25.2 C
Mogadishu
Thursday, July 2, 2026

Senator iyo musharax xildhibaan oo si weyn loogu weeraray arrin uu sheegtay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Ayuub Ismaaciil Yuusuf, oo ah musharax xildhibaan, ayaa weerar dhanka baraha bulshada ah kala kulmay kadib markii uu sheegtay “in uu dadaal badan ku bixiyey sidii dadka deegaankiisa ay xuquuqdooda siyaasadeed, iyo horumarineed uga heli lahaayeen dowladda federaalka.”

Musharax Ayuub Ismaciil Yuusuf oo ka tirsana Senator-da Aqalka Sare ee muddo xileedkooda uu dhamaaday ee kasoo jeeda gobolada Waqooyi, gaar ahaan gobolka Awdal ayaa xiligan u ordaya sidii u heli lahaa kursiga uu tirsigiisa yahay HOP215.

“Afarta sano ee aan xilka hayey waxaan dadaal badan ku bixiyey sidii dadka deegaankayga ee aan metelo ee reer Awdal ay xuquuqdooda siyaasadeed iyo horumarineed uga heli lahaayeen dowladda Federaalka, waxana ka shaqaynayey in codka dadkaygu uu gaaro meelaha lagu gaaro go’aamada,” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook, kaasi oo qeyb ka ah ololaha uu ugu jiro hanashada kursiga Golaha Shacabka.

Musharax Ayuub ayaa dhaleeceyn xoogan kala kulmay sheegashada ah in uu wax u qabtay gobolka uu metelo, kaasi oo kamid ah hal ku dhigyada uu ku ololeynayo.

“Markaad matalaad dhab ah aad ka shaqaynayso waa la yaqaana, tolna madan aqoon danbiga faraha badan iskadaa,” ayuu yiri mid kamid ah bulshada aragtiyada ka dhiibtay halku dhiga ololaha Ayuub ee ku sheegtay in dadka reer Awdal wax ugu qabtay.

“Ma awdal-shii aan aqaanay mise mid kala soo baxday oo wax u qabatay Astaqfurulah, kuwii joogay iyo kuwa soo socda midkoodna wax qaban maayaan.”

“Beenta kuma odhan karnee malaha isku awdal baynan sheegayn mudane.” – “Wax nooma qaban ee beenta naga daa,” ayey qaar kalena kaga fal-celiyeen sheegashada Ayuub.

Senator Ayuub ayaa si weyn u taageera hogaaminta madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana badana lagu eedeya in uu isku haleynayo garabka Farmaajo, oo uusan isku daalin inuu kasbado rabitaanka dadka uu metelo.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Ilhaan Cumar oo shaacisay tallaabo adag oo laga qaadi doono gabadhii weerartay

Washington (Caasimada Online) – Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in afhayeenka Aqalka Nancy Pelosi ay tallaabo ka qaadi doonto Lauren Boebert kadib hadalladii Islaam naceybka ahaa ee ay ku weerartay.

Lauren Boebert ayaa Ilhaan Cumar ku qeexday inay xubin ka tahay “kooxda jihaadka,” waxayna intaas ku dartay inay ammaan tahay in lala raaco wiishka xarunta Congress-ka kaliya haddii aanay wadan boorsada dhabarka lagu qaato.

Boebert ayaa kadib ka cudur-daaratay hadalladaas, hase yeeshee wada-hadal ay taleefonka ku yeesheen ayada iyo Ilhaan ayaa caro ku dhammaaday kadib markii ay diiday inay fagaare ka cudur-daarato, islamarkaana dib is-qabato.

Dimoqraadiga ayaa kadib ku baaqay in Aqalka Wakiilada uu ka xayuubiyo Boebert xubinnimadeeda guddiyada qaar.  

“Waxaan wada-hadal la yeeshay afhayeenka, waxaana aad ugu kalsoonahay inay toddobaadka soo socda qaadi doonto tallaabo adag,” ayey Ilhaan Cumar u sheegtay barnaamijka “State of The Union” ee taleefishinka CNN.

“Markii ugu horreysay ee aan imid Congress-ka, waxaan ka walaacsanaa inaan la i dhaarin doonin sababo la xiriira mamnuuca saarnaa xijaabka. Waxay ii ballan-qaaday inay wax ka qaban doonto wayna kasoo baxday ballan-qaadkeeda. Hadda waxay ii sameysay ballan-qaad kale oo ah inay arrintan wax ka qaban doonto, waana aaminsanahay.”

Weli ma jiraan wax jawaab ah oo ay Pelosi iyo Boebert ka bixiyeen hadalka Ilhaan Cumar. 

Hoggaamiyaha Jamhuuriga ee Aqalka Wakiilada Kevin McCarthy ayaa difaacay Boebert toddobaadkii tegay, isaga oo sheegay inay si shaacsan iyo si gaar ah ugu cudur-daaratay Ilhaan.

Ilhaan ma aysan sheegin tallaabada ay qaadi doonto Pelosi. 

Ilhaan iyo Rashida Tlaib, oo asal ahaan ah Falastiini, ayaa ahaa labadii gabdhood ee ugu horreeyey ee Muslim ah ee loo doorto Aqalka Wakiilada Mareykanka

Tan iyo markii ay kusoo biireen Congress-ka ayaa waxay la kulmayeen weeraro Islaam naceyb ah oo uga imanaya warbaahinta midigta iyo siyaasiyiinta Jamhuuriga, oo uu ka mid yahay madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump. 

Waxay naceybkan inta badan ku muteystaan inay dhaliilaan siyaasadda iyo dhibaatada ay Isarel ku hayso shacabka Falastiin. 

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Daawo: Somalia iyo Shiinaha oo kala saxiixday heshiis ay Shiinaha ku dhisayaan…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa kala saxiixday heshiis cusub oo is-afgarad, kaasi oo ku saabsan dayactirka iyo qalabeynta Tiyaatarka qaranka, Radio Muqdisho iyo wakaaladda wararka SONNA.

Heshiiskan ayaa waxaa kala saxiixday Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska xukuumadda Soomaaliya Cismaan Abokor Dubbe iyo danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya Fei Shengchoa.

Munaasibadda heshiiska lagu saxiixay oo maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxa uu Wasiirka warfaafinta Soomaaliya ka sheegay in heshiiskan cusub uu bilow u yahay wada-shaqeyn balaaran oo mustaqbalka ah oo dhex-mari doonta Soomaaliya iyo Shiinaha.

Waxa uu intaas kusii daray in waxyaabaha is-afgaradka quseeya ay yihiin dayactirka qaar kamid ah waaxiyaha Wasaaradda uu maamulkeeda gacanta ku hayo sida: Radio Muqdisho, SONNA iyo Tiyaatarka.

“Runtii heshiiskan waa bilow fiican u ah dowladaha Shiinaha iyo Soomaaliya, mashaariicdu ma ahan wax aad u waa weyn waa wax afka qalaad lagu yiraahdo Pilot projects oo ah mashaariic yar-yar oo tijaabo ah oo la xiriira dayactirka Tiyaatarka, Radio Muqdisho iyo arrimo ku saabsan horumarinta SONNA,” ayuu yiri Wasiir Dubbe.

“Waxay mashaariicdan wadada u xaareysa mashaariic waaweyn oo ah in mar labaad Tiyaatarka shaqo weyn laga qabto, waxaa la dhisay 1965-kii waxaana dhisay dowladda Shiinaha ee waqtigaas oo ah xisbiga hadda talada haya.”

Tiyaatarka Qaranka ayaa waxay dowladda federaalka Soomaaliya barnaamijka is-xilqaan dib ugu dayactirtay sanadkii 2019-kii, wuxuuna u baahan yahay horumarin ballaaran si loogu soo hirto.

Dowladda Shiinaha oo xiriir wanaagsan oo soo jireen ah la leh Soomaaliya ayaa waxay gudaha dalka ka fulisay mashaariic waaweyn oo ay kamid yihiin Tuulada ciyaaraha ee Stadium Muqdisho iyo Isbitaalka hooyada iyo dhalaanka ee gobolka Banaadir.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Ujeedada safarka ERDOGAN ee QATAR oo la ogaaday

Doha (Caasimada Online) – Sida ay xaqiijisay xukuumadda Ankara, madaxweyaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa safar laba cisho ah ku tagaya magaalada Doha ee caasimadda dalka Qatar si uu ula kulmo amiirka dalkaas Sheekh Tamiim Bin Hamad Al Thani.

Wafdi hordhac u ah safarka Erdogan ayaa gaaray magaalada Doha, waxaana halkaas ka socota qaban qaabada soo dhaweyntiisa.

Ujeedada safarka Erdogan ayaa la sheegay inay tahay ka qaybgalka shirka 7-aad ee guddiga istiraatiijiyadda sare ee Qatar iyo Turkiga oo soo bilawday sanadkii 2015-kii markaas oo labada dowladood ay kala saxiixdeen mashaariic waaweyn.

Heshiiska ay Doha iyo Ankara kala saxiixdeen ayaa waxay taabanayeen qeybaha kala ah Ganacsiga, Maalgashiga, Gargaarka, Cayaaraha, Hormarinta, Caafimaadka & Arrimaha Diinta sida lagu daabacay Bogga Taleefishinka Aljazeera ee Qatar laga leeyahay.

Sidoo kale, Erdogan ayaa la filayaa inuu booqasho ku tago saldhigga Militari oo uu keliya Turkiga ku leeyahay Khaliijka Carabta, kaasi oo ku yaalo dalka Qatar, halkaas oo ay ku sugan yihiin boqolaal ka tirsan ciidamada Turkiga.

Kulanka labada madaxwene kadib ayaa waxaa la filayaa in dalka Qatar laga soo qaado boqolaal ka tirsan ciidamada dalkaas oo tababar lagu siin doono gudaha Turkiga, waxayna ciidamadaas tababar ku qaadan doonaan 36 diyaaradood oo kuwa dagaalka ah oo ay leedahay Qatar.

Qatar waxa ay martigelineysaa madaxda Sacuudiga & Turkiga oo xiriirkoodu xumaaday kaddib markii Wariye Jamal Khashoggi lagu dilay Istanbul 2dii October 2018, Xukuumadda Erdogan ayaa si toos ah ugu eedeysay Dhaxal-suge Maxamed Bin Salmaan in uu ka dambeeyay falkaas.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Sawiro: Taliye ku xigeenkii ciidanka PSF oo u goostay dhanka Deni iyo wararkii ugu dambeeyey xiisadda

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Taliye ku xigeenkii guud ee Ciidanka PSF ee Puntland G/sare Cabdiraxmaan Maxamed Ilig ayaa wuxuu ku biiray ciidamada maamulka Puntland ee daacadda u ah madaxweyne Saciid Deni.

Ilig oo ay wehliyeen ciidamo badan oo kamid ah ciidankan sidda gaarka ah u tababaran ayaa bishii hore sheegey in ay sharciga baal marsan tahay xilka qaadista lagu sameeyay hoggaanka PSF.

Agaasimaha hay’adda PSF uu dhawaan u Magacaabay Madaxweynaha Puntland ee aan xilka lagu wareejin S/ Guuto Amiin Xaaji Kheyr ayaa Taliska cusub ee Ciidanka PSF kusoo dhaweeyay G/sare Cabdiraxmaan.

Agaasime ku-xigeenka Hay’adda PSF ayaa wada-hadallo sababtay in uu usoo wareego waxaa uu la galay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Maamulka Puntland.

Sidoo kale, Agaasimaha PSF oo ay weheliyaan Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida iyo danbiyada culus iyo saraakiil ka tirsan ciidanka PSF iyo Daraawishta ayaa yeeshay kulan gaar ah oo ay uga wada hadleen sidii loo xalin lahaa khilaafka ka dhashay xilka qaadistii Agaasimaha Hay’adda PSF.

Sida wararka la helayo sheegayaan, waxaa jira ciidamo ka baxaya xarunta PSF ee Boosaaso halkaas oo uu ku sugan yahay Agaasimaha xilka laga qaadey ee hay’adda.

Dhanka kale, Puntland ayaa saacadihii lasoo dhaafay Ciidamo dheeraad ah ku daadisay wadooyinka waaweyn ee Boosaaso, si ay u xaqiijiyaan amniga magaaladda.

Boosaaso oo ah mgaalo ganacsi ayaa laga dareemay cabsi dagaal kadib markii Ciidan taabacsan agaasimaha xilka laga qaadey ay kasoo baxeen Galgala kadibna ay magaaladda soo galeen.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Daawo: Safiirka Soomaaliya ee Turkiga: XASAN SHEEKH wuxuu mudan yahay in taallo loo dhiso hal sabab darteed

Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka Soomaaliya u qaabilsan waddanka Turkiga, Ambassador Jaamac Caydiid oo la hadlayey warbaahinta, kadib munaasabad ballaaran oo uu ka qeyb-galay ayaa soo hadal qaaday halgankii uu madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud u galay kiiska badda ee ay guusha weyn ka gaartay Soomaaliya.

Caydiid ayaa shaaca ka qaaday in Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan ka mid ah xubnaha mucaaradka uu mudan yahay in loo dhiso Taalo ay ku qiimeyneyso Soomaali weyn, iyada oo loo fiirinayo dadaalka iyo xooga uu galiyey dacwaddii badda ee loo gudbiyey ICJ.

Danjiraha oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in madaxweynihii siddeedaad ee dalka uu meel fog kasoo celiyey badda, loona baahan yahay in lagu amaano, sidoo kalena lagu qiimeeyo.

“Xasan Sheekh badda halganka uu u galay kaliya, haddii ay Soomaali ku qiimeyso Taalaa loo dhisi lahaa. Badda meesha uu ka soo celiyey dadka hoos u og illaa Qabrigiisa ayaa la ziyaaran lahaa,” ayuu yiri safiirka Soomaaliya ee Turkiga Ambassador Jaamac Caydiid.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay muhiim tahay in qofka lagu amaano waxa uu xaqa u leeyahay, iyada oo la eegayo waxqabadkiisa muddada uu soo shaqeeyey.

“Xasan Sheekh Maxamuud hadda waa mucaarad dowladdeyda shaki ma leh, laakiin waa inaan waxa aan ku naqdinayaa ay yihiin wax run ah, waxaan ku amaanayaana ay yihiin wax uu xaq u leeyahay,” ayuu markale khudbaddiisa ku yiri Ambassador Jaamac Caydiid

Waxa kale oo uu yiri “Waxaa qofka lagu qiimeynayaa mida kale marxaladdii uu soo shaqeeyey daruuf adag ayey ku soo shaqeeyeen raggaasi, waa in lagu qiimeeyaa,”.

Si kastaba, dowladdii Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku guuleysatay in dacwaddii badda ee Soomaaliya kala dhexeysay Kenya ay u gudbiso maxkamadda cadaaladda ee ICJ, taas oo markii dambana inta badan biyaha ay muranka gelisay Kenya u xukmisay Soomaaliya.

Hoos ka daawo hadalka safiirka 

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

XOG: DENI oo ka hor-yimid qorshaha ay wadaan Midowga Murashaxiinta Madaxweyne

Garoowe (Caasimada Online) – Puntland ayaa ka hortimid qorshe laga cabsi qabo inay ku dhaqaaqaan Midowga Murashaxiinta oo ah inay dhisaan gole qaran oo dalka maamula, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Mowqifkan ayaa waxaa laga soo xigtay madaxweynaha maamulkaas Saciid Cabdullaahi Deni, intii uu socday shir khadka Zoom-ka ku dhex-maray ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxda maamul goboleedyada oo dhacay 29-kii November.

Shirkaas ayaa ra’iisul wasaaraha wuxuu madax goboleedyada kala hadlay sida doorashada dalka loogu dhigi lahaa mid daahfuran oo lagu qanci karo, wuxuuna la wadaagay walaaca uu ka qabo in mucaaradka ay qaadaan tallaabo dalka gelin karta qalalaase siyaasadeed haddii ay dhisaan gole qaran ama ay billaabaan hanaan doorasho oo dhinac socda kan ay wadaan xukuumadda iyo maamul goboleedyada.

Midowga Murashaxiinta ayaa u arka maamullada Galmudug, HirShabelle iyo Koonfur Galbeed inay u adeegayaan Villa Somalia, taasi oo qiil uga dhigteen inay qaadacaan doorashooyinka. 

Si kastaba, Saciid Deni ayaa Rooble u sheegay in maamulkiisa uusan ku raacsaneyn aragtida Midowga Murashaxiinta, uuna taageersan yahay in doorashada lasii wado balse la saxo qaladaadka jira.

“Madaxweyne Deni ma taageersan hindisaha Midowga Murashaxiinta ee ah inay dhisayaan dowlad dhinac socota tan federaalka, haddii aan dalabyadooda la fulin, waana taas sababta uu u diidan yahay qaadacaadda mucaaradka ee doorashada,” waxaa sidaas yiri sarkaal sare oo ka tirsan maamulka Puntland oo codsaday inaan la magacaabin.

Midowga Murshaxiinta iyo Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland oo mar xulafo ahaa ayaa u muuqday kuwa kala jeestay wixii ka dambeeyey billowgii doorashada Aqalka Sare.

Dhinaca kale, Golaha Mmidowga Murashaxiinta, oo shirar xasaasi ah ay uga socdaan magaalada Muqdisho, ayaa xalay qaboojiyey cabsidii laga qabay inay dhisaan gole qaran oo dalka maamula. 

Murashax Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo shir jaraa’id qabtay kulankii shalay kadib, ayaa sheegay in tallaabada koowaad ee ay qaadayaan ay tahay inay wada-hadallada fursad siiyaan.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Nabaddoon Cali Jeesto oo shaaciyey hal mid kaliya oo ay ku aamini karaan Rooble

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Nabaddoon Cali Jeesto oo ah saxiixaha rasmiga ah ee kursiga HOP#067 ee Yaasiin Farey loo boobay oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in aaminada Ra’iisul Wasaare Rooble ay ku xiran tahay go’aanka laga qaato kursigaas lagala cararay beeshii laheyd.

Nabaddoonka oo garabkiisa uu fadhiyo xildhibaanka beeshiisa ku metela baarlamaanka Galmudug ayaa sidoo kale sheegay in caddeymo wax ku ool ah u gudbiyeen Guddiga xalinta khilaafaadka, oo ayagu shalay shaaciyey muddo kordhin lagu sameeyay baarista dacwada kursigaas.

“Umadda Soomaaliyeed iyo qowmiyadda kursiga HOP#067 lagu metelo waxaan rabaa inaan gaarsiiyo xaqiiqdada iyo meesha ay wax joogaan, sidaan horay u sheegnay ma jirin talo beeshu leedahay oo lagu doortay kursigaas, rag ayaa damcay inay xoolihii qaranka iyo askartii qaranka ku boobaan, waxaana boobkaas watay sii hayaha xilka taliyaha hey’adda NISA Yaasiin Farey, sidaad ogtihiina beesha waa diiday boobkaas,” ayuu yiri Nabaddoon Cali Jeesto.

Nabadoonka oo hadalkiisa sii watay ayaa yiri “Anigu waxaan ahay nabaddoonkii iyo saxiixihii lagu aaminay kursigaas, waxaana bulshada ku hoggaamiyaa rabitaankooda, dacwad ayaan ka gudbinay boobka lagu sameeyey kursiga, waana la hakiyey, waxaana gacanta ku haya guddiga xallinta khilaafaadka.”

Nabaddoon Cali Jeesto ayaa sheegay in isaga uu yahay nabaddoonka saxda ah ee beeshiisa, islamarkaana uu guddiga xalinta khilaafaadka u gudbiyey caddeymo badan oo muujinaya in uusan jirin nabaddoon kale.

“Waxaan guddiga u gudbiyey aqoonsigeyga ay isiiyeen labadii maamul Goboleed ee soo martay Galmudug, waxaan kusii kabay caddeyntii Imaamka Mudulood uu ku caddeynayey inaan ahay odaygii beeshaan, maanta wuxuu Xildhibaanka Galmudug nagu metela sii caddeynayaa in aan ahay Nabaddoonkii isaga soo saxiixay, mana jiro Nabaddoon aan aniga aheyn oo Galmudug ka diiwaan-gashan,” ayuu sii raaciyey hadalkiisa.

Wuxuu intaas ku sii daray “Guddiga xallinta khilaafaadka, maadaama aan intaas oo caddeyn ah u gudbiyey waxaa looga fadhiyaa inay go’aan caddaalad ah ka qaataan kursigaan, haddii ay natiijada kursigaas ansixiyaan, iyadoo intaas oo caddeyn ah la hor geeyey, Soomaaliyey waad dareemi kartaan waxa socda.”

Ugu dambeyntii Nabaddoon Cali Jeesto ayaa sheegay in aaminaada Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ay ku xiran tahay go’aanka laga qaato kursigaan loo boobay Yaasiin Farey ee beeshii laheyd ay cadeyneyso in lagala cararay.

“Waxaan rabaa inaan si gaar ah ula hadlo Ra’isul Wasaaraha xil-gaarsiinta ah, doorashada adigaa laguugu aaminay, mas’uuliyadeeda adigaa haya, Soomaalida dhan adiga ayey ku fiirsaneysaa, kursigaas sida aad u maareyso ayey ku xiran tahay in lagu aamino iyo in lagaa aamin baxo,” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyey Nabadoonka beesha Waceysle.

Hadalka Nabadoon Cali Jeesto ayaa kusoo aaday, xilli maanta uu guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka mudo todobaad ah ku darsaday xiliga baaritaanada iyo go’aan ka gaarista kursaasta sumadooda ay kala tahay HOP#067 iyo HOP#103.

Labadaan kursi oo kala taalla Dhuusamareeb iyo Baydhaba waxaa horay cabasho uga keenay qaar kamid ah musharixiintii ku tartami laheyd oo sheegay in doorashada laga hor-istaagay, guddiga doorashooyinka ayaana horay u sheegay in baaritaanada kadib ay natiijada rasmiga ah shaacin doonaan.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Koonfur Galbeed oo ka hor-timid go’aankii kasoo baxay guddiga doorashooyinka

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Yuusuf Maxamed Khayr (Guurow) oo ah xubin ka mid ah guddiga doorashooyinka ee heer federaal, isla-markaana guddiga wakiil uga ahaa doorashadii ka dhacday Baydhabo ayaa ka horyimid go’aankii shalay kasoo baxay guddiga ee lagu baabi’iyey natiijada kuraasta HOP154 iyo HOP103 oo cabasho xoogan ay ka timid.

Guurow ayaa sheegay in isaga iyo xubno kale oo ka socda guddiga doorashada ay goobjoog ahaayeen doorashada kuraastaas, kana soo horjeedo hakinta lagu sameeyey.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in wax talo ah uusan ku laheyn go’aanka soo baxay, maadaama uu isagu ahaa wakiilka FEIT ee doorashadii ka dhacday magaalada Baydhabo.

“Dadka waala qaybshay oo qoloba meel ayaa loo diray, aniga waxa aan hoggaamiye u ahaa Guddiga FEIT ee Koofur Galbeed loo diray, waxa aan goobjoog Doorashada uga ahayn 19 xubnood oo kala ah 4-xubnood oo FEIT ah, 4 ka socotay Guddiga xalinta & 11 kale oo SIET Koofur Galbeed ah,” ayuu yiri Yuusuf Maxamed Khayr (Guurow).

Waxa kale oo uu intaasi kusi daray in go’aankan ay u arko mid lagu qancinayo shaqsi gaar ah, isla-markaana laga heelay dano kale oo siyaasadeed, sida uu hadalka u dhigau.

“Go’aankaan waxa aan u aragnaa mid lagu qancinayo shaqsi, cilladda lagu diiday kursiga HOP#154 ee ah in Gabar da’ ahaan yar ay ka qaybgashay dadka muuqaal ahaan way yaraan karaan balse waxa ay ahayd in si hoose loo fiiriyo,” ayuu markale sii raaciyey.

Hadalkan ayaa kusoo aaday, iyada oo shalay guddiga doorashooyinka ee heer federaal uu waxba kama jiraan ku tilmaamay doorashada kursiga HOP154 oo uu ku soo baxay Maxamed Cabdalla & HOP103 oo loo doortay Maxamed Xasan Cali, balse uu horay ugu fadhiyey guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari).

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Norway oo hal shuruud oo adag ku xirtay taageerada doorashada Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay safaaradda dowladda Norway ay ku leedahay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan doorashooyinka 2021-ka ee haatan ka socda dalka.

Norway ayaa ballan qaaday inay taageereyso Soomaaliya, balse waxa ay ku xirtay taageeradeeda in doorashadu noqoto mid xalaal ah, kalsooni leh, kuna dhacda nabad.

“Norway waxay taageereysaa baaqa caalamiga ah ee ah in doorasho xalaal ah, lagu kalsoonaan karo oo nabad ah ay ka dhacdo Soomaaliya,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Qoraalkan oo lasoo dhigay barta ay safaaradda ee Twitter-ka ayaa waxa lagu sheegay in la joogo waqtigii laga gudbi lahaa doorashada si loo wado geediga socda ee horumarka dalka.

“Waxaa la joogaa waqtigii laga gudbi lahaa doorashada oo dib loogu laaban lahaa dhabbaha dib u habeynta iyo horumarka mustaqbalka fog” ayaa markale  lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale Norwayayaa sii raacisay “Hadii la helo hogaan wanaagsan, waxaan ku qanacsanahay in Soomaaliya ay horumar ka gaari karto heerka xiga,”.

Dowladda Norway ayaa ka mid ah dowladaha Yurub ee taageera Soomaaliya, waxayna qeyb ka aheyd baaqii ugu dambeeyey ee ay beesha caalamka kasoo saartay doorashada.

Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka taagan dood culus oo ka dhalatay doorashada Golaha Shacabka oo ka bilaabatay magaalooyinka Muqdisho, Baydhabo iyo Dhuusamareeb.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Cabdullaahi Maxamed Nuur oo shaaciyey qorshe cusub oo la xiriira amniga Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa shaaciyey inay diyaariyeen in ka badan 20 hay’adood oo loogu talo-galay in ay ka hortaagan dembiyada la xiriir socdaalka iyo waxyaabaha keeni kara amni darada.

Wasiirka ayaa sheegay inay si adag uga hortagi doonaan hay’adahaas Maandooriyaha khamriga, badeecooyinka aan sharciga aheyn iyo waxyaabaha kale ee qeybta ka ah amni darada ee lasoo geliyo caasimada dalka ee Muqdisho.

Waxa uu intaas kusii daray inay sare u qaadi doonaan adkeynta amniga iridaha laga soo galo caasimadda, ayada oo kulamo looga arrinsanayo arrimahaas lagu ballaarin doono guud ahaan dalka, si loo sugo amaanka iridaha laga soo galo dalka oo dhan.

Wasiir Cabdullaahi Nuur ayaa ugu dambeyntiina xusay inay jiraan fal dambiyeed ay ka hortageen hay’adahaas intii ay shaqeynayeen, kuwaasi oo dalka ka dhici lahaa, sida uu sheegay.

Arrintan ayaa wax badan ka bedeli karta amni darada caasimada Soomaaliya ee Muqdisho oo inta badan lasoo geliyo qaraxyo lagu soo farsameeyay deegaanada ay gacanta ku hayaan kooxda Al-Shabaab.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Sawirro: Rooble oo Muqdisho ka furay shir muhiim ah iyo ballan-qaad uu ka sameeyay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta shir ballaaran ka daah-furay magaalada Muqdisho, kaas oo ay ka qeyb-galayaan aqoonyahano iyo qeybaha kala duwan ururada bulshada rayidka.

Shirkan oo loogu magac daray taaba-gelinta geeddi socodka dowladnimada ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa xaaladda kala guurka ah ee ka dhalatay daaha doorashooyinka.

Rooble oo khudbad ka jeediyey furitaanka shirka ayaa shaaca ka qaaday inuu ku soo aaday, xilli xasaasi ah oo loo baahnaa, si looga tala bixiyo xaaladda haatan lagu jiro.

Waxa uu ballan-qaaday in dib u sixid lagu sameyn doono wixii qaladaad ah ee ka jira doorashada, islamarkaana ay ka go’an tahay sidii sarre loogu qaadi lahaa hufnaanta iyo habsami u-socodka doorashada dalka.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale xusay in shirkan lagu uruurinayo aragtida ka qayb-galayaasha si talooyinkooda loogu adeegsado xiliga kala guurka ah ee lagu jiro.

Aqoonyahanada iyo xubnaha ka socda bulshada rayidka ayuu ugu baaqay in dowladda ay ku gacan siiyaan xaaladda adag ee uu haatan dalka ku jiro iyo doorashooyinka socda.

Sidoo kale waxaa shirka qeyb ka ah hay’ado caalami ah, gaar ahaan kuwo ka socda Qaramada Midoobay oo haatan si dhow ula socota xaaladda guud ee dalka.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto xaalad cakiran oo ka dhalatay kala guurka iyo dib u dhaca ku yimid jadwallada doorashooyinka 2021-ka ee ka socda dalka.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Guddiga doorashada oo soo saaray qoondada haweenka ee beelaha Somaliland iyo Mahdi Guuleed oo diidan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga maamulka doorashada xildhibaanada labada Aqal ee Somaliland (SEIT) ayaa asteeyey qoondada Haweenka ee kuraasta Golaha Shacabka ee beelaha kasoo jeeda gobollada Waqooyi (Somaliland).

Warqada kasoo baxday Guddiga doorashooyinka Somaliland oo uu ku saxiixnaa Madaxa Qoondada Haweenka, Maxamed Shaafici ayaa waxa lagu soo saaray 13 kursi oo si gaar ah loogu xiray Haweenka.

“Si waafaqsan heshiisyadii 17-ka Sep 2020, 27 May 2021 iyo 22 August 2021 ee doorashada, Guddiga hirgalinta doorashooyinka kuraasta gobolada Waqooyi (Somaliland) ee SEIT waxaa ay soo gudbinayaa shaxda kuraasta haweenka laga doonayo beelaha iyo jufooyina,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka, Mahdi Guuleed ayaa wada qorshe meesha looga saarayo matalaada dhabta ah ee dumarka ee beeshiisa, si dhamaan kuraasta Ciida-gale u noqdaan kuwo ka yimaada un rag.

Mahdi Guuleed oo inta badan awoodda beeshiisa gacanta ku haya ayaa aaminsan in Kursiga gabar uu yeelan doono seygeeda ama ninka guursan doono, taasi oo ka dhigan in hadii gabar xildhibaan laga dhigo Ninka guursada uu leeyahay kursigaas, taasi oo meesha ka saareysa mataalada uu soo saaray Guddiga doorashooyinka Somaliland.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka oo asagu ah madaxda u sareysay ee gobolada Waqooyi ayaa galaan-gal weyn ku leh doorashada kuraasta Somaliland.

Hoos ka aqriso shaxda reeraha iyo qoondada haweenka:

Daawo: Midowga Musharaxiinta oo shaaciyey tallaabada koowaad oo ay qaadayaan

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha midowga musharaxiinta ayaa cadeeyey mowqifkooda iyo tallaabooyinka u qorsheysan inay qaadaan, xilli shirar xasaasi ah ay uga socdaan magaalada Muqdisho.

Shirka golaha oo maanta galay wajigiisa labaad ayaa waxaa ku biiray siyaasiyiin ay ka mid yihiin Cumar Cabdirashiid, Cabdullahi Sanbaloolshe iyo Prof. Maxamed Cusmaan Jawaari.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo shir jaraa’id qabtay kulankii maanta kadib, ayaa faahfaahin ka bixiyey qorshaha golaha, wuxuuna sheegay in tallaabada koowaad ee ay qaadayaan ay tahay inay wada-hadallada fursad siiyaan.

Go’aankan ayaa yimid ayadoo ay jirtay cabsi la qabay iyo hadal-heynta in midowga musharaxiinta ay dib u soo celiyaan ciidankii bishii April Muqdisho ka dhex dagaalamay ee badbaado qaran, Cabdiraxmaan waxa uu cadeeyey in Golaha uusan ku jirin deg deg gacan ka hadal ah oo looga jawaab celinayo xaalada dalka iyo arrimaha doorashooyinka.

Cabdiraxmaan ayaa sheegay in hadafka golaha midowga musharaxiinta uu yahay inay dalka ka dhacdo doorasho daahfuran oo lagu wada qanco, balse haatan uu socdo boob doorasho oo bareer ah, balse si ka fiirsi leh ay uga baaraan-degayaan sidii ay kaga jawaab celin la haayeen sida ay wax u socdaan.

“Waxaan darseynay maalmahaan in aan eegno fursadaha na hor yaalla ee wax lagu toosi karo, in boobkaan sii socdana lagu istaajin karo, mar kastana waxaan qaadan doonaa go’aanka danta dalka iyo dadka ay ku jirto, sida ugu fiyoobida badan, uguna dhibka yar ee qaranka iyo dowladnimada u fiican aan ka fikirno, deg deg naguma jiro,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dadka Soomaaliyeed ay u cadeynayaan, inay mudnaanta siin doonaan in wax la hagaajiyo, la isku yimaado, lagana wadahadlo caqabadaha jira.

“Soomaalidu hadii ay isku timaado waa heshiisaa, anaguna taas ayaan mudnaanta sii doonaa, taas macneheeduna maaha in fursadaha kalena aysan miiska saareyn, waan derseynaa fursadaha aan heysano, waxaana ku dhaqaaqi doonaa wixii danta dalka, dadka iyo dowladnimadu ay ku jirto, waana taas inta golahaan uu ku wada joogo,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Waxuu intaas ku sii daray, “Waxaa laga yaaba in qaar ay deg-degsan yihiin oo qaarna ay daahsan yihiin, laakiin anaga dhex ayaa socona wax kasta oo dadka iyo dalka dantiisa ku jirto ayaa ku dhaqmaynaa, ayada ayaa noo balan ah.”

Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa kal hore si adag uga hor-yimid hanaanka ay ku bilowdeen doorashooyinka dalka, gaar ahaan midda Golaha Shacabka, golaha ayaa hanaanka loo maamulayo doorashadaan ku tilmaameen mid ku dhisan boob. Waxaana haatan u socda kulamo ay soo bilaabeen markii ay qaadaceen doorashada.

Hoos ka daawo

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

 

R/W Rooble oo ka jawaabay go’aankii lagu laalay labada kursi, soona saaray 9 qodob

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhaweeyay go’aanka ka soo baxay Guddiga Doorashada ee Heer Federaal, kaas oo dib u celiyay qaar ka mid ah kuraastii Golaha Shacabka ee doorashadooda aan loo marin habraacii saxda ahaa.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku booriyay Guddiga Xallinta Khilaafaadka in iyaguna ay waajibaadkooda u gutaan si cadaalad ah oo waafaqsan heshiisyada iyo habraacyada doorashada ee laga soo gudbiyay cabashooyinka.

“Si loo saxo arrimaha laga cawday oo ay ka mid yihiin hoggaaminta doorashooyinka, madax-banaanida guddiyada doorashooyinka iyo ku dhaqanka habraacyada doorashada, ra’iisul wasaaruhu waxuu cadeynayaa in hoggaaminta mas’uuliyadda doorashooyinka ay leeyihiin golaha wadatashiga qaranka ee isagu uu hoggaamiyo, sidaas darteed goluhu waxa uu balan qaadayaa madax-banaanida guddiyada doorashooyinka oo masuul ka ah hir-gelinta heshiisyadii siyaasadeed oo hagaya doorashooyinka,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Rooble.

Sidoo kale war-saxaafadeedkan waxaa lagu sheegay in ra’iisul wasaaruhu uu magacaabi dooni wakiillo u qaabilsanaa doona in si joogto ah ay ula socdaan dhaq-dhaqaaqyada doorashada, kuwaas oo si joogto ah geedi socodka doorashada warbixino uga siin doona ra’iisul wasaaraha.

War-saxaafadeedka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha waxaa lagu soo bandhigay sagaal qodob oo fariin loogu diray guddiyada doorashada iyo guddiga xalinta khilaafaadka, waxayna kala yihiin:

1– Ka hor inta aan la qaban doorashada kursi kasta oo golaha shacabka ka tirsan waa in la cadeeyo, la diiwaan geliyo oo la shaaciyo magacyada xubnaha guddiga xulista ergooyinka ee ka kooban doobabka, caaqillada, bulshada rayidka ah iyo jufooyinka beelaha ee kursigaas iska leh.

2– Guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed ee SEIT waa in ay la wadaagaan guddiyada doorashooyinka heer federaal, xalinta khilaafaadka iyo wakiillada ka socda xafiiska ra’iisul wasaaraha arrimaha xulista guddiga ergada ka hor inta aan la diiwaan gelin, lana shaacin.

3– Soo xulidda ergada waxaa si buuxda ugu madax-banaan duubabka, caaqillada, bulshada rayidka ah ee jufada iska leh kursiga, lagumana fara-geli karo.

4– Ka hor inta aan la gelin doorashada waa in la tababaraa guddiyada xulista ergooyinka, si howsha doorashada ay ugu fusho si waafaqsan shuruudihii iyo habraacyada doorashooyinka.

5– Waa in doorashada kursi kasta ay goobjoogayaal ka ahaadaan guddiga soo xulay ergada doorashada geleysa, warbaahinta madax-banaan iyo goobjoogayaal madax-banaan, si marqaati loogu noqdo hufnaanta iyo madax-bananida doorasho kasta.

6– Guddiyada doorashooyinka waa inay si buuxda u hubiyaan in musharaxiinta u tartameysa kuraasta baarlamaanka, guddiyada xulista ergooyinka iyo ergooyinka lasoo xulayo inay buuxiyeen shuruudaha loo dejiyey iyo habraacyadii lagu heshiiyey.

7– Ra’iisul wasaaruhu waxa uu ku adkeynayaa dhammaan guddiyada doorashooyinka iyo guddiga xalinta khilaafaadka in si buuxda ay ugu dhaqmaan heshiisyada iyo habraacyada hagaya doorashooyinka cid kasta oo isku dayda inay baalmartana waa lala xisaabtamayaa.

8– Si loo ilaaliyo wadashaqeynta guddiyada doorashooyinka Ra’iisul wasaaruhu waxa uu ku wargelinayaa dhamaan guddiyada doorashooyinka heerarkooda kala duwan in ay ilaaliyaan nidaamka iyo kala dambeynta, isla markaana ay ilaaliyaan heshiisyada doorashada ee horay loo dejiyey.

9– Guddiyada maamulka doorashooyinka iyo madaxda dowlad goboleedyada waxaa lagu adkeynayaa inay ilaaliyaan qoondada haweenka ee doorashada golaha shacabka ee deegaan doorashooyinkooda.

Hoos ka daawo afhayeenka xukuumadda Macalimuu oo akhriyey warmurtiyeedka R/Wasaaraha

Guddiga doorashada oo dharbaaxo culus ku dhuftay CABDI XAASHI iyo MAHDI

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga doorashada ee heer federaal ayaa maanta shaaciyey in gebi ahaanba aan lagu dhaqmi doonin habraacii ay kal hore si wada-jir ah u soo diyaariyeen Guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka, Mahdi Guuleed.

Guddiga ayaa sheegay in habraaca keliya ee Guddiga doorashada Somaliland ku shaqeyn karaan xiligaan uu yahay midkii kasoo baxay Golaha Shacabka oo keliya.

“Waxaa kale oo cadaynaynaa in habraac ay soo diyaariyeen masuuliyiin ka tirsan gollaha baarlamaanka oo ka soo jeeda Soomaliland aan lagu dhaqmi karin, guddiga doorashada Soomaaliland wuxuu ku shaqaynayaa habraaca Golaha Wadatashiga Qaran, waxa keliya oo gaar u ah in ay yihiin ergo wadaag,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Guddiga doorashada ee heer federaal.

Habraaca ay si wada-jir ah hore ugu soo saareen Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed ayaa waxa lagu shaqeeyay doorashadii Aqalka Sare, hase yeeshe waxaa la laalay in lagu dhaqmo doorashada Golaha Shacabka ee gobolada Waqooyi (Somaliland).

“Waxa aanu la socodsiinaynaa cid kasta oo danaynaysa doorashada in aan guddigu aqbali doonin doorasho kasta oo baal-marsan hanaanka habraaca doorashada ee lagu heshiiyay.”

Golaha Shacabka Somaliland ayaa lagu maamulaya sida uu sheegay Guddiga doorashooyinka ee heer federaal mid lamid ah maamulada kale ee dalka.

“Guddiyada doorashada ee heer federal, maamul goboleed iyo xallinta khilaafaadku waa guddiyo madax banaan, hawshoodana waxay u gdanayaan si ka madax banana fara gelin siyasadeed,” ayaa ugu dambeyntiina lagu yiri qoraalka kasoo baxay Guddiga doorashooyinka ee heer federaal.

Guddiga doorashada heer federaal oo laalay natiijada doorashada laba kursi

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa laalay doorashada laba kursi oo ka mid ah golaha shacabka, oo ay sheegeen in habkii loo maray aysan waafaqsaneyn habraaca doorashada loo dajiyey.

Labada kursi ayaa kala ah HOP#103 oo ah kursigii uu horey ugu fadhiyey guddoomiyihii hore ee baarlamanka Maxamed Cusmaan Jawaari iyo kursiga HOP154, oo ay ku fadhisay Sareeda Maxamed Cabdalla oo ayadu markale difaacatay kursigan.

Hoos ka aqriso qoraalka kasoo baxay guddiga

TXR/GHD/0062/21       Taariikh: Dec- 5, 2021
Ku: Guddiga Maamulka Doorashooyinka Koonfur Galbeed
Ku: Guddiga Maamulka Doorashooyinka Gobolada Waqooyi
Ku: Guddiga Maamulka Doorashooyinka Galmudug
Og: Madaxweynayaasha maamul goboleedyada
Og: Raysalwasaaraha DFS –

Ujeeddo: Celin kuraas aan marin habraacyada doorashada

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal oo tix gelinaya duruufaha iyo cabashooyinka ka yimid doorashada, kadib markii guddigu baaritaan ku sameeyey doorashada golaha shacabka ee lagu qabtay Muqdisho, Galmudug iyo Koonfur Galbeed, ayna baaritaanadii ka soo baxeen kuraas aan waafaqsaneyn habraaca doorashada loo dajiyey, guddigu wuxuu go’aamiyey qodobadaan:

1. In kursiga sumadiisu tahay Hop154, habkii loo maray doorashadiisa aysan waafaqsanayn habraacyada doorashada, iyadoo murashax ka mid ah kuwii u tartamayey uusan buuxin shuruudihii murashaxnimada qodobkiisa 3aad ee heshiiskii 1 Oktoobar 2020. Sidaa daraadeed natiijada kursigaas oo ka dhacday Baydhabo  29 Nofeembar 2021 waa waxba kama jiraan, doorashadiisuna dib ayaa loogu noqonayaa.

2. Kursiga uu tirsigiisu yahay Hop103, iyadoo la tix raacayo  go’aanka guddiga ee ku xusan warqadda sumadeedu tahay (TXR/GHD/0056/21) soona baxday 27 Noofeembar 2021, go’aankaas oo lagu hakiyey in la qabto dorashadiisa, sidaasdarteed,  marka habraaca la dhamaystiro ayaa la qabanayaa doorashadiisa.

3. Waxaa jira  kuraas ay muranno ka soo noqdeen oo ka soo baxay Galmudug oo hadda ay gacanta ku hayaan guddiga xalinta khilaafaadka, iyaga ayaana go’aankooda laga sugayaa.

4. Waxaa kale oo cadaynaynaa in habraac ay soo diyaariyeen masuuliyiin ka tirsan gollaha baarlamaanka oo ka soo jeeda Soomaliland aan lagu dhaqmi karin, guddiga doorashada Soomaaliland wuxuu ku shaqaynayaa habraaca Golaha Wadatashiga Qaran, waxa keliya oo gaar u ah in ay yihiin ergo wadaag. 

Haddaba waxa aanu la socodsiinaynaa cid kasta oo danaynaysa doorashada in aan guddigu aqbali doonin doorasho kasta oo baal marsan hanaanka habraaca doorashada ee lagu heshiiyay. Guddiyada doorashada ee heer federal, maamul goboleed iyo xallinta khilaafaadku waa guddiyo madax banaan, hawshoodana waxay u gdanayaan si ka madax banana fara gelin siyasadeed.

Wararkii ugu dambeeyey ee shirka Musharaxiinta iyo siyaasiyiin cusub oo ku biiray

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirarka xubnaha Golaha Midoga Musharaxiinta ee ka socda magaalada Muqdisho ayaa maanta galay wajigiisi labaad, kaasi oo looga soo horjeedo hanaanka ay ku bilaabatay doorashada Golaha Shacabka.

Musharaxiinta oo dhaliilsan hanaanka doorashada ayaa wajiga labaad shirkooda waxaa maanta ku biiray sida ay wararka sheegayaan Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake, Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Taliyihii hore ee hay’adda NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe.

Shirarka Midowga Musharaxiinta ayaa diirada lagu saaraya sidii looga tashan lahaa qaab dhismeedka Gole cusub oo ay yeelan doonaan, kaasi oo looga hortagayo waxa ay ugu yeereen “doorasho boobka socda”.

Midowga Musharaxiinta ayaa sidoo kale la filayaa inay bilaabi doonan kacdoon lamid ah midkii Badbaado Qaran, ee looga takhalusay muddo kororsigii sharci darada ahaa ee loo sameeyay madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday.

Si kastaba, arrimahan oo dhan ayaa imanaya xili ay Midowga Musharrixiinta si adag u qaadaceen doorashooyinka ka socda dalka, kuwaasi oo sida ay sheegen u dhacay hanaan baalmarsan midkii lagu heshiiyay.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Guddiga Xalinta khilaafaadka oo war cusub kasoo saaray dacwadda kursigii uu ku guuleystay Yaasin Farey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka dadban ee heer federaal ayaa maanta shaaciyey in muddo kordhin lagu sameeyay baarista ay ku wadeen dacwada kursiga tirsigiisa uu yahay HOP#067.

Kursigan ayaa waxaa hore ugu soo baxay sida uu shaaciyey Guddiga doorashooyinka maamulka Galmudug agaasimaha KMG ah ee NISA Yaasiin Farey, kadib doorasho ka dhacday magaalada Dhuusamareeb ee Galmudug.

Warqad ka soo baxday guddiga xallinta khilaafaadka, isla-markaana lagu socod-siiyey guddiga doorashooyinka ee heer federaal iyo dacwoodayaasha kursigaas ayaa waxaa lagu sheegay in xubnaha dacwada baarayay ay u baadheeli-tiran oo lagu go’aan qaadan karo.

“Guddigu wuxuu xaq u leeyahay in uu baaritaan ku sameeyo Dacwad kasta, dhageysto dhinacyada ay dacwadu taabanayso iyo inuu hubiyo cadaymaha la aruuriyay si loo helo xog dhameystiran oo lagu go’aan qaadan karo,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Guddiga ayaa sheegay muddo kordhinta waqtiga ay keentay maadamada ay Dacwada kursiga tirsigiisu yahay HOP#067 ay leedahay laba dhinac oo u baahan in si kala duwan loogu sameeyo baaritaan, dhagaysi iyo hubinta cadeymaha muhiimka ah si loo helo xog dhameystiran.

Soo dhameystirka dacwada laga keenaya kursiga uu Guddiga doorashada ee Galmudug shaaciyey inuu ku guuleystay Yaasiin Farey ayaa waxay soo dhameystirmi doontaa muddo aan ka badneyn 10 maalmood oo ka bilaabanaysa 05/12/2021-ka.

“Guddiga wuxuu ku wargelinayaa in guddiga hirgelinta doorashooyinka ee heer federaal iyo guddiga maamulka doorashooyinka ee Galmudug inay tixgaliyaan duruufaha adag ee xog aruurinta, ayna si dhaw ula shaqeeyaan xubnaha GXKHDD ee ku foogan dacwadda kursi lamber HOP#067 si loo helo xog dhamaystiran oo dhalin karta go’aan cadaalad ah, hufan, kuna qotanta dhaqanka Soomaaliyeed iyo Halbeegyada caalamiga ah ee doorashooyinka,” ayaa ugu dambeyntiina lagu yiri qoraalka.

 

Safaaradda Mareykanka oo shaacisay tallaabo ka dhan ah ciidanka Danab oo ay waddo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa mar kale ku celisay inay dib u eegis dhan walba ah ku waddo taageerada ay siiyaan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab ee ka howlgala qaar ka tirsan gobolada dalka iyo Magaalada Muqdisho.

Sii-hayaha Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya Colleen Crenwelge oo wareysi gaar ah siisay Idaacadda Goobjoog ee Muqdisho ayaa sheegtay in aan Danab laga yeeli doonin iney taageerada Mareykanka u isticmaalaan falal ka dhan ah siyaasadda Mareykanka.

“Dib u eegista la xiriirta taageerada aan siinno Danab waa mid socota, waxaan tababar iyo taageero kale siinnaa Danab si loo xaqiijiyo ujeedkeena aan wada wadaagno ee ah in la jabiyo Al-Shabaab,” ayey tiri Colleen Crenwelge.

Waxay sii raacisay  “waxaa xaqiijin doonnaa in taageerada aan bixinno loo isticmaalo meeshii loogu talo-galay, oo islamarkaana la jaanqaadi karta siyaasadda Mareykanka.”

Hadalka kasoo yeeray safiirka ayaa kusoo aadeysa xilli dhawaan ciidamada Danab ay ka qeybgaleyn dagaalkii ka dhacay magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ee u dhaxeeyey ciidamada Galmudug iyo kuwa Ahlu-Sunna.

Dagaalkaas ayaa waxaa lagu dilay taliyihii ciidamada Danab ee qeybta Galmudug Cabbdilatiif Fayfle iyo ciidamo ka tirsan kuwa Danab, waxayna xilligaas dowladda Mareykanka sheegtay inay ka fiirsaneyso taageerada ay siiso ciidamadaas maadaama ay ka qeybgaleen dagaal aan loo ogoleyn.

Danab waa kumaandooskii ugu horraysay ee Soomaaliya ay yeelato tan iyo markii ay burburtay dowladii dhexe ee dalka, sannadkii 1991.

Dowladda Mareykanka ayaa bishii October ee sannadkii 2013-kii bilowday tababarka ciidamada Danab, waxaana xilligaas lagu bilaabay hurin 105 askari ahayd.

Sida saraakiil ka tirsan dowladda ay sheegeen, ujeeddada loo sameeyay ciidanka ee xilligaas waxay ahayd in la hirgeliyo ciidan isku dhafan oo kumaandoos ah, waxaana lagu asaasay saldhigga ciidamada cirka ee Belidogle ee degmada Wanlwaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidamadii ugu horreeyay ee Danab waxay tababarka dhameysteen sannadkii 2014-kii.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click si