25.4 C
Mogadishu
Wednesday, July 1, 2026

Xog: Muxuu salka ku hayaa khilaafka cusub ee Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed?

Muqdisho (Caasimada Online) – Buuq weyn ayaa ka dhex bilowday Labada garab ee maamuleysa doorashada Gobollada Waqooyi ee Somaliland.

Guddoomiyihii hore ee Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa shalay sii daayey warqad uu ku joojinayo 16 Kursi oo kamid ah kuwa reer Waqooyiga oo dhawaan la filayey in lagu doorto magaalada Muqdisho.

Waxa uu sababta ku sheegay in la hubinaayo cuqaasha iyo hufnaanta doorashada, balse garabka Mahdi Guuleed waxa ay sii daayeen isla shalay magacyada odayaasha xuli doona illaa 4 kamid ah kuraasta Golaha Shacabka ee reer Waqooyiga.

Kooxdaan horay uma faafin jirin odayaasha dhaqanka ee xulaya ergada, laakiin waxaa lagu tilmaamay ujeedka ay shalay u faafiyeen in lagu daboolayo xaaladda cusub ee soo korortay.

Xalay guddiga doorashada Somaliland, gaar ahaan garabka ka yimid dhinaca guddoomiye Cabdi Xaashi oo 4 xubnood ahaa faafiyey warqad ay ku ayideen hadalkii shalay kasoo baxay Cabdi Xaashi, waxayna sheegeen in sidaas lagu hakiyey 16-kaas kursi ee kamid ah kuraasta reer Waqooyiga.

Haddaba waxaan warbixintaan ku eegeenaa xudunta khilaafka cusub ee u dhaxeeya Mahdi Khadar Guuleed iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Labada nin waxay in muddo ah isku hayeen awoodda maamulka doorashada reer waqooyiga, Boqor Cusmaan Aw Maxamuud Buurmadow ayaa kal hore xaliyey khilaafkooda, doorashada ayaana socotay waayadaan.

Si isku dhow ayey xubno ugu yeesheen Aqalka Sare ee baarlamaanka dalka, laakiin markii la yimid doorashada Aqalka Hoose waxaa Ra’isul wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed lagu eedeeyey sad-bursi iyo inuu rabo in kursi walba isagu qorto odayaasha iyo ergada, si uu u soo saaro xildhibaanada uu rabo madaxweyne Farmaajo.

Xubno kamid ah kuwa reer Waqooyiga ayaan la hadalnay si aan wax badan uga ogaano khilaafka cusub, waxayna noo sheegeen in Mahdi rabo inuu kaligiis maamusho doorashada Golaha Shacabka ee reer Waqooyiga.

“Markii la qorayo odayaasha soo xulaya ergada kursi walba, wuxuu rabaa Mahdi Guuleed in loo qoro cuqaasha taageersan musharaxa uu wato, si ay u soo qoraan ergo la hubo inay dooran doonaan xubinta uu wato,” ayuu yiri kamid ah xubnaha aan la hadalnay.

Cabdi Xaashi ayaa la sheegay inuu kula dhagay markaan, wuxuu miiska la yimid dood la sheegay inay maangal tahay. Dooda Cabdi Xaashi waxay tahay noo qeebi cuqaasha xuleysa ergada kursi walba, haddii aadan ogoleyn noo qeebi kuraasta oo nin walba kuraasta xagiisa ka imaaneysa isaga ha maamusho cuqaasha iyo ergada.

Mahdi waxaa la sheegay inuu taas ka biyo diiday. Cabdi Xaashi markii uu waayey qeybtiisii oo loo diiday in dhexda la dhigo kuraasta iyo maamulka doorashada reer Waqooyiga wuxuu ku qasbanaaday inuu doorashada hakiyo.

Ra’isul wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed oo isagu u shaqeynaya madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay in uusan rabin in la qeybsado kuraasta golaha shacabka. Villa Somalia ayaa xubno badan oo ay kuraas u rabtay waxay u soo dhiibtay Mahdi.

Haddii la isla fahmo in awoodda dhexda la dhigto oo cuqaasha iyo ergada la qeebsado masoo bixi karaan xubno badan oo uu wado Mahdi Guuleed, kuwaas oo la sheegay in aysan wax saameyn iyo sumcad ah ku dhex laheyn bulshada reer Waqooyiga ee joogta magaalada Muqdisho.

Khilaafkaan cusub ayaa si weyn u saameyn kara geediga doorashada dalka, cabsida ugu badan waa in uusan Mahdi Guuleed kusoo qancin karin Fahad iyo Farmaajo inuu Cabdi Xaashi la qeybsado maamulka kuraasta Golaha Shacabka ee reer Waqooyiga.

Dhawaan waxaa Cabdi Xaashi lagu eedeeyey inuu indhaha ka dabooshay kuraas la sheegay in si cad loo boobay oo kamid ah kuwa Golaha Shacabka ee reer Waqooyiga.

Xiisadaan cusub ee Mahdi iyo Cabdi Xaashi waxay durba kala qeybisay guddigii maamulayey doorashada reer Waqooyiga, wuxuuna buuqaan kusoo aadayaa iyadoo masuug badan laga keenay guud ahaan sida ay ku bilaabatay doorashada Golaha Shacabka reer baarlamaanka federaalka oo socota.

Xubnaha u sharaxan kuraasta reer Waqooyiga qaarkood waxay sheegeen inay arrintaan tahay baraarug fiican oo sahli doonta in si furan loogu tartamo kuraasta dhiman.

Daawo: Xasan Daahir Aweys oo mowqif lama filaan ah ka qaatay hadalkii Buurmadow

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa taageeray hadalkii Boqor Cusmaan Buurmadow ee dadka ku nool koonfurta Soomaaliya ay dhibsadeen, kaas oo ahaa in Soomaaliya ay ka jirto laba dowladood oo kala ah, Al-Shabaab iyo dowladda federaalka.

Xasan Daahir ayaa sheegay dadka Soomaaliyeed ay wada qirsan yihiin in Al-Shabaab ay yihiin dowlad loo raadsado cadaaladda, sidaas darteed hadalka Boqor Buurmadow uusan aheyn mid qaldan.

Sidoo kale Xasan Daahir ayaa sheegay in cudur-daarka Boqorka uu yahay mid macquul ah oo ay ku qanci karto cidii horay uga carootay, maadaama meesha uu hadalkaas ka yiri ay aheyd goob qabaa’il ku kaftamaayey.

“Boqorku nimankaas mabda’ ayaan ku taageersanahay ma dhihin ee waaqic jira ayuu sheegay, kaftankana waa laga gashan karaa, oo warkaas waa mid ku imaan kara kaftan,” ayuu yiri Xasan Daahir.

Sheekh Xasan ayaa siyaasiyiinta Hawiye ku dhaliilay in kaftanka iyo siyaasadda aysan kala aqoon, “Waaqic jira ayuu ninkaasi ka hadlay, si waaqici ah ayuuna uga hadlay, waana runtiis intii uu sheegay,”ayuu yiri Wadaadkaan xabsi ku guriga ah Muqdisho.

Waxa uu sheegay in dadka ku nool koonfurta Soomaaliya ay safaf dhaadheer u galaan cadaaladda Al-Shabaab, taas oo cadeyneysa in Al-Shabaab ay dowlad yihiin, sida hadalkiisa uu u dhigay.

“Nimanku inay dowlad yihiin idinkaa marqaati ka ah, dadkii ayaaba u safan oo cadaaladii ay dowladda ka waayeen ayey u doontaan, wax kasta ayey u kala xukumaan dadka, waana raganimo iyo dowladnimo in cadaalad la idinka waayey Al-Shabaab loo doonto,” ayuu yiri Xasan Daahir.

Waxa uu sheegay in mar kasta ay u yeeraan odayaasha dhaqanka qabaa’ilka is qabta, isla markaana ay u kala gar-qaadaan oo diinta fahamsiiyaan, “Odayaasha qabaa’ilka inta kala xaliyaan oo hadey rabaan lacag soo siiyaan ayey soo diraan,” ayuu yiri.

Xasan Daahir ayaa raganimo ku tilmaamay cudur daarkii uu bixiyey  Boqor Buurmadow, maadaama dadkii ay fahmi waayeen u jeedka hadalkiisa.

“Warkii uu sheegay Boqorku waxuu ahaa mid isaga umunaasab ah, meeshii uu ka yirina munaasab ku ahaa, hadii uu ka tacsiyeeyey geeridii Axmed Godane waa raganimo waa wiilkiisii,” ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir Aweys.

Dhanka kale Xasan Daahir ayaa Siyaasiga Axmed Macalin Fiqi waxa uu ku macneeyey nin aan garaneyn hadafkiisa, “Fiqiyow hadda ka hor waxaan ku iri dowladna ma taqaanid, diina ma taqaanid, hadana waxaa cadaatay in aadan dhaqanka aqoonin,” ayuu yiri Xasan Daahir.

Waxa uu sheegay in Axmed Fiqi uu taageeray dad diintii haleeyey oo dowladnimadii haleeyey oo dhaqankii haleeyey, kuwaas oo uu kala jeedo Ahlu-Sunna oo Axmed Macalin Fiqi uu dartood isaga casilay xilkii wasiirka amniga Galmudug, kadib markii Qoor Qoor ku adkeystay in Guriceel uu ku weerarayo.

“Fiqiyow adigoo ninkaas ah ayaad hadana nin Boqor ah hadal uu yiri waxaas oo war xumo ah kasoo saartay, waxaa iigu dareed markii uu yiri ‘dadkii uu Godane laayey waa in Boqorku bixiyo’ aan xisaabtano marka, inta Godane laayey iyo inta UNC iyo Caydiid laayeen yaa badan? Si qaab daran ayaad waliba dadkaas u leyseen, aniga ayaa is dul-taagay oo arkay 17 qof oo biri-mageydo ah oo guryahooda aad kala soo baxdeen oo aad xasuuqdeen, kadibana qaab loo aaso la garan waayey,” ayuu hadalkiisa ku soo daray Xasan Daahir.

Hoos ka daawo

Dagaalyahan Al-Shabaab ‘ka tirsan oo qarax is-miidaamin ah ku dilay labadiisa waalid’

Kisumu (Caasimada Online) – Nin la sheegay inuu ka tirsan yahay kooxda Al-Shabaab ayaa qarax is-miidaamin ah ku dilay labadiisa waalid iyo naftiisa, deegaanka Katito oo ka tirsan magaalada Kisumu ee dalka Kenya, sida uu qoray wargeyska The Star oo soo xiganaya booliiska.

Is-miidaamiyaha oo magaciisa lagu sheegay Joseph Odhiambo Ondiek, loona yaqiin Pope, ayaa tegay guriga Petro Onyango iyo xaaskiisa Mary Atieno oo ay wehliso gabadhooda Nancy Aoko, wuxuuna kadib weydiiyey su’aalo. 

Waxyar kadib waxaa qarxay walxo qarxo oo uu xirnaa, halkaasi oo ay ku dhinteen isaga iyo labadiisa waalid oo ahaa 55 jir. Dhacdadan ayaa dhacday habeenkii Talaadada ee xalay.

Gabadha lamaanaha ayaa la sheegay inay ku dhaawacantay qaraxa, lana geeyey isbitaalka. 

Ilo-wareedyo ka tirsan booliska ayaa The Star u sheegay in is-miidaamiyaha uu dhowaan kasoo laabtay kooxda Al-Shabaab, uuna adeegsaday walxo qarxa oo uu farsameeyey kadibna ku xirtay dhexda si uu isugu miidaamiyo waalidkiis. 

Pope ayaa lagu warramay in sidoo kale uu 17-kii December 2020 isku dayey inuu gabar ay saaxiibo ahaayeen oo aheyd 16 jir ku dilo guriga ay kireysteen oo ku yaalla xaafadda Katito, sababo la xiriira inay sameysay galmo ka baxsan guurka. 

Sida ay sheegeen booliska, wuxuu bam uga dhex-tagay guriga taasi oo qaraxday kadibna dhaawacday gabadha, wuxuuna kadib ka cararay magaalada ayada oo aan dib loo arkay kahor qaraxii xalay. 

Is-miidaamiyaha ayaa la sheegay inuu shan sano kahor ka tagay magaalo xeebeedka Mombasa kuna biiray kooxda Al-Shabaab. 

Karanja Muiruri oo ah madaxa booliska Nyanza ayaa sheegay inay falkii xalay ula macaamilayaan inuu ahaa mid argagixiso. 

“Waxaan isku dayeynaa inaan ogaano halka uu jiray bilihii tegay. Tani waa arrin halis ah, waana ku raad joognaa,” ayuu yiri Karanja Muiruri. 

Sheekh Yuusuf Cali Caynte oo dalbaday in dastuurka laga saaro qodobka 11-aad kadib arrintii lagu sameeyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dr. Sheekh Yuusuf Cali Caynte oo dhawaan isku sharaxay kursi kamid ah Aqalka Sare gaar ahaan kuwa Galmudug, islamarkaana loo diiday inuu tartamo ayaa ka hadlay sababtii keentay in laga hor-istaago tartanka.

Sheekh Caynte oo wareysi siiyey taleefishinka Goobjoog ayaa sheegay in la xiray kursigii uu u tartami lahaa, isagoo xusay in si cad loogu sheegay inuusan ka qeyb gelin karin tartanka. Kursigaas ayaa waxaa ku guuleystay Senator Cabdi Axmed Dhuxulow Dhagdheer.

“Ilaa hadda ma jirto cid fasiraad ka bixin karta sababta la iigu diiday inaan tartamo, kaliya waxaa ogahay in la i dhahay ma tartami kartid kursigaas waa la xiray, waxaana ii muuqatay markaas inay jiraan shakhsiyaad loo xirayey,” ayuu Sheekh Yuusuf.

Sheekha ayaa sheegay in dadkii arrintaan sameeyey ay taariikhda u geli doonto, wuxuuna falkaas ku tilmaamay mid ka mid ah dhibaatooyinka ka jira Soomaaliya.

“Anaga waxaa leenahay diin iyo qiyam, ma rabo inaan si aan habooneyn uga falcelino, dadkii sameeyey ayey taariikhda u geli doontaa waxayna qeyb ka tahay dhibaatada dalka ka jirto,” ayuu yiri.

Yuusuf Ceynte ayaa tilmaamay in waxa lagu sameeyey ay aheyd wax la isla ogaa, islamarkaana uusan hadda diyaar u aheyn inuu sheego magacyada dadkii ka dambeeyey isagoo si cad u sheegay inay mas’uuliyadda qaadi doonaan dadkii dhahay anagaa hor kaceyno doorashada.

Ugu dambeyntii Sheekha ayaa ku baaqay in dastuurka laga saaro qodobka xusayo in qof kasta uu xaq u leeyahay inuu tartamo maadaama uu sheegay ay taas dhici weysay.

“Waa in Dastuurka laga reebo qodobka 11-aad ee dhahaya (qof kasta wuxuu xaq u leeyahay inuu wax doorto ama la doorto) sababtoo ah waa shaqeyn waayey, waa in lala sugaa inta ay dadka ka fahmayaan in qodobkaas shaqeyn karo,” ayuu yiri.

Musharax loo diiday kursigii loo xiray Mahad Cawad oo shaaciyey arrimo xasaasi ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Musharax Dr Maxamed Jeelle oo kamid ahaa musharaxiinta kursiga tirsigiisu yahay HOP#104, kaasi oo uu ku guuleystay Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee baarlamaanka Mahad Cawad, ayaa shaaciyey tacadiyo loo geystay.

Musharaxa ayaa shaaciyey in loo hanjabay si looga horistaago in uu isku sharaxo kursigaas, islamarkaana loo diiday in uu qaato warqada dembi la’aanta ee CID-da.

“Faraha iska soo qaada oo dembi la’aanta soo qaata ayaa nala yiri, marka meeshii tagnay waxa nala yiri guddiga doorashada waa in uu warqad noo soo dira oo uu dhah hebel ka qaada faraha,” ayuu yiri.

“Guddiga ayaa raadinay meel ayey ku xareysan yihiin telefoonadoodiina waa xiran yahay, marka meesha ugu tagno askartii waxay leeyihiin xiriir la sameeya, yaa xiriir la sameyna? telefoonadii waa xiran yihiine.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in maalintii ay dhaceysay doorashada huteelkii ay daganaayeen lagu soo wareejiyay ciidamo, tallaabadaasi oo uu ku sheegay inay qeyb ka tahay in laga hor istaago doorashada.

“Huteelka aan daganahay ciidan ayaa lagu soo wareejiyay, waxaa noo yimid Taliyaha Saldhiga Dhuusamareeb Gaashaanle Maxamed, ma hadli kartaan oo halkaa joogtan hadda kasoo baxdan waxa idinku dhaca idinka ka mas’uul ah ayuu nagu yiri.”

Kursiga laga hor istaagay musharax Jeelle ayaa waxaa ku guuleystay Mahad Cabdalla Cawad, oo asagu hore ugu fadhiyay, sida uu shaaciyey Guddiga doorashooyinka Galmudug.

Doorashada Golaha Shacabka ayaa inta badan waxaa ka dhashay cabashooyin la xiriir is hortaag lagu sameeyay musharaxiinta iyo Nabaddoonada rasmiga ahaa, taasi oo mugdi gelisay hufnaanta doorashada socota.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Daawo: Prof. SAMATAR oo shaaciyey mowqif uu R/W Rooble ka qaatay kiiska Ikraan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo ka mid ah Senatorrada dooran ee Aqalka Sare ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku socoto wado xaaraan ah, markii la fiiriyo hanaanka loo maamulayo doorashada dalka, waxuuna ku taliyey in dalka laga badbaadiyo wadadaan qaldan.

Waxa uu sheegay in ra’iisul wasaare Rooble uusan doorashada ku wadin wadadii saxda aheyd ee loo baahnaa, isla markaana taladu ay ka wareersan tahay, “Waliba far-weyn ayaa ra’iisul wasaaraha ku godan,” ayuu yiri.

Sidoo kale Prof. Samatar ayaa sheegay in Rooble bilihii ugu horeeyey markii xilka loo dhiibay uu daacad u ahaa Farmaajo, balse markii laga badbaaday mudo kororsiga uu ka baxay gacabtiisa, laakiin hadda halkii hore uu ku laabtay.

Waxa uu ku tilmaamay nin markii hore aan faham badan ka heysan siyaasadda Soomaaliya, haatana aan heysan la-taliyaal fiican, isagoo kula taliyey in afar ilaa shan qof oo aqoon u leh xaaladaan uu xeyndaab ka dhigto, si ay uga joojiyaan wixii xaaraan ah, wixii xalaal ahna ay ugu hagaan.

Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaare Rooble uu ka laabtay go’aankiisii ahaa in baaritaan dhab ah uu maro kiiska dilkii Ikraan Tahliil Faarax oo aheyd sarkaal ka tirsan NISA oo nolol iyo geeri lagu waayey.

“Waxaa cad oo uusan shaki ku jirin in Ra’iisul Wasaare Rooble uu ka laabtay in la baaro kiiska gabadhaas la dilay, taasina waxay muujineysaa heshiiska u dhaxeeya isaga iyo wadaadka buurta saaran, inuu si weyn u saameeyey kiiskaan oo weliba inta banaanka la soo istaagay la yiri waxaba waa lagu waayey ragii laga shakisnaa, wax la filanaayey maaha,” ayuu yiri Prof. Cabdi Samatar.

Cabdi Samatar ayaa sheegay in markii la fiiriyo dhab-dhaqanka R/Wasaare Rooble iyo sida uu meeshiisii hore ugu laabtay ay muujineyso in markii horaba uusan qaranka daacad u aheyn, balse ninkii keensaday oo kaliya uu daacad u ahaa.

Sidoo kale Prof. Cabdi Ismaaciil ayaa sheegay in doorashadii golaha shacabka ee gobollada waqooyi ee Muqdisho ka dhacday aysan aheyn mid xalaal ah, isagoo tusaale u soo qaatay qofkii Mahdi Guuleed la tartamayey oo ilaa hadda la garan la’yahay qof uu ahaa.

“Hadda sida ay wax u socdaan walwal weyn ayey leedahay, waxaan ilaahey ka baryaan in Soomaaliya qiblada toosan uu u jeediyo afartaan sano, hadda siyaasadda Soomaaliya qiblo qaloocan oo xaaraan ah ayey ku sii jeedaa,” ayuu yiri Prof. Samatar.

Sidoo kale waxa uu sheegay in hadda kadib ay xoogga saarayaan in aan la boobin oo si xalaal ah loo soo doorto kuraasta reer waqooyiga ee hartay.

“Waa xaaraan in Ra’iisul wasaaruhu yiraahdo anigaa xukuma doorashada reer waqooyiga, gumeysi kuma jirno, dad is xukuma ayaan nahay, mas’uuliyadda dalka oo dhan ayaa saaran Rooble, laakiin anaga hanoo daayo saamigeena anagaa maamulaneyna,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar.

Hoos ka daawo wareysi uu siiyey Goobjoog TV

 

Somaliland oo go’aan afar qodob ah kasoo saartay ka qeyb-galka siyaasada Somalia

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta saxiixay xeer dhammaan dadka kasoo jeeda gobollada waqooyi looga mamnuucay ka qeyb-galka arrimaha siyaasadda ee Soomaaliya, kaas oo ka kooban illaa afar qodob.

Xeerkan ayaa lagu sheegay in dambi iyo khiyaamo qaran ay tahay in qof Somaliland ah uu ka qeyb-qaato siyaasadda Soomaaliya, waxaana go’aamiyey labada Gole ee Somaliland.

“Mas’uul, shacab, urur, Axsaab, aqoon-yahan, madax-dhaqameed, suugaan-yahan iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada ee ka qaybgala siyaasadda Soomaaliya ee lagu mamnuucay go’aanka labada ee Gole waxaa lagu qaadi doonnaa dambi ah “Khimaamo Qaran,” ayaa lagu yiri xeerka uu maanta saxiixay madaxweynaha maamulka Somaliland.

Sidoo kale waxaa go’aankan lagu caddeeyey in haatan wixii ka dambeeya aan la cafin doonin qof kasta oo ka qeyb-gala maamulka siyaasadeed ee Soomaaliya.

“In wixii hadda ka dambeeya aanay cafis lahayn qofkii ka qaybgala siyaasadda Soomaaliya, balse loo gudbin doono Maxkamadda Awoodda u leh in ay xukun ku riddo,” ayuu lagu yiri.

Halkan hoose ka aqriso:-

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi waxa uu xeer Madaxweyne oo summaddiisu ay tahay Lr. 16/122021 kasoo saaray mamnuucidda ka qeyb-Qaadashada  siyaasadda Soomaaliya.

Markuu Arkay: Waajibaadka uu Dastuurku saaray muwaadin kasta oo ah adkaynta midnimada ummadda, ilaalinta jiritaanka Qarannimada iyo difaaca dalka iyo diinta si waafaqsan Xeerka, sida ku cad Qodobka 34aad ee Dastuurka Somaliland;

Markuu ku qancay: In ay tahay dambi khiyaamo qaran oo lid ku ah Qarannimada iyo Madax-bannaanida Somaliland ka-qayb-qaadashada hawlaha siyaasadda Soomaaliya ee lagu mamnuucay Go’aanka Baarlamaanka  Somaliland ayuu soo saaray.

1) Qof kasta oo u dhashay Somaliland, ha noqdo Masuul Dawladeed, Shicib, Urur, Axsaab, Aqoon-yahan, Madax-dhaqameed, Suugaan-yahan iyo dhammaanba qaybaha Bulshada oo ka qayb-gala siyaasadda Soomaaliya ee lagu mamnuucay Go’aanka labada Gole ee Baarlamaanka Somaliland waxa lagu qaadi doonaa Dambi Khiyaamo Qaran, si waafaqsan Qodobka 1aad iyo 2aad ee Go’aanka Labada Gole.

2) Xukuumadda oo kaliya ayaa ka qayb gali karta shirarka ay ku kulmayaan Somaliland iyo Soomaaliya, ee loo arko in ay dani ku jirto ee aan ka hor imanaynin jiritaanka Qarannimada iyo Dastuurka Somaliland, si waafaqsan Go’aanka labada Gole ee ku taariikhaysan 05/02/2012.

3) Qof kasta oo ka qayb-gala arrimaha siyaasadda Soomaaliya ee lagu mamnuucay Go’aanka labada Gole ee Baarlamaanka Somaliland, lagama aqbali doono cafis ka hor inta aan la horgaynin Maxkamadda awoodda u leh oo aanu xukun Maxkamadeed ku dhicin.

4) Dhammaan hay’adaha nabad-gelyada ee ku shaqada leh waxa waajib ku ah in ay fuliyaan Go’aanka labada Gole, isla markaana horgeeyaan Maxkamadda awoodda u leh qof kasta oo gala dambigaasi, si loo adkeeyo Jiritaanka Qarannimada iyo Madax-bannaanida Somaliland.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Gudiga doorashada gobolada waqooyi oo laba u kala jabay iyo xiisad cusub oo qaraxday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga doorashada SEIT ee Somaliland ayaa markale laba u kala qeyb-samay, kadib markii khilaaf horleh ka dhashay habka loo marayo maareynta doorashada kuraasta harsan xubnaha Golaha Shacabka ee gobollada waqooyi.

Xiisadda ayaa soo shaac baxday, kadib markii uu guddoomiyaha Aqalka Sare uu soo saaray qoraal xasaasi ah oo uu ku dalbanayo in la hakiyo doorashada kuraasta 16-ka ah ee uu horay u shaaciyey guddiga maamulaya doorashada gobollada waqooyi (Somalililand).

Sidoo kale xubnaha qaar ee guddiga, gaar ahaan garabka gudoomiye Cabdi Xaashi ayaa soo dhoweeyey go’aankan, halka xubnaha garabka Mahdi Guuleed aydiideen arrintaas, waxayna dhalisay in markale guddigu u kala qeybsamo laba dhinac oo iska soo horjeeda.

Dhinaca kale guddoomiyahaa Golaha Aqalka Sare ayaa waxaa garabkiisa ka baxay guddoomiye ku xigeenka guddiga SEIT ee Somaliland, kaas oo markii hore guddiga kasoo galay dhanka Cabdi Xaashi, kadibna heshiis la gaaray ku helay ku xigeenka guddiga.

Cabdishakuur Abiib Hayir oo soo saaray qoraal u gooni ah ayaa marka hore tilmaamay in uusan aheyn guddoomiye ku xigeen koox gaar ah, wuxuuna nasiib darro ku tilmaamay in laga been abuurtay qoraalka xubno ka tirsan Guddiga SEIT ee gobollada waqooyi.

“Inaan shaqsiyan ah guddoomiye ku xigeenka guddiga ee aan aheyn guddoomiye koox gaar ah, guddiguna uu ka kooban yahay 11 xubnood oo u shaqeeya danaha iyo hannaanka hufan ee danaha doorashada kuraasta gobollada waqooyi,” ayuu yiri Cabdishakuur.

Sidoo kale wuxuu ku baaqay in guddiga laga daayo jahwareerka siyaasadeed, isla-markaana loo madax banneeyo waajibaadka shaqo ee loo igmaday.

Ugu dambeyn wuxuu caddeeyey in ka guddi ahaan ay ka go’an tahay in howsha loo igmaday ay u qabtaan si waafaqsan heshiisyadii horay looga gaaray doorashooyinka.

 

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Xog: Shir lagu kala tagay oo ka dhacay guriga Sheekh Shariif iyo Harti-Abgaal oo dagaal qarka u saaran

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan habeen hore ka dhacay hoyga uu magaalada Muqdisho ka degan yahay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa lagu kala kacay, kadib markii la isku fahmi waayey waxyaabihii looga wada-hadlayey, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in kulankaas uu ku saabsana cabashada ka tagaan kuraasta tirsigoodu yahay HOP141 iyo HOP146, kuwaasi oo doorashadooda ay taallo magaalada Jowhar ee maamulka HirShabelle.

Xiisaddan ayaa salka ku haysa cabasho ay qabaan Beelaha Cabdalla Caroone iyo Nugaale Caroone oo ay kuraas kala dhaxeyso beesha Maxamed Caroone, oo laba jufo oo ka tirsan oo kala ah Agoonyar-Gaabane iyo Obakar-Gaabane ay haystaan laba kursi oo xildhibaan. Waxay ku doodayaan inaysan cadaalad aheyn iyo Maxamed Caroone ay qaataan laba kursi, halka labada beel ee kale aanay xitaa helin hal kursi.

Labadaan beel ee Cabdalla iyo Nugaale ayaa wax ku leh kuraasta ay ku fadhiyaan Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur iyo Xildhibaan Maxamed Abuukar Islow Ducaale.

Kulankii ka dhacay guriga Shariif ayaa lagu kala kacay kadib markii ay ka biyo diideen qaar kamid ah beelaha cabashada qaba soo jeedin uu sameeyay Sheekh Shariif, taasi oo aheyd in Kursiga HOP146 oo kamid ah beelaha qaba cabashada laga siiyo tiro ergo aan la shaacin, halka beesha cabashada ka qabta HOP141 uu xilal wasiiro ah uga raadin doono maamulka HirShabelle.

Xubno ka qeyb-galay kulankaas ayaa Caasimada Online u sheegay in beelaha qaar ay sheegten in la duudsiiyay xaqoodii Siddeedii sano ee la soo dhaafay, ayna qaadi doonaan tallaabo kasta oo ay ku heli karaan xaqa ka maqan.

Qaar kamid ah siyaasiyiinta ka soo jeeda beelaha tabashada qaba ayaa wacad ku maray in kuraastaas aan lagu qaban doonin doorashadooda Jowhar oo uu dagaal ka go’an yahay, haddii uu madaxweyne Guudlaawe wax ka qaban tabashadooda, taasi oo ay ku guul dareysteen inay wax ka qabtaan dadkii ku howlanaa oo ay kamid ahaayeen madaxdii hore ee dalka.

Kulanka ayaa daba socday wada-hadalo soo bilowday bishii July ee sanadkaan, markii ay socdaal ku tageen degmada Cadale madaxweynayaashii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo weliba wafdi ay hogaaminayeen.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxay arrintaan dhaawac weyn ku tahay sumcadiisa, haddii uu si dhab ah ugu guul-dareysto in uu xaliyo cabashada ay beelahaas ka qabaan labada kursi, maadama ay yihiin xigtadiisa u dhow.

Madaxweynihii hore ee dalka oo lagu tiriyo mid kamid ah shaqsiyaadka ugu rejada wanaagsan doorashada Soomaaliya ayaa maraya imtixaan adag oo ugu imanaya xubno kamid ah dadka uu kasoo jeedo, waxaana dhici karta in uu kaga mashquulo halgankiisa kale ee siyaasadda, sida ay qabaan dadka falan-qeeya arrimaha siyaasada dalka.

Si kastaba, cabashada iyo dooda ka taagan labada kursi ayaa horseedi karta gacan ka hadal ka qarxa maamulka HirShabelle, haddii aan xal deg deg ah laga gaarin doodaas oo mowjado kale oo deganaansho la’aan ah ku furi doonta maamulka.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

SACIID DENI oo jawaab ka bixiyey go’aankii Isimada PUNTLAND ee xiisadda PSF

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ee Puntland ayaa jawaab ka bixiyey go’aanadii xalay kasoo baxay Isimada Puntland ee ay sheegeen inuu xalka u yahay xiisadda ka dhalatay ciidamada PSF ee gadoodka sameeyey.

Saciid Deni ayaa si gaar ah uga soo horjeestay qodob ka mid ah go’aanka Isimada Puntland oo ku baaqayey in Jeneraal Maxamuud Cismaan Diyaano uu qaato hubka iyo hantida Ciidanka ee uu hadda gacanta ku hayo.

Hoos ka aqriso qoraalka maamulka Puntland. 

Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxay uga mahad celinaysaa dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada Reer Puntland, gaar ahaan Waxgaradka, Isimada, Culimada, Ganacsatada, Nabadoonada iyo Haweenka dadaalka ay ka muujiyeen sidii uu Agaasimihii hore ee Ciidanka Ammaanka Puntland (PSF) Gen Maxamuud Cismaan Diyaano uu si hufan oo nabad ah xilka ugu wareejin lahaa Agaasimaha cusub Sareeye Guuto Maxamed Aamiin Cabdullaahi Xaaji Kheyr oo Madaxweynaha Dowladda Puntland u magacaabay Agaasimaha Hay’adda PSF, 24 November 2021. 

Ciidanka PSF (Puntland Security Forces) waxay ka mid yihiin laf dhabarta hay’daha amniga Dowladda Puntland, iyagoo ka qayb qaata sugista amniga guud ee Puntland, gaar ahaan la dagaalanka Ururada Argagixisada ah, Dowladda Mareykanka ayaana si gaar ah uga taageerta PSF dhinacyada tababarada iyo qalabka ciidanka. 

Ciidanka PSF iyo hantidooda oo leh hub, gaadiid, guryo iyo agab kaleba waa hanti Dowladda Puntland iyo Shacabkoodu leeyihiin, ayna u soo dhinteen, una soo dhaawacmeen tiro fara badan oo naftood hurayaal ah iyagoo difaacaya amniga iyo dowladnimacia Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Reer Puntland. Sidaa darteed, waa nasiib darro in qayb ka mid ah lsimada Puntland ay Maantay (7 December 2021) baraha bulshada ku faafiyeen qoraal dhaawacaya maslaxadda iyo mustaqbalka Puntland, ayna ku sheegeen in hubka iyo hantida Ciidanka Amniga Puntland uu si gaar ah u qaato Agaasimihii hore. Arrintaas oo meel ka dhac ku ah sharafta dowladnimo, khatarna gelinaysa amniga iyo xasiloonida Puntland, dhiirigelina u sameynaysa musuq maasuq iyo boob hantida ay Dowladdu uga masuulka tahay Shacabka Puntland. 

Haddaba, Dowladda Puntland waxay faraysaa Agaasimihii hore ee PSF Mudane Maxamuud Cismaan Diyaano inuu sida ugu dhaqsaha badan u wareejiyo dhamrnaan hantida hay’adda PSF, kung wareejiyo Ciidanka PSF iyo Agaasimaha Cusub. Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxay, iyadoo dhawraysa Dastuurka iyo sooyaalka dowladnimo ee Puntland, ka go’an illaalinta amniga, xasiloonida iyo xoojinta dowladnimada iyo sareynta sharciga.

MUUSE SUUDI oo shaaca ka qaaday sababta ugu wacan isbeddelka ku yimid Rooble

Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Xaaji Muuse Suudi Yalaxow oo ka hadlay arrimaha doorashooyinka dalka ayaa sheegay in Ra’iisul wasaare Rooble uu ku fashilmay hoggaaminta doorashada dalka, isla markaana uu is bedelay moqifkiisii siyaasadeed.

Senator Muuse oo wareysigaan siiyey Idaacadda Kulmiye ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha uu galay damac siyaasadeed, isla markaana aysan saxneyn sida uu wax u wado.

“Ra’iisul Wasaarahaan wixii loo igmaday ma qaban, waxaan is laheyn howsha hadii lala qaban qaabiyey waa ka soo bixi karaa, laakiin ma saxna waxa uu sameynayo damac darajo iyo damac hunguriyaa galay,” ayuu yiri Senator Muuse Suudi Yalaxow.

Xaaji Muuse ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha uu ka dareemay inuu doonayo in xafiiska uu iska sii joogo, balse meesha uu wax ka raadinaa aysan darajo ka jirin.

“Meesha inuu joogo inuu rabaan ka dareenay, taasina furcadi maaha, Rooble darajo hadii uu rabo Madaxweyne ayuu noqon karaa, hada waa isisoo sharaxi karaa hadhowna waa isisoo sharixi karaa,” ayuu yiri.

Senator Muuse Suudi ayaa sheegay in Rooble looga baahnaa in umadaan uu cariiriga ka saaro, maadaama ay isugu darsoontay dowlad-xumo iyo abaaro baahsan oo dalka ku dhuftay.

“Umaadaan cariiriga ku jirta in laga saaro ayaa muhiim ah, wixii waa kala daadsan yihiin ee waa in la helo dad amar kala qaata, dadku waa kala coloobay, ciidanka xataa iskuma fiicna, si wax kasta u hagaagaan waa in hadda doorashada la dhameystiro,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Senator Xaaji Muuse Suudi Yalaxow.

Mar la weydiiyey sida uu u arko in midowga musharaxiintu ay dhisaan gole badbado qaran ayuu yiri, “Arrintaas go’aankeeda madasha ayey jirtaa, laakiin ra’iisul wasaaraha hadii laga arko in uusan wax qabaneyn wixii yimaada isagaa mas’uuliyadooda,hadii guddi la dhisana waa wax isaga laga arkay, marka wixii qaldan hala saxo wixii wanaagsana hala dhaho waa saxan yihiin.”

Senator Muuse ayaa aad u dhaliilay qaabka ay u soocoto doorashada dalka, “Qof kasta liis ayuu heystaa, madaxda dowlad goboleedyada waxay wadaan xulayo oo hebel soo saar ayaa lagu hayaa, waxaas doorasho maaha, doorashada waa in intii is sharaxda ay tartanto.”

Ugu dambeyntii Senator Muuse ayaa sheegay in weligiis uusan la xariirin Ra’iisul wasaare Rooble, hadda kadibna aysan u qorsheysneyn inuu raadiyo, balse uu aad u daneynayo in doorashada uu u hoggaamiyo habka ugu haboon.

Hoos ka dhageyso wareysiga

Xuseen Macalin: “Farmaajo laba wax ayuu isku darsaday”

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha Machadka Daraasaadka Amniga ee Hiraal Xuseen Macalin Maxamuud, sidoo kalena horay usoo noqday Taliyaha dhanka Amniga ee madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka hadlay doorashada sii jiitameysa ee Soomaaliya, isagoo eedeyn culus u jeediyey Madaxweyne Farmaajo.

Agaasime Xuseen Macalin ayaa madaxweynaha waqtiga ka dhammaaday ku eedeeyey in uusan wax dan ah ka laheyn dalka, isla makaana uu kaliya fiirsanayo dantiisa, isagoo ku tilmaamay magafe.

“Siyaasadaan soo caga jiitantay iyo doorashada oo dhici weysay ayaa waxay na gelisay xaalad la yiraah firaaq dastuuri ah, dadka wax garadka ah way ogaayeen in Farmaajo uusan dalkaan dan ka laheyn, dadka shacabka ahna hadda ayey kusoo baraarugeen inuu yahay nin magafe ah oo dantiisa bis ka shaqeysta, dalkana aan u shaqeyn,” ayuu yiri.

Xuseen Macalin ayaa madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku tilmaamay inuu yahay qof “ay isugu darsoontay doqonimo iyo kibir.”

“Hooyooyin damiirkooda gubanaya oo maalin kasta waddooyinka taagan oo dhahaya ilmaheena naga maqan oo uusan hal maalin la hadlin waa dhaqan lagu yaqaan marka ay qofka isugu darsoonto doqonimo iyo kibir, haddii uu yahay qof caqli leh dadka wax ka sheeganaya oo maamulkiisa ku hoos nool ayuu la hadli lahaa,” ayuu yiri Xuseen Macalin.

Sidoo kale wuxuu sheegay in dalka uusan weli si buuxda uga bixin arrimihii qabiilka, loona gudbin Qaranimo buuxda, sidaas darteedna wuxuu tilmaamay in looga baahan yahay qofka haya mas’uuliyadda dalka inuu ilaaliyo dastuurka dadku heshiiyeen, si aysan u dhicin wixii dhacay Bishii April, markii la fashiliyey mudo kororsigii Farmaajo.

Hoos ka daawo wareysiga Xuseen Macallin

Wararkii ugu dambeeyey ee QARAX ka dhacay MARKA

0

Marka (Caasimada Online) – Faah faahin dheeri ah ayaa waxaa laga helayaa qarax nooca bambada gacanta laga tuuro ah oo maanta ka dhacay suuq ku yaalla magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo geystay khasaare u badan dhaawac.

Weerarka ayaa dhacay, xilli ay suuqa ku sugnaayeen dad fara badan oo shacaba, waxaana dadka ay waxyeelada gaartay u badan rag xoogsato ah oo ku sugnaa halkaasi.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxan ku dhaawacmay ugu yaraan laba qof shacab ah, kuwaas oo loola caray goobaha caafimaada ee magaallo xeebeedka ee Marka.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo howl-gal sameeyey, kadib weerarkaasi, waxaana ay soo qab qabteen tiro dad ah oo lagu tuhmayo qaraxaas.

Illaa iyo hadda ma jiro wax faah faahin ah oo saraakiisha dhammaanka ay kasoo saareen qaraxaas iyo sidoo kale howl-galka xigay ee ay sameeyeen ciidamada dowladda.

Xaaladda ayaa haatan deggan, waxaan si caadi ah usoo laabtay dhaq-dhaqaaqa suuqa oo maalinta Arbacada ka mashquul badan maalmaha kale, sida ay sheegeen dadka degaanka.

Marka ayaa waxaa inta badan ka dhaca weerar sababay dhimasho iyo dhaawac, kuwaas oo ay fuliyaan dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ee ku sugan gobolka Shabeelaha Hoose.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Midowga Afrika oo ka shiray xaaladda SOOMAALIYA iyo qorshaha socda (Warbixin)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Nabadda iyo Amniga ee Uruka Midowga Africa ayaa shir gaar ah ka yeeshay xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan qorshaha kala guurka ee ay ciidamada dowladda federaalku kuwa AMISOM ugula wareegayaan amniga waddanka.

Shirka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa ku qabsoomay aaladda fogaan aragga ee Zoomka, waxaana Soomaaliya uga qeyb-galay Wasiirfa Difaaca Sanator Xasan Xuseen Xaaji oo khudbad ka jeediyey shirka, taas oo uu ugu hadlay mowqifka dowladda ee kala guurka.

Inta uu socday shirka waxaa diiradda lagu saaray qorshaha bixitaanka ciidamada AMISOM iyo sida ay kuwa Soomaaliya ugu diyaar garoobeen la wareegitaanka amniga dalka,

Sidoo kale waxaa kulanka Midowga Afrika lagu soo qaaday sidii ciidamada Soomaaliya ay u hoggaamin lahaayeen howl-gallada ka socda dalka ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Wasiir Xasan Xuseen Xaaji ayaa khudbaddiisa ku sheegay in dowladda federaalka ah ay soo dhoweyneyso in toos loo wajaho qorshaha kala guurka ah ee AMISOM iyo bixitaankeeda, isaga oo shaaca ka qaaday inay dadaal geliyeen tababarada iyo tayeynta ciidanka qaranka.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in dowladdu ay haatan ka go’aan tahay xaqiijinta iyo xasilidda amniga dalka oo dhan, ayna laba jibaari doonto dagaalka Al-Shabaab.

Kulanka Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Africa ayaa ku soo aadaya, iyada oo haatan dowladda Soomaaliya ay dood ka keentay qaabka uu Ururku u wajahayo howl-galkiisa Soomaaliya, maadaama la gaaray, xilligii lasoo gaba-gabeyn lahaa, walow aan weli go’aan dhab ah la gaarin, waxaana soconaya kulamo looga hadlayo bixitaanka AMISOM.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Xubno ka mid ah guddiga doorashada Somaliland oo u jawaaabay Cabdi Xaashi

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah xubnaha guddiga maamulaya doorashada kuraasta gobollada waqooyi ayaa taageeray go’aankii kasoo baxay guddoonka sare ee doorashada Somaliland, isla-markaana uu ku saxiixnaa guddoomiyaha Aqalka Sare, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi kaas oo lagu hakiyey doorashada illaa 16 kursi oo la qaban lahaa.

Xubnahan oo markii hore kasoo galay guddiga dhanka Cabdi Xaashi ayaa shaaca ka qaaday inay ayidsan yihiin go’aanka lagu hakiyey kuraastaas, si loo hubiyo habsami socodkooda.

Sidoo kale xubnahan ayaa soo jeediyey in guddiga doorashada uusan soo saarin jadwalka kuraastaasi, sidoo kalena la hakiyo diiwaan-gelinta xubnaha musharixiinta ah.

Waxa kale oo ay soo jeediyeen xubnahan in marka hore la dhammeeyo khilaafka ka taagan guddiyada soo xulaya ergada dooraneyso 16 kursi ee horay loo shaaciyey doorashadooda.

Arintan ayaa muujineyo in markale ay labo garab u kala qeybsameen gudiga doorashada SEIT ee Somdaaliland, kuwaas oo ay horay  usoo saareen Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed.

Si kastaba, sababta ugu weyn ee loo haliyey doorashada kuraastan ayaa waxaa lagu sheegay in la xaqiijinayo cuqaasha, qoondada haweenka iyo hufnaanta doorashada.

Go’aankan xasaasiga ah ayaa imaanaya, xili uu dhawaan guddiga doorashooyinka ee heer federaal uu shaaciyey in la laalay habraacii ay kal hore ku heshiiyeen guddoomiye Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed ee lagu hagayey doorashooyinka kuraasta gobollada waqooyi.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Mid ka mid ah ragga loo haysto dilkii Khaashuqji oo lagu qabtay magaalada Paris

Paris (Caasimada Online) – Booliska Faransiiska ayaa garoonka diyaaradaha magaalada Paris ku xiray mid ka mid ah ragga lagu tuhunsan yahay inay weriye Jamaal Khaashuqji ku dhex-dileen qunsuliyadda Sacuudi Carabiya ee magaalada Istanbul 2018-kii.

Khalid Alotaibi, oo 33 jir ah, ayaa waxaa xiray booliska xuduudaha, ayada oo la adeegsanayo amar xiritaan oo ay soo saareen Turkey, waxyar un kahor inta aanu korin duulimaad ka baxayey garoonka diyaaradaha Charles de Gaulle Airport oo ku socday magaalada Riyadh, sida ay sheegeen ilo-wareedyo garsoor. 

Magaca Khalid Alotaibi ayaa kasoo muuqday baaritaan uu sameeyey wargeyska Washington Post oo ku saabsanaa kooxda fulisay dilka, ayada oo la adeegsanayo faah-faahinada safaradiisa iyo xog baasaboor.

Khalid Alotaibi ayaa la filayaa inuu Arbacada maanta ah kasoo hormuuqdo maxkamad ku taalla magaalada Paris. 

Maxkamad Turkish ah ayaa 2020-kii billowday inay ayaga oo maqan maxkamadeyso 20 tuhmane oo loo haysto dilka Jamaal Khaashuqji, oo ay ka jiraan laba qof oo kaaliyeyaal u ahaan jiray dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salman.  

Xariga Khalid Alotaibi ayaa yimid maalmo un kadib markii madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron uu difaacay go’aankii uu Sacuudi Carabiya ugu daray safar uu ku maray dalalka Khaliijka, isaga oo sheegay in booqashada aysan ka dhigneyn “inuu hilmaamay” kiiska Jamaal Khaashuqji. 

Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in amarka lagu dilay Khaashuqji uu ka yimid “xubnaha ugu sarreeya” dowladda Sacuudiga, wuxuuna kiiskan xiisad ka dhex abuuray Ankara iyo Riyadh.

Hase yeeshee Erdogan marnaba si toos ah uma eedeyn dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salman, waxaana bilihii dhowaa jiray astaamo muujinaya in xiriirka labada dal uu soo hagaagayo, ayada oo wasiirka arrimaha dibedda Turkey uu horraantii sanadkan booqday Riyadh.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Muranka ka taagan kuraasta golaha shacabka oo kordhay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa si weyn isku soo taraya tan iyo markii ay dalka ka bilaabatay doorashada Golaha Shacabka cabashada ay muujinayaan Waxgaradaka Beelaha iyo Musharaxiinta, kuwaas oo ka biyo diidan qaabka ay u socoto doorashada.

Musharaxiin dhowr ah ayaa laga hor istaagay inay isku soo tagaan kuraastooda, halka Odayaal iyo Nabaddoono kalena loo diiday inay qeyb ka noqdaan kursi ay saxiixooda qeyb ka yihiin.

Waxaa jiray cabashooyin laga muujinayay tartanka kuraasta qaar, iyadoo kuraastii ugu horreeyay ee gobollada Waqooyi ay musharrixiinta qaarkood sheegeen in ergo kale la keenay hoolka lagu tartamayay ee ay doorashadu ka socotay.

Cabashooyinka qaarkood oo loo gudbiyey guddiga xalinta khilaafaadka ayaa illaa hadda go’aan laga gaarin, halka kuwa kalena la fahamsan yahay in si qoto dheer aan loo baarin, midaasi oo mugdi sii galineysa hanaanka cadaaladeed ee dalka.

Haddaba, Maxaa sababay cabashada isa-soo tareysa ee doorashada Golaha Shacabka?

Xildhibaan Cabdullaahi Raage Xuseen oo kamid ah Xildhibaanadii baarlamaankii 8-aad ayaa sheegay in doorashadu ay ku bilaabatay hanaan ka gedisan midkii hore loogu heshiiyay, taasina ay hormuud u tahay cabashada iyo kalsooni darada kasoo yeeraysa doorashada.

Waxa uu dowladda federaalka Soomaaliya ku eedeyay inay ka gaabisay habsami u-socodka doorashooyinka dalka, oo dhowr jeer oo hore dib u dhac uu ku yimid.

Waxa uu  intaas kusii daray in cabashooyinka iyo walaaca doorashada ee isa-soo taraya laga baaqsan karayay, haddii sidii lagu heshiiyey ay ku bilaaban lahaayeen doorashooyinka.

Sidoo kale waxa uu eedeynta qalooca ku yimid doorashada dusha ka saaray madaxda maamul goboleedyada, xilli doorashooyinka dalka lagu tilmaamay kuwo ku dhisan boob iyo wax is-daba marin.

Doorashada Golaha Shacabka ayaa waxaa dul hoganaya mugdi badan oo ku gadaaman sida loo doortay kuraasta, kuwaasi oo qaarkood laga hor istaagay beelihii xaqa u laha, halka musharaxiinta qaarkood loo diiday inay isa-soo sharaxaan.

Cabashooyinka doorashada ayaa horseed u noqday in kuraasta qaarkood dib loogu celiyo, ayada oo la fahamsan yahay inaysan wax weyn ka bedeli doonin marka loo eego kuwa lamid ah oo hore loo doortay.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Isimada PUNTLAND oo 5 qodob ku kala saaray Saciid Deni iyo Jeneraal Diyaano

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Isimada Puntland ayaa soo saaray qoraal ay ku soo bandhigeen xalka xiisadii ka taagneyd magaalada Boosaaso ee u dhaxaysay sarkaalka hoggaamiya ciidanka PSF-ta Puntland ee Jeneraal Maxamuud Cusmaan Diyaano iyo xukuumadda Madaxweyne Saciid Deni.

Qoraalka ka soo baxay Isimada Puntland oo gaaraya ilaa lix xubnood ayaa lagu socodsiiyey Madaxweynaha Puntland  Siciid Cabdulahi Deni iyo  Agaasimihii hore ee ciidanka PSF Jeneraal Maxamuud Cusmaan Diyaano, waxaana lagu soo bandhigay shan qodob oo Isimadu ay doonayaan in lagu xaliyo xiisadda.

Qoraalka ka soo baxay Isimada Puntland waxaa lagu yiri, “Kulamo badan oo aan la yeelanay Golaha xukuumada, taliyayaasha ciidamada qalabka sida iyo Agaasime Jeneraal Maxamuud Cismaan Cabdullaahi, kulamadaas kadib waxay Isimadu gudoomiyeen qodobadaan hoos ku qoran:”

1– Waa in ay dhaqan gashaa Degreetadii madaxweynaha Dowlada Puntland Dr. Siciid Cabdulaahi Deni, kuna taariikhaysnayd 24 November 2021, ujeedadenu ahayd xilka qaadista lagu sameeyey Agaasime General Maxamud Cismaan Cabdulaahi oo ahaa Agaasimaha PSF, laguna magacaabay Sareeye Guuto Maxamed Amin Cabdulaaht Xaaji Kheyr.

2– Waxay kaloo gudoomiyeen guryaha, Hubka iyo Gaadiidka waxaa iska leh mulkiyadooda Agaasime General Maxamud Cismaan Cabdullaahi.

3– Waxay gudoomiyeen xuquuqdii ka maqnayd ciidamada PSF mudo 13 bilood ah in ay bixiso Dowlada Puntland.

4– Waxay gudoomiyeen maadaama General Maxamud Cismaan Cabdullahi uu u soo halgamay difaaca Puntland in ay dowladu bixiso kharashka agaasimihii hore ilaaladiisa gaarka ah.

5– Waxaan faraynaa shacabka reer Puntland, gaar ahaan shacabka Boosaaso inay kawada shaqeeyaan ammaanka iyo xasiloonida magaalada, sidoo kale waxaan umadsa Soomaliyeed u rajaynaynaa Nabad waarta.

Shantaas qodob ayey soo saareen Isimada Puntland oo gartaan ku jiray intii u dhaxeysay 27-kii bishii hore ilaa 7-da bishaan ee Talaadadii maanta, waxaana la ogeyn sida ay dhinacyada uga dhaqan geli doonaan qodobadaan.

Isimada lixda ah ee warqadaan ku saxiixan ayaa kala ah:

1– Boqor Burhaan Boqor Muuse
2– Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin
3– Beeldaaje Cali Beeldaaje Faarax
4– Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin
5– Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil
6– Beeldaaje Cali Beeldaaje Salaad

 

Siyaasiyiinta iyo saxiixaha KURSIGA HOP#67 oo war cusub soo saaray (Aqriso)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Saxiixaha iyo Musharaxiinta kursiga HOP#067 ayaa si adag uga horyimid muddo kordhinta uu guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka ku sameeyay baaristii ay ku wadeen dacwadii ay u gudbiyeen.

Soo dhameystirka dacwada laga keenaya kursiga uu Guddiga doorashada ee Galmudug shaaciyey inuu ku guuleystay Yaasiin Farey ayaa waxay soo dhameystirmi doontaa muddo aan ka badneyn 10 maalmood oo ka bilaabanaysa 05/12/2021-ka, sida uu sheegay guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka.

Saxiixaha iyo Musharaxiinta hore u gudbiyay dacwada ayaa sheegay inay u gudbiyeen guddiga cadeymo dhameystiran oo lagu go’aan qaadan karo, islamarkaana aysan aqbali doonin cadaalad.

Nabaddoon Cali Jeesto oo ah saxiixaha rasmiga ah ee kursiga HOP#067 oo ka hadlay shirka jaraa’id ayaa wacad ku maray in sharci darro aan looga qaadi doonin kursigaas, oo laga leexday habraaciisa.

“Waxa la diidan yahay waa sharci daro, ma aha in la diidan yahay nin mas’uuliyad soo qabtay ee waxa la diidan yahay waa sharci darro, habraaca qoran xildhibaankuna habraaca ayuu ku imaan kara, waxaana habraaca laga bilaaba Nabaddoonka uu kursiga ku astaysan yahay,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ay ka sugayaan in dib loogu soo celiyo kursiga laga dhacay, sida uu hadalka u dhigay.

Musharaxiinta iyo Xildhibaanka kursigaas ayaa ku baaqay in lagu soo laabto xeyndaabka cadaalada iyo doorasho hufan oo lagu kalsoonaan karo, si loogu kalsoonaan karo doorashada socota.

“Umadda Soomaaliyeed waa ka dharagsan tahay cadeymaha soo gudbinay. Mas’uuliyada guud ee doorashada waxay saaran tahay Ra’iisul Wasaaraha oo aan ka sugayno cadaalada.”

Waxay intaas kusii dareen in dhanka kale ee ku haysta kursiga aysan hayn cadeymo uu guddiga sii sugo, islamarkaana ay u wada gudbiyeen cadeymihii iyo Nabaddoonka saxda ah ee kursigaas saxiixaheeda leh.

Kursiga HOP#067 ayaa waxaa hore ugu soo baxay sida uu shaaciyey Guddiga doorashooyinka maamulka Galmudug agaasimaha KMG ah ee NISA Yaasiin Farey, kadib doorasho ka dhacday magaalada Dhuusamareeb ee Galmudug.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Booliska Soomaaliya oo shaaciyey xogta dilkii arxan-darada ahaa ee labada caruur

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa faah-faahin ka bixiyay dilka argagax leh oo loo geystay labo caruur walaalo, kaasi oo ka dhacday xaafadda Jaamacadda Shabeelle oo ka tirsan deegaanka Garasbaaleey ee duleedka magaalada Muqdisho

Afhayeenka ayaa shaaciyey inay soo xireen Ninka qabay hooyada dhashay caruurta la dilay iyo iyadaba, kuwaasi oo hadda lagu hayo xarunta dembi baarista ee CID-da.

Waxa uu sheegay in caruurta markii hore la daldalay kadibna afka caro looga shubay, ayada oo meydka labadaasi caruur laga dheehan karayey in si arxan daro ah loo dilay.

Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa ugu dambeyntiina sheegay inay socdaan baaritaano la xiriira sida uu falkaasi ku dhacay, ayada oo eedeysanaha koowaad uu yahay Ninka qabay hooyada dhashay ciyaalkaas.

Labada caruurta ah midkood ayaa waxaa ka muuqday in xarig lagu sirqiyey, halka midka kale ilkaha ay ka daad-sanaayeen, taas oo ay ka argagaxeen dadka deegaanka iyo ehelladoodaba.

Habeen hore ayey aheyd markii dhacdo argagax leh ay ka dhacday degmada Xamarjajab, kadib markii nin mindi ku hubeysnaa uu dilay xaaskiisa oo aheyd hooyada 12 caruur ah.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii