Ciidamo hubeysan oo la wareegay xarunta wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya ee Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka hadda ka imaanayo Magaalada Muqdisho ayaa sheegayo in ciidamo hubeysan ay la wareegeen xarunta Wasaaradda Gaashaan-dhigga ee Magaalada Muqdisho.

Ciidamadaan oo ka tirsan kuwa dowladda ayaa ah kuwa gadoodsan waxayna ka tirsan yihiin ciidamada Milatariga Soomaaliya.

Sida aan wararka ku heleyno Ciidamadan gadoodsan ayaa ah kuwa aad u badan oo wata gaadiidka dagaalka, waxa ayna xireen qeybo kamid ah laamiga Warshadaha gaar ahaan Wadooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa xarunta Wasaarada Gaashaandhiga.

Ciidamadan ayaa diiday in laga so baxo ama la galo xarunta Wasaarada Gaashaandhiga, waxa ayna ciidanka sheegeen in ay ka gadoodsan yihiin mushaarkooda aysan helin dhoor bil ayna doonayaan in ay helaan xaquuqda ka maqan.

Wixii warar ah ee kusoo kordha waan idinla soo socodsiin doonaa Inshaa Allah

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET