69 ruux oo ku geeriyootay gobolka Baay kadib markii…

Baydhabo (Caasimada Online) – Waxaa sii kordhaya tirada dadka u dhimanaya xanuuno ka jira deegaano hoostaga degmada Awdiinle ee gobolka Baay.

Ilaa 69 ruux ayaa cudurka Shuban biyoodka ugu geeriyootay deegaano hoostaga degmada Awdiinle ee gobolka Baay, waxaana dadka dhintay la sheegay inay caruur u badan yihiin.

Cabdulahi Maxamed Cumar oo ah guddoomiyaha degmada Awdiinle ee gobolka Baay, ayaa sheegay in dadka dhintay ay yihiin kuwo ku noolaa degmada uu masuulka ka yahay.

Wuxuu sheegay in 10 kamid ah dadkaasi dhintay ay geeriyoodeen shalay gelinkii dambe, inta badan dadka kalana ay geeriyoodeen saacadihii lasoo dhaafay.

Gudoomiyaha ayaa ka dalbaday dowladda Soomaaliya inay dadkaasi gaarsiiyo daawooyin ay isaga difaacaan qatarta in cudurkaan uu kusii faafo deegaano kale.

Tirada cudurkaan uu hadda hayo ayaa ka badan tirada u dhimatay, waxaana laga cabsanayaa in saacadaha soo socda ay intaasi ka badato tirada dhimashada.

Abaaro iyo xanuuno is biirsaday ayaa saameyn ku yeeshay sanadkaan kumanaan Soomaaliya, kuwaasi oo haatan u baahan wax ka qabasho deg deg ah.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
Caasimada@live.com