25 C
Mogadishu
Thursday, July 2, 2026

SHIRQOOL lagu ‘dili lahaa’ madaxweyne ERDOGAN oo si cajiib ah u fashilmay

Ankara (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka Turkey ayaa fashiliyey weerar qarax ah oo lala damacsanaa isu-soobax uu ka qeyb galay madaxweyne Recep Tayyip Erdogan oo ka dhacay magaalada bari ee Siirt.

Warbaahinta Turkiga ayaa werisay in aalad qaraxda oo lagu hago remote lagu dhejiyey baabuurka sarkaal booliis oo qeyb ka ahaa askarta sugeysay amniga isu-soobaxa.

Sarkaalka boolis ayaa loo diray inuu gurigiisa kasoo kaxeeyo saaxiibkiis oo sidoo kale qeyb ka ahaa askarta sugeysa amniga kuna nool magaalada Mardin oo 125 mile u jirta magaalada Siirt ee isu-soobaxa uu ka dhacay, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Markii uu tegay guriga kadibna uu saaxiibkiisa soo baxay si uu usoo raaco baabuurka ayaa wuxuu arkay wax hoos kaga dheggan baabuurka, sidaas ayaan lagu ogaaday qaraxa, ayey intaas ku dartay Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Kooxaha kala furfura bambooyinka ayaa kadib loo yareeyo, kuwaas oo baabuurka ka saara walxihiii qarxay ayada oo aanay cidna wax ku noqon.

Warbaahinta gudaha Turkey ayaa werineysa in shirqoolkan uu ahaa mid lagu dili rabay madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, ayada oo qorshuha ahaa in gaariga la qarxiyo marka uu Erdogan yimaado isu-soobaxa.

Illaa iyo hadda lama yaqaan cidda ka dambeysay shirqoolkan, mana jiraan tuhmaneyaal loo soo qabtay. Waxaa hadda socda baaritaan ay wadaan hay’adaha amniga.

Turkey ayaa sanado badan dagaal ku jirtay kooxda Kurdish-ka ee PKK. Waxaa sidoo kale sanadihii dhowaa dalkaas ka dhacay dhowr qarax oo ay sheegatay kooxda Daacish.

Dhinaca kale, dalka Turkey ayaa waxaa maalmihii tegay ka taagneyd xasarad dhaqaale oo ay sababtay qiimo dhaca ku yimid lacagta lira ee dalkaas, taasi oo lumisay 44% qiimaheeda marka loo eego dollar-ka.

Arrintan ayaa horseeday sicir-barar xooggan, waxaana madaxweyne Erdogan uu ku adkeystay inaan sare loo qaadi doonin heerka dul-saarka oo dhaqaalyahannada ay rumeysan yihiin in lagu dhimi karo heerka sicir-bararka.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Nin sabab yaab leh Muqdisho ugu dilay xaaskiiska oo aheyd hooyada 12 caruur ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhacdo xanuun badan oo xalay ka dhacday qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Xamarjajab, kadib markii nin toorey ku hubeysnaa uu ku dilay xaaskiisa.

Wararka ayaa sheegaya in ninka dilka geystay uu durbo goobta isaga baxsaday, kadib markii uu Mindida dhowr meel kaga dhuftay xaaskiisa oo u geeriyootay falkaasi.

Marxuumadda ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Qamar Cabdi Cumar, waxaana ay aheyd hooyo korineysay 12 caruur ah, sida ay sheegeen ehelladadeeda.

Aabaha dhalay Qamar ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in gabdhiisa uu dilay ninkii qabay, isaga oo ka dalbaday laamaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya in ay cadaaladda  horkeenaan eedeysanaha oo uu magaciisa ku sheegay Maxamed Shiime Muumin.

Sidoo kale Aabe Cabdi Cumar Xasan oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in gabadhiisa uu ninkaas u dilay lacag 25 dollar ah oo uu weydiistay, kuna sameysan rabay mooto Bajaaj, balse ay ku wargelisay in aysan heynin, sidaasina uu ku tooreeyey, sida uu hadalka u dhigay.

Ciidamada ammaanka, gaar ahaan kuwa howl-gala degmada Xamarjajab ayaa tegay goobta, waxaana haatan ay ku raadjoogaan eedeysanaha oo goobta ka cararay.

Ma’ahan dhacdo ugub ah, waxaana mudooyinkii u dambeeyey aad usoo badanayey dhacdooyinka ceynkan oo kale ah oo ay keenaan muranada ka dhex dhaca qoysaska.

Si kastaba, dhacdadaan dilka ah ee loo geystay hooyo Qamar Cabdi oo si weyn looga yaqaanay Xamarjajab ayaa haatan si aad ah looga hadal hayaa magaalada Muqdisho.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Somaliland oo heshiis ku kacaya malaayiin dollar la gashay dal aan laga fileyn

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa heshiis cusub oo dhanka caafimaadka ah, isla-markaana ku kacaya malaayin dollar la gashay Hindiya, taas oo aan laga fileyn dalkan, maadaama uusan xiriir xoogan la laheyn Somaliland.

Heshiiskan waxa Somaliland ay si gaar ah ula gashay isbitaalada Deepam Hospitals ee ku yaala magaalada Channai ee gobolka Tamil Nadu, waxaana u saxiixay madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi, Cabdiraxmaan Saylici oo haatan booqasho ku joogo dalka Hindiya.

War laga sii daayey Telefashinka Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in lacagtaasi lagu dhisi doono isbitaal casri ah oo laga hirgeinayo Somaliland.

“Maxdaxweyne ku xigeenku isagoo sii anba qaadaya safarkiisa shaqo wuxuu heshiis maalgashi la saxiixday mid ka mida cusbitaallada ugu waaweyn dalka Hindiya kuwaas oo dalka ka dhisi doona cusbitaal ku kacaya $100,000,000 million (100 million) oo dollar”.

Sidoo kale qoraalka ayaa intaasi kusii daraya “Heshiiska waxaa goobjoog ka ahaa madaxda ugu sarreysa cusbitaalka, Wasiirro iyo saddex bangi oo waaweyn oo ku yaal dalweynaha Hindiya”.

Hindiya ayaa ka mid ah dalalka ugu horreeya xagga caafimaadka, waxaana dalkaasi arrimo caafimaad u aada dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan koonfurta iyo waqooyiga dalka.

Si kastaba, Somaliland ayaa muddooyinkii u dambeeyey wadday dadaallo xoogan oo ay ku hormarineyso xiriirkeeda dibadda, iyada oo horay iskaashi ula yeelatay Taiwan, kaas oo ay si weyn uga hadleen,kana horyimaadeen dowladda federaalka iyo sidoo kale mida Shiinaha.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Xog: Dowladda Mareykanka oo cadaadis ku billowday R/W ROOBLE iyo amar la siiyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay ogaatay Caasimada Online, dowladda Mareykanka ayaa wada dadaal xoog leh oo ku aadan in wax laga bedelo hanaanka loo maamulayo doorashada xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya oo dhawaan ka bilaabatay magaalooyinka Dhuusamareeb, Baydhaba iyo Muqdisho.

Mareykanka ayaa haatan Ra’iisul Wasaare Rooble ku cadaadinaya inuu qabto shir deg deg ah, kaas oo ka dhaca Muqdisho, ayna isugu imaanayaan  xubnaha Golaha Wadatashiga Qaran ee Rooble iyo madax goboleedyada dalka.

Dowladda Mareykanku waxay soo jeedisay oo ay qorsheyneysaa in shirkaas lagu go’aamiyo sidii wax looga bedeli lahaa hanaanka loo maamulayo doorashada dalka ka socota oo durba dhalisay xiisado xoog leh, kadib markii bareer loo boobay kuraasta qaar.

Xogta aan helnay waxay sheegeysaa in madaxda dowlad goboleedyada Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo ah maamullada illaa hadda qabta doorashada qaar ka mid ah kuraasta golaha shacabka ay diidan yihiin oo aad ay uga caga-jiidayaan qabsoomidda shirkaas.

Madaxweynayaasha maamullada qabtay doorashooyinka sida weyn loo saluugay ee Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa la sheegay inay kasoo hor jeedaan qabsoomidda shirka ay dalbaneyso dowladda Mareykanka, waxaana jira warar sheegaya in Qoor Qoor iyo Lafta Gareen ay qorsheynayaan in maalmaha soo socda ay u safraan dalka Turkiga.

Mareykanka waxaa la sheegay inuu aad u saluugay dabacsanaanta Ra’iisul Wasaaraha oo ah hoggaamiyaha doorashooyinka dalka, taas oo keentay in Rooble hadda loo soo jeediyo inuu isugu yeero golaha wadatashiga qaran, si wax looga bedelo eedeymaha xariirka ah iyo boobka hareeyay doorashada golaha shacabka.

Sida qorshuhu ahaa doorashada xildhibaanada golaha shacabka ayaa lagu balansanaa in lasoo gabagabeeyo ka hor dhamaadka bishan December, balse ma muuqato suurta galnimada dhowrista jadwalkaas .

Dhankooda golaha midowga musharaxiinta ayaa la sheegay in cadaadis xoog leh ay ku hayaan  madaxda dowlad goboleedyada, sidoo kale horay waxay u qaadaceen doorashada ka socota dalka, waxaana mucaaradka Muqdisho uga socda kulamo aan la garaneyn waxa ka soo bixi doona.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Erdogan oo amray in hadda kadib TURKEY ay adeegsato magac DAL oo u dhigmaya…

Ankara (Caasimada Online) – Wareegto kasoo baxday madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa wax looga beddelay hab qoraalka magaca uu dalkaas u adeegsanayo dhaq-dhaqaaqyada kala duwan ayada oo laga dhigay “Türkiye” halka markii hore uu ka ahaa “Turkey.”

Wareegtada ayaa lagu sheegay in go’aankan looga dan leeyahay in lagu ilaaliyo qiyamka ka yimaada taariikhda fog ee qaranka dadka Turkish-ka. 

Inkasta oo macnaha ahaan ay isku mid yihiin Türkiye iyo Turkey, oo ay kala yihiin luuqadaha Turkish-ka iyo English-ka, haddana Ankara ayaa dooneysa inay xoojiso aqoonsiga dhigaalka Türkiye.

“Ereyga Türkiye waxa uu habka ugu wanaagsan u matalaa una muujiyaa dhaqanka, ilbaxnimada iyo qiyamka qaranka Turkish-ka,” ayaa lagu yiri wareegtada kasoo baxday madaxweyne Erdogan.

“Sidaas darteed, jumladda ah “Made in Türkiye” ayaa hadda kadib la adeegsan doonaa beddelka “Made in Turkey” marka ay noqoto badeecadaha aan dhoofino, taasi oo ah qabka dalkeena ee ganacsiga caalamiga ah.” 

Sumadda “Türkiye” waxay matashaa kumanaan sano oo ah khibradda Turkish ee dhinacyo bada. 

Agaasimaha isgaarsiinta ee madaxtooyada Turkey Fahrettin Altun ayaa aad usoo dhoweeyey go’aankan. “Waa tallaabo kale oo muhiim ah oo loo qaaday xoojinta sumadda Türkiye,” ayaa yiri. 

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

CC Sharmaarke oo shaaciyey ujeedka wada-hadalkii uu la yeeshay R/W ROOBLE

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa kula kulmay ra’iisul wasaarihii hore ee Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo dhowaan oo dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.

Rooble iyo Sharma’arke ayaa wadahadallo gaar ah ka yeeshay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan is mari-waaga ka taagan arrimaha doorashooyinka dalka ee 2021-ka.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa faah faahin ka bixiyey kulankan oo uu ku wehlinayey wasiirkii hore ee qorsheynta Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Ceynte, wuxuuna shaaciyey inay casuumaad ka heleen Rooble.

Cumar Cabdirashiid ayaa sidoo kale intaasi kusii daray in kulankooda ay diiradda ku saareen dooda ka taagan doorashada xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya, isaga oo hoosta ka xariiqay in wadahadalka lagu gaaro is-faham buuxa.

“Wuu ku mahadsan yahay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble casumaadda uu inoo sameeyay aniga iyo wasiir hore Cabdiraxmaan Ceynte, xaqiiqdii doodaha doorashada mararka qaar waxaa lagu gaaraa is faham” ayuu yiri Cumar C/rashadiid Cali Sharma’arke.

Wadahadalladan ayaa qeyb ka noqonayo kulamo siyaasadeed oo haatan ka socda Muqdisho, kuwaas oo looga arrinsanayo arrimaha taagan ee la xiriira doorashooyinka.

Sharma’arke ayaa ka mid ah siyaasiyiinta saameynta leh ee sida weyn u dhaliilsan qaabka ay haatan wax u wado Villa Soomaaliya, wuxuuna soo jeediyey baaqyo kala duwan.

Horey waxa u sheegay in “si looga fogaado baarlaman lagu muransan yahay, dalku kala qeybsamo, ama kasii daro xanuun kale oo Ethiopian ah: a) Joojiya doorashada lagu shubtay, b) Dib usoo celiya hanaan doorasho oo dhex-dhexaad ah maadaama heshiiskii August uu horseeday wax is-daba marin baahsan, c) Ku dara kormeerayaal si sare loogu qaado kalsoonida.”

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Dagaalka Ethiopia oo galay marxalad cusub kadib guulo ay gaareen ciidamada Abiy

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ciidamada Ethiopia ayaa toddobaadkan dib u qabsaday dhul ay horey u haysteen mucaaradka Tigray, taasi oo muujisay inuu saxnaa go’aankii uu ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ugu biiray dagaalka.

Hase yeeshee, sida ay dowladda ku gaartay guushan iyo waxa ay uga dhigan tahay natiijada dagaalka socda muddada sanadka ah, ayaa ah arrin ay dood weyn ka taagan xilli dagaalka uu galay weji cusub. 

Bil kahor, ciidamada TPLF ayaa u muuqday kuwa carcar ah ah, ayaga oo qabsaday magaalooyinka Dessie iyo Kombolcha, oo ku yaalla waddo muhiim ah oo gasha caasimadda Addis Ababa.

Waxaa lagu warramay inay gaareen illaa magaalada Shewa Robit oo 220 km waqooyi ka xigta magaalada Addis Ababa. 

Hase yeeshee kadib markii Abiy uu toddobaadkii tegay ku dhowaaqay inuu hoggaamin doono dagaalka, dowladda ayaa gaartay guulo dhowr ah, waxaana mucaaradka ay qirteen inay dib u qaabeyn ku sameeyeen xeeladdooda. 

“Cadowga waa la burburiyey, waana la kala dhantaalay,” waxaa sidaas ku faanay Abiy Ahmed oo ay soo xigatay warbaahinta dowladda ee FANA.

Shaki kuma jira in dowladda ay sheegan karto inay “ku gacan sareyso” meelaha qaar waxaa sidaas yiri Awet Weldemichael oo ah khabiir amniga Geeska Afrika ah oo ka tirsan Jaamacadda Queen’s Univeristy ee dalka Canada. 

“Waqtiga ayaa sheegi doono haddii tani ay ka dhignaan doonto gacan sareyn dagaalka ah,” ayuu yiri.

Guulaha cusub ee ay gaareen ciidanka Abiy ayaa qaboojiyay cabsidii laga qabay in mucaaradka ay qabsadaan caasimadda Addis Ababa, taasi oo horseeday in diblomaasiyiinta caalamiga ah ay ka baxaan halkaas.

Dagaalladii ugu dambeeyey ayaa xaaladda dhan kale u rogay.

Dowladda ayaa markii horey sheegatay inay qabsatay magaalooyin ka tirsan gobolka Afar, oo u dhow waddo muhiim ah oo sahayda loo mariyo Addis-Ababa. Kadib waxay Arbacadii guul ka sheegatay magaalada Lalibela, oo hay’adda UNIESCO ay u diiwaan-gelisay dhaxal adduun, taasi oo bishii August ay qabsadeen TPLF.

Jimcihii, warbaahinta dowladda ayaa ku dhowaaqday “in la xoreeyey” magaalooyin ku yaalla waddo aada dhanka magaalooyinka Dessie iyo Kombolcha.

Inkasta oo toddobaadyadii dhowaa ay asiibeen dib u dhacyo, haddana TPLF ayaa ku adkeysaneysa inay ku guuleysan doonto dagaalka.

“Dagaal waxaa lagu yaqaan inay jiri doonaan dib u gurashooyin kooban iyo dib isu qaabeyn,” waxaa sidaas yiri madaxa militraiga TPLF Tadesse Worede oo wareysi siiyey AFP.

“Waxaan go’aansanay inaan si iskeen ah uga baxno meelaha qaar si aan u yareyno dhibaatooyinka,” ayuu yiri.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Qorshe culus oo Al-Shabaab ay damacsan tahay bishan oo shaaca laga qaaday (Aqriso)

0

Kampala (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta gudaha Soomaaliya iyo qeybo kamid ah wadamada Africa ayaa la sheegay inay damacsan tahay qorshe baaxad leh oo weeraro saf mareen ah loogu qaadayo  ciidamada AMISOM ee ku sugan Gobolada kala duwan ee Soomaaliya.

Weerarada ayaa la sheegay in Al-Shabaab ay qorsheeneyso inay ku ekeyso saldhigyada ay ciidamada AMISOM ku leeyihiin gudaha Soomaaliya inta lagu guda jiro ciida Kirismiska ee dabayaaqada bishan December.

Taliye ku xigeenka Ciidanka Difaaca Uganda, General Peter Elwelu ayaa ciidamada Uganda ee AMISOM ka tirsan ugu baaqay inay muujiyaan feejignaan dheeri ah, maadaama sida uu sheegay Al-Shabaabka ay ka faa’ideystaan xilliga ciidaha ayna fuliyaan weerarada ka dhanka ah AMISOM.

General Elwelu ayaa dardaarankaan ka sheegay xaflad tababar loogu soo xirayey illaa 2,500 Askari kuwaas oo tababar ku qaatay Xarunta Tababarka Taageerada Nabadda ee Singo ee Degmada Nakaseke ee bartamaha Uganda.

Taliyaha ayaa u sheegay ciidamada in Beesha Caalamka ay si dhow ula socoto tallaabooyika ay qaadayaan ciidamada AMISOM ee ku sugan ee Soomaaliya, wuxuuna kula dardaarmay inay si dhow ula shaqeeyaan wadamada saaxiibka la ah Soomaaliya.

Dhinaca kale, Gen Bonny Wolimbwa oo ah taliyaha xerada tababarka ee Singo ayaa sheegay in ciidamada tababarka loo soo xiray ay buuxiyeen shuruudihii ay uga mid noqon lahaayeen howlgalka Midowga Africa ee AMISOM.

General Bonny ayaa ciidamada kula dardaarmay inay ilaaliyaan anshaxa iyo dhaqanka Soomaalida, islamakaana ay muujiyaan cashiradii ay xiradaan kusoo qaateen.

Howlgalka Midowga Africa ee AMISOM ayaa Soomaaliya ka socdo muddo 15 sano ah, welina lama gaarin ujeedadii loo keenay oo aheyd inay meesha ka saaraan awoodda kooxda Al-Shabaab oo hadda u muuqato inay tahay awood weli jirta oo aan laga adkaan.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Al-Shabaab oo weerar ku dishay saraakiil Kenyan ah

0

Nairobi (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar qorsheysan oo ay kooxda Al-Shabaab Sabtidii shalay ka fulisay qeybo ka mid ah gobolka Waqooyi Bare ee waddanka Kenya, kaas oo geystay khasaare kala duwan.

Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu beegsaday gaari xamuul ah oo ay la socdeen askar ka tirsan ciidamada Booliska Kenya oo marayey gobolka Waqooyi Bari.

Inta la xaqiijiyey waxaa weerarkaasi ku dhintay ugu yaraan laba sarkaal oo ka tirsanaa Booliska Kenya, halka ay ku dhaawacmeen 12 askari oo kale.

Taliyaha booliiska ee gobolka Waqooyi Bari, Rono Bunei ayaa sheegay in gaariga la weeraray uu kasoo baxay degmada Rhamu, kuna sii jeeday Mandera, isaga oo xusay inay ciidamo dheeraad ah u direen goobta, kuwaas oo howl-gallo ballaaran ka bilaabay halkaasi.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in askarta dhaawacyada ah loo duuliyey dhanka magaalada caasimada ah ee Nairobi, isla-markaana la seexiyey isbitaal.

“Dadka dhaawacmay waxaa loo duuliyay Nairobi, halkaas oo la seexiyay isbitaal, saraakiil kale ayaa hadda ku sugan aagga ay ku baacsanayaan dagaalyahannada,” ayuu yiri Bunei.

Gaariga la beegsaday ayaa siday raashin loogu tala-galay ciidamada Booliska ee ka howl-gala deegaanada gobolka Waqooyi Bari oo xuduud dheer la leh Soomaaliya.

Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada ciidamada Kenya ee ku sugan deegaanada u dhow xadka Soomaaliya ay la leedahay dalkaasi.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Xoogagga Al-Shabaab oo gubay gaari dameero raashin u waday magaalada Waajid

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Bakool ee koonfurta dalka ayaa sheegaya in xoogaga Al-Shabaab ay maanta dab xoogan qabad-siiyeen gaari Dameero raashin waday, kuna sii jeeday Waajid oo ay horey u go’doomiyeen.

Ilo dadka dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in illaa 9 gaari Dameer ay gubeen xoogaga Al-Shabaab, iyaga oo u galay waddo ku taalla duleedka degmadaasi.

Gaari Dameerada la gubay ayaa sidday raashin noocyo kala duwan leh, waxayna ku socdeen gudaha magaalada, si ay u gaarsiiyaan raashinkaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku sii daraya in dagaalyahanada Al-Shabaab ay dileen Dameeradii raashinka sidday, hayeesheen waxaa goobta ka baxsaday dadkii waday.

Wararka qaar ayaa sheegaya in falkaasi, kadib ay ku baxeen ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga dalka oo howl-gallo ka sameeyey nawaaxiga magaalada Waajid.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana tallaabada ay qaadeen dagaalyahanada Al-Shabaab ay saameyn ku reebtay dadka deegaanka iyo ganacsatada lahaa raashinka.

Ma’ahan dhacdadan mid ugub ah, waxaana in muddo ah Al-Shabaab ay go’doon ku heysay Waajid iyo deegaanada hoos yimaada, iyada oo arrintaasi saameysay dadka shacabka ah.

Bakool ayaa ka mid ah gobollada dhaca koonfurta dalka, isla-markaana ay ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab oo weeraro ka fulisa qeybo badan oo ka mid ah Soomaaliya.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Xildhibaanka Waceysle ee Galmudug oo xaqiiqda ka sheegay muranka hareeyey kursiga Yaasiin Farey (Daawo)

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Xildhibaan Mukhtaar Macalin Cabdullahi oo ka tirsan baarlamaanka Galmudug, kuna metela beesha Waceysle ayaa sheegay in la boobay kurigoodii baarlamaanka federaalka ee Hop067, kaas oo dhawaan uu ku soo baxay Agaasimaha KMG ah ee NISA Yaasiin Farey.

Xildhibaan Mukhtaar Macalin ayaa sheegay in doorashadii Yaasiin Farey aan loo marin sifo sharci ah, isagoo cadeeyey in saxiixihii kursiga iyo dhamaan beesha lagala cararay doorashadii kursigooda, taasna aysan aqbali doonin.

“Waxaan cadeynayaa nabadoon guud ayey beeshu leedahay Cali Xasan (Cali Jeesto) ayaa la yiraahdaa, waa saxiixaha beesheenna, mana qabno saxiixe kale, nin jeebkiisa kala soo baxay waa gooni,” ayuu yiri.

Mukhtaar Macalin ayaa sheegay in mudo laba jeer ah uu xildhibaan ka soo noqday Galmudug uu kursigiisa saxiixay Nabadoon Cali Jeesto, sidoo kale xildhibaan Cadow Cali Gees oo kursiga lagu muransan yahay ku fadhiyey afartii sano ee lasoo dhaafay ayuu sheegay inuu u saxiixay Nabadoon Cali Jeesto.

Sidoo kale Xildhibaan Mukhtaar Macalin ayaa sheegay in si joogto ah ay u wada xariirayeen Nabadoonka oo ku sugan magaalada Muqdisho, iyagoo ka tashanaayey doorashada iyo sidii loo hagi lahaa.

“Waxaan qeybineynay Ergada beesha oo waan qeybinay, waxaan isku geynay odayaashii, saxiixihii iyo ergadii, illa hadda dhamaantood Xamar ayey joogaan oo hal qof Dhuusamareeb ma uusan tegin,” ayuu yiri Xildhibaan Mukhtaar Macalin oo baarlamaanka Galmudug ku metela beesha Waceysle.

“Qaraabadeydu runta ayey rabtaa, nabadoonka saxiixa kursigeenna golaha shacabka waa Cali Jeesto, waxaan cadeynaa anigoo ah xildhibaanka beesha oo Dhusuamareeb joogay, in doorashadii kursigaas loo maray wado qaldan,” ayuu yiri Xildhibaan Mukhtaar Macalin.

Sidoo kale Xildhibaanka oo fariin u diray Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor ayaa ugu mana-sheegtay inuu doortay mudo laba jeer ah, “Anigoo Dhuusamareeb kula jooga in kursiga beesheyda aadan igu tix-gelin oo aadan igala tashan waa arrin agtaada taalla madaxweynow,” ayuu yiri Xildhibaan Mukhtaar Macalin.

Beesha Waceysle ayaa aad u diiday inay aqbasho in kursigaas loo dhaco Yaasiin Farey, waxgaradka qaar ee beesha waxay cadeeyeen in Yaasiin aysan u diidaneyn kursiga, balse ay qaadan la’yihiin in xaqooda lagu hor boobo.

Dhawaanahaan waxaa Muqdisho ka socday kulamo waaweyn oo ka dhan ah boobka kursigaas, waxayna beesha Waceysle ku goodisay inay isaga baxayso Galmudug, hadii aan lagu tix-galin xaqa ay u leeyihiin inay u tashadaan oo soo xushaan dadka ku metelaya kuraasta ay u heleen awood qeybsiga.

Hoos ka daawo Xildhibaan Mukhtaar Macalin

Muqdisho ‘oo qarka u saaran’ xaalad la mid ah tii April 2021

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ayaa waxaa aad looga cabsi qabaa inay gasho xaalad la mid ah bishii April 2021, markaasi oo ay ka dhaceen dagaallo looga hortagayey muddo kororsigii sharci-darrada ah ee ay sameeyeen madaxweyne Farmaajo iyo Maxmaed Mursal.

Waxaa hadda caasimadda ka taagan khilaaf siyaasadeed xooggan oo ka dhashay boobka lagu hayo kuraasta golaha shacabka, oo si musuq-maasuq xooggan ah loo maareynayo.

Golaha Midowga Murashaxiinta ayaa bayaan ay soo saareen 30-kii November ku caddeeyey “inuusan raalli ka ahayn, aqbalayn, qaybna ka noqon doonin boobka socda ee lagu dibindaabinayo shacabka Soomaaliyeed, laguna burburinayo geeddi-socodkii nabadda iyo dhismaha dowladnimada.”

Dadka siyaasadda taxliiliya ayaa ka cabsi qaba in go’aanka mucaraadka iyo is-mari waaga taagan uu Muqdisho ku celin karo xaaladdii ay soo martay April 2021.

“Halista waxay tahay inaan arki karno marxalad la mid ah tii aan aragnay bishii April,” waxaa sidaas wakaaladda wararka Anadolu u sheegay Rashid Abdi, oo ah fallanqeeye siyaasadeed, isaga tixraacaya dagaalkii ciidamada Farmaajo iyo kuwa Badbaado Qaran. 

“Xalka waa in lagu laabtaa hanaankii doorasho ee 2016, oo aan wax isbeddel ah lagu sameyn, sidoo kalena isbeddel lagu sameeyaa hoggaanka guddiga fulinta doorashooyinka heer federal (FEIT),” ayuu yiri Rashid.

Abdikarim Hassan Mohamed, oo ah qareen, ayaa sheegay in mas’uuliyadda ay saran tahay ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Roble inuu xaqiijiyo in Soomaaliya “aysan ku dhicin dagaal.”

“Marka aad haysato hanaan sida midkan doorashada dadban oo kale ah, waxaa mar walba jira fursad ay ku dhacaan eedyemahan oo kale ee khiyaameynta iyo xadgudubyada,” ayuu yiri.  

“Dhammaan saamileyda waa inay dhinac iska dhigaan danahooda, oo ay eegaan sida ay xaaladda Soomaaliya u jilicsan tahay iminka, ayna danta shacabka ka hormariyaan wax kasta oo kale. Ra’iisul Wasaaraha wuxuu u baahan yahay inuu hoggaamiyo oo uu mideeyo dhammaan dhinacyada.”

Midowga Murashaxiinta ayaa bayaan ay soo saareen 30-kii November ku qaadacay kuna dalbaday in la joojiyo doorashooyinka dalka ka socda.

Si kastaba, ilo-wareedyo ku dhow xafiiska Rooble ayaa Caasimada Online u sheegay in qaadacaadda mucaaradka Rooble aysan waxba ka beddeleyn mowqifka Rooble ee ah in doorashooyinka dalka ay sii socdaan, wixii cabashooyin ah ee jirana la xaliyo.

Mowqifka Rooble ayaa astaan u ah sida ay u kala fogaadeen isaga iyo mucaaradka oo mar xulufo ahaa, islamarkaana garab xooggan siiyey markii ay is-hayeen madaxweyne Farmaajo.

Isbeddelka ku yimid Rooble ayaa la rumeysan yahay inuu ka dhashay safarkii uu bishii October ku tegay dalka Qatar, halkaasi oo wararka ay sheegayaan in Doha ay ku amartay inuu la shaqeeyo Farmaajo, islamarkaana lacag malaayin dollar ah uu kusoo qaatay.

Haddii aan xal deg deg ah la helin, islamarkaana Rooble garwaaqsan in boobka aanu sii socon karin, waxay Muqdisho geli kartaa xaalad la mid ah tii April.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii 

Xaalad cusub oo kasoo korortay xiisadda ka taagan magaalada BOOSAASO

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa sheegaya inay weli socdaan dadaalada lagu doonayo in lagu soo dhameeyo khilaafka u dhaxeeyo hoggaanka ciidamada PSF ee xilka laga qaaday iyo madaxweyaha Puntland Saciid Deni.

Xogo hoose oo ay heshay Caasimadda Online ayaa sheegaya in Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Deni ay xiriiro la sameynayaan hoggaankii xilka laga qaadey ee PSF, iyadoo dhinac kale madax dhaqaameedka ay leeyihiin kulamo la doonayo in qaab nabad ah lagu dhameeyo xaaladda taagan.

Gaadiidka dagaalka ayaa loo diiday inay galaan magaaladda Boosaaso ee xarunta gobolka Bari halkaasoo mudooyinkii dambe ay xiisad ka taagan tahay.

Wararka ayaa sheegaya in go’aankan uu kasoo baxay madaxda sare ee Puntland, si looga hortago in Ciidan taabacsan agaasimaha xilka laga qaaday ay galaan magaalada oo hadda ka socdaan dadaallo khilaafka jira lagu xalinayo.

Gaadiidka Ciidamada ayaa lagu celinayaa halka loo yaqaano Carmo oo qiyaastii 100KM u jirta magaalada Boosaaso, halkaasoo ay ku sugan yihiin ciidamo taabacsan Saciid Deni.

Magaalada Boosaaso oo ah Magaalo ganacsi ayaa maalmihii ugu dambeeyey ku jirtay xaalad cabsi ah kadib markii ay Magaalada soo galeen ciidamo kala duwan oo iska soo horjeedo kuwaas oo kala taageersan Saciid Deni iyo madaxda PSF.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Laba caqabad oo hortaagan go’aanka ay mucaaradka ku dhisayaan Gole Qaran

0

Muqdsho (Caasimada Online) – Mucaaradka Soomaaliya ayaa weli ku shirsan Caasimadda, doodoodu waa dheeraatay waxayna ka culus tahay doodihii hore.

Waxay ka xaajoonayaan inay toos u abuuraan nidaam doorasho ama mid maamul oo barbar socda midka hadda ka jira dalka ee gacanta ku haya doorashada la isku fahmi la’yahay.

Kulankaan ayaa xoogaa dib loo dhigay Maalintii Khamiista aheyd iyadoo la sugayey xubno ka maqan dalka. Dhanka musharixiinta mucaaradka xubnaha dalka ka maqan waxaa kamid ah Ra’isulwasaarihii hore Xasan Cali Kheyre oo safar ku joogo dalka Turkiga.

Kheyre oo la sugayey inuu Shalay oo Jimco aheyd soo galo Magaalada Muqdisho ayaan weli imaan, waxayna kooxdiisa ololaha sheegeen inuu rabo inuu halkaas ku arko qaar kamid ah madaxda maamul Goboleedyada.

Mucaaradka waxay isku fahmeyn in gogoshada la ballaariyo maadaama ay rabaan inay ku dhaqaaqaan tallaabo culus.

Intooda badan oo isku qoys ah ayaan u saamaxeyn inay mowqifkooda Soomaaliyeeyaan ama Soomaalida kale ka iibiiyaan, sidaas darteed waxay isku fahmeyn in kulanka la ballaariyo oo la waafajiyo nidaamka wax qeybsiga Soomaalida ee 4.5.

Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo laba jeer Ra’isulwasaare kasoo noqday Soomaaliya ayaa kamid ah xubnaha ay casuumeen.

Waxaan kaloo midowga musharixiinta kasoo xiganay inay ergo u direen Cabdiweli Gaas, Jawaari, Cabdiraxmaan Faroole, Jurulle iyo xubno kale.

Dhammaan dhinacyadaan ayey rabaan mucaaradka inay wax ku yeeshaan go’aan cusub oo lagu dhisayo Gole Qaran oo dalka samatabixin kara sida ay iyaga qabaan.

Haddii ay ku guuleystaan xubnaha ay hadda casuumeyn oo kulanka sidaas u ballaariyaan wuu ka macno badnaan doonaa sida uu hadda yahay, lamana hubi in xubnaha ay hadda casuumeyn wada aqbali doonaan gogoshaas Muqdisho taala.

Culeysyada heysta kooxdaan waxaa kamid ah waqtiga, haddii ay mucaaradka sii daahiyaan go’aankooda oo aan xilli hore jihadooda la ogaan waxaa macquul ah inay saameyso doorashada socoto.

Haddii ay doorashada gaarto inay ugu yaraan soo baxaan in ka badan 100 Xildhibaan waxay mucaaradka ku noqon doontaa culeys, balse safarada ay Qoor Qoor iyo Laftagareen galeen fursad ayuu u yahay mucaaradka oo doorashadii ayaa si dadban u istaagi karta, taasoo dadka usoo jeedineysa dhinaca shirka mucaaradka iyo in go’aamadooda la sugo.

Waxaase jirta aragti kale oo qaarkood qabaan oo ah inayba fursad u tahay inay doorashada sii socoto kuraas cusubna la boobo, sababta waa inay heli doonaan Qabiilo iyo siyaasiyiin lasoo xoogay kuraastoodii oo diyaar u ah inay xoog iyo xoolaba ku taageeraan mucaaradka.

Xogaha kale ee aan shirka mucaaradka ka heleyno waa in xatta iyagu aysan weli isku mowqif ka aheyn howsha socota. Dooda dhexdooda taala weli maahan kama dambeys.

Xubnaha ay casuumeen ka sokow mucaaradku iyagaa isku wada turxaan bixin maadaama ay dhexdooda ku jiraan xubno aaminsan inay natiijo fiican ka heli karaan doorashada hadda socoto.

Kooxda Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo maamulada taabacsan ayaa u muuqda inaysan dooneyn inay la fariistaan, u joojiyaan ama dhageystaan qeyla dhaanta doorashada ee ka imaaneysa mucaaradka, qabiilada iyo shaqsiyaadkii tartami lahaa qaarkood.

Walaac badan ayey bulshadu ka qabtaa sida ay macquul ku tahay inay doorashadaan nabad ku dhammaato oo dalkuna uu nabad kaga gudbo xilliga kala guurka.

Kulamada mucaaradka ayaa sii socon doona xilli guddiyada doorashooyinka weli ay ku dhiiran la’yihiin inay buriyaan oo waxba kama jiraan ka dhigaan natiijada kuraasta sida tooska ah loo boobay ee Golaha Shacabka.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Dowladaha Mareykanka iyo UK oo digniin culus kasoo saaray doorashada Somalia

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka UK ee Soomaaliya Kate Foster iyo Sii-hayaha Safaaradda Mareykanka Colleen Crenwelge oo wareysi siiyey idaacadda Goobjoog ayaa ka hadlay waxyaabo badan oo ku saabsan xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan doorashada ka socoto dalka.

Safiirada UK iyo Sii-hayaha Safaaradda Mareykanka ayaa sheegay in doorasho lagu shubto, oo aan xalaal aheyn ay ka dhalan karto qalalaaso, iyaga oo ku baaqay iney dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah si looga fogaado dagaal dib uga qarxo Soomaaliya.

Safiirka UK ee Soomaaliya Kate Foster oo ka jawaabeysay su’aal aheyd “miyaaney aheyn halkii doorasho ha dhacdo uun la dhihi lahaa in laga hadlo qabashada doorasho lagu kalsoonyahay si looga fogaado qalalaaso” ayaa tilmaamtay in loo baahan yahay in la qabto doorasho xalaal ah isla markaasna ay beesha Caalamka dhowr jeer ku celisay arrintaan.

“Haa, waa sax, waxaan rabnaa doorasho xalaal ah, oo lagu kalsoonaan karo oo si nabad ah ku dhacdo, labadaasina way wada socdaan, haddii aadan laheyn doorasho xalaal ah, waxaa hubaal ah iney qalalaaso ka dhalaneyso…ma dooneyno inaan aragno qalalaasihii dhacay horraantii sanadkan iyo barakicii kumanaanka ahaa oo ahaa wixii ka dhashay, beesha caalamka waxaay ka hadleen sida ay muhiim u tahay in doorashada ay noqoto mid lagu kalsoon yahay” ayey tiri Kate Foster.

Dhankeeda, Sii-hayaha Safaaradda Mareykanka Colleen Crenwelge ayaa ugu baaqday saamileyda siyaasadda inay ka fogaadaan wax kasta oo keeni kara qalalaaso.

“Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan in laga fogaado wax qalalaaso ah, ma jirto cid dooneysa iney aragto bilowgii sanadkan, sida ay safiir Kate sheegtay doorashada xalaasha ah waxay barbarsocotaa ka fogaanshihaya qalalaaso, waana sii wadeynaa inaan arriknaas xoojino” ayey tiri.

Labada safiir ayaa ka digay in doorashada lagu shubto taasina ay ka dhalan kato qalalaaso badan, oo keenta dagaal iyo barakac.

Hadalka kasoo yeeray labada safiir ayaa kusoo aadayo xilli doorashada ka socoto Soomaaliya ay ka jirto cabashooyin badan oo ku saabsan in la boobay kuraas isla markaasna  aysan doorashada u socon hab lagu kalsoonaan karo.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Video: DF oo soo bandhigtay ciidamo loo soo tababaray

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah magaalada Muqdisho ku soo dhoweysay ciidamo ka tirsan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Gorgor, kuwaas oo tababar casri ah ku soo qaaday gudaha dalka Turkiga.

Ciidamadan ayaa waxaa saaka garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ku soo dhoweeyey taliyaha ciidamada dhulka ee xoogga dalka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi, wuxuuna u jeediyey khudbad dar-daaran ah oo ku aadan howlaha shaqo ee ay qaban doonaan.

Biixi waxa uu shaaca ka qaaday in ciidamada oo qeyb ka ah ururka 9-aad ee kumaandooska Gorgor inay ku biiri doonaan howl-gallada haatan ka socda dalka.

Taliyaha ciidanka dhulka ayaa xusay inay ku kalsoon-yihiin tababarka lasoo siiyey ciidamadan, wuxuuna tilmaamay in looga baahan yahay inay u shaqeeyaan dadkooda.

Sidoo kale wuxuu uga mahadceliyey dowladda Turkiga oo soo tababartay ciidamada, sida ay marweliba u garab taagan tahay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Turkiga ayaa sanadihii u dambeeyey xooga saaray dib u dhiska ciidamada Xoogga dalka, waxaana tababaro kala duwan uu ku siiyaa Soomaaliya iyo xeryo ku yaalla dalkaasi.

Si kastaba, soo dhoweynta loo sameeyey ciidamadan cusub ee loo soo tababaray dowladda Soomaaliya ayaa ku soo aadeysa, xilli haatan dalka uu jiro marxalad adag oo kala guur ah, kana dhalatay daaha doorashooyinka oo ay weli isku hayaan mucaaradka iyo dowladda.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Kadib dalabka DF, Golaha Ammaanka oo go’aamiyey in lasoo afjaro howl-galka…

New York (Caasimada Online) – Golaha Ammaanka QM ayaa Jimcihii u codeeyey in saddex bil oo kaliya lagu kordhiyo howlgalka ciidamada caalamiga ah ee badda Soomaaliya ee lagula dagaalamo burcad badeedda, kadib markii dowladda federaalka ay dalbatay inay si buuxda u maamusho biyaheeda.

Qaraarka oo ay soo diyaarisay dowladda Mareykanka ayaa lagu ansixiyey cod aqlabiyad oo ah dhammaan 15-ka dal ee golaha.

Faransiiska ayaa ka digay in muddada lagu kordhiyey howlgalka ay aad ugu gaaban tahay inay howlgalkan oo ay hoggaamiyaan dalalka Yurub uu si wanaagsan u shaqeeyo, islamarkaana uu abuurayo “firaaq amni.”

Ayada oo muddo sanado ah uu jiro howlgalkan “wax weeraro ah ma aysan dhicin afar sano,” waxaa sidaas yiri isku-xiraha howlgalka Faransiiska ee QM Sheraz Gasri.

Hase yeeshee dowladda Soomaaliya ayaa ku adkeysatay in xaqiiqda ah in afar sano oo xiriir ah aysan weeraro burcad badeed ka dhicin badweynta Hindiya loogu cudur daari karo in howlgalka lasoo geba-gebeeyo.

Saddexda bil ee lagu daray howlgalka “wuxuu ogolaanaya marxalad kala guur oo ah wada-shaqeyn militari,” waxaa sidaas yiri ergeyga Soomaaliya ee QM Abuukar Daahir Cusmaan, isaga oo ammaanay sida howlgalka uu “ugu guuleystay” cirib-tirka burcad badeedda.

“Waxaan rumeysannahay in qaraarada Golaha Ammaanka ee burcad-badeednimada iyo dhaca hubeysan ee xeebaha Soomaaliya ay ku guuleysteen hadafyadii laga lahaa,” ayuu yiri Danjire Abuukar.

“Maqnaanshaha burcad badeedda wax shaki ah ma gelineyso xaqiiqda ah in sii wadista ciidameynta qarankeena iyo dhul-badeedka ay tahay arrin aan xiriir la laheyn burcad badeedda iyo dhaca hubeysan ee Soomaaliya. “

Intii uu socday kulanka Golaha Ammaankam, Soomaaliya ayaa si xooggan u diiday muddo kordhin hal sano ah, waxayna ku baaqday in dib looga fiirsado siyaasadda. 

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Xog ka cusub shirka u socda Midowga Musharaxiinta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa maanta dib uga furmay wejiga labaad shirweyne ay leeyihiin xubnaha Golaha Midowga Musharixiinta Mucaaradka, kaas oo haatan ka socda hotelka Jaziira oo fadhi gaar ah u ah xubbnaha mucaaradka ah.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb-galaya inta badan Musharixiinta Mucaaradka ee u taagan xilka madaxweynaha, waxaana horkacaya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif.

Intiisa badan waxaa shirkan oo daba socda kulamo horay u dhacay diiradda lagu saarayaa xaaladaha soo kordhay, gaar ahaan dooda ka taagan doorashada Golaha Shacabka dalka.

Sidoo kale xubnaha Musharixiinta ah ayaa si gaar ah uga tashanayo tallaabooyinka ay qaadi lahaayeen ee ku aadan boob ay sheegeen in lagu hayo doorashooyinka dalka.

Gabagabada shirkooda ayaa la filayaa inay soo saaray go’aanno cad oo ku aadan xaaladda haatan dalka uu wajahayo oo ay ugu horreyso muranka ka dhashay doorashada socota.

Golaha Midowga Musharixiinta ayaa horay u soo saaray qoraallo is-daba joog ah oo ay ku weerareen Villa Soomaaliya, waxaanna ay ku eedeeyeen inay ku shubaneyso doorashada.

Si kastaba, xaaladda cakiran ee taagan ayaa horseedi kara in dalka markale uu galo qalalaase siyaasadeed, waxaana jirta in aysan weli waxba ka dhaqan-gelin qodobadii kasoo baxay kulan ay horay u yeesheen ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Roobe & mucaaradka.

Soomaaliya ayaa waxaa ku daba dheeraaday ka gudubka xaaladda kala guurka ah ee ka dhalatay daaha doorashada oo ay weli isku hayaan mucaaradka & dowladda Soomaaliya.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Jeneraal Biixi oo soo saaray amar xasaasi oo ka dhan ah…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Lugta ee Xoogga dalka, General Maxamed Tahliil Biixi oo la hadlayey cutubyo ka tirsan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Gorgor ayaa digniin culus u diray dhammaan ciidamada Xoogga, wuxuuna tilmaamay in tallaabo adag oo sharci ah ay ka qaadi doonaan askarigii dila qof shacab ah.

Biixi oo soo hadal qaaday dilalkii ka dhacay Muqdisho ayaa nasiib darro ku tilmaamay in askari ka tirsan Xoogga dalka uu dilo qof shacab ah, halkii uu sugi lahaa amnigiisa.

Taliyaha ciidamada Dhulka ayaa sidoo kale ku dhaartay in askarigii qof shacab ah xabad ku fura inay geyn doonaan tiirka, si isna looga qaado tallaano waafaqsan sharciga.

“Waa dhacdo aad u fool xun waxaan rabaa inaan halkan uga faa’iideysto dhammaan ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed meelo joogo ama ha noqdo mid Staff ah oo madax la socda ama ha noqdo mid ciidan oo Xoogga dalka ka tirsan, qofkii qof shacab ah xabad ku rida Wallaahi tiirka maxkamaddaan geyneynaa,” ayuu yiri taliyaha ciidamada dhulka, Biixi.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray “Dadkii aad u soo tababarateen oo amnigooda aad u dhaarateen in qal-qal la geliyo oo si sahlan xabado loogu furana xaq ma’ahan, mana yeeleyno,”.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in askarta haatan lasoo qabtay ee loo heesto dilalkii ka dhacay Muqdisho inay horgeyn sharciga, wuxuuna sidoo kale shacabka ugu baaqay in aysan qeyb ka noqon amni darrada oo ay la shaqeeyeen laamaha amaanka.

“Kuwa hadda lasoo qabtay sharciga ayaan horgeyn doonaa waxaan ka codsaneynaa shacabka Soomaaliyeed amni darrada in aysan qeyb ka noqonin,” ayuu sii raaciyey.

Labadii habeen ee lasoo dhaafay ayaa waxaa wadada Maka Al-Mukarama ka dhacay dilal oo loo geystay saddex dhalinyaro ah oo labo ka mid ah ay ahaayeen walaalo wada dhashay, waxaana dilalkaasi fuliyey askar ka tirsan ciidamada dowladda oo mar dambe lasoo qabtay.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

CC Shakuur: Waxaa dhacay qiyaamihii xukunka Farmaajo waxaana caddeyn u ah…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa soo saaray qormo uu cinwaan uga dhigay “Haddii xukunka dad aan ehelkiisa aheyn loo dhiibo, suga qiyaamihii” waxuuna qormadaan uga hadlay dhalinyadii ay ciidamada dowladdu xalay iyo habeen hore ku dileen gudaha magaalada Muqdisho.

Ugu horeyn Cabdiraxmaan ayaa sheegay inuu xanuunka geerida iyo tiiraanyada tacsida la qaybsanayo Allah u naxariistee ehelka iyo asxaabta Mahad Cabdiraxmaan Maxamuud oo ahaa sarkaal ka tirsanaa ciidanka Asluubta oo xalay ay dileen ciidamo ka tirsan dowladda.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qoraalkan uu soo saaray waxuu ku sheegay in marxaladaan uu dalkeenu ku jiro ay u muuqto inuu dhacay qiyaamihii xukunka Farmaajo, balse loo baahan yahay in laga fekero sidii looga fujin lahaa xukunka, isagoo aan dhib geysan.

“Nabigeenna waxaa laga wariyey “Haddii xukunka dad aan ehelkiisa aheyn loo dhiibo, suga qiyaamihii” cullimada qaar ayaa ku fasiray, in qiyaamaha dhacaya uu yahay kan xukunkaas ee aysan ahayn qiyaamihii waynaa,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Sidoo kale waxa uu sheegay in qiyaamaha xukunka Farmaajo in uu dhacay uu caddeyn u yahay hadalkii ay xalay tiri hooyada dhashay Sowdoa iyo Sakariye – wiilkii iyo gabadhii walaalaha ahaa ee xalay la dilay, kaas oo ahaa “Caddaalad ka sugi maayo, sababtoo ah kuwii iga horreyeyba ma helin.”

“Ma aha in caddaalad la waayey ee waa laga quustay. Qayladii waaliddiintii ubadkooda Eriteria loo qaaday ayaa korkeenna ku dhammaatay, illinta Maamo Qaali ayaa nagu kor qubatay. Sidoo kale hooyada Sowda iyo Sakariya, iyo waalidka Mahad,” ayuu yri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Ugu dambeyntii Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qoraalkiisa ku yiri, “Xukunka Farmaajo waa dumay, laakiin in uu xoog ku joogo ayaa ka go’an. Waa in ka fekernaa sida ugu dhibka yar ee la isku dhaafin lahaa.”

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii