24.9 C
Mogadishu
Wednesday, July 1, 2026

R/W Rooble oo arrin aad uga fog xaqiiqda ka sheegay doorashada dalka ka socota

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa hoos u dhigay oo aan wax aan weyneyn kasoo qaaday muranka hareeyey doorashada golaha shacabka Soomaaliya oo boob xooggan lagu sameeyey kuraas badan.

Rooble oo hadal ka jeediyey ka qeyb-galay munaasabadda Sannad-guurada 3-aad ee kasoo wareegtay markii la doortay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa cabashooyinka laga keenay doorashada ugu yeeray kuwa kooban.

“Sida aad la socotaan waxa dalka ka socda doorashooyinkii, waxana afartii kursi ee ugu dambeysay ay maanta soo baxeen. Doorashadaas cabashooyin kooban ayaa laga keenay, waxana aad diyaar u ahay in aan xoogga saaro sidii loo raaci lahaa hab raacyada degsan ee doorashooyinka iyo inaan sidoo kale la fariisanno cid kasta oo tabasho qabta,” ayuu yiri Rooble.

Hadalka Rooble ayaa ah mid aad uga fog xaaladda doorashada Soomaaliya oo weli aysan jirin kuraas si xor ah loogu tartamay, ayada oo kursi kasta lagu doortay rabitaanka madax goboleedyada ama loo xiray shaqsiyaad gaar ah.

Hadalka Rooble ayaa sidoo kale muujinaya inay ka go’an tahay in doorashada lasii wado kadib markii shalay uu si rasmi ah u fashilmay isku daygii ay mucaaradka ku doonayeen in lagu hakiyo maadaama Muqdisho lagu doortay kuraastii ugu horreysay kadib dalabkooda la xiriiray joojinta doorashada.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sidoo kale amaanay habka uu Lafta-gareen u maareynayo doorashada, inkasta oo uu yahay madaxweyne goboleedka labaad ugu doorasho musuq-maasuqa badan kadib Axmed Qoor Qoor.

Rooble ayaa sidoo kale ku amaanay Lafta-gareen inuu yahay nabaddoon, sida uu hadalka u dhigay.

“Tan iyo markii la ii magacaabay in dalka ka noqdo Ra’iisul Wasaare, waxa aan si dhow u wada shaqeynay Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen, waxana aan ka bartay in aanu aheyn kaliya nin siyaasi, balse uu yahay nabadoon jecel in uu dadka isku soo dhaweeyo si dalka uu horey ugu socdo, waa ku aamanayaa, waanan ku dhiiri-galinayaa inuu sii wado dadaalkiisa,” ayuu yiri Rooble.

Wiil iyo Aabihiis oo sabab yaab leh loogu dilay Hiiraan

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta maleeshiyaad hubeysan ee dilal qorsheysan ka geysteen deegaano hoostaga degmada Matabaan oo ka tirsan gobolkaasi.

Dilalka ayaa mid ka mid ah wuxuu ka dhacay deegaanka Waradheer, waxaana loo geystay Wiil iyo Aabihiis, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah oo aan la xiriirnay.

Labada marxuum ayaa waxaa la sheegay inay dilkooda ka dambeeyeen maleeshiyaad beeleed, wuxuuna salka ku hayaa aano Qabiil darteed, sida aan xogta ku helnay.

Sidoo kale Wiilka iyo Aabaha la dilay ayaa ahaa reer guuraa muddooyinkii lasoo dhaafay ku sugnaa agagaarka degmada Matabaan oo ah meesha haatan lagu dilay.

Dad badan ayey la yaab ku noqotay in Qabiil dartiis hal goob loogu dilo Wiil iyo Aabihiis oo shacab ah, isla-markaana aan waxba galabsanin, waxaana haatan billowday baaritaano dheeraad ah oo ku aadan dilkooda.

Dhinaca kale tuulada Buuskut oo u dhow isla deegaanka Waradheer waxaa lagu dilay qof kale oo saddexaad, waxaana isna dilkiisa uu salka ku hayaa aano Qabiil oo ka taagan halkaasi.

Weli ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ammaanka iyo sidoo kale maamulka gobolka oo ku aadan dhacdooyinkaasi dilalka ah ee ka dhacay Hiiraan.

Dadka deegaanka ayaa dhankooda walaac ka muujinaya dilalka arxan darrada ee ku sii kordhaya deegaanka, waxaana arrintan ay uga sii dareysaa xiisada beelaha ee haatan taagan.

Si kastaba, Hiiraan ayaa waxaa ku soo noq-noqda dagaal beeleedyada ka dhasha dilalka aan kala joogisiga laheyn ee ay maleeshiyaadka hubeysan ka geysanayaan deegaanada kala duwan ee gobolkaasi.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Wararkii ugu dambeeyey khasaaraha dagaal xalay ka dhacay GAALKACYO

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dagaal kooban oo xalay ka dhacay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Dagaalka ayaa wuxuu u dhexeeyey ciidamada ammaanka Puntland iyo rag hubeysan oo ka ganacsada waxyaabaha maanka dooriya, kuwaas oo ku sugnaa agagaarka xerada Kabiska ee degmadaasi.

Is-rasaaseynta dhex-martay labada dhinac ayaa la sheegay inay timid  kadib markii ciidamada ammaanka Puntland ay gudaha u galeen goobta ay joogeen ragga hubeysan, waxaa sidaas ku billowday iska hor imaadka.

Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkan ku dhaawacmay ugu yaraan shan qof oo ka kala tirsan dhinacyada is-rasaaseeyey, waxaana ay kala yihiin saddex askari iyo laba ka mid ah ragga ka ganacsanayey maandooriyaha.

Qoraal ka soo baxay taliska Booliska qeybta gobolka Mudug ee Puntland ayaa looga hadlay howl-galkaasi, waxaana warkan lagu sheegay in ciidamada ay gacanta ku soo dhigeen 9 ka mid ah ragga hubeysan ee la diriray ciidamada.

Booliska ayaa sidoo kale intaasi ku daray in cid kasta oo ka ganacsata maandooriyaha ay ula mid tahay kooxaha cadowga ku ah Puntland.

“Shaki la’aan koox kasta oo ku lug leh si dhuumasho inay uga ganacsato maandooriyaha halista waxay xiriir dhaw la wadaagta cadowga duulaanka ku ah Nabada,Xasiloonida,Horumarka iyo Sareynta sharciga, balse ciidamada Amaanku waxay habeen iyo maalin u taagan yihiin ciribtirka iyo beegsiga shaqsiyaadka lagu helo falalka noocaas ah,” ayaa lagu yiri qoraalka Booliska.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa xoojiyey howlgallada lagula dagaalamayo kooxaha burcadda ah iyo kuwa ka ganacsada maandooriyaha ee ku sugan maamulkaasi.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Farmaajo oo ku dhowaaqay tallaabo ay qaadeyso DF oo la xiriirta Soomaalida Libya

0

Istanbul (Caasimada Online) – Sida lagu shaaciyey qoraal ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya, dowladda federaalka ayaa guddi u direysa dalka Libya, guddigaas ayaa la sheegay inay warbixin ka keeni doonaan xaaladda nololeed ee Soomaalida ku sugan dalkaas.

Go’aankaan ayaa yimid kadib markii Madaxweynae Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo weli ku sugan dalka Turkiga oo uu uga qeyb galay shirweynaha saddexaad ee iskaashiga Turkiga iyo dalalka Afrika uu kulan-doceed la qaatay hoggaamiyaha dalka Libya Maxamed Yuunis Al-menfi.

“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan u diraysa guddi gaar ah xaaladda muwaadiniinta ku xiran Dalka Liibiya. Guddiga ayaa u kuurgali doona, kana soo war-bixin doona xaaladda nololeed oo ay ku sugan yihiiin Muwaadiniinteennu,” ayaa lagu yiri qoraalkaan ka soo baxay madaxtiooyada Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha Golaha Madaxtooyada Dalka Liibiya ayaa ka wada hadlay iskaashiga iyo xiriirka labo geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Liibiya.

Sida lagu shaciyey qoraal kulankaas ay ka soo saartay madaxtooyada Soomaaliya labada madaxweyne waxay diiradda saareen sidii labada dal ay uga wada shaqayn lahaayeen iskaashiga dhinacyada isu socodka, amniga iyo siyaasadda.

“Madaxweynaha ayaa kala hadlay Madaxweynaha Liibiya sidii uu gacan uga gaysan lahaa xorriyad siinta Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xiran dalka Liibiya, iyaga oo Labada dhan ay isla garteen sidii looga wada shaqayn lahaa badqabka Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan gudaha Dalka Liibiya,” ayaa lagu yiri qoraalka ay kulankaas ka soo saartay Villa Somalia.

AL-SHABAAB oo shaaciyey inay la wareegeen deegaan u dhow garoonka Kismaayo

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta xubno ka tirsan Al-Shabaab ay gudaha u galeen deegaanka Yaaq-Raar oo u dhow garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo.

Al-Shabaab oo ka hadashay howl-galka ay kula wareegtay deegaankaasi ayaa shaacisay in dagaalyahanadeeda ay si buuxda kula wareegeen deegaankaasi oo hoostaga Jubbada Hoose.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa ku dhowaaqday in is-bedal maamul uu ka dhacay halkaasi, ka gadaal markii ay xoogagooda ay si nabadoon kula wareegeen deegaan weynaha Yaaq-Raar

Ciidamada Jubbaland ee ku sugnaa deegaankaas ayaa isaga soo baxay, waxaana kadib la wareegtay kooxda Al-Shabaab, sida lagu sheegay qoraalka ay baahisay kooxda.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo hadda laga dareemaya duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubbaland.

Al-Shabaab ayaa qorshaheeda wuxuu yahay inay halis geliso amniga Kismaayo, maadaana ay ku soo dhowaaneyso magaaladan oo ay ka dhaceyso doorashada Golaha Shacabka.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada daraawiishta Jubbaland iyo kuwa dowladda Soomaaliya oo ku aadan dhaq-dhaqaaqyadaasi.

Si kastaba, Al-Shabaab ayaa maalmihii u dambeeyey kordhisay howl-gallada ay ka waddo gudaha dalka, waxaana ka mid ah howl-galkii ay kula wareegtay deegaanka Ceeldheere ee Dhuusamareeb iyo midkii ay ku qabsatay Matabaan inkastoo ay dib uga baxday halkaasi.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Daawo: Golaha Wadatashiga oo loo diray baaq la xiriira kursi xildhibaan ‘oo la boobay’

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdiraxmaan Tuuryare oo ka mid ahaa musharaxiinta kursigii Xildhibaan ee loo boobay Agaasimaha KMG ah ee NISA Yaasiin Farey ayaa fariin hor leh u diray golaha wadatashiga qaranka oo dhawaan ka shiri doona qaladaadka hareeyey doorashada dalka.

Cabdiraxmaan ayaa ugu horeyn soo dhaweeyey go’aankii uu ra’iisul wasaare Rooble ku kala diray xubnihii laga saaray guddiga xalinta khilaafaadka doorashada, isagoo Alle uga baryey inuu haleeshiiyo go’aanada kale ee u baahan inuu qaado Rooble, si loo badbaadiyo kalsoonida doorashada.

“Ra’iisul wasaare waxaan Allah ka rajeynaa tallaabooyinka bilaawga ah ee aad qaaday kuwii ku xigay ee loo riyaaqi lahaa inaad qaado,” ayuu yiri.

Jeneraal Tuuryare oo fariin u diray golaha wadatashiga qaranka ayaa yiri, “Waxaan ugu baaqeynaa madasha wadatashiga oo naloo sheegay inay kulan ka yeela doonaan saxidda hanaanka doorashada iyo qaladaadkii dhacay, waxaan idiin rajeynayaa inaad ku dhiirataan saxidda doorashada iyo badbaadinta dalka oo aad ka soo guurtaan danaha aad is bideen ee shakhsiga ah iyo awoodaha aad ku takri fasheen.”

Waxa uu sheegay in kulanka golahaas ay rajo weyn ku xirayaan, maadaama maanta qarka loo saaran yahay in dalku fowdo galo oo doorashada laga rajo dhigo, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaa tihiin masuuliyiinta maanta maamusha 90% dalka oo dowladda dhexe uga hooseeya, waxaan rajo weyn ka qabnaa inaad wax sixi doontaan oo mas’uuliyadii aad fududeysateen ee lagu boobay kuraasta uu ka mid yahay HOP#67 aad dib u sixi doontaan, Rooble oo hoggaaminayaa madashaas waxaan kula talinayaa inuu muujiyo dhiiranaan gaar ah,” ayuu yiri Jeneraal Tuuryare.

Hoos ka daawo

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Daawo: Shir ay Muqdisho ku yeesheen beelo ka tirsan Harti-Abgaal oo go’aano iyo digniin culus laga soo saaray

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu qabtay shirweyne ay isugu yimaadeen beelaha Cabdalla-Caroone iyo Nuugaane-Caroone ee Abgaal, kaas oo looga arrinsaday aayaha labada kursi ee tirsigoodu yahay Hop141 iyo Hop146.

Beelahaan ayaa ka digay cawaaqib xumada ka dhalan karta boob ay sheegeen inay ku heyso beesha Maxamed-Caroone oo ay wadaagaan kuraasta golaha shacabka, waxayna beelaha kale ee Mudulood ka dalbadeen inay soo faro-geliyaan khilaafka ka taagan labadaas kursi.

Shirkii maanta ee labadaas beelood ayaa laga soo saaray war-murtiyeed ay si wadajir ah u soo saareen waxgaradka Cabdalla-Caroone iyo Nuugaane-Caroone oo ka kooban lix qodob, kuwaas oo kala ah:

1 – Shirweynihii koowaad kadib waxaa labadaan beelood ee walaalaha ah ka codsaday inay fursad siiyaan si arrintaan uu u xaliyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif, oo safar ku tegay degmada Cadale.

2 – Shir ka dhacay guriga madaxweynihii hore Sheekh Shariif 4-tii November waxaa la isla gartay in labadaas kursi ay ka wada dhexeeyaan beelaha Suul-Harti oo aysan jirin cid si gaar ah u sheegan karta, iyadoo beesha Maxamed-Caroone ay goobtaas ku bixisay raali gelin, waxaana goobtaas looga dhawaaqay guddi farsamo, balse waxaa fashiliyey oo ay ka socon waayeen wixii lagu heshiisyey beesha Maxamed Caroone.

3 – Mudo lix bilood ah kadib, oo dadaalo xoog leh uu arrintaan ku bixiyey Madaxweynihii hore Sheekh Shariif, waxay natiijadu noqotay inuu ku guul dareystay inuu xaliyo is qabqabsiga kuraastaas.

4 – Beelaha walaalaha ah ee Cabdalla-Caroone iyo Nuugaane-Caroone waxay gaarsiiyeen cabashadooda ku aadan kuraasta kala ah, Hop141 iyo Hop146, cid kasta oo ay quseydo doorashada dalka, sida ra’iisul wasaaraha, guddiyada doorashooyinka iyo maamulka HirShabeelle.

5 – Beelaha walaalaha ah ee Cabdalla-Caroone iyo Nuugaane-Caroone waxay ku bogaadinayaan madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe sidii hufnaanta laheyd ee doorashadii Aqalka Sare uu u qabtay, waxayna ka rijeynayaan in si taas lamid ah uu u maareeyo doorashada golaha shacabka, si gaar ah kuraasta Suul-Harti ee muranku uu ka taagan yahay.

6 – Beelaha walaalaha ah ee Cabdalla-Caroone iyo Nuugaane-Caroone waxay baaq u dirayaan walaalahooda kale ee kala ah, Harti Abgaal, Wacbuudhan Abgaal, Warculus Abgaal iyo guud ahaan beelweynta Mudullood, inay ogaadaan dulmiga iyo cadaalad darrada beesha Maxamed-Caroone iyo cawaaqib xumada ka dhalan karta.

Baayaanka ayaa ugu dambeyntii waxaa lagu yiri, “Beelaha walaalaha ah ee Cabdalla-Caroone iyo Nuugaane-Caroone waxay ka digayaan cawaaqib xumada ka dhalan karta isku dayga beesha Maxamed-Caroone oo boobeysa kuraasta naga dhaxeysa, waxaan guddiyada doorashada uga digeynaa inay aqbalaan ergo hal dhinac ah, HirShabeelle waxaan uga digeynaa in la qabto doorashada Suul-Harti Abgaal, iyadoo aan la isku waafaqin, waxuuna maamulku qaadi doonaa mas’uuliyada natiijadii ka dhalata arrintaas.”

Hoos ka daawo

Wareysi: Kursiga Rooble ku qasbay inuu 7 xubnood ka eryo guddiga khilaafaadka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka Xuseen Maxamed Maxamuud ee shalay shaqada laga eryey isaga iyo lix xubnood oo kale ayaa shaaciyey arrinta ay isku qabteen Ra’iisul Wasaare Rooble ee sababtay inuu guddiga ka saaro.

Xuseen oo wareysi siiyey BBC ayaa sheegay in tan iyo markii la doortay Agaasimaha KMG ah ee NISA Yaasiin Farey, ay isku dheganaayeen iyaga iyo Ra’iisul Wasaare Rooble, arrintaas ayuu sheegay in ugu dambeyn shalay ay keentay in shaqada laga eryo xubno uu ku jiro.

Waxa uu sheegay in Ra’iisul Wasaaruhu uu qatar u arkaayey qaabka ay u xaliyeen kiiskii dacwada ahaa ee ka dhashay in Yaasiin Farey loo sharciyeeyo kursiga Hop067.

Hase yeeshee ka guddi ahaan waxa uu sheegay in Yaasiin Farey ay u arkayeen nin wadani ah oo u qalma, xaqna u leh inuu u tartamo kursigaas, kuna guuleysto, taas oo ugu dambeyn keentay inay ogolaadaan natiijada doorashadii uu ku soo baxay Agaasimaha NISA.

“Mudadii aan gacanta ku heynay kiiskii Yaasiin Farey waan iska laa-laadnay Ra’iisul wasaaraha, isagu waxuu u arkaayey kiis khatar ah oo dalka iyo dadkaba dhibaato ku ah, anaguna waxaan u arkeynay wadani tartamay oo dacwad laga soo gudbiyey, sidii sharcigu ahaa ayaan u xalinay dacwadaas,” ayuu yiri Xuseen Maxamed Maxamuud.

Waxa uu sheegay in cidda kaliya ee wax ka qaban kartay cadaadiska ay kala kulmayeen Ra’iisul Wasaare Rooble ay aheyd golaha wadatashiga qaranka, taasina aysan u suurta gelin, maadaana ay ku dadaalayeen in aysan hormuud u noqon is qab-qabsi ka dhasha howsha socota ee doorashada.

Sidoo kale guddoomiyihii hore ee guddiga xalinta khlaafaadka waxa uu sheegay inay ogaayeen in Rooble uu qaadan doono go’aan noocaan ah, maadaama sida uu sheegay uu ugu hanjabay inuu guddiga kala dirayo hadii aysan yeelin sida uu rabo.

“Horaa naloogu hanjabay, waxaan nala yiri hadii aadnaa saas iyo saas yeelin waa la idin kala dirayaa, marka waan ogeyn in tani imaan doonto, markii aan go’aanka ka gaareynay kiiska kursiga Yaasiin Farey, marka arrintaan waa nabar aad ogtahay naxdin kuguma reebo, wax dhib ah oo ay nagu heysana ma jirto, markii laga reebo saameynta ay ku yeelan doonto doorashada,” ayuu yiri.

Xuseen Maxamed Maxamuud ayaa sheegay in tallaabadii guddiga looga saaray aysan meelna sharciga ka waafaqsaneyn, tan lagu sameeyana berri lagu sameyn karo guddiyada kale ee doorashada, sida uu sheegay.

Hadii laga saarayo guddiga waxa uu sheegay in golaha wadatashiga qaranka ay aheyd inay wada qaataan go’aankaas, balse Rooble uu ku fududaaday oo uu ula dhaqmay guddigii madaxa-banaanaa, sidii xubno ka mid ah xukuumadiisa, sida uu hadalka u dhigay Xuseen Maxamed Maxamuud.

Hoos ka dhageyso wareysiga

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Xog: Guul-darradii uu Qoor Qoor ku dhuftay ROOBLE ee dhalisay go’aankii uu qaatay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shalay eryey 7 ka mid ah xubnaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka doorashooyinka, oo uu ku eedeeyey inay lumiyeen kalsoonidii lagu qabay, islamarkaana ay ku milmeen dhinacyada siyaasadda ee ku loolamayo doorashada Soomaaliya.

Ceyrinta xubnahan ayaa soo saaray inuu jiro loolan u dhaxeeya maamul goboleedyada iyo xafiiska ra’isul wasaaraha, oo ku aadan maamulka doorashada dalka.

Warar lagu kalsoonyahay ayaa xaqiijiyey in ceyrinta xubnahay aaney shaqo ku laheyn codsi ka yimid mucaarad ama siyaasad ay ku milmeen iyo arrimo kale balse ay la xiriirto saameyn la’aanta Rooble ee guddiga dhexdiisa ah.

Talaabad uu Rooble qaaday ayaa jawaab u aheyd kadib markii 15-kii bishan ay guddigu gudbiyeen taliyaha NISA Yaasiin Fareey oo uu isugu diidanaa, sida aan xogta ku helnay.

Guul-darrada ka qabsatay inuu joojiyo xubinnimada Yaasiin Faarey ayaa timid kadib markii madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qqor, oo keensaday Yaasiin Farey isaga oo ku qancinaya Farmaajo, uu si loo ansixiyo adeegsaday maamul goboleedyada kale, cadaadisna ku saaray in la meel-mariyo.

Kadib ayaa xubnaha Galmudug ugu jira guddiga iyo xubnihii maamul goboleedyada kale ugu jiray guddiga waxay ogolaadaan Yaasiin, mana dhicin in go’aanka ka biyo-diideen xubnihii uu guddiga ku lahaa ra’siul wasaare Maxamed Rooble.

Maamul goboleedyada kale wax jaceyl ah uma hayn Yaasiin Farey, hase yeeshee waxay dareensanaayeen in haddii lasoo celiyo ay hormuud u noqon doonto in xildhibaano badan oo ay soo saari doonaan la marsiin doono waddadaas, taasi oo macnaheedu yahay inay ku heshiiyeen in nin walba uu boobo kursigii uu awoodo, iskuna garab siiyaan.

Sidaas darteed, Ra’isul wasaarae Rooble ayaa markii uu amarkiisa socon waayey waxaa uu guddiga ka saaray xubnihii uu awalba isaga keenay, kuwaas oo ka dhex shaqeyn waayey guddiga xallinta khilaafaadka, kana iibin waayey codsiga Rooble ee ahaa in la celiyo kursiga Yaasiin Fareey, waxaa uuna magacaabay xubno uu isleeyahay waxay ka daacadsan yihiin kuwii hore.

Kursiga Faareey oo muran ka dhex dhaliyey beeshiisa ayaa hadda waxaa uu soo saaray khilaaf u dhaxeeya Rooble iyo Qoor Qoor oo ku xiran Farmaajo. 

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii 

Ciidamo horleh oo maanta la geeyay xarumaha garsoorka Gobolka Banaadir + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidanka Asluubta ayaa maanta ciidamo badan oo si gaar ah u qalabeysan geysay xarumaha Garsoorka gobolka Banaadir, si loogu xoojiyo fulinta iyo daadajinta cadaalada iyo garsoorka.

Ciidanka oo loogu magac daray Gama’diid ayaa waxaa loogu tala-galay inay ilaaliyaan xarumaha Garsoorka iyo cadaalada ee gobolka Banaadir iyo sugida amaanka madaxda.

Taliyaha howl gelinta ciidanka Asluubta, G/sare Suleymaan Maxamed Axmed Dulmi-diid ayaa ciidamada oo lagu xoojinayo kuwii hore ee ku sugnaa xarumaha Garsoorka ku wareejiyay xarumahaas.

“Waxaa tihiin ciidankii cadaalada iyo garsoorka u ahaa aas-aaska oo la idinku fulinaya, haddii cadaalad darro iyo buuq la idinku sheegto waxaa ka dhalan kara waa garaneysaan ciqaab ayaa ka dhalaneysa,” ayuu yiri Taliye Dulmi-diid oo la dar-daarmay ciidamada.

“Magac qurux badan ayaa la idin siiyey Gama’diid, hore waa u joogteen haddana waa idinku xoojineyna. Ciidamada qalabka sida waxaa u tihiin aas-aaska cadaalada iyo sugnaanta saxda ah.”

Ciidamadan ayaa maanta si rasmi ah ugu biiray ciidamo hore u joogay xarumaha Garsoorka gobolka Banaadir, sida uu qorshuhu yahayna waxay sare u qaadeysa amaanka xarumahaas iyo madaxda ka howl-gala.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Shan arrin oo ka dhalaneysa tallaabadii uu ROOBLE ka qaaday gudiga khilaafaadka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa Shalay qaaday tallaabo halmar badashay jawiga doorashada Soomaaliya. Wasiirka koowaad ayaa shaqada ka eryey 7 kamid ah guddiga xainta khilaafaadka oo lagu eedeeyey inay si musuq-maasuq ah u maareeyeen natiijada Kursiga HOP#67.

Xubnaha guddigaan ayaa maalmihii dambe dhex mushaaxayey gudaha Villa Somalia iyo xarunta Nabadsugidda Qaranka. Sida naloo xaqiijiyey waxaa Ra’isulwasaaraha la gaarsiiyey fadeexadaha uu dhex jiifo guddigaan , wuxuuna go’aansaday inuu eryo jilaayaasha ugu waaweyn mashruucaan wax is dhaafsiga ah.

Xubnaha la eryey waxaa ku jira guddoomiyihii guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka, haddaba waxaan warbixintaan kusoo koobeynaa 5 arrimood oo laga faa’idi doono tallaabada uu qaaday Ra’isulwasaare Rooble.

1- Kalsoonida Doorashada

Hab-dhaqanka guddiyada doorashooyinka waxay si weyn u dhaawaceyn kalsoonidii lagu qabay guud ahaan doorashada. Dad badan oo Kuraas laga boobay ayaa iska tagay kadib markii ay akhriyeen hab-dhaqanka guddiyadaan oo mar walba xukunkooda u leexinaya cidda awoodda heysata.

Rooble wuxuu ahaa qofka ay ku dhaceysay eedda ugu badan, inuu tallaabadaan qaaday waxay soo celin doontaa kalsoonidii lagu qabay inay Dalka ka dhacdo doorasho lagu wada qanci karo.

 2- Joogsiga gacan togaalaysiga guddiyada

Guddiyada labada heer doorasho waxaa hareeey fadeexado la xiriira gacan togaalaysi iyo gudbinta dano shakhsi ah. Qeylo dhaanta mucaaradka iyo dhammaan daneenayaasha doorashada ayaa cirka isku shareertay, waxay guddiyada aaminsanayeen inaysan dhici karin in lagu qaado tallaabo isbadal ama edbin ah.

Go’aanka uu Rooble ku eryey 7 xubnood oo kamid ahaa guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka waxay soo dadajin doontaa in xubnaha guddiyadu waajibkooda iyo jeebkooda kala fogeeyaan.

3- Xalka boobka Kuraasta

Doorashada Golaha Shacabka waxay ku bilaabatay jawi boob ah, Ra’isulwasaaraha dhowr jeer ayuu ku baaqay in la dhowro hufnaanta doorashada iyo in lagu dhaqmo hab-raaca qoran.

Waxaa muuqatay in taas aysan dhag jalaq u siineyn guddiyada iyo madaxda maamul Goboleedyada. Sida uu Ra’isulwasaare Rooble uga falceliyey boobkii lagu sameeyey Kursiga HOP#67 waxay sababi doontaa inay joogsadaan dhammaan boobka lagu hayo Kuraasta Golaha Shacabka maadaama ay muuqato in xafiiska Ra’isulwaaaraha go’aan toos ah ku gaaray inuu waardiyo ka noqdo boobka Kuraasta.

Waxaa hadda kadib adkaan doonta in Kursi lasoo boobay uu si fudud kaga soo gudbo guddiyada doorashooyinka.

4- Aqoonsiga Doorashada

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa jiray walaac ku saabsan in la aqoonsan waayo doorashadaan boobka ah. Wakiilada caalamiga ah ayaa walaac arrintaas ku saabsan gaarsiiyey madaxda sare ee Dowladda Federaalka ah.

Waxaa jira warar sheegaya in madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha lagu wargeliyey inay adkaan doonto in aqoonsi caalami ah loo helo doorasho noocaan ah haddii aan deg deg loo hagaajin mashruuca doorashada.

Tallaabada uu qaaday Ra’isulwasaare Maxamed Xuseen Rooble waa mid dhinaca hufnaanta loo qaaday, waxayna doorashada ka dhigi kartaa mid aqoonsi hesha.

5- Ka qeybgal loo dhan yahay

Dhawaan mucaaradka Soomaaliya ayaa qaadacay inay qeyb ka noqdaan doorashadaan boobka ah, waxay sheegeyn inaysan mashruucaan ka qeybgeli doonin haddii aanan la sixin hanaanka ay wax ku socdaan.

Dhammaan dhinacyada doorashada rabitaanka uga jiro ayaa su’aal ka keenay ka qeybgalka, Ra’isulwasaaraha ayaa Farta lagu wada fiiqay, iyadoo laga dalbanayo inuu xal keeno.

Rooble wuxuu muujiyey inuu qalinkiisa ku xalinayo tabashooyinka doorashada. Go’aankii uu gaaray wuxuu dhabaha u xaarayaa in doorashada noqoto mid laga wada qeybgalo oo Berrina lagu wada qanci karo natiijada kasoo baxday.

Midowga musharixiinta mucaaradka ayaa durba soo dhaweeyey tallaabadad uu qaaday Ra’isulwasaare Rooble, waxaana kaloo la eegayaa sida loo wajihi doono go’aankii ay guddigaas ku fasaxeen kursigii Yaasiin Farey ee HOP#67.

Maxkamadda G/Banaadir oo laga dalbaday inay soo xirto ganacsato lagu eedeeyey in…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Xeer ilaalinta guud ee Qaran ayaa Maxkamadda Gobolka Banaadir u gudbisay dacwad ka dhan ah 3 qof oo ganacsato ah oo lagu eedeeyey inay si sharci darro ah u dhoofiyaan Dhuxusha.

Maxkamadda ayaa laga codsaday inay ganacsataan usoo jarto waaran lagu soo xirayo si deg deg ah maadaama lagu eedeeyey inay dhoofiyaan dhuxusha oo ah fal dambiyeed lagu ciqaabi karo xeerka ciqaabta Soomaaliyeed iyo qodobada 51,56, 57 ee xeerka ilaalinta deegaanka iyo duur joogta Soomaaliyeed.

Xeer Ilaalinta ayaa sheegtay in dhoofinta dhuxasha Soomaaliyeed lagu mamnuucay xeer kasoo baxay Qaramada Midoobay ee nambarkiisu ahaa S/RES/2036/2012.

Seddexda Ganacsade ee la amray in lasoo xiro ayaa kala ah:

1) Yuusuf Jaamac oo dagan Magaalada Muqdisho kaasoo lagu eedeeyey inuu dhoofiyey 100.000 Loor oo dhuxul ah

2) Axmed Xaaji Cali oo dagan Muqdisho kaasoo lagu eedeeyey inuu dhoofiyey 20.000 Loor oo dhuxul ah.

3) Liibaan Xuseen Kaarshe oo dagan Muqdisho kaasoo lagu eedeeyey inuu dhoofiyey 20.000 Loor oo dhuxul ah.

Halkaan hoose ka akhriso amarka kasoo baxay xeer ilaalinta

Yaa kusoo baxay doorashadii afarta kursi ee maanta ka dhacday Muqdisho? (Aqriso)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta lagu qabtay doorashada kuraas ka mid ah xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa kasoo galaya dhinaca gobollada waqooyi (Somaliland).

Guuleed Biixi Cabdi ayaa ku soo baxay kursiga HOP#255 ee doorashadiisa la qabtay, wuxuuna helay 58 cod, sida uu shaaciyey guddigu.

Sidoo kale Axmed Maxamuud Muxumed oo horay kursigan ugu fadhiyey ayaa helay 22 cod, halka musharaxa saddexaad ee tartamay Cabdullahi Biixi Xuseen uu isna helay 21 cod.

Kursiga HOP#262 ayaa waxaa sidoo kale dib loogu doortay Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan oo heshay 93 cod, kadib markii ay tanaasushay Caasho Aadan Yuusuf oo la tartami laheyd.

Sidoo kale kursiga afaraad ee la qabtay doorashada waxaa ku guuleystay Cabdullahi Cismaan Ducaale, ka gadaal markii ay tanaasushay Muna Ibraahim Cali oo la tartami laheyd.

Natiijada soo baxday doorashada maanta lagu qabtay Dugsiga Tababarka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Janaraal Kaahiye ayaa aheyd mid la filayey, loona saadaalinayey xubnaha la doortay.

Qabashada doorashadan ayaa kusoo aadeyso, xilli ay weli dood adag ka taagan tahay doorashada Golaha Shacabka ee haatan ka socota dalka.

Si kastaba, shalay ayey aheyd markii shaqada laga eryey illaa 7 xubnood oo ka tirsanaa guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka, kadib markii lagu eedeeyey inay ku milmeen arrimaha siyaasadda ee ka jira gudaha dalka.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Villa Somalia oo war kasoo saartay diyaradaha drone ee la sheegay inay siisay Turkey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ee uu hoggaamiyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa beenisay inay Turkiga weydiisatay diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee nooca Drones-ka ah.

Agaasimaha warfaafinta ee Villa Soomaaliya, Cabdirashiid Maxamed Xaashi oo wareysi gaar ah siiyey laanta afka Soomaaliga ah ee BBC-da ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in Turkiga uu Soomaaliya siinayo diyaarado dagaal, kadib markii warar sheegaya lagu baahiyey baraha ay bulshada ku wada xariirto ee Internet-ka.

“Maya, anigu kuu xaqiijin maayo taas, warkaasna ma jiro,” ayuu yiri Cabdirashiid Maxamed Xaashi.

Agaasimaha ayaa sidoo kale xusay in kulankii ay yeesheen Madaxweynayaasha wadamada Soomaaliya iyo Turkiga kaliya looga hadlay arrimaha amniga iyo xoojinta taageerada ay xukuumadda Ankara siiso mida Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Turkiga uu Soomaaliya ka caawinayo dib u dhiska ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed iyo la dagaalanka kooxda Al-Shabaab.

Turkiga ayaa ah dal saaxib dhow la ah Soomaaliya, wuxuuna ka caawiyaa arrimaha ciidamada iyo sidoo kale bani’aadanimada.

Si kastaba, hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday uu ku sugan yahay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, halkaas oo uu uga qeyb-galay shirweynaha iskaashiga Turkiga iyo Afrika, isaga oo madasha ka sheegay fursadaha iskaashi iyo maalgashi ee yaalla Soomaaliya.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii

Android: Halkan Click sii

Mucaaradka oo ka hadlay wada-hadallo la sheegay inay la fureen FARMAAJO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Midowga Musharaxiinta Mucaaradka ayaa markii ugu horeysay ka hadlay wararka soo baxay ee sheegaya inay wada-hadal la fureen madaxweyaha waqtiga ka dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Siyaasi Cabdiraxmaa Cabdishakuur ayaa been abuur ku tilmaamay in Midowga Musharaxiinta ay wada-hadallo kala fureen Farmaajo muddo kororsi iyo dhismaha dowlad wadaag ah.

“Waa dacaayad, warkaas wax ka jiro malaham, ciddii wax ka doontaa madaxwayne xilkiisu dhamaadey waa iyadda oo booli doonatay,” ayuu yiri xilli uu wareysi siiyey Telefishinka Universal.

Warsame oo rumeysan in shacabka Muqdisho ay ugu dul qaateen maamulka Farmaajo inuu sii joogo isagoo muddo xileedkiisu dhamaadey ayaa hoosta ka xariiqay in aysan marnaba aqbali doonin doorasho boob ah.

“Dulqaadkeena iyo dulqaadka dadka caasimada waxaa kamid ah in madaxweyne aan sharciyad haysan uu wali canshuurtii qaadanayo, ciidankii xukumaayo oo uu iska fadhiyo; waana ayaan darro,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdshakuur.

Hadalka kasoo baxay Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa kusoo aadaya xilli Maalmihii lasoo dhaafay ay soo baxayeen  warar sheegaya in Cumar Cabdirashiid uu wado qorsho lagu heshiisiinayo madaxweyne Farmaajo iyo mucaaradka

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sidoo kale beeniyey in Midowga Musharaxiinta uu haatan ku kala qeybsamay qadiyadda la xiriirta boobka doorashooyinka ayaa soo bandhigay laba qodob oo la dhaqan-geliyo aysan sii jiri doonin musharaxiinta.

Labadda qodob ayuu ku kala sheegay; in doorashada waqtigeeda ku dhacdo iyo in doorashadda noqoto mid daahfuran oo la tartami karo.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii 

Xubnihii laga eryey guddiga xalinta khilaafaadka oo amar deg deg ah lagu soo rogay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib markii Ra’iisul Wasaare Rooble uu guddiga xalinta khilaafaadka doorashada ka saaray 7-xubnood oo guddoomiyihii uu ku jiro, ayaa waxaa la sheegay in sidoo kale uu bixiyey amar ah in laga saaro Hotelkii ay dejisay dowladdu.

Hotelkaas oo lagu magacaabo Shabeel oo xarun u ahaa guddiga waxaa la sheegay inuu tegay wasiirka amniga Cabdullahi Maxamed Nuur oo ciidamo wata, isagoo xubnihii laga saaray guddiga u qabtay saacado kooban inay uga guraan Hotelka.

Amarka ah in xubnahaas laga saaro Hotelka waxaa la sheegay inuu bixiyey Ra’iisul  Wasaare Rooble, oo isagu gaaray go’aankii guddiga xalinta khilaafaadka looga saaray todobadaas xubnood.

Xubnaha laga saaray guddiga ayaa qodob ka mid ah war-saxaafadeed ay ku diideen inay aqbalaan go’aankaas waxay ku cambaareeyeen hanaankii uu ula dhaqmay wasiirka Cabdullahi Maxamed Nuur, oo sida ay sheegeen u geystay handadaad, una qabtay laba saac inay uga guuraan hoteelka.

“Guddigu waxuu si gaar ah uga xunyahay una cambaareynayaa hanaankii argagaxa lahaa ee wasiirka amniga Cabdullahi Maxamed Nuur uu ula dhaqmay xubnaha guddiga, kadib markii uu xarunta guddiga lasoo galay ciidamo hubeysan, isagoo xayiraad, handadaad iyo cagojugleyn u geystay xubnaha guddiga, kuna amray inay hal saac gudihiis uga guuraan xarumahooda, hadii kale ay muteysan doonaan ciqaab xarig ah, taas oo xadgudub ku ah xasaanada xubnaha guddiga, sharaf dhacna ku ah XFS,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xubnaha laga eryey guddiga.

7-da xubnood ee shaqada laga eryey waxaa kamid ah guddoomiyihii guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka Xuseen Maxamed Maxamuud oo shalay shir jaraa’id oo uu qabtay ku sheegay inay gudashada shadooda kala kulmayaan culeysyo siyaasadeed, isagoo golaha wadatashiga qaranka iyo midowga musharaxiinta si isku mid ah uga dalbaday in lagu kalsoonaado qaabka ay u gudanayaan howshooda, isagoo ku dooday inay heystaan madax-banaani buuxda oo garab gaar ah aysan daacad u aheyn.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Guddiga doorashooyinka oo dalab deg deg ah u diray qaar ka mid ah maamullada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyika heer federaal ayaa ka dalbaday dowlad goboleedyada HirShabelle iyo Puntland inay si deg deg ah u bilaaban doorashada Golaha Shacabka, xili ay ku gadaaman yihiin mad-madow badan.

Afhayneeka guddiga doorashooyinka heer federaal Axmed Safiina oo warbaahinta la hadlay ayaa sidoo kale labada maamul ka dalbaday inay cadeeyan caqabadaha haysta ee ay u bilaabi la’yihiin doorashada.

Sidoo kale waxa uu sheegay in howlaha doorashooyinka Soomaaliya, gaar ahaan Golaha Shacabka ay si dar-dar leh uga socdaan dalka, islamarkaana dhawaan la dooran doono Xubno badan oo ka tirsan Golaha Shacabka.

Waxa uu intaas kusii daray in waqtigii loo qabtay Maamulada dalka inay ku bilaaban doorashada uu dhamaaday, islamarkaana uu jadwalka doorashadaas uu yahay mid gaba-gabo ah.

Waxaa horay u bilaabay doorashada Golaha Shacabka dowlad goboleedyada Galmudug, Koonfur Galbeed iyo kuwa Gobolada Waqooyi, halka Jubbaland iyo kuwa Beelaha Banaasiriga ay soo saareen liiska kuraasta ay doorashadooda qabanayaan.

Doorashada Golaha Shacabka ayaa dalka kasii socota, xilli si adag looga horyimid hanaankeeda, ayna qaadaceen Midowga Musharaxiinta oo dalbaday in la hakiyo doorashada, inta la saxayo qaladaadka jirra.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Waxay diiday inuu guursado kadibna wejigeedii qurxanaa ayuu aashito ka baabi’iyey

Baghdad (Caasimada Online) – Waxaa baraha bulshada ee caalamka qabsaday muuqaallada argagax leh ee Maryam al-Rikabi oo ah gabar Ciraaqi ah oo wejigooda uu isbedelay islamarkaana gogo’ay kadib markii uu aashito ku shubay nin ay diiday inay guursato.

Gabadhan oo ah ardayad deggan magaalada Bagdhad ayaa waxaa bishii June ayada oo gurigeeda jiifta soo weeraray ninka ay guurkiisa diiday.

Ninka ayaa soo galay guriga Maryam xilli hooyadeed iyo aabaheed ku maqnaayeen shaqo, wuxuuna wejiga uga shubay aashito ayada oo huruda, isaga oo kadibna xaday teleefonkeeda.  

Warbixino ay baahiyeen warbaahinta Ciraaq ayaa lagu sheegay in Golaha Garsoorka Sare ee Ciraaq uu Khamiistii ku dhowaaqay inuu socdo baaritaan lagu sameynayo dhacdadan. 

Aabaha Maryam ayaa ka codsaday Golaha Garsoorka inay si dhab ah u qaataan kiiskan oo ay ahmiyad siiyaan in lala xisaabtamo ninka weerarka geestay. Wuxuu sidoo kale ka hadlay caqabadaha ay wajahday Mariam tan iyo markii weerarka lagu qaaday.

Kumanaan qof ayaa taageero u muujiyey Maryam ayaga oo baraha bulshada ka billaabay hashtag ah “Badbaadi Amiirad Maryam.”

Waxaa sidoo kale Khamiistii la billaabay bog GoFundMe ah oo lacag loogu ururinayo Maryam si caafimaad dibedda Ciraaq ah loogu qaado, waxaana markii aan warbixintan daabacnay uu mareyey $24,400.  

Sida ay sheegtay hay’adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch, rabshadaha qoyska ayaa saf-mareen ka ahaa Ciraaq 2020, oo ay ku jiraan dilalka ay haweenka iyo gabdhaha u gaysteen qoysaskooda iyo seygooda.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii 

Maxaa laga yeelayaa kuraastii ay xalaaleeyeen guddiigii uu shalay eryey ROOBLE?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shalay eryey 7 ka mid ah xubnaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka doorashooyinka, oo uu ku eedeeyey inay lumiyeen kalsoonidii lagu qabay, islamarkaana ay ku milmeen dhinacyada siyaasadda ee ku loolamayo doorashada Soomaaliya.

Xubnaha shaqada laga joojiyay oo gaaraya illa iyo 7 xubnood ayaa waxaa kamid ah guddoomiyaha guddiga xalinta khilaafaadka ee arrimaha doorashooyinka Xuseen Maxamed Maxamuud Laki.

Shaqo ka joojinta xubnahaan ayaa timid xilli ay xubnahan saaka kasoo hormuuqdeen warbaahinta iyagoo edeeyn u jeediyay Midawga Musharaxiinta, oo ay sheegeen inay halis ku yihiin shaqooyinkooda.

Maxaa laga yeeli doonaa go’aamadii khaldanaa ee ay horay u gaareen guddiga?

Rooble wuxuu eryey xubno uu ku eedeeyey inay khaladaad galeen hase yeeshee ma uusan sheegin waxa laga yeelayo khaladaadkii dhacay iyo haddii dib loo saxayo iyo haddii kale. 

Guddiga xallinta khilafaadka ayaa horey go’aan uga gaaray kuraas dacwad laga soo gudbiyey oo qaarkood ay sheegeen in hab-raacii loo maray ay aheyd kuwa saxan sida kursiga HOPP#67 ee uu kusoo baxay taliyaha ku-meel gaarka ah ee Hay’adda NISA Yaasiin Farey iyo kursigii uu kusoo baxay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenkii dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar.

“Labo kiis oo aan anagu qabanay waxa aan u raacnay habraacyadaas, waxa aan u arkeynay in caddaaladda keliya ee labada dhinac xaq siineysa, labadaas kiis aan qabanay mid waxa uu ahaa kii Xuseen Carab ciise HOP#239 & Midna waxa uu ahaa kursigii ugu dambeeyay HOP#067 ee uu kusoo baxay Yaasiin Farey, hab aad & aad u qurxoon oo laga baaraandegay oo habraacyada loo eegay ayaa u marnay” ayuu yiri guddoomiyaha guddiga xalinta khilaafaadka Xuseen ka hor inta aan la eryin.

Axmed Macalin Fiqi oo kamid ah xubnaha mucaaradka ayaa sheegay inay aheyd inuu Ra’iisul Wasaare Rooble tallaabo ka qaado guddiyada qabtay doorashada boobka ah oo aan kaliya eeda dusha laga saarin guddiga xalinta khilaafaadka.

“Guddiga xallinta khilaafaadku waa halka ay wax ku soo dhamaadaan, guddiyada kale wax ay soo qaldaan ama ay soo musuqmaasuqaan ayaa soo gaara, waxaa in la isweydiiyo mudan sababta kuwii wax soo qalday tallaabada looga qaadi waayey oo kuwaan kaligood loo beegsaday haddiiba wadada wax sixidda loo jeestay,” ayuu yiri Fiqi

Fiqi ayaa sidoo kale is waydiiyey waxa laga sameyn doono kuraastii dacwadda laga soo gubiyey oo uu ansixiyey guddiga.

“Tan kale go’aanadii qaldanaa ee guddigaas ka soo baxay waxba lagama dhihin! Haddii qalad iyo eex ay sameeyeen lagu eryay xubnahaas, go’aanadii ay soo saareena waxa ay ahayd in meesha laga saaraa!! Haddii kale waraaqahaan laftooda ayaa xalaaleynaya wixii guddigu xalaaleeyey!?!.

Fallanqeeyaasha siyaasadda ayaa rumeysan in tallaabada uu qaaday Ra’iisul Wasaare Rooble aysan ku filneyn daminta cabashada ka taagan kuraastii la doortay ee muranka dhaliyey, oo ay tahay inuu Rooble go’aan cad ka qaato go’aanadii qaldanaa ee horey loo gaaray.

Golaha Midowga Musharraxiinta Soomaaliya ayaa dalbaday in lagu laabto go’aanadii ay horey u gaareen guddiga xalinta khilaafaadka.

“Isbedelka lagu sameeyay Guddiga Xallinta Khilaafaadka wuxuu horudhac u yahay soo celinta kalsoonida shacabka, waana in dib looga laabto go’aannadii guddiga ay hore u gaareen,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ay golaha soo saareen.

Haddii uu Rooble ku adkeysto in sidaan looga gudbo kuraastii muranka dhaliyey wax weyn sooma kordhin doonto xubnihii xilka laga qaaday, maadama sababta looga qaaday ay aheyd inay si khaldan u maareeyeen kuraastii dacwadda laga soo gudbiyey.

Qaar ka mid ah mucaaradka ayaa rumeysan in haddii aan la baabi’in doorashada kuraastii lagu muransanaa ay tallaabada Rooble ka dhigeyso cayaar siyaasadeed lagu xalaaleynayo kuraastaas, xilli ceyrinta guddigana la isugu muujinayo dhex-dhexaadnimo. 

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii 

Axmed Qoor Qoor wuxuu beesha Waceysle ‘ku qaaday dagaal karaamo dirir ah’

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Jeneraal Cabdiraxmaan Tuuryare oo ka mid ah musharaxiinta kursiga loo boobay Agaasimaha KMG ah ee NISA Yaasiin Farey ayaa talo iyo tusaalooyin culus u diray Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor, isagoo yiri, “Siyaasi la hadlaya siyaasi kale maanta maahi, waan kula dardaarmayaa walaalkeeyow.”

Cabdiraxmaan Tuuryare ayaa ugu horeyn Madaxweyne Qoor Qoor ku eedeeyey inuu beeshiisa Waceysle ku qaaday dagaal ‘karaamo dirir ah’ isagoo waxgaradka beesha Qoor Qoor ka codsaday inay arrinta soo faro-geliyaan oo aysan indhaha ka fiirsan sida uu wiilkoodu ula dhaqmayo beesha Waceysle.

“Qoor Qoor waxaad fursad u heshay inaad Galmudug xukunto, qaar ka mid ah beelaha Galmudug waxay maanta dareemayaan inaad go’aansatay inaad kuraastooda xoogto, Madaxweyne waxaad maanta heysataa jaanis aad isku saxdo, dad dhan ayaad dareensiisay in aysan muhiim u aheyn maamulkaaga,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Tuuryare.

Sidoo kale Jeneraal Tuuryare ayaa Madaxweyne Qoor Qoor kula taliyey in hadii uu la dagaashan yahay siyaasi ka dhashay beesha Waceysle uusan ku takri falin xuquuqda beesha ee dagaalku uu ku ekaado shakhsiga ay is hayaan.

“Qoor Qoor inaad masiirka bulsho dhan fududeysato oo aad deg deg go’aan uga gaarto oo dhaxal weyn reebi kara, oo wadajirka Galmudug iyo mustaqbalkaaga siyaasadeed cawaaqib xumo ku reebi kara, Madaxweyne waan kaaga digayaa arrintaas,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Tuuryare ayaa sheegay in kalsooni darro wayn ay gashay dadka reer Galmudug ee Qoor Qoor uu xukumo, “Dadka reer Galmudug waxaa galay shaki ah in mas’uuliyadda aad heyso aad u qalanto iyo in aadan u qalmin, waxaad maanta heysataa fursad ee kalsoonidaas soo celi,” ayuu yiri.

Waxa uu sheegay in Qoor Qoor uu beesha Wacaysle oo dhan uu ka doortay qof shakhsi ah oo kursi uu u boobay, sida uu hadalka u dhigay, “Carada iyo dhiilada ay beeshu ka qaadeyso tallaabadaa qaaday bal dib u fiiri, bal qiimey qofkaas waxa uu kuu tarayo iyo xumaanta beeshaas dhan kaaga soo hoyatay Madaxweyne,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Tuuryare.

Jeneraalka ayaa cida uu ka dhashay Madaxweyne Qoor Qoor waxa uu ka codsaday inay gacanta qabtaan, maadaama ay gaareyso ceebta uga soo hoyata wixii uu geysto.

“Dadku waa walaalo, Galmudug ayaa la isla leeyahay, madaxweynihii hadii uu ku cayaarayo qaar ka mid ah dadkii Galmudug, hadii garashada iyo mas’uuliyadiisu ay naga qaban weyso, hala helo ehel naga qabta, beeshaan cid masiirkeeda dhici karta ma jirto,” ayuu Cabdiraxmaan.

Jeneraal Tuuryare ayaa sidoo kale sheegay in waxa ay u dagaalamayaan hadii ay yihiin beesha Waceysle aysan aheyn kursi laga boobay oo kaliya, balse ay iska difaacayaan karamo dirro uu sheegay inuu kula kacay Madaxweyne Axmed Qoor Qoor.

Ugu dambeyntii Jeneraal Tuuryare ayaa golaha wadatashiga qaranka ka codsaday inay ka qabtaan Qoor Qoor, maadaama maalmaha soo socda ay ka shiriyaan sidii loo sixi lahaa qaladaadka ka dhacay doorashada dalka.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii