24.9 C
Mogadishu
Wednesday, July 1, 2026

Xukuumadda Abiy Ahmed oo jawaab ka bixisay go’aankii lama filaanka ahaa ee TPLF

Addis Ababa (Caasimada Online) – Xukuumaddda ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ayaa ku gacan sayrtay go’aanka ay ku dhowaaqeen mucaaradka Tigray-ga ee ay kaga baxeen gobollada deriska la ah ee Afar iyo Amhara.

“Waxaan hadda dhameystirnay ka bixitaanka ciidamadeena ee gobollada Amhara iyo Afar,” waxaa sidaas twitter-ka ku qoray afhayeenka TPLF Getachew Reda.

Tallaabadan lama filaanka ah ayaa dhabbaha u xaari karta xabad-joojin la gaaro kadib 13 bilood oo dagaal qaraar ah.

“Waxaan ku kalsoonnahay in ficilkeenna geesinimada leh ee ka bixitaankeenna uu noqon doono bilowga nabadda,” ayuu qoray Debretsion Gebremichael, madaxa xisbiga TPLF oo ah xisbi siyaasadeedka gacanta ku haya inta badan gobolka waqooyi ee Tigray.

Hase yeeshee afhayeenka Abiy Ahmed Billene Seyoum ayaa ku gacan sayrtay ku dhowaaqista mucaaradka oo ay ku qeexday mid lagu qarinayo guul-darrooyin militari.

“TPLF waxaa ku dhacay khasaraooyin weyn toddobaadyadii dhowaa, sidaas darteedna waxay sheegayaan ‘dib u garasho xeeladeed’ si ay u qariyaan guul-darrooyinkooda,” ayey u sheegtay AFP.

“Weli waxaa jira qeybo ka mid ah gobolka Amhara oo ay joogaan iyo sidoo kale furimo kale oo ay isku dayayaan inay dagaal ka furaan.”

Dhinaca kale, dowladda Mareykanka ayaa ka fal-celisay go’aanka Tigray-ga, wuxuuna afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibedda Ned Price uu sheegay in haddii la xaqiijiyo dib u gurashada TPLF “ay tahay arrin ay soo dhoweynayaan.”

“Waa arrin aan ku baaqeyno, waxaana rajeyneynaa inay albaabka u furi doonto diblomaasiyad ballaaran.”

Warqadda uu diray QM ayuu hoggaamiyaha TPLF Debretsion Gebremichael ku baaqay in hawada gobolka Tigray laga dhigo aag duulimaadyada ka caagan, cunaqabateyn hub oo lagu soo rogo Ethiopia iyo xulufadeeda Eritrea iyo in la dejiyo hab ay QM ku xaqiijin karto in dhammaan ciidamada banaanka ka yimid ay ka baxaan Tigray.

QM ayaa horey dowladda ugu eedeeyey inay xayiraad kusoo rogtay gobolka – eedeyntaas oo dowladda ay beenisay.

“Waxaan fileynaa in maadaama aan ka baxeyno, in bulshada caalamka ay wax ka qaban doonaan xaaladda Tigray, maadaama aysan hadda kadib qiil ka dhigan karin in ciidamadeena ay qabsanayaan Amhara iyo Afar,” waxaa sidaas Reuters u sheegay afhayeenka TPLF Getachew Reda.

Hindisooyinka kale ee ku jiray warqadda uu Debretsion u diray QM ayaa waxaa ka mid ahaa in lasii daayo kumanaanka qof ee maxaabiista siyaasadeed ee Tigray-ga ah ee u xiran dowladda iyo in baarayaal caalami ah ay raadiyaan kuwa ka mas’uulka ah dambiyada dagaal.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Wararkii ugu dambeeyey dagaalka ka socda Boosaaso + Khasaaraha

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaarayo gobolka Bari ee Puntland ayaa sheegaya in goor dhow rasaas teel teel ah ay ka bilaabatay gudaha magaalada Boosaaso, halkaas oo maalmihii lasoo dhaafay ay ka taagneyd xiisad kacsanaan ah.

Rasaasta oo ah mid goos goos ah ayaa waxaa is-weydaarsanaya ciidamada ammaanka Puntland iyo kuwa PSF-ta, sida ay innoo xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadka deegaanka.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in haatan is-rasaaseynta ay ka dhaceyso dhanka xaafadda Ridwaan oo ay ku taallo xerada ay dagan yihiin ciidamada PSF-ta maamulka Puntland.

Ilo wareedyo lagu kalsoon-yahay ayaa innoo sheegay in rasaasta bilaabatay ay dhalisay, kadib markii markii ciidamada Puntland ay ku dhowaadeen halka ay ku sugan yihiin PSF.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana la xaqiijiyey illaa iyo hadda ay is-rasasaaseyntaas ay ku dhaawacmeen illaa 5 qof oo isugu jiro askar iyo dad shacab ah.

Sidoo kale dadka shacabka ah ayaa waxaa soo wajahday cabsi xoogan, iyada xaafadaha qaar ay istaageen dhaq-dhaqaaqa ganacsiga, dadka iyo gaadiidka.

Xiisadda ka taagan Boosaaso ayaa ka dhalatay xil ka qaadistii uu Saciid Deni ku sameeyey agaasime Maxamuud Cismaan Diyaano oo ka horyimid tallaabadaasi, waxaana kadib fashilmay wada-hadallo lagu dhex-dhexaadinayey labada dhinac, si loo qaboojiyo xiisada.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Daawo: Bashiir Goobe oo shaaciyey xogta dhulka la sheegay inuu boobayo Rooble

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Jeneraal Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) oo ka jawaabay hadalkii ka soo yeeray Taliyaha ciidanka badda Soomaaliya Jeneraal Cabdixamiid Maxamed Dirir ayaa ku tilmaamay wax lala yaabo oo aan meel ka soo gelin sharciga saraakiisha ciidamada qaranka.

Taliyaha ciidamada Badda Soomaaliya Jeneraal Cabdixamiid Maxamed Dirir ayaa Ra’iisul Wasaare Rooble ku eedeeyey inuu boobayo dhulkii ciidamada badda oo si shakhsi ah guri uga dhisanayo, isagoo ku goodiyey in Rooble uusan taas ka aqabali doonin.

Bashiir Goobe oo ah Jenanka ugu darajada sareeya ciidamada Soomaaliya ayaa sheegay in sharciga iyo anshaxa ciidanka uusan ogoleyn in sarkaal uu madaxda qaranka eedeyn u marsiiyo warbaahinta.

“Wax na qabta maaha, waana uga cudur-daarayaa ciidamada qalabka sida iyo dhamaan umadda Soomaaliyeed,” ayuu yiri Bashiir Goobe oo sharaxaad ka bixiyey halka uu ku yaallo dhulka uu sheegay Taliye Cabdixamiin in Ra’iisul Wasaare Rooble uu boobayo.

Jeneraal Bashiir ayaa sheegay in dhulkaas uusan noqon karin xero ciidan, maadaama uu aad u yaryahay, “Waa dhul yar oo u dhaxeeya xeebta iyo safaaradda Turkiga, dhanka kalena waxaa ka xigay guryo ay degan yihiin saraakiil aan anigu ku jiro,” ayuu yiri Bashiir Gooble.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dhulkaan uusan horay u ahaa jirin dhul ciidan, “Hadii maanta ay u jeedadu tahay in wax la dhisayo, waxay aheyd in la dhiso taliska guud ee ciidanka badda, marna ma garan in dhul xeeb ah oo qashinka magaalada uu isugu yimaado, in la yiraahdo talis ciidan ayuu noqonayaan, ma noqon karo dhul ciidan, laakiin anigu markii aan u fiirsaday arrintaan waxaan is dhahay, waxaan maxay noo jiheynayaan fowdadii iyo waxyaabihii aan ka soo gudubnay?” ayuu yiri Bashiir Goobe.

Markii uu hadlay Taliyaha ciidanka badda, durbadiiba waxay dad badan tuhmeen in Taliyaha uu soo diray Madaxweyne Farmaajo oo fadeexo la raadinaya Ra’iisul wasaare Rooble, balse Jeneraal Bashiir Goobe ayaa tuhunkaas beeniyey.

Waxa uu sheegay in Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ay isku fiican yihiin oo aad ay isku qadariyaan, “Markii la isqabsaday oo anigu aan khilaafka dhinac ka soo galay kadib, waxaan ku heshiinay inaan ka shaqeyno danta dalka oo aan is aamino, gaar ahaan labada xafiis ee dalka ugu sareysa, marka waxaan leeyahay qofkii doonaya inuu isku diro Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha ha ku fekerin taas ma dhaceyso,” ayuu yiri Jeneraal Bashiir Goobe.

Hoos ka daawo

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii 

Daawo: Nin Soomaali ah oo xaaskiisii hore ka faafiyey muuqaal anshax xumo ah oo xukun adag lagu riday

0

Burtinle (Caasimada Online) – Maxkamadda degmada Burtinle ee gobolka Nugaal ayaa maanta xukun xabsi iyo ganaax lacageed ah isugu dartay Cali Xabiib Maxamed oo lagu soo eedeeyey inuu muuqaal anshax xumo ah ka faafiyey haweeney ay kala tageen.

Ugu horeyn xeer ilaalinta ayaa soo jeedisay gal dacwadeedka eedeysanaha, waxayna sheegtay in Cali uu qirtay inuu faafiyey muuqaal ay isku qarsadeen xaaskiisii hore.

Farxiyo Maxamed Aadan oo ah haweeneyda ay kala tageen Cali ayaa u dacwootay hey’adaha garsoorka Puntland ee degmada Burtinle, kadib markii ay baraha bulshada ku aragtay muuqaal anshax xumo ah oo seygeedii hore uu ka faafiyey.

Eedeynta kadib, xeer ilaalinta ayaa maxkamadda u soo jeedisay in Cali Xabiib lagu xukumo laba sano oo xabsi ah iyo 5,000 oo dollar oo ganaax ah.

Guddoomiyaha Maxkamadda degmada Burtinle Maxamuud Jaamac Mire oo ugu dambeyntii xukunka kiiskaas ku dhawaaqay ayaa Cali Xabiib Maxamed ku xukumay laba sano oo xabsi ah iyo 3,000 oo dollar oo ganaax ah.

Hoos ka daawo

Laba arrin oo lagu xalin karo khilaafka culus ee hareeyey doorashooyinka Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdikariin Xasan oo ah aqoonyahan ka faalooda arrimaha siyaasadda, sidoo kalena xubin kasoo ahaa guddigii xallinta khilaafaadka ee doorashadii 2016-kii ayaa ka hadlay xaaladda cakiran ee doorashooyinka socda ee dalka.

Cabdikariin oo wareysi gaar ah siiyey Telefishinka Universal ayaa sheegay inay habboon tahay in la joojiyo doorashada, shirna la qabto si loo saxo qaladaadka ka jira doorashada.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray haddii ay sidan kusii socoto doorashada in uu sii kordhi doono muranka taagan iyo is qab-qabsiga u dhexeeya siyaasiyiinta xil doonka ah.

“Aniga waxaan qabaan Election-ka saan inuu ku socdo ma qabo waxaan u arkaa albaabkii inuu furaayo cadaabta iyo is qab-qabsiga waxaan qabaa in arrinkaa la joojiyo oo dadka la’isku keeno oo la saxo wax sax ahna la keeno,” ayuu yiri aqoonyahan Cabdikaiin Xasan

Dhinaca kale wuxuu shaaca ka qaaday in xalka doorashada uu jiro in waqtiga lasii dheereeyo, si ay u noqoto mid xor iyo xalaal ah.

“Lab obshan mid inaan sameyno waayey inay wixii dheeraadaan oo wax sax ah ay soo baxaan iyo wixii in la boobsiiyo oo aad aragtay waxa socda inay soo baxaan, laakiin labada obshan haddii mid la qaadaanayo waxaa ila quman wixii dheeraadaa khayr ku jiraa, laakiin waa in wax sax ah lasoo saaraa,” ayuu markale wareysiga ku yiri aqoonyahan Cabdikariin.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan is qab-qabsi xoog leh uu ka jiro hannaanka doorashada Soomaaliya, wuxuuna kasii daray markii  uu ra’iisul wasaare Rooble kala diray xubnaha guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka dadban ee heer federaal.

Si kastaba lama oga xaaladda sida ay noqon doonto, waxaana weli halkeedii ah cabashada Midowga Musharixiinta oo iyaguna si weyn uga soo horjeedo sida loo wado doorashada.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

QM iyo hay’ado kale oo ku dhowaaqay qorshaha 2022 ee Soomaaliya oo ku kacaya…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adaha Samafalka ayaa soo saaray qorshaha ka-jawaabidda baahiyaha bini’aadamnimo ee 2022-ka, Qaramada Midoobay ayaa ku dhawaaqday 17 milyan oo doolar oo loogu tala-galay dadaallada degdegga ah ee wax looga qabanayo abaarta ku dhuufatay Soomaaliya.

Qorshaha 2022-ka ee wax-kaqabadka arimaha bini’aadanmimada waxa uu doonayaa ku dhawaad $1.5 bilyan oo doolar si loo caawiyo 5.5 milyan oo ka mid ah dadka ugu liita Soomaaliya,sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay hey’adaha samafalka, xilli Soomaaliya ay weysay saddex xilli roobaad oo xiriir ah markii ugu horreysay muddo 30 sano ah.

“Si loo daboolo baahiyaha degdega ah oo ay abaaruhu sababeen, Qaramada Midoobay waxa ay $17 milyan oo doolar ka soo saaraysaa Sanduuqa Waxqabadka Degdegga ah ee Dhexe (Central Emergency Response Fund- CERF), taasoo ka dhigaysa maalgelinta CERF ee Soomaaliya 2021 ilaa $52 milyan oo doolar. Deeqdani waxay dheeraad ku tahay ku dhowaad $60 milyan oo doolar oo ay deeq-bixiyeyaashu siiyeen Sanduuqa Bani’aadamnimada ee Soomaaliya (Somalia Humanitarian Fund-SHF),” ayaa lagu yiri bayaan ay wadajir u soo saareen hey’adaha samafalka.

Waxay intaas ku sii dareen, “Nolosha dadka Soomaaliyeed waxay ku jirtaa khatar, mana loo baahno waqti in la lumiyo,” ayuu yiri Madaxa Arrimaha Gargaarka ee Qaramada Midoobay Martin Griffiths. “Si loo badbaadiyo nolosha dadka Soomaaliyeed, loogana hortago masiibo bini’aadantinimo, waa inaan hadda sii deynaa maalgelinta si dadku ay uga badbaadaan gaajo iyo faqri hor leh. Waxaan maanta ka soo saarayaa $17 milyan oo doolar Sanduuqa Waxqabadka Degdegga ah ee Dhexe (CERF) si loogu suurtageliyo hay’adaha inay kor u qaadaan hawlgallada muhiimka ah. Waxaan ku xisaabtamayaa deeq-bixiyeyaasha kale inay ku daydaan tallaabadan oo ay si deeqsinimo leh u taageeraan Sanduuqa ama keydka Bani’aadamnimada ee Soomaaliya.”

Dadka ku nool Soomaaliya waxay soo mareen tobanaan sano oo colaado ah, saameynta isbeddelka cimilada oo soo noqnoqday, iyo cudurro dillaacay, oo ay ku jiraan saamaynta masiibada COVID-19. Saameynta Ayaxa oo daba dheeraaday ayaa sidoo kale saameeyay dalaggii iyo maciishada. Ugu yaraan toddobo ka mid ah 10-kii qof ee Soomaaliyeed ayaa ku nool heer ka hooseeya diilinta faqriga.

Qiyaastii 7.7 milyan oo Soomaali ah ayaa u baahan doona gargaar bini’aadantinimo oo kala duwan sanadka 2022-ka, taasoo muujineysa kororka boqolkiiba 30 baahida hal sano gudaheeda.

Qorshaha 2022 ee wax-kaqabadka arimaha bini’aadanmimo ayaa mudnaan siin doona 5 milyan oo ka mid ah dadka aadka u liita, oo ay ku jiraan 1 milyan oo carruur ah oo da’doodu ka yar tahay 5 sano, iyadoo hoos u dhigaysa baahsanaanta gaajada, nafaqo-xumida jirta, khataraha caafimaadka bulshada iyo cudurrada dillaaca, xadgudubka iyo rabsahdaha, sida lagu sheegay bayaankaan.

Hay’adaha samafalaka waxay joogteyn doonaan kaalmada 5.5 milyan oo qof oo u baahan gargaar bini’aadannimo, oo ay ku jiraan 3.9 milyan oo aan barokacayaal ahayn, halka 1.6 milyan ay ka mid yihiin dadka gudaha waddanka ku barakacdsan iyo dadka naafada ah ee ku nool 74 degmo.

Colaadaha iyo ammaan darrada ayaa sannadkan gudihiisa 777,000 oo qof ku qasbay inay ka barakacaan guryahooda. Guud ahaan, in ka badan 2.9 milyan oo qof ayaa ku barakacay gudaha

Soomaaliya – tiradan oo ka mid ah tirooyinka ugu sarreeya adduunka. Inta badan dadkan gudaha ku barokacay waxay ku nool yihiin nolol aan sugnayn waxayna u baahan yihiin gargaar si ay u noolaadaan. Haweenka iyo gabdhaha, oo qiyaastii kala bar ah, waxay wajahaan khatar la xiriira tacaddi dhanka galmada ah iyo xad-gudub.

“Abaarta hadda jirta waxay baabi’isay maciishada iyo noolal maalmeed qoysas badan oo liita oo noloshooda ay khatar ku jirto, ayay tiri Wasiiradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Federaalka, Khadiija Diiriye. “Waxaa jirta khatar sare oo haddii aan gargaar bini’aadanimo oo degdeg ah la helin, carruurta, haweenka iyo ragga ay bilaabaan inay macluul ugu dhintaan Soomaaliya,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedkaan.

Soomaaliya – oo safka hore kaga jirta isbeddelka cimilada – waa dalka ugu daran ee ay abaaruhu saameeyeen Geeska Afrika. Qiyaastii 3.2 milyan oo qof oo ku nool 66 ka mid ah 74-ta degmo ee dalka ayaa wajahaya saameyntae saddex xilli-roobaad oo is xigay kana hooseeyay celceliska roobabka la heli jiray, oo ay ku jiraan 169,000 oo qof oo guryahooda uga tagay si ay u raadsadaan biyo, cunto iyo daaq, sida lagu sheegay qiimeynta hey’adahaan.

Saadaal goordhaw soo baxday ayaa tilmaamaysa in ilaa 1.4 milyan oo Soomaali ah ay abaaruhu barakicin doonaan lixda bilood ee soo socota. Geerida xoolaha oo baahsan ayaa durba la soo sheegayaa, waxaana si xawli ah kor ugu kacaya qiimaha cuntada, biyaha iyo shidaalka. Wax-soo-saarka dalagga bisha Jannaayo ayaa la saadaalinayaa inuu 50-70 boqolkiiba ka hooseeyn doono celceliska tobankii sano ee lasoo dhaafay.

“Hay’adaha Gargaarka, bulshooyinka maxaliga ah iyo maamulada dowladda ayaa sare u qaaday wax ka qabashada biyo la’aan baahsan, cunto la’aanta iyo baahiyaha kale ee sida degdegga ah ay dadka Soomaaliyeed ugu baahanyihiin. Si dadaallada gargaarku u noqdaan kuwa mira dhala, korna loogu qaado howlaha gurmadka, hay’adaha samafalku waxay u baahan yihiin dhaqaale dheeri ah iyo xorriyad ay sahayda gargaarku ku gaari karto dadka u baahan,” ayaa lagu soo gabagabeeyey bayaankaan.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii 

Daawo: Taliyaha Ciidamada Badda oo shaaca ka qaaday ‘dhul boob uu wado’ Rooble

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Badda Soomaaliya Jeneraal Cabdixamiid Maxamed Dirir ayaa Ra’iisul Wasaare Rooble ku eedeeyey inuu boobayo dhulkii ciidamada badda, isla markaana uu si shakhsi ah guri uga dhisanayo.

Waxa uu sheegay in nasiib darro iyo dhabar jab weyn ay ku noqtay in hantidii ma guurtada aheyd ee ciidanka badda ay boobayaan madax uu hor ka cayo Ra’iisul Wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble, isagoo wacad ku maray in arrintaas aysan ogolaa doonin.

“Waxaa dhulkii ciidanka badda Soomaaliyeed si boob ah ku dhisanaya madaxdii qaranka ugu sareysay oo uu ugu horeeyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, waa ayaan darro in la hunguriyeeyo hantidii ma guurtada ah ee ciidanka xoogga dalka,” ayuu yiri Taliyaha ciidanka badda Soomaaliya.

Taliye Cabdixamiid ayaa sheegay in shacabka iyo madaxda qaranka ay u sheegayaan in Ra’iisul Wasaare Rooble aysan ka aqbali doonin in hantidii umadda oo ay u dhaarteen la boobo.

“Marqaati kama noqa doono, mana qaadan doono, boobka socda, in la isugu caga-jugleeyo xilkaa lagaa qaadayaa kuma aamuseyno, hadaan hadda ka tegeyno xilka, waxaan u dhaaranay inaan ilaalino hantida umadda, kana been sheegi meyno taas,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Jeneraal Cabdixamiid Maxamed Dirir.

Taliyaha ayaa sheegay in aysan marqaati ka noqon doonin oo isha aysan ka fiirsa doonin, iyadoo la boobayo dhulkii ciidanka badda oo sida uu sheegay ay dhawaan qorsheynayeen inay xafiisyo ka dhistaan.

“Ciidanka badda iyo difaaca xeebaha Soomaaliya anigaa masuul ka ah, marqaatina kama noqon doono in dusheyda wax lagu boobo, mana yeeli doono taas, cagajugleyn ma qaadaneyno, xilku waa meerto, laakiin inta aan joogo, lagama yaabo in lagu soo xadgudbo dhulkaan oo hantida shacabka la boobo,” ayuu yiri Taliyaha ciidanka badda Jeneraal Cabdixamiid Maxamed Dirir.

Hoos ka daawo

R/W ROOBLE oo shaaciyey abaal uu LAFTA-GAREEN ‘u galay’ hal sano iyo bar kahor

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo hadal ka jeediyey munaasabadda Sannad-guurada 3-aad ee kasoo wareegtay markii la doortay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa ka sheegay in Lafta-gareen uu abaal u galay hal sano iyo bar ka hor.

Waxa uu sheegay in madaxweyne Lafta-gareen uu gacan weyn ka geystay fududeynta mashruuc ku kacaya 10 Milyan oo xiligaas uu Rooble ka bilaabi rabay magaalada Baydhabo, kaasi oo loogu sameynayay waddooyin casri ah.

“Aniga ka shaqsi ahaan Ra’iisul Wasaare ahaan abaal aan lasoo koobi karin ayaa u hayaa madaxweyne Lafta-gareen, muddo hadda laga joogo hal sano iyo bar oo magaalada Baydhabo aan ka shaqeynayay oo caqabad adag iga qabsatay in aan ka fuliyo mashruuc waddooyin 20M oo magaalada gudaheeda ahaa oo qiimaha ku baxayayna ahaa 10 Milyan la ii diiday in aan bilaabo, madaxweyne Cabdicasiis ayaa la soo xiriiray oo ii fudeydiyay,” ayuu yiri.

Rooble ayaa sidoo kale sheegay in madaxweynaha Lafta-gareen uu wax badan u qabtay maamulka Koonfur Galbeed, haddii ay noqoto siyaasadda, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada, sida uu sheegay.

Waxa uu Lafta-gareen ku amaanay odaytinimada iyo nabaddoonimada, xilli uu kaalmaha hore uu kaga jiro musuq-maasuqa ka taagan doorashada dalka, islamarkaana uu maamulkiisa uu yahay midka labaad ee kuraasta lagu boobay.

“Tan iyo markii la ii magacaabay in dalka ka noqdo Ra’iisul Wasaare, waxa aan si dhow u wada shaqeynay Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen, waxaa ka bartay in aanu aheyn kaliya nin siyaasi, balse uu yahay nabadoon jecel in uu dadka isku soo dhaweeyo si dalka uu horey ugu socdo, waa ku aamanayaa, waanan ku dhiiri-galinayaa inuu sii wado dadaalkiisa.”

Ugu dambeyntiina waxa uu ku baaqay in laga wada-shaqeeyo dardar-gelinta doorashada oo xiligan ay ka taagan tahay dood adag, kadib markii mucaaridka ay qaadaceen doorashada Golaha Shacabka oo ay ku tilmaameen mid ku dhisan boob.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii 

Tigray-ga oo ku dhowaaqay go’aan lama filaan ah oo ay uga baxayaan dhammaan gobolladii ay qabsadeen

0

Mekelle (Caasimada Online) – Ciidamada Tigray-ga ee la dagaalamaya dowladda dhexe ayaa ka baxaya dhammaan gobollada deriska la ah ee waqooyiga Ethiopia, waxayna ku laabayaan soohdinta gobolka Tigray, waxaa sidaas ku dhowaaqay hoggaamiyahooda.

Tallaabadan lama filaanka ah ayaa dhabbaha u xaari karta xabad-joojin la gaaro kadib 13 bilood oo dagaal qaraar ah.

“Waxaan ku kalsoonnahay in ficilkeenna geesinimada leh ee ka bixitaankeenna uu noqon doono bilowga nabadda,” ayuu qoray Debretsion Gebremichael, madaxa xisbiga TPLF oo ah xisbi siyaasadeedka gacanta ku haya inta badan gobolka waqooyi ee Tigray.

Warqadda uu diray QM ayuu ku baaqay in hawada gobolka Tigray laga dhigo aag duulimaadyada ka caagan, cunaqabateyn hub oo lagu soo rogo Ethiopia iyo xulufadeeda Eritrea iyo in la dejiyo hab ay QM ku xaqiijin karto in dhammaan ciidamada banaanka ka yimid ay ka baxaan Tigray.

Debretsion ayaa sheegay inuu rajeynayo in ka bixitaanka Tigray ee gobollada Afar iyo Amhara ay bulshada caalamka ku qasbi doonto inay xaqiijiyaan in gargaarka uu gaari doono gobolka Tigray.

QM ayaa horey dowladda ugu eedeeyey inay xayiraad kusoo rogtay gobolka – eedeyntaas oo dowladda ay beenisay.

“Waxaan fileynaa in maadaama aan ka baxeyno, in bulshada caalamka ay wax ka qaban doonaan xaaladda Tigray, maadaama aysan hadda kadib qiil ka dhigan karin in ciidamadeena ay qabsanayaan Amhara iyo Afar,” waxaa sidaas Reuters u sheegay afhayeenka TPLF Getachew Reda.

Hindisooyinka kale ee ku jiray warqadda uu Debretsion u diray QM ayaa waxaa ka mid ahaa in lasii daayo kumanaanka qof ee maxaabiista siyaasadeed ee Tigray-ga ah ee u xiran dowladda iyo in baarayaal caalami ah ay raadiyaan kuwa ka mas’uulka ah dambiyada dagaal.

Dowladda Ethiopia weli kama jawaabin go’aanka ay gaareen Tigray-ga.

Go’aankan ayaa u muuqda mid wax ka bedeli doona dagaalka socda in ka badan sanadka, ayada oo ay noqonayso tallaabo loo qaaday dhinaca xabbad joojinta, inkasta oo aan la ogeyn sida ay uga falcelineyso xukuumadda Abiy.

Ku dhawaaqista hogaamiyaha TPLF ayaa timid kadib guulo waaweyn oo dhuleed oo ay gaareen ciidamada dawladu todobaadyadii lasoo dhaafay, kuwaas oo dib ula wareegay ku dhawaad ​​dhamaan magaalooyinkii waaweyna ee hore looga qabsaday.

Hase yeeshe hogaanka TPLF, Debretsion Gebremichael wuu beeniyay in dagaaladii looga adkaaday.

QM ayaa toddobaadkii tegay isku raacday in baaritaan madax-banaan lagu sameeyey xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee Ethiopia – tallaabadaas oo ay si weyn uga soo horjeesatay dowladda.

Dhex-dhexaadiyayaal caalami ah oo ay ku jiraan Mareykanka iyo Midowga Afrika ayaa marar badan isku dayey inay xabad-joojin dhex dhigaan labada dhinac, si gargaarka loogu ogolaado inuu galo Tigray.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Beesha caalamka ‘oo joojisay’ deeqihii Soomaaliya + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Beesha Caalamka iyo deeq bixiyayaasha kale ee caalamiga ah ayaa lacagihii deeqaha ahaa ee ay siin jireen dowladda federaalka joojiyey kuna xiray dhameystirka doorashooyinka dalka, sida uu shaaciyey Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Rooble oo ugu horeystii qiray in uu istaagay dhaq-dhaqaaqa dhaqaale ee dalka, ayaa waxa uu sheegay in mar uu gargaar u raadiyay dadka abaartu saameysay in lagu wargeliyay in marka hore la dhammeystiro doorashada, taasi oo muujinaysa caqabadda laga dhaxlay jiitankeeda.

“Doorashada way raagtay oo aad ayay u daahday, dalka dhaq-dhaqaaqiisa wuu istaagay, ganacsiga iyo gargaarka wuu joogsaday, markii aan gargaar u raadiyay abaarta waxaa la igu yiri doorashada hala dadejiyo,” ayuu yiri Rooble.

Waxa uu ka codsaday in doorashada la dadajiyo oo sida ugu dhaqsaha badan u soo gunaanadaan madaxda dowlad goboleedyada, kuwaasi oo qaarkood aysan weli bilaaban doorashada Golaha Shacabka, oo mad-madow badan uu ku gadaaman yahay.

“Mas’uuliyad saaran Rooble keliya ma aha, wey nawada saaran tahay haddii aan ka bilaabo dhanka midig Qoor-Qoor, Lafta-gareen, Deni iyo labada madaxweyne ee naga maqan (Axmed Madoobe iyo Guudlaawe) waxaa rabaa in sida ugu dhaqsaha badan aan u dardar gelino oo cagta aan furno.”

Ugu dambeyntiina waxa uu ka codsaday madaxda dowlad goboleedyada ka dalbaday inay kulan iskugu imaadan, si ay bulshada Soomaaliyeed iyo daneeyayaasha beesha caalamka ay ugu wargeliyaan waqtiga kama dambeysta ah ee lasoo geba-gabeynayo doorashada.

Beesha Caalamka aya waxaa soo foodsaaray walaac xoogan oo ku aadan hanaanka doorashada dalka, xilli ay mucaaridka si adag uga horyimaadeen hanaanka ay ku bilaabatay doorashada Golaha Shacabka, oo ay qaadaceen.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii 

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo u jawaabay Saciid Deni

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ahna musharax u taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya ayaa ka jawaabay weerarkii afka ahaa ee madaxweynaha Puntland Saciid Deni uu ku qaaday Midowga Musharaxiinta Mucaaradka.

Madaxweyne Deni ayaa Midowga Musharaxiinta ku eedeeyey inay doonayaan in markale dib loogu laabto Carta, arrintaas oo ku tilmaamay mid halis weyn ku ah dalka, sida uu hadalka u dhigay.

“Kuwa mar mar dhahaya nidaamkan ha la iska daayo oo Golayaal hala sameeyo waa dad raba in ay Teendhadii Carta dalkan ku celiyaan waana Khatar. Fikirkaas anigu wan ka digayaa,” ayuu yiri madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo hadalka Deni daba socda ayaa sheegay in wax diidaya aysan jirin in Gole Qaran la sameeyo, si dalka looga badbaadiyo boobka doorasho ee socda.

Waxa uu sheegay in Golahaas looga baaqsan karo oo keliya haddii la qabto doorasho hufnaan iyo daahfuran leh, oo natiijadeeda lagu wada qanco, sida uu hadalka u dhigay.

“Haddii shalay Golihii Badbaado Qaran loo dhisay in lagu hor istaago muddo kordhintii Farmaajo, qaar ka mid ah Dawlad Goboleedyada iyo guddoomiyaha Aqalka Sare qayb ka ahaayeen, maanta maxaa diidaya in la dhiso Gole Qaran oo boobka doorashada looga soo horjeedo? Waxaa looga fursan karaa in la qabto doorasho hufnaan iyo daahfuran leh oo natiijadeeda lagu qanco.”

Arrimahan ayaa imanaya xilli ay dalka ka taagan tahay xiisad ka dhalatay hanaanka doorashada Golaha Shacabka, oo ay qaadaceen Midowga Musharaxiinta, kadib markii ay ku tilmaameen “doorasho ku dhisan boob”.

Midowga Mucaaridka ayaa hore u dalbaday in la hakiyo doorashada, illaa inta dib loo saxayo qaladaadka jira, taasi oo hogaanka sare uu iska dhago tiray, waxaana socda guuxa dhismaha Gole cusub oo looga soo horjeedo doorasho boobka.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii 

Guddiyada doorashada oo laba u kala jabay iyo xubno ka hor-yimid warqaddii lagu joojiyey doorashada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah guddiyada heer maamul Goboleed ee doorashooyinka ayaa beeniyey inay qeyb ka yihiin warqadda kasoo baxday guddiga doorashada heer federaal ee lagu sheegay inay joojiyeen doorashadii ka socotay dalka.

Guddiyada heer federaal ee Jubaland, Somaliland iyo Banaadiriga ayaa sheegay in lagu been abuurtay, islamarkaana aysan waxba ka ogeyn warqadda lagu saxiixay magacyadooda.

Warqadda ayaa la sheegay inay qoreen xubno ka mid ah guddiga doorashooyinka Heer Federaal oo uu ka mid ah yahay guddoomiye Maxamed Xasan Cirro oo taageero ka heysto Villa Somalia.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, warqadda ayaa waxaa lagu qoray xafiiska guddiga doorashooyinka heer federaal ee magaalada Muqdisho, waxaana qorshahaan ka dambeysay Villa Somalia oo aan ku qanacsaneydn go’aankii uu Rooble ku eryey qaar ka mid ah guddiga xalinta khilaafaadka.

“Guddiyadu waxay ogaysiinayaan gollaha wadatashiga qaran, musharaxiinta kuraasta iyo dadka Soomaaliyeed in ay laga bilaabo maanta hakiyeen doorashadii, tan iyo inta laga saxayo arrinta guddiga xalinta khilaafaadka dhismahiisa, guddigaan oo la’aantiisa aysan suuro gal ahayn in doorashadu socoto,” ayaa lagu yiri warqadda khilaafka dhalisay.

Guddiga doorashooyinka heer federaal weli kama hadlin warqadda kasoo baxday xafiiskooda, waxaana warqadda lagu taageeray xubnihii uu xilka ka qaaday Ra”isulwasaare Rooble ee kamid ahaa guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka.

Warqadda ayaa lagu sheegay in lagu xadgudbay xasaanadda xubno kamid ah guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka sidaas darteedna aysan suuragal aheyn inay sii socoto doorashada.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Ciidamada Ethiopia oo dib u qabsaday magaalo muhiim ah

0

Lalibela (Caasimada Online) – Ciidamada Ethiopia ayaa mar kale dib u qabsaday magaalo diimeedka muhiimka ah ee Lalibela, sida ay ku warantay warbaahinta dowladda oo soo bandhigtay sawirro muujinaya ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo booqanaya halkaas.

Ma cadda xilliga ay ciidamada dowladda dib u qabsadeen magaalada oo muhiim u ah malaayin qof aaminsan diinta Orthodox Kirishtanka, sidoo kalena marar badan isu bedeshay gacmaha dowladda iyo mucaaradka TPLF.

Ciidamada Tigray-ga ayaa magaaladan qabsaday bishii August hase yeeshee dowladda ayaa ka riixday bilowgii December ayada oo qaaday weerar dib u celiyey TPLF dhowr boqol oo km.

Axaddii 12-kii December, dadka deegaanka ayaa kusoo waramay in Tigray-ga ay dib ula wareegeen magaalada kadib markii ay ka baxeen militari dowladda iyo xulafadooda.

Lalibela oo 645 km u jirta caasimadda Addis Ababa ayaa xarun u ah 11 kaniisad oo qadiimi ah, waana goob ay u cibaado tagaan Kirishtanka Ethiopia.

Dowladda Itoobiya ayaa sidoo kale Sabtidii sheegatay in ciidamadeeda ay dib ula wareegeen magaalooyin badan oo ka tirsan gobolka Axmaarada oo ay gacanta ku hayeen Tigray-ga.

Wasiirka Isgaarsiinta Legesse Tulu ayaa u sheegay warbaahinta sabtidii in magaalooyinka Woldiya iyo Kobo oo ah kuwa istaraatiijiyad leh dib loo qabsaday markii ugu horeysay tan iyo xagaagii.

Ciidamada Tigray-ga ayaan wax jawaab ah ka bixin sheegashadaas balse waxa ay horay u sheegeen in ay samaynayaan isbedelo xeeladaysan.

Warkan maanta kasoo baxay dowladda Ethiopia ayaa ka dhigan isbeddel kale oo lama filaan ah oo ku yimid dagaalka ka socda Ethiopia, oo toddobaadyadii tegay u muuqday mid ay dowladda guulo ka gaareyso kadib bilooyin aad loo jebiyey.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Guddiyada doorashada oo caro darteed ugu dhowaaqay in la hakiyey doorashada

0

Muqdisho (Caasimada Soomaaliya) – Guddiyada doorashoyinka heer maamul goboleed (SEIT) iyo heer Federaal (FEIT) ayaa dacwad u gudbiyey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya.

Labada guddi ayaa sheegay in si aan wanaagsaneyn loola dhaqmay guddiga xalinta khilaafaadka doorashada, oo xubno ka mid ah uu eryey Rooble, islamarkaana loo geystay tacadiyo ka dhan ah amnigooda.

Halkaaan hoose ka akhriso dacwadda ay soo gudbiyeen labada Guddi

Ujeedo: Cabasho ku aadan habka loola dhaqmay guddiga doorashooyinka Xalinta Khilaafaadka

Guddiyada doorashoyinka heer Maamulgoboleed (SEIT) iyo heer Federaal (FEIT), waxay dacwad rasmiya ka qabaan qaabka loola dhaqmay guddiga xalinta khilaafaadka. Guddigaan ayaa la kulmay tacadiyo ka dhan ah amnigooda, Waxaa iyadoo ciidamo la adeegsanayo dibadda loo tuuray xubno guddiga xalinta khilaafaadka ka tirsan, halka kuwa kalena lagu armay in aysan bixi karin, xubnaha la saaray waxay la kulmeen khatar amni, iyagoona xuquuqdoodi guddinimo la burburiyey, tanoo xad gudub ku ah sharafta doorashada iyo dadka ka shaqeeya.

Mudane Raysalwasaare, Guddiyadu ma ahayn dad hubaysan, waxayna shaki ku abuurtay talabadaasi mustaqbalka guddiyada. Guddiyadu waxay leeyihiin xasaanad u baahan in la dhowro, dowladduna ilaaliso, waxayna u nugul yihiin in xubin kasta oo ka mid ah markii la doono loo adeegsan karo ciidan hubaysan, tanoo ka soo horjeeda madaxbanaanida guddiyada iyo heshiisyadii doorashada.

Haddaba madasha wadatashiga qaran waxaan ka codsanaynaa in ay qaadaan talaabo kasta oo lagu hubinayo bedqabka, ayna bixiyaan damanad qaad cad oo la xiriira amniga guddiyada, madax banaanidooda, habka lagu eryi karo xubin ka mid ah guddigana ay caddahay, si ay waajibaadkooda ugu gutaan kalsooni.

Guddiyadu waxay ogaysiinayaan gollaha wadatashiga qaran, musharaxiinta kuraasta iyo dadka Soomaaliyeed in ay laga bilaabo maanta hakiyeen doorashadii, tan iyo inta laga saxayo arrinta guddiga xalinta khilaafaadka dhismahiisa, guddigaan oo la’aantiisa aysan suuro gal ahayn in doorashadu socoto.

Dhinaca kale waxaa xubin kastoo ka mid ah guddiga doorashooyinka saaran masuuliyad, wixii xad gudub ah ee ka yimaadda guddiyada waa in la marsiiyaa xeerarka anshaxa ee degsan, wixii xeerarkaas laga waayana ay madasha wadatashiga qaranku go’aan ka gaadhaa.

Waxaa si wada jir ah u soo saaray cabashadaan:

  1. Maxamed Xasan Maxamed – Guddoomiyaha FEIT
  2. Yuusuf Cabdiqaadir Maxamed Baafo – Gudoomiyaha SEIT, Koonfur Galbeed
  3. Siyaad Maxamed Mursal – Gudoomiyaha SEIT, Jubba Land
  4. Axmed Xasan Diini – Gudoomiyaha SEIT, Hir Shabelle
  5. Maxamed Daahir Guuleed– Gudoomiyaha SEIT, Galmudug
  6. Cabdikariin Muuse Maxamed – Gudoomiyaha SEIT, Puntland
  7. Khadar Xariir Xuseen– Gudoomiyaha SEIT, Somaliland
  8. Sacdiyo Aweys Cali Boolay – Gudoomiyaha SEIT, Banadiri

Taliska Booliska oo war kasoo saaray DAGAAL ka dhacay garoonka Aadan Cadde

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka ciidamada Booliska Soomaaliyeed, Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa ka warbixiyey weerar ay dhalinyaro Soomaali ah shalay ka geysteen garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, xilli laga soo celiyey waddanka Turkiga.

Cabdifitaax ayaa shaaca ka qaaday in marka ay soo caga-dhigtay diyaaradda sidday dhalinyarada oo laga soo tarxiilay dalka Turkiga ay weerar ku qaadeen shaqaalihii la socda  Turkish Airlines, isla-markaana uu falkaas uu ku dhaawacmay mid ka mid ah shaqaalaha.

Afhayeenka Booliska ayaa xusay in dhalinyaradan dib usoo celinta dhalinyaradaas ay la xiriirto, kadib markii uu ka dhacay sharcigii ay ku joogeen gudaha dalkaasi.

Shaqaaqadan ayaa dhacday 19-ka December 2021-ka, waxaana haatan socda baaritaano ay wadaan saraakiisha laamaha ammaanka, waxaana la xiray 5 eedeysane oo haatan lagu hayo xarunta hoggaanka baarista dambiyada, sida uu shaaciyey afhayeenka Booliska.

Sidoo kale wuxuu intaasi raaciyey in baaritaanada socda iyo wixii kasoo kodrha ay dib ula soo wadaagi doonaan guud ahaan bulshada Soomaaliyeed.

“Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde 19ka December 2021 waxaa ka dhacay isku dhac dhexmaray Rakaabka diyaaradda Turkish Airlines oo is faham darro soo kala dhexgalay, Ciidamada Booliiska oo lagu wargeliyay ayaa gacanta ku dhigay eedeysanayaasha oo ku xiran Xarunta hoggaanka baarista Dambiyada, natiijada kasoo baxda dib ayaan kasoo gudbin doonnaa” ayuu yiri Afhayeenka Booliiska Soomaaliyeed oo la hadlayey warbaahinta.

Xukuumadda Ankara ayaa muddooyinkii dambe billowday in dadka aan cusbooneysiisan sharciga iyo kuwa uu ku adkaaday in ay helaan ay dib ugu celiso gudaha Soomaaliya, maadaama sanadihii u dambeeyey ay kordheen Soomaalida ku qul-quleysa dalkaasi.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

DENI oo weerar culus ku qaaday mucaaradka kana digay qorshe ay wadaan

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) oo khudbad ka jeediyey munaasabad lagu maamuusayey saddex sano guuradiii kasoo wareegatay doorashadii Lafta Gareen oo lagu qabtay magaalada Baydhabo ayaa ka hadlay xaaladda dalka iyo arrimaha doorashooyinka.

Saciid Deni ayaa marka hore khudbaddiisa ku weeraray xubnaha Golaha Midowga Musharixiinta Mucaaradka, wuxuuna ku eedeeyey inay doonayaan in markale dib loogu laabto Carta arrintaas oo ku tilmaamay inay tahay mid khatar ah, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu ka digay abaabulka ay haatan wadaan mucaaradka ee ku aadan dhismaha ‘Golaha Sare ee dalka’, isaga oo sheegay inay ka leeyihiin dano gaar ah.

“Kuwa mar mar dhahaya nidaamkan ha la iska daayo oo Golayaal hala sameeyo waa dad raba in ay Teendhadii Carta dalkan ku celiyaan waana Khatar. Fikirkaas anigu wan ka digayaa,” ayuu yiri madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Dhinaca kale wuxuu ka hadlay nidaamka federaalka ee sanadihii dambe ka hana qaaday dalka, isaga oo shaaciyey in loo baahan yahay in la xoojiyo, isla-markaana ciidamada daraawiishta iyo kuwa booliska la hoosgeeyo, milatarigana loogu tala-galay ilaalinta xadka.

“Safarkii hore ee aan imid Koofur Galbeed Ciidanka oo dhan waxa ay ahaayeen heer federal, si loo daadejiyo nidaamka federaalka, Booliiska & Daraawiishta waxaa la rabaa in ay hoostagaan Dowlad-Goboleedka halka Militariga oo loogu talagalay ilaalinta xuduudaha uu toos u hoostagayo dowladda dhexe,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey madaxweyne Saciid Deni.

Weerarka culus oo uu Deni sida tooska ah ugu qaaday saaxibadiisii mucaaradka oo ay muddo hal aag ku wada jireen marka loo eego siyaasadda iyo doodii laga soo maray doorashada ayaa kusoo aadaya, xilli haatan xaalad adag ay wajahayaan Musharixiinta.

Si kastaba, horay xubnaha mucaaradka ayaa ugu goodiyey inay qaadacayaan doorashada socota, haddii aan la joojin boobka lagu hayo kuraasta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, walow aan illaa iyo hadda dhag jalaq loo siin dalabkooda la xiriira doorashada.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Lafta Gareen: “Doorashada dadbanayd ee la yaqiinay ma ahan, waa mid sii dadban”

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) oo ka hadlayey munaasabadda dabaal-degga ee saddex sano guuradii kasoo wareegtay doorashadiisii oo xalay lagu qabtay Baydhabo ayaa ka hadlay muranka hareeyey doorashooyinka haatan ka socda dalka.

Lafta Gareen ayaa shaaca ka qaaday in doorashada socoto ay tahay mid caqabada fara badan wadata, wuxuuna u sababeeyey nooca dadban ee la qaatay in la qabto.

“Doorashadani waa mid dadban, tii dadbanayd ee la yaqiinayna ma ahani, waa mid sii dadban,” ayuu yiri Cabdicasiis Lafta Gareen.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo hadalkiisa sii wata ayaa si weyn uga soo horjeestay eedeymaha loo jeediyey maamulkiisa ee ku aadan cabashada ka dhalatay doorashada Golaha Shacabka Soomaaliya ee uu qabtay, wuxuuna ku adkeystay in doorashooyinkii ay qabteen ay waafajiyeen habraacyadii loogu tala-galay doorashada oo ay ku jirto caddaalad.

Sidoo kale wuxuu si adag u difaacay xubnaha soo baxay ee dhowaan lagu doortay gudaha magaalada Baydhabo, walow guddiga doorashooyinka hakin ku sameeyey kuraasta qaar.

“Idinka haddii aad dad kale u rabteen dadkaasi nooma aysan imaanin,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay inay sii socon doonto doorashada, isla-markaana ay ka go’aan tahay ka maamul inay dadajitaan kuraasta ka harsan Golaha Shacabka.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo xubnaha midowga musharixiinta mucaaradka dalka  ay horey u dhaliileen doorashooyinkii baarlamaanka ee lagu qabtay magaalooyinka Baydhabo iyo Dhuusamareeb ee dowlad goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Galmudug.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Mucaaradka oo uu albaab kasta kasoo xirmay kadib khaladkii ay sameeyeen

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Isku daygii ay mucaaradka Soomaaliya ku doonayeen inay ku hakiyaan doorashada golaha shacabka ayaa si rasmi ah u fashilantay kadib markii laga soo xiray albaab kasta.

Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa horaantii bishan dalbaday in doorashada la hakiyo sababo la xiriira boob xooggan oo lagu sameeyey kuraastii la doortay badankood. 

Hase yeeshee, dalabkooda ayaa waxaa si wadajir ah u diiday ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxda maamul goboleedyada, ayada oo Rooble uu amray in lasii wado doorashada.

Kuraastii afarta aheyd ee reer waqooyiga ee shalay Muqdisho lagu doortay ayaa hadalkii Rooble u beddeshay ficil, waxayna si rasmi ah u xaqiijisay inuu fashilmay isku daygii mucaaradka.’

Maamulka Jubaland oo toddobaadkii tegay soo saaray liiska 14 kursi oo ay qabanayaan doorashadooda ayaa sidoo kale la filayaa inay ku dhaqaaqaan maalmaha soo socda.

Mucaaradka Soomaaliya ayaa waxaa isugu darsamay laba arrin oo qorshahooda fashilisay kuwaas oo kala ah:

1- Awood siyaasadeed la’aan: Mucaaradka Soomaaliya ma haystaan wax awood siyaasadeed ah oo ku gorgortamaan marka laga reebo hadal iyo qoraallo ay soo saaraan, taasina waxayna ka dhigtay in warkooda si fudud oo weliba jees jees ah dhegaha laga fureysto.

Waxaa markii hore garab siyaasadeed u ahaa oo mowqifyadooda ayidi jiray, awoodna u yeeli jiray madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland Axmed Madoobe iyo Saciid Deni, kuwaas oo hadda ka furtay, meel cidlo ahna ugu tegay.

2- Burcad is-baheysatay: Kasoo billow Farmaajo, Rooble beesha Caalamka, illaa madax goboleedyada, waxay u muuqdaan inay heshiis ku wada yihiin in doorashada aan la joojin sidii loo boobi karana loo boobo.

Farmaajo wuxuu doonayaa inuu boobo kuraasta taalla Galmudug, HirShabelle, Koonfur Galbeed iyo Muqdisho. Axmed Madoobe iyo Deni waxay doonayaan inay boobaan kuraasta ay maamulayaan. Rooble wuxuu u muuqdaa inuusan laheyn awood siyaasadeed ama uu ku xirtay Farmaajo. Beesha caalamkana waxaa ka go’an in doorashadan daba dheeraatay ay mar un ka dhammaato xalaal iyo xaaraan middii ay doonto ha noqotee.

Sidaas darteed, mucaaradka waxay kusoo dhaceen meel cidlo oo geeri go’an ah, ayaga oo aan haysan awood ay wax ku qasbi karaan iyo garab siyaasadeed ay kaashadaan.

Midowga Musharaxiinta waxay talo gacantooda ku jirtay markii ay ciidanka badbaado qaran Muqdisho ku jireen ee Farmaajo lagu qasbay inuu ka laabto muddo kororsiga. Waxay haysteen awood ciidan oo ay ku gorgortamaan qeybna uga noqdaan maamulka doorashada ama xitaa ku qasbaan inuu Farmaajo kursiga ka dego.

Si kastaba, waxay sameeyeen khalad weyn oo ku yimid talo-xumo, aragti fog la’aan iyo inay si indho la’aan ah u aamineyn Maxamed Xuseen Rooble, taasi joojisay halka ay maanta taagan yihiin, mana muuqato wax ay ka qaban karaan doorashada boobka ah ee socota.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii  

R/W Rooble oo arrin aad uga fog xaqiiqda ka sheegay doorashada dalka ka socota

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa hoos u dhigay oo aan wax aan weyneyn kasoo qaaday muranka hareeyey doorashada golaha shacabka Soomaaliya oo boob xooggan lagu sameeyey kuraas badan.

Rooble oo hadal ka jeediyey ka qeyb-galay munaasabadda Sannad-guurada 3-aad ee kasoo wareegtay markii la doortay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa cabashooyinka laga keenay doorashada ugu yeeray kuwa kooban.

“Sida aad la socotaan waxa dalka ka socda doorashooyinkii, waxana afartii kursi ee ugu dambeysay ay maanta soo baxeen. Doorashadaas cabashooyin kooban ayaa laga keenay, waxana aad diyaar u ahay in aan xoogga saaro sidii loo raaci lahaa hab raacyada degsan ee doorashooyinka iyo inaan sidoo kale la fariisanno cid kasta oo tabasho qabta,” ayuu yiri Rooble.

Hadalka Rooble ayaa ah mid aad uga fog xaaladda doorashada Soomaaliya oo weli aysan jirin kuraas si xor ah loogu tartamay, ayada oo kursi kasta lagu doortay rabitaanka madax goboleedyada ama loo xiray shaqsiyaad gaar ah.

Hadalka Rooble ayaa sidoo kale muujinaya inay ka go’an tahay in doorashada lasii wado kadib markii shalay uu si rasmi ah u fashilmay isku daygii ay mucaaradka ku doonayeen in lagu hakiyo maadaama Muqdisho lagu doortay kuraastii ugu horreysay kadib dalabkooda la xiriiray joojinta doorashada.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sidoo kale amaanay habka uu Lafta-gareen u maareynayo doorashada, inkasta oo uu yahay madaxweyne goboleedka labaad ugu doorasho musuq-maasuqa badan kadib Axmed Qoor Qoor.

Rooble ayaa sidoo kale ku amaanay Lafta-gareen inuu yahay nabaddoon, sida uu hadalka u dhigay.

“Tan iyo markii la ii magacaabay in dalka ka noqdo Ra’iisul Wasaare, waxa aan si dhow u wada shaqeynay Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen, waxana aan ka bartay in aanu aheyn kaliya nin siyaasi, balse uu yahay nabadoon jecel in uu dadka isku soo dhaweeyo si dalka uu horey ugu socdo, waa ku aamanayaa, waanan ku dhiiri-galinayaa inuu sii wado dadaalkiisa,” ayuu yiri Rooble.

Wiil iyo Aabihiis oo sabab yaab leh loogu dilay Hiiraan

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta maleeshiyaad hubeysan ee dilal qorsheysan ka geysteen deegaano hoostaga degmada Matabaan oo ka tirsan gobolkaasi.

Dilalka ayaa mid ka mid ah wuxuu ka dhacay deegaanka Waradheer, waxaana loo geystay Wiil iyo Aabihiis, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah oo aan la xiriirnay.

Labada marxuum ayaa waxaa la sheegay inay dilkooda ka dambeeyeen maleeshiyaad beeleed, wuxuuna salka ku hayaa aano Qabiil darteed, sida aan xogta ku helnay.

Sidoo kale Wiilka iyo Aabaha la dilay ayaa ahaa reer guuraa muddooyinkii lasoo dhaafay ku sugnaa agagaarka degmada Matabaan oo ah meesha haatan lagu dilay.

Dad badan ayey la yaab ku noqotay in Qabiil dartiis hal goob loogu dilo Wiil iyo Aabihiis oo shacab ah, isla-markaana aan waxba galabsanin, waxaana haatan billowday baaritaano dheeraad ah oo ku aadan dilkooda.

Dhinaca kale tuulada Buuskut oo u dhow isla deegaanka Waradheer waxaa lagu dilay qof kale oo saddexaad, waxaana isna dilkiisa uu salka ku hayaa aano Qabiil oo ka taagan halkaasi.

Weli ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ammaanka iyo sidoo kale maamulka gobolka oo ku aadan dhacdooyinkaasi dilalka ah ee ka dhacay Hiiraan.

Dadka deegaanka ayaa dhankooda walaac ka muujinaya dilalka arxan darrada ee ku sii kordhaya deegaanka, waxaana arrintan ay uga sii dareysaa xiisada beelaha ee haatan taagan.

Si kastaba, Hiiraan ayaa waxaa ku soo noq-noqda dagaal beeleedyada ka dhasha dilalka aan kala joogisiga laheyn ee ay maleeshiyaadka hubeysan ka geysanayaan deegaanada kala duwan ee gobolkaasi.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii