26.1 C
Mogadishu
Friday, June 19, 2026

Shan sano kadib laba ra’iisul wasaare oo si rasmi ah xilka ula kala wareegay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa maanta si rasmi ah xilka ugula wareegay munaasabad ka qabsoontay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, kadib markii 25-kii bishan ay codka kalsoonida siiyeen Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa xilka kala wareegay Ra’iisul Wasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble, waxayna xil wareejintan noqoneysa middii u horeysay ee shan sano kadib ay labo Ra’iisul Wasaare xilka iskugu wareejiyaan.

Rooble ayaa markii uu xilka la wareegayay labo sano ka hor Ra’iisul Wasaarihii ka horeeyay Xasan Cali Kheyre xilka kalama wareegin, taasi oo sabab u aheyd siyaasaddii awood isku maquuninta, ihaaneysiga iyo kala adkaanshaha ee madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Ra’iisul Wasaaraha xilka la wareegay ayaa waxa hortaalla shaqo badan, ayada oo dhawaan uu ballan-qaadyo dhowr ah, kuwaas oo kala ah dhinacyada amniga, garsoorka iyo caddaaladda, abaaraha, dib-u-heshiisiinta, wadahadallada Somaliland, dimoqraadiyadaynta, doorashooyinka, dhaqaalaha, maamul-wanaagga, isla xisaabtanka, dhameystirka dastuurka, adeegyada bulshada iyo siyaasadda arrimaha dibedda oo ku dhisanaa doonta danta dalka.

Sidoo kale waxa uu balan-qaaday in ahmiyada 1-aad uu siinayo arrimaha nabad-galyada dalka, isagoo sheegay inuu dhisi doono Soomaaliya gaarta isku filaansho dhanka amniga ah.

Si riyadaasi ugu hir-gasho wuxuu sheegay Ra’iisul Wasaare Xamza kadib helida kalsoonida baarlamaanka in xukuumadiisu ay xoogga saari doonto dhismaha ciidan qaran oo tayo leh.

Xamza ayaa waxa uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u magacaabay xilka Ra’iisul Wasaaraha 15-kii bishaan, isaga oo kusoo xushay in uu yahay aqoonyahan socod-siin kara siyaasadda dowladiisa cusub ee ku dhisan Soomaali heshiis ah dunidana heshiis la ah.

Maxay PUNTLAND ka tiri hadalkii kasoo baxay ninka maqan ee dilka lagu xukumay?

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Xeer ilaaliyaha guud ee maxkamadda ciidamada Puntland Gaashaanle Maxamed Xuseen Axmed ayaa war cusub kasoo saaray xukunka dilka ah oo isaga oo maqane ah lagu ridday Cabdiraxmaan Shirwac Aw-siciid (Laahoor), kaas oo mar dambe soo hadlay, isla-maraakana beeniyey inuu ka tirsan yahay kooxda Al-Shabaab.

Laahoor oo wareysi siiyey VOA-da, isaga oo ku sugan dhulka miyiga ee gobolka Bari ayaa iska fogeeyey eedeynta loo jeediyey, wuxuuna shaaca ka qaaday inuu diyaar u yahay inuu hor yimaado hay’adaha garsoorka, gaar ahaan maxkamaddii xukuntay, si uu uga gar-baxo.

“Waxaan ahay nin shacab ah oo lagu xukumay dil, cadaalad xumo ayaa la igula kacay, waxaan u dhashay gobollada Puntland, kama mid ihi Al-Shabaab iyo Daacish, si toos ah iyo si dabdab midna ulama shaqeeyo, banaanka ayaan ka ahay,” ayuu wareysia ku yiri Laahoor.

Xeer ilaaliyaha oo arrintaasi ka hadlayey ayaa dhankiisa sheegay in Cabdiraxmaan Laahoor uu yahay dambiile, isla-markaana ay hayaan caddeymo iyo marqaatiyeyaal.

Gaashaanle Maxamed Xuseen Axmed ayaa xusay in markii lasoo qabtay shabakaddii uu hoggaaminayey uu u baxsaday deegaanada ay Daacish ka joogaan gobolka Bari.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in illaa saddex jeer oo hore la xiray, balse ay sii deyntiisa ka dambeeyeen odayaal dhaqameed ku difaacayey qabiil, sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay, haddii uusan dambi laheyn inuu yimaado Boosaaso, isla-markaana uu iska difaaco eedaha loo heysto ee ah inuu ka tirsan yahay Al-Shabaab.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo dhawaan maxkamadda ciidamada Puntland ay toogasho ku xukuntay 5 nin oo uu ku jiro Laahoor oo maqane ah, kadib markii ay sheegtay inay ku heshay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, ayna weeraro ka geysteen Boosaaso.

Sawirro: DENI oo amar culus siiyey booliska PUNTLAND

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland, Mudane Saciid Cabdullahi Deni ayaa xalay kulan gaar ah la yeeshay saraakiisha Ciidamada Booliska ee maamulkaasi, kaas oo diiradda lagu saaray xaaladda ammaan ee maamulkaasi, siiba sugida nabad-geylada.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa goobjoog ahaa wasiirka amniga Puntland Mudane Cabdisamad Galan, taliyaha Ciidanka Booliska Gen. Maxamed Cali Xaashi, Taliye-xigeennada iyo qeybaha kala duwan ee saraakiisha Ciidanka Booliska maamulka Puntland.

Ugu horreyn Madaxweyne Saciid Deni ayaa warbixin guud ka dhageystay taliyeyaasha uu la kulmay , taas oo la xiriirtay amniga iyo dhaqada Booliska Puntland.

Saraakiisha hadlay ayaa sidoo kale soo bandhigay qorshayaashooda la xiriira sugida amniga, waxayna ballan qaadeen inay laba jibaari doonaan howlgallada baaritaanada ah.

Sidoo kale madaxweynaha Puntland ayaa amray taliska Ciidamada Booliska in ay dardar geliyaan gudashada waajibaadkooda, si looga hortego falalka liddiga ku ah amniga.

Puntland ayaa dagaal kula jirta Al-Shabaab iyo Daacish, waxaana sidoo kale usii dheer la dagaalanka maandooriyaha oo dhibaato weyn ku haya bulshada deegaanka.

Dhowaan ayey aheyd markii koox cabtoy ah ay dileen taliyihii saldhigga Booliska magaalada Qardho ee maamulkaasi, Marxuum Cumar Hiiraad Kaatuun.

Meydadka 46 tahriibayaal ah oo laga helay Mareykanka

0

Washington (Caasimada Online) – Ugu yaraan 46 qof oo la rumeysan yahay in ay yihiin dad muhaajiriin ah ayaa meydkooda laga dhex helay gaari ah nooca xamuulka qaada duleedka magaalada San Antonio, ee gobolka Texas ee dalka Mareykanka.

Sargaal ka tirsan shaqaalaha dab damiska ayaa sheegay in 16 qof oo kale oo ay ku jiraan 4 caruur ah sidoo kale isbtaalka loola cararay. Dadkii ka badbaaday dhacdadani ayaa waxaa “aad u kululaa jirkooda” waxaana ka muuqtay daal badan.

San Antonio, oo 250 km u jirta xudduuda Mexica ayaa ah waddada ay dadka soo mariyaan dad wax tahriibiya.

Charles Hood, oo ah madaxa shaqaalaha dab damiska San Antonio , ayaa sheegay in shaqaalaha gurmadka degdega ah ay yimaadeen goobta ka dib markii ay heleen warar sheegaya in halkaasi uu yaallo qof meyd ah, sida laga soo xigtay kanaalka KSAT TV, gaariga ayaa laga helay agagaarka waddooyinka tareenada ee dhanka Koonfur-galbeed ee San Antonio.

Tiro badan oo shaqaalaha gurmad deg deg ah, oo ay ku jiraan booliiska, dab damiska, iyo gawaarida ambalaasta, ayaa la arkayay iyaga oo ku hareeraysan gaariga weyn ee meydadka laga dhex helay.

Taliyaha booliiska San Antonio William McManus ayaa sheegay in baaritaanka hadda lagu wareejiyay wakiilo ka socda dowladda dhexe, saddex qofna ay xabsiga ku jiraan.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Mexico, Marcelo Ebrard, ayaa sheegay in qunsulka dalkaasi uu ku sii jeedo goobta laga helay meydadka , balse waxa uu intaa ku daray in dadka dhintay aan weli la aqoonsan dalalka ay u kala dhasheen.

Barasaabka xisbiga jamhuuriga ee gobolka Texas Greg Abbott ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Mareykanka Joe Biden inuu mas’uul ka yahay dhimashada, isagoo ku sifeeyay in ay tahay”natiijadii ka dhalatay siyaasaddiisa xuduudda ee dilaaga ah”.

Cimilada San Antonio waa mid aad u kulul bilaha xagaaga iyadoo heerkulku uu gaaray 39.4C (103F) Isniinta.

Daawo: Muxuu salka ku hayaa weerarkii maanta ka dhacay iskuulka Hoyga Xamar?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dhinacyadii ay dhex martay shaqaadadii maanta ka dhacday iskuulka Hoyga Xamar, qeybtiisa xanaanada carruurta ee degmada Hodan oo ku taalla agagaarka madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasin.

Ugu horeyn waxaa warbaahinta la hadlay reerka degan guri ku dhegan iskuulka oo ka cabanaya maamulka iskuulka Hoyga Xamar oo ay sheegeen inuu wado dhul balaarsi, iyagoo ku eedeeyey in guddoomiyaha iskuulkaas uu ardayda u adeegsaday weerar lagu soo qaaday gurigooda.

Labo nin oo gudaha gurigaas warbaahinta kula hadlay waxay sheegeen in dhulkaan ay ka iibsadeen wiil uu dhalay madaxweynihii hore ee dalka Aadan Cadde, isla markaana ay u heystaan sharciyad buuxda, iyagoo meesha ka saaray inuu yahay dhul dowladeed.

Hase yeeshee waxaa eedeyn taas ka duwan soo saaray Guddoomiyaha dugsiyada Hoyga Xamar Cabdiraxmaan Yuusuf Maxamuud ayaa la hadlay warbaahinta, isagoo ka warbixiyey shaqaaqadii maanta ka dhacday dugsigaas, wuxuuna baaq u diray Madaxweyne Xasan Sheekh.

Dhanka kale Taliyaha qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir Farxaan Qaroole ayaa galabta tegay xarunta dugsiga Hoyga Xamar, waxaana la sheegay inuu kala ceyriyay kooxdii soo weerartay iskuulka.

Guddoomiyaha dugsiyada Hoyga Xamar Cabdiraxmaan Yuusuf ayaa sheegay inay maanta soo weerareen ciidan uu ku eedeeyey inay soo adeegsadeen ganacsato dooneysa in dhulka iskuulkaas ay xoog ku dhistaan.

Cabdiraxmaan Yuusuf oo ah guddoomiyaha Hoyga Xamar ayaa yiri, “Waxay maalmahaan keeneen ciidan, carro iyo dhagax, waxay isku diyaariyeen inay dhisme ku bilaabaan, laakiin waxaan u sheegayaa dhulkaan inuu yahay danguud oo uusan qaadmeyn.”

Wuxuu sheegay in marar badan uu iska diiday lacago loo keenay si dhulkaan uu u baneeyo kadibna loo boobo, balse taas uu iska diiday, isagoo fariin u diray madaxweyne Xasan Sheekh.

“Mudane madaxweyne dhulkaan waa taqaanaa, waxaan isla nahay bahda waxbarashada, shalay dhulkaan waa la burburiyey, maantana waxaa loo soo jeestay in toos loo dhaco oo la dhisto, madaxweynihii hore waxaba waa ka qaba waayey ee arrintaan deg deg u soo faro geli,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Yuusuf Maxamuud.

Hoos ka daawo labo warbixin oo laga diyey dhinacyada is heysta

Senatorada Aqalka Sare ma noqon karaan WASIIR – Sharaxaad SHARCI ah

Qodobka 55aad. Farqiadiisa 1aad, xarafka (a,b) waxaa uu leeyahay: Goleyaasha Baarlamaanka Federaalka (1) Baarlamaanka Federaalka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya wuxuu ka kooban yahay: JAMHUURIYADDA FEDERAALKA EE SOOMAALIYA (a) Golaha Shacabka , iyo (b) Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka 

Sharaxaad:

Qodobkaan iyo qodobo kale oo badanba waxaa laga fahmin marka uu Dastuurku leeyahay Baarlamaan inuu ka kooban yahay labo Aqal: Aqalka Sare iyo Golaha Shacbiga.

Qodobka 112aad. Magacaabidda Guddiyada Madaxbannan Heer Federaal Haddii uusan Dastuurku si kale u dhigin, Wasiirka ay khuseyso ayaa u soo jeedinaya Golaha Wasiirrada magacyada Guddiga. Haddii Golaha Wasiiradu ay ansixiyaan, magacyada waxaa loo gudbinayaa Baarlamaanka Federaalka (labada Aqal) Haddii Baarlamaanka Federaalka uu ansixiyo magacyadaas, waxaa loo gudbinayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka, si uu magacaabistooda xeer uga soo saaro. 

Sharaxaad:

Sida ku cad qodobkaan, waxaa cad in labada Golaba ay ka dhaxayso shaqooyin badan oo ah wada shaqayn (Check and Balance) oo Gole markii uu shaqo qabto kan kale u gayn.  

Qodobka 61aad. Xilka Xubnaha Baarlamaanka Federaalka (1) Xubin kasta oo ka mid ah labada Aqal ee Baarlamanka Federaalka marka ay xilkeeda gudaneyso waa in ay ku shaqaysaa sida ay danta qaranku ku jirto.  

Sharaxaad:

Waxaa is waydiin mudan maxaa ay ku jirtaa danta qaranku? Sida uu cadaynayo qodobkaan waxaa danta Qaranku ku jirtaa saraynta sharciga, iyo inaan la baal marin Dastuurka. Waxaa looga fadhiyaa labada Golaba inay hurmuud u noqdaan saraynta sharciga oo  aana la baal marin Dastuurka iyo sharuucda kale ee Wadanka u yaal.  

Qodobka 59aad. Sababaha Lagu Lumiyo Xubinnimada Baarlamaanka Federaalka (1) Xubinnimada Baarlamaanka Federaalka waxaa lagu lumin karaa: 

(e) Haddii ay xubintu aqbasho xil Dawladeed aan wasiir ka ahayn

Sharaxaad:

Waxaa ku cad Qodobka 59aad xarafka (e) in  Baarlamaanka oo ka kooban labo Gole oo mid walba noqonkaro Golaha Wasiirada oo ayna shaqo kale ayna qaban Karin.  

Qodobka 56aad. Xilgudashada Baarlamaanka Federaalka Golayaasha Baarlamaanka Federaalku: (a) Xilalka ay wadaagaan waa inay u gutaan si wadajir ah  

Sharaxaad:

Waxaa ku cad Qodobka 56aad, (a) in ay Dastuurka ilaalin awooda Gole walba leeyahay oo si siman loo wada guto. Golana uuna qaadan mudnaan gaara. Hadii Golaha Wasiirada la ga qaato hal Gole waxaa cad in la baalmaray Federalism ka si simana aana ayna u gudan labada Gole waajibaadkooda. 

Qodobka 97aad, Golaha Wasiirada, firqada (3aad) Ra’iisul-wasaarahu wuxuu magacaabayaa Ra’iisul Wasaare ku-xigeenno, wasiirro, wasiirro-Dawlayaal iyo wasiirro-ku-xigeeno. Golaha Wasiirrada waa ay ka iman karaan xubin ka mid ah Golaha Shacabka iyo xubin aan ka mid aheyn Golaha Shacabkaba.

Sharaxaad:

Sida ku cad qodobkaan, waxaa Golaha wasiiradu ka imankaraan Golaha Shacabka iyo xubinkasta oo aana ka mid ahayn oo ay ku jiraan Aqalka Sare oo ana jirin sharci ka reebin. 

ISKA HOR IMAAD SHARCI 

Qodobka 98aad. Shuruudaha Xubinnimada Golaha Wasiirrada

(3) Xubnaha Golaha Wasiirrada muddada ay xilka hayaan, waxaa ka reebban: (a) In ay qabtaan xilal kale oo aan ahayn xilka xildhibaannimada Golaha Shacabka 

Sharaxaad:

Qodobkaan waxaa uu kor imaan qodobada aan kor kusoo xusnay oo ay ugu mudan yihiin, Qodobada 55aad. Firqada (1aad), qodobka 59aad, firqada 1aad, xarafka (e), qodobka 97aad, firqada 3aad iyo qodobo kale oo badan.  

Waxaa xusid mudan iyo faahfaahin  in Transitional Federal Charter ee Imbigati, Kenya, Qodobkiisa 47aad, firqadiisa 1aad, xarafka (b) uu leeyahay waxaa kaliya oo ka mid noqon kara Wasiirada Golaha Shacbiga oo xiligaas ma talayay Baarlamaanks Soomaaliya. Waxaa cad in qodobkaas oo ka hor iman Dastuurka kumeel gaarka  oo macnihiisu yahay waxaa kaliya oo wasiir noqonkara Golaha Shacbiga diidina in dibada laga keeno wasiir uuna la jaan qaadi Karin Dastuurka Ku Meelgaarkaa.  

Talo soo jeedin: Sidee loo xalin karaa hadii uu yimaado iska hor-imaad dastuuri ah?

Qodobka 81aad. firqadiisa(3aa) waxaa uu leeyahay,  Haddii labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka ah uu dhex yimaado khilaaf ku saabsan sharci, mid kasta oo ka mid ah labada Gole ayaa Guddi wadajir ah oo ka kooban labada Aqal ugu baaqi kara in uu isku dayo in uu xalliyo khilaafaadka.  

SHARAXAAD: 

Maadaama uu yimid khilaaf Dastuuri ah, waxaa loo baahan yahay in loo saaro gudi isku dhaf ah oo kasoo baaraan dega khilaafka labada Aqal. Gudigaas oo kasoo talo bixin waxii la yeeli lahaa. Waxaa kaloo xusid mudan inayna jirin Maxkamad Dastuuri ah oo kala saarta hay’adaha Dowlada. 

W/Q: SENATOR FARHAN ALI HUSSEIN, Ph.D. 

Muxuu yahay ajendaha kulanka berri la isugu yeeray xildhibaanada labada Aqal?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa berri yeelanaya kulan wadajir ah, sida lagu ogeysiiyey fariimo loo diray xildhibaanada oo lala wadaagay ajendaha.

Kulanka baarlamaanka ayaa Talaadada berri akhrinta 2-aad lagu marsiinayaa ee Miisaaniyadda dowladda ee sanadkaan 2022-ka oo horay ay u meel marisay xukuumadii Ra’iisul Wasaare Rooble.

“Berri oo Talaada ah 28 June waxaa jira kulanka Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Ajendaha Kulanka Akhrinta 2aad ee Miisaaniyadda 2022,” ayaa lagu yiri fariintaan oo loo diray xubnaha golaha shacabka.

Sidoo kale senatorrada Aqalka Sare ayaa loo diray fariin ah “Dhammaan Senatorada Aqalka waxaa lagu wargelinayaa in maalinta berrito Juun 28, 2022 uu jiro kulan Wadajir ee Labada Aqal ee BFS, Ajendaha, Akhrinta 2aad ee Miisaaniyadda Qaranka 2022.”

Kulankaan wadajirka ah ayaa ka dhacaya xarunta Villa Hargeysa oo hadda ay ku shaqeeyaan xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Labada Aqal ayaa markii ay akhrinta ku dhameeyaan miisaaniyadda waxay u qaadayaan cod, waxayna miisaaniyadda sanadkaan oo gaareysa $918,666,761 ay noqoneysaa, tii ugu badneyd burburkii kadib oo xukuumadda Soomaaliya ay hor keento baarlamaanka.

 

Sharciyan, wasiir Beyle xaq ma u leeyahay in uu diido in uu hortago xeer ilaaliyaha?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa diiday inuu hortago xafiiska Xeer ilaaliyaha Qaranka oo maanta looga yeeray.

Xafiiska xeer ilaalinta ayaa warqad uu soo saaray wuxuu wasiirku ka dalbaday inuu hor yimaado si loo weydiiyo arrimo la xiriira maaliyadda oo sida xafiisku sheegay uu baaritaan ku wado.

Wasiir Beyle ayaa diidmadiisa u sababeeyay in xafiiska xeer iaalinta uusan awood u lahayn inuu u yeero, balse qofka keliya ee u yeeri kara waxna weydiin kara uu yahay Garyaqaanka guud ee dalka.

Haddaba doodda labada dhinac muxuu sharcigu ka qabaa? BBC-da ayaa  su’aashaas weydisay Cabdiraxaamn Maxamed Xasan (Qaanuuni) oo ah abukaate waxna ka dhiga Jaamacadda Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Cabdiraxaamn Maxamed Xasan (Qaanuuni) ayaa sheegay in xeer ilaaliyaha guud ee qaranka uu xaq u leeyahay inuu baaris hor dhac ah sameeyo ha ahaato mid hey’ad maaliyad khuseysa ama ha ahaato mid qof shakhsi ah oo caadi ah khuseyso ama ha ahaato hey’adaha kale ee dowladda.

“ Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka si guud wuxuu xaq u leeyahay inuu sameeyo baaris hordhac ah oo ku saabsan dambi inuu dhacay la filayo ama kuwa laga shaki qabo isagoo gudanayo waajibaadkiisa sharci sida ku xusan qodobka 12-aad ee xeerka ciqaabta Soomaaliyeed,  sidoo kale qodobka 8-aad ee xeerka garsoorka Soomaaliyeed, sidoo kale qodobka 69-aad xeerka habka ciqaabta Soomaaliyeed iyo qodobka 70-aad ee xeerka ciqaabta Soomaaliyeed, waxaana markaas kadib xeer ilaaliyaha usoo baxayo waxa uu baarayo inay yihiin wax jira oo mudan in maxkamad loo gudbiyo iyo in baaritaank ay uga soo baxdo inuusan dambi jirin, xaq ayuuna u leeyahay inuu baaro kiisaska” ayuu yiri Qaanuuni.

Qaanuuni oo wax laga waydiiyey haddii uu wasiir Beyle xaq u leeyahay inuu diido u yeerista xeer ilaaliyaha ayaa sheegay inuusan wax sharci ah u heysan inuu diido warqadda kasoo baxday xeer ilaalinta ee looga codsaday inuu hor yimaado.

“ Waan aragnay qodobada uu wasiir Beyle soo qaatay oo leh garyaqaanka guud ayaa xaq u leh inuu maxkamadaha hortooda ka difaaco hey’adaha dowladda, waa sax qodobkaas, laakiin ma jirto dacwad wasiirka laga gudbiyey oo hortaala maxkamadaha oo uu garyaqaanka ka difaacayo, garyaqaanka wuxuu difaacaa dacwooyinka ka dhanka ah hey’adaha dowladda ee hor yaala maxkamadaha, sidaas darteed ma jirto wado hadda u furan garyaqaanka guud oo uu ku difaaco wasiirka maaliyadda” ayuu yiri Qaanuuni.

Qaanuuni ayaa sheegay in warqadda kasoo baxday xeer ilaalinta ay kaliya ku qorneyd in wasiirka wax laga waydiiyo arrimo la xiriira maaliyadda.

Abuukaate Qaanuuni ayaa ugu dambeyn ku baaqay in si arrintaan loo xaliyo loo baahan yahay in hanta-dhowraha guud uu marka hore sameeyo baaritaan haddii la helo caddeymo muujinayo inay jiraan wax isdaba marin maaliyadeed markaas kadib in loo gudbiyo xeer ilaalinta sharcigana looga waco qofka ay khuseyso.

Villa Somalia oo war cusub kasoo saartay soo celinta askarta ku maqan Eritrea

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Cabdikariin Cali Kaar, oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta madaxtooyada, ayaa ka hadlay xaaladda dhallinyaradii tababarka loogu qaaday talka Eritrea.

Afhayeenka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay qorsheeneyso inay ciidamadaas dhawaan dib ugu soo celiso dalka si “looga faa’ideysto.”

“Tirada markii uu madaxweyne Farmaajo wareejinayey 5 kun ayuu ku sheegay, wuxuu madaxweynaha ku wareejiyey faylkooda, waxaana shaki ku jirin maadaama uu amniga yahay waxyaabaha hortabinta u leh dowladda maanta maalin looga baahi badan yahay ma jirto,” ayuu yiri afhayeenka madaxtooyada..

Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in keenitaanka dhallinyaradaas ay u baahan tahay waxyaabo badan oo uu kow ka yahay dhaqaale.

“Waa la keeni doonaa, qorshahooda ayaa socda, in 5 kun oo askari lasoo daabulo waxay u baahan tahay waxyaabo badan oo dhaqaalaha ugu horreeyo, dowladda diyaar garow ayey ugu jirtaa sidii wiilashadaas loo keeni lahaa loogana faa’ideysan lahaa,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Afhayeenka ma faah-faahin waxa uu ula jeedo dhaqaale, iyo haddii uu ka wado sidii meel loo saari lahaa mushaharkooda. Horey waxaa u jiray war suuqeed sheegaya in ciidankaas ay u xayiran yihiin dhaqaale, balse taas wax caddeymo ah looma hayo.

Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay inay dowladda Soomaaliya diyaar u tahay inay la fadhiisato waalidiinta dhalay dhallinayaradaas, si ay xog fiican uga siiyaan xaaladda wiilashooda.

Hadalka afhayeenka ayaa kusoo aadaya kadib maalmo markii ay Muqdisho isku soo bax ku qabteen waalidiinta dhallay wiilashada loo qaaday Eritrea, kuwaas oo madaxweynaha cusub ka dalbaday inuu ku caawiyey sidii ay u heli lahaayeen ilmahooda oo ka maqan dhowr sano.

Ciidamada loo qaaday Eritreaayaa la xaqiijiyey in sanad ka hor uu u dhammaaday tababarkii ay qaadanayaan, waxaana jira warar is khilaafsan oo ku saabsan sababta aan weli loo soo celin.

Madaxtooyada oo xog cusub ka bixisay xaaladda caafimaad ee madaxweyne Xasan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Cabdikariin Cali Kaar, oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta madaxtooyada, ayaa ka hadlay xaaladda caafimaad ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo dhowaan ku dhacay cudurka COVID-19.

Afhayeenka ayaa sheegay in xaaladda caafimaad ee Madaxweyne Xasan Sheekh ay tahay mid wanaagsan, wuxuuna xusay inaysa jirin illaa hadda saameyn muuqata oo uu cudurkaan ku yeeshay caafimaadka madaxweynaha.

“Waxaan ugu bishaareyneynaa umadda Soomaaliyeed xaaladda caafimaad ee madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliyeed oo ah mid aad u wanaagsan, islamarkaana aysan jirin wax saameyn ah oo uu ku yeeshay cudurka COVID-19, isagoo horey u tallaalnaa,” ayuu yiri Cabdikariin Cali Kaar.

Cabdikariin Cali Kaar ayaa sidoo kae sheegay in madaxweynaha uu si caadi ah u wato howlihiisa, isaga oo raacaya talooyinka iyo habraacad caafimaad oo ay dejiyeen wasaaradda caafimaadka, kuwaas oo la xiriira tallooyinka cudurka COVID-19.

Wuxuu sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu umadda Soomaaliyeed guud ahaan uga mahadcelinayo ducadii ay usoo duceeyeen markii ay maqleen in madaxweynaha uu ku dhacay cudurka COVD19.

Afhayeenka ayaa tilmaamay in madaxweynaha uu horey u qaatay talaala COVD-19 ka hor inta uusan cudurka ku dhacay taasoo yareysay saameynta cudurka.

Afhayeenka ayaa intaas ku daray in madaxweynaha berri laga qaadi doono baaritaan lagu ogaanayo xaaladdiisa iyo inuu weli jiro cudurka COVID-19 iyo in kale.

Ugu dambeyntii afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Cabdikariin Cali Kaar wuxuu sheegay in maalinta berito ah Madaxweynaha laga qaadi doono baaritaan caafimaad si loo hubiyo xaaladiisa caafimaada maadaama muddo dhowr maalmood ah ay kasoo wareegatay markii laga helay cudurka COVID-19.

Siyaasi raali-gelin ka bixiyey hadal aad uga careysiiyey Soomaalida dalka Kenya

0

Nairobi (Caasimada Online) – Murashaxa xilka barsaabka Nairobi iyo duqa magaalada caasimadda ah ugu tartamaya xisbiga talada Kenya haya ee Jubilee, Polycarp Igathe Kamau, ayaa ku khasbanaaday inuu raali-gelin ka bixiyo hadallo ka careysiiyay qayb ka mid ah shacabka daggan Nairobi.

Igathe oo lagu eedeeyay in uu si gaar ah u bartilmaameedsaday bulsho cayiman, ayaa sheegay in hadalladiisa ay ka duwan yihiin sida loo fahmay ee ah in uu shakhsiyaad farta ku fiiqayay.

Siyaasigan oo sharraxayay waxa uu horay u yiri ayaa sheegay in uu ka hadlayay oo kaliya sida loogu kala horreeyo fursadaha shaqada, dhaqaalaha iyo faa’iidooyinka Nairobi.

Raali-gelinta Polycarp Igathe Kamau ayaa daba socotay muuqaal si wayn u faafay oo laga duubay hadallo uu jeediyay isbuucii lasoo dhaafay.

Muuqaalkaas ayuu ku sheegay in baarlamaan deegaanka ee Nairobi oo xubnihiisa “ay u badan yihiin qowmiyadda Kikuyu ay gacanta ku hayaan saddex xildhibaan oo Soomaali ah, kuwaas oo dhammaan xubnaha kale ay la haystayaal u yihiin”.

Hase yeeshee ma uusan sheegin magacyada saddexda ruux ee Soomaalida ah ee uu tilmaamayay inay Aqalka Wakiillada ee Nairobi “maamulkiisa awood ku haystaan”.

“Xildhibaannada Golaha Wakiillada ee Nairobi waa 45, oo wada Kikuyu ah, Waxaana idiin sheegi karaa in dhammaantood ay ku hoos jiraan maamulka saddex Soomaali ah. Taasi waa xaqiiq jirta. Qabsashadu waa mid dhab ah. Xitaa shalay waxay samaynayeen waxbaayo sharci darro ah,” ayuu yiri Igathe oo laga maqlayo muuqaalka.

Balse waxa uu hadda soo saaray bayaan uu raali-gelin uga bixinayo erayadaas oo uu ku andacooday in si khaldan loo fahmay.

Hadallada horay ugasoo yeeray siyaasigan ayaa si wayn uga careysiiyay Soomaalida Kenya.

Xildhibaanka Garissa, Aadan Ducaale ayaa ka mid ah siyaasiyiinta caanka ah ee ka fal celiyay hadalka Igathe oo uu ku qeexay mid “hayb soocaya Soomaalida”.

“Qabyaaladda sida xishood la’aanta ah loo dhex dabaalanayo waa arrin nasiib darro ah. Waa wax aad looga naxo oo ka yimid qof sheeganaya in uu wax bartay,” ayuu yiri Xildhibaan Ducaale.

Igathe oo ka mid ah siyaasiyiinta ugu cad cad ee u hanqal taagaya hoggaanka Nairobi ayaa sheegay in haddii la doorto uu ka shaqeyn doono sidii ay dhammaan reer Nairobi u heli lahaayeen fursado ay u siman yihiin.

Doorashada guud ee Kenya ayaa la filayaa in ay dhacdo bisha August ee sanadkan.

Guddiga cunaqabataynta hubka Soomaaliya oo soo saaray WAR ku saabsan dowladda Xasan Sheekh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Golaha Ammaanka u qaabilsan cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya ayaa shaaciyey sida ay ula shaqeyn doonaan dowladda cusub ee uu hoggaaminayo madaxweynaha dhawaan la doortay ee Xasan Sheekh Maxamuud.

Guddiga oo warbixin soo saaray ayaa sheegay inay dowladda cusub kala shaqeyn doonaan cunaqabateynta hubka, cuuryaaminta dhaqaalaha Al-Shabaab, ka hortagga dhoofinta sharci-darada ah ee dhuxusha iyo arrimaha la xiriira bini’aadanimada.

Sidoo kale, guddiga ayaa warbixinta kasoo baxday ku sheegay inay aad uga walaacsan yihiin xaaladda amni ee Soomaaliya, oo uu sheegay in si weyn usii kordhayaan weerarada ay geysaneyso kooxda Al-Shabaab.

“Guddigu wuxuu taageersan yahay dowladda federaalka Soomaaliya iyo la-hawlgalayaasheeda in ay sameeyaan dadaallo kala duwan oo lagu qallajinayo dhaqaalaha Al-Shabaab iyada oo la qabanayo lacagaha lagama maarmaanka u ah howlaha kooxda,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay.

Sidoo kale qoraalka ayaa lagu yiri “Dadaalladaas ayaa noqon doona mid wax ku ool ah oo keliya marka la helo xog-wadaag iyo wadashaqeyn dhab ah oo dhexmarta Dowladda Soomaaliya, Dowladaha deriska iyo saaxiibada caalamka, iyadoo la kaashanayo Guddiga Khubarada,” ayuu lagu yiri warbixinta guddgan.”

Guddigan waxay warbixntooda ku sheegeen, in inka badan 2,600 oo carruur ah loo geystay xadgudubyo. Sidoo kale waxay sheegeen inuu jiro 50 kiis oo kufsi iyo noocyo kale oo xadgudubyo galmo ah oo ay geysteen Al-Shabaab, ciidamada Dowladda, maleeshiyo beeleed iyo ciidamada dowlad goboleedyada.

Ugu dambeyntii guddiga ayaa soo bandhigay baahiada loo qabo wadashaqeyn iyo tallaabo mideysan oo ka dhacda golayaasha dowladda dhexdooda, taasoo muhiim u ah hubinta in si adag loogu hoggaansamo dhammaan tallaabooyinka cunaqabateynta hubka.

Warbixinta guddiga ayaa kusoo aadeyso xilli dhawaan ay Soomaaliya ka dhacday doorasho taasoo soo afjartay muddo ka badan sanad oo xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya ay ku jirtay hubanti la’aan iyo cabsi.

Musharax madaxweyne Raila Odinga oo sameeyey ballan-qaad saameynaya Somalia

Nairobi (Caasimada Online) – Musharaxa xilka madaxweynaha Kenya Raila Odinga ayaa ballan-qaaday inuu dib u furi doono xuduudda Kenya iyo Soomaaliya, haddii la doorto 9-ka August. 

Raila ayaa sheegay in xuduudda la furi doono si loo fududeeyo ganacsiga isaga kala goosha labada dal.

“Waa inaan diyaarinaa wax kasta oo loo baahan yahay si loo xaqiijiyo howlgallada xuduuddan, sidaas darteed waxaan la macaamili karnaa walaalaheena Soomaaliyeed,” ayuu yiri. 

Odinga, oo ay wehliso haweeneyda uu u xushay inay madaxweyne ku-xigeen u noqoto ee Martha Karua iyo hoggaamiyeyaal kale, ayaa ballan-qaaday inuu xaqiijin doono in la horumariyo amniga Mandera iyo guud ahaan kan gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Gobolkan ayaa weli waxaa asiiba weeraro kaga imanaya kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya. 

Dhacdadii ugu dambeysay ayaa timid Khamiistii markii mintidiin hubeysan ay joojiyeen bas ku socday Mandera, ayna muxaadaro socotay laba saac u jeediyeen rakaabka.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Kenya ayaa sheegay in dowladdiisa ay diiradda saari doonto horumarinta kaabayaasha gobolka, si loogu furo dalka intiisa kale.

Waxa uu soo qaatay dhismaha mashruuca waddada Geeska Afrika oo dhexmari doonto Isiolo iyo Wajir ee ku dhammaan doonto Mandera, ayada oo sii mareysa magaalada Ceelwaaq.
 
Dowladda Kenya ayaa xirtay xuduudda 2014-kii kadib weeraro dhowr ah oo ay fulisay kooxda Al-Shabaab.

Tallaabadan, ayaa sida ay sheegtay dowladda, waxaa sidoo kale looga dan lahaa in lagu joojiyo badeecadaha sida sharci-darrada ah uga soo gudba xuduudda iyo hubka. 

Xasan oo soo saaray farriin culus oo ku socota Jabuuti

0

Muqdisho (Caasimada Oline) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo war kasoo saaray maalintada xorriyadda ee dalka Jabuuti ayaa dhambaal hambalyo ah u diray shacabka dalkaas iyo dhiggiisa Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweyne Xasan ayaa si qoto dheer uga hadlay sanad-guurada 45-aad ee xornimada dalka Jabuuti oo ku beegan maanta oo ah 27-ka June ee sanadka 2022-ka.

“Madaxweynaha ayaa ugu hambalyeeyey dowladda iyo shacabka dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti munaasabaddan taariikhiga ah oo ka mid ah dhaxalka ay wadaagaan dhammaan ummadda Soomaaliyeed, kana tarjumaysa halgankii mideysnaa ee dadka Soomaaliyeed ay isaga dulqaadeen heeryadii gumeysiga” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Qoraalka kasoo baxay Villa Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Jabuuti ay hiil walaal u tahay Soomaaliya, isla-markaana ay ka qayb qaadatay dowlad dhiska Soomaaliya.

“Walaalaha Jabuuti, dowlad iyo shacabba, waxa ay maanta noo yihiin hiil aan ku tashanno. Waxaan idinla qeybsanaynaa munaasabaddan taariikhiga ah, anaga oo abaal idiin kaga hayna doorka walaalnimo ee aad ka qaadateen dib u dhiska dowladnimoda Soomaaliya.”

Ugu dambeyn madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa nabad waarta iyo horumar joogto ah u rajeeyay shacabka reer Jabuuti iyo dowladdooda.

Dadka Soomaaliyeed ayaa ku jira todobaadka xorriyada oo si weyn loogu dabaal-dago sanad kasta, waxaana innagu soo food-leh kowda Luulyo oo haatan loo diyaar garoobayo.

Muxuu R/W Xamza ka yiri khilaaf dhex-mara isaga iyo madaxweyne Xasan Sheekh?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo shalay helay kalsoonida baarlamaanka ayaa la weydiiyey sida loo maarey doono hadii ay is khilaafaan isaga iyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Xamse oo wareysi siiyey BBC ayaa sheegay inay is khilaafi karaan isaga iyo Madaxweyne Xasan Sheekh, balse kalsooni badan uu ku qabo in khilaafkaas uusan gaari doonin heer dowladnimada Soomaaliya ay wax uga halaabaan.

“Bini’aadan ayaan nahay waan is khilaafi karnaa, laakiin waxaan rajeynayaa in meel xun aysan gaarin oo ay caqabad ku noqoto dowladnimada Soomaaliya,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse.

Wuxuu carabka ku adkeeyey in khilaaf soo kala dhex galaya isaga iyo madaxweyaha uusan meel xun gaari doonin, “Waxaan hubaa inaan heleyno farsamo aan ku xalisano arrimaheena iysadoo aan nala dhex gelin,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday xiriirka xukuumadiisu ay la yeela doonto dowlad goboleedyada, isagoo balan qaaday in wax kasta wadatashi iyo isla ogol lagu gaari doono.

“Waxaan wadanaa mabda’ la yiraahdo Soomaali heshiis ah, marka Soomaali waaba heshiise, waxa la doonayo inay heshiis ahaadaan waa siyaasiyiinta, waxaana ugu horeeya madaxda dowlad goboleedyada iyo dowladda federaalka, waxaan ka shaqey doonaa in wax khilaaf ah uusan dhicin,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.

 

Muuse Biixi oo xil ka qaadis ku sameeyay qaar ka mid ah golaha wasiirada Somaliland

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa  wareegtooyin Madaxweyne xilka qaadis iyo magacaabid ugu  sameeyey qaar ka mida ah golaha Wasiirada Somaliland, waxaana ay ku dhigneyd sidatan.

Wareegtada ka soo baxday Madaxweynaha Soomaaliland ayaa qorneed sida tan:-

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne oo summadeedu kala tahay JSL/XM/XKQ/222/1-880/062022 iyo JSL/XM/WM/222-881/062022 uu xilka qaadis iyo magacaabid ku  sameeyey qaar ka mida masuuliyiinta Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis.

  1. Ku: Cumar Cali Cabdillaahi; Wasiirkii Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka.
  2. Ku: Maxamed Xaaji Cismaan Jaamac; Wasiirkii Wasaaradda Horumarinta Beeraha.
  3. Ku: Cabdiraxmaan Cali Cabdi; Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Warfaafinta, Wacyi-gelinta iyo Dhaqanka.
  4. Ku: Axmed Xasan Nuur; Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka.
  5. Ku: Saleebaan Cawad Cali Bukhaari; Guddoomiyihii Hay’ada Caymiska Qaranka
  6. Ku: Sahra Aadan Yuusuf; Guddoomiye Ku-xigeenkii Hay’ada Caymiska Qaranka.
  7. Ku: Cabdiwaasac Maxamed Yuusuf; Guddoomiye Ku-xigeenkii Hay’adda Dhawrista Tayada.
  8. Ku: Axmed Abokor Maxamed; Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka.

Marwo iyo Mudanayaal, Sida aad la socotaan, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hore u hayseen. Waxaan idiinka mahad-celinayaa muddadii aad hayseen xilalka Qaran.

Daawo: Ciidamada Jubaland ‘oo dhibaato xooggan ka gaystay’ deegaan ay tageen

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose, gaar ahaan degaan lagu magacaabo Qudus ayaa sheegaya in ciidamada daraawiishta Jubbaland ay ka geysteen dhibaatooyin ka dhan ah shacabka deegaankaas.

Odayaasha dhaqanka ee tuulada Qudus oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamada Jubbaland ay tuuladaas gubeen, sidoo kale ay ka geysteen dhimasho, dhaawacyo iyo burbur hanti dadweyne.

“Waxaan ka cabaneynaa dhibkii nagu dhacay, dad iyo duunyo ayey tuuladaan ku laayeen ciidamada Jubbaland, naf iyo maal wax noo ceynta malaha, gaadiid, guryo iyo duunyo ayaa la gubay,” ayuu yiri mid ka mid ah odayaashii warbaahinta la hadlay.

Odayaashaan ayaa dalbaday in gargaar loo fidiyo dadka ay Tuulada Qudus ku dhibaateeyeen ciidamada Jubbaland oo aysan garaneyn sababta ka dambeysay inay sidaas ula dhaqmaan.

Waxay sheegeen in tuulada aysan horay u joojin wax ciidan ah, isla markaana ay soo weerareen ciidamada Jubbaland oo ka geystay gabood fallo aan loo meel deyin, sida ay sheegeen odayaashii hadlay.

“Ciidamadaas waxay ka soo gudbeen dhowr deegaan oo aysan waxaba ka geysan, laakiin waxay weerareen tuulada Qudus oo cid hubeysan aysan joogin, dhimasho, dhaawac iyo burbur hanti ayey geysteen, waxaan ka canabeynaa ciidanka Jubbaland,” ayuu yiri oday kale.

Hoos ka daawo

Baabuur ay la socdeen wariyeyaal iyo askar oo lagu qarxiyey HIIRAAN

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Faah faahino kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax saaka ka dhacay duleedka degmada Matabaan oo ka tirsan gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala eegtay gaari ay la socdeen wariyeyaaal iyo askar, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Gaariga la qarxiyey ayaa ka mid ahaa kolonyo uu watay guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo horkacayey howlgallo ay ciidamada dowladda ka wadaan halkaasi.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxaas ku dhintay 3 qof oo uu ku jiray darawalkii gaariga, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan oo isugu jiro wariyeyaal iyo askar.

Wariyeyaasha dhaawaca ah waxaa ka mid ah Khaalid Muxumed (Ilkacase) iyo Cabdikariin Shabeelow, kuwaas oo ka howl-gala Telefishinka HirShabelle, xaruntiisa Beledweyne.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in dhaawacyada loo soo qaaday magaalada Beledweyne oo haatan lagu dabiibayo xaaladooda caafimaad.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka iyo maamulka gobolka Hiiraan oo ku aadan dhacdadaasi.

Hiiraan oo ay dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa waxaa inta badan ka dhaca weeraro ay ka geystaan dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab.

Wararkii ugu dambeeyey ee xiisadda SOMALILAND

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Magaalada Hargeysa waxaa weli ka taagan xiisad siyaasadeed oo u dhexeyso xisbiyada mucaaradka Wadani, UCID iyo xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo Biixi oo isku hayo arrimaha doorashada ee maamulkaasi.

Labada dhinac ayaa hawada isku marinayo erayo kul-kulul oo uga sii daraya xiisadda ka taagan Somaliland, iyada oo aan weli lagu guuleysan in wada-hadal lagu dhammeeyo.

Wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo ka hadlayey munaasabad ka dhacday Hargeysa ayaa weerarka afka ah ku qaaday mucaaradka, gaar ahaan musharaxa Wadani, isagoo ku eedeeyey inuu fowdo iyo kicin ka wado Somaliland.

“Cabdiraxmaan waxa aan oronayaa haddii aan is qabanay oo fikir iyo aragti ku kala qaybsanay ma ahayn in ay dhalinyaro kiciyaan oo qaylo & huuhaa in ay sameeyaan, Cabdiraxmaanow, Adiga, Faysal, Xirsi & labadiina Xisbi kama hadleyno sida aad Xafladda qaylada ugu dhammeyseen, Nabadda, Siyaasadda & degenaashiyaha diyaar uma tihiin, mas’uuliyiin arrin qaran doonaya in aydaan ahayn” ayuu yiri wasiir Maxamed Kaahin.

Dhinaca kale Musharax Cabdiraxmaan Cirro oo isna hadal siiyey waraabhinta ayaa u jawaabay xukuumadda, wuxuuna sheegay in xilligan aysan wada-hadal diyaar u aheyn.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay inay kalsooni siiyaan odayaasha dhaqanka ee haatan ku howlan dhex-dhexaadinta labada dhinac.

“Anagu Axsaab ahaan waxaa Madaxweynaha noogu dambeysay 24kii May, ina koorane wuu fadhiyay, habeenkaas meel la isaga soo noqdo may banneen, 9kii Bisha waxaa jiray Odoyaal isku xilqaamay oo haldoorka, Ganacsatada & salaadiinta kamid ah, way noo yimaadeen oo waxa ay naga codsadeen in aan hakino mudaharaadka oo ma warwareegin kalsooni ayaan siinay, waxa aan leenahay horta odoyaasha kalsoonida siiya markaas buu wadahalka iska billaabmi doonaa” Cabdiraxmaan Cirro.

Dhankiisa guddoomiyaha UCID, Faysal Calio Waraabe oo ka hadlay xiisaddan ayaa sheegay in muhiimaddu ay tahay in la bad-baadiyo mustaqbalka Somaliland, lana qabto doorasho.

“Maanta waxaa loo baahan yahay, kubadda xaggeenu ma taallo, Jin qofkii keena ayaa saara, Waxa aynu isku heysanaa carruurtaas mustaqbalkooda oo aan waxbarasho & dhul toona la siin balse lacagtooda la uruursanayo” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe.

Doorashada Somaliland ayaa ku waqtiyeysan 13-ka November 2022, waxaase mucaaradka ay ku eedeynayaan in Biiix ku howlan yahay muddo kororsi si dib loogu dhigo doorashada.

Guudlaawe oo taleefon kula hadlay weriyeyaal ay Al-Shabaab dhaawaceen

0

Guriceel (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle Cali Cabdulaahi Xuseen Guudlaawe ayaa qadka teleefoonka kula xiriiray wariyeyaashii ku dhaawacmay qarixii saakay ka dhacay duleedka magaalada Matabaan ee gobolka Hiiraan, sida ay shaacisay madaxtooyada maamulkaas.

Madaxweyne Guudlaawe ayaa mid mid ula hadlay labada Wariye ee dhaawacmay oo kala ah, Khaalid Maxamuud Cusmaan (Ilkacase) oo ah Agaasimaha Idaacadda Maamulka HirShabeelle ee gobolka Hiiraan iyo Cabdikariin Shabeelow oo ka mid ah shaqaalaha TV-ga maamulkaas.

Cali Guudlaawe oo weriyaashaan u muujiyay sida uu ula dareemaayo xanuunka dhaawacyada soo gaaray ayaa amray in dhaawacooda loo qaado magaalada Muqdisho.

Dhaawacyada labada Weriye oo maanta la dhigay isbitaalka Istarliin ee degmada Guriceel ayaa lagu wadaa in berri loo qaado magaalada Muqdisho, si daryeel dhaama kan gobolka ay u helaan.

Madaxweynaha HirShabeelle ayaa balan qaaday in si dhow uu ula soca doono xaaladda caafimaad labadaan weriye oo warbaahinta maamulka HirShabeelle ka howlgelayey.

Weriyaashaan ayaa la socday gaari NOAH ah oo qaraxu uu haleelay, waxayna qeyb ka ahaayeen kolonyo gaadiid ah oo la socday guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte oo horkacayey howlgallo ay ciidamada dowladdu ku qaadeen Al-Shabaab-kii ku sugnaa duleedka Matabaan.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxaas ku geeriyootay seddax qof oo kala ah darawalkii gaariga iyo laba askari, wuxuuna qaraxaasi ahaa miino la dhigay wadada dhinaceeda.

Dhinaca kale deegaanada dhaca koonfurta magaalada Matabaan waxaa maanta ka qarxay dagaal culus oo u dhaxeeyey Al-Shabaab iyo ciidanka dowladda, waxaana masuuliyiintii dagaalka hoggaamineysay ka mid ahaa guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte, wuxuuna warbaahinta u sheegay in Al-Shabaab ka saareen deegaanadii ay ku weerareen saakay.

Hoos ka dhageyso

https://youtu.be/3b1r4IQYxqY?t=20