27.4 C
Mogadishu
Friday, June 19, 2026

Boqorka Malaysia: Waxaan ka baqayaa anniga oo aan tegin Somalia inaan dhinto

0

Kuala Lumpur (Caasimada Online) – Soomaaliya iyo Malaysia oo dhacda koonfur bari ee Aasiya ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir diblomaasiyadeed oo xoogan, iyada oo labada dal ay lee yihiin iskaashi dhinacyo kala duwan leh oo ay ugu muhiimsan tahay waxbarashada.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Kuala Lumpur, Abuukar Cabdi Cismaan (Mardaadi) oo xalay magaalada Muqdisho uga qayb-galay munaasabad lagu soo dhaweynayey ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa ka hadlay xiriirka labada wadan, wuxuuna sheegay shacabka iyo dowladda Malaysia ay aad u jecel yihiin Soomaaliya.

“Dowladda Malaysia aad ayey ula socotaa arrimaha Soomaaliya, weliba waxa ay u hayaan kalgaceel gaar ah wanaag, xushmad iyo qadarin gooni ah,” ayuu yiri danjire Mardaadi.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ay jeceyl yihiin in mar uun ay yimaadaan Soomaaliya “Waxaa marwalba niyadooda ay ku hayaan goormaan Somalia tageynaa?” ayuu raaciyey.

Safiirka Soomaaliya ee wadanka Malaysia ayaa sidoo kale ka sheekeeyey sheeko dhex-martay isaga iyo boqorka dalkaasi mar uu kala qayb-galay xaflad Afur ah.

“Habeen xaflad afur ah annaga oo wada joogno boqorka wuxuu ii sheegay aniga waayeel ayaan ahay cumri ayaan joogaa wuxuu yiri waxaan rabaa inta aan anniga xilka ka tegin, mise aan dhimanin inaan Soomaaliya mar tego, intaas ayey ka taagan yihiin madaxda Malaysia,” ayuu markale khudbaddiisa ku yiri Abuukar Cabdi Cismaan (Mardaadi).

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay danjiruhu in dowladda Malaysia ay aad Soomaaliya uga caawisay dhanka horumarinta waxbarashada, wuxuuna shaaca ka qaaday in arday lagu qiyaasay 8000 illaa 9000 inay kasoo qalinjabiyeen jaamacadaha ku yaalla wadankaasi.

Maxaa ka jira in 50 milyan oo dollar oo heysto askarta ku muqan dalka Eritrea?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Cabdikariin Cali Kaar oo la hadlayey Telefishinka Somali Cable ayaa ka jawaabay su’aalo dhowr ah oo ay weydiiyeen marti kala duwan oo lagu casuumay barnaamijkaas oo ah mid falan-qeyn ah.

Cabdikariin Cali ayaa wax laga weydiiyey dhalinyarada ku maqan Eritrea oo ay ka taagan tahay dood culus, maadaama ay soo baxeen warar sheegaya in loo heysto in $50 milyan.

Afhayeenka oo ka jawaabayey arrintaasi ayaa beeniyey, wuxuuna ku tilmaamay wararkaasi ay yihiin kuwa been abuur ah oo laga leeyahay dano siyaasadeed.

“Soomaaliya, Uganda ciidan ayaa loogu tababaray, oo Masar waa loogu tababaray, oo Sudan waa loogu tababaray, Turki waa lagu tababaray, xittaa Yurub saraakiil qaar loo qaaday way jiraan, Ameerika ragbaa loo qaaday, weli miyaad aragtay askari Soomaaliyeed oo la leeyahay lacag ayaa loo heystaa?” ayuu yiri afhayeenka madaxtooyada qaranka.

Sidoo kale wuuxu intaasi kusii daray “Waxaa waa iska huu-haa, waana hadal kuturakuteyn ah wax macna lehna ma’ahan,”.

Waxa kale oo uu shaaca ka qaaday in dhalinyaradaasi oo gaareyso 5000 askari dhawaan lagu celin doono dalka, isla-markaana ay ka qayb-qaadan doonaan dagaalka Al-Shabaab.

“Askartaas waa ciidan Soomaaliyeed way imaanayaan maanta maalin looga baahi badan yahay ma jirto, waxaaana rajeyneynaa inay ka qayb qaadan doonaan xoreynta dalka,”.

Hadalkaan ayaa kusoo aadaya kadib maalmo markii ay Muqdisho isku soo bax ku qabteen waalidiinta dhalay wiilashada loo qaaday dalka Eritrea, kuwaas oo madaxweynaha cusub ka dalbaday inuu ku caawiyo sidii ay u heli lahaayeen ilmahooda oo ka maqan dhowr sanno.

Maamulka Hoyga Xamar oo war culus ka soo saaray xiisada dhulka la isku heysto

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha dugsiyada Hoyga Xamar Cabdiraxmaan Yuusuf Maxamuud ayaa ka hadlay khilaafka ka taagan dhulka iskuulkaas ee ku yaalla degmada Hodan, gaar ahaan agagaar madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasin.

Guddoomiye Cabdiraxmaan ayaa shaaciyey magacyada labo ganacsade oo uu sheegay in dhulkaas ay ku heystaan, sidoo kale wuxuu sheegay inuu ku guul dareystay inuu la kulmo Madaxweyne Xasan Sheekh oo arrintaan uu kala hadli rabay.

Waxaa xusid mudan in dhulkaas ay leedahay wasaaradda waxbarashada Soomaaliya, balse waxaa hadda degan dugsiga Hoyga Xamar, wuxuuna guddoomiyaha dugsigaasi sheegayaa in Madaxweynaha uu la wadaagi doono Decomentyada dhulkaas.

Sidoo kale guddoomiyaha Hoyga Xamar ayaa sheegay in ganacsatada ku heysata dhulkaas ay hadda xusul duub ugu jiraan in warqado ay ka saxiixdaan masuuliyiinta wasaaradda waxbarashada Soomaaliya.

Khilaafka ka taagan dhulkaan ayaa mudo soo jiitamayey, wuxuuna soo cusboonaaday maalmo ka hor, iyadoo la sheegay in ciidamo hubeysan ay yimaadeen dhulkaas, in kastoo garabka kale ay beeniyeen inay ciidan keensadeen.

Hoos ka daawo guddoomiyaha dugsiyada Hoyga Xamar

Baarlamanka oo ansixiyay miisaaniyada sanadka 2022

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan wada-jir ah yeeshay ayaa ansixiyay miisaaniyadda Qaranka ee 2022-ka.

Xildhibaanada ayaa waxay 3-dii maalmood ee lasoo dhaafay dood adag ka yeesheen arrimaha la xiriira miisaaniyadda dowladda ee sanadkaan 2022-ka, taasi oo ay maanta Haa ugu codeeyen 204 Xildhibaan.

Wasiirka maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa maalmihii lasoo dhaafay hor tegay fadhiyo wada-jir ah oo labada aqal ee baarlamaanka oo ay su’aalo ku weydiiyeen.

Wasiir Beyle ayaa wajahay su’aalo adag oo ku saabsan hanaanka maaliyadeed ee dalka, kuwaas oo labadii maalmood ee lasoo dhaafay uga imaanayey xubnaha labada Aqal ee baarlamaanka.

Arrinta ugu weyn ee lagu heysto wasiirka maaliyadda waa xisaab xir la’aan jirtay tan iyo sanadkii 2018-kii iyo in wasiirku uu kala cadey la’yahay in deeqaha uu caalamku siiyo Soomaaliya ay deyn yihiin iyo in kale.

Miisaaniyadda dowladda ee sanadkaan 2022 ayaa gaaraysa adduun lacageed oo dhan 918.7 milyan oo dollar.

Meyd laga helay xeebta magaalada Muqdisho iyo faah-faahin kasoo baxeysa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxay meydka Wiil Dhalinyaro oo laga helay xeebta Kawaan Bari ee degmada Kaaraan, kaasi oo ay Baddu soo tuftay.

Meydkan wiilkan oo lagu magacaabi jiray Cali Cabdirisaaq Maxamuud oo in muddo ah la weysanaa ayaa la sheegay inay Baddu qaaday maalintii Talaadadii xili uu dabaal ku tegay xeebta Liido.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in meydka wiilkan saaka un lagu arkay xeebta, halkaasi oo ay gaareen ciidamada iyo ehelladiisa oo ayagu la wareegay meydka si ay u aastaan.

Wiilka Dhalinyarada ayaa waxaa si weyn u baadigoobayay qoyskiisa, ayaga oo ugu dambeyntii maanta meydkiisa laga helay xeebta.

TikTok oo halis ugu jirta inay suuqa ka baxdo kadib amar kasoo baxay Mareykanka

0

Washington (Caasimada Online) – Gudomiyaha guddiga Isgaarsiinta ee dalka Mareykanka ayaa ku amray shirkadaha Google iyo Apple inay aalada TikTok hawadooda ka saaraan sababo la xiriira amniga awgeed.

Amarkaan ayaa dhigaya in shirkadaha Google iyo Apple ugu dambeyn ay 8-da July ee sanadkaan fuliyaan, taasi oo horseed u noqoneysa hoos u dhac weyn oo ku yimaada TikTok oo xiligan haysta Balaayiin dad ah.

Apple iyo Google ayaa illaa hadda wax jawaab aan kasoo saarin amarkaan kasoo baxay dowladda Mareykanka, hase yeeshe warbixin ay soo saartay TikTok ayaa lagu sheegay in shirkadda aysan ka shaqeyn waxyaabo amniga halis ku ah.

“Sida shirkado badan oo caalami ah, TikTok waxay leedahay kooxo injineero ah oo adduunka ah, shirkadda waxay ilaalisaa xogta dadka isticmaala,” ayaa lagu yiri warbixinta ay isku difaaceyso.

Sidoo kale waxay shirkada TikTok ay ku tilmaamtay amarka uu dul dhigay Mareykanka shirkadaha Google iyo Apple ee ka dhanka ah in uu yahay marin habaabin aan sal iyo raad toona laheyn.

TikTok ayaa hore u wajaheysay xanibaadyo hor leh kadib markii ay waddamo badan ka mamnuuceen dalalkooda aalada TikTok, iyadoo la aaminsan yahay inay tahay qaab farsameysan oo xogta gaarka ah ah ee qofka (Personal Data) lagu ogaan karo.

Sacuudiga oo shaaciyey maalmaha Carafo iyo Ciidul Adxaa ee sanadka 2022

Riyadh (Caasimada Online) – Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa shaac ka qaaday in la arkay bisha Dul-Xijjah (Carafo), taasi oo ka dhiggan in la ogyahay maalinta ay ku beetgan tahay munaasabadda Ciidul Adxaa ee sanadka 2022.

Sacuudiga waxay sheegeen in bisha Carafo xalay laga arkay goobta loo yaqaan Tamirka ee dalka Sacuudiga, sidaasina ay maalinta Carafo ay ku beegan 8-da July oo Jimco ah, halka maalinta koowaad ee Ciidul Adxaa ay tahay Sabtida 9-ka July 2022.

Dhinaca kale dalalka islaamka ayaa bilaabay inay ku dhawaaqaan in la arkay bisha Dul-Xijjah iyo in kale iyo maalinta ay u bilaabaneyso Ciidul-Adxa.

Dalalka Malaysiya, Indonesia iyo Burunai ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inaan la arkin bisha Dul-Xijjah ee Carafa, iyadoo dalalkaasi ay Ciidul Adxaa u bilaabnaeyso Axada 10-ka July 2022.

Dalalka islaamka ee Carabta ah ayaa inta badan Sacuudiga ku raaca dhalashada Bilaha Dulxajj iyo Ramadaan, halka dalal kale ay si gaara u maamushaan aragtida billahaasi.

Bisha Carafo ayaa waxay kaga duwan tahay bilaha Ramadaan iyo Shawaal inaan la isku khilaafin, waxaana bilshada Carafo badanaa lagu raacaa dowladda Sacuudiga oo ka mas’uul ah goobaha barakeysan ee Xajka. 

Muuse Biixi oo cod u qaaday xeer doodiisa ay taagneyd

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Kulankii Golaha Wasiirrada Somaliland ee maanta oo uu shir-gudoominayey madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa lagaga dooday arrimo kala duwan oo ku wajahan xaaladda dalka iyo noloshada guud ee bulshada.

Golaha ayaa sidoo kale waxa uu gudo galay dood iyo falan-qayn uu mudooyinkii ugu dambeeyey ku waday qabyo qoraalka xeerka madax-dhaqameedka Jamhuuriyadda Somaliland oo hore loogu qaybiyey golaha, kaasi oo maanta si rasmi ah goluhu u ansixiyey.

Wasiirka arrimaha gudaha, Maxamed Kaahin ayaa dhankiisa sharraxay nuxurka xeerkani xambaarsan yahay, wuxuuna tilmaamay in xeerkani yahay mid looga gol leeyahay sidii loo abuuri lahaa fahan guud oo la xidhiidha maamuuska, xurmaynta iyo habdhaqanka qofka madax-dhaqameedka, dejinta nidaamka xilka iyo waajibaadka, shuruudaha iyo qaab-dhismeedka ay madaxda dhaqanku yeelanayaan, xil-gudashadoodana la waafajiyo Diinta Islaamka.

“Madaxweynaha ayaa dood iyo falan-qayn dheer kadib qabyo qoraalka xeerka madax-dhaqameedka cod u qaaday, waxana ay golaha wasiirradu ku meel-mariyeen cod aqlabiyad ah waxaana u codeeyey 33 xubnood halka ay ka aamuseen laba xubnood,” ayaa lagu yiri qoraal laga soo saaray kulankii Golaha Wasiirada.

Dhinaca kale, Wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda ahna guddoomiyaha guddida dhaqaalaha ee golaha, Dr. Sacad Cali Shire ayaa golaha uga warbixiyey kulamo maalmahanba u socda guddida dhaqaalaha oo wax lagaga qabanayo xaaladda dhaqaale ee Somaliland.

Waxa uu sheegay inay guddi ahaan tallaabooyin badan oo la xidhiidha yaraynta sicir-bararka iyo la dagaallanka abaaraha hore u qaadeen, islamarkaana ay kulamo badan la qaateen madaxda shirkadaha korontada dhaliya iyo shirkadaha kale ee saamaynta ku leh waxyaabaha daruuriyaadka u ah nolosha bulshada.

Sidoo kale Wasiirka wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland, Sheekh Cabdirisaaq Xuseen Cali (Albaani) ayaa isaguna golaha u sharraxay siyaasadda qaran ee diiwaanka zekeda oo maanta golaha loo qaybiyey.

Albaani ayaa ku dheeraaday sida ay siyaasaddani fure ugu tahay in dadka baahani ay helaan kaalmo joogto ah oo ay ku daboolaan baahiyahooda, loona midayn lahaa sekeda dalka oo dhan.

 

HIRSHABELLE oo tallaabo qaaday maanta, kadib…

0

Jowhar (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Booliska HirShabelle oo kaashanayaa saraakiisha milatariga ee ka howlgala deegaanada maamulkaas ayaa si wadajir ah howlgal uga sambeeyey gobolka Shabeelaha Dhexe, waxayna ku qaadeen isbaarooyin dhowr ah.

Howlgalka ayaa waxaa horkacayey guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Dhexe, Axmed Mayre Makaraan, waxaana sidoo kale qayb ka ahaa taliyaha Booliska HirShabelle, Xasan Dhicisow Xasan, taliyaha ururka 4-aad ee qaybta 27-aad ciidamada Xoogga Korneyl Saney iyo maamullada degnooyinka gobolka Shabeelaha Dhexe ee howlgallada laga sameeyey.

Howlgallada ayaa waxaa si gaar ah looga fuliyey degmooyinka dhaca dhanka xeebta, gaar ahaan Warsheekh, Cadale iyo Raage Ceelle oo ka wada tirsan gobolka Sh/Dhexe.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Mudane Axmed Mayre Makaraan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay qaadeen jidgooyooyinkii yiilay halkaasi, wuxuuna faray guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo ciidamada ammaanka inay sii adkeeyaan amniga.

“Waxaan rabnaa guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo saraakiisha ciidamada milatariga inta ku qoran ay iska xil-saaraan sida hadda loo soo nadiifiyey sidaas inay isaga xil-saaraan howshaasna ay u adkeeyaan,” ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobolka Sh/ Dhexe.

Dhankiisa guddoomiye ku xigeenka amniga ee maamulka degmada Warsheekh ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ka hadlay howlgalka, wuxuuna shaaciyey inay ku faraxsan yihiin in ka maamul ahaan wadada laga qaaday isbaarooyinkii lagu dhibaateyn jiray shacabka.

“Maanta, shalay iyo daraad waxaa ku jirnay howlgal lagu nadiifinaayo saddexda degmo ee gobolka Shabeelaha Dhexe ee xeebta ku taallo, sidaad ogtigiin deegaanadaan waxaa ku badatay tuugada iyo niman jidka kusoo booda marka Ilaahey Mahadiisa waayey howlgal wadajir ah ayaan sameyntay,” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka amniga ee Warsheekh.

Tallaabada ay qaaday HirShabelle ayaa jawaab u ah qaylo dhaan kasoo yeereysay shacabka ku dhaqan degmooyinka howlgallada laga sameeyey iyo dadka ku safra waddada marta xeebta, kuwaas oo ka cabanayey kooxo hubeysan oo isbaarooyin soo dhigtay wadadaasi.

Daawo: Maxay salka ku heysaa dooda dheeraatay ee miisaaniyadda dowladda?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa 3-dii maalmood ee lasoo dhaafay socotay dood ku saabsan akhrinta miisaaniyadda dowladda ee sanadkaan 2022-ka, waxaana muuqata inay daba dheeraatay doodaan.

Wasiirka maaliyadda XFS Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa labadii maalmood ee lasoo dhaafay hor tegay fadhiyo wadajir ah oo labada aqal ee baarlamaanka ay su’aalo ku weydiiyeen.

Wasiir Beyle ayaa wajahay su’aalo adag oo ku saabsan hanaanka maaliyadeed ee dalka, kuwaas oo labadii maalmood ee lasoo dhaafay uga imaanayey xubnaha labada Aqal ee baarlamaanka.

Arrinta ugu weyn ee lagu heysto wasiirka maaliyadda waa xisaab xir la’aan jirtay tan iyo sanadkii 2018-kii iyo in wasiirku uu kala cadey la’yahay in deeqaha uu caalamku siiyo Soomaaliya ay deyn yihiin iyo in kale.

Wasiir Beyle oo wajahay su’aalo badan ayaa muujiyey is difaac, waxaana su’aalaha ku soo noq-nqoday ka mid ahaa mashaariicda laga hir-geliyo gobollada dalka iyo hanaanka loo qeybiyo oo saluug ay ka muujiyeen xildhibaano badan.

Senator Cabdixakiin Macalin Axmed oo ahaa xoghayihii guddiga maaliyadda ee baarlamaankii 10-aad ayaa sheegay in aysan suurta-gal ajeyn in la ansixiyo miisaaniyadaan, iyadoo aan la cadeyn sababta baarlamaanka loo hor keeni waayey xisaab xirka miisaaniyadda 4-tii sano ee lasoo dhaafay.

Senator Cabdixakiin oo wareysi arrintaan ku saabsan siiyey TV-ga Somali Cable ayaa sidoo kale wax laga weydiiyey sawir aad ugu baahay baraha bulshada oo muujinaya xildhibaanada oo si isku mid ah dhafoorada u heysta, wuxuuna ku macneeyey in mowduuca laga hadlaayey ee miisaaniyadda uu yahay mid xasaasi ah.

Hoos ka daawo

Daawo: Yaasiin Farey oo BF ka hor sheegay in dhaqaale badan laga jartay NISA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Yaasiin Farey oo Agaasime ku meel gaar ah ka soo noqday hey’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka ee NISA ayaa maanta baarlamaanka ka hor sheegay in hey’adaas aysan miisaaniyad ku filan ku laheyn dowladda.

Yaasiin Farey oo su’aal weydiinayey wasiirka maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in labadii sano ee u dambeysay ay hoos u dhacday miisaaniyadda hey’adaas ay ka hesho wasaaradda maaliyadda.

“Hey’adda NISA sanadkii hore iyo sanadkaan miisaaniyadda ku baxda hoos ayey u dhacday, maxay tahay sababtu wasiir, ma waxaa jirta cadaawad gaar ah oo NISA loo qaaday, mise hey’adda ayaan muhiim aheyn?” ayuu yiri Xildhibaan Yaasiin Farey.

Sidoo kale wuxuu sheegay in guud ahaan miisaaniyadda ku baxda hey’adaha ka shaqeeya ammaanka dalka ay aad uga yartahay markii loo eego hey’adaha kale.

“Lacag ka badan hal milyan oo dollar ayaa laga reebay miisaaniyadda ay ku shaqeyso hey’adda NISA, maxay ku timid arrintaas? faahfaahinteeda ayaan ka rabnaa wasiirka maaliyadda,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Yaasiin Farey.

Ugu dambeyntii xildhibaanka ayaa soo jeediyey in miisaaniyada sanadkaan aan lagu ansixin sida loo qorsheeyey, maadaama aysan muhiimad gaar ah siineyn la dagaalanka cadowga iyo gurmadka abaaraha oo ah baahiyaha ugu badan ee dalkeenna ka jira.

Hoos ka daawo

Sawirro: Xasan oo warbixin kasoo saaray xaaladdiisa caafimaad iyo arrimo kale

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu weheliyo Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamse Cabdi Barre ayaa u jeediyey shacabka Soomaaliyeed farriin ku saabsan xaaladda caafimaad ee Madaxweynaha.

Xasan Sheekh ayaa ugu horeyn umadda Soomaaliyeed uga mahad-celiyey ducada iyo dareenka ay u muujiyeen muddadii uu u hoggaansanaa habraaca iyo talooyinka bahda caafimaadka ee COVID-19.

Madaxweynaha ayaa sheegay in baaritaannada caafimaad ee la xiriira COVID-19 ee laga qaaday ay muujinayaan in laga waayey, sidaas awgeedna uu dib u fariisan doono xafiiska, si uu u dardar geliyo shaqada qaranka.

“Muddo 5 maalmood ah oo aan u hoggaansanaa habraacyada iyo talooyinka bahda caafimaadka ee la xiriira COVID-19, waxaan shalay iyo maantaba maray baaritaankii ugu danbeeyey, kaas oo natiijadiisu ay noqotay in la iga waayey COVID-19, sidaas awgeedna, waxaan dib ugu howlgalayaa xafiiska, si aan u sii dardar geliyo shaqadii qaran ee aad ii wakiilateyn,” ayaa yiri Madaxweynuhu.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadaha todobaadka xorriyadda dalkeenna, wuxuuna ku boorriyey in ay dhexda u xirtaan sidii ay u samata-bixin lahaayeen dadkeenna dhibaateysan oo ay abaaruhu sameeyeen.

“Waxaan mar kale ugu hambalyeynayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed todobaadka xorriyadda oo aynu ku guda jirno, anigoo ka codsanaya in ay is caawiyaan, si gaar ahna u xoojiyaan gacansiinta iyo taakuleynta dadkeenna ku dhibaateysan abaaraha,” ayuu yiri.

Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu hambalyeeyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre kalsoonida uu ka helay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo in uu la wareegay xilka Ra’iisul wasaarennimo, waxayna wadajir u kormeereyn Madaxtooyada qaranka, gaar ahaan qeybaha jimicsiga iyo beeraha.

Xujeydii SOMALILAND oo xeelad cusub ku dhoofay kadib diidmadii maamulka

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Xujeydii sanadkaan ee Somaliland ayaa markii u horeysay ka dhoofay garoomada magaalooyinka Jigjiga iyo Garoowe, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Xujeydaan ayaa ka safray gudaha Somaliland maadama ay xukuumadda ka biyo diiday tiradii loo qoondeeyay ee xajka sanadkaan, ayada oo go’aan ku gaartay haddii aan wax laga badalin aysan dadkeeda soo xajin doonin.

Horaanta bishaan ayey aheyd markii ay xukuumadda Somaliland si adag uga hortimid tirada ay dowladda federaalka u qorsheysay inay kasoo xajiyaan deegaanadeeda, taasi oo dhan 350.

” Shirkadaha iyo shirkadaha ka shaqeeya arrimaha xajku, waxa ay si buuxda u taageereen go’aanka xukuumadda ee ah in aanay sinnaba suuro gal u ahayn oo aan la aqbali karin tiradaasi kooban,” ayaa lagu yiri bayaan 1-dii bishaan kasoo baxay kulan ay yeesheen madaxweyne kuxigeenka Somaliland, culimada iyo qaar kamid ah shirkadaha ka shaqeeya arrimaha xajka.

Sidoo kale waxaa xiligaas bayaankaas lagu yiri “Haddii arrintan si degdeg ah xal looga gaadhi waayo, waxa ay keeni doontaa in dadkayagu aanay xajin sanadka.”

Somaliland ayaa ku dooday in arrimaha Xajka ay siyaasadeysay dowladda federaalka, inkasta oo Wasaarada Diinta iyo Awqaafta uu ku dooday in si wanaagsan loo maamulay qeybinta qoondada ay Soomaaliya ka heshay dowladda Sacuudiga.

Si kastaba, Xujeydii Somaliland ee sanadkaan ayaa iskood u go’aansaday inay ka dhoofaan deegaano kale oo ay u galeen safaro dheer, taasi oo ay horseed u tahay cadaadiska xukuumadda iyo xifaaltanka kala dhaxeeya dowladda federaalka.

Beel ka goosatay Koonfur Galbeed oo soo bandhigtay ciidan hubeysan + Ujeedka

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Beesha reer Waasato oo degta degmada Ceel Barde ayaa ku dhawaaqday inay gebi ahaan xiriirka u jartay dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ay ku eedeysay inay uga maqan tahay xuquuq ay ku leeyihiin maamulka.

Nabadoon Axmed Loxos Maxamuud (Yoobbe) oo wareysi siiyey Telefishinka Universal ayaa faah faahin ka bixiyey waxyaabaha ay isku hayaan iyaga iyo maamulka Lafta Gareen.

Axmed Yoobbe ayaa ku eedeeyey in Koonfur Galbeed ay caqabado fara badan ay tirsanayaan shacabka ku dhaqan degmada Ceel Barde ee gobolka Bakool.

“Waxaa keenay inay Koonfur Galbeed degmada Ceel Barde xiriirka u jartay waxaa weeye caqabado badan oo kaga yimid Koonfur Galbeed,” ayuu yiri Nabadoonku.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in halkii wasiir ee ay ku lahaayeen maamulka Koonfur Galbeed inuu u wareejiyey beel kale, sida uu ku dooday Nabadoonka.

“Waxaa ka mid ah kow maamulkii oo yimid Cabdicasiis Lafta Gareen wuxuu sameeyey halkii kursi ee wasiirka aan ku laheyn koonfur Galbeed wuxuu u wareejiyey beel ka mid ah beelaha daga Bakool” ayuu ku yiri wareysiga Nabadoon Axmed Loxos Maxamuud (Yoobbe).

Waxa kale oo uu intaasi raaciyey “Wuxuu ku kacay in uu sameeyo inuu kala tashado degmada Ceel Barde dad aan u dhalanin, kolkey caqabadaas imaaday oo markii horeba aan waxba ku heysanin haddane uu kala diray maamulkii degmada waxaas oo dhibaato ah annaga oo qabna ayuu halkii kursi ee an ku laheyn dowladda dhexe ayuu beel kale siiyey,”.

Nabadoonka oo hadalkiis sii wata ayaa carabka ku adkeeyey inay u dagaalami doonaan xuquuqdooda, wuxuuna ka warbixiyey ciidamo ay ku soo bandhigeen Ceel Barde, kuwaas oo uu tilmaamay inay dhisatay beesha, si ay isugu difaacdo, haddii lasoo weeraro.

“Ciidaankaas waxaa u baahan deegaanka, kolka ay Koonfur Galbeed dhibka qul-qulata ay ku heyso degmada Ceel Barde iyo nawaaxigeeda la’arkay ayaa waxaa ka tashaday deegaanka Ummadda deggan, waana ciidan loogu magac daray (Caano ka dhan),”

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in aysan wax wada-hadal ah la geli doonin Koonfur Galbeed, illaa ay arrintooda kasoo fara-gelineyso dowladda federaalka Soomaaliya.

Wasiir Beyle oo faahfaahiyey deyn ay DF Soomaaliya ka qaadatay hay’adda IMF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo ah sii-hayaha wasiirka maaliyadda Soomaaliya ayaa maalintii labaad oo xiriir ah hortegay xildhibaanada labada Gole oo baarlamaanka oo ka doodaya miisaaniyadda 2022 iyo xisaab xirka 2017-kii illaa 2021-kii

Bayle oo su’aallo adag ay weydiiyeen qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyey lacag ay dowladda federaalka kasoo deynsatay IMF, 2021-kii, taas oo shaki weyn laga muujiyey waxa ay tahay iyo qaabka loo maareeyey.

Wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa qiray in lacagtaas ay isugu jirto deyn iyo deeq sida uu hadalka u dhigay.

“Lacagta SDR si ay deyn u noqoto shuruud ayey leedahay, haddii aysan waqti lagu bixiyo laheyn waa Grant, waxa u dhexeeya labadaas ayaa jira. SDR waa lacag loogu-talagalay markii ay dalalku qilqiil galaan waa markii labaad oo IMF ay lacagtaasi bixineyso, markii aad hesho lacagtaas ayaa la bixiyaa,” ayuu yiri wasiirka wasaaradda maaliyadda Somalia.

Sidoo kale wuxuu raaciyey “Bishii August 2021 ayaa lacagtaas la qaybiyey dalku xaggee joogay markaas, xaggee xildhibaano joogeen? dalkan in la badbaadiyo ayaa lagu talagalay”

Wasiir Bayle ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inuu diyaar u yahay xisaab celinta lacagtaasi, uuna caddeymaheeda horkeenayo baarlamaanka Soomaaliyeed.

“Baarlamaanka hala geeyo waxaan diyaar u nahay xisaab celinteeda, annigu lacagtaas ma oran marna waa Grant ,” ayuu markale yiri wasiirku.

Inta badan xildhibaanada madasha ka hadlay ayaa ku cel-celinayey in wasiirku aysan caddeyn jawaabihiisa, ayna dalbanayaan inuu sugo, maadaama ay tahay xisaab.

Si kastaba, Bayle ayaa wajahaya tuhuno la xiriira mad-madow badan oo ka jira xisaab-xirka dowladda, isaga oo diiday inuu xortago xeer ilaalinta qaranka oo Isniintii u yeertay.

Daawo: R/W Xamza oo balan-qaad cajiib ah u sameeyey Maxamed Xuseen Rooble

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo shalay si rasmi ah xilkiisa ula wareegay ayaa aad ugu mahad celiyey Ra’iisul Wasaarihii xafiiska ku wareejiyey Maxamed Xuseen Rooble, isagoo u balan qaaday in taariikhdiisu aysan duugoobi doonin, inta uu joogo xukunka.

Wuxuu sheegay inuu ahaa nin dadaal iyo Alle beri dalkaan uga soo samata bixiyey xaalad quus ah oo niyad jab badan ku abuurtay dadka Soomaaliyeed, “Wuxuu Rooble dalka ka soo gudbiyey marxalad xusuus ku reebtay cidii ka naxeysa dalkaan, waxaan xusuusanaa sidii ay dadkeenu u niyad jabeen iyo halistii ay gashay Soomaaliya,” ayuu yiri Xamse Cabdi Barre.

Sidoo kale wuxuu sheegay in dadka Soomaaliyeed aysan xusuus badneyn, “Kii dadka laayey iyo kii samata bixiyey bilo kadib isku mid ayey noqdaan, aduunkana sidaasi kama jirtee qiimeyn gaar ah ayuu qof walba yeeshaa,” ayuu yiri.

Xamse ayaa Rooble ugu lab qaboojiyey in markaan uu rajeynayo in hadda kadib ay xusuusta dadka Soomaaliyeed dheeraa doonto, isala markaana ay xukuumadiisa ka qeyb qaada doonto in aan la ilaabin wanaagii iyo samata bixintii uu dalka u hor seeday.

“Waxaan balan qaadeynaa inta xukuumadaani jirto inaan dadka ku xusuusino marar badan, siyaabo kala duwan ayaan dadka kuu soo hor istaaji doonaa, waxaana kaa xusi doonaa munaasabado kala duwan, aadna waan kuugu mahad celinayaa,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo xafladii xil wareejinta khudbad ka jeediyey.

Hoos ka daawo khudbadii oo dhameystiran

 

Khadiija Al-Makhsuumi oo shaacisay dhibaatooyin haysta safaaradaha DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Khadiijo Maxamed Al-Makhsuumi oo hore u aheyd safiirka Soomaaliya ee Pakistan ayaa markii u horeysay shaacisay in safaaradaha dibedda ee Soomaaliya ay wajahayaan dhibaatooyin ay kow ka tahay dhaqaalo xumo baahsan.

Xildhibaanada ayaa sheegtay in dhaqaalaha miisaaniyada ugu jira safaaradaha dibadda ee Soomaaliya aysan siday tahay u gaarin, ayada oo wasiirka ka dalbatay kulankii baarlamaanka in uu cadeeyo sababaha ay u fuli weyday.

“Safaaradaha culeyska haysta waa mid la dareemi karo oo intaas sanadooda ay ku jiraan. Waxaa raba in aad dareentan safaaradaha wadamada ajnabi jooga ee lacagtaas soo galin daruufahee ku noolan karaan,” ayey tiri.

“Haddii aan la siin karin lacagtaas waa in Wasiir u cadeysa baarlamaanka, safaaradaha iyo madaxweynaha arrimahaas dhibaatada taagan.”

Dhinaca kale, Xildhibaanad Khadiijo ayaa dalbatay in Wasiirka Maaliyada uu 6-dii bilood halmar hor-yimaado Baarlamaanka si loo kor joogteyo in sideeda u fusho miisaaniyada ay ansixiyaan.

“Wasaaradda Maaliyada waxay u baahan tahay in lix bilood kasta in lala hadlo sidii wax u qabsadeen iyo sida wax loo bixiyo la ogaado oo halkan keenaan lix bilood kasta.”

Ugu dambeyntiina waxay dalbatay in guddi loo saaro si ay ula socdaan culeysyada haysta wasaaradaha dowladda federaalka iyo in sidii loogu tala-galay u gaaran dhaqaalaha ugu jira miisaaniyada.

DF oo JAWAAB ka bixisay eedayn uga timid Somaliland

0

Muqdisho ( Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa jawaab deg deg ah ka bixisay eedeyntii uu timid maamulka Somaliland oo aheyd in dowladda Somaaliya ay isku darsatay tiradii xujayda Somaliland ay xaqa u lahayd iyo toodiiba.

Wasiirka diinta iyo awqaafta Somaliland ayaa sidoo kale sheegay in sanadkaan aysan shacabka Somaliland qeyb ka ahayn dadka xajinaya sababo la xiriira arrintaas.

Wasiirka Diinta iyo Aawqaafta ee soomaaliya Cumar Cali Rooble oo edayntaasi ka jawaabayay ayaa sheegay in arrinta xajka aan la siyaasadeyn isla markaana aan lagu qaybsan hab ku saabsan qabiil iyo maamaul goballeed Intaba.

Wasiirka oo la hadlay BBC-da waxaa uu sheegay in sanadkaan xajkaan si wanaagsan ay u maamushay, isla markaana loo xilsaaray guddi qeybinayay, iyada oo aan loo fiirin arrimo qabiil 5,206 Ruux oo Soomaaliya ay ka heshay Sacuudiga.

Sidoo kale wuxuu hadalkiisa uu intaasi ku daray wasiirka in uu la xiriiray Madaxweyne kuxigeenka Somaliland uuna u sheeay in aysan jirin qoondo la xiriirta xajka oo loo qeybiyay qabiil ama maamul Goboleed.

Ugu dambeyn Wasiirka waxaa uu sheegay in qaar kamid ah Shirkadaha uu la xiriiray, isla markaana uu ka codsaday in ay ugyaraan degaannada Somaliland ka qaadaan ilaa 800 oo Ruux, balse Xukuumadda Somaaliland ay diiday.

Maamulka Puntland ayaa horay u diiday tirada u degaannadaas looa qadayo Xajka, iyaga oo ku eedeeyay dowladda Soomaaliya inay ku tagri fashay qoondadii Xajka ee loogu talay.

Sanadkaan ayaa Soomaaliya waxaa la siiyey 5 kun oo Xaaji sababo la xiriira cudurka COVD19 oo loo yareeyey tirada guud ee sanad kasta xajin jirtay taasoo keentay in la isku qabsado qaabka loo qeybsanayo tirada yar ee dowladda Soomaaliya la siiyey.

Xamza oo si rasmi ah uga shaqo billaabay xafiiskiisa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa maanta si rasmi ah ugu shaqo bilaabay xafiiskiisa oo ku yaala gudaha Madaxtooyada, kadib markii uu shalay xilka kala la wareegay.

Xamza ayaa isla maanta kulamo la yeeshay maamulka, Agaasimeyaasha waaxyaha kala duwan ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo hogaannada tiirarka mudnaanta u leh qorshaha xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaaraha ayaa mas’uuliiyiinta Xafiiska ee uu kulamada la qaatay uga mahad-celiyay shaqada wanaagsan ee ay qaranka u hayaan, isagoo ku boorriyay in ay sii laba jibaaraan shaqadooda.

Sidoo kale waxa uu Ra’iisul wasaaraha kormeeray qeybaha iyo waaxyaha kala duwan ee xafiiska, isagoo warbixino ka dhageystay agaasimeyaasha iyo howl-wadeennada qaarkood.

Xamza oo xilka loo magacaabay 15-kii bishaan ayaa wixii xiligaas ka dambeeyay uu bilaabay wada-tashiyo ku aadan sidii uu usoo magacaabi lahaa Golihiisa Wasiirada, oo ay doonayaan inay kasoo muuqdan siyaasiyiin xilal haya iyo kuwo horay u soo qabtay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxa horyaalla fulinta ballan-qaadyadiisa iyo shaqooyin dhowr ah oo u baahan in wax lag qabto, sida hagaajinta xiriirka Arrimaha Dibadda, Amniga, Shaqaaleynta dhalinyarada iyo arrimo kale oo muhiim u ah dowladnimada Soomaaliya.

Si kastaba, Waxaa lagu wada in maalmaha soo socda uu Xamza kulamo la qaadan doono saamileyda siyaasadeed ee dalka, ka hor inta uusan soo magacaabin Golahiisa Wasiirada.

Ciidamada Sudan oo weerar culus ku qaaday Ethiopia iyo deegaano ay qabsadeen

Khartoum (Caasimada Online) – Ciidamada Sudan ayaa weerar culus ku qaaday ciidamada Ethiopia ee ku sugan xuduudda, xilli ay xiisad xooggan ka dhex-qaraxday labada dal. 

Weerarka ayaa yimid kadib markii la dilay toddoba askari oo reer Sudan ah oo ay qabteen ciidamada Ethiopia 22-kii June, islamarkaana meydadkooda lasoo dhigay waddooyinka ayada oo sawirradooda la wareejinayey baraha bulshada. 

Ethiopia ayaa Isniintii beenisay eedeymaha Sudan ee ah inay qabteen islamarkaana dileen toddoba askari oo Sudanese ah iyo dad shacab ah, waxayna dilka ku eedeysay maleeshiyo deegaanka ku sugan. 

Taliyaha ciidamada Sudan Abdel Fattah al-Burhan ayaa horey u ballan-qaaday inay ka aargudan doonaan weerarka Al-Fashaga. 

Ciidamada Sudan ayaa gantaallo culus ku garaacay xuduudda, balse lama soo werin wax khasaare ah, sida uu sheegay Assefa Ashege, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan maamulka gobolka Amhara ee Ethiopia.

Waxay awood u yeesheen inay qabsadaan deegaanada Jabal Kala al-Laban, Barkhat, Tesfai Adawi iyo al-Fashaga, sida uu sheegay sarkaal Sudanese ah. Waxa uu intaas ku daray in sidoo kale ay qabteen dhowr askari oo Ethiopian ah. 

Laba ilo-wareed oo ku sugan deegaanka ayaa wakaaladda wararka Reuters u sheegay in ciidamada Sudan ay la wareegeen maamulka deegaanka Jabal Kala al-Laban, islamarkaana ay burburiyeen saldhig militari oo halkaas ku yaalla. Ma cadda haddii saldhigga ay leeyihiin ciidamada Ethiopia ama maleeshiyo.

Ilo-wareedyo ka tirsan dowladda Sudan ayaa sheegay inay cabasho rasmi ah u gudbisay Golaha Ammaanka QM oo ku saabsan dilkan.  

Muranka ka taagan deegaanka al-Fashqa, oo ka tirsan xuduudadaha caalamiga ah ee la aqoonsan yahay ee Sudan balse ay degan yihiin beeraley Ethiopian ah, ayaa xoogeystay sanadihii tegay, xilli labada dal ay u dhaxeyso xiisad kale oo ka taagan biyo xireenka ay Ethiopia ka sameyneyso webiga Nile.