Sawirro: Axmed Madoobe oo ka dhoofay Kismaayo (Halkee ayuu u jiheestay?)

Kismaayo (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta ka dhoofay magaalada Kismaayo ee Xarunta maamulka Jubbaland.

Axmed Madoobe ayaa u ambabaxay magaalada London ee Cariga dalka Ingriiska waxaana la sheegay inuu sii mari doono magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya.

Axmed Madoobe ayaa inta uusan usii safrin magaalada London Dowlada Kenya warbixin kasiin doona Shirka London ee loo qabtay Soomaalida iyo qodobada ay la hortagi doonto Jubbaland Shirkaasi.

Axmed Madoobe ayaa inta uu kusii sugan yahay magaalada Nairobi dowlada Kenya la wadaagi doona Siyaasada kala dhexeyso iyo danahooda ku aadan in Somalia loo sameeyo ciidamo dhan 18Kun kuwaa oo la filaayo in la gaarsiiyo ilaa Xuduuda ay Kenya la wadaagto Somalia.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in Jubbaland ay xaq u leedahay in dowladaha saaxiibada la ah kala hadasho wixii maslaxad ugu jira Somalia, gaar ahaan Jubbaland.

Sidoo kale, Hogaamiyaha Puntland C/wali Gaas ayaa isna u ambabaxay magaalada London oo lagu wado inuu ka furmo shirka Soomaalida.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET