26.1 C
Mogadishu
Wednesday, July 1, 2026

Guddiga xalinta Khilaafka doorashada oo sheegay in shaqadooda ay halis ku jirto

0

Muqdisho ( Caasimada Online) – Gudoomiyaha Gudiga xalinta khilaafaadka Doorashooyinka Xuseen Maxamed Maxamuud oo maanta warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in shaqadooda ay halis ku jirto.

Guddoomiyaha ayaa sheegay inay ku howlan yihiin sidii ay u gudan lahaayeen waajibaadkii loo doortay balse ay jiraan caddaadis ay kala kulmayaan dhinacyada isku haya doorashada Soomaaliya.

Xuseen ayaa sheegay intii ay ku guda jireen xalinta kuraasta doorashooda uu muranku ka dhashay in dad badan oo dhinacyo kala duwan ay caddaadis saareen taasina ay shaqadooda halis ku tahay .

Guddoomiyaha ayaa dhinacyada isku haya doorashada ka codsaday in guddiga xalinta khilaafaadka loo madax banaaneeyo shaqadooda si ay u gutaan wajiibkooda.

“Markasta oo aan kiisas nuucaas ah qabano cadaadis badan wuu jirayaa oo nooga imaan kara meelo kala duwan, waxa aan jecel nahay in meelahaas cadaadista naga daayaan oo howshaas iyagu noo igmadeen oo noo talo saarteen oo aan weliba ku hoggaamineyno habraacyada ay dejiyeen oo ay saxiixeen in ay nagu ixtiraamaan qolyahaas baan ugu baaqeynaa, taasaa danta dalka ku jirtaa tan dadka Soomaaliyeed ku jirtaa, hufnaanta & milgaha Doorashadu ku jirtaa, anagane noo dhib yar oo culeys badan na saareynin“ ayuu yiri Guddoomiyaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka Dadban.

Wuxuu si cad u sheegay inaysan jirin koox gaar ah oo ay u shaqeeyaan oo ay yihiin guddi qaran oo dhexdhexaad ka ah doorashada ka socota Soomaaliya.

“Labo kiis oo aan anagu qabanay waxa aan u raacnay habraacyadaas, waxa aan u arkeynay in caddaaladda keliya ee labada dhinac xaq siineysa, labadaas kiis aan qabanay mid waxa uu ahaa kii Xuseen Carab ciise HOP#239 & Midna waxa uu ahaa kursigii ugu dambeeyay HOP#067 ee uu kusoo baxay Yaasiin Farey, hab aad & aad u qurxoon oo laga baaraandegay oo habraacyada loo eegay ayaa u marnay” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Guddoomiye Xuseen.

Dhanka kale waxaa uu sheegay in xubnaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ay u jeediyeen guddigooda dhaliilo dhaawici kara howlaha ay bulshada u hayaan.

“Golaha Midowga Musharixiinta waxa aan leenahay waxa aad tihiin madaxdeena Berri, wax ummaddaan kala fogeynaya aad & aad uga fogaada, waxa aad rabtaan in aad ka hadashaan noo kaalaya ee annaga na quseeya aan idinka qancinee inta aysan bulshada wax u sheegin” ayuu yiri Gudoomiyaha Guddiga xalinta khilaafka.

Waxaa uu ugu baaqay Midowga Musharaxiinta haddii ay dhaliilo qabaan in ay u yimaadaan ayna diyaar u yihiin in ay wax waliba ay ka qancin doonaan.

Hadalka kasoo baxay guddiga ayaa kusoo aadayo xilli si weyn loogu dhaliilay go’aankii ay ka qaateen kursiga uu kusoo baxay Yaasiin Farey oo ay ka hor timid beeshii laheyd oo sheegtay inaan waddo sax ah loo marin.

Donald Trump: Yahuudda Mareykanka ma jecla ISRAEL, waxaana caddeyn u ah…

New York (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in dadka Yahuudda ah ee Mareykanka ku nool “aysan jecleyn Israel.”

“Yahuudda Mareykanka ma jecla Israel ama kalama jecla,” ayuu Trump ku yiri wareysi uu siiyey suxufi Israeli ah oo lagu magacaabo Barak Ravid.

Madaxweynihii hore ee Mareykanka ayaa ku eedeeyey Yahuud badan oo American ah habka ay u codeeyaan xilliyada doorashada, isaga oo yiri “Israel waagii hore awoodd xooggan ayey ku laheyd Congress-ka balse hadda waa arrin taas ka duwan.” 

Trump ayaa ku eedeeyey madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama iyo midka hadda Joe Biden oo labadaba dimoqraadi ah inay mas’uul ka yihiin taageero la’aanta Congress-ka ee Israel.

“Sidaas oo ay tahay mar kasta waxay helaan codadka dadka Yahuudda,” ayuu yiri Trump oo sheegay in taasi ay caddeyn u tahay in Yahuudda Mareykanka aysan jecleyn Israel, maadaama ay u codeeyaan xisbi uu sheegay inaanu taageersaneyn Israel.

Yahuudda Mareykanka ayaa 70% ah una codeeya xisbiga Dimoqraadiga xilliyada doorashada madaxweyne, inkasta oo Biden uu helay kaliya 60% isaga oo noqday Dimoqraadigii ugu codad Yahuudda yaraa taariikhda Mareykanka.

Sanadihii dhowaa, fallanqeeyayaasha siyaasadeed ayaa rumeysnaa in xisbiga Dimoqraadiga uu sii yareynayo taageeradiisa Israel. 

Hase yeeshee, horaantii sanadkan, Congress-ka ayaa meel-mariyey sharci difaac oo ay ku jirtay taageero militari oo la siiyo Israel sida dhaqaale lagu horumariyo barnaamijkeeda difaaca gantaallada ee Iron Dome. 

Trump ayaa wareysiga uu siiyey Ravid ku yiri “Dadka Kirishtanka Evangelical-ka ayaa Israel uga jaceyl badan Yahuudda ku nool dalkan.”

Trump ayaa sidoo kale wareysiga ku dhalleeceeyey wargeyska New York Times oo uu sheegay “inuu aad u neceb yahay Israel,” isaga oo tilmaamaya “dadka Yahuudda ah” ee maamula. Qoyska iska leh New York Times ayaa Yahuud ah. 

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Doorashadii golaha shacabka ee berri ka dhici laheyd Muqdisho oo la baajiyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka guddiga doorashooyinka heer federaal Axmed Safiina ayaa shaaciyey in dib loo dhigay doorashada afar kursi oo guddiga doorashooyinka gobollada waqooyi uu galabta shaaciyey in berri lagu qabanayo Muqdisho.

Afhayeenka ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku sheegay in Axada 19-ka December la qabanayo doorashada afartaas kursi, inkastoo uusan shaacin sababta ka dambeysa in dib loo dhigo doorashada.

“Guddiga Maamulka Doorashada Xildhibaanada labada Aqal ee Somaliland wuxuu ogaysiinayaa in dib udhac uu ku yimid qabashada kuraasta tirsigoodu yahay HOP#262 HOP#229 HOP#254 iyo HOP#255, Isla markaana maalinta Axada ee ay bishu tahay 19-Dec-2021 la qaban doono kuraastaas. Waxaan ku war galinayna musharaxiinta u tartamayaa ku raastan in 19-Dec-2021 ay u soo diyaar garoobaan qabashada kuraastas,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Kuraastaas ayaa waxa horay ugu fadhiyey xildhibaanada kala ah:

1 – Xildhibaan Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan (HOP262)
2 – Xildhibaan Cabdullaahi Cismaan Ducaale (HOP229)
3 – Xildhibaan Jaamac Maxamed Askar (HOP254)
4 – Iyo Xildhibaan Axmed Maxamuud Maxamed (HOP255).

Doorashada Golaha Shacabka ayaa weli sii socota, ayada oo qaadaceen Midowga Musharaxiinta, oo ku tilmaamay inay tahay mid ku dhisan boob, waxayna dalbadeen in la hakiyo doorashada, si loo saxo qaladaadka ka jirra, balse illaa hadda ma jirto cid dheg jalaq u siisay.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Sawirro: Maxaa kasoo baxay kulankii Farmaajo iyo Erdogan?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku sugan dalka Turkiga ayaa maanta magaalada Istanbul kula kulmay dhigiisa dalka Turkiga Recep Dayyip Erdogan.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada-hadlay xoojinta xiriirka saaxiibtinnimo iyo iskaashiga qodotada dheer ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Villa Somalia.

Sidoo kale waxaa kulanka diirradda lagu saaray dardar-gelinta qorsheyaashii hore ee iskaashiga dhinacyada amniga, waxbarashada, caafimaadka, dhaqaalaha, maalgashiga iyo horumarinta, iyo bilaabidda kuwo hor leh oo qayb ka ah qorshaha cusub ee iskaashiga ee dalalka Afrika iyo Turkiga.

Farmaajo ayaa la wadaagay madaxweynaha Turkiga “guulaha” ay dowladda federaalka Soomaaliya ka gaartey xasilinta dalka, dib-u-dhiska hay’adaha amniga, kobcinta dhaqaalaha, hannaanka deyn cafinta, la dagaallanka Argaggixisada iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.

Waxay isla qaateen xoojinta muhiimadda ay labada Dal u leedahay horumarinta iskaashigooda ku dhisan ka wada-shaqaynta danaha labada qaran iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay kor u qaadidda xiriirka ka dhexeeya dalalka Afrika iyo Turkiga.

Madaxweyne Erdogan ayaa bogaadiyey guulaha la taaban karo ee ay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ku tallaabsadeen, isaga oo ku dhiirri-galiyey ganacsatadda Soomaaliyeed in ay wax soo saarka dalkooda u suuq geeyaan dalkiisa.

Ugu dambeyntiina Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahad-celiyay Erdogan iyo shacabka Turkiga garab istaagga walaalnimo ee ay u muujiyeen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, waxaana uu tilmaamay in dowladda Turkigu ay Soomaaliya u tahay saaxiib dhow oo Istaraatiiji ah, iyada oo labada Madaxweyne ay Salaaddii Jimcaha wada oogeen kuna ducaysteen.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Midowga Musharaxiinta: “Waxaa rabnaa in beelaha baadidooda loo celiyo”

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka midowga musharraxiinta mucaaradka, Mudane Daahir Maxamuud Geelle ayaa shaaciyey in Golaha Mucaaridka uu rabo in hogaanka beelaha dib loogu celiyo maamulka kuraastooda.

Waxa uu sheegay in hadda sida ay wax u socdaan kuraasta baarlamaanka loo doonto madaxda dowlad goboleedyada, taasi oo meesha ka saareysa matalaada dhabta ah ee ay rabaan bulshada Soomaaliyeed, sida uu sheegay.

“Miisaanka lagu cabiro rajada guusha musharraxiinta xildhibaan waxay noqotay xiriirka kala dhexeeya madaxweynaha dowlad gobaleedka uu kursigiisa yaallo. In ka badan inta la waydiiyo ajandahooda siyaasadeed iyo qorshahooda waxqabad, waxaa la waydiiyaa sida ay isku yihiin madaxweynaha dowlad gobaleedka deegaan doorashadooda!,” ayuu yiri Daahir Geelle.

Waxa uu intaas kusii daray “Murashax walba halka uu reerka wax ka doonan lahaa, madaxweynaha dowlad gobaleedka ayuu wax ka doontay! Waxaan rabnaa in kursiga loo doonto beesha loo asteeyay. Waxaan rabnaa in uu cabbirka noqdo guuxa beesha kursiga leh iyo sida uu murashax walba u kasbado.”

Daahir Geelle ayaa sheegay in xilligan loo baahneyn in beesha loo dooro qofka masiirkeeda iyo masiirka dalka matali lahaa, islamarkaana ay tahay inay ayada doorato oo soo xulato ciddii meteli laheyd.

Hadalkan ayaa imanaya xilli uu Midowga Musharaxiinta si adag uga horyimaadeen hanaanka ay ku bilaabatay doorashada dalka, gaar ahaan Golaha Shacabka oo ay qaadaceen, ayaga oo dalbaday in la hakiyo.

Golaha Mucaaridka ayaa doorashada Golaha Shacabka ku tilmaamay mid ku dhisan boob iyo awood sheegasho, kadib markii musharaxiinta qaar laga hor istaagay inay isku sharaxaan kuraastooda.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Maxamed bin Salmaan oo la wareegay talada Sacuudiga

Riyadh (Caasimada Online) – Kasoo billow soo dhoweynta madaxda caalamka illaa qabashada shir-madaxeedyo goboleed, Dhaxal-Sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salman ayaa talada kala wareegaya aabihiis, wuxuuna noqday boqorka aan la boqrin ee Sacuudi Carabiya.

Ayada oo ay sii kordhayaan walaacyada laga qabo caafimaadka boqor Salman oo ku dhowaad 86 jir ah, Amiir Maxamed bin Salman oo 36 jir ah ayaa la waraagay taladii madaxtooyada, ayada oo boqorka aan fagaare lagu arag muddo fog.

Inkasta oo Amiir Maxamed loo arkay hoggaamiyaha dadban ee Sacuudi Carabiya tan iyo markii uu noqday Dhaxal-Sugaha June 2017, ayaa saameyntiisa sii kordheysay waxay heerkii ugu sarreeyey usoo muuqatay dhowaan markii uu la kulmay madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron oo Riyadh yimid, sidoo kalena uu guddoomiyey shir madaxeedka Golaha Iskaashiga Khaliijka, Talaadadii.

Boqor Salman oo inta badan hoggaamin jiray shir sandeedkan, ayaan la arkin markan. 

“Fikradda ah in dhaxal-sugaha uu qaabilo madaxweynaha ama gudodomiye shir madaxdeed waxay dhacday oo kaliya marka uusan boqorka caafimaad qabin,” waxaa sidaas AFP u sheegtay Yasmine Farouk, oo ka tirsan Machadka Daraasaadka Nabadda ee Carnegie Endowment for International Peace.

“Waxa hadda cusub ayaa ah in qaranka iyo wabaahintuba ay aqbaleen awoodo is-garab socda, ama xitaa kaalin muhiim ah oo uu yeeshay dhaxal-sugaha xitaa ayada oo boqorka uu waajibaadkiisa gudanayo.”

Tan iyo markii uu dunida ka dillaacay cudurka COVID-19, Boqor Salman ayaa deganaa magaalada cusub ee Neom oo ku teedsan Badda Cas. 

Kulankii ugu dambeeyey ee uu hoggaamiye caalami ah kula yeesho Riyadh ayaa dhacay March 2020, markii uu la fariistay wasiirkii hore ee arrimaha dibedda UK Dominic Raab, halka safar dibadeedkiisii ugu dambeeyey uu ku tegay dalka Oman Janaayo 2020, si uu uga soo tacsiyeeyo geeridii Sultan Qaboos.

– Wejiga boqortooyada –

Amiir Maxamed bin Salman ayaa isku dayey inuu isu muujiyo mid u ololeeya Islaam qunyar socod ah, xitaa haddii sumcaddiisa ay dhaawac kasoo gaartay dilkii Jamaal Khaashuqji ee ka dhacay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul 2018.

Wuxuu haweenka u ogolaaday inay socon karaan ayaga oo aysan wehlin muxramkooda, ayna wadi karaan babauurta. Wuxuu sidoo kale ogolaaday in shineemooyin laga furo dalkaas, iyo arrimo kale oo horey aan loo ogoleyn.  

Dhaxal-sugaha ayaa Sacuudi Carabiya u furay dalxiisayaasha iyo maal-gashiga dibadeed, si uu u kala duwo ilaha dhaqaale ee dalkaas oo hadda intiisa badan ku tiirsan dhoofinta shidaalka. 

Waxa uu xitaa si ka badan aabihiis ugu muuqday inuu u furan yahay xiriirka Israel, isaga oo ogolaaday in diyaaradaheeda ganacsi ay dul maraan hawada Sacuudiga. 

Mas’uuliyiinta Sacuudiga ma aysan sheegin sababta Boqor Salman uusan u iman kulan madaxdeedkii Khaliijka ee Talaadada, gaar ahaan maadaama uu horraantii toddobaadka taleefishinka ka jeediyey khudbad uu kaga hadlayey miisaaniyadda dalka. 

Si kastaba, la-taliyaha dowladda Sacuudiga Cali Shihabi waxa uu sheegay in boqorka uu wanaagsan yahay balse uu taxaddarayey oo kaliya.

“Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay waxay xaqiijiyeen in boqorka uu caafimaadkiisa aad u wanaagsan yahay, uu jimcsi sameeyo maalin kasta, balse waa 86 jir aan jecleyn inuu xirto af-dabool, wuxuuna dabeecad u leeyahay inuu dadka gacan qaado oo uu salaamo, sidaas darteed waxaa la qaatay taxaddar dheeri ah oo dadweynaha looga fogeynayo,” ayuu Shihabi soo dhigay twitter-ka. 

– Xifaaltankii oo la xaaqay –

Ka hor kulan madaxdeedkii Golaha Iskaashiga Khaliijka, Maxamed Bin Salman wuxuu safar kusoo maray gobolka isaga oo lasoo kulmay madaxda dalalka ku jira golaha. 

“Go’aan kasta oo hadda ka dhaca xarunta boqortooyada waxaa loo maraa xafiiska dhaxal-sugaha,” waxaa sidaas AFP u sheegay diblomaasi reer galbeed oo codsaday inaan la magacaabin.

“Boqorka hadda iyo wixii ka dambeeya ma muuqdo…Maxamed bin Salman wixii hadda ka dambeeya sugi maayo inuu boqor noqdo, waa boqorka ku sugan madaxtooyada.” 

Marinka Maxamed bin Salman u marayo carshiga boqortooyada muddo waa uu caddaa, ayada oo aysan muuqan wax cabaqad ah kadib markii uu mid mid u siibay kuwii la xifaaltamayey.

“Ma jiro il mucaarad oo ka dhex muuqata gudaha iyo banaanka boqortooyada,” waxaa sidaas yiri Xuseen Ibish oo ah khabiir Bariga Dhexe oo fadhigiisu yahay Washington. 

“Maxamed bin Salman dhab ahaantii hadda sidii hore waa ka muuqdaa kana awood badan yahay.”

Xog: Shir hadda u socda Midowga Musharaxiinta, Rooble iyo Madax Goboleedyada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in caawa ay shirayaan Golaha Wadatashiga Qaran oo ka kooban R/Wasaare Rooble iyo madaxda dowlad goboleedyada iyo Golaha Midowga Musharaxiinta mucaaradka ah.

Shirka ayaa ku qabsoomaya aalada Zoom-ka, waxaana looga hadlayaa, sida aan xogta ku helnay, caqabadaha ka jira doorashada, gaar ahaan hufnaan la’aanta iyo sidii loo sixi lahaa madmadowga hareeyey doorashada Soomaaliya.

Golaha Midowga Musharaxiinta oo horay u soo saaray qoraal ay ku cadeeyeen qaladaadka ku jira doorashada ayaa caawa toos ugu gudbinaya Golaha Wadatashiga Qaran, mowqifkooda ku aadan doorashada socota oo ay horay u dalbadeen in la hakiyo.

Majirto cid dheg jalaq u siisay dalabkii hore ee Midowga Musharaxiinta oo ahaa in la hakiyo doorashooyinka dalka, maadaama uu ku socdo boob xoog leh.

Golaha Wadatashiga Qaranka oo Ra’iisul Wasaare Rooble uu  hoggaamiyo ayey musharaxiintu caawa toos uga dalbanayaan inay qaadaan tallaabooyin wax ku ool ah oo lagu saxayo boobka ku socda doorashada dalka, sida ay noo xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa horay u balanqaaday in cabashooyinka ka yimid doorashada uu wax qabayo, balse illaa hadda ma jirto hal tallaabo oo uu qaaday, si wax looga bedelo hanaankaan kalsoonidii musharaxiinta lumiyey doorashadu ku bilaabatay.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Axmed Madoobe iyo Lafta-gareen oo mowqif wadajir ah kasoo saaray doorashada

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweyne goboleedyada Jubaland iyo Koonfur Galbeed Axmed Madoobe iyo Cabdicasiis Lafta-gareen oo kulamo ku yeeshay magaalada Kismaayo ayaa caddeeyey mowqifkooda ku aadan doorashooyinka dalka, waxayna sheegeen inay doonayaan inay sii socdaan.

“Madaxdu waxay isla garwaaqsadeen in qabsoomidda, dardargelinta iyo dhameystirka doorasho daahfuran ay xal u tahay horumarka iyo badbaadada dalka,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ay soo saareen.

Go’aanka ay soo saareen labada madaxweyne goboleed ayaa dhabar-jab weyn ku ah Midowga Musharaxiinta mucaaradka oo dalbaday in la hakiyo doorashooyinka golaha shacabka oo ay sheegeen in la boobayo.

Midowga Musharaxiinta Mucaaradka ayaa u muuqda inay ku kali noqdeen ololaha ay ku doonayaan in doorashada lagu hakiyo, waxaana xitaa dalabkooda diiday madax goboleedyadii la rumeysnaa inay isku dhow yihiin, sida Axmed Madoobe.

Mowqifka Axmed Madoobe ayaan la-yaab laheyn, maadaama uu goor horeba soo saaray liiska 14 kursi oo ka mid ah Golaha Shacabka oo Jubaland ay dhowaan qabaneyso doorashadooda, halka Lafta-gareen uu goor horeba billaabay doorashada Golaha Shacabka.

Sidoo kale, ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa horey ugu gacan seeray dalabka mucaaradka ee ah in doorashooyinka la hakiyo.

Iska daa banaanka kore’e xitaa xubno ka mid ah Mucaaradka sida guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Shariif Sheekh Axmed ayaa la rumeysan yahay inuusan raali ka aheyn in la hakiyo doorashooyinka, inkasta oo lagu xamanayo inuu ku xirtay Farmaajo iyo Fahad.

Ma cadda sida ay xaaladda ku dambeyn doonto, hase yeeshee waxaa muuqata in Soomaaliya aysan marnaba ka dhici doonin doorasho daah-furan, waxaana furan kaliya laba ikhtiyaar oo kala ah; in sidan doorashada lagu aqbalo iyo in dalka uu galo dagaal.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Qorshe uu keenay Cumar Cabdirashiid kala fogeeyey Deni iyo Axmed Madoobe iyo Midowga Musharaxiinta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Madoobe waxay u muuqdaan inay si weyn uga sii fogaanayaan xubnaha Midowga Musharaxiinta Mucaaradka.

Labadaan hoggaamiye goboleed waxay waqti dheer is hayeen madaxweyne Farmaajo, colaadda danta gaarka ah ku dhisan ee iyaga iyo Farmaajo u dhaxeysa ayaa keentay in mucaaradka midoobay helaan Laba maamul Goboleed oo xagga aragtida ay isaga dhow yihiin, gaar ahaan aragtida laga qabo nidaamka Madaxweyne Farmaajo.

Maalmo badan dano ayaa isaga dhex jiray mucaaradka iyo Labadaas Maamul Goboleed, laakiin tan iyo markii uu dilaacay damaca Saciid Cabdullaahi Deni ee ku wajahan Villa Somalia cilaaqaadkooda ma uusan fiicneyn.

Mucaaradka midoobay waxaa u muuqda inuu Deni rabo inuu kaligiis qaato mirihii dagaalkii sanadaha soo socday, balse sidaas oo ay tahay weli waxaa jiray waxyaabo laga wada shaqeyn jiray oo ay ugu muhiimsaneyd in la saxo hannaanka doorashada dalka.

Todobaadkii hore waxaa Muqdisho kusoo laabtay Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo Laba jeer Ra’iisul Wasaare kasoo noqday dalka. Cumar oo loo arko siyaasi xasiloon oo mar walba qaba aragtida is aqbalaada fudud ayaa la yimid dood ah Farmaajo iyo mucaaradka midna gacanta waxba uguma jiraan ee sidee awoodiina usoo ceshan kartaan.

Cumar Cabdirashiid iyo Saciid Cabdullaahi Deni waxaa dhex yaala loolan culus iyadoo uu Saciid Deni kursigii Aqalka Sare ee Cumar siiyey qof uu aaminsan yahay inuu berri cod siin doono.

Midowga musharixiinta mucaaradka iyo Cumar Cabdirashiid ayaa deg deg isku qaatay, waxay billaabeen inay ka talo-galiyaan doodaha horyaalla iyo sida arrimaha cakiran loo xallin karo.

Kusoo biiristii Cumar ee Midowga Musharaxiinta waxay si weyn usii kala fogeysay Saciid Deni iyo xubaha midoobay ee mucaaradka. Sidoo kale waxaa la sheegay in dooda Cumar ee ah Farmaajo iyo mucaaradka ha is-aqbalaan lagana fakaro 2 sano oo awood wadaag ah haddii maamulada sidaan kusii wadaan doorashada, ayaa iyadana la sheegay inay Axmed Madoobe xiradii kasii saartay.

In Farmaajo sii joogo Villa Somalia oo uu la heshiiyo mucaaradka Xamar ku sugan waxay Axmed Madoobe u tahay geeri siyaasadeed.

Deni iyo Madoobe hadda mucaaradka waa ay ka xarig furteen, midkood Cumar Cabdirashiid ayuu si shakhsi ah u diidan yahay waana Saciid Deni, midna wuxuu ka walaacsan yahay qorshaha uu wado ee isku soo dhaweynayo Farmaajo iyo Mucaaradka.

Axmed Madoobe wuxuu diiday inuu sugo inta wax laga qabanayo cabashada ay mucaaradka ka keeneen doorashada, wuxuuna soo tuuray 14 kursi oo Golaha Shacabka ah. Sidoo kale Saciid Deni ayaa la sugayaa inuu isagana sidaas oo kale sameeyo marka uu iska xaliyo dhibaatada ka heysata magaalada Boosaaso.

Dhinacyadii shalay isku danta ahaa maanta daris ma ahan. Doodda uu Cumar Cabdirashiid la yimid ee ah inay Farmaajo iyo mucaaradka u fakaraan si ka duwan sidii hore waxay dili kartaa aragtida awood maroorsiga ah ee madaxda gobollada.

Kooxaha labada dhinac ee mashruucaan u riyaaqsan ayaa xoojiyey shaqadooda dhowrkii Maalmood ee lasoo dhaafay. Madaxweyne Farmaajo waxaa la sheegay inuusan aad ugu qanacsaneyn doorashadaan boobka ah uuna ka walaacsan yahay inay aqoonsi heli karto doorasho noocaan, balse waxaa laga soo wariyey in haddii uu xal kale keeno xataa inuu aaminsan yahay inay mucaaradka diidi doonaan.

Hadda aragtida ka timid dhanka Cumar Cabdirashiid labadaba kama didsana, balse madaxda Gobolada kuma qanacsana inay is fahmaan Farmaajo iyo mucaaradka taasoo xitaa keeni karta in doorashadaan boobka ah cod wadajir ah lagu laalo.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Arrinta kala qeybisay xubnaha Midowga Musharaxiinta Mucaaradka oo la shaaciyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ahna musharax u taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya oo wareysi siiyey telefishanka Universal ayaa markii u horeysay ka hadlay dooda kala qeybisay Midowga Musharaxiinta Mucaaridka.

Cabdiraxmaan ayaa qiray in Midowga Musharaxiinta ay ku kala qeybsameen doorashada socota, oo qaarkood ay rabaan in la hakiyo, halka kuwa kalena ay rabaan in doorashada ay sii socoto oo la saxo qaladaadka ka jira oo keliya.

“Midowga Musharaxiinta waa dhici kartaa, kuwa kale oo banaanka ka jira waa dhici karta oo leh doorashada ha socoto. Waxaa jirra dad u haysta Ninkaan (Farmaajo) aan geyno teendhada koley ku guuleysan maayo, anagana doodeena waxay tahay anaga oo badan mushkilad asaga ka weyn oo haysata dalka majirto,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Sidoo kale waxa uu sheegay in madaxda dowlad goboleedyada ay ku heshiiyeen boobka kuraastaas, kuwaasi oo qaarkood u shaqeynayaan Farmaajo, halka kuwa kalena ay musharaxiin yihiin laftigooda, sida uu sheegay.

“Qalalaase ama rabsho ayuu sameyna ninkaas (Farmaajo), ama natiijada doorasho kasta ayuu diidi doona. Ciidamadaasna (kuwii laga soo celiyay Eritrea) waxa uu rabaa in uu xoog ugu qabsado dalka.”

Hadalkan ayaa imanaya xilli ay maalmihii dambe soo baxayeen kala qeybsanaan midowga musharaxiinta dhexdooda ah, taasi oo ku aadan go’aamada qaar ee ay goluhu soo saareen ee ku aadan doorashada socota ee dalka.

Xisbiga Mucaaradka ee Himilo Qaran, islamarkaana uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa hore u shaaciyey in aysan marnaba raalli ka aheyn doorashada boobka ah, balse haddii la saxo qaladaadka ka jira hannaankeeda ay soo dhoweynayaan inay sii socoto doorashada.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Xog: Farmaajo oo madax goboleedyada raacsan amray inay hakiyaan doorashada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku amray madax goboleedyada taabacsan inay hakiyaan doorashada golaha shacabka, sida ay ilo-wareeedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor iyo kan Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen oo aad ugu dhow Farmaajo ayaa maamul goboleedyadoodu yihiin kuwa kaliya ee illaa hadda qabtay doorashada kuraas ka mid ah golaha shacabka, hase yeeshee waxay kala kulmeen fadeexad iyo cambaareyn weyn kadib markii ay shaqsiyaad ay ayaga wataan iyo kuwa ka socda dhanka Farmaajo u boobeen kuraasta.

Si kastaba, madaxweyne Farmaajo ayaa hadda u sheegay inaysan qaban doorashada kuraas kale illaa inta ay Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ka qabanayaan doorashada dhowr kursi oo ka mid ah golaha shacabka.

Qorshahan, oo ah xeelad siyaasadeed, ayaa sida ay ogaatay Caasimada Online, waxa uu Farmaajo uga dan leeyahay inuu bulshada tuso sida ay Axmed Madoobe iyo Deni u maareyn doonaan doorashada, ayada oo aad loo rumeysan yahay inay boobi doonaan kuraas badan si la mid ah Qoor Qoor iyo Lafta-gareen.

Madaxweynaha ayaa doonaya inuu muujiyo inaysan jirin doorasho uu isaga boobayo balse ay dhibataadu tahay madax goboleedyada, ayna ka siman yihiin kuwa isaga raacsan iyo kuwa kasoo horjeeda.

Farmaajo ayaa hadda aaminsan in go’aankii uu maamulka doorashada ugu wareejiyey Rooble uu ahaa mid ka miro-dhal badan intii uu filayey, sababtoo ah; wuxuu si xooggan saameyn ugu leeyahay doorashada, sidaa oo ay tahayna, ma jirto cid ku eedey karta inuu boobayo maadaama Rooble iyo madax-goboleedyada ay mas’uul ka yihiin maamulka doorashada.

Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada oo aad ugu xiran Villa Somalia ayaa shalay meel-mariyey kursigii muranka dhaliyey ee HOP67 oo uu ku guuleystay taliyaha ku-meel gaarka ah ee NISA Yaasiin Farey, oo uu watay Farmaajo, waxaana la rumeysan yahay inuu bilow u yahay kuraas badan oo loo boobi doono xulafada madaxweynaha.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Rooble ‘oo shir ugu yeeray’ madax goboleedyada dalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, oo ka hadlay kulan ka dhacay Jabuuti, ayaa xaqiijiyey inuu shir isugu yeeray Golaha Wadatashiga Qaran oo ka kooban isaga iyo madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya.

Rooble ayaa sheegay in shirkan looga arrinsanayo xoojinta daah-furnaanta doorashada dalka oo ay hareeyeen eedo la xiriira musuq-maasuq iyo boob, ayna Golaha Midowga Musharaxiinta dalbadeen in la hakiyo.

Rooble ma shaacin xilliga uu dhacayo shirkan, hase yeeshee waxaa la rumeysan yahay inuu dhici doono tododbaadka soo socda gudihiisa, haddii ay wada aqbalaan madaxda maamul goboleedyada.

Wararka qaar ayaa sheegaya in shirkan ay diidan yihii qaar ka mid ah madax goboleedyada, gaar ahaan Axmed Qoor Qoor iyo Cabdicasiis Lafta-gareen, oo si aad ah ugu xiran madaxtooyada Soomaaliya, inkasta oo cadaadis lagu saarayo inay aqbalaan.

Dhinaca kale, Rooble ayaa iska fogeeyay eedaha la xiriira inuu dhegaha ka fureystay oo uu ka aamusan yahay cabashada laga qabo doorashada iyo inay wax iska beddeleen mowqifkiisii ku aadanaa qabashada doorasho hufan oo lagu kalsoon yahay.

“Waxaa la isweydiinayaa ra’iisal wasaaruhu muxuu la aamusan yahay? tallow waddamaduu tagay miyaa dhabarka kasoo taabtay. Wax kale lama aamusini, waxaan ahay dherigii saddexda dhadhaab u dhaxeeyay, hadday tahay madaxda dowlad goboleedyada, musharraxiinta iyo xafiiska madaxweynaha,” ayuu yiri Rooble.

Rooble wuxuu sheegay in aanay jirin cid dhabarka kasoo taabatay, isagoo sheegay in si hufan doorashada loo qabanayo, wuxuuna ku baaqay in laga wada shaqeeyo sidii doorashadu ku noqon lahayd mid lagu kalsoon yahay.

Rooble ayaa la rumeysan yahay inuu mowqif ahaan isbeddelay kuna biiray xeendaabka Farmaajo wixii ka dambeeyey safarkii uu bishii October ku tegay dalka Qatar, halkaasi oo wararka ay sheegayaan in Doha ay ku amartay inuu la shaqeeyo Farmaajo, islamarkaana lacag malaayin dollar ah uu kusoo qaatay.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Khilaafkii ka taagnaa Masjidka Soomaalida Amsterdam oo Maxkamad gaaray + Video

0

Amsterdam (Caasimada Online) – Khilaaf muddo ku dhow hal sanno u dhexeeyay guddiga maamula masjidka Quba, oo ah masjid weyn oo ay Soomaalidu ku leedahay Magaalada Amsterdam ee waddanka Nederland ayaa gaaray heer maxkamadeed.

Khilaafkani wuxuu u dhexeeyay Shiikh Suldaan Gasle oo guddoomiye u ahaa guddiga maamula masjidka, ahaana imaamkii masjidka oo dhinac ah iyo xubnaha kale ee guddiga oo kala ahaa Shiikh Ibraahim iyo Guuleed Wayrax oo dhinaca kale ah, waxaanna ku fikir ah Shiikh Ibraahim iyo Guuleed dhammaan xubnaha kale ee maamulka iyo howlwadeenada masaajidka.

Marxaladaha khilaafku soo maray waxaa ka mid ah; In khilaafka ay ku soo baxeen dhowr guddi, balse wax xal ah laga gaari waayay.

Shiikh Ibraahim iyo  Guuleed Wayrax ayaa 14-kii September xilli habeenimo ah Shiikh Suldaan qolka uu ka daganaa dhismaha masjidka ugu geeyay warqad, kuna wargeliyay in  subaxnimada uu masjidka ka baxo. Shiikhu wuxuu farriintii la wadaagay qaar ka mid ah Jaaliyadaha Soomaalida, iyada oo isla subaxnimadii ay soo dhoobteen afaafka hore ee masjidka dad isugu jiray rag iyo dumar, oo u arkayay in ay xaqdarro tahay ceyrinta Shiikha.

Isla maalinkaa waxaa masjidka soo gaaray ciidamo boolis ah, waxayna la kulmeen saddexdii xubnood ee Guddiga, kaddib na Shiikh Suldaan waxaa amar lagu siiyay inuu masjidka isaga tago.

Khilaafkan, oo maalin ba maalinta ka dambeysay sii xoogeysanayay wuxuu gaaray in Maxkamad la iska dacweeyo.

Maxkamadda, waxaa dacwada geeyey Shiikh Suldaan, isaga oo ku eedeeyay labada xubnood ee guddiga kala tirsanaa [Shiikh Ibraahim iyo Guuleed Wayrax], in ay xadgudub iyo masabid ku sameeyeen.

Muuqaal Video ah oo ay iska soo duubeen ragga masjidka ku haray ayeey ku sheegeen in Shiikh Suldaan dacwadii uu geeyay maxkamadda inuu masjidka ka  dalbaday magdhow, maxkamaddana uu weydiistay inta xal laga gaarayo dacwadan in masjidka lagu wareejiyo gacan 3aad.

Shiikh  Suldaan, inkastuu qiray inuu dacwada isagu geeyay maxkamadda, haddana wuxuu wax kama jiraan ku tilmaamay inuu masjidka dacwad ka geeyay, isaga oo ku celceliyay in dacwadiisu ay ku jiheysan tahay labada xubnood ee kala ah Shiikh Ibraahim iyo Guuleed Weyrax oo uu sheegay in ay meel kaga dhaceen cirdigiisa.

Maxkamadda ayaa ka fikireysa go’aanka ay ka qaadaneyso dacwaddan, waxaanna suurtagal ah in dhinac saddexaad lagu wareejiyo maamulka masjidka inta labada dhinac arrintooda xal laga gaarayo.

Culumaa’udiin ay ka mid yihiin Sheekh Maxamuud Maxamed Shibili iyo Dr. Cumar Weheliya ayaa Shiikh Suldaan ka dalbaday in isagu maadamaa uu diin xambaarsan yahay, dadka uu khilaafku kala dhexeeyana ay yihiin ardaydiisii iyo dhalinyaradii uu diinta soo baray inuu ka roonaado.

W/Q: Cabdishakuur Cilmi Xasan 
Amsterdam, Netherlands 

Dalxiise Soomaali ah oo laga helay xanuunka cusub ee halista ah ee OMICRON

Hyderabad (Caasimada Online) – Dalxiise Soomaali ah ayaa laga helay nooca cusub COVID-19 ee Omicron, ka dib markii uu gaaray magaalada Hyderabad ee dalka India.

Agaasimaha Caafimaadka ee Gobolka Telangana, G. Srinivasa Rao ayaa sheegay 23 jir ka soo safray Somaliya iyo gabar 24 jir ah oo ka timid dalka Kenya in labadaba laga helay xanuunka.

Agaasimaha oo Arbacadii shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Hyderabad ee Xarunta Gobolka Telangana ayaa sheegay in dheecaankii laga qaaday labadaasi qof oo loo diray shaybaarka lagu ogaaday in xanuunku qabaan.

“Sambalooyinkooda waxaa loo diray shaybaarka, si loo kala saaro in xanuunku qabaan iyo in kale, labadaba waxaa la ogaaday inay qabaan Omicron, waxayse leeyihiin astaamo fudud,” ayuu yiri Agaasimuhu.

Labaduba waxay Hyderabad gaareen 12-kii bishan, ka dib markii ay transit ku soo kala mareen Magaalooyinka Abu Dhabi iyo Doha. Markii dheecaanka laga qaaday ayaa la sheegay in loo ogolaaday inay magaalada galaan, saddex maalmood ka dibse markii natiijada baaritaankooda la helay in dib looga soo qabtay nawaaxiga xaafadda Toli Chowki ee magaaladaasi.

G. Srinivasa Rao ayaa sheegaya in ajaaniinta degan Toli Chowki laga wada baari doono COVID-19, isagoona yiri “Dhammaan muwaadiniinta ajnabiga ah ee degan aaggaas waxaa laga baari doonnaa COVID-19.”

Ninkan dhallinyarada ah ayaa noqonaya Soomaaligii ugu horeeyay ee laga helo nooca cusub ee COVID-19, illaa iyo hadda inta laga warqabo.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Al-Shabaab oo weerar culus oo dhimasho leh ka fuliyey dalka Kenya + Khasaaraha

Mandheera (Caasimada Online) – Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegtay inay weerar dhimasho leh ka fulisay gobolka Mandheera ee Waqooyi Bari Kenya, kaasi oo lala beegsaday ciidamada dalkaas.

Weerarka ayaa ka dhacay inta u dhaxaysa tuulooyinka Sarmaan iyo Dhaaydhaay oo hoostaga degmada Ramo ee gobolka Mandheera, sida ay Al-Shabaab ku sheegeen qoraal lagu baahiyey warbaahintooda.

Waxaa halkaas uu dagaal xooggan ku dhex-maray ciidamada booliska Kenya iyo dagaalyahannada Al-Shabaab.

“Natiijada dagaalka ayaa noqotay in la jabiyo ciidanka Kenya ayna ka cararaan meydadka saddex askari sidoo kalana lagala wareego saanad hub ah,” ayaa lagu yiri war ay baahisay Idaacadda Andalus ee ku hadasha afka Al-Shabaab.

Weerarka kadib ayaa lagu waramay in diyaaradaha dagaalka Kenya ay fuliyeen duqeymo lala damacsanaa dagaal-yahanada Al-Shabaab, balse waxaa sida la sheegay lala beegsaday xoolo u badan lo’.

Al-Shabaab ayaa sidoo kale sheegatay in ciidankooda ay dagaal culus kula galeen ciidanka Kenya tuulada Darbo-cadaado ee isla gobolka Mandheera, kadib markii Al-Shabaab ay dhexda u galeen ciidan Kenyaan ah oo 10 Mooto ku roondeynayay si ay xaaladda wadada u qiimeystaan.

Warbaahinta Kenya ayaa xaqiijisay jiritaanka weerarkan hase yeeshee faah-faahin badan lagama bixin khasaaraha ka dhashay.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Aqriso: 5 qodob oo laga soo saaray kulamadii Axmed Madoobe iyo Lafta-gareen

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Kulamadii ay magaalada Kismaayo ku yeesheen madaxweyne goboleedyada Jubaland iyo Koonfur Galbeed Axmed Madoobe iyo Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa laga soo saaray war-murtiyeed ka kooban shan qodob. Hoos ka aqriso. 

WAR-MURTIYEED
Kismaayo, 17, Diseembar, 2021.

Madaxweynaha Dowladda Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xassan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa booqasho rasmi ah oo qaadatey muddo laba maalmood ku yimid Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Dowladda Jubaland. 

Shirar iyo wadatashiyo ay yeesheen madaxweynaha Dowladda KG yo Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaan ayaa lagaga hadlay iskaashiga labada Dowladood iyo xaalada guud ee Dalka.

Shirarkaan ayaa waxaa si qoto-dheer loogu falanqeeyey Abaaraha, Aminiga, Horumarinta Dhaqaalaha, Ganacsiga, Isdhexgalka Bulshada, Xoojinta Hannaanka Federaal-ka iyo dardar-galinta Doorashooyinka.

Hadaba falanqeyn yo wadtashiyo dheer kaddib, waxay Madaxda labada Dowladdood islaqaateen qodabadan hoos ku xusan.

1.) Abaaraha:  waxay Madaxdu walaac ka muujiyeen Abaaraha baahsan ee saameeyey guud ahaan Dalka, gaar ahaan Shacabka labada Dowladdood iyagoo ku baaqey in gurmad degdeg ah o bani’aadanimo lala soo gaaro Shacabka ay Abaartu saameeysey. iyadoo ay ka mahadceliyeen dadaalada had socda.

2.) Amiga:  In la iska kaashado guud ahaan amniga iyo xasiloonida, la dagaalanka argagixisada yo isweydaarsiga ogaha amniga.

3. Horumarinta dhaqaalaha, Ganacsiga yo Isdhexgalka Bulshada: Iyadoo la tixgelinayo xiriirka dhagan iyo kan dhaqaale ee ka dhexeeya labada Shacab wax ay Madaxdu isla qaateen in la dhiirigaliyo lana xoojiyo ganacsiga labada Dowladood, sidoo kalena la iska kaashado horumarinta wax soo saarka sida Beeraha, Xoolaha yo Kaluumeysiga.

4. Xoojinta Hannaanka Federaal-ka: Madaxdu wax ay isla qaateen in ay kawada shaqeeyaan horumarinta iyo taabagelinta hannanka federaal-ka iyagoo kala kaashan doono Dowladdaha kale ee Xubinta ka ah Dowladda Federaalka & DFS.

5. Doorashooyinka: Madaxdu waxay  isla garwaaqsadeen in qabsoomidda, dardargelinta iyo  dhameystirka doorasho daahfuran ay xal u tahay horumarka iyo badbaadada dalka.

DHAMMAAAD

Doorashada kuraas ka mid ah Golaha Shacabka oo berri lagu qabanayo Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Afar kamid ah kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay gobolada Waqooyiga (Somaliland) ayaa maalinta berri ah lagu qabanayaa magaalada Muqdisho, sida ay shaaciyeen Guddiga doorashooyinka Somaliland.

Guddiga ayaa qoraal ay soo saareen waxay ku soo bandhigeen liiska kuraasta maalinta berrito oo Sabti ah lagu dooranayo Muqdisho, kuwaasi oo kala ah HOP#262, HOP#229, HOP#254 iyo HOP#255.

Kuraastaas ayaa waxa hore ugu fadhiyey Xildhibaan Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan (HOP262), Xildhibaan Cabdullaahi Cismaan Ducaale (HOP229), Xildhibaan Jaamac Maxamed Askar (HOP254) iyo Xildhibaan Axmed Maxamuud Maxamed (HOP255).

Waxay ku booriyeen guddigu inay illaa maanta isasoo diiwaan-galiyaan goob-joogayaasha iyo warbaahinta daneynayas inay soo xaadiraan doorashada kuraastas ee maalinta berri ah ka dhaceysa Muqdisho.

Guddiga ayaa shalay soo geba-gabeeyay diiwaan-gelinta musharixiinta u tartamaya kuraastaas, xilli ay dood adag ka taagan tahay hanaanka ay ku socoto doorashada Golaha Shacabka.

Doorashada Golaha Shacabka ayaa weli sii socota, ayada oo qaadaceen Midowga Musharaxiinta, oo ku tilmaamay inay tahay mid ku dhisan boob, islamarkaana ay dalbadeen in la hakiyo doorashada, si loo saxo qaladaadka ka jirra.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Maxay tahay sababta ay xaaska wasiir Jamaal weerar shaqsi ah ugu qaaday Yabarow?

0

Hodan Cusmaan oo ah xaaska wasiirka qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa weerar shaqsi ah ku qaaday madaxa laanta Af-Soomaaliga VOA Cabdiraxmaan Yabarow intuu uu socda shirka Madasha Aragti Wadaagga ee Heritage ay ku qabatay Jabuuti. 

Shirkaas oo socday 13-kii illaa15-ki bishaan December, ayaa dadkii ka qeybgalay ay ahaayeen aqoonyahanki Soomaalida Geeska Afrika iyo kuwa qurba-jooga intaba. Waxaa kale oo joogay siyaasiyiin iyo waxgarad kale oo Soomaali ah. 

Doodihi maalinta 1-aad, dadki ka qeybgalay waxaa ku jiray Wasiirka Qorsheynta Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Jamal Maxamed Xasan, kaasoo oo hadalki uu madasha ka jeediyay kusoo qaaday arrimo ay ka mid yihiin in waddanka Soomaaliya uu hadda marayo marxaladdi ugu wanaagsaneyd.

Dadki wasiirka su’aalaha weydiiyay ayaa waxaa ku jiray, Cabdiraxman Yabarow, oo ah madaxa laanta Af-Soomaaliga VOA. Aan si toos ah u soo qaato sida uu Cabdiraxman Su’aasha u dhigay.

Cabdiraxman, inta uusan su’aasha tuurin, wuxuu ku billowday afeef uu si cad ugu muujiay in waxa uu sheegayo aysan shaqo ku laheyn VOA, ee uu fikirkiisa shakhsiyadeed cabbirayo.

Wuxuu yiri: “Asalamu Calaykum, Magacaygu waa Cabdiraxman Yabarow, waxaan ka tirsanahay asxaabta ka shaqeysa VOA. Waxaan doonayaa inaan marka koowaad aan halkaan ka xaqiijiyo, in su’aasha aan jeedinayo iyo fikirka aan dhiibanayo uusan midna shaqo ku laheyn VOA. Maadaama shakhsi aan la ii soo marti qaaday, waxaad u ogaataan in waxa aan sheegayo aysan VOA shaqo ku laheyn.

Su’aasha uu wasiir Jamal weydiiyay waxay aheyd sidaa: “Waxaan rabaa tan ugu horreyso inaan faallo ka dhigo, kaddibna aan su’aal mid ama laba aan tuurto. Midda wasiir Jamal oo aan u maleynayo, dadka qaarna ay ku raaceen oo aheyd Soomaaliya maanta meel ay ka wanaagsantahay ma jirto la leeyahay… (Marka uu halkaasi marsiinayo ayuu erayo yar oo ingiriis ah oo laakin xushmadi ku dheehantahay yiri. Aan Soomaali ka dhigo erayadaas.)  Wuxuu yiri: “Aniga oo daacad u hadlaya xushmeynayana, boqolkiiba boqol kuma raacsani. Kasaxafi ahaan aniga oo madax bannaan, maanta waxa Soomaaliya ka jiro waxaan leeyahay Ilaaheey ha u kaalmeeyo, dhibaatooyinka Soomaaliya ka jiro iyo ififaalaha waliba xilli lagu jiro doorashada. Wasiir Jamal kuma eedeynayo maadaama uu Dowladda ku jiro.” 

Su’aasha kale toos ayay ugu socotay madaxda Soomaalida ee gobolka oo dhan. Marka ma rabo inaan soo qaato waayo mowduucaan ayay ka baxsantahay.

Markaa, maxay aheyd jawaabti lama filaanka aheyd ee kasoo baxday Dr. Hodan Cusman oo ah xaaska Wasiir Jamal. Waxay Hodon sheegtay inay rabto in ay saddex faallo kusoo koobto hadalkeeda. Waxayba ku billowday dagaal, iyada oo dhahday waa inaan kala saarnaa dhaleeceynta wax dhiseyso iyo naqdiga tooska ah ee ujeedkeedu tahay “kuma jecli”. Waxay kaloo sheegtay in kulanka intiisa badan dadki ka hadlay ay ahaayeen kuwo fikradaha dadka qaar kasoo horjeeday, taasoo macnaheedu tahay siyaasaddaada iyo fikirkaada kama helin sidaasi daraadeed waa kaasoo horjeesanayaa. 

Intaas kuma ekeysan ee waxay si toos ah ugu boodday weerar aanan ka turjumeyn aqoonta ay sheeganeyso. Waxana ay weerartay Cabdiraxman Yabarow. Ogoow Yabarow waa tii uu sii afeeftay oo uu dhahay kuma hadlayo VOA ee waxaan ahay shakhsi caadi ah oo shirka lagu casuumay.

Hodan oo ay ka muuqato carro, fudeyd iyo ka fiirsasho la’aan ayaa sitoos ah u weerartay Yabarow, iyada oo ku sheegtay VOA mid mar walba dhanka xun ka eegto Soomaaliya. 

Masoo qaadan xaraf xar hadalka Hodon, waayo waxay ila tahay inaysan wanaagsaneyn in aan buun-buuninno haddalo gurracan oo meel ka dhac ah.

MAXAA IIGA BAXAY HADALKA HODAN?

Hodan, waxay muujisay ilbaxnimo xumo, qof aqoonyahanka ah ama ALLE uu wax uun ka fahansiiyay cilmigiisa, isuguma yeero tittle ama mansab. Sida Sheekh, Dr. Macallim, Wariye iyo wixi la mid ah. Dadka Aqoonta leh markay is magacaabayaan waxay dhahaan magacaygu waa Faduma, ama Cali ama wixi la mid ah, ee ma dhahaan waxaa lay dhahaa Dr. Hodan ama Dr. Faduma ama Dr.Cali. Waxaa kuu muuqanaya inaysan mutawaadic aheyn.

Waxaa kale oo si cad kuugu muuqanaya inay ka baxday mowduuca oo ay ka dhacsaneyd, sababtoo ah, Yabarow wuxuu ku hadlayay fikirkiisa shakhsiyadeed ee kumuusan hadli magaca VOA. Si toos ah oo jaahilnimo ku dheehantahay ayay VOA oo aan ognahay maalin kastana qof walba oo Soomaali ah ka helo xog rasmi ah oo aanan xaqiiqdii dhinacna la jirin, ayay xaaska Jamaal u weerartay. Runtii aad ayay ugu ceeboowday, iyada iyo odaygeeda. 

Waxaa kale oo igaga baxay inay rabto inay afka ka xirto saxaafadda xurta ah, iyada oo wadata maskaxda madax isku sheegga xilka ka dhamaaday ee caanka ku ah musuqa iyo cabburinta warbaahinta.

FIKIRKA SHUUCIYADDA IYO HODAN

Hodan sida ay iyaduba sheegato, waxay wax kusoo baratay Shiinaha. Waana halka ay iska heleen iyada iyo odaygeeda, wasiirka qorsheynta oo isna caan ku ah musuq-maasuqa, qabyaaladda iyo xishood-la’aanta.

Haddii aadan ogeyn, Shiinaha waa waddamada fara-ku-tiriska ah ee cabburiya dadkooda, kasoo horjeeda xorriyadda diinta iyo saxaafadda. Sida ku cad, warbixinta sanadlaha ah ee ururka u dooda xuquuqda saxaafadda ee CPJ, sannadkaan 2021-ka oo kaliyah Shiinaha waxaa lagu xiray 50 wariye. Waa dalka ugu badan. Wariyaashaasi waxaa ka mid ah gabadha la yiraahdo Zhang Zhan oo aheyd saxafiyaddi ugu horreysay ee shaaciso in Shiinaha ka billowday Coronaviruys.

Sidaas darteed maba aaminsana Hodan in la kala aragti duwanaan karo, waxayna rumeysan tahay in si buuxda loo taageero dowladda federaalka ee seygeeda uu xubinta ka yahay.

Yabarow dhankiisa wuxuu wax ku bartay Mareykanka, waxuuna aaminsan yahay aragti Mareykan oo ah in xoriyadda hadalka ay muqadas tahay, oo qofka uu si saliim ah u gudbin karo aragtidiisa. Tusaale, VOA oo uu ka tirsan yahay, islamarkaana oo ay maal-geliso dowladda Mareykanka waxaa xitaa lagu dhaliili karaa madaxweyne Joe Biden ayada oo aanay wax dhibaato ah ka taagneyn. 

Arrinta labaad ee Hodan ka careysiisay ayaa suurta-gal ah inay la xiriirto musuq-maasuqa horey loogu tuhmayey ayada iyo seygeeda. Hodan ayaa la rumeysan yahay inay ka dambeysay heshiiskii Shiinaha looga xaraashay inay sida ay doonaan uga kaluumeystaan badda Soomaaliya ayada oo laga qaaday lacag ka yar laba milyan oo dollar oo kaliya.

Heshiiskaas ayaa la rumeysan yahay in Hodan iyo Jamaal ay ku qaateen lacag aad uga badan midda loo diiwaan geliyey dowladda federaalka, balse la leexsaday, ayaga oo adeegsanaya xiriirka Hodan ee Shiinaha oo ay wax ku baratay. 

Sidaas darteed, aragti kasta oo u muuqata mid dhaliileysa dowladda federaalka waxay Hodan ka taabaneysaa meel hoose, ayada oo og lacagta ku maqan reerkeeda.

Si kasta oo ay ahaataba ceeb weyn ayey ku aheyd Heritage inay qoysas is wata ka casuunto shirkii Jabuuti, kadibna ogolaato xaaska wasiir inay u jawaabto mas’uuliyiin kale, halkii wasiirka uu isaga difaaci lahaa aragtidiisa.

Cabdirisaaq Maxamuud Axmed
Muqdisho, Soomaaliya 

Shirka Jabuuti oo na tusay wejiga dhabta ah ee Heritage

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Muddadii uu Farmaajo madaxweynaha ka ah ahaa Soomaaliya, Machadka Daraasaadka Siyaasadda ee Heritage ee Soomaaliya wuxuu soo saaray tobanaan warbixin oo uu ku dhaliilayo siyaasadaha iyo ficillada “kali-talisnimada u eg,” ee madaxweyne Farmaajo iyo halista ka dhallan karta.

Warbixintii ugu dambeysay ee Machadka uu soo saaray bishii November oo cinwaan looga dhigay “khataraha ka iman kara ku shubashada doorashada daban ee Soomaaliya,” waxba kama duwaneyn warbixinadii hore.

Waxaa lagu yiri “Inkasta oo ay doorashooyinka dadban ee Soomaaliya yihiin kuwo ka fog caddaaladda iyo xornimada, haddana labaatankii sano ee la soo dhaafay, waxa ka soo baxay natiijooyin ay si weyn ugu qanceen saammilayda siyaasadda iyo shacabka intooda badani. Sannadkan, dibudhaca xeeladaysan ee ay ku kaceen kuwa hoggaaminaya geeddi-socodka doorashooyinka, xildhibaannada aqalka sare ee madax ka taabashada lagu soo xushay, iyo heshiisyada iyaga uun u danaynaya ee ay gaadheen ayaa keenay natiijooyinka lagu muransan yahay iyo xasilooni darrada siyaasadeed ee dalka ka jirta. Si kale haddii aynnu u dhigno, haddii musuqmaasuqa iyo wax isdaba marinta ay siyaasiyiintu ku hayaan doorashada dadbani, ku sii socoto mid aan la hubin, waxa laga yaabaa in uu fashil ku danbeeyo mashruuca dawlad-dhiska Soomaaliya.”

Marka aad akhriso warbixintaas iyo kuwii ka horreeyey ee Machadka Heritage waxaa kuu muuqanaya inuu kaalin wanaagsan ka qaadanayo dowlad-dhiska iyo dimoqraadiyadda Soomaaliya, illaa inta aad ka ogaato in Machadka uu mar kasta sameynayo ficiillo ka duwan waxa uu ku hadlayo.

Shalay waxaa Jabuuti lagu soo geba-gebaayey Madasha Aragti Wadaagga Heritage oo sanad kasta Heritage ay ku qabato dalka Jabtuuti.

Jabuuti waxaa sanadkii tegay markii shanaad madaxweyne isku caleemo saaray Ismaaciil Cumar Geelle, oo dalkaas kali-talisnimo ku xukumaya in ka badan 21 sano.

Ismaaciil Cumar Geella marna ma ogolaan inay jabuuti ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah. Wuxuu diiday in lala tartmato. Wuxuu xabsi dhigay tobanaan siyaasiyiin mucaarad ah, wuxuuna dalka aan walaalaha nahay ka dhigay maqaayad u shidan hal nin iyo qoyskiisa kana oodan inta kale.

Heritage oo warbixinadeeda uga hadasha siyaasadda Soomaaliya iyo Geeska Afrika, marna warbixin kama aysan soo saarin Jabuuti. Kama aysan hadal kali-talisnimada Ismaaciil Cumar Geelle si la mid ah sida ay uga hadasho tan madaxweyne Farmaajo iyo dowladda federaalka.

Kaaga sii daran’e Heritage waxay sheegata, sida ku cad website-keeda inay u taagan tahay: Wargelinta siyaasad-dejinta qaranka iyada oo loo marayo xalal wax ku ool ah oo cusub si loo horumariyo nabad-dhisidda, dawlad-dhisidda iyo horumarinta dhaqan-dhaqaale ee Soomaaliya, iyo sare u qaadidda nabadda gobolka iyo horumarinta dhaqaalaha Geeska Afrika.

Hase yeeshee hay’addan iyo kuwa maamula waxay sanad kasta marti u yihiin madaxweyne kali-taliye ah, oo aan wax shaqo ah ku laheyn dowlad dhisid wanaagsan, kana soo horjeeda wax kasta oo Heritage ay u taagan tahay.

Sidaa darteed, ficillada Heritage ee ka duwan hadalladooda waxaan ku qeexi karnaa laba arrin midkooda.

1- In ay been iyo huu haa tahay waxa ay sheeganeyso Heritage oo aysan laheyn wax mabda’ iyo qiyam ah, oo ay tahay hay’ad loo dhisay mashruuc dhaqaale looga cuno reer galbeedka oo bixiya malaayiinta dollar ee ay hay’addan sanad kasta ku baxa.

2- Inay sanad kasta qeyb ka mid ah mabaadi’deeda uga iibsato Ismaaciil Cumar Geelle inuu ka daboolo casuumadda, marti-gelinta, hoteelka iyo kharashka uga baxa shir sanadeedkeeda, taa beddelkeedna aysan marnaba soo hadal-qaadin Ismaaciil Cumar Geelle iyo xukunkiisa kali-taliska ah.

Ma jiri karaan wax aan ka aheyn labadaas qodob oo ay Heritage maalin kasta Farmaajo ugu eedeyso kali-talisnimo, haddana u hoos fariisato kali-talis Farmaajo ka weyn. Sababtoo ah farqiga u dhaxeeya Farmaajo iyo Ismaaciil Cumar Geelle waa in Farmaajo looga cabsi qabo inuu noqdo kaligii-taliye, halka Ismaaciil Cumar Geelle uu mar horeba yahay kaligii taliye.

Marka xiga ee aad aragto warbixin kasoo baxday Heritage oo ka hadleysa dimoqraadiyad ama weerareysa Farmaajo, inta qososho kasii gudub.

W/Q: Cabdijabaar Maxamed Cabdullaahi
Muqdisho, Soomaaliya

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid.

Madaxweyne Farmaajo oo qaaday tallaabo banaanka u soo saartay khilaaf kala dhaxeeya madaxweyne dal

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta ka duulay magaalada Muqdisho, si uu dalka Turkiga uga qeyb-galo shirkii saddexaad ee u dhaxeeya Turkiga iyo Afrika, ayaa qaaday tallaabo banaanka u soo saartay khilaaf shaqsi ah oo kala dhaxeeya madaxweynaha Jabuuti, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Farmaajo ayaa ka baaqsaday in uu raaco diyaarada Turkish Airlines oo duulimaad toos ah ku tagta Istanbul, kadib markii uu ka war helay in diyaarada ay 45 daqiiqo ku hakaneyso garoonka diyaaradaha Jabuuti.

Waxay tallaabadan banaanka u soo saareysa in madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday uu khilaaf shaqsi ah uu kala dhaxeeyo Madaxweynaha Jabuuti, kaasi oo ka baxsan xiriirka diblumaasiyadeed ee labada dal.

Farmaajo ayaa Muqdisho ka raacay diyaarada Ethiopian Airlines oo sii mareysa Addis Ababa, halkaas oo caawa saq dhexe diyaarad kale oo Turkiga aadeysa ka sii raacayo.

Ehtiopia ayaa ah saaxiibka koowaad ee Soomaaliya, tan iyo markii uu hogaanka dalka qabtay Farmaajo.

Arrintan ayaa la yaab ku noqotay dad badan, ayada oo ay hoos u dhacday xiisadii diblumaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Jabuuti, islamarkaan uu dhawaan dalkaas shir uga qeyb-galay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Farmaajo ayaa inta badan lagu eedeya in danaha shaqsiga ah uga faa’iideysto arrimaha diblumaasiyadeed ee dalka, ayada oo kal hore uu isku maqiiqay xumeynta xiriirka Jabuuti, oo kal dambe dib loo hagaajiyay.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii