26.4 C
Mogadishu
Wednesday, July 1, 2026

Go’aanka ay qaateen Rooble iyo madax goboleedyada oo kasii daraya xiisadda dalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii ay Midowga Musharaxiinta Mucaaradka ay qaadaceen hanaanka doorashada dalka, gaar ahaan midda Golaha Shacabka ayaa waxaa isa-soo taraya walaaca iyo cabsida laga qabo in dalka ay ka dhacaan rabshado.

Dhinacyada siyaasadda isku haya ayaa si weyn iskugu khilaafsan wadadii loo mari lahaa xal u helida hanaanka doorashada, xilli ay mucaaridka doorashada socota ku tilmaameen mid boob iyo sharci darro ah.

Mucaaradka ayaa doonaya in guud ahaan doorashada la joojiyo, la baabi’iyo dhammaan kuraastii horey loo doortay, wax walbana hadda iyo kow laga soo billaabo. Balse Rooble iyo madax-goboleedyada ayaa ku adkeysanaya in doorashada sii socoto, balse la saxo khaladaadka jira.

Fallan-qeeyayaasha siyaasadda ayaa qaba in go’aanka aamusnaanta ee uu qaateen Madasha Wada-tashiga Qaran oo ay ku mideysan yihiin hogaanka dowlad goboleedyada dalka iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ay uga sii dareyso dareyso xaalada hubanti la’aanta ee ka taagan dalka.

Madasha Wada-tashiga Qaranka ayaa ku guuldareystay inay iskugu yimaadaan kulan lagu xalinayo tabashada laga qabo hanaanka ay ku bilowdeen doorashada waqtigeeda uu dib uga dhacay ee ka socota dalka, kulankaas oo ay dalbadeen mucaaradka.

Rooble ayaa aqbalay soo-jeedintii Midowga Musharaxiinta Soomaaliya ee aheyd in la isugu yimaado shir ku saabsan doorashooyinka dalka, hase yeeshee shirkan ayaa waxaa diidan xubanaha kale ee Madasha Wada-tashiga Qaran, gaar ahaan Axmed Qoor Qoor iyo Cabdicasiis Lafta-gareen, oo si aad ah ugu xiran madaxtooyada Soomaaliya.

Madasha Wada-tashiga Qaran oo ayadu leh awooda socodsiinta doorashada, islamarkaana ay kasoo baxeen heshiisyada loogu jiheystay doorashada ayaa go’aan ka gaarista is-mari-waaga ka taagan doorashada xal u noqon lahaa, sida ay qabaan qaar kamid ah fallan-qeeyayaasha siyaasadda.

Aamusnida Madasha Wada-tashiga Qaranka ayaa la fahamsan yahay in Midowga Musharixiinta ay kusii riixeyso inay sii wadaan kulamada ay uga arrinsanayaan samata-bixinta qaranka iyo qabashada doorasho hufan oo daah-furan.

Midowga Musharaxiinta ayaa sidoo kale ka howl-galaya qabsoomida shirwayne Wada-tashi Qaran oo ay isugu yimaadaan siyaasiyiinta Soomaaliyeed iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.

Sida ay hore u baahisay Caasimada Online dokumenti ay heshay oo ah dhismaha GOLAHA SARE EE DALKA (HIGH COUNCIL OF STATE) oo ujeedkiisu yahay inuu dalka ka badbaadiyo dagaal, kana saaro xaaladda cakiran, oo uu gaarsiiyo doorasho qof iyo cod ah.

Sida aan xogta ku helnay, Dokumentigan ayaa waxaa diyaariyey Golaha Midowga Musharaxiinta hase yeeshee weli waa qabyo, welina si kama dambeyn ah la isuguma raacin, waxaana jirta weli in xubnaha qaarkood ay kasoo horjeedaan dhismaha golahan.

Wasiirkii hore ee amniga Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa xaqiijiyey inay diyaariyeen Midowga Musharaxiinta, wuxuuna ku qeexay dokumentiga howl weli socota.

“Waa howl socota, haddii ra’iisul wasaaraha uu ku guul-darreysto inuu hakiyo hanaanka doorashada boobka ah, guul-darradiisa kaliya horseed uma noqon doonto dhismaha golaha balse waxay Golaha Midowga Musharaxiinta ku qasbi doontaa inay si deg deg ah maalmo gudahood tallaabo u qaadaan una dedejiyaan dhisidda Golaha Sare,” ayuu yiri.

Sida ku cad dokumentiga, heshiiskan siyaasadeed waxa u dhisayaa GOLAHA SARE EE DALKA (HIGH COUNCIL OF STATE) kaas oo soo magacaabi doono Wasiirka 1aad ama Raisal Wasaare isna soo dhisi doono XUKUUMAD BADBAADO QARAN oo ka shaqeyn doonta: Xoreynta Dalka, Dhameystirka Dastuurka Dalka iyo u codeyntiisa iyo Qabashada DOORASHO QOF IYO COD AH.Halkan guji oo ka arag dokumtigaas oo dhameystiran

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Aqriso: Jadwalka doorasho ee kuraasta qaar ka mid ah beelaha dega Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga maamulka doorashada kuraasta beelaha Banaadirga ee Muqdisho ayaa maanta shaaciyey qabashada Shan kursi oo kamid kuwa Golaha Shacabka, kuwaasi oo lagu dooranayo magaalada Muqdisho.

Kuraasta uu guddiga shaaciyey ayaa tirsigoodu yahay; HOP#105, HOP#265, HOP#266, HOP#034 iyo HOP#084. Waxa uuna sheegay guddigu in uu soo gudbin doono jadwalka kuraastaas.

“Guddiga hirgelinta doorashada ee SEIT Banaadir oo fulinaya wajibaadka qaran iyo heshiisyadii Madasha wadatashiga qaranka wuxuu gudiga halkan kusoo gudbinayaa qabashada doorashada Shan (5) ee ku asteesan kuraasta Beelaha Banaadiri,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Guddiga.

Dhinaca kale, Afhayeenka Gudiga Doorashooyinka Heer Federaal Axmed Safiina oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa faray dhamaan guddiyada soo xulaya Kuraasta Banaadiriga inay u soo diyaar garooban doorashada.

Sidoo kale waxa uu ku wargeliyay guddiyada doorashooyinka maamulada Puntland iyo HirShabelle inay sida ugu dhaqsaha badan ugu soo gudbiyaan kuraasta ay qabanayaan doorashadooda.

“Waxaa halkan uga mahad-celinayna guddiyadii hore u bilaabay ee shaqada wada, waxaa rajeynayna in jadwalka waqtigii loogu tala-galay loogu soo dhameystiro,” ayuu yiri Afhayeen Safiina.

Arrimahan ayaa imanaya xili ay Midowga Musharaxiinta qaadaceen doorashada socota ee Golaha Shacabka, islamarkaana ay dalbadeen in la hakiyo doorashada, oo ay ku tilmaameen mid ku dhisan boob iyo sharci daro.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Sawirro: Rajada aqoonsi ee Somaliland oo sare u kacday kadib wafti culus oo ka yimid Congress-ka Mareykanka

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi ballaaran oo ka socday Congress-ka Mareykanka, oo soo gaaray caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Kulanka ayaa waxaa looga wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dhinac ka dhaxeeya, arrimaha nabad-gelyada mandaqadda, horumarinta dimuquraadiyada iyo degenaanashaha gobolka geeska Afrika, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Somaliland.

“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland waxa uu xubnaha weftiga xog-warran guud ka siiyey horumarka ka hana qaaday Jamhuuriyadda Somaliland soddonkii sanno ee u danbeeyey, taas oo sababtay in beesha caalamku indhaha ku hayso isbeddelka ay Somaliland ku hoggaaminayso Dimuquraaddiyadda Afrika iyo dalal badan oo caalamka ahba, marka loo eego dal aan la aqoonsan oo haddana gaadhay himilooyinkaa aan weli ka hana qaadin qaaradda afrika ee dhinaca doorashooyinka iyo nidaanka xisbiyada badan,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Xubnaha wafdiga ayaa dhankooda ballan-qaaday inay warbixin buuxda oo la xiriirta horumarka iyo Dimuqraaddiyadda ka jirta Somaliland ay geyn doonaan Congress-ka Maraykanka ee ay metelayaan.

Sidoo kale waxay xuseen in ay Somaliland ku taallo goob isteraatiiji ah, kuna ammaanan tahay arrimaha doorashooyinka ee ay qabsatay, ayaga oo madaxda iyo shacabkeedana uga mahadnaqeen soo dhaweynta iyo sida maamuusku ku dheehan yahay ee lagu qaabiley markii ay gaareen caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Wafdiga ka socday Congress-ka Maraykanka ayaa maalintii shalay aheyd soo gaaray magaalada Hargeysa, waxayna kulamo kala duwan la yeesheen xubno kamid ah labada gole ee guurtida iyo wakiillada, ururada haweenka.

Waxay sidoo kale maanta la kulmeen wasiirrada wasaaradaha, Arrimaha dibadda, Gudaha ee dhinaca amniga, horumarinta maaliyadda, Caafimaadka, Qorshaynta iyo Deegaanka, ayaga oo ku bogaadiyey horumarka ay ku talaabsatay Somaliland.

Somaliland ayaa rumeysan in booqashada waftigan ay astaan u tahay in Mareykanka ugu dambeyn il-gaar ah kusoo eegayo Somaliland, ayna jirta rajo ah in ugu dambeyn uu dal u aqoonsan karo ama ugu yaraan uu si gaar ah oo ka madax-banaan dowladda federaalka ula macaamili doono.


Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

DF Somalia oo war cusub ka soo saartay khilaafka Jabuuti

0

Jabuuti (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda qorsheynta xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Jamaal Maxamed Xasan oo ka qeyb-galaya madasha aragti wadaagga arrimaha Geeska Afrika ee uu soo qaban-qaabiyey Machadka Cilmi-Baarista Heritage ayaa soo hadal qaaday xiriirka Soomaaliya & Jabuuti oo uu dhowaan khilaaf soo kala dhex-galay.

Jamaal Maxamed ayaa marka hore meesha ka saaray in haatan khilaaf uu ka dhexeeyo labada dal oo walaalo iyo daris ah, wuxuuna qiray in xilligan uusan jirin wax khilaaf ah.

Wasiirka ayaa xusay in ay jiraan daldaloolo yar, balse  labada dowladood ay kaga wada-hadlayaan qaab diblomaasiyadeed, si loo dhammeeyo wixii dhexdooda ah.

Sidoo kale wasiir Jamaal oo hadalkiis sii wata ayaa xusay in Jabuuti ay abaal weyn ku leedahay Soomaaliya, isla-markaana ay door ku leedahay dowlad dhiska Soomaaliya.

“Jabuuti, dad walaalaa nahay, dowladdii Carta ayaa halkaan lagu dhisay, maantana waa annaga halkaan kasoo qeyb galnay, waana soconayaa xiriirkeenna,” ayuu yiri Jamaal.

Khilaafka soo kala dhex-galay Jabuuti iyo Soomaaliya ayaa bannaanka u soo shaac baxay horraantii sanadkan, kadib markii dowladda federaalka ay Jabuuti ku eedeysay inay kala safatay Kenya oo ay isku qabteen arrimaha gobolka Gedo oo xuduud la leh waddankaasi.

Si kastaba, hadalka wasiirka qorsheynta ayaa kusoo aadaya, iyada oo maanta ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu kusii jeedo dalka Jabuuti, isaga oo soo xiri doono aragti wadaagga Geeska Afrika ee uu soo qaban-qaabiyey Machadka Cilmi-Baarista Heritage.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Khilaafka Sheekh Shariif iyo Midowga Musharaxiinta oo banaanka usoo baxay kadib tallaabo uu qaaday xisbigiisa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo Shariif Sheekh Axmed ayaa qaaday tallaabo banaanka soo dhigtay khilaafka madaxweynihii hore kala dhaxeeya xubnaha kale ee Golaha Midowga Musharaxiinta, maalin kadib markii ay xogtan shaacisay Caasimada Online. 

Gudoomiyaha Xisbiga Himilo Qaran Xildhibaan Suleymaan Maxamuud Xaashi, Xoghaya Guud ee Xisbiga Xildhibaan Yuusuf Xuseen Axmed Gama’diid, Guddoomiye ku xigeenka Golaha Dhexe ee Xisbiga Dr. Maxamed Maxamuud Shirwac iyo Xoghaya Maaliyadda xisbiga Cabdinaasir Maxamed Sheekh Nuur ayaa kulan gaar ah la yeeshay ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xisbiga.

Hase yeeshee, muhiimadda ma aheyn kulanka ee waxa looga hadlay, waxaana xisbiga qoraal uu soo saaray uu ku sheegay in kulanka diiradda lagu saaray sidii la isaga kaashan lahaa sixidda doorashada iyo dardar gelinta doorashooyinka.

“Waxaa la isku raacay in meel looga soo wada jeesto wax kasta oo dib u dhigi kara arrimaha doorashada taasi oo saldhig u ah hor-u-socodka Dowladnimada Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka xisbiga Himilo Qaran.

Dalabka xisbiga ee ah in doorashada lasii wado iyo hanjabaadda la daba dhigay, waxay si cad uga hor-imaneysaa mowqifka Golaha Midowga Musharaxiinta ee uu hoggaamiyo Shariif ee ah in doorashooyinka dalka la joojiyo. 

Caasimada Online waxay shalay qortay in Golaha Midowga Musharaxiinta Soomaaliya uu ka dhex-qarxay khilaaf la xiriira qaabka loo wajahayo sixitaanka khaldadaadka doorashooyinka dalka.

Ilo-wareedyo ku dhow Golaha ayaa Caasimada Online ay kasoo xigatay in Shariif uu kasoo horjeedo tallaabooyinka xasaasiga ah ee Golaha ay qorsheynayaan sida shirkii ay habeen hore ku baaqeen iyo Dhisida Golaha Sare ee Dalka, oo aan baahinay dokumenti la xiriira qaab dhismeedkiisa.

Shariif ayaa sidoo kale la sheegay inuusan waxba ka ogeyn war-saxaafadeedkii Golaha ee ku baaqay shir la isugu yimaado 10-a December, wuxuuna kusoo beegmay maalin kadib markii uu madaxweynihii hore ka dhoofay Muqdisho.

Shariif markii hore wuu qabay in doorashada la hakiyo oo la saxo khaladaadka, balse wuxuu kasoo horjeeday talalabooyinka kale ee golaha Midowga Musharaxiinta, hase yeeshee tallaabada uu xalay qaaday xisbigiisa iyo warka ay soo saareen waxay astaan u yihiin inuu sii durqay.

Sheekh Shariif ayaa bilihii tegay la rumeysnaa inuu aad ugu dhowaaday Fahad Yaasiin iyo Villa Somalia, ayada oo la sheegay inuu yahay qorshaha B (Plan B) ee Fahad iyo Qatar, haddii Farmaajo uu rajo wanaagsan ka yeelan waayo in la doorto.

Xubno ku dhow Villa Somalia ayaa laga soo xigtay in Farmaajo uu weli Shariif u hayo abaal, islamarkaana rumeysan yahay in haddiiba uusan xilka madaxweyne dib u haleyn uu qaato Shariifka, oo la dhaafiyo xubnaha kale ee mucaaradka.

Ma cadda sababta Shariifka u cayaarayo qorshahan, hase yeeshee waxaa la rumeysan yahay in sababta ugu weyn ay tahay in dhaqaale yari ku qasabtay inuu rajo ka raadiyo dhanka Fahad.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Daawo: Cabdinuure Siyaad: Haddii aan la dooran Jeneral Indha-Cadde wallaahi meel…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdinuure Siyaad oo hadal ka jeediyey madal uu Jeneraal Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacadde ku shaacinayey inuu yahay musharax xildhibaan ayaa ku goodiyey in hadii Indha-Cadde kursiga loo diido aysan meel fadhi doonin.

Cabdinuure Siyaad ayaa sheegay in dalku uu dayacan yahay, isla markaana aysan hadda kadib indhaha kasii fiirsa doonin, muhiimna ay tahay in la doorto dad wax ka bedeli kara xaaladaan.

“Jeneraal Indha-cadde waxaan banaanka u keenay oo aan u codsanay inuu is sharaxo in badbaadada dalkaan uu ka qeyb qaato, marka waxaan u soo jeedineynaa beesha iska leh kursiga Indhacadde inay codkooda siiyaan,” ayuu yiri Cabdinuure Siyaad.

Sidoo kale siyaasigaan ayaa sheegay in xildhibanadii hore ee beeshaan aysan waxaba u qaban reerkooda, isla markaana hadda loo baahan yahay in la helo is bedel deg deg ah.

“Waxaan beesha ka codsaneynaa in Sheekh Yuusuf Indhacadde kursiga lala raadiyo oo ergada laga dhaadhiciyo, hadii taas la diido oo kursiga uusan soo helin, walaahi meel fadhi meynee ogaada, sida dayaca ah ee dalku ku sugan yahay wax la fiirsan karo maaha, dayacaadaan waxaa dalka looga saari karaa in la doorto dad macna leh oo wax qaban kara,” ayuu yiri Cabdinuure Siyaad.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Hoos ka daawo

Xog: Mucaaradka ma waxaa hunguri ka galay xilka Rooble kadib kulankii Villa Somalia?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa Sabtidii kulan gaar oo qarsoodi ah la qaatay Madaxweynaha waqtiga ka dhammaaday ee SoomaaliyaMaxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Sharma’arke oo dhawaan kusoo laabtay magaalada Muqdisho, ayaa kulamo wada-tashi ah la qaatay xubnaha Midowga Musharaxiinta Mucaaradka, wuxuuna la qabtay dhowr shaqo oo gaar ah.

Isaga iyo guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa aragti hordhac ah ka keenay habka loo sameyn karo Gole Qaran haddii la joojin waayo doorashada boobka ah, taasoo loo qeebiyey xubaha Midowga Musharaxiinta si ay dood xooggan u geliyaan.

Cumar Cabdirashiid, wuxuu kadib kulan gaar ah la qaatay Madaxweyne Farmaajo, kulankaan oo la sheegay inuu ka yimid dhanka Madaxweyne Farmaajo kama marna inuu Cumar Cabdirashiid aaminsanaa in haddii maamuladii doorashada wada boobayaan in la raadiyo dariiq kale oo awoodda ugu soo laaban karto siyaasiyiinta la yaqaano ee heer federaal.

Si kale markii loo dhigio habka awoodda iyo loolanka loogu soo koobi karo Farmaajo iyo mucaaradka la yaqaano.

Kulankii Farmaajo iyo Cumar Cabdirashiid kadib, waxaa soo baxay warar xooggan oo sheegaya in mucaaradku rabaan in doorashadaan boobka ah la joojiyo, awoodana laga soo celiyo maamul goboleedyada, iyaga iyo Farmaajana toos u macaamilaan.

Balse dhinaca kale, xubno ku dhow dhow xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble waxay qabaan in mucaaradka Farmaajo kala hadleen in xilka Ra’iisul Wasaaraha uu mucaaradka siiyo, laba sano oo cusub iyo hannaan doorasho oo maamulada daciif ka yihiina laga wada-hadlo iyadoo la tirtirayo dhammaan xubnihii kusoo baxay doorashada boobka ah loona laabanayo ama lasoo nooleenayo baarlamaankii 10-aad.

Mucaaradka sida muuqata hadda waxaa Farmaajo uga daran madaxda maamul goboleedyada dalka. Haddaba markii uu warkaan soo baxay kadib waxaan la xiriirnay qaar kamid ah madaxda mucaaradka si aan uga waydiino waxa ka jira inay gorgortan Ra’isiul Wasaare miiska keeneyn.

Xubnaha aan la hadalnay waxay sheegeen in maadaama uu Rooble awoodi waayey inuu cabashadooda xaliyo, maamuladiina diideen shirkii, doorashadiina in la boobayo ay caddahay ay dareemeen inuu jiro xal kale oo sheegaya mucaaradka iyo Farmaajo maxay wada qabsan karaan hadda?

Mucaaradka ma xaqiijin mana beenin in lagu gorgortamayo madaxa Ra’iisul Wasaaraha, iyadoo loo laabanayo baarlamaankii 10-aad, doorashada socotana laga dhigayo waxba kama jiraan.

Xubnaha xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo iyaguna aan la hadalnay arrintaan si weyn ayey uga walaacsan yihiin. Markii hore loolanka doorashada iyo midka siyaasadduba wuxuu u dhaxeeyey madaxweyne Farmaajo iyo mucaaradka, laakiin hadda labadiiba waa laga xoog badiyey meeshiina waxaa qabsaday madaxda maamulada.

Waxaa cad in waqti dheer kadib uu hoggaankii siyaasadda isbadal qarka u saaran yahay oo awoodii ay aaday jiho kale oo aan waxba xeerineyn waana ragga hormuudka u ah gobolada Dalka.

Sida qura ee awoodda ay deg degg ku heleen looga dhigi karo hoggaamiyaasha gobolada waa inay Farmaajo iyo ragga kasoo horjeeda keenaan dood tii hore mid ka duwan, ayey leeyihiin dadka siyaasadda ka faallooda qaarkood.

Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke waxaa la filayaa inuu qaar kamid ah xubnaha Midowga Musharixiinta kala hadlo wixii uu Farmaajo kala soo kulmay, balse guuxa ah in dariiq cusub la furo oo wiiqi kara awoodda madaxda gobolada waxaa la sheegay in xitaa Farmaajo uusan diidaneyn.

Sida loo furayo dariiqaas, mucaaradku inay isku fahmi karaan sharci ahaanshaha arrintaan iyo in la heli karo doorasho kale oo heshiis lagu yahay waa mid u baahan sharaxaad kale iyo faham dheeri ah.

Haddii ay cadaato inay mucaaradku qabaan in Rooble la bixiyo lana keeno ra’iisl wasaare cusub lagana doodo hannaan doorasho oo ka duwan midkaan boobka ah, dalku wuxuu geli doonaa xaalad kale oo aan dhammaadkeeda la aqoon.

Waxaa kaloo la hubin inay madaxda mucaaradka isku raaci karaan in Farmaajo lala heshiiyo, Ra’iisul Wasaare laga qaato oo ballan lala yeesho.

Xubnaha Midowga Musharaxiinta Mucaaradka iyo Rooble aad ayey usii kala fogaadeen maalmahaan dambe, sababta waxaa lagu sheegay inuu Ra’iisul Wasaaraha ka cudur daartay inuu doorashada joojiyo.

Rooble wuxuu qabaa in doorashadu socoto lana xaliyo cabashada mucaaradka, balse taas ma ogola mucaaradka, wax walba ayaana iska badali kara siyaasadda Soomaaliya xilligan la joogo.

Joogitaanka Cumar Cabdirashiid ee magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale sababi karta inay xaaladdu u dhammaato meel aan la fileyn maadaama uu labada dhinacba u furan yahay uuna awoodo inuu wax u kala sarifo labada dhinac.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Muxuu guddiga doorashada heer federal ka yiri tallaabada ay qaaday JUBALAND?

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Guddiga hirgelinta doorashooyinka ee heer federaal ayaa war kasoo saaray tallaabada ay qaaday Jubbaland ee ku aadan qabashada doorashada 14 kursi oo ka mida xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Afhayeenka guddiga doorashooyinka, Axmed Safiino ayaa shaaciyey in Jubbaland ay guddigooda usoo gudbisay liiska kuraastaas, isla-markaana ay uga mahadcelinayaan, sida ay uga jawaabeen dalabkooda ku aadan in Jubbaland ay guda gasho doorashada Baarlamaanka.

“Guddiga Doorashooyinka Dadban SEIT ee Jubbaland ayaa inoo soo gudbiyay 14 kursi oo lagu dooran doono Kismaayo, waxa aan ugu mahadcelineynaa jawaab celinta ay ka sameeyeen codsigeenii ahaa in la dadejiyo doorashada Golaha Shacabka,” ayuu yiri Safiina

Sidoo kale wuxuu baaq u diray dowlad goboleedyada kale oo uu ka dalbaday inay dardar-geliyaan doorashooyinka billowday ee ka socda dalka.

“Dowlad goboleedyada, guddiyada doorashooyinka, shacabka iyo dhammaan cid waliba oo daneyneysa doorashada waxa aan ka codsaneynaa in ay gacan naga siiyaan dardargelinta doorashooyinka nala shaqeeyaan,” ayuu markale  sii raaciyay afhayeenka guddiga FEIT.

Jubbaland ayaa noqoneysa maamulkii saddexaad ee guda-gala doorashada Golaha Shacabka, waxaana ka horreeyey Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

Si kastaba, tallaabada ay qaaday Jubbaland ayaa dhinaca kale meesha ka saareysa dalabkii Golaha Musharixiinta ee ahaa in la hakiyo doorashada inta laga xalinayo cabashada taagan.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

15 jir u geeriyootay ‘kufsi wadareed ay u geysteen’ ciidamo ka tirsan dowladda

0

Janaale (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa laga helayaa xogta gabar 15 sano jir aheyd oo kufsi wadareed loogu geystay deegaanka Janaale ee gobolka Shabeellada Hoose, taas oo tacadigii loo geystay dartiis ugu geeriyootay isbitaal ku yaalla degmada Marka ee xarunta gobolkaas.

In ka badan 10 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan Janaale iyo rag kale oo aan askar aheyn ayaa la sheegay in kufsi wadareed ay Janaale ugu geysteen gabadhaas.

Guddoomiyaha deegaanka Janaale oo wareysi siiyey Idaacadda Kulmiye ayaa sheegay in hadda ay guddi u xil-saareen baaritaanka kiiskaas, isla markaana ay jiraan dad loo soo qabtay inay ka dambeeyeen falkaas.

Gabadha oo lagu magacaabi jiray Sahro Cali Maxamuud ayaa ku geeriyootay isbitaal ku yaalla magaalada Marka oo loo geeyey in lagu dabiibo, sida uu xaqiijiyey guddoomiyaha deegaankii lagu dhibaateeyey gabadha ee Janaale.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in ragga gabadha kufsaday ay isugu jireen askar militeriga Soomaaliya ka tirsan iyo rag kale oo shacab ah oo ciidanka la joogay.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa intaas ku daray in saacadaha soo socda ay shaaci doonaan warbixin dhameystiran oo ku saabsan qaabkii uu u dhacay falkaas kufsiga ah iyo geerida gabadha.

Waxa uu sheegay in saraakiisha ciidmada xoogga dalka ee ku sugan Janaale iyo maamulka deegaanka Janaale ay iska kaa shanayaan baaritaanka kiiskaas.

Hoos ka dhageyso wareysiga

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Daawo: MUSTAFE CAGJAR: “Carada FARMAAJO loo qabo yaan ABIY lagula dhicin”

0

Djbouti (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaali Galbeed Mustafe Muxumed Cumar Cagjar oo dalka Jabuuti uga qeyb galay Shirka Madasha Aragti-Wadaagga ee Machadka Heritage ayaa si qota dheer uga hadlay arrimaha siyaasadda ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Madaxweyne Cagjar ayaa sheegay in laga haboon yahay in dadka Soomaaliyeed ee mucaaradka ku ah Madaxweyne Farmaajo ay la coloobaan Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo Farmaajo saaxiib la ah.

Sababta waxa uu ku sheegay in Soomaaliya ay ka nabad gashay faro-gelintii Itoobiya intii uu xukunka joogay Ra’iisul wasaare Abiy Axmed oo sidoo kale hadda dagaal kula jira kooxdii Soomaaliya kala qeybineysay mudo 27 sano ah.

Waxa uu sheegay in qowmiyadaha kale ee dalka Itoobiya ay wax ka tirsan karaan Abiy Axmed, balse Soomaalidu ay ka nabad gashay, isagoo xusay in la buun-buuniyo dacaayado la xariira qorshaha Abiy uu mustaqbalka ka damacsan yahay Soomaaliya.

“Seddax sano iyo barkii u dambeeyey in Abiy dhaho waxaan la shaqeynayaa dowladda dhexe, waa wixii ay Soomaaliya dalbaneysay mudo 30 sano ah, faro-gelintii iyo hubeyntii in laga joojiyo waa ku saxan yahay, ujeedada uu ka leeyahay anaga waxaba nagama gelin,” ayuu yiri Mustafe Cagjar.

Sidoo kale Madaxweyne Mustafe waxa uu qiray in hadii ay yihiin Soomaalida hoos tagta Itoobiya ay dhibaato badan u geysan jireen dadka kale ee Soomaaliyeed, isagoo taas u tiiriyey xukunkii hore ee Itoobiya ka jiray.

“Hadda waxaa la dilaa ciidankeena Liyuu Boolis, laakiin ma dhacdo inay fal-celin sameeyaan oo dadka laayaan, sababtoo ah talo Soomaaliyeed ayaa deegaanka ka jirta, sidaas darteed waxaan aaminsanahay in Dr. Abiy go’aanka uu ka qaatay Soomaaliya uu ku saxan yahay,” ayuu yiri Madaxweyne Cagjar.

Waxa uu sheegay in kalsooni badan uu ku qabo in Abiy uu la macaamili doono Madaxweynihii ay Soomaaliya doorato oo bedela Farmaajo, “Marka carooyinka gudaha ah ee Farmaajo loo qabo, Abiy in loogu caroodo waa wax laga haboon yahay,” ayuu yiri.

Sidoo kale Madaxweyne Mustafa ayaa sheegay in ka dowlad deegaan ahaan ay heystaan xorriyad dhameystiran, isla markaana ay hadda si xor ah isku soo doortaan.

“Soomaalida gobolka markii aan eegno, waxaba nama yeelin Abiy anaga, hadii ay jiraan dad siyaasad u xiran, anagaa iska xirnay, ceebteedana anagaa leh, laakiin waa u madax-banaanahay sayaasadeena, waxaan heysanaa xorriyad aan caadi aheyn, waligeed ma dhicin in doorasho xalaal ah ay ka dhacdo deegaanka Soomaalida sanadahaan ka hor,” ayuu yiri Mustafe Cahjar.

Ugu Dambeyntii waxa uu sheegay in Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed uu la dagaalamayo oo ku sii jeedo kooxda TPLF oo Soomaalida duleyneysay 27 sano oo xariir ah.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Jubaland oo shaacisay liiska doorashada 14 kursi oo ka mid ah Golaha Shacabka

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Guddiga doorashada Jubaland ayaa shaaciyey kuraasta 14 ka mid ah golaha shacabka oo doorashadooda uqaban doono dhowaan, kuwaas oo noqon doono kuwii ugu horreeyey ee Jubaland lagu soo doorto.

Doorashada 14 kursi ayaa dhammaantood ka dhici doonta magaalada Kismaayo oo ah mid ka mid ah labada deegana doorasho ee Jubaland.

Guddiga doorashada Jubaland ma shaacin xilliga ay dhici doonto doorashada, balse waxaa la filayaa in la qabto toddobaadkan gudihiisa ama toddobaadka xiga.

Guddiga weli ma shaacin wax kuraas ah oo doorashadooda lagu qabanayo magaalada Garbahaarey oo ah magaalada labaad ee deegaan doorasho ee Jubaland, halkaasi oo maamulka uusan awood ku laheyn, ayna gacanta ku hayaan mas’iiliyiin taageeeersan madaxweyne Farmaajo.

Liiska kasoo baxay guddiga doorashada Jubaland ayaa yimid saacado un kadib markii xalay war-saxaafadeed ka soo baxay guddiga hirgalinta doorashada ee heer federaal looga dalbaday guddiyada doorashada ee dowlad goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo HirShabeele in 48-saac gudahood ay ku bilaabaan doorashada xildhibaanada golaha shacabka.

Qoraalkaan ayaa guddiyada seddaxdaas maamul looga dalbaday in hadii saacadahaas ay doorashada ku bilaabi waayaan ay bulshada u cadeeyaan caqabadaha ka hor taagan qabashada doorashada.

“Waxaan fareynaa Guddiyada Maamulka Doorashada ee sadexdaan Dawlad Goboleed in ay muddo 48 saac ku soo gudbiyaan warbixin ku saabsan bilaabashada doorashada ama bulshada Soomaaliyeed u cadeeyaan caqabadaha hor taagan,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka guddiga doorashada heer federaal.

Go’aanka Jubaland ay ku qabaneyso doorashada 14 kursi ayaa dhabarjab ku ah isku daygii ay Midowga Musharaxiinta Soomaaliya doonayeen inay ku hakiyaan doorashada oo ay sheegeen in la boobayo. 

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Lix qof oo haraad iyo gaajo ugu dhintay GALMUDUG

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in xaalad nololeed oo aad u daran ay ka jirto deegaano ka tirsan gobolkaas oo hoostaga dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.

Guddoomiye ku xigeenka gobolka Mudug, Axmed Maxmed Shire Qoodaar oo u warramay warbaahinta ayaa xaqiijiyey in 6 qof ay haraad iyo gaajo ugu dhinteen gobolkaasi.

Dadka dhintay ayuu sheegay inay ku soo jeedeen magaalada Gaalkacyo, balse inta aysan soo gaarin ay ku dhinteen wadada, isla-markaana ay qaarkood ay gacantooda ku aaseen.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in magaalada ay soo gaareen qoysas kale oo kasoo hayaamay abaarta ka jirta, isla-markaana haatan ay wajahayaan xaalad adad oo aad u liidata.

Shire ayaa ugu baaqay hay’adaha safamafalka, ganacsatada iyo dowladda inay u soo gurmadaan dadkaasi ku tabaaleysan gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Abaarta Soomaaliya ku dhufatay oo ah mid baahsan ayaa saameyn ku yeelatay qoysas badan oo ku dhaqan gobollo dhaca koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Si kastaba, Galmudug ayaa horey u wajaheysay xaalado adag oo is biirsaday, sida dageel beeleedyo, xiisad ka dhalatay dagaalkii Ahlu Sunna iyo doorashooyin.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Agaasimaha warfaafinta Villa Somalia oo shir uga qeyb-galay ISTANBUL + Sawirro

0

Istanbul (Caasimada Online) – Agaasimaha Warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Xaashi ayaa dalka Turkiga uga qayb galay shirweynaha Istaraatijiyadda Warbaahinta oo ka dhacay magaalada Istanbul. 

Shirkan waxaa looga arrinsanayey sidii uu caalamku istaraatijiyad iyo xal midaysan uga gaari lahaa ka hortagga wararka been abuurka ah ee lagu marin habaabiyo bulshooyinka caalamka iyo sidii ay dowladaha caalamku xiriir wanaagsan oo dhanka warbaahinta ah u la yeelan lahaayeen shucuubtooda. 

Shirka oo ay ka soo qayb galeen Madaxda Warfaafinta iyo Afhayeennada Dowladaha lagu martiqaaday, ayaa waxaa ka soo baxay go’aanno miro-dhal ah oo ku aaddan ka hortagga wararka been abuurka ah, marin habaabinta bulshada iyo horumarinta warbaahinta caalamka. 

“Waxaan uga mahadcelinayaa Madaxtooyada Dalka Turkiga T.C. İletişim Başkanlığı martiqaadka iyo soo dhoweynta diirran ee ay noo fidisay,” ayuu yiri agaasime Cabdirashiid Maxamed Xaashi.

Xarakada Al-Shabaab oo shaacisay inay qarax ku dishay 30 askari oo Kenyan ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar culus oo Isniintii shalay aheyd dagaalyahanada Al-Shabaab ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka Waqooyi Bari, kaas oo lagu beegsaday ciidamo ka tirsan kuwa dalka Kenya.

Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu qaaday tuulada Konton oo hoostagta degmada Qorof-Xaraar, waxaana kadib xigay dagaal foolka fool ah oo dhex-maray ciidanka Kenya ee ku sugnaa halkaasi iyo dagaalyahanadii kooxda Al-Shabaab ee weerarka qaaday.

Al-Shabaab oo war qoraal kasoo saartay weerarkaas, waxay shaacisay inay khasaare gaarsiisay ciidanka Kenya,, sidoo kalena ay kala wareegtay tuulada Konton.

Sidoo kale kooxda Al-Shabaab ayaa intaasi ku dartay in qarax xoogan ay la beegsatay ciidamo kale oo gurmad ah, isla-markaana kasoo baxay meel 1 KM u jirta tuulada uu dagaalka dhacay, waxayna tilmaamay inay qaraxaasi ku dishay ugu yaraan 30 askari.

Qoraalka Al-Shabaab ayaa waxa kale oo lagu sheegay in meydadka askartaas laba jeer diyaarado elocoptor ah looga qaaday halkaasi.

Dhinaca kale qoraal kasoo baxay Booliska Kenya ayaa lagu sheegay inay fashiliyeen weerarkan oo ay tilmaameen in lagu beegsaday masjid ku yaalla agagaarka Wajeer, isla-markaana ay ka wateen dad uu ku jiro Imaamka masjidka, balse ay soo bad-baadiyeen.

Imaamka ayaa la sheegay inuu ka mid ah ciidamada Kenya ee Booliska Kenya, sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay Booliska.

Booliska ma shaacin khasaaraha rasmiga ah ee weerarkaas ka soo gaaray ciidamadooda dagaalka la galay dagaalyahanada hubeysan ee kooxda Al-Shabaab.

Muddooyinkii la soo dhaafay kooxda ayaa kordhisay weerarada ka fuliso gudaha dalka Kenya, gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari oo xad dheer la leh Soomaaliya.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

XOG: Kulan qarsoodi ah oo Villa Somalia ku dhex maray Farmaajo iyo Cumar C/rashiid

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa shalay kulan qarsoodi ah ku yeeshay xarunta madaxtooyada, sida ay ogaatay Caasimada online.

Kulanka, oo yimid toddobaad kadib markii Cumar Cabdirashiid uu soo gaaray Muqdisho, ayaa ahaa mid horey u qorsheysan oo ay kasoo shaqeeyeen xubno aad ugu dhow madaxweyne Farmaajo.

Ma cadda waxyaabaha kulanka looga hadlay, hase yeeshee waxaa su’aalo ay ka taagan yihiin sababta uu Cumar Cabdirashiid u qariyey. Cumar Cabdirashiid ayaa kulan uu ra’iisul wasaare Rooble la qaatay 5-tii December sawiradiisa ku baahiyey baraha bulshada balse sidaas oo kale ma sameyn kadib kulankii shalay.

Kulankan ayaa kusoo beegmay iyadoo Midowga Musharaxiinta, oo Cumar Cabdirashiid uu aad ugu dhow yahay, ay ku dhawaaqeen shirweyne Wadatashi ah.

Cumar Cabdirashiid ayaa toddobaadyadii tegay aad u dhaliilayey habka ay ku socdaan doorashooyinka golaha shacabka, oo uu ku qeexay kuwa la boobayo una baahan in deg deg loo joojiyo.

Qoraal uu soo saaray 29-kii November wuxuu ku yiri “si looga fogaado baarlaman lagu muransan yahay, dalku kala qeybsamo, ama kasii daro xanuun kale oo Ethiopian ah: a) Joojiya doorashada lagu shubtay, b) Dib usoo celiya hanaan doorasho oo dhex-dhexaad ah maadaama heshiiskii August uu horseeday wax is-daba marin baahsan, c) Ku dara kormeerayaal si sare loogu qaado kalsoonida.”

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Guddiga doorashada heer federal oo soo saaray go’aan la xiriira doorashada dalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ka soo baxay guddiga hirgalinta doorashada ee heer federaal ayaa lagu go’aamiyey in lasii wado doorashada dalka, waxaana guddiyada doorashada ee dowlad goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo HirShabeele looga dalbaday in 48-saac gudahood ay ku bilaabaan doorashada xildhibaanada golaha shacabka.

Qoraalkaan ayaa guddiyada seddaxdaas maamul looga dalbaday in hadii saacadahaas ay doorashada ku bilaabi waayaan ay bulshada u cadeeyaan caqabadaha ka hor taagan qabashada doorashada.

“Waxaan fareynaa Guddiyada Maamulka Doorashada ee sadexdaan Dawlad Goboleed in ay muddo 48 saac ku soo gudbiyaan warbixin ku saabsan bilaabashada doorashada ama bulshada Soomaaliyeed u cadeeyaan caqabadaha hor taagan,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka guddiga doorashada heer federaal.

Sidoo kale guddigaan ayaa qoraalkiisa ku cadeeyey inay ka go’antahay in doorashada baaralamaanka ay ku soo gabagabeeyaan jadwalkii loo qorsheeyey oo ku eg 24-ka bishaan, balse wixii dib u dhac ah oo jadwalkaas ku yimaada uu mas’uuliyadiisa qaadanayo golaha wadatashiga qaranka.

“Wuxuu guddigu caddeynayaa inuu mar walba ku dedaalayay sidii jadwalkaas loo hirgalin lahaa, ayna guddiyada heerarkooda kala duwan dhameystireen diyaar garowga qabashada doorashada. Haddaba dib u dhaca ku yimaada jadwalka doorashada waxaa mas’uuliyaddiisa qaadaya mas’uuliyiinta Golaha Wadatashiga Qaranka oo siyaasiyan dhankooda uga xanibantahay hawshu,” ayaa lagu yiri bayaanka.

War-saxaafadeedka guddiga doorashada heer federaal ayaa intaas ku sii daray, “Ayada oo la tixgalinayo xaaladda dalku ku jiro iyo culeyska jiitanka doorashadu ku hayo amniga iyo nolosha guud ee bulshada Soomaaliyeed, waxaan ugu baaqeynaa Golaha Wadatashiga Qaranka inay gutaan mas’uuliyadda ummadeed ee saaran, ayna dedejiyaan doorashada golaha shacabka, iyadoo habraacyada iyo hanaanka howlgalka doorashada, si loo xaqiijiyo hufnaanta doorashada.”

Guddiga ayaa qoraalkaan ku bogaadiyey guddiyada doorashada ee gobollada waqooyi iyo kuwa dowlad goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo bilaabay doorashada xildhibaanada golaha shacabka, sidoo kale waxay cadeeyeen in natiijada laba kursi horay loo laalay, mid kalena ay go’aankiisa ka sugayaan guddiga xalinta khilaafaadka.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

 

Weerar ku billowday Rooble kadib tallaabo uu qaaday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa weerar cusub oo dhanka baraha bulshada ah kala kulmay qaar kamid ah bulshada Soomaaliyeed, kadib kulan uu maanta la qaatay Ururada bulshada Rayidka.

Kulanka oo lagu baahiyey barta Xafiiska Rooble ku leeyahay Facebook-ga, ayaa waxa si weyn loogu dhaliilay qaabka uu ku wajahay is-mari-waaga ka dhashay hanaanka doorashada, kaasi oo xaalad hubanti la’aan ah u horseedaya dalka.

Kulanka oo ku aadana sidii loogu wada istaagi gurmadka dadka ay saameeyeen abaaruhu, ayaa haddana waxay dadka qaarkood si weyn Ra’iisul Wasaaraha ugu weerareen in uu kasoo bixi waayey waajibkii loo igmaday ee qabasahda doorasho daah-furan, islamarkaana uu iska indho tirayo xaalada siyaasadda dalka.

“Rooble waxaa looga fadhiyaa in uu dalka gacantiisa sababsan haddi uu qof qiimo leh yahay oo dalkaan ka naxaya maahan in maalin walba qof la isku soo sawiro ee waxaa loo baahan yahay in runta la wajaho oo cid walba oo doorashada hagar daameysa ama dhinac marta habraacii lagu heshiiyay oo tilaabo ka qaado,” ayuu yiri mid kamid ah bulshada aragtiyada ka dhiibtay.

“Dadku kala daran ninkii loo doortay doorasho kaliya wuxuu u shaqeynayaa sidii ra’iisul wasaare cusub wax ka badalaya arki meysid oo dhahaya war doorashaan kuu dooranay hadaad gebtay adeerow na dhaaf anaga nama meteshide. Muxuu dhamaa ninka habeen habeen iyo maalin ay ku dheganyihiin kani wax loo dirsan ayuu ka shaqeynayaaye yaa udirsaday.”

Qof kale oo kamid ah dadka aragtiyada ka dhiibtay ayaa asaguna yiri “PM Rooblow dadka Soomaaliyeed kadaa ilameereysada. Doorashada adaa laguu wakiishay sida muuqatana Qatar heshiiskaa kusoo gashay waa muuqataa. PM Rooblow naga daa ciyaarta.”

“Maalinkasta kulan qiyaali ah!” – “Rooble waxba waa kala furdaamin waayay” ayey qaar kalena kaga fal-celiyeen.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa u muuqda mid iska indho tiraya xaalada dalka uu ku jiro ee horseedka u yihiin hanaanka ay u socdaan doorashooyinka, oo mucaaridku ku tilmaameen mid ku dhisan boob iyo sharci daro.

Arrimahan ayaa imanaya xilli ay mucaaridka ku howlan yihiin kulamo looga tashanayo sida ay wax u socdaan, waxayna dadka qaar muujinayaan walaac la xiriir in dalka uu ka dhaco iska hor-imaad siyaasadeed oo hubeysan.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Indha Cadde oo ku dhawaaqay inuu yahay musharax iyo ballan-qaad uu sameeyay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – General Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacadde ayaa maanta si rasmi ugu dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan kursi kamid ah Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.

General Indhacadde ayaa isku soo taagay kursiga nambarkiisu yahay HOP#138 oo uu hadda ku fadhiyey ganacsade Saciid Nuur Gariish, oo aan diyaar u aheyn inuu u tartamo kursigaan.

Xaflad ka dhacday Magaalada Muqdisho oo ay ka qeyb-galeen Siyaasiyiin, Ganacsato, Culumaa’udiin, Dhallinyaro iyo Haween ayuu kaga dhawaaqay go’aankiisa ah inuu u tartamo kursigaan.

Kursiga uu hadda isku soo sharaxay Indhacadde ayaa waxaa horey usoo baxay warar sheegaya in Beesha iska leh kursiga ay siisay siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo kamid ah Midowga Musharaxiinta Mucaaridka.

“Kursiga uma doonayo inaan hanti ka sameeyo ama aan dad ku dulmiyo, waxaana u doonayaa inaan ugu adeego Diinta, Dalka iyo Dowladnimada Soomaaliya” ayuu yiri Indha Cadde oo ballan-qaad ka sameeyay munaasibada ku shaacinayey musharaxnimadiisa.

Yuusuf Indhacadde ayaa Beesha iska leh kursigaan ka codsaday inay siiyaan kursigaan, waxayna arrintaan kusoo aadeysa xilli Midowga Musharixiinta ay ka hor yimaadeen hanaanka ay ku socoto doorashada Golaha Shacabka.

Indhacadde ayaa kamid ahaa saraakiishii Badbaado Qaran ee ka hor yimid muddo kororsigii uu sameystay madaxweynaha waqtiga uu ka dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Maamulka Matabaan oo war kasoo saaray qabsashadii Al-Shabaab iyo halkay joogaan

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Maamulka degmada matabaan ee gobolka Hiiraan ayaa markii u horeysay ka hadlay saacadihii koobna ee dagaal-yahaanada Al-Shabaab gacanta ku hayeen degmada iyo sida ay wax u dhaceen.

Guddoomiyaha degmadaas Maxamed Sheekh Maxamuud ayaa ugu horeyntii beeniyay in Al-Shabaab ay si buuxda u qabsadeen degmada Matabaan, balse waxa uu qirtay in qeybo kamid ah u soo gudboon dagaalamaayal ka tirsan kooxda.

Waxa uu sheegay in ciidamada degmadaas iyo xoogaga Al-Shabaab uu dagaal ku dhex maray gudaha degmada, islamarkaana ay markii dambe dib uga laabteen dagaal-yahanaadii weerarka kusoo qaaday degmada.

“Waxaa weerar ku yimid degmada saaka nimanka khawaarijta ka bacdina waxyar oo is-rasaaseyn ah oo ka dhacday magaalada gudaheeda ayey kuso dhawaadeen magaalada gudaheed ayey soo galeen, ka bacdi waa ay ka laabteen,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in waxyeelo ay gaarsiiyeen dagaal-yahanaadii soo weerartay Saldhigii degmada Matabaan oo bur-bur uu soo gaaray, hase yeeshe ay xiligan ku howlan yihiin xaqiijinta amniga degmada oo gacanta ku hayaan, sida uu sheegay.

“Shabaabkii waxay aadeen dhinaca Bacda oo hadda ay joogan oo degmada Matabaan aan ka dheereyn, haddana anaga ayaa gacanta ku hayna oo magaalada anaga ayaa joogna.”

Waxa uu intaas kusii daray in dagaalkii saaka ay ku barakaceen dad badan oo deegaanka ah, ayna ka shaqeyn doonaan sidii ay dib ugu soo celin lahaayeen dadkaas degmada, kadib marka ay xaqiijiyaan amniga degmada.

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in dagaal ay ku qaadi doona dagaal-yahanada Shabaab ee saldhiga ka dhigtay deegaan aan ka fogeyn Matabaan, iyaga oo garabsanaya ciidamada kala duwan ee dowlada.

Kooxda Al-Shabaab ayaa maanta saacado kooban la wareegtay gacan ku haynta degmada Matabaan oo ka tirsan gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya, kadib markii ay gudaha u galeen degmada ayaa waxay qaraxyo ku burburiyeen saldhiga booliska degmada Matabaan.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Midowga Musharaxiinta mucaaradka ma waxey u dhaqaaqeen jihadii dagaalka?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Jawiga siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa halmar isla kacay kadib markii midowga musharixiinta mucaaradka ku dhawaaqeen inay qabanayaan shirweyne Qaran oo wada-tashi ah.

War-saxaafadeed ay soo saareen ayey ku sheegeen inay laba guddi sameenayaan oo mid uu qaban qaabinayo shirweynaha wada-tashiga midna uu diyaarinayo awooddii Ciidan ee lagu qaban lahaa shirkaas iyo mas’uuliyadda ammaankiisa.

Mucaaradka ma sheegin taariikhda shirka, xiriir aan la sameynay waxay ku sheegeen inay dib ka faafin doonaan taariikhda shirka.

Maxaa macaradka ku qasbay shirkaan?

Mucaaradka waxay dhawaan soo jeediyeen qodobo ay u arkayeen in haddii wax laga qabto oo la xaliyo inay ku hagaagi karto doorashada socota ee Dalka iyaguna ay kaga qeyb geli karaan mashruuca.

Qodobkoodii koowaad wuxuu ahaa in doorashada la joojiyo oo la isugu yimaado shir lagu saxayo dulduleelada ka muuqda doorashada, laakiin warqaddii mucaaradka waa la iska dhaga tiray, waxaana la diiday in la joojiyo doorashada.

Mucaaradka waxay waayeen sida ay sheegeen cid kala hadasha qoraalkii ay soo saareen, waxaa kaloo laga caga jiiday inay shir isugu yimaadaan Golaha wada-tashiga Qaran.

Sida iska cad madaxda Maanta awoodda heysata wax aqoonsi ah uma hayaan mucaaradka Xamar oo ay ku jiraan Laba madaxweyne oo hore, waxaana loo arkaa Niman aan heynin Itaal Af ka badan.

Soo jeedintoodii indhaha laga dabooshay waa midda koowaad ee keentay inay mucaaradka ku qasbanaadaan inay tallaabo kale qaadaan.

Shirka iyo noociisa

Shirkaan waa wada-tashiga ah sida ay mucaaradku rabaan ma ahan mid siyaasiyiinta ku kooban, waa mid loo furi doono dhammaan bulshada Soomaalida sida dhaqanka, siyaasiyiinta, Culimada, Aqoonyahanka, Dhallinyarada iyo Haweenka. Qurba joogta si toos ah iyo si muuqaal ah ayey labadaba shirka uga qeybgeli doonaan.

Ujeedka shirkaan waa in Soomaalida ka tashato halka looga dhaqaaqi karo Isgoyska halista ah ee la taagan yahay iyo sida loo badbaadin karo dalka.

Mucaaradka waxaa u muuqata in sida hadda wax ku socdaan inay ku dhammaan karto dagaal dhiig ku daato. Midowga musharixiinta mucaaradka waxay rabaan inuu shirkaani dhalo Qorsho lagu dhaqaaqi karo sida dhismaha Gole Qaran oo kumeel gaar ah oo badbaadiya doorashada.

Sida ay noo xaqiijiyeen xubnaha midowga musharixiinta shirkaan wuxuu noqon doonaa mid ballaaran oo muddo socda si waxa uu dhali doono u noqdaan cinwaan si weyn u badala Dalka.

Mucaaradka ma waxay rabaan Dagaal?

Mucaaradka way ku kala aragti duwan yihiin in awood ciidan lagu badbaadiyo doorashada boobka ah.

Qaar ayaa ku doodaya dagaalkii Bishii April ee sanadkaan wuxuu lahaa laba Waji oo ahaa diidmada muddo kororsiga iyo in Farmaajo awoodda doorashada ku wareejiyo Ra’isulwasaaraha, waana la gaaray labadaas hadaf balse dagaalkaan cusub uma heyno hadaf saxan.

Halka qaarna ay qabaan in doorasho boob ah inay mar walba ku dhammaan doonto dagaal sokeeye, sidaas darteedna ay muhiim tahay in hadda la aado in awood ciidan lagu joojiyo doorashadaan loo jeedo inay Berri ku dhammaan doonto gacan ka hadal.

Mucaaradku hadda waxay dhisayaan guddi diyaariya Ciidan sida ay sheegeen, ciidankaas waxay wajiga koowaad sugayaan ammaanka shirweynaha wada-tashiga, balse waxaa jirta aragti kale oo dadka qaar qabaan oo ah inay mucaaradka arrintaan rabaan in ciidan ku dhex diyaarsadaan kuwaas oo Berri arrimo kale loo isticmaali karo.

Si walbaba, Soomaaliya waxay u muuqataa inay kasii leexaneyso dhabbihii doorashada.