Madaxweyne ku xigeenkii Galmudug Carabey oo xilka laga qaaday (Akhriso tirada Codadka)

Cadaado (Caasimadda Online) – Wararka hadda naga soo gaarayo Magaalada Cadaado ee Xarunta Maamulka Galmudug ayaa sheegayo in xilkii laga qaaday Madaxweyne ku xigeenkii Galmudug  Maxamed Xaashi Carabey.

Sida noo xaqiijiyeen Illo wareedyo  ku sugan Cadaado waxaa shirka Baarlamaanka soo xaadiray 52 Xildhibaan, wuxuuna Madaxweyne Xaaf ka codsaday inay xilka ka qaadaan Madaxweyne ku xigeenkii Galmudug  Maxamed Xaashi Carabey.

Sida wararku sheegayaan lana sugayo in waraaq rasmi ah lasoo saaro, waxaana u codeeyey in xilka laga qaado madaxweyne ku xigeenka  49 Xildhibaan, 2 way ka aamuseen halka 1 Xildhibaana uu diiday in xilka laga qaado.

Waxaa codeyntaas ka horeysay mid kale oo xilka looga qaaday Guddoomiyihii Baarlamaanka Galmudug Casir, kadib markii ay u codeeyeen xil ka qaadistiisa dhammaan xildhibaanadii shirka soo xaadiray oo gaarayey 52 Xildhibaan sida ay xaqiijiyeen illo madax banaan.

Waxaana daqiiqadaha soo socdo idinla wadaagi doonaa waraaqaha iyo saxiixa Xildhibaanka xil ka qaadista sameeyey iyo sawiro.

Wa

….. Qoraalaa ku socdo