26.8 C
Mogadishu
Wednesday, July 1, 2026

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenkii hore ee Soomaaliya oo la xiray

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Ciidamada Somaliland ayaa xabsiga u taxaabay Ra’iisal wasaare ku-xigeenkii hore ee Soomaaliya Maxamed Cumar Carte Qaalib, xilli uu maanta kasoo degay garoonka diyaaradaha ee Hargeysa.

Si rasmi ah illaa hadda looma oga sababta loo xiray Maxamed Cumar Carte Qaalib, oo mar hore cafis madaxweyne ku tagay caasimada Somaliland ee Hargeysa, kadib markii uu iska casilay golihii uu kamidka ahaa.

Madaxweynaha ayaa kal hore qoraal uu soo saaray waxa uu ku sheegay inuu aqbalay codsi uu usoo gudbiyay Maxamed Cumar Carte Qaalib, oo ka tirsanaa xildhibaanada federaalka Soomaaliya, ka hor inta uusan dhawaan ka tagin xilkaasi.

Qoraalka madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa lagu sheegay inuu tixgeliyay codsi afar maalin ka hor ay usoo gudbiyeen odayaasha dhaqanka ee beesha uu kasoo jeedo Qaalib, kuwaasi oo ay ku dalbanayaan inuu iman karo deeganada Somaliland.

Wararka kasoo baxaya xarigiisa ayaa qaarkood sheegayaan in Maxamed uu sababsaday xeerkii u dambeeyay ee madaxweynaha Somaliland uu kasoo saaray siyaasiyiinta reer Somaliland ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Xeerkan ayaa lagu sheegay in dambi iyo khiyaamo qaran ay tahay in qof Somaliland ah uu ka qeyb-qaato siyaasadda Soomaaliya, waxaana go’aamiyey labada Gole ee Somaliland.

“Qof kasta oo ka qayb-gala arrimaha siyaasadda Soomaaliya ee lagu mamnuucay Go’aanka labada Gole ee Baarlamaanka Somaliland, lagama aqbali doono cafis ka hor inta aan la horgaynin Maxkamadda awoodda u leh oo aanu xukun Maxkamadeed ku dhicin,” ayuu qoddob kamid ah xeerkaasi leeyahay.

Xeerkan ayaa meesha ka saaraya siyaasiyiintii reer Somaliland ee cafiska loo fidin jiray marka ay imanayaa Somaliland, wuxuuna dhigaya in haatan wixii ka dambeeya Maxkamadda Awooda u leh loo gudbin doono qofkaas, si ay xukun ugu rido.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Guddiga Xalinta khilaafaadka oo go’aan ka gaaray kursigii loo doortay Yaasiin Farey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka dadban ayaa sheegay inuu soo gabagabeeyey baaritaanka dacwaddii laga gudbiyey kursiga nambarkiisu yahay HOP#067 ee doorashadiisa ay ka dhacday Magaalada Dhuusaamareeb ee Xarunta Maamulku Galmudug taariikhda markey aheyd 25/11/2021.

Kursigan ayaa waxaa kusoo baxay ku simaha taliyaha Hay’adda NISA  Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud Faray, kadib markii laga xiray musharaxiintii kale, loona furay isaga iyo musharaxiin malxiis ah.

Guddiga ayaa sheegay baaritaan dheer kadib ay go’aamiyeen in doorashada kursigaas loo maray hab raac saxan, wuxuuna guddiga sheegay in ergada doorashada kursigaan ay yihiin kuwa saxan oo ay soo xuleen odayaasha u diiwaan gashan wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Guddiga ayaa sheegay in Nabadoonka saxda ah ee Beesha kursiga iska leh uu yahay Nabadoon Maxamed Cabdi Shiddo.

Sidoo kale guddiga ayaa sheegay inay soo ogaadeen in Nabadoon Cali Xasan Cali (Cali Jeesto) uu ka mid ahaa ergadii sanadkii 2016 soo dooratay kursiga HOPP#67, islamarkaana uu liiska ergadaas kaga jiray Nambarka 12-aad.

Guddiga ayaa xusay in Nabadoon Cali Jeesto uu kamid ahaa Odayaashii ka qeybgalay dhismaha Maamulka Galmudug sanadkii 2015, wuxuuna guddiga sheegay inuu shirkaas kaga qeybgalay caaqil ku xigeenka Beesha Waceysle, sida ku cad Documentiyo uu guddiga sheegay inuu helay.

Wuxuu kaloo guddiga sheegay inuu wax caddeyn ah u waayey in Nabadoon Cali Jeesto laga hor istaagay inuu tago Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug oo lagu qabtay doorashada kursigaas marka laga reebo sheegashadiisa.

Guddiga ayaa ugu dambeyntii ku dhawaaqay in guddiga doorashada heer Maamul Goboleed uu Maanta wixii laga bilaabo u fasaxan yahay ku dhawaaqista natiijada doorashadii kursiga HOP067.

Natiijada guddiga uu ku dhowaaqay ayaa ah mid horey loo filayey, maadaama guddiga uu hoos tago islamarkaana ay gacanta ku hayso madaxtooyada Soomaaliya, oo ka dambeysay doorashada Yaasin Farey.

Halkaan hoose ka akhriso qoraalka guddiga kasoo baxay oo dhameystiran

Sawirro: Maxaa looga hadlay kulankii Rooble iyo Geelle?

0

Jabuuti (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa wadahadallo labo geesood ah ku yeeshay caasimadda dalkaas ee Jabuuti.

Labada Hoggaamiye ayaa wadahadalladooda diiradda ku saaray danaha ay labada dal wadaagaan, xoojinta iskaashiga iyo wadashaqaynta labada dhinac iyo dardargelinta xiriirka walaaltinimo ee soo jireenka ah ee ka dhexeeya Labada shacab.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa uga mahadceliyey Walaalkiis Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, shacabka iyo dowladda Jabuuti marti gelinta shirka Madasha Aragti Wadaagga ee Heritage oo kulmisay boqolaal ka mid ah aqoonyahanka iyo hoggaanka dadka Soomaaliyeed, si loo darso duruufaha iyo mustaqbalka dadkeenna.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa Dowladda Jabuuti uga mahadceliyay kaalinta ay ciidamada Hiil Walaal ka qaataan nabadgelyada dalka iyo dib u soo kabashada Soomaaliya, taasi oo ka tarjumaysa sida ay Dowladda Jabuuti diyaar uga tahay garabsiinta walaalahooda Soomaaliyeed.

“Waa maalin taariikhi ah oo xaqiiqatan ka tarjumaysa xiriirka labada dal iyo labada dad ee walaalaha ah. Waa inaan xoojinno iskaashiga dhanka dhaqaalaha iyo wax wada qabsiga. Arrinta ugu muhiimsan waa iskaashiga arrimaha amniga iyo la dagaallanka qolooyinkan argagaxisada ah.”

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa dhankiisa ugu hambalyeeyey shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed guulaha wax ku oolka ah ee ay ka gaareen dib u dhiska dalka iyo xoojinta dowladnimada, waxa uuna sheegay in ay garab taagan yihiin walaalahooda Soomaaliyeed

 

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Mareykanka oo farriin culus u diray madax goboleedyada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa war cusub kasoo saartay xaaladda cakiran ee Soomaaliya, gaar ahaan is mari-waaga weli ka taagan hannaanka doorashooyinka ka socda dalka ee 2021, taas oo dib uga dhacday waqtigii loo qorsheeyey.

Mareykanka ayaa si gaar ah farriin ugu diray madax goboleedyada, wuxuuna ka dalbaday inay ka fogaadaan dib u dhac kale oo ku yimaada doorashooyinka dalka.

Qoraalkan oo ay soo saartay safaaradda Mareykanka ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu sheegay in Soomaaliya ay muhiim u tahay in xilligeeda lagu qabto doorashada oo aysan dib u dhicin markale.

“Hannaan waqtiyeysan, oo si ballaaran loo aqbalay ayaa muhiim u ah mustaqbalka Soomaaliya,” ayaa lagu yiri warka kooban ee kasoo baxay safaaradda.

Horay Mareykanka ayaa qoraallo is daba joog ah uga soo saaray xaaladda doorashooyinka, wuxuuna jiray farriimo hore oo uu u diray hoggaamiyeyaasha maamullada dalka.

Doorashada Soomaaliya ayaa waxaa weli ka taagan dood xoogan, taas oo saameysay geeddi socodka doorashooyinka socda oo ay haatan cabasho xoogan ka keeneen xubnaha musharixinta mucaaradka oo eedeeyey dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada dalka.

Si kastaba, qoraalka cusub oo uu soo saaray Mareykanka ayaa kusoo aadayaa, xilli haatan maamul goboleedyada qaar ay bilabeen doorashada Golaha Shacabka ee Soomaaliya, waxaana ugu dambeeyey Jubbaland oo soo saartay liiska musharixiinta xil doonka ah.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Sawirro: Taliyaha Xoogga dalka oo gaaray Beledweyne iyo gaadiid dagaal oo…

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed General Odowaa Yuusuf Raage iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, halkaas oo si weyn loogu soo dhoweeyey.

Odowaa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif uga hortegay guddoomiyaha gobolka, Cali Jeyte Cismaan, saraakiil ka kala tirsan ciidamada Xoogga iyo kuwa AMISOM.

Sidoo kale taliyaha ciidamada Xoogga dalka ayaa garoonka Ugaas Khaliif uga qeyb-galay munaasabad kooban oo lagu qabtay, isaga oo hay’adda UNMAS kala wareegay gadiid iyo qalab ciidan oo loogu talagay ciidamada Xoogga dalka, qeybtooda 27-aad ee Hiiraan.

Ujeedka socdaalka taliye Odowaa ayaa la xiriira dhaqaajinta howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda deegaanada HirShabelle, wuxuuna saraakiisha Xoogga dalka kala hadli doonaa, sidii loo dardar-gelin lahaa dhaq-dhaqaaqyada ciidan ee ka socda halkaasi.

Arrimahan ayaa kusoo aadayo, iyada oo Al-Shabaab ay abaabul xoogan ka wado gobolka Hiiraan, iyaga oo dhowan la wareegay degmada Matabaan, inkastoo ay dib uga baxeen.

Hiiraan ayaa waxaa haatan ka jira dhaq-dhaqaaqyo dagaal oo ay wadaan labada dhinac, taas oo cabsi horleh ku abuurtay dadka deegaanka.

Si kastaba, reer Hiiraan ayaa haatan wajahaya xaalado adag oo is-biirsaday, waxaana ka mid ah xiisadda siyaasadeed ee Beledweyne, doorashada iyo dagaalka Al-Shabaab.

Sawirro: Rooble oo war cusub kasoo saaray doorashada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya oo haatan ku sugan dalka Jabuuti ayaa ka hadlay arrimo ku aadan doorashooyinka Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay inay xukuumaddiisu ku dadaaleyso dhameystirka doorashada socota.

Rooble oo hadal ka jeediyey munaasabad soo dhoweyn ah oo loogu sameeyey dalkaas ayaa waxa uu sheegay inay ka go’an tahay inuu qabto doorasho xor iyo xalaal ah, si looga gudbo marxaaladd adag iyo xilliga ka guurka ah ee ay haatan ku jirto Soomaaliya.

Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha ayaa ugu baaday guud ahaan dadka Soomaaliyeed inay si cafiyaan, kana wada shaqeeyaan horumarka dalka.

“Fikirkiina waan dhageysaneynaa, waxa halkaan kasoo baxa aniga oo ah Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya wixii faaido leh waad igu og tihiin in aan ka qaato, sidoo kale waxa aan rabaa inta halkaan fadhiso ee Soomaalida ah & inta kale maqan in la is cafiyo, Dalkana uu galo Doorasho Xor & Xalaal ah dalkana horay usii socdo,” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Rooble.

Dhinaca kale ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa si weyn ugu mahadceliyey dowladda iyo shacabka Jabuuti, isaga oo madaxweynaha dalkaas, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ku tilmaamay inuu yahay Aabaha shacabka Soomaaliyeed

“Waxa aan rabaa in aan u mahadceliyo Dowladda & Shacabka aan walaalaha nahay ee Jabuuti iyo Madaxweynahooda qaaliga ah Ismaaciil Cumar Geelle, Runtii Madaxweyne Ismaaciil ma aha keliya Madaxweynaha Dowladda Jabuuti waa aabaha shacabka Soomaaliyeed meel weliba oo ay joogaan qof aan bani aadamka u mahadcelin alle uma mahadceliyo waxa aan Madaxweyne Geelle ugu mahadcelinayaa Dowladnimada maanta aan heysano oo uu u yahay aasaasihii,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay ra’iisul wasaaruhu.

Jabuuti oo daris iyo walaal la’ah Soomaaliya ayaa door weyn ka qaadatay dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya, tan iyo wixii ka dambeeyey shirweynihii Carta ee Soomaaliya.

Si kastaba, hadalkan kasoo yeeray Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa kusoo aadaya, xilli haatan Soomaaliya ay dood weyn ka taagan tahay hannaanka doorashooyinka.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Ra’iisul Wasaare Rooble ma joojin doonaa ciidanka laga soo wado Eritrea inta ay ka dhamaaneyso doorashada?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Mucaaradka Soomaaliya ayaa walaac xoog leh ka muujiyey ciidan si sare loo tababar oo ka imaanaya wadanka eritrea. Ciidankaan oo la sheego in qaar ku dhinteen dagaalkii Gobolka Tigreega ee Woqooyiga wadanka Itoobiya ayaa intooda badan dhawaan lagu soo celi doonaa magaalada Muqdisho, sida uu yahay qorshaha Madaxweyne Farmaajo.

Qaramada Midoobay waxay kol hore xaqiijisay in ciidankaasi ka qeyb galeen dagaalada ka socday wadanka Itoobiya. Tirada dhallinyaradaas uga dhimatay dagaaladii ka dhacay Itoobiya waa la isku khilaafsan yahay, balse dowladda Soomaaiya waa beenisay in ciidamadaasi ka qeyb galeen dagaallada ka socda Itoobiya.

Hadda ciidankii waa lasoo wadaa. 25 Duulimaad ayaa la qosheeyey inay dhallinyaradaasi keenaan magaalada Muqdisho, sida ay inoo xaqiijiyeen xubno kamid ah hey’adaha ammaanka ee Dowladda Soomaaliya.

Duulimaad walba wuxuu keeni doonaa in ka badan 200 oo ciidankaas kamid ah. Dowladda Qatar ayaa la sheegay inay bixineyso lacagaha lagu soo daad-gureyn doono Askartaas.

Mucaaaradka waxay weli aamisan yihiin in madaxweyne Farmaajo uu rabo inuu awood kusii joogo xukunka, waxay walaac ka muujiyeen in xilli doorasho lagu soo aadiyo soo celinta ciidankaan oo sanad iyo dhowr Bilood sugayey in dalkooda lagu soo celiyo, maadaama uu waqti hore tababarkii u dhammaaday.

Haddaba dooda taagan waxay tahay cidaankaan imaatinkooda dib maloo dhigi karaa, maadaama waqti doorasho lagu jiro?

Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble wuxuu ka war hayaa walaac laga qabo imaatinka askartaan, iyadoo Dowladda Turkiga ay Muqdisho keentay hub culus iyo diyaaradaha aan duuliyaha wadan kuwooda hubka xambaara.

Waqtigaan kala guurka ah awoodda fulinta ee dalka waxay gacanta ugu jirtaa Ra’isul Wasaare Rooble, si loo yareeyo walaaca jira ama waxa ka dhallan kara imaatinka ciidankaas, wuxuu Ra’isul wasaaraha awoodaa inuu dib u dhigo keenista ciidankaan oo haddii ay yimaadaan si taban u saameyn kara amniga magaalada Muqdisho iyo midka doorashada labadaba.

Dad badan ayaa qaba in Ra’isul Wasaare Rooble  ay u furan tahay maanta inuu jeediyo in ciidankaas dalka lagu soo celiyo markii ay dhammaato doorashada dalka oo amarka soo celintooda iyo maamulkoodaba ay qaadato xukuumadda imaan doonta.

Rooble hadda waa u fududahay inuu sidaas sameeyo. Ciidankaan howshooda waxaa gacanta ku haya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir iyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, haddii ay gudaha yimaadaan ma xakameyn karo Ra’isul wasaare Rooble, laakiin wuxuu awoodaa illaa iyo doorashadu dhammaato inuu halkooda ku hayo.

Haddii ay ciidankaan dalka kusoo laabtaan oo ay dhibaato amni la yimaadaan cida kama aqbali doonto Ra’isul wasaare Maxamed Xuseen Rooble inuu ka baxsado mas’uuliyadda dhibaatadaas ayey leeyihiin dadka fikirka ka dhiibtay sida loo maareyn karo walaaca ka taagan ciidankaan laga soo wado Wadanka Eritrea.

Waqti xaadirkaan waxaa la eegayaa sida uu Ra’isul wasaaraha u wajaho arrintaan. Ma Fahad iyo Farmaajo ayuu u dhaafi doonaa sida ay wax yeelaan, iyadoo la xasuusto wixii Fahad iyo Rooble dhex-maray? Mise hadda ayuu Rooble tallaabo qaadi doonaa.?

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

DF oo gashay heshiis cusub oo ku kacaya $8.64 Milyan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa heshiis cusub la saxiixatay dowladda Finland, kaasi oo ku kacaya €7.65 milyan Euro oo u dhiganta $8.64 milyan oo dollar.

Wasiirka Waxbarashadda Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya Eng Cabdullaahi Abuukar Xaaji iyo Safiirka dowladda Finland ee Soomaaliya Marwo Johanna Jokinen ayaa rasmi ah u kala saxiixday heshiiskan, waxaana lagu taageeraaya horumarinta adeegyada waxbarashada Caruurta Soomaaliyeed.

Heshiiskan ayaa fursad siinaya caruurta ka maqana goobaha waxbarashada, sidoo kalana kaalin muhiim ah ka geysanaya tayeynta waxbarashada, sida uu munaasibadaas ka sheegya Wasiir Eng Cabdullaahi Abuukar Xaaji.

Sidoo kale waxa uu wasiirka ku amaanay dowladda Finland doorka wanaagsan ee ay ka qaateen horumarinta Waxbarashada Soomaaliya iyo wada shaqeynta wanaagsan ee kala dhaxeysa Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya.

Wasaaradda Waxbarashadda Soomaaliya iyo Hay’adda UNICEF ayaa deeqdan lacageed si wada-jir ah ugu fulin doona mashaariicda loogu tala galay, sida uu qorshuhu yahay ka wada hirgeli doona guud ahaan dalka.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Wararkii ugu dambeeyey ee safarka Lafta Gareen ee KISMAAYO + Ujeeddada

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa maanta kusii jeeda magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta dalka.

Ilo ku dhow madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa innoo xaqiijiyey in madaxweyne Lafta Gareen saacadaha soo socda uu gaari doono Kismaayo, si uu wada-hadallo ula yeesho dhiggiisa dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Qaban qaabada soo dhowenta madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa haatan laga dareemayaa Kismaayo, iyada oo aad loo adkeeyey ammaanka magaaladaasi.

Labada dhinac ayaa ka wada-hadlaya xaaladaha soo kordhay, gaar ahaan arrimaha doorashada Golaha Shacabka ee haatan ka socota gudaha dalka, taas oo Koonfur Galbeed ay ku billowday ilaa 11 xildhibaan halka Jubbaland ay haatan guda-geli doonto doorashada.

Sidoo kale waxa ay labada hoggaamiye kulankooda diiradda ku saari doonaan ammaanka iyo abaaraha ka jira deegaanada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Kulanka ay leeyihiin labada mas’uul ayaa kusoo aadayo, iyada oo si aad ah la’isugu hayo doorashada baarlamaanka oo ay cabasho weyn ka keeneen xubnaha mucaaradka.

Axmed Madoobe ayaa horay u tegay magaalada Garoowe, isaga oo maalmo badan lasoo qaatay dhiggiisa Puntland, madaxweyne Saciid Cabdullahi Maxamed (Deni) oo si gaar ah uga arrinsadeen xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaab doorashada Soomaaliya.

Si kastaba, maamul goboleedyada dalka ayaa haatan isha lagu wada hayaa, maadaama ay ka bilaabatay doorashada xubnaha Golaha Shacabka oo muhiim u ah mida madaxweynaha.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

AXMED MADOOBE oo ceel kusii riday rajadii Midowga Musharaxiinta Mucaaradka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha maamulka Jubbalad Axmed Islaan (Axmed Madoobe) ayaa u dhaqaaqay dhinaca doorashada, xilli saaxiibadiisii mucaaradka ay dalbanayaan in doorashada la hakiyo oo laga doodo caqabadaha taagan ee ka dhashay habkii loo wajahay kuraasta illaa iyo hadda la doortay ee Golaha Shacabka.

Axmed Madoobe wuxuu ku jiray dhowr dhinac oo ay mucaaradka rajo ka qabeen in aysan bilaabi doonin doroashada Golaha Shacabka inta laga xalinayo cabashadooda, balse sida muuqata xarigga ayuu u jiray, wuxuuna u dhaqaaqay dhinac aysan jecleysan.

Maalmahaan waxaa jiray dooda laba dhinac laga waday waa dhanka Madaxweyne Farmaajo iyo dhanka xubnaha mucaaradka, doodu waxay tahay ‘sidee loo heli karaa xal ka duwan doorashadaan boobka ah iyo maxaa la wada qabsan karaa?’

Waxaa howshaan bilaabay oo welina wada xildhibaano iyo siyaasiyiin ku dhow dhow madaxweyne Farmaajo iyo mucaaradka kasoo horjeeda.

Guuxaas waxaa la aaminsan yahay in uusan jacleysan ama uusan farxad gelin hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo dhinacyada la shaqeeya.

Mar walba oo ay siyaasiyiinta Xamar fadhisa ee Farmaajo iyo mucaaradkiisu fahmaan mudnaantooda waxaa lumaya miisaanka madaxda maamul Goboleedyada, sidaas darteed madaxda Gobolada ma rabaan in Farmaajo ama mucaaradku midkoodna inuu miisaan culus yeesho si aysan iyagu meesha uga bixin.

Hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe wuxuu Xalay sii daayey 14 Kursi oo Golaha Shacabka ah, taariikhda la qabanayo doorashada kuraastaas lama shaacin, laakiin farriinta liiskaan waa in Deni iyo Axmed Madoobe dhabarka xijiyeen mucaaradkii ay maalmaha adag soo wada-qaateen.

Hoggaamiyaha Hirshabelle Cali Guudlaawe ayaa isna Isniintii ku laabtay magaalada Jowhar, waxaa jira warar sheegaya inuu ka fakarayo inuu bilaabo doorashada Golaha Shacabka. Guudlaawe weli iskama uusan xalin xiisaddii ka jirtay magaalada Beledweyne.

Haddii Puntland iyo Hirshabelle iyaguna ku dhawaaqaan bilaabashada doorashada Golaha Shacabka oo ay kuraas soo saaraan waxay ka dhigan tahay in doodii mucaaradka la aasay.

Dhinacyada u furan mucaaradka iyo tallaabooyinka ay qaadi karaan ayaa soo koobmi kara. Axmed Madoobe wuxuu sanadkaan dhisayaa Saciid Cabdullaahi Deni.

Sida iska cad Saciid Deni wuu ku qanacsan yahay tallaabada uu xalay qaaday Axmed Madoobe, waxaana la filayaa inuu isna liiskiisa shaaciyo, wallow uu weli ku mashquulsan yahay soo afjaridda xiisadda ka taagan magaalada Boosaaso.

Labadaan hoggaamiye waxay rabaan inay muujiyaan inay jirto awood seddexaad oo iskeed u taagan oo aan aheyn Farmaajo iyo midowga musharixiinta.

Mucaaradka way sii liicayaan hadda, waxay u muuqdaan rag aan fursad badan heysan, tallaabooyinka u furana qaarkood iskuma raacsana, waa rag aan isku mowqif aheyn, maamul Goboleed taageersan uusan jirin, soo jeedintoodiina aysan hadda wax badali karin.

Inay ka qeyb-galaan doorashadaan boobka ah ee natiijadeeda la yaqaano, inay kala tagaan, inay Farmaajo la heshiiyaan iyo inay tallaabo Militari qaadaan midda u fududaata ayaa la eegayaa maalmaha soo socda.

Dad badan ayaa qaba in seddaxda todobaad ee soo aadan ay wax weyn iska badali karaan xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Maxaa inooga soo baxay is-qabqabsiga Puntland iyo PSF?

0

Waxa aan si dhow u la socdey maalmihii dambe xiisad ka dhex aloosantay xukuumadda Puntland iyo ciidanka sida gaarka ah u tababbaran ee P.S.F. (ex P.I.S.), xiisaddaa oo sababi gaartey iska-hor-imaad foolxun oo gaysan lahaa khasaare nafeed iyo mid hantiyeed ba. Xiisaddu waxa ay ka dhalatay isbeddel lagu sameeyey hoggaanka sare ee ciidanka P.S.F., ka dib markii xeer madaxweyne lagu magacaabay agaasime cusub taariikhdu markii ay ahayd 24-tii Nofeembar, 2021. 

Madaxweynaha Puntland ayaa ku celceliyey, sabab na uga dhigay, isbeddelka uu ku sameeyey hoggaanka ciidammada P.S.F., waqtigan oo uu dalku doorasho ku jiro, in uu uga gol leeyahay xoojinta nidaamka dawladnimo iyo soocelinta kaladambaynta. Waxaa ciidankan uu muranku ka taagan yahay hoggaaminaya sarkaal ay walaalo yihiin musharrixii la tartamayay madaxweynaha Puntland doorashooyinkii 2019-kii, ee loollanka adag la galay, waa Asad Diyaano ee. 

Waxa aan gorfeyn kooban ku samayn doonaa qaabka ay u wajahday xukuumadda Puntland la tacaamulka ciidanka P.S.F. iyo daldaloolo waaweyn oo iiga soo baxay dawladnimada iyo dhaqanka Puntland-ta maanta joogta. Waxaa cid kastaayi ogsoon tahay in xasilloonidarro maanta ka dhacda geyiga Puntland aysan cidna dani ugu jirin. Amniga oo khalkhal gala ka sokow, waxaa wiiqmaya nidaamkii xisbiyada badnaa ee curdinka ahaa ee ay xukuumaddu ku tala jirtay in ay ka fuliso Puntland. 

Isbeddelka lagu sameeyey hoggaanka P.S.F.

Waxaa isbeddelka la sameeyey iyada oo aan wadatashi la la samayn ciddii ay khuseysey. Waxaa lagu baraarugey wareegtada magacaabista ah ee lagu daabacay bogga Faysbuugga ee madaxtooyada Puntland. Waxa uu isbeddelkani yimid ka dib 13 bilood oo aysan jirin cid mushahar iyo taageero siisa ciidammadan—xukuumadda Puntland na aysan ka war haynin. Hoggaanka hawlgalka ciidammada Maraykanka u qaabilsan Geeska Afrika waxa uu ku war galiyey madaxda Puntland in ay joojinayaan taageerada ay siiyaan ciidanka P.S.F.—waxa uu na kula taliyay in ay taageeraan oo ka war hayaan. Bal se xukuumadda Puntland ayaa ka seexatay ciidammadaa 13 bilood, cidla na ku sii daysay, iyaga oo weli ba ay is hor fadhiyaan al-Shabaab iyo Daacish. 

Ciidankan oo aan tiradooda saxa ah la shaacin ayaa ah kuwo aad loo tababbaray, dhab ahaantiina ah ciidammada keliya ee ay Puntland ku xisaabtanto marka uu xaalku adkaado; sidaas ayaa ay madaxdii hore u arkayeen, daryeel macnawi ah na u la daba joogeen. Kala furfurka laan ka mid ah laamaha amniga ugu tayada roon Puntland waxa ay micnaheedu tahay in haybaddii uu ciidankani lahaa la dilayo—argagaxisadii ay hor joogeenna aysan dib dambe uga haybaysan doonin. 

Waxaa la rabey in Puntland darsi ku filan ka barato natiijadii ka dhalatay kala furfurka laamaha amniga Dawladda Federaalka markii Taliyihii hore ee Booliiska Gobolka Banaadir iyo koox ka tirsan ciidanka xoogga dalka ay sheegeen in ay ka biyo diideen sida ay wax uga socdeen caasimadda dalka ee Muqdisho, qalalaase halis ah na ay dalka geliyeen. Ciidammada Dawladda Federaalka dhacdadaa ka dib, sidoodii hore ma aha, kalsoonidii iyo haybaddiina dhaawac culus ayaa soo gaaray. 

Tayaynta ciidammada Puntland 

Waxaa muddo saddex sanno ah dadweynaha Puntland loo sheegayay in xukuumadda haatan talada haysaa ay ku hawlan tahay tayaynta ciidammada, iyaga oo tababbarro heer sare ah la siinayo. Taas ayaa noqotay waxba-kama-jiraan ka dib markii ay xukuumaddu adeegsatay ciidammo-beeleedyo iyo hubkoodii ay gaarka u lahaayeen, si ay u wajahaan ciidammada P.S.F.. Waxaa caddaatay in tababbarrada ay qaataan ciidankan la sheegay in ay amniga Puntland sugayaan aysan ahayn mid lagu kalsoonaan karo, muddada iyo maaddada tababbarka oo liidata daraaddood. Dhinaca kale, ciidan markii ay amar-dawladeed wax ku dilaan laga rabo magta in ay bixiyaan jifi-hoosaadkooda, ma yeelanayaan mooral ay si kalsooni ku dheehan tahay ugu fuliyaan awaamirta dawladda. 

Isimmada Puntland

Waxaa soo if baxday aragtida dhabta ah ee ay hoggaanka Puntland ka qabaan doorka ay isimmadu ku leeyihiin dhaqanka iyo siyaasadda Puntland. Waxa uu madaxweynaha Puntland iska diidey oo dhaliilay talooyin iyo go’aanno ay soo jeediyeen lix isim oo ka mid ah isimmada Puntland lafdhabarta u ah. Waxa ay xukuumadda Puntland sheegtay in isimmadu ay gaareen go’aanno dhaawacaya maslaxadda iyo mustaqbalka Puntland. Waa markii ugu horreysey oo ay xukuumaddii isimmadu wax ka dhiseen 23 sanno ka hor ay sidaan ugu gefto, bahdilaadna u gaysato. Mar walba oo la is qabto ama muran xoog leh oo gacankahadal sababi kara uu u muuqdo, isimmadu waxa ay ka shaqayn jireen nabadaynta iyo maslaxadda dadka iyo xukuumadda Puntland. Waa nasiibdarro in maanta lagu eedeeyo in ay iyagu yihiin kuwa mugdiga galinaya mustaqbalka Puntland, dhaawacayana sharafteeda. Dhinaca kale, waxa ay xukuumaddu abaabushay isimmo-jifeedyo u jawaaba isimmadii waaweynaa, taas oo mar kale na tusisay niyadda dhabta ah ee xukuumadda haatan talada haysa iyo wixii u qarsoonaa. 

Waxaa isu kay qaban wayday in ay xukuumaddu wiiqdo doorkii isimmadu ay ku lahaayeen dhismaha dawladda iyo iskuhaynta bulshada, iyo dhinaca kale isimmadii doorkoodii la wiiqay in laga doonayo in ay soo uruuriyaan magta marka uu askari amar dawladeed wax ku dilo.

Sawirka dhabta ah ee xukuumadda Puntland

Dhacdadan iyo dhacdooyinkii hore ee ay ka mid ahaayeen kuwii lagu wiiqay awooddii baarlamaanka waxa ay na tusayaan sawirka dhabta ah ee xukuumadda haatan talada haysa. Waxaa na markii ba soo baxaya qodobbada ay kuwani ka mid yihiin:

1. In ay caqabad walba oo soo food saarta ku xalliyaan qori caaraddii, xarig, iyo cagajuglayn. 

2. In ay dagaal kula jiraan saddexdii tiir ee asaaska u ahaa dawladnimada Puntland oo kala ahaa:

b. Isimmada;

t. Culimada (wadaaddada); iyo

j. Ganacsatada. 

3. In ay u adeegsato cashuurtii dadweynaha laga uruuriyey iyo deeqihii dawladaha shisheeye ay bixiyeen kala furfurka iyo aamusinta kooxaha xukuumadda dhaliilsan.

Markii intaa la isku daro, waxaa soo baxaysa xukuumadda in aysan dhab ka ahayn fulinta nidaamka xisbiyada badan, doonaysana in ay muddada ku sii kororsato, haddii uu dagaal dhacana lagu maareeyo qori caaraddii, iyaga oo adeegsanaya ciidan daacad u ah oo dadweynaha u cabburiya isla markaana waxa socdaa aysan door ku lahayn isimmada, ganacsatada, iyo culimada. 

Nasrudin M. Ahmed waxaad kala xiriiri kartaa [email protected]

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid.

Dagaalyahanada Al-Shabaab oo qabsaday Ceel-dheere

0

Ceel-dheere (Caasimada Online) – Dagaal-yahanada Al-Shabaab ayaa la wareegay gacan ku haynta deegaanka Ceel-dhee ee gobolka Galguguud oo Dhuusamreeb u jira 30 KM, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ciidan iyo dadka deegaanka.

Al-Shabaab ayaa deegaanka kula wareegay dagaal la’aan, sida uu xaqiijiyey mid ka mid ah dadka deegaanka. 

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ayaa sheegay in dagaal-yahanada Al-Shabaab ay gudaha u galeen deegaanka, islamarkana ay bur-buriyeen xarumihii maamulka iyo ciidanka ee ku yaalay Ceel-dheere, kadib markii ay qarax ku xireen.

Al-Shabaab ayaa dhowr jeer oo horey qabsaday deegaankan kadibna baxay, waxaana ugu dambeysay horaantii sanadkan oo ay deegaanka kula wareegeen dagaal ay la galeen ciidamada dowladda.

Sidoo kale, 14-kii November 2020 ayay ahayd markii maleeshiyada Al-Shabaab ay bilaa dagaal kula wareegeen gacan ku haynta deegaanka Ceeldheere, inkastoo saacado ka dib ay dib uga baxeen.

Al-Shabaab ayaa sidoo kale Isniintii qabsatay degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan, inkasta oo markii dambe ay dib uga baxeen.

Hujuumka Shabaabka ee gobollada dhexe waxay ku soo aadaysaa, iyadoo uu meesha ka baxay Maamulkii Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe, oo dagaal adag kula jiray deegaano bandanna ka saaray.

Ahlu Sunna ayaa muddadii laba iyo tobanka sano ee Gobolada Dhexe ka hawlgaleysay waxay ku guuleysatay in dhulkii ay maamuleysay ka dhigto mid ka caagan weerarada Al-Shabaab.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Booliska DF oo billaabay qorshe looga hortagayo dhaca ka socda Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed, Cabdifitaax Aadan Xasan oo la hadlay wariyeyaasha ayaa ka warbixiyey xaaladda ammaan ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan howlgallada ay haatan wadaan ciidamada ammaanka.

Cabdifitaax ayaa sheegay in ciidamada Booliska ay baadi goobayaan illaa 7 mooto iyo kooxihii watay oo uu sheegay inay dhac ka geysteen degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir, isaga oo tilmaamay inay ku daba jiraan ciidamada, kadib cabasho ka timid shacabka.

“Illaa iyo hadda waxaa baafin ku jira illaa 7 Mooto, taar-gooyinkooda ayaa Booliska baafinta ugu jira oo raad-koodiibaa lagu daba jiraa,” ayuu yiri Afhayeenka Booliska Soomaaliya.

Afhayeenka ayaa xusay in tallaabadan ay ku doonayaan in looga hortago dhaca baahsan ee haatan ka socda degmooyinka qaar ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in haatan ay wanaagsan tahay wada-shaqeynta Bulshada iyo Booliiska, isla-markaana uu u mahadceliyo reer Muqdisho.

“Wada shaqeynta Booliska Soomaaliyeed iyo shacabka gobolka Banaadir hadda sidii la rabay ayey hadda mareysaa oo bulshada waan boggaadineynaa,” ayuu sii raaciyey.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in ka Boolis ahaa ay ka go’an tahay in sare loo qaado sugidda ammaanka, si looga hortago falal liddi ku ah nabad-gelyada caasimada.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa Muqdisho ka dhacayey falal isugu jiro dilal, qaraxyo iyo dhac xilliyada habeenkii ah loo geysto dadka shacabka ah.

Si kastaba, caasimada ayaa ka mid ah magaalooyinka waa weyn ee loo qorsheeyey inay ka dhacaan doorashooyinka dalka, gaar ahaan mida Golaha Shacabka ee Soomaaliya.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Barkhad Jaamac Batuun: Waxaa billaabmeysa fool xumada Somaliland haddii…

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun oo ka tirsan xubnaha golaha wakiilada ee Somaliland ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in ciidamada dowladda ay rasaas ka ridaan gudaha Golaha, kadib gacan ka hadal dhexmaray xildhibaano ka wada tirsan golaha.

Kulankii Isniinta ee golaha ayaa waxaa hareeyey buuq xoogan, xildhibaanada qaar ayaa kulanka bannaanka uga soo baxay, waxaana kadib doodooda ay sababtay inay is gacan qaadaan xubno ka kala tirsan mucaaradka iyo muxaafadka.

Waxa uu sheegay in fool xumada Somaliland ay ka billaaban doonto ficilada aan laga fiirsan, ee ay kow ka tahay kala dambeyn la’aanta hay’adaha dowliga, sida uu hadalka u dhigay.

“Gola-weynaha Wakiilada Somaliland waxaa ka dhacay arrin runtii laf jab ku ah jiritaankeena dowladnimo, sharciyadeena, sharafta golaha iyo rejada shacabka codka siiyay xildhibaanada golaha jooga, runtii damqasho badan iyo dareen aad u weyn ayay dhalisay in Golahii wakiilada dhexdiisa ka dhacdo xabad,” ayuu yiri Barkhad Batuun.

Waxa uu intaas kusii daray inay sharci darro tahay in askari ka tirsan ciidamada dowladda oo u gacan qaado Xildhibaan xasaanad leh, taasi oo uu ku sheegay inay qeyb ka tahay fara-gelin qaawan oo ay golaha ku hayso Madaxtooyada Somaliland.

“Xildhibaanadu iyaga ayaa isku baarlamaan ah oo isku kuraas ah, is qabsigii iyo gacan ka hadalkii xildhibaanada qaar dhex-maray markiiba waa kii dhamaaday, waxaa meesha taalla goorma ayaa qof ciidan ah oo direys xidhan uu xildhibaan gacan u qaadi karaa.”

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in Golaha uu ka madax banaan yahay xisbiyada iyo xukuumadda, islamarkaana fara-gelintiisa ay tahay sharci darro, midaasi oo ku eedeyay inuu ku howlan yahay madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi.

Muuqaallo dhex wareegayay baraha bulshada ayaa laga dheehanayay laba xildhibaan oo is feeraya, islamarkaana ay kala qabanayaan qaar kale oo ka mid ah xubnaha golaha wakiilada, kadibna ay kusoo baxeen ciidamada amaanka.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Sawirro: Shirkadda Somtel oo todobaadkii 21-aad abaal-marisay 1,000 macaamiil

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Munaasabadan ayaa waxaa ka soo qeyb-galay Xildhibaano ,Mas’uuliyiinn ka socotay Jaamacadaha Muqdisho,  Ururada dhalinyada ,Ururada bulshada rayidka Mas’uuliyiin ka tirsan shirkadda isgaarsiinta somtel,.

Ugu horeyntii  Waxaa Munaasabada hadal-jeedin rasmi ah ka sameeyay Madaxa Suuqgeynta  & iibka  shirkadda isgaarsiinta somtel  Mudane  Cumar Maxamed Nuur Oo aad u bogaadiyay Somtel kuna Tilmaamay Ololaha ku Shubo Oo Guuleyso 10,000 Hadiyadood Mid ay  U baahnaayeen bulshada soomaaliyeed  macamiil walba oo sameeya ku shubasho  Wuu u tartami karaa

“Waa barnaamij macaamiisha si daah-furan nasiibkooda u tijaabiyaan iyagoo sameeynaya ku shubashada kaarka ku hadalka & Data internet-ka Kuna helayaan hadiyado qaali ah sida gaariga Hyundai-ga  Waxaan balan qaadeeynaa inan  bixino  dabayaaqada December si rasmi ah ugu dhawaaqno macaamiilkii ku guuleystay gaariga Hyundai  Sedexaad Waliba Nuuca raaxada ah iyadoo macaamiisheenuu u furantahay fursadaan qaaliga Waxaan aad ugu faraxsanahay inay ku tartameen macaamiisheena ku dhaqan Magaalada Muqdisho & kuwa gobalada. Waxaan shaqo abuur u sameeysay dhalin yaro soomaaliyeed. qaarkood iyagoo wax bartay xaafadaha iska fadhiyay waxaan bixinay 21 bajaaj todobaad kasta labo bajaaj ayey macaamiishu ku guuleystaan waxaan bogaadinayaa inaan badbaadinay qoysas soomaaliyeed oo ay soo food saartay xaalado nololeed. Waxaa xusid mudan dhamaan hadiyaha aan bixinay waxa ay ka jawaabayaan baahida macaamiisha sida bajaajyada  dahabka & Deeq tacliinta

 Ugu dambeyntii waxaan todobadkan gaadiidka bajaajka ku abaalmarin gabar adeegto ah oo u shaqeysa qoys soomaaliyeed si ay nolosha qoyskeeda uga maareeyso lacagta ay musharka u hesho iyadoo u direysa qoyskeeda oo ku dhaqan go  

Waxaa sidoo kale Munaasabada ka hadlay Gudoomiyaha jaamacada  SIU   Dr Maxamed Yuusuf Cumar oo ku dheeraaday ahmiyada Ololaha  Ku shubo oo guuleeyso 10,000 Hadiyadood

“Waxaan u hambalyeeynayaa shirkadda isgaarsiinta Somtel oo ah Shirkadii ugu horeysay ee macaamiisheeda kucelisa10,000 Hadiyadood daqligii yaraa ay macaamiisha shirkadda ku soo celiyeen waa talaabo bogaadin-mudan waxaan marqaati ka nahay in macamiisha guuleysatay si toos ah loogu wareejiyay abaalmarinadii ay ku guuleysteen  Waxaa Sharaf gaar ah in shirkaddu nagu maamuusto inaan gacanteena ku generate gareyno macamiishii ku guuleysatay todobaadkii 21 aad  aan waqti dheeri ah siiyay si system-ku u wada maro dhamaan Nambarada  macaamiisha isticmaasha adeegyada somtel  waxaa xusid mudan in shirkaddu abuurtay xarunta tababarka tiknoolujiyada somtel oo ah xaruntii ugu nhoreysay ee lagu tababaryo ardayda baratay kuliyada ( Focult Of Engireeing) Sidoo kale kama marna ardayda baratay (IT)

Waxaa Sidoo kale munaasabada ka hadlay mudane: C/ kaamil yusuf Mxamuud oo ah agaasimaga Teleshinka Som News Tv oo bogaadiyay howsha adag ay somtel bulshada u heyso

“ Waxaan si diiran u bogaadinaya maamulka sare ee somtel & Howl-wadeenada shirkadda oo dadaal dheeri ah ku bixiyay in somtel bushadua wax ku celiso waliba 10’000 hadiyadood muddo dhowr bilood ayey howshaan socotaa todobaadna lama baajin waa talaabo ku daysho mudan”

Waxaa Sidoo kale munaasabada ka hadlay  Gudoomiyaha jaamacada Imamu Shaafici Dr C/qadir Sh Ismaciil oo aad u bogaadiyay barnamijka 10’000 Hadiyadood

“Waxaan bogadinayaa macaamiisha guuleysatay sidoo kale waxaa mahad balaaran mudan somtel oo  qabaneeysa barnamijkan daah-furnaanta leh oo ay bulshada ku celinayaan 10’000 hadiyadood iyadoo qof waliba u tartami karo fursadaan qaaliga muhiimada waa in macaamiilku sameeyaa ku shubasho si uu uga faa’ideyso fursadaan taariikhiga ah”

Waxaa munaasabada soo xiray xildhibaan Zakariye Mxud Xaaji Cabddi oo ah  Rug-Cadaa  30 Sano ee la soo dhaafay  Xog-ogaal u ahaa hormarka bulshada soomaaliyeed ku talaabsaneyso 

waxa’ ay shirkaddu nagu sharaftay inaan si toos ah u gudoonsiino macaamiisha guuleysatay todobaadkii 21aad  gadiidka bajaajka Waxaan rajeeynayaa in todobaad kasta  si gaar ah uga  soo qeyb-galo  Si dhow ayan ula socdaa  ololahaan shirkaddu ku abaalmarineeyso macaamiisheeda sharafta leh abaalmarino wax ku ool sida:  gaariga Hyundai-ga, bajaajyo, Dahab,  Laptop-yo I.w.m  waxaan alle ka baryayaa in somtel u barakeeyo waxa ay heeysato madaama ay bulshadii u turtay gar-waaqsatay inay ku celiso 10’000 hadiyadood.

Waxaa sidoo kale munaasabada ka hadlay Faduma C/qadir Cali  o ku guuleystay gaadiidka bajaajka ee todobaadkan 21 aad waa gabar adeegto ah oo ka soo jeeda qoys sabool ah

“Magaceygu waa Faaduma C/Qadir Cali Ma  filaneynin ijn somtel igu abaalmarineyso gaadiidka bajaajka waxaan uga faa’ideynayaa ehelkeyga waa shaqo abuur aan aad ugu baahi qabnay  xaqiiqdii marka somtel wey ku mahadsantahay inay macaamiisheeda dhiiragelin la taaban karo ay u sameeysay waa wax lagu faano waa markii ugu horeysay ee macamiil dumar ah oo ka soo jeeda qoys danyar ah oo ku nool gobolada   uu ku guuleysto gaadiidka bajaajka 

Isku soo wada duuboo Dhamaan  macaamiisha Shirkadda Somtel waxaan u rajeynaynaa inay ku guuleystaan 10,000 hadiyadood  , Shirkaddu ugu talagalnay Macamiisheeda sharafta leh hadiyadahaan oo Ugu sareeyo gaari Hyundai-ga kaasoo todobaadka ugu dambeeya bisha December  aan bixinayno  gaarigii lsedexaad waxaan leenahay macaamiisheena ka faa’ideysta  Ololaha ku shubo oo guuleyso 10’000 hadiyadood macaamiil Waad  u  u tartami kartaan fadlan samee ku shubashasho karaka hadalka ama data internt adigoo uga shuban kara adeegga eDahab *101# ama ku shubo scratch card-ka la xoqdodo, 

Waxaa xusid mudan in gaariga Hyundai  3aad macaamiilka ku guuleysta Somtel waxa ay ku bixin doonto xaflad balaaran taasoo algu qaban doonto mid ka mid ah hoteelada ugu casrisan  magaalada muqdisho hadaba si dhow ula soco munasabadaan loo madlanyahay dhawaan.

Rooble oo Farmaajo ‘dib ugu celiyey’ awoodii doorashada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee maamulka HirShabelle Maxamed Cabdi Waare oo wareysi siiyey telefishanka Universal ayaa Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ku eedeeyay in uu doorashada dalka u gacan geliyay madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Waxa uu sheegay in Rooble uu raali ka yahay in la boobo doorashada ka socota dalka ee uu isagu dhabarka u ritay hogaaminteeda, islamarkaana uu mas’uuliyadiisa aad uga gaabiyey.

“Ra’iisul Wasaarihii waa is qaad-qaaday oo dadkii niyada ayuu kasoo riday, cadaalad aan sameyna, hagaag ayaa sameyna. Ra’iisul Wasaarow dadka ha lugeyn oo dadka qalbiga ha kasoo ridin,” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee maamulka HirShabelle.

Waxa uu intaas kusii daray “Raysal wasaare Rooble mas’uuliyaddiisa aad ayuu uga gaabiyay, kaliya ma ahan inuu ka gaabiyay, ee masuuliyaddii loo dhiibay ee lagu aaminay, ayuu ninkii lagasoo fara maroojiyay ula tagay oo faraqa ugu shubay.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in Rooble uu cadeystay in dhinac uu saaray Farmaajo, uuan ku adkeysanayo in doorasho boobka uu sii socdo, islamarkaana ay tahay in mucaaridka ka tashadaan.

“Ra’iisul Wasaaraha waa u tahniyadeeyay kuwa doorashadooda ka qeylinayno, kuwii kalena waxa uu yiri bilaaba (maamul goboleedyada kale), dadka xuquuqdii ay laahayeen ee u qori qaadeen mirihii asaga ayaa daba marsiiyay. Waxaa laga rabay fulinta ballan-qaadyadiisi.”

Madaxweynihii hore ee maamulka HirShabelle ayaa ugu dambeyntiina walaac xoogan ka muujiyey fitnada ay doorashada u horseedayso dalka, maadama Odayaashii dhaqanka ee beelaha laga wareejiyay kuwii rasmiga ahaa, islamarkaana madaxa la isku geliyay, sida uu sheegay.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Sawirro: Rooble oo si weyn loogu soo dhoweeyey Jabuuti

0

Muqdisho (Caasimada Online) -Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa caawa gaaray magaalada Djibouti ee caasimadda dalka Djibouti, halkaas oo uu ku soo xiri doono Madasha Aragti Wadaagga Heritage.

Rooble iyo wafdigiisa ayaa galabta ka amba-baxaan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxaana ujeedka safarkiisa lagu sheegay ka qeyb galka shirkaas.

Sida lagu shaaciyey qoraal kooban oo ka soo baxay xafiiskiisa Rooble ayaa Jabuuti u tegay inuu soo xiro dood cilmiyeed uu Machadka Cilmi-Baarista Heritage dalkaas ugu qabtay, siyaasiyiin, aqoonyahano iyo bulshada rayidka ah, taas oo lagu gorfeynayo xaaladaha haatan ka taagan, qaar ka mid ah dalalka Geeska Afrika.

Wasiirka koowaad ee xukuumadda ayaa la siiyey khudbadda ugu dambeysa ee xiritaanka Madashan, isaga oo ka warbixin doona marxaladahii ay soo martay Soomaaliya iyo waxyaabaha laga baran karo qalalaasaha ka jira qaar ka mida dalalka dhaca Geeska Afrika.

Sidoo kale Ra’iisul wasaare Rooble ayaa inta uu joogo Jabuuti waxa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa madaxda ugu sarreysa dalkaas oo ay ka wada-hadali doonaan xaaladaha taagan, sida doorashada.

Booqashada Maxamed Xuseen Rooble ayaa kusoo beegmeysa, xilli xasaasi ah, isla-markaana ay dood adag ka taagan tahay doorashada Golaha Shacabka ee baaralamaanka Soomaaliya.

Waa markii labaad ee uu ra’iisul wasaaruhu tegayo Jabuuti, tan iyo markii loo magacaabay xilkaan, waxaana xusid mudan in madaxweynaha Jabuuti iyo kan Soomaaliya aysan isku fiicneyn siyaasad ahaan.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Facebook oo $60 milyan ku iibsatay magac cusub

San Francisco (Caasimada Online) – Shirkadda Meta Platforms Inc, oo leh baraha bulshada ee Facebook, Instagram, iyo WhatsApp ayaa xuququda magaca Meta ku iibsatay 60 milyan oo dollar, sida ay shaacisay wakaaladda wararka Reuters.

Shirkadda Meta ayaa waxaa la aas-aasay bishii October kadib markii Mike Zuckerberg oo ah milkiilaha Facebook, Instagram, WhatsApp iyo Oculus uu go’aansaday in shirkad cusub la hoos geeyo, halka markii hore uu magaca shirkadda ka ahaa Facebook, oo ay hoos iman jireen WhatsApp, Instagram iyo Oculus. 

Hase yeeshee xuquuqda magaca ama sumadda ganacsiga (Trademark) ee Meta ayaa waxaa lahaa Banki ku yaalla magaalada Sioux Falls ee gobolka South Dakota ee Mareykanka oo lagu magacaabo Meta Financial Group.

Kadib wada-hadallo socday dhowr bil ayaa shirkad lagu magacaabo Beige Key LLC iyo Meta Financial Group, waxay isku raaceen heshiis 60 milyan oo dollar ah oo sumadda magaca Meta (Trademark) lagula kala wareegayo, sida uu sheegay afhayene u hadlay Bankiga. 

“Beige Key LLC inanga ayey nagu xiran tahay, waxaana iibsanay xuququda magaca Meta,” waxaa sidaas yiri afhayeen u hadlay Meta Platforms Inc (Ex-Facebook).

Heshiiskan ayaa muujinaya sida magaca Meta uu muhiim ugu yahay Meta Platforms Inc (Ex-Facebook).  

Afhayeen u hadlay Meta Platforms Inc ayaa sheegay in shirkadda ay wada-hadallo kula jirtay Meta Financials kahor inta aan magaca shirkadda laga beddelin Facebook. 

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Cumar C/rashiid oo sheegay khalad uu sameeyey markii la doortay Farmaajo kadib

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa markii ugu horeysay faahfaahin ka bixiyey sababta uu u soo xaadiri waayey kulamadii golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya muddo afar sano ah.

Cumar Cabdirashiid oo wareysi siiyey Dalsan TV ayaa qiray in afartii sano ee lasoo dhaafay uusan soo xaadirin kulamadii golaha uu ka tirsanaa, isagoo shaaciyey in taasi ay ku dhacday hal khalad oo uu galay.

Ra’iisul wasaare Cumar ayaa khaladkaas ku sheegay in markii la doortay madaxweyne Farmaajo uu go’aasaday in kursiga uu ku celiyo beeshiisa, si qof kale loogu doorto.

Hase yeeshee waxa uu sheegay in beeshu ay ka codsatay in muddo uu sii hayo kursiga, kadibna uu yimaado Puntland oo laga soo doortay, si markaas qof kale uu ugu wareejo.

Cumar Cabdirashiid ayaa wareysigaan ku sheegay in soo jeedintaas uu aqbalay, isla markaana uu hadda ka qowmameynayo aqbalaadaas, maadaama uusan celin kursigii, afartii sano ee la doortana ay ka dhamaatay isagoo aan soo xaadirin hal kulan.

“Kursigeyga in aan celiyo waxaan u go’aansaday, maadaama aan ku soo shaqeynay xaalado adag in aan kasoo nasto mas’uuliyadda iyo siyaasadda,” ayuu yiri Cumar Cabdirashiid.

Sidoo kale xukuumadda Madaxweyne Farmaajo ayuu ku eedeeyey inay ixtiraami waayeen, iyagoo ah madaxdii ku wareejisay xukunka dalka, taas oo keentay inuu isaga tago dalka.

“Nimankaan markii ay xukunka yimaadeen waxay bilaabeen eedeyn siyaasadeed oo dadkii ka horeeyey ay saarayaan, hadii aan dalka sii joogi lahaa maanta waxaa la dhihi lahaa Cumar afar sano ayuu dowladda luga haayey,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaarihii ee dalka Cumar Cabdirashiid.

Waxa uu sheegay in mas’uuliyadda maqnaashihiisa ay laheyd dowladii uu hoggaaminayey Farmaajo, intiisa ugu badan afartii sano ee lasoo dhaafay waxa uu sheegay inuu joogay magaalooyinka Dubai iyo London.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Go’aanka ay qaateen Rooble iyo madax goboleedyada oo kasii daraya xiisadda dalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii ay Midowga Musharaxiinta Mucaaradka ay qaadaceen hanaanka doorashada dalka, gaar ahaan midda Golaha Shacabka ayaa waxaa isa-soo taraya walaaca iyo cabsida laga qabo in dalka ay ka dhacaan rabshado.

Dhinacyada siyaasadda isku haya ayaa si weyn iskugu khilaafsan wadadii loo mari lahaa xal u helida hanaanka doorashada, xilli ay mucaaridka doorashada socota ku tilmaameen mid boob iyo sharci darro ah.

Mucaaradka ayaa doonaya in guud ahaan doorashada la joojiyo, la baabi’iyo dhammaan kuraastii horey loo doortay, wax walbana hadda iyo kow laga soo billaabo. Balse Rooble iyo madax-goboleedyada ayaa ku adkeysanaya in doorashada sii socoto, balse la saxo khaladaadka jira.

Fallan-qeeyayaasha siyaasadda ayaa qaba in go’aanka aamusnaanta ee uu qaateen Madasha Wada-tashiga Qaran oo ay ku mideysan yihiin hogaanka dowlad goboleedyada dalka iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ay uga sii dareyso dareyso xaalada hubanti la’aanta ee ka taagan dalka.

Madasha Wada-tashiga Qaranka ayaa ku guuldareystay inay iskugu yimaadaan kulan lagu xalinayo tabashada laga qabo hanaanka ay ku bilowdeen doorashada waqtigeeda uu dib uga dhacay ee ka socota dalka, kulankaas oo ay dalbadeen mucaaradka.

Rooble ayaa aqbalay soo-jeedintii Midowga Musharaxiinta Soomaaliya ee aheyd in la isugu yimaado shir ku saabsan doorashooyinka dalka, hase yeeshee shirkan ayaa waxaa diidan xubanaha kale ee Madasha Wada-tashiga Qaran, gaar ahaan Axmed Qoor Qoor iyo Cabdicasiis Lafta-gareen, oo si aad ah ugu xiran madaxtooyada Soomaaliya.

Madasha Wada-tashiga Qaran oo ayadu leh awooda socodsiinta doorashada, islamarkaana ay kasoo baxeen heshiisyada loogu jiheystay doorashada ayaa go’aan ka gaarista is-mari-waaga ka taagan doorashada xal u noqon lahaa, sida ay qabaan qaar kamid ah fallan-qeeyayaasha siyaasadda.

Aamusnida Madasha Wada-tashiga Qaranka ayaa la fahamsan yahay in Midowga Musharixiinta ay kusii riixeyso inay sii wadaan kulamada ay uga arrinsanayaan samata-bixinta qaranka iyo qabashada doorasho hufan oo daah-furan.

Midowga Musharaxiinta ayaa sidoo kale ka howl-galaya qabsoomida shirwayne Wada-tashi Qaran oo ay isugu yimaadaan siyaasiyiinta Soomaaliyeed iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.

Sida ay hore u baahisay Caasimada Online dokumenti ay heshay oo ah dhismaha GOLAHA SARE EE DALKA (HIGH COUNCIL OF STATE) oo ujeedkiisu yahay inuu dalka ka badbaadiyo dagaal, kana saaro xaaladda cakiran, oo uu gaarsiiyo doorasho qof iyo cod ah.

Sida aan xogta ku helnay, Dokumentigan ayaa waxaa diyaariyey Golaha Midowga Musharaxiinta hase yeeshee weli waa qabyo, welina si kama dambeyn ah la isuguma raacin, waxaana jirta weli in xubnaha qaarkood ay kasoo horjeedaan dhismaha golahan.

Wasiirkii hore ee amniga Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa xaqiijiyey inay diyaariyeen Midowga Musharaxiinta, wuxuuna ku qeexay dokumentiga howl weli socota.

“Waa howl socota, haddii ra’iisul wasaaraha uu ku guul-darreysto inuu hakiyo hanaanka doorashada boobka ah, guul-darradiisa kaliya horseed uma noqon doonto dhismaha golaha balse waxay Golaha Midowga Musharaxiinta ku qasbi doontaa inay si deg deg ah maalmo gudahood tallaabo u qaadaan una dedejiyaan dhisidda Golaha Sare,” ayuu yiri.

Sida ku cad dokumentiga, heshiiskan siyaasadeed waxa u dhisayaa GOLAHA SARE EE DALKA (HIGH COUNCIL OF STATE) kaas oo soo magacaabi doono Wasiirka 1aad ama Raisal Wasaare isna soo dhisi doono XUKUUMAD BADBAADO QARAN oo ka shaqeyn doonta: Xoreynta Dalka, Dhameystirka Dastuurka Dalka iyo u codeyntiisa iyo Qabashada DOORASHO QOF IYO COD AH.Halkan guji oo ka arag dokumtigaas oo dhameystiran

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii