26.3 C
Mogadishu
Thursday, July 2, 2026

Somaliland oo xukun adag ku ridday afar askari + Sababta

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Maxkamadda ciidamada Somaliland ayaa maanta soo gaba-gabeysay dhageysiga dacwad loo heestay afar askari oo ka tirsan ciidamada Booliska maamulkaasi, kana howl-galayey magaalada Ceerigaabo oo ka tirsan gobolka Sanaag.

Maxkamadda ayaa askartan ku heshay inay fal kufsi ah u geysteen gabar 13 jir ah, kaas oo bartamihii sanadkan ka dhacay deegaanka Ceel-afweyn ee isla gobolkaasi.

Sidoo kale maxkamadeynta askartan ayaa soo martay marxalada kala duwan, waxaana ugu dambeyn ay maxkamaddu soo gabagabeysay kiiska ka dhanka ah 4-taasi askari.

Garsooraha maxkamadda ayaa shaaciyey in raggan lagu helay dambiga lagu soo eedeeyey, isla-markaana lagu xukun min 7 sano oo xabsi ciidan ah.

Dhanka kale maxkamadda ayaa sii deysay laba eedeysane oo kale, kadib lagu waayey inay ku lug lahaayeen falka kufsiga ah ee loo geystay gabadha yar ee 13-ka jirka aha.

Fadhiga maxkamadda waxaa sidoo kale ku sugnaa ehellada gabadha dhibka loo geystay iyo sidoo kale ehellada askarta la xukumay oo goobjoog ahaa go’aanka la ridday.

Waalidiinta dhalay gabadha la kufsaday oo muddo sugayey cadaaladda ayaa soo dhoweeyey xukunka  adag ee lagu ridday afarta nin ee lagu helay inay geysteen falkaasi.

Si kastaba, Somaliland ayaa horay xukuno kala duwan ugu ridday rag lagu soo edeeyey kufsiyo ka dhacay maamulkaasi, kadib markii gacanta ku soo dhigeen ciidanka ammaanka.

NISA oo Muqdisho ‘ku dishay’ 12 xubnood oo Shabaab ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal kooban oo hey’adda NISA ay ku baahisay barteeda Twitterka ayaa lagu shaaciyey in 12 xubnood oo ka tirsanaa dagaalamayaasha Al-Shabaab ay caawa Muqdisho ku dileen ciidamada ammaanka.

Qoraalka waxaa lagu sheegay in bartilmaameedku ahaa 15 xubnood oo Shabaab ah, balse la dilay 12 ka mid ah ragaas. 

“Howlgal gaar ah ayaa caawa lagu beegsaday 15 sargaal oo  Maafiyada AS u qaabilsanaa  khalkhal-gelinta Amniga Caasimadda Muqdisho. Waxaana ku dhintay 12 kamid ah Argagixisada. Waa waajib qaran  ilaalinta amniga iyo bedbaada umadda Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka NISA.

Hey’addu qoraalkan kuma cadeyn goobta rasmiga ah ee uu ka dhacay howlgalkaan lagu dilay 12 qof, markii laga reebo in la xusay in howlgalku ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho.

Sidoo kale qoraalka NISA laguma kala cadeyn in la qabtay iyo inay baxsadeen 3-dii xubnood ee kale, maadaama qoraalkaan lagu sheegay in la dilay 12-xubnood oo ka mid ahaa 15 Shabaab ah oo la bartilmaameedsanayey.

Ma jirto ilaa hadda cid ka madax-bannaan NISA oo xaqiijisay dilka 12-kaas Shabaabka ah, sidoo kale weli lama ogaan halka ama xaafadda uu ka dhacay howlgalkan ay shaacisay NISA.

NISA ayaa maalmihii tegay xoojisay howlgallada Muqdisho. Howlgal ay hay’adda Muqdisho ka fulisay saddex maalmood kahor lagu soo qabtay saddex sarkaal oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, oo ku sugnaa xaafadda Suuqa Xoolaha.

Sidoo kale waxa hay’adda nabad sugidda shaacisay inay ciidamadu soo qabteen keyd hub ah oo Al-Shabaab ku lahaayeen, kaasoo oo ka koobnaa noocyada kala duwan ee hubka iyo walxo ay u adeegsanayeen inay ku sameeyaan qaraxyada, sida lagu sheegay qoraalka.

NISA ayaa dhinaca kale u mahadcelisay dadka shacabka ee xogta lasoo wadaagay, isla-markaana kala shaqeeyey howl-galkaasi.

”Waxaa mar walba mudan oo ciidamada NISA aad ugu mahad-celinayaan bulshada Soomaaliyeed oo haatan aad ula shaqeeyey laamaha sirdoonka qaranka,” ayey tiri NISA.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii 

Beledweyne: Caruur isku qoys ah oo ku geeriyootay hoobiye ku dhacay gurigooda

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xalay dagaal u dhexeeyey Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa AMISOM uu ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Beledweyne ee gobolkaasi.

Dagaalka ayaa ku billowday weerar loo adeegsaday madaafiic, kaas oo markii dambe isku beddalay iska hor imaad toos ah oo dhex-maray labada dhinac, kaas oo geystay khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Wararka ayaa sheegaya in hoobiyeyaasha ay sababeen dhimasho saddex caruur ah oo isku qoys ahaa iyo dhaawac laba kale, kadib markii uu madfac habaaw ah ugu tegay gurigooda oo ku yaalla xaafadda Hanti-Wadaag oo ka tirsan xaafadaha magaalada Beledweyne.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in dagaalka xoogiisa uu ka dhacay galbeedka magaalada oo ay inta badan weeraro ku soo qaadaan xoogaga Al-Shabaab.

Weli ma jiro wax faah faahin ah oo ay bixiyeen saraakiisha laamaha ammaanka, balse waxaa haatan socda baaritaano dheeraad ah oo ay wadaan ciidamada ammaanka.

Xaaladda ayaa saaka deggan, balse dadka deegaanka ayaa waxaa soo wajahay cabsi xoogan oo ka dhalatay weerarkaasi sababay dhimashada iyo dhaawaca caruurta.

Beledweyne ayaa ka mid ah magaalooyinka waa weyn ee loo qorsheeyey inay ka dhacaan doorashooyinka dalka, gaar ahaan mida xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya.

Si kastaba, kooxda Al-Shabaab ayaa weli heysata deegaano ku yaalla gobolka Hiiraan, waxaana ugu yaalla xarumo muhiim ah, sida saldhigyo ciidan iyo maxkamaddo.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

PUNTLAND oo xukun adag ku riday lix qof + Sababta

0

Garoowe (Caasimada Online) – Maxkamada darajada 1-aad ee gobolka Nugaal ee Puntland ayaa waxay xukun ku riday ku dhawaad 6 rag ah, kuwaasi oo lagu soo qabtay inay ka ganacsanayaaeen maandooriyaha noociisa Khamriga.

Maxkamadeynta raggaan ayaa soo martay heerar kala duwan, waxaana lagu soo qabtay howl-gal ay ciidamada ka sameeyeen xaafado kamid ah magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.

Xeer ilaaliyaha oo soo eedeyay raggaan ayaa waxaa lagu kala xukumay min 5 sano oo xabsi ah iyo ganaax lacageed, sida uu ku dhawaaqay mid kamid ah garsoorayaasha Maxkamada darajada 1-aad ee gobolka Nugaal.

Maxkamadeyntan raggaan ayaa waxay imaneysa xili ay ciidamada Puntland dagaal adag kula jiraan ka ganacsiga maandooriyaha, gaar ahaan Khamriga oo si weyn ugu soo bataya deegaanadeeda.

Sidoo kale waxay qeyb ka yihiin howl-galo kala duwan oo ciidamada Puntland ka sameeyen magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo, kuwaasi oo ka dhan ah ka ganacsiga maandooriyaha.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Macnaha weyn ee ku jiray qoraalkii mucaaradka iyo xaalada Muqdisho geli karto

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Mucaaradka Soomaaliya ayaa si weyn u diiday hannaanka doorashada ee Golaha Shacabka. Qoraal ay xalay soo saareen ayey ku sheegeen in waxa wadanka ka socdo aysan aheyn doorasho, balse ay yihiin boob iyo ku takrifal, taas oo dalka u horseedi doonto xasilooni darro iyo burbur soo deg dega.

Mucaaradka waxay sheegeen in aysan qeyb ka aheyn waxa socda aysana qeyb ka noqon doonin. Waxay sheegeen in aysan jirin ergo la xulay, la diiwaan geliyey, la tababaray oo ay hubiyeen guddiyada doorashooyinka.

Waxay kaloo sheegeen inay soo xaqiijiyeen in ergooyin laga dhigay shaqaalihii rayadka ee Dowladda, Ciidankii iyo dad aan mararka qaar ku heyb aheyn Qabiilkii Kursiga lahaa.

Waxay kaloo soo xigteen in dadka qaar loo diiday isdiiwaan gelinta tartanka kuraasta XIldhibaanada. Xildhibaano hore ayaa loo diiday inay is diiwaan geliyaan, kuwa xaq u lahaa ayaa sidoo kale loo diiday, halka mucaaradka ay sidoo kale ku doodeen in la diiwaan geliyey xubno aan soo buuxin shuruudihii isdiiwaan gelinta xildhibaanka.

Waxay ku andacoodeyn inay meesha ka baxday madax-banaanadii iyo dhex-dhexaadnimadii guddiyada doorashooyinka. Arrimahaan waa kuwa keenay in mucaaradka diidaan ka qeyb ahaashaha doorshada socoto.

Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayey si weyn u eedeeyeen mucaaradku, waxay sheegeen inay Rooble ka dalbadeen inuu doorashada joojiyo, sidaasna la isku ogaa, laakiin taas badalkeeda waxay sheegeen in Ra’isul Wasaaraha uu bogaadiyey madaxda maamul Goboleedyada ee eeda loo heystay, isagoo ka dalbaday inay soo saaraan Kuraas kale, taas oo ka duwan wixii ay macaaradka kula ballameen Rooble.

Madaxda mucaaradka waxay sheegeen in wixii dhibaato ah oo ka dhasha doorashada boobka ah inay qaadanayaan madaxda maamulada yo madaxda xukuumadda Federaalka.

Waa markii koowaad oo mucaaradku toos u wajahaan madaxda maamulada oo ay eedooda saaraan. Mucaaradka waxaa markii hore lagu eedeyn jiray inay ka war wareegayaan eedeynta madaxda maamulada oo ah cidda marna doorashada daahisa, haddana loo heysto inay boob ku bilaabeen doorashadii.

Mudaaradka waxay sheegeen in aysan sidaan ku fiirsan karin xaalka dalka oo ay bilaabayaan wada-tashiyo ay la yeelanayaan qeybaha bulshada si loo helo wax ay ugu yeereen Xal-Qaran oo lagu badbaadin karo dowladimada Soomaaliya.

Halkaas waxaa ka cad inay mucaaradka u dhaqaaqeyn jiho ka duwan tii doorashada oo ah inay iyaguna raadiyaan xal jeebkooda ah kaas oo loo badinayo inay rabaan inay ku dhisaan Gole Qaran oo dalka gaarsiiya doorashooyin loo dhan yahay, sida ay aamisan yihiin.

Shirarka mucaaradka ayaa weli soo socon doona, iyadoo la filayo inay gogosha ballaariyaan si ay ula hadlaan dadkii ugu diriray wajigii koowaad ee gulufkii lagu fashiliyey muddo kororsiga.

Qoraalkii xalay kasoo baxay mucaaradka nuxurkiisa wuxuu ahaa:

1)  Inay gebi ahaanba diideen doorashada socota.

2)  Inay rabaan inay wax u gooni ah dhisaan, balse nooca ay u dhisayaan ay weli taladeedu socoto.

3) Inay jirin wax jawaab ah oo isugu dhiman iyaga iyo Ra’isul wasaare Rooble oo markii hore la filayey inuu xallin doono tabashadooda.

4) In Muqdisho ay geli karto xaalad cusub oo aan lasii odorosi karin.

5) Inay hoos u dhacday rajadii laga qabay doorasho loo dhan yahay oo ka dhacda Soomaaliya.

6) Iyo inuu soo noqday walaacii ku saabsanaa in uusan dalka si nabad ah kaga gudbi karin xilliga kala guurka ah.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

2 kursi oo go’aamin doona mustaqbalka guddiga xalinta khilaafaadka doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga xalinta khilaafaadka doorashada Soomaaliya ayaa wajahaya tijaabo adag, oo xaqiijin karta waxa dhab ahaan guddiga uu yahay ama uu isaga fogeyn karo xiriirka la rumeysan yahay inuu kala dhaxeeyo Villa Somalia.

Guddigan ayaa waxaa horyaalla cabashooyin badan oo ku aadan kuraas la boobay, hase yeeshee waxaa si gaar ah isha loogu hayaa laba kursi oo miisaan culus oo go’aan qaadashadooda aysan fududeyn.

Labadaas kursi ayaa kala ah; HOP#67 iyo HOP#103. Midka koowaad waa kii loo boobay taliyaha ku-meel gaarka ah ee NISA Yaasiin Farey, kan labadaana waa kii laga boobay guddoomiye Maxamed Cusmaan Jawaari.

Sida loo maareeyey labada kursi waxay caddeyn u noqdeen awoodda madaxweyne Farmaajo iyo sida uu gacanta ugu hayo inta badan maamulka doorashada. Yaasiin Farey waa nin uu watay, Jawaarina waa nin ay ka go’neyd inuu meesha ka saaro.

Hadda, guddiga doorashada waxaa hortaalla su’aal adag: Ma wuxuu isku xaqiijin doonaa inuu hoos tago Villa Somalia, sida markii horeba la rumeysnaa, mise wuxuu caddeyn doonaa inuu yahay guddi madax-banaan.

Haddii guddiga xalinta khilaafaadka ay waxba kama jiraan kasoo qaadaan cabashooyinka laga gudbiyey labadan kursi; waxay caddeyn u noqon doontaa inuusan jirin guddi xalin khilaafaad balse murashaxiinta xildhibaan iyo odayaasha beelaha ay la macaamilayaan guddi hoos taga Villa Somalia, mana dhici doonto in mar dambe cabasho loo gudbiyo.

Balse haddii guddiga uu soo diido labadii doorasho ku sheeg ee kuraasta HOP#67 iyo HOP#103, waxay dib u hagaajin kartaa magaca iyo sumcadda guddiga, waxayna kalsooni badan siin kartaa murashaxiin iyo qabaa’il badan.

Guddiga wuxuu horey u lumiyey kalsooni badan kadib markii uu ansixiyey kursigii uu sida cad u boobay ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed.

Su’aasha hadda waxay tahay, guddiga dib ma usoo celin doonaa kalsoonidii luntay, mise wuxuu daaqadda ka tuuri doonaa inta yar ee u hartay.

Ma ahan go’aan ay sahlan tahay inay xubnaha guddigan qaataan, sababtoo ah waxa horyaalla ma ahan oo kaliya inay laba kursi go’aamiyaan, balse waa inay diyaar u yihiin inay ka tagaan kumanaanka dollar ee xubnaha guddiga laga siiyo Villa Somalia, ayaga oo ilaashanaya damiirkooda, dalkana ka badbaadinaya dagaal sokeeyey.

Wararka qaar ayaa sheegaya inay suurta-gal tahay in guddiga uu ansixiyo kursiga Yaasiin Farey, balse diido kursiga Jawaari, maadaama kan koowaad uu muhiim u yahay Farmaajo. Sidoo kale, miisaanka siyaasadeed ee Jawaari wuxuu soo jeediyey indhaha beesha caalamka.

Sidaas darteed, ha la yaabin haddii arrintan lagu dhameeyo 1-1, balse taasi sooma celin doonto wax kalsooni ah, inkasta oo dadka aan fahansaneyn cayaaraha siyaasadeed lagu qaldi karo.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Haweenay ay Al-Shabaab ‘tababareen’ oo lagu arkay dhoolatus ka dhacay dalka…

0

Nairobi (Caasimada Online) – Ciidamada dambi baarista Kenya ayaa xabsiga u taxaabay haweenay looga shakisan yahay inay xiriir la leedahay kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta gudaha Soomaaliya iyo xuduuda Kenya.

Agaasimaha waaxda dambi baarista, George Kinoti ayaa sheegay in ciidamo fadhigoodu yahay saldhiga Soghor ay xabsiga u taxaabeen haweenaydaas, oo la sheegay inay ka qayb-gashay dhoolatuska qoritaanka askarta cusub ee milatariga Kenya.

“Haweeneydu waxay u sheegtay dambi-baarayaasha inay Soomaaliya ku sugnayd laba sano, iyadoo sheegtay in ay Al-Shabab ka afduubteen deegaanka Kilifi, sannadkii 2019,” ayuu yiri George Kinoti.

Ciidamada Kenya ayaa sheegay in haweenaydu ay qiratay in la baray xirfado ku saabsan maaraynta hubka, afduubka, isticmaalka walxaha qarxa iyo sidoo kale xirfado kale

Haweeneyda looga shakisan yahay inay xiriir la leedahay kooxda Al-Shabaab ayaa fiidnimadii Talaadadii lagu xiray deegaanka Tinderet ee gobolka Nandi.

Xariga haweenaydan ayaa imanaya maalmo kadib markii madaxweynaha Kenya uu bixiyey amar guud oo la xiriira amaanka guud ee dalkaas, kadib weeraro baqdin geliyay oo ka dhacay Uganda.

Kenya ayaa feejignaan dheeri ah ku jirta tan iyo markii ay kasoo dartay cabsida laga qabo in dalkaas ay ka dhacaan falal argagixiso.

Dowladda Kenya ayaa kamid ah dalalka ciidamada ku taageera Soomaaliya, kuwaasi oo qeyb ka ah dagaalka lagula jiro argagixisada Al-Shabaab, oo ayagu ku sugan qeybo kamid ah dalka.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Saciid Deni oo shaaciyey inuu go’aan ka gaaray waxa uu ka yeelayo ciidanka gadooday

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo mar kale ka hadlay xiisadda ka taagan Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa sheegay in maamulkiisa uu go’aan ku gaaray in la ciribtiro ciidamada iyo Hay’adaha sida gaarka ah u hoostaga shaqsiyaad gaar ah.

Deni ayaa tilmaamay in dhibaato weyn ay ka dhalaneyso marka ciidamada iyo Hay’adaha ay maamulayaan qoys ama shaqsiyaad gaar ah, wuxuuna sheegay in dhibaatooyinkaas ay kamid tahay in danaha dadkaan ay ka hormariyaan tan guud, sida uu hadalka u dhigay.

“Dalkaan hal dowlad ayuu yeelanayaa, Hal ciidan ayuu yeelanayaa oo ma aqbali karno ciidamo rag leeyihiin, markii aan imaanayay waxa aan maqlayay nin weliba 2% ayuu dakhliga ku leeyahay, Maalintii ugu horreysay ayaan ka taqalusnay, ciidamo hebel leeyihiin dabayaaqadooda ayaa socda,” ayuu yiri Deni.

Saciid Deni ayaa ku faanay in maamulkiisa uu wax badan ka qabtay dhibaato uu sheegay inay ka taagneyd waqooyiga Gaalkacyo, taasoo uu sheegay inay wax ka qaban waayeen maamuladii isaga ka horreeyey.

“Waxa aan Gaalkacyo tagnay iyada oo 30 wiil magaaladii oo dhan ciroole iyo caamo ay baryayaan, waxa aan wax ku qabsan karnaa waa sharci oo haddii la waayo ay u dhumeyso awoodda dowladda, dadka maamulka gacanta ku haya waxa aan ku wargelinayaa in aysan dadka ku takrifalin,” ayuu yiri Deni.

Hadalka madaxweynaha Puntland Saciiid Deni ayaa kusoo aadayo xilli uu khilaaf weyn kala dhaxeeyo hoggaankii hore ciidamada PSF ee uu xilka ka qaaday, kaasoo ka dhashay diidamada xil ka-qaadis uu ku sameeyey taliyaha ciidamadaas.

Wararka naga soo gaaraya gobolka Bari ayaa sheegaya in weli xiisad xoogan ay ka taagan tahay gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolkaasi, taas oo u dhexeysa madaxweynaha maamulka Puntland iyo saraakiisha ciidamada PSF-ta.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa ayaa innoo sheegay in dhaq-dhaqaaq horleh xalay iyo saaka laga dareemay magaalada, taas oo ay wadaan ciidamada labada dhinac.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in qoysaska qaar ay ka barakaceen guryahooda, kadib markii sii korortay cabsida laga qabo in dagaal uu ka qarxuo halkaasi.

Xaaladda ayaa kasii dartay markii Deni uu ciidamo horleh ku daabulay gudaha Boosaaso, halka dhankooda ay dhuufeyso magaalada ka dhexe sameysteen ciidamada PSF-ta.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Xog: Saciid Deni, Axmed Madoobe iyo mucaaradka oo raba inay isku soo laabtan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha Midowga musharixiinta mucaaradka ayaa lasoo tabinayaa inay dib wada-hadal ula fureen hoggaamiyeyaasha Puntland iyo Jubbaland Saciid Deni iyo Axmed Madoobe.

Labadaan hoggaamiye goboleed iyo midowga musharixiinta mucaaradka ayaan isku fiicneyn bilihii lasoo dhaafay, waxaana kala tagooda sabab looga dhigay ballan ka bax la sheegay inuu Deni sameeyey iyo hadalo labada dhinac laga xigtay oo aan u fiicneyn rag hal Aag kuwada jiri jiray.

Midowga musharixiinta mucaaradka ayaa kulamo uga socday Caasimadda Muqdisho waxay ku qaadaceen doorashada dalka. Dhinaca kale, waxaa jira warar sheegaya inay la xiriireen saraakiishii Badbaado Qaran ee hoggaamisay dagaalkii hore, iyagoo kala xaajoonaya xaaladaan soo cusboonaatay.

Inay xamar gasho xiisad cusub waxay hakin kartaa doorashada guud, kamana taagna dood badan. Mucaaradka qaar waxaa u muuqata in aysan kaligood hakin karin doorashada, haddii aysan helin Deni iyo Axmed Madoobe.

Labadaan nin ayaan weli bilaabin doorashada Golaha Shacabka, mana rabaan inay bilaabaan, iyadoo aan xal loo helin xaaladaha taagan sida tirada Ergada iyo deegaan doorashada.

Waxay kaloo qiimeynayaan sida loo wajaho ama looga hortago maamul goboleedyada illaa hadda kuraasta lagu boobay.

Isku soo laabashada Saciid Deni, Axmed Madoobe iyo mucaaradka uma fiicna Farmaajo, sida ay labadaas nin iyo mucaaradka isku aamini karaan mar kale ayaan caddeyn.

Wad-hadaladaan cusub waxaa hormuud u ah siyaasiyiin ka tirsan midowga musharixiinta mucaaradka oo ay waayadii dambe isku furnaayeen hoggaamiyaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Saciid Deni dagaalkii hore ee Muqdisho ka dhacay waxaa la sheegay inuu gacan maaliyadeed ku lahaa, laakiin inuu mar kale diyaar u yahay inuu wax ku huro golof cusub ayaan faham badan laga heysan.

Maxamuud Shido oo madax ka ah kooxda loo jaqaan Aaran Jaan ee la sheego inay Saciid Deni la maamusho Puntland ayaa dhawaan safar ku yimid magaalada Muqdisho, waxaa la sheegay inuu Airport Hotel kula kulmay xubno ka tirsan midowga musharixiinta.

Waxybaaha ay sida weyn uga hada-hadleen waxaa kamid aheyd sida Deni iyo mucaaradka ay mar kale isku saf isku noqon karaan, iyadoo mucaaradka weli 100% aheyn, lagana gudbo mad madowga ka dhex jira Deni iyo mucaaradka.

Dadka ku nool magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxay aad uga walaacsan yihiin guluf cusub haddii la diido in loo joojiyo cabashada mucaaradka.

Kooxaha doorashada gacanta ku haya qaarkood waxay u muuqdaan niman aan akhrin karin waxa ka dhallan kara doorasho la boobo.

Soomaaliya iyo dalalka ku hareereysan waxay intaba dhadhamiyeen, qaarna ay hadda gacanta ku hayaan doorasho la boobay ama loo maareeyey si aan heshiis lagu aheyn caqabadihii ka dhashay.

Kooxda madaxweyne Farmaajo iyaga si wacan ayey ugu raaxeysanayaan shaqada socoto, maadaama dadka la isku heysto illaa hadda ee kuraasta loo boobay yihiin dad ay iyaga wateen, waxaa maalmaha soo socoda la eegayaa waxa iska badala iyo natiijada sida ay hadda wax ku socdaan.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

XIJAAR oo xil ka-qaadis ku sameeyay taliyaha magaalo ka mid ah degaan doorashada

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed, General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar), ahna guddoomiyaha guddiga amniga doorashooyinka ayaa maanta wareegtu uu soo saaray ku sameeyay xil ka qaadi siyo magacaabis.

Taliye Xijaar ayaa xilkii ka qaaday Taliyihii ciidamada booliska ee magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, Gaashaanle Maxamed Qorsheel, isaga oo ku bedelay Maxamed Xuseen Maxamuud (Duurdege).

Taliye Duurdege ayaa badalaya Gaashaanle Qorsheel oo ahaa Taliyihii ciidamada booliska ee magaalada Beledweyne oo kamid ah magaalooyinka loo asteeyay inay ka qabsoomaan doorashooyinka dalka.

Sarkaalka cusub ee la magacaabay ayaa horey uga tirsanaa Hoggaanka Ciidamada booliska wuxuuna kasoo shaqeeyay gobolada koofurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Waxaa xusid mudan in Gaashaanle Maxamed Qoorsheel uu ku mashquulsanaa nabadgalyada Magaalada Baladweyne oo ay ka dhaceyso Doorashada qaar kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya. Lamana oga sababta soo dadajisay xil ka qaadistiisa.

Dhawaan ayaa la filayaa in doorashada Golaha Shacabka ka qabsoomto magaalada Beledweyne, waxaana amnigeeda iska kaashan doona ciidamada Booliska Beledweyne iyo kuw AMISOM.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Trump oo sabab yaab leh ugu baaqay Ilhaan Cumar inay raali-gelin siiso Soomaaliya

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa bayaan uu soo saaray ku dalbaday in Ilhan Omar oo ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka ay raali-gelin ka bixiso “inay ka tagtay dalkeedii hore ee Soomaaliya.”

“Ilhan Omar waa inay raali-gelin ka bixiso inay guursatay walaalkeed, gashay dambi baaxad weyn oo ah khiyaano doorasho iyo mid socdaal, ay dhimasho u rajeysay Israel, ayna dayacday dalkeedii hore, kaasi oo xitaa aan dowlad laheyn – oo ah waxa ay jeclaan laheyd inay aragto in Mareykanka uu noqdo,” ayuu Trump ku yiri bayaanka uu soo saaray. 

Ilhan Omar, oo laga soo doorto gobolka Minnesota, ayaa ku dhalatay Soomaaliya 1982-kii, waxayna magan-galyo ku timid Mareykanka 1995-kii ayada oo caruur ah.

Trump ayaa sidoo kale qoraal uu twitter-ka soo dhigay July 2019 wuxuu ugu sheegay in Ilhan iyo saddex xubnood oo kale oo ka tirsan xisbiga Dimoqraadiga “inay ku laabteen meelaha ay dambiyada la dageen ee ay ka yimaadeen, ayna xaliyaan.”

Ilhan ayaa marar badan lagu eedeeyey in Ahmed Nur Said Elmi oo ah seygeedii hore, uu dhab ahaan yahay walaalkeeda, balse ay Mareykanka ku keentay inuu yahay ninkeeda. 

Ilhan ayaa hadalladaas ugu yeertay “aflagaado iyo doqonnimo” waxayna 2016-kii baahisay bayaan dheer oo ay uga hadleyso sooyaalka guurkeeda. 

Weerarka cusub ee Trump uu ku qaaday Ilhan ayaa yimid ayada oo sidoo kale dhowaan ay Lauren Boebert oo ah gabar Jamhuuri ah oo ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka ay sheegtay in Ilhan ay ka tirsan tahay “kooxda jihaadka.”

Ilhaan iyo Rashida Tlaib, oo asal ahaan ah Falastiini, ayaa ahaa labadii gabdhood ee ugu horreeyey ee Muslim ah ee loo doorto Aqalka Wakiilada Mareykanka

Tan iyo markii ay kusoo biireen Congress-ka ayaa waxay la kulmayeen weeraro Islaam naceyb ah oo uga imanaya warbaahinta midigta iyo siyaasiyiinta Jamhuuriga, oo uu ka mid yahay madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump. 

Waxay naceybkan inta badan ku muteystaan inay dhaliilaan siyaasadda iyo dhibaatada ay Isarel ku hayso shacabka Falastiin. 

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

R/W ROOBLE oo soo saaray go’aan la xiriira hunfnaanta doorashooyinka dalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Ibraahim Macallimu oo qoraal soo saaray ayaa shaaciyey go’aanka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ee ku aadan hunfnaanta doorashooyinka Golaha Shacabka ee ka socda dalka.

Macallimuu ayaa sheegay in Maxamed Xuseen Roobe ay ka go’an tahay in la dhawro hufnaanta doorashada, isaga oo kaashanaya maamul goboleedyada iyo guddiyada kale.

“Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble waxa ka go’an isaga oo kaashanaya Golaha Wadatashiga Qaranka in la dhawro hufnaanta doorashada , waana sababta uu had iyo jeer guddiyada kala duwan ee doorashooyinka iyo guddiga xallinta khilaafaadka kulamada uu la yeesho uu ugu adkeeyo in ay doorashada u maamulaan si daahfuran,” ayuu yiri Macallimu.

Sidoo kale wuxuun intaasi ku daray in markastaa oo shaqo la qabto ay imaaneysoc cilad, balse loo baahan yahay in xallinteeda loo maro hanaan waafaqsan shuruucda dalka.

“Doorasho marka la fulinayo waa xaqiiqo in ay cillado la soo baxayaan ,balse hadii ay qaladaad dhacaan waa in sixitaankooda loo maraa hab waafaqasan habraacyada doorashada ee aaney noqon mid caadifad ku dhisan , waxana awoodaas iska leh guddiyada u xilsaaran howshaas,” ayuu markale yiri afhayeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Waxa kale oo uu intaasi raaciyey ”Ra’iisul wasaaruhu maaha garsoore seeri la taagan oo kiis walba laga doonayo inuu gaar u xalliyo,”.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya loo gudbiyey cabasho la xiriira doorashada Golaha Shacabka, isaga oo kadib kula la qaatay xubnaha Golaha Wada-tashiga Qaran oo uu si gaar ah ugula hadlay daah-furnaanta doorashada 2021-ka.

Soomaaliya ayaa ku daahday xaaladda kala guurka ah ee ka dhalatay doorashooyinka dalka baarlamaanka & tana madaxweynaha  oo kadib dhacday waqtiga loo qorsheeyey.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Wararkii ugu dambeeyey ee xaaladda BOOSAASO iyo BARAKAC ka billowday

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Bari ayaa sheegaya in weli xiisad xoogan ay ka taagan tahay gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolkaasi, taas oo u dhexeysa madaxweynaha maamulka Puntland iyo saraakiisha ciidamada PSF-ta.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa ayaa innoo sheegay in dhaq-dhaqaaq horleh xalay iyo saaka laga dareemay magaalada, taas oo ay wadaan ciidamada labada dhinac.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in qoysaska qaar ay ka barakaceen guryahooda, kadib markii sii korortay cabsida laga qabo in dagaal uu ka qarxuo halkaasi.

Xaaladda ayaa kasii dartay markii Deni uu ciidamo horleh ku daabulay gudaha Boosaaso, halka dhankooda ay dhuufeyso magaalada ka dhexe sameysteen ciidamada PSF-ta.

Dhinaca kale waxaa isa soo taraya baaqyada loo dirayo labada dhinac, waxaana ismidada Puntland oo shir ka yeeshay xaalka Boosaaso ay ku baaqeen in la wada-hadlo.

Xiisaddan ayaa hal todobaad jirsatay, waxaana ay ka dhalatay, markii uu Saciid Deni xilka ka qaaday agaasimaha hay’adda PSF isla-markaana u magacaabay agaasime cusub.

PSF-ta ayaa waxaa tababara Mareykanka, isla-markaana siiya mushaaraadkooda iyo qalabkooda, waana ciidamo gaar ah oo loogu talagalay la dirirka Al-Shabaab & Daacish.

Arrimahan soo kordhay iyo xaaladda qasan ee Puntland ayaa ku soo aadeyso, xilli dalka uu jiro xaalad kala guur ah iyo marxalad doorashooyin oo ay ka taagan tahay dood xoogan.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Maxaa ka soo kordhay kursigii Prof. Jawaari ee HOP#103?

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Xubnaha Guddiyada doorashooyinka heer federaal iyo heer dowlad goboleed ayaa kulan Baydhabo kula qaatay madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen), waxayna ka wada-hadleen xaaladaha ka soo kordhay doorashooyinka, gaar ahaan cabashada ka timid kuraasta illaa iyo hadda la doortay.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka ee heer federal, Mudane Maxamed Xasan Maxamed (Cirro) oo u warramay wariyeyaasha ayaa kulanka kadib ka warbixiyey waxyaabaha ay diiradda saareen guddiyada doorashooyinka iyo madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen, wuxuuna sheegay in ujeedka ay Baydhabo u tageen ay la xiriirto wax ka qabashada cabashooyinka kasoo laabtay iyo sida wax loo maareeyay.

“Socodka aan Baydhabo ku tagnay waxaa qayb ka ah in aan la kulano Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo aan fadhi kala yeelanay arrimaha doorashooyinka, cabashooyinka kasoo laabtay & sida wax loo maareyay” ayuu yiri Maxamed Xasan Ciro oo ah guddoomiyaha guddiga doorashooyinka dadban.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dib u eegis lagu sameyn doono kursiga Hop#103 oo uu horay ugu fadhiyey guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, kaas oo dhowaan doorashadiisa lagu qabtay magaalada Baydhabo, isla-markaana uu ku soo baxay Mudane Maxamed Cali Xasan oo ka tirsanaa wasiirada Koonfur Galbeed.

“Baaritaanno ayaan ku sameyn doonaa kursiga HOP#103 ee uu hakiyay Guddiga Doorashooyinka FEIT, Dadka ay quseyso waan la kulmi doonaa si aan u fiirino cabashooyinka kasoo laabtay” ayuu markale hadalkan ku yiri guddoomiye Cirro.

Kursigan ayaa khilaaf horleh dhaliyey, kadib markii guddiga doorashada ee heer federal uu hakiyey qabashada doorashadiisa, halka guddiga doorashooyinka Koonfur Galbeed uu ku gacan seeray go’aankaasi, kadibna uu qabtay doorashada.

Si kastaba, arrimahan ayaa kusoo aadayo, iyada oo meeshii ugu sarreysay ay gaartay qeylo dhaanta ka timid ‘boobka’ socda ee doorashada 2021, waxaana arrintan ay dhalisay in go’aano culus ay soo saaraan xubnaha golaha midowga musharixiinta mucaaradka.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Daawo: Xuseen Ceydiid oo sheegay arrimo xasaasi ah oo ku saabsan hay’adda NISA

0

Muqdisho (Caasimada Online – Xuseen Maxamed Faarax Ceydiid oo ka mid ah musharaxiinta sanadkaan u isku soo taagay xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in Soomaaliya ay fashilantay, “In kursiga xildhibaanka lagu kala gato ‘nus milyan’ waa nidaamkii na dumiyey, waana sii dunay hadda, xalka dalkaana kuma imaanayo sidaan,” ayuu yiri.

Xuseen Ceydiid aya sheegay hey’adda Sirdoonka Soomaaliya ee NISA ay dhisatay dowladda Qatar oo dastuurka Soomaaliya aysan ku qorneyn, “NISA Qatar ayaa soo sameysatay, dastuurkana kuma tallo,” ayuu yiri Xuseen Ceydiid oo wareysigaan siiyey Goobjoog TV.

Waxa uu sheegay in dhawaan AMISOM ay soo jeedisay in Soomaaliya loo maareeyo si lamid ah 1992-kii oo la keeno ciidamo hor leh oo ka socda Qaramada Midoobey.

“Waxaa arrintaas u sabab ah gobolladii iyo dowladda dhexe ayaa iska hor yimid, dowladii waxay fashilantay maareyntii doorashada, sababtoo ah gobolladii ayaa ka hor yimid, marka khilaafku maanta waa saa’id,”ayuu yiri Xuseen Ceydiid.

Sidoo kale waxuu qabaan in casharro badan laga bartay doorashadii 2016-kii ee dowladii Xasan Sheekh, isagoo sheegay in lacag aysan waxaba terin.

“Wakiilka QM, Swan waxuu u tegay Qatar, Sacuudiga iyo dhamaan dowladaha Carabta, waxuuna ku yiri hal dollar kuma bixin kartaan doorashada Soomaaliya, arrintaan ma socon karto marka,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Xuseen Ceydiid ayaa ku faanay inuu ka dhashay qoys qaranimada Soomaaliya wax badan taray, sidoo kalena mudadii uu xukumayey dalka uu afar milyan oo dollar ku dhisay madaxtooyada Soomaaliya, isagoo u baahan lacagtaas oo sida uu sheegay oo guryo ku dhisan karay.

Hoos ka daawo wareysiga

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Cidda ‘soo abaabushay’ xiisadda ka taagan PUNTLAND iyo ujeeddada laga leeyahay

Boosaaso (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa shaaca ka qaaday in Villa Somalia ay ku lug leedahay xiisadda amni ee ka taagan Puntland ee u dhaxeysa madaxweyne Saciid Deni iyo ciidanka PSF.

Xiisaddan ayaa timid kadib markii ciidamada PSF ay ka horyimaadeen xil ka-qaadis uu madaxweyne Saciid Deni ku sameeyay agaasimihii ciidanka PSF Maxamuud Cismaan Diyaano, kuna beddelay Maxamed Amiin Cabddullaahi Xaaji Khayr.

Waare ayaa qoraal uu soo dhigay twitter-ka ku yiri “Puntland waxay wajaheysa halis jiritaan oo ay soo abaabushay Villa Somalia. Xiisadda amni ee la abuuray ee hadda socota, waxaa loola dan leeyahay in lagu waxyeeleeyo hay’adaha Puntland laguna wiiqo difaacii ugu dambeeyey ee federaalka.”

“Federaalku wuxuu saldhig u yahay is-afgaradka iyo nabadda beelaha. Dadka Puntland ska jira,” 

Ma ahan markii ugu horreysay ee Villa Somalia ay isku daydo inay xiisad siyaasadeed ka abuurto Puntland, oo ah maamulka ugu xooggan maamullada federal ee ka jira dalka.

Horey waxay Villa Somalia usoo farsameysay qalalaasihii ka dhacay baarlamanka Puntland ee horseeday in xilka laga qaado guddoomiyihii baralamanka Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo) 7-dii November 2019. 

Xiisadda cusub ee maamulka Deni iyo ciidanka PSF ayaa ka baaqsatay inay horseedo isk dhac. Taliyihii hore ee ciidamada PSF Maxamuud Cismaan Diyaano, oo shalay khudbad u jeediyay cutubyo ka tirsan ciidankiisa, ayaa ku amray in aysan wax xabbad ah ku ridin magaalada, islamarkaana ay ilaaliyaan deganaanshaha Boosaaso.

Maxamuud oo ka hadlayey khilaafka kala dhaxeeyo madaxweyne Deni ayaa sheegay inuu iska soo dhammaan doono, wuxuuna sheegay inaysan jirin wax xiisad dagaal ah oo ka aloosan Boosaaso

Sidoo kale, Saraakiishu waxay sheegeen in Agaasimuhu ku amray in ay ka baxaan difaacyada qodan, islamarkaana si caadiya u wataan shaqadooda ciidanimo.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Arrin ku cusub doorashada 2021 oo Farmaajo u gacan gelinaysa xildhibaano badan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii ay dalka ka bilaabatay doorashada Golaha Shacabka waxaa isa-soo tarayay cabashada iyo walaaca laga muujinayey hanaankeeda, waxaana soo baxaysa in doorashadan ay awood ku leeyihiin maamul goboleedyada.

Doorashadan 2021-ka waxay tii 2016-kii uga duwan tahay in dowlad goboleedyada ay leeyihiin awood ay ku go’aamin karaan cida soo baxeysa, sida laga fahmay doorashooyinkii dhawaan ay qabteen.

Doorashadii 2016-kii waxaa awooda u weyn lahaa beelaha kuraasta leh, ayada oo ay hooseysay rejada raga ay wataan maamul goboleedyada, islamarkaana ay soo baxeen xiligaas dad ay diidanayeen.

Hase yeeshee, odayaasha beelaha ayaa hadda laba mid un ah; qaar la laaluushay oo wax u wada sida uu rabo madaxweyne Farmaajo iyo kuwa awood lagu muquuniyey, ayada oo sidoo kalena dhagaha laga fureystay qeylo-dhaantooda. Qaarkood ayaa xitaa liiska laga saaray laguna beddelay kuwa taabacsan Villa Somalia.

Tani waxay meesha ka saartay awooddii Nabadoonada iyo beelaha ay wax kusoo xulanayeen, sidii kal hore dhacday ee ay ku soo baxeen kuraas ay ka mid ahaayeen Cabdillaahi Goodax Barre, Cabdiqaadir Cosoble, Maxamuud Macalin Yaxye iyo kuwa kale oo taageero ka haystay beelaha.

Sida ay ku socoto doorashada Golaha Shacabka waxaa kusoo bixi doona xubno uu gadaal ka riixayo Farmaajo, sida dhacday, maadama uu gacanta ku hayo inta badan madaxda maamulada dalka.

Farmaajo ayaa la rumeysan yahay iuu gacanta ku dhigi doono inta badan xildhibaanada ka imanaya Koonfur Galbeed, Galmudug, Banaadiriga iyo qeyb ka mid ah HirShabelle. Waxaa sidoo kale xisaabta ugu jirta 16-ka kursi ee lagu dooranayo Garbahaarey.

Si kastaba, tani kama dhigan inay dhammaantood u codeyn doonaan isaga marka la gaaro doorashada madaxweyne, ayada oo kuwa badan marka ay dantooda ku gaaraan u codeyn doona qofka ay dantooda mustaqbalka ka arkaan, sida dhacday doorashooyinkii hore.

Midowga Musharaxiinta oo fahamsan sida ay wax u socdeen iyo bookda madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaday ayaa si adag uga horyimid qaabka ay u socoto doorashada, oo ay ku tilmaameen “doorasho boob qaawan.”

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Muxuu Feysal Cali Waraabe ka yiri hadalkii Buurmadow ee ka careysiiyey reer Muqdisho?

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Xisbiga UCID ee Somaliland Feysal Cali Waraabe oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa ka hadlay arrinta Boqor Buurmadow, isagoo sheegay in Boqorku uu yahay nin geesi ah oo isku xil-qaamay inuu ka qeyb qaato xal u helidda mushkiladaha ka jira koonfurta Soomaaliya.

Feysal Cali Waraabe ayaa sheegay in Boqor Buurmadow uu dadaalkiisa ka bilaabay inuu raali gelin siiyo dadkii sida qasabka ah looga tarxiilay magaalada Laascaanood, balse lagu abaal dhacay, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale Feysal Waraabe ayaa ku dooday in dadka reer koonfur aysan garaneyn ninka wax u gala iyo kan wax u dhiba, isagoo soo qaatay tusaalooyin kala duwan.

Waxa uu sheegay in Farmaajo oo haatan xukuma koonfurta Soomaaliya uu isla soo sawiray oo ku faanay la kulanka sarkaal ka tirsanaa jiray dowladii Maxamed Siyaad oo lagu magacaabo Korneyl Tuke, kaas oo deegaanada Somaliland looga heysto inuu xasuuq ka geystay.

Sidoo kale Feysal ayaa sheegay in Madaxweynihii hore Xasan Sheekh uu dalka Mareykanka meydkiisa diyaarad uga soo qaaday Jeneraal Maxamed Cali Samatar oo sida uu sheegay qirtay inuu amray duqeymo ka dhacay Hargeysa.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayuu ku eedeeyey inuu shahaado sharaf guddoonsiiyey Jeneraal Moorgan, oo ka mid ahaa saraakiishii dowladdii dhexe ee Maxamed Siyaad.

“War Hawiyow ma ninka idiin soo gurmaday ayaad leedihiin raali gelin ha bixiyo, maxay raali gelin u bixin waayeen kuwaan faraha dhiiga ku leh ee adduunka ka yaabiyey, waxaan idin leeyahay isku xishooda, waad ogeydeen sidii loo galay Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Cabdi Qeybdiid waa tii xaaskiisa musqusha loogu galay, war dhiig yeesha oo xaniyaha aad Buurmadow ku eryaneysaan dhulkiina la idinku qabsaday ku xoreysta,” ayuu yiri Feysal Cali Waraabe.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Maxaa ka jira in Somaliland ay taageertay dagaalka ka socda waddanka ITOOBIYA?

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Mudane Ciise Kayd Maxamuud ayaa beeniyey wararka sheegayey in Somaliland ay taageertay dagaalka ka socda dalka Itoobiya ee u dhexeeya xukuumadda Abiy Axmed iyo jabhadda hubeysan ee TPLF.

Kayda oo wareysi gaar ah siiyey laanta afka Soomaaliga ah ee BBC-da ayaa shaaca ka qaaday mowqifka Somaliland ee ku aadan xaaladda cakiran ee Itoobiya, wuxuuna sheegay inay dhex-dhexaad ka tahay waxaa haatan ka socda dalkaasi, sida uu hadalka u dhigay.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in Somaliland ay taageereyso dadaal kasta oo xal loogu raadinayo colaadda ka taagan wadanka Itoobiya.

“Waxaanu taageersanahay waxkasta oo nabadgalyo iyo dhex dhexaadin ah oo Itoobiya ka socda, annaga Somaliland ahaan in aanan faragalin siyaasada gudaha ee Itoobiya weeyan mowqifka siyaasadayada arrimaha dibadda,” ayuu waresigaan ku yiri wasiir Ciise Kayd.

Sidoo kale wuuxuu faah faahin ka bixiyey wada-hadalladii madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo midka dowlad deegaanka, Mustafe Cagjar wuxuuna tilmaamay in labada hoggaamiye ay ka wada arrinsadeen xoojinta iskaashiga ka dhexeeya.

“Iskaashi uunbaa laga hadlay, nabad galyada ayaa laga hadlay iyo in la is waydaarsado sirdoonka, xidhiidhkii caadiga ahaa ee Itoobiya iyo Somaliland ka dhaxayn jiray uun baa laga wada hadlay” ayuu markale yiri wasiirka arrimaha dibadda ee xukuumada Somaliland.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo qaar ka mid ah warbaahinta maxalliga ee Itoobiya ayaa sheegeen in madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu taageeray dagaal Itoobiya, gaar ahaan garabka Abiy Axmed, kadib markii uu wada-hadallo la yeeshay madaxweyne Cagjar.

Si kastaba, Itoobiya ayaa haatan ku jirta xaalad jahwareer ah, waxaana dagaalka oo haatan sii xoogeystay hoggaaminaya ra’iisul wasaaraha dalkaasi, Abiy Axmed.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Abiy Ahmed oo ugu baaqay TPLF inay is-dhiibaan kadib ‘guulo ay gaareen’ ciidankiisa

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa ugu baaqay mucaaradka Tigray-ga inay isdhiibaan, isaga oo sheegtay in ciidankiisa ay qarka u saaran yihiin guul, toddobaad un kadib markii uu wacad u maray inuu hoggaamin doono dagaalka.

Sheegashadiisa ayaa timid ayada oo dagaal xooggan uu ka socdo saddex furin, oo mid ka mid ay tahay – magaalada Debre Sina – oo ku taalla waddo 200 km u jirta caasimadda Addis-Ababa.

“Dhallinyarada Tigray-ga waxay u daadanayaan sida caleenta oo kale. Ayaga oo og in laga adkaaday, ayaa waxaa hoggaaminaya mid aan aragti ama qorshe laheyn,” ayuu Abiy ku yiri hadal ay baahisay warbaahinta dowladda.

“Waa inay maanta isu dhiibaan ciidamada difaaca qaranka Ethiopia, ciidamada gaarka ah, maleeshiyooyinka iyo shacabka.” 

Muuqaalka Abiy oo la baahiyey shalay ayaa ah mid ka mid ah muuqaallo dhowr ah oo uu kasoo dirayey furimaha dagaalka, wuxuuna u muuqday inuu joogo gobolka Afar.

Aaggan ayaa waxaa muddo toddobaadyo ah ka socday dagaal xooggan, ayada oo Tigray-ga ay isku dayayaan inay qabsadaan waddo muhiim ah oo sahayda loo mariyo caasimadda. 

Axaddii, warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in ciidanka ay qabsadeen magaalada Chifra ee gobolka Afar, wuxuuna Abiy sheegay in guulahaas oo kale laga soo hoyin doono gobolka Amhara. 

“Cadowga waa lagu guuleystay, waxaan hal maalin gudaheed ku gaarnay guul aan lagu fikiri karin oo dhinaca bari ah…hadda waxana sidaas oo kale ka sameyn doonnaa galbeedka,” ayuu yiri. 

Go’aanka uu Abiy ugu biiray dagaalka toddobaadkii tegay ayaa yimid kadib markii TPLF ay qabsadeen magaalada Shewa Robit oo 220 km u jirta magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa.

“Tallaabadan waxay xoojisay niyadda ciidamada, waxayna mideysay shacabka Ethiopia,” waxaa sidaas tiri afhayeenka dowladda Billene Seyoum.

Hase yeeshee afhayeenka TPLD, Getachew Reda ayaa ku gacan seeray ku biiritaanka Abiy ee dagaalka, wuxuuna ku eexay “is-tustus iyo cayaar dagaal oo doqonnimo ah.”

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii