25.2 C
Mogadishu
Thursday, July 2, 2026

Dacwad ka dhan ah wasiir Khadiija oo loo gudbiyey Rooble kadib ‘arrin yaab leh oo ay ka sameysay’ wasaarada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shaqaale ka tirsan Wasaaradda Gargaarka iyo Masiibooyinka Soomaaliya ayaa wasiirka Wasaaradaas Khadiija Maxamed Diiriye ku eedeeyey inay boosaskoodii ku bedeshay dad ay ku sheegeen “ergadii u dooran lahayd in ay mar kale ka mid noqoto Golaha Shacabka.”

Shaqaalaha ayaa dacwad ka dhan ah wasiir Khadiija u gudbiyey xafiisyada Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha, Wasaaradda Maaliyadda, Guddiga Qaran ee Shaqaalaha Rayidka, Hanti Dhowrka guud iyo xafiiska xeer ilaalinta Qaran, waxaana sidoo kale la ogeysiiyey wasiir ku xigeenka Wasaradda Gargaarka.

“Waxaan si xushmad leh halkaan idinkugu soo gudbineynaa annaga oo ah shaqaale ka tirsan Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta musiibooyinka kana shaqeenayey muddo afar sano ah islamarkaana naftooda iyo waqtigooda u huray u adeegidda dalka iyo dadka Soomaaliyeed, in badana ugu soo dulqaadanayey duruufo amni iyo mid dhaqaale anagoo gudaneyna waajibaadkeena shaqo ayaa waxaa xadgudub nagula kacay Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka,” ayaa lagu yiri warqadda dacwadda ah ee loo gudbiyey xafiiska aan kor kusoo sheegnay.

Sidoo kale, dacwadda laga gudbiyey wasiir Khadiija ayaa lagu yiri “Shaqaalaha Wasaaradda iyo shaqaaleysiintooda waxaa markii hore loo maray si waafaqsan sharciga shaqaalaha iyo dastuurka dalka iyagoo kusoo baxay imtixaan hab daah-furnaan ah kaasoo muuqaaladiisa laga heli karo baraa bulshada.”

Shaqaalaha dacwadda ka gudbiyey Wasiir Khadiija ayaa waxay kasoo jeedaan deegaanada maamulka Puntland

Wasiir Khadiija weli kama jawaabin eedeynta loo jeediyey oo kusoo aadeysa xilli ay isku diyaarineyso tartanka kursiga Golaha Shacabka oo ay ku fadhisay muddo 20 sano ah.

Halkaan hoose ka akhriso dacwadda laga gudbiyey


Doorashada 16 kursi oo ka mid ah GOLAHA SHACABKA BF oo la hakiyey + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal kasoo baxay Guddoonka sare ee doorashada Somaliland oo uu ku saxiixna Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa waxaa lagu hakiyay kuraasta 16-ka ah ee ay shaaciyeen Guddiga doorashada gobolada Waqooyi (Somaliland).

Waxaa lagu sheegay ujeedka loo hakinayo kuraastaas inay tahay hubinta habsami u socodka doorashada iyo sugnaanta doorasho ku dhacda si xor iyo xalaal ah oo daah-furan, waafaqsana habraacyada doorashada ee lagu heshiiyey.

“Waxaa lagu wargelinayaa Guddiga hir-gelinta doorashooyinka dadban ee goboladda waqooyi (SEIT) iyo guddiga hir-gelinta doorashooyinka ee heer federaal (FEIT) in la joojiyo gebi ahaanba faafinta kuraasta 16-ka ah,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale waxaa lagu sheegay qoraalka uu ku saxiixan yahay Guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi in la xaqiijinayo cuqaasha, qoondada haweenka iyo hufnaanta doorashada.

Hakinta ayaa socon doonta illaa inta laga hubinayo hanaanka doorashada iyo habsami u socodkeeda, sida lagu sheegay qoraalka.

Warkan ayaa imanaya xili uu dhawaan guddiga doorashooyinka ee heer federaal uu shaaciyey in la laalay habraacii ay kal hore ku heshiiyeen Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed ee lagu hagayey doorashooyinka kuraasta Somaliland.

Guddiga ayaa sheegay in habraaca keliya ee Guddiga doorashada Somaliland ku shaqeyn karaan xiligaan uu yahay midkii kasoo baxay Golaha Shacabka oo keliya.

“Waxaa kale oo cadaynaynaa in habraac ay soo diyaariyeen masuuliyiin ka tirsan gollaha baarlamaanka oo ka soo jeeda Soomaliland aan lagu dhaqmi karin, guddiga doorashada Soomaaliland wuxuu ku shaqaynayaa habraaca Golaha Wadatashiga Qaran, waxa keliya oo gaar u ah in ay yihiin ergo wadaag,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Guddiga doorashada ee heer federaal.

Hoos ka aqriso warqadda Cabdi Xaashi kasoo baxday

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Gabar Soomaali ah oo loo doortay duqa magaalo weyn oo ka tirsan Mareykanka

South Portland (Caasimada Online) – Deeqa Dhalac oo ah gabar Soomaali ah ayaa noqotay qofkii ugu horreeyey ee Soomaali ah ee loo doorta duqa magaalo ka mid ah Mareykanka.

Deeqa oo 31 sano kahor ayada oo 21 jir ka qaxday Muqdisho ayaa shalay galab si rasmi ah loogu dhaariyey xafiiska duqa magaalada afaraad ee ugu weyn gobolka Maine ee South Portland. 

Deeqa oo oo muddo saddex sano ah ka tirsaneyd golaha deegaanka magaalada ayaa waxaa shalay u codeeyey lix ka mid ah xubnaha golaha deegaanka si ay magaalada u hogaamiso 2022. 

Cabdullaahi Axmed oo ah maamul dugsiga sare ee Deering High School ee magaalada Portland, islamarkaana hoggaamiya Jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Maine ayaa aqriyey ducada xafladda furitaanka dhaarinta Deeqa.

Waxa uu Deeqa ugu hambalyeeyey inay muujisay waxay dhiiranaanta bani’aadamka ku guuleysan karto inkasta oo ay wajaheysay iska necbaansho, ayada oo taageero ka heleysa magaalo soo dhoweysay.

“Waxaad halkan u joogtaa inaad sii waddo shaqadii socotay, aad ayaan kuugu faraxasannahay,” ayuu yiri Cabdullaahi.

Ururka CAIR oo ah kan ugu weyn ee u dooda xuquuqda madaniga ah ee Muslimiinta Mareykanka ayaa ammaanay guusha Deeqa, kuna sheegay “inay astaan u tahay kororka ku lug lahaanshaha Muslimiinta ee Mareykanka ee hay’adaha dowladda.” 

Deeqa Dhalac oo 53 jir ah ayaa u shaqeysa Waaxda Waxbarashada ee gobolka Maine, waxayna sidoo kale u ololeysaa arrimaha xuquuqda aadanaha iyo cadaaladda.

Deeqa Dhalac ayaa Soomaaliya kasoo carartay 1989-kii waxyar kahor inta aanu qarixin dagaalka sokeeye, ayada soo qaadatay duulimaad usoo socday Libya ugana sii gudubtay magaalada Roma, halkaasi oo ay ka codsatay magan-galyo. 

Waxay kadib usii gudubtay dalka UK, kahor inta aanay tegin Toronto 1991-kii. Waxay kadib guursatay ganacsade Soomaali Mareykan ah oo kasoo jeeday magaalada Atlanta, waxayna sidaas ku timid Mareykanka 1992-kii. 

Deeqa iyo seygeeda ayaa leh saddex caruur ah oo ay da’doodu u dhaxeyso 20 illaa 28. 

Ayada iyo caruurteeda waxay magaalada Lewiston ee gobolka Maine usoo guureen 2004. Waxay magaalada South Portland oo hadda loogu doortay duq magaalo soo degtay 2008. 

Deeqa ayaa shahaadada Master-ka ku haysata siyaasadda horumarinta bulshada, taasi oo ay ka qaadatay Jaamacadda University of New Hampshire 2014-kii. Waxay sidoo kale Master labaad 2017 ka qaadatay Jaamacadda University of New England, ayada oo ku takhasustay adeegga bulshada.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Toogasho lagu dilay lix qof oo maanta ka dhacday Nairobi

Nairobi (Caasimada Online) – Sarkaal ka tirsan booliska Kenya ayaa maanta toogasho ku dilay lix qof, oo ay ku jirto xaaskiisa, wuxuuna dhaawacay laba kale, kahor inta aanu isagu is-dilin, sida ay sheegeen booliska. 

Weerarkan, oo ka dhacay xaafadda Kabate ee ay degan yihiin dadka saboolka ah oo ka tirsan Nairobi, ayaa dhaliyey dibad-bax xooggan oo ay dhigeen dadka xaafadda kuwaas oo taayaro ay gubeen ku xayiray waddooyinka.

Booliska ayaa sheegay in sarkaalka oo watay qoray AK-47 ah uu marka hore qoorta ka toogtay xaaskiisa kahor inta aanu si aan kala sooc laheyn u rasaaseyn deriskiisa. 

“Waxaan weynay lix qof oo dhammaantood uu toogtay sarkaal boolis ah kahor inta aanu naftiisa qaadin,” waxaa sidaas yiri Francis Wahome oo ah madaxa booliska deegaanka. 

Labada qof ee dhaawaca ah ayaa la geeyey isbitaalka.

Wahome wuxuu sheegay in weli aysan caddeyn sababta dhiiri-gelisay toogashada, wuxuuna intaas ku daray “Waxaa naloo sheegay in lamaanaha uu ka dhaxeeyey buuq oo ay horey u murmeen.”

Kiiska ay saraakiisha booliska ku dilaan xaasaskooda ayaa si joogto ah uga dhaca dalkan ku yaalla Bariga Afrika, oo ay dilalka ka baxsan cadaaladda caadi ka yihiin 

Booliska, oo aan qaadan mushahar fiican, si wanaagsanna aan loo tababarin, ayaa sumcad xun ku leh dalka Kenya, ayada oo loo arko ururuka ugu musuq-maasuqa badan dalka, sid aay sheegtay hay’adda Transparency International.

Bishii tagtay, sarkaal kale ayaa rasaas ku faray saaxiibadiis, magaalo ku taalla bartamaha Kenya, isaga oo dilay mid ka mid ah kahor inta aanu baxsan.

Bishii March, sarkaal sida militariga u tababarn oo ku sugan galbeedka Kenya ayaa dilay mid ka mid ah madaxdiisa kadib muran ka dhashay beddelaad, kahor inta aanu isagu is-dilin. 

Sarkaal kale oo boolis oo masayrsan ayaa toogasho ku dilay 10 qof kadib weerar uu ku qaaday laba maqaaxi oo ku yaalla bartamaha Kenya bishii November 2010, kahor inta aanu isku dhiibin booliska. 

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

DF ioo codsi lama filaan ah u gudbisay Imaaraadka xilli xiriirkoodu xunyahay + Sawiro

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa wada-hadallo naadir ah Muqdisho kula yeeshay safiirka Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya Mudane Maxamed Axmed Alcuthman, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiskiisa.

Wada-hadallada ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka labada dal oo aad xumaa sanadihii dhowaa, tan iyo markii uu dalka madaxweyne ka noqday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay xafiiska Rooble, ra’iisul wasaaraha ayaa dowladda Imaaraadka kala hadlay sidii ay qeyb uga qaadan lahayd gurmadka dadka Soomaaliyeed ee abaaruhu ku saameeyeen gobollo badan oo dal ka mid ah.

Xafiiska Rooble ma bixin faah-faahin intaas dheer oo ku saabsan kulanka. Sidoo kale safaaradda Imaaraadka Carabta ee Muqdisho weli wax war ah kama soo saarin kulankan.

Codsiga Soomaaliya ayaa imanaya xilli xiriirka labada dal aad u xun yahay, kadib markii Muqdisho ay go’aansatay inay xiriirka u goyso Imaaraadka Carabta, kana doorbiday xiriirka Qatar oo ay xifaaltamaan dalkan.

Xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka waxaa uu si aan horay loo arkin hoos ugu dhacay sanadkii 2017-kii markii ay bilaabatay xasaradii gacanka Khaliijka, xilligaas oo Soomaaliya ay diiday in ay la safato Imaaraadka iyo Sucuudiga oo ka soo horjeeday dowladda Qatar, isla markaana ay qaadatay go’aan dhex-dhexaadnimo ah.

Bishii May 2018-kii, Imaaraadka ayaa iskiis uga baxay kaalmadii naf badbaadinta iyo iskaashigii military ee uu la lahaa Soomaaliya kadib markii uu aad u xumaaday xiriirka labada dhinac.

Tani waxay timid kaddib markii ciidanka ammaanka ee Soomaaliya ay gacanta ku dhigeen ku dhowaad $10 milyan oo Iimaaraadku diyaarad ku keenay si loo siiyo askarta, waxaana muddo gaaban la xayiray dayaaraddii lacagtaas keentay. Iimaaraadku wuxuu kaloo xiray isbitaal bixin jiray adeeg caafimaad oo lacag la’aan ah oo ku yaallay Muqdisho laguna magacaabo Sheikh Zayed Hospital.

Intaas kadib Imaaraadku waxaa uu xiriirro adag la sameystay ismaamullada Soomaaliyeed ee Puntland iyo Somaliland, iyadoo sidoo kalena taageero u fidisay siyaasiyiinta mucaaradka ah ee jooga Muqdisho. Shirkadeeda DP World, waxay $442 million ku maalgelisay horumarinta dekadda magaaladda Berbera tan iyo bishii October sanadkii 2018-kii.

Daawo: Caruur walaalo ahaa oo si arxan-darro ah loogu dilay magaalada Muqdisho

0

Muqdisho  (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhacdo argagax leh oo xalay ka dhacday duleedka magaalada caasimada ah ee Muqdisho, taas oo lagu dilay caruur walaalo ah, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Caruurta oo ahaa wiil iyo gabar ayaa waxa da’dooda ay kala aheyd shan sano jir iyo todobo sano jir, waxaana saaka meydadkooda laga helay xaafadda Jaamacadda Shabeelle oo ka tirsan deegaan weynaha Garasbaaleey ee duleedka magaalada Muqdisho.

Qaar ka mid ah ehellada caruurta la dilay ayaa innoo sheegay in wiilka iyo gabadha yar xalay adeeg loo diray, balse la waayey, iyadoo saaka dib loo helay meydadkooda.

Sidoo kale dadka soo arkay meydadka labadaasi caruur ayaa sheegay in si arxan darro ah loo dilay, isla-markaana mid ka mid ah caruurta xarig lagu sirqiyey, halka midka kale ilkaha ay ka daad-sanaayeen, taas oo ay ka argagaxeen dadka deegaanka iyo ehelladoodaba.

Caruurtan ayaa la sheegay in dilkoodu uu ka dambeyay adeerkood qabay hooyadood.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in goobta ay gaareen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka dowladda Soomaaliya, waxaana ay xireen Seyga qabay hooyada dhashay caruurtaas, kaas oo lagu tuhmayo inuu geystay falkan, waxaana haatan ku socdo baariraano dheeraad ah.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah ama faahin faahin ah oo hay’adaha ammaanku ka bixiyeen dhacdadaasi xanuunka badan.

Habeen hore ayey aheyd markii dhacdo argagax leh ay ka dhacday degmada Xamarjajab, kadib markii nin mindi ku hubeysnaa uu dilay xaaskiisa oo aheyd hooyada 12 caruur ah.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Museveni oo shaaciyey in Somalia iyo Kenya laga soo abaabulay qaraxyadii Kampala

0

Kampala (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Uganda, Yoweri Museveni oo wareysi siiyay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa bixiyey macluumaad dheeri ah oo ku saabsan qaraxyadii khasaaraha geystay ee dhowaan ka dhacay magaalada Kampala ee caasimada dalkaasi.

Yoweri Museveni ayaa shaaca ka qaaday in qaraxyadaas oo labo ahaa laga soo abaabulay gudaha wadamada Soomaaliya iyo Kenya, sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweynaha Uganda ayaa shaaca ka qaaday inay heleen caddeymo ku aadan weeraradaas iyo inay soo diyaariyeen kooxo iska soo abaabulay Soomaaliya Kenya.

“Qaraxyadii Kampala ka dhacay dhawaan, waxaan haynaa xoogaa calaamado ah oo ah inay isku dubarideen kooxaha ku sugan Kenya iyo Soomaaliya,” ayuu yiri Yoweri Museveni.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in weli laamaha ammaanka ay daba-gal iyo baaris ku hayaan ragga soo qorsheeyey weeraradaasi oo geystay dhimasho iyo dhaawac.

Daacish ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxyadan oo ay ku dhinteen ugu yaraan illaa lix ruux, halka ay ku dhaawacmeen 30 kale oo u badan dad rayid ah.

Kampala ayaa waxaa horay uga dhacay weeraro qaraxyo ah oo khasaare dhaliyey, waxaana Uganda ay ka mid tahay wadamada ay ciidamada ka joogaan gudaha Soomaaliya.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

XOG: Madax goboleedyada oo MOWQIF isku mid ah ka qaatay guddiga doorashada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhawaan guddiga doorashada ee heer federaal ayaa laalay natiijada doorashada labada kursi ee Hop103 iyo Hop154, Sareeda Maxamed Cabdalla oo horay ugu fadhisay ayaa soo qaadatay mid ka mid ah kuraastaan, halka kan labaad laga xoogay guddoomiyihii hore ee golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Labadaan kursi waxaa laga soo doortaa Koonfur Galbeed, go’aanka guddigu uu ku diiday doorashada labadaas kursi ayaa si weyn loo soo dhaweeyey, waxaana lagu tilmaamay albaab cusub oo u furmay xalka doorashada Soomaaliya.

Go’aankaan waxaa loo arkay mid hor istaagi kara kuraas hor leh oo la qorsheynayey in la boobo, laakiin waxaa hadiiba soo ifbaxday in madaxda dowlad goboleedyada ay si weyn uga biya diidan yihiin in guddiga doorashada uu awood u yeesho in natiijada kursigii uu doono uu diidi karo iyo in uu amri karo in lagu celiyo doorashadiisa.

Xogta aan helnay waxay sheegeysaa in doodaas aysan ku ekeyn hoggaamiyeyaasha Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo hadda lagu dhegan yahay kuraas ay soo xuleen, balse waxaa ka mideysan dhamaan hoggaamiyaasha dowlad goboleedyada dalka .

Si gaar ah Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ayaa la sheegay inay hoggaaminayaan olole ka dhan ah awooda guddiga doorashada heer federaal.

Dhowr siyaasi oo ay rabaan inay kuraasta u boobaan ayaa la sheegay in labadaas hoggaamiye ay miiska u saaran yihiin, taas oo waxaba kama jiraan ka dhigi doonta hadii guddiga doorashadu uu sii heysto awoodaan.

Saciid Deni oo musharax ah waxaa la sheegay inuu qorsheynayo inuu meesha ka saaro dhamaan xubnaha aysan isku siyaasadda aheyn.

Madaxda maamullada oo diidan in guddiga doorashada uu yeesho awood uu ku buri karo natiijada doorashada kurigii uu doono, ayaa hadda u dagaalamaya dantooda shakhsiga ah iyo in dad hor leh doorashada lagu dulmiyo oo kuraastooda la xoogo.

Sida ay noo xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay madaxda maamullada ayaa soo jeediyey in awooda kuraasta la diidaayo loo dhaafo madaxda golaha wadatashiga qaran, si ayagu ay go’aan uga gaaraan kuraasta uu muranku ka taagan yahay.

Saciid Deni iyo Axmed Madoobe waxay qabaan dood ah in guddiga doorashada ay ku xoogan yihiin xubno ka yimid dhinaca Villa Somalia, sidaas darteed waxaa u sawiran in kuraas badan lagu soo celi doono.

Dhankiisa Ra’iisul Wasaare Rooble waxaa la sheegay in wax dhib ah uusan ku qabin in guddiga doorashadu uu xaqiijiyo, islamarkaana uu qabo in guddiga loo madax-baneeyo howshiisa xaqiijinta hufnaanta doorashada.

Xubin ka mid ah guddiga doorshada heer federaal ayaa sheegay in cidda ka walaacsan howshooda ay tahay madax goboleedyada, balse Ra’iisul wasaaruhu uu ku qanacsan yahay sida haatan ay wax u socdaan.

Hadii madaxda maamul goboleedyadu ay ku guuleystaan loolanka ay ugu jiraan in la daciifiyo awooda guddiga doorashada, waxaa iska cad in kuraas badan la boobi doono.

Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha waxaa ku adkaan doonta inuu xakameeyo boobka kuraasta, xalka ugu dhowna waa in Rooble difaaco guddigaan oo iyaga loo dhaafo go’aanka muranka ka dhasha kuraasta.

Haatan guddiga doorashada heer federaal ayaa wajahaya tijaabo la xariirta awoodiisa, hadii labadaan kursi oo ay diideen go’aanka ay ka gaareen aan loo hogaansamin, waxay ka dhigan tahay in guddigaan uusan sii shaqeyn karin.

Awooda kaliya ee u hartay guddiga doorashada heer federaal waa go’aan ka gaaridda iyo xaqiijinta hanaanka loo maray xubnaha la doortay, balse hadda waxaa muuqata in kaalintaasna lagu heysto.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Halkee ayey Soomaaliya ka gashay liiska dalalka ugu musuq-maasuqa badan?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixin dheer oo kasoo baxday hay’adda Transparency International ayaa waxaa lagu sheegay in markale Soomaaliya ay kaalinta ugu hooseesa ka gashay wadamada ugu musuq-maasuqa badan, marka la eego caalamka oo dhan.

Hay’adda Transparency ayaa shaaca ka qaaday qiimeyn cusub oo ay sameysay, waxaana Soomaaliya ay gashay kaalinta koowaad ee dalka ugu musuq-maasuqa badan adduunka.

Soomaaliya ayaa ka hoos martay qiimeyntii la sameeyey 2019-kii xilligaas oo ay ku jirtay  9-aad, hadase waxa ay noqotay kow, sida ay shaacisay Transparency International.

Sidoo kale warbixintan ayaa lagu shaaciyey wadamada kale ee galay safka hore liiska ugu hooseeya, waxaana ka mid ah South Sudan, Sudan, Equatorial Guinea & Guinea-Bissau.

Warbixinta ayaa sidoo kale muujineysa in aysan wax horumar ah oo ballaaran ka sameynin la dagaalanka musuq-maasuqa inta badan 180-ka waddan ee la falanqeeyay.

Dhanka kale New Zealand ayaa noqotay wadanka ugu musuq-maasuqa yar adduunka, waxaana sidoo kale ku xiga Denmark iyo sidoo kale Finland.

Horay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa uga hortimid warbixinada hay’addan oo ay shaacisay in aan la isku halleyn karin warbixinadeedana, ayna yihiin kuwa been abuura.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka jira daruufo adag oo is-biirsaday, sida abaaro, fatahaado iyo xaalad kala guur ah oo ka dhalatay daaha doorashooyinka dalka.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

War-saxaafadeedka Rooble ku fashilinayo dadaalka lagu badbaadinayo dowladnimada

0

Waxaa muhiim ah inaan mucaaradka iyo shacabka Soomaaliyeed ku kahdoomin, ku qaldamin, ku jaahwareerin warsaxaafadeedka ka soo baxay Xafiiska R/W Rooble kuna saabsan dib u soo nooleynta doorashada boobka ah ee la qaadacay, lana soo dhaafay ka qayb galkeeda dambe, ayadoo kuwii ka dambeeyay boobka, musuqmaasuqa doorashada ay awood buuxda haystaan, Qatar, Eritrea, iyo Ethiopia hiil iyo hoo la garab taagan yihiin, adeegsanayaan ciidammo malishiyaad ah iyo madaxweynayaal dowlad goboleedyo iyo guddiyo doorasho ay madaxdooda keensadeen, baraha bulshadana ka wadaan marin habaabin ah iyo aflagaado.

R/W Rooble wuxuu maalin cad ka tagay mas’uuliyaddii hoggaaminta doorashada loo xilsaaray iyo ka ilaalinta Farmaajo doorashada uu doonayo inuu boobo ama carqaladeeyo.

Nasiib darro, wuxuu doortay inuu la safto Farmaajo, Fahad, Qoorqoor iyo Laftagareen si loo boobo doorashada, wuxuuna karamaada iyo kalsoonida ka qaaday shacabkii iyo mucaaradkii aaminay.

Sida Rasulkeenna laga soo weriyay, qof muslim, mu’min ah labo goor god lagama wada qaniino, waana mas’uuliyad saaran qofka muslimka inuu ka feejignaanto, ka digtoonaado dhagarta kuwa khaa’imiinta ah.

Xadgudubyada iyo ballan ka baxyada R/W Rooble waa bateen. Yaan mar kale la siin ahmiyad warsaxaafadeedka marin habaabinta iyo waqti lumiska ah. Kuraasta golaha shacabka ee la boobay ama la baalmaray habraaca doorashada waa ka badan yihiin 20 kursi, haseyeeshe ma jiro Musharrax la boobay ama lagu xadgudbay oo doonaya inuu $ 3,000 kale ku karfano boobka loo geystay, lacagtaaso la siinayo guddiga xallinta khilaafaadka doorashada oo diyaar u ah xalaaleynta 99.9 % kuraasta la boobay.

Midowga Badbaadada Qaranka Soomaaliya waxaa laga sugaya mowqif xilka looga qaadayo dowladda federaalka dalka iyo dadka Soomaaliyeed isku dirtay, kala qaybisay, haddana ku wada waddada burburka iyo colaadda sokeeye.

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid.

Meydka askari ka tirsanaa ciidanka DF oo lagu arkay xaafad ka tirsan Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa meydka askari ka tirsanaa ciidamada dowladda oo saaka lagu arkay qeybo ka mid ah degmada Dayniile ee gobolka Banaadir kaas oo la sheegay in jirkiisa ay ka muuqatay rasaas loo adeegsada dilkiisa.

Wararka ayaa sheegaya in meydka lasoo dhigay xaafadda Kurdamac ee degmada Dayniile, wuxuuna xirnaa nin la dilay dareeska ciidamada milatariga Soomaaliya.

Dadka deegaanka ayaa sidoo kale isugu soo baxay goobta lasoo dhigay meydka, kuwaas oo aad uga argagaxay dhacdadaasi, waxayna kay wargeliyeen laamaha ammaanka.

Ilo wareedyo lagu kalsoon-yahay ayaa innoo sheegay in askarigan la dilay xalay, isla-markaana kooxdii dishay ay horay uga sii qaateen qoraygii uu watay.

Sidoo kale waxaa goobta tegay ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya oo meydka kasoo qaaday halkaasi, waxaana socda baaritaano dheeri ah.

Weli ma jiro wax faah faahin ah oo uu maamulka degmada Dayniile iyo saraakiisha ammaanka Soomaaliya ay ka bixiyeen falkaasi aragagaxa leh.

Dilkan ayaa qeyb ka noqonaya falal ammaan darri oo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayey gudaha magaalada Muqdisho oo laga dareemayo xaalad doorasho & mashquul xoogan.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Ciidanka Abiy oo qabsaday laba magaalo oo muhiim ah iyo wararkii ugu dambeeyey

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Ethiopia ayaa sheegtay inay laba magaalo oo muhiim ah ka qabsatay mucaaradka Tigray, xilli ay guulo lama filaan ah oo is-xigixiga ka sameyneyso dagaalka.

Warbaahinta dowladda ayaa Twitter ku sheegtay in magaalooyinka Dessie iyo Kombolcha “ay xoreeyeen ciidamada amniga,” kuwaas oo sidoo kale qabsaday dhowr magaalo oo kale oo ku yaalla furinta bari ee dagaalka.

Labadan magaalo oo ka tirsan gobolka Amhara ayaa dhaca waddo muhiim ah oo 400 km u jirta caasimadda Addis Ababa, waxaana bishii October qabsaday kooxda TPLF.

Qabsashadooda ayaa huriyey cabsi ah in TPLF iyo kooxda ay xulufada yihiin ee OLA ay u ruqaansan doonaan caasimadda Addis Ababa, taasi oo keentay inay dowladaha caalamka ugu baaqaan muwaadiniintooda inay sida ugu dhaqsaha badan uga baxaan dalka. 

Warbaahinta dowladda Ethiopia ee FANA ayaa kasoo xigatay ra’iisul wasaare Abiy Ahmed isaga oo leh “mucaaradka waxaa asiibay khasaarooyin culus waxayna awoodi waayeen inay u adkeystaan weerarka ciidamada isbaheysiga.” 

“Cadowga waa la garaaci doonaa, guushuna way sii socon doontaa,” ayuu yiri. 

Abiy ayaa bishii tegtay ku dhowaaqay inuu hogaamin doono dagaalka kadib guulo dhowr ah oo ay sheegteen mucaaradka. 

Wixii ka dambeeyey, dowladda ayaa sheegtay guulo dhowr ah oo ay ka mid yihiin qabsashada magaalooyinka Lalibela iyo Shewa Robit oo 220 km u jirta magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa.

Afhayeenka TPLF Getachew Red ayaa twitter ku sheegay Isniintii inay mucaaradka ka baxeen magaalooyin ay ka mid yihiin Kombolcha iyo Dessie, “taasi oo qeyb ka ah qorshaheena.” 

Hoggaamiyaha TPLF Debretsion Gebremichael ayaa Axaddii beeniyey in dowladda ay gaareyso guulo dhowr ah, wuxuuna sheegay in mucaaradka ay sameynayaan xeelad dib u qaabeyn dhuleed ah. 

“Cadowga wuu xoogeysanayaa, sidaas darteeda anagana waa inaan xooganaanaa oo aan xoojinaa halgankeena,” ayuu yiri. 

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Guddiga doorashooyinka oo jawaab rasmi ah ka bixiyey DALABKII Musharaxiinta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka heer federaal Maxamed Xasan Cirro oo ka jawaabay dalabkii golaha midowga musharaxiinta ayaa sheegay in aan loo baahneyn dooda ah in la hakiyo doorashada ka socota dalka, isagoo ku dooday in xaalad loo hakiyo doorashada aysan hadda jirin.

Waxa uu sheegay in ka guddi ahaan ay yihiin fulin oo kaliya, balse howsha socota ay tahay mid ay ku heshiiyeen golaha wadatashiga qaran ee ra’iisl wasaaraha iyo madaxda dowlad goboleedyada.

“Hadii ay wax qabsoomeen oo ay dhaliilo ka yimaadeen waa in la saxo, oo hufnaanta doorashada la saxo waa wax la qaban karo, in doorashada lagu soo dhameystiro waqtigii loogu tala galay waa jidka kaliya ee maslaxada wadanku ay ku jirto, laakiin hala joojiyo doorashada socota dood saxan maaha,” ayuu yiri Guddoomiye Cirro.

Guddoomiye Cirro ayaa dhanka kale faahfaahin ka bixiyey go’aankii ay ku laaleen doorashadii kuraas ka mid ah golaha shacabka oo ka dhacday magaalada Baydhaba ee gobolka Bay.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in go’aankaas uu gaaray guddiga doorashooyinka kadib baaritaan ay ku sameeyeen hanaankii loo maray doorashada kuraastaas.

Guddoomiye Cirro oo u waramay TV-ga Universal ayaa la weydiiyey tallaabada ay qaadayaan hadii guddiga doorashada Koonfur Galbeed uu ka diido in dib loogu noqdo doorashada kuraasta muranku ka yimid ayaa waxa uu ku jawaabay;

“Guddiyada heer dowlad goboleed waa kuwa ugu badan ee shaqada xoogeeda haya, guddiga heer federaalka waa kormeeraha in lagu dhaqmayo shuruucda doorashada, cidda marka awooda iska leh hadii ay wax qaldamaan waa guddiga heer federaal, sidaas ayaa awooda loogu kala sareeyaa, sharciyaduna waa in wixii qaldama dib loo saxo, go’aanka guddiga heer federaalna waa waajib in la fuliyo,” ayuu yiri Cirro.

Hoos ka daawo wareysiga

Dr. Culusow oo shaaciyey hal arrin oo lagu sii wadi karo doorashooyinka dalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dr Maxamuud Maxamed Culusow oo ka mid ah siyaasiyiinta caanka ah ee Soomaaliyeed ayaa ka hadlay xaaladda cakiran ee dalka, gaar ahaan muranka xoogan ee hareeyey doorashooyinka ka socda dalka ee 2021-ka.

Culusow oo wareysi siiyey Universal TV ayaa shaaca ka qaaday in dalkii la kala qeybsamay, isla-markaana dowlad goboleedyadii ay noqdeen labo iyo saddex, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu ka digay in haatan dalka la galiyo qalalaase siyaasadeed oo horleh, wuxuuna tilmaamay in loo baahan yahay in isbedal la sameeyo, si loo dajiyo xaaladda.

Waxa kale oo uu soo hadal soo qaaday doorashada socota, isaga oo shaaca ka qaaday hal arrin oo lagu sii wadi karo, wuxuuna soo jeediyey in la bedallo hoggaanka madaxtooyada.

“Dalkii waa kala qaybsamay, waxaa loo kala qaybsamay saddex iyp labo dowlad goboleedyadii, arrimahaan waxa ay u baahan yihiin in is badel la sameeyo. Doorashada lama sii wadi karo ilaa madaxtooyada la badelo” ayuu yiri Dr Maxamuud Culusow.

Dhinaca kale wuxuu sheegay in boob lagu hayo doorashada socota, isla-markaana dadka ay ku hayaan mas’uuliyiinta weli haya talada, iyagoo isticmaalaya ciidanka iyo dhaqaalaha.

“Doorashadaan hal sanno ayay dib u dhac tahay, waxaa ka daran dhaqanka iyo magac xumada iyo waxa ay ka abuureyso, dadkii mas’uulka ka ahaa boobka ayaa weli awoodda meesha ku haya oo isticmaalaya ciidamada iyo dhaqaalaha,” ayuu raaciyey Dr Culusow.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo haatan ay cabasho xoogan ka taagan tahay qaabka ay ku bilaabatay doorashada Golaha Shacabka Soomaaliya, taas oo kuraas ka mid ah doorashadeeda lagu qabtay magaalooyinka Muqdisho, Baydhabo iyo Dhuusamareeb.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

DF oo soo saartay baaq cusub – Maxaa dhacaya Jimcaha?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Diinta Iyo Awqaafta Soomaaliya ayaa  iclaamisay in la sameeyo Salaad roob doon ah maalinta Jimcaha, xili abaaro daran ay ka jiraan deegaano kamid ah dalka.

Cumar Cali Rooble, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta oo ka hadlay warbaahinta dowladda ayaa sidoo kale bulshada Soomaaliyeed ugu baaqday inay Sooman muddo afar maalin ah.

“Wasaaradu waxay qaadatay ayada oo wakiil ka ah dowlada Soomaaliyeed Shacabkeed in aan ku baaqno maanta oo Talaado ah oo bishu tahay 07/12/2021 illaa maalinta Jimcaha ay sooman afartaas maalmood,” ayuu yiri Wasiir Cumar Cali Rooble.

Sidoo kale waxa uu sheegay in maalinta Jimcaha gelinka hore saacadu markay tahay 9:00AM la oogo Salaad roob doon ah, taasi oo ay iclaamin doonaan goobta lagu tukanayo maamulada degmooyinka iyo gobolka.

“Waxaa ugu baaqeyna umadda Soomaaliyeed guud ahaan inay rabigood u soo laabtan oo Soomaan, maalinta Jimcaha khudbada ka hor saddex saac qof walba uu u dhaqaaqo xarunta loo asteeyay ku dukashada salaada roob doonta.”

Wasiirka ayaa waxa uu carabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in la is cafiyo, iyagoo Illaah ka baryaya inuu shacabka ka dulqaado abaarta.

“Umadda Soomaaliyeed waa in loo wada istaago arrintaas fulinteedana waa waajib na-wada saaran, umaddeena iyo hantideena ayaa baaba’aysa. Waxaa Ilaahay uga baryeynaa in uu roob deg-deg ah na siiyo oo uu naxariistiisa noo furo.”

Warkan maanta kasoo baxay Wasaaradda Diinta Iyo Awqaafta Soomaaliya ayaa imanaya xili deegaano badan oo kamid ah dalka ay ka jirto abaar baahsan, islamarkaana ay hay’addaha gar-gaarka iyo dowladduna ka gaabiyeen gaarsiinta gar-gaarkii loo baahna.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Maxaa loo haysta askarta la horgeeyay maxkamadda ciidamada qalabka sida?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka sida qeybta 60-aad ayaa shalay waxaa la horgeeyay ciidamo ka tirsan xooga dalka, gaar ahaan kuwa qeybta 60-aad.

Askarta ay maxkamadda u fadhiisatey dhageysiga dacwadooda ayaa tiradooda tahay Afar Askar, kuwaasi oo lagu kala magacaabo Dable Xoogga Cali Aadan Isxaaq (Adan Ali Boon), Dable Cabdullahi Maxamed Maxamuud, Dable Sheegow Macalin Yare Maxamed iyo Dable xoogga Maxamed Nur Adan Diiriye .

Afarta Askari ayaa waxaa loo haysta inay sameeyeen Amar diido, kasoo tagid goobta shaqo iyo ku dhex faafinta ciidanka dhexdeeda Qabyaalada.

Sidoo kale waxaa lagu soo eedeeyay askartaan Anshax xumo, taasi oo aan si faah-faahsan loo soo bandhigin.

Waxaa soo gaba-gaboobay dhageysigii dacwadda loo haystay afarta eedeysane ee kamid ah ciidamada xooga dalka, waxaana dhawaan dacwadooda laga soo saari doona go’aan, sida uu sheegay Guddoomiyaha Maxkamadda Maxkamada Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka sida qeybta 60-aad.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Sawirro: Rooble oo laba arrin oo xasaasi ah kala hadlay madaxda warbaahinta dalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa  kulan la yeeshay madaxda hey’adaha warbaahinta dalka, isagoo is xog-wareysi kadib dardaaran siiyey.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhinacyada warbaahinta dalka ku ammaanay kaalintooda wacyigelinta bulshada.

Sidoo kale waxa uu ka codsaday inay door weyn ka qaataan sidii indhaha shacabka iyo caalamka loogu soo jeedin lahaa gurmadka dadka ay saameeyeen abaaraha dalka ka jira.

Ra’iisul Wasaare Rooble  ayaa sidoo kale mas’uuliyiinta saxaafadda uga warbixiyay halka ay marayaan howlaha doorashooyinka dalka ee uu hormuudka u yahay, isagoo sheegay in ay ka go’an tahay ‘in doorashadu ku soo idlaato si nabad ah’ sida ugu dhaqsiyaha badan.

Kulankaan ayaa waxaa ka soo muuqday inta badan madaxda warbaahinta dowladda iyo tan madaxa-banaan, waxuuna ka dhacay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha dalka.

Kulanka ayaa ku soo aaday xilli dalku uu ku jiro marxalad doorasho oo khilaaf badan wajaheysa, sidoo kale abaaro baahsan ayaa ku habsaday gobollada dalka, waxayna warbaahintu muhiim u tahay soo tebinta marxaladahaan.

Shan arrin oo uu Rooble ku badbaadin karo doorashada

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’iisul Wasaare Rooble wuxuu weli ku mashquulsan yahay inuu maareeyo buuqii ka dhashay doorashada Golaha Shacbka. Diidmada mucaaradka waxay xukuumadda ku dhalisay walaac ku saabsan in mushruuca doorashada uu fashilmo.

Dhinaca Madaxweyne Farmaajo isna waxaa la sheegay inuu rabo in si uun buuqa loo xaliyo, maadaama ay shaqo fiican uga dhex socoto maamul Goboleedyada doorashada bilaabay.

Haddaba waxaan warbixintaan ku eegeynaa shan arrimood oo la aaminsan yahay in haddii uu Ra’isul Wasaare Rooble ku dhaqaaqo inay xal iyo daawo u noqon doonaan dhibaatada taagan iyo midda imaan karta ee doorashada Golaha Shacabka.

1- Dib u eegis

Ilaa iyo hadda waxaa la doortay 21 kursi oo Golaha Shacabka ah, waxaana shalay la diiday laba kursi oo kamid ahaa kuraastii la doortay. Mucaaradka dhammaan kuraasta la doortay far ayey ku godeen sida loo wajahay.

Sida ugu fudud ee arrintaan loo shaki bixin karo waa dib u eegis, waxaana Ra’isul wasaaraha hor taalla inuu magacaabo guddi lagu kalsoonaan karo oo aan dhinac gooni ah raacsaneyn oo dib u eegis ku sameeya kuraasta illaa iyo hadda la doortay, guddigaasna uu natiijadooda ku saleeyo tallaabada uu ka qaadayo kuraasta soo baxday.

2- Go’aanka kuraasta la boobay

Rooble si uu dalka uga gudbiyo xilligaan adag waxaa laga rabaa inuu ku dhac yeesho, kuraasta la ogyahay in la boobay cidna ma dhihi karto waa xalaal, sidaas darteed Ra’isul Wasaaraha waxaa laga rabaa kuraasta boobkoodu cad yahay inuu go’aan adag ka qaato, si dalka iyo doorashada loo badbaadiyo, isagoo go’aankiisa ku saleenaya xaqiiqda goobta taalla.

Haddii uu awoodi waayo inuu laalo kuraasta la boobay ama kuwa la boobi doono waa adkaan doontaa inuu khilaafka dhamaado.

3- Kor joogto

Doorashada Golaha Shacabka waxay u baahan tahay kor joogto aan dan gooni ah xambaarsaneyn. Dalkaan waxaa jooga dad aad loo xurmeeyo oo aan la iibsan karin sharaftooda dhammaana ay dhinacyada aamini karaan.

Ra’isul Wasaare Rooble waxaa la gudboon inuu dhiso guddi kor joogteeya hufnaanta doorashada oo ka imaanaya Bulshada rayidka ah iyo Beesha Caalamka, weliba bulshada rayidka ah ee Soomaaliyeed, waa in laga qaataa kuwa lagu tuhmayo sumcadda guud si doorashada ay u badbaado.

Sidoo kale, waa in saxaafadda ay goobjoog ka ahaataa kursi walba si ay ummadda u aragto hufnaanta iyo habka loo maray kuraasta.

4- Turxaan bixinta habraaca

Buuqa hadda taagan kuma saabsana heshiiskii doorashada ee 17-kii September, balse waa habraacii ay dajiyeen Golaha wada-tashiga Qaran, dad badan waxay qabaan in loo baahan yahay in habraaca la turxaan bixiyo oo madaxda Golaha wada-tashiga Qaran shir isugu yimaadaaan, kana doodaan waxyaabaha kasoo laabtay habraacii ay dajiyeen.

Shirka noocaas wuxuu soo afjari karaa ku takri falka habraaca, waxaana la heli karaa dariiq lagu ballaariyo hannaanka loo marayo Kursi walba.

5 – Mudnaanta cabashada

Waxaa muuqata in cabashada la sahalsanayo oo aan loo joojineyn qabiilada iyo shaqsiyaadka caadiga ah. Mar kasta oo taas dhagaha laga fureysto waxay mucaaradka ku qasban yihiin inay kacaan oo dadkaas la dulmiyey u hadlaan.

Si looga badbaado buuqa weyn ee mucaaradka waxaa Ra’isul Wasaaraha iyo Golaha wada-tashiga Qaran laga rabaa inay dulmanayaasha u jawaabaan oo aan la quursan.

Qodobadaan iyo kuwa kale ayey dad badan u arkaan xalka ugu fudud ee uu Ra’isul wasaare Maxamed Xuseen Rooble dib ugu jiheyn karo doorashada dalka.

Mareykanka oo farriin culus u diray DF iyo Ahlu-Sunna

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay ka dooneyso dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Ahlu-Sunna inay wada-hadal billaabaan, islamarkaana ka fogaadaan wax uga dari kara xaaladda banii’aadnimo ee halista ah ama weecin kara waxyaabaha hortableynta leh sida doorashada.

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo caawinaya kuwa Galmudug ayaa kuwa Ahlu-Sunna kula dagaalamay magaalada Guriceel horaantii bishii November, dagaalkaas oo istaagay markii wadaadada ay ka baxeen magaalada.

Sii-hayaha Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya Colleen Crenwelge oo wareysi gaar ah siisay idaacadda Goobjoog ayaa sheegtay in ay waajib tahay in labada dhinac wada hadlaan.

Colleen Crenwelge oo arrinkan ka hadashay ayaa waxaa ay tiri “Marka laga hadlayo qalalaasihii Guriceel, waxaan sii wadi doonnaa inaan ugu baaqno dowladda Soomaaliya iyo Ahlu sunna iney wada hadal bilaabaan, si nabad ahna loo xaliyo khilaafka, oo wadahadal dheeraad ah waa laga maarmaan.”

“Ma dooneyno wax uga sii dara xaaladda khatarta ah ee markii hore halista ah, isla markaana weeciya waxyaabaha hortabinta leh sida sii wadidda doorashada.”

Dowladda Mareykanka ayaa aad uga carootay in dowladda Soomaaliya ay dagaalkaas u adeegsatay ciidanka Danab ee Mareykanka uu tababaro, oo ah ciidan loogu talo-galay inay la dagaalamaan Al-Shabaab.

Colleen Crenwelge ayaa sheegtay in aan Danab laga yeeli doonin iney taageerada Mareykanka u isticmaalaan falal ka dhan ah siyaasadda Mareykanka.

“Dib u eegista la xiriirta taageerada aan siinno Danab waa mid socota, waxaan tababar iyo taageero kale siinnaa Danab si loo xaqiijiyo ujeedkeena aan wada wadaagno ee ah in la jabiyo Al-Shabaab,” ayey tiri Colleen Crenwelge.

Waxay sii raacisay  “waxaa xaqiijin doonnaa in taageerada aan bixinno loo isticmaalo meeshii loogu talo-galay, oo islamarkaana la jaanqaadi karta siyaasadda Mareykanka.”

Daawo: Muuse Suudi oo ka hadlay wada-hadal la sheegay inuu la leeyahay Villa Somalia

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Muuse Suudi Yalaxow ayaa si adag u beeniyay warar laga faafiyo oo sheegaya in wada-hadal uu u socdo asaga iyo Villa Somalia oo uu hogaamiyo madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Waxa uu ku tilmaamay dacaayado waxba kama jiraan ah oo ay ka dambeyso Villa Somalia oo uu sheegay in uusan aqoonsaneyn inay joogan madax sharci ah, maadama uu waqtigooda uu dhacay, sida uu hadalka u dhigay.

“Yaa la hadlaa, ma darbiyadaa la hadlaa. Madax ma joogto, waqtigoodiina wuu dhacay, berigey fiyoobaayeenba uma tagi jirin maxaa hadda ka jarinaa, wax ka jiro ma lahan warkaas,” ayuu yiri Senator Muuse Suudi.

“Dad aan la heshiiyo meesha ma joogaan, hadda oo qof joogin guryaha maan ku wareega. Waxba kama jiraan waxay idaacadaha ay soo adeegsanayaan (Villa Somalia) shaqo aan ku leeyahay majirto.”

Sidoo kale waxa uu dhaliilay aamusnida ay Midowga Musharaxiinta ku wajahayaan muddo kororsiga dadban ee uu weli Villa Somalia ku dhex fadhiyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

“Nin ayaa iska jooga Villa Somalia, hal sano ayuu iska jooga ka hadli maayan, ma iyaga hadhoo raba haddii waqtiga uu ka dhamaado inay sidoo kale iskaga fadhiyaan, mise wey ka cabsanayaan,” ayuu yiri.

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in maamulada dalka ay dowladda muddo xileedkeeda uu dhamaaday ay gaarsiisay liiska musharaxiinta ay rabaan inay kusoo baxaan doorashada, taasi oo uu sheegay inay luminayso macnihii doorashada iyo hufnaanteeda.


Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii