27.4 C
Mogadishu
Friday, June 19, 2026

Ciidamada Sudan oo weerar culus ku qaaday Ethiopia iyo deegaano ay qabsadeen

Khartoum (Caasimada Online) – Ciidamada Sudan ayaa weerar culus ku qaaday ciidamada Ethiopia ee ku sugan xuduudda, xilli ay xiisad xooggan ka dhex-qaraxday labada dal. 

Weerarka ayaa yimid kadib markii la dilay toddoba askari oo reer Sudan ah oo ay qabteen ciidamada Ethiopia 22-kii June, islamarkaana meydadkooda lasoo dhigay waddooyinka ayada oo sawirradooda la wareejinayey baraha bulshada. 

Ethiopia ayaa Isniintii beenisay eedeymaha Sudan ee ah inay qabteen islamarkaana dileen toddoba askari oo Sudanese ah iyo dad shacab ah, waxayna dilka ku eedeysay maleeshiyo deegaanka ku sugan. 

Taliyaha ciidamada Sudan Abdel Fattah al-Burhan ayaa horey u ballan-qaaday inay ka aargudan doonaan weerarka Al-Fashaga. 

Ciidamada Sudan ayaa gantaallo culus ku garaacay xuduudda, balse lama soo werin wax khasaare ah, sida uu sheegay Assefa Ashege, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan maamulka gobolka Amhara ee Ethiopia.

Waxay awood u yeesheen inay qabsadaan deegaanada Jabal Kala al-Laban, Barkhat, Tesfai Adawi iyo al-Fashaga, sida uu sheegay sarkaal Sudanese ah. Waxa uu intaas ku daray in sidoo kale ay qabteen dhowr askari oo Ethiopian ah. 

Laba ilo-wareed oo ku sugan deegaanka ayaa wakaaladda wararka Reuters u sheegay in ciidamada Sudan ay la wareegeen maamulka deegaanka Jabal Kala al-Laban, islamarkaana ay burburiyeen saldhig militari oo halkaas ku yaalla. Ma cadda haddii saldhigga ay leeyihiin ciidamada Ethiopia ama maleeshiyo.

Ilo-wareedyo ka tirsan dowladda Sudan ayaa sheegay inay cabasho rasmi ah u gudbisay Golaha Ammaanka QM oo ku saabsan dilkan.  

Muranka ka taagan deegaanka al-Fashqa, oo ka tirsan xuduudadaha caalamiga ah ee la aqoonsan yahay ee Sudan balse ay degan yihiin beeraley Ethiopian ah, ayaa xoogeystay sanadihii tegay, xilli labada dal ay u dhaxeyso xiisad kale oo ka taagan biyo xireenka ay Ethiopia ka sameyneyso webiga Nile. 

Hanti-dhowrka iyo ergeyga gaarka ah oo kulan muhiim ah la yeeshay B/Adduunka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka Maxamed Maxamuud Cali iyo Ergeyga Gaarka ah ee Arrimaha Abaaraha, Cabdiraxman Cabdishakur Warsame ayaa maanta kulan la yeeshay Isu-duweyaasha Mashaariicda muhiimka ah ee Bangiga Adduunku uu maal-galiyo.

Kulanka ayaa waxa looga hadlay arrimaha gurmadka abaaraha iyo xoojintooda, ayada oo warbixinno qotodheer looga dhageystay Isu-duweyaasha qaar kamid ah mashaariicda muhiimka ah ee qaybta ka noqon doona dadaalada looga jawaabayo abaaraha ku dhuftay qaybo ka mid ah dalka.

Kulanka maanta ayaa ku soo beegmaya kadib markii uu Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Abaaraha, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame uu daah-furay lacag dhan 25 Milyan oo dollar oo loogu tala-galay Taakulaynta Abaaraha.

Mashruucaan ayaa waxaa maal-gelinaaya Bangiga Adduunka, kaasi oo ay ka faa’iideysan doonaan dadka ku nool dhulka miyiga ah ee Soomaaliya, waxaana maamuli doona dowladda Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa wajahaysa xaalada adag oo abaareed, ayada oo uu Ergeyga Gaarka ah ee Arrimaha Abaaraha uu dadaal badan ku bixinayo sidii taakulo iyo gargaar deg-deg ah loo gaarsiin lahaa.

Ciidamada DF oo howlgal culus xalay ka sameeyey MUQDISHO + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Booliska ayaa xalay howlgal ka sameeyey xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, gaar ahaan degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa horkacayey taliyaha ku qaybta booliska gobolka Banaadir iyo taliyaha Waliyow Cadde ee Booliska Soomaaliyeed.

Ujeedka ayaa ahaa mid lagu xaqiijinayey ammaanka guud ee degmada Hodan oo ka mid ah meelaha ay ka dhacaan falalka ammaan darri, gaar ahaan dhaca.

Taliyeyaasha horkacayey baaritaanadaasi ayaa wariyeyaasha u sheegay in gacanta lagu soo dhigay dhalinyaro ku eedeysan falal amni darro ah, kuwaas oo lagu hayo baaris dheeri ah.

Sidoo kale saraakiisha ayaa intaasi kusii daray in ay soo qabteen waxyaabo maanka-dooriya, sida Xashiish iyo Calaq, oo ay tilmaameen ina qayb ka yihiin amni darrada.

Taliska Booliska ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inay wadi doonaan howlgallada ka socda caasimada, inta laga xaqiijinayo amniga guud ee degmooyinka gobolka Banaadir.

Maalmihii u dambeeyey ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka taagnaa xaaalado amni darro, sida dhac, dilal qorsheysan iyo dhibaato ay geysanayaan kooxo ciyaal weero ah.

Sawirro: Maxay ka wada-hadleen Aadan Madoobe iyo LAFTA GAREEN?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, Cabdicasiis Lafta Gareen oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa xalay kulan la yeeshay guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa looga hadlay xaaladda dalka iyo sidoo kale arrimaha abaaraha, gaar ahaa sidii loogu gurman lahaa dadka ay saameeyeen abaaraha.

“Madaxweynaha iyo guddoomiyaha ayaa iska xog-waraystay Xaalada Dalka iyo sidii wax loogu qaban lahaa Dadka ay saamaysay Abaarta ee ku nool Guud ahaan Gobolada Koonfur Galbeed,” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo ka soo baxay madaxtooyada Koonfur Galbeed.

Sidoo kale waxaa kulankan oo ay goobjoog ahaayeen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka lagu soo qaaday arrimaha Koonfur Galbeed, maadaama ay socdaan dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo ku aadan maamulkaas oo dhawaan geli doono doorasho guud.

Sheekh Aadan Madoobe waxa uu ka mid ah xubnaha kasoo jeeda Koonfur Galbeed, wuxuuna sidoo kale qayb ka yahay siyaasiyiinta mucaaradka ku ah Lafta Gareen.

Arrimahan ayaa kusoo aadayo, xilli xasaasi ah, isla-markaana siyaasiyiinta kasoo jeeda Koonfur Galbeed ay noqdeen laba garab oo iska soo horjeeda.

Si kastaba, xiisadda ayaa xoogeysatay markii uu meesha ka baxay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo ay aad isugu dhawaayeen Lafta Gareen oo si weyn xildhibaano daacad u ah isaga soo saaray doorashadii soo dhamaatay ee Somalia.

Ra’iisul Wasaarihii Allah waafajiyay inuu dalka ka badbaadiyo dagaal sokeeye 

Ra’iisul Wasaaraha cusub ee XFS Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa si rasmi ah maanta ula wareegay xilka Ra’iisul Wasaarahii hore mudane Maxamed Xuseen Rooble kadib munaasabad maanta lagu qabtay Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Rooble waxa la magacaabay habeenkii 17ka September 2020 kadib markii la saxiixay hishiiskii 17-ka September, kaas oo laga ilaalinayay inuu erey ku yeesho oo kaliya ka ahaado fuliye, laakiin Hishiiskaas hargalintiisa waxa sida la la ogyahay uu ku dhamaaday gacmaha Ra’iisul Wasaaew Rooble.

Hishiiskaas 17 September waxa uu ahaa mid madax iyo manjo la isaga xiray oo loogu talagalay in aan waligiis hirgalin, sababta oo ah waxaa ka horeeyay Dhuusamareeb kow iyo labo oo wareerin siyaasadeed ahaa maadaama NN ay kaliya u caddeyd waddo la yiraahdo muddo kororsi.

Waxa dalku galay mugdi iyo xaalad jahawareer ah oo dadka Soomaaliyeed ay aamnineen in dalku uu la galayo faraha colaad sokeeye, waxa ciid lagu jaray waddooyin badan, waxaa magaalada soo galay maleeshiyaad la baxay badbaado qaran. Rooble oo uu diirnaxaya dadka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa reer Muqdisho ayaa ilaah uu waafajiyay  inuu yiraahdo Maya isaga oo kaashanaya Madaxda Dowlad Goboleedyo qaarkood.

Dhib halkaa kuma harin ee waxaa bilwoday lug jiid toos ah, qolyihii NN waxa ay yareysteen awooddii Ra’iisul Wasaare. Rooble waxa ku dhacay cadaadis dhan walba ah. Markuu xaqiiqsaday in aan luqaafo laga deyneyn ayuu goostay in uu yac iska yiraahdo duulaanka dul saarnaa.

Rooble waxa uu muujiyay calool adeyg xad dhaaf ah, waxa uu goostay in dalka uu doorasho ka hirgaliyo taas oo aheyd wadiiqada kaliya ee lagu kala badbaadi karay iisaguna aanu tartamin sidii dhici jirtay. Waxa soo maray maalmo adag. Mid ka mid ahaa maalmahaas waxaa ka md ahaa 27 Dec 2021 oo Bayaan ka soo baxay xafiiska Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku sheegay inuu shaqadii ka joojiyay Ra’iisul Wasaarihii Rooble. Waxa xigay in isla subixii lagu yiraahdo Xafiiskaaga ma tagi kartid. Subaxaas Ra’iisul Wasaare Rooble waxa uu u sheegay taliyayaasha ciidamada inuu xafiiskiisa tagayo,dastuuriyan aan xilka laga qaadi karin oo waliba u lugeynayo, waana uu ka dhabeeyay oo lug buu maalintaa xafiiskiisa ku galay.

Maalinta labaad ee mixnadda aheyd waxa ay aheyd waa maalintii dhaarinta Guddoonka Gollaha Shacabka, Taliyihii Booliska General Xijaar waxa uu sheegay in aanu damaanad qaadi karin amniga doorashada Guddoonka. Ra’iisul Wasaare Rooble oo ka yimid maalintaas Geneva ayaa ku sugnaa hoolka VIP Garoonka Aden Cadde si looga dhabeeyo in doorashada Guddoonku ay qabsoonto, waxa u yimid oo ku soo biiray Madaxweynaha hadda Xasan Shiikh, Madaxweynaha Puntland Deni, Madaxweynihii hore Shariif Shiikh Axmed iyo Cabdkariin Guuleed oo dhamaantood Musharraxiin ahaa.

Dad badan oo ka mid ah wakiilada Beesha Caalamka, Musharraxiinta qaarkood, Rooble sida uu doorashada uga dhabeeyay mucjiso ayay aheyd iyo lama filaan.

Rooble wuxuu mudan yahay in wixii uu dalka u qabtay raxmaanka kadib in isaga looga mahad celiyo.

Waxaa farxad ii ah in aan ka mid ahaa dadkii sida dhow ula shaqeeyay.

W/Q: Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macallimuu

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid.

Daawo: Xasan Sheekh oo tijaabo cusub laga qaaday maanta iyo Villa Somalia oo war kasoo saartay xaaladdiisa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa laga waayey xanuunka COVID-19, kadib markii uu maanta maray baaritaan lagu sameeyey, sida uu shaaciyey afhayeenka madaxtooyada Cabdikriin Cali Kaar.

Afhayeenka oo marti ku ahaa barnaamij ka baxay TV-ga Somali Cable ayaa xaqiijiyay in baaritaankii galabta lagu sameeyay madaxweynaha uu muujiyey inuu ka caafimaaday xanuunkaas, isla markaana uu dhawaan la hadli doono bulshada.

“Madaxweynaha waxaa la baaray mar kale, waana laga waayey xanuunkii, waxaan umadda Soomaaliyeed ee xogta madaxweynaha raadineysay la wadaagayaa in maanta baaritaankii madaxweynaha la marsiiyey uu muujiyey in ka caafimaadan Covid-19,” ayuu yiri Cabdikriin Cali Kaar.

Sidoo kale Afhayeen Cabdikariin ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu sida ugu dhaqsiyaha badan dadk ula hadli doono, una soo shaqo geli doono, iyadoo weli la raacayo tilmaamaha caafimaadka.

Hadalkaan ayaa rajo gelinaya dadka Soomaaliyeed oo ka walwalsanaa xanuunka laga sheegay madaxweynaha cusub ee dalka oo laga sugayo dhismaha dowlad adag oo baahi badan ay u qabaan dadka Soomaaliyeed oo ka soo baxay xaalad hubanti la’aan ah.

Hoos ka daawo

Daawo: Rooble oo si cajiib ah uga jawaabay weeraro uga socda baraha bulshada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo maanta si rasmi ah xilka ugu wareejiyey Ra’siiul wasaraaha cusub Xamse Cabdi Barre ayaa si dadban uga jawaabay weerarro baraha bulshada uga socday maalmihii lasoo dhaafay.

Rooble oo jeediyey khudbad dheer ayaa sheegay in soo hadal qaaday rag uu tilmaamay inay sheegteen culumo iyo aqoonyahano oo been abuur iyo dacaayado ku faafiya masuuliyiita, wuxuuna hadalkiisu dadka soo xasuusiyey weerarradii ay baraha bulshada u mariyeen xubno ay ku jiraan Fahad Yaasiin iyo Prof. Maxamed Xaaji Ingiriis.

“Dalkeena waxaa ku soo badanaya dhaqamo xun oo ay sameynayaan dad sheeganaya darajooyin ay ixtiraamaan dadka Soomaaliyeed, sida Sheekh iyo Aqoonyahan, waxay sameynayaan been abuur iyo dacaayado, wuxuuna carrabkooda iyo qalinkoodu noqday wax la ijaarto, waxaana kireysta qofkii ama kooxdii dan gaar ah leh,” ayuu yiri Rooble.

Wuxuu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay gacanta ka qabtaan dadka caadeystay dhaqamadaas oo hoos waxa ugu sheegaan,”Qof kasta oo siyaasadda looga guuleysto, waxaa haboon inuu sugto waqti kale, balse uusan maciin bidin waxyaabhihii aan aragnay maalmihii lasoo dhaafay,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Maxamed Xuseen Rooble.

Sidoo kale wuxuu sheegay in ku dhawaad 2 sano Ra’iisul Wasaare uu ka ahaa dalka uu maanta si rasmi ah xilkii ugu wareejiyay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, “Waxaan si niyad ah idinkaga codsanayaa inaad la shaqeysaan Xamse,” ayuu yiri.

Ugu dambeyntii Rooble wuxuu u mahad celiyey Farmaajo, “Waxaan u mahadcelinayaa madaxweynihii hore Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo fursad ii siiyay in aan dalka u adeego, Shacabka Soomaaliyeed oo garab istaagga ii muujiyay, howlwadeennada Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo cid kasta oo igu garab gashay howshii adkeyd ee aan soo galnay.”

Hoos ka daawo khudbadii Rooble

Sawirro: AL-SHABAAB oo isbitaal weyn ka furtay JILIB

Jilib (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa xarigga ka jartay isbitaal weyn oo ay ka hir-gelisay magaalada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, waxaana lasoo bandhigay sawirrada isbitaalkaas oo aad u qalabeysan.

Al-Shabaab waxay balan qaadeen in bulshada ku nool Jilib iyo deegaanada hoos taga ay isbitaalkaas ka heli doonaan adeegyo caafimaad oo dhameystiran, waana goobtii ugu horeysay oo dan-guud ah oo Al-Shabaab ay hir geliyaan abid.

Warbaahinta taageerta maleeshiyada Al-Shabaab ayaa baahisay bayaan u dhignaa, “Isbitaalkan oo bixin doono adeegyo caafimaad ah oo muhiim ah, loona soo xulay qalab iyo dhaqaatiir ku filan ayaa in muddo ah lagu howlanaa diyaarintiisa, waxaana ugu dambeyntii xafladii lagu daahfurayey ay dhacday Jimcihii lasoo dhaafay.”

Xubno sare oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa ka qeyb galay xafladii xarigga looga jaray isbitaalkaas, waxaana ka mid ahaa nin ay magaciisa ku sheegeen Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla oo kooxda ugu magacaaban guddoomiyaha gobollada Jubooyinka.

Nin ay qariyeen magaciisa oo agaasime looga dhigay isbitaalkaan cusub ee kooxda Al-Shabaab ay ka hir gelisay magaalada Jilib ayuu Maxamed Abuu Cabdalla ku wareejiyey furayaashiisa, wuxuuna sharaxay adeegyada ay sii doonaan bulshada ku nool Jilib iyo deegaanada hoos taga.

“Walaalayaal ku soo dhowaada isbitaalka guud ee Jilib oo noqa doonaan mid ay bulshadu u siman tahay, waxaadna ka heli doontaan dhakhtar walba, rag quburo ah ayaa ka howlgeli doona isbitaalkaan, laguma fududaa doono kiiska qofka bukaanka ah, laba qoybood oo jiif iyo bukaan socod  kala ah, ayuu ka kooban yahay isbitaalkaan,” ayuu yiri Agaasimaha isbitaalka ay Al-Shabaab ka dhiseen Jilib.

Guddoomiyaha Al-Shabaab ee gobollada Jubooyinka Maxamed Abuu Cabdalla oo xafladaas ka hadlay wuxuu sharaxaad dheer ka bixiyey marxaladihii laga soo maray in la hir-geliyo isbitaalkaas iyo doorka ay Al-Shabaab ku lahaayeen.

Sidoo kale ninkaan wuxuu sheegay in kooxda Al-Shabaab ay isbitaalkaan u wakiilatay guddi ka kooban dadka deegaan oo lasoo xulay, wuxuuna balan qaaday in isbitaalkaas uu dabooli doono baahida caafimaad oo ay qabto bulshada ku nool deegaanada gobollada Jubooyinka.

Hoos ka eeg sawirrada isbitaalka jilib



Wasiir BEYLE oo loo haysto caddeynta xisaab xirka DF ee afar sano oo xiriir ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo maanta su’aalo adag lagu weydiiyay kulankii Xildhibaanada labada Aqal ee BF, kuwaasi oo la xiriira xisaab-xirkii miisaaniyada ee dowladdii hore.

Bayle ayaa iska difaacay su’aalo iyo eedeymo loo jeediyay intii uu joogay Wasaarada Maaliyadda, isaga oo sheegay in uu sameeyay xisaab-xir afar sano oo kamid ah shantii sano ee dowladdii hore haysay.

Waxa uu ku dooday in mas’uuliyadda xisaab-xirka uu leeyahay baarlamaankii 10-aad, maadama uu sheegay in uu u gudbiyay, inkasta oo aan Golaha la horkeenin.

“Waxaa halkan ka cadeynayaa in afar sano cadeyn u hayo waliba ayaga oo saxiixan xisaab-xiradaas aan sameeyay. Baarlamaanka 10-aad ayaa leh mas’uuliyadda,” ayuu yiri.

“Xisaab-xirkii 2018 waxa u gudbiyay Hanti-dhowrka April 28 sanadkii 2019, halka Golaha wasiirada ay ansixiyeen September 18 isla sanadkaas. Sidoo kale Baarlamaanka la geeyay September 2019-kii, iyadoo uu maray akhriskii 1-aad iyo 2-aad.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in xisaab-xirkii miisaaniyada 2019-ka u direen Hanti-dhowrka April 30 sanadkii 2019, kadibna la geeyay baarlamaanka 30 Disembar 2020.

Marka laga imaado hadalka uu isku difaacay Bayle, Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Shacabka, Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar ayaa sheegtay inaysan jirin xisaab-xir la ansixiyay afar sano.

Waxay ka dalbatay Wasiir Maaliyadda in uu soo bandhigo cidda u ansixisay miisaaniyadii afarta sano ee kala ah; 2018, 2019, 2020, 2021.

Bayle ayaa maalmihii dambe wajahayay tuhuno la xiriira mad-madow badan oo ka jira xisaab-xirada dowladda, isaga oo iska diiday kulan wax looga weydiinayo arrimahaas oo ugu yeeray Xafiiska Xeer Ilaalinta Guud ee Qaranka.

Sawirro: XAMZA iyo Rooble oo si wadajir ah u booqday xarunta cusub ee xukuumada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamza Cabdi Barre iyo Ra’iisul Wasaaraha xilka wareejinaya Maxamed Xuseen Rooble ayaa si wada jir ah maanta u kormeeray xarunta cusub ee xukuumadda iyo Ra’iisul Wasaaraha oo oo heer gabo-gabo ah maraya.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa waxaa kaloo ku wehliyay qaar ka mid ah Golaha Wasiirada Xukuumadda Xil gaarsiinta, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka, Safiirka Dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Taliyaha Ciidanka xoogga dhulka, Taliyaha Ciidanka Booliska Gobalka Banaadir, iyo Guddoomiyaha Degmada Warta Nabadda.

Waa booqashadii ugu horreysay uu Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya uu ku tago xarumaha dowladda tan iyo 25 Juun 2022-kii oo Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay siiyeen codka kalsoonida.

Xamza Cabdi Barre ayaa Ra’iisul Wasaaraha 21-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya loo magacaabay 15 Juun 2022-ka, waxaana lagu wadaa in uu xilka la wareegay saacadaha soo socda, si uu usoo dhiso Xukuumadda cusub.

Xog: Cabsi laga qabo inay Golaha Wasiirada Xamza ku soo dhex dhuuntaan xubno…

Muqdisho (Caasimada Online) – Ayada oo ugu dambeyn la ansixiyey ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, ayaa waxaa hadda billowday loolanka loogu jiro xilalka golaha wasiirada cusub ee dalka ee la filayo inuu ra’iisul wasaaraha soo dhiso.

Siyaasiyiin badan oo ay ku jiraan wasiiro xilka haya hadda ayaa wada dadaallo xooggan oo ay uga soo dhex muuqanayaan golaha wasiirada cusub, taasi oo abuurtay cabsi ku saabsan in isbeddelka la rajeynayo in lagu sameeyo xukuumadda aanu dhicin.

Xubnaha wasiirada doonaya ayaa soo maraya waddooyin kala duwan, oo ay ka mid yihiin inay adeegsadaan xildhibaano iyo shasiyaad aad ugu dhow madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha, guddoomiyaha baarlamanka, ra’iisul wasaare Rooble iyo marino kale. 

Waxay ka kooban yihiin laba koox oo kala ah; wasiiro ka mid ah xukuumadda hadda jirta oo ku aragti ah ra’iisul wasaare Rooble iyo Xasan Sheekh, oo aan ula jeedno inay diidanaayeen, madaxweyne Farmaajo, iyo koox kale oo ka mid ah kuwa taageersan Farmaajo balse aan ismuujin.

Waxaa cabsida ugu xooggan ay ka taagan tahay inay xukuumadda cusub soo galaan wasiiro ku xiran madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, taasi oo haddii ay dhacdo wiiqi karta waxqabadka dowladda Xasan Sheekh iyo Xamza.

Si kastaba, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu warramay inuu doonayo inuu inta badan golaha wasiirada lagu soo daro shaqsiyaad aad ugu dhow ama ay ka mideysan yihiin aragtida siyaasadeed. 

Arrinta kale ee muhiimka ah ayaa ah in madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasaare Xamza ay ka mideysan yihiin aragtida siyaasadeed, taasi oo sahleysa in is-qabqabsi badan aanu ka dhicin xulista golaha wasiirada. 

Sida ay ogaatay Caasimada Online, xubno saameyn leh oo ku dhow madaxtooyada ayaa hadda wada dadaal lagu xaqiijinayo in la yareeyo wasiirada hore ee lasoo celinayo, xooggana la saaro wejiyo cusub.

Dhinaca kale, golaha wasiirada ayaa waxaa, sida ay xog ku heshay Caasimada Online, soo geli doono shaqsiyaad aan xildhibaano aheyn oo ku xisbi ahaa madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Xamza, uwaasi oo xildhibaannimada ay diideen madax goboleedyadii taabacsanaa Farmaajo.

DF Soomaaliya oo ciidan hor leh u dirtay Hiiraan + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa in ciidamo horleh ay u dirtay gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya, si ay qayb uga noqdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobolkaasi.

Ciidamadan oo diyaarad looga qaaday garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa ka degay garoonka Guriceel, halkaas oo la filayo in gaadiid loo diyaariyey looga qaado si loo geeyo gobolka Hiiraan oo hoostaga dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle.

Sida ay ogaatay Caasimada Online waxaa ciidamadan oo ah kuwa miino baarista dalabaday saraakiisha qeybaha 27-aad iyo 21-aad ee ciidanka Xoogga dalka ee ku sugan halkaasi, waxana dirtay wasaarada gaashaandhiga iyadoo ujeedadu tahay dardargelinta howlgalada.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ciidamadu ay ka howlgali doonaan waddooyinka isku xira Beledweyne iyo Matabaan, si ay uga sameeyaan miino baaris, maadaama ciidamada lugta ee Xoogga dalka ay ku adkaatay inay gudaha galaan deegaanada ku yaal halkaasi.

Arrintan ayaa sidoo kale ka dambeysay, kadib markii ay kordheen weerarada qaraxyada ah ee ay la kulmayaan ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ee howlgalladaa ka wada gobolka Hiiraan, isla-markaana uu horkacayo guddoomiye Cali Jayte Cismaan.

Qarixii ugu dambeeyey oo shalay dhacay ayaa waxa ay waxyeelo kasoo gaartay askari ka tirsan milatariga iyo wariyeyaal ka howlgala TV-ga HirShabelle oo tabinayey howlgalka.

Si kastaba, Hiiraan ayaa waxaa deegaano ka mid ah ku sugan xoogaga Al-Shabaab oo inta badan weeraro ku qaada saldhigyada ciidamada iyo kuwa Jabuuti ee ku yaalla halkaasi.

PUNTLAND oo shaacisay cidda ka dambeysay weerarkii beerta Nabaddoon Yaasiin

0

Garoowe (Caasimada Online) – Guddiga xaqiiqo raadinta ee ay dowlad goboleedka Puntland u xil-saartay baaritaanka weerarkii lagu qaaday Beerta Nabaddoon Yaasiin Cabdisamad ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa shaaca ka qaaday natiijada baaristooda iyo khasaaraha ka dhashay weerarkaasi oo dhacay 21-04-2022-ka.

Guddiga oo ka kooban 6 xubnood, isla-markaana baaristooda ay qaadatay muddo dheer ayaa ugu dambeyn Madaxweynaha Puntland Saciid Deni u gudbiyey natiijada soo baxday.

Warbixinta guddiga oo dhowr bog ka kooban ayaa waxaa lagu shaaciyey in dhibaatadaas ay mas’uul ka yihiin taliye ku xigeenka qeybta Booliska gobolka Mudug Gaashanle Dhexe Cabdisiciid Xuseen Jaamac (Koomaad) oo uu dhaawac ka soo gaaray falkaasi iyo taliyaha saldhigga Siinaay ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo, Laba Xiddigle Siciid Salaad Kadawo.

Sidoo kale guddiga ayaa shaaciyey khasaaraha ka dhashay dhacdadaasi, wuxuuna xaqiijiyey inuu ku dhintay hal askari oo ka tirsanaa Ciidanka PSF oo ilaalinayey goobta, halka ay ku dhaawacmeen Nabaddoon Yaasiin Cabdisamad, taliye ku xigeenka qeybta Booliiska Gobolka Mudug G/dhexe Cabdisiciid Koomaad iyo askari kale oo ka tirsan PSF.

Xubnaha guddiga ayaa sidoo kale soo jeediyey in Puntland ay bixiso khasaarihii meeshaas ka dhacay naf iyo maalba, isla-markaana raalli-gelin siiso dadkii waxyeelladu gaartay.

Ugu dambeyn xubnaha guddiga oo warbixintooda kusoo lifaaqay caddeymo ayaa ku baaqay in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaado saraakiisha ku lugta laheyd falkaasi.

Si kastaba, xukuumadda Puntland oo uu hoggaamiyo Deni ayaa laga sugayaa jawaabta natiijada ay soo bandhigeen guddiga loo xil-saaray dhacdadaas oo muran xoogan dhalisay, maadaama goobta la weeraray uu ku sugnaa wasiirka arrimaha dibadda, Cabdisaiid Muuse.

Xamza oo la kulmay Lafta-gareen xilli ay qorshe wadaan madax goboleedyada dalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal Wasaaraha cusub ee dalka, Xamse Cabdi Barre ayaa xalay hoygiisa ku qaabilay Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ka dib booqasho uu ugu yimid.

Madaxweyne Laftagareen ayaa Ra’iisal Wasaaraha ugu hambalyeeyay kalsoonida Golaha Shacabka ee Sabtidii uu helay, sida lagu sheegay qoraal lagu daabacay bogga Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha.

“Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa hoygiisa ku soo booqday Ra’iisal Wasaaraha XFS, Mudane Xamse Cabdi Barre, isagoo ugu hambalyeeyay in uu helay kalsoonida Golaha Shacabka, una rajeeyay in Eebbe la garab galo waajibaadka qaran ee horyaalla.”

Ra’iisal Wasaare Barre ayaa guda geli doono dhismaha xukuumaddiisa, kolka uu xafiiska kala wareego Ra’iisal Wasaarihii ka horreeyay, Maxamed Xuseen Rooble.

Qaar ka mid ah madax goboleedyada ayaa wada qorsheyaal ay isku dayayaan inay saameyn ku yeeshaan magacaabista golaha wasiirada, islamarkaana ay xubno ku yeeshaan, balse uma muuqato inay taas aqbali doonaan Xasan Sheekh iyo Xamza Cabdi Barre.

Sacuudiga iyo ISRAEL oo yeeshay kulan qarsoodi ah oo lagu gaaray heshiis culus

Qaahira (Caasimada Online) – Saraakiil militari oo sare oo ka kala socda Israel iyo Sacuudi Carabiya ayaa yeeshay wada-hadallo qarsoodi ah oo uu Mareykanka soo agaasimay, si ay uga wada-hadlaan iskaashi difaac oo ka dhan ah Iran.

Wufuud ka kala socota Riyadh, Qatar, Imaaraadka Carabta, Bahrain, Jordan iyo Masar ayaa madaxa ciidamada Israel kula kulmay magaalada Sharma el-Shaikh bishii March, sida uu Isniintii kashifay wargeyska the Wall Street Journal, oo soo xiganaya saraakiil Mareykan ah iyo kuwo ku sugan gobolka. 

Mareykanka ayaa waxaa matalayey Jeneraal Frank McKenzie, taliyihii hore ee Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka, kaasi oo mas’uuliyaddiisa uu ballaariyey madaxweyne Trump kuna soo daray Israel.

Kulankan aan caadiga aheyn ayaa asteeyey markii ugu horreysay ee saraakiil Israeli ah ay la kulmaan xubno ka socda dhowr dal oo Carab ah, ayada oo ujeedka uu yahay inay ka hortagaan halista ay wadaagaan ee ah awoodda sii kordheysa ee gantaallada iyo diyaaradaha drone-ka Iran.

Israel wax xiriir diblomaasiyadeed oo rasmi ah lama lahan Qatar iyo Sacuudi Carabiya, oo ah dalalka ugu saameynta badan siyaasadda gobolka.

Intii uu xukunka hayey madaxweyne Trump, Israel ayaa dalalka Imaaraadka Carabta, Bahrain, Morocco iyo Sudan la saxiixatay heshiiska Abraham oo lagu aas-aasay xiriir diblomaasiyadeed oo rasmi ah oo ay yeesheen dalalkaas. 

Kulan madaxeedka Sharm el-Sheikh ayaa u muuqda inuu ka dhigan yahay tallaabo weyn oo loo qaaday xiriir rasmi ah oo ay yeeshaan Israel iyo Sacuudi Carabiya.

Madaxweyne Joe Biden ayaa qorsheynaya inuu booqdo Israel iyo Sacuudi Carabiya bartamaha July, markaasi oo la filayo inuu ku dhowaaqo tallaabooyin dheeraad oo la xiriira xiriirka labada dal ee ugu awoodda badan Bariga Dhexe.

Heshiis lasoo jeediyey ayaa la rumeysan yahay inay ku jirto in diyaaradaha ganacsiga Israel loo ogolaado hawada boqortooyada, iyo in Israel ay ansixiso qorshe ay Masar dib ugu wareejineyso Sacuudiga laba jasiirad oo muhiim ah oo ku yaalla Badda Cas.

Dalalka Carabta ayaa u muuqda inay aad u daneynayaan inay helaan taknoolajiyadda horumarsan ee gantaallada difaaca hawada ee Israel, kadib weeraro dhowr ah oo loo adeegsaday diyaarado drone ah oo lagu qaaday xarumo ku yaalla Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta, kuwaasi oo lagu tuhmayo Iran.

Weerarkii ugu cuslaa oo ay sheegatay kooxda Xuutiyiinta Yemen ee Iran ay taageerto, ayaa lala helay xarumaha shirkadda shidaalka Sacuudiga ee Aramco bishii September 2019, taasi oo hakisay 5% wax soo-saarka shidaalka caalamka.

Ka qeyb-galayaasha kulan madaxeedka Sharm el-Sheikh ayaa lagu warramay inay mabda’ ahaan isku raaceen nidaam bixinaya wergelin deg deg marka halis ay soo muuqato iyo hanaan go’aan qaadasho oo ciidamada dalalka ay dhexda uga qabanayaan diyaaradaha drone-ka, gantaallada ballistic iyo kuwa kuruuska.

Afhayeenada Israel iyo dalalkan Carbeed ayaa diiday inay wax faallo ah ka bixiyaan kulan madaxeedka. Isaga oo la hadlayey xubnaha Knesset-ka (baarlamanka) Israel, ayaa wasiirka difaaca Israel Benny Gantz wuxuu sheegay in wax uu ugu yeeray “Isbaheysiga Difaaca Hawada ee Bariga Dhexe” uu goor horeba shaqeynayo.

Dib u milicsi: Ballan-qaadyadii uu sameeyay R/W Xamza

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa maanta si rasmi ah xilka ugula wareegay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Maxamed Xuseen Rooble, kadib munaasabad ka qabsoontay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Hamza ayaa 25-kii bishan hortagay Baarlamaanka ayada oo codka kalsoonida siiyeen Xildhibaanada Golaha Shacabka, haddaba aan dib u milicsano ballan-qaadyadii uu sameeyay Ra’iisul Wasaaraha xilka la wareegay maanta.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxa uu ballan-qaaday in uu soo dhisi doono xukuumad tayo leh, laguna soo xulay aqoon, karti, hufnaan khibrad iyo waayo aragnimo ka tarjumaysa baahiyaha kala duwan, dalkana u horseeda xasilooni siyaasadeed oo loo dhan yahay, sida uu khudbadahiisa ku sheegay.

Xukuumadda uu soo dhisi doono ayuu sheegay inay xooga saari doonto dhowr arrimood, kuwaas oo kala ah dhinacyada amniga, garsoorka iyo caddaaladda, abaaraha, dib-u-heshiisiinta, wadahadallada Somaliland, dimoqraadiyadaynta, doorashooyinka, dhaqaalaha, maamul-wanaagga, isla xisaabtanka, dhameystirka dastuurka, adeegyada bulshada iyo siyaasadda arrimaha dibedda oo ku dhisanaa doonta danta dalka.

Hamza Cabdi Barre ayaa sidoo kale ballan-qaaday in ahmiyada 1-aad uu siinayo arrimaha nabad galyada dalka, isagoo sheegay inuu dhisi doono Soomaaliya gaarta isku filaansho dhanka amniga ah.

Si riyadaasi ugu hir-gasho wuxuu sheegay Xamza in xukuumadiisu ay xoogga saari doonto dhismaha ciidan qaran oo tayo leh.

Ra’iisul Wasaaraha xilka la wareegay ayaa waxayna xil wareejintiisu noqoneysa middii u horeysay ee shan sano kadib ay labo Ra’iisul Wasaare xilka iskugu wareejiyaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu Hamza u magacaabay xilka Ra’iisul Wasaaraha 15-kii bishaan, isaga oo kusoo xushay in uu yahay aqoonyahan socod-siin kara siyaasadda dowladiisa cusub ee ku dhisan Soomaali heshiis ah dunidana heshiis la ah.

War ka soo kordhay askarigii Soomaaliga ee u xirnaa dilka haweenay Australian ah

0

Minnesota (Caasimada Online) – Askari hore uga ka tirsanaa booliska Minneapolis oo  loo xiray inuu sannadkii 2017-kii toogtay haweenay aan hubaysnayn ayaa xabsiga laga sii daayey. Maxamed Nuur oo ah Soomaali Maraykan ayaa xabsiga haatan laga sii daayey ku jiray saddex sano.

Markii ugu horraysay ee maxkamadda la soo taagay waxay lagu helay dil kama’ ah oo waxa muddo markii ay socotay dacwadiisu kama dambaystii sannadkii 2019 lagu xukumay laba iyo toban sano iyo bar xarig ah. Laakiin racfaan ay xukunkaa ka qaatay  qareennadiisu ayaa muddo ka dib ay  maxkamadda sare ee gobolka Minnesota u oggolaatay in laga dhigo xukunkiisa  shan iyo dhowr bilood.

Af-hayeen u hadlay waaxda asluubta ee gobolka oo xaqiijiyey sii daynta maxbuuskaa ayaa sheegay in maxaabiista la sii daayo ay dhaqdhaqaaqiisa la socdaan maamulka magaalada uu ku nool yahay. Waxaanu intaa ku daray in Maxamed Nuur intii uu ku jiray xabsiga gobolka North Dakota aanu ku kicin falal ashax xumo ah.

Gobolka Minnesota ayaa sharciyadiisu waxay fasaxayaan in maxbuuska hab dhaqan fiican muujiya inta uu xabsiga ku jiro lagu hayo mudada xadhigiisa saddex meeloodow laba inta hadhayna dibadda  ku qaadanaya oo lala socon doono. Maxamed Nuur ayaa waxay boolisku habdhaqankiisa la socon doonaan ilaa 24 January ee sannadka 2024.

Gabadhii ku baxday gacanta Maxamed Nuur hooyadeed oo warbaahinta la hadashay ayaa iyada oo ka falcelinaysa sii daynta maxbuuskaas waxay tiri.

“Aad baan uga xunnahay arintaas, aad baanu ula fajacsannahay in eeddii laga daayey waxa se nagaga sii daran hab dhaqanka booliska Minneapolis.”

Waxa la rumaysnaa in Maxamed Nuur yahay askarigii ugu horreeyey ee booliska gobolka Minneapolis ka tirsan ee lagu helo dembi ah in isaga oo shaqada ku jira uu qof toogasho ku dilay. Hase yeeshee ka dib waxa dhacday in askarigii kale ee dilay ninkii Marakanka madow ahaa ee George Flyod in isagana xabsiga loo taxaabay.

Dilkeeda ayaa cambaarayn caalami ah dhaliyay. Ra’iisulwasaarihii Australia ee wakhtigaasna Malcolm Turnbull wuxuu sheegay in dilkaasi uu yahay “mid aan u cuntamayn sida uu u dhacay”.

DF oo rasaas ku qabatay howlgal ka dhacay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa xalay howlgallo ballaaran ka sameeyey qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir, kuwaas oo lagu xaqiijinayey amniga guud ee caasimada, si looga hortago falalka amni darrada ah.

Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa si gaar ah looga fuliyey degmooyinka bari ee gobolka Banaadir, sida Yaaqshiid, Kaaraan iyo Heliwaa.

Waxaa howlgalka horkacayey taliyaha qaybta Booliska gobolka Banaadir, Farxaan Qaroole iyo Taliyaha qaybta Bari ee Booliska Cali Calasow Cali, waxaana sidoo kale howlgalladaas qayb ka ahaa guddoomiyeyaasha maamulada degmooyinka Yaaqshiid, Kaaraan iyo Heliwaa.

Inta uu howlgalka socday ayaa waxaa lagu beegsaday xaafadaha qaar ee degmooyinkaas oo ka mid ah kuwa ugu badan ee dhaca loogu geysto dadka shacabka ah.

Saraakiisha laamaha ammaanka ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inay gacanta kusoo dhigeen rasaas fara badan oo la iibinayey iyo maandooriyaha noocyadiisa kala duwan.

Taliyaha qaybta bari ee Booliska gobolka Banaadir, Cali Calasow oo la hadlay wariyeyaasha ayaa sheegay inay sii wadi doonaan baaritaanada lagu xaqiijinayo amniga caasimada.

“Shaqo waa noo bilaabatay, waana noo waqtigeedii iyo halka looga ballamay dhammaan inta ka qayb-qaadatayna waa mahadsan yihiin,” ayuu yiri Cali Calasow Xasan.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa isa soo tarayey qaylo dhaanta kasoo yeereyso dadka shacabka ee ku dhaqan magaalada Muqdisho, waxaana isugu darsamay dhac iyo dhibaato kale oo ay ku hayaan kooxo ciyaal weero ah oo ku sugan degmooyinka Banaadir.

Xiisada Ethiopia iyo Sudan oo cirka isku shareertay iyo wararkii ugu dambeeyay

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Xiisada colaadeed ee kasoo cusboonaatay dalalka Sudan iyo Itoobiya ayaa sare u sii kacday, taasi oo salka ku hayso dil ciidamada Itoobiya ay u geysteen dad rayid ah iyo askar katirsan ciidamada Sudan.

Tallaabada ay qaadeen ciidamada Itoobiya kadib xukuumadda Sudan ayaa u yeertay safiirkeeda u fadhiya Addis Ababa, ayada oo meeshii ugu xumeyd uu gaaray xiriirka labada dal.

Millateriga Sudan ayaa dhankooda sheegay inay jawaab adag ka bixinayaan dilka ciidamada Itoobiya u geysteen muwaadiniintooda ay qeybta ka yihiin ciidamadu.

Dhinaca kale, Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in ciidamadaas iyo dadka shacabka ah aysan dilin ciidamada Itoobiya.

Waxa kale oo lagu sheegay war-saxaafadeedkaas in shaqaaqo dhex-martay ciidamada Sudan iyo maleeshiyo Itoobiyaan ah.

Sudan iyo Itoobiya oo hore ugu dhaxeeyay muranka webiga Nile ayaa sidoo kale waxa ka dhaxeysa xiisad colaadeed oo la xiriirta dhanka xuduudda labada dal, halkaasi oo ay isku hor-fadhiyaan ciidamada labada dhinac.

Shan sano kadib laba ra’iisul wasaare oo si rasmi ah xilka ula kala wareegay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa maanta si rasmi ah xilka ugula wareegay munaasabad ka qabsoontay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, kadib markii 25-kii bishan ay codka kalsoonida siiyeen Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa xilka kala wareegay Ra’iisul Wasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble, waxayna xil wareejintan noqoneysa middii u horeysay ee shan sano kadib ay labo Ra’iisul Wasaare xilka iskugu wareejiyaan.

Rooble ayaa markii uu xilka la wareegayay labo sano ka hor Ra’iisul Wasaarihii ka horeeyay Xasan Cali Kheyre xilka kalama wareegin, taasi oo sabab u aheyd siyaasaddii awood isku maquuninta, ihaaneysiga iyo kala adkaanshaha ee madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Ra’iisul Wasaaraha xilka la wareegay ayaa waxa hortaalla shaqo badan, ayada oo dhawaan uu ballan-qaadyo dhowr ah, kuwaas oo kala ah dhinacyada amniga, garsoorka iyo caddaaladda, abaaraha, dib-u-heshiisiinta, wadahadallada Somaliland, dimoqraadiyadaynta, doorashooyinka, dhaqaalaha, maamul-wanaagga, isla xisaabtanka, dhameystirka dastuurka, adeegyada bulshada iyo siyaasadda arrimaha dibedda oo ku dhisanaa doonta danta dalka.

Sidoo kale waxa uu balan-qaaday in ahmiyada 1-aad uu siinayo arrimaha nabad-galyada dalka, isagoo sheegay inuu dhisi doono Soomaaliya gaarta isku filaansho dhanka amniga ah.

Si riyadaasi ugu hir-gasho wuxuu sheegay Ra’iisul Wasaare Xamza kadib helida kalsoonida baarlamaanka in xukuumadiisu ay xoogga saari doonto dhismaha ciidan qaran oo tayo leh.

Xamza ayaa waxa uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u magacaabay xilka Ra’iisul Wasaaraha 15-kii bishaan, isaga oo kusoo xushay in uu yahay aqoonyahan socod-siin kara siyaasadda dowladiisa cusub ee ku dhisan Soomaali heshiis ah dunidana heshiis la ah.