo sheegayaa in xiisada ay gaartay meelxun.

Ciidamo ka kala tirsan labada maamul ayaa lagu arkayaa magaalada Gaalkacyo kuwaa oo xiisadooda ay tahay mid salka ku heysa Garoonka.

Ma jirto wax war ah oo kasoo kala baxay labada maamul oo ku aadan xiisada soo rogaal celisay ee Garoonka Gaalkacyo.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com