26.5 C
Mogadishu
Thursday, July 2, 2026

“Shirqoolka Afrika lagu dilay Al-Shabaab keliya ma fulin,” – Waxaa sidaas sheegay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maareeyihii Tiyaatarka qaranka Abwaan Cismaan Cabdullaahi Guure ahna milkiilaha Idaacadda Kulmiye ayaa shaki badan ka muujiyey in kooxda Al-Shabaab keligeed ay fulisay dilkii qorsheysnaa ee loo geystay Agaasimihii Radio Muqdisho, Cabdicasiis Maxamuud Guuleed “Afrika”.

Abwaan Guure ayaa sheegay in uu ahaa shirqool gacan laga geystay, islamarkaana ay tahay in dowladda Soomaaliya baaritaan dhab ah ku sameyso dilka loo geystay Agaasimihii Radio Muqdisho.

“Cabdicasiis sida loo dilay baaris rasmi ah laguma sameyn, waxaa aaminsanahay shirqoolkan Shabaab keliya inaysan fulin, sababto ah Cabdicasiis gaariga uu watay ma aheyn midkiisa lagu yaqaanay meesha lagu qarxiyayna ma daganeyn,” ayuu yiri Abwaan Guure.

Waxa uu intaas kusii daray in xogteeda hayaan waxyar un ka hor markii weerarkii ismiidaaminta ahaa ee Sabtidii lala beegsaday Cabdicasiis uu kasoo tagay mas’uul ka tirsan wasaarada warfaafinta oo asagu markii hore la socday Afrika.

“Al-Shabaab inay kasoo shaqeysay waa ognahay, laakiin cidda la fududeynaysay ayey aheyd?,” ayuu yiri Guure oo farta ku godaya in shaqsiyaad kale Shabaab kala shaqeeyen dilka Afrika.

Ugu dambeyntiina waxa uu ku baaqay in dowladda Soomaaliya iyo laamaha amaanka ay fadhiga ka kacaan, islamarkaana ay shacabku damiir isku yeelan, si looga hortago qaraxa iyo dilka ay ku baxayaan haldoorka Soomaaliyeed.

Xiisadda ciidamada PSF iyo Deni oo meel sare gaartay

0

Garoowe (Caasimada Online) – Waxaa weli taagan oo sii xoogeysatay xiisadii ka dhalatay xil ka qaadistii uu madaxweynaha Puntland Saciid Deni ku sameeyay Agaasimihii ciidamada difaaca Puntland ee PSF, waxaana illaa hadda lagu guuleysan in xilka lagu wareejiyo agaasimaha cusub.

Ciidamada Amaanka Puntland ayaa 24-kii bishaan si adag uga horyimid xil ka-qaadista Maxamuud Cismaan Diyaano, waxayna bilaabeen inay baneeyaan qaar kamid ah Saldhigyadii ay kaga sugnaayeen duleedka magaalada Boosaaso.

Wasiirka Amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa warbaahinta hanjabaad adag u mariyay hogaankii ciidamada PSF ee ka gadoodsan xil ka qaadista Agaasimaha, isaga oo sheegay in marnaba aysan aqbali doonin in colaad laga abuuro magaalada Boosaaso.

Gallan oo shirka jaraa’id ay ku wehlinayeen Taliyaha guud ee ciidamada difaaca General Yaasiin Cumar Dheere  iyo Saraakiil kale ayaa sidoo kale waxa uu ku booriyay Agaasimihii hore ee PSF inay qaadin dhalinyarnimo, islamarkaana ay suno-dowladeed tahay xil ka qaadista iyo magacaabistaba.

“Agaasimaha cusub ee PSF-ta waxaa loo magacaabay in uu buuxiyo dal-daloolada muuqda maadaama dagaallo culus ay galeen waa in derajooyin la siiyaa, Ciidanku waa in aysan kasoo bixin xeryahooda, amarka ka qaataan Taliyaha cusub ee loo magacaabay” ayuu yiri Wasiir Gallan.

“Cid kasta oo qal-qal gelineysa amniga Boosaaso ma aqbali doono, Maxamuud waxa aan leeyahay Dhalinyaronimo yaanay ku qaadin oo aqbal xilka in aad wareejisid sidii shalay laguugu wareejiyay oo kale.”

Sidoo kale Taliyaha guud ee Ciidamada Difaaca Puntland, General Yaasiin Cumar Dheere ayaa ka digay in xil ka qaadista iyo wareejintaba ay sababaan isku dhac dhex mara Ciidamada iyo qalalaase ka dhasha tallaabo labada dhan ay qaadaan, sida uu hadalka u dhigay.

Saacadaha soo socda ayaa waxaa la filayaa in Saraakiisha Ciidamada PSF ay jawaab ka bixiyaan shirka jaraa’id ee qabteen mas’uuliyiinta maamulka Puntland iyo hanjabaada kasoo yeertay wasiir Gallan iyo Taliyaha Ciidamada difaaca Puntland.

Xog ku saabsan saddexda kursi ee doorashadooda berri lagu qabanayo Baydhaba

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee Koonfur Galbeed (GHDDKGS) ayaa shaaciyey saddex kursi oo kamid ah kuwa Golaha Shacabka oo berri doorashadoodu ka dhaceyso magaalada Baydhabo ee xarunta maamulkaas.

Saddexda kursi ee berri oo taariikhdu tahay 27-ka November 2021-ka lagu dooranayo Baydhabo ayaa waxay kala yihiin; HOP#182, HOP#170 iyo HOP#171.

Kursiga ugu horreeya ee Doorashada lagu daah-furayo oo ah HOP#182 ayaa waxa hadda ku fadhiya Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka 10-aad ee Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Kursiga labaad ee HOP#170 ayaa waxa asagna ku fadhiya Iimaan Cabdullaahi Cali, halka midka saddexaad ee HOP#171 ay Fowsiya Maxamed Sheekh ku metelaysay maamulka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka waqtigiisu dhammaaday.

Saddexda kursi ee uu ku dhawaaqay guddiga in doorashadooda ay dhaceyso berri ayaa waxay kamid yihiin 11 kursi oo uu dhawaan shaaciyay Guddiga hirgelinta doorashooyinka dadban ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, kuwaasi oo ayagna maalmaha soo socda la dooranayo, sida uu sheegay guddiga.

Tan iyo markii ay dalka ka billaabatay doorashada Golaha Shacabka waxaa la doortay Siddeed Mudane oo Gobollada Waqooyi (Somaliland) ah, Galmudug oo Afar Xildhibaan ah.

Beesha caalamka oo war ka soo saartay doorashada iyo musharaxiinta la hor-istaagay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Beesha Caalamka ayaa war-Saxaafadeed ka soo saartay walaaca laga muujinaya hanaanka ay ku billowdeen doorashooyinka Golaha Shacabka, waxayna dalbadeen in la helo doorasho lagu kalsoonaan karo oo ay aqbali karaan dhamaan daneeyayaasha doorashada iyo shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxay saaxiibada beesha caalamka ee Soomaaliya dalbadeen in 24-ka December lagu dhameystiro doorashada Golaha Shacabka, kadibna si deg-deg ah lagu soo gaba-gabeeyo doorashada madaxweynaha.

“Waxaan ku baaqaynaa in daah-furnaan buuxda loo sameeyo dhammaan geeddi-socodyada la xiriira, oo ay ku jiraan magacaabista guddiga soo xulista, xulasta ergada, diiwaangelinta musharraxiinta, kuraas u xirirsta haweenka musharraxiinta ah, si loogu hoggaansamo qoondada boqolkiiba 30 ee lagu heshiiyey, iyo maareynta lacagaha musharraxiinta,” ayaa lagu qoraalka kasoo baxay Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka.

“Waxa aanu sidoo kale ugu baaqaynaa guddiyada doorashada inay fududeeyaan korjoogeynta dhammaan hawlaha goobaha cod bixinta.”

Sidoo kale waxay ku adkeeyen howl-wadeenada doorashada inay tix-geliyaan xaqa ay musharaxiinta u leeyihiin inay isu-soo taagan doorashada, iyada oo la marayo jawi ku dhisan tartan dhab ah oo xalaal ah.

“Waxaan ku dhiirigelinaynaa ergooyinka iyo musharrixiinta doonaya inay soo gudbiyaan cabashooyinka doorashada inay sidaas ku sameeyaan iyagoo u maraya hababka sharciga ah ee loo sameeyay ujeedkan.”

Qoraalka kasoo baxay Beesha caalamka ayaa kusoo aadaya xili ay Musharaxiinta Mucaaridka ay walaac xoogan ka muujiyeen hanaanka doorashooyinka, gaar ahaan midda Golaha Shacabka oo dhawaan ka bilaabatay dalka.

Waxaa si wada-jir ah qoraalka u soo saaray; Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Denmark, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Kenya, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holand, Norway, Poland, Qadar, Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkiga, Uganda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay.

ILHAAN CUMAR oo jawaab cajiib ah ka bixisay hadalkii yaabka lahaa ee Boebert

0

Washington (Caasimada Online) – Xildhibaan Ilhan Cumar oo Congress-ka Maraykanka ku metasha Minnesota ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaantay hadal ay jeedisay Lauren Boebert oo ay isku gole ka tirsan yihiin lagana soo doorto Colorado.

Muuqaal laga duubay Boebert oo si weyn u qabsaday baraha bulshada ayaa waxa ay si kaftan ah argagixisanimo ugu eedaysay dhiggeeda Ilhan.

“Aniga iyo mid kamid ah shaqaalaha xafiiskeyga ayaa waxaan soo wada raacnay wiish ku yaal xarunta baarlamaanka ee Capitol, kadibna waxaan si degdeg ah kusoo galay askari walaacsan,” ayay tiri xildhibaankan looga bartay inay taageerto kooxaha midigta fog.

“Bidix ayaan eegay, kadibna waxaan arkay Ilhan Cumar. Waxaan tilmaamay in aysan wadan boorso [qarax sida] oo uu xaalku caadi yahay,” ayay u tiri si kaftan balse jees jees ah.

Waxa ay intaa raacisay inay la hadashay Ilhan oo ay ku tiri “eega, maanta kooxdii Jihaad-ka ayaa soo shaqa tagtay.”

Ilhan Cumar oo barteeda Twitter ugu jawaabtay ayaa sheegtay in sheekada Boebert ay tahay mid khiyaali ah oo aanay jirin meel ay isku arkeen

“Xaqiiq, doqontan hoos ayay eegtaa marka ay igu aragto xarunta baarlamaanka, waa sheeko khiyaali ah oo ay samaysay,” ayay tiri Ilhan.

Xildhibaan Ayanna Pressley oo ay xulafo yihii Ilhan ayaa hadalka Lauren Boebert ku tilmaantay mid ceeb ah, dulmi ku dheehan yahay isla markaana khatartiisa wata.

“Waa Islaam-naceyb kale oo si toos ah loola beegsaday Ilhan. Waa hadal wax dhimaya, khatarna ku ah xildhibaan Ilhan iyo bulshada Muslimka. Waa in la cambaareeyo hadallada noocan, laguna xisaabtamo cidda tiraahda,” ayay barteeda Twitter ku qortay Pressley.

Boebert ayaa todobaadkii hore dhaleeceyn xooggan la kulantay kadib markii ay Ilhan Cumar ugu yeertay xubin ka tirsan “kooxda Jihaad-ka” xilli ay ka hadlaysay congress-ka.

Ilhan oo kamid ah labada gabdhood ee ugu horreeyay ee iyagoo Muslim ah loo doorto Congress-ka ayaa xulafo ka dhigatay dumar xildhibaanno ah oo isku tilmaana inay yihiin hor-u-socod.

Madaxweynihii hore ee Maraykanka, Donald Trump, ayaa lagu xusuustaa hadalladii xanafta lahaa ee uu ku beegsan jiray xildhibaan Ilhan Cumar.

FIQI oo soo jeediyey laba awood oo lagu hor-istaagi karo doorasho boobka socda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi ayaa usoo jeediyey golaha Midowga Murashaxiinta Soomaaliya inay hor-istaagaan doorasho boobka dalka ka socda.

Fiqi ayaa ka fal-celinayey warkii shalay kasoo baxay golaha ee ay ku sheegeen inay ka fakarayaan dowlad cusub oo ay dhisaan haddii ay sidan ku socoto doorashada dalka oo ay hareeyeen musq-maasuq iyo boob cad oo aan horey loo arag.

“Midowga musharaxiintu waa ku mahadsan yihiin mawqifkooda adag iyo hadal-cadaantooda waqtigii loo baahnaa ay soo saareen, waana kaalin ay lahaayeen in ay saxaan qaladaadka ay galayaan kooxda Villa Somalia iyo gacan-yarayaashoodu,” ayuu yiri Fiqi.

Waxa uu sidoo kale si dadban u weeraray ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, oo uu ku eedeeyey inuu ka aamusan yahay xadgudubyada socda.

“30 sano ka dib, in dal dhib kasta soo maray ay doorashadiisu sidaan u ekaato waa ayaandarro weyn iyo damiinimo kuwa taladiisu ay gacanta ugu jirto, waana mas’uuliyad xumo kuwa doorashada lagu aaminay ee shaqadoodu ay ku soo koobantay hambalyada oo kaliya,” ayuu yiri Fiqi.

Fiqi ayaa Midowga Musharaxiinta usoo ujeediyey inay boobka socda hor-istaagaan ayaga oo kaashanaya ciidamada qalabka sida iyo shacabka.

“Shalay kali-talisnimadii, dastuur diidkii iyo muddo kororsigii waxaa hor istaagay midowga musharixiinta ayagoo kaashanaya shacabka iyo ciidamada qalabka sida maantana ayagaa laga rabaa in ay hor istaagaan doorasho la dhoodhoobay iyo marin habaabinta mustaqbalka dalka,” ayuu yiri Axmed Macallin Fiqi. 

Sawirro: Safiirada Somalia ee Pakistan oo ku guuleysatay biladda safiirka sanadka

0

Islamabad (Caasimada Online) – Safiiradda Soomaaliya ee dalka Pakistan marwo Khadiija Al-makhzoumi ayaa maalintii shalay aheyd la gudoonsiiyey bilad sharafta qaaliga ah ee safiirka ugu wanaagsan ee sanadka 2021. 

Biladda sharaftaan ayaa ah mid dalka Pakistan uu sanadkiiba mar labixiyo, laguma abaalmariyo safiirada dalalkooda sida wacan ugu adeega ee fadhigoodu yahay magaalada caasimadda ah Islamabad.

Safiirad Khadiija waxay abaal marintaan ku kasbatay ayadoo muujisay howl karnimo, firfircooni iyo sida ay u hormarisay xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Pakistan mudadii ay halkaasi safiiradda ka aheyd. 

Waxay muddadii ay xilka haysay ka shaqeysay mashruucyo badan oo faa’iido u leh dadka iyo dowladda Soomaaliya, sidoo kale ay ku jirto danta labada dal ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Pakistan.

Safiirad Khadiija ayaa sidoo kale ka shaqeysya caawinta iyo u adeegidda jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Pakistan, oo badankood ah arday dalkaas u tegay waxbarasho.

Xog: Madaxweyne Farmaajo oo bad-baadiyey mustaqbalka siyaasadeed ee MURSAL

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa badbaadiyey mustaqbalka siyaasadeed ee guddoomiyaha baarlamanka waqtigu ka dhammaaday Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Maxamed Mursal, oo tan iyo markii uu qabtay xilka guddoomiyaha baarlamanka ahaa adeege edban oo ka amar qaata Farmaajo, ayaa halis u galay inuu kursigiisa ku waayo xurguf siyaasadeed oo kala dhaxeysa madaxweynaha Koonfur Gableed Cabdicasiis Lafta-gareen. 

Maxamed Mursal ayaa waxaa sidoo kale diiday odayaasha beeshiisa, oo ka careysnaa inuu kursiga iyo xilka guddoomiyaha baarlamanka ka dhigay mid shaqsi gaar ah loogu adeego, wuxuuna mar ku fakaray inaanu tegin Baydhaba, oo aanu is-sharxin. 

Hase yeeshee, Farmaajo ayaa cadaadis xooggan saaray Lafta-gareen kuna qanciyey inuu Mursal soo saaro, isaga oo u sheegay in haritaanka Mursal ay astaan u noqon karto in xulafadiisa siyaasadeed ay guul-darro ku dambeeyaan.

Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ayaa la sheegay in badbaadinta kursiga Mursal geliyeen dadaal iyo lacag badan oo lagu aamusiyey qaar ka mid ah odayaashii diidanaa.

Dadaal dheer kadib Mursal ayaa Talaadii la siiyey shahaadada musharaxnimo ee kursiga HOP56, waxaana la filayaa in dib loo doorto maadaama aysan jirin musharaxiin miisaan culus oo kula tartami doona.

Farmaajo ayaa abaal weyn uga haya Mursal sida uu ugu adeegay muddadii uu kursiga ku fadhiyey, isaga oo gacan ka siiyey in si sharci-darro ah xilka looga tuuro ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, sidoo kalena u ansixiyey muddo kororsigii sharci-darrada ahaa ee dagaalka geliyey Muqdisho.

Gudiga xallinta khilaafaadka doorashada oo soo kordhiyey shuruud yaab leh oo lacag ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka dadban ayaa soo saaray habraac cusub oo loo marayo soo gudbinta dacwooyinka ka dhasha Kuraasta Golaha Shacabka oo dhawaan ka bilaabatay dalka.

Sida uu maanta baahiyey telefishanka Qaranka Soomaaliyeed ee SNTV ka hor inta aan cabashada loo gudbin guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyin waa in uu bixiyo dacwooduhu lacag dhan 3,000 oo dollar.

“Waa in uu soo gudbisto codsiga dacwada oo qoraal ah, kuna soo lifaaqo galka cabashadiisa/deeda waraaqda rasiidka bixinta lacagta diiwaan-gelinta dacwada oo dhan $3,000 (sadex kun oo doolar), kuna soo shubaa xisaabta bangiga (Accounta Number) loo asteeyay. Waa in uu soo buuxiyo foomka diiwaan-galinta dacwad dacwada doorashada ee guddiga xallinta khilaafaadka doorashada dadban ee 2020-2021.”

Lacagta ayaa marnaba la celinayn haddii dacwada la gudbiyey loo xukmiyo dhanka dacwoodaha uu ka cabanayo iyo haddii la’laalo labadoodaba, sida uu sheegay guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka.

Siyaasiga ama Musharaxa ka dacwoonaya boob lagula kacay Kursigiisa iyo hanaanka doorashada loo maamulay waxa uu gudbin kara dacwadiisa labo illaa saddex maalmood gudahood marka la shaaciyo liiska ergada iyo musharaxiinta.

Cadadka lacagta iyo waajibnamadeed ka hor inta aan la gudbin dacwada ayaa falan-qeeyayaasha qaarkood ku tilmaamen “mid la yaab leh” oo looga gaashamanayo in la gudbiyo dacwad, maadama ay sheegen in mugdi badan ku gadaaman yahay hufnaanta guddigaas.

Sidoo kale Guddiga ayaa shaaca ka qaaday in illaa muddo 7 cisho ah uu baarayo, marka dacwadda lasoo gaarsiiyo, lana waafajiyo habraaca ay soo saareen, islamarkaana ay ogeysiinayaan guddiyada doorashooyinka.

Ugu dambeyntiina guddiga ayaa ku wargeliyey musharixiinta iyo codbixiyeyaasha in la qaataan habraaca ay soo saareen oo ku aadan sida loo wajahayo, haddii ay cabasho timaado.

Mas’uulkii ugu horeeyay ee SOOMAALI ah oo ku biiraya dagaalka dalka ETHIOPIA

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxa xisbiga haya talada Ethiopia ee u qaabilsan dowlad deegaanka Soomaalida, Injineer Maxamed Shaale Isxaaq ayaa markii u horeysay ku dhawaaqay in uu ku biirayo jiidda dagaalka.

Waxa uu sheegay in diyaar u yahay inuu u hogaansamo baaqa Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, xili qaar kamid ah mas’uuliyiinta dowladda Federaalka ay ku dhawaaqeen inay ka qeyb-galayaan dagaalka ka dhanka ah jabhadda Tigray.

“Waxaan diyaar u ahay in aan tego jiidda hore ee dagaalka, waxaana u hoggaansamayaa baaqa Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed” ayuu yiri Maxamed Shaale Isxaaq, sida lagu baahiyay bogga Facebook ee xisbiga Prosperity Party.

Waa mas’uulkii ugu horreeyay ee Soomaali ah oo si rasmi ah ugu dhawaaqa in uu ka qeyb galayo dagaalka Ethiopia, balse ay jiraan Ciidamo ka tirsan kuwa dowlad degaanka Soomaalida oo ka qyeb galay dagaalka ka socda dalkaas.

Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa Isniintii wacad ku maray inuu tegi doono furinta dagaalka si uu hogaamiyo ciidanka, isagoona sheegay inay ku jiraan wejigii ugu dambeeyay ee badbaadinta Ehtiopia.

Ciidamada Tigray-ga ayaa soo gaaray magaalo 220-km u jirta Addis Ababa, kadib markii ay wax ka yar bil gudaheed kusoo jareen dhul 100-km ka badan.

Abiy ayaa ciidamada dowladda u diray gobolka Tigray bishii November ee 2020, kadib markii uu TPLF ku eedeeyey inay weerareen xero ay leeyihiin ciidamada dowladda.

Kadib bilo ay haysteen gobolka, ayaa wax walba waxay isbeddeleen bishii June ee sanadkan kadib markii TPLF ay dib ula wareegtay gobolka, ciidamada dowladdana ay ka baxeen.

Wixii markaa ka dambeeyey TPLF ayaa isku ballaarisay gobollada deriska la ah ee Amhara iyo Afar.

Waxaa sii kordhaya digniinta caalamiga ah ee ku aaddan in laga baxo magaalada Addis Ababa ee caasimadda Ethiopia, xilli ay kusoo dhowaanayaan mucaaradka dalkaas.

Mooshinka ka dhanka ah DP World oo loo gudbinayo baarlamanka PUNTLAND

0

Garoowe (Caasimada Online) – Qaar kamid ah xubnaha Baarlamaanka maamul Goboleedka Puntland ayaa wado olole mooshin looga keenayo  Heshiiskii Shirkadda DP World iyo Xukuumadda ee ku saabsan Dekadda Boosaaso.

Sida ay illo wareedyo lagu kalsoonaan karo sheegayaan in ka badan 41 mudane ayaa saxiixay mooshinka la doonayo in lagu baabi’iyo heshiiska Puntland iyo Shirkadda laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta ee DP World.

Maanta ayaa la filayaa in mooshinkaan oo ay saxiixeyn 41 Xildhibaan loo gudbiyo guddoonka Golaha Baarlamaanka Puntland, iyada oo la sheegayo in ka hortegida mooshinkaan aysan waxba ka qaban karin Xukuumadda & Guddoonka Golaha Wakiilada Puntland intaba.

Lama xaqiijin karo haddii uu mooshinkaan wax ka og yahay madaxweynaha Puntland iyo haddii uusan raali ka aheyn, mana muuqato dadaalo uu Deni ku doonayo in looga hortago mooshinka.

Sanadkii 2017-kii ayay heshiiska ballaarinta dekadda Magaalada Boosaaso wada saxiixdeyn Xukuumaddii uu madaxweynaha ka ahaa Cabduweli Maxamed Cali Gaas & Shirkadda DP World.

Shirkadda DP Word ayaa lagu eedeeyey inaysan weli wax muuqda kusoo kordhin Dekadda Boosaaso marka laga reebo inay iska qaadato lacagta kasoo xarooto sida uu horey u sheegay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi.

Wixii warar ah ee kusoo kordha mooshinka kala soco wararkeena soo socdo Inshaa Allah

Wararkii ugu dambeeyey xaaladda dalka Itoobiya iyo duqeyn ka dhacday Mekelle

0

Mekelle (Caasimada Online) – Guddiga xaaladda deg-degga ah ayaa kulan ay yeesheen ku qiimeeyay xaaladda guud ee wakhti xaadirkan ka jirta Itoobiya iyo tallaabooyinkii guddigu qaaday, waxaana ay caddeeyeen in xaaladda deg-degga ah loo fulinayo ujeeddadii laga lahaa.

Bayaanno cusub ayaa laga soo saaray oo ka kooban afar qodob oo lagu xoojinayo hawlgallada socda ee xaaladda deg-degga ah, si meesha looga saaro caqabadaha jira, waxayna ciidamada Ammaanka bilaabeyn howlgalo ay ku fulinayaan amarka kasoo baxay Dowladda.

Amarada cusub ee lasoo saaray ayaa waxaa kamid ah in dadka Shacabka ah looga digay inay xirtaan dareyska ciidamada Dowladda ee Booliska iyo Militariga, waxaana ciidamada ammaanka lagu amray inay tallaabo ka qaadaan ciddii lagu arko.

Dhanka kale, Duqayn dhanka cirka ah ayaa dhacday magaalada Mekelle ee gobolka Tigray, halkaas oo ay ku sugan yihiin maleeshiyaad farabadan oo ka tirsan xoogaga TPLF.

Diyaaradaha aan Duuliyaha lahayn ee Itoobiya ayaa la sheegay inay Duqaynta ka fuliyeen dhawr xarunta  oo ku yaalo Mekelle.

Waxaa jira khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay duqeynta, waxaana xoogaga TPLF ay ku eedeeyeen Ciidamada Federaalka Itoobiya inay duqeynta la beegsadeen dad rayid ah.

Labo arrin midkood ‘oo xal u noqon kara’ dilka ka socda magaalada MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, ahna haatan ergayga gaarka ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ee Soomaaliya, Mudane Yuusuf Garaad Cumar ayaa soo bandhigay labo arrin oo midkood xal u noqon karto dilalka kusoo badanaya magaalada Muqdisho.

Yuusuf Garaad oo ka hadlay dilkii Agaasimihii Radio Muqdisho, Cabdicasiis Maxamuud Guuleed “Afrika” oo habeenkii Sabtidii weerar ismiidaamin ah lala beegsaday ayaa waxaa uu sheegay in Al-Shabaab ay falalkaas u aragto libin.

Waxa uu sheegay in xiligeedii la joogo sida uu qabo in lala heshiiyo kooxda Al-Shabaab, si xal loogu helo islamarkaana meesha looga saaro dilka ay fuliso kooxdaas oo inta badan Xamar uun ah.

Sidoo kale waxa uu ku taliyay in midda hore haddii ay suurtagali weyso si dhab ah la isaga dhiciyo oo loo wada jeesto dagaalka ka dhan ah, si looga keeno mira-dhal xasilooni amni u horseeda dalka.

Yuusuf Garaad ayaa qaba haddii labadaas arrin midkood laga dhabeyn waayo in Al-Shabaab ay sii wadi doonto dilalka qorsheysan iyo qaraxyada oo ay inta badan ku baxaan shaqsiyaad muhiim ah iyo shacab.

Dilalka iyo qaraxyada qorsheysan ee Al-Shabaab ay fuliso ayaa markale muddooyinkii dambe kusoo badanayey dalka, gaar ahaan magaalada Muqdisho, kaasi oo ugu dambeeyay mid saaka ka dhacay wadada Cabdiqaasim ee degmada Hodan, oo ay ku dhinteen ugu yaraan illaa 8 qof, halka ay ku dhaawacmeen 17 kale oo u badan shacab xiligaas marayey wadada dhinaceeda.

Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalka Ethiopia iyo Abiy Ahmed oo gaaray furinta hore

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa ku biiray furinta hore ee halka ciidamadiisa ay kula dagaalamayaan mucaaradka kasoo jeeda gobolka Tigray.

“Abiy waxa uu hadda hogaaminayaa weerar celiska, wuxuuna hagayey dagaalka shalay,” waxaa sidaas tiri warbaahinta dowladda ee FANA.

Ma cadda halka uu Abiy, oo horey uga tirsanaa militariga, uu dagaalka kaga jiro. Warbaahinta dowladda sidoo kale sooma bandhigin muuqaallo muujinaya isaga oo jooga aagga dagaalka.

Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka, oo ka jawaabeysa wararka sheegaya in Abiy uu tegay furinta dagaalka, ayaa ka digtay in dagaalka Ethiopia “uusan laheyn xal militari.”

“Waxaan ku boorineynaa dhammaan dhinacyada inay ka fogaadaan hadallada dagaal iyo dab hurinta ah, oo ay adeegsadaan is-xakameyn, ilaaliyaan xuquuqda aadanaha, shacabkana badbaadiyaan,” waxaa sidaas yiri afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka Ned Price.

Hadalka Abiy uu Isniintii ku sheegay inuu tegi doono furinta dagaalka, ayaa “kuwa badan ku dhiirii-gelisay inay ku biiraan ololaha bad-baadada,” waxaa sidaas sheegtay FANA.

Boqolaal ciidamo cusub ah ayaa Arbacadii ka qeyb-galay xaflad lagu soo dhoweynayey oo ka dhacday degmada Kolfe ee magaalada Addis-Ababa.

“Marka hoggaamiyaha uu ka tago kursigiisa iyo carshigiisa, waa inuu dalka badbaadiyo,” waxaa sidaas AFP u sheegay Tesfaye Sherefa, oo ah 42 jir darawal ah.

Feyisa Lilesa, oo ah orodyahan Ethiopia ah oo bilad qalin ah ku guuleystay cayaaraha olombikada ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in soo siqitaanka mucaaradka “ay tahay fursad weyn” oo dalka lagu difaaco.

Dhinaca kale, diblomaasiyiinta caalamiga ah iyo shaqaalaha hay’adaha ayaa kasii baxaya Addis Ababa, ayaga oo ka cabsi qaba inay mucaaradka qabsadaan, kuwaasi oo kusoo dhowaanaya.

AFP + VOA

Imaaraadka oo wada-hadal la furay Taalibaan iyo qorshaha uu ka damacsan yahay

0

Kabul (Caasimadda Online) – Imaaraadka Carabta ayaa kusoo biirtay loolanka ay Dowladaha Turkiga iyo Qatar ku doonayaan inay saameyn ku yeeshaan Kooxda Taliban ee la wareegtay Afgaanistaan sida laga soo xigtay afar ilo diblomaasiyadeed oo arrintan wax ka og.

Imaaraadka ayaa kooxda Taalibaan usoo bandhigtay qorsho ay dooneyso in lagu siiyo maamulka Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Kabul.

Saraakiisha Imaaraadka Carabta ayaa wada-hadalo xiriir ah la yeeshay kooxda Taliban todobaadyadii la soo dhaafay si ay uga wada-hadlaan sidii loogu wareejin lahaa garoonka diyaaradaha ee u adeegaya isku xirka hawada ugu muhiimsan ee Afgaanistaan ku leedahay caalamka, sida ay wakaalada wararka ee Reuters u sheegeen diblamaasiyiinta shisheeye ee fadhigoodu yahay gobolka khaliijka.

Warbixinta la xiriirta qorshaha Imaaraadka waxay ku soo beegantay  xilli uu dhaxal-sugaha Abu Dhabi, Sheikh Mohammed bin Zayed Al Nahyan ku joogo dalka Turkiga safar uu ujeedkiisu yahay heshiisyo maalgashi.

Kulanka uu Sheekh Maxamed kula yeeshay magaalada Ankara Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, waa booqashadii ugu horreysay ee labada dhinac ay ku kulmaan muddo sannado ah, wuxuuna kusoo aadayaa xilli uu loolan adagi ka dhex aloosan yahay gobolka.

Dowladaha Qatara, Turkiga iyo Imaaraadka ayaa ku loolamayo sidii ay dowlad kasta u muujin laheyd xiriirka dhow oo ay la leedahay Dowladda ay dhisatay Kooxda Taliban oo aan weli helin aqoonsi Caalami ah.

Imaaraadka ayaa aad u daneynaya in ay ka hortagaan maqaamka diblumaasiyadeed ee Qatar ay ku leedahay Afgaanistaan, sida laga soo xigtay afartan ilood oo diiday in magacooda la shaaciyo sababo la xiriira xasaasiyadda ay leedahay.

Qatariyiinta ayaa gacan ka geysanayay maamulida garoonka caalamiga ah ee Hamid Karzai, iyadoo ay wehliyaan Turkiga, waxayna kaalin weyn ka qaateen dadaalkii daadgureynta ka dib bixitaankii Mareykanka ee bishii August, waxayna sheegeen inay diyaar u yihiin inay la wareegaan howlaha.

Si kastaba ha ahaatee, Taliban wali si rasmi ah uma ay samayn heshiis ay la gashay Qatar, ayay yiraahdeen afarta diblamaasi.

Sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka ayaa sheegay in Imaaraadka oo horey u maamuli jiray garoonka diyaaradaha ee Kabul, xilligii jamhuuriyadda Afgaanistaan ee uu Maraykanku taageerayey, “ay ka go’an tahay sii wadida ka caawinta ka shaqaynteeda”, si loo fududeeyo howlaha bini’aadanimo iyo marin ammaan ah.

Labo ka mid ah diblamaasiyiinta ayaa sheegay in Taalibaan ay sidoo kale kaalmo dhaqaale ka dalbadeen Imaaraadka, inkastoo ay raaciyeen inaysan caddayn in arrintani ay la xiriirto wada-hadalladii garoonka diyaaradaha.

Sarkaal ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka oo lagu magacaabo Salem Al Zaabi, oo ah agaasimaha iskaashiga amniga caalamiga ah ayaan ka jawaabin su’aal ahayd in Imaaraadka uu ka fikirayo in uu taageero dhaqaale siiyo Taliban.

Qodobka ugu weyn oo illaa hadda aysan ka heshiin Taliban iyo cidda lagu wareejinayo maamulida howlaha Garoonka ayaa ah cidda sugeyso ammaanka Garoonka.

Talibanka ayaa sheegtay in aysan dooneyn in dalka ay joogaan ciidamo shisheeye, kadib markii ay dib ugu soo laabteen xukunka kadib labaatan sano oo dagaal ah.

Ciidamada gaarka ah ee Qatar ayaa hadda sugaya ammaanka xayndaabka garoonka, iyadoo ciidamada gaarka ah ee Taliban ay gaaf wareegayeen aagaga bannaanka ah.

Afar arrin oo sabab u ah inuu KHEYRE noqdo musharaxa kaliya ee ku qanacsan sida doorashada ay u socoto

0

Muqdisho (Caasimada Onlie) – Ra’isul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa noqday musharax kaliya ee hambalyo u diray shantii xubnood ee Golaha Shacabka ee la doortay maalintii Talaadada.

Dhammaan xubnaha kale ee mucaaradka ayaa ka aamusay oo diiday inay soo dhaweeyaan kuraasta shalay la doortay ee reer Woqooyiga.

Isweydiinta ugu badan ayaa noqotay sababta uu Kheyre u soo dhaweeyey doorasho ay saaxiibadiis ka amuuseen.

Midowga musharixiinta dhexdooda laba musharax ayaa gooni ka ah oo kaga aragti duwan xubnaha kale sida loo wajahayo diidmada Doorashada. Mid waa Xasan Cali Kheyre, midna waa Shariif Sheekh Axmed.

Labadaas nin waxaa agtaala ayaa la leeyahay rajo meel kale ka muuqata. Inkastoo ay jiraan warar sheegaya in Sheekh Shariif maalmahaan isbadal ku dhacay oo uu kasoo niyad jabayo habka ay ku socoto doorashada, haddana Xasan Cali Kheyre wuxuu weli u muuqdaa siyaasiga kaliya ee mucaaradka ka tirsan oo ay shaqo fiican u socoto.

Afar arrimood ayaa sal looga dhigay qanaacada doorasho ee ka muuqata musharax Madaxweyne Xasan Cali Kheyre.

1-  Soo saarista Xildhibaanada

Marka laga hadlayo musharixiinta mucaaradka, Xasan Cali Kheyre waxaa la sheegay inuu yahay ninka ugu badan ee ka shaqeeya arrimaha soo saarista xildhibaanada.

Lacag badan ayaa la sheegay inuu ku bixiyey inuu soo saarto Senatoro iyo xubno golaha Shacabka ah. Walaac badan kama qabo dadka soo baxay oo la fahamsan yahay inuu si weyn ugu dhex jiro

2- Xubnaha reer woqooiga

Marka laga tago Farmaajo, Xasan Cali Kheyre waa siyaasiga ugu badan oo ay reer Woqooyiga rabaan ama ay u arkaan inay shirko la noqon karaan, sida ay sheegayaan dadka siyaasadda gudaha xog-ogaalka u ah.

Xubnaha soo baxay ee reer woqooyiga qaar ayaa si aan qarsooneyn ugu ololeeya Xasan Cali Kheyre, waxaana la sheegay inay weli shaqo badan ugu dhex socoto xubnaha reer waqooyiga ee u sharaxan Golaha Shacabka, waana sababta uu mar walba ula garab taagan yahay guubaabada iyo dhaqaalaha.

3- Xukuumadiisii hore

Xasan Cali Kheyre xubnaha soo baxay illaa iyo hadda ama kuwa heysta fursadda ugu fiican ee Xildhibaanimo waxay u badan yihiin xubnihii xukuumadiisa.  Kooxda Farmaajo walaac badan kama qabto xubnahaas oo ay iyaguba u arkaan inay abaal ku leeyihiin .

Waxaa la sheegay inuu Kheyre aaminsan yahay inuu dadka oo dhan uga dhow yahay xubnahaas oo ay ka dhaxeyso wanaag hore, maadaama uu madax usoo ahaan jiray

3- Lacagta

Kheyre, Farmaajo iyo Deni waxaa loo arkaa seddexda nin ee lacagta ugu badan heli kara ama heysta ee ku jira tartanka doorashada ee sanadkaan.

Xubnaha ololaha ee Xasan Cali Kheyre waxay lacag badan ku taageereen sida la sheegay Xildhibaano iyo Senataro, waxayna weli aaminsan yihiin in haddii doorashadaan dhaqaale ku xiran tahay inaan lacag looga adkaan karin.

Aftartaas qodob ayaa la sheegay inay Kheyre ku rideen dareen geesinimo ah oo uusan kaga baqeyn sida illaa hadda ay ku socoto doorashada guud ee dalka.

Dadka uu soo saartay iyo kuwa uu hadda kaalmada maaliyadeed la garab taagan yahayba inay codka siin doonaan iyo in kale waa dood furan, balse shaqada uu doorashada ka dhex qabanayo Ra’isul wasaarihii hore waa mid xooggan.

Inkastoo Xasan Cali Kheyre uu illaa iyo xad ku qanacsan yahay sida ay doorashada ku socoto, haddana xubaha kale ee mucaaradka ma qanacsana.

Daawo: Jawaari oo ka hadlay diidmada lagu sameeyey inuu u tartamo kursiga HOP103

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee baarlamanka Soomaaliya Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa markii u horeysay ka hadlay isbaaro siyaasadeed oo loo dhigay, si looga wareejiyo kursigiisa xildhibaanimo.

Jawaari oo magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed u tagay tartanka doorashada ayaa sheegay in laga hor istaagay musharaxnimadiisa, meeshana ay ka jirin doorasho daah-furan.

“Caqabado iyo culeys ayaa naga horyimid, arrimaha meesha ka socda (Baydhabo) aniga shaqsiyan marka qiyaasay meeshan ma fidsana gogol nin gob ah oo wax kasoo doontay oday meeshan ma taallo. Waxaa socda arrimo tagri-fal caadi ah,” ayuu yiri Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu sheegay in si bareer ah loo sameynayo gabood fal, kaasi oo baalmarsan hanaanka doorashooyinka dalka iyo heshiiskii madaxda Golaha Wada-tashiga Qaranka.

“Waxaa laga horyimid xaqii siyaasiga ahaa, meeshan wax nidaam dowladeed iyo xaq wax lagu qeybinayo uma jeedo. Waxaa ka baqayaa in faraha ka baxdo dowladnimadii yareyd ee soo kasbanay.”

Waxa uu intaas kusii daray in uu ka tagayo magaalada Baydhabo, maadama laga hor istaagay in uu isku soo sharaxo kursiga sumadiisu tahay HOP103 oo uu sheegay inuu yahay musharaxa rasmiga ah ee beesha ay wadato.

“Aniga illaa hadda waxa ahay musharax rasmi ah oo u sharaxan kursiga 103 sugayana in la qabto doorasho xor iyo xalaal ah oo daah-furan ayaa diyaar u ahay, illaa taas laga gaarayana sidaasa usoo taaganahay.”

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in wada-hadal uu u socdo beeshiisa oo iska leh kursiga go’aanka laga hor istaagay inuu isku sharaxo iyo madaxda sare ee maamulka Koonfur Galbeed.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, go’aanka Guddoomiyihii hore ee BFS looga hor istaagay musharaxnimada ayaa ka yimid madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo ku amray inaan lasoo saarin Jawaari.

Guddiga doorashada Koonfur Galbeed ayaa kursiga HOP103 ee uu ku fadhiyo Jaawaari u diiwaan-geliyey musharax Maxamed Cali, oo ah wasiirka Howlaha Guud ee Koofur Galbeed kuna dhow Lafta-gareen.

Odayaasha beesha uu kasoo jeedo Jawaari ayaa si buuxda u taageersan guddoomiyihii hore, hase yeeshee waxaa rabitaankooda hor-istaagay Lafta-gareen oo ka amar qaadanaya Villa Somalia.

“Waxa socda waa ‘i dooro ama aan ku dilo’ ee ma ahan doorasho boob keli ah”

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ahna musharax u taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya ayaa markale walaac xoogan ka muujiyey hanaanka ay ku socdaan doorashooyinka dalka.

Waxa uu sheegay in dalka ay ka socon doorasho boob keli ah ee ay tahay “sharaf dhac qaran iyo in la is quusiyo oo dadka la kala dooransiiyo idooro ama aan ku dilo”.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sidoo kale wax laga xumaado ku tilmaamay in tartanka doorashada loo diido uddoomiyihii hore ee baarlamanka Soomaaliya Prof Maxamed Cusmaan Jawaari oo uu sheegay in la ogyahay waxa uu u soo taray dalka, halka shaqsiyaad tuhmanayaal ah qasab kuraas lagu saaray, sida uu sheegay.

“Doorasho tartankeeda loo diiday Prof Jawaari oo dalka wuxuu u soo taray la ogyahay, Yaasiin Fareey oo la tuhunsane ahna xildhibaan looga soo dhigay, ma ah boob doorasho oo keli ee waa sharaf dhac qaran, in la is quusiyo, dadkana la kala dooransiiyo “i dooro ama aan ku dilo”.” ayuu Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Siyaasiga ayaa sidoo kale sheegay inaysan jirin wax la yiraahdo doorasho, isagoona shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay u diyaar garoobaan sidii ay iskaga dhici lahaayeen “dulmiga iyo heeryada duliga”.

“Waxaan xusuusinayaa kuwa foolxumada iyo fadeexada intaa la eg ku kacaya ama ka marqaati kacaya, iyagoo Farmaajo ugu abaal gudaya in ay dadnimadooda, damiirkooda iyo qarankaba dhaawaceen.”

“Waxaana hubaal ah in ay meelmari doonin, dulmiguna uusan waari doonin. Doorasho ma jirtee, shacabka Soomaaliyeed waa in ay u diyaar garoobaan sidii ay dulmiga iyo heeryada dulliga u diidi lahaayeen,” ayuu ugu dambeyntii ku yiri qoraalkiisa.

Midowga Musharaxiinta oo mowqif adag kasoo saaray doorashada dalka ka socota

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan ay iskugu yimaadeen inta badan xubnaha Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa maanta ka qabsoomay magaalada Muqdisho, kaasi oo saluug looga muujiyey hanaanka doorashooyinka dalka ay ku socdaan.

Kulanka oo uu shir guddoominayo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Midowga Musharixiinta Shariif Sheekh Axmed ayaa waxa diirada lagu saaray doorashada Golaha Shacabka oo ka bilaabatay dalka.

Musharaxiinta ayaa sidoo kale uga wada-hadlay cabashooyinka iyo walaaca laga qabo doorashooyinka socda qaarkood, kuwaasi oo laga qaloociyey hanaankii saxda ahaa ee loogu tala-galay.

Afhayeenka Midowga Musharrixiinta Daahir Maxamuud Geelle oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay ku qanacsan yihiin in sida ay hadda wax ku socdaan uu dalka ka ridayo bur-bur baahsan oo aan la mahdin.

“Waxaa rabnaa in bulshada Soomaaliyeed iyo aduunka intiisa kale la wadaagno waxaa si buuxda ugu qanacsanahay sida ay ilaa hadda wax ku socdaan waxa ka dhalan kara ay tahay bur bur baahsan oo dalka Soomaaliya ku habsada, oo aan rabin in uu dhaco anaga oo nool oo wax ka qaban karo,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in doorasho boobka ka bilowday dalka uu meel xun gaarsiinayo Soomaaliya, islamarkaana aysan marnaba aqbali doonin oo ay uga gudbi doonaan hanaan midkan ka gedisan, sida uu hadalka u dhigay.

“Midowga Musharaxiinta waxa uu sameyn doono kulamo joogto ah oo maalmaha soo socda dhaca, oo uga tashanayno samata-bixinta bulshada Soomaaliya ee hanaanka boobka iyo burburinta looga samatabixinayo.”

Waxa uu sheegay in kulamo kala duwan ay la qaadan doonaan qeybaha kala duwan ee bulshada, Odayaasha dhaqanka iyo Saraakiisha ciidanka, maadama uu Golaha isla qaatay in laga horyimaado hanaanka ay ku bilaabatay doorashada Golaha Shacabka.

“Sababta aan iskugu imanay waxay tahay sida ay wax u socdaan in ay aad iyo aad u qaldan taahy, waxay tahay in aan samatabixin ka hadalno oo anaga iyo bulshada qeybaheeda kala gedisan uga gudubno hanaanka guracan.”

Golaha Midowga Musharaxiinta oo in muddo ah aan si wada-jir ah uga hadlin hanaanka doorashada ayaa xiligan u muuqda inay si mideysan u wajahayaan arrimaha doorashooyinka, oo mad-madow badan ku gadaaman yahay.

Al-Shabaab oo war kasoo saaray qaraxii is-miidaaminta ee waddada Cabdiqaasim

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada qarixii xooganaa ee saaka ka dhacay wadada Cabdiqaasim, degmada Hodan ee gobolka Banaadir, kaasi oo geystay khasaare kala duwan.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in weerarka qaraxa uu fuliyey naftii hure ka tirsan dagaalamayaasha xarakada, oo gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay la bartilmaameedsaday kolonya gadiid ah oo galbineysay Saraakiil cadaan ah.

Qoraal lagu baahiyey warbaahinta kooxda waxa uu qaraxu haleelay mid kamid ah gaadiidka galbinayay Saraakiisha cadaanka ah, kuwaasi oo marayey inta u dhaxeysa madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasin iyo Dugsiga sare ee Banaadir.

Waxay sheegen in qaraxaas ku dhinteen qaar kamid ah bartilmaameedkooda oo ay ku sheegen Askar Afrikaan iyo Soomaali iskugu jirto, inkasta oo aysan sheegin tirada rasmiga ah ee ay ku dileen qaraxaas.

Marka laga imaado sheegashada Al-Shabaab, Qoraal kasoo baxay taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeeda ayaa waxa lagu sheegay in qaraxa uu ka dhashay gaari Surf ah oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa, kaaso ka yimid dhinaca isgoyska Tarabuunka.

Booliska ayaa xaqiijiyey in qaraxan ay ku dhinteen ugu yaraan illaa sideed qof, halka ay ku dhaawacmeen 17 kale oo u badan shacab xilligaas marayey wadada dhinaceeda.

Sidoo kale waxaa qoraalka kooban ee ka soo baxay taliska Booliska lagu sheegay in bartilmaameedka weerarka uu ahaa kolonyo waardiyeysa UN-ka oo loo yaqaano Duguf Security, kuwaas oo marayey wadada Cabdiqaasim ee isku xirta Tarabuuknka iyo KM4