26.1 C
Mogadishu
Wednesday, July 1, 2026

Axmed Qoor Qoor wuxuu beesha Waceysle ‘ku qaaday dagaal karaamo dirir ah’

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Jeneraal Cabdiraxmaan Tuuryare oo ka mid ah musharaxiinta kursiga loo boobay Agaasimaha KMG ah ee NISA Yaasiin Farey ayaa talo iyo tusaalooyin culus u diray Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor, isagoo yiri, “Siyaasi la hadlaya siyaasi kale maanta maahi, waan kula dardaarmayaa walaalkeeyow.”

Cabdiraxmaan Tuuryare ayaa ugu horeyn Madaxweyne Qoor Qoor ku eedeeyey inuu beeshiisa Waceysle ku qaaday dagaal ‘karaamo dirir ah’ isagoo waxgaradka beesha Qoor Qoor ka codsaday inay arrinta soo faro-geliyaan oo aysan indhaha ka fiirsan sida uu wiilkoodu ula dhaqmayo beesha Waceysle.

“Qoor Qoor waxaad fursad u heshay inaad Galmudug xukunto, qaar ka mid ah beelaha Galmudug waxay maanta dareemayaan inaad go’aansatay inaad kuraastooda xoogto, Madaxweyne waxaad maanta heysataa jaanis aad isku saxdo, dad dhan ayaad dareensiisay in aysan muhiim u aheyn maamulkaaga,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Tuuryare.

Sidoo kale Jeneraal Tuuryare ayaa Madaxweyne Qoor Qoor kula taliyey in hadii uu la dagaashan yahay siyaasi ka dhashay beesha Waceysle uusan ku takri falin xuquuqda beesha ee dagaalku uu ku ekaado shakhsiga ay is hayaan.

“Qoor Qoor inaad masiirka bulsho dhan fududeysato oo aad deg deg go’aan uga gaarto oo dhaxal weyn reebi kara, oo wadajirka Galmudug iyo mustaqbalkaaga siyaasadeed cawaaqib xumo ku reebi kara, Madaxweyne waan kaaga digayaa arrintaas,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Tuuryare ayaa sheegay in kalsooni darro wayn ay gashay dadka reer Galmudug ee Qoor Qoor uu xukumo, “Dadka reer Galmudug waxaa galay shaki ah in mas’uuliyadda aad heyso aad u qalanto iyo in aadan u qalmin, waxaad maanta heysataa fursad ee kalsoonidaas soo celi,” ayuu yiri.

Waxa uu sheegay in Qoor Qoor uu beesha Wacaysle oo dhan uu ka doortay qof shakhsi ah oo kursi uu u boobay, sida uu hadalka u dhigay, “Carada iyo dhiilada ay beeshu ka qaadeyso tallaabadaa qaaday bal dib u fiiri, bal qiimey qofkaas waxa uu kuu tarayo iyo xumaanta beeshaas dhan kaaga soo hoyatay Madaxweyne,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Tuuryare.

Jeneraalka ayaa cida uu ka dhashay Madaxweyne Qoor Qoor waxa uu ka codsaday inay gacanta qabtaan, maadaama ay gaareyso ceebta uga soo hoyata wixii uu geysto.

“Dadku waa walaalo, Galmudug ayaa la isla leeyahay, madaxweynihii hadii uu ku cayaarayo qaar ka mid ah dadkii Galmudug, hadii garashada iyo mas’uuliyadiisu ay naga qaban weyso, hala helo ehel naga qabta, beeshaan cid masiirkeeda dhici karta ma jirto,” ayuu Cabdiraxmaan.

Jeneraal Tuuryare ayaa sidoo kale sheegay in waxa ay u dagaalamayaan hadii ay yihiin beesha Waceysle aysan aheyn kursi laga boobay oo kaliya, balse ay iska difaacayaan karamo dirro uu sheegay inuu kula kacay Madaxweyne Axmed Qoor Qoor.

Ugu dambeyntii Jeneraal Tuuryare ayaa golaha wadatashiga qaranka ka codsaday inay ka qabtaan Qoor Qoor, maadaama maalmaha soo socda ay ka shiriyaan sidii loo sixi lahaa qaladaadka ka dhacay doorashada dalka.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Bogga Jeneraal Odawaa ee FACEBOOK oo la jabsaday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Koox burcad dhanka Internet-ka ah ayaa la wareegtay maamulka Barta Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage uu ku leeyahay Facebook, sida ay ku warantay Wakaaladda Wararka Qaranka ee SONNA.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa shacabka Soomaaliyeed ku wargeliyay in la jabsaday bartiisii uu ku lahaa Facebook.

“Taliska Xoogga Dalka Soomaaliyeed wuxuu dhammaan bulshada Soomaaliyeed la socodsiinayaa in la jabsaday Page-ka uu Baraha Bulshada ku lahaa Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, General Odawa Yuusuf Raage,” ayaa lagu sheegay warka SONNA.

Warka ayaa lagu yiri “Talisku wuxuu hadda gacanta ku hayaa, sidii uu dib ugu soo celin lahaa maamulka bogga gaarka ah ee Taliyaha, Insha’Allah, marka dib loo soo celiyana dib ayaan idin kala soo wadaagi doonnaa.”

Shirkadda Fadebook ayaa Taliska Ciidanka Xoogga Dalka kala shaqayn doonto, sidii boggaasi dib loogu soo celin lahaa gacanta Taliska, haddii ciwaankan ay horey shirkadda u xaqiijisay, isla-markaana uu leeyahay calaamadda saxda ah ee buluugga.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii 

R/W ROOBLE oo kulamo ka bilaabay Baydhabo + Ujeedka

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo shalay gaaray magaalada Baydhabo ayaa maanta kulamo wada-tashi ah ka bilaabay gudaha magaaladaas oo xarun KMG u ah maamulka Koonfur Galbeed.

Rooble ayaa la kulmay saraakiisha laamaha ammaanka, isaga oo ka xog wareystay xaaladaha ammaan ee deegaanada maamulkaasi, gaar ahaan sidii go’doonka looga qaadi lahaa degmooyinka ay isku hareereeyeen xoogaga kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale waxa ay saraakiishu ra’iisul wasaaraha warbixin ka siiyeen xaaladaha ciidamada iyo daruufaha ay ka shaqeeyaan.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya inuu Rooble maanta la ballansan yahay odayaasha dhaqanka iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka Koonfur Galbeed oo uu kala hadli doono dardar gelinta doorashooyinka iyo xaaladaha bani’aadanimo ee ka dhashay abaaraha ka jira gudaha dalka.

Ra’iisul wasaaraha ayaa ujeedkiisa ugu weyn ee uu Baydhabo u tegay la xiriira ka qeyb-galka munaasabad lagu xusayo saddex sano guurada kasoo wareegtay doorashadii Cabdicasiis Lafta Gareen.

Dhinaca kale ammaanka Baydhabo ayaa aad loo adkeeyey, iyada oo wufuud kala duwan oo ay ku jiraan madax goboleedyada qaar ay ku wajahan yihiin gudaha magaaladaasi, sida ay innoo sheegeen ilo lagu kalsoon yahay.

Si kastaba, madaxda isugu tegi doonto Baydhabo ayaa sidoo kale la filayaa inay yeeshaan kulamo gaar gaar ah oo diiradda lagu saarayo xaaladda cakiran ee ka taagan doorashooyinka haatan ka socda dalka.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii 

Jaamac Maxamed Askar oo dib loogu doortay BF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Jaamac Maxamed Askar ayaa markale dib loogu doortay ka mid noqoshada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya, kadib doorasho maanta ka dhacday gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Askar ayaa ku guuleystay kursiga HOP254, kadib markii uu tanaasulay musharixii la tartamayey ee musharax Aadan Axmed Nuur.

Sida uu shaaciyey guddiga doorashada ee gobollada waqooyi Jaamac Maxamed Askar ayaa ku soo baxay 99 cod oo gacan taag ah, waxaana dib u doorashadiisa ka aamustay laba qof oo kaliya.

Sidoo kale doorashada ayaa haatan sii socota waxaana la guda-galay kuraasta xigta ee loo qorsheeyey in maanta lagu qabto Muqdisho.

Halkan hoose ka aqriso natiijada:-

Doorashada Gollaha Shacabka xildhibaanada gobolada waqooyi Somaliland.

Guddiga maamulka Doorashada kuraasta Gobolada waqooyi Somaliland ayaa maanta qabtay kursiga tirsigiisu yahay HOP#254 oo ay ku tartameen musharixiinta kala ah:

1. Musharax xildhibaan mudane Jaamac Maxamed Askar
2. Musharax xildhibaan Aadan Axmed Nuur Haybe

Musharax xildhibaan mudane Aadan Axmed Nuur ayaa ka tanaasulay tartanka Doorashada.

Natiijada Hordhaca ah waxa kusoo baxay kursiga tirsigiisu yahay HOP#254 mudane Jaamac Maxamed Askar oo helay 99 cod oo gacantaaga ah, codadka xumaaday 0, 2 qof ayaa ka aamusay.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Senate-ka Mareykanka oo ansixiyay in Larry Andre uu noqdo safiirka Soomaaliya

0

Washington (Caasimada Online) – Aqalka Senate-ka ee dalka Mareykanka ayaa ansixiyay in Ambassador Larry Andre uu noqdo safiirka cusub ee Mareykanka u qaabilsanaa doona Soomaaliya, isagoo bedelaya Danjire Donald Yamamoto oo bilihii u dambeeyey aan shaqeyn.

Larry Andre Safiirka cusub ee Mareykanku u soo magacaabay Soomaaliya ayaa horay u soo noqday Safiirkii Maraykanka u fadhi jiray dalka aan walaalaha nahay ee Djibouti.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa bartamihii bishii Abriil Ambassador Larry Andre si rasmi ah ugu magacaabay safiir cusub ee Mareykanka u fadhi doona Soomaaliya, isagoo xiligaas xilkii ka qaaday safiirka muddada dheer dalka u joogay ee Donald Yamamoto.

Madaxweyne Biden ayaa u xushay in safiirka Mareykanka ee Soomaaliya danjire Larry André Jr., oo ah rug caddaa muddo badan ka shaqeynayey diblomaasiyadda. André ayaa ka mid ahaa 9 safiir oo 16-kii Abriil uu magacaabay Joe Biden, kuwaas oo badankood loo magacaabay dalal African ah.

Ambassador Larry Andre mudadaas sugaayey inuu ansixiyo Aqalka Senate-ka Mareykanka, kahor inta uusan la wareegin xafiiska loo magacaabay.

André ayaa ahaa safiirka Mareykanka ee Jabuuti intii u dhaxeysay 20-kii November2017 illaa 20-kii January 2021, isagoo ka horna ahaa safiirkii Mareykanka ee Mauritania, muddadii u dhaxeysay sanadihii 2014-kii illaa 2017-kii.

Ambassador Larry Andre waa diblomaasi rug caddaa ah, oo diblomaasiyadda ka shaqeynayey tan iyo 1990-kii, wuxuuna kasoo shaqeeyey sagaal howlgal dibadeed oo badankood ah Afrika.

Dadka siyaasadda darsa ayaa rumeysan in magacaabista Larry André ay xilli xun ku imaneyso dowladda federaalka, maadaama uu yahay diblomaasi aaminsan dimoqraadiyadda iyo dhowrista xuquuqda aadanaha, oo cadaadis badan ay kala kulmi doonto.

Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashada oo ku gacan sayray xil ka-qaadistii Rooble

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnihii uu maanta Ra’iisul Wasaare Rooble ka saaray Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada ayaa soo saaray qoraal ay ku sheegeen in go’aanka Ra’iisul wasaaraha uu yahay mid sharci darro ah, isla markaasna baal marsan heshiiska doorashooyinka dalka.

Qoraalka ka soo baxay xubnaha la eryey oo uu ku jiro guddoomiyihii guddiga ayaa ka kooban afar qodob, waxaana lagu yiri, “Guddiga xalinta khilaafaadka doorashada dadban ee 2021 waxuu cadeynayaa:”

1 – Inuu aad uga xunyahay warqadda maanta ka soo baxday xafiiska ra’iisul wasaaraha ee u jeedkeedu ahaa xil ka qaadista guddoomiyaha guddiga oo ay wadar ogol u doorteen dhamaan xubnaha guddiga iyo xubnaha kale ee guddiga oo muhiim u ah geedi socodka doorashada dalka, mudo soo shaqeynayey, khibrad iyo aqoon badana leh.

2 – In hanaanka loo maray xil ka qaadista xubnahaas uu yahay mid baal-marsan heshiiskii 17-kii September iyo habraacyadii iyo mabaadi’idii guddigaan lagu aas-aasay.

3 – In hanaanka saxda ah oo ay tahay in loo maro wax ka bedelka xubnaha guddiyada doorashada heerarkooda kala duwan uu noqdo go’aan ay wada gaareen madaxda golaha wadatashiga qaranka.

4 – Inuu si gaar ah uga xunyahay una cambaareynayo guddigu hanaankii argagaxa lahaa ee wasiirka amniga Cabdullahi Maxamed Nuur uu ula dhaqmay xubnaha guddiga, kadib markii uu xarunta guddiga lasoo galay ciidamo hubeysan, isagoo xayiraad, handadaad iyo cagojugleyn u geystay xubnaha guddiga, kuna amray inay hal saac gudihiis uga guuraan xarumahooda, hadii kale ay muteysan doonaan ciqaab xarig ah, taas oo xadgudub ku ah xasaanada xubnaha guddiga, sharaf dhacna ku ah XFS.

Ugu dambeyntii xubnaha qoraalkaan soo saaray ee maanta laga saaray guddiga xalinta khilaafaadka doorashada ayaa madaxda golaha wadatashiga qaranka ka codsaday inay ilaaliyaan madax-banaanida guddiga.

“Ayna jawaab u dhiganta ka bixiyaan xil ka qaadista sharci darrada ah iyo xad gudubyada lagula kacay guddiga xalinta khilaafaadka doorashada dadban ee dalka,” ayaa lagu yiri qoraalkan ay soo saareen xubnihii maanta laga saaray guddiga.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa maanta eryey 7 ka mid ah xubnaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka doorashooyinka, wuxuuna magacaabay toddoba xubnood oo cusub, xubnaha la eryey ayaa lagu eedeeyey inay lumiyeen kalsoonidii lagu qabay, isla markaana ay ku milmeen dhinacyada siyaasadda ee ku loolamayo doorashada dalka.

7-da xubnood ee shaqada laga eryey waxaa kamid ah guddoomiyihii guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka Xuseen Maxamed Maxamuud oo maanta gelinkii hore shir jaraa’id oo uu qabtay ku sheegay inay shada kala kulmayaan culeyo siyaasadeed, isagoo golaha wadatashiga qaranka iyo midowga musharaxiinta si isku mid ah uga dalbaday in lagu kalsoonaado howshooda.


Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Madaxweyne ku-xigeen maamul goboleed oo si cad u sheegay in doorashada ay boobayaan (Daawo)

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka HirShabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) oo maanta gaaray magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa si cad u sheegay in kursi kasta oo doorashadiisu ay ka dhaceyso Beledweyne ay qof u rabaan.

“Horta anagu dikreeto wax ku soo magacaabi meyno, in waxa socda aan shib ka dhanana ma dhaceyso, laakiin cadaalad darro muuqata oo qabaa’ilka la dhex gelaayo oo dadka banaanka jooga ay arki karaan, ma sameyn doono,” ayuu yiri Yuusuf Dabageed.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa cadeeyey in dhowrkii musharax ee hal qabiil kasoo wadajeeda ay hal mid ka taageeri doonaan, isla markaana ay wax kasta u huri doonaan in musharaxaasi guuleysto.

“Kursi kasta oo qabiil leeyahay musharaxiin badana ku tartamayaan, qofaan la rabnaahe ogaada, hadaan Alle u diidina, qofka aan u rabno inuu ku guuleystaan rabnahe ogaada,” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka HirShabeelle.

Yuusuf Dabageed ayaa dadkii ku soo dhaweeyey Beledweyne ka codsaday in arrintaas lagala shaqeeyo, isagoo u balan qaaday in kursi qabiil leeyahay aan qabiil kale laga sii doonin.

“Gabar ama wiil qabiilka ka mid ah hadii aan kursiga siino yaa nala dhihin kursigii cadaalad darro ayaa lagu sameeyey iyo waa la boobay, boob waxaa la dhahaa kursi qabiil lahaa oo qabiil kale la siiyey, taas ma dhaceyso, anigaa idinka balan qaaday, laakiin anaga qofaan kursiga la rabnaa dadkana anagaa u madax ah,” ayuu yiri Yuusuf Dabageed.

Madaxweyne ku xigeenka HirShabeelle ayaa sidoo kale sheegay in aysan jirin cid dhihi karta ama ay ka yeelayaan kursiga qabiilka leh ayaa u tashanaya, “Cid na dhihi karta ma jirto qabiilka ayaa kuriga xaga la tegaaya oo sidey rabaan ka yeelaya, waxaas ma jiraan ee yaan lagu lugo’in,” ayuu yiri.

Waxa uu sheegay in boob cad aysan sameyn doonin, balse hadalka Madaxweyne ku xigeenku waxuu bannaanka keenayaa welwelka ay siyaasiyiin badan ka qabaan in la boobo kuraasta doorashadoodu ka dhaceyso magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Hoos ka daawo

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Midowga Musharaxiinta oo arrin xasaasi ah dalbaday kadib tallaabadii ROOBLE

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Midowga Musharraxiinta Soomaaliya ayaa soo dhoweeyey go’aankii uu ra’iisul wasaare Rooble toddoba xubnood uga eryey guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka, waxayna dalbadeen tallaabooyin kale.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa xubnaha uu eryey ku eedeeyey inay lumiyeen kalsoonidii lagu qabay, islamarkaana ay ku milmeen dhinacyada siyaasadda ee ku loolamayo doorashada Soomaaliya.

“Golaha Midowga Musharraxiinta wuxuu soo dhaweynayaa tallaabada uu xilka kaga qaaday Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble xubno ka tirsan Guddiga Xallinta Khilaafaadka si loo xaqiijiyo hufnaanta doorashooyinka, loogana hortago ku xadgudubka xuquuqda muwaadinka, islamarkaana laga fogaado wax kasta oo dhaawici kara hufnaanta doorashada, keeni karana cadaalad darro,” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saareen golaha.

Golaha ayaa dalbaday in lagu laabto go’aanadii ay horey u gaareen guddiga xalinta khilaafaadka. 

“Isbedelka lagu sameeyay Guddiga Xallinta Khilaafaadka wuxuu horudhac u yahay soo celinta kalsoonida shacabka, waana in dib looga laabto go’aannadii guddiga ay hore u gaareen,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

“Goluhu wuxuu ku dhiirri gelinaayaa Ra’iisul Wasaaraha inuu waddo kasta oo sharci ah u maro suulinta caqabadaha dhiman ee weli ku horgudban doorashooyinka Golaha Shacabka, si ay dalka uga dhacdo doorasho hufnaan iyo daahfurnaan leh, maadaama isaga loo igmaday taabbagelinta doorashooyinka dalka.”

Midowga Musharaxiinta ayaa sheegay inay garab istaagayaan tillaabo kasta oo lagu saxayo geedi-socodka doorashada, si loo helo doorasho natiijadeeda lagu kalsoonaan karo, dalkana ka samatabixisa qalalaase siyaasadeed iyo mid amni.

Toddobada xubnood ee la eryey ayaa ka ah:

1. Xuseen Laki Maxamed Maxamuud
2. Axmed Saciid Samatar
3. Maxamed Faarax Xersi
4. Nimco Axmed Cabdi
5. Cali Maxamuud Faarax (Seeko)
6. Cabdiramaan Maxamed Cali
7. Maxamed Ciise Heybe

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in xubnaha la eryey ay ku milmeen oo ay qeyb ka noqdeen ololaha doorashada madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Wararkii ugu dambeeyey dagaalka Ethiopia iyo laba magaalo oo muhiim ah oo maanta u gacan galay…

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in ciidamadeeda ay maanta dib ula wareegeen magaalooyin badan oo ka tirsan gobolka Axmaarada oo ay gacanta ku hayeen fallaagada Tigray-ga.

Wasiirka Isgaarsiinta Legesse Tulu ayaa u sheegay warbaahinta sabtidii in magaalooyinka Woldiya iyo Kobo oo ah kuwa istaraatiijiyad leh dib loo qabsaday markii ugu horeysay tan iyo xagaagii.

Ciidamada Tigray-ga ayaan wax jawaab ah ka bixin sheegashadaas balse waxa ay horay u sheegeen in ay samaynayaan isbedelo xeeladaysan.

Warkan maanta kasoo baxay dowladda Ethiopia ayaa ka dhigan isbeddel kale oo lama filaan ah oo ku yimid dagaalka ka socda Ethiopia, oo toddobaadyadii tegay u muuqday mid ay dowladda guulo ka gaareyso kadib bilooyin aad loo jebiyey.

Si madax banaan looma xaqiijin sheegashadii ugu dambeysay. Balse, waxay u muuqataa in dowladda ay dib ula wareegtay magaalooyinka waaweyn ee dhanka dhulka Axmaarada ah marka laga reebo magaalada taariikhiga ah ee Lalibela, oo ay fallaagada dib ula wareegeen toddobaad ka dib markii ay dawladdu gacanta ku dhigtay horaantii bishan.

Ciidamada Tigray-ga Ethiopia ayaa 12-kii December dib u qabsaday magaalada waqooyi ee Lalibela, oo ay hay’adda UNESCO u aqoonsan tahay dhaxal adduun, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Qabsashada Tigrayga ayaa timid 11 maalmood kadib markii ciidamada federaalka Ethiopia ay sheegeen inay dib ula wareegeen magaalada.

Lalibela oo 645 km u jirta caasimadda Addis Ababa ayaa xarun u ah 11 kaniisad oo qadiimi ah, waana goob ay u cibaado tagaan Kirishtanka Ethiopia.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii 

Maxay tahay sababta ay Sacuudiga u mamnuuceen JAMEECADA TABLIIQA?

Riyadh (Caasimada Online) – Sacuudi Carabiya ayaa dalkeeda ka mamnuucday Jameecada Tabliiqa, ayada oo ugu yeertay “inay halis ku yihiin bulshada,” ayna yihiin “mid ka mid ah albaabada laga galo argagixisanimada.”

Wasaaradda Arrimaha Diinta Sacuudiga ayaa ugu baaqday Masaajidda dalkaas inay khudbadda Salaadda Jimcaha uga digaan wax ay ugu yeertay “marin-habaabinta, leexinta iyo halista” kooxdan. 

Waxa sidoo kale culimada Masaajidda amartay inay shacabka u sheegeen in Jameecada Tabliiqa ay tahay “mid ka mid ah albaabaha laga galo argagixisanimada xittaa haddii ay sheegtaan wax taas ka duwan,” sida lagu xusay qoraalka.

“Sidoo kale, khudbadaha waa in lagu xusaa ‘khaladaadka ugu weyn ee kooxda ay galeen’ iyo ‘inay halis ku yihiin bulshada’,” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda.

Wasaaradda Arrimaha Diinta ayaa sheegtay in kooxdan iyo kooxo kasta oo ku xiran ay hadda kadib mamnuuc ka yihiin Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Yey yihiin Jameecada Tabliiqa?

Jameecada Tabliiqa ayaa ah bulsho faafisa diinta Islaamka, oo dad ku wacdisa inay diiradda saaraan iimaankooda iyo ku dhaqanka wanaagsan ee diinta, kana leexdaan dambiyada iyo dhaqamada xun.

Waxay ka howl-gashaa in ka badan 150 dal oo dunida ah oo ay ugu weyn yihiin India iyo Pakistan, ayada oo sidoo kale si weyn uga howlgasha Soomaaliya. Waxaa la rumeysan yahay inay ku xiran yihiin dad u dhaxeeya 350 illaa 600 oo milyan.

Jameecada Tabliiqa ayaa waxaa 1926-kii dalka India, gaar ahaan gobolka Mewat, ku aas-aasay Sufi Muhammad Ilyas al-Kandhlawi, isaga oo ka jawaabaya dhaqanka bulshadiisa oo uu dareemay inuu sii xumaanayey oo ay lumiyeen qiyamkoodii.

Jameecada Tabliiqa waxay si xooggan isaga ilaaliyaan ugana fogaadaan inay siyaasadda ku lug yeeshaan, waxayna diiradda saaraan kaliya faafinta diinta.

Dowladda Mareykanka ayaa wixii ka dambeeyey weeraradii 11-kii September 2001 billowday inay il-gaar ah ku eegto kooxdan, hase yeeshee waa ay weysay wax xiriir oo toos ah oo ay la leedahay argagixisada. Si kastaba, Mareykanka ayaa sheegay in ururada argagixiso ay qorteen xubno ka mid ah kooxdan. 

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii 

Xasan oo jawaab ka bixiyey tallaabadii uu qaaday Rooble

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ahna xubin ka tirsan Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa soo dhoweeyey go’aanka uu Ra’iisul Wasaare Rooble ku eryey toddoba xubnood oo ka tirsan Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa xubnaha uu eryey ku eedeeyey inay lumiyeen kalsoonidii lagu qabay, islamarkaana ay ku milmeen dhinacyada siyaasadda ee ku loolamayo doorashada Soomaaliya.

“Waxaan bogaadinayaa dadaallada Ra’iisul Wasaaraha uu ku xaqiijinayo qabsoomidda doorasho xor iyo xalaal ah. Wax ka bedelka xubnaha Guddiga Khilaafaadka waa tallaabo kale oo loo qaaday sixitaanka khaladaadka khalkhalka geliyay doorashada. Guddiyadu waa in ay u hoggaansamaan habraacyada lagu heshiiyay,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

“Waxaan ku boorinayaa Ra’iisul Wasaaraha in uu wax ka qabto qodobada kale ee toosinta u baahan isagoo la kaashanayo dhinacyada ay quseyso.”

Xubnaha shaqada laga joojiyay oo gaaraya illa iyo 7 xubnood ayaa waxaa kamid ah guddoomiyaha guddiga xalinta khilaafaadka ee arrimaha doorashooyinka Xuseen Maxamed Maxamuud Laki.

Toddobada xubnood ee la eryey ayaa ka ah: 

1. Xuseen Laki Maxamed Maxamuud
2. Axmed Saciid Samatar
3. Maxamed Faarax Xersi
4. Nimco Axmed Cabdi
5. Cali Maxamuud Faarax (Seeko)
6. Cabdiramaan Maxamed Cali
7. Maxamed Ciise Heybe

Waxaana lagu beddelay toddobadan kale:

1. Ismaaciil Maxamed Axmed
2. Fardowsa Mataan Buulle
3. Ayaanle Axmed Cabdulle
4. Bashiir Axmed Yusuf
5. Xasan Axmed Dhicisow
6. Axmed Barre Maxamed
7. Maxamed Cawil Warsame

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in xubnaha la eryey ay ku milmeen oo ay qeyb ka noqdeen ololaha doorashada madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii 

XOG: Shanta kursi ee uu Farmaajo u diray Lafta-gareen inuu kasoo fujiyo A/Madoobe

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Hogaamiyaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa dhowr Maalmood ku sugnaa Magaalada Kismaayo. Socdaalka Laftagareen ayaa ku qotomay Kuraas la rabo inuu Axmed Madoobe kasoo fujiyo kaasi oo ay dhinaca Koofur Galbeed kuraas ka jiraan.

Illaa Shan Kursi ayaa la xaqiijiyey inuu Laftagareen ka doonay Magaalada Kismaayo. Lafta Gareen maahan musharax madaxweyne ee Kuraasta waxaa raba madaxweyne Farmaajo, wuxuuse Lafta Gareen dooda u dhigay inuu isagu rabo kuraastaas.

Axmed Madoobe wuxuu rabaa inuu dhiso Saciid Cabdullaahi Deni, haddana wuxuu kuraas taala Magaalada Kismaayo kala doodayaa Laftagareen oo dhisaya Farmaajo, waxayna caqlidayaan noqotay mid yaab leh.

Si kasta, Kuraasta uu rabo inuu ka fujiyo Axmed Madoobe waa shan Kursi, qaarkood waxaa la leeyahay waa adkaan doontaa inuu Axmed Madoobe aqbalo ka doodistooda.

Sheekadaan waxaan ku sharaxeynaa Shantaas Kursi.

1 – HOP#126: Waxaa ku fadhiya Xildhibaan Maxamed Xasan Idiris oo loo yaqaano Maxamed Ganey, wuxuu kamid ahaa xubnihii sida weyn u mucaaradsanaa madaxweyne Farmaajo Afartii Sano ee lasoo dhaafay. Ninkaan iyo Xasan Firinbi waxay waqti dheer u taagnaayeen qadiyadda Jubaland ee heer Federaal iyagoo la safnaa Axmed Madoobe.

Kursigaan wuxuu rabaa Laftagareen in la siiyo nin la yiraahdo Xasan Eelaay oo dhowr jeer wasiir ka noqday Koonfur  Galbeed. Beel ahaan labada Nin waa is leeyihiin, laakiin doodda waxay tahay muxuu Axmed Madoobe ka faa’idi doonaa codkaas oo lasoo ogyahay in shaqadiisa loo hayo madaxweyne Farmaajo.

Illo ka tirsan madaxtooyada Jubaland oo aan la hadalnay waxay sheegeen inuu Axmed Madoobe fahamsan yahay qadiyada uu Laftagareen u raadinayo inuu bixiyo Maxamed Ganey. Kursigaan wuxuu ku jiraa Kuraasta lagu tijaabinayo Axmed Madoobe inuu xajisan doono siyaasiyiinta dhallinyarada ah ee la iibsan waayey afartii sano ee lasoo dhaafay.

Haddii uu Laftagareen ku guuleysto inuu Kusigaan siiyo Xasan Eelay codkaas waxaa qaatay Madaxweyne Farmaajo.

2 – HOP#130# Waxaa Afartii Sano ee lasoo dhaafay ku fadhiyey Xildhibaan Maxamed Diiriye Khaliif oo ahaa wasiir ku xigeenkii Ganacsiga xukuumadii Xasan Cali Kheyre. Ninkaan ayaa horey shaqo joojin loogu sameeyey xilli ay soo baxeen arrimo la xiriira rag lagu qabtay Garoonka Aadan Cadde oo lagu eedeeyey inay dhaqayeen lacagta Dollarka ah.

Wuxuu rabaa in Ninkaan oo aad Farmaajo u taageersan in kursigiisa loo dhaafo, waa arrin kale oo culus oo aan la aqoon sida uu Axmed Madoobe u qaadan doono

3- HOP#133: Waxaa ku fadhisa Xildhibaan Luul Cabdi Aadan oo si aan qarsooneyn u taageereysay Labadii Sano ee muddo kororsiga aheyd ee uu Farmaajo sameystay, sidoo kalana si weyn u weerartay xildhibaanada mucaaradka oo qaarkood ay xatooyo ku eedeysay iyadoo saxaafadda la hadleysay.

Laftagareen wuxuu rabaa inu kursigaan sidiisa loo dhaafo oo ay kusoo baxdo xildhibaanadaan sida weyn u taageersan madaxweyne Farmaajo. Inuu Axmed Madoobe aqbali doono inuu codkaasna Farmaajo u hadiyadeeyo lama yaqaano.

4 – HOP#124: Waxaa jira kursi kale oo madaxda maamul Goboleedyada Farmaajo taageersan si weyn ugu ololeenayaa oo ay Axmed Madoobe mar walba kala hadlaan waa kursiga HOPP#124, waxaa ku fadhiya Cabdiraxmaan Dheere oo Jubaland iyo reerkiisaba ay si weyn u diidan yihiin.

Fahad Yaasiin ayaa ku cadaadinaya madaxda maamulada ee saaxiibadiis ah in kursiga Cabdiraxmaan Dheere kasoo fujiyaan Axmed Madoobe ama haddii uu ninkaas diidan yahay inay kala hadlaan qof kale oo ay wataan.

Laakiin Axmed Madoobe meel adag ayuu ka taagan yahay kiiska Cabdiraxmaan Dheere waxaana loo badinayaa inuusan ka aqbali doonin Laftagareen in la furo dooda kursigaas.

5 – HOP#91: Kursigaan hadda ma yaalo Magaalada Kismaayo, wuxuu yaalaa Garbahaarey, laakiin Laftagareen iyo madaxda maamulada qaar ayaa aamisan in Kuraasta taala Garbahaarey in ugu dambeyn loosoo wareejin doono Kismaayo.

Laftagareen wuxuu rabaa kursigaan oo uu ku fadhiyo Xildhibaan Aadan Xisaaq in la siiyo Nin la yiraahdo Xuseen Kacaan oo la taliyayaashiisa kamid ah waa haddii Kuraasta Garbahaarey taalo loo soo wareejiyo Kismaayo ama uu Axmed Madoobe talo ku yeesho kuraastaas.

Hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe isaga waxaa muhiim u ah Hal Kursi oo yaala Koonfur Galbeed oo uu ku fadhiyo Xildhibaan Maxamed Jaamac Mursal Geelle, waana Kursiga HOPP#56.

Lama yaqaano sida uu Axmed u aqbali doono inuu Shantaas kursi siiyo Laftagareen oo uu isagana gacanta ka saaro Farmaajo, iyadoo laga dharagsan yahay halka ay kala joogaan Axmed Madoobe iyo Farmaajo iyadoo dhinaca kalana ay jirto inuu Axmed Madoobe dhisayo Saciid Cabdullaahi Deni.

Xasan Sheekh oo war kasoo saaray mowqifkooda kadib kulankii doorashada ee xalay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo kamid ahaa xubnihii Midowga Musharaxiinta Mucaaradka uga qeyb galay kulankii ay xalay la yeesheen Golaha Wadatashiga Qaran ayaa sheegay in kulankaas looga hadlay sida doorashada looga hor leexin lahaa caqabadaha hor gudban.

“Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran & Midowga Musharaxiinta waxaan uga wada hadlnay sida doorashada looga hor leexi lahaa caqabadaha ku hor gudban.  Midowgu waxa uu soo jeediyay in kulan fool ka fool ah la isugu yimaado si ay u dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah,” ayuu yiri Xasan Sheekh oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in mowqifka Midowga Musharaxiinta uusan waxba iska badalin illaa laga fuliyo waxyaabihii looga wada-hadlay kulankii Xalay.

“Kulankii xalay waxa uu ahaa tallaabo dhinaca saxda ah loo qaaday laakiin mowqifka Midowga Musharaxiinta waxba is kama baddalin ilaa billowgaas fiican uu miro dhal noqdo,” ayuu sii raaciyey.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay shir guddoomiyay kulan fogaan arag ah oo ay yeesheen Golaha Wadatashiga Qaranka, kaas oo diiradda lagu saaray arrimaha doorashooyinka dalka.

Shirkaan oo ku qabsoomay aalada Zoom-ka ayaa lagu iclaamiyey shir ka dhici doona Muqdisho oo ay isugu imaanayaan Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran, si looga arrinsado dhameystirka doorashooyinka

“Wadahadal iyo falanqeyn dheer kadib xubnaha Golaha Wadatashiga Qaranka waxay isku raaceen in si kama dambeys ah loo dardar-galiyo qabashada doorashooyinka kuraasta dhiman iyo in Golaha Wadatashiga Qaran uu isugu yimaado kulan dhawaan looga arrinsanayo dhammeystirka doorashooyinka,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaare Rooble.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii 

Rooble oo eryey 7 xubnood oo ka mid ah Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa eryey 7 ka mid ah xubnaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka doorashooyinka, wuxuuna magacaabay toddoba xubnood oo cusub.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa xubnaha uu eryey ku eedeeyey inay lumiyeen kalsoonidii lagu qabay, islamarkaana ay ku milmeen dhinacyada siyaasadda ee ku loolamayo doorashada Soomaaliya.

Xubnaha shaqada laga joojiyay oo gaaraya illa iyo 7 xubnood ayaa waxaa kamid ah guddoomiyaha guddiga xalinta khilaafaadka ee arrimaha doorashooyinka Xuseen Maxamed Maxamuud Laki.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in xubnaha la eryey ay ku milmeen oo ay qeyb ka noqdeen ololaha doorashada madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Hoos ka aqriso qoraalka kasoo baxay Rooble

XIL KA QAADIS IYO MAGACAABIS XUBNO KA TIRSAN GUDDIGA KHILAAFAADKA

Markii uu arkay; Qodobada 99-aad iyo 100-aad ee Dastuurka Ku Meel Gaarka ah, Markii uu tixgaliyay Go’aannadii Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda loogu xilsaaray hiogaaminta iyo habsami u socod-siinta doorashooyinka daika.

Markii uu xaqiiqsaday; in xubno ka mid ah Guddiga Xallinta Khilaafaadka ay lumiyeen madaxbanaanidii guddinimo iyagoo ku milmay siyaasadda, isla-markaana baal maray xeer anshaxa doorashada.

Markii ay u caddaatay; in Guddiga Xallinta Khilaafaadka ay khatar ugu jiraan in ay lumiyaan kalsoonidii shacabka Soomaaliyeed iyo daneeyayaasha doorashooyinku ku qabeen in ay si caddaalad uga garsooraaan cabashooyinka Ia xiriira doorashooyinka.

Markii uu xaqiiqsaday; in xubnaha magacyadooda hoos ku qoran yihiin ay masuuliyadooda u isticmaaleen ujeedooyin ka baxsan xilkii lagu aaminay, kana dhaga adaygeen talooyin iyo digniino Ia xiriiray ka waantoobista falalka ay ku jiraan ee baal-marsan nidaamka xil gudashadooda.

Markii uu tixgaliyay: Halista ay ku keeni karaan ficilada xubnahaan Doorashada iyo xasiloonida guud ahaan ee DalkaWuxuu go’aamiyay

Qodobka 1-aad

Waxaa xilalkii iyo xubinimadoodii Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka laga qaaday xubnaha magacyadoodu kala yihiin:

1. Xuseen Laki Maxamed Maxamuud
2. Axmed Saciid Samatar
3. Maxamed Faarax Xersi
4. Nimco Axmed Cabdi
5. Cali Maxamuud Faarax (Seeko)
6. Cabdiramaan Maxamed Cali
7. Maxamed Ciise Heybe

Qodobka 2-aad

Waxaa la magaacaabay xubnaha magacyadoodu hoos ku qoran yihiin in ay ka mid noqdaan Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka iyagoo beddelaya xubnaha kore ee xil ka qaadista lagu sameeyay

1. Ismaaciil Maxamed Axmed
2. Fardowsa Mataan Buulle
3. Ayaanle Axmed Cabdulle
4. Bashiir Axmed Yusuf
5. Xasan Axmed Dhicisow
6. Axmed Barre Maxamed
7. Maxamed Cawil Warsame

Qodobka 3-aad

Waxaa lagu wargalinayaa dhamaan guddiyada doorashooyinka heerarkooda kala duwan in ay dhawraan anshaxa iyo dahfurnaanta doorashooyinka, ilaaliyaan madax-bannaanidooda kana fogaadaan ku milmidda siyaasadda.

Qodobka 4-aad

Xeerkan waxuu dhaqangelaayaa marka uu saxiixo Raisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Maxamed Xuseen Rooble Ra’iisul Wasaaraha JFS

 

YAASIIN FAREY: Xildhibaan kaliya ma noqonayo ee sidoo kale waxaan noqonayaa…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ku-meel gaarka ah ee NISA Yaasiin Cabdullaahi Farey ayaa markii u horeysay ka hadlay guusha uu ka gaaray kursiga muranka badan uu hareerayay ee tirsigiisu yahay HOP#067.

Waxa uu sheegay in tabashada jirta kursigaas lagu xalin gudaha beesha, kadib markii uu dhawaan guddiga xalinta khilaafaadka u xalaaleeyay guusha kursigaas, oo la fahamsan yahay inay saartay Villa Somalia.

“Aniga in badan waxaa kusoo shaqeeyay xil ciidan, maanta waxaa doontay oo soo qaatay kursi ay leeyihiin dadka maanta ila fadhiya. Beesha aan ka tashay ayaga ayaa is wareysanaya wixii ayaga dhexdoona ay is xaliyaan, is wareysi hoose inta maqan iyo inta joogtana waa la gaaraya” ayuu yiri Yaasiin Farey.

“Waxaa ballan-qaadaya in aan noqon doonin qof aan dadkiisa ka dhex muuqan, bulsha weynta Soomaaliyeedna ka dhex muuqan. Ciidan keliya ma noqon doone waxaa noqon doona Sarkaal ka tirsan ciidamada oo ka shaqeeya xoreynta deegaanadeena.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in muhiim tahay inay isku raacan in deegaanadooda xoreystaan, islamarkaana ay isku keenaan dadka ay isku deegaanka yihiin si ay uga tashadaan danahooda, sida uu sheegay.

“Shabeelaha dhexe inay xaroowdo ayaa lagu gaari doona wada-tashi iyo isku duubni. Maanta in aan ka hadlo dad gaar ah iyo deegaan gaar ah waxaa igu kalifay wixii iyagu lahaayen ayaa soo qaatay, markaa in aan iyaga ku dhawaaqo waa ku qasbanahay.”

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in uu diyaar u yahay xal u helida tabashada beesha dhexdeeda ee uu kursigeeda ku guuleystay, ayna iskugu imaan doonaan kulamo kale oo looga arrinsanayo danta deegaanada uu metelo.

Hadalkan ayaa imanaya kadib markii uu go’aan dhan u xaglinaya uu guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka ka gaaray dacwadii laga soo gudbiyay kursiga HOP#067, oo uu ku guuleystay Yaasiin Farey, oo si dhaw ugu xiran madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Dowladda Soomaaliya oo ka hortimid go’aan caalami ah oo ka dhan ahaa Ethiopia

0

Geneva (Caasimada Online) – Golaha Xuququda Aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa cod uu qaaday ku anisixiyey abuuritaanka guddi khubaro ah oo caalami ah oo baaritaan ku sameeya tacaddiyada xuquuqda aadanaha ee dalka Itoobiya. 

Codaynta ayaa dhacday kadib shir shalay looga hadlay xaaladda xuquuqda aadanaha Itoobiya, taasi oo saraakiisha Qaramada Midobay ay ka digeen in dagaalka Itoobiya uu noqon karo mid baaha oo saameeya gobolka. 

Codaynta shalay la qaaday ayaa 21 waddan oo ka mid ah waddamada ku jira Golaha Xuquuda Aadanaha ee Qaramada Midobya waxay ku codeeyeen inay ansixiyaan qaraarkaasi, waxaana kasoo horjeestay 15 waddan, halka 11 ay ka aamuseen. 

Waddamada ansixiyey waxa ka mid ah kuwa Yurub oo ay ku jiraan Biritan iyo Jarmalka, halka kuwa kasoo horjeestay ay ku jraan Soomaaliya iyo Eritrea. 

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Eritrea Maxamed Farmaajo iyo Isaias Afwerki ayaa saaxiib la ah ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed. Farmaajo wuxuu horey u taageeray dagaalka uu Abiy ku qaaday Tigray-ga, halka Afwerki uu ciidan u diran gobolkaas.

In dowladda federaalka diido in la baari tacaddiyo bani’adaamanimo waa ceeb kale oo usoo hoyatay Soomaaliya.

Ka sokow Soomaaliya iyo Eritrea, dhammaan waddamada Afrika ee ku jira golahan ayaa iskugu jiray kuwo diiday iyo kuwo ka aamusay. Waddamada ka aamusay waxaa ka mid ah Senegal, Liibiya, Malawi yo Sudan. 

Guddigan ayaa ka koobnaan doona saddex qof, waxayna la socon doonaan xaaladda xuquuqda aadanaha ee dalka Itooobiya muddo hal sano ah. 

Dawladda Itoobiya waxay kasoo horjeesatay shirka shalay iyo dhismaha guddiga, waxayna sheegtay in shrika ay afduubeen dhinacyo leh dano siyaasadeed, sida hadalka loo dhigay.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Daawo: Maxay siday doontii xalay ay ciidanka booliska ku qabteen xeebta Muqdisho?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada booliska Soomaaliya ayaa xalay gacanta ku dhigay doon siday waxyaabaha maanka dooriya, taas oo lagu soo bandhigay xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

Doonta ayaa la sheegay inay kasoo shiraacatay magaalada Hobyo ee gobolka Mudug, waxaana la sheegay inay baxsadeen ragii watay doontaas.

Afhayeenka booliska Cabdifitaax Aadan Xasan oo warbaahinta kula hadlay xeebta Liido oo lagu soo bandhigay doontaan ayaa sheegay in howlgal culus oo ka dhan ah maan-dooriyaha ay bilaabeen ciidanka booliska Soomaaliyeed.

“Doontaan waxay siday waxyaabo badan oo maandooriye ah oo isku dhex jira, sidaan ayaan uga hor tegeynaa maalkasta oo aad isku daydaan inaad dalka ka soo gelisaan muqaadaraad,” ayuu yiri afhayeenka.

Waxuu intaas ku sii daray, “Waxaan ugu baaqayaa dadka doomaha leh inay ka waantoobaan waxyaabahaan ay qaadayaan, hadii kale boolisku waxay la tiigsa doonaan sharciga, nagama baxsa doontaan.”

Ciidamada ammaanka Soomaaliya waxay maalmihii lasoo dhaafay si xariir ah ugu guuleysteen howlgallo ka dhan ahaa waxyaabaha maanka dooriya oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Waxaa gacanta lagu dhigay warshado lagu sameyn jiray maan-dooriyaha, sidoo kale waxay hey’adaha ammaanku gubeen noocyada kala duwan ee maan-dooriyaha, iyadoo gacanta lagu dhigay dadkii ka ganacsa jiray.

Hoos ka daawo

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Go’aanno laga soo saaray shirkii Rooble, Mucaaradka iyo Madax Goboleedyada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay shir guddoomiyay kulan fogaan arag ah oo ay yeesheen Golaha Wadatashiga Qaranka, kaas oo diiradda lagu saaray arrimaha doorashooyinka dalka.

Sida lagu shaaciyey qoraal kasoo baxay xafiiska Rooble wajiga hore ee kulanka waxaa warbixin looga dhageystay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal Maxamed Xasan Cirro.

Guddoomiye Cirro ayaa dhinacyada faahfaahin ka siiyey dib u dhacyada ku yimid jidwalka doorashooyinka, hufnaan la’aanta laga tirsanayo doorashada iyo wadashaqeynta ay uga baahan yihiin Madaxda Dowlad Goboleedyada.

Sidoo kale xubno matalayay Midowga Musharaxiinta ayaa ka qeyb galay kulanka, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Madaxweynayaashii hore Shariif Sheekh Axmed, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdirahman Cabdishakuur.

Musharaxiinta ayaa Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ka dalbaday in la saxo qaladaadka ka jira habraacyada doorashooyinka iyo sida ay lagama maarmaan u tahay in la dhowro hufnaanta doorashooyinka.

Shirkaan oo ku qabsoomay aalada Zoom-ka ayaa lagu iclaamiyey shir ka dhici doona Muqdisho oo ay isugu imaanayaan Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran, si looga arrinsado dhameystirka doorashooyinka

“Wadahadal iyo falanqeyn dheer kadib xubnaha Golaha Wadatashiga Qaranka waxay isku raaceen in si kama dambeys ah loo dardar-galiyo qabashada doorashooyinka kuraasta dhiman iyo in Golaha Wadatashiga Qaran uu isugu yimaado kulan dhawaan looga arrinsanayo dhammeystirka doorashooyinka,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaare Rooble.

Golaha Midowga Musharaxiinta oo horay u soo saaray qoraal ay ku cadeeyeen qaladaadka ku jira doorashada,  waxayna dalbadeen in la hakiyo doorashada socota, balse majirto cid dheg jalaq u siisay dalabkaas, taas oo keentay inay si toos ah mowqifkooda ugu gudbiyaan Rooble iyo madax goboleedyada.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa horay u balanqaaday in cabashooyinka ka yimid doorashada uu wax qabayo, balse illaa hadda ma jirto hal tallaabo oo uu qaaday, si wax looga bedelo hanaankaan kalsoonidii musharaxiinta lumiyey doorashadu ku bilaabatay.

Ujeedada ay Baydhabo u tagayaan R/W Rooble iyo Madaxweynaha Galmudug

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble & Madaxweynaha maamul Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa Illaa Berri la filayaa in ay tagaan Magaalada Baydhabo oo ah xarunta KMG ah ee Koofur Galbeed.

Ilo ku dhaw safarka Rooble & Qoor-Qoor ayaa sheegay in Baydhabo lagu qabanayo Shir looga hadlayo Arrimaha Doorashooyinka Dalka si Ra’iisulwasaaraha iyo Madaxda Dowlad-Goboleedyadu isaga xog-wareystaan wax ka qabashada cabashooyinka taagan.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayey wararku sheegayaan in uu qudhiisa tagayo Magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed, balse waqti rasmi ah oo ku beegan socdaalkiisa lama shaacin.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa la filayaa in uu iclaamiyo shirkaan looga hadlayo Doorashada iyada oo goobta lagu qabanayo ay tahay Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya.

19- ka December 2021 waxa ay ku beegan tahay saddex sano guurada kasoo wareegtay maalintii la doortay Madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, waxa ay wararku sheegayaan in munaasabad uu ku qabsanayo Baydhabo.

Ra’isuwlasaaraha ayaa sidoo kale la filayaa inuu ka qeybgalo xafladda uu qabsanayo Lafgareen oo la rumeysan yahay in maamulkiisa uu wax horumar ah kusoo kordhin deegaanada Koonfur Galbeed marka laga reebo inuu ka shaqeeyo danaha madaxweyne Farmaajo.

Guddiga xalinta Khilaafka doorashada oo sheegay in shaqadooda ay halis ku jirto

0

Muqdisho ( Caasimada Online) – Gudoomiyaha Gudiga xalinta khilaafaadka Doorashooyinka Xuseen Maxamed Maxamuud oo maanta warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in shaqadooda ay halis ku jirto.

Guddoomiyaha ayaa sheegay inay ku howlan yihiin sidii ay u gudan lahaayeen waajibaadkii loo doortay balse ay jiraan caddaadis ay kala kulmayaan dhinacyada isku haya doorashada Soomaaliya.

Xuseen ayaa sheegay intii ay ku guda jireen xalinta kuraasta doorashooda uu muranku ka dhashay in dad badan oo dhinacyo kala duwan ay caddaadis saareen taasina ay shaqadooda halis ku tahay .

Guddoomiyaha ayaa dhinacyada isku haya doorashada ka codsaday in guddiga xalinta khilaafaadka loo madax banaaneeyo shaqadooda si ay u gutaan wajiibkooda.

“Markasta oo aan kiisas nuucaas ah qabano cadaadis badan wuu jirayaa oo nooga imaan kara meelo kala duwan, waxa aan jecel nahay in meelahaas cadaadista naga daayaan oo howshaas iyagu noo igmadeen oo noo talo saarteen oo aan weliba ku hoggaamineyno habraacyada ay dejiyeen oo ay saxiixeen in ay nagu ixtiraamaan qolyahaas baan ugu baaqeynaa, taasaa danta dalka ku jirtaa tan dadka Soomaaliyeed ku jirtaa, hufnaanta & milgaha Doorashadu ku jirtaa, anagane noo dhib yar oo culeys badan na saareynin“ ayuu yiri Guddoomiyaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka Dadban.

Wuxuu si cad u sheegay inaysan jirin koox gaar ah oo ay u shaqeeyaan oo ay yihiin guddi qaran oo dhexdhexaad ka ah doorashada ka socota Soomaaliya.

“Labo kiis oo aan anagu qabanay waxa aan u raacnay habraacyadaas, waxa aan u arkeynay in caddaaladda keliya ee labada dhinac xaq siineysa, labadaas kiis aan qabanay mid waxa uu ahaa kii Xuseen Carab ciise HOP#239 & Midna waxa uu ahaa kursigii ugu dambeeyay HOP#067 ee uu kusoo baxay Yaasiin Farey, hab aad & aad u qurxoon oo laga baaraandegay oo habraacyada loo eegay ayaa u marnay” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Guddoomiye Xuseen.

Dhanka kale waxaa uu sheegay in xubnaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ay u jeediyeen guddigooda dhaliilo dhaawici kara howlaha ay bulshada u hayaan.

“Golaha Midowga Musharixiinta waxa aan leenahay waxa aad tihiin madaxdeena Berri, wax ummaddaan kala fogeynaya aad & aad uga fogaada, waxa aad rabtaan in aad ka hadashaan noo kaalaya ee annaga na quseeya aan idinka qancinee inta aysan bulshada wax u sheegin” ayuu yiri Gudoomiyaha Guddiga xalinta khilaafka.

Waxaa uu ugu baaqay Midowga Musharaxiinta haddii ay dhaliilo qabaan in ay u yimaadaan ayna diyaar u yihiin in ay wax waliba ay ka qancin doonaan.

Hadalka kasoo baxay guddiga ayaa kusoo aadayo xilli si weyn loogu dhaliilay go’aankii ay ka qaateen kursiga uu kusoo baxay Yaasiin Farey oo ay ka hor timid beeshii laheyd oo sheegtay inaan waddo sax ah loo marin.