25.4 C
Mogadishu
Wednesday, July 1, 2026

Wasiir ka tirsan xukuumadda Rooble oo tilmaam sharaf dil ah ka bixiyey ciidanka DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Cumar Cali Rooble oo la hadlayey warbaahinta ayaa eedeyn culus u jeediyey ciidamada dowladda federaalka ee ka howl-gala gudaha magaalada Muqdisho.

Cumar Cali Rooble ayaa shaaciyey in ciidamada ammaanka ee loo xil-saaray nabadda ay lacago baad ah ka qaadaan shacabka Soomaaliyeed iyo gaadiidka isaga kala gooshaya caasimada, taas oo uu ku tilmaamay inay tahay dhac dadban oo aan indhaha laga qabsan karin.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in mootadii ama baabuurkii aan dirin lacag uusan dhaafi karin baraha koontarool ee ku yaalla magaalada Muqdisho.

“Goobaha hubinta ciidamada amniga u xilsaaran ee jooga waxaa ka socda dhac dadban oo aan indhaha laga qabsan Karin, Gaadiidkii iyo weliba mootadii aan lacag dhiibin magaalada uma gudbi karaan, telefoonka haddii aan lacag kusoo dhicin dib u laabo wax la aqbali karo ma aha waana in wax laga qabtaa” ayuu yiri Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa hoosta ka xariiqay in arrintan sharaf dil ku tahaya dhammaan ciidamada Soomaaliyeed, wuxuuna ku baaqay in deg-deg wax looga qabto.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo inta badan isgoysyada magaalada Muqdisho ay haatan ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo mararka qaar waddooyinka ka celiya gaadiidka noocyadiisa kala duwan, taas oo saameyn daran ku yeelata shacabka.

Si kastaba, Muqdisho ayaa waxaa haatan ka jira xaalado is-biirsaday, waxaana ugu daran falalka amaan darri, gaar ahaan dhaca habeenkii ka socda degmooyinka gobolka Banaadir.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii
 

DF Somalia oo Somaliland ‘kasoo xirtay’ 7 ka mid ah 10-kii dal ee ay ka heli jirtay…

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in dowladda federaalka Soomaaliya ay is-hortaagtay deeqihii waxbarasho ee ay ka heli jirtay qaar ka mid ah dalalka caalamka.

Guddiga joogtada ah ee Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay ardayda Somaliland kasoo xirtay 7 ka mid ah 10-kii dal ee ay ka heli jireen deeqaha waxbarasho.

“Deeqaha waxbarashada ee dibada waxa ina siin jiray 10 waddan oo kala ah, Sudan, Kenya, Uganda, Masar, Yemen, Libya, Turkey, Malaysia, Itoobiya, Taiwan iyo Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, deeqaha waxbarasho waxaa carqaladeeyay Dowlada Faderalka Soomaaliya,” ayuu yii Guddoomiye ku xigeenka guddiga joogtada ah ee golaha wakiilada Somaliland, Axmed Xasan Cali Casoowe.

“Waxay ku dooday in deeqihii layna siin jiray iyada lasoo mariyo, dalalka imika toos aynu deeqaha waxbarasho si toosa uga helno waxa ka mid ah, Dowlad Deegaanka Soomaalida, Taiwan iyo Itoobiya, inta kale waxay qaateen qolada woxoodii,” ayuu yiri.

Dalalka uu xusay inay deeqaha ka joojiyeen ayaa waxaa ugu muhiimsan Kenya, ayada oo la rumeysnaa in Kanya iyo Somaliland ay aad isugu dhowaayeen tan iyo markii uu khilaafka ka dhex-qarxay Muqdisho iyo Nairobi.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sanadkii tegay booqasho madaxweyne ku tegay Nairobi, halkaasi oo uu kula kulmay madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Hase yeeshee sida muuqata, Kenya ayaa tallaabooyinkeeda ay ahaayeen kaliya inay kaga careysiiso dowladda federaalka, balse aysan dhab ka aheyn inay wax u qabato Somaliland.

Xukuumadda uu hoggaamiyo Farmaajo ayaa tan iyo markii uu xilka qabtay la gashay Somaliland dagaal xooggan oo Somaliland looga soo xiray albaabo badan oo dhaqaale iyo waxbarasho.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Sawirro: Ciidamada DF oo howlgal ku burburiyey xarun ay lahaayeen Al-Shabaab

0

Afgooye (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howl-gal qorsheysan oo ciidamada dowladda maanta ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose ee koonfurta Soomaaliya, kaas oo lagu beegsaday xoogag ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in howl-galladan si gaar ah loogu burburiyey xarumo ay xoogaga Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanada Gambarey, Dawacaale iyo Geediyaan oo dhammaan hoostaga gobolkaasi, kadib markii ay ciidamadu gudaha u galeen deegaanadaasi.

Saraakiisha hoggaamineysa howl-gallada ayaa shaaca ka qaaday inay cagta mariyeen fariisimo ay dagaalayahanada kooxda Al-Shabaab ku lahaayeen halkaasi, ayna la wareegeen gabi ahaan gacan ku heynta saddexdaas deegaan, sida ay hadalka u dhigeen.

Ciidamada ayaa sidoo kale xarumo cusub ka sameystay halkaasi, waxayna saraakiisha horkaceysa sheegeen inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Xaaladda ayaa aad u kacsan, waxaana dadka deegaanka ay cabsi ka muujinayaan in lagu kor dagaalamo, maadaama ay labada dhinac wadaan dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howl-galladaas ee ay guulaha ka sheegatay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Si kastaba, Shabeelaha Hoose ayaa ka mid ah gobollada ay sida weyn ugu xoogan tahay Shabaab, waxaana inta badan ka dhaca dagaallo iyo weeraro khasaare kala duwan geysta.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

XOG: Saddexda QODOB ee lagu xaliyay khilaafkii Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisu Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa shalay ku guuleystay inuu xaliyo xiisaddii dhowrkii Cisho ee lasoo dhaafay u dhaxeysay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Mahdi Khadar Guuleed iyo guddoomiyihii hore ee Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Labada nin ayaa isku heystay awoodda iyo hab jiheynta doorashada Golaha Shacabka ee Reer Woqooyiga. Dhowrkii Maalmood ee lasoo dhaafay kulamo ayaa socday lagu raadinayey in xiisadaan lagu damiyo, laakiin dhanka Mahdi ayaa la sheegay inuu culeys badan ka jiray, taasoo loo aaneeyey in cid kale oo ah Villa Somalia uu go’aanka xogooda jiray.

Rooble wuxuu faafiyey inuu Labada Nin ee Cabdi Xaashi iyo Mahdi la kulmay uuna xaliyey mad-madowgii jiray.

Khilaafka Labada Nin ayaa hakiyey doorashada Reer Woqooyiga isagoo sababay inuu kala qeybsamo guddigii doorashada Reer Woqooyiga, balse wuxuu Rooble sheegay inay isaga iyo labadaas hoggaamiye isla garteen markii ay kulmeen in doorashada lasii wado.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Mahdi Khadar Guuleed waxaa isaga si gaar ah loogu eedeeyey sad bursi iyo inuu rabo in kuraasta ay badi kusoo baxaan xubnaha ay wataan Farmaajo iyo Fahad, halka Cabdi Xaashi uu ku doodayey in ama wax la qeybsado ama awoodda loo celiyo odayaasha dhaqanka oo hannaanka doorashada si toos ah loo dabaqo.

Haddaba maxaa lagu xaliyey xiisadda?

Illo ka tirsan xafiiska Ra’iisu Wasaare Rooble oo aan la hadalnay waxay sheegeen in Labada Nin ee Cabdi Xaashi iyo Mahdi lagu qanciyey:

1-  in Guddiga doorashada loo madax banaaneeyo shaqadooda oo iyagu korjoogto bis ka noqdaan mashruuca doorashada.

2-  In Odayaasha Dhaqanka loo dhaafo xulista ergada iyo qeybinta iyadoo la isla fahmaayo sax ahaanshaha odayaasha iyo saamiga Beelaha.

3– Labada nin waxaa lagu qanciyey in marka wixii olole ah oo sharci ah laga tago inaysan doorashada mar kale faragelin.

Seddexdaan qodob iyo heshiiska kadib, Ra’iisul Wasaare Rooble wuxuu la kulmay Odayaasha Dhaqanka ee Reer Woqooyiga, wuxuuna u sheegay in laga fariisiyey dhinacyadii siyaasadda loona madax baneeyey doorashada Kuraasta iyo hab-maamulka Beelaha .

Xubnaha Reer Woqooyiga iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa isku fahmay in lasii wado geediga doorashada oo aan la joojin.

Afar Kursi oo kamid ah Golaha Shacabka ee Reer Woqooyioga ayaa Todobaadkaan la dooran doonaa, taasoo ka dhigan in Xafiiska Rooble uu laalay mid kamid ah qodobadii ay mucaaradka soo jeediyeen oo ahaa in doorashada la joojiyo.

Sida muuqato lama joojin doono doorashada. Xubno kamid ah Reer Woqooyiga oo aan la hadalnay waxay sheegeen inuu Ra’iisul Wasaare Rooble ka dalbaday in Kuraasta dhiman la dadajiyo si loo xaqiijiyo natiijada guud ee doorashada dalka.

Mowqifka madaxda maamul goboleedyada ee dalabyadii Midowga Musharaxiinta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Mucaaradka dib ayey uga gurteen tallaabooyinkii waaweynaa, sida dhismaha Gole kumeel gaar ah, doorasho is garab socota ama awood ciidan.

Waxaa horay idinkugu sheegnay inay soo saari doonaan qoraal ay ku dalbanayaan in lagu saxo doorashada si ay uga qeyb-galaan, sidaas ayeyna sameeyeen. Qoraalkii ay mucaaradka soo daayeen wuxuu xambaarsanaa 7 arrimood:

1 – Joojin doorasho

Mucaaradka waxay mar kale ku celiyeen in la hakiyo doorashada socota oo la isugu yimaado shir lagu saxayo qaladaadka jira.

Xogaha aan heleyno waxay sheegayaan in Ra’isul wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu raali ka yahay shirka noocaas ah, balse madaxda maamul Goboleedyada qaar ayaa diidan shirkaas.

Waxaa jira walaac ku saabsan qabsoomida shirkaas, iyadoo Qoor Qoor iyo Lafta Gareen la sheegay in aysan shirkaas xiiseyneyn.

2 – Habraaca

Mucaaradka waxay qoraalkooda ku dalbadeen in la turxaan bixiyo habraaca, si gaar ah waxay u dul istaageen habka loo marayo xulista Odayaasha, qorista Ergada iyo faafintooda, waxay kaloo farta ku fiiqeen u caddaalad sameynta musharixiinta u tartameysa kuraasta xildhibaanada iyo bixinta warqadda ogolaanshaha tartamaha.

Mucaaradka xilli hore ayey dood ka qabeen hab-raaca, jawaab fiicana lagama siinin, Saciid Deni ayaa mar loo xil saaray inuu mucaaradka kala doodo habraacaan awoodda badan siiyey madaxda maamullada, laakiin iyadoo aan mucaaradka taas laga qancin ayaa halkeedii looga dhaqaaqay.

Habraaca hadda la isticmaalayo wuxuu awood badan siinayaa madaxda maamullada, mana rabaan hoggaamiyaasha gobollada in wax laga badalo, maadaama ay faa’iido badan ku qabaan.  Sida ay u aqbali doonaan in la saxo habraaca ayaan la ogeyn.

3 – Fisiraada Tartamaha Labaad (Malxiis)

Mucaaradka waxay diideen kursi qof loo xirayo ama kuwa loo sameenaayo Malxiis lasii ogyahay in uusan tartame aheyn. Dhacdadaan ay mucaaradka farta ku fiiqeen waa midda xiisaha ka qaaday doorashada hadda socota, maadaama lasii ogyahay kursi walba cidda kusoo baxeysa.

Madaxda Maamulada waxaa ku jira damac xooggan oo ku aadan doorashada Federaalka ah, qaar waxay rabaan inay madaxweyne u tartamaan, mid waxaa ku jira damac guddoomiye Baarlamaan, qaarna waxay doonayaan inay musharixiin u dhistaan xilka madaxweynaha, sidaas darteed ma rabaan tartan furan.

Waxay doonayaan dad ay kuraas soo siiyaan oo ay Berri ku abaal sheegtaan, lamana yaqaan sida ay qodobkaan u qaadan doonaan.

4 – Kor Joogto

Mucaaradka waxay soo jeediyeen in kor joogto Soomaali iyo Ajnabi ah loo sameeyo doorashada socota, iyadoo sidoo kale ay ka qeyb galeyso Saxaafadda madaxa-banaan.

Qodobkaan waxaa macquul ah in la isla qaadan karo.

5- Kuraastii la boobay

Midowga musharixiinta mucaaradka waxay soo jeediyeen in lagu laabto doorashada Kuraastii la boobay, dhawaan laba kursi ayuu doorashadoodii diiday guddiga doorashada ee heer Federaal, laakiin weli dhinaca Koonfur Galbeed lagama aqbalin in lagu laabto kuraastaas.

Galmudug iyadana hal kursi ayaa looga dhagan yahay weli. Madaxda maamullada qaar waxay ku doodayaan in haddii ay bilaabato ku labashada kuraas inaan la maareyn karin Berri oo ay dhici doonto in kuraas badan lagu noqdo.

Qodobkaan waa mid culus oo dano badan oo is diidan ay dul yaalaan.

6 – Aargoosi Siyaasadeed

Mucaaradka waxay taabteen meel ay dhammaan dhibsan doonaan madaxda maamullada, waana in la caddeeyo kuraasta noqoneysa qoondada dumarka, si looga saaro meesha in siyaasi la beegsanayo kursigiisa laga dhigo koonto Dumar.

Madaxda maamullada waxaa la sheegayaa inay miiska u saaran yihiin xubno ay rabaan inay kuraastooda Dumar ka dhigaan si ay u bixiyaan. Qodobkaan masoo dhaaweyn doonaan madaxda maamullada.

7- Jadwal cusub

Xubnaha mucaaradka waxay soo jeediyeen in marka arrimahaas la xaliyo kadib la sameeyo jadwal cusub oo doorasho oo la garanayo, xilliga uu bilaabanayo iyo xilliga uu dhammaan doono.

Tani waxay ka dhigan tahay inay doorashada mar kale dib usii dhici doonto.

Marka lasoo koobo farriinta mucaaradka waxay u muuqataa Niman ku heshiin waayey mowduucii koowaad, kadibna raadsaday dariiq ay ku baxsadaan oo ay shirka kusoo gunaanadaan, waxaana la is waydiinayaa waxa xigi doona haddii warqadooda loo joojin waayo.

Al-Shabaab oo shaacisay in weerar is-qarxin ah ay ku dishay askar ka tirsan Amisom

0

Jowhar (Caasimada Online) – Waxaa weli isa soo taraya macluumaadka laga helayo weerar is-miidaamin ah oo Sabtidii shalay lagu qaaday kolonyo ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM, xilli ay ku socdaalayeen wadada xiriirisa degmooyinka Mahadaay iyo Jowhar oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe ee maamulka HirShabelle.

Weerarkan oo ahaa mid culus ayaa waxaa loo adeegsaday gawaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa, sida uu shaaciyey sarkaal la hadlay wakaaladda wararka ee Anadolu.

Ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Burundi oo ah kolonyada qaraxa lala eegtay ayaa lagu soo warramayaa in qaraxyadan ay kasoo gaareen khasaare dhimasho iyo dhaawac, walow taliska AMISOM uusan weli war rasmi ah kasoo saarin qaraxyadaasi is xig-xigay.

Al-Shabaab oo dhankeeda ka hadashay weeraradaas ayaa shaaca ka qaaday inay dishay ugu yaraan shan askari, sidoo kalena ay gubtay gaadiid ka mid ah kolonyada AMISOM.

Xaaladda goobaha ay weerarada ka dhaceen ayaa maanta deggan, waxaana inta u dhexeysa Mahadaay iyo Jowhar haatan dhaq-dhaqaaqyo ka wada ciidamada huwanta.

Shalay ayey aheyd markii qarax nooca miinada ah oo ay waxyeelo kasoo gaartay xildhibaano ka tirsan HirShabelle uu ka dhacay gudaha magaalada Jowhar.

Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro kala duwan ka fulisa deegaanada HirShabelle, iyaga kasoo abaabula weeraradaas deegaanada ay ka heestaan gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Daraasad cusub oo shaaca ka qaaday awoodda ciidan ee Ahlu-Sunna Waljamaaca

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Machadka SPA (Somali Public Agenda) oo fadhigiisu yahay Magaalada Muqdisho ayaa soo saaray daraasad (Cilmi baaris) uu kaga hadlayo waxa keenay soo rogaalcelinta Ahlu-Sunnada Gobolada Dhexe.

Xoogagga Ahlu-Sunna oo daba-yadii bishii February ee sanadkii 2020 looga adkaaday dagaalkii Magaalada Dhuusamareeb ayaa dib u soo rogaalceliyay bartamihii bishii September ee sanadkan. Xoogagan ayaa 1-dii bishii October la wareegay gacan ku haynta Magaalada Guriceel, iyadoona dagaal dhowr cisho socday ay magaaladaasi kula galeen Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Galmudug, ka hor intii aanay daba-yaaqadii bishaasi dib uga bixin.

Dagaalkaas oo dad badan oo saraakiil ay ku jiraan ku dhinteen ayaa muujiyay in Ahlu-Sunna weli tahay cudud ciidan oo saamayn ku leh Gobolada Dhexe, marka aad eegto in afar boqol oo dagaal-yahanadeeda ka mida ay u babac-dhigeen dhowr kun oo isugu jira ciidamada kala duwan ee Dowladda Federaalka iyo kuwa Galmudugba. Saraakiisha Ahlu-Sunna waxay bishii November sheegeen in Guriceel uga baxeen dhexdhexaadin ay garwadeen ka ahaayeen odayaasha, waxgaradka iyo ganacsatada deegaanka.

Dasaaradda Machadka SPA oo Khamiistii lagu soo bandhigay caasimadda Muqdisho ayaa lagu sheegay in soo rogaalcelinta Ahlu-Sunna ay ka dhalatay carro badan, oo ay ka muujisay qaabkii loola dhaqmay.

Cilmi baarista ayaa sidoo kale lagu sheegay inay jireen fursado muhiim ahaa oo la dayacay, ka hor inta aanay Ahlu-Sunna isa soo abaabulin, dibna ugu soo laaban deegaankii ay ka arrimineysay dhowr iyo tobanka sano.

Farxaan Isaaq Yuusuf, Agaasimaha Machadka SPA ayaa sheegay inaanan Ahlu-Sunna laga daba tegin, oo wada xaajood lala samayn, ka dib markii looga adkaaday dagaalkii Dhuusamareeb.

“Markii laga adkaaday magaalada ayay ka taggeen, Gaalkacyo ayay taggeen oo ay ka sii taggeen, markii laga adkaadayna ma dhicin dib-u-heshiisiin, soo dhaweyn, ka daba tegid iyo wada hadalo lala furo. Taas waxay keentay tabasho ay qabaan Ahlu-Sunna Waljameeca, maadaama ay ahaayeen maamul ka talinayay deegaanka muddo toban iyo laba sano ku dhawaad ah oo maamul jiro ahaa. Dowladda Soomaaliya ayaa wada hadal la gashay, markii hore oo maamul la sameynayay ay ogolaadeen, xubnana la siiyay, haddana intii ay filanayeen wax ka yar ayay ula muuqatay ayaga,” ayuu yiri Agaasimaha.

Agaasimaha Machadka SPA ayaa sheegaya inaanay weli muuqan dadaalo uu Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) wax kaga qabanayo tabashada Ahlu-Sunna.

“In wada hadal lala furo Ahlu-Sunna Waljameeca oo lala heshiiyo waxay ahayd xalka ugu fiican, oo dagaal dhacaa oo soo laabasho Ahlu-Sunna WalJameeca ah iyo xoog wax lagu raadiyaa ka hortaggi lahaa, maysan dhicin.” Ayuu yiri Farxaan Isaaq Yuusuf, Agaasimaha Machadka SPA.

Waxa kaloo uu yiri “Arrimo kaloo fara-badan ayaa jirta ayadana ay meesha ka muuqato farsamo ahaan markaad fiirisid, inaysan jirin xog iyo xooraansi oo looga hortaggi lahaa ama xitaa ka warhayn imaanshahooda ah, ma jirin.”

Farxaan Isaaq ayaa tilmaamay, haddii sidii hore wax ku sii socdaan, lana xalin tabashada Ahlu-Sunna ay markaasi halis gelin karto amniga aan cagaha badan ku taagnayn ee Galmudug ka jira.

“Ahlu-Sunna WalJameeca ciidan ahaan hadda lagama adkaanin, inta laga adkaaday hoggaankoodii lama soo qaban, ciidamadii ka tirsanaa lama soo qabanin, lamana afjarin jiritaankoodii. Way jiraan oo waa xoog jira oo hubeysan oo joogga, kuna uruursan hadda qaybo ka mida Galmudug. Marka sii jiritaankooda waa mid halis ku haysa amniga iyo nabadda deegaanka, illaa iyo haddeer ma muuqdaan waan-waan iyo wada hadal lala furayo Ahlu-Sunna, oo wax looga qabanayo tabashooyinka ay qabaan, arrintaasi u muuqata haddii sidii hore wax ku socdaan oo labada dhinacba in xoog wax ku xaliyaan isku dayaan waxay halis gelin kartaa amniga yarka ah ee ka jira deegaankaasi.”

Dhawaan, Madaxa Arrimaha Siyaasadda ee Ahlu-Sunnada Gobolada Dhexe, Cabdisalaan Aadan Xuseen ayaa sheegay in iyagu ay doonayaan in arrinta taagan wada hadal lagu dhammeeyo, ha yeeshee uu Galmudug ku eedeeyay in taasi diidan tahay.

Ahlu-Sunna waxa ay Gobolada Dhexe dib ugu soo laabatay, xilli Madaxtooyada Galmudug ku howlan tahay Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii
 

Maxay Israel uga walaacsan tahay siyaasada dowladda cusub ee dalka Germany?

0

Tel Aviv (Caasimada Online) – Siyaasiyiinta iyo diblomaasiyiinta Israel ayaa indho walaac leh ku eegaya isbeddelka xukun ee ka dhacay Germany, halkaasi Angela Merkel ay xukunka ka degtay kadib 16 sano.

Waxaa jirta cabsi ah in maamulka cusub ee Germany uusan Israel u taageeri doonin si la mid ah kan xukunka kaga horeeyey.

Eldad Beck, oo ah qoraa ka tirsan wargeyska Israel Hayom, horeyna u qoray buugaag badan oo ku saabsan xiriirka Germany iyo Israel ayaa sheegay in siyaasadda dowladda cusub ee wadaagga ah ee Berlin oo ka kooban 177 bog ay ku jiraan qodobo walaac leh.

Beck ayaa sheegay in siyaasaddaas ay ku jirto in Germany ay si xooggan uga soo horjeedo sharciga oranaya in Israel “ay tahay qaran Yahuud.”

Waxa uu sidoo kale cambaareeyey ballan-qaadka dowladda isbaheysiga ee ah “inay ku baaqi doonto joojinta dhismaha deegaanada Yahuudda, ee ka dhanka ah xeerarka caalamiga ah.”

Beck waxa uu su’aal ka keenay ballan-qaadka dowladdaas ee ah inay maal-gelin doonto hay’adda UNRWA, oo ah ah midda QM u qaabilsan taageerada qaxootiga Falastiin.

Marka ay noqoto Iran, oo Israel ay u aragto mid halis ku ah jiritaankeeda, Beck ayaa sheegay in dowladda cusub ee Germany ay rajeyneyso in deg deg loo soo gaba-gebeeyo wada-hadallada Nukliyeerka “ayada oo Iran lagu celinyo u hoggaansamidda heshiiska Nukliyeer ee 2015.”

Israel ayaa kasoo horjeedda in Iran lala galo wada-hadallo ama heshiis Nukliyeer, oo hogaaminaya in laga qaado cunaqabateynada, ayada oo rumeysan in taasi ay siin karto fursad ay kusii horumariso barnaamijkeeda Nukliyeerka. 

Ra’iisul Wasaraaha cusub ee Germany Olaf Scholz ayaa la dhaariyey 8-dii December, waxaan hadda Israa’iliyiinta ay ka war dhowrayaan sida uu siyaasadihiisa u fuliyo.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

DF oo shaacisay inay tallaabo ka qaadeyso maleeshiyada Waqooyiga MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka amniga ee xukuumadda Soomaaliya Cabdullahi Maxamed Nuur oo maanta ka qeyb galay kulan looga hadlaayey ammaanka iyo horumarka degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir ayaa sheegay in dhawaan ay dowladdu bilaabi doono howlgallo ka dhan ah maleeshiyaadka hubeysan ee aan dowladda ka amar qaadan.

Wasiirka ayaa sheegay inay marar badan soo gaareen fariimo ka yimid maamulka iyo bulshada degmada Kaaraan oo ka cabanaya askar wadata dharka shacabka, kuwaas oo aan ka tirsaneyn ciidamada dowladda.

“Waxaan idiin xaqiijinayaa inay nasoo gaartay fariintiina, waa dembi in qof aan ka tirsaneyn ciidanka qaranka uu soo qaato qori oo bulshada la dhex-joogo, waxaan ka yeeli laheyn waa ka tashanay, dhawaana waxaan ka qaadi doonaa tallaabada ku haboon,” ayuu yiri wasiirka amniga Cabdullahi Maxamed Nuur.

Degmada Kaaraan oo dhacda waqooyiga magaalada Muqdisho ayaa marar badan marti gelisay isku dhacyo hubeysan oo dhex-maray maleeshiyad deegaanka ah.

Kaaraan waa degmada ugu badan oo gacan ka hadalku uu ka dhasho is qab-qabsiga la xariira dhulalka ama boosaska, waxaana inta badan gacan ka hadalkaas ku lug-yeesha ciidamo ka tirsan militeriga Soomaaliya oo deegaan ahaan ka soo jeeda Kaaraan.

Sidoo kale Kaaraan waxaa degan oo ciidamadoodu ay isku dhacaan, mararka qaarna toos ugu lug-yeeshaan is qab-qabsiga dhulalka saraakiil ka tirsan xoogga dalka, waxaana inta badan dowladda ku adkaata inay xakameyso saraakiishaas iyo ciidamadooda.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Ololaha culimada taagersan Farmaajo, Fahad iyo Qatar

0

Waxaa maalmahaan baraha bulshada qabsaday khudbadaha dhawr wadaad (Sheikh) ee aad looga yaqaan Soomaaliya ay ku weerarayaan si la garan karo mucaaradka dowladda federaalka, gaar ahaan Midowga  Musharrixiinta, kuwaaso ay ku eedeynayaan inay yihiin siyaasin damac qaaday, kana daran Al-Shabaab, inay caqabad ku yihiin wax qabadka dowladda federaalka ee talada haysa, inay  yihiin mufsidiin aan aqoonsaneyn qaddarta ilaahey ama inay colaad ay u qabaan Madaxweyne Farmaajo darted ay wadanka burburinayaan. Waxay ku doodayaan in mucaaradka raalli ku ahaadaan takrifalka (hoggaaminta wacan) Madaxweynaha talada haya. Waa olole horey u socday, haseyeeshe maalmahaan labo lixaadsaday, wadaado cusubna ku soo biireen.

Wadaada waxay ku eedeynayaan mucaaradka dambi iyo damaca ay galeen ama leeyihiin Farmaajo iyo Fahad.

Culumada waxay iska indhatirayaan dhibaatooyinka faraha badan, dib u dhaca, iyo  musuqmaasuqa dalka ka dhacay 5 sano ee la soo dhaafay oo ilaa maanta socda, kana sii daraya, kuwaaso ay mas’uul ka yihiin Farmaajo iyo Fahad iyo taagerayaashooda ajnabiga ah ee Qatar, Eritrea, iyo  Ethiopia.

Waxaa la kala saari la’yahay in Culumada aysan aqoon fiican u laheyn nidaamka dowladnimo ee Soomaalidu ku heshiishay ama inay ka soo horjeedaan nidaamkaas ku qeexan dastuurka kmg kuna saleysan shareecada islaamka ama inaysan weli waqti u helin inay akhriyaan dastuurka kmg iyo mabaadi’diisa asaasiga ah.

Waxay aaminsanaa in Culumada qaarkeed ay ka qayb galeen shirarkii lagu ansixiyay dastuurka sannadkii 2012.

Dastuurka wuxuu faraya muwaadiniinta inay ilaaliyaan, indha ku hayaan, la xisaabtan ku hayaan mas’uuliinta xilka loo dhiibay, kuna dhaartay magaca ilaahey inay ilaaliyaan ku dhaqanka dastuurka kmg, danta dadka iyo dalka Soomaaliyeed iyo difaaca diinta islaamka. Culumada waa kuwa laga rabay inay maalin kasta sheegaan qaladaadka iyo xadgudubyada mas’uuliinta xukunka haysa si loo saxo.

Shaqadii sax loo qabto waa waajib la fuliyay, abaalmarinteeda waqtiga doorashada ayey imaaneysa haddii qaladaadka dhacay loo dulqaadan karo. Haddii xaqiiqada dhabta ah la iska indhatiro dalka waa burburaya.

Mas’uul la siiyay kalsooni shacab (Farmaajo ii geey), 2.5 bilyan doolar sannadkii, 40,000 ciidan ah, 5,000 shaqaale dowladeed, dastuur uu raaco, barnaamij shaqo uu fuliyo, iyo 4 sano ee muddo xileed ah, cidna kama hor istaagin gudashada shaqadiisa hab waafaqsan dastuurka, sharciga, iyo qorshaha shaqo ee la siiyay.

Culumada waxay ka aamusnaayeen, welina kaa aamusan yihiin inay cambaareeyaan gaboodfallada, musuqmaasuqa, maamulxumada dalka ka dhacay 5 tii sano ee la soo dhaafay, adduunkana la socdo. Gaboodfalladda dhacay waxaa ka mid ah:

1. Curyaaminta Barlamaanka Federaalka matalayay shacabka iyo dowlad goboleedyada Soomaaliya;

2. Dagaalka dowladda federaalka ku haysay 5 sano Dowlad Goboleedyada kaaso curyaamiyay fulinta dhammaan arrimihii mudnaanta lahaa ee 5ta sano la qorsheeyay, taaso keentay dib u dhac dhaawacay aayaha dhallinyarada Soomaaliyeed.

3. Boobka, musuqmaasuqa, maamulxumada, iyo xisaab xir la’aanta hantida Ummadda Soomaaliyeed. Hay’adda daahfurnaanta Caalamiga ah ( International Transparency), Hantidhawraha Guud ee Qaranka Soomaaliyeed, iyo Guddiga Maamulka Maaliyadda ( Financial Governance Committee) waxay isku raaceen in Soomaaliya tahay dal musuqmaasuqa la degay.

Sannadka 2020 keli ah, marka laga soo gudbo musuqmaasuqa hareereeyay 25 hay’adood ee la baaray oo ay ku jiraan Xafiiska Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha, Wasaaradda Maaliyadda, Barlamaanka Federaalka, lacagta la lunsaday waxay gaareysa 152 milyan doolar oo aan wax dokumenti ah laga hayn.

4. Waxaa la boobay doorashada Hirshabelle, Koofur Galbeed, iyo Galmudug, waxaana la hagardaameeyay diyaarinta doorashada Barlamaanka federaalka si loo helo muddo kororsi sharcidarro ah, taaso lagu dhawaaqay 2021, haseyeeshe laga noqday kaddib markii dadka reer Muqdisho lagu kallifay inay dhiig iyo barakac huraan si ay u difaacan dastuurka, xorriyadooda iyo karaamadooda oo lagu xadgudbay.

Eedda Iibsiga iyo keensashada Xildhibannada waxaa Iska leh Farmaajo iyo Fahad.

5. Waxaa lagu xadgudbay qodobbada dastuurka 60 iyo 91 ee ku saabsan muddo xileedka 4 sano ah ee Barlamaanka Federaalka iyo Madaxweynaha, oo astaan u ah qabashada doorasho xor iyo xalaal oo heshiis lagu yahay si loo ilaaliyo in awoodda dowladda lagu kasbado si sharci ah. Waa daruuri soo banbaxa muwaadiniin damac siyaasadeed leh.

6. Waxaa sannad iyo bilo hooyaya waalidiinta 5,000 dhallinyaro ah ee loo qaaday Eritrea si baalmarsan sharciga iyo nidaamka dowladda iyo bani’aadamnimada iyo waalidiinta Sarkaalad Ikram Tahlil Faarax oo nolol iyo geeri aan lagu hayn oo NISA lagu eedeynayo.

7. Waxaa dhacay dhibaatooyin ay ka mid yihiin madax la wareeray, qaar la dilay ilaaladooda, qaar la dhaawacay, qaar la damcay in diyaarad lala rido kaddib markii loo diiday inay dhulka soo degto, DG cunaqabateyn cirka iyo dhulka la saaray Jubbaland, muwaadin loo dhiibay Ethiopia, cadaaladdarro gaartay in Al-Shabaab cadaalad loo doonto,

Waxaa nasiib darro in culumo markhaati ka ah gaboodfallada, boobka, musuqmaasuqa, iyo maamulxumada Farmaajo iyo Fahad mas’uulka ka yihiin ay ku eedeeyaan mucaaradka kuna tilmaamaan inay yihiin mufsidiin ama la mid yihiin Al-Shabaab.

Mucaaradka, dhammaan indheer garadka, bulshada ra’yidka oo culumada ku jirto waxay ka gaabiyeen gudashada waajibaadkooda dastuuriga ah, waddaniga ah oo ah inay ku midoobaan xil ka qaadista Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday iyo Golaha Wasiirrada fashilmay si soomaaliya loo badbaadiyo xukunka koox burcad ah iyo qalalaase siyaasadeed.

Dr. Maxamud Culusow

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid.

Saxaafadda wax jaangoysa!

0

Haddii saxaafaddu wakhti badan geliso sheekooyinka arrimaha bulshada quseeya, kana hadasho ganacsiga iyo hal-abuurka dhallinyarada, waxaa hubaal ah in dad badan oo siyaasadda ku maman ay kasoo laaban lahaayeen, loona jiheysan lahaa in wax la ikhtiraaco, lagana fikiro wax wanaagsan. Hadda badi waxay saxaafaddu siisay wakhti badan siyaasadda, waxaana muuqatay in siyaasaddu ay noqotay suuq laga macaasho, si loogu biirana la geliyo qarash badan.

Saxaafadda iyo siyaasadda, labadaba waa cilmi lagu barto waxbarashada sare. Waxaana loo baahanyahay dadka ka shaqeynaya in aqoon ahaan iyo akhlaaq ahaanba ay yihiin kuwa dhisan. Saxaafaddu waxay kamid tahay waxyaabaha lagu sameeyo “National agenda” waxaa lagu jiheeyaa bulshada, sidaas darteed, waa mas’uuliyad weyn oo ammaano ah. Ma aha sida dadka qaar u moodaan, oo ah in la iska hadlo, waxna la iska qoro.

Saxafi kasta waxa uu ka qiimo badanyahay weriyayaalka kale inta uu ka run badanyahay, ka  il-wareed badanyahay, ka aqoon badanyahay, sidoo kalana, ka akhlaaq badanyahay. Saxafigu ma aha mid wixii loo sheego durba baahiyo, waana kan wax baara oo wax xaqiijiyo.

Dadka iska leh hey’adaha warbaahinta qudhooda, waxaa habboon iney kala saaraan xirfadda iyo ganacsiga. Idaacadda, joornaalka ama telefashinku waa in uu leeyahay siyaasad shaqo, lana yaqaanno ahdaafta ay u taaganyihiin, cidda ay la hadlayaan ama wax u qorayaan. Qolka tifaftirku waa in uusan noqon mid wax ku jaan-gooyo dakhliga soo xarooda, shaqadaas waxaa leh, xafiiska ganacsiga iyo xayisiimaha u qaabilsan xarunta.

Warku maaha mid lacag lagu sameeyo, laakiin wuu noqon karaa mid kuu sahlo in aad lacag hesho. Hadalkaan waxaan ula jeedaa, haddii aad baahiso war sugan oo aan lacag lagu qaadan, waxaa kuu abuurmaya dhegeysteyaal iyo akhristeyaal badan, waxayna dad badan door bidayaan iney xaysiismo kuu keensadaan.

Shaqada oo aad si dhab ah u wajahdo, waxay kuu abuureysaa lacag iyo sharaf.

Saxaafaddu waa shaqo fiican oo sharaf leh, laakiin, qof kasta saxafi ma noqon karo, si lamid ah caafimaadka, handasada iyo duuliyahaba.

Cabdi Xaashi iyo Mahdi ‘oo HESHIIS cusub gaaray’

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa Maanta kulan la yeeshay guddoomiyihii hore ee Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed oo uu ka dhaxeeyey khilaaf ka dhashay cidda maamuleysa doorashada kuraasta Golaha Shacabka ee Gobolada Woqooyi.

War kasoo baxay Xafiiska Rooble ayaa lagu sheegay in kulanka mas’uuliyiintaan looga hadlay dardar gelinta howlaha doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ee ka soo jeeda Gobollada Woqooyi, sidoo kalena heshiis looga gaaray khilaafkii ka dhex-oognaa.

“Ra’iisul Wasaaraha XFS Muadne Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed. Kulanka ayaa looga hadlay dardar gelinta howlaha doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ee ka soo jeeda Gobollada Woqooyi, iyadoo xal laga gaaray madmadowgii jiray, waxaana iskuna afgartay in horay sii wado howsha doorashada,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska Rooble.

Qoraalka Xafiiska Rooble laguma faah-faahin waxa ay ku heshiiyeen Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed oo kala hoggaaminaya laba dhinac oo ay u kala jabeen siyaasiyiinta Reer Woqooyiga ee Muqdisho ku sugan, balse waxaa la rumeysan yahay in heshiiskooda uu sal u yahay inay kuraasta u kala qeybsadaan si siman.

Labada nin waxay in muddo ah isku hayeen awoodda maamulka doorashada reer waqooyiga, Boqor Cusmaan Aw Maxamuud Buurmadow ayaa hore u xaliyey khilaafkooda, doorashada ayaana socotay waayadaan.

Si isku dhow ayey xubno ugu yeesheen Aqalka Sare ee baarlamaanka dalka, laakiin markii la yimid doorashada Aqalka Hoose waxaa Ra’isul wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed lagu eedeeyey sad-bursi iyo inuu rabo in kursi walba isagu qorto odayaasha iyo ergada, si uu u soo saaro xildhibaanada uu rabo madaxweyne Farmaajo.

Xubno kamid ah kuwa reer Waqooyiga oo aan la hadalnay waxay noo sheegeen in Mahdi rabo inuu kaligiis maamusho doorashada Golaha Shacabka ee reer Waqooyiga.

“Markii la qorayo odayaasha soo xulaya ergada kursi walba, wuxuu rabaa Mahdi Guuleed in loo qoro cuqaasha taageersan musharaxa uu wato, si ay u soo qoraan ergo la hubo inay dooran doonaan xubinta uu wato,” ayuu yiri kamid ah xubnaha aan la hadalnay.

Cabdi Xaashi ayaa la sheegay inuu kula dhagay markaan, wuxuu miiska la yimid dood la sheegay inay maangal tahay. Dooda Cabdi Xaashi waxay tahay noo qeebi cuqaasha xuleysa ergada kursi walba, haddii aadan ogoleyn noo qeebi kuraasta oo nin walba kuraasta xagiisa ka imaaneysa isaga ha maamusho cuqaasha iyo ergada.

Mahdi waxaa la sheegay inuu taas ka biyo diiday. Cabdi Xaashi markii uu waayey qeybtiisii oo loo diiday in dhexda la dhigo kuraasta iyo maamulka doorashada reer Waqooyiga wuxuu ku qasbanaaday inuu doorashada hakiyo.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

“Wiil ay wada casheeyeen ayaa dilay” – Dhacdo kale oo xanuun badan oo ka dhacday magaalada Muqdisho + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhacdo kale oo xanuun leh ayaa xalay ka dhacday Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya kadib markii wiil dhallinyaro ah oo sawir qaade ahaa lagu dilay xaafada Tarabuunka.

Abuukar Muukhtaar, oo ahaa Aabe 39 jir ah, islamarkaana ku shaqeysta xirfadda sawir qaadista ayaa waxaa dilay nin ay saaxiibo ahaayeen, oo dilak ka hor ay ka wada casheeyeen gurigiisa.

Dilka ayaa yimid kadib markii qofka lagu tuhmayo fal dambiyeedkan uu qaatay taleefonka Abuukar, ayada oo Abuukar uu kadib isku dayey inuu ka doonto, balse beddelkeeda la dilay, sida ay sheegeen ehelkiisa.

Dilka ayaa waxaa la sheegay dilka loo adeegsaday Toorey Abuukar looga dhuftay qoorta.

Aabahaan ayaa la sheegay marka uu gurigiisa ka baxayey inuu wiil uu dhalay ku dhahay “Aabe labada daan iga shumi inaan soo noqon ayaa laga yaabaa’e,” waxaana daqiiqado kadib qoyskiisa soo gaartay dhimashada wiilkooda.

Marxuumka la dilay ayaa waxay shaqdiisa aheyd duubista Aroosyada iyo xafladaha, sidoo kalana wuxuu ku shaqeysan jiray xirfadda qurxinta guryaha.

“Abuukar moobeelkiisa ayuu jaajar gashtay, waxaa kadib yimid wiilka dili doono kadibna qaatay moobeelkiisa, isagana sariirta ayuu iska koray oo ma ogeyn in moobeelka laga qaatay. Gabar meesha fadhisay ayaa  tiri Moobeelkaaga ayuu kaa qaatay, wuu kasoo daba orday markii uu damcay inuu moobeelkiisa kasoo qaato oo uu ka daba tagayna Toorey ayaa lagu dhuftay naftana dhulka lama dhicin,” ayey tiri hooyo kamid ah ehelka marxuumka.

Ehelada wiilka la dilay ayaa magaca gacan ku dhiiglaha falkaan geystay ku sheegay Bishaar Farabadne oo ay ahaayeen daris, waxayna sheegeen inaysan aqoon halka uu aaday.

Ehelada marxuumka ayaa Dowladda Soomaaliya ka codsaday inay cadaaladda hor keeneyn ninka ka dambeeyey dilka wiilkooda.

Maalmahii lasoo dhaafay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa waxaa ka dhacayey dilal yaab leh oo intooda badan ay ka dambeeyeen ciidamo ka tirsan dowladda mana jirto illaa hadda cid la hor keenay Caddaaladda.

Hoggaamiyaha uu Farmaajo ‘kaga daydo’ hab xunkunka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku eedeyay in uu hogaanka xukunka iyo kali-talisnimada kaga deydo madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu ku sheegay in aysan sahlaneyn in kali-talisnimada Afwerki loo soo minguuriyo Soomaaliya, oo hore ugu duntay xukun jeceylka, ayna sahlaneyn in dalka dib loogu celiyo sidii 30 sano ka hor.

Waxa uu ku baaqay in si adag looga hortago rabitaanka guracan ee madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday, islamarkaana dalka laga samatabixiyo halka uu ku wado, sida uu sheegay.

Hoos ka aqriso qoraalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo dhameystiran:

Dal aysan 30 sanno doorasho ka dhicin, xukunkana hal nin gacantii ku jiro, dastuur iyo Baarlamaan toona lahayn, shirkadaha ganacsiga oo idilna ay dowladda leedahay, shatigana uu kaligii taliyaha bixinayo, lana siinayo inta uu isagu raalliga ka yahay iyo inta eex lagu naas nuujinayo, ruuxii qaangaar ah waxaa qasab ku ah in uu tabbar ciidan qaato.

Mucaaradna ma jiro, waa mid la dilay, la xabisay, kii baxsadayna ubbadkiisa iyo ehelkiisa laga gooyo. Muwaaddinku haddii uu safrayo waa inuu oggolaasho Dowladda ka helaa. Dalkaasi waa Eritrea, Soomaaliyana xukun sidaa u eg ayey 21 sano soo martay.

Farmaajo iyo raggiisa odayga Eritrea ayey tufta xukunka ka soo qaataan, maadaama dawladii duntay ay sidaa u ekaydna, xukunkii odaygii hore hilow baa u haya.

Laakiin ma sahlana in Soomaaliyada maanta loo celiyo sidii ay 30 sano ka hor ahayd, balse isku dayga iyo iska caabbinta ayaa qiimo culus ugu kacaya dalka iyo dadkaba.

Si taas loo yareeyo waa in halistaa aragti mid ah laga yeesho, la isla garto dhagarta rajiimka iyo kuwa gadaal ka taagan, damaca dib loo liqo, lana helo midnimo lagu wajaho marxaladda adag ee nagu soo socota.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Xog: Mareykanka oo soo faro-geliyey xiisadda PSF iyo Saciid Deni oo amar la siiyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa soo faro-gelisay xiisadda ka dhex-oogan maamulka madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ee Puntland iyo agaasimihii hore ee ciidamada PSF Maxamuud Cusmaan Cabdullaahi Diyaano, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Ciidamada PSF ayaa waxaa tababara Mareykanka, si ay ula dagaalamaan argagixisada, taasi oo ka dhigan in Mareykanka ay aad u daneynayaan arrintan, kuna qasbanaadeen inay soo faro-geliyaan.

Sida aan xogta ku helnay, safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa ka walaacsan in xiisaddan ay horseedi karto dagaal ka qarxa magaalada Boosaaso, taasi oo weecin karta dagaalkii lagula jiray kooxaha argagixisada.

Diblomaasi sare oo Mareykan ah oo Muqdisho ku sugan ayaa sheegay in sii-hayaha safaaradda Mareykanka ee Muqdisho Colleen Crenwelge ay labo jeer la hadashay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, iyadoo ku amartay inuu xal aan xabbad aheyn u helo xiisaddan.

“Guud ahaan waxaan ku boorrinaynaa in ciidamada nooc kasta oo ka mid ah Soomaaliya ay ka waantoobaan ku lug lahaanshaha siyaasadda. Waxaan ku boorrineynaa dhammaan ciidamada ammaanka inay diiradda saaraan la dagaallanka ururada xagjirka ah ee rabshadaha sida al-Shabaab iyo Daacish-Soomaaliya,” ayuu yiri diblomaasiga Mareykanka ah.

Dhinaca kale, wada-hadallo u socda maamulka madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni iyo agaasimihii hore ee ciidamada PSF Maxamuud Cusmaan Cabdullaahi Diyaano ayaa meel wanaagsan maraya, waxaana laga rajo qabaa in heshiis lagu gaaro.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, wada-hadalladan oo maalmihii tegay ka socday Boosaaso, ayaa la isku fahmay qaar ka mid ah qodobada aadka la isugu hayey. 

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in qodobada horumarada wanaagsan laga sameeyay ay ka mid yihiin wareejinta dhulka hay’adda iyo xil-wareejin rasmi ah oo uu sameeyo hogaankii hore ee hay’adda. Dhulka hadda xarunta u ah hay’adda waxaa iska leh qoyska Diyaano.

Taa beddelkeeda dowladda ayaa ogolaatay in qaar ka mid ah hubka iyo gaadiidka dowladda oo kooban loo dhaafo Diyaano, si uu ugu adeegsado amnigiisa shaqsiga ah. 

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Xildhibaano lagu dhaawacay qarax ay fulisay Al-Shabaab

0

Jowhar (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax maanta ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Jowhar ee caasimada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle, kaas oo geystay khasaare kala duwan.

Qaraxa oo ahaa miino, oo ay sheegteen Al-Shabaab, ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay goob maqaaxi ah oo ku taalla xaafadda Kulmis ee magaaladaasi, sida ay innoo xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxaas ay ku dhaawacmeen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka HirShabelle, waxaana ka mid ah xubnahaas Cumar Maxamed Cumar iyo Yuusuf C/qaadir Karaani, kuwaas oo dhaawacyadooda loola cararay isbitaalka magaalada.

Sidoo kale waxaa la xaqiijiyey in qaraxaas uu ku dhintay nabadoon magaciisa lagu soo koobay Coosey oo ka mid ahaa waxgaradka deegaanka.

Xaaladda goobta ayaa weli kacsan, waxaana gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo isku geedaamay meesha uu weerarka qaraxa ah ka dhacay.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan qaraxaas, waxaana weli socda baaritaano dheeraad ah.

Jowhar ayaa waxaa muddooyinkii  dambe ka dhacayey weeraro kala duwan oo qaarkood horay loogu beesaday xildhibaano ka tirsan HirShabelle oo dhaawacyo ay kasoo gaareen.

Si kastaba, magaaladan ayaa ka mid ah goobaha loo qorsheeyey inay ka dhacaan doorashooyinka dalka, gaar ahaan mida Golaha Shacabka ee Soomaaliya.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Xog: R/W Rooble oo aqbalay qodob ka mid ah soo-jeedintii Midowga Musharaxiinta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa aqbalay soo-jeedintii Midowga Musharaxiinta Soomaaliya ee aheyd in la isugu yimaado shir ku saabsan doorashooyinka dalka, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online.

Qoraal kasoo baxay Midowga 9-kii December ayaa lagu yiri “Golaha wuxuu soo jeedinayaa in la hakiyo doorashada oo la isugu yimaado shir wadatashi ah, si loo joojiyo boobka, lana xalliyo tabashooyinka laga qabo sida ay ku billawdeen doorashooyinka Golaha Shacabka, lana saxo habraaca iyo habdhaqanka doorashada lagu wado.”

Sida aan xogta ku helnay Rooble ayaa aqbalay shirkaas, si ugu yaraan loo moojiyo in Golaha Wadatashiga Qaran, oo ay ku mideysan yihiin Rooble iyo Madax Goboleedyada, ay doonayaan in la xaliyo tabashooyinka jira.

Si kastaba, shirkan ayaa waxaa diidan qaar ka mid ah madax goboleedyada, gaar ahaan Axmed Qoor Qoor iyo Cabdicasiis Lafta-gareen, oo si aad ah ugu xiran madaxtooyada Soomaaliya.

Labadan madaxweyne goboleed, oo ah kuwa maamulladooda ay yihiin kuwa illaa hadda qabta doorashooyinka kuraas ka mid ah Golaha Shacabka, fadeexad culusna kala kulmay sida ay musuqeen, ayaa isku mashquulinaya safaro dibedda ah oo aan macno laheyn, waxayna sheegeen inaysan diyaar u aheyn shir Xamar ka dhaca.

Qoor Qoor iyo Lafta-gareen ayaa si wanaagsan u wada qorshaha Villa Somalia ee ah in doorashadu noqoto mid loogu shubo madaxweyne Farmaajo ama khilaafka iyo muranka uu sii daba dheeraado, taasi oo muddo kordhin u ah madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday.

Dhinaca kale, madaxweynayaasha kala ah Axmed Madoobe, Cali Guudlaawe iyo Saciid Deni ayaa aqbalay shirkan, inkasta oo ayagana ay diidan yihiin qaar ka mid ah qodobada iyo shuruudaha kale ee Midowga Musharaxiinta.

Ma cadda sida ay xaaladda ku dambeyn doonto, hase yeeshee waxaa muuqata in Soomaaliya aysan marnaba ka dhici doonin doorasho daah-furan, waxaana furan kaliya laba ikhtiyaar oo kala ah; in sidan doorashada lagu aqbalo iyo in dalka uu galo dagaal.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Xiisada Wasaarada gargaarka oo ka dartay iyo wasiir ku-xigeenka oo tallaabo qaaday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiir ku xigeenka wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka xukuumadda Soomaaliya, Mudane Cabdirashiid Maxamuud Xasan ayaa war cusub kasoo saaray xiisadda ka taagan mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha wasaaraddaasi.

Cabdirashiid ayaa marka hore xaqiijiyey inay jirto cabashada 16 shaqaale oo dhowaan la ceyriyey shaqada, wuxuuna tilmaamay in tallaabadaas ay baalmarsan tahay sharciga.

Wasiir ku xieenka ayaa sidoo kale ku wargeliyey 16-ka shaqaale ee eedeynta u jeediyey wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye inay sii wataan shaqadooda, inta ay ka helayaan cadaalad.

“Waxaa la ogeysiinayaa shaqaalaha cabashada soo gudbiyey inay shaqadooda sii wataan, inta ay ka helayaa cadaalad,” ayaa lagu yiri qoraal uu soo saaray wasiir ku xigeenka.

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyey “Ma dhaceyso in xilligan kala guurka ah xuquuqda muwaadiniinta lagu xad-gubdo, iyada oo laga faa’iideysanayo xaaladda doorashada,”.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in arrintan uu la wadaagay xafiisyada ay quseyso, sida ra’iisul wasaaraha dalka, si loo qaado tallaabo sharci ah.

‘Natiijada baaritaanka iyo lifaaqyada la socda waxaan la wadaagay xafiisyada ay quseyso si loo qaado talaabada sharci ee ku haboon qof kastaa oo tacaddigaas iyo falkaas guracan ku lugta leh,” ayuu markale qoraalkiisa ku yiri wasiir ku xigeenka wasaarada gargaarka dalka.

Qoraalkan ayaa uga sii daraya khilaafka haatan ka taagan wasaaradda gargaarka, waxaana horey u jirtay 13 agaasime oo ka tirsan isla wasaaradda ay beeniyeen warqad baraha bulshada la isla dhex marayay oo sheegeysa in shaqada laga tiray shaqaale ka tirsan wasaaraddaas, iyaga oo sheegay in warqaddaas ay tahay mid sharci darro ah.

Ma’aha khilaafkii ugu horreeyey ee soo kala dhex-galay wasiir Khadiijo iyo qeybaha kale ee wasaaradda, waxaana marar badan arrimahan soo fara-geliyey ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya oo haatan markale la gaarsiiyey muranka hareeyey wasaaradda.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Wararkii ugu dambeeyey ee xiisadda PSF iyo DENI oo ogolaaday qodob xasaasi ah

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Wada-hadallo u socda maamulka madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni iyo agaasimihii hore ee ciidamada PSF Maxamuud Cusmaan Cabdullaahi Diyaano ayaa meel wanaagsan maraya, waxaana laga rajo qabaa in heshiis lagu gaaro.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, wada-hadalladan oo maalmihii tegay ka socday Boosaaso, ayaa la isku fahmay qaar ka mid ah qodobada aadka la isugu hayey. 

Xukuumadda Deni ayaa waxaa wada-hadallada ku matalaya wasiirka maaliyadda, Xasan Shire Cabdi, iyo wasiirka warfaafinta, halka Diyaano ay matalayaan odayaal, siyaasiyiin iyo ganacsato ay reer ahaan is-xigaan.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in qodobada horumarada wanaagsan laga sameeyay ay ka mid yihiin wareejinta dhulka hay’adda iyo xil-wareejin rasmi ah oo uu sameeyo hogaankii hore ee hay’adda. Dhulka hadda xarunta u ah hay’adda waxaa iska leh qoyska Diyaano.

Taa beddelkeeda dowladda ayaa ogolaatay in qaar ka mid ah hubka iyo gaadiidka dowladda oo kooban loo dhaafo Diyaano, si uu ugu adeegsado amnigiisa shaqsiga ah. 

Qodobka hubka iyo gaadiidka ayaa ahaa midka ugu xasaasisan, oo uu horey u diiday madaxweyne Deni, markii ay odayaal soo jeediyeen in dhammaan hubka iyo gaadiidka uu haysto Diyaano loo dhaafo, balse xalka ah in qeyb loo dhaafo ayaa u muuqda mid meel-dhexe ah.

Qodobkan ayaa waxaa Khamiistii soo jeediyey 12 ka mid ah Isimada Puntland, oo qoraal ay soo saareen ku yiri “waxaan soo jeedinay; n hantida PSF looga reebo agaasmihii hore agab iyo ciidan ku filan aminigiisa maadaama uu ku soo shaqeeyey xaalado adag.”

Waxay sidoo kalemsoo jeediyeen inay dhaqangasho digreetadii madaxwwaynaha Puntland, kuna taariikhaysnayd 24 November 2021, ujeedaduna ahayd xil-lka qaadistil lagu sameeyey agaasime Jeneraal Maxamuud Cismaan Cabdullaahi, laguna magacaabay Sarreeyo Guuto Maxamed Amiin Xaaji Cabdullaahi Khayr.

Dadaallada socda ayey u badan tahay inay dagaal ka badbaadiyaan magaalada Boosaaso oo toddobaadkii tegay qarka u istaagtay dhowr mar, waxaana la filayaa in heshiis rasmi ah lagu dhowaaqo.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Khasaaraha DAGAALKII Galgaduud oo kordhay iyo go’aanka GALMUDUG

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda warfaafinta dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Shire Falagle ayaa ka warbixiyey khasaaraha ka dhashay dagaal laba maleeshiyo beeleed shalay gelinkii dambe ku dhex-maray deegaanka Kaxandhaale oo hoostaga gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya.

Falagle oo wareysi siiyey BBC-da ayaa marka hore nasiib darro ku tilmaamay dib u soo laabashada colaadda ka taagan halkaas iyo in lagu kor dagaalamo dadka shacabka ah.

Wasiirka ayaa xaqiijiyey in dagaalkii shalay ay ku dhinteen ugu yaraan illaa lix qof, kuna dhaawacmeen tiro kale oo intaasi kasii badan.

Waxa kale oo uu tilmaamay in Galmudug adeegsan doonto awood, si ay gacan bir ah ugu qabato maleeshiyaadka dirirta ka wada qeybo ka mid ah deegaanadeeda.

“Nasiib darro weyn weeye dib usoo laabashada dagaal beeleedka, 6 ruux ayaa geeriyootay tiro kale waa dhaawac, Galmudug way u istaagtay oo gacan bir ah ayay ku qabaneysaa dadka ka dambeeya arrintaan” ayuu yiri wasiirka warfaafinta maamulka Galmudug.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray “Dagaalka waxaa soo celceliyay marka heshiis la gaaro oo Odoyaashu ku guuleystaan ciidamadana laga soo qaado muddo kaddib waxaa dib u bilawda dirirta”

Xaaladda ayaa haatan deggan, waxaase weli is horfadhiya dhinacyadii dagaalamay oo haatan laga dhex-bilaabay waa-waan, si loo joojiyo xabaddda.

Si kastaba, deegaanada Galmudug ayaa waxaa kusoo laa laabta dagaallada waxaana khasaaraha ugu badan uu kasoo gaaraa dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii