26.4 C
Mogadishu
Wednesday, July 1, 2026

Midowga Musharaxiinta mucaaradka ma waxey u dhaqaaqeen jihadii dagaalka?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Jawiga siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa halmar isla kacay kadib markii midowga musharixiinta mucaaradka ku dhawaaqeen inay qabanayaan shirweyne Qaran oo wada-tashi ah.

War-saxaafadeed ay soo saareen ayey ku sheegeen inay laba guddi sameenayaan oo mid uu qaban qaabinayo shirweynaha wada-tashiga midna uu diyaarinayo awooddii Ciidan ee lagu qaban lahaa shirkaas iyo mas’uuliyadda ammaankiisa.

Mucaaradka ma sheegin taariikhda shirka, xiriir aan la sameynay waxay ku sheegeen inay dib ka faafin doonaan taariikhda shirka.

Maxaa macaradka ku qasbay shirkaan?

Mucaaradka waxay dhawaan soo jeediyeen qodobo ay u arkayeen in haddii wax laga qabto oo la xaliyo inay ku hagaagi karto doorashada socota ee Dalka iyaguna ay kaga qeyb geli karaan mashruuca.

Qodobkoodii koowaad wuxuu ahaa in doorashada la joojiyo oo la isugu yimaado shir lagu saxayo dulduleelada ka muuqda doorashada, laakiin warqaddii mucaaradka waa la iska dhaga tiray, waxaana la diiday in la joojiyo doorashada.

Mucaaradka waxay waayeen sida ay sheegeen cid kala hadasha qoraalkii ay soo saareen, waxaa kaloo laga caga jiiday inay shir isugu yimaadaan Golaha wada-tashiga Qaran.

Sida iska cad madaxda Maanta awoodda heysata wax aqoonsi ah uma hayaan mucaaradka Xamar oo ay ku jiraan Laba madaxweyne oo hore, waxaana loo arkaa Niman aan heynin Itaal Af ka badan.

Soo jeedintoodii indhaha laga dabooshay waa midda koowaad ee keentay inay mucaaradka ku qasbanaadaan inay tallaabo kale qaadaan.

Shirka iyo noociisa

Shirkaan waa wada-tashiga ah sida ay mucaaradku rabaan ma ahan mid siyaasiyiinta ku kooban, waa mid loo furi doono dhammaan bulshada Soomaalida sida dhaqanka, siyaasiyiinta, Culimada, Aqoonyahanka, Dhallinyarada iyo Haweenka. Qurba joogta si toos ah iyo si muuqaal ah ayey labadaba shirka uga qeybgeli doonaan.

Ujeedka shirkaan waa in Soomaalida ka tashato halka looga dhaqaaqi karo Isgoyska halista ah ee la taagan yahay iyo sida loo badbaadin karo dalka.

Mucaaradka waxaa u muuqata in sida hadda wax ku socdaan inay ku dhammaan karto dagaal dhiig ku daato. Midowga musharixiinta mucaaradka waxay rabaan inuu shirkaani dhalo Qorsho lagu dhaqaaqi karo sida dhismaha Gole Qaran oo kumeel gaar ah oo badbaadiya doorashada.

Sida ay noo xaqiijiyeen xubnaha midowga musharixiinta shirkaan wuxuu noqon doonaa mid ballaaran oo muddo socda si waxa uu dhali doono u noqdaan cinwaan si weyn u badala Dalka.

Mucaaradka ma waxay rabaan Dagaal?

Mucaaradka way ku kala aragti duwan yihiin in awood ciidan lagu badbaadiyo doorashada boobka ah.

Qaar ayaa ku doodaya dagaalkii Bishii April ee sanadkaan wuxuu lahaa laba Waji oo ahaa diidmada muddo kororsiga iyo in Farmaajo awoodda doorashada ku wareejiyo Ra’isulwasaaraha, waana la gaaray labadaas hadaf balse dagaalkaan cusub uma heyno hadaf saxan.

Halka qaarna ay qabaan in doorasho boob ah inay mar walba ku dhammaan doonto dagaal sokeeye, sidaas darteedna ay muhiim tahay in hadda la aado in awood ciidan lagu joojiyo doorashadaan loo jeedo inay Berri ku dhammaan doonto gacan ka hadal.

Mucaaradku hadda waxay dhisayaan guddi diyaariya Ciidan sida ay sheegeen, ciidankaas waxay wajiga koowaad sugayaan ammaanka shirweynaha wada-tashiga, balse waxaa jirta aragti kale oo dadka qaar qabaan oo ah inay mucaaradka arrintaan rabaan in ciidan ku dhex diyaarsadaan kuwaas oo Berri arrimo kale loo isticmaali karo.

Si walbaba, Soomaaliya waxay u muuqataa inay kasii leexaneyso dhabbihii doorashada.

Xog: Khilaaf ka dhex-qarxay SHARIIF iyo xubnaha kale ee Midowga Musharaxiinta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Midowga Musharaxiinta Soomaaliya ayaa waxaa ka dhex-qarxay khilaaf la xiriira qaabka loo wajahayo sixitaanka khaldadaadka doorashooyinka dalka, ayada oo xubno ka mid ah ay kasoo horjeedaan tallaabooyinka qaar, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Ilo-wareedyo ku dhow Golaha ayaa Caasimada Online ay kasoo xigatay in khilaafkan uu si gaar ah ugu dhaxeeyo guddoomiyaha Golaha Shariif Sheekh Axmed iyo xubno kale.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in Shariif uu kasoo horjeedo tallaabooyinka xasaasiga ah ee Golaha ay qorsheynayaan sida shirkii ay xalay ku baaqeen iyo Dhisida Golaha Sare ee Dalka, oo shalay aan baahinay dokumenti la xiriira qaab dhismeedkiisa.

Shariif ayaa sidoo kale la sheegay inuusan waxba ka ogeyn war-saxaafadeedkii xalay kasoo baxay Golaha ee ku baaqay shir la isugu yimaado 10-a December, wuxuuna kusoo beegmay maalin kadib markii uu madaxweynihii hore ka dhoofay Muqdisho.

War-saxaafadeedkaas ayaa lagu yiri “Golaha waxaa u caddaatay in aysan jirin cid xil iska saaraysa joojinta boobka doorashada iyo taaba gelinta tallaabooyinka lagu saxayo. Waxaa kaloo u cadaatay in masuuliyiinta heer federaal iyo dawlad goboleedba aysan dan ka lahayn doorasho hufan oo daahfuran, natiijadeedana la isla aqbalo, si dalka looga badbaadiyo qalalaase iyo xasillooni darro siyaasadeed iyo mid amni.”

Khilaafka ayaa waxaa sidoo kale baraha bulshada ku muujiyey kaaliyaha Shariif, Cabdinaasir Maxamed Sheekh Nuur, ahna xoghayaha Maaliyadda Xisbiga Himilo Qaran.

Waxa uu qoraallo uu soo dhigay facebook ku yiri “Daryan siyaasadeed oo darajo lagu doonaayo iyo dow kasta oo waqti Durugsi lagu doonaayo , dowladnimadda iyo dalkaa nooga dumaaya. Dalkaan daawadiisu waa Doorashada oo la saxo lana dadajiyo , duulkii dow kale noo duwa Dalkaan iyagaa dumin doona.”

Sheekh Shariif ayaa bilihii tegay la rumeysnaa inuu aad ugu dhowaaday Fahad Yaasiin iyo Villa Somalia, ayada oo la sheegay inuu yahay qorshaha B (Plan B) ee Fahad iyo Qatar, haddii Farmaajo uu rajo wanaagsan ka yeelan waayo in la doorto.

Xubno ku dhow Villa Somalia ayaa laga soo xigtay in Farmaajo uu weli Shariif u hayo abaal, islamarkaana rumeysan yahay in haddiiba uusan xilka madaxweyne dib u haleyn uu qaato Shariifka, oo la dhaafiyo xubnaha kale ee mucaaradka.

Ma cadda sababta Shariifka u cayaarayo qorshahan, hase yeeshee waxaa la rumeysan yahay in sababta ugu weyn ay tahay in dhaqaale yari ku qasabtay inuu rajo ka raadiyo dhanka Fahad.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Daawo: Kaamiro duubtay weerarkii lagu dilay BAASHI XOOSH JABRIIL ee Istanbul

0

Istanbul (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee Baashi Xoosh Jabriil oo ahaa muwaadin Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday magaalada Istanbul ee dalka Turkiga maalmo kadib markii uu dhaawac culus oo ka soo gaaray weerar ay ku qaadeen rag burcad ah.

Seddax nin oo burcad ah oo u dhashay dalka Turkiga ayaa Baashi Xoosh Jabriil ku weeraray goob dalxiis oo ku taalla degmada Beyoğlu ee bartamaha magaalada Istanbul, 6-dii bishaan December, waxaana lasoo bandhigay muuqaallo muujinaya qaabkii loo fuliyey weerarkaas.

Ragga burcadda ah ayey kaamiraduhu qabteen ayaga oo gadaal uga yimid marxuumka, kadibna mid ka mid ah ayaa Feer qoorta kaga dhuftay, dhulka ayuuna ku dhacay Baashi, isagoo halkaas ku miyir daboolmay, sida ay sheegeen goobjoogayaal ku sugnaa halka uu weerarku ka dhacay.

Burcadda ayaa baaratay Baashi oo dhulka yaalla, waxayna ka qaateen talefano, boorso iyo agabyadii kale ee uu watay, sida ay werineyso warbaahinta Turkiga oo aad u hadal heysa dhacdadaan.

Booliska Turkiga ayaa la sheegay inuu soo qabtay raggaas burcadda ah, waxaana deg deg loo hor-geeyey maxkamad, labo ka mid ah oo ka yaraa da’aadda 18-sano ayaa lagu soo oogay dacwad xatooyo, waxaana laga sii daayey xabsiga, halka ninka 3-aad ee feeray Baashi lagu soo oogay inuu geystay dil bareer ah.

Allaha u naxariistee Baashi Xoosh Jabriil waxuu ahaa walaalkii ka yaraa wasiirkii hore ee dastuurka Soomaaliya Allaha u naxariistee Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil oo isna 8-dii Maarso 2019-kii ku geeriyooday dalka Imaaraadka Carabta.

Baashi oo 52-sano jir ahaa ayaa dilkiisa ka hor dalxiis u joogay dalka Turkiga, waxuuna ahaa Aabe degan magaalada Todonto ee dalka Canada oo dhalashiisa labaad uu ka heystay.

Baashi Xoosh Jibriil waxa uu kamid ahaa hoggaamiyeyaasha bulshada Soomaaliyeed ee magaalada Toronto ee dalka Canada, wuxuuna Soomaalida ku cusub dalkaas ka caawin jiray arrimaha socdaalka, sharciga iyo dib-u-dejinta.

Kadib qabsashada degmada MATABAAN, Al-Shabaab oo qaraxyo ku burburiyey…

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa saacado kooban si buuxda ula wareegtay gacan ku haynta degmada Matabaan oo ka tirsan gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya, kadib markii ay faarujiyeen ciidamadii ku sugnaa degmadaas.

Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa kadib markii ay gudaha u galeen degmada waxay qaraxyo ku burburiyeen saldhiga booliska degmada Matabaan, sida ay soo werinayaan dad deegaanka ah.

Sidoo kale xoogaga Al-Shabaab ayaa waxay gudaha degmada ka sameeyen dhaq-dhaqaaqyo lagu baadi-goobayo shaqsiyaad xiriir la leh maamulkii degmada.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in dagaal-yahanaada kooxda Al-Shabaab ay iskaga baxeen degmada, kadib markii ay gacanta ku hayeen saacado kooban.

Ka bixista Al-Shabaab ayaa imaneysa xilli ay ciidamo badan oo ka tirsan kuwa dowladda ay u ruqaansadeen dhanka degmadaas, ka horna ay sii faarujiyeen dagaal-yahanadii maanta la wareegay.

Xaaladda ayaa aad u kacsan waxaana dadka deegaanka soo wajahday cabsi xoogan, halka kuwa qaarna ay maanta isaga baxeen degmada.

Matabaan oo ka tirsan gobolka Hiiraan, hase yeeshe maamul ahaan hoostagta Galmudug ayaa waxaa dhowr jeer isku kala bad-badalay ciidamada Galmudug iyo kuwa taabacsan hogaanka Al-Sunna, oo ayadu kal hore dagaal la gashay maamulka.

Si kastaba, illaa hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay madaxda maamulka Galmudug iyo laamaha amaanka maamulka oo ku aadan xaalada Matabaan, oo goordhoweyd ay ka baxday kooxda Al-Shabaab, kadib saacado ay gacanta ku hayeen.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Xubnaha mucaaradka iyo muxaafadka ee Somaliland oo ku dagaalamay golaha

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Somaliland ayaa sheegaya in buuq xoogan uu hareeyey kulan ay leeyihiin xildhibaanada golaha wakiilada maamulkaasi, kaas oo ay isku khilaafsan yihiin xubnaha mucaaradka iyo muxaafadka ee ku jira Golaha.

Xildhibaanada qaar ayaa kulanka bannaanka uga soo baxay, waxaana kadib doodooda ay sababtay inay is gacan qaadaan xubno ka kala tirsan mucaaradka iyo muxaafadka.

Muuqaallo ay heshay warbaahinta ayaa la arkayey laba xildhibaan oo is feeraya, isla-markaana ay kala qabanayaan qaar kale oo ka mid ah xubnaha golaha wakiilada.

Ciidamada ammaanka ayaa ku baxay buuqaas, iyada oo markii dambe lagu guuleystay in la xalliyo dagaalka gacan ka hadalka ah ee dhex-maray xildhibaanada.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in haatan xaaladdu ay dagan tahay, isla-markaana uu si rasmi ah u furmay kulanka guud ee golaha wakiilada Somaliland.

Kulankan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa laga akhriyayaaa xeerka uu dib u soo celiyey madaxwayne Muuse Biixi, kaas oo muran ka dhex-dheliyey mucaaradka iyo muxaafadka.

Arrintan ayaa sii xoogeysatay, kadib markii uu shalay wasiirka warfaafinta Somaliland Saleebaan Cali Koore oo ku hadlayey afka madaxweynaha ku dhawaaqay in ay furan yihiin ururada siyaasadda, taas oo ay si weyn uga soo horjeesteen xisbiyada UCID iyo Wadani.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Xog: Muxuu salka ku hayaa khilaafka wasiirka cadaalada iyo gudiga la dagaala musuqa?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka guddiga madaxa bannaan ee la dagaalanka musuq-maasuqa Dr Xasan Khliif Xasan ayaa bannaanka keenay khilaaf xoogan oo haatan soo kala dhex-galay mas’uuliyiinta wasaaradda cadaaladda Soomaaliya iyo guddigaasi.

Khaliif oo wareysi gaar ah siiyey Telefishinka Universal ayaa shaaca ka qaaday inuu khilaafkan u dhexeeyo wasiirka cadaaladda Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo agaasimaha guud ee wasaaradda.

“Waa khilaaf ku kooban guddiga madaxa bannaan ee la dagaalanka musuq-maasuqa, wasiirka koowaad ee wasaaradda iyo agaasimihiisa guud,” ayuu yiri Dr Xasan Khliif Xasan.

Guddoomiye ku xigeenka guddiga madaxa bannaan ee la dagaalanka musuq-maasuqa ayaa xusay in khilaafkan uu soo billowday markii la dhaariyey, kadib xubnaha guddiga, wuxuuna ku eedeeyey wasiirka cadaaladda inuu fara-gelin toos ah ku hayo guddigooda.

“Arrinkaas wuxuu soo billowday guddiga markii la dhaariyey ka bacdi ee uu dooranayey guddoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeenka ayaa waxa uu damcay wasiirka cadaaladda inuu u soo farageliyo hab aan sharci aheyn, taas oo uu guddigu diiday,” ayuu raaciyey

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in wasiirka iyo agaasimihiisa ay dano gaar ah ka leeyihiin fara-gelinta guddiga oo uu tilmaamay inuu yahay mid ka madax bannaan wasaaradda.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay guddoomiye ku xigeenku in arrintan ay gaarsiiyeen madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha, balse illaa iyo hadda aan waxba laga qaban.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo beryihii dambe aad loo hadal hayey khilaafkan oo si weyn loo dareemay sagaalkii bishan oo ku beegneyd maalinta caalamiga ah ee la dagaalanka musuq-maasuqa, taas oo keentay inay xuska isku khilaafeen labada dhinac.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Xog: Xiisad xoogan oo ka dhalatay xil ka qaadista CABDIQANI SACIID CARAB

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyeyaasha 14 Naadi ayaa si adag uga horyimid xil ka qaadista lagu sameeyay Guddoomiyihii Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta Cabdiqani Siciid Carab.

Guddoomiyeyaasha ayaa tallaabadaas ku tilmaamay “mid sharci darro ah oo fowdo ku ah hanaanka iyo dastuurka u degsan xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed”.

“Qeyb kamid ah guddiga fulinta ayaa waxay sii daayeen war-saxaafadeed ay ku sheegen in guddoomiyaha xilka ka qaadeen, taasi oo meel ku dhac ku ah dastuurka, waana arrin fowdo ah oo aan laga fiirsan,” ayaa lagu yiri qoraal si wada-jir ah u soo saareen guddoomiyeyaashaas.

Waxay sheegen in waxba kama jiraan tahay codeynta la sheegay in xilka looga qaaday guddoomiyihii xiriirka kubadda cagta dalka, islamarkaana aysan awood u laheyn inay shaqo joojin ku sameeyan guddoomiyaha.

“Waxaa halkan ka cadeynaynaa in kooxaha ama shirweynaha ay doortan guddiga fulinta, mana jirto cid ka mid ah guddiga fulinta oo shaqo joojin ku sameyn karta guddoomiyaha, taasi waa awooda shirweynaha oo keli ah.”

Sidoo kale waxay sheegen in loo baahan yahay sixitaan lagu sameeyo awood ay is-bideen xubno kamid ah guddiga, islamarkaana la abaabulo shirweyne arrintaas sharciga lagu waafajinayo.

Arrintan ayaa banaanka u soo saareysa kala qeyb-sanaan hor leh oo soo food saartay guddiga xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed, kadib markii uu hore u shaaciyey xoghayaha xiriirka Kubbada Cagta Soomaaliyeed, oo warbaahinta la hadlay in Cabdiqani Saciid Carab lagu soo eedeeyey shan qodob oo kale ah.

1- Ku xad-gudubka awoodaha guddoomiyaha, kuwaas oo carqalad ku ah dastuurka xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta.

2- Inuu meel uga dhacay qodobo ka mid ah dastuurka xiriirka Soomaaliyeed, isaga oo adeegsanaya awoodda iyo faro-gelinta arrimaha maamulka iyo shaqooyin maamlmeedka xiriirka.

3- Inuu ku guul-darreystay qodobo kasoo baxay shirkii xiriirka ee August, uuna is-hortaag ku sameeyey in la qabto horyaalka kubadda cagta Soomaaliyeed.

4- In la fuliyo dib-u-eegista dastuurka xiriirka kubadda cagta oo la go’aamiyey bishii August ee 2020.

5- Tuhun ku saabsan musuq-maasuq lagu sameeyey laba mashruuc oo FIFA ay ka fulineyso Soomaaliya, gaar ahaan Muqdisho iyo Kismaayo, kuwaas oo ah xarumo farsamo.

Xoghayaha ayaa sheegay in ayada oo la eegayo qodobadaas ay guddiga fulinta cod u qaadeen in shaqada laga joojiyo guddoomiye Cabdiqani Saciid Carab, ayna ku billaabeen baaritaan ay sameynayaan guddi ka kooban saddex xubnood, oo uu magacaabay guddiga fulinta, taasi oo guddoomiyeyaasha 14 Naadi ay ku tilmaameen sharci darro.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Muqdisho oo laga billaabayo howlgal cusub oo wax looga qabanayo xaalad soo korortay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdiftaax Aadan Xasan ayaa si adag uga hadlay dhaca iyo dilka ay inta badan rag hubeysan ka geystaan degmooyinka gobolka Banaadir.

Waxa uu ballan-qaaday in ciidamada booliska ay si deg deg ah wax uga qabanayaan arrintaas, oo cabashooyin dhowr ah ka gudbiyeen bulshada ku nool degmooyinka qaar ee gobolka Banaadir.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ciidamada booliska ay wadeen howl-galo lagu sugayo amniga, islamarkaana ay dhawaan soo qabteen qaar kamid ah Burcadda dhaca geeysaneysay, halka kuwo kale uu sheegay inay ku raad-joogaan oo xili dhow soo qaban doonaan, sida uu sheegay.

“Horay waxaan Saldhiga howl-wadaag kusoo bandhignay burcad dhacay Mootooyin Bajaaj iyo dadkii lahaa, welina howlgalka waa uu socdaa oo waxaa jira dad inta Mobeeladoodii laga dhacay ka samran aan dib ugu celinay markii aan qabanay Burcaddii,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas kusii daray in bulshada gobolka Banaadir ku dhex jiraan dad ka ganacsada waxyaabaha maanka dooriya, kuwaas oo ayagu ka qeyb qaata falalka Amni darro ee ka dhaca magaalada Muqdisho.

Hadalkan ayaa imanaya xili bilihii u dambeeyay ay degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir ka dhacayeen dilal iyo dhac ay geysanayeen kooxo burcad ah, kuwaas oo cabsi hor leh ku abuuray bulshada gobolka.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Wararkii ugu dambeeyey ee xiisada garoonka Beledweyne

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraa ayaa sheegaya in weli xiisad ay ka taagan tahay shaqada garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyne, gaar ahaan Tarminalka garoonkaas oo shalay la xiray, kadib amar kasoo baxay HirShabelle.

Arrintan ayaa saameyn ku yeelatay dhaq-dhaqaaqy garoonka Ugaas Khaliif oo muhiim u ah diyaaradaha maalin kasta aisaga kala goosha magaalooyinka Muqdisho iyo Beledweyn.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in maanta ciidamo ka amar qaata madaxweyne ku xigeenka HirShabelle ‘ay si awood ah ku galeen garoonka’, isla-markaana ay la wareegeen qeybta Tarminalka garoonka Ugaas Khaliif, iyaga oo ka saaray shaqaalaha halkaasi.

Maamulaha Shirkadda Whitestar Maalik Cabdalla oo gacanta ku haya qeybta Tarminalka ayaa war ka soo saaray dhacdadan, wuxuuna sheegay in shaqaalahoodii dhammaan banaanka loo soo saaray, isla markaana maanta wax shaqo ah aysan ka socon xafiisyada Tarminalka garoonka diyaaradaha degmada Beledweyne, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in waxa ka socda garoonka Beledweyn uu yahay boob maadaama shalay ay xireen mamadaxda HirShabelle, maantana ay xoog ku fureen

Ugu dambeyn Maalik ayaa ugu baaqay dowladda federaalka iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed in  laga hortago xoog sheegasho uu sheegay inay ka jirto halkaasi.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay madaxda ugu sarreysa dowlad goboleedka HirShabelle oo ku aadan eedeynta culus loo jeediyey.

Si kastaba, Beledweyn oo haatan ay ka taagan yihiin xiisado ka dhashay doorashooyinka iyo dhismaha HirShabelle ayaa ka mid ah magaalooyinka ay ka dhaceyso doorashada dalka.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

CABDIQANI SACIID CARAB, Guddoomiyihii xiriirka kubadda cagta ‘oo xilka laga qaaday’

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta Cabdiqani Siciid Carab ayaa shaqo joojin lagu sameeyey, sida ay sheegeen xubnaha guddiga fulinta xiriirka oo shir ku yeeshay magaalada Muqdisho.

Yuusuf Muxuyidiin Axmed, oo ah xoghayaha xiriirka Kubbada Cagta Soomaaliyeed, oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Cabdiqani Saciid Carab lagu soo eedeeyey shan qodob oo kale ah.

1- Ku xad-gudubka awoodaha guddoomiyaha, kuwaas oo carqalad ku ah dastuurka xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta.

2- Inuu meel uga dhacay qodobo ka mid ah dastuurka xiriirka Soomaaliyeed, isaga oo adeegsanaya awoodda iyo faro-gelinta arrimaha maamulka iyo shaqooyin maamlmeedka xiriirka.

3- Inuu ku guul-darreystay qodobo kasoo baxay shirkii xiriirka ee August, uuna is-hortaag ku sameeyey in la qabto horyaalka kubadda cagta Soomaaliyeed.

4- In la fuliyo dib-u-eegista dastuurka xiriirka kubadda cagta oo la go’aamiyey bishii August ee 2020.

5- Tuhun ku saabsan musuq-maasuq lagu sameeyey laba mashruuc oo FIFA ay ka fulineyso Soomaaliya, gaar ahaan Muqdisho iyo Kismaayo, kuwaas oo ah xarumo farsamo.

Xoghayaha ayaa sheegay in ayada oo la eegayo qodobadaas ay guddiga fulinta cod u qaadeen in shaqada laga joojiyo guddoomiye Cabdiqani Saciid Carab, ayna ku billaabeen baaritaan ay sameynayaan guddi ka kooban saddex xubnood, oo uu magacaabay guddiga fulinta.

Waxa uu sidoo kale sheegay in guddiga fulinta ay go’aamiyeen inuu xilka guddoomiyaha sii hayo guddoomiye ku-xigeenka xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta Cali Cabdi Maxamed “Cali Shiino”.

Cali Shiino ayaa isna ku eedeeyey Cabdiqani Saciid Carab inuu qalqal galiyay Xiriirka Kubada Cagta, sida uu hadalka u dhigay, wuxuuna ballan-qaaday in deg deg loo qabanayo horyaalka Soomaaliya.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Al- Shabaab oo la wareegtay degmada Matabaan

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Xoogaga Al-Shabaab ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay barqanimadii maanta gudaha u galeen degmada Matabaan oo ka tirsan gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya, kadib markii ay isaga baxeen ciidamadii ku sugnaa halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalyahanada Al-Shabaab aysan la kulmin wax iska caabin ah, waxaana marka ay gudaha u galeen Matabaan ay isku ballaariyeen magaalada oo dhan.

Sidoo kale xoogaga Al-Shabaab ayaa dhaq-dhaqaaqyo culus ka bilaabay gudaha degmada oo muddo ay gacanta ku hayeen ciidamo Booliis ah iyo maleeshiyaad deegaanka ah.

Warar kooban oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay inay dagaalyahanadooda ay si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta Matabaan oo ka tirsan gobolka Hiiraan, ayna la wareegeen saldhigyadii ciidamada iyo xarumihii maamulka.

Xaaladda ayaa aad u kacsan, waxaana dadka deegaanka soo wajahday cabsi xoogan, halka kuwa qaarna ay isaga baxeen degmada, cabsi ay ka qabaan darteed kooxda Al-Shabaab.

Dhanka kale illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada ammaanka iyo maamulka gobolka oo ku aadan xaaladdaasi.

Arrintan ayaa kusoo beegmeysa, iyada oo shalay xoogaga Al-Shabaab ay qabsadeen deegaannada Bacda iyo Beergadiid oo hoostaga degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Si kastaba, la wareegitaanka Al-Shabaab ee degmadan ayaa muujineyso awooda kooxdaan ay u leeyihiin inay sii wadaan dagaalkooda, iyaga oo ka faa’iideysanaya kala guurka.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Midowga Murashaxiinta oo ku dhowaaqay shirweyne iyo tallaabo ay qaadayaan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxafadeed ka soo baxay Golaha Midowga Murashaxiinta ayaa lagu shaciyey in ay magacaabayaan guddi qaban-qaabi doona Shirweyne dhawaan dhici doona oo ay ka qayb-gelayaan waxgaradka bulshada Soomaaliyeed, si loo badbaadiyo dalka iyo guddiga amniga Shirweynaha, taaas oo ka dhigan in ay abaabulayaan cudud ciidan.

Golaha Midowg Murashaxiinta ayaa qoraalkaan ku sheegay in mar walba ay u taagan yihiin xaqiijinta in ay dalka ka qabsoonto doorasho hufan, daahfuran, natiijadeedana la isla oggolyahay.

“Goluhu wuxuu 30 November 2021 u cadeeyey shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka in qaabka ay ku bilaabatay doorashada Golaha Shacabka ay baalmarsan tahay dhammaan shuruudihii hufnaanta iyo daahfurnaanta doorashada, iyadoo doorashadii la sugayey isku beddeshay boob qaawan,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale war-saxaafadeedka Golaha ayaa lagu sheegay in 10-kii December ay ku baaqeen in la isugu yimaado shir lagu saxayo khilaafka ka taagan doorashada.

“Golaha waxaa u caddaatay in aysan jirin cid xil iska saaraysa joojinta boobka doorashada iyo taaba gelinta tallaabooyinka lagu saxayo. Waxaa kaloo u cadaatay in masuuliyiinta heer federaal iyo dawlad goboleedba aysan dan ka lahayn doorasho hufan oo daahfuran, natiijadeedana la isla aqbalo, si dalka looga badbaadiyo qalalaase iyo xasillooni darro siyaasadeed iyo mid amni,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Qoraalka Midowga Musharaxiinta ayaa intaas ku sii daray, “Golaha oo gudanaya xilka iyo masuuliyadda ka saaran samata-bixinta qaranka iyo qabashada doorasho hufan oo daahfuran ayaa u hawlgelaya qabsoomida shirwayne wadatashi Qaran oo ay isugu yimaadaan Ahlu-xali Wal-caqdiga bulshada Soomaaliyeed. Si loo taaba-geliyo hawshaas culus ayuu Goluhu u magacaabayaa:”

1 – Guddiga Qabanqaabada Shirwaynaha
2 – Iyo Guddiga Amniga Shirwaynaha

Tigrayga oo dib u qabsaday MAGAALO muhiim ah iyo isbeddel lama filaan ah oo ku yimid dagaalka Itoobiya

Lalibela (Caasimada Online) – Ciidamada Tigrayga Ethiopia ayaa maanta dib u qabsaday magaalada waqooyi ee Lalibela, oo ay hay’adda UNESCO u aqoonsan tahay dhaxal adduun, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Qabsashada Tigrayga ayaa imaneysa 11 maalmood kadib markii ciidamada federaalka Ethiopia ay sheegeen inay dib ula wareegeen magaalada.

Warkan ayaa ka dhigan isbeddel kale oo lama filaan ah oo ku yimid dagaalka ka socda Ethiopia, oo toddobaadyadii tegay u muuqday mid ay dowladda guulo ka gaareyso kadib bilooyin aad loo jebiyey.

Dagaal-yahanada Tigrayga “waxay joogaan xarunta magaalada, mana socdo wax dagaal ah,” waxaa sidaas yiri mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay wakaaladda wararka AFP.

“Haa waa ay soo laabteen, halkan ayeyba joogaan mar hore,” waxaa sidaas yiri qof kale oo degan magaalada oo intaas ku daray inay u muuqdeen inay ka yimaadeen dhinaca bari ee jihada Woldiya.

“Inta badan shacabka magaalada cabsi ayaa haysa. Qaarkood waa ay cararayaan. Kuwa badan ayaa ka baxaya magaalada ayaga oo ka cabsi qaba in laga aarguto.”

Bayaan kasoo baxay hoggaanka Militari ee TPLF ayaa lagu sheegay “inay weerar rogaal celis ah ay dhowr jiho magaalada kaga soo qaadeen, gaar ahaan waddada xiriirisa Gashena iyo Lalibela.”

“Ciidamadeena markii hore way is-difaaceen kadib waxay qaadeen weerar celis ka dhan ah ciidamada huwanta ee soo weeraray jiidda Gashena iyo aagga ku hareereysan, waxayna gaareen guul xooggan,” ayaa lagu yiri bayaanka. 

Lalibela oo 645 km u jirta caasimadda Addis Ababa ayaa xarun u ah 11 kaniisad oo qadiimi ah, waana goob ay u cibaado tagaan Kirishtanka Ethiopia.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

DF oo shaaca ka qaaday inay xireyso warshado ku yaalla Muqdisho oo lagu sameeyo…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliye ku xigeenka qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa shaaciyey inay baabi’in doonaan warshado la sheegay in lagu sameeyo waxyaabaha maanka dooriya, kuwaasi oo ka furan deegaano kamid ah gobolka.

Waxa uu sheegay in Warshadaha Maandooriyaha lagu sameeyo ay leeyihiin ilaalo hubeysan, wuxuuna ballan-qaaday inaysan kasii furnaan doonin gobolka, kuwaasi oo qeyb ka ah dhaca iyo amni darada soo badaneysa.

“Waxaa baab’in doona warshadaha Maandooriyaha lagu sameeyo oo noo tira kooban iyo dadka iska leh iyo kuwa ilaaliyaba, dhawaanna howl-gal lagula dagaalamayo ayaa bilaabayna, si loo yareeyo dhaca ka socda magaalada Muqdisho,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Taliyaha qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir Farxaan Qaroole uu ciidamada siiyay amar adag oo ku saabsan sidii looga hortegi lahaa kooxaha Burcadda ah ee dhaca iyo dilka ka geysanaya caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

“Howl-galka bilaabanaya waxa uu si gaar ah u taaban doona dadka ka ganacsada maandooriyaha iyo dadka isticmaala dhamaantood, waxaana uga digeyna falka ay ku howlan yihiin.”

Waxa uu intaas kusii daray in dhawaan la furi doono xarun lagu hayo dadka isticmaala maandooriyaha, oo inta badan dhaca ka geysta caasimada dalka, sida uu sheegay.

“Waxaa ballan-qaadeyna laga bilaabo maanta in gobolka lagu arki doonin dadka ka ganacsada maandooriyaha iyo warshadaha ka furan deegaanadooda, tallaabana laga qaadi doono,” ayuu yiri Taliye ku xigeenka qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir.

Arrintan ayaa imaneysa xilli ay magaalada Muqdisho si weyn ugu soo badanayeen dilalka iyo dhaca ay geysanayaan kooxo burcad ah, kuwaas oo culeys amni kusii kordhiyay magaalada oo markii hore la daala dhaceysay falalka amni daro ee uga imanaya argagixisada.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Jadwalka doorashada kuraas ka mid ah BF oo la shaaciyey kadib go’aankii R/W Rooble

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa shaaciyay in maalinta berri oo taariikhdu tahay 13/12/2021 ay bilaaban doonto diiwaan-gelinta ergada Afar kursi oo kamid ah kuraasta xildhibannada goballada Waqooyi ku matalaya Baarlamaanka 11-aad.

Kuraasta uu shaaciyey guddiga ayaa waxa uu tirsigoodu yahay HOP#229, HOP#262, HOP#254, HOP#255, waxaana lagu wargeliyay ergada iyo musharaxiinta u tartamaya inay u diyaar garoobaan diiwan-gelinta kuraastooda.

Qoraalka kasoo baxay Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay in diiwaan-gelinta ergada, tababarida, qabashada codsiga iyo xaqiijinta shuruudaha musharaxiinta ay socon doonaan 13 illaa 16 bishaan.

Ku dhawaaqista kurasaataan ayaa imaaneysa Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu ku gacan sayray dalabkii mucaaradka ee ahaa in la hakiyo doorashooyinka dalka, uuna amray in lasii wado, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Caasimada Online waxay shalay qortay in Rooble uu aqbalay baaqa mucaaradka ee ahaa in la isugu yimaado shir ku saabsan arrimaha doorashada, balse wuxuu doonayaa kaliya in lagu saxo khaladaadka jira, waxna looga qabto cabashada mucaaradka, mana u qorsheysna in doorashada la hakiyo.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa shalay la kulmay Odayaasha Dhaqanka ee Reer Woqooyiga, wuxuuna u sheegay in la xaliyey khilaafkii Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi, loona madax baneeyey doorashada kuraasta iyo hab-maamulka beelaha.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, xubnaha Reer Woqooyiga iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa isku fahmay in lasii wado geediga doorashada oo aan la joojin.

Mowqifka Rooble ayaa astaan u ah sida ay u kala fogaadeen isaga iyo mucaaradka oo mar xulufo ahaa, islamarkaana garab xooggan siiyey markii ay is-hayeen madaxweyne Farmaajo.

Isbeddelka ku yimid Rooble ayaa la rumeysan yahay inuu ka dhashay safarkii uu bishii October ku tegay dalka Qatar, halkaasi oo wararka ay sheegayaan in Doha ay ku amartay inuu la shaqeeyo Farmaajo, islamarkaana lacag malaayin dollar ah uu kusoo qaatay.

Ma cadda tallaabada xigta ee ay qaadi doonaan mucaaradka, hase yeeshee waxaan horey u werinay in qorshahoodu yahay in la dhiso gole qaran oo dalka maamula, sidoo kalena dib loogu yeero ciidankii Badbaado Qaran.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Caasimada Online oo heshay dokumentiga dhisida Golaha Sare ee DALKA (Akhriso)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa heshay dokumentiga dhismaha GOLAHA SARE EE DALKA (HIGH COUNCIL OF STATE) oo ujeedkiisu yahay inuu dalka ka badbaadiyo dagaal, kana saaro xaaladda cakiran, oo uu gaarsiiyo doorasho qof iyo cod ah.

Sida aan xogta ku helnay, Dokumentigan ayaa waxaa diyaariyey Golaha Midowga Musharaxiinta hase yeeshee weli waa qabyo, welina si kama dambeyn ah la isuguma raacin, waxaana jirta weli in xubnaha qaarkood ay kasoo horjeedaan dhismaha golahan.

Wasiirkii hore ee amniga Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa xaqiijiyey inay diyaariyeen Midowga Musharaxiinta, wuxuuna ku qeexay dokumentiga howl weli socota.

“Waa howl socota, haddii ra’iisul wasaaraha uu ku guul-darreysto inuu hakiyo hanaanka doorashada boobka ah, guul-darradiisa kaliya horseed uma noqon doonto dhismaha golaha balse waxay Golaha Midowga Musharaxiinta ku qasbi doontaa inay si deg deg ah maalmo gudahood tallaabo u qaadaan una dedejiyaan dhisidda Golaha Sare,” ayuu yiri.

Sida ku cad dokumentiga, heshiiskan siyaasadeed waxa u dhisayaa GOLAHA SARE EE DALKA (HIGH COUNCIL OF STATE) kaas oo soo magacaabi doono Wasiirka 1aad ama Raisal Wasaare isna soo dhisi doono XUKUUMAD BADBAADO QARAN oo ka shaqeyn doonta:

• Xoreynta Dalka
• Dhameystirka Dastuurka Dalka iyo u codeyntiisa
• Qabashada DOORASHO QOF IYO COD AH.

GOLAHA SARE EE DALKA (HIGH COUNCIL OF STATE) ayaa ka koobnaan doonto 50 qof ama 51 hadii uu madaxweynaha ka yimaado banaanka iyo 15 dumar ah waxa uuna xubnaha golahu ka kala imanayaa: 

• Madaxda dowlad gobaleedyada iyo gobolka banaadir – xafiiska ay joogaan owgiis
• Dhamaan Murashaxiinta Madaxweyne ee sida cad loo aqoonsan yahay
• 3 xubnood oo ka socota bulshada rayidka
• 3 xubnood oo ka socota haweenka
• 3 xubnood oo ka socota golaha sare ee culimada Soomaaliyeed
• 3 xubnood oo ka socota dhalinyarada Soomaaliyeed 

Golaha Sare ee Dalka wuxuu dhisi doonaa xukaamada badbaado qaran oo leh dhamaan awoodaha ay u baahan tahay si ay u hirgaliso 3-dan qodob eek or ku xusan:

GOLAHA SARE EE DALKA (HIGH COUNCIL OF STATE) ayaa soo magacaabaya ra’iisal wasaaraha mudo 2 usbuuc gudahiisa kadib markii la doorto madaxweynaha isaga oo ku wargalinaya qofka u magacaabayo golaha ka hor inta usan magacaabin.

Muddada Xukuumadda Badbaado Qaran waxay noqonaysaa 2 sanno laga bilaabo taariikhda la doorto madaxweynaha oo ay dooranayaan GOLAHA SARE EE DALKA (HIGH COUNCIL OF STATE).

“Ku dhawaaqista golaha sare ee dalka kadib dhamaan ciidamada qeeybahooda kala duwan waxa aay si toos ah uga amar qaadanayaan golaha sare, sarkaal walba oo damca inuu xoog ama xeelad uga horyimaado golaha waxa uu galayaa dambi qaran waxaana si daahfuran lala tiigsan doonaa shuruucda dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Hoos ka arag dokumentiga oo dhameystiran

Ciidamada TPLF oo go’doon lagu geliyey gobol muhiim ah iyo wararkii ugu dambeeyey

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ciidamada Huwanta ee Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay inay qabsadeen jidka isku xira magaalooyinka Woldia iyo Mekelle kaaso ah mid Istaraatiiji u ah dagaalka ka socdo dalka Itoobiya, iyadoo sidoo kalana ciidamada TPLF laga qabsaday dhowr magaalo oo muhiim ah.

Maleeshiyada TPLF dhankooda waxay dagaal qaraar u galeen sidi ay waddada Woldiya iyo Mekalle isku xirto ay u difaacan lahaayeen si aan looga qabsan balse ugu dambeyntii dagaalka waa looga awood roonaaday, sida ay sheegatay warbaahinta dowladda.

Waddada ay ciidamada Itoobiya sheegeen iney TPLF ka qabsadeen ayey ku sheegeen iney go’doomineyso ciidamada TPLF ee gudaha deegaanka Amxaarada ka dagaallamaya, waxaana la rumeysan yahay inay istaagi doonto saanaddii ciidan iyo gurmadkii TPLF uga imaan jiray Maqale

Dowladda ayaa sheegatay in dagaalkii ugu dambeeyey ee dhacay ayaa dhowr jiho looga jabiyey ciidamada TPLF, kuwaas oo hadda isaga baxay magaalooyin ay gacanta ku hayeen, waxaana jiro dhimasho iyo dhaawac xoog leh oo soo kala gaaray Laba dhinac.

Warbaahinta Dowladda ayaa sheegtay in ciidamada isku dhafka ah ay la wareegeen deegaanka buuraleyda ah ee Zobl iyo magaalooyin kale oo aad muhiim u ah oo ay ka mid yihiin Arjo, Fokisa iyo Booren.

Sidoo kale, Dowladda ayaa sheegtay inay dib ula wareegtay magaalooyinka Diri Roka iyo Sodoma oo ah magaalo istiraatiiji ah isla markaasnaa ay hadda ciidamada u dhaqaaqeen dhanka magaalada Hara.

Dhanka Wuchale, waxay ciidamadu qabsadeen silsiladda istaraatiijiga ah ee buuraha Ambassel, Robit, Golbo iyo Mille Kotcha oo ka tirsan degmada Worebabo, sidoo kale dhanka Kolbon ee degmada Habru iyo deegaannada Merka iyo Faji ayaa lasoo warinayaa in ciidamada Dowladda ay socod ku mareen Magaalada Mersa.

Ma jirto illaa hadda illo madax banaan oo xaqiijiyey sheegashada ciidamada Dowladda ee ah inay qabsadaan magaalooyinka, waxaana magaalooyinka qaar ka go’an isgaarsiinta.

Afhayeenka TPLF Getachew Reda wuxuu bartiisa facebook ku soo qoray iney ciidamadooda u ruqaansadeen dhanka magaalada Gaashana.

Isaga oo intaa ku daray iney u egtahay iney ciidamadooda meel istaajin kartaa jirin ilaa ay cadowgu ku dhawaaqaan dagaalka iney joojiyeen.

Isaga oo farriintiisa ku soo afmeeray su’aal ah, isku day inaad ogaato halka xiga ee ay ciidamadooda ku istaagi doonaan.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Xog: ROOBLE oo ku gacan sayray mucaaradka, amray in doorashada lasii wado

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku gacan sayray dalabkii mucaaradka ee ahaa in la hakiyo doorashooyinka dalka, wuxuuna amray in lasii wado, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Caasimada Online waxay shalay qortay in Rooble uu aqbalay baaqa mucaaradka ee ahaa in la isugu yimaado shir ku saabsan arrimaha doorashada, balse wuxuu doonayaa kaliya in lagu saxo khaladaadka jira, waxna looga qabto cabashada mucaaradka, mana u qorsheysna in doorashada la hakiyo.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa shalay la kulmay Odayaasha Dhaqanka ee Reer Woqooyiga, wuxuuna u sheegay in la xaliyey khilaafkii Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi, loona madax baneeyey doorashada kuraasta iyo hab-maamulka beelaha.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, xubnaha Reer Woqooyiga iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa isku fahmay in lasii wado geediga doorashada oo aan la joojin.

Afar kursi oo kamid ah Golaha Shacabka ee Reer Woqooyioga ayaa todobaadkaan la dooran doonaa, taasi oo ka dhigan in Rooble uu laalay mid kamid ah qodobadii ay mucaaradka soo jeediyeen oo ahaa in doorashada la joojiyo.

Xubno kamid ah Reer Woqooyiga oo aan la hadalnay waxay intaas ku dareen inuu Ra’isul Wasaare Rooble ka dalbaday in kuraasta dhiman la dadajiyo si loo xaqiijiyo natiijada guud ee doorashada dalka.

Mowqifka Rooble ayaa astaan u ah sida ay u kala fogaadeen isaga iyo mucaaradka oo mar xulufo ahaa, islamarkaana garab xooggan siiyey markii ay is-hayeen madaxweyne Farmaajo.

Isbeddelka ku yimid Rooble ayaa la rumeysan yahay inuu ka dhashay safarkii uu bishii October ku tegay dalka Qatar, halkaasi oo wararka ay sheegayaan in Doha ay ku amartay inuu la shaqeeyo Farmaajo, islamarkaana lacag malaayin dollar ah uu kusoo qaatay.

Ma cadda tallaabada xigta ee ay qaadi doonaan mucaaradka, hase yeeshee waxaan horey u werinay in qorshahoodu yahay in la dhiso gole qaran oo dalka maamula, sidoo kalena dib loogu yeero ciidankii Badbaado Qaran. 

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Cumar C/rashiid oo si aan la fileyn uga hadlay xiisada PSF: PSF waxa ay aheyd inay DF…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaa’arke ayaa markii ugu horreysay ka hadlay xiisadda dagaal ee ka taagan Boosaaso, taas oo u dhexeyso hoggaanka Puntland iyo taliska ciidamada ee PSF-ta.

Cumar Cabdirashiid oo wareysi gaar ah siiyey Dalsan TV ayaa arrintan kasoo qaaday mid sahlan, wuxuuna ugu baaqay labada dhinac inay si nabad ku dhammeeyaan xiisadda.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in aysan cidna dan ugu jirin dagaal, balse loo baahan-yahay in laga fakiro mustaqbalka dambe ee Puntland oo haatan ah Hooyada Federaalka.

“Deni iyo dowladdiisaba inay arrintaas dib u eegaan waxaan waa sahlan yihiin in si nabad ah lagu dhammeeyo xabad qof ay xal u tahay ma lahan, 23 sano ayey jirsatay Puntland,” ayuu ku yiri hordhaca wareysiga cusub ee uu bixiyey Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray xiisadda taagan ay saameyn ku yeelan karto taageerada ay hadda ciidanka PSF ka helaan dowladda Mareykanka, isaga oo tusaale u soo qaatay dagaalkii Guriceel oo qeyb ka ahaayeen ciidamada Danab ee uu tababaro Mareykanka, isla-markaana uu war xasaasi ah kasoo saaraan sababta dhalisay in Danab ku biiraan dagaalka.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday arrin kale oo xasaasi ah, wuxuuna sheegay in xilligii uu joogay xafiiska uu isku dayey  ciidamada PSF inay qeyb ka noqdaan ama lagu soo biiriyo kuwa dowladda federaalka, isla-markaana arrintaas lagu soo qaaday mar uu tegay Washington, balse uusan guuleysan qorshahaasi.

“Aniga markii aan ra’iisul wasaaraha ahaa Washington markaan tegay arrin waxaa bilaabatay aheyd ciidanka hadda PSF sideedaba waxa ay ahaayeen in la sameeyo (Counter Terrorism Unit) oo hal ah oo federaal ah. PSF waxa ay aheyd inay noqdaan ciidamo qeyb ka ah federaalka, welina ma noqon,” ayuu yiri markale ku yiri wareysigan CC Sharmaa’arke.

Hadalkan kasoo yeeray Cumar Cabdirashiid oo dhowaan dib ugu soo laabtay dalka ayaa kusoo aadaya, xilli haatan xiisadd ka dhalatay xilka qaadista agaasimaha hay’adda PSF-ta Puntland ay ka taagan tahay magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga maamulkaasi.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Guddoomiye Cirro oo soo saaray go’aan cusub oo la xiriira doorashada DALKA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha guddiga hirgelinta doorashooyinka dadban ee heer federaal, Mudane Maxamed Xasan Maxamed (Cirro) oo wareysi siiyey VOA ayaa soo saaray go’aan cusub oo la xiriira muranka ka taagan doorashooyinka dalka.

Cirro ayaa shaaca ka qaaday in doorarashada aan la joojin doonin, balse iyada oo socoto la xallinayo wixii tabasho ah, taas oo meesha ka saareysa dalabkii hakinta ee Musharixiinta.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu soo dhoweynayo in shirweyne la’isugu yimaado, si loo dhammeeyo muranka hareeyey doorashooyinka socda ee Golaha Shacabka Soomaaliya.

“In guddiyadeennu wixii ay qaldamay ay saxaan waa waajib lagu leeyahay, Laakiin waxay u baahan tahay dhinacyo badan oo iskaashi leh,” ayuu yiri gudoomiyaha gudiga doorashada.

Maxamed Cirro ayaa sidoo kale ugu baaqay xubnaha mucaaradka inay ku kalsoonaadaan guddiyada maamulaya doorashooyinka 2021-ka, ayna kala shaqeeyaan doorashada.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo horay Golaha Midowga Musharixiinta Mucaaradka ay u qaadaceen doorashada Golaha Shacabka, kadibna ay dalbadeen in gabi ahaan la joojiyo doorashada, si loo xalliyo ‘boob’ ay sheegeen in lagu hayo kuraasta baarlamaanka.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa ku jirta xaalad adag oo kala guur ah, taas oo ka dhalatay daaha doorashooyinka dalka oo ay ka taagan tahay dood culus oo dib usii dhigi karta.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii