26.3 C
Mogadishu
Thursday, July 2, 2026

Maxaa ka jira in Somaliland ay taageertay dagaalka ka socda waddanka ITOOBIYA?

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Mudane Ciise Kayd Maxamuud ayaa beeniyey wararka sheegayey in Somaliland ay taageertay dagaalka ka socda dalka Itoobiya ee u dhexeeya xukuumadda Abiy Axmed iyo jabhadda hubeysan ee TPLF.

Kayda oo wareysi gaar ah siiyey laanta afka Soomaaliga ah ee BBC-da ayaa shaaca ka qaaday mowqifka Somaliland ee ku aadan xaaladda cakiran ee Itoobiya, wuxuuna sheegay inay dhex-dhexaad ka tahay waxaa haatan ka socda dalkaasi, sida uu hadalka u dhigay.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in Somaliland ay taageereyso dadaal kasta oo xal loogu raadinayo colaadda ka taagan wadanka Itoobiya.

“Waxaanu taageersanahay waxkasta oo nabadgalyo iyo dhex dhexaadin ah oo Itoobiya ka socda, annaga Somaliland ahaan in aanan faragalin siyaasada gudaha ee Itoobiya weeyan mowqifka siyaasadayada arrimaha dibadda,” ayuu waresigaan ku yiri wasiir Ciise Kayd.

Sidoo kale wuuxuu faah faahin ka bixiyey wada-hadalladii madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo midka dowlad deegaanka, Mustafe Cagjar wuxuuna tilmaamay in labada hoggaamiye ay ka wada arrinsadeen xoojinta iskaashiga ka dhexeeya.

“Iskaashi uunbaa laga hadlay, nabad galyada ayaa laga hadlay iyo in la is waydaarsado sirdoonka, xidhiidhkii caadiga ahaa ee Itoobiya iyo Somaliland ka dhaxayn jiray uun baa laga wada hadlay” ayuu markale yiri wasiirka arrimaha dibadda ee xukuumada Somaliland.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo qaar ka mid ah warbaahinta maxalliga ee Itoobiya ayaa sheegeen in madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu taageeray dagaal Itoobiya, gaar ahaan garabka Abiy Axmed, kadib markii uu wada-hadallo la yeeshay madaxweyne Cagjar.

Si kastaba, Itoobiya ayaa haatan ku jirta xaalad jahwareer ah, waxaana dagaalka oo haatan sii xoogeystay hoggaaminaya ra’iisul wasaaraha dalkaasi, Abiy Axmed.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Abiy Ahmed oo ugu baaqay TPLF inay is-dhiibaan kadib ‘guulo ay gaareen’ ciidankiisa

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa ugu baaqay mucaaradka Tigray-ga inay isdhiibaan, isaga oo sheegtay in ciidankiisa ay qarka u saaran yihiin guul, toddobaad un kadib markii uu wacad u maray inuu hoggaamin doono dagaalka.

Sheegashadiisa ayaa timid ayada oo dagaal xooggan uu ka socdo saddex furin, oo mid ka mid ay tahay – magaalada Debre Sina – oo ku taalla waddo 200 km u jirta caasimadda Addis-Ababa.

“Dhallinyarada Tigray-ga waxay u daadanayaan sida caleenta oo kale. Ayaga oo og in laga adkaaday, ayaa waxaa hoggaaminaya mid aan aragti ama qorshe laheyn,” ayuu Abiy ku yiri hadal ay baahisay warbaahinta dowladda.

“Waa inay maanta isu dhiibaan ciidamada difaaca qaranka Ethiopia, ciidamada gaarka ah, maleeshiyooyinka iyo shacabka.” 

Muuqaalka Abiy oo la baahiyey shalay ayaa ah mid ka mid ah muuqaallo dhowr ah oo uu kasoo dirayey furimaha dagaalka, wuxuuna u muuqday inuu joogo gobolka Afar.

Aaggan ayaa waxaa muddo toddobaadyo ah ka socday dagaal xooggan, ayada oo Tigray-ga ay isku dayayaan inay qabsadaan waddo muhiim ah oo sahayda loo mariyo caasimadda. 

Axaddii, warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in ciidanka ay qabsadeen magaalada Chifra ee gobolka Afar, wuxuuna Abiy sheegay in guulahaas oo kale laga soo hoyin doono gobolka Amhara. 

“Cadowga waa lagu guuleystay, waxaan hal maalin gudaheed ku gaarnay guul aan lagu fikiri karin oo dhinaca bari ah…hadda waxana sidaas oo kale ka sameyn doonnaa galbeedka,” ayuu yiri. 

Go’aanka uu Abiy ugu biiray dagaalka toddobaadkii tegay ayaa yimid kadib markii TPLF ay qabsadeen magaalada Shewa Robit oo 220 km u jirta magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa.

“Tallaabadan waxay xoojisay niyadda ciidamada, waxayna mideysay shacabka Ethiopia,” waxaa sidaas tiri afhayeenka dowladda Billene Seyoum.

Hase yeeshee afhayeenka TPLD, Getachew Reda ayaa ku gacan seeray ku biiritaanka Abiy ee dagaalka, wuxuuna ku eexay “is-tustus iyo cayaar dagaal oo doqonnimo ah.”

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Go’aano culus oo lagu soo rogay shirkadaha isgaarsiinta ee ka howlgala Somaliland

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa soo saartay awaamiir culus oo ku socota shirkadaha isgaadhsiinta ee ka shaqeeya deegaanada ay maamusho.

Wareegto kasoo baxday Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Somaliland ayaa waxa gebi ahaanba lagu joojiyey in shirkada Isgaadhsiinta ay ogolaansho la’aan qofka ugu diraan farriimo xambaarsan xayeysiin/ogeysiis.

Shirkada Isgaadhsiinta ayaa keliya loo ogolaaday inay macaamiishooda “si doorasho la’aan ah” ku gaarsiin karaan adeegyada ay iyagu bixinayaan.

“In fariimaha isgaadhsiineed ee xambaarsan xayaysiisyada/ogaysiisyada ay shirkadaha Isgaadhsiintu u qabanayaan cid kale (Third Party advertisement) ay ku gaadhi karaan macmiilka ogolaansho laga helay macmiilka (opt-in feature),” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda Isgaadhsiinta Somaliland.

Sidoo kale go’aanadan cusub ayaa waxaa qeyb ka ah in Shirkadaha Isgaadhsiinta ay sameeyan nidaam kala dooransiinaya macmiilka in uu ogolaado ama diido in xayeysiimaha iyo ogeysiisyada ka baxsan adeegyada shirkada ay u diri karto shirkada isgaadhsiinta.

Shirkada baalmarta go’aamadan cusub ee lagu xadidayo fariimaha qasabka ah ee inta badan loo diro macaamiisha ay shirkadu khidmada uga kireysay Simcard-ka ayaa waxay ku muteysan doonta ganaax culus.

Go’aamadan ayaa si rasmi ah u dhaqan-geli doona billowga sanadka cusub, wuxuuna kusoo aadaya xilli ay dad badan cabasho ka gudbiyeen fariimaha tirada badan ee uga imanaya shirkadaha isgaadhsiinta.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Maareeye oo jawaab kulul ka bixiyey hadalkii Cali Yare

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo shir jaraa’id qabtay ayaa aad u dhaliilay abaabulka guddoomiye ku xigeenka dhanka amiga iyo siyaasada gobolka Banaadir Cali Yare Cali ee ka dhanka ah Boqor Cusmaan Aw Maxmuud Buurmadow, “Boqorkani waa mid nabadeed, ma ahan nin looga shakisan yahay waxyaabaha aad ku jaa’ifeyneysaan,” ayuu yiri Maareeye.

Waxa uu sheegay in wax laga taban karo hadalladii Boqorka ka soo yeeray, balse ay aad uga xumaadeen qaabka loo fasiray hadalkiisa, “Waxaad moodaa dadka qaar oo uu ka mid yahay guddoomiyaha amniga gobolka, in hab siyaasadeysan, qorsheysan, abaabulan oo fan-gareysan ay howshaan u wataan,” ayuu yiri.

Xildhibaan Maareeye ayaa sheegay in Boqor Buurmadow uu maanta raali gelin ka bixiyey hadalladii la dhibsaday, balse aad u moodo in laga shaqeynayo in la baabi’iyo oo arrimo siyaasadeed looga faa’iideysto xumeynta xiriirka beelaha Muqdisho iyo kuwa waqooyi.

“Waxaan ka digeynaa in tacadi dambe sharafta Boqorkeena loo geysto, siyaasadaha jira iyo doorashooyinka dano laga leeyahay yaan la idinku qaldin, dhaqanka iyo siyaasiyiinta Muqdisho, gaar ahaan kuwii aan xalay ka dareenay inay hab kooxeed u abaabulan yihiin nagama qabato waxa ay noo geysteen,” ayuu yiri Maareeye.

Sidoo kale waxa uu intaas ku sii daray in siyaasiyiintii weeraray Boqor Buurmadow ay u badnaayeen hal beel, “Wanaag ayaan u heynaa walaalaheen iyo dowladda aan ka tirsanahay, waan amaaneynaa sidii walaalaheena reer Muqdisho ay u soo dhaqeeyeen Boqorka,” ayuu yiri.

Maareeye oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri, “Laakiin ninka xun ee magaca dowladda ku qaraabanaya waa in umadda laga qabto.”

Guddoomiye Cali Yare oo aad uga hadlayey arrinta Boqor Buurmadow ayaa ku goodiyey in la xiri doono Boqor Buurmadow, isagoo ku eedeynaya in Shabaab oo cadaw ku ah dadka Soomaaliyeed uu dowlad ku tilmaamay.

Hoos ka daawo Maareeye

Midowga Musharaxiinta mucaaradka oo qaadacay doorashada dalka ka socota

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa war-saxaafadeed ka soo saaray shirar maalmihii la soo dhaafay u socday oo looga hadlayay geeddi socodka doorashooyinka dalka, ayaa caddeeyay in waxa socda aan lagu tilmaami karin doorasho oo ay tahay boob qaawan oo dalka u horseedi karta qalalaase siyaasadeed, xasillooni darro iyo nabadgelyo la’aan.

Sidoo kale qoraalka Midowga Musharaxiinta ayaa lagu sheegay in aan lagu fiirsan karin sida ay wax u socdaan, isla markaana aysan raali ka noqon karin boob ay sheegeen inuu ku socdo doorashada.

Qoraalkaan ayaa sidoo kale lagu cadeeyey in mas’uuliyadda wixii ka dhasha boobka doorashada ay qaadi doonaan madaxda dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada.

“Golaha Midowga Murashaxiinta kulan uga furmay magaalada Muqdisho intii u dhexaysay 25-30/11/2021 ayaa diiradda lagu saaray xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan geeddi-socodka doorashooyinkii la filayey in ay dalka ka qabsoomaan,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Golaha ayaa soo saaray todoba qodob oo ay ku soo koobeen qaladaadka uga dhex muuqda doorashada socota, kuwaas oo kala ah:

1- In laga tegey odayaashii dhaqanka ee xaqa u lahaa in ay soo xulaan ergooyinka dooranaya xildhibaanada.

2- In aysan jirin ergo la xulay, la diiwaan geliyey, la tababaray, guddiga doorashooyinka ee heer Federaalna (FIET) ay hubiyeen.

3- In ergooyin laga dhigay shaqaalihii rayidka ahaa, ciidanka dawladda iyo dad aan mararka qaar ku hayb ahayn qabaa’ilka kursiga lahaa.

4- In loo diiday diiwaan gelinta tartanka kursiga xildhibaanno kuraasta hore ugu fadhiyey, iyo kuwo kale oo xaqu lahaa, halka la diiwaan geliyey xubno aan soo buuxinin shuruudihii diiwaan gelinta.

5- In ay luntay madaxbannaanidii, iyo dhexdhexaadnimadii guddiyada doorashada heer dawlad goboleed, kuwaasoo toos uga amar qaadanaya Madaxweynaha dawlad-goboleedka, halka guddiga doorashada ee heer federaal ka amar qaataan madaxda federaalka.

6- In guddiyada labada heer aysan kala amar qaadanaynin, Guddiga Xallinta Khilaafaadka uu gabay hawshii loo xilsaaray, isagoo diiday qabashada cabashooyinka, kuwii loo gudbiyeyna aanan u cadaalad falin.

7- In aysan jirin korjoogtayn iyo tebin toos ah ee warbaahineed si loo hubiyo in si daahfuran u dhaco tartanku. 

“Haddaba, haddii ay meesha ka baxeen dhammaan shuruudihii hufnaanta iyo daahfurnaanta doorashada, waxay doorashadi la sugayey isku bedeshay boob qaawan oo dalka u horseedi kara khilaaf siyaasadeed, xasillooni darri, iyo burbur ku yimaada dawladnimada,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale golaha ayaa war-saxaafadeedkaan ku cadeeyey lix qodob oo ay sheegeen in shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka ay u cadeynayaan.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka oo dhameystiran:

 

Saddex arrin oo jahwareer ku noqon doona damaca Siciid Deni ee Villa Somalia

0

Garoowe (Caasimada Online) – Saciid Cabdullaahi Deni wuxuu weli iibinayaa inuu yahay fursadda ugu weyn ee Farmaajo ka saari karta Villa Somalia. Ololihiisa ayaa ku bilowday dhowr Senator oo ka kala yimid Puntland iyo Jubbaland, laakiin isaga iyo kooxdiisa ololaha waxay iska indha tirayaan caqabadaha miiska saaran ee u diidi doonta inay Villada u gudbaan.

Waxaa jira tixanayaal u baahan in maalinba qeyb la furo oo daciif ka dhagaya sheegashada Deni ee ah inuu qaadan karo xukunka Soomaaliya.

Waxaan warbixintaan ku eegeynaa seddex arrin oo u baahan in aysan iska indha tirin kooxda ololaha ee Saciid Deni.

1 – Dagaalkii uu ku qaaday xidigaha siyaasadeed ee Puntland:

Saciid Deni wuxuu u baahan yahay inuu marka hore kasoo gudbo dagaalka hal doorka siyaasadeed ee Puntland inta uusan fooda saarin Farmaajo iyo mucaaradka Muqdisho kasoo jeedo intaba.

Deni wuxuu dagaal qaawan ku qaaday Wasiirka qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan, wuxuu kuraastoodii boobay Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda Cabdi Saciid Muuse, wasiiru dowlaha Xukuumadda Soomaaliya Maxamuud Xayir Ibraahim, Rugcadaaga wey Cabdirisaaq Cusmaan Jurule iyo Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke.

Wuxuu albaabada ka xirtay Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ahaa ninkii xilka ku wareejiyey, Faroole inkastoo uu isaga kursi siiyey haddana taladii waa ka reebay.

Wuxuu hadda u la bisan yahay oo la sheegayaa in laga celcelinayo kuraasta ay u sharaxan yihiin wasiirka kalluumeysiga ee Soomaaliya Cabdullaahi Bidhaan Warsame iyo guddoomiyaha Gobolka Mudug Sanayare.

Dhammaan xubnahaan, Puntland ka sokow waxay xoog ku leeyihiin siyaasadda Xamar taalla. Shacabkii deegaanada Puntland waxaa ka qaatay Asad Diyaano, halka isaga iyo Ciidanka PSF ay madaxa isugula jiraan xilligaan.

Dhammaan xubnahaan kor ku xusan waa jidgooyada koowaad ee Saciid Deni, uma badna inuu xallin karo ama uu jiidi karo marka Muqdisho lasoo aado.

Qofkii ugu dambeeyey ee Reer Puntland ah ee madaxweyne ka noqda Soomaaliya wuxuu ahaa Cabdullaahi Yuusuf Axmed, waxaana la xasuustaa inuu kusoo baxay talo ay dadka deegaanka iyo siyaasiyiintooda u dhammaayeen, laakiin Deni taladaas mideysan ma hayo Maanta .

2 – Baraaruga dhaqanka Puntland

Saciid Cabdullaahi Deni waxaa lagu eedeynayaa inuu rabo inuu boobo kuraasta Golaha Shacabka ee taalla deegaanada Puntland, isaga iyo dhaqanka Puntland ayaa mar hore kala tagay.

Wararka ka imaanaya Puntland waxay sheegayaan inuu dhaqanka baraarug qabo oo ay adag tahay inay aqbalaan in kuraastooda lagu takri-falo.

Haddii uu Deni isku dayo inuu dhaqanka xoogo waxaa ka dhallan kara natiijo aan fiicneyn ayey leeyihiin siyaasiyiinta reer Puntland. Waxaa jira talooyin ay soo jeedinayaan saaxiibadiis oo ah inuu iska xaliyo dhaqanka inta uusan bilaabin doorashada Golaha Shacabka, laakiin uma badna inay suuragal noqon karto, maadaama uu jiro baraarug culus, ayna dhaqanka tabasho badan ka qabaan sidii uu ula macaamilay seddaxdii sano ee uu xafiiska joogay.

3-Xamar waxaa taalla dood ah Saciid Deni waxaa dhaama Farmaajo 

Reer Muqdisho waxay waayahaan aad u hadal hayaan natiijada ka imaan karta doorashada kursiga madaxweynaha.

Madaxweyne Farmaajo oo misaan culus ku leh kuraasta ka imaaneysa Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabelle iyo reer Woqooyiga, waxaa loo arkaa musharaxa koowaad, waxaana la is waydiinayaa musharixiinta imaan kara kaalmaha labaad iyo seddaxaad.

Saciid Deni oo kooxdiisu sheegto inay Imaaraadku wataan ayaa kamid ah doodaha miiska saaran, laakiin waxaa Xamar ku xooggan inaan marnaba Deni lagu badali karin Farmaajo, waana caqabad weyn haddii ay aragtidaan sii faafto.

In Dadka reer Muqdisho oo la ogyahay halka iyaga iyo Farmaajo kala gaareen inay maanta ka fakarayaan Farmaajo ayaa dhaamma Deni ma ahan dood sahlan, waana caqabad weyn oo hortaagan damaca Saciid Cabdullaahi Deni.

Seddexdaas arriimood waxay kamid yihiin tixanaha diidaya in Saciid Cabdullaahi Deni u tallaabo xukunka Villa Somalia.

Cabdiweli GAAS oo weerar culus ku qaaday Musharaxiinta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya iyo madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa weerar afka ah ku qaaday Midowga Musharaxiinta, kadib markii uu dhaliilay qaabka ay ku wajaheen doorashooyinka dalka.

Waxa uu sheegay inay aheyd in Midowga Musharaxiinta si adag uga horyimaadan hanaanka doorashada, oo aysan ka boodin keliya marka ay soo baxaan shaqsiyaad aan taabacsaneyn, sida uu hadalka u dhigay.

“Dagaal waa ka soo daalnay, marna ku talin maayo dagaal iyo dirir toona. Midowga Musharaxiinta waa dhaliilaya waayo marna ma hambalyeyn kartid marna ma diidi kartid (doorashada), waxaa la rabaa in timahooda dhan u wada xiirmo oo wixii khalad ah ay wada diidaan,” ayuu yiri.

“Aqalka Sare ama Aqalka Hoose ha noqdo ama Saxiibkaa ha ku soo baxo ama ayuu kusoo bixin wixii khaldan waa khaldan yihiin. Nidaamka ayaa xun qofkii ku soo baxana waa xun yahay markaa aragtidooda ha noqoto mid dhanka wanaagsan ah.”

Sidoo kale waxa uu soo jeediyay in doorashada la hakiyo muddo ku dhaw bil ama labo bilood, maadama uu sheegay inay dalka ka jiraan abaaro aad u daran oo sababsaneysa nafo badan.

“Waxaa dalka ka jirta abaar aad u xun oo dadka dhimanayaan Waqooyi illaa Koonfur, oo dhaqaalaha loo jeediyo bad-baadada dadkaas. Inta la hakiyay doorashadaasna fursad ayay u noqoneysa in lagu saxo wixii khaldan oo la isku arki karo, loogana baaqsan karo dagaal iyo shido hor leh.”

Hadalka Gaas ayaa imanaya xilli dhawaan uu kasii daray walaaca laga qabo doorashada Golaha Shacabka ee dalka ka socota, taasi oo dul hoganayaan mad-madow badan oo hareer-marsan hanaankii doorashooyinka.

Boqor Buurmadow oo raali-gelin iyo fasiraad ka bixiyey hadalkii muranka dhaliyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Cusmaan Aw Maxamuud Buurmadow oo shi jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa ka hadlay hadalkii uu dhawaan sheegay ee muranka badan dhaliyey.

Boqor Buurmadow ayaa sheegay in fasiraad qaldan laga bixiyey hadalka uu sheegay kaasoo uu ku sheegay inuu ahaa hadal uu ka jeediyey kulan Beeleed isla markaasna wuxuu xusay inuu hadalkaas ahaa mid kaftan ah.

” Hadalkii aan dhawaan ka sheegay shirkii Beeleedka ahaa waxaa loo dhigay meel aan biyo dhiciisa aheyn waana la siyaasadeeyey” ayuu yiri Boqor Buurmadow.

Wuxuu sheegay inuusan taageersaneyn cid kasta oo dhiigga dadka Soomaaliyeed daadisay haddii ay ahaan laheyd qaab diimeed iyo qaab kalaba.

” Waxaan joogay oo ka hadlayey waxay aheyd Qado Beeleed, madax dhaqanka marka ay isku yimaadaan way kaftamaan, kasftan Beeleed buu ahaa, wixii ehel ahaa ee dhibaato loogu geystay mid mabda’, mid diimeed, fikir cid aaminsan tahay oo aan aniga aamisaneyn lagu geystay, Qarax loogu sameeyey, la dhibay aad iyo aad ayaan uga xumahay, hadalkeyga ma uusan aheyn dhiiragelin aan ku taageerayo fikirka xagjirka ah mana u aqaan mid saxan” ayuu yiri.

Boqorka ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay dhibaatadii hadalkii uu sheegay loogu geystay wasiiro iyo siyaasiyiin kasoo jeedo Beeshiisa ee ka qeybgalay soo dhaweyntiisa.

” Waxaan ka xumahay in dadkii dhibaatada ay u geysteen Al-Shabaab looga dhigay inaan taageersanahay dhibka ku dhacay, waxaan caddeynayaa in aanan raali ka aheyn, aniga Shabaab Dowlad uma aqaano” ayuu raaciyey hadalkiisa.

Ugu dambeyntii Boqor Buurmadow ayaa sheegay inuusan is adkeeneyn sida siyaasiyiinta qaar balse uu raali gelin buuxda siinayo shacabka Soomaaliyeed ee dhibsaday hadalkii dhawaan kasoo yeeray.

Raali gelinta Boqo Buurmadow ayaa kusoo aadeyso xilli uu dhaleeceyn badan kala kulmay qaar kamid ah siyaasiyiinta iyo dadka Soomaaliyeed.

Halkaan hoose ka daawo hadalka Boqor Buurmadow.

Musharaxiintii ugu badnaa oo ‘lacag laga dhacay’ kadibna la boobay kuraastooda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii ay bilaabatay qabashada doorashada Golaha Shacabka Soomaaliya waxaa soo kordhacaya cabashada xoogan ee kasoo yeereysa xubnaha musharixiinta xil doonka ee u tartamaya kuraasta baarlamaanka 11-aad ee dalka

Xildhibaan Idirs Cabdi Dhaqtar oo ka mid ah xubnaha baarlamaanka muddo xileedkiisa uu dhammaaday, isla-markaana haatan isku soo sharaxay kursiga uu ku fadhiyey ayaa shaaca ka qaaday in la boobay kursigiisa oo uu sheegay in qoondo haween la dhigay, kadibna loona diiday inuu tartamo, sida uu hadalka u dhigay.

Dhaqtar ayaa sidoo kale tilmaamay in isaga iyo musharixiin kale oo dhowr labaatan ah in laga dhacay lacago fara badan, loona diiday shahadaada, si ay u tartamaan.

Guddiyada doorashooyinka ayuu ku eedeeyey inay u shaqeynayaan dad gaar ah oo ku xiran Villa Soomaaliya, isla-markaana cadaalad darro ku sameynayaan doorashooyinka.

“Lacago ayaa naga maqan aniga kaligey ma’ahan inta lacagta ay ka maqan tahay waa dhowr iyo labaatan qof oo inta ay lacagtooda shubteen aan haba yaraatee shahaado lasiinin,” ayuu yiri Xildhibaan Idirs Cabdi Dhaqtar oo wariyeyaasha kula hadlay Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku sii daray  “Maray waxaan leeyahay arrintan waxaan u soo bandhigayaa  aniga oo dhibaato wadanin wadanka oo hadda xaaladdiisa aad ogtihiin, abaaro ay ka jiraan, xoolihii ay dhammaanayaan, dadkii ay dhammaanayaan ayaa waxaa waaye dadkii awood loo isticmaalooyaa,”.

Ugu dambeyn wuxuu farriin culus u diray ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, isaga oo ka dalbaday inuu kala diro xubnaha guddiyada doorashooyinka heer federaal iyo heer dowlad goboleed, isaga oo shaaciyey inay gabeen waajibaadkii shaqo ee loo igmaday.

“Waxaan u sheegayaa ra’iisul wasaarihii loo igmaday arrintan oo doorashooyinka si cadaalad ah u qabto ay aheyd waa inuu guddiyadan kala diraa,” ayii markale yiri Dhaqtar.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyada oo muddooyinkii lasoo dhaafay ay qaylo dhaan kasoo yeereysay doorashooyinka lagu qabtay magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Baydhabo ee maamul goboleedyada Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo la sheegay in kuraas lagu boobay.

Xog: Rooble oo wada qorshe doorashada 38 kursi oo dheeri ah lagu keenayo Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumadda ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa qorsheyneysa in Muqdisho loo soo wareejiyo doorashada golaha shacabka ee magaalooyinka Beledweyne iyo Garbahaarey, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in qorshahan uu qeyb ka yahay dadaal uu ra’iisul wasaaraha uu madaxweyne Farmaajo ugu gacan gelinayo maamulka kuraas dheeri ah oo ka tirsan baarlamanka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa horey si dadban ugu maamulayey kuraasta taalla Galmudug iyo Koonfur Galbeed, oo ay madax ka yihiin laba nin oo ka mid ah xulafadiisa, wuxuuna goor hore xaqiijiyey in kuraas dhowr ah loo boobay xubno uu wato. 

Magaalada Beldweyne ayaa waxaa la qorsheeyey in lagu doorto 22 kursi oo ka mid ah golaha shacabka, halka Garbahaarey loo qorsheeyey 16 kursi.

Hase yeeshee, in doorasho lagu qabto labadan magaalo ayaa waxaa hortaagan caqabad xooggan, maadaama labada madaxweyne ee Jubaland iyo HirShabelle Axmed Madoobe iyo Cali Guudaalwe ay diidan yihiin qabaa’ilka dega labadaas magaalo.

Dadka degan labada magaalo ma diidana in doorasho lagu qabto, hase yeeshee labada madaxweyne goboleed ayaan heli karin awood buuxda oo ay ku maamulaan doorashada halkaas, sidaas darteedna guddiyada doorashada oo ay magacaabeen ayaan diyaar u aheyn inay halkaas tagaan kuna qabtaan doorasho. 

Ayada oo arrintaas qiil laga dhigayo, ayaa Rooble iyo guddiga doorashada heer federal waxay qorsheynayaan inay ku dhowaaqaan inaan halkaas lagu qabin karin doorasho.

Balse arrintan yaabka leh ayaa ah; in intii doorashada loo wareejin lahaa caasimad goboleedyada labada maamul ee Kismaayo iyo Jowhar, in Rooble iyo guddiga doorashada ay qorsheynayaan in la keeno Muqdisho, taasi oo si toos ah maamulka doorashada ugu gacan gelineysa Vill Somalia.

Xogta ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in sababta Rooble uusan u dooneyn in doorashada la geeyo Kismaayo ay tahay in Farmaajo uu weyn doono maamulka 16-ka kursi ee Garbahaarey. Balse ma cadda sababta uu tan Beledweyne u dooneyn in la geeyo Jowhar, maadaama Farmaajo iyo Cali Guudlaawe aysan isku xumeyn.

Dhinaca kale, siyaasiyiinta iyo odayaasha beesha Xawaadle ayaa diidan qorshaha Rooble, waxayna ku adkeysanayaan iney doorashadu ka dhacdo magaalada Beledweyne, oo aysan wax dhib ah ka jirin. Waxaa sidaas oo kale qaba siyaasiyiinta iyo odayaasha beesha Mareexaan.

Qorshaha Rooble iyo guddiga doorashada ayaa wajahaya hal caqabad oo ah beesha caalamka, maadaama uu ka horimanayo heshiisyadii 17-ka September 2020 iyo 27-ka May 2021 ee doorashada.

Waxaa hadda socda qorshe lagu cadaadinayo beesha caalamka inay arrintan aqbasho, balse ma cadda inay ogolaan doonto.

Beesha caalamka ayaa horey walaac uga muujisay boobka doorashada ee ka socda qaar ka mid ah caasimad goboleedyada, oo lagu eedeeyey Villa Somalia, waxaana in kuraas kale loo gacan geliyo madaxtooyada ay u muuqataa mid aan la aqbali karin.

Rooble ayaa Axaddii kulan la yeeshay xubnaha Midowga Murashaxiinta oo saluugsan qaabka doorashada golaha shacabka ay u socoto iyo boobka lagu hayo kuraasta, balse sida muuqata Rooble wuxuu 100% isku dhiibay Farmaajo, wayna adag tahay in dib loo soo celiyo.

Waxyaabihii ay ka wada-hadleen Farmaajo iyo Sheekh Tamim oo la shaaciyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha waqtigisia dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo safar ku jooga dalka Qatar ayaa maanta la kulmay Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamim bin Hamad Al Thani.

Madaxweyne Farmaajo iyo Amiir Sheekh Tamim ayaa ka wada hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Qatar iyo danaha ay wadaagaan si loo dardar galiyo iskaashi wax ku ool ah oo labada dhinacba faa’ido u leh sida lagu sheegay war ka soo baxay Villa Somalia.

Madaxtooyada ayaa sheegtay in Farmaajo uga mahadceliyay Qadar fulinta Mashaariicda dhismaha jidadka isku xira Muqdisho, Afgooye, Balcad iyo Jawhar, dhismaha Xarumo muhiim u ah Dowladda iyo baahinta adeegyada aas-aasiga ah ayaa tilmaamay dadaalka ay ku bixinayaan shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha oo muhiim u ah dib u soo kabashada dalka iyo horumarkiisa.

Dhankiisa, Amiirka Qatar Tamiim Binu Xamad ayaa ku bogaadiyey xiriirka labada dowladood, midnimada iyo wadajirka ay ugu taagan yihiin dib u kabashada dalka, isaga oo muujiyey dareen walaalnimo oo ku aaddan horumarka dalka iyo guulaha muuqda ee aynu xaqiijinnay sanadihii la soo dhaafay.

Kulankan waxaa Madaxweynaha ku weheliyey Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ay kamid yihiin Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Cabdisaciid Muuse Cali iyo Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xamsa Siciid Xamsa iyo Danjiraha Soomaaliya ee dalkan Qadar Cabdirisaaq Faarax Cali Taano.

Golaha Wakiilada Puntland oo u yeeray dhammaan hoggaanka ciidamada kala duwan ee maamulkaas

0

Garoowe (Caasimada Online) – Xildhibaanada Baarlamaanka Maamul Goboleedka Puntland ayaa dacwad ka gudbiyey saraakiisha ciidamada kala duwan ee maamulkaas kadib markii ay ku eedeeyeen inay ilaalin waayeen xasaanadooda kadib kulan ay Maanta ku yeesheen Magaalada Garoowe.

Xildhibaanada dsacwadda gudbiyey oo uu ugu horreeyey Xildhibaan Xaraf ayaa waxay sheegeyn inay xayiraad kala kulmeyn ciidamada Puntland iyagoo ku jira shaqo ay sheegeyn inay u qabanayeen dadka ay ku matalaan Baarlamaanka.

Guddooniyaha Golaha Wakiilada Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jabriil ayaa sheegay in inta lagu guda jiro kal-fadhiga 16-aad ay Golaha Wakiilada horkeeni doonaan dhammaan Saraakiisha Ciidamada kala duwan ee Puntland si wax looga weydiiyo ilaalinta xasaanadda Xildhibaannada.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray inay soo noq noqatay arrimaha ku saabsan xayiraada ay Ciidamada mararka qaar ku hayaan Xildhibanada Baarlamaanka Puntland.

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa sheegay in qof walba uu xor u yahay fikirkiisa iyo dhaq-dhaqaaqiisa intaba.

Cabashadaan kasoo yeertay Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada Puntland ayaa ka dambeeysay kadib markii dhowr jeer Shaqooyin iyo howlo kale oo u gaar ahaa laga hor-istaagay Xubno kamid ah Baarlamaanka Puntland.

Sidoo kale dacwadda ayaa kusoo aadeyso xilli uu jiro khilaaf u dhaxeeyo madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo hoggaanka ciidamada PSF.

Qorshe lagu xirayo boqor Buurmadow oo ka socda magaalada MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ka billowday qorshe ka dhan ah Boqor Buurmadow oo booqasho ku jooga caasimada dalka, kaasi oo lagu rabo in lagu soo xiro, kadib gef weyn oo uu ku kacay.

Boqor Cismaan Abuu Maxamuud (Buurmadow) ayaa markii u horeysay Muqdisho dhexdeeda ka shaaciyey inuu xarakada uga tacsiyadeeyay geeridii Axmed Godane, hogaamiyihii hore ee Al-Shabaab.

Waxa uu sheegay in xiligaas ay ka cabsadeen Odayaal dhaqameedkii lamidka ahaa inay ka hadlaan geerida Godane, balse asagu uu ka tacsiyadeeyay, maadama uu ahaa Nin ay tol yihiin oo reerka ka dhintay, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale waxa uu dowlad ku sheegay argagixisada Al-Shabaab, taasi oo ka talisa gudaha Soomaaliya, si lamid ah sida dowladda federaalka, sida uu hadalka u dhigay.

Qorshaha lagu soo xirayo Buurmadow ayaa waxaa hormuud ka ah Guddoomiye kuxigeenka Amniga gobolka Banaadir, Cali Yare Cali oo gudbiyey dacwad ka dhan ah Buurmadow, dalbadayna si loo xiro.

“Waxaa ayidsanahay Banaanbaxa ay shacabka Gobolka Banaadir qabanqaabadiisa wadaan si ay uga dhiidhiyaan gefkii ka soo yeeray Buurmadoow ee uu cadowga Alshabaab ku taageeray uguna aqoonsaday “Dowlad” reerkiisu maamulo,” ayuu yiri Cali Yare Cali.

“Hadalkii jeesjeeska ahaa ee Barmadoow ma noqon doono mid sidii sahlaneyd ee uu uyiri looga gudbo ee meel looga qanci karo ayaan uga soo hari doonnaa.”

Hadalka kasoo yeeray Boqor Buurmadow ayaa dad badan la yaab ku noqday, wuxuuna gef ku yahay dowladnimada, maadama koox argagixiso ah oo mana-xayaal ah la siiyo xaq “dowladnimo”.

Wararkii ugu dambeeyey dagaal ka dhacay Baydhaba

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weeraro qorsheysan oo xalay dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhigyo ciidan oo ku yaalla gudaha magaalada Baydhabo oo xarun u ah gobolka Baay ee koonfurta Soomaaliya.

Weerarka koowaad oo loo adeegsaday hoobiyeyaal ayaa waxaa lagu qaaday saldhig ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah AMISOM ay ku leeyihiin gudaha magaaladaasi, waxaana xigtay madaafiic ay dhankooda ku jawaabeen ciidamad Itoobiya ee la weeraray.

Ilo dadka deegaanka ah oo la hadlay Caasimada Online ayaa shaaca ka qaaday in weerarka uu ahaa mid culus, isla-markaana inta uu socday ay soo wajahday cabsi aad u xoogan.

Sidoo kale weerarka labaad ayaa waxaa lagu ekeeyey saldhig kale oo ciidamada Booliska Koonfur Galbeed ay ku leeyihin dhanka Suuqa Xoolaha ee magaaladaasi, waxaana lasoo wariyey inuu xigay dagaal toos ah oo dhex-maray labada dhinac, kaas oo saacado socday.

Wararka ayaa intaasi ku sii daraya in weeraradan ay geysteen khasaare u badan dhaawac, walow illaa iyo aysan faah faahin saraakiisha ammaanka ee Koonfur Galbeed.

Xaaladda ayaa maanta deggan, waxaana ciidamada ammaanka ay weeraradaasi, kadib howl-gallo qorsheysan ka sameeyeen xaafadaha qaar ee magaalada Baydhabo.

Inta badan xoogaga Al-Shabaab oo weli ku xoogan gobollada Baay iyo Bakool ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada saldhigyada ciidamada ee ku yaalla gobolladaasi.

Koonfur Galbeed ayaa waxaa haatan ka socota doorashada kuraas ka mid ah xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliiya ee ka imaanaya dhanka deegaanada maamulkaasi.

Maxaa ka jira inay heshiiyeen Deni iyo hoggaanka PSF?

0

Boosaaso (Caasimada Online) – 48-dii saac ee lasoo dhaafay kooxda Saciid Cabdullaahi Deni waxay si weyn u faafiyeen inay PSF ogolaatay heshiis iyo isbadalka ay dalbadeyn Deni iyo kooxdiisa Aaran Jaan.

Warkaan waxaa si weyn u faafiyey jamaahiirta aaminsan Saciid Deni, si aan wax uga ogolaano waxaan la xiriirnay hoggaanka PSF waxayna xaqiijiyeen inaysan jirin wax wada-hadal ah oo dhex maray hoggaanka PSF iyo Saciid Cabdullaahi Deni.

Waxay sheegeyn inay joogaan goobihii ay ka joogeyn Magaalada Boosaaso, balse ay dib uga laabteen dufeysyadii ay dhawaan dhigteyn si aysan Magaalada ugu muuqan mid colaadi ka jirto.

Deni ayaa isagana dib u celiyey ciidan uu dhawaan dul dhigay goobaha ay PSF ka dagantahay Magaalada Boosaaso.

Isimada hoggaamiya dhaqanka Puntland ayaa dhawaan la xiriiray hoggaanka ciidanka PSF iyo Saciid Cabdullaahi Deni labaduba, waxayna u sheegeyn inay masuuliyadda qaadan doonto ciddii gacan ka hadalka bilowda, balse waxaa jira warar sheegaya in kooxda Aaran Jaan ay ka go’an tahay in awood ciidan lagu kala baxo.

Waxay magaalada Garoowe ka direyn Nin la yiraahdo General Jimcaale si uu PSF ugu weeraro Magaalada Boosaaso kadib markii ciidankii halkaas u joogay ay diideyn inay weeraraan PSF.

General Jimcaale weli ma uusan tagin Boosaaso, deegaanada dhexe ayuu weli diyaar garow ka wadaa, laakiin waxaa la xaqiijiyey inuu xoogaa ka caga jiidayo inuu dagaalkaas hoggaamiyo. Ciidanka uu wato ma tiro badna marka lala barbardhigo PSF.

Saciid Deni waxaa la sheegay inuu la xiriiray ciidanka Mareykanka ee AFRICOM oo iyagu bixiya tababarka, saanadda iyo tababarka la siiyo ciidanak PSF oo hadda ka hor yimid hab-dhaqanka Saciid Cabdullaahi Deni, waxaase la sheegay inuu kala kulmay jawaab aan fiicneyn oo ah inuusan weerarin ciidanka PSF.

Somaliland oo shaacisay eedeymo yaab leh oo uu u xiran yahay weriye Coldoon

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Xafiiska Xeer Ilaalinta Somaliland ayaa soo bandhigay eedeymo uu sheegay in markale loo xiray Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo sidoo kale ah Samafale ka shaqeeya arrimaha bini-aadantimada.

Coldoon ayaa xabsiga loo taxaabay taariikhdu markay aheyd 23/08/2021, waxaana kamid ah eedeymaha loo haysto Dacaayad Qaran Dumisnimo ah, Faafinta Warar Been Abuur ah iyo Aflagaadeyn Siyaasiyiinta Golaha Sharci Dejinta Somaliland.

Qoraalka kasoo baxay Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in Coldoon uu ku kacay Ceebayn ka dhan ah Iskuulada Abaarso, Jaamacada Barwaaqo iyo ardeyda dhigata, kuwaasi oo uu sheegay in lagu dhigto wax ka baxsan dhaqanka suuban iyo shareecada Islaamka, sida lagu sheegay qoraalka.

Inta badan cadeymaha loo cuskanayo eedeymaha Coldoon ayaa waxaa laga soo min-guuriyay qoraaladiisi uu ku qori jiray bartiisa Facebook.

“Waxaa faafisay dacaayaado qaran dumisnimo ah adigoo sheegay in Abaarso iyo Jaamacada Barwaaqo la keenay bulshada aduunka ugu guracan ee sameeya waxa uu bila’aadanku daaye xayawaankuna ka xishoodo oo ah in uu Labku Labka u tago, Dhadiguna dhadiga u tago, arrintaas oo dacaayad aad u shaki galinaysa waxbarashada Somaliland.”

Waxaa xusid mudan in Markhaatiyada ku xusan waraaqda uu soo saaray Xafiiska Xeer Ilaaliyaha ay qeyb ka yihiin dhibanayaasha, midaasi oo ayaduna noqotay mid la yaab leh, maadama Dhibane uu noqon karin Markhaati.

“Waxaa Maxkamadda ka codsanaynaa inay noo mudeyso, noona cayinto goorta iyo wakhtiga la dhageysan doono dacwadan, soona saarto talaabooyinka kale ee la xidhiidha dacwadan,” ayaa ugu dambeyntiina lagu qoraalka.

Hoos ka aqriso waraaqda kasoo baxday Xeer ilaalinta

Tirada kuraasta illaa hadda la boobay, sida loo boobay iyo xaalka doorashada (Warbixin)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Doorashada Golaha Shacabka ayaa weli ka socota qeybo kamid ah dalka. Koonfur Galbeed dhowr kursi ayaa la doortay shalay iyo maanta.

Kuraasta doodu ka taagan tahay ee sida cad loo boobay waxaa kamid ah kursiga guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, wuxuuna kursigiisa ahaa HOP103.

Maamulka Koonfur Galbeed oo uu hoggaamiyo Cabdicasiis Lafta Gareen waxaa lagu eedeeyey inay Jawaari u diideen inuu is diiwaan geliyo.

Eeda kursigaan Farmaajo iyo kooxdiisa ayaa iska leh, kuwaas oo iyaguna diidanaa inay arkaan Jawaari oo mar kale qaadanaya kursiga guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Waxaa jira warar sheegaya inuu Laftagareen mar isku dayey inuu arrinta Jawaari si gaar ah u xaliyo oo uu kursiga iyo arrinta guddoonka dood kala furo, balse dhinaca Villa Somalia ayaa la sheegay inay si xoog leh u diideen qorshahaas, waxayna ku cadaadiyeen inuu kursiga dhaafiyo Jawaari, taas oo ugu dambeyn la sheegay inuu aqbalay Laftagareen.

Guddiga doorashada heer Federaal ayaa joojiyey doorashada kursigaan, laakiin looma joojin. Waxaana la filayaa in guddiga xallinta khilaafaadka uu soo celin doono natiijada kursigaas.

Kursiga labaad ee dooda ugu badan ay ka taagan tahay waa Hop#67, waxaa laga soo doortay Galmudug. Sii-hayaha Agaasimaha Hey’adda NISA Yaasiin Cabdullaahi Farey ayaa kusoo baxay kursigaan.

Buuq badan ayaa ka taagan natiijada iyo xulashada qofeed ee kursigaan. Nabadoonkii saxiixi lahaa kursigaan wuxuu joogaa magaalada Muqdisho, wuuna diiday natiijada iyo sida loo maareeyey doorashada kursigaas.

Reerka kursigaas iska leh, waxay damacsan yihiin inay doorashada kursigooda ku qabsadaan magaalada Muqdisho. Kuraas kale oo isla degmada Ceeldheer laga leeyahay oo Dhuusamareeb lagu dooran lahaa ayaa laga cabsi qabaa inay reerka iska leh uu Muqdisho ku doortaan, iyagoo ka gadoodsan sida loo wajahay kursigii HOP67.

Guddiga xallinta khilaafaadka ayaa joojiyey natiijadii kursigaan, laakiin uma badna inay ku adkeysan karaan mowqifkooda. Maamulka Galmudug wuxuu aaminsan yahay in aysan arrimahaan waxba u dhibeyn howshooda doorashada, waxayna ku doodeen inay hab-raac saxan u mareen doorshadii kursigaas.

Kursiga kale oo ay doodiisu ka taagan tahay Galmudug waa HOP54, waxaaa kursigaan lagu soo doortay Dhuusamareeb, waxaana soo qaatay Cabdishakuur Cali Mire oo isgu horey ugu fadhiyey kursigaas.

Ergo aan aheyn reerkii kursiga lahaa ayaa la sheegay inay doorashada ka qeyb galeyn. Musharixiintii diyaarka u ahaa tartanka kursigaas ayaa ku dooday in la diiday in Afartii Jufo ee uu kursiga ka dhaxeeyey ay ka qeyb galeyn doorashada.

Waxay ku baaqeyn qaar kamid ah Juffooyinka uu kursigaas ka dhaxeeyey shir deg deg ah oo ka dhacaya Magaalada Caabudwaaq kaasoo looga doodayo natiijada kursigaan oo uu qaatay Cabdishakuur Cali Mire.

Madaxweyne Farmaajo ayaa si weyn loogu dhaleeceeyey sidii uu u wajahay xaaladda kursigaan oo juffooyinka qaar sheegeyn inaan loo marin hab sax ah.

Kursiga kale oo isna ay doodiisu mucaaradku wadaan waa kursiga HOP233. Kursigaan waxaa kusoo baxay Axmed Cismaan Diiriye oo uu si weyn u caawiyey Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Waa kursi kamid ah kuwa Reer Woqooyiga, waxaana lagu doortay Magaalada Muqdisho Natiijada kursigaas waxaa dood xoog leh ka keenay laba kamid ah musharixiintii u taagnaa oo howlka ka baxay Maalintii doorashada.

Dadkii uu kursigaan ka dhaxeeyey qaarkood waxay sheegeyn in seddex jeer la badalay Ergadii Kursiga, markii u dambeysayna waxay sheegeyn inay doorashada ka qeybgaleyn Dad Reer Muqdisho ah oo aan aheyn Beeshii kursiga laheyd.

Afartaas kursi waa kuwa illaa hadda la sheegay in si toos ah loo boobay, waxay ku jiraan cinwaanada ay mucaaradka wataan, waxaaana intaas dheer dad ku andacoonayo in loo diiday isdiiwaan gelinta tartanka iyo warqaddii dambi la’aanta.

Kuraasta kale ee aan muranka badan ka taagneyn ee iyaguna soo baxay waxaa ceeb ugu filan inay ahaayeen kuwa dhammaan lasii ogaa natiijadooda, taas oo xiisihii ka qaatay doorashada Golaha Shacabka.

Xubnaha Midowga musharixiinta mucaaradka ayaa si weyn u diidan doorashadaan oo dalbanaya in la joojiyo tartanka si loo turxaan bixiyo mushruuca, laakiin Ra’isulwasaare Rooble iyo maamulada qaar uma muuqdaan kuwa taas ogol.

Yuusuf Garaad oo hal arirn soo jeediyey kadib hadalladii gefka ahaa ee Buurmadow

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar Axmed oo war ka soo saaray hadalkii Boqor Cusmaan Aw Maxamuud Buurmadow ayaa sheegay in Boqorka uu u soo jeedinayo talo walaalnimo, sidoo kale Yuusuf Garaad ayaa la taliyey wasiir ka tirsan xukuumadda Rooble oo garab taagnaa Boqor Buurmadow markii uu ku soo yeeray hadalkii ay dhibsadeen dadka Soomaaliyeed ee reer koonfurka ah.

Yuusuf Garaad ayaa qoraal uu soo saaray waxuu ugu horeyn ku sheegay in bani’aadamku uu khaldamo, laakiin ay u furan tahay in uu iska saxo qaladkii ka dhacay. “Wax kaftan gala iyo wax kale ayaa kala jira,” ayuu yiri.

“Haddii ay xog-ogaalnimo darro u geysay iyo haddii kaleba Boqor Buur – Madow waxaa ku waajibay in uu la noqdo hadalkiisii ahaa in ay Soomaaliya ka jirto laba Dowladood oo midkood ay tahay Shabaab,” ayuu yiri Yuusuf.

Sidoo kale Yuusuf Garaad ayaa Boqorka u soo jeediyey inay u furan tahay inuu dadka Soomaaliyeed ee Al-Shabaab naafeeyeen uu hadalkaas ka raali geliyo.

“Waxaa la gudboon in uu raalli-gelin ka bixiyo erayadiisii oo anigu aan u arko in ay qadaf ku yihiin Dowladda Soomaaliya, dadweynaha Soomaaliyeed, gaar ahaan ehelada dadka faraha badan ee Shabaab dilay, kuwa uu naafeeyay iyo beel-weynta Soomaaliyeed ee sharafta badan ee uu magaceeda ku sidkay arga-gixisnimo,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Yuusuf.

Dhanka kale Yuusuf Garaad ayaa wasiir ka tirsan xukuumadda Rooble oo garab taagnaa Boqor Buurmadow markii uu hadalkaas oranaayey waxuu kula taliyey inuu iska beri yeelo wixii uu ku hadlay Boqorku.

“Afkooda kama maqal, laakiin Mas’uuliyiinta garbaha ka taagnaa, oo midkood uu xubin ka yahay labada Gole ee dalka ka arrimiya, anigu ma qabo in ay Boqorka isku fikrad ka yihiin aragtidaas. Wasiirka waxaan u soo jeedin lahaa in uu iska beri yeelo ereyada culus ee aanuu oran laakiin garab istaaggiisa loo macneyn karo ka raalli ahaashada iyo shabbadda Xukuumadda,” ayuu yiri Yuusuf Garaad.

Wasiirka garab taagnaa markii uu Boqor Buurmadow dowladda ku tilmaamay Al-Shabaab! Waa Eng. Cabdullaahi Carab, wasiirka waxbarashada xukuumadda Rooble, sidoo kale wasiir Carab waa saaxiib aad ugu dhow Ra’iisul wasaaraha, halka garabka kale ee Boqor Buurmadow uu ka taagnaa Xeer ilaaliyihii hore ee dowladda Axmed Cali Daahir.

Hadalka Boqor Buurmadow ee carada ku abuuray bulshada reer koonfur ayaa ahaa, “Dadku hadalka waa ka gambadaan, laakiin anigu kama gambado, markii uu dhintay Allaha u naxariistee hoggaamiyihii xarakada Al-Shabaab Axmed Godane ayaan u tacsiyeeyey, waxaan ari ninkaas isku caqiido ma aanaan aheyn, laakiin nin tolka ah oo reerka ka dhintay ayuu ahaa, isaga iyo xarakadiisa Allaha u naxariisto, mararka qaar reer koonfurku waxay na dhahaan war reer waqooyi miyaadnaan han la heyn, maad doonataan madaxweyne iyo ra’iisul wasaare? Waxaan markaas dhahnaa war koonfur laba dowladood ayaa ka dhisan, dowladda Shabaabka beesha Dir ayaa madax ka ah, oo weliba lalama tartamo.”

Hadalkaan ayaa abuuray caro xoog leh, waxaana ka falceliyey siyaasiyiin badan oo reer koonfur ah, kuwaas oo Boqorka u soo jeediyey hadallo kala duwan, sida in uu iska diyaariyo magta dadkii ay koonfurta ku leysay kooxda Al-Shabaab iyo in uu raali gelin ka bixiyo hadalkaas oo gef ku ah dowladnimada Soomaaliya.

Wada-hadal si yaab leh ku dhamaaday oo taleefon ku dhexmaray Ilhaan iyo Boebert

Washington (Caasimada Online) – Wada-hadal taleefon oo dhex maray Ilhaan Cumar oo ka tirsan xisbiga Dimoqraadiga iyo Lauren Boebert oo Jamhuuri ah ayaa ku dhammaaday buuq kadib markii Boebert ay diiday inay si cad raali-gelin uga bixiso inay Ilhaan ku tilmaamtay halis.

Boebert ayaa dirtay taleefonka kadib markii uu soo shaac-baxay muuqaal ay Ilhaan Cumar, oo Muslim ah, ugu yeertay inay xubin ka tahay “kooxda jihaadka.”

Muuqaalka ayaa muujiyey Lauren Boebert oo leh “Ilhaan Cumar waa xubin ka mid ah kooxda jihaadka oo ka timid Minnesota, taasi oo walaalkeed guursatay.” 

“Xubintan ayaa loo ogolaaday inay ka mid noqoto Guddiga Arrimaha Dibedda ayada oo weliba amaaneysa argagixisada,” ayey tiri Lauren Boebert oo lagu tiriyo kooxaha xagjirka ee siyaasadda midigta-fog, taasi oo hadda kahor Ilhaan Cumar ugu yeertay “xubin sharafeed ka tirsan Xamas.”

Boebert ayaa bayaan ay soo saartay Jimcihii ku raali-gelisay “qof kasta oo ka mid ah bulshada Muslimka ee ay dhaawaceen hadalladeeda.”

Hase yeeshee, Boebert ayaan Isniintii muujin wax astaan dib isu qabasho ah, ayada oo soo saartay muuqaal ay ku qeexeyso wada-hadalkii teleen ee ay la yeelatay Ilhaan, waxayna laba jibaartay hadalladeedii hore.

“Ha qaldamin, waxaan sii wadi doonaa inaan si cabsi la’aan ah uga dhigo America waxa koowaad, marna aan u calool dabcin argagixisada. Nasiib darro, Ilhaan sidaas oo kale ma dhihi karto, dalkeenuna taasi waa u daran tahay,” ayey tiri Boebert. 

Ilhaan Cumar ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay fileysay raali-gelin. 

“Intii ay raali-gelin ka bixin laheyd hadalladeeda Islaam naceybka ah iyo beenta ay abuurtay, Boebert waxay diiday inay si shaacsan u qirato hadalladeeda halista iyo naceybka ah. Waxay taa beddelkeed laba jibaartay hadalladeeda, anigana waxaan go’aansaday inaan dhammeeyo taleefonkii aan miro-dhalka aheyn,” ayey tiri Ilhaan. 

Ilhaan iyo Rashida Tlaib, oo asal ahaan ah Falastiini, ayaa ahaa labadii gabdhood ee ugu horreeyey ee Muslim ah ee loo doorto Aqalka Wakiilada Mareykanka

Tan iyo markii ay kusoo biireen Congress-ka ayaa waxay la kulmayeen weeraro Islaam naceyb ah oo uga imanaya warbaahinta midigta iyo siyaasiyiinta Jamhuuriga, oo uu ka mid yahay madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump. 

Waxay naceybkan inta badan ku muteystaan inay dhaliilaan siyaasadda iyo dhibaatada ay Isarel ku hayso shacabka Falastiin. 

Xildhibaan FIQI oo jawaab kulul ka bixiyey hadalkii gefka ahaa Boqor Buurmadow

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi oo sidoo kale Mudane ka tirsan xildhibaanada golaha shacabka ee waqtigoodu dhamaaday ayaa si adag u naqdiyey hadal uu Boqor Buurmadow ka sheegay munaasibad lagu soo dhaweynayay magaalada Muqdisho.

Boqor Cismaan Abuu Maxamuud (Buurmadow) ayaa markii u horeysay Muqdisho dhexdeeda ka shaaciyey inuu xarakada uga tacsiyadeeyay geeridii Axmed Godane, hogaamiyihii hore ee Al-Shabaab.

Waxa uu sheegay in xiligaas ay ka cabsadeen Odayaal dhaqameedkii lamidka ahaa inay ka hadlaan geerida Godane, balse asagu uu ka tacsiyadeeyay, maadama uu ahaa Nin ay tol yihiin oo reerka ka dhintay, sida uu hadalka u dhigay.

Fiqi oo daba socda hadalka Buurmadow ayaa sheegay in looga fadhiyo inuu diyaariyo magdhowgii dadkii kumanaanka ahaa ee uu Godane iyo xarakadiisa Shabaab ay laayeen intii ay gumaadka ku hayeen shacabka Soomaaliyeed.

“Boqor Buurmadow haddii uu ka samafalay dadkii Laascaanood sida aan wanaagsanayn looga soo tarxiilay, waxaa looga fadhiyaa in uu diyaariyo magdhowgii dadkii kumanaanka ahaa ee Godane iyo xarakadiisu ay laayeen!,” ayuu Fiqi ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

“Hadalka uu ka horsheegey dhibanayaashii Godane iyo xarakadiisa argagixisada ah ay ehelkoodii laayeen waxaa loo qaadan karaa ku digasho iyo in aysan boqorka u qiyaasnayn xajmiga kalimadaas ay leedahay iyo saamaynta xun ee ay ku reebeyso dadka ay dhibaataysay argagixisada iyo hogaamiyahooda uu naxariista u muujiyey.”

Sidoo kale waxa uu dalbaday in Boqor Buurmadow uu raali-gelin deg deg ah ka bixiyo hadalkaas, kaasi oo dib u damqaya boogaha uur ku taalada ee xarakada Shabaab ku reeben quluubta shacabka Soomaaliyeed.

“Boqorku hadalkaas waa inuu cudurdaar ka bixiyaa, iskumana qalanto sida loo maamuusay iyo boogaha uu damqiyey!”