26.5 C
Mogadishu
Thursday, July 2, 2026

Midowga Musharaxiinta oo shaaca ka qaaday QORSHE culus oo ay wadaan (Aqriso)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa bayaan ay soo saareen waxay ku sheegeen in aysan aqbali doonin boobka ku socda doorashooyinka dalka, iyagoo doorashada deegaanada qaar ku qeexay isku ‘awood sheegasho aan loo marin’ habraacyadii loo dejiyey doorashada.

Golaha ayaa qoraalkaan ku xaqiijiyey inay jiraan kulamo u socda, si ay go’aan uga gaaraan waxyaabaha socda, sidoo kale waxay shaaciyeen kulamo ay la yeelan doonaan R/wasaare Rooble, bulshada rayidka iyo beesha caalamka.

“Golaha Midowga Murashaxiinta wuxuu maalamahan leeyahay kulamo dhexdiisa ah, iyo kuwo uu la yeelanayo Raysalwasaare Rooble, qaybaha kala duwan ee bulshada iyo beesha caalamka,” ayaa lagu yiri bayaanka golaha.

Sidoo kale golaha ayaa qoraalkaan ku sheegay in xasiloonida dalka ay gud dheer ku sii dhaceyso, markii la eego boobka baahsan ee doorashada lagu hayo, isla markaana aysan aqbali doonin taas.

“Goluhu wuxuu mar kale caddaynayaa in uusan aqbali doonin doorashooyinka degaannada qaar ee lagu billaabay boob qaawan oo la isugu awood sheegtay, laguna tuntay dhammaan habraacyadii doorashada, taasoo halis gelinaysa xasiloonida dalka iyo jiritaanka dawladnimada,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka midowga musharaxiinta.

Ugu dambeyntii bayaanka golaha waxaa lagu yiri, “Goluhu wuxuu sii wadayaa kulamadiisa, wuxuuna ka shaqaynayaa sida ugu haboon oo dalka looga hirgelin lahaa doorasho hufan oo daahfurnaan leh, laguna badbaadiyo masiirka dalka iyo geedi-socodka dhismaha nabada iyo dawladnimada.”

Wararkii ugu dambeeyey ee khilaafka Deni iyo ciidanka PSF

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Ciidanka PSF ee Puntland iyo hoggaamiyaha maamulkaas Saciid Deni ayaa weli qoorta isugu jira kadib xil ka qaadistii uu ku sameeyey Taliyaha ciidamadaas.

Sacidi Deni oo uu damac kaga jiro 16-ka kursi ee taalo Boosaaso ayaa u dhaqaaqay isbadal uu la damcay hey’adaan ayaa illaa iyo hadda shaqeyn la’a.

Ciidankaan ayaa dhawaan gudaha u galay Magaalada Boosaaso, waana ciidamo ka badan 3 Kun oo Askari, waxaana loo diyaariyey inay ka hor tagaan halista culus, gaar ahaan duulaanka Kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab.

Xaaladda Magaalada Boosaaso ma fadhiso, ciidan badan ayuuna Saciid Deni dhankiisa geeyey. Shalay waxaa halkaas tagay Wasiirka Amniga ee Puntland Cabdisamad Gallan iyo taliyaha ciidamada Daraawiishta Puntland.

Shir jaraa’id oo ay saxaafadda u qabteyn ayaa u badnaa eedeyn ku wajahan hoggaanka ciidanka PSF, waxay u muuqdeyn niman raba inay qariyaan damaca Deni ee 16-ka kursi ee taalo Magaalada  Boosaaso haddana qarin la’ duulaanka ay u socdaan.

Saraakiil ka tirsan PSF oo shirka wasiir Gallan kadib iyaguna shir ku qabtay Magaalada Boosaaso ayaa iska fogeeyey dhammaan eedaha loo soo jeediyey.

Waxay mar kale ku celiyeen inay qaadaceyn isbadalka uu Deni iclaamiyey iyo xil wareejinta uu Gallad u tagay Magaalada Boosaaso.

Ciidanka waxay dib u iftiimiyeen abaalka ay deegaanka ku leeyihiin iyo shaqada ay Har iyo Habeen hayaan. Waxay iska dafireen eedeynta ku saabsan inaysan helin dalacaad.

Waxay sheegeyn in xukuumadihii Gaas iyo middii Faroole inay labaduba dalacsiiyeen ciidankaas, taasoo si kale u muujisay in tan iyo markii Saciid Deni xilka madaxtinimada kaga adkaaday Asad Diyaano in wixii markaas ka dambeeyey uu iska xiray Albaabada PSF.

Dooda ugu weyn ee hadda taagan ma ahan xil ka qaadista ee waa xilliga ay kusoo aaday. Deni waxaa lagu eedeynayaa inuu rabo inuu boobo 16 kursi oo taalo Magaalada Boosaaso oo Golaha Shacabka ah, laakiin haddii uusan helin ciidaka PSF waxaa la isku raacsan yahay inuusan booby karin kuraastaas.

Sida kaliya ee uu PSF ku qabsan karo waa inuu Ilmo Diyaano meesha ka bixiyo ayey leeyihiin dadka Reer Puntland . Ciidankaan waxaa madax u ahaan jiray Cusmaan Diyaano kadibna waxaa la wareegay wiilkiisa Asad kadibna waxaa badalay walaalkiis Maxamuud.

11 Sano oo waayo aragnimo ah ayey leeyihiin ciidankaan, waxaana la xasuustaa in doorashadii Federaalka ee sanadkii 2016 inay qaar kusoo baxeyn dad uusan rabin hoggaamiyihii hore ee Puntland Cabdiweli Cali Maxamed Cali Gaas, waxaana sababta lagu sheegay in ciidanka PSF ay diideyn in la boobo kuraasta Beelaha, waxaana la rumeysan yahay in sidaas oo kale ay sanadkaan diidi doonaan in kuraas la boobo.

Maamulka Koonfur Galbeed oo ku adkeystay qabashada doorashada kursiga Jawaari

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Guddiga doorashada dowlad Goboleedka Koofur Galbeed ayaa ku dhawaaqay in doorashada Afar kursi oo kamid ah Golaha Shacabka la qaban doono Maalinta Berri ah.

Kuraasta lagu dhawaaqay in berri la dooranayo ayaa kala ah: HOP103, HOP189, HOP041 iyo HOP042.

Guddiga doorashada ayaa liiska kuraasta Berri la dooranayo kusoo daray HOP103 oo ah kursiga uu ku fadhiyey Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Jawaari kaasoo uu hakiyey doorashadiisa guddiga  doorashada FEIT.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Koofur Galbeed ee SEIT Yuusuf C/qaadir Baafo ayaa sheegay in guddiga FEIT aanu xaq u laheyn inuu joojiyo doorashada kursiga HOP103.

Waxaa uu sheegay  in Guddoomiyaha FEIT wax sharciyad u heysan ee uu kursigaas ku joojiyo, waxaana uu caddeeyay in kursigaas doorashadiisa maainta berri ay qaban doonaan.

Waxaa uu sheegay in aysan qaadan doonin awaamiirka Guddiga doorashooyinka heer Federaal, islamarkaana ay leeyihiin doorashada, taasoo meesha ka saaraysa guddiga doorashooyinka heer Federaal.

Warqad kasoo baxday xafiiska guddiga ayaa waxaa lagu sheegay in cabasho ay ka timid Jawaari, taas oo la xiriirta habraaca loo maray diiwaan-gelinta kursigaasi.

Sidoo kale guddiga ayaa sheegay in shir ay ka yeesheen arrintan, kadibna la’isku raacay in la hakiyo doorashada kursigan, illaa iyo inta laga xalinayo tabashada ka jira.

Guddiga ayaa sidoo kale faray guddiga doorashada Koonfur Galbeed inuu dhaqan-geliyo go’aankan, isla-markaana uu joojiyo qabashada doorashada kursiga HOP#103.

Tan ayaa bilow u ah khilaafka maamulka doorashada ee ka dhex bilaaban doonta Guddiyada doorashada heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed.

Hanjabaada mucaaradka ma loo joojin doonaa doorashada?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Muucaaradka Soomaaliya ayaa si weyn u qaadacay doorashada ka socoto dalka, gaar ahaan midda Golaha Shacabka xilli uu Muqdisho ka dhaca shir ay yeesheyn xubnaha midowga Musharixiinta.

Xubnaha ugu miisaanka culus midowga musharixiinta ayaa ku sugnaa kulankii dhawaan dhacay marka laga reebo Ra’isulwasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo safar ku joogo dalka Turkiga.

Kulanka ayaa waxaa laga soo saaray war-saxaafadeed uu akhriyey musharax Daahir Maxamuud Gelle, waxayna sheegeyn in doorashadii la boobay lana hareer maray habraacii lagu heshiiyey.

Kooxdii lagu aaminay doorashada ee Golaha wada-tashiga Qaranka ayey ku eedeeyeen inay ku fashilmeyn shaqadii lagu aaminay, waxayna walaac ma muujiyeen waxa dhici doona haddii ay sii socoto doorashadaan ay ku qeexeyn fasahaad iyo boob.

Burbur ku yimaada dowladnimadii lasoo dhisayey 21-kii sano ee lasoo dhaafay ayey musharixiinta ku tilmaameyn dhaxalka nooca doorashadaan socota.

Xubnaha midowga musharixiinta waxay sheegeyn inay diyaarinayaan habkii dalka looga samata bixin lahaa xaaladaan, taasoo ka dhigan inay ka fakarayaan dhismaha nidaam cusub.

Waxay sheegeyn in la tashan doonaan dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada inta aysan gaarin go’aankooda ugu dambeeya.

Mid kamid ah xubnaha midowga musharixiinta oo aan la hadalnay wuxuu sheegay inaysan guud ahaan ka qeyb geli doonin doorashada noocaan ah oo ay u arkaan mid boob ah oo u adeegeyso madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Wuxuu sheegay inay soo saaari doonaan mashruuc lagu badbaadinayo dalka haddii aan maalmaha soo socdo la qaadin wax tallaabo ah oo lagu hakinayo doorashada socota.

Haddaba maxaa istaagi doonaa hanjabaada musharixiinta?

Midowga musharixiinta waa cudud weyn oo aan la dafiri karin marka la joogo caasimadda Soomaaliya, inkastoo ay yihiin rag laga qabsaday maamul Goboleedyadii ay kasoo jeedeyn, haddana shacab iyo ciidan badan oo taabacsan ayaa weli heegan u ah mowjad cusub oo looga hortagayo doorashooyinkaan lasii og yahay natiijadooda.

Ra’isulwasaare Maxamed Xuseen Rooble isaga wuxuu dhowr jeer sheegay inuusan dan shaqsi ah ka laheyn doorashadan oo uusanna musharax aheyn. Wuxuu u muuqdaa inuu yahaya nin ku dadaalayo inay deg deg u qabsoonto doorashada, balse maadaama hadda ay cabasho ka taagan tahay habraacyada waxaa la filayaa inuu la fariisto xubnaha midowga musharixiinta oo uu dhageysto cabashadooda.

Madaxda maamul Goboleedyada oo lagu eedeynayo inay u kala qebsan yihiin Farmaajo iyo Saciid Deni oo laba musharax ah ayaa la sheegay in aysan rabin in mucaaradka loo joojiyo doorashada.

Deni iyo Axmed Madoobe oo aan weli bilaabin doorashada Golaha Shacabka isku aragtina ah ayaa la fahamsan yahay inay eegayaan falcelinta ka timaada Xamar.

Dad badan waxay aaminsan yihin in lagu qasban yahay in mucaaradka qeylo dhaantooda la dhageysto si loo gaaro xal doorasho. Haddii la iska dhago tiro farriinta musharixiinta mucaaradka waxaa laga cabsi qabaa in go’aankooda soo baxayo Asbuucaan uu dalka geliyo mowjad cusub.

Xubno kamid ah xafiiska Ra’isulwasaare Rooble waxay sheegeyn in Ra’isulwasaaraha uu diyaar u yahay inuu wax ka qabto culeysyada jira si doorashada ay usii socoto.

Dooda ugu xooggan ee hadda taagan waa in doorashada la hakiyo lana xaliyo tabashooyinka lana hubiyo ku dhaqanka habraaca loona fududeeyo tartamayaasha waxyaabaha ay xaqqa u leeyihiin.

Guddoomiyihii hore ee Galaha Shacabka Prof. Jawaari ayaa Baydhabo ka sheegay in loo diiday xaqqii uu dastuurka siinayey, wuxuuna sheegay inuu Muqdisho isaga soo noqonayo arrintaas oo dad badan ka caroodeyn.

Beesha Caalamka ayaa sidoo kale la sheegay inay aad uga niyad jabsan tahay habka ay doorashada ku socoto iyo hajabaada mucaaradka, waxaaa loo badinayaa in geedigu istaagi doono oo la isugu imaan doono wada-hadal dhab ah marka laga cabir qaato sida uu xaalku yahay.

Guddiga doorashada heer federal oo hakiyey doorashada kursiga Jawaari ee HOP103

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyinka ee heer federaal ayaa go’aan xasaasi ah kasoo saaray muranka ka taagan kursiga uu horay ugu fadhiyey guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ee HOP#103.

Warqad kasoo baxday xafiiska guddiga ayaa waxaa lagu sheegay in cabasho ay ka timid Jawaari, taas oo la xiriirta habraaca loo maray diiwaan-gelinta kursigaasi.

Sidoo kale guddiga ayaa sheegay in shir ay ka yeesheen arrintan, kadibna la’isku raacay in la hakiyo doorashada kursigan, illaa iyo inta laga xalinayo tabashada ka jira.

Guddiga ayaa sidoo kale faray guddiga doorashada Koonfur Galbeed inuu dhaqan-geliyo go’aankan, isla-markaana uu joojiyo qabashada doorashada kursiga HOP#103.

Go’aanka guddiga ayaa kusoo aadayo kadib markii Jawaari oo magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed u tagay tartanka doorashada uu sheegay in laga hor istaagay musharaxnimadiisa, meeshana ay ka jirin doorasho daah-furan.

“Caqabado iyo culeys ayaa naga horyimid, arrimaha meesha ka socda (Baydhabo) aniga shaqsiyan marka qiyaasay meeshan ma fidsana gogol nin gob ah oo wax kasoo doontay oday meeshan ma taallo. Waxaa socda arrimo tagri-fal caadi ah,” ayuu yiri Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu sheegay in si bareer ah loo sameynayo gabood fal, kaasi oo baalmarsan hanaanka doorashooyinka dalka iyo heshiiskii madaxda Golaha Wada-tashiga Qaranka.

“Waxaa laga horyimid xaqii siyaasiga ahaa, meeshan wax nidaam dowladeed iyo xaq wax lagu qeybinayo uma jeedo. Waxaa ka baqayaa in faraha ka baxdo dowladnimadii yareyd ee soo kasbanay.”

Halkaan hoose ka akhriso qoraalka kasoo baxay guddiga

 

 

 

Farmaajo oo agaasime cusub u magacabay Villa Somalia

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha waqtiga ka dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Agaasime cusub u magacaabay Madaxtooyada Villa Somalia.

Agaasimaha cusub ee madaxtooyada ayaa waxaa loo magacaabay Prof. Maxamed Cabdullaahi Ciise (Dheere).

Prof. Maxamed Cabdullaahi Ciise ayaa leh khibrad shaqo oo 28 sano ah, wuxuuna si gaar ah uga soo shaqeeyey Arrimaha siyaasadda, maamulka iyo horumarinta bulshada.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa faray Agaasimaha cusub inuu si hufan u guto hawlaha muhiimka ah ee haatan horyaalla, wuxuuna Alle uga baryay inuu u fududeeyo masuuliyaddan culus ee loo igmaday.

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyay Agaasimihii hore oo haatan loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisaciid Muuse Cali sidii xilkasnimada ahayd ee uu usoo hoggaamiyay Xafiiskan muddadii koobnayd ee uu xilka hayay.

Mursal oo dib loogu doortay kursigiisa golaha shacabka

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa markale loo doortay xildhibaan ka tirsan Golaha, kadib doorasho oo uusan tartan adag u gelin oo maanta ka dhacday magaalada Baydhabo.

Mursal ayaa markale dib u difaacday kursiga tirsigiisa uu yahay HOP#182, wuxuuna la tartamay musharax Faysal Ibraahin Xasan oo ugu dambeyntii ka adkaaday doorashada.

Guddoomiyihii hore ayaa helay 88 cod, halka musharaxii la tartamayey Faysal uusan helin wax cod ah, sidoo kale waxaa hallaabay 12 cod, sida uu shaaciyey guddiga.

Natiijada soo baxday iyo guusha Mursal ayaa aheyd mid horay loo sii oogaa, marka loo eego qaabka loo soo qorsheeyey, una dhacday doorashada maanta lagu qabtay Baydhabo.

Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo ay saaxibo dhow yihiin madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ayaa garab ka helay hoggaamiyaha Koonfur Galbeed, maadaama uu si gaar ah ugu xiray kursiga oo maanta markale dib loogu soo doortay.

Sidoo kale doorashada ayaa haatan sii soconeysa, waxaana la guda-galayaa labada kursi ee  kala ah HOP#170 iyo HOP#171 oo isla maanta la qabanayo doorashadooda.

Dhinaca kale dib u doorashada Mursal ayaa ku soo aadeyso, xilli Koonfur Galbeed lagu eedeeyey inay is hortaag ku sameysay guddoomiyihii Mursal kasii horeey ee Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo todobaadkan ku soo laabtay gudaha magaalada Muqdisho.

Arrimahan ayaa waxa ay uga sii darayaan walaaca laga muujinayo qaabka ay ku socota doorashada Golaha Shacabka oo ay cabasho xoogan ka keeneen musharixiinta mucaaradka oo ku eedeeyey Villa Soomaaliya inay ku shubaneyso doorashada socota ee baarlamaanka.

Daawo: Beesha WACEYSLE oo ka baxeysa GALMUDUG

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Nabadoon Cali Xasan Cali Jeesto oo ah Nabadoonka iska leh saxiixa kuriga golaha shacabka ee beesha Waceysle oo lagu soo saaray Yaasiin Farey ayaa ku hanjabay in beeshu ay isaga bixi doonto awood qeybsiga maamulka Galmudug, hadii aan boobka laga deyn xaqeeda.

Nabadoonka oo hadal ka jeediyey kulan ay isugu yimaadeen waxgaradka beesha Waceysle ayaa ugu laab qaboojiyey beesha in saxiixii ay u dhiibteen uu u hayo, isla markaana aysan socon doonin wax aysan raali ka aheyn.

Sidoo kale Nabadoon Jeesto ayaa madaxweynaha Galmudug Qoor Qoor ku eedeeyey inuu in kiray oo xaqiray, iskuna deyey inuu xaqiro xaqa beesha Waceysle.

“Madaxweyne Qoor Qoor waxaan u sheegaa kursigaas waxaa iska leh beel weyn, beeshaas weyn hadaa xaqeeda boobto oo hal wiil ka doorato oo aad ka tashato, ayaguna waa kaa tashadeen, waxaana moodeynay in Galmudug aan wada leenahay ay meesha ka jirtee, koraad u heysanee waxaad keligaa isku koobtay,” ayuu yiri Nabadoon Jeesto.

Nabadoonka ayaa dowladda federaalka u sheegay in kursiga loo boobay Yaasiin Farey uusan aheyn mid la boobi karo, “Waad ku qaldanteen, dad adag ayaa iska leh kursigaan, hadii sharci shaqeyn waayo sharci darro cid nooga adag ma jirto, waxaan nahaydadka laga baqo inay waxboobaan ee anaga nalama boobi karo,” ayuu yiri Nabadoon Jeesto.

Nabadoonka ayaa sheegay in waxa dalka ka socda aysan doorasho aheyn, “Si qaas ah waxaan ula hadlayaa Waceysle, waad u jeediin sida Galmudug noola dhaqmeyso, maamulkaan ku biiri laheyn aan ka tashano, Galmudug, wiil ayey naga doorataye ha heysato, anagana dhulkeena ayaan xoreysaneynaa waana degeynaa,” ayuu yiri.

Ugu dambeyntii Nabadoonka oo fariin u diray Yaasiin Farey ayaa u sheegay inuu istaahilo inuu metelo beesha Waceysle, laakiin aysan ka yeeli doonin inuu boobo.

Hoos ka daawo

CC SHAKUUR ‘oo ka cabsi qaba’ in lagu sameeyo wixii Jawaari lagu sameeyey oo kale

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa soo bandhigay shaki weyn oo arrinta guddoomiye Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ay ku abuurtay, Jawaari ayaa shaaciyey in madaxweynaha Koonfur Galbeed uu ka hor istaagay inuu u tartamo xildhibaan ka tirsan golaha shacabka.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa su’aal geliyey sida ay ku suurta galeyso in Farmaajo lagula tartamo xilka madaxtinimada dalka, maadaama aan looga baran doorasho lagu tartamo, intii uu joogay xukunka.

“Farmaajo intii uu xilka sharciga ah hayey seddax doorasho ayaa la qabtay, midna laguma tartamin. Tii Aqalka Sare tartan kama dhicin, tiro kooban maahee, Tan haatan billaabateyna tartan kama jiro. Haddaba sideen ku aaminaa in doorashada madaxweynaha lagu  tartamayo. Haddii Jawaari loo diiday shahaado tartan xildhibaan, sideen aniga mida tartanka madaxweynaha ku helayaa?,” ayuu Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku yiri qoraal uu soo saaray.

Siyaasigaan ayaa Farmaajo ku tilmaamay nin aan waxba xeerin oo wax kasta ay ka suurtaabaan, isagoo tusaale u soo qaatay sida uu ula dhaqmay madaxdii la soo shaqeysay mudadii uu joogay xukunka.

“Haddii Farmaajo horay waxba u xeerin ee uu labo Guddoomiye Baarlamaan midna xilka ka tuuray, kii kalana Villada ka soo cayrsaday, labo Raysalwasaare midna xilka ka tuuray, midna la dagaalay, haddana dib u ceshaday. Haddii uu xildhibaano u diiday in ay Baarlamaanka soo galaan, Mucaaaradkii iyo madaxdii dalka uga horreysay xabbad iyo weerar ku simay,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Sidoo kale Cabdiraxmaan ayaa su’aal geliyey sida Ra’iisul wasaare Rooble oo hadda hor istaagi waayey boobka doorashada baarlamaanka uu u hor istaagi karo boob lagu sameeyo doorashada madaxtinimada dalka.

“Haddii Raysalwasaarihii masuuliyadda doorashada iyo amniga loo dhiibay uu leeyahay boobka doorashada ee socdaa waxba kama qaban karo. Sideen lagu aaminnaa in aan doorashada madaxtinnimada la boobaynin, ama la isku diidaynin, ama la isku dulminaynin. Mise Farmaajo ayaa dhaqan boobka iska deynaa oo noqonaya Mukulaashii madaxa doolliga ka xajisay?” ayuu qoraalkiisa ku yiri.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qormadiisa ku soo gabagabeeyey, “Falsafada meesha taala waa doorasho natiijadeeda la hubo, ama doorasho la’aan. Cidii malxiis ka noqonaysa iyo cidii diidaysaba. Waxaa la yiri qaylo dhaan warmo kama tunmaan.”

M/Yurub oo dalbaday in la baabi’iyo xeerka saxaafada Soomaaliya + sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha baarlamaanka ee Ururka Midowga Yurub ayaa kulan gaar ah ka yeeshay xaaladda adag ee Soomaaliya, gaar ahaan xuquuqda dhanka aadanaha, xorriyadda saxaafadda iyo xaaladda bani’aadannimo ee ka taagan Soomaaliya.

Baarlamaanka ayaa marka hore si weyn u taageereen go’aanka Midowga Yurub ee uu ku dalbaday in la baabi’iyo xeerka saxaafadda ee Soomaaliya, kaas oo ay tilmaameen inuu xadidayo madax bannaanida wariyeyaasha iyo warbaahinta ka howl-gasha Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu baarlamaanka Midowga Yurub shaaca ka qaaday in xeerkan uusan la jaan qaadi karin xeerarka kale ee caalamiga ah ee la xiriira xoriyada hadalka.

“Baarlamaanka Yurub wuxuu ugu baaqayaa mas’uuliyiinta Soomaaliya inay baabi’iyaan qodobbada sharciga saxaafadda ee 2020 wax laga beddelay kaasoo si weyn u xaddidaya xorriyadda saxaafadda iyo xorriyadda hadalka, oo aan u hoggaansamaynin heerarka caalamiga ah ee xorriyadda hadalka,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Midowga Yurub.

Waxa kale oo uu Ururka Midowga Yurub boggaadiyey shaqada warbaahinta Soomaaliya, gaar ahaan doorka ay ku leedahay doorashooyinka socda iyo horumarka ka jira dalka.

Baaqa Midowga Yurub ee uu mas’uuliyiinta Soomaaliya uga dalbaday baabi’inta xeerka saxaafadda Soomaaliya ayaa ku soo aadaya, xilli ay horay wariyeyaasha iyo madaxda warbaahinta ay cabasho uga keeneen xeerkan oo ugu dambeyn la meel-mariyey.

Soomaaliya ayaa haatan ka mid ah dalalka horumarka ka sameynaya dhanka siyaasadda, dimuquraadiyadda, xoriyadda hadalka, dhaqaalaha iyo ammaanka oo ka mid ah ilaha ugu muhiimsan ee laga fiiriyo dalalka iyo dowladaha caalamka ee is-bedalka sii sameynaya.

DF oo ku dhawaaqday lacag loogu deeqay ABAARAHA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo guddoomiyay shirka Guddiga Gurmadka abaaraha ayaa ku dhawaaqay in Xukuumaddu ay hal Milyan oo Doollar oo hordhac ah u qoondeysay gurmadka abaaraha.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa faray Guddiga Gurmadka Abaaraha in sida ugu dhaqsiyaha badan caawimaad ula gaaraan deegaannada ugu daran ee abaartu saameynta ku yeelatay.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in ay wadaan dadaal kasta oo gurmad lagu gaarsiinayo meelaha si daran u saameysay abaartu.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa xusay in Golaha Wasiirrada mushaarkooda laga jarayo bil walba inta abaartu jirto %20, si loogu kabo gurmadka, isagoo ugu baaqay guud ahaan bulshada Soomaaliyeed in loo istaago gacan qabashada walaalaha la tabaalaysan abaarta.

Wararkii ugu dambeeyey doorashada xubnaha BF ee Koonfur Galbeed Somalia

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa maanta lagu wadaa in lagu qabto doorashada saddex kursi oo ka mid ah Golaha Shacabka Soomaaliya, gaar ahaan xubnaha ka imaanaya dhinaca maamulka Koonfur Galbeed.

Kuraasta la qabanayo doorashadooda ayaa kala ah HOP#182 oo uu horay ugu fadhiyey guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, HOP#170 oo uu isna ku fadhiyay Iimaan Cabdullaahi Cali iyo HOP#171 oo ay horay ugu fadhisay Fowsiya Maxamed Sheekh oo ka tirsaneyd baarlamaankii 10-aad ee Soomaaliya.

Mursal ayaa ah shaqsiga ugu cad-cad tartanka, marka loo eego musharixiinta la tartameysa, waxaana loo saadaalinayaa inuu ku soo baxo doorashada, maadaama ay saaxib dhow yihiin madaxweynaha Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Lafta Gareen.

Sidoo kale Koonfur Galbeed ayaa noqoneyso maamulkii labaad ee guda-gala doorashada Golaha Shacabka, waxaana ka horreeyey oo kaliya dowlad goboleedka Galmudug.

Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, waxaana haatan qaban-qaabadii ugu dambeeyey ee doorashada Golaha Shacabka laga dareemayaa magaalada Baydhabo.

Dhinaca kale waxa ay doorashada kuraastan oo uu ka mid yahay kursiga uu tartamayo Mursal ay ku soo aadeysaa, xilli Koonfur Galbeed lagu eedeeyey inay is hortaag ku sameysay guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo kusoo laabtay Muqdisho, isaga oo shaaciyey in loo diiday inuu ka qeyb-galo doorashada.

Galmudug ayaa dhankeeda maanta qabaneyso kursi ka mid ah doorashada Golaha Shacabka Soomaaliya, kaas oo ka  haray shantii xildhibaan ee uu horey liiskooda u soo gudbiyay guddiga hirgelinta doorashooyinka dadban ee Soomaaliya.

Kursigaas oo uu tirsigiisu yahay HOP#054 ayaa waxaa u tartamaya xubno uu ka mid yahay xildhibaanka afartii sano ee lasoo dhaafay ku fadhiyey ee Cabdishakuur Cali Mire, kaas oo loo xiray kursiga, una badan tahay inuu ku soo baxo doorashada maanta dhaceysa.

Si kastaba, doorashooyinka Soomaaliya oo marxalado kala duwan soo maray ayaa waxaa haatan soo kordhaya cabashooyinka ka imaanaya qaabka ay u socota doorashada Golaha Shacabka Soomaaliya oo ka bilaabatay Muqdisho & xarumaha maamul goboleedyada dalka.

Guddiga doorashada oo la gaarsiiyey cabashooyinkii ugu badnaa iyo JAWAARI..

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka ee heer federaal, Maxamed Xasan Maxamed (Cirro) oo wareysi gaar ah siiyey BBC-da ayaa faah faahin guud ka bixiyey arrimaha doorashooyinka dalka, gaar ahaan tan Golaha Shacabka.

Cirro ayaa shaaca ka qaaday in cabashooyin badan la soo gaarsiiyey guddiga doorashada ee heer federaal (FEIT), isla-markaana ay ka howl-geli doonaan ka guddi ahaan.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in cabashooyinka lasoo gaarsiiyey ay isugu jiraan laba qeybood, tan koowaad waxa uu ku sheegay mid la xiriirta musharixiinta xildoonka ah, halka tan labaad ay tahay dhanka ergada beesha kursiga dooraneysa xildhibaanka.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in tan ugu horreyso ay guda-geli doonaan ay tahay mida guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, wuxuuna xusay inay kulan la leeyihiin, si ay ugu kuur-galaan cabashadiisa la xiriirta doorashooyinka.

“Cabashooyinku way kala duwanaayeen Tabashooyin badan ayaa nasoo gaaray, maalmaha ama saacadaha soo socda waxa aan fadhi la leenahay Jawaari” ayuu yiri Cirro.

Maxamed Xasan Maxamed (Cirro) oo hadalkiisa sii wata ayaa hoosta ka xariiqay in guddigooda ay ergo u joogaan goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka, wuxuuna cabashada ka imaaneysa ergada uu tilmaamay inay tahay eedeyn aad u culus.

“Goobaha doorashooyinka waxaa inoo jooga ergooyin, eedeynta ah Dad aan beesha ahayn ayaa Xildhibaanka Doortay waa eedeyn culus, qof weliba oo Ergay ah waxa aan ka buuxinaa xog dhammeystiran oo la xaqiijin karo” ayuu sii raaciyey guddoomiye Cirro.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo maalmihii u dambeeyey ay cabasho xoogan ka soo yeereysay qaar ka mid ah musharixiinta xildoonka ah ee u tartamaya Golaha Shacabka, waxaana taasi sii dheer walaaca ay doorashada ka muujinayaan Midowga Musharixiinta.

Tuuryare oo shaaciyey xog xasaasi ah oo ku saabsan gudiga doorashada Galmudug

0

Muqdisho(Caasimada Online) – Jeneraal Cabdiraxmaan Tuuryare oo si adag uga hadlay kursiga beeshiisa ee loo boobay Taliyaha NISA Yaasiin Farey ayaa sheegay in dalkaan aysan doorasho ka socon, isagoo tilmaamay in guddiga doorashooyinka ay maamusho NISA, sida uu hadalka u dhigay.

Cabdiraxmaan Tuuryare ayaa sheegay in dadka ka soo jeeda beesha Waceysle si joogto ah loogu hanjabo, “Hadii ay wax gaaraan qof ka mid ah beesha, waxaan u heysanaa sarkaalka wax loo boobay hey’adda uu ka tirsan yahay iyo Villa Somalia,” ayuu yiri Tuuryare.

Cabdiraxmaan Tuuryare ayaa sheegay inay dacwad u gudbiyeen guddiga doorashooyinka, balse ay kala kulmeen waji gabax, isagoo madaxda guddiga doorashooyinka ku sifeeyey xubno ka amar qaata taliska NISA.

“Umadda Soomaaliyeed waxaan u sheegeynaa doorasho ha ku aaminina  guddigaas, anagaa soo xaqiijinay, anagoo la joogna ayaa la soo wacayey, ninka ugu sareeya guddigaasna waxaa noo cadaatay inuu ka amar qaato taliska NISA,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Cabdiraxmaan Tuuryare.

Jeneraal Tuuryare oo hadalkaan ka jeediyey kulan waxgaradka beesha Waceysle ay ku yeesheen Muqdisho ayaa hoggaanka beesha ku booriyey in aysan is dhiibin oo aysan ogolaan in xaqooda la duudsiiyo.

Hoos ka daawo

Sawiro: Buug uu qoray wasiirkii hore ee Boostada iyo Isgaarsiinta oo lagu soo bandhigay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya Cabdi Canshuur Xasan ayaa Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaalia kusoo bandhigay buug uu qoray oo loogu magac daray Xog iyo Xusuusreeb kaas oo uu kaga hadlay waayihiisii nololeed iyo shaqooyinka uu soo qabtay oo ay ugu dambeysay Shaqadii Wasaaradda Boostada.

Buugga uu qoray Cabdi Canshuur Xasan ayaa wuxuu sidoo kale kaga faalooday qaar ka mid ah caqabadaha hortaagan dowlad-dhiska Soomaaliya, wuxuuna buugiisa ku sheegay tallaabooyin wax looga qaban karo caqabahadaas.

Xafladda lagu soo bandhigay buugaas ayaa waxaa ka qeyb galay madax kala duwan oo ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya, musharixiinta xilka madaxweynimo, Culumaa’udiin, Ganacsato, Dhallinyaro iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda  Cabdullaahi Sheekh Cali (Qaloocow) oo kamid ah dadka ugu waayo-aragsan ee ka mid ah xukuumadda ayaa ku ammaanay Eng. Cabdi Cashuur sida uu ugu dhiirraday inuu ka hadlo waxyaabaha Xukuumadda ka khaldan iyo sida loo sixi karo.

Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda, Dr Fowsiya Abiikar Nuur oo ka qeybgashay xafladda ayaa wasiir Cabdi Cashuur ku ammaantay inuu ku dhiirraday qoritaanka, isla markaana soo bandhigo waxyaabihii u qabsoomay iyo caqabadihii uu la kulmay.

Md. Yuusuf-Garaad Cumar Axmed, wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda, sidoo kalena ah saxafi hore iyo qoraa, ayaa sheegay inuu aad uga helay buuggan, isagoo xusay in qofkii akhristo uu ka heli karo xog, madadaalo, iyo qodobo dood dhalin kara.

Md. Daahir Maxamuud Geelle, wasiirkii hore ee warfaafinta, ahna murashax madaxweyne ayaa sheegay in buuggan uu dhiirrigelin u yahay wasiirrada kale, isla markaasna wuxuu wasiirada kale ugu baaqay inay ku daydaan Wasiir Canshuur.

Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta Cabdulqaadir Nuur Xuseen (Maax) ayaa xafladda ka sheegay in buugga uu qoray Wasiir Canshuur uu dhiiragelin weyn u yahay wax qorsita iyo jiilashada dambe.

Ku-simaha Guddoomiyaha Akademiya-goboleedka Af Soomaaliga (AGA), Xildhibaan Maryan Cariif Qaasiimayaa si gaar ah u sheegtay inuu buuggaan wax weyn ka tari doono arrimaha dowlad-dhiska Soomaaliya iyo sidii loo toosin lahaa waxa ka khaldan.

Guddoomiyaha Dalladda Culimada Soomaaliyeed, Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ka mid ahaa dadkii ugu horreeyay ee buuga soo aqriyay ayaa si weyn usoo dhaaweeyey buuggaan oo uu ku sheegay inuu yahay mid wax badan ka badali kara xaaladda ay ku jirto Soomaaliya.

Garyaqaanka Guud ee Qaranka Dr Cusmaan Cilmi Guuleed sidoo kalena ka mid ah dadkii buugga soo aqriyay ayaa xafladda ka sheegay inuu buugaan dhaxalreeb yahay isagoo sheegay in wasiirada kale looga  baahan yahay inay sidan oo kale bulshada ugu warbixiyaan.

Ethiopia oo dalab u dirtay dowladda Mareykanka, xilli XAALKA uu ku xun yahay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa ka codsatay Mareykanka in uu joojiyo faafinta waxa ay ugu yeertay wararka been abuurka ah ee ka dhanka ah Itoobiya, sida uu sheegay wasiiru dowlaha isgaarsiinta dalkaasi Khamiistii shalay.

Itoobiya ayaa warkan soo saartay kadib markii wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ay soo saartay digniin ku saabsan “weerarro argagixiso”.

Sida ay shaacisay warbaahinta dowladda ee EBC, wasiiru dowlaha isgaarsiinta, Kebede Dessisa, ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay tahay in ay ka fogaato baahinta “warar been abuur ah oo ceeb iyo sumcad dil ah, oo ku saabsan Itoobiya,”

Waxa uu soo hadal qaaday bayaan ka soo baxay safaarada Maraykanka Talaadadii kaas oo ku booriyay muwaadiniinteeda in ay la yimaadaan feejignaan dheeraad ah, sababtuna ay tahay “suurtogalnimada weerarro argagixiso oo ka dhaca Itoobiya”.

Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed iyo xoogagga fallaagada ah ee ka soo jeeda gobolka Tigray ee waqooyiga dalkaasi ayaa in ka badan hal sano dagaallamaya, waxaana dagaalkaas uu galaaftay kumanaan qof, halka malaayiin kalena ku barakiciyeen dalka labaad ee ugu dadka badan qaaradda Afrika.

Toddobaadkan ayay dowladda Ireland sheegtay in Itoobiya ay erisay afar ka mid ah lix dublamaasi oo Irish ah, sababtoo ah mawqifka Ireland ee dagaalka Itoobiya.

Afhayeen u hadlay dowladda Itoobiya ayaa sidoo kale ka digay hanjabaado dibadda ah oo aan la magacaabin, waxayna dowladaha reer galbeedka ku dhaleeceeyeen ‘wararka aan sax ahayn ee ku saabsan dagaalka.’

Reuters + VOA

Yaasiin Farey: Weli qoriga waan wataa oo ma aan dhigin

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha KMG ah ee hey’adda NISA Yaasiin Cabdullaahi Farey oo maalin ka hor lagu doortay magaalada Dhuusamareeb ayaa ka hadlay wax qabadka u qorsheysan, maadaama uu ku guuleystay inuu noqdo xubin ka tirsan golaha shacabka.

Yaasiin Farey ayaa sheegay in hadii uu xildhibaan noqday uusan weli qorigii dhigin, isla markaana uu xoogga saari doono sidii Al-Shabaab looga xoreyn lahaa deegaanada ay degto cidda uu ku metelo golaha shacabka ee bariga gobolka Galgaduud.

“Cadawgu waxuu u baahan yahay in la soo saaro sharciyad lagu dagaalamo, kaas ayaan rabaa inaan dhankiisa dagaalka u weeciyo, welina qorigii waan wataa oo ma aanan dhigin,” ayuu yiri Yaasiin Cabdullaahi Farey.

Sidoo kale Taliye  Yaasiin Farey ayaa u mahad celiyey ergadii dooratay, isagoo sheegay waxyaabaha laga faafiyo aysan waxaba ka jirin, inkastoo uusan sii faahfaahin waxyaabahaas.

Hadalkaan ayuu ka jeediyey kulan ka dhacay Dhuusamareeb oo lagu soo dhaqeynayey doorashadiisa, kaas oo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug iyo dowlada federaalka.

Yaasiin Farey ayaa ka mid ah saraakiisha hey’adda NISA ee uu dul hoganayo tuhunka khaarajintii Ikraan Tahliil oo aheyd sarkaal ka tirsanaa NISA oo la waayey meel ay jaan iyo cirib dhigtay.

Daawo: Saraakiisha PSF oo jawaab culus soo saaray iyo xiisadda oo kasii dartay

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Saraakiisha ciidamada PSF ee Puntland oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Boosaaso ayaa ka jawaabay hadalkii galabta ka soo yeeray wasiirka amniga Puntland iyo Taliyaha guud ee ciidamada maamulkaas, kuwaas oo taliyihii hore iyo saraakiisha PSF-ta ku eedeeyey inay diidan yihiin is bedelkii lagu sameeyey hoggaanka ciidankaas.

Saraakiisha ayaa maamulka madaxweyne Deni ku eedeeyey inuu ka shaqeynayo in la kala qoqobo ciidanka, iyagoo ka sheekeeyey shirqoolo ay sheegeen inay ka badbaadeen.

Sidoo kale saraakiisha ayaa sheegay inay soo baneeyeen dhulkii ay buuraleyda ahaa ee difaaca ay uga jiri jireen, kadib markii sida ay sheegeen ay hagar daamo ka dareemeen dowladda.

“Waxaan rabaa inaan ka jawaabo hadalkii aan munaasabka aheyn ee wasiirka amniga Puntland, ma caburino dadka, wax amar diido ahna ma aanaa sameyn, doorasho shaqo kuma lihin siyaasadna ma galno, waxa qalqalka wada waa wasiirka amniga ee anaga maaha,” ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha.

Sarkaalka oo sii hadlaayey ayaa yiri, “Anaga ma dooneyno in ciidamada Puntland la iska hor keeno, laakiin waxa taas ka shaqeynaya waa dowladda oo meel kasta ciidan noo dhigtay, anagu weli talaabo qaldan ma aanaa sameyn shacabka Puntland iyo dowladnimadoodana ma dooneyno intaas oo kale inaan u geysano.”

Ciidamada Amaanka Puntland ayaa 24-kii bishaan si adag uga horyimid xil ka-qaadista Maxamuud Cismaan Diyaano, waxayna bilaabeen inay baneeyaan qaar kamid ah Saldhigyadii ay kaga sugnaayeen duleedka magaalada Boosaaso.

Wasiirka Amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa warbaahinta hanjabaad adag u mariyay hogaankii ciidamada PSF ee ka gadoodsan xil ka qaadista Agaasimaha, isaga oo sheegay in marnaba aysan aqbali doonin in colaad laga abuuro magaalada Boosaaso.

Gallan oo shirka jaraa’id ay ku wehlinayeen Taliyaha guud ee ciidamada difaaca General Yaasiin Cumar Dheere  iyo Saraakiil kale ayaa sidoo kale waxa uu ku booriyay Agaasimihii hore ee PSF inay qaadin dhalinyarnimo, islamarkaana ay suno-dowladeed tahay xil ka qaadista iyo magacaabistaba.

Hoos ka daawo shirka jaraa’id ee saraakiisha

 

Daawo: Farmaajo oo farriin culus diray caawa kadib markii ‘uu ku deeqay’ mushaharkiisa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa war ka soo saaray abaarha ka jira dalka, isagoo shacabka Soomaaliyeed u diray farriin ku aaddan abaaraha ba’an ee ku dhuftay dalka ayaa ku baaqay in gurmad degdeg ah lala gaaro Walaalaha Soomaaliyeed ee waxyeelladu ka soo gaartay abaaraha.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in qaybo badan oo dalka ka mid ah ay  ku habsadeen Abaaro ba’an oo galaaftay naf iyo maal ba, sababayna xaalad bini-aadannimo oo degdeg ah, isaga oo faray dhammaan Hay’adaha Dowladda in ay si mug leh ugu istaagaan ka jawaabidda xaaladdaas adag ee ay ku sugan yihiin gobollo badan oo ka tirsan Dalka.

“Wakhtigan adag, waxaa la inooga baahan yahay in aynu u midowno sidii aynu maal iyo muruqba isugu geyn lahayn gurmadka Walaalaha la dhibaateysan gaajada iyo biyo la’aanta ah. Waxaa kale oo muhiim ah in aynu badinno Alle bariga iyo Roobdoonta, waxaanna rajaynayaa in dalka oo idil aynu ku qabanno Roob-doon mideysan,” ayuu yiri Farmaajo.

Qoraal ka soo baxay madaxtooyada ayaa lagu shaaciyey Madaxweyne Farmaajo uu mushaharkiisa Madaxweynenimo ee bilaha Nofeembar iyo Diseembar uu ugu deeqay howlaha gurmadka dadkeenna Soomaaliyeed ee la dhibaataysan Abaaraha ka jira Dalka.

Madaxweynaha oo bogaadiyey abaabulka xooggan ee Golaha Xukuumaddu ay bilaabeen si wax looga qabto dhibaatada ay sababeen Abaaruhu, ayaa ugu baaqay dhammaan shacabka Soomaaliyeed in ay u istaagaan samatabixinta walaalaha dhibaataysan, wuxuuna ka codsaday dhammaan shaqaalaha Rayidka ah iyo kuwa gaarka ahba in ay qaataan door la mid ah kii ay Golaha Xukuumaddu 20% ugu jareen Mushaharkooda gurmadka Abaaraha.

Hoos ka daawo

“Shirqoolka Afrika lagu dilay Al-Shabaab keliya ma fulin,” – Waxaa sidaas sheegay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maareeyihii Tiyaatarka qaranka Abwaan Cismaan Cabdullaahi Guure ahna milkiilaha Idaacadda Kulmiye ayaa shaki badan ka muujiyey in kooxda Al-Shabaab keligeed ay fulisay dilkii qorsheysnaa ee loo geystay Agaasimihii Radio Muqdisho, Cabdicasiis Maxamuud Guuleed “Afrika”.

Abwaan Guure ayaa sheegay in uu ahaa shirqool gacan laga geystay, islamarkaana ay tahay in dowladda Soomaaliya baaritaan dhab ah ku sameyso dilka loo geystay Agaasimihii Radio Muqdisho.

“Cabdicasiis sida loo dilay baaris rasmi ah laguma sameyn, waxaa aaminsanahay shirqoolkan Shabaab keliya inaysan fulin, sababto ah Cabdicasiis gaariga uu watay ma aheyn midkiisa lagu yaqaanay meesha lagu qarxiyayna ma daganeyn,” ayuu yiri Abwaan Guure.

Waxa uu intaas kusii daray in xogteeda hayaan waxyar un ka hor markii weerarkii ismiidaaminta ahaa ee Sabtidii lala beegsaday Cabdicasiis uu kasoo tagay mas’uul ka tirsan wasaarada warfaafinta oo asagu markii hore la socday Afrika.

“Al-Shabaab inay kasoo shaqeysay waa ognahay, laakiin cidda la fududeynaysay ayey aheyd?,” ayuu yiri Guure oo farta ku godaya in shaqsiyaad kale Shabaab kala shaqeeyen dilka Afrika.

Ugu dambeyntiina waxa uu ku baaqay in dowladda Soomaaliya iyo laamaha amaanka ay fadhiga ka kacaan, islamarkaana ay shacabku damiir isku yeelan, si looga hortago qaraxa iyo dilka ay ku baxayaan haldoorka Soomaaliyeed.