26.9 C
Mogadishu
Thursday, July 2, 2026

Daawo: Midowga Musharixiinta oo shaaciyey hal fursad oo ay Rooble siiyeen

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Midowga Musharixiinta ayaa shir jaraa’id qabtay markii uu soo dhaamaday kulankii ay maanta la yeesheen Ra’iisul Wasaare Rooble, kaas oo looga hadlay boobka doorasho ee dalka ka socda.

Daahir Maxamuud Geelle oo u hadlay midowga musharaxiinta ayaa sheegay kulankii ay la yeesheen Rooble uu qeyb ka ahaa kulamo maalamahaan dambe u socday golaha Midowga Musharixiinta, isla markaana ay Rooble u gudbiyeen dareenkooda ku aadan hanaanka ay u socoto doorashadu.

“Waxaan u sheegnay ra’iisul wasaaraha, in boob qaawan uu ku socdo doorashada, markii aan la wadaagnay dareenkaas, waa uu soo dhaweeyey, waxuuna noo sheegay inuu isugu yeeri doono golaha wadatashiga qaran, isla markaana uu la wadaagi doono walaaca ka soo kordhay doorashada, war cadna ay ka soo saari doonaan arrinkaas,” ayuu yiri Daahir Geelle.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ka midow ahaan ay sii wadi doonaan kulamada lagu gorfeynayo ka hor tagga boobka doorashada.

“Waxaan u sheegeynaa shacabka Soomaaliyeed doorashooyinka socda kuwii idin anfi lahaa maaha oo dowladnimo noo hor seedi lahaa, waxaan u taaganahay in dadka Soomaaliyeed ay helaan doorasho xalaal ah, qof kasta oo doorashadaan lagu dulmiyana waxaan rajeyneynaa inuu cadaalad helo,” ayuu yiri.

Sidoo kale Daahir Geelle ayaa sheegay in hadda ay go’aansadeen inay fursad siiyaan Ra’iisul wasaaraha, si golaha wadatashiga qaran uu u hor geeyo walaaca boobka doorashada, “Anaguna waxaan sii wadi doonaa dadaaladii aan wax ku saxeynay,” ayuu yiri.

Dhanka kale sida lagu shaaciyey qoraal uu xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble ka soo saaray kulankaas waxaa la isla qaatay labo qoddob oo muhiim ah, kuwaasi oo kala ah;

1. In wax laga bedelo hanaanka ay ku bilowdeen doorashooyinka Golaha Shacabka, shirna iskugu yimaadan Golaha Wada-tashiga Qaranka.

2. Guddiyada doorashada inay waajibaadkooda u gutaan si waafaqsan habraacyadii lagu heshiiyay ee doorashooyinka.

Maxey ku kala duwanaan doonaan gulufkii hore ee Badbaado Qaran iyo midka cusub ee mucaaradku rabaan?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Mucaaradka Soomaaliya ayaa weli ku shirsan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, waxayna diidan yihiin sida ay ku socoto doorashada xubnaha golaha shacabka, mucaaradka ayaa horay u saluugsanaa doorashadii xubnaha Aqalka Sare ee dalka.

Maalintii seddexaad ayey mucaaradka ku shirsan yihiin magaalada Muqdisho, waxay sheegeen inay la kulmi doonaan qeybaha bulshada, sidoo kalena waxay la kulmeen Ra’isul wasaare Maxamed Xuseen Rooble

Bishii April ee sanadkaan mucaaaradku waxay hoggaamiyeen gulufkii Badbaado Qaran, mashruucaas wuxuu lahaa laba u jeedo, mid waxay aheyd in Farmaajo laga hor istaago muddo kororsigii sharci darada ahaa, halka kan kale uu ahaa in awoodda doorashada laga wareejiyo Farmaajo, xilligaas mucaardka waxaa u suurta gashay in labadaas u jeedo ay ku guuleystaan.

Tadoba bilood kadib, gulufkii badbaado Qaran waxay mucaaradka mar kale ka fakarayaan inay xaalad cusub abuuraan, maadaama ay cabasho xooggan ka dhalatay sida loo maamulayo doorashada Golaha Shacabka.

Haddaba su’aasha inta badan ee reer Muqdisho qabaan waxay tahay maxaa sal u noqon doona gulufka cusub ee mucaaradka, maadaama midkii hore la ogaa hadafkiisa.

Doodaha kale ee miiska saaran waxaa kamid ah in mucaaradka isku raaci karaan Badbaado Qaran 2 iyo sida ay Shacabka u arki doonaan arrintaan.

Farmaajo doorashadii waa laga wareejiyey, wuxuuse sida muuqata heystaa adeegayaal idman oo doorashada uga qabanaya wax ka badan intii laga fili lahaa inuu isagu ka qabsado.

Sida ay ku socoto doorashada qof walba ayaa dareensan inuu Farmaajo heysto soo laabasho xoog leh. Mid kamid ah xubnaha midowga musharixiinta mucaaradka ayaan waydiinay golufkiinii hore wuxuu ahaa in Farmaajo laga wareejiyo maamulka doorashada iyo in la hor istaago muddo kororsiga ee hadda maxaa damacsan tihiin oo sal dhig u noqon doona tallaabadiina cusub?

Wuxuu ku jawaabay “Farmaajo ma rabo inay doorasho ka dhacdo dalkaan, waa isaga qofka maamulada ku garab siinaya in kuraasta la boobo, qofka loo boobayo doorashadana waa isaga, Rooble oo aan aaminay wuxuu hadda toos u dhex galay Farmaajo, sida ay wax ku socdaan dalka iyo dowladnimada halis ayey ku tahay, waxaana aaminsanahay in uusan Farmaajo doorasho iyo nabad midna uga tageyn Villa Somalia, sidaad darteed haddii aan u soo laabto su’aasha markaan go’aankeenu waa in doorashada la joojiyo, guddiyada lagu laabto, habraaca lagu laabto, mucaaradkana kaalin muuqata laga siiyo doorashada ama inuu Farmaajo toos u baxo,”  ayuu yiri xubintaas kamid ah midowga musharixiinta mucaaradka.

Haddii aan jawaabtaas eegno waxay ka dhigan tahay inay mucaaradka markaan dagaal toos ah u socdaan, laakiin arrinta aan weli la dul istaagin waxay tahay mucaaradka ma isku raaci doonaan inay sameeyaan Badbaado Qaran 2.

Xogaha aan heleyno waxay sheegayaan inay adag tahay inay mucaaradku isku raacaan in dib loo aruuriyo ciidan oo dagaal kale la iclaamiyo.

Xubnaha mucaaradka qaar ayaa xildhibaano fiican usoo baxeen, waxayna rajo ka qabaan natiijada kuraasta dhiman, qeybtaas waxay rabaan in kulamada iyo fariimaha mucaaradka laga dhigo cadaadis oo aan tallaabo ciidan la qaadin, halka inta kale ay qabto in awood wax lagu xaliyo.

Waxaa laga cabsi qabaa in mucaaradka ku kala tagaan gulufkaan cusub, gaar ahaan musharixiinta dhabta ah.

Shacabka oo si weyn u taageeray wajigii koowaad ee Badbaado Qaran ee diidanaa muddo kororsiga, ayaan la ogeyn sida ay wajigaan labaad u arki karaan, maadaama doorashadii Golaha Shacabka socoto, tii Aqalka Sarena ay dhammaatay, wallow ay dhammaantood yihiin kuwo natiijadooda lasii ogyahay.

Xog: Laba qorshe oo laga leeyahay tallaabada lagu hakiyey kursiga HOP#67

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka dadban ee heer federaal ayaa maanta shaaciyey in la hakiyey ku dhowaaqista natiijada rasmiga ah ee kursiga tirsigiisa uu yahay HOP#067.

Kursigan ayaa waxaa Khamiistii kusoo baxay agaasimaha ku-meel gaarka ah ee NISA Yaasiin Farey, kadib doorasho la maquuniyey oo ka dhacday magaalada Dhuusamareeb ee Galmudug.

Warqad ka soo baxday guddiga xallinta khilaafaadka, islamarkaana lagu socod siiyey guddiga doorashooyinka ee heer federaal ayaa waxaa lagu sheegay in guddigu ay soo gaartay dacwad ka dhan ah kursigaasi, taas oo ay soo gudbiyeen musharrax lagu magacaabo Axmed Cabdikariin Cali iyo sidoo kale Nabadoon Cali Xasan Cali (Cali Jeesto).

Kursiga HOP#67 ee jufo ka mid ah beesha Waceysle ayaa waxaa hareeyey muran xooggan kadib markii guddiga doorashada Galmudug iyo madaxweyne Qoor Qoor ay u xireen Villa Somalia, ayaga oo murashaxiin badan u diiday inay u tartamaan.

Guddiga xalinta khilaafaadkan, oo si toos ah ugu xiran madaxtooyada Soomaaliya, ayaan wax dan ah ka laheyn inuu si dhex-dhexaad ah u eego arrintan, ayada oo la ogyahay sidii cadaaladda ka fogeyd ee uu u maareeyey dooddii ka dhalatay kursigii uu boobay ra’iisul wasaare ku-xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed. 

Hase yeeshee tallaabada uu qaaday guddiga xalinta khilaafaadka ayaa looga dan leeyahay laba qorshe ama khiyaano oo kala ah:

1- In warka ku saabsan hakinta natiijada doorashada kursiga lagu damiyo xiisadda kacsan iyo qeylo dhaanta hareysay kursigan, ayada oo shacabka iyo beesha Waceysle loo muujinayo in guddigu eegayo murankan. 

Ereyga loo adeegsaday tallaabada uu qaaday guddiga ee ah “hakinta” kursiga” ayaa ujeedku yahay in laga dhigo in Yaasiin Farey aanu weli kursiga loo sharciyeyn, taasi oo dadka aan fahansameyn sida guddiga u shaqeyo maalmo ku mashquulin doonto sugitaanka natiijada baaritaanka guddiga, sidoo kalena damin karta hadal haynta ku saabsan boobka lagu sameeyo kursiga.

2- Qorshaha labaad ayaa ah; in guddigu isu muujiyo mid shaqeeya, oo diyaar u ah inuu qabto cabasho kasta kadibna go’aan ka gaaro. Waxaa kadib guddiga uu go’aamin doonaa ,sida aan ognahay in kursiga Yaasiin Farey uu ku guuleystay ee HOP#67 ay ku waayeen wax khaladaad ah, sidaasna uu ku yahay sharci.

Tani waxay kursiga siin kartaa sharciyad uusan hadda haysan, waxayna sidoo kale u muujin kartaa beesha caalamka in guddiga yahay mid shaqeeyo oo waajibaadkiisa gudanaya, taasi oo ah waxa ay guddiga iyo Villa Somalia. 

Arrintan yaabka leh ayaa ah in beesha Waceysle ay cabasho u gudbisay gudidgan, ayaga oo weliba og inuusan u caddaalad fali doonin dhinacyada isku haya kursiga.

Hase yeeshee, xubno ka tirsan beesha ayaa sheegay in sababta ay sidan u sameeyeen ay tahay inay maraan hanaanka sharciga ah, kahor inta aanay qaadan tallaabooyin kale, si ay guddigan uga soo xiraan albaabkii ay berri ku doodi lahaayeen oo ah “inaan lasoo marin oo aan cabasho loo keenin.” 

Qodobo kasoo baxay shirkii R/W Rooble iyo Midowga Musharaxiinta + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan xasaasi ah oo maanta ay yeeshen Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Roobe iyo Xubnaha midowga musharixiinta mucaaradka, ayaa waxaa laga gaaray is faham hordhac ah.

Midowga Musharaxiinta ayaa walaac xoogan ee ay ka qabaan daah-furnaan la’aanta ka jirta doorashooyinka dalka ka soconaya iyo sida aaney raali uga noqon karin habka ay iminka wax u socdaan la wadaagay ra’iisul wasaare Rooble.

Sida uu shaaciyey xafiiska Ra’iisul Wasaaraha waxaa la isla qaatay labo qoddob oo muhiim ah, kuwaasi oo kala ah;

1. In wax laga bedelo hanaanka ay ku bilowdeen doorashooyinka Golaha Shacabka, shirna iskugu yimaadan Golaha Wada-tashiga Qaranka.

2. Guddiyada doorashada inay waajibaadkooda u gutaan si waafaqsan habraacyadii lagu heshiiyay ee doorashooyinka.

Rooble ayaa la wadaagay Musharaxiinta Mucaaridka warbixin ku aadan dadaalka uu ugu jiro sidii ay dalka uga hirgeli laheyd doorasho daah-furan oo xor iyo xalaal ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale u sheegay xubnaha mucaaradka in Guddiyada Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed iyo heer Federaal uu u qabanayo shir foogaan arag ah, kaas oo lagaga hadlaayo daah-furnaata doorashada.

Waxa uu ballan-qaaday in lala xisabtamaayo cid kasta oo ku xad-gudubta hufnaanta doorashada, xili ay isa-soo tarayaan ku takri-fal awoodeed iyo xadgudbyo baalmarsan heshiisyadii doorashada.

Ugu dambeyntiina waxaa la isla qaatay in si wadajir ah looga shaqeyo in doorashooyinka dalku ay u dhacaan si hufan, islamarkaana loo saxi lahaa qaladaadka jirra.

DENI oo hanjabaad culus kasoo saaray tallaabadii ay qaadeen ciidanka daraawishta

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa si adag uga hadlay tallaabadii ay maanta ku dhaqaaqeen Ciidamo ka tirsan daraawiishta Puntland oo u goostay dhanka PSF, oo si weyn isku hayaan madaxweynaha.

Saciid Deni ayaa ku hanjabay in uusan marnaba cid kala gorgortami doonin ilaalinta sharciga, isagoona sheegay in ciidamadaas ay ka ciqaab weyn yihiin dadka shacabka, haddiii ay jabiyaan sharciga ciidamada.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay muhiim tahay in cidkasta ay sharciga ilaaliso, weliba si gaar ah Ciidamada kala duwan ee Puntland oo ka dhawaajiyey in dhismahooda waqti badan ku bixiyay maamulku.

“Waxa Puntland ay Ciidamada u dhiseyso oo dhaqaalaha u gelineyso waa in sharciga uu sareeyo, waxaan u dhaartay waa ilaalinta sharciga, midaasna cid aan kala gorgortamayo ma jirto,” ayuu yiri madaxweynaha Puntland.

Waxaa uu intaas kusii daray in dowladnimadu ay tahay ciidan hadii la waayana ay dhaceyso fowdo ayna meesha ka baxeyso dowladnimada, isla markaana muhiim ay tahay in dal walba uu yeesho Ciidamo sharciga ilaaliya.

Hadalka madaxweynaha Puntland ayaa imanaya kadib markii ay maanta Askar ka tirsan ciidamada daraawiishta Puntland ay ka soo baxeen difaacyada aaga Kalabeydh una wareegeen dhinaca ciiidamada PSF oo uu khilaaf kala dhaxeeyo madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Saraakiisha hoggaamineysa ciidamadan ayaa waxay sheegeen inay difaacyada uga soo baxeen duruufo kala duwan iyo in xukuumadda Deni ay dooneyso inay ciidamada iska horkeenaan.

Saraakiisha ciidamada PSF ee ciidamadaan soo dhaweeyay ayaa dhankooda waxaa ay sheegeen in aysan diyaar u aheyn inay dagaal la galaan ciidamada kale ee Puntland oo hal cadaw ay leeyihiin, islamarkaana ay soo dhaweeynayaan ciidamo kasta oo dhankooda soo aadaya.

Xiisada ciidamada PSF iyo Saciid Deni ayaa ka bilaabatay xil ka qaadista uu madaxweynaha ku sameeyay Agaasimihii ciidamadaas Maxamuud Cismaan Diyaano, taasi oo ay si adag uga horyimaadeen ciidamada PSF.

FARMAAJO oo farriin culus mucaaradka ugu diray sida loo tuuray Prof. JAWAARI

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyinka Maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta qabtay doorashada kursiga uu muranka badan ka taagan yahay ee HOP#103, kaas oo uu horay ugu fadhiyey guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka, Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Doorashada kursigan ayaa waxaa ku soo baxay Maxamed Cali Xasan oo helay 78, halka musharax Mukhtaar Cali Ibraahim oo la tartamay uu isna helay 18 cod, sidoo kale waxaa halaabay 4 cod, sida uu sheegay guddiga doorashada ee maamulka Koonfur Galbeed.

Maxamed Cali Xasan ayaa ah wasiirka howlaha guud dib-u-dhiska iyo guryeynta Koonfur Galbeed, wuxuuna ka mid yahay xubnaha sida aadka ah ugu dhow Lafta-gareen, oo xulafo siyaasadeed yihiin Farmaajo.

Guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa shalay ku dhawaaqay in la hakiyey doorashada kursigaas, inkasta oo Koonfur Galbeed ay ku gacan seertay go’aankaas, ayna maanta qabatay doorashada, taas oo uga sii dareysa muranka ka taagan kursigaas.

Haddaba, Maxay ka dhigan tahay in Jawaari laga reebo tartanka, lagana tuuro kursiga HOP#103?

Sida ay qabaan fallan-qeeyayaasha siyaasadda qaarkood arrintan ayaa ah farriin culus oo uu madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday Maxamed Cabdullahai Farmaajo u diray mucaaradka oo ah inuu ka dagaalami doono inay dib u soo laabtan siyaasiyiintii ay is hayeen.

Jawaari ayaa xilka laga tuuray 9-kii April 2018, kadib markii ay isku dhaceen Farmaajo. Waxaa xiligaas booskiisa la wareegay Maxamed Mursal oo saaxiib dhow la’ah Farmaajo, haddana dib usoo laabtay.

Keliya ma aha Jawaari waxaa sidoo kale ayagana qorshahaan ku bixi doona siyaasiyiin si weyn u mucaarada Farmaajo, haddii aan wax laga bedelin qaabka ay hadda u socoto doorashada Aqalka Hoose.

Sidoo kale Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa hadda cadaadis aan caadi aheyn kala kulmaya madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday iyo Lafta-gareen, si ay uga reebaan doorashada Aqalka Hoose ee baarlamaanka Soomaaliya.

Villa Somalia ayaa ka hor istaagtay Shariif inuu difaacdo kursigiisa madaxtinimo ee maamulka Koonfur Galbeed sanadkii 2018-ka oo lagu qasbay inuu ka haro tartanka, sidoo kalena hadda waxay rabtaan inay ka wareejiso kursiga xildhibaanimo.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka mid ah Midowga Murashaxiinta ayaa horey u sheegay in haddii Farmaajo uu ku guuleystay inuu hor-istaagay murashaxnimada xildhibaanimo ee Jawaari, uu sidoo kale isna u diidi karo inuu madaxweyne isku sharxo.

“Haddii Jawaari loo diiday shahaado tartan xildhibaan, sideen aniga mida tartanka madaxweynaha ku helayaa?,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdisakuur.

“Haddii Farmaajo horay waxba u xeerin ee uu labo Guddoomiye Baarlamaan midna xilka ka tuuray, kii kalana Villada ka soo cayrsaday, labo Raysalwasaare midna xilka ka tuuray, midna la dagaalay, haddana dib u ceshaday. Haddii uu xildhibaano u diiday in ay Baarlamaanka soo galaan, Mucaaaradkii iyo madaxdii dalka uga horreysay xabbad iyo weerar ku simay.”

Doorashada Golaha Shacabka ee ka bilaabatay dalka ayaa waxaa kusoo baxay saaxiibo si weyn ugu dhow Farmaajo, kuwaasi oo loo doortay xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka go’an in sidii ay doonto ha ku dhammaatee uu awood ku maquuniyo doorashada.

Si kastaba, Mucaaradka oo fahamsan in sida wax ku socdaan haddii laga bedeli waayo uu sidaas markale kursiga ugu sareeya dalka ugu soo laabanayo Farmaajo, ayaa bilaabay dadaalo culus oo wax looga badalayo hanaanka ay ku bilaabatay doorashada Golaha Shacabka.

Daawo: Ciidamo ka tirsan daraawiishta Puntland oo u goostay dhanka ciidanka PSF

0

Boosaaso (caasimada online) – Askar ka tirsan ciidamada daraawiishta Puntland kuwaas oo sheegay in ay ka soo bexeen difaacyada aaga Kalabeydh una wareegeen dhinaca ciiidamada PSF oo uu khilaaf kala dhaxeeyo madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Saraakiisha hoggaamineysa ciidamadan ayaa waxaa ay sheegeen inay difaacyada uga soo baxeen duruufo kala duwan iyo in xukuumadda Deni ay dooneyso inay ciidamada iska horkeenaan.

Saraakiisha ciidamada PSF ee ciidamadaan soo dhaweeyay ayaa dhankooda waxaa ay sheegeen in aysan diyaar u aheyn inay dagaal la galaan ciidamada kale ee Puntland oo hal cadaw ay leeyihiin, islamarkaana ay soo dhaweeynayaan ciidamo kasta oo dhankooda soo aadaya.

Dhanka kale, duqa magaalada Boosaaso Cabdullaahi Deero-dile oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa Boosaaso ayaa sheegay iney jiraan ciidamo daacad u ahaa agaaismihii xilka qaadista lagu sameeyay, kuwaasoo haatam u soo goosanaya dhanka Maxamed Amiin, oo ah sarkaalka uu Siciid Deni u magacaabay inuu hoggaamiyo ciidamada PSF.

“Ciidamo badan oo PSF ah ayaa ku biiray garabka agasimaha cusub madaxweynaha magacaabay,” ayuu yiri duqa magaalada Boosaaso Cabdullaahi Deero-dile.

Xaaladda magaalada Boosaaso ma fadhiso, ciidan badan ayuuna Saciid Deni dhankiisa geeyey. Maalin kahor waxaa halkaas tagay wasiirka amniga ee Puntland Cabdisamad Gallan iyo taliyaha ciidamada daraawiishta Puntland.

Dooda ugu weyn ee hadda taagan ma ahan xil ka qaadista ee waa xilliga ay kusoo aaday. Deni waxaa lagu eedeynayaa inuu rabo inuu boobo 16 kursi oo taalla magaalada Boosaaso oo golaha shacabka ah, laakiin haddii uusan helin ciidanka PSF waxaa la isku raacsan yahay inuusan boobi karin kuraastaas.

Halkaan ka daawo muuqaalka ciidamada soo goostay

SACUUDIA CARABIYA oo dalkeeda ka mamnuucday dadka 14 dal oo Afrikaan ah

Riyadh (Caasimada Online) – Sacuudi Carabiya ayaa maanta hakisay duuliimaadyada aadaya iyo kuwa ka imanaya dalalka Malawi, Zambia, Madagascar, Angola, Seychelles, Mauritius, iyo Comoros sababo la xiriira dillaaca nooc cusub oo ah fayruska cudurka COVID-19 oo lagu magacaabo Omicron.

Warkan ayaa waxaa shaacisay wakaaladda wararka dalkaas ee SPA, oo soo xiganeysa ilo-wareedyo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha. 

Boqortooyada ayaa sidoo kale hakisay inay dalkeeda soo galaan dadka aan Sacuudiyaanka aheyn ee sida tooska ah ama aan tooska aheyn uga imanaya dalalka kor ku xusan, marka laga reebo kuwa dalal kale soo joogay wax aan ka yareyn 14 maalmood.

Kuwaas loo ogol yahay inay soo galaan ayaa marka ay Sacuudiga yimaadaan ku qasbanaan doona inay is-karantiilaan shan maalmood, ayada oo aan loo eegi doonin inay ka tallaalan yihiin cuduka COVID-19 iyo in kale.

Waxaa sidoo kale laga rabaa inay haystaan shahaado muujineysa inay iska baareen cudukra COVID-19 oo laga waayey.

Go’aanka maanta ayaa yimid ayada oo Sacuudi Carabiya ay horey u joojisay duulimaadyada aadaya iyo kuwa ka imanaya toddoba dal oo Afrikaan ah, sababo la xiriira cabsida faafitaanka nooca cusub ee cudurka COVID-19.

Toddobadaas dal ayaa ayaa kala ah; South Africa, Namibia, Botswana, Zimbabwe, Mozambique, Lesotho iyo Eswatini.

Tani waxay tirada guud ee dalalka Afrikaanka ah ee ay Sacuudiga mamnuuceen duulimaadyadooda iyo dadka ka imaneya ka dhigeysaa 14.

Nooca cusub ee COVID-19 oo Omicron ayaa dhowaan lagu arkay dalka South Africa, waxaana dalalka ay Sacuudiga mamnuuceen badankood ay yihiin kuwa deris la ah ama ku dhow dalkaas.

Dalal badan oo caalamka ka mid ah, gaar ahaan Mareykanka iyo Yurub ayaa sidoo kale joojiyey duulimaadyada South Africa iyo dalal badan oo ku yaalla Koonfur Afrika, sababo la xiriira cabsida laga qabo Omicron.  

Omicron ayaa lagu warramay inuu yahay nooc halis ah, oo xitaa ay adag tahay in tallaalka COVID-19 uu ka hortago, inkasta oo uu cusub yahay oo weli aan xog badan laga hayn.

Wada-hadallo xasaasi ah oo u socda R/W ROOBLE iyo Midowga Murashaxiinta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Roobe ayaa haatan kulan gaar ah la leh xubnaha midowga musharixiinta mucaaradka, kaas oo looga hadlayo arimaha doorashooyinka dalka ee 2021-ka.

Kulankan oo mid xasaasi ah ayaa waxaa Rooble ku wehlinayo xubno ka mid ah golihiisa wasiirada, sida wasiirka amniga, wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta iyo xubno kale.

Sidoo kale waxaa shirka goobjoog ah inta badan xubnaha midowga musharixiinta, waxaana horkacaya madaxweynayaashii hore Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh Maxamuud.

Qoraal kooban oo ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa lagu sheegay in wada-hadalladan diiradda lagu saarayo xaaladaha soo kordhay, gaar ahaan hannaanka doorashooyinka bilowday ee dalka, siiba tan xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya.

“Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la leh Golaha Midowga Musharraxiinta oo ay ka wada hadlayaan arrimaha doorashooyinka dalka iyo Daahfurnaanta hannaanka doorashada dalka,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska Rooble.

Sidoo kale waxaa la filayaa in gaba-gabadii kulankan laga soo saaro go’aanno la xiriira doorashada, gaar ahaan cabashada kasoo yeereysay xubnaha musharixiinta mucaaradka.

Soomaaliya ayaa ku daahday xaaladda kala guurka ee ka dhalatay doorashooyinka 2021-ka waxaana dood iyo tabasho ay ka taagan tahay qaabka ay ku billowdeen doorashooyinka.

Koonfur Galbeed oo qabatay doorashada kursiga Prof. JAWAARI- Yaa kusoo baxay?

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Magaalada Baydhabo waxaa ka socota doorashada kuraas ka mid ah Golaha Shacabka, iyada oo goor dhow la doortay kursiga afaraad xubnaha baarlamaanka ee kasoo galaya dhanka maamulka Koonfur Galbeed.

Kursiga doorashadiisa la qabtay ayaa ah Hop#103, kaas oo uu horay ugu fadhiyey guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka, Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Doorashada kursigan ayaa waxaa ku soo baxay Maxamed Cali Xasan, wuxuuna helay 78, halka musharrax Mukhtaar Cali Ibraahim oo la tartamay uu isna helay 18 cod, sidoo kale waxaa halaabay 4 cod, sida uu shaaciyey guddiga doorashada ee maamulka K/ Galbeed.

Maxamed Cali Xasan ayaa ah wasiirka howlaha guud dib-u-dhiska iyo guryeynta Koonfur Galbeed, wuxuuna ka mid yahay xubnaha sida aadka ah ugu dhow Lafta Gareen.

Qabashada doorashada kursiga iyo guusha Maxamed Cali ayaa uga sii dareysa xiisadda ka taagan kursigan iyo cabashada Jawaari, taas oo gaartay guddiga doorashooyinka heer federaal oo shalay ku dhowaaqay in la hakiyey doorashada kursigaas, walow Koonfur Galbeed ay ku gacan seertay, iayna qabatay doorashada, taas oo uga sii dareysa dooda.

Dhinaca kale doorashada ayaa haatan soo soconeysa, waxaana la guda-galay kuraasta xigta ee kala ah HOP189 oo uu horay ugu fadhiyay Sheekh Aadan Madoobe, HOP041 oo uu ku fadhiyey Idiris Cabdi Dhaqtar & kursiga HOP042 oo ay horay ugu fadhisay Hani Maxamed Aadan.

Koonfur Galbeed waa maamulkii 2aad ee guda-gala doorashada xubnaha Golaha Shacabka, waxaana ka horeeyey Galmudug oo iyana cabasha ay ka timid kuraasta qaar ee la doortay.

Midowga Musharaxiinta oo maraya cawaaqibka khalad weyn oo ay sameeyeen iyo tallaabooyinka hadda u furan

0

Maalintii Khamiista ee ina dhaaftay waxaa shir jaraa’id qabtay golaha mucaaradka ee ku midoobay magaca Midowga Murashaxiinta (MM). Shirkaas ayuu goluhu ku sheegay in waxa lagu sheegay doorashada ee dalka ka socda ay horseedi doonto burbur baaxad leh iyo caaqibo xun oo laga soo kaban waayo. Sidoo kale goluhu wuxuu sheegay inuu sii wadi doono shirarka dhexdooda ah si ay uga arrinsadaan qaabkii lagu badbaadin lahaa dalka. Taasoo u muuqatay ama loo fasiran karo waxaan dhisaysaa awood kale oo garab socota midda sharciga ah ee dalku leeyahay. Haddaba maqaalkaan gaaban waxaan ku eegi doonnaa saddex qodob oo kala ah: Cabashada Midowga maxaa ka run yaase masuuliyaddeeda leh. Laba, maxay noqonayaan tallaabooyinka u furan ee ay qaadi karaan? Iyo sadeex maxay dantooda iyo midda dalku ku jirtaa.

Maxaa ka run ah cabashada mucaraadka?

Waxaan muran iyo mugdi toona uusan ku jirin in waxa dalka ka socda ee soo billowday maalintii la doortay sanatar Fartaag iyo Iftiin Baasto aysan doorasho ahayn e yihiin xulasho.  Xulasho aan loo sinnayn cid aan ka ahayn midda xulaysana aysan faker iyo ficil kale toona ka dhiiban Karin. Waa nooc aan horay Soomaaliya u soo marin in dib loo arkana aysan fududayn. Kama wado musuq noocaan ah doorashooyinki hore ma dhici jirin. Hubaashi boobki dhacay doorashadi 2016 kan hadda socda wuu ka xumaa oo taasu kursi kaliya lama boobine maal fara badan ayaa la kala boobay kuraasta qaarna dhiig ayaa loo daadiyay. Madaxdi markaas talada haysay ma aysan reeban awood iyo xirfad ay wax ku boobi kareeen ciddii ay rabeenna ku soo saari kareen.

Waxa hadda nagu cusub waa dhib yaraanta wixii la doono loo marsanayo iyadoon qarash ku bixin, dad aan xabsi loo taxaabin cidna aan loo toogan. Waxaa muuqato awood xooggan oo aan la loodin karin in ay gacanta ku hayso kuraasta labada aqal sidii ay doonaanna ugu tagri falayaan. Sidaa darted in mucaraadku af labadii yeero la yaab ma leh. Waxaa se iswaydiin mudan sidee ku dhacday in awoodda intaas la eg dhowr qof marooqsato cid joojin kartaana aysan jirin?

Imaanshaha arrintaan dad badan oo ku eedaysan ayay kow ka yihiin golaha hadda ka cabanayo. Waxaa la dhihi karaa afar qolo oo ku dedaashay marar kala duwan in ay waxa ay doonayaan helaan ayaa haadaan ka tuurtay doorashadi. Afarataas waa Beesha Caalamka (BC), labada mataanood ee Dini iyo Axmed (Mataanaha), Rooble iyo Midowga Murashaxiinta. 

Qallaaci ugu horreeyay wuxuu ahaa marki Mataanaha iyo MM’tu u arkeen in doorasho qof iyo cod ah oo la qabto fursad ay siinayso Farmaajo sidaas darteed ay u howl galeen sidii looga dhigi lahaa mid dadban oo awooddu dad badan leeyihiin. Ma xumayn hab fakerkaas oo waligeed madaxwaynaha xilka hayo inuu awoodda galiyo siduu kusoo noqon lahaa waa mid noo qoran. In laga dhigaa ama laga xiraa waddooyinka uu doonayo inuu ku soo noqdana waxay ahayd mid la fili karay. 

Laakiin kooxda labada guruub ah (MM iyo Mataanaha) ee doontay in doorashada laga dhigo mid dadban inta qalin iyo waraaq qaateen ma aysan tirin inta dhagaati ee uu leeyahay ninka ay is’hayaan. Ma aysan falanqayn dhagaaatiyaha ugu muhiimsan ee u baahan in la furo iyo sideey u kala horreeyaan. kama aysan tashan talloobooyinka ay qaadayaan iyo natiijooyinka ay hoggaamin karaan. Waxa kaliya ee u muuqday waxaa ay ahayd doorashada ha laga dhigo mid dadban si maamul goboleedyadu awoodda ula qaybsadaan fedaraaalka. MG’yadu, qaar, in ay yihiin dhagaatiyo kale isma aysan waydiin, haddii ay iswaydiiyeenna waa ay sahladeen. 

Sidoo kale, golaha MM oo ka kooban dad miisaan culus iyo jamaahiir siyaasadda muddo kusoo jirtay ma jirin wax mideeyo iyo ujeeddo qeexan oo ay ku wada socdeen marki laga reebo Farmaajo tartanka in laga reebo ama ugu yaraan gacantiisa laga saaro howlaha doorashada. Iyagoo intaas ka duulayo ayay taageero aan kala har iyo reebasho lahayn siiyeen Mataanaha oo ay u qarsoonayd dano kale. 

Dhib yaraan ayaa lagu gaaray in doorashada laga dhigo mid dadban laakiin in tartanka laga reebo ama gacantiisa laga saaro Jaalle Farmaajo waxay u baahatay dagaal iyo shaati siibasho. Howshaan waxaa dusha u ritay MM. Waxaa ay u bareereen khatar culus oo sharaftooda iyo sumcaddooda dhaawac weyn ku ahayd. Waxaa ay maalin cad malleeshiyaad hubaysan dhigeen jidadki caruurrtooda iyo xaasaskoodu isticmaalayeen. Waxay sabab u noqdeen in hooyooyinkood iyo maatidoodi ay qaxdo. Xamar ayay mar kale soo xasuusiyeen ayaamihi madoobaa ee isbaarada iyo isfurashada ku caanka ahaa. Foolxumo walba ha ka dhacdee waa ay gaareen ujeedkoodi ahaa in Farmaajo awoodda doorashada laga warejiyo.

Hasa ahaatee, waxa ay intaas oo dhib iyo rabsho ah shacabka maatida ah ugu geysteen ma waxay ahayd in ay helaan fursad ay ku heli karaan tartan loo siman yahay? mise waxay ahayd Farmaajo oo aan doorashada maamulayn un aan aragno? Jawaabta iyaga ayay la jirtaa. Laakiin haddii la qiimeeyo sideey u dhaqmeen iyo maxsuulki kasoo baxay dagaalki ay hoggaamiyeen waxaa la dhihi karaa wax ay rabeen dad yaqaan ma ahayn. 

Waxaa tusaale noogu filan in gorgortanki ciidanka Xamar looga saaray aysan saldhig u ahayn doorka MM doorashada ku yeelanayaan. Wax shuruud ah oo iyaga awood siin karta ama barri ka maalin ay wax ku heli karaan ma aysan xiran. Waa ay jirtay in ay dhaheen golaha ha nalagu daro laakiin kuma aysan adkaysan. Dadki ay dhaheen awoodda ha loo dhiibo heshiis gooni ah oo ay la galeen ma jirin. Kaliya niyad sami ah ninka talada loo dhiibay ayaan isku qabiil nahay oo na qadin mahayo in lagu socday ayaa durba soo muuqatay. Halkaas ilduufki labaad ee ugu xumaa ayay ku dhaceen cashar se kama aysan baran. “Mar i dage Allaha dago mar labaad i daga se anaa isu degay.”

Mar kale ayay dadaal badan galiyeen iska horkeenidda Farmaajo iyo Rooble waa ayna ku guuleysteen. Fursaddaan qaaliga ee soo martay, mar kale, ayay muujisay in aysan aqoon waxa ka maqan iyo waxa ay doonayaan. Rooble oo weedweed ah ayaa gacanta usoo galay. Taageero indho la’aan ah ayay mar kale siiyeen iyagoon waxba shardisan. Kuma aysan dadaalin in ay kala fogeeyaan Rooble iyo MG iyo in ay ugu yaraan isaga Rooble ah ku qasbaan inuu kala tashado tallaabooyinka uu qaadayo markuu galayo heshiisyada doorashada. Haa waxaan leeyahay in ay ku qasbaan. Waayo maalmahaas Rooble aad ayuu jilicsanaa oo wuxuu ahaa nin gabidhaclaynaya oo gol nugeylyo badan leh. 

Maaddama Farmaajo ay kala dhinteen, cid kale oo uu wax u xeerinayana aysan jirin awooddii doorashada, oo awalba isaga culeys uusan qaadi karin oo la saaray u muuqatay, ayuu si fudud ugu wareejiyay MG. Waabaa ku baryay MM qaylo ayayna af labadii dhawaaqeen. Laakiin ma aysan yeelan hal adayg e Deni ayaa ballan qaad iyo baasa-baasayn ku qanciyay iyagoo qoslaya ayuu aan “isu soo laabanno” uga tagay. Wixii ka danbeeyay awoodda doorashada cid aan MG ahayn oo wax laga waydiinayo ma jirin maaddaama fursadihii ugu danbeeyay laga ilduufay. Sidaa awgeed qaylada MM’tu macno ma leh sababtoo ah haddii loogu soo celiyo xataa sidii ayaa mar kale loo marsan.

Maxaa u furan haatan?

Dhowr tallaabo ayay qaadi karaan. Kow waa in ay mar kale hub aruursi iyo tolbeelay dhahaan. Waxaa taariikhda gashay erayadii MW Xasan Sheekh kula hadlay madaxda ciidamada ee ku beesha ah maalintuu yiri “anigu Xajaar iyo biixi iyo… ha la midli maayo. Farxaanoow, Odawaayow wiilashaydiyow…” Hubaashi saacaddaas wax ka keenayba Xasan wuu illowsanaa in wiilasha uu yeeray ay hayaan xil qaran ee aysan hayn mid qoys. Waxaan qabaa in ay ahaayeen erayo uu ka shallaayay maqalkoodana uusan ku raaxaysan. Si walba oo qabiiladiisu qoryaha ku guran karto inuu sameeyo ayaa ka go’nayd. Haatan tii oo kale meesha lagama saari karo. Hubaashi hadalka afhayeenka MM Daahir Geelle in aysan dagaal jid ahayn uusan u furnayn ayaa ka muuqatay. 

Hasa yeeshee tallaabadaas markaan waa qar-iska-tuurnimo. Waayo waxay u badan tahay in aan markaan loogu dabcin sidii hore. Wax hadda gaar uga maqan ma jirto oo loogu garaabo. Labo, intii marki hore loo sameeyay maxaad ku heshaan ama kusoo dhacsateen ayaa hortaal. Seddex, raggii maalinti hore u hiilliyay, markii danbe waxaa lagu gorgortamayay yaanan mushaarka laga jarin iyo darajooyinkoodi ha loo daayo. Askari markii hore mushaarkiisa qataato uu galay inuu ku laabto ma sahlana way se dhici kartaa. Afar, saraakiisha awoodda leh ma sumcad danbe ka raja qabta waxaa ay arkaan waxa ku dhacay Saaddaq Joon. Isagoo ah ninka Xamar ugu awood badan ayuu inuu iyaga u hiilliyo wax walba u xooray. Maanta iyagiina wax ma helin isna waa dable. 

Shan, ciidan walba oo ay keenaan waxa kaliya ee ay samyan karaan waa in xaafado Xamar ka mid ah ay qabsadaan. Weerar kuma qaadi karaan Fillada oo AMISOM ayaa waardiye ka ah, Soomaaliduna iyadaa isu turqo weyne kuma dhacdo ciidammada shisheeye. Mar haddii aysan dagaal ku qaadi karin meelaha doorashadu ka socoto sida Baydhabo, Dhuusomarreeb iyo Garoowe; haddii aysan xabbad ku qabsan karin Fillada, arbushaad iyo qalqalgalin ay ka sameeyaan xaafadaha ay xaasaskoodu daggan yihiin fadeexad iyo magacxumo maxaan ahayn oo ay ka dheefayaan? Gurigaygaan qabsan nin ku hanjabay soo nin han jabay maaha?

Tallaabo kale oo ay qaadi karaan waa in ay hadda ku dhawaaqaan in aysan ka qayb gali doonin doorasho noocaan ku dhammaatay. Middaan in aysan MG’yadu u joojin ayay u badan tahay. Laakiin wuxuu noqon karaa baaq Soomaalidu u dabacdo sidoo kalana Beesha Caalamku ku toosto. Ugu yaraan waxay keeni kartaa in si dhab loo qaato cabashadooda. Tallaabadaan ayaa ka sharaf badan midda hore igalana rajo badan in wax lagu helo. 

Maxay doontooda iyo midda dalku ku jirtaa?

Sidaan soo sheegay meesha doorasho kama socoto. In halkaan ku dhammaan doonto dad aan anigu ku jiro waa ay u muuqatay ilaa waa hore. Waxyar ka dib doorashadii Hirshabeelle ayaan bartayda Faysbuugga soo dhigay saadaalin aan ku muujiyay in waxa Jowhar ka dhacay ay noqon doonto midda guud ee dalka. Waxaan tilmaamay in mucaaradku is dhiibay sabab la’aan. Doorashadi Baydhabo waa rafteen. Middii Galmudug waa ordeen laakiin sidii KG uma aysan xarbin maaddaama ay quus joogeen. Markii la gaaray middii HS waaba is dhiibeen oo wax tartan ah iskuma aysan dayin. Taasi waxay keentay in doorashadi HS si dhib yar oo wax qarash ah aysan ku bixin wixii la doono looga samayto. Kaaga darane, mucaaradku ma aysan diidin natiijadi ee iyagoo mid walba is leeyahay waji ka samayso madaxweynaha la doortay ayay hambalyo la kala ordeen. Maalintaas ayay doorashada maanta laga cabanayo jidkaan cagta saartay. Waxaa ay ku sifoobeen niman dhinacna tabar iyo kasbasho yar dhinacna adkaysi yar oo hal meel aan ku dhagi karin. 

Haddaba si aysan middii Hirshabeelle oo kale aysan ugu dhicin waxaa la gudboon in aysan quusan. Siyaasiyiinta Soomaalidu dhuunta ayay wax ka maqlaan. hebel ninkii soo saaray u joojin uu mahayo hadduu helo mid ka jeeb weyn ama ku rajo galiyo xil iyo darajo danbe. Laga yaabo in mid iyaga ka mid ahba uu soo baxee, meel cidla ah yaysan ka jabin ayaan dhihi lahaa. 

Haddii cabsidu ku weyn tahay rajo beelna ay joogaan oo aysan sinnaba ugu muuqan in ay wax heli karaan, xalku maaha xabbad iyo xabaalo qodid. Ragannimadu waa aqbalidda in kataan lagaa helay sidaad u soo koorsayn lahaydna aad ku dadaasho. Caawa haddii ay Xamar olosho, doorashada la baajiyo xalkuna uu noqdo Farmaajo oo iscasilo, waxaa hubaal ah qofka loo dhiibayo doorasho gaarsiinta inuusan marnaba noqon doonin mid ka mid ah MM. Markaa maxaad naftaada iyo ummaada aabaraysan danbi uga gali meel aad mar walba ku qadi doontid. 

Intaas waxaa dheer, MM ayaa Farmaajo u suuragaliyay inuu shaatigiisu ka nadiif ahaado boobka socda. Caawa ma jirto cid ku eedayn karto isagaa hagaya iyo isagaa doorashda loo dhiibay. Ceeb iyo wanaag key leedahayba qofkii ay ku qanacsanaayeen ayaa loogu dhiibay. Ficil walba oo amni darro keeno oo ay qaadaan wuxuu kor u qaadayaan sumcadda Farmaajo wuxuuna dilayaa wajiga iyo karaamada MM. isku soo xooriyoo, samir, xariiftan, galaangal ma ogiye jid kale dan uguma jirto dalka iyo dadka. Qaylada iyo cabashadu ceeb maaha, in la wadaana waa sax. Laakiin xoog wax ku raadin danta MM iyo midda dalka toona kuma jirto.

W/Q: Ibrahim Aden Shire
[email protected]

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid.

Askari ka tirsan ciidamada dowladda oo weeraray garoon kuna dilay dhowr cayaartooy

0

Beled-xaawo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in shalay gelinkii dambe askari “ka tirsan” ciidamada dowladda uu rasaas ku furay dad shacab ah oo xilligaas ku sugnaa garoon lagu ciyaarayay kubadda cagta oo ku yaalla gudaha degmada Beled-xaawo, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho leh.

Askariga oo ku hubeysnaa qoray Ak47 ah, isla-markaana ku socday Mooto Bajaaj ayaa la sheegay inuu tegay garoonka, xilli ay ka socotay ciyaar, kuna sugnaayeen dadweyn fara badan, wuxuuna kadib ooda uga qaaday rasaas, sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Inta la xaqiijiyey waxaa dhacdadaasi ku dhintay ugu yaraan labo wiil oo ka mid ahaa dhalinyarada ciyaartoyda ee degmada Beled-xaawo, waxaana lagu kala magacaabi jiray, Zakariye Axmed Gaarane iyo Sharma’arke Cabdul, sida uu Aadan Cumar Barkhadle u sheegay VOA.

Barkhadle oo ka mid ah waxgaradka magaalada ayaa sheegay inuu si bareer ah askarigaasi rasaasta ugu furay ciyaartoyda iyo dadkii kale ee daawanayey ciyaarta xilligaasi socotay.

“Wuxuu ahaa nin orod ku yimid iyo qof dan-leh Bajaaj ku socday Bajaajta marka ay soo istaagtayna qoriga xabadda raacsaday naga leexi la yiri markii naga leexi la yiri meeshii uu ka leexin lahaa dadka qoriga ujeed kasta uu lahaaba rasaastii buu ooda uga qaaday labadaa wiil ayeyna haleeshay siyaabo halis ahna ayey ugu dhacday,” ayuu yiri Aadan.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in labada wiil ee geeriyootay ay ahaayeen dhalinyaro aad u firfircoon, isla-markaana si weyn looga yaqaanay deegaanka.

“Labada wiil ee ka midka ahaa dhalinyarada ciyaartoyda ee degmada Beled-xaawo weliba kuwooda la oran karo waa ubaxii hadda soo kacaayey oo ugu yar yar laba nin oo maashaa allaah oo firfircoon-bey ahaayeen oo aad u wanaagsan, aad loo jecelyahay,” ayuu raaciyey.

Wararkii ugu dambeeyey ayaa haatan sheegaya in gacanta lagu soo dhigay askariga lagu eedeeyey inuu ka dambeeyey falkaasi, kaas oo isku dayey inuu baxsado, waxaana socda baaritaano dheeri ah oo ku aadan dhacdadaasi ay waxyeelada kasoo gaartay ciyaartoyda.

Si kastaba, lama oga sababta rasmiga ah ee uu askariga u beegsaday garoonka ay xilligaas ciyaarta ka socotay, mana jiro war rasmi ah oo ka soo baxay maamulka gobolka Gedo.

Dahabshiil Group iyo Marina Beach Estate oo SHIRKAD heer sare ah ku dhowaaqay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dahabshiil Group iyo Marina Beach Estate ayaa ku dhawaaqay dhismaha shirkada cusub oo lagu magacaabo Dahab Marina Beach Estate LTD, taasi oo hirgelin doont mashruuc dhul baxaad ballaarn loogu dhisayo guryo saaran xeebta Muqdisho.

War-saxaafadeed ay si wada-jir ah u soo saareen Dahabshiil Group iyo Marin Beach Estate ayaa waxaa lagu sheegay in Dahab Marina Beach Estate ay noqon doontaa hormuudka degaanada Geeska Afrika ugu horeeya xagga Booska iyo Bilicda.

Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay in Daahfurka iyo bilaabidda dhismaha ay dhici doonaan December 2021, dhismaha mashruucana uu bilaabmi doono ugu danbeyn rubuca labaad ee 2022 ama ka hor.

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka oo dhameystiran:

Dahabshiil Group iyo Marina Beach Estate waxa ay ku faraxsan yihiin baahinta heshiis laba
geesood ah oo ku dhisan istiraatijiyad mustaqbalka fog ah, kaas oo ay ku abuurayaan shirkad wadaag ah oo lagu magacaabo Dahab Marina Beach Estate LTD.

Shirkaddan ayaa ka shaqayn doonta hirgelinta mashruuca Dahab Marina Beach Estate, oo dhul dhan 1,000,000 SQM looga dhisayo guryo xeebta saaran, oo in ka yar 5km u jira bartamaha magaalada Muqdisho.

Dahab Marina Beach Estate waxa ay noqon doontaa hormuudka degaanada Geeska Afrika ugu horeeya xagga Booska iyo Bilicda, lehna wadooyin ku teedsan badda oo dhererkoodu gaarayo 2km, kana kooban degaan casri ah, goobo ganacsi, madadaalo, caafimaad, waxbarasho iyo adeegyo kale oo badan.

Naqshadaynta iyo maalgelinta mashruucan waxa iska leh Dahabshiil Real Estate Company iyo injineero caalami ah oo ay Dahabshiil is-bahaysi leeyihiin, kuwaas oo alifay soona dhisay qaab dhismeedyo casri ah oo ku yaal meelo badan oo aduunka ka mid ah.

Daahfurka iyo bilaabidda dhismaha wadooyinka waxa ay dhici doonaan December 2021, dhismaha mashruucana waxa uu bilaaban doonaa ugu danbeyn rubuca labaad ee 2022 ama ka hor.

Muuqaallo sir ah oo muujiyey dalka hubka badan siinaya dowladda ABIY AHMED

Addis Ababa (Caasimada Online) – Sawirro lagu qaaday satellite-ka oo ay heshay Al-Jazeera ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Imaaraadka Carabta ay taageero militari oo baaxad leh siineyso dowladda Ethiopia ee dagaalka kula jirta mucaaradka Tigray-ga.

Baarayaasha helay sawirrada ayaa isha ku hayey muddo saldhigyo ciidamada cirka ah oo ku yaalla Imaaraadka Carabta iyo Ethiopia, waxayna heleen caddeymaha in ka badan 90 duulimaad oo isaga kala gooshay saldhigga Sweihan ee Abu Dhabi iyo kan Harar Meda ee koonfurta magaalada Addis Ababa, intii u dhaxeysay September iyo October 2021.

Asalka duulimaadyada badankood ayaa la qariyey ama la geliyey diiwaanka duulimaadyo kale oo caadi ah oo aysan laheyn.

Daabulaadda hubka ayaa waxaa qandaraas ku qaatay laba shirkad oo gaar loo leeyahay oo mid laga leeyahay Spain, taasi oo sameysay 50 duulimaad iyo mid laga leeyahay Ukraine oo sameysay 30, sida ay ogaatay Al-Jazeera.  

Ma cadda haddii hubkan ay bixineyso dowladda Imaaraadka Carabta iyo haddii ay tahay un marin hubka ay marinayaan dowlado kale. 

Dhaxal-sugaha Abu Dhabi, oo ah hoggaamiyaha dadban ee Imaaraadka Carabta Mohamed Bin Zayed, ayaa iska dhiga inuu yahay nabadeeyaha iyo dhex-dhexaadiyaha Geeska Afrika. Hase yeeshee shaac ka qaadistan ayaa tilmaameysa in Imaaraadka uu taageero xooggan ku siinayo Ethiopia dagaalka ay kula jirto Tigray-ga. 

Arrintan ayaa imaneysa ayada oo dowladda Abiy ay bilihii tegay jab xooggan kala kulantay Tigray-ga oo hadda kusii siqaya caasimadda Addis Ababa, una jira wax ka yar 200 km. 

Mid ka mid ah muuqaallada ay heshay Al-Jazeera oo laga qaaday saldhigga Ethiopia, ayaa muujinaya diyaarad u eg tan Shiinaha ay soo saaraan ee Drone-ka ah ee Wing Loong.  

Dowladda Ethiopia ayaa kordhineysay dhowaanahan diyaardaha Drone-ka ee ay ka hesho Shiinaha iyo Turkey, si ay gacan sarreyn uga hesho Tigray-ga. Si kastaba, xannibaad la saaray warbahainta ayaa adkeysay in caddeymo loo helo illaa iminka. 

Sawirro: Maxaa looga hadlay shirkii jaaliyadaha Galmudug ee Yurub ee Macedonia?

0

Struga (Caasimada Online) – Magaalada Struga, ee ku taal Waqooyiga Macedonia, waxaa lagu qabtay  Shirwaynihii sanadlaha ahaa   oo ay ka qaybgaleen ururada ku bahoobay dalladda Galmudug European Diaspora Association Network (GEDAN).

Waxaa sidoo kale kulanka lagu casuumay, goob joogna ka ahaa marti sharaf ka socotay hay’ado & ururo caalami ah oo Soomaali & ajnabi isugu jirta. 

Kulankan, oo ahaa mid si heer sare ah loo soo agaasimay, waxaa lagu soo bandhigay waxqabadka dalladda GEDAN ee muddadii sannadka ahayd ee ay jirtay iyo waxqabadka mustaqbalka dhow ay tiigsaneyso, waxaanna ugu horreeyn ka hadlay Guddoomiyaha Dalladda Faarax Aadan Yuusuf oo shirka furay, kuna soo dhoweeyey marti sharafta. 

Maxamed C/llaahi, Maxamuud Saciid [Ruush] & Xassan Liisho oo ka mid ah mas’uuliyiinta Dalladda ayaa soo bandhigay macluumaad ku saabsan shaqooyinkii u qabsoomay & jihada loo socda; Waxaanna sidoo kale la soo bandhigay macluumaad la xiriira  dhaqaalihii soo galay dallada & sidii loo maareeyay. 

Wasiirka Haweenka & Horumarinta Xuquuqul Insaanka Galmudug Ubax  Dhiblaawe ayaa kulankaasi kaga qeybgashay Aalada Fogaan-Arag waxayna bogaadisay hormuudka GEDAN. 

“Galmudug waxay maanta u baahan tahay in maskax, xoog & aqoon ba la isugu geeyo sidii lagaga qaybqaadan lahaa dhismaha kaabayaasha muhiimka u ah adeegyada bulshada” Ayeey tiri Ubax Dhiblaawe. 

Guddoomiyaha jaaliyada Galmudug Finland Cabdullaahi Cadceed, oo ka mid ahaa mas’uuliyiintii kulankaasi ka qeybgashay wuxuu dhinaciisa ka warbixiyay marxaladihii laga soo maray in la helo Galmudug ay ku middeysan yihiin reer Finland. 

“Galmudug Finland waxay u tahay sharaf in ay xubin firfircoon ka noqoto dallada GEDAN, iyada oo meteleysa, wakiil na ka ah mushtamaca reer Galmudug ee ku dhaqan Finland” Ayuu yiri Cadceed, wuxuuna si koobban u sharaxay  safar uu dhowaan ku tegay deegaano ka tirsan Galmudug, isaga oo qalab isboorti gaarsiiyay kooxo ka dhisan Galmudug. 

C/casiis Cali Ibraahim [C/casiis Xildhibaan] oo ka mid ahaa aqoonyahanadii ka soo qeybgalay ayaa kulanka shir guddoominayay, waxaanna gabagabadii kulankii maanta shahaado sharaf lagu guddoonsiiyay Guddoomiyaha dalladda qurba-joogta Puntlande e PEDAN C/fitaax Jaamac [Janna-Gale]. 

“C/fitaax abaal aan duugoobin ayuu ku leeyahay GEDAN, wuxuu na la wadaagay wax kasta oo suurtagalin karay in dalladdu ay kheyrkeeda wax la qeybsato, waana dhici kartaa in garab istaaga uu na garab istaagay  ay dad kale u fasirtaan siyaabo aan loo baahneyn, annagu waxaan  leenahay cid kasta ee ama nagu soo biirta ama kaalin ka qaadata dedaalada dalladdu ay hormuud u tahay waa soo dhoweynayaa” Ayuu yiri Guddoomiyaha GEDAN Faarax. 

Guddiga fulinta dalladda ayaa cod u qaaday 2 urur oo ka kala dhisan dalalka Finland & Netherland in ay ku soo biiraan dalladda GEDAN, iyada oo cod wadar oggol ah lagu ansixiyay ku soo biiritaanka ururadaasi ee dalladda. 

Abdishakuur Jarmal oo ah isku xiraha GEDAN & Galmudug & xiriiriyaha Jarmalka & Dowladda Jarmalka, oo kulanka ka hadlay wuxuu dhinaciisa sheegay isaga oo ku hadlaya magaca guud ahaan dadka Soomaalida ah ee ku dhaqan dalka Jarmalka, gaar ahaan reer Galmudug in ay diyaar u yihiin in ay kala shaqeeyaan GEDAN sidii qof kasta uu qeyb uga qaadan lahaa tayeynta kaabayaasha adeega bulshada deegaanada Galmudug. 

Shirkan ayaa socod doona 7 cisho waxaanna la filayaa in la soo gabagabeeyo maalinta Khamiista ee taariikhdu ku beegan tahay 2 December.

Guddiga xalinta khilaafaadka oo hakiyey kursigii uu ‘ku guuleystay’ Yaasiin Farey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka dadban ee heer federaal ayaa maanta shaaciyey in la hakiyey ku dhowaaqista natiijada rasmiga ah ee kursiga tirsigiisa uu yahay HOP#067, kaas oo uu Khamiistii ku soo baxay agaasimaha KMG ah ee hay’adda nabad-sugida Yaasiin Farey, kadib doorasho ka dhacday magaalada Dhuusamareeb ee Galmudug.

Warqad ka soo baxday guddiga xallinta khilaafaadka, isla-markaana lagu socod siiyey guddiga doorashooyinka ee heer federaal ayaa waxaa lagu sheegay in guddigu ay soo gaartay dacwad ka dhan ah kursigaasi, taas oo ay soo gudbiyeen musharrax lagu magacaabo Axmed Cabdikariin Cali iyo sidoo kale Nabadoon Cali Xasan Cali (Cali Jeesto).

“Guddiga xallinta khilaafaaadka doorashada dadban (GXKHDD) ee 2020/2021, asagoo fulinaya Habraaca lagu dhisay GXKHDD ee soo baxay I-dii Oktoober 2020, wuxuu ku wargalinayaa guddiga hirgalinta doorashooyinka heer Federal (GHDHF) in dacwad laga keenay kursi Lumber HOP#067,” ayaa lagu yiri warqadda ka soo baxday guddiga xallinta.

Sidoo kale guddiga ayaa hoosta ka xariiqay in go’aan rasmi ah uu ka gaarayo dacwadda, wuxuuna soo jeediyey in maanta laga bilaabo la hakiyo ku dhowaaqista natiijada.

“Haddaba guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka dadban (GXKHDD) ee 2020/2021, asagoo gudanaayo waajibaadka shaqo ee loo igmaday wuxuu ku wargelinayaaa guddiga hirgelinta doorashooyinka heer federaal (GHDHF) in la hakiyo ku dhowaaqista natiijada rasmiga ah ee kursi lambar HOP#067 laga bilaabo 28/11/2021 inta GXKHDD uu go’aan ka gaarayo dacwadda laga soo gudbiyey kursigaas,” ayaa markale lagu yiri warqadda guddiga.

Guddiga xallinta khilaafaadka ayaa sidoo kale intaasi ku daray in qaadista dacwadda ay socon doonto muddo todobo cisho oo maanta ka bilaabeyso, iyada oo la faray dhinacyada dacwadda gudbiyey in 24 saac gudahood ay ku soo dhammeystiraan eedeymahooda.

Ugu dambeyn guddiga xallinta khilaafaadka ayaa ka dalbaday guddiga doorashooyinka ee heer dowlad goboleed ee Galmudug inuu kala shaqeeyo dacwaddan, si loo helo xog dhammeystiraan oo ku aadan dacwadda laga soo gudbiyey kursi lambar HOP#067.

Kursigan oo Khamiis la soo dhaafay loo doortay Yaasiin Farey ayaa waxaa ka taagnaa cabasho ka timid mushariixinta qaar ee kursigaas iyo qaar ka mid ah waxgaradka beesha oo Galmudug iyo Villa Soomaaliya ku eedeeyey inay si wadajir ah ‘u boobeen’ kursigaas.

Si kastaba, guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka ayaa horay u qabtay dacwo tan la mid ah, taas oo laga geeyey kursigii uu ku soo baxay Mahdi Maxamed Guuleed, wuxuuna ugu dambeyntii guddigu kursigaas u meel mariyey ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka.

ROOBLE oo digniin ka soo saaray doorashooyinka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo kulan gaar ah  la qaatay guddiyada doorashooyinka dalka ayaa soo saaray digniin la xiriirta doorashooyinka dalka ee 2021-ka.

Rooble ayaa uga digay guddiyada doorashooyinka ee heer federaal iyo heer dowlad goboleed inay ku milmaan arrimaha siyaasadda ee taagan, wuxuuna tilmaamay in shaqadooda ay tahay kaliya jiheynta doorashooyinka 2021-ka ee haatan socda.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daraya in guddiyada doorashooyinka looga baahan yahay in ka shaqeeyaan cadaaladda, ayna ka madax banaanadaan maamul goboleedyada

“Habraacyada iyo heshiisyada doorashooyinka waxaa ku xusan madax banaanida gudiyada waxaa aan idin kaga digayaa ku milanka siyaasadda, saddexda guddi waxa aan ka rabaa in aysan ku milmin madaxda dowlad goboleedyada, cadaaladda & xalinta khilaafaadka ayaan rabnaa marweliba,” ayuu yiri ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya.

Rooble ayaa hoosta ka xariiqay in muhiim tahay in la raaco  shuruucda iyo habraacyada loo dejiyay doorashada, si ay u noqoto mid hufan oo cadaalad u dhacda.

Hadalka ra’iisul wasaaraha ayaa ku soo aadaya, iyada oo haatan ay cabasho xoogan ka taagan tahay kuraasta Golaha Shacabka ee doorashadooda ay ka bilaabatay dalka.

Si kastaba, xubnaha mucaaradka oo dhankooda isha ku haya qaabka ay hadda ku socota doorashada ayaa ku goodiyey inay qaadi doonaan tallaabooyin kale, ayna soo dhisi doonaan dowlad cusub, haddii aan wax laga bedelin qaabka ay haataan wax ku socdaan.

Daawo: Beeshii labaad oo shaacisay inay ka baxayso maamul Galmudug + Sababta

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Waxgaradka Mareexaan oo ka soo hor jeeda boob ay sheegeen in lagu sameeyey kursigoodii golaha shacabka ee HOP#054 ayaa shir jaraa’id ku qabtay magaalada Dhuusamareeb, waxayna sheegeen in la boobay kursigooda, iyagoo ku goodiyey in aysan aqbali doonin, wixii maanta ka dhacay Dhuusamareeb.

Kursigaas oo afartii sano ee lasoo dhaafay uu ku dhafiyey Xildhibaan Cabdishakuur Cali Mire ayaa maanta doorashadiisa lagu qabtay Dhuusamareeb, waxaana la shaaciyey in mar kale uu ku soo baxay Cabdishakuur Cali Mire oo ah nin siyaasad ahaan aad ugu dhaw madaxweyne Farmaajo.

Waxgaradkii maanta saxaafadda kula hadlay Dhuusamareeb waxay sheegeen in Cabdishakuur ay doorteen dad aan ka dhalan beesha iyo askar, sida ay hadalka u dhigeen, waxayna cadeeyeen in aayaha kursigaas ay u tasha doonaan.

“Musharaxiinta Mareexaan ee u tartameysa seddax kursi ee soo hartay, qofkii aan dooneyn inuu wax boobo ha aado Caabudwaaq iyo Balambal, halkaas ayaan aayaheena uga tahsaneynaa, Galmudugtii aan garbaha ka taagneyn ayaa na boobeysa, cid sanka naga toli karta ma jirto,” ayuu yiri mid ka mid ah waxgaradka Mareexaan.

Waxa uu shaaca ka qaaday in shir weyn ay beesha Mareexaan ku qabsan doonto magaalada Caabudwaaq maalmaha soo socda, “Galmudug sidaan ugama sii mid ahaan karno, musharaxiinta beesheena ha tageen Caabudwaaq, halkaas ayaan ku dooraneynaa kuraasteena.” ayuu yiri.

Waa beeshii labaad oo ku goodineysa inay isaga baxeyso maamul goboleedka Galmudug, kadib markii la boobay kuraastooda, Mareexaan iyo Wacaysle, waxay sheegeen in kuraastoodii loo boobay Yaasiin Farey iyo Cabdishakuur Cali Mare oo ah laba nin oo Farmaajo aad ugu kalsoon yahay, iyagoo ka dhiidhinaya boobkaas ayey hoggaanka beelahaas shaaciyeen inay isaga bixi doonaan Galmudug oo aayahooda ay ka tashan doonaan.

Hoos ka daawo shirka jaraa’id ee beesha Mareexaan

 

Abiy oo hanjabaad culus ka soo diray jiidda dagaalka iyo xaaladda oo kasii dartay

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’isul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed oo wareysi siinayay warbaahinta dowladda Ethiopia ayaa wacad ku maray “in uu aasi doono” sida uu hadalka u dhigay cadowga Ethiopia.

Fariintiisii ugu horeysay tan iyo markii maalmo ka hor uu ku biiray jiidda dagaalka ayuu Mr. Abiy ku yiri, “Ilaa aan cadowga ka aasno, oo madax banaanida Ethiopia aan ka xaqiijinno, dib u laaban meyno.”

Hadalka Abiy ayaa ku soo beegmaya iyadoo ciidamada Jabahadda TPLF ay guulo ka sheeganayaan dagaalka, iyagoo sheegay in toddobaadkan ay qabsadeen magaalo 220km oo kaliya u jirta caasimadda Ethiopia ee Addis Ababa.

Hadalka Abiy iyo sheegashada fallaagada ee dhulka cusub ee ay qabsadeen ayaa dhaliyay welwel caalami ah, iyadoo dalalka shisheeye ay ku amreen muwaadiniintooda inay ka baxaan dalka Ethiopia.

Warbaahinta dowladda ayaa soo warisay Arbacadii la soo dhaafay in Ra’isul Wasaare Abiy, oo horey u ahaa korneyl ciidama milatariga ah, uu tagay jiidda dagaalka si uu u hogaamiyo dagaal rogaal celis ah oo ka dhan mucaaradka, isagoo shaqaddii xafiiska ra’isul wasaaraha ku wareejiyay ku xigeenkiisa.

Wareysi laga sii daayay Jimcihii shalay kanalka Afka Oromada ee telefishinka dowladda ayuu Abiy Ahmed oo sanadkii 2019-kii ku guuleystay Abaal Marinta Caalamiga ah ee Nabadda (Nobel Peace Prize) ku sheegay in uu hubo in uu ku guuleysanayo dagaalka uu kula jiro TPLF.

Waxa uu sheegtay in milatarigiisu ay dib u qabsadeen magaalada Kassagita ayna qorsheynayaan in ay dib u qabsadaan degmooyinka Chifra iyo Burka ee gobolka Cafarta ee deriska la ah gobolka Tigray, ee saldhigga u ah TPLF.

“Cadowgu malaha awood iyo adkeysi ay nagula dagaallamaan. waanna ka guuleysaneynaa,” ayuu yiri Abiy.

Wareysigan ayaa la sii daayay saacado un ka dib markii dowladdu ay soo saartay sharciyo cusub oo ku aadan in xogta jiidaha dagaalka lala wadaago oo kaliya warbaahinta dowladda, taasi oo ka dhigan cunnaqabateyn ka dhan ah warbaahinta iyo wariyeyaasha madaxa banaan.

Khamiistii, Wasiirka Warfaafinta ee Ethiopia Kebede Dessisa ayaa ka codsaday Mareykanka inuu joojiyo sida uu hadalka u dhigay beenta uu ka faafiyo Ethiopia.

Hadalkiisa ayaa jawaab u ahaa war digniin ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka oo sheegayay in suurta gal ay tahay in Ethiopia ay ka dhacaan weeraro argagixiso.

Mr. Kebede, oo la hadlayay warbaahinta dowladda ee EBC ayaa yiri, “Mareykanku waa in uu ka waantoobaa beenta, dacaayadda, wararka aan jirin iyo meel ka dhaca u geysanaya Ethiopia.”

Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed iyo xoogagga mucaaradka ah ee ka soo jeeda gobolka Tigray ee waqooyiga dalkaasi ayaa in ka badan hal sano dagaallamaya, waxaana dagaalkaas uu galaaftay kumanaan qof, halka malaayiin kalena ku barakiciyeen, waxaana Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed uu Arbacadii ku biiray furinta hore ee dagaalka.

Qaramada Midoobayna waxay ka digeysaa in colaaddan sanadka ka badan ka socota Ethiopia ay dhaxalsiisay malaayiin qof inay cuntadii ku yaraato oo qaar badanna ay galeenba xaalad macluul.

 

VOA

Midowga Musharaxiinta oo shaaca ka qaaday QORSHE culus oo ay wadaan (Aqriso)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa bayaan ay soo saareen waxay ku sheegeen in aysan aqbali doonin boobka ku socda doorashooyinka dalka, iyagoo doorashada deegaanada qaar ku qeexay isku ‘awood sheegasho aan loo marin’ habraacyadii loo dejiyey doorashada.

Golaha ayaa qoraalkaan ku xaqiijiyey inay jiraan kulamo u socda, si ay go’aan uga gaaraan waxyaabaha socda, sidoo kale waxay shaaciyeen kulamo ay la yeelan doonaan R/wasaare Rooble, bulshada rayidka iyo beesha caalamka.

“Golaha Midowga Murashaxiinta wuxuu maalamahan leeyahay kulamo dhexdiisa ah, iyo kuwo uu la yeelanayo Raysalwasaare Rooble, qaybaha kala duwan ee bulshada iyo beesha caalamka,” ayaa lagu yiri bayaanka golaha.

Sidoo kale golaha ayaa qoraalkaan ku sheegay in xasiloonida dalka ay gud dheer ku sii dhaceyso, markii la eego boobka baahsan ee doorashada lagu hayo, isla markaana aysan aqbali doonin taas.

“Goluhu wuxuu mar kale caddaynayaa in uusan aqbali doonin doorashooyinka degaannada qaar ee lagu billaabay boob qaawan oo la isugu awood sheegtay, laguna tuntay dhammaan habraacyadii doorashada, taasoo halis gelinaysa xasiloonida dalka iyo jiritaanka dawladnimada,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka midowga musharaxiinta.

Ugu dambeyntii bayaanka golaha waxaa lagu yiri, “Goluhu wuxuu sii wadayaa kulamadiisa, wuxuuna ka shaqaynayaa sida ugu haboon oo dalka looga hirgelin lahaa doorasho hufan oo daahfurnaan leh, laguna badbaadiyo masiirka dalka iyo geedi-socodka dhismaha nabada iyo dawladnimada.”