26.3 C
Mogadishu
Thursday, July 2, 2026

Ciidamo iska soo horjeeda oo dhaq-dhaqaaqyo ka wada Boosaaso iyo cabsi taagan

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Boosasaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa sheegaya in Maanta halkaas ay ka jiraan dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo ay sameenayaan ciidamo ka amar qaata madaxweyaha Puntland Saciid Deni iyo ciidamada PSF.

Ciidamada dhaq-dhaqaaqyada ciidan wado ayaa kala ah Ciidamada Badda Puntland (PMPF) oo agaasime ku xigeenka uu Siciid Deni u magacaabay xilka la wareegay 27-kii November iyo ciidamada PSF e ka hor yimid xil ka qaadista lagu sameeyey agaasimahooda.

Siciid Cabdullaahi Deni ayaa si cad u sheegay in ay ka go’an tahay xil ka wareejinta Agaasimaha PSF iyo inuu soo afjari doono in ciidamada Puntland ay hoos tagaan Shaqsiyaad, hadalkaas & ciidanka uu dul dejiyay Xeryaha Ciidamada PSF ayaa xoojiyay dhaq-dhaqaaqyada labada dhinac.

Sida ay dadka deegaanka u xaqiijiyeen Caasimadda Online, waxaa magaalada lagu dhex arkayaa ciidamo badan iyadoo cabsi weyn laga qabo dagaal dhex maro ciidamada Puntland ee Saciid Deni la safan iyo kuwa PSF.

Waxaa socdo dadaalo lagu doonayo in lagu baajiyo dagaalka, balse xogta aan heleyno ayaa sheegeysa in labada dhinac ay diidan yihiin wada-hadalka isla markaasna ay xal u arkaan in dagaal lagu kala baxo.

Isimada ayaa kulan la qaatay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, kuwaasi oo ay qeyb ka ahaayeen Wasiirka amniga Puntland oo kal hore hanjabaad culus hawada u mariyay ciidamada PSF, waxaana lagu wadaa in saacadaha soo socda la kulmaan dhinaca hay’adda PSF.

Xiisadii maalmihii u dambeeyay ka dhex aloosneyd madaxweyne Deni iyo Agaasime Diyaan ayaa waxay si weyn u saameysay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolkaasi oo ah Magaalo Ganacsi oo ay ku nool yihiin Dad badan.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Xafiiska Rooble oo war yaab leh kasoo saaray muranka hareeyey doorashada dalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Ibraahim Macallimuu ayaa qoraal uu soo dhigay facebook ku sheegay in ra’iisul wasaare Rooble aanu shaqo ku laheyn sixitaanka qaladaadka doorashooyinkla balse ay howshaas u taallo guddiyada u xil saaran.

Macallimuu ayaa sheegay in Rooble ay ka go’an tahay inuu ka shaqeeyo in la dhawro hufnaanta doorashada, balse aanu aheyn “garsoore seeri la taagan oo kiis walba laga doonayo inuu gaar u xalliyo.”

“Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble waxa ka go’an isaga oo kaashanaya Golaha Wadatashiga Qaranka in la dhawro hufnaanta doorashada, waana sababta uu had iyo jeer guddiyada kala duwan ee doorashooyinka iyo guddiga xallinta khilaafaadka kulamada uu la yeesho uu ugu adkeeyo in ay doorashada u maamulaan si daahfuran,” ayuu yiri afhayeenka xukuumadda.

“Doorasho marka la fulinayo waa xaqiiqo in ay cillado la soo baxayaan ,balse hadii ay qaladaad dhacaan waa in sixitaankooda loo maraa hab waafaqasan habraacyada doorashada ee aaney noqon mid caadifad ku dhisan , waxana awoodaas iska leh guddiyada u xilsaaran howshaas ee Ra’iisul Wasaaruhu maaha garsoore seeri la taagan oo kiis walba laga doonayo inuu gaar u xalliyo.”

Macallimuu ayaa intaas ku daray in doorasho ay qabsoonto ay tahay xalka kaliya dalkan uu uga gudbi karo marxaladda uu maanta taagan yahay, sida uu hadalka u dhigay.

Hadalkan ayaa imanaya ayada oo Golaha Midowga Musharrixiinta mucaaradka ah ay sheegeen in hannaanka ay doorashadu u socoto uusan ahayn mid hufan ayagoo sheegay in waxa socdaa uu yahay “boob” ee aan doorasho lagu tilmaami karin.

Midowga Murashaxiinta ayaa bayaan ay soo saareen 30-kii November ku caddeeyey “inuusan raalli ka ahayn, aqbalayn, qaybna ka noqon doonin boobka socda ee lagu dibindaabinayo shacabka Soomaaliyeed, laguna burburinayo geeddi-socodkii nabadda iyo dhismaha dowladnimada.”

Midowga Murashaxiinta ayaa sidoo kale qoraalkaas ku sheegay in Rooble ay ka dalbadeen in la joojiyo doorashooyinka balse uu ku gacan seeray, taasi oo ku qasabtay inay si shaacsan u dalbadaan in la hakiyo doorashada.

Guddiga doorashooyinka ayaa ayaguna dhankooda sheegay in doorashadu ay ku socoto si habsami leh iyo habraacii loogu talagalay, islamarkaana beeniyey in uu jiro wax boob ah.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Puntland oo war rasmi ah kasoo saartay ‘kaalinta’ Villa Somalia ee xiisadda Boosaaso

Boosaaso (Caasimada Online) – Gudiga Amniga Gobolka Bari, ayaa ku eedeeyay Dowladda Soomaaliya inay kaalin ku leedahay xiisadda ka taagan Boosaaso, iyadoo isku dayaysa inay xasilooni darro ka abuurta Puntland.

Gudoomiyaha Gobolka Bari Cabdisamad Yuusuf Axmed [Abwaan], oo shir gudoomiyay kulanka Gudiga Amniga, ayaa la hadlay warbaahinta, isagoo sheegay in laga billaabayo magaaladda howlgal lagula dagaalamayo cadowga Puntland.

Wuxuu Gudoomiyaha intaasi ku darey inay si dhaw ula socdaan dhaq-dhaqaaqa shaqsiyaad gacan-saar la leh Villa Somalia oo hurinaya xiisadda Boosaaso, iyagoo doonaya inuu dagaal ka dhaco, oo xaaladda faraha dowladda Puntland ka baxdo.

“Ciidamada amniga waxay tallaabo ka qaadi doonaan cid walba oo wada falal lidi ku ah amniga iyo kuwa dowladda Federaalka maalgelisay ee qal-qal gelinta kawada Boosaaso,” ayuu yiri Abwaan.

Waxa uu Abwaan ugu baaqey shacabka inay ka feejignaanaadaan kuwa kicinta wada, ee dadka guryahaha ku garaacaya, ee kula talinaya inay guryahooda ka cararaan, iyadoo ku cabsi-gelinaya in dagaal uu ka dhacayo magaaladda.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in dagaal dhanka baraha bulshadda ah lagu soo qaadey Puntland, oo lagu doonayo in wax loogu dhimo xasiloonida siyaasadeed iyo mida amni ee ka jirta Maamulka.

Abwaan ayaa xusay in xaaladda Boosaaso ay degan tahay, islamarkaana murankii ka taagnaa hogaanka PSF-ta lagu dhameyn doono wadahadal, islamarkaana wax walba is-faham iyo sharciga lagu dhameyn doono, oo aana dhici doono dagaal.

Xiisadda Boosaaso ayaa timid kadib markii Deni uu Todobaadkii hore xilka ka qaadey Agaasimihii PSF-ta Maxamuud Cismaan Diyaanno, kaaso kahor-yimid digreetada Madaxweyne.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Isha: Garowe Online

12 sano oo kasoo wareegatay qaraxii Hotel SHAAMOW

0

Muqdishi (Caasimada Online) – Maanta oo kale (3-da December) waa maalin Jaamacadda Banaadir ee magaalada Muqdisho iyo umadda Soomaaliyeedba u ah maalin xusuus murugo leh xambaarsan.

3-dii December ee 2009, ayaa munaasabad qalinjibin ah oo ay ku sugnaayeen arday ka qalin jebinaysay jaamacadda Banaadir, macallimiinta jaamacadda, waalidiin iyo xubno ka socdey dowladii markaas jirtey, oo ka dhaceysay hotelka Shaamow ee Muqdisho, waxaa lala beegsaday qarax.

Intii ay socotay Munaasabadda, gaar ahaan xilligii uu khudbada jeedinayay Prof. Cusmaan Dufle oo ka mid ahaa Maamulka Jaamacadda ayaa mar kaliya waxaa dhacay qarax ismiidaamin ah.

Goobta ayaa hal mar isku bedeshay dhiig, burbur iyo qeylo, waxaana qofka xirnaa waxyaabaha qarxa uu isku qarxiyay halka ay fadhiyeen Wasiirada oo uu bartilmaameedkiisa ahaa.

Dadka maalintaasi dhintay waxaa ka mid ahaa, suxufiyiin, arday, waalidiin, wasiirkii caafimaadka Khamar Aadan Cali , Wasiirka tacliinta sare Ibrahim Xasan Caddow, wasiirkii waxbarashada Axmed Cabdulaahi Waayeel, iyo dhaqaatiir caan ah sida Professor Maxamed Aadan oo loo yaqiin Dr. Shahiid.

Dad u badnaa ardaydii qalin jebinaysay iyo waalidiin ayaa sidoo kale dhaawac uu soo gaaray.

Waxaa uu ahaa qarax ay ku hoobteen Wasiiradii ugu muhiimsanaa ee qaabilsanaa arrimaha bulshada dowladdii KMG ee uu hoggaaminayay Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed

Senator Pro Osman Mohammud Dufle oo ka mid ahaa aasaasayaashii Jaamacada banaadir, islamarkaana ka mid ahaa dadkii ka badbaaday ayaa waxaa uu ka sheekeynayaa maalintaasi wixii ka dhacay Hotel shaamow.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Ciidamada dowladda oo si bareer ah Muqdisho ugu dilay wiil iyo gabar walaalo ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa caawa magaalada Muqdisho ku dilay wiil iyo gabar walaalo ah kadib markii ay rasaas ku fureen mooto bajaaj ay saarnaayeen.

Dhacdadan oo ka dhacday isgoyska Dabka, ayaa waxaa ku dhintay Allah ha u naxariistee Zakariye Maxamuud Kalafoge iyo Sowdo Maxamuud Kalafoge.

Ma cadda illaa iyo hadda sababta ay ciidamada dowladda federaalka u rasaaseeyeen mootada ay saarnaayeen walaalahan, hase yeeshee waxaa marar badan dhacda in ciidanka dowladda ay rasaas macno darro ah iska furaan ama ay isku dayaan inay ku furtaan waddooyinka marka jam uu jiro.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Zakariye iyo Sowdo ay ka yimaadeen dhanka Isbitalka Yardameli una socdeen in ay casho usoo iibiyaan gabar ugu foolaneysay isbitalka Yardameli, oo aan faah-faahin laga bixin.

Hase yeeshee, waxay kusoo dhaceen wadkoodii iyo halkii Allah u qoray inay noloshooda ku dhammaato.

Weli wax faah-faahin ah lagama hayo askarigii furay rasaasta, waxaana markii ugu war dambeysay ay goobjoogeyaal sheegeen in isaga iyo ciidankii la socday ay gaarigii ay wateen uga tageen isgoyska dabka.

Ciidamada dowladda ayaa boqolaal qof oo shacab ah ugu dila Muqdisho sabab la’aan, waxaana yar inta loo soo qabto loona maxkamadeeyo falalkan foosha xun ee ay gaystaan. 

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

‘Doorashada kaliya ee uu ogol yahay’ madaxweyne Farmaajo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ahna musharax u taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya ayaa madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku eedeyay inuu kasoo horjeedo doorasho xor iyo xalaal ah.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in Farmaajo uusan marnaba ogaleyn doorasho looga guuleysanayo, uuna rabo in uu markasta go’aamiyo natiijadeeda.

“Waxaa la soo maray loolan adag oo labo sano ku dhow, oo la isku hayey in ay dalka ka dhacdo doorasho la isla oggolyahay oo waqtigeeda ku dhacdo. Farmaajo mar walba doorasho waa diiddanaa, ilaa iyo haatanna ma ogola doorasho tartankeeda loo siman yahay, oo uusan boobi karin, ama diidi karin natiijadeeda,” ayuu Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Sidoo kale Siyaasi Cabdiraxmaan ayaa qoraalkiisa kusoo qaatay tallaabooyin dhowr ah oo uu sheegay in Farmaajo uu uga hortagay inay qabsoomto doorashada, islamarkaana uu ku qasbanaaday in dalka uu aado doorasho, taasi oo uu illaa hadda ku hayo boob.

Hoos ka aqriso qoraalka Cabdiraxman Cabdishakuur oo dhameystiran:

Dib u xasuuso dagaalkii dheeraa ee uu Farmaajo u soo galay in aysan dalka doorasho ka dhicin.

June, 2020, ayuu Golaha Shacabka ansixiyey muddo kororsi dadban, laakiin la huwiyey magaca doorasho qof iyo cod ah, taasoo uu gadaal ka riixayey Farmaajo, laakiin Aqalka Sare, madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Xisbiyada mucaaradka ayaa diiday.

July 2020, waxaa furmay shirkii Dhuusamareeb I Dowlad goboleedyada ayaa ku heshiiyey in la qabto doorasho taladeeda loo dhan yahay kuna dhacda muddo xileedka harsan.

July 19-22 – 20, waxaa dhacay Shirkii Dhuusamareeb II. Waxaa lagu heshiiyey in ay dalka ka dhacdo doorasho ku qabsoonta wakhtigeeda oo lagu wada qanacsanyahay. Shirkaas waxaa Farmaajo u caddaatay in Raysalwasaarihiisa uusan la wadin muddo kororsiga. Maalmo ka dib, ayuu 25 July xilka ka tuuray.

17 September 2020, ayuu Farmaajo oggolaaday heshiiska doorasho dadban.

Nov 2020, Guddiyada doorashooyinka ee heer Federaal, inta badan dowlad Goboleedyada iyo Somaliland ayaa soo la soo saaray, kuwaasoo u badnaa Nabadsugid, shaqaale rayid ah iyo taageerayaal N&N.

06 Febraayo 2021, shirkii Dhuusamareeb 4, ayaa natiijo la’aan ku soo dhamaaday, iyadoo la isku mari waayey maamulka Gobolka Gedo oo uu Farmaajo ka fuqi waayey.

12 April 2021, ayuu halkii uu ku taamayey soo istaagay. Wuxuu samaystay muddo kordhin labo sano ah.

25 April 2021, Gadoodkii ciidanka ayaa dhacay, taasoo qasabtay in uu muddo kordhinta ka laabto.

01 May, 2021, ayuu ka laabtay muddo kororsigii

27 May 2021, waxaa la gaaray heshiiskii Golaha Wadatshiga Qaran ee Doorashooyinka

June 19 2021, Ayaa dib loo magacaabay guddiyadii doorashada

Oktoobar 2021 waxaa bilaabtay doorasho boob ah, oo la isku hortaagan yahay.

Waxaa la soo maray loolan adag oo labo sano ku dhow, oo la isku hayey in ay dalka ka dhacdo doorasho la isla oggolyahay oo waqtigeeda ku dhacdo. Farmaajo mar walba doorasho waa diiddanaa, ilaa iyo haatanna ma ogola doorasho tartankeeda loo siman yahay, oo uusan boobi karin, ama diidi karin natiijadeeda.

Taariikhda addoonsiga iyo deegaanadii Soomaaliyeed ee dadka laga dhoofin jiray

0

London (Caasimada Online) – Dadka Soomaaliyeed waxay ka mid ahaayeen dadyowgii ku howlanaa howlihii addoonsiga, ee ka jiri jiray Qaaradda Afrika iyo dunida Carabta, wixii ka horreeyey dhammaadkii qarnigii sagaal iyo tobnaad. Is-addoonsiga ayaa isugu jiray laba nooc: ka-ganacsi addoonsi (slave trade) iyo ku-shaqeysi addoonsi (slave labour). Soomaalida ayaa labadaas-ba qeyb weyn ka ahayd.

Tusaale, dhanka bariga iyo koonfurta waxaa ka jiray ka-ganacsi addoonsi iyo ku-shaqeysi addoonsi, oo addoomaha loo isticmaali jiray in guryaha iyo beeraha lagula shaqeysto (internal consumption) iyo in dibadda loo dhoofiyo, si loogu shaqeysto (external consumption). Balse, dhanka waqooyi iyo galbeedka Geyiga Soomaalida, kama jirin ku-shaqeysi addoonsi ee gudaha ah, ee waxaa ka jiray oo keliya ka-ganacsi addoonsi, ee dibadda loo sii dhoofiyo.

Dhanka waqooyiga iyo galbeedka, waxay lahaayeen meelo transit ah oo la sii marsiiyo dad addoomo ah, oo laga keenay bartamaha Itoobiya, hase yeeshee dhanka bariga iyo koonfurta waxaa dadka addoomaha ah laga keeni jiray koonfurta Itoobiya iyo wadammo kale oo ku yaalla Bariga Afrika, sida Jasiiradda Zanzibar, ee maanta ka tirsan Tanzania.

Dhanka koonfurta, waxaa laga dhoofin jiray Muqdisho, Merka iyo Baraawe, halka Awdheegle, Baardheere iyo Luuq ay ahaayeen seylado la soo marsiiyo. Dhanka waqooyiga iyo galbeedkana, waxaa addoomaha laga dhoofin jiray dekedaha Seylac iyo Berbera, halka Harar ay ahayd xarun la soo marsiiyo.

Inkasta oo la hayo caddeymo badan in Soomaalidu ay ku lug-lahayd ka-ganacsigii addoonsiga ee ka socday Bariga Afrika iyo wadammada Carabta ee ku xeeran Geyiga Soomaalida, weli lama hayo wax caddeyn ah, oo muujinaysa inay Soomaalidu qeyb ka ahayd ka ganacsigii addoonsiga, ee la isaga gudbay qaaradda Atlantica (transatlantic slave trade). Si taas loo xaqiijiyo, waxaa loo baahan yahay in la fiiriyo aarkiifiyada Senegal iyo Faransiiska iyo guud ahaan addoonsigii ka socday Galbeedka Afrika.

Ka-ganacsiga addoonsigu wuxuu ahaa mid keliya gobollada bariga, waqooyiga, galbeedka iyo koonfurta Geyiga Soomaalida la isaga gudbo, kuna xira Geyiga Soomaalida deegaammo kale oo ku yaalla Afrika iyo Carabta. Halka gobollada waqooyiga iyo galbeedka ay sii dhoofin jireen addoomaha laga keenay Itoobiya, gobollada bariga iyo koonfurtu waxay la soo degi jireen addoomo laga keenay Zanzibar. Emily Ruete, oo ah haweeney ka mid ah qoyska boqortooyada Cummaan iyo Zanzibar, waxay ku xustay buugga xusuus-qorkeedka, Memoirs of an Arabian Princess: An Autobiography, ee la daabacay 1888-kii, in addoomaha jooga Zanzibar ay ka badnaayeen kuwa jooga Cummaan.

Addoomaha la soo gelin jiray Soomaaliya ayaa isugu jiray (1) dad cawaan ahaa, oo aan diin haysan, (2) dad lagu soo qabtay dagaallo dhex-maray qowmiyadaha Itoobiya dhexdooda iyo (3) dad markoodii horeba lagu soo kala iibsaday seyladaha addoonsiga ee Bariga iyo Geeska Afrika. Dhanka koonfurta Geyiga Soomaalida, addoomaha loogu jecel yahay waxay ahaayeen kuwa laga keeno dhulka Oromada, halka kuwa waqooyiga iyo galbeedka addoomaha la sii safrinayo ay u badnaayeen kuwa laga keeno dhulka Guraagada. Dhanka bariga, waxay addoomuhu ahaayeen Sawaaxili laga soo waariday Jasiiradda Zanzibar.

Soomaalida ayaa mararka qaar qabsan jirtay dad u dhashay Yurub oo maraakiib ay kula jabi jirtay xeebaha waqooyi bari iyo bartamaha Geyiga Soomaalida. Markab uu Ingiriisku leeyahay ayaa 1868-kii ku jabay meel u dhow xeebta waqooyi ee Muqdisho, waxaana dadkii Ingiriiska ahaa ee la socday laga xiiray madaxa, waxaana lagu kallifay inay addoomo u noqdaan qabaa’ilkii deegaanka deggenaa, hase ahaatee isla sannadkaas ayaa lagu soo daayey wada-hadallo lala galay. Isaga oo xiganaya Qunsulkii Ingiriiska ee fadhiyey Zanzibar, John Kirk, ayaa Alastair Hazell, buuggiisa, The Last Slave Market, ee soo baxay 2011, wuxuu ku xusay in Soomaalidu mar ay ku beegnayd 1873-kii ay qabsadeen oo addoonsadeen dad u dhashay Ingiriiska.

Maraakiibta Yurubta ayaa iyaguna dhankooda mararka qaar qabsan jiray oo addoonsi ahaan u qaadan jiray dad Soomaaliyeed. Wixii ka horreeyey 1884-kii, dooman ganacsi oo ay lahaayeen gumeysigii Ingiriiska ayaa dad Soomaaliyeed oo u badnaa gabdho yar yar waxay dhowr jeer ka afduubteen dekedda Berbera, waxayna ula keceen Ciraaq iyo meelo kale, iyagoo halkaas ka sii iibsaday.

Taariikhda laguma hayo gumeysiga Talyaaniga oo dad Soomaaliyeed inta ay afduubteen addoonsi ahaan ula tagay dalkooda ama meel kale. Hase yeeshee, waxaa warbixinnada gumeysiga Talyaaniga ee sannadihii 1901-1904 ku cad in saraakiisha gumeysiga Talyaaniga ay lahaayeen addoomo uga shaqeeya guryahooda billowgii qarnigii labaatanaad, xitaa kaddib markii ay soo saareen sharciyo ka hor-tagaya addoonsiga aakhirkii qarnigii sagaal iyo tobnaad.

Si kastaba, ma jirin is-addoonsi ka dhex jiray dadkii Soomaalida ahaa, ee Muslimka ahaa, ee wada deggenaa Geyiga Soomaalida, oo ay ku jiraan dadka Soomaaliyeed, ee loo yaqaanno Bantu/Jareer. Arrintaan ayaa ku taxalluqday diinta Islaamka oo xarrimeysa in dadka Muslimka ah ay dhexdooda is-addoonsan karaan. Sidoo kale, xeerar-dhaqameedkii Soomaalida (Somali customary laws) ayaa ka mamnuucayey qof Soomaali ah inuu lahaado Soomaali kale ama iibiyo ama iibsado. Sidaas awgeed, addoomuhu, qeexitaan ahaan, waxay Geyiga Soomaalida ka ahaayeen dad loo aqoonsan yahay inay ajnabi yihiin.

Mamnuuciddii Is-Addoonsiga

Dhammaadkii qarnigii sagaal iyo tobnaad, in loo dhoofiyo addoomo dhanka bariga iyo koonfurta ee Geyiga Soomaalida ayaa dulaalleyda is-addoonsiga ee Bariga Afrika uga macaash badneyd inay addoomo u dhoofiyaan dunida Carabta iyo meelo kale. Sababtu waxay ahayd waxaa soo xirmaayey jidadkii badda, ee la marsiin jiray dadka addoomaha ah, taas oo salka ku haysay ku-dhawaaqiddii ay quwadaha gumeysiga Yurub ku dhawaaqeen inay qarnigii sagaal iyo tobnaad joojiyeen is-addoonsiga.

Markaas ka hor, ka-ganacsiga addoomaha wuxuu ahaa mashruuc aad looga macaasho Qaaradda Afrika. Saddexdii qof ee Afrikaan ah, hal ayaa wuxuu ahaa qof la addoonsado, sida ay Catherine Coquery-Vidrovitch ku caddeysay buuggeeda, Africa and the Africans in Nineteenth Century: A Turbulent History, ee la daabacay 2009-kii.

Sahmiyihii Faransiiska, Georges Révoil, ee sahanka ku maray gobollada bariga, waqooyiga iyo koonfurta Geyiga Soomaalida, wuxuu ku sheegay maqaalkiisa,’Voyage chez les Bénadirs, les Çomalis et les Bayouns en 1882 et 1883′, in dadkii ku noolaa degmooyinka Shingaani iyo Xamarweyne ay saddex dhig laba dhig ahaayeen dad addoomo ah. Toban sano kaddib, sahmiyihii Talyaaniga, Luigi Robecchi-Bricchetti, ayaa buuggiisa xusuus-qorka, Somalia e Benadir: Viaggio di Esplorazione nell’Africa Orientale, ee la daabacay 1899, ku sheegay in saddex dhig ay hal dhig dadkii ku noolaa labadii degmo ee Muqdisho ahaayeen addoomo.

Tirooyinkaas ayaa u muuqata mid ka-badbadis ah. Sahmiyaashii gumeysiga ayaad mooddaa inay isaga dayanayeen inay buunbuuniyaan dhaawaca bulshadeed, ee u sahli karaya inay sharciyeeyaan aasaaska xukunkoodii gumeysi. Jan-Georg Deutsch, buuggiisa Emancipation without Abolition in German East Africa, c. 1884-1914, ee la daabacay 2006, ee uu kaga warramayo qaabkii addoonsiga looga joojiyey Bariga Afrika, wuxuu ku nuuxnuuxsaday in joojinta addoonsiga ay qeyb weyn ku lahaayeen dadkii addoomaha ahaa laftirkooda.

Si kasta ha noqotee, soo-gelitaankii gumeysiga ee Afrika ayaa keenay is-beddelka weyn ee ku yimid ka-ganacsiga iyo ku-shaqeysiga addoomaha ee qaaradda gudaheeda iyo dibaddeeda. Iyaga oo meel-marinaya siyaasad liberal ah ayaa gumeystayaashii reer Yurub waxay la yimaaddeen in la mamnuuco addoonsiga, nooc kasta oo uu yahay.

Saraakiisha gumeysiga ayaa u isticmaalayey joojinta addoonsiga inay ku meel-mariyaan siyaasaddoodii beenta ahayd, ee ay ku magacaabeen ‘xadaaradeynta Afrika’. Waxay meel mariyeen sharci ka hor-tagaya addoonsiga (anti-slavery law), kaas oo markii dambe loo bixiyey sharciga quruumaha (the Law of the Nations). Sharciga ka hor-tagga addoonsiga ee gumeysiga marnaba ma joojininin ku-shaqeysigii adoonsiga, laakiin waxaa yaraaday ka-ganacsigii addoomaha ee dibadda loo dhoofin jiray Geyiga Soomaalida.

Natiijadii Mamnuucidda Addoonsiga

Dhanka koonfurta, si kasta ha noqotee, wuxuu gumeysigu joojinta addoonsiga ku wiiqay qabiillo Soomaaliyeed oo isaga dagaal gumeysi-diid ah kala hor-yimid, kuwaas oo addoomahoodu ay u ahaayeen kuwa u soo saara dhaqaalaha beeraha iyo xoolaha, ee ay ku maareynayeen noloshooda. Qabiilladaan ayaa nooca addoonsigoodu ahaa mid aan dibadda waxba loo dhoofin, ee dibadaha lagala yimaaddo addoomo.

Gumeysigii Talyaanigu, wuxuu aad u buunbuuniyey in qabiilladii Soomaalida ee koonfurta, ee la xarbinaayey xukunkooda, ay si xun ula macaamilaan dadka ay addoonsadaan. Sidaas awgeed, wuxuu gumeysigu meesha ka saaray inaan la dhoofin karin, lagana ganacsan karin dadka addoomaha ah. Arrintaas waxay toos u saameysay qabiilladii Soomaaliyeed ee ku tiirsanaa addoonsiga iyo tujaar Carbeed oo ku nooleyd magaalooyinka waaweyn ee xeebaha, kuwaas oo ku tiirsanaa dhaqaalaha laga sameeyo ka-ganacsiga iyo ku-shaqeysiga addoonsiga.

Waxaa kaloo jiray in dulmiga is-addoonsiga awgeed, ay addoomo fara-badan u baxsadeen meelo ku yaalla jiqda dhanka koonfurta, ayna aasaaseen tuulo weyn oo ay isugu yimaaddaan dadka soo fakaday, tuuladaas oo u dhow duleedka Webiga Jubba.

Hal mar ayaa meelo ka mid ah Geyiga Soomaalida, sida magaalada Muqdisho, waxaa sannadkii 1901-kii, buux-dhaafiyey dad addoomo ah oo la xoreeyey, oo ay adkaatay sida ay noloshooda ku maareyn lahaayeen.

Addoomihii la xoreeyey waxay ku qasbanaadeen inay u shaqeeyaan dadkii addoonsan jiray, waxaana billaabatay waxa loo yaqaanno servitu domestica (in guryaha la isku shaqeysto) iyo mid ka sii xumeyd oo ahayd lavoro forzato (in xoog la isugu shaqeysto beeraha). Tan dambe ayaa waxay soo gaartay illaa 1941-kii, oo gumeysigii Ingiriiska uu ka sii dhaxlay gumeysigii Talyaaniga, illaa la joojiyey kaddib markii ay dadka Soomaaliyeed, oo gumeysiga Ingiriisku u ballan-qaaday inuu ka xoreynayo gumeysiga Talyaaniga, ay ka dacwoodeen.

Waxaa weli taagan oo aan tirtirmi karin tiiraanyadii ka dhalatay taariikhdii addoonsiga ee Geyiga Soomaalida. In la qoro taariikhdaas foosha-xun, ee ay qeybta ka ahaayeen dadka Soomaalida ayaa muddo dheer ahayd wax facshar oo kale ah, oo la qariyo, lana tirtiro, qaasatan markii ay dhalatay Jamhuuriyaddii Soomaaliya ee 1960-kii. Maamulkii xukunka rayidka ahaa iyo taliskii xukunka militariga ee ka dambeeyey ayaa labadaba meel iska dhigay faylka ku saabsan in mashruuca addoonsigu – sida dunida inteeda kale – uu ahaa mid ka taaba-qaaday Geyiga Soomaalida.

In la duugo taariikhdii addoonsiga ee Geyiga Soomaalida ayaa waxaa ugu wacneyd in dersidda taariikhda Soomaalida loo jiheeyey wax kasta oo kaabaya in hoggaamiyeyaashii xukunnadaas ay sii haystaan ama sii xoojiyaan xukunkooda. Sida awoodda lagu haysanayo ama lagu raadinayo ayaa ahayd in taariikhda laga masaxo wax kasta oo keeni kara kacdoon dadweyne, oo ay dadku ku dalbanayaan taariikhda teeda runta ah, si loo abuuro mustaqbal wadajir ah oo la wada leeyahay.

Illaa iyo hadda, ma jiro buug cilmi ah, oo si faahfaahsan uga hadlaya taariikhdii addoonsiga ee Geyiga Soomaalida.

Maxamed Xaaji Ingiriis wuxuu wax ka dhigaa Jaamacadda King’s College London.

”Addoon ahaan ayaa afar jeer la ii kala iibsaday” – Waa sheekada wiil Soomaali ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxamed Cabdiraxmaan oo kamid ah Tahriibayaal Soomaali ah ee laga soo qaaday dalka Liibiya ee lagu soo celiyay Muqdisho, ayaa ka sheekeyay arrimo arxan darro ah oo lagula kacay.

Maxamed oo la hadlay idaacada BBC-da ayaa waxa uu sheegay in afar jeer lagu kala iibsaday gudaha dalka Liibiya, xiligaas oo uu ku jiray socodka tahriibka.

“Afarta jeer ee la i gatay qiimo kala duwan ayaa la igu iibsady, mar la iga bixiyay $5,500, mar al iga bixiyay $6,250 iyo mar $4000 la iga bixiyay” ayuu yiri Maxamed.

Sidoo kale waxa uu sheegay inuu si lama filaan ah uga soo baxsaday kooxdii u dambeysay ee afduubka u haysatay, kadibna uu maalmo kadib ay u soo suurta-gashay inuu gaaro Tripoli.

Maxamed ayaa markii uu gaaray Tripoli la xiriiray safaarada Soomaaliya oo uu u sheegay in uu doonayo in uu dib ugu laabto Soomaaliya, waxaana sidaas dib loogu soo celiyay dalka.

Waxa uu sheegay intii uu ku guda jiray socdaalka uu ku rabay inuu ku tago Yurub uu la kulmay rafaad iyo dhibaato aad u daran, ha ugu darnaato intii uu joogay dalka Liibiya.

“Ciqaantu way kala duwan tahay. Mararka qaar cunnada ayaa lagaa jarayaa,xerooyiin usha ayaa laguugu badinayaa, halka meelaha qaarna biyo qabow lagugu rusheynaa.”

Dalka Liibiya ayaa waxaa muddooyiinkii ugu dambeeyay ka jiray addoonsi la sheegay “in lagula kaco muhaajiriinta gaar ahaan kuwa Afrikaanka ah”, sida ay sheegtay hay’adda socdaalka adduunka ee IOM.

Liibiya ayaa waxaa ku xiran ama tahriib sugayaal ah boqolaal Soomaali ah oo doonaya inay dalkaasi uga sii gudbaan dhanka Talyaaniga.

Dadkan xiran waxay isugu jiraa kuwa xabsiyada dowlada Liibiya ku jira iyo kuwo gacanta ugu jira maleeshiyaad aan cidna ka amar qaadan, kuwaasi oo ay adag tahay in laga soo furdaamiyo illaa inta la bixinayo lacagaha madax furashada.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Wararkii ugu dambeeyay ee xiisadda Saciida Deni iyo PSF iyo dal soo fara-geliyay

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Xiisada maalmihii u dambeysay ka dhex aloosneyd Agaasimaha hay’adda PSF iyo madaxweynaha maamulka Puntlnad ayaa si weyn u qabowday saacadihii u dambeeyay.

Sida ay Caasimada Online u sheegen saraakiil sare oo ka tirsan hay’adda PSF, Agaasime Maxamuud Cismaan Diyaano oo ah mas’uulka xil ka qaadistiisa ay sababtay xiisada uu qorsheynayo in uu xilka iska wareejiyo.

Agaasime Maxamuud Diyaan ayaa tallaabadaas qorsheynaya kadib wada-hadalo illaa hadda aan si dhab ah loo ogeyn ay dhex-mareen isaga iyo Saraakiisha Mareykanka.

Illa hadad ma jiro wada-hadal rasmi ah oo dhex-maray maamulka Puntland ee uu hogaamiyo Saciid Deni iyo Agaasimaha, waxaana xiisada hoos u dhigay Saraakiisha Mareykanka ee wada-hadalka la yeeshay Diyaan.

Saraakiisha ayaa ka soo xigtay Agaasime Maxamuud Cismaan Diyaano inay dhammaatay arrintii u dhexaysay isaga iyo dowladda.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, waxaa socda dadaalo lagu dhex-dhexaadinayo dowladda iyo PSF, kuwaasi oo ay wadaan Isimada maamulkaas, waxaana lagu wadaa in saacadaha soo socda la kulmaan dhinaca hay’adda PSF.

Isimada ayaa shalay kulan la qaatay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, kuwaasi oo ay qeyb ka ahaayeen Wasiirka amniga Puntland oo kal hore hanjabaad culus hawada u mariyay ciidamada PSF.

Xiisadii maalmihii u dambeeyay ka dhex aloosneyd madaxweyne Deni iyo Agaasime Diyaan ayaa waxay si weyn u saameysay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolkaasi, inkasta oo hadda ay xaaladu ay degan tahay.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Xog: Mowqifka R/W Rooble kadib markii mucaaradka ay qaadaceen doorashooyinka

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaan qorsheyneyn in la joojiyo doorashooyinka dalka kadib markii ay qaadaceen Midowga Murashaxiinta, Caasimada Online ayaa sidaas ogaatay.

Midowga Murashaxiinta ayaa bayaan ay soo saareen 30-kii November ku caddeeyey “inuusan raalli ka ahayn, aqbalayn, qaybna ka noqon doonin boobka socda ee lagu dibindaabinayo shacabka Soomaaliyeed, laguna burburinayo geeddi-socodkii nabadda iyo dhismaha dowladnimada.”

Midowga Murashaxiinta ayaa sidoo kale qoraalkaas ku sheegay in Rooble ay ka dalbadeen in la joojiyo doorashooyinka balse uu ku gacan seeray, taasi oo ku qasabtay inay si shaacsan u dalbadaan in la hakiyo doorashada.

Si kastaba, ilo-wareedyo ku dhow xafiiska Rooble ayaa Caasimada Online u sheegay in qaadacaadda mucaaradka Rooble aysan waxba ka beddeleyn mowqifka Rooble ee ah in doorashooyinka dalka ay sii socdaan, wixii cabashooyin ah ee jirana la xaliyo.

Sida aan xogta ku helnay, Rooble ayaa qaba in haddii ay jiraan kuraas si qaldan loo maamulay ama si gaar ah loogu muransan yahay in mid mid loo eego balse aysan sax aheyn in dhammaan doorashada dalka la joojiyo.

Afhayeenka Rooble Maxamed Ibraahim Macallimuu ayaa qoraal uu shalay soo dhigay facebook eedda doorashada uga leexiyey ra’iisul wasaaraha, kuna muujiyey inay ka go’an tahay inay sii socdaan.

“Doorasho marka la fulinayo waa xaqiiqo in ay cillado la soo baxayaan, balse hadii ay qaladaad dhacaan waa in sixitaankooda loo maraa hab waafaqasan habraacyada doorashada ee aaney noqon mid caadifad ku dhisan , waxana awoodaas iska leh guddiyada u xilsaaran howshaas ee Ra’iisul Wasaaruhu maaha garsoore seeri la taagan oo kiis walba laga doonayo inuu gaar u xalliyo,” ayuu yiri Macallimuu

Mowqifka Rooble ayaa astaan u ah sida ay u kala fogaadeen isaga iyo mucaaradka oo mar xulufo ahaa, islamarkaana garab xooggan siiyey markii ay is-hayeen madaxweyne Farmaajo.

Isbeddelka ku yimid Rooble ayaa la rumeysan yahay inuu ka dhashay safarkii uu bishii October ku tegay dalka Qatar, halkaasi oo wararka ay sheegayaan in Doha ay ku amartay inuu la shaqeeyo Farmaajo, islamarkaana lacag malaayin dollar ah uu kusoo qaatay.

Guddiga xallinta khilaafaadka oo jawaab ka bixiyey warkii kasoo baxay mucaaradka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka dadban ee heer federaal ayaa soo saaray warsaxaafadeed ku aadan arrimaha doorashooyinka, gaar ahaan cabashooyinka taagan iyo eedeynta ka timid xubaha Golaha Midowga Musharixiinta.

Ugu horreyn guddiga ayaa dib u soo bandhigay shuruucda doorashada ee la dajiyey, gaar ahaan cabashooyinka, kuwaas saldhig looga dhigay heshiisyadii hore loo gaaray iyo qodobadii kasoo baxay shirarkii kala duwanaa ee ay yeesheen Golaha wada-tashiga qaran.

Guddiga oo u jawaabayey xubnaha mucaaradka ayaa shaaca ka qaaday inay xaq u leeyihiin fikiradooda, balse loo baahan yahay in dacwadaha la marsiinayo warbaahinta bedalkeed, si rasmi ah loo soo gaarsiiyo guddiga xallinya khilaafaadka doorashooyinka dadban.

“Haddaba, Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada Dadban asagoo tixgalinaya in muwaadiniintu ay xaq u leeyihiin inay fikradahooda si xor ugu cabiri karaan warbaahinta noocyadeeda kala duwan, hadana Guddiga uma garawsana cabashooyinka warbaahinta oo kaliya la soo mariyo dacwo rasmi ah,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale guddiga ayaa shaaciyey in ilaa iyo hadda soo gaareen kaliya laba dacwo oo la xiriirta doorashooyinkii xildhibaanada Golaha Shacabka ee dhowaan la qabtay, isla-markaana uu guddiga u maray halbeegyada caalamiga ah ee doorashooyinka.

“Guddiga xalinta khilaafaadka ayaa xaqiijiyay inay si rasmi ah u soo gaartay labo dacwo oo Golaha Shacabka ah intii doorashada socotay, waxaana go’aankooda Guddigu u maray hanaanka dhaqanka iyo halbeegyada caalamiga ah ee doorashooyinka, wuxuuna Guddiga uu ku booriyay soo-dacwoodayaasha Doorashada ee buuxiyay shuruudaha dacwo oogashada inay dacwooyinkooda Doorashada ku hagaajiyaan Xafisyada uu guddigu ku leeyahay goobaha deegan doorshooyinka dalka muddada kor ku xusan,” ayaa lagu yiri.

Guddiga ayaa sidoo kale ka dalbaday xubnaha Midowga Musharaxiinta inay keenaan caddeymo muujinaya, haddii guddigu is hor-taagay dacwado lasoo gaarsiiyey.

Arrintan ayaa daba socota dooda adag ee weli ka taagan sida ay ku billowdeen doorashooyinka Golaha Shacabka oo lagu eedeeyey inay boobeyso Villa Soomaaliya

CC Sharmaarke oo kusoo laabtay MUQDISHO, soona saaray WAR xasaasi ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirashiid Cali Sharmaa’arke ayaa maanta dib ugu soo laabtay Xamar, kadib sanado uu ka maqnaa dalka, waxaana garoonka ku soo dhoweeyey xubnaha Midowga Musharixiinta.

Cumar Cabdirashiid oo afartii sano ee la soo dhaafay ka tirsanaa Aqalka Sare, balse dibad joog ahaa ayaa sheegay inuu ii yimid sidii uu qeyb uga noqon lahaa doorashada.

Sidoo kale wuxuu si xoogan u dhaliilay qaabka ay haatan wax ku socdaan, isaga oo xusay inuu dalka u baahan yahay samata bixin, sida uu hadalka u dhigay.

“Dalka xaalad qatar ah ayuu ku sugan yahay awoodii waxaa loo gacan geliyay maamulada iyo dadka doorashada ku howlan samata bixin ayuu u baahan yahay dalka,” ayuu yiri.

Dhinaca kale mar wax laga weydiiyey maqnaashihiisa dalka, isaga oo ahaa Senatar aan xaadirin fadhiyadii Aqalka Sare ayaa tilmaamay in golahaas horay loo cuuryaamiyey, isla-markaana imaatinkiisa maanta uu ku soo aaday, xilli ku haboonaa oo misane xasaasi ah.

“Aqalka Sare waa tii la dilay sow maaha, Aqalka Sare maba jirin intii muddo ah waxaa laga shaqeeyey in la cuuryaamiyo oo muddo ayuu cuuryaansanaa. Far kaliya fool ma dhaqdo arrintu meeshaas ma taagna imaatinkeygu waa markii ugu haboonaa,” ayuu sii raaciyey.

Sharmaa’arke oo si weyn u dhaleeceeyey mar kala duwan dowladda uu hoggaamiyo Farmaajo ayaa la filayaa inuu toos ugu biiro loolanka socda ee doorashooyinka, waxaana imaatinkiisa uu imaanayaa, xilli uu maran xoogan ka taagan yahay Golaha Shacabka.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Xog: Xiisada Mucaaradka iyo Rooble oo meel sare gaartay iyo tallaabo ay qaadayaan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sii xumaanaya oo haatan heerkii ugu hooseeyey gaaray xiriirka Ra’iisul wasaare Rooble iyo golaha midowga musharaxiinta mucaaradka, waxaana markii ugu horeysay musharaxiinta ka soo baxay qoraal ay si wadajir ah ugu eedeeyeen, uguna cambaareeyeen doorka doorashada ee Ra’iisul Wasaaraha.

Golaha ayaa bayaankoodii ugu dambeeyey ku sheegay in Rooble uu uga baxay balan ay la galeen, kadib markii ay kala shireen boobka doorashada, balantu waxay aheyd in la hakiyo doorashadaan boobka ah oo shir deg deg ah ay isugu yimaadaan Rooble iyo madax goboleedyada, kadibna go’aan cad uu Rooble kula soo laabto musharaxiinta.

Bayaankii ay musharaxiinta ku qaadaceen doorashada socota waxay ku xuseen in R/Wasaare Rooble uu ka baxay balantaas, islamarkaana uu bogaadiyey madaxda dowlad goboleedyada loo heysto boobka doorashada baarlamaanka federaalka.

Sidoo kale midowga musharaxiintu waxay Rooble ku eedeeyeen inuu amray in doorashadu sii socoto, isagoo ka codsaday, balan qaadna ka helay madaxda dowlad goboleedyada Jubbaland, Puntland iyo HirShabeelle inay doorashada golaha shacabka deg deg u bilaabaan

Hadda mucaaradku waxay cadeeyeen in doorashadaan ay u aqoonsadeen mid la boobayo, qeybna aysan ka noqon doonin, sidoo kalena ay qaadayaan taallaabooyin ka dhan ah waxa socda.

Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa qaba in lagu laabto doorashada qaar ka mid ah kuraasta dooran ee xildhibaanada golaha shacabka, taas oo ay adagtahay si ay uga suurta gasho nidaamka Villa Samalia, warar hoose waxay sheegayaan in goluhu uusan go’aankaan u dhameyn, lamana oga doodaas halka ku dambeyn doonto, balse waxaa jira beelo weli rajo ka qaba in kuraastooda la boobay dib loogu soo celiyo ka talinta masiirkooda.

Doorashada golaha shacabka oo ka bilaabatay Muqdisho, Dhusuamareeb iyo Baydhaba ayaan la mahadin hanaanka loo maamulay, waxaana markii cabashada mucaaradka laga soo tago cirka ku shareeran qeylo dhaanta beelo ay doorashada ugu awood sheegteen madax goboleedyada qaar, kuwaas oo weli doonaya in loo soo celiyo ka talinta masiirka kursigooda xildhibaan.

Beelaha qaar, sida Waceysle iyo Mareexaanka dega Galmudug waxay ka gaartay inay ku goodiyaan ‘waxaan ka go’eynaa Galmudug’ waxayna weli rajo uga jirtaa in habraaca doorashada dalka loo maro doorashada kuraastooda, oo sida ay sheegeen hadda loo boobay rag gaar ah.

Xiisada ka dhalatay boobka doorashada ayaan la saadaali karin heerka ay gaari doonto, maadaama mucaaradku ka carooday, ra’iisul wasaaruhuna amray in lasii dedejiyo doorashada, taas oo ka dhigan in sidaan lagu sii wado, cabsida ugu weyn waa in gacan ka hadal uu ka dhasho hanaanka ay wax ku socdaan.

Midowga murashaxiinta ayaa hadda ka fakara inay si toos ah xiriirka ugu jaraa Rooble lana meel dhigaan Farmaajo.

Guddiga doorashooyinka dalka oo ka horyimid dalabkii Midowga Musharaxiinta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka ee heer federaal, Mudane Maxamed Xasan Maxamed (Cirro) oo haatan ku sugan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa ka hadlay tabashada haatan golaha midowga musharxiinta mucaaradka ee ku aadan qaabka ay ku socota doorashada dalka 2021-ka.

Cirro ayaa marka hore shaaca ka qaaday in ka guddi ahaan ay ka shaqeynayaa, sidii ay doorashada ku noqon laheyd mid daah-furan, wuxuuna tilmaamay in haatan waxa uu Koonfur Galbeed u joogo ay tahay xallinta cabashada ka timid kuraast qaar ee la doortay.

Sidoo kale wuxuu guddoomiyuhu ka horyimid dalabkii kasoo baxay xubnaha musharixiinta mucaaradka ee ku aadanaa in la hakiyo doorashada socota, wuxuuna hoosta ka xariiqay in aysan jirin sabab loo joojiyo doorashada oo uu tilmaamay inay marar badan dib u dhacday.

Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in aysan dan ugu jirin dalka iyo dowladnimada in waqti kale laga sii lumiyo dadka Soomaaliyeed.

“Anigu ma arko sabab loo hakinayo doorasho in badan baa doorashada dib u dhacday waqtigeedii ayey ka dib dhacday hakin kale oo sii gashana wadanka dan uma ah, dowladnimada dan uma ah. Marka aniga iima muuqato sababo loo hakiyo doorashada,” ayuu yiri guddoomiyaha guddiga doorashooyinka dadban ee heer federaal.

Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday sababta illaa iyo hadda ay doorashada Golaha Shacabka u guda-gali la’yihiin maamullada HirShabelle, Jubbaland iyo Puntland, wuxuuna shaaciyey inay marweliba ku cel-celinayaan inay bilaabayaan qabashada doorashada .

“Markasta oo xiriir na dhex-maro waxa ay sheegaan inay bilaabayaan, ayna u diyaarsan yihiin marka intaa wax ka badan ma jiraan,” ayuu sii raaciyey guddoomiyuhu.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyadoo haatan dood xoogan ay ka taagan tahay qabashada doorashada Golaha Shacabka oo ay cabasho ka keeneen xubnaha midowga musharixiinta mucaaradka oo hoggaanka Villa Soomaaliya ku eedeyey inay ku shubaneyso doorashada.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Daawo: Imaamka Mudullood oo caddeeyey saxiixaha rasmiga ah ee kursiga ‘uu ku guuleystay’ Yaasiin Farey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Imaamka beelaha Mudullood Imaam Maxamed Yuusuf ayaa si adag uga hadlay dooda ka taagan doorashada kursigii uu ku soo baxay Agaasimaha KMG ah ee NISA Yaasiin Farey, kaas oo tirsigiisu yahay Hop#067, waxuuna ka mid yahay kuraasta golaha shacabka ee doorashadooda lagu qabtay Dhuusamareeb.

Imaam Maxamed Yuusuf ayaa caddeeyay in hanaan sax ah aan loo maamulin doorashada kursugaas, iyadoo la garab maray nabaddoon Cali Jeesto oo masuul ka ah saxiixa kursigaas.

“Waxaan halkaan ka cadeynayaa in Cali Jeesto uu odayga Waceysle yahay, dowladda waxaan leeyahay yaan lagu sirmin ninkaas Cali ah, qolada guddiga khilaafaadka waxaan lee yahay war na-warsada aan inla toosinee waxa qaldamay, anaga waxaan rabnaa dowlad ku dhisanta hanaan sax ah,” ayuu yiri Imaam Maxamed Yuusuf.

Imaamka ayaa fariin u diray guddiga xalinta khilaafaadka oo haatan ay hor taallo dacwada kursigaas ay beesha Waceysle ku doodeyso in la boobay, waxuuna kula taliyey in xaqa iyo baadilka ay dadka u kala saaraan.

“Qoladiina khilaafaadka fartaa inku godneed ayaantaan, waxaa la dinka rabaa inaad wax saxdaan, xalay waxaan maqlaayey Ra’iisul wasaaraha oo idinla dardaarmaaya, waxaa la idinka rabaa wixii qaldamay inaad saxdaan, sidoo kale waxaan cadeynaa in Cali Jeesto yahay duqa Waceysle,” ayuu yiri Imaamka beelaha Mudullood Maxamed Yuusuf.

Hoos ka daawo

Ra’iisul Wasaaraha Sudan oo is-casilaya hal arrin darteed

0

Khartuum (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Sudan Abdalla Hamdok ayaa xilka ka tagi doona haddii la dhaqan-geli waayo heshiiska siyaasadeed oo uu la saxiixday milatariga toddobaadkan.

Sida laga soo xigtay illo wareedyo ku dhow Ra’iisul Wasaaraha Hamdok ayaa sidoo kale xilka ka tagi doona haddii uu ku guuldareysto inuu taageero ka helo kooxaha siyaasadda.

Hamdok ayaa laga sii daayay xabsi-guri, waxaana dib loogu soo celiyay shaqada Ra’iIsul Wasaare-nimo.

Heshiiska Hamdok uu banaanka ku yimid ayaa waxaa wada gaaray xubnaha rayidka ee uu hoggaamiyo iyo militariga Suudaan bishii Noofambar 21-keeda, waxaana Hamdok uu xirna muddo afar todobaad ah.

La-wareegista xukunka ee Ra’iisul Wasaare Hamdok oo ku timid heshiiskii awood qeybsig sanadka 2019, kaas oo u dhaxeeyay militariga iyo kooxaha siyaasadeed ee ku lugta lahaa ridistii hoggaamiyihii hore Cumar Al-Bashiir.

Kooxahaas ayaa diiday heshiiskan cusub. Sidoo kale waxaa diiday xoogagga iska caabin ah oo abaabulay olole mudaaharaad ah.

Mudaaharaadyadii u dambeeyay ayaa labadii berri ee u dambeeyay tobanaan kun oo qof isugu soo baxeen bartamaha Khartoum, iyaga oo ku dhawaaqayay halku-dhigyo ay kamid yihiin “Lama wadaagi karo, gorgortanna iyo tanaasulna ma jiraan”.

Afgambiga ayaa soo afjaray laba sano oo xukun rayid oo ku-meel gaar ah, waxaana uu horseeday cambaareyn calami ah, ayada oo beesha caalamka ay dalbatay in lasoo celiyo dowladda rayidka.

Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta oo xiriir dhow la leh militariga Sudan ayaa 4-tii November ku biiray Mareykanka iyo Britain ayagoo soo saaray baaq ay ku dalbanayaan in lasoo celiyo dowladdii rayidka.

Mowqifka mideysan ee quwadahan Carbeed ayaa imanaya ayada oo Washington ay rajeyneysay in militariga laga dhaadhicin karo inay aqbalaan xal ay sumcaddooda ku ilaashanayaan.

Washington ayaa si deg-deg ah u hakisay kaalmo dhaqaale oo gaareysa 700 milyan oo dollar oo ay ugu talo-gashay Sudan.

Sudan ayaa sidoo kale cadaadis kala kulantay Midowga Afrika oo hakiyey xubnimadeeda “illaa ay dib ugu soo caliso nidaamkii rayidka.”

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:
iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Gaari ay la socdeen shacab oo lagu qaraxiyey duleedka Kismaayo + Khasaaraha

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ramiga ah ee ka dhashay qarax xoogan oo maanta ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo, kaas oo geystay khasaare kala duwan oo leh dhimasho iyo dhaawac.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa miinada dhulka lagu aaso, waxaana uu haleelay gaari ay la socdeen dad shacab ah oo marayey deegaanka Buulo Xaaji ee gobolka Jubbada Hoose.

Ugu yaraan 4 qof oo dhalinyaro ah, kana mid ahaa dadkii la socday gaariga ayaa ku dhintay qaraxaasi, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale, sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Gabi ahaan baabuurka uu qaraxu qabsaday ayaa ku burburay goobta, waxaana la sheegay in dadka la socday ay ahaayeen dad xoolo dhaqato ah oo biyo doonayey xilligaasi.

Sidoo kale waxaa gurmad u fidiyey dadka ay waxyeelada soo gaartay shacabka deegaanka oo goobta kasoo qaaday meydadka dhalinyarada iyo dhaawaca ka dhashay qaraxaasi.

Ma jiro illaa iyo hadda wax faah faahin oo ay saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ka bixiyey qaraxaas ee ay wxyeelada kasoo gaartay dadka shacabka ah.

Weerarkan qaraxa loo adeegsaday ayaa kusoo aadaya, iyada oo saaka aroortii hore ciidamada Danab ay gudaha u galeen Buulo Xaaji oo ay howl-gal ka sameeyeen.

Kooxda Al-Shabaab ayaa ku xoogan halkaasi, waxaana inta badan ay dhabaha u galaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo ay ku qaadaan weeraro khasaare geysta.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Dagaal culus oo dhex-maray ciidamada Iran iyo Taalibaan

Tehran (Caasimada Online) – Dagaal xooggan ayaa ciidmada Taaliban iyo askarta Iran ku dhex-maray meel ku dhow xuduudda Afghanistan iyo Iran, hase yeeshee kama dhalan wax khasaare ah, waxaana goor dambe lagu qeexay “is-faham darro”.

Muuqaallo dhowr ah ayaa muujinayey dagaal-yahanada Taaliban oo is-abaabulaya. Waxaa sidoo kale la maqli karay rasaas xooggan, halka muuqaal kale uu muujiyey ciidamada Iran oo ridaya madaafiic ayaga oo ka jawaabaya rasaasta Taalibaan.

Wakaaladda wararka Iran ee Tasnim ayaa xaqiijisay in dagaalka uu ka dhacay xaafadda Shaghalak ee degmada Hirmand. 

Tasnim, oo xiriir la leh Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah, ayaa sheegtay in halkaas horey looga dhisay darbi ku yaalla dhinaca Iran, si looga hortago dadka kasoo galaya dhanka Afghanistan.

Dagaalka ayaa hadda dhammaaday, waxaana mas’uuliyiinta Iran ay xaaladda kala hadlayaan Taalibaan, sida ay sheegtay Tasnim. 

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibedda Iran, Saeed Khatibzadeh ayaa goor dambe bayaan uu soo saaray ku sheegay in “is-faham waa u dhaxeeyey dadka degan xuduudda” uu horseeday dagaalka, isaga oo aan magacaabin Taalibaan. 

Muqaallo la baahiyey ayaa muujinayey ciidamada Taalibaan oo ku sugan dhufeyso Iran, ayada oo wararka qaar ay sheegayaan in dhowr dhufeys ay qabsadeen. 

Tasnim ayaa beenisay in goobo laga qabsaday Iran, hase yeeshee waxay sheegtay “in muuqaallada la baahiyey qaarkood ay yihiin kuwa la qaaday markii dagaalka uu qarxay, islamarkaana ciidamada Iran ay hadda si buuxda gacanta ugu hayaan xuduudaha dalka.”

Iran si rasmi ah uma aqoonsan Taalibaan tan iyo markii ay xukunka Afghanistan la wareegeen bishii August kadib bixitaankii ciidamada Mareykanka iyo NATO. 

Saraakiisha Iran waxay sheegeen in aqoonsi ay siiyaan Taalibaan ay ku xiran tahay dhisidda dowlad loo dhan yahay, hase yeeshee waxay Mareykanka ugu baaqeen inay cunaqabateynta ka qaadaan Taalibaan, si looga baaqsado xaalad bani’aadamanimo oo darran. 

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii 

Al-Shabaab oo ‘gubtay’ tuulooyin ka tirsan degmada MAHADAAY + Sababta

0

Jowhar (Caasimada Online) – Xoogag ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta dab qabad siiyey guryo ay daganaayeen dad shacab ah oo ku yaalla tuulooyin hoostaga degmada Mahadaay oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe ee maamulka HirShabelle.

Tuulooyinka la gubay ayaa waxaa ka mid ah Diinlaawe iyo Mansuur, waxaana halkaas isaga barakacay, ka hor inta aan la gubin qoysaskii ku noolaa oo u badnaa beeraley.

Wararka ayaa sheegaya in arrintan ka dambeysan, kadib markii duleedka Mahadaay lagu dilay laba oday dhaqameed oo ka mid ahaa dadka deegaanka, balse fulinayey amar kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ahaa in la baabi’iyo beero la’isku heesto oo ku yaal halkaasi.

Dilka odayaasha ayaa waxaa la sheegay inay ka dambeeyeendad beeraleyd ah oo ka carooday in la burburiyo beerahooda oo ay ku abuurnaayeen dalagyo kala duwan, kadibna waxaa la sheegay in gudaha galeen Diinlaawe iyo Mansuur dagaalyahanada Al-Shabaab oo gubay guryo ku yaal deegaanadaas oo hoostaga degmada Mahadaay ee Shabeelaha Dhexe.

Qoysaska barakacay ayaa haatan gaaray deegaanada oo kale oo ka tirsan dowlad goboleedka HirShabelle, balse aysan joojin dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca maamulka gobolka Shabeelaha iyo saraakiisha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo ku aadan falkaasi.

Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa weli degmooyin iyo deegaano ka heesta Al-Shabaab oo amaro adag dul-dhigta dadka shacabka ah ee ku dhaqan halkaasi.

Somaliland oo xukun adag ku ridday afar askari + Sababta

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Maxkamadda ciidamada Somaliland ayaa maanta soo gaba-gabeysay dhageysiga dacwad loo heestay afar askari oo ka tirsan ciidamada Booliska maamulkaasi, kana howl-galayey magaalada Ceerigaabo oo ka tirsan gobolka Sanaag.

Maxkamadda ayaa askartan ku heshay inay fal kufsi ah u geysteen gabar 13 jir ah, kaas oo bartamihii sanadkan ka dhacay deegaanka Ceel-afweyn ee isla gobolkaasi.

Sidoo kale maxkamadeynta askartan ayaa soo martay marxalada kala duwan, waxaana ugu dambeyn ay maxkamaddu soo gabagabeysay kiiska ka dhanka ah 4-taasi askari.

Garsooraha maxkamadda ayaa shaaciyey in raggan lagu helay dambiga lagu soo eedeeyey, isla-markaana lagu xukun min 7 sano oo xabsi ciidan ah.

Dhanka kale maxkamadda ayaa sii deysay laba eedeysane oo kale, kadib lagu waayey inay ku lug lahaayeen falka kufsiga ah ee loo geystay gabadha yar ee 13-ka jirka aha.

Fadhiga maxkamadda waxaa sidoo kale ku sugnaa ehellada gabadha dhibka loo geystay iyo sidoo kale ehellada askarta la xukumay oo goobjoog ahaa go’aanka la ridday.

Waalidiinta dhalay gabadha la kufsaday oo muddo sugayey cadaaladda ayaa soo dhoweeyey xukunka  adag ee lagu ridday afarta nin ee lagu helay inay geysteen falkaasi.

Si kastaba, Somaliland ayaa horay xukuno kala duwan ugu ridday rag lagu soo edeeyey kufsiyo ka dhacay maamulkaasi, kadib markii gacanta ku soo dhigeen ciidanka ammaanka.