26.8 C
Mogadishu
Wednesday, July 1, 2026

Madaxweyne Farmaajo oo qaaday tallaabo banaanka u soo saartay khilaaf kala dhaxeeya madaxweyne dal

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta ka duulay magaalada Muqdisho, si uu dalka Turkiga uga qeyb-galo shirkii saddexaad ee u dhaxeeya Turkiga iyo Afrika, ayaa qaaday tallaabo banaanka u soo saartay khilaaf shaqsi ah oo kala dhaxeeya madaxweynaha Jabuuti, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Farmaajo ayaa ka baaqsaday in uu raaco diyaarada Turkish Airlines oo duulimaad toos ah ku tagta Istanbul, kadib markii uu ka war helay in diyaarada ay 45 daqiiqo ku hakaneyso garoonka diyaaradaha Jabuuti.

Waxay tallaabadan banaanka u soo saareysa in madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday uu khilaaf shaqsi ah uu kala dhaxeeyo Madaxweynaha Jabuuti, kaasi oo ka baxsan xiriirka diblumaasiyadeed ee labada dal.

Farmaajo ayaa Muqdisho ka raacay diyaarada Ethiopian Airlines oo sii mareysa Addis Ababa, halkaas oo caawa saq dhexe diyaarad kale oo Turkiga aadeysa ka sii raacayo.

Ehtiopia ayaa ah saaxiibka koowaad ee Soomaaliya, tan iyo markii uu hogaanka dalka qabtay Farmaajo.

Arrintan ayaa la yaab ku noqotay dad badan, ayada oo ay hoos u dhacday xiisadii diblumaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Jabuuti, islamarkaan uu dhawaan dalkaas shir uga qeyb-galay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Farmaajo ayaa inta badan lagu eedeya in danaha shaqsiga ah uga faa’iideysto arrimaha diblumaasiyadeed ee dalka, ayada oo kal hore uu isku maqiiqay xumeynta xiriirka Jabuuti, oo kal dambe dib loo hagaajiyay.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Rooble oo qiray in Farmaajo uu kala kulmayo cadaadis la xiriira doorashooyinka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa markii u horeysay qiray in culeys uu ku hayo madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo kal hore ka heshiiyeen khilaafkii soo kala dhex-galay.

Rooble ayaa sheegay in Farmaajo uu kamid yahay culeyso dhowr ah oo doorashada darteed loogu hayo, kuwaasi oo uga imaanaya Midowga Musharaxiinta iyo Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada dalka.

“Dherigii saddexda dhadhaar u dhaxeeyay ayaa ahey haddey tahay madaxda dowlad goboleedyada, musharaxiinta iyo xafiiska madaxweynaha,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble oo si duur xula u sheegaya in cadaadis ku hayo madaxweyne Farmaajo.

Sidoo kale waxa uu sheegay in wax isbedel ah ku iman mowqifkiisi doorashada iyo in la helo doorasho hufan oo daah-furnaan ku dhisan, taasi oo ay ku wada qanacsan yihiin saamileyda siyaasadda.

“Waxaa la isweydiinaya ra’iisul wasaaraha muxuu la aamusan yahay waayadan, tolow ma wadanidii uu tagay ayaa dhabarka kasoo taabtay, cid aan u dhuuntay iyo cid dhabarka iga soo taabatay majirto, doorashadii waa qabasho.”

Waxa uu intaas kusii daray in uu ka shaqeyn doono xalinta tabashooyinka laga muujiyey hanaanka doorashada Golaha Shacabka, islamarkaana uu dhawaan shir iskugu imaan doonaan Golaha Wadatashiga Qaranka, oo lagu xoojinayo daah-furnaanta doorashada.

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in lama taabtan tahay daah-furnaanta doorashada iyo ku dhaqanka habraacyada doorashooyinka ee lagu heshiiyay, ayada oo fursad la siinayo korjoogtayaasha maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ah.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Daawo: Dubbe oo shaaciyey caqabad heysata xubnaha dooran ee AQALKA SARE

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wafaafinta Soomaaliya Senator Cusmaan Abuukar Dubbe ayaa sheegay in Senatorradii la doortay ee baarlamaanka federaalka ay ku jiraan xaalad dhaqaale oo aad u adag, maadaama aysan jirin wax xuquuq ah oo ay ka helaan dowladda.

Wasiir Dubbe ayaa sheegay in doorashadaan daba dheeraatay ay kala kulmeen caqab xoog leh hadii ay yihiin senatorrada dooran, isagoo madaxda dalka ka codsaday in xuquuqdooda la siiyo.

“Waxaa nasiib darro ah in Senator bishii 7-aad la doortay uusan bishaan 12-aad ID laheyn, oo Mushaar laheyn, oo guno lahey, oo shaqadiisii hore uu ka tegay, oo hadda uusan shaqeyn, waxaa laga yaabaa in dhowr qof oo ila mid ah ay shaqo hayaan hadda, marka xaalad adag ayey ku jiraan senataradii la doortay,” ayuu yiri wasiir Dubbe.

Waxa uu sheegay in madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ay kala hadleen arrintaas, balse ilaa hadda aan waxaba laga qaban, “Ra’iisul wasaaruhu waa ogyahay, madaxweynaha habeen hore ayaan kala hadleynay oo waxa uu lahaa senatorradu xaalad ayey ku jiraane maxaan la qaban karnaa sidaan laguma eegan karee,” ayuu yiri.

Cusmaan Dubbe ayaa sheegay in caqabadaan xuquuq la’aanta ah ee heysata xubnaha Aqalka Sare ay keentay doorashada dalka oo aad u jiitantay, isagoo codasaday in doorashada golaha shacabka la dedejiyo.

“Waxaan u baahanahay si arrintaas looga baxo, maadaama la yiri labada Aqal halmar hala wada dhaariyo in doorashada golaha shacabka la dedejiyo, warbaahintana waxaan ka codsaneynaa inay nagala shaqeyso dedejinta doorashada,” ayuu yiri Senator Cusmaan Dubbe.

Hoos ka daawo

https://youtu.be/nJe1ay7KSbU?t=44

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Daawo: Warshad ka mid ah kuwa ugu halisan Muqdisho oo gacanta lagu dhigay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa howl-galo ay kula dagaalamayaan waxyaabaha Maanka dooriya ku soo qabtay maandooriyeyaal kala duwan, kadib markii ay gacan ku dhigeen Warshad kamid ah kuwa sameeya Maandooriyaha oo ku taalla magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed oo sidoo kale ah Duqa magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ciidanka sidoo kale ay gacanta ku soo dhigeen keydkii ugu ballaarnaa ee waxyaabaha Maanka dooriya.

“Shalay iyo maanta waxay ciidanka Booliiska ah wadeen howl-gal lagula dagaalamayo daroogada dhibaatada badan ku haysa da’yarta dalka, shalay waxaan qabanay maandooriye farabadan, maantana waxaa gacanta lagu dhigay Warshad weyn oo lagu sameynayay waxyaabaha Maanka dooriya,” ayuu yiri Guddoomiye Cumar Filish.

Waxyaabaha Maanka dooriya ee Warshadaas lagu sameeyo ayaa waxaa kamid ah Calaqa, Xashiiska, kuwaas oo uu sheegay Guddoomiye Filish in uu soo dul istaagay iyagoo 8 digsi lagu karinaayo.

Guddoomiye Filish ayaa sidoo kale sheegay in maandooriyaha gacanta lagusoo dhigay lagu gubi doono goob fagaare ah, isagoona uga digay dadka ka ganacsada waxyaabaha maanka dooriya.

Warshadaan ayaa waxay ku taalay degmada Boondheere ee gobolka Banaadir, waxayna gacan ku soo dhigisteedu qeyb ka tahay howl-galo ay ciidanka booliska Soomaaliyeed ku cirib-tirayaan maandooriyaha oo kusoo batay caasimada dalka.

Si kastaba, warshadaan ayaa aheyd tan ugu ballaaran ee lagu farsameeyo waxyaabaha Maanka dooriya, sida ay sheegen ciidamadu, waxayna kamid tahay warshado dhowr ah oo la sheegay inay ku yaallan gudaha magaalada Muqdisho.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Xisbiga HIMILO QARAN oo caddeeyey mowqifkiisa ku aadan doorashada dalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga Mucaaradka ee Himilo Qaran, isla-markaana uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa caddeeyey mowqifkiisa siyaasadeed ee ku aadan xaaladda dalka iyo doorashooyinka socda ee 2021.

Guddoomiyaha Xisbiga Mudane Suleymaan Maxamuud Xaashi oo u warramay Universal TV ayaa shaaciyey in aysan marnaba raalli ka aheyn doorashada boobka ah, balse haddii la saxo qaladaadka ka jira hannaankeeda ay soo dhoweynayaan inay sii socoto doorashada.

“Doorashada boobka mana aqbaleyno waan diidanahay, laakiin haddii doorashada la saxo oo mida aan annagu dooneyno oo danta saxda ahna ay ku jirto doorashada inay socoto weeyey,” ayuu wareysigan xasaasiga ah ku yiri guddoomiyaha guud Xisbiga Himilo Qaran.

Suleymaan oo wax laga weydiiyey arrinta Musharixiinta Mucaaradka ayaa beeniyey inay ka Xisbi ahaan ka baxeen golahaasi wuxuuna yiri “Meel aan annaga ku iclaaminay ama aan kaga baxnay haddii ay qoraal tahay iyo haddii af-tahayba oo Midowga Musharixiinta u sheegnay inaanu ka baxnay ma jirto,”.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay qeyb ka yihiin shirka wada-tashiga ee goluhu qabanayo, isla-markaana waxa uu tilmaamay in looga arrinsanayo aayaha doorashada.

“Shirka waa loo ballansan yahay ka mid baanu nahay, waana ka qeyb-galeynaa,” ayuu markale yiri guddoomiye Suleymaan Maxamuud.

Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday kulankii ay la qaateen ra’iisul wasaaraha xukuumada Soomaaliya, wuxuuna meesha ka saaray walaaca ka dhashay shirkaasi, isaga oo tilmaamay in aanu ka duwaneyn kulamadii hore oo ay xubnaha mucaaradka la qaateen R/W Rooble.

‘Horay waa loola shiray oo xubno ka mid ah Midowga Musharixiinta iyaga oo jamaacaa waa la shireen, iyaga oo kali kali ahna waa la shireen, Annaguna inaan la shirno waxay kaga duwan tahay shirarkii hore oo lagu raadinayey in doorashada lagu saxo ma garanaayo wixii aan ka wada-hadalnana waan sheegnay oo qarsoodi ma aheyn,” ayuu yiri guddoomiyuhu.

Ugu dambeyn waxaa su’aal laga weydiiyey hadii uu jiro xiriir gaar ah oo ay la leeyihiin Villa Soomaaliya, gaar ahaan madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday, wuxuuna hoosta ka xariiqay in haba yaraatee uusan jirin wax xiriir ah oo haatan kala dhexeeyo Farmaajo.

“Madaxweyne Farmaajo waa madaxweynaha hadda xilkiisu dhammaaday oo kursiga fadhiya waa ka aragti duwanahay Xisbi Mucaarad ah ayaan nahay, haba yaraatee wax xiriir ah oo naga dhexeeyo ma jiraan,” ayuu hadalkiisa ku soo gaba-gabeeyey guddoomiyuhu.

Jawaabta Himilo Qaran ayaa kusoo aadeyso, xilli maalmihii u dambeeyey aad loo hadal hayey in Sheekh Shariif iyo xubnaha kale ee Golaha Midowga Musharixiinta uu soo kala dhex-galay mad-madow ka dhashay ku kala aragti duwanaashaha go’aamada qaar ee ay goluhu soo saareen, kadib markii ay ku baaqeen in la hakiyo doorashada, shirna la qabto.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii

Android: Halkan Click sii

Nabadoon Cali Jeesto oo jawaab culus ka bixiyey go’aankii Guddiga Xallinta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Nabadoon Cali Xasan Cali (Jeesto) oo ah saxiixaha rasmiga ah ee kursiga HOP#067 ayaa jawaab culus ka bixiyey go’aankii ay shalay soo saareen guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka dadban ee heer federaal, kadib markii ay go’aamiyeen in hannaanka loo maray doorashada kursigaas ay tahay mid sax ah.

Cali Jeesto oo ka mid ah dadka dacwadda gudbiyey ayaa ku gacan seeray go’aanka kasoo baxay guddiga, wuxuuna shaaciyey in aysan marnaba aqbali doonin.

Sidoo kale wuxuu eedeyn jeediyey hoggaanka sare ee Galmudug, isaga oo ku eedeeyey inay beesha u sameeyeen odayaal dhaqameedyo aan jirin, sida uu hadalka u dhigay.

“Galmudug xaq uma laheyn in beelaha Marooyin usoo magacowda odayaal dhaqameedyo aan jirin ee loo sameystay in lagu boobo doorashada, isla-markaana aan ka tirsaneyn dhaqanka beesha,” ayuu qoraal uu soo saaray ku yiri Nabadoon Cali Xasan Cali (Jeesto).

Nabadoonka ayaa intaasi ku daray in beesha aysan aqoonsan doonin doorashadii ka dhacday Dhuusamareeb ee lagu soo doortay Yaasiin Cabdullaahi Maxamed (Farey).

“Waxay beesha Marooyin caddeyneysaa in aysan aqoonsan doonin doorasho ku sheeggii boobka aheyd ee kursiga HOP#067 ee 25/11/2021,” ayuu markale ku yiri qoraalkiisa.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya inuu qaato doorkiisa hoggaamineed ee doorashada, isla-markaana uu wax ka qabto ‘boobka’ soda.

Arrintan ayaa ku soo aadeyso, xilli shalay guddiga xallinta uu ku dhowaaqay go’aankiisa kama dambeysta ah, iyada oo kursigan loo xukmiyey Yaasiin Cabdullaahi Farey oo haatan ah agaasimaha KMG ah ee hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii

Android: Halkan Click sii

Farmaajo oo maanta u baxay safar dibadeed + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta u baxay safar dalka dibaddiisa ah, gaar ahaan dalka Turkiga, sida ay goordhow shaacisay Villa Soomaaliya.

Farmaajo ayaa casuumaad rasmi ah ka helay dhiggiisa dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdogan oo qabanayo shirweynihii saddexaad ee Turkiga iyo Afrika, kaas oo lagu wado inuu si rasmi ah beri uga furmo gudaha magaaladda Istanbul ee wadankaasi.

“Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa soo bandhigi doona aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee mustaqbalka iskaashiga Labada dhinac, fursadaha maalgashi, ganacsi, diblomaasiyeed, xoojinta amniga iyo Xiriirka miro-dhalka ah ee Soomaaliya iyo Turkiga,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay madaxtooyada qaranka ee Villa Soomaaliya.

Shirkan ayaa waxaa la xaqiijiyey inay ka qeyb-galayaan 13 madaxweynayaal Afrikaan ah oo uu ku jiro madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo haatan ku sii jeeda Turkiga.

Sidoo kale xubno ka kala socda 9 waddan ayaa lagu casuumay shirkaasi oo ku soo aaday, xilli haatan aad loo iibsanayo diyaaradaha Droneska Hubeysan ee lagu farsameeyo Turkiga.

Sida ay shaacisay madaxtooyada Turkiga shirkan oo ka dhacaya  xarunta shirarka ee Istanbul Congress Center ayaa socon doono muddo laba cisho ah, iyadoona ay khudbado ka jeedin doonaan madaxda kala duwan ee ka socda Afrika, laguna casuumay madashaasi.

Erdogan ayaa haatan si weyn ugu ololeynayo in suuq loo helo diyaaradaha Droneska ee dalkiisa uu soo saaro, wuxuuna khudbad ka jeedin doono shirka Afrika iyo Turkiga.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa ka mid ah wadamada aadka ay isugu dhow yihiin Turkiga, marka loo eego Afrika, wuxuuna ku leeyahay saldhig ballaaran, isagoo sidoo kale ka qeyb-qaata dib u dhiska ciidamada Xoogga oo uu siiyo tababaro dalka gudihiisa iyo dibadiisa ah.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

DF Soomaaliya oo sheegtay in lagu qasbay go’aanno caalami ah oo ay qaadatay

0

Djbouti (Caasimada Online) – Wasiirka qorsheynta ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan oo ka qeyb galaya Madasha Aragti Wadaagga Heritage ee ka furan Jabuuti ayaa sheegay inay ku qasbanaadeen go’aanada qaar ee ay qaateen.

Wasiir Jamaal oo madashaas hadal ka jeediyey ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku qasbaneed go’aano caalami ah oo siyaasadeed oo afartii sano ee uu xilka hayey ay qaadatay.

Sidoo kale waxa uu ka jawaabay su’aal laga weydiiyey khilaafka dowladda uu hoggaamiyo Farmaajo kala dhaxeysa dowladda aan walaalaha nahay ee Jabuuti.

“Arrinta la iga weydiiyey khilaafka Villa Somalia iyo Jabuuti, horta dad walaalo ah ayaan nahay, carab iyo ilkaa isugu dhaw, ayaguna waa is qaniinaan, waxaa jira nidaam diblomaasi ah oo loo maro wax kasta oo jira, Jabuuti waxaan nahay walaalo aan kala dhamaan, dowladnimada Soomaaliya ayaa halkaan lagu dhisay, maantana waan joognaa, xiriirka Jabuuti iyo Soomaaliya waa sii xoogeysan doonaa, Insha Allaah,” ayuu yiri wasiirka qorsheynta XFS.

Waxa uu sheegay in go’aano adag oo ay qaadatay dowladda Soomaaliya ay ku qasbaneed, si buu yiri loo ‘badbaadiyo qaranimada Soomaaliya.’

“Mararka qaar waa inaad wax dhaqaajisaa si wadanku horay ugu dhaqaaqo, waa in mararka qaar aad gaarto go’aamo adag, adigoo wax badan xeerinaaya, laakiin hadii aad difaac isaga jirto wax kuu soo kor dhaya malaha, siyaasadu isxaan malaha waa inaad ku dhiirataa go’aamo adag, xataa hadii shacabku kaa soo hor jeedaan,” ayuu yiri Jamaal Maxamed Xasan.

Waxa uu sheegay in khilaafka wadamada Geeska uu u muuqdo mid sii jiri kara, balse loo baahan yahay in la adkeeyo nabad geliyada, “Waxaan oran lahaa aan sameysano nidaam ay dadku ku kala nabad galaan,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Hoos ka daawo

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Daawo: Ehellada gabadhii u geeriyootay kufsi wadareedka oo shaaciyey go’aan culus

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waalidiinta Sahro Cali Maxamuud oo u geeriyootay kufsi wadareed loogu geystay deegaanka Janaale ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa wacad ku maray in meydka gabadhooda aysan aasi doonin ilaa inta ay cadaalad ka helayaan.

Rag lagu qiyaasay 10 askari oo ka tirsan ciidanka dowladda ayaa la sheegay inay todobaadkii hore Janaale ku kufsadeen gabashaas, waxayna ku geeriyootay isbitaal ku yaalla magaalada Marka loo dhaawaceeda loola carar.

Aabe Cali Maxamuud Kulmiye oo dhalay gabadha u geeriyootay tacadigii loo geystay ayaa dowladda ka dalbaday inay u cadaalad fasho oo loo soo qabto raggii kufsaday gabadhiisa.

“Aabe Soomaaliyeed ayaan ahay, dowladda waxaan ka codsanayaa inay ii soo qabato dadkii ku tacadiyey gabadheyda, ragga isku aadinaya dambiilayaasha in la iga wareejiyo ayaan codsanayaan, waxaan doonayaa xaqeyga,” ayuu yiri Aabe Cali Maxamuud oo ilmeynaya.

Hooyada dhashay gabadha ayaa sheegtay inay jiraan rag loo soo qabtay kiiskaan, balse dib looga sheegay in lasii daayey, iyadoo wacad ku martay in aysan aasi doonin meydka gabdheeda oo aan cadaalad helin.

“Iyadoo aan sharciga islaamka la marsiin kuwii dilay duugi meyno meydka gabadheyda, hooyo dhiban ayaan ahay oo gabadheedii tacadi xun loo geystay, waxaan rabaa in shareecada islaamka lagu xaliyo kiiskaan, rag badan oo dowladda ka mid ah ayaa kufsaday gabadheyda,” ayey tiri Hooyada dhashay Marxuum Sahro Cali Maxamuud.

Hoos ka daawo reerka oo shir jaraa’id qabtay

Guddiga Xalinta Khilaafaadka oo shaaciyey cidda maamusha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faallo aan qornay 1-dii December waxaan ku sheegnay in mustaqbalka iyo kalsoonida lagu qabi karo guddiga xallinta khilaafaadka doorashada Soomaaliya ay ku xiran yihiin sida ay u maareeyaan kuraasta HOP67 iyo HOP103 oo muran uu hareeyey.

Guddiga ayaa war ay soo saareen shalay ku sheegay in baaritaan dheer kadib ay go’aamiyeen in doorashada kursigas HOP67 loo maray hab raac saxan, wuxuuna guddiga sheegay in ergada doorashada kursigaan ay yihiin kuwa saxan oo ay soo xuleen odayaasha u diiwaan gashan wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Natiijada guddiga uu ku dhowaaqay ayaa ah mid horey loo filayey, maadaama guddiga lagu xanto inuu hoos tago islamarkaana ay gacanta ku hayso madaxtooyada Soomaaliya, oo ka dambeysay doorashada Yaasin Farey.

Guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka ayaa sheegay in ergadii dooratay Yaasiin Farey ay aheyd tii saxda ee beesha Waceysle, halka Nabadoonka saxda ah ee Beesha kursiga iska leh uu yahay Nabadoon Maxamed Cabdi Shiddo, halka Nabadoon Cali Xasan Cali (Cali Jeesto) uu guddiga ku sheegay in uu yahay caaqil ku-xigeenka Beesha Waceysle.

Hase yeeshee sheegashada guddiga ayaa aad uga fog xaqiiqda, marka aad eegto sida wax u dhaceen.

Ergada wax dooratay: Sheegashada guddiga ee ah in ergo sax ah ay dooratay Yaasiin Farey laguma taageerin wax caddeymo ah. Xagee lagu shaaciyey liiska ergada? Yey ahaayeen xubnihii ciidanka ee Muqdisho laga waday si ay uga codeeyaan Dhuusomareeb? Maxaa loo xanibay safarkii odayaasha qaar ee Muqdisho ka tagi lahaa ee lagu celiyey garoonka Aadan Cadde? Maxaa musharaxiintii kale ee miisaanka cuslaa looga diiday tartanka oo hal qof loogu xiray? 

Su’aalahaas oo idil wax jawaab ah kama bixin guddiga, hase yeeshee dhammaan inta la socota sida Qoor Qoor wax u maareynayo waa ay haystaan jawaabahooda.

Saxiixaha rasmiga ah: Guddiga ayaa sheegay in saxiixaha Beesha kursiga iska leh uu yahay Nabadoon Maxamed Cabdi Shiddo, balse Imaamka Mudulood, Imaam Maxamed Yuusuf wuxuu horey u caddeeyay in nabaddoon Cali Jeesto uu yahay saxiixaha rasmiga ah ee kursiga HOP67.

“Waxaan halkaan ka cadeynayaa in Cali Jeesto uu odayga Waceysle yahay, dowladda waxaan leeyahay yaan lagu sirmin ninkaas Cali ah, qolada guddiga khilaafaadka waxaan lee yahay war na-warsada aan inla toosinee waxa qaldamay, anaga waxaan rabnaa dowlad ku dhisanta hanaan sax ah,” ayuu yiri Imaam Maxamed Yuusuf.

Nabaddoon Cali Jeesto oo ah saxiixaha rasmiga ah ee kursiga HOP#067 ee Yaasiin Farey loo boobay ayaa kal hore shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho ka sheegay in aaminada Ra’iisul Wasaare Rooble ay ku xiran tahay go’aanka laga qaato kursigaas lagala cararay beeshii laheyd.

Nabaddoonka oo garabkiisa uu fadhiyo xildhibaanka beeshiisa ku metela baarlamaanka Galmudug ayaa sidoo kale xiligaas sheegay in caddeymo wax ku ool ah u gudbiyeen Guddiga xalinta khilaafaadka, kuwaasi oo uu iska xooray guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka.

Sidaas darteed, go’aanka uu qaatay guddiga, oo halbeeg u ahaa kalsoonida iyo cadaalad-soorka guddiga, ayaa banaanka u soo saaray in guddiga xalinta uu si toos ah u hoostago Villa Somalia, oo ayadu kursigaas sida la fahamsan yahay u boobtay Yaasiin Farey.

Go’aanka guddiga wuxuu sidoo kale caddeyn u noqday inuusan jirin guddi xalin khilaafaad balse murashaxiinta xildhibaan iyo odayaasha beelaha ay la macaamilayaan guddi hoos taga Villa Somalia, mana dhici doonto in mar dambe cabasho loo gudbiyo.

Doorashada Golaha Shacabka ee ka socota dalka ayaa waxaa ragaadiyey mad-madow badan, waxaana hore u qaadacay Midowga Musharaxiinta oo dalbaday in la hakiyo.

Rajadii yar ee la qabayna waxaa qeyb ka ahaa in guddiga xallinta khilaafaadka uu noqdo mid ugu yaraan wax ka qaban karo cabashooyinka qaar, balse guddigaas shalay ayuu shaaciyey cidda maamusho inay tahay Villa Somalia, halkaas ayuuna ku dhintay Samir iyo iimaan.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Maxaa Rooble ka lumi doona haddii uu aqbalo go’aankii lagu fasaxay kursiga Yaasiin?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga khilaafaadka doorashooyinka ayaa shalay fasaxay Kursiga lagu muransan yahay ee HOPP#067. Kursigaan oo lasoo siiyey ku simaha taliyaha Hay’adda Nabadsugidda Yaasiin Cabdullaahi Fareey ayaa waxaa buuq iyo diidmo kala hor yimid qabiilka iska leh kursiga oo sharaf dhac ku tilmaamay in masiirkooda ay cid kale go’aan ka gaarto.

Waxaa jira warar sheegaya in guddiga xallinta khilaafaadka ansixinta kursigaan u mareen hab musuq-maasuq ah, culeys amni iyo dano shakhsi ah.

Guddigaan waxay qoraalkoodii ku sheegeen in doorashada kursigaan loo maray habkii saxda ahaa taasoo lagu tilmaamay madadaallada todobaadkaan maadaama dadku si weyn ugu dharagsan yihiin hannaanka loo maray kursigaan.

Natiijadaan kadib waxaa bilaabatay dood ku saabsan Ra’isul Wasaaruhu ma aqbali doonaa go’aankaan?. Xubno ka tirsan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qeyb ka ah socdaalkiisa Jabuuti ayaa laga soo xigtay inuusan Rooble ku qanacsaneyn sida ay wax u dhaceyn.

Waxaa la sheegayaa inuu ka fakarayo inuu tallaabo qaado maadaama ay arrintaan sii xaqiijineyso eeddii hore midowga musharixiinta mucaaradka u jeediyeen oo aheyd in doorashada la boobayo Ra’iisul Wasaaruhuna rabo inuu iska daawado.

Rooble wuxuu awoodaa inuu guddigaan shaqada ka joojiyo ama kala diro. Laba Kursi oo guddigaan cabashadooda loo geeyey labadiiba dadkii loo boobay ayey u xukmiyeen. Mid waa Mahdi Khadar Guuleed midna waa Yaasiin Cabdullaahi Fareey

Labada jeerba waxaa la xaqiijiyey in guddigaan faragelin lagu sameeyey oo cadaadis la saaray. Rooble wuxuu rabaa inuu xaliyo cabashada ka taagan hab-raaca doorashada sida uu ka sheegay shir ka dhacay magaalada Jabuuti, laakiin haddi uu aqbalo natiijada kursigaan maxay tahay waxa uu rabo inuu xaliyo ama uu mucaaradka u sheego, ayey dadku badi is waydiinayaan.

Soo laabashadiisa kadib waxaa laga sugayaa laba arrimood. Mid waa shirka Golaha wada-tashiga Qaran midna waa sida uu u arko in guddiyadu iska fasaxaan kuraasta la isku heysto.

In Kursiga Yaasiin Farey lasoo fasaxo iyadoo uu Ra’iisul Wasaaruhu rabo inuu la xaajoodo dhinacyada tabashada ka qabo doorashada ayaa laftirkeedu duulaan ku ah qorshaha uu wado Rooble.

Waxaa jira warar sheegaya in madaxda Gobolada ku cadaadinayaan Rooble inuu faraha kala baxo kuraasta la isku heysto. Koonfur Galbeed ayaa diiday inay u jawaabto guddiga doorashada heer Federaal oo soo diiday Laba kamid ah kuraastii lagu soo doortay Magaalada Baydhabo.

Madaxda Gobolada waxay si weyn u diidan yihiin in guddiyada doorashada awood yeeshaan, waxay rabaan inay kuraas badan boobaan, qaarkood waxaa la sheegay inay guud ahaan doorashada joojin doonaan haddii kuraastaas la isku heysto lasoo celiyo oo natiijadooda la diido.

Rooble culeys badan ayey ku heysaa in doorashada la hakiyo iyo inay madaxda maamulada qaadacaan shirka uu rabo inuu qabto.

Si uu Ra’iisul Wasaaruhu dhinacyadaas u qanciyo waxaa jiro dad aaminsan inay macquul tahay inuu ka aamuso Kuraastaas la boobay ee muranku ka taagan yahay, balse waxaa is waydiin kale ah haddiiba la fasaxay oo sax lagu tilmaamay Kuraastii la isku heystay muxuu soo kordhinayaa shirka uu Ra’iisul Wasaaraha iclaamiyey.

Rooble haddii uu aqbalo natiijada Kuraasta la boobay uma baahna inuu shir qabto oo waxay ka dhigan tahay inuu ku qanacsan yahay sida ay wax ku socdaan, ayey leeyihiin dadka isha ku haya muranka ka taagan doorashada Soomaaliya.

Madaxda maamul Goboleedyada waxay aamisan yihiin in haddii guddiyada awood u yeeshaan inay kuraas diidaan inay dhankooda ku adkaan doonto inay wax boobaan oo waxaa dhici karta in kuraas badan lagu soo celiyo, sidaas darteed waxay isku raacsan yihiin in guddiyada la wiiqo.

Aragtidaan waxaa la sheegay inay dhammaan ka siman yihiin madaxda gobollada, laakiin Ra’iisul Wasaaraha ayaa la eegayaa inuu cadaadiska maamulada aqbalo ama inuu caddaaladda iyo sharciga ku dhaqo muwaadiniinta u tartameysa Kuraasta Gobolada Shacabka.

Samiira Gayd: Waxaa suurta-gal ah in AL-SHABAAB ay hakiyaan doorashada dalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa haatan culeys amni oo xoog leh saartay Galmudug, xalay waxay la wareegeen deegaan kala bara Guriceel iyo Dhuusamareeb oo lagu magacaabo Ceel-dheere oo 30-kiilo mitir u jira xarunta Galmudug.

Sidoo kale Al-Shabaab Isniin waxay qabsadeen magaalada Matabaan, intii ay heysteen magaalooyinkaas waxay burburiyeen xarumihii danta guud ee hey’adaha dowladda ay ku shaqeynayeen.

Haddaba, waa maxay hadafka Al-Shabaab ka leedahay weerarradaan? Waxaa su’aashaas la weydiiyey Samiira Gayd oo ka tirsan hay’adda cilmi-baarista ee Hiraal Institute oo u warantay Idaacadda VOA.

Samiira ayaa sheegtay in Al-Shabaab ay daciifnimo ka dareemeen maamulka Galmudug oo aysan isku xireyn hey’adaha ammaanka ee ka howlgala deegaanada maamulkaas.

“Al-Shabaab waxay ka faa’iideysanayaan dhibaatada siyaasadeed ee ka taagan Galmudug, dagaalkii Ahlu-Sunna, Galmudug iyo dowladda dhexe waxaad moodaa in saameyn weyn uu ku yeeshay xaaladda ammaan ee Galmudug,” ayey yiri Samiira.

Waxa ay sheegtay in xilligii ay Ahlu-Sunna heysatay deegaanka ay shacabka iyo hey’adaha ammaanku wada shaqeyn jireen, balse hadda wadashaqeyntaasi ay meesha ka baxday.

“Xilligaas deegaanada qaar fadhiyo ciidan kuma oolin, laakiin shacabka ayaa xogta ka caawi jiray hey’adaha ammaanka, waxay soo sheegi jireen inta aysan Shabaab soo dhawaan, balse hadda waxaan maqleynaa in ilaa todoba magaalo ay soo dul dageen Al-Shabaab, taasi waxay ku tusee in shacabka iyo hey’adaha ammaanka Galmudug ay kala fogaadeen,” ayey hadalkeeda ku sii dartay Samiira Gayd.

Samiira oo sii hadleysay waxa ay sheegtay in markii hore cabsi badan laga qabay in Al-Shabaab ay doorashada ku milmaan, balse hadda aysan muuqan taasi, laakiin ay macquul tahay in doorashada dhan ay hakad geliyaan, markii loo fiiyo culeysyada amni ee soo kordhay

“Hadii culeyskaan ay ku sii kordhiyaan Galmudug, waxaa shaki geli doonta in doorasho lagu qaban karo deegaanada maamulkaas,” ayey tiri Samiira Gayd oo ka tirsan hay’adda cilmi-baarista ee Hiraal Institute.

Hoos ka dhageyso wareysiga

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Jarmalka oo Malaayiin dollar ugu deeqay Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Jarmalka ayaa sheegtay in 12 milyan oo Yuuro ay ugu deeqday Sanduuqa Gargaarka Bani’aadannimo ee Soomaaliya (SHF), taasi oo ka dhigan in Jarmalka uu sanadkaan gargaarka Soomaaliya ku bixiyay dhaqaale gaaraya 64 milyan oo Yuuro.

Malaayiinta dollar ayaa loogu tala-galay in lagu caawiyo dadka ay saameeyn abaaraha si ay ula tacaalan xaalada bani’aadannimo ee soo food saartay.

Sidoo kale dowladda Jarmalka ayaa sheegay inay sii wadi doonto garab istaaga Soomaaliya iyo shacabkeeda, islamarkaana ay kaalin muhiim ah ka ciyaari doonto sidii loo maareyn lahaa abaaraha iyo dhibaatooyinka ka dhasha.

“Si wada jir ah ayaanu wax badan u gaari karnaa, waanan ka sii xoogaysanayna sidii aanu u yarayn lahayn waxyeelada abaarta, Jarmalku waxa uu ku hanwayn yahay in uu qayb ka yahay dedaalka, waxaana ka go’an in aanu la shaqayno saaxiibadiisa iyo beesha caalamkaba, si aan abaarta jirta oo kaliya looga qaybgalin, balse loo helo xal waara oo dheer. xal u helida jahawareerka cimilada ee soo noqnoqda ee Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Jarmalka.

Ku dhawaaqista taageeradan ayaa daba socotay lacag kale oo dhan 7 milyan oo Yuuro oo loogu talagalay hawlaha Barnaamijka Cunnada Adduunka (WFP).

Taageerada Maaliyadeed ee Jarmalka ayaa waxay kusoo aadeysa xilli aad u xasaasi ah oo Soomaaliya ay la daala-dhaceyso maareynta abaaro hor leh, kadib markii ay hoos u dhaceen roobaabkii ka da’i jiray dalka.

In ka badan 7.7 Milyan oo Soomaali ah ayaa u baahan doonaan gargaar bani’aadanimo 2022-ka, sida ay Qaramada Midoobay ku sheegtay warbixin ay ku qiyaastay abaaraha Soomaaliya.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Wararkii ugu dambeeyey weerar culus oo ka dhacay magaalada Laascaanood

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Sool ayaa sheegaya in xalay jabhadda hubeysan ee SSC ee uu hoggaamiyo Col. Feysal Falaalug ay weerar ku qaaday gudaha magaalada Laascaanood ee xarunta gobolkaasi oo dhaca waqooyiga dalka.

Weerarka oo dhaxay xilli saq dhexe ah ayaa waxaa xigay iska hor imaad toos ah oo dhex-maray jabhadda iyo sidoo kale ciidamada Somaliland ee ka howl-gala halkaasi.

Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay is weydaarsanayeen labada dhinac oo ka dhaceysa xaafadaha qaar ee magaalada Laascaanood, waxaana ay intaasi ku dareen inay soo wajahday cabsi aad u xoogan.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaasi, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Somaliland.

Dagaalka ayaa markii dambe istaagay, waxaana dib u noqday dableydii jabhaddaee weerarka culus ku qaadday halkaasi.

Xaaladda ayaa saaka deggan, waxaana hadda qeybo ka mid ah magaalada howlgallo ka wada ciidamada Somaliland oo baadi goobaya raggii weerarka kusoo qaaday.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa gobolka Sool laga dareemayey dhaq-dhaqaaqyo uu ka wado Col. Feysal Falaalug oo si weyn uga soo horjeedo xukuumadda Somaliland, iyada oo xiisadda labada dhinac ay soo taagneyd muddo aad u dheer.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii

Android: Halkan Click sii

 

Wararkii ugu dmabeeyey ee wada-hadallada Axmed Madoobe iyo Lafta Gareen

0

Kismaayo (Caasimada Oline) – Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, gaar ahaan xarunta madaxtooyada waxaa haatan kulan xasaasi ah uu uga socdaaa madaxweynaha Jubbaland iyo kan Koonfur Galbeed oo booqasho ku jooga magaaladaasi.

Kulanka oo ah mid ballaaran ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ah xubno ka tirsan labada gole ee Jubbaland iyo Koonfur Galbeed, waxaana haatan socda wada-hadallo gaar ah.

Lafta Gareen iyo Axmed Madoobe ayaa ka wada-hadlaya xaaladaha ka taagan dalka, sida doorashooyinka iyo iskaashiga ay leeyihiin labada dowlad goboleed.

Wararka ayaa sheegaya in marka uu soo dhammaado kulanka haatan socda ay isku hari doonaan labada hoggaamiye, iyaga oo si gaar ah uga arrinsan doono xaaladaha taagan.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in labada dhinac ay diiradda saari doonaan dano isaga xiran, lana xiriira kuraasta Golaha Shacabka.

Lafta Gareen ayaa sidoo kale maanta kormeeray, isaga oo u wehliyo dhiggiisa Axmed Madoobe xafiiska madaxtooyada dowlad goboleedka Jubbaland oo lagu soo wareejiyey.

Koonfur Galbeed ayaa iyagu horay u guda gashay doorashada baarlamaanka, waxayna ku billowday illaa 11 xildhibaan, walow kuraasta qaar la hakiyey, halka Jubbaland ay shaacisay illaa 14 kursi oo dhowaan lagu dooranayo magaallo xeebeedka Kismaayo ee maamulkaas.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii

Android: Halkan Click sii

Adeegga lacagta ee ZAAD oo hawada ka maqan iyo Telesom oo war kasoo saartay

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Saacadihii u dambeeyay ayaa waxaa shaqeyn waayey adeega lacag kala gudbinta ee Zaad Services, oo si weyn looga isticmaalo gudaha Somaliland, kadib cillad ku timid shirkada Telesom.

Adeega Zaad ayaa saacadaha uu hawada ka maqan yahay waxa uu saameeyay goobihii Ganacsiga, ayada oo ay isku cakirmeen kumanaan adeegaas lacago ugu jireen oo wax ku kala iibsanayey.

Sidoo kale waxa ayaduna cilladu saameysay dhanka ku hadalka (wicitaanka), kaasi oo gebi ahaanba go’an, waxaana adag in dadka isticmaala simcard-ka Telesom inay xiriir la sameeyan shirkada ama dadyow-ga kale.

Shirkada Telesom ayaa goordhoweyd raali-gelin kasoo saartay cilada saacadaha qaadatay ee illaa haddana haysata adeegyadii ugu muhiimsana ee Zaad-ka iyo ku hadalka.

“Raali Gelin! – Waxaanu ka raali galineynaa dhammaan macaamiishayada sharafta leh hakadkii ku yimid isticmaalka adeegyada Telesom. Waxaanu ku guddo jirnaa xalintii iyo cilad saaridii waxaanu iidiin balanqaadeynaa in aanu wakhti kooban ku xalineyno cilada dhacdey. Mahadsanidiin,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay maamulka Shirkada Telesom.

Shirkada si dhab ah uma sheegin waxay tahay cilada soo food saartay, ayada oo ballan-qaaday in sida ugu dhaqsaha badan u xalin doonto, si adeegyada lacag dirista iyo ku hadalka oo muhiim u ah dadweynaha dib ugu shaqeeyaan.

Adeega Zaad oo ah middka ciladiisa si weyn looga dareemay guud ahaan Somaliland, ayaa waxaa dhowr jeer oo hore uu wajahayay xatooyo kala duwan, ayada oo dhowr jeer shirkada lagu eedeyay in ay mas’uuliyad weyn iska saarin ilaalinta lacagaha dadweynaha.

Soomaalida Turkiga oo halis xooggan wajahaya kadib markii lagu shaabadeeyey…

0

Ankara (Caasimada Online) – Xaaladda dadka Soomaalida ku nool ee dalka Turkiga ayaa laga deyrinaya kadib weerar ay bishaan billowgeeda ragg burcad Turkish ah u geysteen Baashi Xoosh Jabriil oo ahaa muwaadin Soomaaliyeed, kaasi oo u geeriyooday dhaawac culus oo ka soo gaaray weerarkaas.

Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool Turkiga ayaa lagu shaabadeeyay dhaqan xumo ay bulshada Soomaalida iskugu tagaan xaafadaha qaar, gaar ahaan Kizilay, kuwaasi oo ay tabiyeen qaar kamid ah warbaahinta Turkiga, taasi oo naceyb hore leh ku abuurtay Turkish-ka.

Sheekh Abu Dalxa oo kamid ah Culimada Soomaliyeed ayaa bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Turkiga ugu baaqay inay iska ilaaliyaan socodka aan macnaha laheyn, islamarkaana ay si aad ah isku ilaaliyaan

“Taxadar weyn oo aad u ballaaran ayaa u baahanahay, meel istaag-taaga badan aan iska ilaalino, dan hadda u baxeyso mooye gurigaaga ku eekow. Hadda wax aan faa’iideysaneyn aan guryaheena aan ku eekano, oo guryaheena aan ku barano,” ayuu yiri Sheekh Abu Dalxa.

Waxa uu intaas kusii daray in xaafada Kizilay oo Soomaalida si aad ah ugu badan tahay ay ka jirto “aragti adag oo loogu tala-galay in muwaadiniinteena looga tirtiro”.

“Taxadar dheeraad ah ayaa u baahanahay in aan ka sameyno taksiyada aan raaceyno,” ayuu yiri Sheekh Abu Dalxa oo ka shakeeyay arrin ka qabsatay Taksi uu raacay oo isku dayay in uu ka leexiyo wadadii uu u socday, taasi oo halis weyn ku noqon karta qof aan kala aqoon dalkaas.

Ugu dambeyntiina waxa uu dalbaday in safaaradda Soomaaliya ee Turkiga oo ayadu waajib ka saaran yahay dadkaas ay gudato shaqadeeda, isagoona sheegay haddii la helo dowlad adag ay fududeynayso dhibta Soomaalida ku haysata dalka Turkiga.

Arrimahan ayaa imanaya xilli dowladda Turkiga ay hore u soo saartay amar dhigaya in Ganacsatada Soomaaliyeed ka guuraan xaafada lagu magacaabo Kizilay oo ku taala badhtamaha magaaladaas, taasi oo noqotay xuddunta ganacsiyada Soomaalida ee garabka isku wada haya.

Dhibta u weyn ee wajahayaan Ganacstada Soomaaliyeed ee Turkiga ayaa ah arrimo dhowr ah, haba ugu darnaato midda dhanka sharciga ah, waxaana la xiray tiro meherado ganacsi ah, halka dadkii ka shaqaynayeyna qaarkood xabsiga loo taxaabay, kuwa kalena la masaafuriyey.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Cabdiraxmaan Cabdishakuur: Nabar la filayey naxdin ma leh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ahna musharax u taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya ayaa si adag uga horyimid go’aanka uu guddiga xalinta khilaafaadka doorashada ku xalaaleeyay kursigii loo doortay Yaasiin Farey.

Cabdiraxmaan ayaa go’aanka kursiga loogu xalaaleeyey Yaasiin Farey ku sheegay inuu yahay “nabar la filayey naxdin ma leh”, taasi oo ka dhigan in hore loo filayay go’aan noocan ah uu soo saaro guddiga, oo sida la fahamsan yahay gacanta ku hayso Villa Somalia.

Tallaabada guddiga ay qaadeen ayaa sidoo kale waxa uu ku sheegay in labo ujeedo midkooda u xaqiijinayaan Farmaajo, kuwaasi oo kala ah; in lagu banaysto kuraasta loo boobayo Farmaajo iyo in jid-gooyo loogu dhigto kuraasta lagu boobo degaannada gacantiisa ka baxsan.

“Haddii tan hore socon wayso waa in doorashada oo idil la foolxumeeyo, Farmaajana sheegto in doorashooyinka dalka la boobay, natiijadeedana aan la aqbali karin, eedana dusha ka saaro Rooble iyo dawlad goboleedyadda,” ayuu Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Waxa uu intaas kusii daray in marnaba madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uusan aqbaleyn doorasho hufan oo si daah-furan loogu tartamo.

“Waxaa ii muuqda qolo damac wado, iyo kuwo lagu yiri yaan lagu duufsan, welina dabinnada la qoolayo fahmin, laakiin uu waagu ku baryi doono mar ay xeero iyo fandhaal kala dhaceeen. Dalkaan dawadiisu waa doorasho hufan, daahna furan, ama dadkoo talada loo celiyo.”

Hadalkan ayaa imanaya saacado un kadib markii uu maanta Guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka dadban uu shaaciyey in doorashada kursiga HOP#067 ee uu ku guuleystay Yaasiin Farey loo maray habraac sax ah.

Guddiga ayaa sheegay baaritaan dheer kadib ay go’aamiyeen in doorashada kursigaas loo maray hab raac saxan, wuxuuna guddiga sheegay in ergada doorashada kursigaan ay yihiin kuwa saxan oo ay soo xuleen odayaasha u diiwaan gashan wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Guddiga ayaa sheegay in Nabadoonka saxda ah ee Beesha kursiga iska leh uu yahay Nabadoon Maxamed Cabdi Shiddo, islamarkaana ay soo ogaadeen in Nabadoon Cali Xasan Cali (Cali Jeesto) uu kamid ahaa ergadii sanadkii 2016 soo dooratay kursiga HOPP#67, islamarkaana uu liiska ergadaas kaga jiray Nambarka 12-aad.

Nabadoon Cali Jeesto ayuu guddiga sheegay inuu kamid ahaa Odayaashii ka qeyb-galay dhismaha Maamulka Galmudug sanadkii 2015, shirkaas oo uu kaga qeybgalay caaqil ku xigeenka Beesha Waceysle, sida ku cad Documentiyo uu guddiga sheegay inuu helay.

Guddiga doorashada heer Maamul Goboleed ayaa maanta wixii laga bilaabo u fasaxan yahay ku dhawaaqista natiijada doorashadii kursiga HOP#067, sida uu sheegay guddiga xalinta khilaafaadka doorashada.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Soomaali ka tirsanaa shirkada DAHABSHIIL oo la la’aa oo meydkiisa laga helay Nairobi

0

Nairobi (Caasimada Online) – Meydka Bashiir Warsame Cabdulle oo ahaa shaqaale ka tirsan shirkadda Dahabshil Group ayaa maanta laga helay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Illaaa iyo hadda ma cadda sababta dhimashada Bashiir iyo cidda ku lugta leh intaba. Mas’uuliyiinta Kenya ayaan weli ka hadlin arrintan. 

Markii ugu dambeysay ayaa Bashiir wuxuu gurigiisa ka tegay Talaadadii, isaga oo aaday Masjid ku yaalla xaafadda Islii, balse sooma noqon, sida ay sheegeen qoyskiisa. 

Qoyska ayaa xilligaas sheegay inaysan garaneyn sababta loo waayey Bahsiir, oo ahaa nin ka dhex-muuqda bulshada Soomaaliyeed ee xaafadda Islii.

Dhacdadan ayaa imaneysa ayada oo horey ay u jireen Soomaali dhowr ah oo lagu waayey magaalada Nairobi, inkasta oo bilihii dhowaa ay yaraadeen kiisaska noocan ah. 

Cabdiwahaab Cabdisamad oo ah aqoonyahan degan Nairobi ayaa bishii September laga afduubtay Nairobi, waxaana la haystay toddobaad kahor inta aan lasii dayn, ayada oo weli aysan caddeyn sababta loo afduubtay iyo cidda afduubatay.

Waxaa sidoo kale ka horreeyey afduubka Xafsa Luqmaan oo ah gabar Soomaali ah, taasi oo kiiskeeda uu markii lasoo daayey kadib lugaha la galay gabar ay saaxiibo ahaayeen. 

Waxaa sidoo kale jiray 24-kii May 2021 la helay meydka Bashiir Maxamed Gaboobe oo ahaa ganacsade Soomaali ah oo maalmo la la’aa. Meydkiisa waxaa laga helay meel duur ah oo ku taalla deegaanka Mwea ee gobolka Kirinyaga, oo Nairobi u jirta 180km.

Trump: Maxamuud Cabaas wuxuu ahaa Aabe oo kale, Netanyahu ayaa ahaa caqabad

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu dareemay in madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas uu ahaa “aabe oo kale” intii ay socdeen wada-hadallo la doonayey in heshiis lagu dhex-dhigo Israel iyo Falastiin.

Trump ayaa arrintan ku sheegay wareysi uu siiyey weriye Israeli ah oo lagu magacaabo Barak Ravid, oo qoray buugga Trump’s Peace: The Abraham Accords and the Reshaping of the Middle East.

Trump iyo wiilka uu sodogga u yahay ee Jared Kushner ayaa si xooggan u cambaareyn jiray Falastiiniyiinta sababo la xiriira inay diideen heshiikii mamaulka Trump ee looga magac daray “Peace to Prosperity” kaasi oo Falastiiniyiinta lagu siin lahaa balaayiin dollar si ay uga tagaan xuquuqdooda siyaasadeed.

Hase yeeshee Trump ayaa sheegay in xilligii ugu horreeyey madaxtinimadiisa uu dareemay in Netanyahu uu ahaa caqabadda ugu weyn ee nabadda ee aanu aheyn Cabaas. 

Trump ayaa wareysiga ku sheegay in Cabaas uu si ka badan ra’iisul wasaarihii hore ee Israel Benjamin Netanyahu “u doonayey inuu heshiis galayo.”

“Kulan aad u weyn ayaan la yeeshay Cabaas. Waqti badan ayeynu wada qaadanay, oo aan waxyaabo badan uga hadalnay. Wuxuu ahaa aabe oo kale, waxaan ula jeedaa aad ayuu u wanaagsanaa,” ayuu yiri Trump.

“Waxaan u haystay inaysan ka suurta-gelin Falastiiniyiinta, oo Israa’iiliyiinta ay wax walba u sameyn lahaayeen in heshiis nabadeed la gaaro. Balse waxaan ogaaday in taasi aysan sax aheyn,” ayuu yiri.

Mid ka mid ah kulamii uu Netanyahu la yeeshay, Trump ayaa dib u xusuustay inuu ku yiri “Kulan wanaagsan ayaan la qaatay Cabaas, heshiisna waa la gaari karaa.”

Hase yeeshee jawaabta Netanyahu ayaa noqotay diidmo, wuxuuna sida uu Trump sheegay yiri “Aan ka fakarno, yeynaan deg degin.”

Trump ayaa intaas ku daray “Markii uu sidaas yiri ayaan iri ‘ukaadi, oo ma dooneysid miyaa heshiis,’ kadibna wuxuu yiri ‘aah, aah.’ Xaqiiqda waxay tahay in Bibi uusan marnaba dooneyn heshiis.” Bibi waa naaneysta Netanyahu. 

Trump ayaa sheegay inuusan la hadlin Netanyahu sidii uu xukunka uga degay, isaga oo ka careysan inuu u hambalyeeyey Joe Biden markii uu ku guuleystay doorashada madaxweynaha Mareykanka. 

“Ma jirto cid Bibi u sameysay waxa aan u sameeyey. Welina waan jeclahay Bibi. Wuxuu ahaa nin aan u sameeyey wax ka badan wax kasta oo aan qof u sameeyey. Balse waxaan sidoo kale jeclahay daacadnimada,” ayuu yiri Trump.

“Qofkii ugu horreeyey ee Biden u hambalyeeyey wuxuu ahaa Bibi. Umana hamblyeyn oo kaliya’e wuxuu iska duubay muuqaal. Bibi wuu ka aamusi kara. Wuxuu sameeyey khalad weyn.”

Netanyhu ayaa ka ajwaabay hadallada Trump wuxuuna yiri “Waan ku faraxsanahay tabarucaadda weyn ee Trump uu u sameeyey Israel iyo amnigeeda.”

Intii uu Trump madaxweynaha ahaa, Mareykanka ayaa Jerusalem u aqoonsaday caasimadda Israel iyo sidoo kale in dhulka Golan Height ee Syria uu yahay dhul Israel.’

Sidoo kale uma arkin Daanta Galbeed dhul la haysto, wuxuuna maamulka Trump ogolaaday deegaameynta Yahuudda ee halkaas.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii