26.9 C
Mogadishu
Thursday, July 2, 2026

Xildhibaan FIQI oo jawaab kulul ka bixiyey hadalkii gefka ahaa Boqor Buurmadow

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi oo sidoo kale Mudane ka tirsan xildhibaanada golaha shacabka ee waqtigoodu dhamaaday ayaa si adag u naqdiyey hadal uu Boqor Buurmadow ka sheegay munaasibad lagu soo dhaweynayay magaalada Muqdisho.

Boqor Cismaan Abuu Maxamuud (Buurmadow) ayaa markii u horeysay Muqdisho dhexdeeda ka shaaciyey inuu xarakada uga tacsiyadeeyay geeridii Axmed Godane, hogaamiyihii hore ee Al-Shabaab.

Waxa uu sheegay in xiligaas ay ka cabsadeen Odayaal dhaqameedkii lamidka ahaa inay ka hadlaan geerida Godane, balse asagu uu ka tacsiyadeeyay, maadama uu ahaa Nin ay tol yihiin oo reerka ka dhintay, sida uu hadalka u dhigay.

Fiqi oo daba socda hadalka Buurmadow ayaa sheegay in looga fadhiyo inuu diyaariyo magdhowgii dadkii kumanaanka ahaa ee uu Godane iyo xarakadiisa Shabaab ay laayeen intii ay gumaadka ku hayeen shacabka Soomaaliyeed.

“Boqor Buurmadow haddii uu ka samafalay dadkii Laascaanood sida aan wanaagsanayn looga soo tarxiilay, waxaa looga fadhiyaa in uu diyaariyo magdhowgii dadkii kumanaanka ahaa ee Godane iyo xarakadiisu ay laayeen!,” ayuu Fiqi ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

“Hadalka uu ka horsheegey dhibanayaashii Godane iyo xarakadiisa argagixisada ah ay ehelkoodii laayeen waxaa loo qaadan karaa ku digasho iyo in aysan boqorka u qiyaasnayn xajmiga kalimadaas ay leedahay iyo saamaynta xun ee ay ku reebeyso dadka ay dhibaataysay argagixisada iyo hogaamiyahooda uu naxariista u muujiyey.”

Sidoo kale waxa uu dalbaday in Boqor Buurmadow uu raali-gelin deg deg ah ka bixiyo hadalkaas, kaasi oo dib u damqaya boogaha uur ku taalada ee xarakada Shabaab ku reeben quluubta shacabka Soomaaliyeed.

“Boqorku hadalkaas waa inuu cudurdaar ka bixiyaa, iskumana qalanto sida loo maamuusay iyo boogaha uu damqiyey!”

Maxaa kasoo baxay kulankii Ra’iisul Wasaare Rooble iyo madax goboleedyada?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa shir guddoomiyay kulan ay habka fogaan aragga ku yeesheen Golaha Wadatashiga Qaranka oo diiradda lagu saaray daah-furnaanta doorashada iyo dardargelinteeda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa madaxda Golaha Wadatashiga ku boorriyay sida ay lagama maarmaan u tahay in la dhowro inay doorashadu noqoto mid daahfuran oo lagu qanci karo.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa madasha u gudbiyay walaaca iyo cabashooyinka la xiriira doorashada qaar ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska Rooble.

“Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay dowlad-goboleedyada bilaabay doorashada Golaha Shacabka, isagoo ka codsaday kuwa harsan in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u bilaabaan,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sida uu shaaciyey xafiiska Rooble intii uu socday kulankaas Madaxweyneyaasha  Puntland, Jubaland iyo HirShabelle ayaa  caddeeyay in ay maalmaha soo socda bilaabi doonaan doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ee baarlamaanka 11-aad.

Rooble ayaa shalay qaabilay golaha midowga musharaxiinta oo aad uga walaacsan boobka doorashada ee ka socda qaar ka mid ah gobollada dalka, waxayna mucaaradku cadeeyeen in Rooble ay siiyeen fursad uu kula hadlo madax goboleedyada, si wax looga bedelo hanaanka loo maamulayo doorashada, mucaaradku waxay shalay sheegeen in warbixin ay ka sugayaan golaha wadatashiga qaran oo ka kooban Ra’iisul Wasaare Rooble iyo madax goboleedyada.

Sawirro: FARMAAJO oo si weyn loogu soo dhoweeyey Qatar + Ujeedka safarkiisa

0

Doha (Caasimada Online) – Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay weheliso Marwadiisa Saynab Macallin iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa caawa gaaray magaalada Dooxa ee dalka Qatar.

Farmaajo iyo Wafdigiisa ayaa waxaa halkaas ku soo dhoweeyey masuuliyiin ay ka mid yihiin Xamad Al-kawari oo ah Wasiiru Dowle ka tirsan dowladda Qatar iyo Safiirka Soomaaliya u jooga dalka Qatar Danjire Cabdirisaaq Faarax Cali Taano.

Farmaajo ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Qatar waxaa uu kulan doceedyo la qaadan doonaa hoggaamiyeyaasha ka soo qeyb-galaya munaasabadda furitaanka koobka kubadda cagta ee Carabta oo lagu marti qaaday Madaxweyne Farmaajo iyo madaxda kale ee dalalka Carabta, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Villa Somalia.

Qoraal kasoo baxay madaxtooyada ayaa lagu yiri “Madaxweynaha oo martiqaad ka helay Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thaani ayaa kala hadli doona xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar isaga kaashan lahaayeen dhinacyada dhaqaalaha, horumarinta ciyaaraha iyo iskaashiga maalgashiga.”

Sida ay sheegtay madaxtooyada, safarkan waxa uu qaadan doonaa laba maalmood.

Booqashadan waxaa Madaxweynaha ku wehelinaya Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ay kamid yihiin Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xamsa Siciid Xamsa iyo Guddoonka Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed Mudane Cabdiqani Saciid Carab.

Safarka Farmaajo ee Qatar ayaa imanaya xilli dalka ay ka taagan tahay xiisad siyaasadeed culus oo ka dhalatay boobka doorashada kuraasta golaha shacabka oo lagu eedeeyey inuu qeyb ka yahay.

Qatar waa dalka ugu weyn ee taageera Farmaajo, mana cadda haddii booqashada ay sidoo kale qeyb ka tahay arrimo siyaasadeed marka laga reebo ujeedka ay shaacisay Villa Somalia.

Wararkii ugu dambeeyey ee kulamada murashaxiinta u socda iyo mowqifkooda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ka socdo maalintii Afaraad oo xiriir ah shir ay leeyihiin Golaha Midowga Musharaxiinta, kaasi oo looga arrinsanayo xaalada dalka iyo arrimaha doorashooyinka.

Shirka maanta ayaa si gaar ah waxaa diirada loogu saaray sidii looga hortegi lahaa boobka uu Goluhu sheegay in lagu hayo doorasahda Golaha Shacabka oo ka socota guud ahaan dalka.

Daahir Maxamuud Geelle, Afhayeenka Midowga Musharaxiinta ayaa sheegay in uusan wax isbedel ah ku iman mowqifka Midowga Musharaxiinta, kadib kulankii ay la qaateen Ra’iisul Wasaaraha dalka oo asagu gacanta ku haya maamulka doorashada.

“Golaha Midowga Musharaxiinta mowqifkiisi ku aadana arrimaha socda in wax iska bedelay aysan jirin, uuna aaminsan yahay waxa socda inay yihiin doorasho boob qaawan oo aan doorasho lagu sheegi karin,” ayuu yiri Daahir Geelle.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Golaha Midowga Musharaxiinta uu sii wadi doono kulamada looga arrinsanayo xaalada dalka, kuwaasi oo ay la qaadanayaan odayaasha dhaqanka, siyaasiyiinta iyo bulshada rayidka.

Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa ujeedkooda waxa uu yahay inay saamileyda siyaasadeed saxaan qalalaadka ka jira doorashada, si loogu gudbo hanaan doorashooyin oo la aqbalsan yahay, sida uu sheegay Afhayeenka Golaha.

Xubnaha ku bahoobay Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa maalmihii la soo dhaafay waxay walaac xoogan ka muujinayeen hanaanka ay ku bilaabatay doroashada Golaha Shacabka, ayaga oo la kulmeyna Ra’iisul Wasaaraha, si loo saxo qaladaadka ka jira doorashada.

Buurmadow oo amaanay Godane, kuna tilmaamay Al-Shabaab ‘dowlad’ + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Boqor Cismaan Abuu Maxamuud (Buurmadow) oo kamid ah waxgaradka kasoo jeeda gobollada waqooyi (Somaliland) ayaa markii u horeysay shaaciyey inuu xarakada uga tacsiyadeeyay geeridii Axmed Godane, hogaamiyihii hore ee Al-Shabaab.

Waxa uu sheegay in xiligaas ay ka cabsadeen Odayaal dhaqameedkii lamidka ahaa inay ka hadlaan geerida Godane, balse asagu uu ka tacsiyadeeyay, maadama uu ahaa Nin ay tol yihiin oo reerka ka dhintay, sida uu hadalka u dhigay

“Waxaa dhacday Allah ha u naxariistee markii uu dhintay Axmed Cabdi Godane hogaamiyihii xarakada Al-Shabaab ayaa Salaadiinteeni u soo dhacday BBC-da. Nin walba in uu ka hadlo way ka carareen, waan u tacsiyadeeyay,” ayuu yiri Boqor Buurmadow oo ka hadlay munaasibad lagu soo dhaweynayay.

“Waxaa idhi ninkaas isku caqiido ma aheyn oo isku meel uma aanu wada jeedin, laakiin nin tolka ah oo reerka ka dhintay ayuu ahaa. Isaga (Godane) iyo xarakadiisa, iyo reerka uu ka dhintayba qoys ayuu ka tirsanaa oo uu kasoo baxay waa ka tacsiyadeeyay.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in marka laga yimaado dowladda federaalka ay gudaha Soomaaliya ka taliso dowlad kale oo uu ku sheegay xarakada Al-Shabaab, taasi oo uu madax kasoo noqday Godane.

“Waxaa idhaahda labo dowladood ayaa meesha ka dhisan, dowladda Shabaabka Dir ayaa madax ka ah oo weliba laguma tartamo. Waxaa rabaa Dirku inay isku soo dhawaadan.”

Boqor Buurmadow ayaa dhawaan soo gaaray caasimada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho oo si weyn loogu soo dhaweeyay, isaga oo markii dambe usoo gudbay xarunta maamulka Koonfur Galbeed ee Baydhabo oo uu gaarsiiyay raali-gelin uu ka waday qaabkii foosha xuma ee loo musaafuriyay dadka kasoo jeeday maamulkaas.

R/W Rooble oo amar siiyey gudiyada doorashada kadib kulankii Midowga Musharaxiinta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Somaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo hab fogaan arag ah kula kulmay Guddiyada Doorashooyinka ayaa bogaadiyey wax uu ugu yeeray “habsami u socodka” doorashooyinka Xildhibaannada Golaha Shacabka ee laga soo doortay Galmudug, Koonfur galbeed iyo Somaliland.

Ra’iisul Wasaaraha waxa uu farayaa Guddiyada maamulka doorashooyinka ee Puntland, Jubaland iyo HirShabelle in ay si dhaqso ah u bilaabaan qabashada doorashooyinka Golaha Shacabka, si doorashada loogu soo gabagabeeyo waqtiga loo cayimay.

Rooble ayaa amray guddiyada doorashooyinka in ay ilaaliyaan madaxbanaanida iyo daah-furnaanta doorshada, isaga oo faray in ay u hoggaan samaan xeerarka iyo Habraacyada doorashooyinka ee ku cad heshiisyadii 17 September iyo kowdii Oktobar 2020, 27-kii May iyo 24 August 2021.

“Ma aqbalayo Guddiyo isbarbar socdo oo u arka in ay matalaan Dowlad-goboleed. Ogsoonaada waxaad ku magacaaban tihiin waa wareegto Ra’iisul Wasaare sidaas darteed waa in aad dhexdhexaad u noqotaan dhammaan musharaxiinta xaqa u leh in ay u tartamaan kuraasta Xildhibaannimada Golaha Shacabka,” ayuu yiri Rooble

Rooble ayaa dhanka kale ka codsaday Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federalka ah in ay guddiyada doorashooyinka u fududeeyaan gudashada waajibaadkooda kuna dhiirigeliyaan guddiyada in ay si madaxbannaan oo hufan u fuliyaan howlaha doorashada.

Kulankan ayaa daba socda kulan Golaha Midowga Musharixiinta ay shalay la yeesheen Ra’iisul Wasaare Rooble, kaas oo looga hadlay boobka doorasho ee dalka ka socda.

Daahir Maxamuud Geelle oo u hadlay midowga musharaxiinta ayaa sheegay kulankii ay la yeesheen Rooble uu qeyb ka ahaa kulamo maalamahaan dambe u socday golaha Midowga Musharixiinta, isla markaana ay Rooble u gudbiyeen dareenkooda ku aadan hanaanka ay u socoto doorashadu.

“Waxaan u sheegnay ra’iisul wasaaraha, in boob qaawan uu ku socdo doorashada, markii aan la wadaagnay dareenkaas, waa uu soo dhaweeyey, waxuuna noo sheegay inuu isugu yeeri doono golaha wadatashiga qaran, isla markaana uu la wadaagi doono walaaca ka soo kordhay doorashada, war cadna ay ka soo saari doonaan arrinkaas,” ayuu yiri Daahir Geelle.

Daahir Geelle ayaa sheegay in hadda ay go’aansadeen inay fursad siiyaan Ra’iisul wasaaraha, si golaha wadatashiga qaran uu u hor geeyo walaaca boobka doorashada, “Anaguna waxaan sii wadi doonaa dadaaladii aan wax ku saxeynay,” ayuu yiri.

Al-Shabaab oo shaacisay magaca iyo qabiilka ninkii fuliyey qaraxii Cabdiqaasim

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa shan maalin, kadib shaacisay magaca iyo qabiilka is-miidaamiyihii fuliyey weerarkii Khamiistii lasoo dhaafay ka dhacay wadada Cabdiqaasim ee magaalada Muqdisho, kaas oo geystay khasaare kala duwan.

Warbaahinta Al-Shabaab ayaa sii deysay wareysi gaar ah oo laga qaaday ninkaasi, kahor inta uusan fulin weerarka, wuxuuna marka hore magaciisa ku sheegay Cali Nuur Muumin, oo ku magac dheeraa Muxsin iyo Abuu Sudeys, sida uu ku sheegay wareysiga laga qaaday.

Sidoo kale wuxuu sheegay inuu ka dhashay Beesha Mareexaan gaar ahaan jufada Uur-Midig, isla-markaana uu ku dhashay magaalada Beledxaawo, sanadkii 1986-dii.

Waxa kale oo uu intaasi ku daray in kooxda Al-Shabaab uu ku biiray sanadkii 2005-tii, isla-markaana uu intiisa badan kasoo howl-galay gobolka Gedo oo uu dagaallo ka dhacay ka qeyb-galay, isaga oo ka tirsanaa jabadaha, kadibna u wareegtay qeybta is-miidaaminta.

Gaba-gabadii wareysiga ayuu kula dardaarmay xoogaga Al-Shabaab, isaga oo ku booriyey inay sii laba jibaaraan dagaalkooda iyo howl-gallada ay ka wadaan gudaha Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa horay u sheegatay mas’uuliyadda weerarkii Cabdiqaasim oo ay shaacisay inay ku beegsatay saraakiil cadaan ah iyo tababarayaal milatari, sida ay hadalka u dhigtay.

Si kastaba, waxaa qaraxaasi ku dhintay ku dhowaad illaa toban qof, halka ay ku dhaawacmeen 17 kale oo dhamaan ahaa shacab, sida ay sheegtay dowlada Soomaaliya.

Taliyaha PSF ee gadooday oo amar culus siiyey ciidanka ku sugan gudaha Boosaaso

0

Bosaaso (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada PSF Maxamuud Cismaan Diyaano, ee uu xilka ka qaaday madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, oo saaka khudbad u jeediyay cutubyo ka tirsan Ciidanka ayaa kala hadlay khilaafka u dhaxeeyo ciidamada PSF iyo madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Taliye Maxamuud ayaa ciidamada ku amray in aysan wax xabbad ah ku ridin magaalada, islamarkaana ay ilaaliyaan deganaanshaha Magaalada Boosaaso.

Maxamuud oo ka hadlayey khilaafka kala dhaxeeyo madaxweyne Deni ayaa sheegay inuu iska soo dhammaan doono, wuxuuna sheegay inaysan jirin wax xiisad dagaal ah oo ka aloosan Boosaaso

Sidoo kale, Saraakiishu waxay sheegeen in Agaasimuhu ku amray in ay ka baxaan difaacyada qodan, islamarkaana si caadiya u wataan shaqadooda ciidanimo.

Sida aan xogta ku helnay Agaasimuhu kama hadlin wax ku saabsan xil ka qaadistiistii lagu sameeyay iyo haddii uu xilka wareejinayo midna.

Ciidamada PSF ayaa lasoo sheegayaa in ay ka baxeen dhufeysyo u qodnaa, islamarkaana ay hadda si caadi ah ugu laabteen xarumahooda.

Xaaladda Magaalada Boosaaso ayaa dagan, inkastoo ay magaalada la ciirciireyso ciidamo tiro badan oo kala taabacsan Agaasimaha PSF iyo madaxweynaha Puntland Saciid Deni.

Khilaafka u dhaxeeyo Saciid Deni iyo Agaasimaha hey’adda PSF ayaa bilowday kadib markii uu Deni soo saaray wareegto uu xilka kaga qaaday Agaasime Maxamuud.

Saciid Deni ayaa doonayo inuu si buuxda ula wareego ammaanka Magaalada Boosaaso halkaas oo la filayo inay ka dhacdo doorashada 16 Kursi oo ka tirsan Golaha Shacabka.

Siyaasi ka tirsan XISBIGA WADAJIR oo xildhibaan loo doortay kadib doorasho adag

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Sadaad Maxamed Nuur, oo ka tirsan Xisbiga Wadajir, ee uu hoggaamiyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsam,e ayaa maanta ku guuleystay tartankii loo galay kursiga HOP#180 oo doorashadiisa ay ka dhacday Koonfur Galbeed.

Xildhibaanka oo khudbad ka jeediyey kadib guushiisa ayaa u mahad-celiyey guddiga doorshada Koonfur Galbeed iyo Beeshiisa oo u ogolaatay inuu ku matalo Afarta Sano ee soo socota, wuxuuna sheegay in doorashada Koonfur Galbeed ay u socoto si cadaalad ah.

“Waxaan mahad leh Allah oo noo suurta geliyey inuu si nabad ah noogu soo dhammaado tartanka doorashada kursiga HOP180 ee Beesha Naasiye, intaas kadib waxaan u mahad celinayaa guddiga doorashada iyo maamulka Koofur Galbeed oo suurta geliyey in si cadaalad ah noogu soo dhammaato,” ayuu yiri Xildhibaan Sadaad.

Wuxuu sheegay in doorashada ka socoto Koonfur Galbed kaliya lagu weyn karo calaf, isagoo meesha ka saaray inay jiraan caqbado qofka ka hor istaagi karo inuu kusoo baxo kursiga.

“Waxaan rabaa inaan ku darsado, doorashada ka socoto Koonfur Galbeed calaf bis ayaa lagu weyn karaa ee cadaalad darro laguma weyn karo, taas waxaa caddeyn u ah in anigoo ka tirsan xisbiga mucaaradka Wadajir aan kusoo baxay kursigaan, markaan dadkeyga usoo doontay kursiga way ii ogolaadeyn.”

Hadalka Xildhibaan Sadaad ayaa kusoo aadayo xilli Maamulka Koonfur Galbeed lagu eedeeyey inay musharixiinta qaar u diiday inay u  tartamaan kuraasta.

Dadka loo diiday inay u tartamaan kuraasta ayaa waxaa ka mid ah guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo sheegay in waxa ka socdo Baydhaba aysan aheyn wax lagu sheegi karo tartan.

Dhinaca kale, kursiga HOP213 oo doorashadiisa ay qabsoomtay ayaa waxaa ku guuleysatay Aamina Maxamed Mursal oo heshay codad gaaraya 70 cod, halka Aamina Xuseen oo ah musharaxa la tartameysay ay heshaycodad gaaraya 12 cod, waxaana halaabay 6 cod, sida uu shaaciyey Guddiga doorashada Koonfur Galbeed.

Aamina Maxamed Mursal ayaa ah la-taliyaha dhinaca Haweenka ee Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta-gareen, oo la rumeysan in uu galaan-gal badan ku leeyahay doorashada kuraasta Golaha Shacabka ee lagu dooranayo gudaha maamulkiisa.

Xildhibaan Aamina Maxamed Mursal ayaa waxay hore u soo qabatay Xilka Wasiirka Wasaaradda haweenka & xuquuqul Insaanka ee xukuumaddii Ra’iisul Wasaare Cali Maxamed Geedi ee dowladdii Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

Kursiga HOP213 ayaa waxaa afartii sano ee lasoo dhaafay ku fadhiyay Xildhibaan Yacquub Cali Maxamed.

Sawirro: Farmaajo oo maanta u baxay SAFAR dibadeed oo aan horey loo sii shaacin

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa safar dibadeed oo aan horey loo shaacin maanta ugu baxay magaalada Doha ee dalka Qatar.

Farmaajo ayaa waxaa safarka ku wehliya Marwada Koowaad Saynab Cabdi Macallin, Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ay kamid yihiin Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xamsa Siciid Xamsa iyo Guddoonka Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed Cabdiqani Saciid Carab.

Sida ay sheegtay madaxtooyada, safarkan waxa uu qaadan doonaa laba maalmood.

Qoraal kasoo baxay madaxtooyada ayaa lagu yiri “Madaxweynaha oo martiqaad ka helay Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thaani ayaa kala hadli doona xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar isaga kaashan lahaayeen dhinacyada dhaqaalaha, horumarinta ciyaaraha iyo iskaashiga maalgashiga.”

“Booqashada Madaxweynaha waxaa qeyb ka ah furitaanka Koobka Kubadda Cagta ee Carabta oo lagu marti qaaday Madaxda dalalka Carabta, si loo xoojiyo iskaashiga dhanka horumarinta ciyaaraha iyo is-dhexgalka dhallinyarada Shucuubta Dalalka Carabta, iyadoo Madaxweynuhu uu kulan-doceedyo la qaadan doono hoggaamiyeyaasha ka soo qeyb-galaya Munaasabadda,” ayuu yiri Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Cabdirashiid Maxamed Xaashi oo ka war-bixiyay safarka Farmaajo.

Safarka Farmaajo ee Qatar ayaa imanaya xilli dalka ay ka taagan tahay xiisad siyaasadeed culus oo ka dhalatay boobka doorashada kuraasta golaha shacabka oo lagu eedeeyey inuu qeyb ka yahay.

Qatar waa dalka ugu weyn ee taageera Farmaajo, mana cadda haddii booqashada ay sidoo kale qeyb ka tahay arrimo siyaasadeed marka laga reebo ujeedka ay shaacisay Villa Somalia.

Sawirro: NISA oo Muqdisho ku qabatay saraakiil ka tirsan Al-Shabaab iyo keyd hub ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka qaranka Soomaaliyeed ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey howl-gal qorsheysan oo xalay ciidamada ammaanka dowladda ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Howl-galka oo ahaa mid ballaaran ayaa waxaa fuliyey ciidamada Duufaan ee hay’adda nabad sugidda, waxaana ay ka sameeyeen xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Heliwaa.

Qoraal kasoo baxay taliska nabad sugidda ayaa waxaa lagu sheegay in howl-galkan lagu soo qabtay saddex sarkaal oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kuna sugnaa gudaha xaafaddaasi, kuwaas oo ay hay’addu sheegtay in lagu raadjoogay maalmihii lasoo dhaafay.

Sidoo kale waxa hay’adda nabad sugidda shaacisay inay ciidamadu soo qabteen keyd hub ah oo Al-Shabaab ku lahaayeen, kaasoo oo ka koobnaa noocyada kala duwan ee hubka iyo walxo ay u adeegsanayeen inay ku sameeyaan qaraxyada, sida lagu sheegay qoraalka.

NISA ayaa dhinaca kale u mahadcelisay dadka shacabka ee xogta lasoo wadaagay, isla-markaana kala shaqeeyey howl-galkaasi.

”Waxaa mar walba mudan oo ciidamada NISA aad ugu mahad-celinayaan bulshada Soomaaliyeed oo haatan aad ula shaqeeyey laamaha sirdoonka qaranka,” ayey tiri NISA.

Hubka la soo bandhigay oo aad u tiro badan ayaa ah mid duugoobay, waxaana ay u muuqdaan kuwa muddo sanado ah ku keydsanaa halkaasi.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa nabad sugida iyo Booliska ay xoojiyeen howl-gallada ka socda magaalada Muqdisho ee lagu sugayo amniga si looga hortago falalka ammaan darri ee dhacay xilliyada doorashada.

C/llaahi Maxamed Nuur oo ku dhacay khalad diblomaasi oo weyn oo ka dhan ah Turkey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa shalay ku dhacay gef diblomaasiyadeed oo weyn kadib markii uu dib u tweet gareeyey sawir gacmeed lagu weeraray Turkey oo saaxiib dhow la ah dowladda federaalka Soomaaliya.

Sawir gacmeedka oo uu sameeyey Siyad Arts ayaa muujinaya diyaaradda Turkish Airlines oo qeybta hore Ethiopia uga daadineysa diyaardaha Drone-ka ee Turkey ay sameysay, halka qeybta dambena ay ka degayaan dad shacab ah.

Sawir gacmeedka ayaa waxaa raacsan qoraal uu Siyad Arts ku yiri “Turkey waxay Ethiopia ku harqineysaa drones, kadibna waxay shacabkeeda u sheegeysaa inay dalkaas uga baxaan sida ugu dhaqsaha badan ayaga oo aan dib u dhigin.”

Turkey, oo bishii October heshiis kula gashay xukuumadda Abiy Ahmed inay ka iibiso diyaarado Drone ah, ayaa la kulantay dhalleeceyn xooggan oo ah inay sii hurineyso dagaalka dalkaas, xilli beesha caalamka inteeda kale ay isku dayeyso in la xakameeyo, ayaga oo cunaqabteyno dhowr ah saaray xukuumadda Abiy.

Wasiir Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa dib uga laabtay tweet-kaas oo loo arkay inuu ku taageeray cambaareynta ka dhanka ah Turkey, wuxuuna kadib tweet kale oo uu soo diray ku sheegay in jeebkiisa uu diray ee aanu ku talo-galay aheyn, isaga oo ula jeeda in sida mararka qaar dhacda in qofka marka telefoonkiisa ku jiro jeebka ay si aan ula kac aheyn wax isu diraan.

“Waxaan ka xumahay in baraha bulshada qaarkood ay siyaasadeynayaan tweet uu dib u diray jeebkeyga xilli aan kulan ku jiray, waxaana ka xumahay oo aan si daacad ah uga cudur daaranayaa qof kasta oo uu dhibay dib-u-tweet-kaas aan ku talo-galka aheyn,” ayuu yiri Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Waxa uu intaas ku daray “Islamarkaana aan caddeeyo xaqiiqda, waa xuquuqda Turkey ee dal madax-banaan ahaan inay go’aansato xiriirkeeda Ethiopia, wax boos ahna igagama banana inaan ka hadlo. Si kastaba, waxaan sheegi karaa in Soomaaliya ay xiriir walaalnimo la leedahay Turkey.”

“Aragtida shacabka ee ku aadan Turkey waa mid wanaagsan. Turkey waa ka dhab tabarucaadda ay ku sameysay dowlad dhisidda, waxayna ku tabarucday gargaar iyo horumar iyo sidoo kale dagaalka ka dhanka ah mintidiinta Al-Shabaab.” 

Koonfur Galbeed oo qiil yaab leh u sameysay qabashada doorashada kursiga Jawaari

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Guddiga doorashada ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa shalay qabtay doorashada kursiga HOP103, oo uu ku fadhiyey Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Prof Maxamed Cusmaan Jawaari, xili uu muran badan ka taagna.

Gudoomiyaha guddiga doorashada ee Koonfur Galbeed Axmed Badar ayaa sheegay in doorashada kursigaas u qabteen si aan loo dulmin xaqa siyaasiyiin kale, kadib marka uu ku dooday in Prof. Jawaari uusan la iman dood sharci ku dhisan.

“Haddii uu qof cabanayo oo uu leeyahay Kursi wax sharci oo taaban karo noo soo gudbiyay uu jirin, qof kale ayey sharci darro ku noqoneysa iyo dulmi. Majirto sababo aan ugu diidnay shahaado (Jawaari) waa qof qiimo badan oo ixtiraam u hayno,” ayuu yiri Guddoomiye Axmed Badar oo la hadlay idaacada BBC-da.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Prof. Jawaari ay ku ixtiraamayaan odaynimadiisa iyo meeqaamkiisa siyaasadeed, hase yeeshe aysan waxba ka jirin in ayaga iska horyimaadeen, sida uu hadalka u dhigay.

“Kuraastan siyaasad shaqo kuma laha, kuraastooda dadka aan soo horumarinay oo dhan waa jecel aan u qabno iyo qadarin. Haddii wax kale ay dhaceen anaga asaga farsamo iskagama hor imaan, ciddii ay iska hor-imaadeen ee uu ka tagay anaga kama jawaabi karn.”

Doorashada kursiga uu ku fadhiyay Prof. Jawaari ayaa waxaa ku soo baxay Maxamed Cali Xasan oo helay 78, halka musharax Mukhtaar Cali Ibraahim oo la tartamay uu isna helay 18 cod, sida uu shaaciyey guddiga doorashada ee maamulka K/ Galbeed.

Maxamed Cali Xasan ayaa ah wasiirka howlaha guud dib-u-dhiska iyo guryeynta Koonfur Galbeed, wuxuuna ka mid yahay xubnaha sida aadka ah ugu dhow Lafta Gareen.

Qabashada doorashada kursiga iyo guusha Maxamed Cali ayaa uga sii dareysa xiisadda ka taagan kursigan iyo cabashada Jawaari, taasi oo gaartay guddiga doorashooyinka heer federaal oo Sabtidii ku dhowaaqay in la hakiyey doorashada kursigaas.

Tallaabada Guddiga doorashada ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale sii fogeynaysa in mucaaridka uu ku kalsoonaado hanaanka doorashada Golaha Shacabka, oo u muuqda in daaqada laga saarayo siyaasiyiinta ay is hayaan madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaday.

Sawirro: Ajaaniib dalkooda uga soo cararay dagaallo oo soo gaaray SOOMAALIYA

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Wararka aan ka heyno magaalada Boosaaso ee gobolka Bari waxay sheegayaan in saacadihii u dambeeyey ay soo gaareen qoysas qaxooti ah oo ka soo cararay colaada ka jirta dalka Yemen, kuwaas oo isagu jira Soomaali iyo Yemeniyiin.

Wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dumuquraadiyaynta dowlad goboleedka Puntland ayaa dekedda magaalada Boosaaso ku soo dhoweysay qoysaskaas qaxootiga ah oo Yemeniyiin iyo Soomaali isugu jira, waxaana la soo bandhigay sawirradooda.

Qaxootigaan oo gaaraya 19 ayaa u badan haween iyo carruur, waxaana loo daabulay xarunta qaabiladda iyo soo dhowaynta qaxootiga ee magaalada Boosaaso, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay wasaaradaas.

“Xaaladdaha bani’aadamnimo iyo duruufaha amni ee daran oo ka jira Yemen ayaa horseeday qulqulka qaxooti badan oo soo gaaraya Puntland,” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saartay wasaaradda arrimaha gudaha maamulka Puntland.

Dalka Yemen oo xuduud badeed ay wadagaan Soomaaliya waxaa sanadihii lasoo dhaafay ka taagneyd oo marba marka ka sii dambeysa kasii dareysa colaado isugu jira kuwo sokeeye iyo kuwo ay hor boodayaan wadamo carbeed.

Haatan quwadaha ugu weyn ee isku heysta xukunka dalkaas waa kooxda Xuutiyiinta iyo dowladda dhexe oo gacan ka heleysa xulufo carbeed oo ay hogaamiso Boqortooyada Sacuudiga, waxaana si joogto ah dalkaas ugu dhinta dadka rayidka ah oo dagaalka aan looga tureyn, sidoo kalena waxaa jirta Yemen macaluul iyo cunna-yari daran, sida ay sheegeen hey’adaha u dooda xuquuqda aadanaha.

Hooyo Soomaali ah oo wiil ay dhashay ‘ku gowracday’ dalka Mareykanka (Warbixin)

0

Washington (Caasimada Online) – Hooyo Soomaali ah oo ku nool dalka Mareykanka ayaa xabsiga loo taxaabay, kadib markii “ay gowrcday” wiil yar oo ay dhashay, kaas oo la sheegay in marka ay dishay ku ridday haanta lagu rido qashinka oo taalla gurigeeda.

Hooyada oo ay haatan su’aallo weydiinayaan ciidamada Booliska ayaa waxaa magaceeda lagu sheegay Fardowsa Cabdullaahi, waana 26 sano jir, sida laga soo xigtay Booliska.

Dhacdadan naxdinta leh ayaa ka dhacday magaaladda St, Cloud ee gobolka Minnesota, waxaana lagu soo warramayaa in gabadha ay qiratay dilka wiilkeeda oo sadex bil jir ahaa.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in haweeneydan Soomaaliyeed uu ilmaha yar ku inkiray ninkii dhalay kadibna ay ku dhaqaaqday falka ay sameysay oo aad looga argagaxay.

Fardowsa Cabdullahi ayaa haatan wajaheyso maxkamad, waxaana lagu soo oogay dil darajada labaad ah, iyada oo sidoo kale maydka wiilka yarna la geeyey xabsiga degmada Stearns oo ku yaalla magaaladda St. Cloud, si loogu sameeyo baaris dheeraad ah.

Falka ay ku dhaqaaqday gabadhan Soomaaliyeed ayaa ah mid aad u xanuun badan, waxaana dhacdadan si aad ah looga hadal hayaa baraha bulshada ee Internet-ka.

Mareykanka ayaa waxaa ku nool Soomaali fara badan waxaana ka dhaca dhibaatooyin kala duwan, hayeeshee dhacdadaan ayaa ah mid ugub ah, taas oo ay si weyn uga argagaxeen dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaasi & sidoo kale kuwa isticmaala baraha bulshada.

Cumar Cabdirashiid oo soo jeediyey 3 tallaabo oo lagu joojinayo doorasho boobka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa ka hadlay muranka hareeyey doorashada golaha shacabka Soomaaliya oo uu ka socdo boob aan horey loo arag oo aan qarsaneyn.

Maamul goboleedyada Galmudug iyo Koonfur Galbeed, oo labadooda madaxweyne goboleed laga maamulo Villa Somalia, ayaa qaaday tallaabooyin kuraasta loogu boobayo xubno ayaga ku dhow ama qaar uu wato madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Inkasta oo la boobay kuraas badan, haddana waxaa ugu weynaa kursiga HOP#67 oo Qoor Qoor uu u boobay taliye ku-meel gaarka ah ee NISA Yaasiin Farey, halka Lafta-gareen uu guddoomiyihii hore ee baarlamanka Maxamed Cusmaan Jawaari u diiday inuu tartamo, isaga oo kursigii uu ku fadhiyey ee HOP#103 u boobay wiil dhallinyaro ah.

Cumar Cabdirashiid ayaa qoraal uu soo dhigay twitter ku sheegay in “si looga fogaado baarlaman lagu muransan yahay, dalku kala qeybsamo, ama kasii daro xanuun kale oo Ethiopian ah: a) Joojiya doorashada lagu shubtay, b) Dib usoo celiya hanaan doorasho oo dhex-dhexaad ah maadaama heshiiskii August uu horseeday wax is-daba marin baahsan, c) Ku dara kormeerayaal si sare loogu qaado kalsoonida.”

Baaqa Cumar Cabdirashiid ayaa waxaa kuwa la mid ah horey usoo jeediyey siyaasiyiin badan oo Soomaaliyeed, hase yeeshee ma muuqato inay joojin doonaan doorasho boobka ka socda dalka sababo dhowr ah dartood.

Waxaa sababahaas ka mid ah; beesha caalamka oo ay ka go’an tahay in mar un doorashadu dhammaato, ayaga oo aan kala jecleyn sida ay ku dhacdo, iyo mucaaradka dowladda federaalka oo aan laheyn awood ay tallaabo ku qaadaan si ay u qasbaan in sida wax u socdaan wax laga beddelo.

PUNTLAND oo ciidamadii ugu badnaa xalay geysay magaalada BOOSAASO

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in weli xaalad kacsanaan ah laga dareemayo gudaha magaaladaasi, taas oo u dhexeyso madaxda dowlad goboleedka Puntland iyo ciidamada PSF-ta ee maamulkaasi.

Ilo wareedyo lagu kalsoon-yahay ayaa innoo sheegay in Puntland ay ciidamo horleh geysay magaalada Boosaaso, kuwaas oo xalay saq-dhexe gudaha u galay magaalada.

Ciidamadan oo wata gaadiidka dagaalka ayaa ka yimid dhinaca Garoowe, waxaana ay ku biireen ciidamo kale oo horay ugu sugnaa magaalada Dekedda leh ee Boosaaso.

Arrintan ayaa qeyb ka ah gulufka ka dhanka ah ciidamada PSF-ta oo iyaguna ku sugan qeybo ka mid ah magaalada oo haatan laga dareemayo dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo.

Sidoo kale dadka deegaanka ayaa cabsi xoogan ka muujinayo in dagaal uu ka qarxo halkaasi, maadaama ay kasii darayaan dhaq-dhaqaaqyo ciidan ee ka jira Boosaaso.

Hoggaamiyaha Puntland, Saciid Deni oo ka hadlayey xiisaddaan wuxuu ku hanjabay in uusan marnaba cid kala gorgortami doonin ilaalinta sharciga, isaga oo intaasi ku daray in ciidamadaas ay ka ciqaab weyn yihiin shacabka, haddiii ay jabiyaan sharciga ciidamada.

Deni waxa uu sidoo kale sheegay inay muhiim tahay in cidkasta ay sharciga ilaaliso, weliba si gaar ah ciidamada kala duwan ee Puntland oo ka dhawaajiyey in dhismahooda waqti badan ku bixiyay maamulku.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan, balse siyaasiyiinta iyo waxgaradka kasoo jeeda Puntland ay haatan ka digayaan in dagaal loo horseedo shacabka Boosaaso.

Puntland oo gudbisay dalab culus oo ka dhan ah DF xilli la isku hayo malaayiin dollar

0

Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa ka dalbaday Bankiga Aduunka in uusan lacagaha mashaariicda u soo marin dowladda federaalka Soomaaliya, kadib kulan ay maanta yeesheen Wasaarada Maaliyada Puntland iyo Madaxda Bankiga Aduunka.

Kulanka oo ka qabsoomay magaalada Garoowe ayaa ujeedkiisu ahaa sidii loo dul istaagi lahaa waxqabadyadii mashaariicda horumarinta hanaanka Maaliyadda iyo mashruuca dib u habeynta ee uu Bankiga Aduunka ka taageero maamulkaas.

Sidoo kale waxaa kulankaas lagu eegay guulihii laga gaaray qorsha hawleedka iyo dardar-galinta mashuurca PFM/DRM, gaar ahaan sanadkii ugu danbeeyey, tubtii loo maray iyo tallaabooyinkii la qaaday.

Wasiirka Maaliyadda Puntland Xasan Shire Cabdi ayaa Madaxdii ka socotay Bankiga Aduunka uga mahad-celiyay kaalmada dhaqaale ee ay la garab taagan yihiin maamulkiisa, isagoona ka dalbaday in mashaariicda iyo lacagaha si toos ah loogu soo hagaajiyo Puntland.

Wasiir Xasan Shire ayaa sheegay inay fashilmeen mashaariicdii loo soo marshay maamulka Puntland dhanka dowladda federaalka Soomaaliya, sidaas darteedna ay muhiim tahay in hadda kadib si toos ah loogu soo shubo qasnada maamulkooda.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa inta badan lacagaha iyo mashaariicda ku socda maamulada loogu hagaajiya, si ay usii gaarsiiso halka loogu tala-galay, taasi oo sanadihii dambe ay saluug badan ka muujiyeen maamulada qaarkood.

Wararkii ugu dambeeyey ee doorashada golaha shacabka ee KOONFUR GALBEED

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka laga helaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in maanta magaaladaas lagu qabanayo doorashada afar kursi oo ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka ee ka imaanaya dhinaca dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Qaban-qaabadii ugu dambeysay ee doorashada kuraastaasiyaa haatan ka socda xarunta baarlamaanka ee maamulka Koonfur Galbeed, halkaas oo ay kusii qul-qulayaan ergada wax dooraneysa iyo musharixiinta xil doonka ah ee u taagan kuraasta maanta la dooranayo.

Afartan kursi ee ay doorashada qabaneyso Koonfur Galbeed ayaa u dambeeya 11-kii kursi ee ay horay u shaacisay, waxaana kala yihiin:-

HOP#213: oo uu horay ugu fadhiyey xildhibaan Yacquub Cali Maxamed, HOP#154 oo ay ku fadhisay Sareeda Maxamed Cabdalla, HOP#193 oo uu ku fadhiyay AHUN Maxamuud Maxamed Bono iyo HOP#180 oo ku fadhiyey xildhibaan Daahir Cabdi Cabdulle (Dr. Go)

Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, gaar ahaan goobta ay ka dhaceyso doorashada xubnaha Golaha Shacabka ee lagu dooranayo magaalada Baydhabo.

Talaabadda ay qaadeyso Koonfur Galbeed ee la xiriira doorashooyinka ayaa ku soo aadayo, iyada haatan oo cabasho laga muujinayo kuraasta qaar, waxaana ugu dambeeyey kursiga HOP#103 oo uu horay ugu fadhiyey Prof. Jawaari, kaas oo xildhibaan cusub loo doortay.

Koonfur Galbeed ayaa ah maamulkii labaad ee bilaaba doorashada Golaha Shacabka, walow ay dhaliil kala kulantay qaabka ay u wajahday doorashada haatan socota.

Si kastaba, shalay ayaa ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo ka jawaabaya cabashada jirta la kulmay Golaha Midowga Musharixiinta, isaga oo u ballan qaaday inuu wax ka bedali doono qaabka ay haatan wax ku socdaan isla-markaana uu la tashan doono Golaha Wada-tashiga.

Daawo: Midowga Musharixiinta oo shaaciyey hal fursad oo ay Rooble siiyeen

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Midowga Musharixiinta ayaa shir jaraa’id qabtay markii uu soo dhaamaday kulankii ay maanta la yeesheen Ra’iisul Wasaare Rooble, kaas oo looga hadlay boobka doorasho ee dalka ka socda.

Daahir Maxamuud Geelle oo u hadlay midowga musharaxiinta ayaa sheegay kulankii ay la yeesheen Rooble uu qeyb ka ahaa kulamo maalamahaan dambe u socday golaha Midowga Musharixiinta, isla markaana ay Rooble u gudbiyeen dareenkooda ku aadan hanaanka ay u socoto doorashadu.

“Waxaan u sheegnay ra’iisul wasaaraha, in boob qaawan uu ku socdo doorashada, markii aan la wadaagnay dareenkaas, waa uu soo dhaweeyey, waxuuna noo sheegay inuu isugu yeeri doono golaha wadatashiga qaran, isla markaana uu la wadaagi doono walaaca ka soo kordhay doorashada, war cadna ay ka soo saari doonaan arrinkaas,” ayuu yiri Daahir Geelle.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ka midow ahaan ay sii wadi doonaan kulamada lagu gorfeynayo ka hor tagga boobka doorashada.

“Waxaan u sheegeynaa shacabka Soomaaliyeed doorashooyinka socda kuwii idin anfi lahaa maaha oo dowladnimo noo hor seedi lahaa, waxaan u taaganahay in dadka Soomaaliyeed ay helaan doorasho xalaal ah, qof kasta oo doorashadaan lagu dulmiyana waxaan rajeyneynaa inuu cadaalad helo,” ayuu yiri.

Sidoo kale Daahir Geelle ayaa sheegay in hadda ay go’aansadeen inay fursad siiyaan Ra’iisul wasaaraha, si golaha wadatashiga qaran uu u hor geeyo walaaca boobka doorashada, “Anaguna waxaan sii wadi doonaa dadaaladii aan wax ku saxeynay,” ayuu yiri.

Dhanka kale sida lagu shaaciyey qoraal uu xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble ka soo saaray kulankaas waxaa la isla qaatay labo qoddob oo muhiim ah, kuwaasi oo kala ah;

1. In wax laga bedelo hanaanka ay ku bilowdeen doorashooyinka Golaha Shacabka, shirna iskugu yimaadan Golaha Wada-tashiga Qaranka.

2. Guddiyada doorashada inay waajibaadkooda u gutaan si waafaqsan habraacyadii lagu heshiiyay ee doorashooyinka.