24.8 C
Mogadishu
Wednesday, July 1, 2026

Isimada Puntland oo bayaan saddex QODOB ah kasoo saaray dagaalka Boosaaso

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Isimada dhaqanka Puntland ee ku sugan Boosaaso ayaa bayaan cusub kasoo saartay xiisadda dagaal ee ka taagan magaaladaasi, taas oo dhalisay khasaare isugu jiro dhimasho, dhaawac, burbur & barakac ay sameeyeen dadka shacabka.

Bayaanka ka soo baxay Isimada ayaa waxaa marka lagu sheegay inay aad uga xun yihiin khasaaraha ka dhashay dagaalladii ka dhacay halkaasi.

“Waxay si dhaw ula socdaan xaaladda amni ee Magaalada Bosaso oo gashey mid dagaal, taas oo Sababtey, dhimasho, dhaawac, barakac baahsan iyo burbur hantiyeed, labadii maalmood ee u danbeysey,” ayaa lagu yiri bayaanka ay soo saareen Isimimada Puntland.

Sidoo kale waxa ay soo jeediyeen illaa saddex qodob oo looga hortago dagaalka Boosaaso, waxayna kala yihiin:-

  1. In xabadda la joojiyo si shuruud la’aan ah
  2. In loo turo shacabka, lana caawiyo dadka ay waxyeeladu ka soo gaartey dagaalada
  3. Waxaan ku adkeyneynaa.

Baaqan ayaa ku soo aadayo, iyada oo maanta wasiirka amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan uu ku dhowaaqay xabad joojin deg-deg ah oo ka dhaqan-geleyso magaalada Boosaaso, si loo joojiyo dagaalka ka socda gudaha magaaladaasi.

Wasiirka amniga ayaa xusay in Puntland ay haatan diyaar u tahay inay wada-hadal la gasho PSF, si degenaan loogu dhammeeyo xiisadda haatan taagan.

Si kastaba, xaaladda Boosaaso ayaa maanta deggan, waxaana lagu soo warramayaa inay haatan dib u soo laabteen dhaq-dhaqaaqa dadka, gaadiidka iyo ganacsiga.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Puntland oo ku dhowaaqday go’aan lama filaan ah oo la xiriira dagaalka Boosaaso

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda amniga ee dowlad goboleedka Puntland oo goordhow shir jaraa’id u qabtay wariyeyaasha ayaa ka warbixiyey xaaladaha soo kordhay ee maamulkaasi, gaar ahaan dagaalka ka socda magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa marka hore ku dhowaaqay xabad joojin deg-deg ah oo ka dhaqan-geleyso Boosaaso, si loo joojiyo xabadda ka dhaceysa magaaladaasi.

Wasiirka amniga ayaa sidoo kale xusay in Puntland ay haatan diyaar u tahay inay wada-hadal la gasho PSF, si degenaan loogu dhammeeyo xiisadda haatan taagan.

Sidoo kale wuxuu carabka ku dhuftay in xiriir ay la soo sameeyeen dad kala duwan oo Isimo iyo culimo ku jirto islamarkaana ka codsadeen in xabbada la joojiyo.

“Waxaan halkan baaq uga dirayaa cid kasta oo nabadda ka shaqeysa inaan ka dowlad ahaan aan hoggaansanahay, diyaarna aan u nahay wax alaala wixii wanaag ah oo xabadda lagu joojinayo,” ayuu yiri wasiirka arrimaha amniga ee dowlad goboleedka Puntland.

Dhanka kale wasiirka ayaa sheegay in wixii mas’uuliyad ah, gaar ahaan dhibaatadii gaartay shacabka uu qaadayo agaasimaha xil ka laga qaaday PFS, Maxamuud Cismaan Diyaano.

Go’aankan ayaa noqday mid lama filaan ah, maadaama horey maamulka Saciid Deni ugu goodiyey in aysan wax jil jileec ah u muujin doonin agaasimaha hay’adda PSF iyo ciidamada taabacsan, waxaana taasi ay sababtay dagaal ka qarxay magaalada Boosaaso.

Dagaalka oo galay maalintiisii labaad ayaa dhaliyey khasaare xoogleh oo isugu jiro dhimasho, dhaawac, burbur  iyo barakac ay sameeyeen dadka deegaanka.

Si kasta, go’aanka Puntland ayaa qaboojinayo xiisadda, waxaana aad u soo dhoweeyey waxgaradka iyo inta badan shacabka ku dhaqan magaalada Boosaaso ee xarunta Bari.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

WASIIR amray baaritaan ku saabsan kiiska dhul boobka ee lagu eedeeyey ROOBLE

0

Muqdisho (Caasimadad Online) – Wasiirka Gaanshaandhigga Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa soo saaray amar baaritaan oo ku saabsan dhulka la sheegay in la boobayo ee ciidamada Badda Soomaaliya.

Taliyaha ciidamada Badda Soomaaliya Jeneraal Cabdixamiid Maxamed Dirir ayaa Ra’iisul Wasaare Rooble ku eedeeyey inuu boobayo dhulkaas, islamarkaana uu si shakhsi ah guri uga dhisanayo, isagoo wacad ku maray in arrintaas aysan ogolaa doonin.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa amar ku siiyey Taliyaha ciidamada xoogga General Odawaa inuu baaritaan sharci ah ku sameeyo wararka soo baxay ee sheegayo in la boobayo dhulka ciidamada Badda ee ku yaalo Magaalada Muqdisho.

Warqadda kasoo baxday wasiirka Gaashaandhigga, islamarkaana la ogeysiiyey xafiisyada Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha, Hanti-Dhowraha iyo Gar yaqaanka guud ayaa lagu yiri:

“Waxaa warbaahinta lagu faafiyey muuqaalo la sheegay in laga soo duubay Taliyaha ciidamada Badda kaasoo ku eedeenayo madaxda Qaranka oo uu Ra’isulwasaaraha kamid yahay inay ku lug leeyihiin dhulka Ciidanka Badda ee loo adeegsaday arrimo shaqsiyadeed, waxaa lagu farayaa taliye inaad baaritaan deg deg ah ku sameysid arrintaan, sidoo kalana aad ka qaadatid tallaabo waafaqsan shuruucda dalka iyo xeerka ciidanka Xoogga dalka,” ayuu yiri wasiirka gaashaandhigga.

Kiiska dhulka Ciidamada Badda ayaa kusoo aadayo xilli la sheegayo inuu khilaaf cusub soo kala dhex galay madaxweynaha waqtiga ka dhammaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble, waxaana la rumeysan yahay in kiiskaan uu qeyb ka yahay cadaadis lagu hayo Rooble.

Xog aan helnay ayaa sheegeysa in eedda iyo weerarka ka timid taliyaha ciidamada badda uu ka dambeeyo madaxweyne Farmaajo oo ka careysan xeyrinta Rooble ee xubno ka mid ah guddiga xalinta khilaafaadka doorashada.

Halkaan hoose ka akhriso warqadda kasoo baxday Wasiirka Gaanshaandhigga

Maryan Maxamed Xirsi oo u geeriyootay rasaastii ay ku fureen ciidamada DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa saaka isbitaalka Digfer ee magaalada Muqdisho ku geeriyootay Maryan Maxamed Xirsi oo dhowaan ku dhaawacantay rasaas ay ku fureen ciidan ka tirsan kuwa dowlada oo xilligaas marayey isgoyska Foleransa.

Maryan ayaa aheyd ardayad wax ka barata Jaamacadda Banaadir, waxayna ku jirtay sanadkeedii ugu dambeeyay ee waxbarashada Jaamacadda, gaar ahaan Kulliyadda Caafimaadka iyo Qaliinka.

Marxuumadda ayaa xilliga rasaasta lagu furay ka timid isbitaalka Aadan Cabdulle oo ay ku laheyd Internaship, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay maamulka sare ee Jaamacadda.

Warka ka soo baxay Benadir University ayaa sidoo kale tacsi loogu diray ehellada marxuumadda, waxaana ay Alle uga baryeen inuu ka waraabiyo Jannadii Fardowsa.

Ciidamada dowladda ayaa bishaan gudaheeda ku dhowaad 5 qof siyaabo kala duwan ugu dilay gudaha magaalada Muqdisho, waxaana ku jiray gabar iyo wiil wada dhashay.

Halkan hoose ka aqriso:-

Maamulka Jaamacadda Benadir University ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid AUN, Maryan kamid aheyd Ardayda Kulliyadda Caafimaadka iyo Qaliinka ayadoona ku jirtay sanadkeedii ugu dambeeyay ee waxbarashadda.

Gudoomiyaha Jaamacadda Benadir Prof. Dr. Maxamed Maxamuud Xassan (Biday) Gudoomiye kuxigeenada Jaamacadda, dhammaan Hormuudyada Kuliyadaha, Maamulka, Macalimiinta, Shaqaalaha iyo Ardayda Jaamacadda Benadir, waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan ehelada iyo qoyskii ay ka baxday Marxuumad (Marian Mohamed Hirsi ) oo saakay ku geeriyootay Isbitaalka Digfeer ee Magaalada Muqdisho, ayadoo u geeriyootay dhaawac kasoo gaaray rasaas ay fureen askar hubeysan oo laamiga isgooska Foleransa marayay taariikhda marka  aheyd 11-12-2021 habeennimo Axad soogaleyso ayada oo katimd isbitaalka Aadan Abdulle Hospital halkaas oo ku mareysay internaship.

Marian waxa ay kamid aheyd Ardayda Kulliyadda Caafimaadka iyo Qaliinka ayadoona ku jirtay sanadkeedii ugu dambeeyay ee waxbarashadda .

Waxaan ALLE uga baryeynaa inuu janadii Fardowsa aheyd ka waraabiyo, eheladii iyo qaraabadii ay ka baxday samir iyo iimaan ka siiyo.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

DAGAAL xooggan oo saaka dib uga qarxay Boosaaso

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Dagaal culus ayaa saaka mar kale dib uga qarxay magaalada Boosaaso, kaasi oo u dhaxeeya ciidamada dowladda Puntland iyo kuwa taliyihii hore ee ciidamada PSF Jeneraal Maxamuud Cismaan Diyaano.

Dagaalka saaka ayaa billowday abaare shantii aroorninmo, waxaana magaalada aad looga maqlayaa hubka culus oo ay isu adeegsanayaan ciidamadii shalay dagaalka isaga hor-yimid.

Dagaalka ayaa lagu soo warramayaa inuu si gaar ah uga socdo xarunta PSF oo ay ku sugan yihiin Jeneraal Diyaano, oo diiday xil ka-qaadis uu madaxweynaha Puntland ku sameeyey, iyo ciidamo uu wato.

Dagaalka ayaa dib u bilowday xilli ay socdeen dadaalo lagu doonayo in xiisadda taagan lagu dhammeeyo xal nabadeed.

Madaxweyne Saciid Deni ayaa la sheegay inay ka go’an tahay in lasoo xiro Jeneral Diyaano, isaga oo horey u sheegay in ciidamo dowladda iyo maleeshiyo hubeysan aanay wada joogi karin Puntland.

Dagaalkii shalay ayaa waxaa ku naf-waayeen 10 qof oo isugu jira askartii dagaalantay iyo dad shacab ah, iyadoo 40 qof oo kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay muujiyeen xogaha aan ka helnay goobaha caafimaadka.

Dad badan ayaa ilaa xalay ka bara kacayay xaafadaha magaalada Boosaaso, kuwaas oo cabsi ka qabay in dagaalku uu sii socdo, saameyna ku yeesho nabadgelyadooda.

Waxaa guud ahaan xirmay goobihii ganacsiga, dekedda iyo duulimaadyadii garoonka diyaaradaha iyo isu socodkii gaadiidka dadweynaha ee magaaladda Boosaaso.

Waxaa jira baaqyo ay dirayaan Culimada, Nabadoonada iyo waxgarad kale oo reer Puntland ah, balse ma jirto ilaa hadda wax horumar ah oo laga gaaray in la joojiyo dagaalka ka socda magaaladda Boosaaso.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

AMISOM oo waqtiga loo kordhiyey & qorshihii DF oo…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa meel-mariyey qaraar ku aadan muddo kordhin horleh oo loo sameeyey ciidamada nabad ilaalinta Ururka Midowga Afrika (AMISOM) ee haatan ka howl-gala gudaha dalka Soomaaliya.

AMISOM ayaa loogu daray saddex bilood oo dheeri ah, waxaana howl-galka la gaarsiiyey illaa 31-ka March ee sanadka soo socda ee 2022-ka, sida ay go’aamiyeen Goluhu.

Sida wadajir ah waxaa qaraarkan oo uu tirsigiisu yahay 2614 u ansixiyey 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka, wuxuuna qaraarkani ciidamada AMISOM u ogolaanayaa in ay qaadaan dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah ee la xiriira howl-galkooda Soomaaliya.

“Iyada oo xaaladda Soomaaliya ay weli tahay mid khatar ku ah nabadda iyo ammaanka caalamka, wuxuu Goluhu go’aansaday inuu oggolaado in dawladaha xubnaha ka ah Midowga Afrika inay sii wadaan hawlgalinta Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ilaa 31-ka Maarso 2022” ayaa lagu yiri bayaan uu soo saaray Golaha Ammaanka.

Sidoo kale wuxuu bayaanka intaasi kusii darayaa in AMISOM ay waajib ku tahay inay dhowrto qarannimada iyo madax bannaanida siyaasadeed ee Soomaaliya.

“Wuxuu Goluhu oggolaaday in AMISOM ay qaaddo dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si ay si buuxda ugu hoggaansamaan waajibaadka dowladaha ka qeyb galaya ee waafaqsan shuruucda caalamiga ah oo ay ku jiraan sharciyada bini’aadantinimada iyo xuquuqda aadanaha, iyo iyadoo si buuxda loo ixtiraamayo qarannimada iyo madaxbannaanida siyaasadeed ee Soomaaliya, si ay u gudato waajibaadkeeda, sida ku cad faqradaha 12 iyo 13 ee qaraarkii2568 (2021)” ayaa la raaciyay bayaanka.

Arrintan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo haatan ay dood adag ka taagan tahay qorshaha kala guurka AMISOM, isla-markaana dowladdu ku han weyn tahay in ciidamada Soomaaliya ay la wareegaan ammaanka guud ee dalka, marka ay bilaha soo socdo baxdo AMISOM.

Si kastaba, arrintan ayaa dhalisay khilaaf xoogan, wuxuuna Midowga Afrika uu dhowaan ansixiyey qorshe hawlgalka ka dhigaya mid ay wadajir u maamulaan Qaramada Midoobay iyo sidoo kale Midowga Afrika, kaas oo ay haatan diidan tahay dowlada federaalka Somalia.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Sawirro: Dhallinyaro ‘kasoo goostay’ kooxda Al-Shabaab oo lasoo bandhigay

0

Jowhar (Caasimada Online) – Magaalada Jowhar ee xarunta HirShabeelle waxaa galabta lagu soo bandhigay seddax dhalinyaro ah oo ka tirsanaa jiray kooxda Al-Shabaab.

Dhalinyarada lagu soo bandhigay Jowhar ayaa sheegay inay ka soo goosteen Al-Shabaab, iyagoo isku soo dhiibay ciidanka Nabad sugidda ee ka howlgalla gobolka Shabeellada Dhexe, gaar ahaan magaalada Jowhar.

Seddaxdaan dhalinyarada ah oo lagu kala magacaabo Cali Cabdullaahi, Cabdullaahi Xasan Maxamed iyo Axmed Cabdullaahi Maxamed ayaa sababta ay isku soo dhiibeen waxay ku sheegeen in dhibaato badan ay kala kulmeen ka tirsanaanta Al-Shabaab.

Waxay sheegeen inay u adkeeysan waayeen dhibaatooyinka ay la kulmaan dagaalyahanada Al-Shabaab oo inta badan ku jira dhulka howdka ah, iyagoo ugu baaqay dhallintada kale ee ka tirsan kooxda inay isku soo dhiibaan dowladda, si nolol taas ka roon ay u helaan.

Taliyaha Nabad sugidda ee magaalada Jowhar Cali Xasan Maxamuud (Cali Dheere) ayaa sheegay in dhalinyaradaan ay la soo xariirtay sidaasna ay uga hor tageen.

Taliyaha ayaa ugu baaqay dhallinyarada ka barbar dagaalanta Al-Shabaab inay soo raacaan dhabaha ay mareen saaxiibadooda, ayna isku soo dhiibaan dowladda, isagoo balan qaaday in wax dhibaato ah aysan kala kulmi doonin hey’adaha amniga.

Sawirro: Ciidanka Gorgor oo dilay xubno Al-Shabaab ah

0

Afgooye (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howl-gal qorsheysan oo ciidamada Gorgor ay ka sameeyeen duleedka degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo ay ku beegsadeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Ciidamada Gorgor ayaa lagu soo warramayaa inay gudaha u galee deegaanada Shaamgare, Mubarak iyo Jowhar yarey, waxaase iska caabin ay kala kulmeen kooxda Al-Shabaab.

Taliyaha guutada Gorgor Coll Dayax Cabdi Cabdulle oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay Al-Shabaab kala wareegeen deegaanadaas isla-markaana ay joob xoogan gaarsiiyeen.

Dayax Cabdi Cabdulle ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in howl-galka ka dhacay deegaanka Shaamgare ay ku duleen illaa 5 xubnood, kuna dhaawaceen 7 kale.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaqyada ay haatan ka wadaan agagaarka degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka kooxda Al-Shabaab oo inta badan weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ka fuliso halkaasi.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana labada dhinac ay wadaan abaabul xoogan iyo dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeedo.

Si kastaba, muddooyinkii u dambeeyey ciidamada Xoogga dalka ayaa sare u qaaday howl-gallada lagula dirirayo Al-Shabaab ee ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Deni oo laga dalbaday amar deg deg ah oo ku saabsan dagaalka ka socda Boosaaso

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Nabaddoon Cabdulqaadir Axmed Ibraahim ‘Xarago’ ayaa si adag uga hadlay dagaalka ka socda magaalada Boosaaso ee galay maalintii labaad, kaasi oo u dhaxeeya ciiddanka amniga Puntland iyo ciiddamo daacad u ah agaasimihii hore ee ciiddanka PSF, Maxamuud Cismaan Diyaano.

Waxa uu sheegay in mas’uuliyadda dagaalkaasi iyo wixii dhiba ah ee ka dhacay magaalada Boosaaso ay qaadi doonto xukuumadda Puntland ee uu ugu horreeyo Madaxweyne Saciid Deni iyo cid kasta oo geysatay.

“Xabadu xal maaha, wax lagu fikirana ma aha. Waxgaradka iyo guud ahaan bulshada reer Boosaaso waxaa ugu baaqaya inay xakameeyan oo arrimaha meesha ka jirana xalkooda iyo wanaagoodana ka shaqeeyan,” ayuu yiri Nabaddoonka.

Nabaddoon Cabdulqaadir Xarago ayaa sidoo kale ku baaqay in labada dhinac ee ku dagaalamaya Boosaaso ay joojiyaan xabada, islamarkaana laga wada shaqeeyo sidii xiisada loogu xalin lahaa wax walba oo xal noqon.

“Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni waxaa ugu baaqaya in uu amar ku bixiyo in dagaalkaas uu joojiyo, kuna dayo wax walba oo arrintaan lagaga gudbi karo. Sidoo kale Saraakiisha PSF ay xabad joojin sameeyan oo deganaan ku soo celinayaan magaalada Boosaaso.”

Waxa uu shaaciyey shir deg deg ah oo gobolka Bari iskugu imanayaan, kaasi oo uu sheegay inay aayahooda uga tashanayaan, si looga gudbo xiisada dagaal ee ka taagan magaalada ganacsi ee Puntland.

Ugu dambeyntiina waxa uu carabka ku adkeeyay in meel looga soo wada-jeesto dagaal ka dhaca gobolka Bari iyo guud ahaan Puntland, islamarkaana lagula xisaabtamo dadka ka mas’uulka ah.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Xog: Khasaaraha dagaalkii Boosaaso kasoo kala gaaray ciidamada Puntland iyo PSF

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Dagaalkii u dhaxeeyey ciidamada PSF iyo kuwa Puntland ee maanta ka qarxay magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa hadda qaboobay, iyadoo rasaas goos-goos ah weli laga maqlayo gudaha magaalada.

Dagaalkaas oo saacado socday ayaa waxaa ka dhashay khasaaro xoog leh oo soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamayey iyo dad Shacab ah, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Dagaalka oo barqanimadi maanta ah ka bilowday Boosaaso ayaa lagu soo waramaya in illa iyo hadda inta la xaqiijiyay ay ku dhinteen Saddex qof oo laba kamid ah ay yihiin Shacab.

Sidoo kale waxaa lagu soo waramaya in ciidamada Puntland ay dhankooda uga dhaawacmeen 6 askari, halka kuwa PSF uu dhaawac ka soo gaaray 8 askari, dadka shacabka ah ee dagaalka ku dhaawacmay ayaa waxaa sidoo kale la sheegay inay tiradoodu gaareyso 7 qof.

Maamulka magaalada Boosaaso ayaa dhankooda ku eedeyay in dagaalka ay qeyb ka yihiin ciidamada Gorgor ee dolwadda feeraalka Soomaaliya, islamarkaana ay hoobiyayaal ku garaaceen qaybo kamid ah magaalada.

Ciidamada PSF ayaa sheegtay inay la wareegeen xarunta madaxtooyada ee magaalada Boosaaso iyo xaafadaha u dhow dhow, inkasta oo aysan jirin illo madax banaan oo xaqiijiyey sheegashadooda.

Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa lasoo sheegayaa inuu wado diyaarinta ciidamo kale oo weerar ku qaada Boosaaso, waxaana laga cabsi qabaa inuu mar kale dagaalka xoogeysto.

Si kastaba, wada-hadalo muddooyinkii ugu dambeysay loogu jiray in lagu soo afjaro xiisadaha Boosaaso ayaa guul-daraystay, kadib markii labada dhinac ay ku heshiin waayeen go’aanno kasoo baxay Isimada.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Mareykanka oo war kasoo saaray dagaalka Boosaaso

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa si adag uga hortimid dagaalka maanta ka qarxay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, kaasi oo u dhaxeeyay ciidamada PSF iyo kuwa Puntland.

Qoraal ay soo saartay Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu dalbaday in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka Boosaaso, islamarkaana lagu soo laabto miiska wada-hadallada.

“Waxaan ku baaqeynaa in si deg deg loo joojiyo colaadda Boosaaso, laguna soo laabto wada-hadallada si loo helo xal nabadeed oo laga wada-xaajooday. Sii socoshada dagaalka waxay waxyeelo dheeri ah u gaysaneysaa un Boosaaso iyo shacabkeed,” ayaa lagu yiri qoraalka ay Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya kasoo saartay dagaalka Boosaaso.

Mareykanka ayaa hore uga walaacsana in xiisada ciidanka PSF iyo madaxweyne Deni u dhaxeysa ay isku rogto dagaal, sida saaka ka dhacday magaalada Boosaaso, taasi oo ciidanka ka weecin karta dagaalkii lagula jiray kooxaha argagixisada.

Ciidamada PSF ayaa waxaa tababara Mareykanka, si ay ula dagaalamaan argagixisada, taasi oo ka dhigan in Mareykanka ay aad u daneynayaan arrintan, kuna qasban yihiin inay soo faro-geliyaan.

Sida ay hore u baahisay Caasimada Online, Safaaradda Mareykanka ayaa labo jeer la hadashay madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, tan iyo markii ay xiisada soo kala dhex gashay Saraakiisha PSF, iyadoo ku amartay inuu xal aan xabbad aheyn u helo xiisadda.

Madaxweyne Deni ayaa u muuqda mid iska dhago tiray dalabkii Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya, kaasi oo ku aadana in laga baaqsado wixii saaka ka dhacay Boosaaso, hase yeeshe uu door biday dhaqan gelinta wareegtadii xil ka qaadistii agaasimaha ciidankaas.

Ciidamada PSF iyo kuwa Puntland ee taabacsan Deni ayaa dagaal saacado socday maanta ku dhex-maray magaalada Boosaaso, kaasi oo uu ka dhashay khasaaro xoog leh oo soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamayey iyo dad Shacab ah.

Dagaalka oo barqanimadi maanta ah ka bilowday Boosaaso ayaa lagu soo waramaya in illa iyo hadda inta la xaqiijiyay ay ku dhinteen Saddex qof oo laba kamid ah ay yihiin Shacab.

Sidoo kale waxaa lagu soo waramaya in ciidamada Puntland ay dhankooda uga dhaawacmeen 6 askari, halka kuwa PSF uu dhaawac ka soo gaaray 8 askari, dadka shacabka ah ee dagaalka ku dhaawacmay ayaa waxaa sidoo kale la sheegay inay tiradoodu gaareyso 7 qof.

Maamulka magaalada Boosaaso ayaa dhankooda ku eedeyay in dagaalka ay qeyb ka yihiin ciidamada Gorgor ee dolwadda feeraalka Soomaaliya, islamarkaana ay hoobiyayaal ku garaaceen qaybo kamid ah magaalada.

Arrimahan ayaa imanaya xilli ay guul-dareysteen wada-hadalo muddooyinkii ugu dambeysay loogu jiray in lagu soo afjaro xiisada Boosaaso, kadib markii labada dhinac ay ku heshiin waayeen go’aanno kasoo baxay Isimada.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Cumar Filish oo weerar culus ku qaaday Musharaxiinta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo sidoo kalena ah duqa Muqdisho, Cumar Filish oo hadal ka jeediyay xeritaanka Shirweynaha Hiigsiga Caasimada ee 2040 ayaa waxa uu ku dhaliilay Midowga Musharaxiinta inay xilligan ku goodiyaan Shirweyne.

Guddoomiye Filish ayaa sheegay in siyaasiyiinta qaar marka ay carooddan ama danahoodda ay waayan ay ku hadaaqaan Shirweyna la qabannaa iyo dib ayaa loo noqonaa, waxaasi oo uu sheegay inaysan u rooneyn dowladnimadda.

“Runtii waxa lagu jira marxalad siyaasadeed oo doorashooyin ah oo buuq baan oo khatar baan, ayeynan ogolaanin waxkasta oo dib noo celinaya. Siyaasiyiinta marka ay carooddan ama danahooda waayan kuwa ku hadaaqa jirra, mana aha arrin u roon Soomaalinimada oo dhaheysa dib ha loo noqdo,” ayuu yiri Guddoomiye Filish.

“Midkii waasha in aad u sacbisaan waa waxyaabaha dib noo celinaya ee sii habaabinaya. Cidkasta oo siyaasi ah oo danta umadda ka shaqeynaysa waa in la garab istaago.”

Waxa uu intaas kusii daray in hadallada qaar ee siyaasiyiinta ay u yiraahdan si ka fiirsi laheyn ay horseedi karto in dalka uu dib ugu laabto sidii uu ahaan jiray, taasi oo uu sheegay inaysan wax dan ah ugu jirin umadda Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in dadweynaha Soomaaliyeed aysan u nuglaan waxkasta oo keeni kara caqiibo xumo, islamarkaana ay markasta ka shaqeeyan rabitaanka danta guud ah oo ka madhan dan gaar ah, sida uu sheegay.

Hadalkan ayaa imanaya xilli ay Midowga Musharaxiinta si adag uga horyimaadeen hanaanka doorashada Golaha Shacabka, ayaga oo qaadacay doorashada ka hor inta la saxayo qaladaadka ka jira, toddobaadyadii u dambeeyayna gudaha caasimada dalka ka waday kulamo looga arrinsanayo xaalada dalka iyo arrimaha doorashooyinka.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

ROOBLE oo shaaciyey xilliga uu furmayo shirka Golaha Wada-tashiga Qaranka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa casuumaad rasmi ah u direy madaxda Golaha Wada-tashiga Qaranka, si ay uga soo qeyb galaan shir 27-ka bishaan December ka dhici doona magaalada Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay in shirkaas looga arrinsanayo dardar-gelinta geeddi socodka, toosinta iyo dhameystirka doorashooyinka dalka.

Shirka uu yeelanayo Golaha Wada-tashiga Qaranka ayaa lagu wadaa in laga soo saaro qoddobo dib loogu saxo hanaanka doorashada dalka ay ku socdaan, kaasi oo maamulada qaarkood ay ku sameeyen musuq-maasuq baahsan.

Casuumaada Rooble u diray madaxda dowlad goboleedyada ayaa imaneysa xilli ay mucaaridka qaadaceen doorashada dalka ka socota, gaar ahaan Golaha Shacabka, taasi oo ay ku tilmaameen mid ku dhisan boob.

Rooble ayaa u hore u ballan-qaaday in uu shir iskugu yeeri doono Golaha Wada-tashiga Qaranka, kadib kulamo uu la qaatay mucaaridka oo ayagu dalbaday in gebi ahaanba la hakiyo doorashada, illaa inta saxayo qaladaadka ka jirra.

Golaha wadatashiga Qaran oo ka kooban Ra’iisul Wasaaraha, Madaxda dowlad Goboleed iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa waxaa xilligan looga fadhiya inay dib u soo celiyaan kalsoonidii luntay ee doorashada dalka.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Puntland oo sheegtay in ciidamada Gorgor ay qeyb ka yihiin dagaalka Boosaaso

0

Boosaaso (Caasimadad Online) – Iyada oo ay wali xaalad kacsanaan ah ka taagan tahay magaaladda Boosaaso ayaa maamulka Puntland waxa uu Dowladda Dhexe ku eedeeyey in ay qeyb ka yihiin Dagaalka ka socdo Magaaladda Boosaaso una dhaxeeyo ciidan ka amar qaato Saciid Deni iyo ciidanka PSF.

Duqa Boosaaso, Cabdiqani Axmed Ismaaciil Deera-dile oo dowladda u hadlay ayaa sheegey in ciidamada Gorgor ay hoobiyayaal ku garaaceen qaybo kamid ah magaalada Boosaaso.

Duqa Boosaaso ayaa sheegay in ciidamada PSF oo uu ku sheegay inay yihiin kuwa diiday amarka madaxweynaha Puntland ay dagaalka bilaabeen.

Cabdiqani ayaa sheegay in ciidamada uu hoggaaminayo Maxamed Cabdullaahi Diyaano ay diideen waanwaantii socotay sida uu hadalka u dhigay, wuxuuna ku eedeeyey inay Magaalada ku garaaceen hoobiyeyaal si ay u barakiciyaan dadka shacabka ah.

Wuxuu sheegay in maamulka Puntland uu ka dhammaaday dulqaadka isla markaasna ay hadda diyaar u yihiin inay awood ciidan u adeegsadaan.

“Meelaha ay joogaan ayaa loogu tagayaa, hal guri ayay ku jiraan oo ka dagaalamayaan, hoobiyayaal ayay meel walba ku rideen, dhibaatada ay shacabka u geystaan waxaa masuul ka ah kooxda amardiidka ah” ayuu yiri Duqa magaalada boosaaso.

Xaaladda magaalada Boosaaso ayaa kacsan, iyadoo weli halkaas uu ka socda dagaalka u dhaxeeya ciidanka amniga iyo kuwa PSF, waxaana jira dad badan oo shacab ah oo ku dhaawacmay rasaasta la isweydaarsanayo.

Boqolaal qoys ayaa sidoo kale guryahoodauga barakacay dagaalka socda. Qaar kaloo badan ayaa awooddi la’ in ay guuraan, iyadoo jidadkii ka xirmeen.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Faah-faahin ku saabsan dagaalka Boosaaso oo sii xoogeystay iyo PSF oo…

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in halkaasi uu ka socda iska hor imaad u dhaxeeya ciiddanka amniga Puntland iyo ciiddamo daacad u ah agaasimihii hore ee ciiddanka PSF, Maxamuud Cismaan Diyaano.

Labada dhinac ayaa isku adeegsanaya rasaas culus oo laga maqlayo xaafaddaha magaalada Boosaaso, waxaana xaafaddaha xabbadu ka socota ka qaxaya dadka shacabka oo horey halkaas u daganaa.

Lama oga cidda bilowday dagaalka, hase yeeshee wararku waxay sheegayaan in ciiddanka Puntland ay weerar ku qaadeen taliska guud ee hay’adda PSF, halkaas oo ay isku urursadeen ciiddanka PSF.

Dagaalkada ayaa saameyn ku yeeshay xarunta Ciidamada PSF, madaxtooyada Boosaaso iyo aaggaga u dhow iyadoo ciidamada dagaalamayo ay yihiin kuwa aad isugu dhow difaac ahaan.

Ciidamada PSF ayaa la sheegay inay duqeyn xoog leh u geysteen Xarunta Madaxtooyada Boosaaso taasoo keentay inay isaga baxaan ciidamadii daacadda u ahaa Saciid Deni ee halkaas ku sugnaa.

Waxaa lasoo sheegayaa khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac  ka dhashay iska hor imaadka socda, welise lama oga khasaaraha dhabta ah ee soo kala gaaray labada dhinac ee dagaalamaya.

Wada hadalo muddooyinkii ugu dambeysay loogu jiray in lagusoo afjaro xiisadaha Boosaaso ayaa guul daraystay, kadib markii labada dhinac ay ku heshiin waayeen go’aanno kasoo baxay Isimada.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

KENYA oo ciidamadii ugu badnaa soo dhoobtay xadka Soomaaliya + Sababta

0

Nairobi (Caasimada Online) – Wararka laga helayo deegaanada ku yaalla xadka Soomaaliya ayaa sheegaya in saacadihii ugu dambeeyey ay Kenya soo dhoobtay ciidamo dheeraad ah oo sugaya amniga, inta lagu jiro maalmaha dhammaadka sanadkan 2021-ka.

Booliska Kenya ayaa shaaca ka qaaday in la geliyey heegan buuxa, si ay uga hortagaan suurtagalnimada weeraro ay fuliyaan xoogaga Al-Shabaab ee ka dagaalama Soomaaliya.

Kenya ayaa sidoo kale u yeertay askarta fasaxa ku maqan, si ay dhankooda qeyb uga noqdaan dhaq-dhaqaaqyada cusub ee haatan ka socda xadka labada waddan.

Ciidamada ayaa bilaabay howl-gal cusub oo loogu magac daray ‘sugidda nabadda maalmaha dhammaadka sanadka’ sida uu shaaca ka qaaday taliyaha Booliska ee dalka Kenya oo ugu baaqay shacabka iyo ciidamada inay muujiyaan feejignaan dheeri ah.

Sidoo kale jidadka isku xira deegaanada ku yaalla xadka ayaa laga bilaabay baaritaano dheeraad ah oo lagu hubinayo gaadiidka, si looga hortago weeraro dhaba-gal ah oo ay markale Al-Shabaab ku qaadaan dadka isaga kala gudba is-maamullada ka jira halkaas.

Arrintan ayaa uga sii dareysa dhaq-dhaqaaqyadii horay uga jiray xadka ee u dhexeeyey Al-Shabaab iyo ciidamada Kenya oo marar kala duwan isku fara saaray gobolka Waqooyi Bari.

Dadka deegaanka ayaa dhankooda waxaa soo wajahday cabsi xoogan oo ka dhalatay xaaladaha amni ee soo kordhay iyo ciidamada haatan la geeyey xuduuda.

Si kastaba, muddooyinkii u dambeeyey kooxda Al-Shabaab ayaa sare u qaadday weerarada ay ka fuliso gudaha Kenya, kuwaas oo geystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii 

 

Saciid Deni oo ka baxsaday ceeb uu meel fagaare ah ku dhex-joojin rabay Qoor Qoor

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa iska fogeeyey ceeb uu meel-fagaare ah ku dhex joojin lahaa dhiggiisa Galmudug Axmed Qoor Qoor kadib markii uu isku dayey inuu kaftan ka dhigo boobka doorashada, xilli ay ka wada qeyb-galeen munaasabadda xuska sanad-guuradii saddexaad ee doorashadii Lafta-gareen ee habeen hore.. 

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, oo u muuqda inuu qarinayo boobka doorashada, naftiisana ceebeynaya, ayaa sheegay in wixii eed ahaa ee doorashada la xiriiray ay 80% qaateen isaga iyo dhiggiisa Koonfur galbeed Cabdi Caziz Lafta-gareen.

Qoor Qoor ayaa kadib ugu baaqay madaxweynaha Puntland Saciid Deni inuu doorashada billaabo, oo uu dowlad goboleedyada kale la qeybsado eedaha 20% ee dhimman, sida uu hadalka u dhigay.

“Madaxweyne Saciid ayaa fadhiyo caawa xoogaa ayuu dib dhigay, hadda ayaan ka sugeynaa inuu eedda dhiniciisa ka qaato, eedda badan inaga ayaa qaadanayey inta kale qaado adigu, waxyar ayaa haray 80% aniga iyo Cabdicaziz ayaa qaadanay 20 qeybsada intiina kale,” ayuu yiri Qoor Qoor.

Hase yeeshee, Deni ayaa iska leexiyey hadalka Qoor Qoor, isaga oo sheegay in aanu raaci doonin waddada ay u mareen doorashada balse uu wax fiican qaban doono.

“Saaxiibada halkan ka hadlay, madaxweyne Qoor Qoor, haddii uu yiri 80% innaga ayaa qaadanay, Insha Allah qaladka inta ka dhimanna iyaga ayaa iska qaadanaya, innaga wax wanaagsan ayaa daba dhigi doonaa, wax wanaagsan inay hagaagaan baan rajeyneynaa, dalkana doorasho lagu qanasan yahay inay ka dhacdo ayaan rajeyneynaa,” ayuu yiri Deni. 

Haddaba, kadib haddalada kulul ee ay is dhaafsadeen madaxweyneyaasha Puntland iyo Galmudug, waxaa isna gabagabadii goobta ka hadlay madaxweynaha Koonfur galbeed isaga oo isku dayey inuu dib ka saxi hadalka qoorqoor.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicaziz Lafta-gareen ayaa intaas kadib isku dayey inuu Qoor Qoor ka saxo hadalkiisa gefka ahaa.

 “Hal arrin oo muhiim ah, oo madaxweyne Qoor Qoor uu sheegay, madaxweyne Saciid-na uu dambi nooga dhigay inaan faahfaahiyo, madaxweyne Qoor Qoor 80% innaga ayaa dabmi galnay ma dhihin, cabashadan ninkii xusuusan ayaa xusuusan, hal qof oo golaha shacabka aan lasoo dooran ayaa waxaa la dhahayey doorasho ayaa la boobayaa, xataa ma la gaarin yaa…maxaa la boobaa, doorasho ayaa la galay, 4 qabiil ayaan u qabanay, yaan ka boobnay, qabiilkii iska lahaa baa la doortay, micnaha waxba lagaama sheegi doono ayaa laga wadaa ee ma ah inaga ayaa qalad sameynay,” ayuu yiri Qoor Qoor. 

Qoor Qoor iyo Lafta-gareen ayaa ah labada madaxweyne goboleed ee sida ugu darran u boobay doorashada.

Koonfur galbeed marka laga soo tago in kuraasta dad gaar ah loo xiray hadana waxaa dib loo celiyey kursiga loo diiday inuu u tartamo guddoomiyihii hore ee golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Dhanka Galmudug, waxaa si muran ku jiro lagu soo saaray agaasimaha NISA Yaasiin Fareey iyada oo loo diiday in lagula tartamo halka Somaliland ay soo baxeen xildhibaanno dood laga keenay, lana hakiyey sababo la xiriira boob.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii 

Xukuumadda Abiy Ahmed oo jawaab ka bixisay go’aankii lama filaanka ahaa ee TPLF

Addis Ababa (Caasimada Online) – Xukuumaddda ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ayaa ku gacan sayrtay go’aanka ay ku dhowaaqeen mucaaradka Tigray-ga ee ay kaga baxeen gobollada deriska la ah ee Afar iyo Amhara.

“Waxaan hadda dhameystirnay ka bixitaanka ciidamadeena ee gobollada Amhara iyo Afar,” waxaa sidaas twitter-ka ku qoray afhayeenka TPLF Getachew Reda.

Tallaabadan lama filaanka ah ayaa dhabbaha u xaari karta xabad-joojin la gaaro kadib 13 bilood oo dagaal qaraar ah.

“Waxaan ku kalsoonnahay in ficilkeenna geesinimada leh ee ka bixitaankeenna uu noqon doono bilowga nabadda,” ayuu qoray Debretsion Gebremichael, madaxa xisbiga TPLF oo ah xisbi siyaasadeedka gacanta ku haya inta badan gobolka waqooyi ee Tigray.

Hase yeeshee afhayeenka Abiy Ahmed Billene Seyoum ayaa ku gacan sayrtay ku dhowaaqista mucaaradka oo ay ku qeexday mid lagu qarinayo guul-darrooyin militari.

“TPLF waxaa ku dhacay khasaraooyin weyn toddobaadyadii dhowaa, sidaas darteedna waxay sheegayaan ‘dib u garasho xeeladeed’ si ay u qariyaan guul-darrooyinkooda,” ayey u sheegtay AFP.

“Weli waxaa jira qeybo ka mid ah gobolka Amhara oo ay joogaan iyo sidoo kale furimo kale oo ay isku dayayaan inay dagaal ka furaan.”

Dhinaca kale, dowladda Mareykanka ayaa ka fal-celisay go’aanka Tigray-ga, wuxuuna afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibedda Ned Price uu sheegay in haddii la xaqiijiyo dib u gurashada TPLF “ay tahay arrin ay soo dhoweynayaan.”

“Waa arrin aan ku baaqeyno, waxaana rajeyneynaa inay albaabka u furi doonto diblomaasiyad ballaaran.”

Warqadda uu diray QM ayuu hoggaamiyaha TPLF Debretsion Gebremichael ku baaqay in hawada gobolka Tigray laga dhigo aag duulimaadyada ka caagan, cunaqabateyn hub oo lagu soo rogo Ethiopia iyo xulufadeeda Eritrea iyo in la dejiyo hab ay QM ku xaqiijin karto in dhammaan ciidamada banaanka ka yimid ay ka baxaan Tigray.

QM ayaa horey dowladda ugu eedeeyey inay xayiraad kusoo rogtay gobolka – eedeyntaas oo dowladda ay beenisay.

“Waxaan fileynaa in maadaama aan ka baxeyno, in bulshada caalamka ay wax ka qaban doonaan xaaladda Tigray, maadaama aysan hadda kadib qiil ka dhigan karin in ciidamadeena ay qabsanayaan Amhara iyo Afar,” waxaa sidaas Reuters u sheegay afhayeenka TPLF Getachew Reda.

Hindisooyinka kale ee ku jiray warqadda uu Debretsion u diray QM ayaa waxaa ka mid ahaa in lasii daayo kumanaanka qof ee maxaabiista siyaasadeed ee Tigray-ga ah ee u xiran dowladda iyo in baarayaal caalami ah ay raadiyaan kuwa ka mas’uulka ah dambiyada dagaal.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Wararkii ugu dambeeyey dagaalka ka socda Boosaaso + Khasaaraha

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaarayo gobolka Bari ee Puntland ayaa sheegaya in goor dhow rasaas teel teel ah ay ka bilaabatay gudaha magaalada Boosaaso, halkaas oo maalmihii lasoo dhaafay ay ka taagneyd xiisad kacsanaan ah.

Rasaasta oo ah mid goos goos ah ayaa waxaa is-weydaarsanaya ciidamada ammaanka Puntland iyo kuwa PSF-ta, sida ay innoo xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadka deegaanka.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in haatan is-rasaaseynta ay ka dhaceyso dhanka xaafadda Ridwaan oo ay ku taallo xerada ay dagan yihiin ciidamada PSF-ta maamulka Puntland.

Ilo wareedyo lagu kalsoon-yahay ayaa innoo sheegay in rasaasta bilaabatay ay dhalisay, kadib markii markii ciidamada Puntland ay ku dhowaadeen halka ay ku sugan yihiin PSF.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana la xaqiijiyey illaa iyo hadda ay is-rasasaaseyntaas ay ku dhaawacmeen illaa 5 qof oo isugu jiro askar iyo dad shacab ah.

Sidoo kale dadka shacabka ah ayaa waxaa soo wajahday cabsi xoogan, iyada xaafadaha qaar ay istaageen dhaq-dhaqaaqa ganacsiga, dadka iyo gaadiidka.

Xiisadda ka taagan Boosaaso ayaa ka dhalatay xil ka qaadistii uu Saciid Deni ku sameeyey agaasime Maxamuud Cismaan Diyaano oo ka horyimid tallaabadaasi, waxaana kadib fashilmay wada-hadallo lagu dhex-dhexaadinayey labada dhinac, si loo qaboojiyo xiisada.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Daawo: Bashiir Goobe oo shaaciyey xogta dhulka la sheegay inuu boobayo Rooble

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Jeneraal Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) oo ka jawaabay hadalkii ka soo yeeray Taliyaha ciidanka badda Soomaaliya Jeneraal Cabdixamiid Maxamed Dirir ayaa ku tilmaamay wax lala yaabo oo aan meel ka soo gelin sharciga saraakiisha ciidamada qaranka.

Taliyaha ciidamada Badda Soomaaliya Jeneraal Cabdixamiid Maxamed Dirir ayaa Ra’iisul Wasaare Rooble ku eedeeyey inuu boobayo dhulkii ciidamada badda oo si shakhsi ah guri uga dhisanayo, isagoo ku goodiyey in Rooble uusan taas ka aqabali doonin.

Bashiir Goobe oo ah Jenanka ugu darajada sareeya ciidamada Soomaaliya ayaa sheegay in sharciga iyo anshaxa ciidanka uusan ogoleyn in sarkaal uu madaxda qaranka eedeyn u marsiiyo warbaahinta.

“Wax na qabta maaha, waana uga cudur-daarayaa ciidamada qalabka sida iyo dhamaan umadda Soomaaliyeed,” ayuu yiri Bashiir Goobe oo sharaxaad ka bixiyey halka uu ku yaallo dhulka uu sheegay Taliye Cabdixamiin in Ra’iisul Wasaare Rooble uu boobayo.

Jeneraal Bashiir ayaa sheegay in dhulkaas uusan noqon karin xero ciidan, maadaama uu aad u yaryahay, “Waa dhul yar oo u dhaxeeya xeebta iyo safaaradda Turkiga, dhanka kalena waxaa ka xigay guryo ay degan yihiin saraakiil aan anigu ku jiro,” ayuu yiri Bashiir Gooble.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dhulkaan uusan horay u ahaa jirin dhul ciidan, “Hadii maanta ay u jeedadu tahay in wax la dhisayo, waxay aheyd in la dhiso taliska guud ee ciidanka badda, marna ma garan in dhul xeeb ah oo qashinka magaalada uu isugu yimaado, in la yiraahdo talis ciidan ayuu noqonayaan, ma noqon karo dhul ciidan, laakiin anigu markii aan u fiirsaday arrintaan waxaan is dhahay, waxaan maxay noo jiheynayaan fowdadii iyo waxyaabihii aan ka soo gudubnay?” ayuu yiri Bashiir Goobe.

Markii uu hadlay Taliyaha ciidanka badda, durbadiiba waxay dad badan tuhmeen in Taliyaha uu soo diray Madaxweyne Farmaajo oo fadeexo la raadinaya Ra’iisul wasaare Rooble, balse Jeneraal Bashiir Goobe ayaa tuhunkaas beeniyey.

Waxa uu sheegay in Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ay isku fiican yihiin oo aad ay isku qadariyaan, “Markii la isqabsaday oo anigu aan khilaafka dhinac ka soo galay kadib, waxaan ku heshiinay inaan ka shaqeyno danta dalka oo aan is aamino, gaar ahaan labada xafiis ee dalka ugu sareysa, marka waxaan leeyahay qofkii doonaya inuu isku diro Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha ha ku fekerin taas ma dhaceyso,” ayuu yiri Jeneraal Bashiir Goobe.

Hoos ka daawo

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii