24.9 C
Mogadishu
Thursday, July 2, 2026

Jeneraal Biixi oo soo saaray amar xasaasi oo ka dhan ah…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Lugta ee Xoogga dalka, General Maxamed Tahliil Biixi oo la hadlayey cutubyo ka tirsan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Gorgor ayaa digniin culus u diray dhammaan ciidamada Xoogga, wuxuuna tilmaamay in tallaabo adag oo sharci ah ay ka qaadi doonaan askarigii dila qof shacab ah.

Biixi oo soo hadal qaaday dilalkii ka dhacay Muqdisho ayaa nasiib darro ku tilmaamay in askari ka tirsan Xoogga dalka uu dilo qof shacab ah, halkii uu sugi lahaa amnigiisa.

Taliyaha ciidamada Dhulka ayaa sidoo kale ku dhaartay in askarigii qof shacab ah xabad ku fura inay geyn doonaan tiirka, si isna looga qaado tallaano waafaqsan sharciga.

“Waa dhacdo aad u fool xun waxaan rabaa inaan halkan uga faa’iideysto dhammaan ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed meelo joogo ama ha noqdo mid Staff ah oo madax la socda ama ha noqdo mid ciidan oo Xoogga dalka ka tirsan, qofkii qof shacab ah xabad ku rida Wallaahi tiirka maxkamaddaan geyneynaa,” ayuu yiri taliyaha ciidamada dhulka, Biixi.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray “Dadkii aad u soo tababarateen oo amnigooda aad u dhaarateen in qal-qal la geliyo oo si sahlan xabado loogu furana xaq ma’ahan, mana yeeleyno,”.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in askarta haatan lasoo qabtay ee loo heesto dilalkii ka dhacay Muqdisho inay horgeyn sharciga, wuxuuna sidoo kale shacabka ugu baaqay in aysan qeyb ka noqon amni darrada oo ay la shaqeeyeen laamaha amaanka.

“Kuwa hadda lasoo qabtay sharciga ayaan horgeyn doonaa waxaan ka codsaneynaa shacabka Soomaaliyeed amni darrada in aysan qeyb ka noqonin,” ayuu sii raaciyey.

Labadii habeen ee lasoo dhaafay ayaa waxaa wadada Maka Al-Mukarama ka dhacay dilal oo loo geystay saddex dhalinyaro ah oo labo ka mid ah ay ahaayeen walaalo wada dhashay, waxaana dilalkaasi fuliyey askar ka tirsan ciidamada dowladda oo mar dambe lasoo qabtay.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

CC Shakuur: Waxaa dhacay qiyaamihii xukunka Farmaajo waxaana caddeyn u ah…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa soo saaray qormo uu cinwaan uga dhigay “Haddii xukunka dad aan ehelkiisa aheyn loo dhiibo, suga qiyaamihii” waxuuna qormadaan uga hadlay dhalinyadii ay ciidamada dowladdu xalay iyo habeen hore ku dileen gudaha magaalada Muqdisho.

Ugu horeyn Cabdiraxmaan ayaa sheegay inuu xanuunka geerida iyo tiiraanyada tacsida la qaybsanayo Allah u naxariistee ehelka iyo asxaabta Mahad Cabdiraxmaan Maxamuud oo ahaa sarkaal ka tirsanaa ciidanka Asluubta oo xalay ay dileen ciidamo ka tirsan dowladda.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qoraalkan uu soo saaray waxuu ku sheegay in marxaladaan uu dalkeenu ku jiro ay u muuqto inuu dhacay qiyaamihii xukunka Farmaajo, balse loo baahan yahay in laga fekero sidii looga fujin lahaa xukunka, isagoo aan dhib geysan.

“Nabigeenna waxaa laga wariyey “Haddii xukunka dad aan ehelkiisa aheyn loo dhiibo, suga qiyaamihii” cullimada qaar ayaa ku fasiray, in qiyaamaha dhacaya uu yahay kan xukunkaas ee aysan ahayn qiyaamihii waynaa,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Sidoo kale waxa uu sheegay in qiyaamaha xukunka Farmaajo in uu dhacay uu caddeyn u yahay hadalkii ay xalay tiri hooyada dhashay Sowdoa iyo Sakariye – wiilkii iyo gabadhii walaalaha ahaa ee xalay la dilay, kaas oo ahaa “Caddaalad ka sugi maayo, sababtoo ah kuwii iga horreyeyba ma helin.”

“Ma aha in caddaalad la waayey ee waa laga quustay. Qayladii waaliddiintii ubadkooda Eriteria loo qaaday ayaa korkeenna ku dhammaatay, illinta Maamo Qaali ayaa nagu kor qubatay. Sidoo kale hooyada Sowda iyo Sakariya, iyo waalidka Mahad,” ayuu yri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Ugu dambeyntii Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qoraalkiisa ku yiri, “Xukunka Farmaajo waa dumay, laakiin in uu xoog ku joogo ayaa ka go’an. Waa in ka fekernaa sida ugu dhibka yar ee la isku dhaafin lahaa.”

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Rooble oo amar culus soo saaray kadib dilalkii Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo war kasoo saaray dilalkii ka dhacay Muqdisho ayaa tallaabo wanaagsan ku tilmaamay in haatan gacanta lagu soo dhigay askar ku eedeysan falalkaasi.

Rooble ayaa sidoo kale amray in si deg-deg ah sharciga loo horgeeyo eedeysanayaasha, si ay cadaalad u helaan dhibanayaasha iyo ehelladooda.

“Waa tallaabo wanaagsan in ciidammada ammaanku soo qabteen eedaysanayaashii. Waxaan  farayaa in si deg deg  ah sharciga loo hor geeyo si dhibbaneyaashii iyo eheladoodu caddaalad u helaan,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Sidoo kaled wuxuu tacsi u diray ehellada dhalinyaradii habeenadii lasoo dhaafay lagu dilay Muqdisho, gaar haan Zakariye Maxamuud, Sowda Maxamuud iyo Mahad Cabdiraxmaan, Maxamuud, wuxuuna intaasi ku daray in xanuunka iyo murugada uu la qeybsanayo ehellada.

“Waxaan xanuunka iyo murugada la qeybsanayaa una tacsiyeynayaa qoysaskii ay geeriyoodeen Allaha naxariistee dhallinyaradii xalay iyo galabta lagu dilay Muqdisho ee Sakariye Maxamuud Xuseen, Sowda  Maxamuud Xuseen iyo Mahad Cabdiraxmaan Maxamuud,” ayuu markale qoraalkiisa ku yiri ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo Booliska Soomaaliyeed uu shaaciyey in gacanta lagu soo dhigay eedeysanaay loo heesto dilalka dhalinyaradaasi oo si weyn looga xumaaday.

Si kastaba, ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa inta badan dilal ka dhan ah rayidka ka geysta magaalada Muqdisho, kuwaas oo sii kordhayey maalmihii lasoo dhaafay.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Somaliland oo ku dhowaaqday go’aan culus oo ka dhana QM

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa markale shaacisay inay gebi ahaanba joojisay wada-shaqeyntii Qaramada Midoobay iyo howlihii ay ka waday gudaha Somaliland.

Wasiirka warfaafinta Somaliland Saleebaan Cali Koore oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay mashaariicda Qaramada Midoobay u joojiyeen kadib markii ay arken inay wax u dhimayso gooni isku taaga iyo madax-banaanidooda.

Waxa uu sheegay in Somaliland ayada oo ka fikireysa qadiyadeeda gooni isku-taaga ay markale hakisay dhamaan wixii mashaariic ahaa ee hay’addaha Qaramada Midoobay ka wadeen deegaanadeeda.

“Waxaanu isweydiinay ma waxaad qaadataan, wax madax-bannaanidiina iyo dadka doonistooda waxyeeleeya, oo ah mashaariic yar-yar oo UN-tu bixiyaan, mise dadka madax-bannaanidoodii ayaad u ilaalisaan, loona dhiman maayo mashaariicda UN-tu bixiso,” ayuu yiri Wasiir Koore.

Waxa uu intaas kusii daray in mashaariicda QM ay meel ka dhac ku yihiin doonista shacabka reer Somaliland, maadama uu sheegay in la siyaasadeeyay. Wasiirka marnaba ma sheegin nooca mashaariicda la joojiyey.

Ma aha markii u horeysay ee Somaliland ay joojiso mashaariic ay hay’addaha Qaramada Midoobay ka fulinayaan deegaanadeeda, ayada oo markii u horeysay ee ay ku dhawaaqdo inay joojiso wada-shaqeynta Qaramada Midoobay ay aheyd sanadkii 2019-kii.

Somaliland ayaa iyadu ku dooda inay tahay dal madax-banaan, waxayna si adag uga hortimid in deeqaha la siinayo lasoo marsiiyo dowladda federaalka Soomaaliya, waana midda u weyn ee keentay khilaafka QM iyo Somaliland.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Wararkii ugu dambeeyey Itoobiya iyo dugsiyada sare oo sabab yaab leh loo xiray

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxda Sare ee dalka Itoobiya ayaa xiray dhammaan dugsiyada sare  ee ku yaalla dhamamaan ismaamulada iyo caasimada.

Dowladda ayaa ku sheegtay sababta in ardaydu ay dadka beeroleyda ahi ee ku maqan safka hore ee dagaalka ka dhanka ah kooxda TPLF uga caawiyaan goosashada dalagyada.

Wasiirka waxbarashada Itoobiya ayaa sheegtay in dugsiyada sare ay xirnaan doonaan muddo hal usbuuc ah oo ka billaabanayso isniinta soo socota.

Waxaa uu sheegay in dad badan oo ka shaqeyn jiray beeraha iyo soo gurida dalagyada ay ku biireen dagaalka ka dhanka Kooxda TPLF.

Inkastoo wax colaad ah aysan ka jirin dowlad deegaanka Soomaalida ee dalkaasi Itoobiya, haddana xafiiska waxbarashada deegaanka Soomaalida ayaa sheegay in dugsiyada sare ee deegaanku ay xirnaanayaan muddadaasi usbuuca ah, si loogu hoggaansamo amarka wasaaradda waxbarashada ee heer federaal.

Cabdulqaadir Macallin Shukri oo ah wasiir ku xigeenka xafiiska waxbarashada dowlad deegaanka Soomaalida ayaa sheegay in maadaama gobolku aysan ka jirin beero badan muddadaasi ardayda deegaanku ay ka qeyb qaadan doonaan olole ay wasaaraddu billaabeyso sida dhiig shubid iyo in niyad ahaan la taageero dagaalka ciidamada dalkaasi Itoobiya ay uga soo horjeedaan ururka TPLF.

In ka badan laba milyan oo arday ah ayaa horay uga maqnaa dugsiyada dalkaasi sababo la xiriria colaadda dalkaasi oo sanad ka hor ka soo billaabatay gobolka woqooyi ee Tigray

Xilli dagaalku uu sii xoogaysanayo ayaa ciidamada dawladdu Itoobiya waxay sheegeen in ay magaalooyin badan ka qabsanayaan fallaagada TPLF.

Arbacadii dhaweyd ayaa ciidamada dowladda waxay ku dhawaaqeen in ay dib u qabsadeen magaalada taariikhiga ah ee Lalibela.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Xog: Shirkii mucaaradka oo lagu kala qeybsamay iyo Villa SOMALIA oo saameysay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulamada magaalada Muqdisho uga socda golaha midowga musharaxiinta Soomaaliya ayaa qarka u saaran inay ku soo dhamaadaan fashil, iyagoo aan isku raacin go’aan mideysan.

Sida aan xog hoose ku helnay kulankii shalay ee golaha midowga musharaxiinta waxaa ka jiray is bedel ka muuqday musharaxiinta qaar, waxaana la aaminsan yahay in Villa Somalia ay si dadban u faro-gelisay shirka.

Musharaxiinta qaar ayaa rajadooda kor loo soo qaaday, waxaana la sheegay in balan qaadyo loo soo marsiiyey madaxda dowlad goboleedyada qaar.

Qorshihii shirka midowga musharaxiinta ee shalay waxa uu ahaa in loo gudbo wajiga labaad ee shirka oo ajendihiisu ahaa ‘Maxaan dhisan karnaa, maadaama doorashada aanaa qeyb ka aheyn.”

Xogta aan helnay waxay sheegeysaa in xubnaha qaar ay dib uga gurteen go’aanka ah in la abaabulo doorasho is garab taalla iyo dhismaha gole qaran.

Musharaxiinta qaar waxay shalay ka gaabsadeen in shirkii socday ay fikirkooda ka dhiibtaan, halka qaarna ay la yimaadeen shirka dabacsanaan sidii hore ka duwan.

Dhowr musharax ayaa la sheegay inay miiska la yimaadeen in xalka Ra’iisul wasaaraha la qaato oo kuraasta lagu muransan yahay laga doodo, doorashada socotana loo hoggaansamo.

Sida ay noo sheegeen xubno ka tirsan midowga musharaxiinta, kooxda uu is bedelku ku dhacay, waxay xoojinayaan fikirka ah in mucaaradku uusan abaabulin Badbaado Qaran 2, dhismaha gole qaran ama laba doorasho oo is barbar socota.

Musharaxiinta qaar waxay muujiyeen walaac maaliyadeed, iyagoo ku dooday inay adag tahay, in hadii qorshahaan la dhaqaajiyo loo baahan doono dhaqaale badan iyo garab ciidan oo xoog leh, balse waxaa lagu tilmaamay rag u muuqday inay iibinayaan fikrad loo soo dhiibay.

Shirkii midowga musharaxiinta ee shalay waxa uu burburiyey dhamaan shirarkii golaha u socday maalmahaan, waxaana goobta shirka ka tegay xubnaha qaar, iyagoo niyad jabsan, halka ragga qaarna loo fahmay in Villa Somalia laga soo hadlay oo wax-sarifasho ay ku jiraan.

“Iyadoo ay jirtay aragtida ah in mucaaradka Soomaaliya uusan mabda’ mideysan laheyn, hadana in ragga qaar ay ku qancaan in Rooble ama Qoo Qoor ay si un uga caawin karaan inuu xukunka dalka qabto, waxay aheyd lama filaanka shirka,” ayuu yiri mid ka mid ah xubnaha midowga musharaxiinta.

Markii lagu guul-dareystay in loo gudbo wajiga labaad ee shirka, ayaa waxaa la sheegay in xubnaha qaar ay soo jeediyeen in shirarka la sii wado oo maanta lagu casuumo Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Senator Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke.

Musharaxiinta qaar ayaa la sheegay inay ku nafiseen aragti shirka la keenay oo aheyd in mucaaradku ay soo jeediyaan qodobo ay ku dalbanayaan inay door ku yeeshaan doorashada socota, balse qodobo badan oo horay mucaaradku u dalbaday ma jirin cid xalisay.

Jahwareerkii ku dhacay shirkii mucaaradka iyo sida ragga qaar ay isku dhiibeen waxaa lagu qeexay, in Villa Somalia ay shirka soo faro-gelisay oo musharaxiinta qaar ay iska dhigeen ergo idman, si ay doorashada ugu guuleystaan.

Dadka siyaasadda falanqeeya waxay leeyihiin, “Mar hadii Farmaajo iyo Fahad iyagoo isticmaalaya kanaalo kale ay awoodeen inay fashiliyaan shirkii mucaaradka, waa iska cadahay cidda Soomaaliya xukumi doonta afarta sano ee soo socota.”

Horay waxaa banaanka u taalay xanta ah in mucaaradka qaar aysan isku aragti ka aheyn hanaanka ay wax u socdaan, balse labadii cisho ee lasoo dhaafay waxaa la sheegay in musharaxiinta qaar ay aad isku bedeleen.

Haatan waxaa la sugayaa in mucaaradku war soo saaraan oo hadallo jeediyaan, laakiin ma jiro go’aan mideysan, waxayna ku dhici waayeen damacoodii ahaa inay awood is bidaan, waxaana la aamisan yahay in fashilkan uu ku keenay dadaalka ay gelisay Villa Somalia.

Wada-hadalladii Mareykanka iyo Iran oo lagu kala-tegay kadib tallaabo ay qaaday Iran

Vienna (Caasimada Online) – Wada-hadallada aan tooska aheyn ee Mareykanka iyo Iran ee la doonayo in lagu badaabadiyo heshiiskii Nukliyeerka 2015 ayaa lagu kala tegay kadib markii Iran ay soo bandhigtay dalabyo xooggan oo ka yaabiyey saraakiisha Yurub.

“Iran iminka uma muuqato inay dhab ka tahay inay sameyso waxa lagama maarmaanka ah si ay ugu soo laabato u hoggaansanaanta heshiiska, taasina waa sababta aan usoo geba-gebeynay wareeggan wada-hadallada Vienna,” waxaa sidaas yiri xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Antony Blinken. 

“Haddii waddada loogu soo laabanayo u hoggaansanaanta heshiiska aysan guuleysan, waxaan qaadi doonnnaa tallaabooyin kale,” ayuu yiri isaga oo aan bixin sharaxaad.

Diblomaasiyiinta ayaa sheegay in wafdiga Iran ay soo jeediyeen isbeddelo lagu sameeyo qoraalka horey looga wada-xaajooday oo ay rumeysnaayeen in 70-80% uu dhameystirnaa.

“Shan bilood ka hor, Iran waxay joojisay wada-xaajoodyadii. Wixii markaas ka dambeeyey waxay sare u qaaday barnaamijkeeda Nukliyeerka. Toddobaadkanna waxay dib uga laabatay horumarkii diblomaasiyadeed ee la sameeyey,” Waxaa sidaas bayaan ay soo saareen ku yiri saraakiisha France, Britain iyo Germany. 

Saddexdan dal ee reer Yurub ayaa “niyadjab iyo walaac” ka muujiyey dalabyada Iran, kuwaas oo qaarkood ay sheegeen inaysan la jaanqaadi karin qodobada heshiiska. 

Heshiiska Nukliyeerka oo la saxiixay 2015 ayey Iran ay ku ogolaatay in xaddido barnaamijkeeda Nukliyeerka, waxaa taas beddelkeeda laga qaaday cunaqabateynadii la saaray.

Hase yeeshee Mareykanka ayaa heshiiskaas ka baxay 2018 intii uu madaxweyne ahaa Donald Trump, wuxuuna dib usoo celiyey cunaqabateynadii saarnaa Iran, waxaana ayada oo ka jawaabeysa Iran ay joojisay u hoggaansamidda heshiiska.

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sheegay inuu rumeysan yahay in wareegan wada-hadallada aysan miro-dhali doonin, wuxuuna tusmeeyey suurta-galnimada ah in dalal kale ay kusoo biiraan, sida kuwa Khaliijka Carabta.

“Waxaan u maleynayaa inay adkaan doonto in heshiis la helo haddii aanay dalalka Khaliijka, Israel ama kuwa amnigooda uu si toos ah u saameynayo aanay ka qeyb qaadan,” ayuu yir isaga oo ku sugan Dubai oo uu booqasho ku tegay. 

Wada-xaajoodaha Iran ee Nukliyeerka Ali Bagheri Kani ayaa sheegay in mowqifka Iran uu yahay in maadaama Washington ay ka baxday heshiiskii hore ay marka hore qaado tallaabada ugu horreyso oo ay ku qaado dhammaan xayiraadaha dhaqaale. 

Waxa uu sidoo kale dalbaday in Mareykanka iyo dalalka Reer Galbeedka ay ballan-qaadaan in aan wax cunaqabateyno ah aan mustaqbalka la saari doonin Iran. 

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Daawo: Senator Mashruuc oo war kasoo saaray xiisadda ka taagan BOOSAASO

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Senetor Maxamuud Axmed Mashruuc oo khudbad  magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa baaq ka soo saaray xiisada ka taagan magaaladaas ee ka dhalatay xil ka qaadistii Taliyaha ciidanka PSF ee Puntland, isagoo soo jeediyey in amniga iyo siyaasadda la kala saaro.

Senatorka ayaa wax laga xumaado oo dhaawac ku ah dowladnimada Puntland ku tilmaamay amar diidada ay sameeyeen saraakiisha iyo ciidanka PSF-ta Puntland ee dhufeysyada ka qotay gudaha magaalada Boosaaso.

“Umad kasta oo dunidaan ku nool waxaa kala haga dastuur, sharcigu waa heshiis bulsho, cid kastana waa inay u hoggaansantaa, isagaana kala haga dowladnimada, waxaa dastuurka Puntland ku qoran in madaxweynuhu bedeli karo taliyeyaasha ciidamada, awoodaha loo doortay ayey ka mid tahay, dowladnimada in la ilaaliyo oo shuruucda loo hoggaansamo waa mas’uuliyad na wada saran,” ayuu yiri Senator Mashruuc.

Waxa uu sheegay in taliyaal badan xilka laga qaaday mudooyinkii u dambeeyey, balse hadda uu muran ka yimid xilka qaadistii Taliyaha PSF, taas oo sida uu sheegay aan sax aheyn, caqabadna ku ah dowladnimada iyo kala dambeynta Puntland.

“Waxaan ugu baaqayaa hoggaanka saraakiisha PSF hadii aad siyaasad u baahan tihiin soo gala, hadii aad ganacsi u baahan tihiina gala, laakiin sax  maaha in la isku milo amniga iyo siyaasadda, Puntland dowladnimadeeda ayey tani ceeb ku tahay,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Senator Mashruuc.

Sidoo kale Senatorka ayaa soo jeediyey in dib u eegis lagu sameeyo mustaqbalka iyo hab dhaqanka ciidamada ay Soomaaliya u tababaraan dowladaha shisheeye ee saaxiibka la ah dowladda Soomaaliyeed.

Hoos ka Daawo

Booliska oo soo qabtay askar loo hayto dhallinyaradii xalay iyo caawa lagu dilay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Taliska booliska Soomaaliya ayaa war ka soo saaray dilalkii xalay iyo caawa ay askar ka tirsan dowladda ka geysteen gudaha magaalada Muqdisho, kuwaas oo ay ku dhinteen Sarkaal ka tirsanaa ciidanka Asluubta oo caawa la dilay iyo wiil iyo gabar walaalo ahaa oo xalay la dilay.

Afhayeenka booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan Xasan oo caawa shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in dhamaan ragii dilalka geystay ay ku jiraan gacanta hey’adaha ammaanka.

“Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed waxuu bulshada Soomaaliyeed la wadaagayaa in baaritaan kadib ay maanta ku guulaysteen in ay gacanta ku soo dhigaan eedaysenayaashii xalay rasaasta ku dilay labada marxuum ee kala ah Sakariye Maxamuud Xuseen iyo Sowda Maxamuud Xuseen, waxaana berri waxii ka dambeeya cadaaladda hor geyn doonaa eedeysanayaasha,” ayuu yiri Afhayeenka booliska Cabdifitaax.

Sidoo kale afhayeenka ayaa cadeeyey in dhamaan eedaysaneyaashii labadaas kiis gacanta lagu haayo, sidoo kale qoraal ka soo baxay booliska ayaa lagu sheegay in Cabdiwaayeel Macallin Aadan iyo Dayax Nuur Cabdi Aadan oo ah ragga loo heysto dilalkaas ay ku jira gacanta hey’adaha ammaanka.

Mahad Cabdiraxmaan oo ahaa sarkaal ka tirsanaa ciidanka Asluubta Soomaaliya ayaa caawa u geeriyooday rasaas ay ku fureen ciidamo ka tirsan dowladda, xiili uu la socday mooto Bajaaj agagaarka isgoyska KM 4, waana habeenkii labaad oo si xariir ah uu fal-noocaan ah uga dhacay magaalada Muqdisho.

Ciidamo ka tirsan dowladda oo wata gaari military ayaa xalay sidaan oo kale Sakariye Maxamuud Xuseen iyo Sowda Maxamuud Xuseen oo walaalo ahaa ugu toogtay isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho, kadibna waxaa goobta isaga baxsaday gaarigii ay wateen askarta dishay wiilka iyo gabadha.

Dhacdadaas oo noqotay mid xanuun badan oo ay wada dareemeen dadka reer Muqdisho, ayaa wararkii u dambeeyey ee aan ka heleyno waxay sheegayaan in weli aan la aasin meydadkii labada qof ee walaalaha ahaa.

Meydadka Wiilkii iyo Gabadhii xalay lagu dilay isgoyska Dabka ayaa weli ku jira qaboojiyaha, waxaana la sheegay in ehellada dhalinyaradaas ay wacad ku mareen in aan la aasi doonin ilaa inta dowladda Soomaaliya ay cadaaladda ka hor keeneyso askartii dishay.

 

Ciidamada DF oo mar kale caawa rasaaseeyey Bajaaj kuna dilay sarkaal ciidan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dilka sarkaal ka tirsanaa ciidanka Asluubta Soomaaliya oo ciidamo ka tirsan dowladda ay caawa ku rasaaseeyeen magaalada Muqdisho.

Sarkaalka oo lagu magacaabi jiray Mahad Cabdiraxmaan ayaa waxaa soo gaaray dhaawac culus, oo markii dambe uu u geeriyooday kadib markii ay rasaas ku fureen ciidamo ka tirsan dowladda, xilli uu la socday mooto Bajaaj mareysay wadada Maka Al-mukarama, gaar ahaan agagaarka isgoyska KM4.

Sarkaalka oo dhaawac culus uu markii hore ka soo gaaray rasaasta ayaa la geeyey Isbitaalka Digfeer ee Muqdisho, halkaas oo markii dambe uu ku geeriyooday.

Ciidamadii rasaasta ku furay mootada uu la socday Mahad ayaa la sheegay inay goobta isaga baxsadeen, waana habeenkii labaad oo si xariir ah uu fal-noocaan ah uga dhacayo magaalada Muqdisho.

Ciidamo ka tirsan dowladda oo wata gaari military ayaa xalay sidaan oo kale wiil iyo gabar walaalo ahaa ugu toogtay isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho, kadibna waxaa goobta isaga baxsaday gaarigii ay wateen askarta dishay wiilka iyo gabadha.

Dhacdadaas oo noqotay mid xanuun badan oo ay wada dareemeen dadka reer Muqdisho, ayaa wararkii u dambeeyey ee aan ka heleyno waxay sheegayaan in weli aan la aasin meydadkii labada qof ee walaalaha ahaa.

Meydadka Wiilkii iyo Gabadhii xalay lagu dilay isgoyska Dabka ayaa weli ku jira qaboojiyaha, waxaana la sheegay in ehellada dhalinyaradaas ay wacad ku mareen in aan la aasi doonin ilaa inta dowladda Soomaaliya ay cadaalada ka hor keeneyso askartii dishay.

Sawirro: Axmed QOOQ QOOR oo MUQDISHO soo gaaray caawa iyo ujeedka safarkiisa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa caawa soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka oo mudooyinkaan uu ka maqnaa.

Wafdiga Qoor Qoor ayaa galabta ka soo ambabaxay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug, si dhab ahna looma shaacin qorshaha safarkiisa Muqdisho.

Qoraal ka soo baxay xafiiska Qoor Qoor oo looga hadlay safarkaan ayaa lagu yiri, “Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa si diirran ugu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha ee Adan Cabdulle International Masuuliyiin ka tirsan Gobolka Banaadir, qaar ka mid ah Golaha Wasiirada XFS iyo xubnaha labada aqal ee BFS iyo masuuliyiin iyo madax kale oo ka tirsan Dowladda Galmudug.”

Imaatinka Madaxweynaha Galmudug ee Muqdisho ayaa ku soo aadaya xilli uu jiro khilaaf iyo is aaminaad xun oo ka dhalatay boobka ku socda doorashada dalka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Qoor Qoor uu Muqdisho uga sii gudbi doono dalka Turkiga. Sidoo kale waxaa suurta-gal ah inuu kulamo la qaato Midowga Murashaxiinta oo qaadacay doorashada.

Galmudug ayaa ka mid ah maamullada qabtay doorashada xubnaha golaha shacabka ee beelihii lahaa kuraastaas ay ku doodayaan in la boobay, sidoo kale waa maamulka ugu daran ee u dakanoobay doorashadaan.

Ilaa laba beelood oo kala ah Waceysle iyo Mareexaan ayaa horay ugu goodiyey inay isaga baxayaan maamulka Galmudug ee Axmed Qoor Qoor uu hoggaamiyo, kadib markii loo madax baney waayey aaya ka talinta kuraastooda.

Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi ma waxey sababsan doontaa IKRAAN TAHLIIL?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi waa mid kamid ah dhowr xildhibaan oo Baarlmaanka ku matala Gabadha Nolol iyo geeri lagu la’yahay ee Ikraan Tahliil Faarax, balse XIldhibaan Aamino waxay u hallgantay si ka duwan xildhibaanada labada aqal ku jiray ee ku heybta ah Ikraan.

Xildhibaan Aamina waxay si toos ah u wajahday dhinacyada ku eedeysan kiiskaan, si gaar ah Fahad Yaasiin iyo madaxweyne Farmaajo, waxayna si aan leex leexad laheyn u sheegtay in adduun iyo aakhiraba kiiska Ikraan wax laga waydiin doono Fahad Yaasiin oo ah madaxii hore ee hay’adda NISA.

Weli xaaladaa dhinac uma dhicin, waxaana Kooxda Madaxweyne Farmaajo u sawiran in haddii Aamina ay xildhibaan sii ahaato inuusan idlaan doonin kiiska Ikraan oo xitaa gudaha hay’adaha sharci dajinta la isku qabsan doono.

Sida ay noo xaqiijiyeen illo muhiim ah, hoggaanka Villa Somalia waxay Cali Guudlaawe ku cadaadinayaan inuu bixiyo Xildhibaan Aamina Maxamed, sabab waxay uga dhigayaan in Aamina ka tirsan tahay xisbi mucaarad ah, laakiin dooda saxda ah taas maahan.

Qorshooyinka ay Cali Guudlaawe miiska usoo saaraan waxaa kamid ah inuu kursigaas ka dhigo qoondo rag oo uu ka saaro qoondada dumarka.

Si gaar ah, Madaxweyne Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ayaa waqti badan gelinayo, sidoo kala Yuusuf Dabageed oo ah hoggaamiye ku xigeenka HirShabelle ayaa kamid ah dadka howshaan lagala hadlay.

Sida muuqata xildhibaanadaan waxay sababsan kartaa sidii ay ugu istaagtay xaq u raadinta Ikraan Tahliil Faarax oo aheyd madaxii Internet-ka ee Hay’adda NISA taasoo gurigeeda laga watay 26-kii June ee sanadkaan.

Beesha kursiga iska leh waxay xildhibaanad Aamina u tahay sumadoodii ugu wanaagsaneyd ee sanadkaan, maadaama si aan dan iyo cabsi laheyn u wajahday caddaalad u raadinta Ikraan Tahliil Faarax.

Xubno ka tirsan Beesha kursigaan iska leh oo aan la hadalnay waxay sheegeyn inay 100% ka tahay inay Xildhibaanad Aamina soo celiyaan haddii aan kursigooda loo boobin si lamid ah sidii dhawaan ka dhacday Gobolada qaar.

Hoggaamiyaha HirShabelle Cali Guudlaawe oo kamid ah madaxda maamulada ee inta badan sida haboon wax u xeeriya ayaa la eegayaa siduu u wajaho kursiga gabadhaan la rabo in loo beegsado sidii ay uga hadashay kiiska Ikraan.

Dadka kasoo jeeda HirShabelle ee siyaasadda Cali Guudlaawe isha ku haya qaarkood waxay leeyihiin kursigaan waxaa dul saaran sumcadiisa hoggaamineed maadaama ay shaac tahay cadaadiska lagu saarayo inuu xildhibaan Aamina dhaafiyo kursiga si ay Farmaajo iyo Fahad uga aargoostaan.

Baraaruga bulshada iyo midka reerka dhexdiisa ah ayaa xooggan, balse lama yaqaan waxa ay u goyn karaan Xildhibaanad Aamina Cabdi.

Cali Guudlaaawe dadka sida shaqsi ah u yaqaan waxay ku tilmaamaan nin aad wax u xeeriya oo xaaladaha qaar akhrin kara, laakiin abaal sheegashada kooxda Farmaajo ee ah inay iyaga sabab u ahaayeen inuu noqdo hoggaamiyaha HirShabelle waa culeys aan laga dhuuman karin.

HirShabelle weli ma aysan bilaabin doorashada Golaha Shacabka, wuxuuna Cali Guudlaawe maalmahaan ku jiraa dadaalkii ugu dambeeyey ee lagu xalinayo arrimaha magaalada Beledweyne, waxaana la filayaa in haddii uusan xoogeysan buuqa doorashada in todobaadka soo socdo uu shaaciyo kuraastii ugu horeysay ee Golaha Shacabka.

Meelaha sida weyn loo eegayo ayuu kamid yahay kursiga ay ku fadhiso Xildhibaanad Aamina Maxamed Cabdi.

Daawo: Ilhaan Cumar oo soo bandhigtay cod halis ku ah nolosheeda oo loo soo diray

0

Washington (Caasimada Online) – Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Koongareeska Maraykanka ayaa shir jaraa’id oo ay qabatay waxay kusoo bandhigtay farriin cod ah oo hanjabaad ah, oo loogu sheegayo in la dili doono.

Ilhaan Cumar ayaa sheegtay in lagu tilmaamay in ay tahay Jihaad doon xiriir la leh ururada xagjiriinta, waxayna goobta ay saxaafadda kula hadlaysay ka daartay codka loogu hanjabayay.

“Waan ognahay waxaad ku sugan tahay. Waxa aad rabtana in aad dalkeyna qabsataan. Ha welwelin, waxaa jiro dad badan oo jecel inay helaan fursad ay kugu dhaafiyaan Adduunkaan xun, waan ognahay waxaad tahay,” ayuu yiri qof aan la aqoon oo cod usoo diray Ilhan.

“Waxaad tahay khaa’inul wadan. Ma sii noolaan doontid wax badan, waxaan ku dammaanad qaadi karaa taas. Haddii aan nahay shacabka waan kacnay markaan, waxaana la idin horgeyn doonaa maxkamadda ciidamada qalabka sida, waxaana lagugu soo oogi doonaa dambiga.”

Ilhaan ayaa sheegtay in farriinta codka ay tahay tusaale kamid ah hanjabaadaha iyo dhibaateynta ay Jamhuuriga ku hayaan dadka Muslimka ah.

Farriinta codka ee loo soo diray Ilhaan ayaa waxay kusoo aadeysa saacado kadib markii wada-hadal taleefon ah uu dhex maray Ilhaan Cumar oo ka tirsan xisbiga Dimoqraadiga iyo Lauren Boebert oo Jamhuuri ah, kaasi oo ku dhammaaday buuq kadib markii Boebert ay diiday inay si cad raali-gelin uga bixiso inay Ilhaan ku tilmaamtay halis.

Boebert ayaa dirtay taleefonka kadib markii uu soo shaac-baxay muuqaal ay Ilhaan Cumar oo Muslim ah, ugu yeertay inay xubin ka tahay “kooxda jihaadka.”

Muuqaalka ayaa muujiyey Lauren Boebert oo leh “Ilhaan Cumar waa xubin ka mid ah kooxda jihaadka oo ka timid Minnesota, taasi oo walaalkeed guursatay.”

“Xubintan ayaa loo ogolaaday inay kamid noqoto Guddiga Arrimaha Dibedda ayada oo weliba amaaneysa argagixisada,” ayey tiri Lauren Boebert oo lagu tiriyo kooxaha xagjirka ee siyaasadda midigta-fog, taasi oo hadda ka hor Ilhaan Cumar ugu yeertay “xubin sharafeed ka tirsan Xamas.”

Ilhaan Cumar ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay fileysay raali-gelin.

“Intii ay raali-gelin ka bixin laheyd hadalladeeda Islaam naceybka ah iyo beenta ay abuurtay, Boebert waxay diiday inay si shaacsan u qirato hadalladeeda halista iyo naceybka ah. Waxay taa beddelkeed laba jibaartay hadalladeeda, anigana waxaan go’aansaday inaan dhammeeyo taleefonkii aan miro-dhalka aheyn,” ayey tiri Ilhaan.

Tan iyo markii Ilhaan Cumar ay ku biirtay aqalka Koongareeska, waxay mar walba la kulmaysay hanjabaado dil ah, iyadoo caddeysay sababta loo bartilmaameedsanayo inay tahay isirkeeda iyo diinteeda Islaamka.

Halkaan hoose ka daawo codka ay soo bandhigtay Ilhan


Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Daawo: Taliska Booliska oo shaaca ka qaaday sababta ka dambeysay rasaastii lagu furay Sakariye iyo Sowdo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa markii u horeysay si faah-faahsan uga hadlay dilka loo geystay Sakariye Maxamuud Xuseen Kalafoge iyo Sowdo Maxamuud Xuseen oo ahaa laba walaalo ah oo xalay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ay ku dileen magaalada Muqdisho.

Afhayeenka oo ay garab taagnaayeen ehellada Sakariye iyo Sowdo ayaa sheegay in labada walaalaha ah ay ku dhacday rasaas ciidamo millateri ah oo saarna gaari Cabdi Bille ah ku furanayeen wadada.

Waxa uu sheegay inay aad uga xun yihiin dhacdada ay ku baxeen Sakariye iyo Sowdo, isaga oo eheladeeda uga tacsiyadeeyay geerida labada maruuxam.

“Sida ay cadeeyen markhaatiyaal joogay goobta Isgoyska (Dabka) oo jaam ahaa si uu jaamka iskaga qaado rasaas uu furay gaari uu ku buufsana ciidamada xooga dalka, waxaana ku dhintay rasaastii uu riday gaarigaas Wiil iyo Gabadh walaalo ah” ayuu yiri Afhayeenka.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ciidamada booliska Soomaaliyeed ay ku daba jiraan baarista kiiskaas tan iyo markii uu xalay dhacay falkaas, sida uu sheegay.

Waxa uu intaas kusii daray in Ciidamada Booliska Soomaaliyeed gaar ahaan hay’adda dambi baarista ee CID-da ay waddo baarista kiiskaas, islamarkaana dhawaan war laga soo saari doono.

Ehelada marxuumiinta ayaa warbaahinta u sheegay inaysan marnaba aqbali doonin in meel lagu tuuro kiiskooda oo aan waxba laga qaban, haddii kale ay gacantooda ku doonanayaan sharciga.

Sidoo kale waxay saaka shaaciyeen ehelada marxuumiinta in aan la aasi doonin meydka marxuumiinta inta caddaalad looga helayo kadib markii ay sidaas ku heshiiyeen dhammaan qoyska.

Ma aha markii u horeysay ee ciidamada dowladda ay rasaas si macno darro ah u fureen ay haleesho dad shacab ah, waxaana yar inta loo soo qabto loona maxkamadeeyo falalkan foosha xun ee ay gaystaan.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

MAHAD SALAAD oo digniin soo saaray iyo CC SHAKUUR oo ku baaqay in shacabku qarxaan kadib markii…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo Xildhibaan Mahad Salaad ayaa markii u horeysay ka hadlay dilka Sakariye Maxamuud Xuseen Kalafoge iyo Sowdo Maxamuud Xuseen oo ahaa laba walaalo ah oo xalay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ay ku dileen magaalada Muqdisho.

Waxay ugu horeyntii ehelka iyo asxaabta marxuumka uga tacsiyadeeyen geerida xanuunka leh ee ku timid Sakariye iyo Sowdo, waxayna Alle uga baryeen in uu samir iyo iimaan ka siiyo dadkii ay ka baxeen.

Sidoo kale waxay laamaha amniga ka dalbadeen in si deg deg ah u soo qabtaan cadaaladana u horkeenaan gacan ku dhiigleyaashii fal dembiyeedkaas geystay.

Mahad Salaad ayaa asaguna si adag uga digay in la raad tiro dambiileyaasha dilkaas bareerka ah geystay, si looga leexiyo ciqaabta ay istaahilan.

“Waxaan xanuunka geerida la qaybsanayaa qoyska reer Maxamuud Kalafoge dilka bareer ah ee loo geystay wiilkooda Sakariye iyo gabadhooda Sowdo,” ayuu yiri Mahad Salaad.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa dhankiisa ku baaqay in kacdoon weyn ay sameeyan shacabka Soomaaliyeed, maadama uu sheegay in dowladdii xilkeedii dhamaaday ay diidan tahay in wax laga qabto dhibaatooyinka taagan.

“Haddii kuwii ubadkooda Eretrea loo qaaday waxba loo qaban. Haddii ehelkii gabadhooda NISA lagu dhex dilay xaqoodii la duudsiiyey. Haddii Sowdo iyo Sakariye dilkooda waxba laga qaban doonin. Haddii dilka, dhaca iyo amni darradiina sii baahday. Haddii shacabka canshuur Al-Shabaab iyo dowladdu ka wada qaadayaan, amni iyo caddaaladna aysan haysan, maxaa diidaya inay dadku qarxaan oo ay dulmiga iska qaadaan,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Waxa kale oo uu ku eedeeyay dowladda xilkeedii uu dhamaaday inay diidan tahay inay dalka doorasho nabad ah ka qabato, oo ay keliya dooneyso in xoog iyo boob wax ku qaadato.

Si kastaba, illaa iyo hadda ma cadda sababta ay ciidamada dowladda federaalka u rasaaseeyeen mootada ay saarnaayeen walaalahan, hase yeeshee waxaa marar badan dhacda in ciidanka dowladda ay rasaas macno darro ah iska furaan ama ay isku dayaan inay ku furtaan waddooyinka marka jaam uu jiro.

Ciidamada dowladda ayaa boqolaal qof oo shacab ah ugu dila Muqdisho sabab la’aan, waxaana yar inta loo soo qabto loona maxkamadeeyo falalkan foosha xun ee ay gaystaan.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Wararkii ugu dambeeyey xaaladda kuraasta muranku ka taagan yahay ee Jawaari iyo Yaasiin Fareey (Warbixin)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga khilaafaadka doorashooyinka Soomaaliya ayaa weli kor u haya natiijada kursiga muranka uu hareeyey ee HOP#P67 kaasoo beeshii laheyd ay si weyn u qaadacday qaabkii loo maareeyey.

Kursigan oo uu soo qaatay taliyaha kumeel gaarka ah ee NISA Yaasiin Cabdullaahi Farey, waxaa cabasho ka qaba dhowr musharax, waxaana shalay kulmay guddiga xallinta khilaafaadka, musharixiinta kursigan u taagnaa iyo ddayaal dhaqameed uu ku jiro saxiixihii kursigaan Cali Jeesto.

Guddiga waxaa loo sheegay in habka loo wajahay kursigaan ay qalad tahay. Ninkii saxiixi lahaa kursigaan ayaa xaqiijintiisa lala wadaagay guddiga xallinta khilaafaadka.

Maadaama qofka saxiixaya kursigaan uu yahay qof si weyn loo yaqaan waxaa aad isha loogu hayaa waxa guddiga khilaafaadka ay qiil ka dhigan doonaan haddii ay soo fasaxaan natiijada kursigan oo ay u sharciyeeyaan Yaasiin Farey, wallow ay jiraan warar xooggan oo sheegaya in doorashada kursigaan la kansali doono.

Mid kamid ah guddiga xallinta khilaafaadka oo diiday inaan magaciisa xigano waxa uu sheegay inuu cadaadis badan ka heysto dhanka Villa Somalia iyo taliska NISA oo ah inay kursiga u fasaxaan Yaasiin Farey.

Mid kamid ah musharixiintii u taagnaa kursigaan isna wuxuu sheegay inay guddiga xallinta khilaafaadka la wadaageen inuu culeys badan ka heysto dhanka Dowladda, wuxuuna rajo xumo ka muujiyey inay ku dhiiran karaan inay ridaan go’aan diidmo ah.

Reerka kursigaan leh waxaa u diyaarsan doorasho is garab taala oo kursigaan ah haddii kursigooda aan lasoo celin oo aan loo marin hab sax ah. Guddiga xallinta waxaa lasoo warinayaa inay aad uga fiirsanayaan natiijada kursigaan.

Warar hoose oo aan helnay waxay iyaguna sheegayaan in lagu qalqaalinayo guddiga inay dib isaga dhigaan in muddo ah natiijada kursigaan, taasoo ah aragtida labaad ee Villa Somalia haddii lagu dhiiran waayo in natiijada la aqbalo.

Mudda dheer waxaa laga cararayey laba doorasho oo is garab taala, laakiin waxaa jirta cabsi ku saabsan in kursiga HOP#67 uu furo u noqdo doorashooyin is barbar yaac ah oo ka bilowda salka.

Daahir Maxamuud Geelle, Jabriil Ibraahim Cabdulle, Thaabit Cabdi Maxamed iyo Caddow Cali Gees oo dhammaan qaba damac madaxweyne Soomaaliyeed ayaa kamid ah siyaasiyiinta Jufada iska leh kursigaan, taasoo sii adkeeneysa in xiisadda kursigaan ay si fudud kusoo idlaato.

Madaxda Galmudug ayaa iyagana la sheegay inaysan waxba ka dhihin buuqa kursigaan ka dhashay oo u muuqda inuu usoo wareegay dhanka Magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale, kursiga HOP#103 ayaa kamid ah kuraasta sida weyn la isugu heysto. Kursigaan waxaa muddo dheer ku fadhiyey Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari kaasoo laba jeer noqday Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Jawaari ayaa ku dooday in loo diiday xuquuqdii Dastuuriga aheyd, wuxuu kasoo tagay Magaalada Baydhabo kadib markii laga hor istaagay fursadihii tartanka oo dhan.

Kiiska Jawaari lagu celiyey waxaa la sheegay inuu ahaa mid siyaasadeed oo looga hor-tagayey inuu berri qaato kursiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Xubno kamid ah waxgaradka beeshiisa oo dhawaan warbaahinta la hadlay ayaa cambaareeyey tallaabadaas, waxayna sheegeen inay dhaawac weyn tahay in Jawaari laga hor istaago inuu cod waydiisto Beeshiisa.

Howsha kursiga Jawaari waxaa Magaalada Baydhabo u tagay Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka heer Federaal Maxamed Xasan Cirro. Horey waxay guddigaasi u joojiyeen doorashada kursigaas laakiin hadalkooda lama dhageysan, waxay la kulmeen Jawaari haddana waxay ku jiraan shaqo culus.

Ilo guddigaasi ka tirsan waxay sheegeen inay macquul tahay in mar kale natiijada kursigaas la laalo. Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa sidoo kale la sheegay inuu kamid yahay dadka aan ku qancin sida loo wajahay xaaladda kursigaas.

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagreen oo la kulmay Rooble waxaa heysta culeys badan oo la xiriira sida uu Jawaari ula dhaqmay. Aad ayey u xooggan yihiin wararka sheegaya in doorashada kursiga HOP#103 la tuuri doono.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Ehellada wiilkii iyo gabadhii walaalaha ahaa ee xalay lagu dilay Muqdisho oo sheegay inaan la aasi doonin (Daawo)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Zakariye Maxamuud Xuseen Kalafoge iyo Sowdo Maxamuud Xuseen oo ahaa laba walaalo ah oo xalay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ay ku dileen magaalada Muqdisho ayaa waxaa meydkooda la dhigay Isbitaalka Somali Sudanese.

Qaar ka tirsan ehelada marxuumiinta ayaa warbaahinta u sheegay inaan meydka marxuumiinta la aasi doonin inta caddaalad looga helayo sidaasna ay ku heshiiyeen dhammaan qoyska.

“Labada marxuum ee walaaha ah ee la dilay meykooda wuxuu noogu jiraa firiij, waxaana isku afgaranay inaan la taaban Meydkaas illaa loo helayo ciddii dishay, illaa hadda ma heyn cid arrintaan nagala hadasha iyo ciddii dishayba, waxaa noo muuqato inaysan jirin wax caddaalad ah,” ayuu yiri Aabe kamid ah ehellada marxuumiinta.

Cabdirashiid Maxamuud Xuseen oo ah wiil la dhashay labada marxuum ayaa isna dhankiisa sheegay inay dowladda uga fadhiyaan in arrintaan la marsiiyo wadada caddaaladda.

“Zakariye iyo Sowdo waxay ahaayeen Wiil iyo Gabar isla dhashay oo iga yar waxna bartay, wuxuuna shilka kula dhacay Isgoyska Dabka, wixii dhici lahaa way dhaceen, waxaan rabnaa inaan caddaalad helno, waxaana uga fadhinaa dowladda Soomaaliya, illaa aan caddaalad helnana lama aasayo marxuumiintaas inta ay rabto ha qaadato,” ayuu yiri Cabdirashiid.

Sidoo kale qoyska Marxuumiinta ayaa sheegay in meesha lagu dilay ilmahooda aysan aheyn meel luuq ah ama tuulo oo ay tahay caasimaddii dalka iyo wadadii ugu muhiimsaneyd magaalada ee Dabka.

“Zakariye iyo Sowdo waxaan nahay walaalo, waxaa dhalay adeerkey Aabahey la dhashay, waa dhacdo aad u xanuun badan, waa wiil yar oo hadda Jaamacad dhammeeyey iyo Gabar yar oo ah laba da’ oo iska xigta, meesha ay ku dhinteen Tuulo maahan, Luuqna ma aheyn waa wadada Dabka, cid ay dambi ka galeyn malahan, ciidamo hubeysan ayaa dilay, haddii ay caddaalad jirto anaga caddaalad ayaan rabnaa,” ayey tiri hooyo kamid ah ehallada marxuumiinta.

“Horta dhacdo xanuun badan ayaa nagu dhacday, wixii nagu dhacay waa khadar Allah keenay, laakiin cadow ayaa na cunay, garabkeena ayaa la jaray, xaqeena oo lagu dhibtoon midigteena si fudud Allaha usoo geliyo, Maalinta kasta waxaa la dilayaa Ilmihi aan korinay oo waqti badan gelinay sidaan wax u bari laheyn, sidaan Maanta adduunka ugu murugoonay wixii dilay Allaha qabriga ku tuso mugdi” ayey tiri hooyo kale oo kamid ah ehelada marxuumiinta.

Laamaha Ammaanka ee Dowladda Soomaaliya weli kama aysan hadlin falkaan dhacay Xalay, sidoo kalana weli wax faah-faahin ah lagama hayo askarigii furay rasaasta, waxaana markii ugu war dambeysay ay goobjoogeyaal sheegeen in isaga iyo ciidankii la socday ay gaarigii ay wateen uga tageen isgoyska Dabka.

Ciidamada dowladda ayaa boqolaal qof oo shacab ah ugu dila Muqdisho sabab la’aan, waxaana yar inta loo soo qabto loona maxkamadeeyo falalkan foosha xun ee ay gaystaan.

Halkaan hoose ka daawo hadalka Ehelada Marxuumiinta

 

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Ganacsato iyo saraakiil ku shiray Muqdisho ‘oo go’aan ka gaaray’ xaaladda dalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan ay yeesheen saraakiil, siyaasiyiin iyo ganacsato ayaa shalay ka dhacay Muqdisho, kaasi oo lagu go’aamiyey in dalka uu u baahan yahay badbaado, sida uu sheegay taliyihii hore ee NISA Cabdiraxmaan Tuuryare oo ka qeyb galay.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Senator Muuse Suudi Yalaxow, oo hormuud u ahaa dagaalkii badbaado qaran ee lagu hor-istaagay isku daygii muddo kororsi ee madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku fashilmay. 

“Waxaan galabta kala soo sheekeystay Senetar Xaaji Muuse Suudi Yalaxow (xafidahulah) xaalada dalku marayo iyo sida la isku samata-bixin lahaa. Waxaan wadaagnay qorshe iyo talooyin muhiim ah oo xiligooda lasoo bandhigi doono,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Tuuryare.

“Kulanaka waxaa nala joogay ganacsato iyo saraakiil aad u muhiim ah oo aanan hada dooneyn in aan soo bandhigo sawiradooda iyo qorshahoodaba. Dalku in uu badbaado u baahanyahay hoosta ayaa la iskala xariiqay.”

Kulanka ayaa yimid ayada oo wararka ay sheegayaan in Midowga Murashaxiinta ay qorsheynayaan in ciidamada babdaado qaran mar kale lasoo geliyo Muqdisho, si loo joojiyo doorasho boobka dalka ka socda.

Tuuryare ayaa dhowaan loo diiday inuu u tartamo kursiga beeshiisa ee HOP#67, kaasi oo madaxweynaha Qoor Qoor uu u boobay taliyaha ku-meel gaarka ah ee NISA Yaasiin Cabdullaahi Farey

Waxaa kursigaas saxiixay nabaddoon Cabdullaahi Geedi Shadoor oo aan aheyn odayga saxda ah ee leh saxiixa balse ah oday ku xiran madaxtooyada Soomaaliya. 

Imaamka beelaha Mudullood Imaam Maxamed Yuusuf ayaa caddeeyay in nabaddoon Cali Jeesto uu yahay saxiixaha rasmiga ah ee kursiga HOP#67.

“Waxaan halkaan ka cadeynayaa in Cali Jeesto uu odayga Waceysle yahay, dowladda waxaan leeyahay yaan lagu sirmin ninkaas Cali ah, qolada guddiga khilaafaadka waxaan lee yahay war na-warsada aan inla toosinee waxa qaldamay, anaga waxaan rabnaa dowlad ku dhisanta hanaan sax ah,” ayuu yiri Imaam Maxamed Yuusuf.

Imaamka ayaa fariin u diray guddiga xalinta khilaafaadka oo haatan ay hor taallo dacwada kursigaas ay beesha Waceysle ku doodeyso in la boobay, waxuuna kula taliyey in xaqa iyo baadilka ay dadka u kala saaraan.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Ciidamo iska soo horjeeda oo dhaq-dhaqaaqyo ka wada Boosaaso iyo cabsi taagan

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Boosasaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa sheegaya in Maanta halkaas ay ka jiraan dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo ay sameenayaan ciidamo ka amar qaata madaxweyaha Puntland Saciid Deni iyo ciidamada PSF.

Ciidamada dhaq-dhaqaaqyada ciidan wado ayaa kala ah Ciidamada Badda Puntland (PMPF) oo agaasime ku xigeenka uu Siciid Deni u magacaabay xilka la wareegay 27-kii November iyo ciidamada PSF e ka hor yimid xil ka qaadista lagu sameeyey agaasimahooda.

Siciid Cabdullaahi Deni ayaa si cad u sheegay in ay ka go’an tahay xil ka wareejinta Agaasimaha PSF iyo inuu soo afjari doono in ciidamada Puntland ay hoos tagaan Shaqsiyaad, hadalkaas & ciidanka uu dul dejiyay Xeryaha Ciidamada PSF ayaa xoojiyay dhaq-dhaqaaqyada labada dhinac.

Sida ay dadka deegaanka u xaqiijiyeen Caasimadda Online, waxaa magaalada lagu dhex arkayaa ciidamo badan iyadoo cabsi weyn laga qabo dagaal dhex maro ciidamada Puntland ee Saciid Deni la safan iyo kuwa PSF.

Waxaa socdo dadaalo lagu doonayo in lagu baajiyo dagaalka, balse xogta aan heleyno ayaa sheegeysa in labada dhinac ay diidan yihiin wada-hadalka isla markaasna ay xal u arkaan in dagaal lagu kala baxo.

Isimada ayaa kulan la qaatay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, kuwaasi oo ay qeyb ka ahaayeen Wasiirka amniga Puntland oo kal hore hanjabaad culus hawada u mariyay ciidamada PSF, waxaana lagu wadaa in saacadaha soo socda la kulmaan dhinaca hay’adda PSF.

Xiisadii maalmihii u dambeeyay ka dhex aloosneyd madaxweyne Deni iyo Agaasime Diyaan ayaa waxay si weyn u saameysay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolkaasi oo ah Magaalo Ganacsi oo ay ku nool yihiin Dad badan.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Xafiiska Rooble oo war yaab leh kasoo saaray muranka hareeyey doorashada dalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Ibraahim Macallimuu ayaa qoraal uu soo dhigay facebook ku sheegay in ra’iisul wasaare Rooble aanu shaqo ku laheyn sixitaanka qaladaadka doorashooyinkla balse ay howshaas u taallo guddiyada u xil saaran.

Macallimuu ayaa sheegay in Rooble ay ka go’an tahay inuu ka shaqeeyo in la dhawro hufnaanta doorashada, balse aanu aheyn “garsoore seeri la taagan oo kiis walba laga doonayo inuu gaar u xalliyo.”

“Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble waxa ka go’an isaga oo kaashanaya Golaha Wadatashiga Qaranka in la dhawro hufnaanta doorashada, waana sababta uu had iyo jeer guddiyada kala duwan ee doorashooyinka iyo guddiga xallinta khilaafaadka kulamada uu la yeesho uu ugu adkeeyo in ay doorashada u maamulaan si daahfuran,” ayuu yiri afhayeenka xukuumadda.

“Doorasho marka la fulinayo waa xaqiiqo in ay cillado la soo baxayaan ,balse hadii ay qaladaad dhacaan waa in sixitaankooda loo maraa hab waafaqasan habraacyada doorashada ee aaney noqon mid caadifad ku dhisan , waxana awoodaas iska leh guddiyada u xilsaaran howshaas ee Ra’iisul Wasaaruhu maaha garsoore seeri la taagan oo kiis walba laga doonayo inuu gaar u xalliyo.”

Macallimuu ayaa intaas ku daray in doorasho ay qabsoonto ay tahay xalka kaliya dalkan uu uga gudbi karo marxaladda uu maanta taagan yahay, sida uu hadalka u dhigay.

Hadalkan ayaa imanaya ayada oo Golaha Midowga Musharrixiinta mucaaradka ah ay sheegeen in hannaanka ay doorashadu u socoto uusan ahayn mid hufan ayagoo sheegay in waxa socdaa uu yahay “boob” ee aan doorasho lagu tilmaami karin.

Midowga Murashaxiinta ayaa bayaan ay soo saareen 30-kii November ku caddeeyey “inuusan raalli ka ahayn, aqbalayn, qaybna ka noqon doonin boobka socda ee lagu dibindaabinayo shacabka Soomaaliyeed, laguna burburinayo geeddi-socodkii nabadda iyo dhismaha dowladnimada.”

Midowga Murashaxiinta ayaa sidoo kale qoraalkaas ku sheegay in Rooble ay ka dalbadeen in la joojiyo doorashooyinka balse uu ku gacan seeray, taasi oo ku qasabtay inay si shaacsan u dalbadaan in la hakiyo doorashada.

Guddiga doorashooyinka ayaa ayaguna dhankooda sheegay in doorashadu ay ku socoto si habsami leh iyo habraacii loogu talagalay, islamarkaana beeniyey in uu jiro wax boob ah.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii