25.4 C
Mogadishu
Wednesday, July 1, 2026

Khasaaraha DAGAALKII Galgaduud oo kordhay iyo go’aanka GALMUDUG

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda warfaafinta dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Shire Falagle ayaa ka warbixiyey khasaaraha ka dhashay dagaal laba maleeshiyo beeleed shalay gelinkii dambe ku dhex-maray deegaanka Kaxandhaale oo hoostaga gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya.

Falagle oo wareysi siiyey BBC-da ayaa marka hore nasiib darro ku tilmaamay dib u soo laabashada colaadda ka taagan halkaas iyo in lagu kor dagaalamo dadka shacabka ah.

Wasiirka ayaa xaqiijiyey in dagaalkii shalay ay ku dhinteen ugu yaraan illaa lix qof, kuna dhaawacmeen tiro kale oo intaasi kasii badan.

Waxa kale oo uu tilmaamay in Galmudug adeegsan doonto awood, si ay gacan bir ah ugu qabato maleeshiyaadka dirirta ka wada qeybo ka mid ah deegaanadeeda.

“Nasiib darro weyn weeye dib usoo laabashada dagaal beeleedka, 6 ruux ayaa geeriyootay tiro kale waa dhaawac, Galmudug way u istaagtay oo gacan bir ah ayay ku qabaneysaa dadka ka dambeeya arrintaan” ayuu yiri wasiirka warfaafinta maamulka Galmudug.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray “Dagaalka waxaa soo celceliyay marka heshiis la gaaro oo Odoyaashu ku guuleystaan ciidamadana laga soo qaado muddo kaddib waxaa dib u bilawda dirirta”

Xaaladda ayaa haatan deggan, waxaase weli is horfadhiya dhinacyadii dagaalamay oo haatan laga dhex-bilaabay waa-waan, si loo joojiyo xabaddda.

Si kastaba, deegaanada Galmudug ayaa waxaa kusoo laa laabta dagaallada waxaana khasaaraha ugu badan uu kasoo gaaraa dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Ma dhabaa in diyaaradaha dagaal ee Drone-ka Turkiga la keenay SOOMAALIYA?

0

Ankara (Caasimada Online) – Maalmihii la soo dhaafay waxaa si aad ah baraha bulshada loogu hadal hayay in dowladda Turkigu ay siisay dwoladda Soomaaliya diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaanno Droniska nooca uu Turkigu sameeya ee TB2, taas oo sida wararku sheegayaan loo tababaraya ciidamada ammanaka Soomaaliya si ay u adeegsadaan.

Inkasta oo warkaan ay baraha bulshada ku hadal hayaan siyaasiin iyo dadka shacabka ah, haddana ma jirto cid xaqiijisay sax-ahaanshiisa mana jirto cid ka tirsan dowladda oo arrintaa warbaahinta la wadaagtay ilaa iyo hadda.

Sidoo kale, dowladda Turkiga iyaduna ma jirto meel ay ku sheegtay in dowladda Soomaaliya ay siisya ama ka iibisay diyaaradahaan casriga ah ee aan duuliyaha lahayn TB2.

Balse warbixintaan waxaan ku eegaynaa waxa ay yihiin diyaaradahaan Turkigu naqshadeeyay iyo inta dal ay ka howlgaleen.

Haddaba maxaan ka naqaannaa diyaaradaha Droniska ee Bayraktar TB2?

Diyaaradan Bayraktar TB2 ayaa loogu talagalay fulinta weerarada iyo howlaha basaasnimada.

Bayraktar TB2 oo culeyskeedu yahay 150 kg ayaa ka howgali karta masaafo dhan ilaa 300 km.

Sida ay sheegtay shirkadda soo saartay diyaaradan Dronis-ka ah waxaa uu dhererkoodu dhan yahay 12 mitir, halka uu joogeedu yahay 2.2 mitir waxayna leeyihiin awood ilaa 300 litir oo shidaal ah. Diyaaradahaan waxay qaadi karaan markiiba 4 gantaal oo waaweyn.

Diyaaradahan TB2 ayaa la sheegay inay yihiin diyaarado tayadoodu sareeyo kana tayo wanaagsan kuwa ay soo saaraan dalal badan. Diyaaraddan waxaa soo saartay shirkadda Bairaktar, waxaana naqshadeeyay wiilka uu soddogga u yahay Madaxweynaha Turkiga Erdogan.

Shirkadda soo saartay diyaaradahan ayaa sheegtay in ilaa 160 diyaaradood oo ah nooca TB 2 ay ka howlgalaan dalalka Turkiga, Qadar, Ukraine iyo Azerbaijan.

U adeegsiga diyaaradahan goobaha dagaalka

Diyaaradda Drones-ka ee uu Turkigu sameeyay waxay fulin kartaa howlgallo hubeysan. Tan iyo markii uu bilowday dagaalka Tigray ee woqooyiga Itoobiya, waxaa soo baxayay warar sheegaya in ciidamada dawladd Itoobiya ay diyaaradahaan u adeegsadeen weerarada ka dhanka ah xoogagga TPLF.

Wareysi uu siiyay telefishinka qaranka , Major General Yilma Merdasam, oo ah taliyaha ciidamada cirka ee Itoobiya ayaa xaqiijiyay in ay adeegsadeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.ilaa iyo hadda oo ay dagaalladu socdaan waxaa la sheegayaa in diyaaradahaan ay qayb wey ka qaateen dagaalka ciidamada federaalka Itoobiya ay kula jiraan xooggaga Tigrayga.

Sidoo kale waxaa la sheegay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga ay furo u ahaayeen guushii ay Azerbaijan ka gaartay dagaalkii ay la galeen Armenia ee ka dhacay dhulka Nagorno-Karabakh.

Diyaaradaha ayaa waxaa uu sidoo kale Turkiga u adeegsaday dagaalladii gudaha dalka Suuriya uu kula galay kooxda KPP . Dalka Liibiya ayaa ka mid ah meelaha ay ka fuliyeen howlgallada maadama dowladda Turkigu ay tagaeeraysay xukuumadda Libiya kana soo horjeeday xooggaga ka soo horjeeda.

Dalalka Afrika iyo diyaaradaha TB 2

Madaxweyne Erdogaan ayaa sanadkaan dhexdiisa booqasho ku tagay dalka Angola wuxuuna xiligaas sheegay inay codsatay dowladda Angola in ay hesho diyaaradaha dagaalka ee uu Turkigu sameeyay.

Toddobaadkii hore uun, Turkiga ayaa la sheegay inuu ballaariyay dhoofinta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee caanka ka ah dunid, isagoo heshiisyo la galay dalalka Morocco iyo Itoobiya.

Iyadoo ay jirto tallaabadaan uu Turkigu ku ballaarinayo gaynta diyaaradihiisa aan duuliyaha lahayn dalalka Afrika ayaa hadda waxaa soo baxaya in Soomaaliya uu siiyay hase yeshee warkaas wali lama hubo.

Isha: BBC 

Odinga oo caddeeyey haddii uu mar 5-aad isku sharxayo madaxweyne iyo haddii kale

Nairobi (Caasimada Online) – Siyaasiga rug cadaaga ah ee Kenya Raila Odinga ayaa Jimcihii ku dhowaaqay inuu markii shanaad u tartami doono xilka madaxweynaha ee doorashada dhaceysa sanadka dambe, kadib bilooyin uu aamusnaa oo laga sugayey mowqif. 

Ku dhowaaqista Odinga oo 76 jir, sanado bandanna ahaa wejiga mucaaradka Kenya, ayaa timid ayada oo ay jirtay xan ku saabsan inuu madaxweyne Uhuru Kenyatta la galay heshiis uu ku xaqiijinayo inuu xilka ugu sarreeya dalka helo. 

“Waxaan halkan ku aqbalayaa inaan noqdo musharax madaxweyne ee doorashada dhaceysa 9-ka August 2022,” ayuu ku dhowaaqay Odinga, isaga oo intaas ku daray inay ka go’an tahay inuu dhiso “Kenya dimoqraadi ah oo horumarsan.” 

Odinka oo mar soo noqday ra’iisul wasaare, islamarkaana lagu naaneyso “Baba” ayaa weli ah shaqsi can ka ah siyaasadda Kenya, inkasta oo uu afar mar ku guul-darreystay doorashooyin madaxweyne, 1997, 2007, 2013 iyo 2017.

Hase yeeshee sumcadda Odinga ayaa waxaa dhaawac uu kasoo gaaray heshiis qarsoodi ah oo la rumeysan yahay inuu la galay madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Labada hoggaamiye ayaa isku dayey in la ballaariyo awoodaha fulinta ayada oo isbeddel lagu sameynayo dastuurka, lana soo kordhinayo xilka ra’iisul wasaaraha si uu Uhuru u noqdo, halka Odinga uu qaadan lahaa xilka madaxweynaha.

Hase yeeshee qorshahaas oo loogu magac daray BBI ayaa waxaa ku gacan seertay maxkamadda sare ee Kenya. 

Odinga ayaa loolan adag la geli doona madaxweyne ku-xigeenka Kenya William Ruto oo 54 jir ah. 

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

QM oo warbixin cusub kasoo saartay xaaladda Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda caruurta UNICEF ee Qaramada Midoobay ayaa warbixin cusub ka soo saartay xaaladda adag ee dalka Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha bani’aadanimada ee ka dhashay abaaraha markale ku dhuftay qeybo ka mid ah dalka.

UNICEF ayaa shaaca ka qaaday in illaa 2.6 Milyan ay haatan u baahan yihiin gurad deg-deg ah, kuwaas oo wajahaya biyo yari ka dhalatay abaarta ka jirta gudaha Soomaaliya.

Sanduuqa caruurta Qaramada Midoobay ee UNICEF ayaa sidoo kale intaasi ku daray in dhibaatooyinkan ay ka dhalan karaan cudurro iyo nafaqo darro baahsan.

“Biyo yarida waxa ay ka dhalatay abaarta, haddii aan gurmad degdeg ah la helo dadka ayaa isaga barakacaya deegaannadooda, waxaa halkaas ka dhalan kara Shuban, Nafaqo darro & cudurro kale oo saameeya inta badan Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka UNICEF.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in gobollada ugu daran ee ay xaaladaha ka jiraan ay ka mid yihiin Gedo, Bay, Bakool, Jubbada Hoose, Galgaduud, Mudug, Hiiraan iyo qaybo ka mid ah Bari, Nugaal, Sanaag iyo Togdheer oo dhaca koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

Sidoo kale waxa ay hay’addu intaasi ku dartay, haddii aan la qaadin tallaabo deg-deg ah inay kasii dari doonto xaaladda haatan taagan.

“Haddii aan si degdeg ah kor loogu qaadin adeegyada fayadhowrka iyo nadaafadda, in ka badan 3 milyan oo qof ayaa baahi weyn u baahan doona dhammaadka Maarso 2022 mana heli doonaan ugu yaraan biyaha looga baahan yahay maalin kasta 45L qoyskiiba,” ayey raacisay.

Soomaaliya oo haatan ku jirto marxalad doorasho ayaa dhinaca kale wajaheyso xaalado ka dhashay abaaraha ka jira qeybo ka mida dalka iyo fatahaado ku dhuftay deegaanada qaar.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Qofna wuxuusan haysan ma baxsho

0

Waa maalin colaadu ay kow ahayd, maalin madow, maalin wixii dhacayay ninna uusan saadaalin karayn waxay noqonayso ciribtoodu! Waxay ahayd maalin murugada iyo dhiillada ay xambaarsantahay ay ka muuqatay in is-bedel ku dhici doon nolosha bulshada qaybaheeda kala duwan,waxayna dhibaatada aad uga muuqatay dadka maxasta ah  sida waayeelka, caruurta iyo weliba dumarka. Waa maalintii uu qarxay dagaalkii burburiyay wadankeenii bilicda iyo nabadda astaanta u ahaa!                    

Dagaalku, wuxuu ahaa musiibo rabaani ah oo qornayd waxaase xaqiiq ah inuu Allah wax badan nooga naxariistay oo hadaan sidii aan u dambi badnayn  naloo abaal marin lahaa cidna kama badbaadeen ciqaabta Allah laakiin In badan buu Alle noo saamaxaa.

Dhibta wadanka ka dhacday waxay qaybta ugu weyni  ku habsatay dumarka oo iyagu u nugul, murugada iyo walwalka colaadahii dhacayna ay meel walba ka hareeyeen, maadaama ay qoysna u dhalatay midna ay u dhaxday

31 Sano maalinkaas ka dib waxaa wali si is dabo joog ah u yeeraya baroorta hooyooyinka Soomaaliyeed oo ay sababeen inteeda badan duulka rag la yiri, mid ay dhashay iyo mid ay u dhaxdo iyo wixii kale ee laysu ahaadaba. DHibta dumarka gaartay waa mid aan la soo koobi karin oo noocyo badan waxaase ugu weyn sida marar badan la tilmaamo oo la wada ogyahay wax-barashada haweenka Soomaaliyeed oo mar kasta ahayd mid aan la siin mudnaantii ay lahayd, marka la garab dhigo dadaalka aalaaba la siin jiray wiilasha, iyadoo ay markii horaba taas jirtay baa haddana markii uu burburka yimid hakadkkii galay waxbarshada sababay inay la kulmaan  dhibaatooyin badan sida shaqo aan ku haboonayn oo ay la daalaa dhacaan,iyo in hoos loo fiiriyo ama la liido taas oo  kaga timaada dadyowga dalalka ay maganta soo bideen, sidaasooo kalana ragga ay u dhaxaan intooda aan xil-kaska ahayn iyo mararka qaarkood caruurta ay hooyada u yihiin oo aan iyagana garanayn qadariinta ay hooyadood mudantahay waxaana arrinta sii bari-taaray dhaqammada dalalka la yimid oo wax badan oo ka mid ah mudnaantii waalidka (Aabbe iyo Hooyaba) luntay…cajiib!.Markii qurbaha la yimid dadku waa qaybsamay ina-rag badidiis wuxuu u dhaqaaqay; shaqo ama wax barasho, qaybna noloshaa ka adkaatay oo u talisay oo naftoodiiba wax ma tarin tu kalana iskaba daa.

Siday hooyo tahay ama ahaan jirtayba dumarkii waxay u qalab qaateen korintii, iyo ababintii dhallaanka, iyo inay daboolaan baahida ilmaha yar iyadoo aaminsan  inay iyadu tahay aabo iyo hooyo maadaama aan ragga intooda badan la heleyn xiligii loo baahdo oo ay badankood la tahay inay shaqada ilmuhu hooyada ku gaar tahay sidii markii  wadankii la joogay oo xitaa ciiddu caawinaysay hooyada. Waxaa iyadana xusid mudan in baahida guriga taal si dakhli iyo masaariif loo helo ay qasab ka dhigtay in rag badan ay guntiga u adkeystaan inay soo shaqeeyaan oo waqtigoodii badankiisa ay ku qaataan goobaha shaqada si ay u daboolaan baahida iyo adeegyada guriga laga rabo.

Arintaasi waxay keentay dib u dhac ku yimaada horumarka hooyada Soomaaliyeed, waxayna saartay oo ku rartay culays baaxad weyn oo nololeed, waana midda keentay inay soo bataan dumarka isku buuqaya oo mararka qaarkood gaara heer khatar ah. Waxaa iyadana sare u kacay tirada hooyooyinka qurbaha ku nool ee ay ku dhaceen cudurrada dhimirka taasoo inta badan lala xiriiriyo dhibaatooyin xagga nolosha guriga iyo maamulka iyo ka war qabka ilmaha ka haysta isla markaasna aan wax kaalmo ah ka heleyn aabbihii ilmaha dhalay oo waliba mararka qaarkood ay dhici karto inuu gacan bannaanyahay. Meelaha qaarkoodna xaaladuhu waxay gaaraan heer ay hooyadu waxyeeleyso nafteeda ama nafta ilmaheeda yar. 

Sidaa aawadeed, dumarku dhib kastaba waa soo mareen , waxaase maanta la soo gaaray waqtigii ay raggu ka garaabi lahaayeen culeyska ay ku keli yeeleen dumarka, taasoo macnaheedu yahay inay ku garab istaagaan inay wax bartaan si aan u helno qoys caafimaad qaba oo aqoon leh ragooda iyo dumarkoodana ay door ka qaadan karaan horumarinta iyo dhismaha ummaddooda. Si taas loo gaaro ama ay u dhaqan gashana waxaa loo baahanyahay in nin walba (Ragga) uu marka hore saxo wixii horay uga khaldamay isagoo ka bilaabay inuu xaaskiisa iyo gabdhaha uu isaga dhalay ku dhiiri geliyo wax-barashada si ay u soo saaraan berri ayaguna awlaad wax baratay oo dhisa mustaqbalka dalkeenii quruxda badnaa, badbaadiyana jiilalka soo socda.

Rasuulku SCW wuxuu ku yiri xadith macnihiisuna ahaa; “qof kasta wax baa la raacshay oo loo diray waana la weydiin doonaa wixii loo diray ee la raacshay.”

Markaa qof walba ha diyaarsho su’aasha jawaabteeda khaasatan ragga. 

Nabigu SCW wuxuu yiri waxaa idiinku khayr badan kan reerkiisa u khayr falid  badan aniguna waxaan ahay kan reerkiisa u khayr fala.

Wuxuu kaloo yiri SCW waxaa dumarka karaameeya ninka kariimka ah, waxaana dhiba kan la’iimka ah amba ardaalka.

Mar mar baan idiin cudur daaraa oo waxaan soo xasuustaa maahmaahdii carbeed oo macnaheeduna ahaa,  qofna wuxuusan haysan ma baxsho.

Macnaha nin aan isba jacayl ku soo korin oo aan la soo koolkoolin loogama fadhiyo isna inuu wax koolkooliyo  laakiin bal koolkoolintu ha danbeeysee waajibaadka ay ugu horeeyso wax barida dumarka ku dadaala, oo saxa wixii horay u khaldamay oo bal isku daya inaad suubanaha ku dayataan suu uladhaqmi  jiray reerkiisa iyo dhamaan mujtamacii loo soo diray waayo Rassuulka SCW waxaa noogu sugan ku dayasho. 

Waxan ku soo koobayaa Aqoon la’aan waa iftiin la’aan! Isku meelna ma joogaan mutacalinka iyo jaahilku waxaana u horeeya aqoonta diinta ka dibna tan maadiga ah waayo qof aan aqoon Allihii abuuray, amba aan kala aqoon xaaraan iyo xalaal amba aysan macnaba ugu fadhiyon diintu asna waa lumay kuwa uu gacanta ku hayana wuu lumin doonaa.Sidaa darteed cilmiga xaawaleydu waa muhiim waana badbaadiyaha ummadda ee yaan loo kala harin oo xasuusta dumarku agtiina waa ku qafaalan yihiin ee u fududeeya inay wax bartaan oo weliba ku garab istaaga kuna dhiiri galiya adinkoo Allahna ku raali galinaaya ubadkiinana u hiilinaaya si aan berri loo bahdilin dalkooda iyo diintoodana u difaacaan khaasatan hablaha.

Ninkii gabar wax bara wuxuu wax baray ummad sababtoo ah gabadhu waa barre ama waa ababiye bulsho.

DHAMAAD

WQ: Yaasmiin M A sooyaan
[email protected]

SHARIIF oo sheegay khad cas oo aan laga gudbi karin

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna guddoomiyaha golaha midowga musharaxiinta Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in marnaba la aqbali karin in meesha laga saaro xuquuqda iyo xoriyadda muwaadiniinta oo xaq dastuuri ah.

Waxa uu si adag u sheegay in khad cas oo aan laga gudbi karin ay tahay xoriyada muwaadinka, xilli doorashooyinka dalka ka socda qaar kamid ah muwaadiniinta lagu duudsiiyey xaqoodii sharciga ahaa.

“Xoriyada muwaadinka waa waxay la’aantood u duntay dowladnimadeenu oo ay illaa hadda u soo noqon laadahay, waxaa rabnaa in aan sheegno in arrintaas ay tahay khad cas oo aan la aqbali karin in laga gudbo,” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.

“Saraakiisha ciidamada, booliska ama nabadsugida waxay u taagan yihiin in amniga ay sugaan oo sharciga ilaaliyaan looma keenin oo looma abuurin in ay dad cabudhiyaan.”

Waxa uu intaas kusii daray in lagama maarman tahay xilligan lagu jiro doorashooyinka dhowridda xaquuqda aas-aasiga ah iyo in muwaadiniinta helaan fursad siman.

“Diinteenu waa xaqiijisay xuquuqda dadka, Dunida oo dhan meel adag ayay ka taagan tahay ilaalinta xorriyaatka,” ayuu sidoo kale yiri Madaxweynihii hore ee dalka, Shariif Sheekh Axmed.

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay haddii la waayo xoriyaatka aas-aasiga ah ay ka dhigan tahay in dowladnimo jirin, taasi oo uu sheegay inay si adag uga soo horjeedan, ayna tahay lama taabtan in qofka xoriyadiisa laga qaado.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

CC SHAKUUR oo sheegay nooca doorashada ay rabaan Midowga Musharaxiinta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo ka mid ah Midowga Musharaxiinta, ahna musharax u taagan xilka madaxweynaha ee Soomaaliya, ayaa sheegay inaysan diidaneyn in la qabto doorasho, hase yeeshe ay kasoo horjeedan in la boobo doorashada.

Waxa uu sheegay in Midowga Musharaxiinta uu doonayo in dib loo soo celiyo awoodii beelaha iyo hanaankii hufnaanta doorasho ee lagu heshiiyay, islamarkaana fursad siman la siiyo musharaxiinta u tartameysa kuraasta.

“Waxaa rabnaa in la soo celiyo odayaashii dhaqanka ee la garanayay oo guddi beeleedka loo dhaafo inay xulaan ergada oo si xor ah dadka u tartami karaan, oo aysan jirin malxiis iyo cid kursi loo xirayo ay jirin,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

“Kuraastii la boobay ee dhowr iyo labaatanka aheyd wax laga qabtay illaa hadda majirto marka laga reebo labo kursi oo la yiri doorashadoodii ha lagu celiyo, intii kale waxba lagama qabanin oo waa kuraas habraaca loo marin oo boob ku timid haddana waa lagu sii socda.”

Waxa uu intaas kusii daray inay rabaan in doorashada la hakiyo oo la saxo waxyaabaha qaldan, oo sida ay ku dhacayaan iyo habraacooda la isku wada raacsan yahay oo si hufan u dhacda.

“Doorashada ha la dadajiyo anaga ayaa niri, laakiin ha la boobo ma dhihin, waxaa diidanahayna waa boobka. Doorasho har cad la is boobayo ayaa socoto, waxaa rabnaa doorasho daah-furnaan ah oo boobka la joojiyo.”

Waxa uu intaas kusii daray in kuraasta soo baxay, gaar ahaan kuwa Golaha Shacabka ay doorashadooda ku dhacday hab ka baxsan habraaca, islamarkaana ku dhisan boob ay qeyb ka yihiin maamulada dalka.

“Anaga waxaa fursad siinay in wada-hadal iyo sixitaan la aado, haddii la diido in la qabto doorasho xalaal ah oo lagu tartami karo, waxaa ka tashaneyn sidii sharciyada lagu soo celin lahaa, wixii ka dambeeya haddana kalama hadleyno doorasho, waxaa qaadeyna waxa dadka Soomaaliyeed ku taliyaan.”

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in doorashada Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka ay ku kala duwan yihiin habraaca iyo shuruucda, ayna midda Aqalka Sare uga aamusen ayaga oo madaxda maamulada ku takri-faleen, si hore loogu socdo doorashooyinka, hase yeeshe midda Golaha Shacabka ay ka madax-banaan tahay madaxda maamulada.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

7 milyan oo Soomaali ah oo MASHRUUC cusub ku heli doona koronto bilaash ah

0

Washington (Caasimada Online) – Bankiga Adduunka ayaa ansixiyey lacag dhan 150 milyan oo dollar oo malaayiin Soomaali ah looga caawinayo inay helaan koronto qiimo jaban ama iska bixiyaan biilasha korontada.

Mashruuca Soo-kabista Korontada Soomaaliya ayaa kordhin doona helitaanka korontada ee 1.1 milyan oo qoysas Soomaaliyeed ah ama 7 milyan oo qof, oo 3.5 milyan oo ka mid ah ay yihiin haween. 

Bankiga Adduunka ayaa sheegay in 9 milyan oo ka mid ah 15-ka milyan ee Soomaalida ah aysan haysan adeeg koronto, islamarkaana qiimaha korontada Soomaaliya uu yahay mid ka mid ah kuwa ugu sarreeya dalalka caalamka. 

“Helitaanka koronto qiimo jaban waa u muhiim yareynta saboolnimada, sababtoo waxay caawineysaa sare u qaadidda dakhliga qoysaska, waxay horumarineysa jawiga ganacsiga, waxayna abuureysa shaqooyin,” waxaa sidaas tiri Kristina Svensson oo ah agaasimaha Bankiga Adduunka ee Soomaaliya.

Mashruucan wuxuu dhameystirayaa barnaamijyada Bankiga Adduunka iyo saaxiibada kale ee caalamka ay ku hormarinayaan gaarsiinta adeegyada Soomaaliya,” ayey tiri. 

Sida lagu sheegay warbixinta Bankiga Adduunka, mashruucan ayaa sidoo kale sare u qaadaya adeegyada caafimaadka iyo waxbarashada, isaga oo helitaan koronto ka caawin doona 205 xarumo caafimaad ah iyo 380 iskuul. 

90% korontada Soomaaliya ayaa waxaa laga helaa matooro yaryar oo ay leeyihiin shirkado gaar loo leeyahay, taasi oo aan ku filneyn baahida shacabka ee hadda iyo tan mustaqbalka, sida uu sheegay Bankiga Adduunka. 

“Mashruucan ayaa sare u qaadaya aqoonta iyo awoodaha ay kuwa bixiya korontada ku horumarin karaan adeegyadooda ayna ku dhisi karaan xal koronto oo ku dhisan tamarta la cusbooneysiin karo,” waxaa sidaas yiri Erik Fernstrom oo ah agaasimaha qeybta kaabayaahsa Bankiga Adduunka ee Koonfurta iyo Bariga Afrika.

Warbixintan Bankiga Adduunka ma sheegin habka loo maareyn doono lacagtan iyo haddii la marsiin dooono dowladda federaalka ama ururada aan dowliga aheyn.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Video: Askari sabab yaab leh Muqdisho ugu dilay hooyada sagaal carruur oo agoon ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Askari ka tirsan ciidanka dowladda ayaa xaafadda Xoosh ee degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir ku dilay Faaduma Cali Cismaan (Faay Beeso) oo aheyd hooyo korsaneysay 9 carruur oo agoon ah, sida ay sheegeen ehelkeeda.

Askariga dilka geystay ayaa qori ku taagay carruurta hooyada uu dilay, muran kadib waxa ay Faaduma u sheegtay in ay ku dacweyneyso qofka uu ilaalada u ahaa balse inta aysan garaacin guriga ayuu ku furay rasaas.

“Ilmaha maxaad qoriga iiga taagtaa maad iiga dhaaftid mise taliyahaaga ayaan kugu dacweynayaa, ayay tiri, intaas kadib markii ay albaabka guriga sarkaalka daganaa ay garaacis ku bilaawdayna dhowr xabadood ayuu ku dhuftay oo caloosha, kilida iyo Minka ayey kaga dhaceen, ilmaheda markey soo baxeena baas ayuu ku furay oo Alle ayaa ka badbaadiyay, kadib asne wuu cararay oo wuu fakaday,” ayay tiri hooyo daris la aheyd marxuumada gardarada lagu dilay.

Ehelka Marxuumad Faaduma Cali Cismaan oo la hadlay Warbaahinta ayaa Dowladda Federaalka ka dalbaday in ay gacanta kusoo dhigto Askariga Dilka geystay ee baxsaday si caddaaladda loo horgeeyo.

“9 Carruur ah ayay guriga ku heysatay oo iyada ayaa u shaqeyn jirtay oo mas’uuliyaddooda qaadatay, waxa aan ka codsaneynaa Dowladda in caddaaladda la horgeeyo oo lasoo qabto askariga dilkaas geystay,” ayay tiri haweeney ehel la ah Marxuumad Faadumo Cali.

Dadka ku nool degmada Dharkiinleey ayaa dhacdaan si weyn uga argagaxay kuwaas oo dalbaday in dowladda Soomaaliya si deg deg ah cadaalad ugu keento dilka xaqdarada ah ee loo geystay hooyada la dagaalameysay korinta nolosha 9 caruur ah oo ay haystay oo agoon u badnaa.

Muqdisho maalmahii lasoo dhaafay waxay askarta dowladda siyaabo kala duwan oo bareer ah ugu dileen dad shacab ah oo aanan waxba galabsan.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Xiisad dagaal oo ka taagan qeybo kamid ah Galgaduud

0

Balanbale (Caasimada Online) – Xiisad oo u dhaxeeysa laba maleeshiyo Beeleed ee wada dega Gobolka Galgaduud ayaa saaka waxaa ay ka taagan tahay degaanka Turbi ee hoostaga Dagamada Balanbale ee Gobolka Galgaduud.

Shalay degaankaas waxaa ka dhacay dagaal socday dhowr Saacadood oo dhexmaray labada maleeshiyo Beeleed kaasoo markii dambe si iskiis ah u istaagay.

Sida ay dadka deegaanka sheegeen waxaa dagaalkii Shalay ku dhintay Saddex ruux halka laba kale ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo ka kala tirsan maleeshiyaadka dagaalamay.

Wararkii ugu dambeeyay ee saakay laga helayo duleedka degmada Balanbale ayaa sheegaya in dhinacyada dagaalamay ay weli is horfadhiyaan, islamarkaana laga cabsi qabo in ay markale dagaalamaan.

Dadka deegaanka ayaa Caasimadda Online u sheegay in maleeshiyaadka dagaalamay ay kala helayaan gurmadyo, arrintaasi ayay sheegeen in ay cabsi badan ku abuurtay.

Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Galmudug, kaasi oo ku aadan in ay faahfaahin ka bixiyaan xiisada ka tagaan degmada Balanbale.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Askartii la geeyey Eritrea ‘oo dhowaan lasoo celinyo si loogu qabsado’ saddex magaalo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kamid ah Midowga Musharaxiinta ayaa shaaciyey qorshe uu sheegay in dowladda federaalka ay kumanaan askar ah uga dejinayso magaalooyin ay kamid yihiin Baydhabo, Muqdisho iyo Gaalkacyo.

Waxa uu sheegay in ujeedka askartaas loo geynayo magaalooyinkaas ay tahay sidii madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu dalka u galin lahaa dagaal ahli ah, islamarkaana uu xoog ugu qabsan lahaa, sida uu sheegay.

“Shalay markii Eritrea loo qaadayey waa la siray, waxaana loo sheegay in Qatar la geynayo oo ay noqonayaan askar ilaalisa ciyaaraha adduunka. Qaarkood iyagoo ajnabi u diriraya ayey dhinteen, halka kuwa kale ay ciqaab, cudur iyo gaajo dishay,” ayuu Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

“Dhowr kun oo kale ayaa dhowaan la soo wadaa, si dagaal ahli loo geliyo oo dalka xoog loogu qabsado. Qorshuhu waa in Baydhabo, Muqdisho iyo Gaalkacyo laga dejiyo, si Bu’aale, Muqdisho iyo Garawe loogu qabsado.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in Farmaajo uusan aheyn shaqsi tallada dalka ku wareejinaya doorasho, isagoona ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in la iska qabto ka hor inta uu burbur u horseedin dalka.

“Soomaaliyey Farmaajo nin xukun nabad iyo doorasho ku dhiibaya maaha, ee waa in aan iska qabannaa inta uusan fidno weyn iyo dagaal sokeeye lugaha inoo gelin.”

“Waaliddiinta horay loo siray waa in aysan oggolaan in ubadkooda la halligo oo dabka lagu guro, inaguna waan la duubanahay sidii aan horay ula jirnay,” ayuu ugu dambeyntiina ku yiri qoraalkiisa.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Isimada Puntland oo go’aan cusub kasoo saaray xiisadda PSF kadib baaqii uu diiday Deni

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah Isimada Puntland ayaa soo saaray baaq cusub kasoo saaray xiisadda ka dhex oogan madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni iyo agaasimihii hore ee ciidamada PSF Maxamuud Cismaan Cabdullaahi Diyaano.

Isimada soo saaray baaqa oo gaaraya 12 ayaa taageeray go’aanadii horey uga soo baxay Isimada ka horreeyey, marka laga reebo hal qodob oo ah in milkiyadda hubka, ciidanka iyo agabka kale ee PSF loo reebo agaasimaha xilka laga qaaday.

Go’aankii Isimada hore, gaar ahaan qodobka dhigaya in hubka iyo hantida PSF uu si gaar ah u qaato agaasimihii hore, ayaa waxaa ku gacan seeray xukuumadda Puntland, oo ku tilmaamtay “mid meel ka dhac ku ah sharafta dowladnimo, khatarna gelinaysa amniga iyo xasiloonida Puntland, dhiirigelina u sameynaysa musuq maasuq iyo boob hantida ay Dowladdu uga masuulka tahay Shacabka Puntland. “

Baaqa cusub ee Isimada kasoo baxay ayey kusoo jeediyeen in agaasimihii xilka laga qaaday loo reebo agab iyo ciidan ku filan amnigiisa kaliya, maadaama, bey yiraahdeen, uu ku soo shaqeeyey xaalad adag.

Isimada ayaa sidoo kale taageeray baaqii Isimada ka horreeyey ee ahaa inay dhaqan-gasho wareegtadii uu madaxweyne Deni xilka uga qaaday agaasimihii hore 24-kii November 2021.

Isimada 12-ka ah ayaa soo saaray qodobada hoos ku qoran:

In hantida PSF looga reebo agaasmihii hore agab iyo ciidan ku filan aminigiisa maadaama uu ku soo shaqeeyeyxaalado adag.

Anagoo ixtiraamayna kala duwanaanshaha fikirka iyo tanasulka oo lafdhabar u ah nolosha aadanaha, waxan sidoodii ku qaadanay afarta qodob oo kale; qodobka 1-aad, 3-aad,4-aad iyo 5-aad.

Mmarkaanu midaynay shantii qodob waxay u qormayaan sidan:

1- Waa inay dhaqangashaa digreetadii madaxwwaynaha Puntland, kuna taariikhaysnayd 24 November 2021, ujeedaduna ahayd xil-lka qaadistil lagu sameeyey agaasime Jeneraal Maxamuud Cismaan Cabdullaahi, laguna magacaabay Sarreeyo Guuto Maxamed Amiin Xaaji Cabdullaahi Khayr.

2- Waa in hantida PSF looga reebo agaasmihi hore agab iyo ciidan ku filan amnigiisa maadaama uu kusoo shaqeeyey xaalad adag.

3- Waa in dawladu siisaa ciidamada PSF xuquuqdii ka maqnayd 13-ka bilood.

4- Waa in ay dawladdu bixisaa kharashka ilaalada gaarka ah ee Jeneraal Maxamuud Cismaan Cabdullaahi.

XOG: Siyaasiyiin HAWIYE ah oo MUQDISHO ka billaabay ololaha doorasho ee DENI

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiin iyo xildhibaano kasoo jeeda Beesha Hawiye ayaa Muqdisho ka billaabay ololaha doorashada madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo la filayo inuu isku sharaxo xilka madaxweynimo ee Soomaaliya, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Madaxweynha Puntland Saciid Deni ayaa magaalada Muqdisho ka qortay shaqsiyaad sirta iyo xogta siyaasadda Muqdisho u qaabilsan oo Hawiye ah, kuwaas oo ka shaqeyn doona qorshihiisa doorasho.

Kooxdan waxey isugu jiran siyaasiyiin dhallinyaro ah, xildhibaano hore, dad hadda xildhibaano u sharaxan iyo suxufiyiin. Shaqada ay dadkaan Saciid Deni u qaban doonaan ayaa ah inay u keenaan:

1- Guuxa magaalada Muqdisho yaalla
2- Caqabaddaha musharixiinta Hawiye heysta
3- Ka iibiya beesha Hawiye inuu Deni dhismi karo, oo ay liidato fursadda Hawiye, waxna ku darsadaan.

Siyaasiyiinta howshaan loo xil saaray ayaa magaalada Muqdisho sameystay xarumo ay isugu yimaadaan, islamarkaana ay ku uruuriyaan xogaha, waxaaa mashruucaan bil kasta lagu bixinayaa lacago tobanaan kun oo dollar ah.

Saciid Deni oo la filayo inuu ku dhawaaqo musharaxnimadiisa tartanka doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa isku arka inuu yahay siyaasiga kaliya ee Farmaajo kaga guuleysan kara kursiga Villa Somalia.

Siyaasiyiinta u taagan xilka madaxweynaha ee kasoo jeeda Hawiye ayaa waxaa ugu cadcad Xasan Sheekh iyo Shariif oo labadaba horey usoo noqday madaxweyne, hase yeeshee tirada musharaxiinta Hawiye oo aad u badan darteed, waxaa laga cabsi qabaa in si la mid ah 2016-kii laga dhex bixiyo kursiga madaxweyne.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

“Dowladdu haddii ay qori wax ku yeelayso qori ayaa loo qaadana” Waxaa sidaas yiri…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee maamulka HirShabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa soo jeediyay in marnaba aan laga cabsan in dagaal meesha looga saaro dowladda muddo xileedkeeda uu dhamaaday, haddii ay wada-hadal wax uga badalmi waayan.

“Dowladda haddii hadal ay wax ku yeelayso waa lala hadla, haddii banaanbax wax ku yeelayso waa lagu banaanbaxa, haddey qori wax ku yeelayso qori ayaa loo qaadana,” ayuu yiri Maxamed Waare.

Waxa uu sheegay in waddanka uu kusii socdo meel xun oo aan laga soo laaban karin, haddii aan hadda wax laga qaban, isaga oo mucaaridkana u soo jeediyay inay mowqif wada jir ah ku wajahaan xaalada dalka.

“Waxaa dhihi lahaa horta doorashada waxay Farmaajo is hayaan waa idinka (Midowga Musharaxiinta) ma aha maamul goboleedyada,” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee maamulka HirShabelle oo si gaar ah farriin ugu diraya Midowga Musharaxiinta.

Waxa uu intaas kusii daray in Ra’iisul Wasaaraha lagaga adkaaday awooda dowladda, islamarkaaana ay hadda la gudboon tahay in uu ka shaqeeyo doorasho dhex-dhexaad ah oo lagu wada kalsoonaan karo.

Hadalkan ayaa imanaya xili ay Midowga Musharaxiinta Mucaaridka kal hore qaadaceen sida ay u socota doorashada, kadib markii kuraas kamid ah doorashada Golaha Shacabka loo maray hanaan ka duwan midkii lagu heshiiyay.

Mucaaridka ayaa maalmihii u dambeeyay magaalada Muqdisho ka waday kulamo looga arrinsanayo xaalada dalka iyo arrimaha doorashooyinka, kadib markii ay ku tilmaameen doorashada socota mid boob iyo awood sheegasho ah.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

13 agaasime waaxeed oo u jawaabay shaqaale eedeeyay wasiir KHADIIJA DIIRIYE

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhawr iyo tobon agaasime waaxeed oo ka tirsan wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Masiibooyinka ayaa warqad ay ku saxiixanyihiin oo wasaaradda kasoo baxday ugu jawaabay eedeyn ay jeediyeen 16 shaqaale wasaaradda ka tirsan oo ka dhan ah wasiirka wasaaradda Khadiijo Diiriye.

Wasaaradda ayaa qoraal ay soo saartay ku beenisay warqad baraha bulshada la isla dhex marayay oo sheegeysa in shaqada laga tiray shaqaale ka tirsan wasaaradda, iyadoo sheegtay in warqaddaas ay tahay mid sharci darro ah.

“Waxaan bulshada Soomaaliyeed u xaqiijineynaa inay sharci draro tahay warqad labadii maalin ee la soo dhaafay lagu baahiyay warbaahinta bulshada iyo qaar ka mid ah warbaahinta gaarka loo leeyahay,” ayaa lagu yiri warqadda.

Wasaaradda ayaa sheegtay in Ibraahim uu si ku meel gaar ah ula joogay wasaaradda, isla markaana toddoba bil kahor uu ku laabtay Garowe, isla markaana uusan ka mid ahayn shaqaalaha wasaaradda.

Warqadda ayaa lagu faahfaahiyay arrimo badan oo wasaaradda ku saabsan , iyada oo sidoo kale lagu bogaadiyay wasiiradda oo ay agaasimeyaasha ku tilmaameen in dareen hooyonimo ay ku hoggaamiso wasaaradda.

Qaar ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Soomaaliya ayaa ku eedeeyey wasiirka wasaaraddaas in ay si bareer ah uga jartay mushaarkii iyo gunnooyinkii ay qaadanayeen, iyagoo weliba ah shaqaale rasmi ah oo imtixaan ku helay shaqooyinka ay hayaan.

Shaqaalahaas oo sida la sheegay gaaraya 16 isku deegaan ka soo jeeda ayaa siday qabaan tirsanaya in lagu faquuqayo deegaanka ay ka yimaadeen awgii, iyagoo sidoo kale wasiirka wasaaradda Khadiija Maxamed Diiriye ku eedaynaya in ay ku beddeshay shaqaale deegaankeeda ka soo jeeda.

“Arrintaas way caddahay, waxa meesha wada jooga waa in is taqaan,” waxaa sidaas yiri Ibraahim Maxamuud Yuusuf oo ka mid ah shaqaalaha tabashada qaba, oo isagoo Garoowe jooga la hadlay BBC-da.

Ibraahim ayaa sheegay inay qeyb ka ahaayeen shaqaalihii lagu bilaabay wasaaradda oo wasaaradaha lagu soo daray markii uu xilka qabtay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayna imtixaan u galeen shaqada kaddibna ay ku guuleysteen.

“Markii timid wasaaradda, isla markiiba waxay qoratay dad deegaan-doorashadeeda ah ayay si mutadawacnimo ah u qoratay, oo ay tiri dakhli ayaan u raadinayaa, annaguna dad Soomaaliyeed bay ahaayeen waan soo dhoweynay, marka dadkii ayaa aakhirkii nalagu beddeshay, sidaas ayaan ku heynaa caddeyn rasmi ah oo ay dadkii boosaskeennii iyo xuquuqdeenniiba ku heystaan” ayuu yiri Ibraahim.

Ibraahim ayaa sheegay in cabashadooda ay gaarsiiyeen madaxweyna, ra’iisul wasaaraha, Guddiga Shaqaalaha iyo meelo kale oo badan, balse aan ilaa haatan waxba laga qaban.

“Waa wax in muddo ah soo socday, waxaa kale oo jira faquuq gaar ah oo nalagu hayay, marka cabashadeenna cidna waxba kama qaban, meel walba wana gaarsiinnay waxaana ugu dambeeyay Wasaaradda Maaliyadda oo xuquuqdeenna gacanta ku heysay.” Ayuu yiri Ibraahim Maxamuud Yuusuf oo ka mid ah shaqaalaha ka cabanaya Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Soomaaliya.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Sawirro: Maxaa kasoo baxay booqashadii Maxamed bin Salmaan uu ku tegay Qatar?

0

Doha (Caasimada Online) – Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salman ayaa ammaanka gobolka kala hadlay Qatar, intii lagu guda jiray booqashadii ugu horreysay ee uu dalkaas ku tago tan iyo markii ay boqortooyada soo afjartay xanibaad afar sano ah. 

Maxamed bin Salman ayaa Doha yimid habeenkii Arbacada taasi oo qeyb ka aheyd booqasho uu ku marayo Khaliijka, ku dhowaad sanad kadib markii xiriirka labada dal lasoo celiyey bishii Janaayo 2021.

Sacuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta, Baxreyn iyo Masar ayaa xiriirka u jaray Qatar ayaga oo ku eedeeyey inay taageerto xagjiriinta, ayna xiriir dhow la leedahay Iran — eedeymahaas oo ay Doha beenisay. 

Intii ay socdeen wada-hadallada amiirka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani, labada hoggaamiye ayaa is-weydaarsaday aragti ku saabsan “wax kasta oo lagu ilaalin karo xasilloonida iyo amniga gobolka,” waxaa sidaas tiri wakaaladda wararka Qatar ee QNA. 

Sheikh Tamin “ayaa adkeeyey in booqashadan muhiimka ah ay xoojin doonto xiriirka qotada dheer ee taariikhiga, xilli gobolka uu marayo duruufo,” ayey tiri warbixinta 

Labada hoggaamiye ayaa sidoo kale booqday garoonka kubadda cagta Lusail, oo marti-gelin doona cayaarta kama dambeysta ee ah koobka adduunka ee sanadka dambe.

Maxamed bin Salman ayaa sidoo kale booqday dalalka Cumaan iyo Imaaraadka Carabta, kahor inta aanu Qatar uga sii gudbixn Baxreyn Khamiistii, halkaasi oo Jimcaha maanta ah uu uga sii gudbi doono Kuwait. 

Lixdan dal ee Khaliijka ayaa kulan madaxeed ku qaban doona Riyadh toddobaadka soo socda. 

Safarka Maxamed bin Salman ee gobolka ayaa waxaa mugdi geliyey xariga nin la tuhmayey inuu ku lug lahaa dilkii weriye Jamaal Khaashuqji oo lagu qabtay garoonka diyaradaha Paris Arbacadii.

Ninkaas ayaa lasii daayey kadib markii mas’uuliyiinta Faransiiska ay sheegeen in lagu khalday qof kale.

Dilka Khaashuqji oo October 2018 ka dhacay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul ayaa waxaa la sheegay inuu amray dhaxal-sugaha, hase yeeshee bin Salman wuu iska fogeeyey inkasta oo uu aqbalay mas’uuliyadda guud.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

 

Musuq-maasuq waa jiraa, balse kaalinta ugu hooseysa kuma jirno caalamka (Caddeyn)

0

Ma dhahayo Soomaaliya musuqa nadiif ayeey ka tahay sida; New Zealand, Finland, Denmark iyo Sweden, lamana aqbali karo in Soomaaliya ay ka musuq maasuq badan Kenya, Nigeria, Angola, India, Bangladesh, Swaziland, Souht Sudan, Yeman, Afganistan iyo Ciraq.

Qof walba oo Soomaali ah waa inuu ogaado marka la yiraahdo Soomaaliya waa dalka ugu musuq maasuqa badan caalamka in waxyeelo weyn soo gaartay sumacadisa, balse maamulka meesha jooga markaas warbixintu si gooni ah uma taabato. Waxaa arkaysa dad ku faraxsan isuguna hambalyeenaya marka Soomaaliya lagu tilmaamo in musuq daashaday.

Hay’ada Warbixinteedu in aysan xaqiiqda ka turjumayn waxaa daliil u ah:

Sanadkii 2005 waxaa dalka madaxweyne ka ahaa Marxuum Cabdullahi Yusuf Axmed AUN.  Lix bilood oo ka mid ah sanadkaas dowladu waxay ku soo qaadatay dibad joog, waxaana saldhig u ahayd Kenya, lixdii bilood ee danbe waxaa dowladii u kala jabtay laba garab oo u kala hayaamay Jowhar iyo Muqdisho. Cabdullahi Yusuf iyo Ra’iisul Wasaare Geedi markii ay ku sugnaayeen Jowhar waxaa bixin jiray kharashaadka aadka u xadidan ee ku baxa howl maalmeedka dowladda ganacsade la yiraahdo Imaan Maxamed Cali. Dowladaas ma lahayn ciidan mushaar qaata, shaqaale xafiisyo ka shaqeeya, balse xildhibaanada joogay Jowhar waxaa ku adkayd inay maareeyaan nolol maalmeedkooda.  Waxaan xasuusta xaflad loo qabtay Safiirka Chine ee Kenya u fadhiya oo booqosha ku yimid Jowhar, inuu dowladda ugu deeqay 100,000 (Boqol kun oo dollar) bal qiyaas dhaqaale la’aanta jirtay intay le ekayd.

Xaaladii noocaas ahayd oo dalkaba dowlad ka shaqaynayn oo xildhibaano iyo wasiiro mooyee cidkale oo magacaaban aysan jirin, Haya’da daahrogida musuq maasuqu waxay Soomaaliya galisay no, 148. Waxaa naga hooseeyey in ka badan 11 wadan. Fadlan GUJI HALKAN u ogaato xaqiiqda.

Bal is weydii waxay ku cabireen 2005-tii oo ahayd sanadkii ugu horeeye oo magaceena lagu daro liiska Hay’ada Daahrogida Musuq maasuqa. Waxaa kale oo yaab lahaa in sanadkii 2006 oo dowlada labadeeda garab la mideeyey loona wada guuray Baydhabo, in Hay’adu aysan Soomaaliya ku soo darin liiska, GUJI HALKAN.

Laga soo bilaabo 2007-2019 Soomaaliya iyo North Korea waxay ku jireen kaalinta ugu hooseysa dhanka musuq maasuqa. North Korea maahan dal caalamku xariir la leeyahay ama si hufan warbixin looga soo diyaarin karo cid tagi kartana aysan jirin, qaabkee loo cabiray musuq maasuqa ka jiraa dalkaas, kaliya warbixinadaan ku aadan Soomaaliya iyo wadamada kale warbixin iska diyaarsan uunbaa gadaal looga daraa.

Sanadkii 2016-kii sida ay qortay Reuters dalka Kenya in ka badan sadex meelood oo meel miisaaniyada dalka ayaa la musuq maasuqay, waxaana sanadkaas Kenya kaga jirtay No. 145 waxaana iyada iyo Soomaaliya u dhaxeeyey 35 wadan. GUJI HALKAN si aad u akhriso warbixinta.

Ilaa bur burkii Soomaaliya waxaa loo bixiyey magacyo badan: Soomaaliya waxay dowlad la’aan tahay laga soo bilaabo 1991-kii, waa wadan fashilmay, Dowlad tabaryar, Dowlad kala qaybsan, Burcad badeed, Argagaxiso, iyo musuq maasuq. Dhamaan arimahaan oo badankooda ay ahaayeen gacan ku samays waa ujeedo laga leeyahay dalkaan inuusan talaabo horay u qaadin. Adiga Soomaaliga ah hadaad ku sii faraxsan tahay in nalagu tilmaamo wadanka caalamka ugu musuq maasuq badan xaalkeenu waa “Dal ba’ayoo yaa ku leh”

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid.

Qaraxyo ‘ay diyaarinayeen’ Al-Shabaab oo la fashiliyey

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Ciidamada Maamul Goboleedka Puntland ayaa howlgallo qorsheysan waxay ka fuliyeen dhulka buuraleyda silsiladda Golis ee ka tirsan Gobolka Bari.

Howlgalka ciidamada ay sameeyeen ayaa waxaa lagu burburiyey saldhigyo ay ciidamada Al-Shabaab ku sugnaayeen oo ku yaalo buuraleyda Golis.

Sidoo kale, saraakiisha hoggaamineysay ciidamada howlgalka sameeyey ayaa sheegay inay qabteen waxyaabo qarxa oo ay diyaarinayeen kooxda Al-Shabaab.

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay inay dileen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo ku sugnaa dhulka Buuraleyda ee howllgalka lagu sameeyay.

Ma jirto illo madax banaan oo xaqiijiyey sheegashada maamulka Puntland ee ah inay burburiyeen saldhigyo ay lahaayeen Al-Shabaab iyo dilka dagaalyahanada.

Kooxda Al-Shabaab ayaa saldhigyo waaweyn ku leh Buuraleyda Golis waxayna marar badan halkaas kasoo qaadeen weeraro culus. Sidoo kalana waxaa halkaas ku dhuumaaleysanaya dagaalyahano ka tirsan Daacish.

Howlgalkaan ayaa wuxuu kusoo aadayaa xilli uu khilaaf u dhaxeeyo ciidamada PSF ee loo tababaray la dagaalanka Al-Shabaab iyo madaxweynaha Puntland Saciid Deni kaasoo saameyn xoog leh ku yeeshay Magaalada Boosaaso.

Maamul cusub oo Galmudug ‘laga dhisayo’ xilli ay kordheen beelaha diidan Qoor Qoor

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Shir looga soo horjeedo maamulka Galmudug ayaa maanta ka qabsoomay degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud, taasi oo beelaha Waqooyiga Galgaduud uga tashaneayeen sidii maamul cusub u sameysan lahaayeen.

Shirkan oo ay ka qeyb-galeen Odayaasha, Waxgaradka iyo Aqoonyahanka beelahaas ayaa waxay sheegen in maamulka Galmudug uu ku fashilmay isku haynta beelaha dega deegaanadaas, islamarkaana ay ka waayeen xuquuqdoodii.

“Galmudug waxaa wax uga dhisanay xuquuqdeeda in aan wax ku yeelano, haddii aan ka weynay xuquuqdeena waalid nooma aha oo xaq naguma laha in aan tashano ayaa xaq u leenahay,” ayuu yiri Oday kamid ah Odayaasha beelahaas oo ka hadlay shirkaas.

Waxay sheegen in maamulka Galmudug ee uu hogaamiyo madaxweyne Qoor-Qoor uu dhageysan waayey tabashadooda, islamarkaana aysan maamulka ku haysan adeegyadii aasaasiga ahaa, sida ay hadalka u dhigeen.

“Mar haddaan shaqaalaheeda xataa waxba ka laheyn, marti ma nihin aan tashano oo maamul aan dhisano, sabirnay oo isbedel weynay waxaana laguma jiri karo. Oday beeleedkeena la dhageysan maayo oo Ugaaskeena la dhageysan maayo.”

Sidoo kale waxay sheegen in maamulka Galmudug uu ku fashilmay qabashada doorasho xor iyo xalaal ah, taasina ay horseeday inay iska horyimaadan beelaha maamulkaas, oo ayadu hore u sii kala fogeysay, sida ay sheegen.

Maamulka Galmudug ayaa muddooyinkii dambe wajahayay dhibaatooyin dhowr ah oo dhanka amniga iyo maamulka ah oo sida la fahamsan yahay ay horseed u yahay maamulka madaxweyne Qoor-Qoor.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Go’aan culus oo laga soo saaray shirkii Musharaxiinta iyo 10 shardi oo lagu xiray ka qeyb-galka doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Midowga Musharaxiinta Soomaaliya oo maalmihii dhowaa shirar ku lahaa magaalada Muqdisho ayaa qoraal ay caawa soo saareen ku dalbaday in la hakiyo doorashada golaha shacabka, oo ay horey u sheegeen in la boobayo.

Golaha ayaa sidoo kale dalbaday in la isugu yimaado shir wadatashi ah, si loo joojiyo, bay yiraahdeen, boobka, lana xalliyo tabashooyinka laga qabo sida ay ku billawdeen doorashooyinka Golaha Shacabka, lana saxo habraaca iyo habdhaqanka doorashada lagu wado.

Si ay taasi u hirgasho golaha ayaa dalbaday arrimaha soo socda:

a) In Ia faafiyo Iiiska odayaasha dhaqanka 135, iyo guddi-beeleedka soo xulaysa ergada kursi kasta. 

b) In la xaqiijiyo ergada wax dooranaysa in ay yihiin kuwii ay soo xuleen odayaasha dhaqanka, Ia diiwan geliyo, la faafiyo magacyadooda. 

c) In kursi kasta lagu tartamo islamarkaana la mamnuuco malxiiska iyo in shakhsi loo xiro. 

d) In goob kasta oo doorasho ay joogaan korjoogayaal Soomaali ah iyo kuwo caalami ah, iyo saxaafadda madaxa bannaan. 

e) In dib loogu laabto doorashada kuraasta Ia boobey lana waafajiyo habraaca doorasho ee lagu heshiiyo.

f) In markii la saxo habraaca doorashada, la soo saaro jadwal midaysan oo ay ku caddahay maalinta ay billaabaneyso iyo maalinta ay dhammaaneyso doorashada. 

g) In aan baaritaan lagu celin karin xubnihii Baarlamaankii hore, halka tartamaha cusub ee xilka xildhiban looga joojin karo oo keli ah fal danbiyeed ay Maxkamad xukuntay, iyo in lagu hayo fal argagixiso oo caddayn leh. 

h) In murarashaxiinta u tartamaysa kursi kasta ay helaan fursado siman oo ay ergada kursiga kula kulmi karaan, ergadana aan loo diidin inay si siman u arki karaan murashaxiinta kursiga 

i) In aan Muqdisho loo soo wareejin karin kuraas deegaan doorasho kale. 

j) In la xaqiijiyo qoondada haweenka lana qeexo sida ay ku imaaneyso, si meesha looga saaro hab hawo-raac ah oo qoondaynta loogu beegsanayo murashax gaar ah. 

Qoraalka ayaa ugu danbeyn lagu yiri “Goluhu wuxuu diyaar u yahay in uu doorashooyinka ka qaybgalo haddii la waafajiyo shuruudaha kor ku xusan, haddiise la baal maro, lana sii wado boobka doorashada, Goluhu isagoo ka duulaya waajibaadka qaran ee saaran, wuxuu qaadayaa tallaabooyinka lagama maarmaanka u ah samatabixinta qaranka iyo qabashada doorasho hufan.”