25.4 C
Mogadishu
Wednesday, July 1, 2026

Maamul cusub oo Galmudug ‘laga dhisayo’ xilli ay kordheen beelaha diidan Qoor Qoor

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Shir looga soo horjeedo maamulka Galmudug ayaa maanta ka qabsoomay degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud, taasi oo beelaha Waqooyiga Galgaduud uga tashaneayeen sidii maamul cusub u sameysan lahaayeen.

Shirkan oo ay ka qeyb-galeen Odayaasha, Waxgaradka iyo Aqoonyahanka beelahaas ayaa waxay sheegen in maamulka Galmudug uu ku fashilmay isku haynta beelaha dega deegaanadaas, islamarkaana ay ka waayeen xuquuqdoodii.

“Galmudug waxaa wax uga dhisanay xuquuqdeeda in aan wax ku yeelano, haddii aan ka weynay xuquuqdeena waalid nooma aha oo xaq naguma laha in aan tashano ayaa xaq u leenahay,” ayuu yiri Oday kamid ah Odayaasha beelahaas oo ka hadlay shirkaas.

Waxay sheegen in maamulka Galmudug ee uu hogaamiyo madaxweyne Qoor-Qoor uu dhageysan waayey tabashadooda, islamarkaana aysan maamulka ku haysan adeegyadii aasaasiga ahaa, sida ay hadalka u dhigeen.

“Mar haddaan shaqaalaheeda xataa waxba ka laheyn, marti ma nihin aan tashano oo maamul aan dhisano, sabirnay oo isbedel weynay waxaana laguma jiri karo. Oday beeleedkeena la dhageysan maayo oo Ugaaskeena la dhageysan maayo.”

Sidoo kale waxay sheegen in maamulka Galmudug uu ku fashilmay qabashada doorasho xor iyo xalaal ah, taasina ay horseeday inay iska horyimaadan beelaha maamulkaas, oo ayadu hore u sii kala fogeysay, sida ay sheegen.

Maamulka Galmudug ayaa muddooyinkii dambe wajahayay dhibaatooyin dhowr ah oo dhanka amniga iyo maamulka ah oo sida la fahamsan yahay ay horseed u yahay maamulka madaxweyne Qoor-Qoor.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Go’aan culus oo laga soo saaray shirkii Musharaxiinta iyo 10 shardi oo lagu xiray ka qeyb-galka doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Midowga Musharaxiinta Soomaaliya oo maalmihii dhowaa shirar ku lahaa magaalada Muqdisho ayaa qoraal ay caawa soo saareen ku dalbaday in la hakiyo doorashada golaha shacabka, oo ay horey u sheegeen in la boobayo.

Golaha ayaa sidoo kale dalbaday in la isugu yimaado shir wadatashi ah, si loo joojiyo, bay yiraahdeen, boobka, lana xalliyo tabashooyinka laga qabo sida ay ku billawdeen doorashooyinka Golaha Shacabka, lana saxo habraaca iyo habdhaqanka doorashada lagu wado.

Si ay taasi u hirgasho golaha ayaa dalbaday arrimaha soo socda:

a) In Ia faafiyo Iiiska odayaasha dhaqanka 135, iyo guddi-beeleedka soo xulaysa ergada kursi kasta. 

b) In la xaqiijiyo ergada wax dooranaysa in ay yihiin kuwii ay soo xuleen odayaasha dhaqanka, Ia diiwan geliyo, la faafiyo magacyadooda. 

c) In kursi kasta lagu tartamo islamarkaana la mamnuuco malxiiska iyo in shakhsi loo xiro. 

d) In goob kasta oo doorasho ay joogaan korjoogayaal Soomaali ah iyo kuwo caalami ah, iyo saxaafadda madaxa bannaan. 

e) In dib loogu laabto doorashada kuraasta Ia boobey lana waafajiyo habraaca doorasho ee lagu heshiiyo.

f) In markii la saxo habraaca doorashada, la soo saaro jadwal midaysan oo ay ku caddahay maalinta ay billaabaneyso iyo maalinta ay dhammaaneyso doorashada. 

g) In aan baaritaan lagu celin karin xubnihii Baarlamaankii hore, halka tartamaha cusub ee xilka xildhiban looga joojin karo oo keli ah fal danbiyeed ay Maxkamad xukuntay, iyo in lagu hayo fal argagixiso oo caddayn leh. 

h) In murarashaxiinta u tartamaysa kursi kasta ay helaan fursado siman oo ay ergada kursiga kula kulmi karaan, ergadana aan loo diidin inay si siman u arki karaan murashaxiinta kursiga 

i) In aan Muqdisho loo soo wareejin karin kuraas deegaan doorasho kale. 

j) In la xaqiijiyo qoondada haweenka lana qeexo sida ay ku imaaneyso, si meesha looga saaro hab hawo-raac ah oo qoondaynta loogu beegsanayo murashax gaar ah. 

Qoraalka ayaa ugu danbeyn lagu yiri “Goluhu wuxuu diyaar u yahay in uu doorashooyinka ka qaybgalo haddii la waafajiyo shuruudaha kor ku xusan, haddiise la baal maro, lana sii wado boobka doorashada, Goluhu isagoo ka duulaya waajibaadka qaran ee saaran, wuxuu qaadayaa tallaabooyinka lagama maarmaanka u ah samatabixinta qaranka iyo qabashada doorasho hufan.”

Maxkamadda ciidamada PUNTLAND oo amar culus dul-dhigtay hay’adda PSF

Garoowe (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee maamulka Puntland ayaa war ka soo saartay Ilaalinta dhammaan Hantida hay’adda ciidamada PSF, oo garab ka mid ah ay xiisad xooggan kala dhaxeyso madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

Qoraal ka soo baxay Maxkamadda ayaa lagu amray Agaasimaha hay’adda PSF S/Guuto Amiin Cabdullaahi Xaaji Khayr in uu mas’uuliyad iska saaro Ilaalinta dhammaan Hantida Ciidanka PSF. Hoos ka aqriso qoraalka maxkamadda.

KU: AG/Guud ee Ciidamada PFS S/Guuto Aamiin Cabdullahi Xaaji Khayr
OG: Madaxweynaha Dowladda Puntland
OG: Wasiirka Amniga Dowladda Puntland
OG: Taliyaha Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland
OG: Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee Dowladda Puntland 

Anigoo tixraacaya qodobada xeerka ciqaabta ciidamada qalabka sida ee Dowladda Puntland iyo Soomaaliya, sida qodobada soo socda:- (B) 289. (T) 290. (J) 291. (X) 305/306/307. 

Kuwaas oo tilmaamaya xariga, ganaaxa iyo ciqaabta Saraakiisha ciidamada qalabka sida ee Dowladda Puntland. Qodobadan soo socda waxay fiira gaar ah u lee-yihiin Saraakiisha ciidamada qalabka sida iyo dembiyada ay galaan 308/309/310/311, qodobadaasi waxay qeexayaan Xilkaqaadista, Xariga iyo ganaax ay mutaystaan dhammaan saraakiisha ciidamada ee gala dembi in laga qaado Xilka, in Xabsi loo diro iyo in Ia Ganaaxo.

Qodobada Xeerka ciidanka oo lala akhriyo qodobada dastuurka dowladda Puntland, sharciga iyo kala dambaynta wixii amardiido Dowli ah Ia yimaada ayaa lagu qaadayaa qodobada kor kuxusan.

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa ah Taliyaha Guud Ciidamada Qalabka Sida Ahna Illaaliyaha Sharciga, Dastuurka, Qawaaniinta iyo Shuruucda Dalka u yaalla. Xil Magacaabis iyo Xilkaqaadis waxaa iska leh Taliyaha Guud ee Ciidmada Qalabka sida ee Dowladda Puntland waana Madaxweynaha Dowladda Puntland.

QODOBKA 1-AAD ee kala saraynta ciidamada Qalabka sida ee dowladda Puntland, cidkastoo ka hortimaada qawaaniinta, shaciga iyo kala dambaynta dowliga ah waxaa lalatiigsanayaa xeerka ciqaabta ciidamada qalabka sida iyo Maxkamad ciidan oo Ia horkeeno cidkasta oo ku xad gudubta Dastuurka Dowladda Puntland iyo ilaalinta Dartuurka sharciga ciidanka u yaalla. Cidkasta oo ku xad gudubta waxay la kulmaysaa ciqaab Maxkamadeed, qofkasta wuxuu Ia kulmayaa ciqaabta u dhiganta qodobada kor ku xusan.

Waxay Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida iyo Dembiyada Culus soo gudbinaysaa, kuna Amraysaa Agaasimaha Guud ee ciidanka PSF S/Guuto Amiin Cabdullahi Xaaji Khayr inuu ilaaliyo, masuuliyad dhammaystirana iska saaro Hubka, Gaadiidka, Dareeska iyo dhammaan hantida ciidamada PSF wax Bad ku jira iyo wax Beriyaalaba, isla- markaana uga guto waajibaadkiisa sida uu qabo dastuurka Dowladda Puntland ee dhawrista hantida Dowliga ah. 

S/GUUTO MAXAMUUD CABDI MAXAMED

Arrinta madaxweyne Farmaajo ‘xitaa uga muhiimsan in markale dib loo soo doorto’

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee maamulka HirShabelle Dr Maxamed Cabdi Waare oo wareysi siiyey telefishanka Universal ayaa sheegay in madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ay wax walba uga muhiimsan yihiin inuu meel-mariyo labadii sano ee muddo kororsiga.

Waxa uu sheegay in go’aanka muddo kororisga uu yahay mid xataa kala weyn in uu markale dib loo doorto oo uu soo laabto, maadama uu si buuxda u hubin waxa kasoo bixi doona doorashooyinka.

“Aniga aqoon ayaa u leeyahay xaalad walba ayaa isla so marnay, wax walba waxaa uga muhiimsan in uu meelmariyo labadii sano, go’aankaas xataa in isaga uu madaxweyne soo noqdo waa uga muhiimsan tahay,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dooda ka taagan kuraasta qaarkood iyo hadal haynta ka taagan ay tahay mid dabooleysa hanaanka qaldan ee doorashada iyo muddo dhaafkeeda, taasi oo uu sheegay inay si dadban ugu meelmarinayso muddo kororsiga uu rabo madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday, Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

“In kuraasta lagu mashquulo aniga waxaa u arkaa inay tahay istaraatijiyada ay wadato dowladda oo ujeedada tahay yaan la fiirin wax weyn oo haleysan, ha lagu mashquulo kursiga Yaasiin Farey iyo kursiga hebelow, markay qir iyo qir gaarto ha la fasaxo.

Hadalkan ayaa imanaya xili ay doorashada Golaha Shacabka ka dhasheen cabashooyin badan oo la xiriira kuraas si gaar ah loogu xiray shaqsiyaas, ayada oo laga hor istaagay musharaxiin u taagna iyo nabaddoonadii saxiixahooda rasmiga laha.

Inkasta oo ay socota doorashada haddana waxaa jira gaabis badan oo ku yimid jadwalka loo asteeyay, taasi oo muddo kale ugu sii daraya in madaxweyne Farmaajo uu sii dhex fadhiyo Villa Somalia, midaasi oo si adag uga horyimaadeen mucaaridka.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

DF oo qiratay arrin ay in badan diidanayed kadib markii…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir Maxamed Xasan Baari ayaa markii u horeysay qiray in dowladda Soomaaliya uu hareeyay musuq-maasuq baahsan, islamarkaana ay tahay mid sax ah warbixintii ay kaalinta hore ka gashay ee wax isdaba-marinta.

Guddoomiyaha ayaa waxa uu ugu baaqay guddiga la dagaalanka musuq-maasuqa inay xiligaan xooga saaran oo si gaar ah isha ugu hayaan musuq-maasuqa ka jira arrimaha doorashooyinka.

Maxamed Baari ayaa soo jeediyay in guddiga uu baaris ku sameeyo qarashaadka ay musharaxiinta u taagan kuraasta Golaha Shacabka ku bixiyaan doorashada, xili dhawaan ay soo baxeysay in guddiga doorashooyinka si gaar ah loo afgarto.

Sidoo kale waxa uu dalbaday in dhamaan hay’adaha dowladda si dhow ula shaqeeyan gudigaas, isagoona sheegay saameynta uu musuqa ku leeyahay dalka ay tahay mid la dareemi karo.

Hadalkan ayaa imanaya un maalmo kadib markii ay shaacisay hay’adda Transparency International in markale Soomaaliya ay kaalinta ugu hooseysa ka gashay wadamada ugu musuq-maasuqa badan, marka la eego caalamka oo dhan.

Hay’adda Transparency ayaa shaaca ka qaaday qiimeyn cusub oo ay sameysay, waxaana Soomaaliya ay gashay kaalinta koowaad ee dalka ugu musuq-maasuqa badan adduunka.

Soomaaliya ayaa ka hoos martay qiimeyntii la sameeyey 2019-kii xilligaas oo ay ku jirtay 9-aad, hadase waxa ay noqotay 1-aad, sida ay shaacisay Transparency International.

Sidoo kale warbixintan ayaa lagu shaaciyey wadamada kale ee galay safka hore liiska ugu hooseeya, waxaana ka mid ah South Sudan, Sudan, Equatorial Guinea & Guinea-Bissau.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Daawo: Axmed Cabdikariin: “Waxaa si shirqool ah la iigu ballamiyey YAASIIN FAREY kadibna waxaa dhacay…”

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Axmed Cabdikariin Gabeyre oo ka mid ahaa musharaxiintii kursiga Hop067 ee Yaasiin Farey uu ku soo baxay ayaa sheegay in guddiga xalinta khilaafaadka ay u dhigeen dabin iyo shirqool halis ah.

Musharaxaan ayaa sheegay in guddiga uu u gudbiyey dacwad ka dhan ah Yaasiin Farey, balse ay u ballamiyeen Yaasiin Farey oo si khasab ah warqad uga saxiixay.

Axmed Cabdikariin oo ka sheekeeyey qaabkii loo shir qoolay ayaa sheegay in xubnaha guddiga xalinta khilaafaadka ee dacwada uu u gudbiyey ay ku balamiyeen goob uu joogo Yaasiin Farey, kadibna mudo 10 daqiiqo ah uu la shiray Yaasiin oo ku qasbay inuu ka laabto dacwada kursigaas.

“Xubnihii guddiga markii aan u tegay waxay i geeyeen goob xero ciidan ah oo Yaasiin Farey uu joogo, goobtaas waa xarunta NISA ee garoonka u dhaw, aniga iyo Yaasiin halkaas ayaan iska raacnay, markii aan tagnay xafiiskii guddiga khilaafaadka, waxay nagu yiraahdeen ma wada socotaan? Shaki badan ayaa i galay aniga, waxaana ku adkeystay in dacwadii aan watay,” ayuu yiri Axmed Cabdikariin.

Waxa uu sheegay in isaga iyo Yaasiin Farey ay goobtaas ku murmeen, isla markaana guddigu ay uga baxeen xafiiska, taas oo ugu dambeyn ku qasabtay in warqad dacwad ka noqosho ah laga saxiixo.

“Yaasiin waxuu igu yiri ka laabo dacwadaan waxaba kama dheefeyside, guddigii waxay nagu dhaheen 10 daqiiqo shira, waana nooga baxeen xafiiskii, wax aan 10 daqiiqo dhameyn ayaan wada fadhinay, waxaana go’aansaday in ammankeyga aan ka shaqeeyo, dareenkeygu waxuu isiiyey in warqad dacwad ka noqosho ah aan qoro, warqadii guddigaa soo qoray, ana waan u saxiixay, si aan u badbaadiyo nafteyda,” ayuu yiri Musharax Axmed Cabdikariin.

Intaas kadib waxa uu sheegay in dib uu uga laabtay warqadii uu saxiixay ee dacwad ka noqoshada aheyd, oo guddigii uu dib ugu laabtay, haatana ay dacwo kale u furan tahay.

“Guddigii ayaan ku laabtay, waxaana ku iri arrinkii aad igu sameyseen mid sax ah ma aheyn, waad i shir qoosheen, anigoo badbaadinaaya nafteyda ayaad warqadaas iga saxiixdeen, laakiin hada waxaan diyaar u ahay in dacwadeydii aan dib ugu noqdo, hadda waxaa ii socota dacwadeyda, laakiin waxaan aaminsanahay in aysan ku dhamaa doonin si xaq iyo xalaal ah,” ayuu yiri Musharax Axmed Cabdikariin.

Sidoo kale waxa uu ka hadlay go’aanka guddiga xalinta khilaafaadka ay ku hakiyeen natiijada kursigaas, isagoo sheegay in waxba aysan kasoo baxi diinin oo hadaba lasii ogyahay natiijada soo socota.

Hoos ka daawo shirka jaraa’id ee musharax Axmed Cabdikariin

Qiimaha hubka oo sare uga kacay magaalada Muqdisho iyo sababta ka dambeysa

Muqdisho (Caasimada Online) – Qiimaha kala iibsiga hubka ayaa sare u kac xoog leh laga dareemay gudaha magaalada Muqdisho, waxaa kale oo kordhay dhaqdhaqaaqa dalaallada hubka, iibka, kala wareejinta iyo arrimaha la xiriira.

Xog uruurin laga sameeyey suuqyada hubka ee Muqdisho waxaa ku cad in qoryaha qaar uu qiimahoodu kordhay 100% sideeddii bil ee ugu dambeysay, taasi oo muujineysa sida dhaqdhaqaaqu yahay.

Mid ka mid ah kuwa hubka iibiya oo magaciisa C. M. aan kusoo koobeyno sababo amni waxaa uu leeyahay “Waxaa batay qoryaha la iibsanayo, siyaasiyiin iyo dad caadiya waa naga iibsadaan, diyaar-garow ayaa jira, ma ogin”.  Mar aan weydiinay goorta ay qiimaha kordheen “April markii dagaalka dhacay kadib waaye” ayuu kusoo gabagabeeyey.

Ganacsatada hubka ayaa sheegaya in uu jiro hub uruursi xooggan, uuna kala badan yahay dalabka iyo hubka suuqa yaalla iyaga oo intii raaciyey in aaney tan oo kale dhicin wixii ka dambeeyey 2009-kii.

Isbadalka Qiimaha:

AK47 nooca Kuuriyanka halkii uu ka ahaa $800 hadda suuqa waxaa uu ka joogaa $1,100

AK47 nooca Qarshoole halkii uu ahaa $1,000 hadda waxaa qiimahiisa gaaray ilaa $1,700

Qoriga BKM waxaa uu qiimahiisu ahaa $9, 000 hadda waxaa uu suuqa ka joogaa $13,000

Qoriga Dhashiike Dabamalaay halkii uu ka ahaa $8,000 waxaa uu hadda marayaa qiimahiisu ilaa $17,000

Qoriga Dhashiike Dabool yare oo qiimahiisu ahaa $8,000 hadda waxaa uu gaaray ilaa $15,000

Qoriga Sabanka halkii uu qiimahiisu ahaa $1,000, waxaa uu hadda gaaray ilaa $1,600

Bastoolada Dhabancas halkii qiimaheedu ka ahaa $1,800 hadda waxaa ay gaartay ilaa $2,500

Bastoolada Biljim-ta oo qiima ahaan horay u joogtay $1,800 hadda waxaa ay joogtaa $2,500

Basoolada Tetega oo markii hore lagu iibin jiray $700 iminka waxaa uu qiimaheedu gaaray ilaa $1,200

Dhanka rasaasta: Rasaasta AK47 xabaddii aheyd $1.2$ waxay gaartay $1.5, Rasaasta BKM oo la iibin jiray  $1 waxay hadda joogtaa $1.5, Rasaasta Shashike oo halkii Sanduuq ahaa $150 hadda waa $250, Rasaata Suugga oo halki xabo horay u ahaa $10 iminka waxaa uu gaaray $20 halka Raasta RBJ ama Sabanka oo $90 ahaa uu marayo ilaa $180.

Dalka waxaa ka socota doorasho guud, oo ah tii ugu musuqa badneyd tan iyo 1969-kii, iyada oo kuraasta loo xerayo dad gaar ah, la badalayo odeyaashii saxiixayaasha ahaa, la qortay qaar cusub, beelaha qaar la dhacay,  lana diiday tartan hufan oo musharaxiinta beelaha ah, taasi oo horseedi karta cabsi laga qabo qalalaaso iyo in dagaallo sokeeye ay dib u qarxaan.

Isha: Goobjoog 

James Swan oo si weyn usoo dhoweeyey tallaabooyin ay qaaday DF Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Isaga oo ka qeyb galaya Munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee La dagaalanka Musuqmaasuqa, ayuu Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay dhismaha hay’ado isla xisaabtanka iyo hufnaanta leh, wuxuuna soo dhoweeyay horumarka uu dalka ka sameeyay dhinacyadan.

“Musuqmaasuqu wuxuu caqabad wayn ku yahay horumarka. Wuxuu wiiqayaa dedaallada ku aaddan dowlad-dhisidda, nabadda iyo dib-u-heshiisiinta. Sidoo kale wuxuu wiiqayaa kalsoonida shacabka, wuxuuna wiiqayaa hay’adaha dowliga ah iyo awooddooda ay ugu adeegayaan shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Mr. Swan.

“Ayadoo taa la eegayo, Qaramada Midoobay waxaa dhiirigeliyey ku biirista Soomaaliya ay dhowaan ku biirtay Axdiga Qaramada Midoobay ee ka hortagga musuqmaasuqa,” ayuu raaciyay. “Tani waa tallaabo muhiim ah oo horay loo qaaday.”

Axdiga Qaramada Midoobay ee ka dhanka ah musuqmaasuqa (UNCAC), oo ay Soomaaliya ka noqotay xubin-Dowladeed 11-kii Agoosto 2021, waa aalad caalami ah oo muhiim ah oo lagu joogteeyo, lagu maareeyo lagulana socdo dagaalka waddamada ee ka dhanka ah musuqmaasuqa. Waa aaladda kaliya ee si sharci ah ugu xiran adduunka ee la dagaalanta musuqmaasuqa.

“Qaramada Midoobayda Soomaaliya waxa ay soo dhowaynaysaa sida ay uga go’an tahay Dowladda Faderaalka ah dhanka hirgelinta dib-u-habaynta lagu xoojinayo dawladnimada iyo in la yareeyo u nuglaanshaha musuqmaasuqa. Ballanqaadkan waxa caddaynaya magacaabista guddiyada madaxa bannaan ee la dagaalanka musuqmaasuqa bishii Maajo 2021,” ayuu yiri Swan.

“Waxaan ku boorineynaa dhammaan laamaha dowladeed inay qaadaan tallaabooyin dheeraad ah si loo ilaaliyo daacadnimada iyo isla xisaabtanka maamulka maaliyadda iyo tas-hiilaadka dadweynaha iyadoo la xoojinayo qaababka sharciga iyo hay’adaha ee ka dhanka ah musuqmaasuqa islamarkaana la adeegsanayo dhaqangelin adag iyo tallaabooyin ciqaabeed,” ayuu yiri Mr. Swan.

Guud ahaan caalamka, Maalinta Caalamiga ah ee La dagaallanka Musuqmaasuqa ayaa laga xusayaa 9-ka Diseembar iyadoo ujeedadu tahay sidii kor loogu qaadi lahaa wacyiga ku saabsan arrimaha musuqmaasuqa iyo doorka UNCAC ee ka hortagga iyo la dagaalanka.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Intee le’eg tahay lacagta lasoo rogay ‘ee lagu afgaranayo’ guddiyada doorashooyinka?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii ay bilaabatay doorashada Golaha Shacabka ayaa waxaa isa-soo tarayay Musharaxiinta laga hor istaagayo inay isku soo taagan kuraasta ay xaqa u leeyihiin inay ku tartamaan.

Sidoo kale waxaa soo baxayay in kuraasta qaarkood si gaar ah loogu xiray shaqsiyaad gaar ah, ayada oo meesha laga saaray saxiixayaashii rasmiga ahaa ee kuraastaas.

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kamid ah Midowga Musharaxiinta ayaa sheegay in Musharaxiinta laga hor istaagayo doorashada ay ka dhalan karto cawaaqib adag oo saameyn ku yeelata deganaanta dalka.

“Ruuxa tartama ee laga guulaysto, xanuun guuldarro oo keli ah ayuu xambaartaa, laakiin haddii tartanka loo diido, ama la xoogo, waa ciishoodaa, ciilkuna wuxuu keenaa aargudasho, waana tan sababaysa colaadda iyo in wixii yaraa ee inoo dhoobdhoobnaa ay dumaan, lana waayo cid u ooyda, kolkaana kii wax boobay, kii la boobay iyo kii ku fiirsadayba ay cidla isku warsadaan,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Guddiga doroashada ay qeyb ka tahay wax is-daba-marinta ka taagan doorashada, kuwaasi oo aduun lacageed ku badalanaya boobka kuraasta, sida uu sheegay.

Waxa uu intaas kusii daray in musharaxa u taagan tartanka kursiga waajib looga dhigay inuu bixiyo lacag dhan Kun dollar, si uu u helo shahaadada dembi la’aanta.

“Waxaa la yiri ergada wax dooranaysa waa in qofkiiba uu $30 bixiyo si loo siiyo shahaado danbi la’aan ah, haddana waa in uu $50 bixiyo si uu shahaadada COVID19 u helo. Murashaxa kursiga u xiran yahay ee loo boobayana waa in uu bixiyaa $1000 si uu shahaado danbi la’aan ah u helo, waana in uu qarashka ka bixiyaa ergada, welina lacag kale oo dheeraad ah siiyaa, si ay ugu codeeyaan. Si boobka loo xalaaleeyo waa in uu guddiga doorashada afgartaa.”

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in sida ay wax u socdaan lagu tilmaami karin doorasho ee yihiin “boob, xaraash, laaluush iyo awood sheegaso bareer ah”.

“Madaxweynaha Dowlad Goboleedka waa in uu isagu kuraasta boobo haddii uu musharrax yahay, ama uu murashax kale u boobaa. Taasi doorasho maaha ee waa boob, xaraash, laaluush iyo awood sheegasho. Horaa loo yiri “ Wan ilaa la gowraco indhihiisa cirka ma arkaan”

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Yaa lagu soo qabtay howl-galkii ka dhacay Kaaraan?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Booliska ayaa xalay howl-gal ballaaran ka sameeyey qeybo ka mid ah gudaha magaalada Muqdisho, gaar ahaan xaafado ka tirsan degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Howl-galka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa horkacayey taliyaha cusub ee saldhigga Kaaraan Salaad Caraale, waxaana lagu soo qab-qabtay tiro dad ah oo u badan dhalinyaro.

Wararka ayaa sheegaya in dadka lasoo qab-qabtay ay ku jiraaan kooxo burcad ah oo dhac baahsan habeenadii ka geysan jiray gudaha degmadaasi, kuwaas oo xabsiga la dhigay.

Sidoo kale ciidamada ayaa gacanta ku dhigay dhalinyaro koox koox isugu xiran oo ciyaal weero ah, kuwaas oo iyaguna ay dhubaato ku qabeen dadka deegaanka.

Saraakiisha laamaha ammaanka oo ka hadlay howl-galkan ayaa shaaca ka qaaday in ujeedka uu yahay sidii loo sugi lahaa amniga degmada Kaaraan oo muddooyinkii lasoo dhaafay ay ka dhacayeen falal lidd ku ah amniga, una badan dhaca dadka shacabka ah.

Laamaha ammaanka ayaa sidoo kale intaasi ku daray inay sii wadi doonaan howl-gallada ka bilowday halkaasi, si looga hortago burcadda iyo dadka ku howlan amni darrada.

Kaaraan ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay ka mid aheyd degmooyinka ugu badan ee laga soo warinayey falalka amni darada ah waxaana ay qaylo dhaan kasoo yeereysay shacabka.

Si kastaba, ciidamada Booliska ee Soomaaliya ayaa habeenadii lasoo dhaafay iyaguna xoojiyey howl-gallada magaalada Muqdisho o ay ka socota doorashada Golaha Shacabka.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Wararkii ugu dambeeyey ee xiisadda PSF ee Boosaaso

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Xaalad deganaasho ah oo aan caga badan ku taagneyn ayaa maanta laga dareemayaa gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, halkaas oo ay weli isku horfadhiyaan ciidamada Puntland iyo kuwa PSF-ta ee maamulkaasi ee taabacsan agaasimihii xilka qaadista lagu sameeyey ee Maxamuud Cismaan Diyaano.

Wararka ayaa sheegaya in jawiga magaalada uu yare dagan yahay, waxaana haatan dhaq-dhaqaaq ciidan laga dareemayaa oo kaliya agagaarka madaxtooyada Puntland ee Boosaaso.

Sidoo kale waxaa jira dadweyne isaga barakacay xaafadaha ka agdhow xeryaha ay ku sugan yihiin ciidamada Puntland Security Forces, kadib cabsi dagaal oo soo wajahday.

Waxaa sidoo kale billowday dadaallo ay wadaan siyaasiyiin ka soo jeeda magaalada Qardho oo dhex-dhexaadin ka dhex bilaaban labada dhinac, si loo qaboojiyo xiisadda taagan.

Siyaasiyiinta ayaa kulamo kala duwan la yeeshay mas’uuliyiinta is-haya, balse ma jiro illaa iyo hadda wax natiijo ah oo kasoo baxay wada-hadallada oo lagu ballamay inay sii socdaan.

Xiisaddan ayaa kasii dartay, kadib markii madaxweyne Saciid Deni uu ku gacan seeray go’aankii ay soo saareen isimada Puntland oo maalmihii lasoo dhaafay ku howlanaa xal ka gaarida xaaladda ka taagan Boosaaso oo kala dhalatay xilka qaadista bishii lasoo dhaafay lagu sameeyey agaasimaha taliska PSF-ta Puntland General Maxamuud Cismaan Diyaano.

Si kastaba, ma cadda sida ay wax noqon doonaan, halka ay ku dhammaan doonto xiisaddan, waxaana labada garab ee is haya ay weli dhaq-dhaqaaq ka wadaan magaalada dekadda leh ee Boosaaso, isla-markaana xarun ganacsi u ah Puntland, Soomaaliya.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Imaaraadka oo go’aan yaab leh uga guuray dhaqankii Islaamka ee maalinta Jimcaha

Abu Dubai (Caasimada Online) – Waaxyaha dawladda faderaalka ee Imaaraadka Carabta ayaa lagu wadaa in ay wax ka badalaan toddobaadka shaqada laga billaabo 1-da Bisha Janaayo ee sanadka 2022, iyadoo inta badan dalka la filayo in ay ku daydaan.

Shaqaalaha dawladda ee heer wasiir ayaa qaadan doona afar maalmood iyo Maalin haafkeed oo shaqo ah todobaadkii, waxayna shaqeyn doonaan Isniinta ilaa Khamiista, halka maalinta Jimcaha ah la shaqeyn doono maalin barkii.

Sidoo kale, maalmaha Sabtida iyo Axadda ayaa shaqaalaha dowladda u noqon doono maalmaha fasaxa cusub taasoo ka dhigan in Dowladda Imaaraadka ay gebi ahaanba ka guurtay dhaqankii ay isticmaali jireen dowladaha Islaamka ah oo ah in Maalinta Jimcaha ah oo ah maalin barakeysan la nasto, islamarkaana laga faa’ideysto fursadaha cibaado ee ay wadato.

Xukuumadaha Dubai iyo Abu Dhabi waxay sheegeen in shaqaalahooda ay qaadan doonaan saacado isku mid ah iyadoo la filayo in dhawaan lasoo saaro saacadaha cusub ee shaqada.

Wargeyska The National ayaa sheegay in sidoo kale jadwalkaan cusub ay ku dhaqmi doonaan dhammaan iskuullada ku yaalla dalkaas marka laga soo laabto fasaxa ay ardayda ugu maqan yihiin imtixaanka koowaad ee sanad dugsiyeedkaa.

“Go’aankaan wuxuu si wanaagsan isugu xiri doonaa Imaaraadka Carabta iyo Suuqyada Caalamiga ah, taasoo ka tarjumaysa heerka istaraatiijiyadeed ee uu gaaray dalkaan muhiimka u ah dhaqaalaha caalamka, wuxuuna sidoo kale kor u qaadi doonaa wax soo saarka, wuxuu hagaajin doonaa dheelitirka shaqada iyo nolosha,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Xafiiska Warbaahinta Dowladda Imaaraadka Carabta .

Illaa hadda go’aanka dowladda kuma caddo in go’aankan uu yahay mid saameenaya dhammaan shirkadaha iyo hay’adaha sida gaarka ah loo leeyahay, balse shirkaduhu uma baahna ogolaanshaha dawladda si ay u dejiyaan usbuuca shaqada.

Wasiirka khayraadka ee Imaaraadka Carabta Abdulrahman Al Awar oo la waydiiyey haddii uu go’aankaan saameenayo ganacsiyada sida gaarka ah loo leeyahay ayaa sheegay inaan shirkadahaas loo sheegi doonin sida ay u maamulanayaan shaqadooda.

“Shirkadaha ganacsiga gaarka loo leeyahay waa kuwo caqli badan, waxayna ku shaaqeeyaan suuq tartan badan leh… waxay go’aankooda ku gaari doonaan waxa ay u arkaan inay u roon tahay ganacsigooda,” ayuu yiri isagoo la hadlayey The National.

Nidaamka cusub waxa uu ka dhigan yahay in shaqaalaha Dowladda dhexe iyo qaar badan oo ka mid ah shaqaalaha dowladda hoose ay shaqayn doonaan 7:30 subaxnimo ilaa 3:30 galabnimo laga bilaabo Isniin iyo Khamiis taasoo ka dhigan in saacadaha shaqada ee hadda lagu shaqeeyo lagu kordhin doono 90 Daqiiqo.

Sidoo kale, Maalinta Jimcaha ah ayey shaqaalaha shaqeyn doonaan laga bilaabo 7:30 subaxnimo illaa duhurkii, waxaana jirta suurta-galnimada in shaqaalaha lagu khasbo inay waqtiga dhiman kasoo shaqeeyaan guryaha sida laga soo xigtay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda.

Maalmaha shaqada ee Imaaraadka Carabta ayaa waxaa u dambeysay in isbadal lagu sameeyo sanadkii 2006 markaas oo laga soo guuray maalmaha fasaxa ahaan jiray ee Khamiista iyo Jimcaha, islamarkaana loosoo guuray in fasaxa asbuuca uu noqdo Jimco iyo Sabti, waxayna midaas keentay in Imaaraadka ay la jaanqaadaan suuqyada caalamka xilli dhaqaaluhu si xawli ah u korayay.

Intii u dhaxaysay 1971 iyo 1999 dalka Imaaraadka Carabta waxaa laga shaqeyn jiray lix maalmood Todobaadkii iyadoo dowladda xilligaas u aqoonsaneyd Maalinta Jimcaha ah inay tahay maalin fasax ah.

Sanadkii 1999 ayey dowladda ku dhawaaqday in Maalinta Khamiista ah laga dhigay maalin fasax ah sida Maalinta Jimca ah oo kale.

Saxiixaha kursiga uu Mahad Cawad ‘ku guuleystay’ oo war xasaasi ah soo saaray

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ugaas Cabdillaahi Ugaas Aadan Ugaas Xaaji Xuseen oo ah Ugaaska guud ee beesha Cabdale ayaa si adag uga horyimid doorashada kursiga HOP#104, oo la sheegay inuu ku soo baxay Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee baarlamaanka, Mahad Cawad.

Waxa uu sheegay inaysan jirin wax la yiraahdo doorasho, midda uu ku soo baxay Mahad Cawad “ay tahay been la dhoodhoobay iyo boob cad”, sida uu hadalka u dhigay.

“Ugaasyada Soomaaliyeed kuwa ugu caansan ayaa kamid ahay, Kursigaas ergo ma dooran, Ugaaskii guud aniga ah oo ma saxiixin, Odayaal aan soo xulay iyo wax habraac ah oo Dastuurka ogol yahay looma marin,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in kursigaas uu saxiixay Nin Askari ah oo lagu magacaabo Dhakow, kaasi oo sharci darro ku ah hanaanka doorashada iyo Dastuurka dalka.

“Musharaxiinta waa loo diiday shahaadadii tartanka marqaati baa ugu nahaya Saleebaan Cabdalle waa loo diiday Kursiga, aniga oo ah Ugaaskii waa la iga hor istaagay. Dacwad ayaa ka gudbinay.”

Waxa uu intaas kusii daray inay ka go’an tahay in si gaar ah u sameystaan doorashada kursigaas, haddii wax laga qaban waayo doorasho ku sheega uu ku soo baxay Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee baarlamaanka.

Kursiga HOP#104 ayaa waxaa sida la fahamsan yahay waxaa si gaar ah loogu xiray Mahad Cawad, wuxuuna ka mid yahay kuraasta ay ka taagan tahay cabashada ugu culus, waxaana isa-soo taray mad-madow ku gadaaman doorashada Golaha Shacabka ee ka socota dalka.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

IRAN oo wajaheysa weerar – Maxay Israel iyo Mareykanka maanta billaabayaan?

Tel Aviv (Caasimada Online) – Saraakiisha difaaca Mareykanka iyo Israel ayaa maanta billaabaya dhoola-tus militari oo loogu diyaar garoobayo weerar lagu burburiyo goobaha Nukliyeerka Iran, haddii ay guuldarreystaan dadaallo diblomaasi oo socda.

Kulanka maanta dhex-maraya saraakiisha Mareykanka iyo wasiirka difaaca Israel Benny Gantz ayaa daba socda warbixin ay madaxda wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka 25-kii October u gudbiyeen la-taliyaha amniga qaranka Mareykanka Jake Sullivan oo la xiriirtay tallaabooyinka militari ee la qaadi karo si loo xaqiijiyo in Iran aysan helin hub Nukliyeer ah.

Diyaar-garowga Mareykanka iyo Israel, oo xogtiisa ay heshay wakaaladda warraka Reuters, ayaa astaan u ah heerka uu la egyahay walaaca ay Reer Galbeedka ka qabaan sida ay u adag yihiin wada-hadallada Nukliyeer ee lala leeyahay Iran.

Wada-hadalladaas ayaa madaxweyne Biden uu doonayaa inuu dib ugu soo nooleeyo heshiiskii Nukliyeer ee la gaaray 2015, kuwaas oo uu ka baxay madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump. 

Hase yeeshee saraakiisha Mareykanka iyo Yurub ayaa niyadjab ka muujiyey dalabyada Iran iyo shuruudaha adag oo ay soo bandhigtay si heshiiska dib loogu soo cusbooneysiiyo. 

Saraakiisha Mareykanka way diideen inay faah-faahiyaan nooca dhoola-tus militari ee ay sameynayaan.

“Waxaan ku suganahay xaaladdan adag sababtoo ah barnaamijka nukliyeerka Iran wuxuu horumarkiisu gaarayaa heer aad u sarreeya,” ayuu yiri sarkaal la hadlay Reuters. 

Hay’adda tamarta adduunka ee IAEA ayaa toddobaadkii tegay sheegtay in Iran ay billowday kobicnta macdanta uranium-ka ee la gaarsiiyey saafi ahaan 20%. 

Taliyaha ciidamada cirka ee Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran, Amir Ali Hajizadeh ayaa horey u sheegay in Israel ay u qoran tahay “ in la cirib-tiro” islamarkaana tallaabo kasta oo ka dhan ah Iran oo ay qaado ay taasi soo dedejin doonto.

Isaga oo ka hadlayey munaasabad ka dhacday Tehran, ayaa Amir Ali Hajizadeh wuxuu ugu jeesjeesay Israel “inay tahay taliska kaliya ee dunida ka jira ee ka doodaya sidii ay ku badbaadi lahaayeen.”

“Taliska Sahnuuniyadda ee ka hadlaya jiritaankooda waxaa u qoran baaba’ mana ka hadli karaan burburinta dalal kale,” ayuu yiri Amir Ali Hajizadeh oo ay soo xigatay wakaaladda wararka Tasnim.

“Haddii ay ku adkeysanayaan inay xaddidaan awoodaheena gantaallo iyo diyaaradaha drone-ka, waxay taasi muujineysaa awooddeena.”

“Ma dooneyno inaan qeexno awooddeena, sababtoo ah cadowga ayaa si ku filan uga hadla gantaallada Iran iyo difaaceenna,” ayuu yiri.

Isaga oo ka jawaabaya hadalka saraakiisha Israel ayaa waxaa u yiri “Dalka Yahuudda ah dagaal waa uu billaabi karaa, balse Jamhuuriyadda Islaamiga ah ayaa kusoo afjari doonta cirib-tirka taliska Sahnuuniyadda.”

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Askarigii ka dambeeyey dilka ciyaartoydii Beledxaawo oo xukun adag lagu ridday

0

Beledxaawo (Caasimada Online) – Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, qeybta 27-aad ayaa maanta soo gaba-gabeysay dacwad ka dhan ah Maxamed Cali Xuseen oo ka tirsan hay’adda nabad sugida, isla-markaana lagu soo eedeeyey dilka laba ciyaartoy oo dhowaan ka dhacay garoon ku yaalla magaalada Beledxaawo oo ka tirsan gobolka Gedo.

Maxamed ayaa lagu xukumay dil toogasho oo ah qisaasta marxuumiinta kala ah Sakariye Axmed Gaarane iyo Axmed Sharmaake Cabdullahi oo ka mid ahaa dhalinyarada deegaanka.

Maxamed Amiin Cabdulle Aadan oo ah guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida, qeybteeda 27-aad oo ku dhawaaqay go’aanka maxkamadda ayaa shaaca ka qaaday in dable Maxamed Cali Xuseen lagu helay dacwadda dilka ah ee lagu soo eedeeyey, wuxuuna sheegay inuu si bareer ah u furay rasaasta isla-markaana lagu xukumay dil toogasho ah.

Dilka labada dhalinyarada ah oo caan ka ahaa Beledxaawo ayaa dhaliyey caro xoogan, maadaama uu ka dhacay garoon ay ciyaar ka socotay, kuna sugneyd bulsho badan.

Aadan Cumar Barkhadle oo ka mid ah waxgaradka deegaanka, isla-markaana aqoon qoto dheer u lahaa dhalinyarada la dilay ayaa wuxuu sheegay inay ahaayeen ubaxa hadda soo kacaayey, islamarkaana aad u firfircoonaa, bulshaduna ay si weyn uga  muuqdeen.

“Labada wiil ee ka midka ahaa dhalinyarada ciyaartoyda ee degmada Beled-xaawo weliba kuwooda la oran karo waa ubaxii hadda soo kacaayey oo ugu yar yar laba nin oo maashaa allaah oo firfircoon-bey ahaayeen oo aad u wanaagsan, aad loo jecelyahay,” ayuu yiri.

Si kastaba, xukunka ay maanta ridday maxkamadda ciidamada oo aad loo soo dadajiyey ayaa waxaa soo dhoweeyey ehellada marxuumiinta & inta badan shacabka Beledxaawo.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Shabaab oo weerar culus ku qaaday garoonka Jowhar

0

Jowhar (Caasimada Online) – Xoogag ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay xalay weerar madaafiic ah ku qaadeen garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe, halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidan ka tirsan kuwa AMISOM.

Wararka ayaa sheegaya in weerarka oo ahaa mid culus uu ku billowday madaafiic, waxaana xigay hub waa weyn oo ay iyaguna ku jawaabeen ciidamada Burundi ee ku sugan halkaasi.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay inay maqlayeen dhawaqa hubka ay is-weydaarsanayeen labada dhinac iyo dagaalka toos ah oo xigay.

Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ee ka dhashay weerarkaasi hoobiyeyaasha ku billowday iyo dagaalka dhex-maray Al-Shabaab iyo ciidamada AMISOM.

Al-Shabaab oo qoraal kooban soo saartay ayaa shaacisay inay dagaal dhowr jiho ah ay ku qaaday garoonka Jowhar oo ay sheegtay in xilligaas ay ku sugnaayeen saraakiil Cadaan ah, kuwa Afrikaan ah iyo ciidamo ka tirsan kuwa Bangaraafta, sida ay hadalka u dhigay.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ammaanka ee HirShabelle iyo kuwa AMISOM oo ku aadan dagaalkaas iyo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

Xaaladda ayaa maanta deggan, balse waxaa lagu soo warramayaa inay ciidamada huwanta oo iskaashanaya ay bilaabeen howl-galo lagu baadi goobayo ragii ka dambeeyey weerarka.

Jowhar ayaa waxaa ay ka mid ah tahay magaalooyinka waa weyn ee loo qorsheeyey inay ka dhacaan doorashooyinka dalka, waxaana badi weeraro ku soo qaado Al-Shabaab.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

“Sheekadii na dhex-martay Lafta-gareen habeenkii uu tartanka ka reebay JAWAARI”

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Cumar Cabdi Axmed oo ka mid ahaa musharaxiinta kursiga Hop103 ee laga boobay guddoomihiyii hore ee golaha shacabka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ka sheekeeyey qaabkii loogu diiday tartanka isaga iyo Guddoomiye Jawaari.

Cumar ayaa sheegay inuu ahaa musharaxii ugu horeeyey ee shaaciyey inuu u tartamayo kursigaas, isla markaana mudo shan jeer ah uu la kulmay madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen.

“Markii doorashadu bilaabatay Baydhabo ayaan tagnay, Madaxweyne Cabdicasiis waxaan is aragnay ugu yaraan shan jeer, fursad uma aana yeelan in aan la shiro oo habeen kasta balan hor leh ayuu ii qabanayey, laa ay dhacday doorashadii kursiga lagu boobay,”  ayuu yiri.

Waxa uu sheegay in habeenkii ugu dambeeyey ee fursada uu u helay inuu la shiro madaxweynaha uu ugu bishaareeyey in kursiga uu ka diray Prof. Jawaari, taas oo sida uu sheegay ay ku murmeen isaga iyo Lafta Gareen.

“Habeenkii ugu dambeysay oo ay ii suurta gashay in aan kulano Lafta Gareen, markii aan u galay xafiiska ayuu igu yiri bishaaro Prof. Jawaari waan ka diray kursiga, waxaan ku iri Madaxweyne soo muwaadin maaha, oo xaq uma laha inuu  tartamo, sidee uga dirtay kursiga? Kadibna waxuu igu yiri arrintaas odayaasha cida ayaan kala hadlaa ee habeen dambe ii soo laabo,” ayuu yiri  Cumar Cabdi.

Waxa uu sheegay in habeenkii xigay uu ku soo laabtay madaxtooyada si uu ula kulmo Lafta Gareen, “Habeenkaas waxuu igu yiri odayaashii waxay i dhaheen kursi in qof loo diido qofna loo ogolaado inuu u tartamo wax aan ogolaa karno maaha, waana iga tageen,” ayuu yiri Musharax Cumar Cabdi.

Intaas kadib waxa uu sheegay in habeenkii dambe ay ka war heleen in la diiwaan geliyey musharaxa kursiga loo boobay oo ahaa wasiir ka tirsanaa xukuumaddaLafta Gareen, sidaasna ay maalinkii ku dhacday doorashadu.

“Waxaan u tegay guddiga doorashada, guddoomiyaha ayaa igu yiri wax lacag ah ha iska bixin, anaga madaxweyne Lafta Gareen waxuu nagu yiri qofkii aan idiin soo diro siiya kursiga oo diiwaan geliya, Cabdicasiis waxa uu noo soo diray qofkaas ee lacag ha iska bixin,” ayuu yiri.

Waxa uu sheegay in xilli habeen ah la diiwaan geliyey musharaxii loo boobay kursiga, kadibna uu malxiis ka dhigtay askari ilaalo u ahaa, sidaasna lagu boobay kursigii uu afartii sano ee lasoo dhaafay ku fadhiyey guddoomiye Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Hoos ka daawo

Dowladda Kenya iyo QM oo isku haya go’aan saameyn kara kumanaan Soomaali ah

0

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa qorsheynaysa in xilliga kama dambeysta ah ee ay xireyso xeryaha qaxootiga ee Kakuma iyo Dhadhaab ay noqon doonto June 2022-ka, xilli ay Qaramada Midoobay ay waddo dadaalo ay ku dooneyso inay weli sii furnaadan xeryahaasi.

Wada-hadalo ku aadan xirista xeryahaas ayaa u socda Dowladda Kenya iyo Qaramada Midoobay waxay yeelanayaan kulan looga heshiinayo waqtiga kama dambeysta ah ee qorsheynayso Kenya.

Walaaca xirista xeryahaas ayaa kasii daraya kadiba markii ay hay’adda dhakhaatiirta aan Xuduudka lahayn ee MSF ay ka digtay in dadkaas lagu riixin inay ku laabtaan Soomaaliya oo uga sii dari karto arrinta, aysan ahayna mid keeni karta xal waara.

Warbixinta MSF ayaa sheegaysa in xiritaanka xeryaha qaxootiga ay horseedi karto dhibaato cusub oo barakac ah, maadaama ay gabi ahaanba ku qasbi doonto hay’adaha samafalka in ay ka baxaan gobolka, taasina ay keenayso in dhaqaalaha xerada uu burburo.

“Xiritaanka xeryaha qaxootiga ee la qorsheeyay bisha Juun 2022 waa inay noqotaa fursad lagu dardargelinayo geeddi-socodka xal-u-helidda qaxootiga,” ayay tiri Dana Krause oo ah madaxa MSF ee Kenya.

Wasiirka arrimaha gudaha Fred Matiang’i ayaa bishii Juunyo ee sannadkii hore ayaa ku dhawaaqay in la xirayo xeryaha Kakuma iyo Dhadhaab, oo ay qeyb ka yihiin Soomaali badan.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Muxuu yahay ujeedka shirka xasaasiga ah ee maanta ka furmay Muqdisho? + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir lagu howlgelinayey guddiga hoggaaminaya qorshaha ay ciidanka xoogga Soomaaliya ammaanka dalka ay ugala wareegayaan ciidamada AMISOM.

Taliyeyaasha ciidamada xoogga, booliska iyo wasiirro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya ayaa ka qeyb galay furitaankii shirkaas, iyagoo halkaas hadallo koo-kooban ka jeediyey.

Wakiillo ka socda hey’adaha ammaanka ee dowladda dhexe, dowlad goboleedyada iyo xubno ka socda xafiisyada sare ee hey’adaha dowladda federaalka ayaa qeyb ka ah guddigaan oo ka shaqeyn doona dejinta istaraatiijiyad ay Soomaaliya ku hana karto ammaanka guud ee dalka waqti dhow.

Wasiirka gaashaandhigga XFS Xasan Xuseen Xaaji oo ka hadlay furitaankii shirkaas ayaa yiri, “14-sano ciidamo ajanabi ah ayaa dalkeena joogay, intaas ciidamo qaran ayaa noo dhismaayey, hada waxaan leenahay ciidamo  aad u firfircoon, xubnaha guddiga waxaa laga rabaa labadaan maalmood inay dejiyaan qorshe culus oo caalamka aan la hor tagno oo aan dhahno Soomaaliya qorshahaan ayey qaadatay.”

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Odawaa Yuusuf Raage ayaa kulankaas ka yiri, “Waxaan laga hadlayaa amniga dalka, waxaana la rabaa in dhammaan hey’adaha ammaanka ee dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada ay hal aragti ka wada yeeshaan, kulankaan waxuu sal u noqon doonaa mideynta iyo jiheynta awoodaha aan heysano, taasina waxay fursad noo sii doontaa in hal dhinac loo jiheeyo ammaanka Soomaaliya.”

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS Cabdisaciid Muuse Cali ayaa kulankaas ka yiri, “Hawl-gelinta Guddigai waxay caddayn u tahay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay la wareegidda amnigeeda qaran. Guddigaan waa goobta looga doodaayo, lagana jihaynayo qorshaha la wareegidda mas’uuliyadda amnigeenna qaran. Waxaa la idiinka fadhiyaa inaad qiimayn ku samaysaan wax-yaabaha ka hirgalay qaybihii hore ee qorshaha, caqabadaha iyo waayo-aragnimada laga bartay, si aad u soo gudbisaan tubta dhammaystirka qaybaha danbe ee qorshahan.”

Dhankiisa wasiirka amniga XFS Cabdullahi Maxamed Nuur ayaa yiri, “14-sano ka hor waxaa laga hadlaayey sidii dalkaan ciidamo shisheeye loo keeni lahaa, maanta waa qaangaar ah caruurtii dhalatay markii lasoo bilaabay ka hadalka ammaanka Soomaaliya, waxaan ka rajeynayaa saraakiishaan aadka u dhisan inay howshaan loo xil-saaray si taxadar leh u gutaan.”

Mas’uuliyiintii ka hadashay furitaanka shirkaas oo Muqdisho ka socon doona labada maalmood ee soo socota ayaa waxay cadeeyeen in dowladda Soomaaliya aysan aqbali doonin in loo meeriyo go’aan aan aheyn kan ay soo gaaraan guddiga maanta fariistay ee ka socda dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada dalka.

Muran culus oo caalami ah ayaa ka dhashay qorshaha ay dowladda Soomaaliya dooneyso in AMISOM ay ugala wareegto ammaanka dalka, Midowga Afrika oo ciidamo ay ka joogaan dalka ayaa u ololeynaya in waqtiga joogitaanka AMISOM ee Soomaaliya la kordhiyo, sidoo kalena dalka la keeno ciidamo hor leh oo ka socda Qaramada Midoobey, balse dowladda Soomaaliya ayaa si adag ugu gacan seyrtay soo jeedintaas, waxaana weli ka taagan khilaaf culus.

Xog: Muxuu salka ku hayaa khilaafka cusub ee Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed?

Muqdisho (Caasimada Online) – Buuq weyn ayaa ka dhex bilowday Labada garab ee maamuleysa doorashada Gobollada Waqooyi ee Somaliland.

Guddoomiyihii hore ee Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa shalay sii daayey warqad uu ku joojinayo 16 Kursi oo kamid ah kuwa reer Waqooyiga oo dhawaan la filayey in lagu doorto magaalada Muqdisho.

Waxa uu sababta ku sheegay in la hubinaayo cuqaasha iyo hufnaanta doorashada, balse garabka Mahdi Guuleed waxa ay sii daayeen isla shalay magacyada odayaasha xuli doona illaa 4 kamid ah kuraasta Golaha Shacabka ee reer Waqooyiga.

Kooxdaan horay uma faafin jirin odayaasha dhaqanka ee xulaya ergada, laakiin waxaa lagu tilmaamay ujeedka ay shalay u faafiyeen in lagu daboolayo xaaladda cusub ee soo korortay.

Xalay guddiga doorashada Somaliland, gaar ahaan garabka ka yimid dhinaca guddoomiye Cabdi Xaashi oo 4 xubnood ahaa faafiyey warqad ay ku ayideen hadalkii shalay kasoo baxay Cabdi Xaashi, waxayna sheegeen in sidaas lagu hakiyey 16-kaas kursi ee kamid ah kuraasta reer Waqooyiga.

Haddaba waxaan warbixintaan ku eegeenaa xudunta khilaafka cusub ee u dhaxeeya Mahdi Khadar Guuleed iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Labada nin waxay in muddo ah isku hayeen awoodda maamulka doorashada reer waqooyiga, Boqor Cusmaan Aw Maxamuud Buurmadow ayaa kal hore xaliyey khilaafkooda, doorashada ayaana socotay waayadaan.

Si isku dhow ayey xubno ugu yeesheen Aqalka Sare ee baarlamaanka dalka, laakiin markii la yimid doorashada Aqalka Hoose waxaa Ra’isul wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed lagu eedeeyey sad-bursi iyo inuu rabo in kursi walba isagu qorto odayaasha iyo ergada, si uu u soo saaro xildhibaanada uu rabo madaxweyne Farmaajo.

Xubno kamid ah kuwa reer Waqooyiga ayaan la hadalnay si aan wax badan uga ogaano khilaafka cusub, waxayna noo sheegeen in Mahdi rabo inuu kaligiis maamusho doorashada Golaha Shacabka ee reer Waqooyiga.

“Markii la qorayo odayaasha soo xulaya ergada kursi walba, wuxuu rabaa Mahdi Guuleed in loo qoro cuqaasha taageersan musharaxa uu wato, si ay u soo qoraan ergo la hubo inay dooran doonaan xubinta uu wato,” ayuu yiri kamid ah xubnaha aan la hadalnay.

Cabdi Xaashi ayaa la sheegay inuu kula dhagay markaan, wuxuu miiska la yimid dood la sheegay inay maangal tahay. Dooda Cabdi Xaashi waxay tahay noo qeebi cuqaasha xuleysa ergada kursi walba, haddii aadan ogoleyn noo qeebi kuraasta oo nin walba kuraasta xagiisa ka imaaneysa isaga ha maamusho cuqaasha iyo ergada.

Mahdi waxaa la sheegay inuu taas ka biyo diiday. Cabdi Xaashi markii uu waayey qeybtiisii oo loo diiday in dhexda la dhigo kuraasta iyo maamulka doorashada reer Waqooyiga wuxuu ku qasbanaaday inuu doorashada hakiyo.

Ra’isul wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed oo isagu u shaqeynaya madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay in uusan rabin in la qeybsado kuraasta golaha shacabka. Villa Somalia ayaa xubno badan oo ay kuraas u rabtay waxay u soo dhiibtay Mahdi.

Haddii la isla fahmo in awoodda dhexda la dhigto oo cuqaasha iyo ergada la qeebsado masoo bixi karaan xubno badan oo uu wado Mahdi Guuleed, kuwaas oo la sheegay in aysan wax saameyn iyo sumcad ah ku dhex laheyn bulshada reer Waqooyiga ee joogta magaalada Muqdisho.

Khilaafkaan cusub ayaa si weyn u saameyn kara geediga doorashada dalka, cabsida ugu badan waa in uusan Mahdi Guuleed kusoo qancin karin Fahad iyo Farmaajo inuu Cabdi Xaashi la qeybsado maamulka kuraasta Golaha Shacabka ee reer Waqooyiga.

Dhawaan waxaa Cabdi Xaashi lagu eedeeyey inuu indhaha ka dabooshay kuraas la sheegay in si cad loo boobay oo kamid ah kuwa Golaha Shacabka ee reer Waqooyiga.

Xiisadaan cusub ee Mahdi iyo Cabdi Xaashi waxay durba kala qeybisay guddigii maamulayey doorashada reer Waqooyiga, wuxuuna buuqaan kusoo aadayaa iyadoo masuug badan laga keenay guud ahaan sida ay ku bilaabatay doorashada Golaha Shacabka reer baarlamaanka federaalka oo socota.

Xubnaha u sharaxan kuraasta reer Waqooyiga qaarkood waxay sheegeen inay arrintaan tahay baraarug fiican oo sahli doonta in si furan loogu tartamo kuraasta dhiman.