Xidhibaanadii ugu badnaa oo howlka baarlamanka Galmudug lagu xareeyey iyo xil ka qaadis dhici rabto

Muqdisho (Caasimadda Online) –  Wararka hadda naga soo gaarayo Magaalada Cadaado ee Xarunta Maamulka Galmudug ayaa xaqiijinayo in daqiiqadaha soo socdo lagu qaban doono howlka shirarka ee Baarlamaanka Galmudug kulan xilka looga qaadayo Madaxweyne ki xigeenka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo iyaga si cad uga hor imaaday badbaadinta Galmudug.

Wararka madaxa banaan ee hadda aan ka heleyno ayaa xaqiijinayo in ilaa 68 Xildhibaan ay isugu imaadeen howlka kuwaas oo u dulqaadan waayey duminta lagu hayo Maamulka Galmudug, waxaana la filayaa in daqiiqadah socdo si rasmi ah xilka looga qaado Madaxweyne ku xigeenka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka, waxaana halkaas looga yeeray saxaafadda guud ee ku sugan Cadaado.

Madaxweyne Xaaf oo kulamo kala gooni gooni ah la yeeshay Baarlamaanka Galmudug ayaa u sheegay inay Maanta gacantooda ku jirto jiritaanka Maamulka Galmudug, ayna muhiim tahay inay ka shaqeeyaan aayaha shacabka iyo jiilka soo socdo ee Galmudug.

Wuxuu sidoo kale ka codsaday markii uu soo hordhigay qodobo badan oo ay jabiyeen madaxweyne ku xigeenka iyo Guddoomiyaha Baarlamanaka oo ay ugu horeyso duminta Maamulkaas inay cod u qaadaan isla markaasna ay xilka ka qaadaan.

Xildhibaanada oo mid mid uga hadlay howlka hadda shirka ka bilaabanayo inay sheegeen inay diyaar u yihiin badbaadintaas maamulka Galmudug oo la doonayo in la dumiyo isla markaasna la iska hor keeno Beelaha Walaalaha ah ee ku midoobay.

Kulanka ayaa waxaa shir guddoomin doono guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Baarlamaanka Galmudug Xareed, sidoo kalana waxaa kulanka xaadir ku ah Golaha Wasiirada iyo Madaxweyne Galmudug ee dhexda u xirtay inuu Maamulka badbaadiyo.

Waxaa la sheegay inay xil ka qaadistaa goobjoog ka noqon doonaan Saxaafada kala duwan ee Galmudug ku sugan, gaar ahaan Caasimadda Cadaado.

Wixii warar ah ee kusoo kordha waan idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah daqiiqadaha soo socdo.