24.8 C
Mogadishu
Wednesday, July 1, 2026

Wafuud ka socota IGAD oo timid Muqdisho + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta soo gaaray wafdi culus oo ka socda Urur Goboleedka IGAD, kaas oo uu horkacayo xoghayaha fulinta ee ururka, Dr ; Workna Gebeho.

Wafdigan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ku soo dhoweeyey mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka, waxaana kadib loo galbiyey madaxtooyada.

Xubnaha ka socda IGAD ayaa kulan hordhac ah la qaatay wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane xamuud Cabdi Xasan Bekos, waxaynka wada-hadleen xaaladda dalka.

Sidoo kale waxay la kulmeen Ra’iisul Wasaaraha oo xafiiskiisa ku qaabilay, waxayna ka wada-hadleen xoojinta wadashaqeynta IGAD iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan arrimaha siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha.

Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa soo dhaweeyay hirgalinta Xarunta Sare ee IGAD ee u adkeysiga aafooyinka iyo ilaalinta deegaanka oo IGAD ay Muqdisho ka furatay. Xaruntu waxay taageeri doontaa hirgelinta qorshaynta khataraha cimilada ee dalalka gobolka ee ku bahoobay IGAD.

Workna Gebeho iyo wafdigiisa oo sii joogaya Muqdisho ayaa lagu wadaa inay kulamo la yeeshaan madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday iyo mas’uuliyiin kale.

Waxa ay sidoo kale is arki doonaan xubnaha wakiilada beesha caalamka ee fadhigooda uu yahay magaalada Muqdisho, si ay ula yeeshaan wada-hadallo ku aadan arrimaha taagan.

Imaanshaha Soomaaliya wafdigani ka socda IGADA ayaa ku soo aadaya, xilli dalka ay ka taagan tahay xiisad ka dhalatay doorashooyinka billowday ee Golaha Shacabka dalka.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa ku daahday xaaladda kala guurka ee ka dhalatay muranka doorashooyinka oo ay weli isku hayaan xubnaha mucaaradka iyo dowladda dhexe.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Ciidamo badan oo lagu soo daadiyey jidadka Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta laga dareemayaa dhaq-dhaqaaq ciidan oo xoogleh, kadib markii askar fara badan lagu soo daadiyey waddooyinka muhiimka ah ee caasimada.

Warar kala duwan ayaa waxaa laga helayaa ujeedka ciidamadan milatariga ah loogu soo daadiyey gudaha magaalada Muqdisho, iyada oo lagu arkay meelo badan oo ay ka mid tahay wadada dheer ee Makka Al-Mukarrama.

Dadka qaar ayaa hadal haya in dhaq-dhaqaaqayda ay bilaabeen ciidamadan ay salka ku heyso xaaladaha siyaasadeed ee kasoo kordhay dalka, walow aysan arrintaas ka hadlin dowladda.

Wararka qaar oo ay heshay Caasimada Online ayaa dhinaca kale sheegaya in ujeedka ciidamadan loogu soo daadiyey waddada dheer ee KM4 ay tahay in halkaas uu booqanayo madaxweynaha Soomaaliya oo lagu soo warramayo inuu xariga ka jarayo dib u dayactir lagu sameeyay xarunta wasaaradda beeraha, sidaas daraadeedna ciidanka loo geeyey halkaas inay xaqiijiyaan anmniga madaxweynaha, ayna xiraan waddadaasi.

Sidoo kale dadka shacabka ah ee deggan magaalada Muqdisho ayaa aad u hadal haya dhaq-dhaqaaq ciidan ee ay maanta dareemeen, waxaana baraha bulshada lagu baahiyey sawirro laga soo qaaday ciidamadaasi oo wata gaadiidka gaashaaman ee dagaalka.

Arrintan ayaa ku soo aadeyso, iyada oo weli ay cakiran tahay doorashada Soomaaliya, waxaana xaaladda ay kasii dartay markii uu Rooble kala diray guddiga xallinta khilaafaadka.

Si kastaba, lama oga sida ay xaaladdu noqon doonto, waxaana haatan Soomaaliya ay ku jirtaa xaalad adag oo kala guur ah, isla-markaana ka dhalatay muranka doorashooyinka.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

 

Midowga musharaxiinta oo war kasoo saaray shirka uu cilaamiyey R/W Rooble

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Midowga Musharixiinta Mucaaradka ayaa si weyn u soo dhoweeyey qabashada shirka Golaha Wada-tashiga Qaran ee 27-ka bishan ka dhacaya magaalada Muqdisho, isla-markaana uu iclaamiyey ra’iisul wasaare Rooble.

Musharixiinta mucaaradka ayaa shaaca ka qaaday inay boggaadinayaan dagaalka ra’iisul wasaaraha ee ku aadan xal u helista muranka hareeyey doorashooyinka Soomaaliya.

“Goluhu wuxuu boggaadinayaa dadaalka uu ra’iisul wasaaraha ugu jiro sixitaanka doorashooyinka,” ayaa lagu yiri qoraalka ay soo saareen xubnaha musharixiinta.

Sidoo kale waxa ay tilmaamay inay rajo weyn ka qabaan in si wadajir ah looga gubdo caqabadaha ku geedaaman doorashooyinka dalka.

“Goluhu wuxuu rajaneynayaa in si wadajir ah looga gudbo caqabadaha ku horgudban inay dalka ka qabsoomto doorasho hunfnaan iyo daah furnaan leh,” ayaa la sii raaciyey.

Qoraalkan ayaa waxaa ka horreeyey mid kale oo ay maanta soo saartay Beesha Caalamka, kaas oo isna lagu taageeray shirka ay leeyihiin xubnaha Golaha Wada-tashiga Qaran.

Saaxibada Beesha Caalamka ayaa ugu baaqay hoggaamiyeyaasha Soomaalida inay xal rasmi ah ka gaaraan khilaafka doorashada, si ay u noqoto mid lagu wada qanacsan yahay.

Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxa uu ku soo aadayaa, xilli loo baahnaa, isla-markaana ay cabasho ka timid qaabka ay ku socoto doorashada Golaha Shacabka.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

 

Wararkii ugu dambeeyey ee xaaladda Boosaaso

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Magaaladda Boosaaso ayaa waagu ugu beryey sawaxanka rasaas ka dhacaysay hubka culus, waxaana meesha ka baxday xabbad-joojintii ay shalay ku baaqeen maamulka Puntland.

Abaarihii 11:45 daqiiqo ee habeenimadii xalay ayaa waxaa bilowday dagaal aad u culus oo u dhexeeyay ciidamadda Puntland iyo kuwa PSF ee daacadda u ah Jeneraal Maxamuud Cismaan Diyaano, wuxuuna dagaalkaasi si iskiis ah u istaagay 7-dii subaxnimo ee saaka. Xaalada ayaa hadda degan.

Dagaalkan ayaa u muuqday mid ka xoog weynaa dagaaladii horay u dhacayay, waxayna labada dhinac isu adeegsadeen hub kala duwan oo ay heli kareen. Daryanka iyo sawaxanka madaafiicda iyo rasaasta ayaa xalay oo dhan laga maqlayey gudaha magaaladda, kuwaasoo hurdada u diiday dadweynaha ku dhaqan Boosaaso.

Wararka aan ka heleyno goobihii lagu dagaalamay ayaa sheegaya in ay jiraan dhimasho iyo dhaawac hor leh oo daad guranayo goobaha caafimaadka Boosaaso, waxaana tirada dhimashadu maraysaa 19 qof iyo ku dhawaad 80 qof oo dhaawac ah oo isugu jira askar iyo shacab, sida ay xaqiijiyeen shaqaalaha goobaha caafimaadka Boosaaso.

Dadweynaha ku dhaqan magaaladda Boosaaso ayaa qaarkood waxaa soo wajahay barakac hor leh, iyadoo xaafadaha magaaladda qaybo ka mid ahina ay sheegayaan inay ka go’een biyihii iyo korontadii. Waxaa jira hoobiyaal ku dhacay guryo ka mid ah xaafadaha Boosaaso oo ay dad ku dhinteen.

Dhinaca kale qoraal maanta ka soo baxay xarunta madaxtooyadda Puntland ayaa lagu eedeeyey in Jeneraal Maxamuud Cismaan Diyaano uu hurinayo colaadda ka aloosan magaaladda Boosaaso, balse waxaa dhinaca kale lagu sheegay in dowladda Puntland ay wakhti siineyso dadaaladda loogu jiro sugida nabaddelyada iyo si nabad ah ay u qabsoonto xil-wareejintii uu madaxweynaha Puntland ugu magacaabay agaasimaha hay’adda PSF Sarreeye Guuto Aamiin Xaaji Kheyr.

Sidoo kale qoraal dhinaca ciidamada PSF ka soo baxayna waxay eedeyn ugu jeediyeen xubnaha ka tirsan golaha Wasiiradda Puntland ee ku sugan Boosaaso inay sii hurinayaan colaada iyo barakicinta shacabka.

Qoraalka PSF ayaa lagu sheegay in ku sugan yihiin xaruntoodii ayna is difaacayaan.

Shalay ayay ahayd markii Wasiirka Amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan uu ku baaqay in xabbada la joojiyo, waxaana jiray Isimo iyo waxgard kale oo dhexda u xirtay inay joojiyaan dagaal danbe oo ka dhaca magaaladda, waxaana mar kale Puntland sheegtay in ay wadahadallada nabaddu sii socdaan.

VOA

Beesha Caalamka oo dalab xasaasi u dirtay R/W Rooble iyo madax goboleedyada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed ka soo baxay wakiilada Beesha Caalamka ee fadhigooda uu yahay magaalada Muqdisho ayaa waxaa looga hadlay xaaladda cakiran ee dalka, gaar ahaan muranka hareeyey doorashooyinka Golaha Shacabka dalka.

Ugu horreyn Beesha Caalamka ayaa soo dhoweysay shirka uu iclaamiyey ra’iisul wasaaraha ee Gola Wada-tashiga Qaran ee 27-ka bishan ka dhacaya gudaha magaalada Muqdisho.

Saaxibada Beesha Caalamka ayaa ku celiyey baaqeeda ku aadan daah-furnaanta doorashada oo ay weli cabasho ka muujinayaan mucaaradka iyo xubnaha xil doonka ah.

“Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka waxa ay soo dhoweynayaan qorshaha lagu qabanayo kulanka fool ka fool ah u yeelanayo Golaha Wadatashiga Qaran oo diiradda lagu saarayo hagaajinta iyo dardargelinta hannaanka doorashada. Waxaan mar kale ku celinaynaa baaqayada ku aaddan daahfurnaan buuxda ee dhammaan hababka la xiriira,” ayaa lagu yiru warsaxaafadeedka maanta ka soo baxay wakiilada Beesha Caalamka.

Sidoo kale Beesha Caalamka ayaa ka dalbatay Golaha Wada-tashiga Qaran inay soo gaba-gabeeyaan doorashada, iyada oo shaacisay inay taageereyso hannaan kasta oo ku saleysan heshiisyadii la gaaray 17-kii Sebtembar 2020 & 27-dii May 2021, sida lagu sheegay qoraalka.

“Waxaan weli sii buuxda u taageeraynaa hanaan kasta oo ku saleysan oo ixtiraama heshiisyadii 17kii Sebtembar 2020 iyo 27dii May 2021. Waxaan madaxda Soomaaliya ugu baaqeynaa inay sida ugu dhaqsiyaha badan ku soo gebagebeeyaan hannaanka doorashada,” ayaa lagu yiri qoraalka ay sida wadajirka u soo sareen xubnaha Beesha Caalamka

Ugu dambeyn Beesha Caalamka ayaa xustay in lagama maarmaan ay tahay in la saxo qaladaadka haatan ka jira doorashada, si loo helo taageerada shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaana ku baaqeynaa hirgelinta kor u qaadis lagama maarmaan ah si loo saxo daldaloollada la arkay si loo xaqiijiyo in natiijadu ay heli doonto taageerada iyo kalsoonida shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu soo gaba-gabeeyey qoraalka Beesha Caalamka.

Waxaa si wada-jir ah qoraalka u soo saaray; Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Denmark, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Kenya, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Norway, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Qadar, Iswiidhan, Iswisarland, Turkiga, Uganda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka iyo Qaramada Midoobay.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

PSF oo ku dhowaaqday inay burburtay xabad joojiintii magaalada BOOSAASO

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Qoraal cusub oo ka soo baxay hoggaanka taliska PSF-ta ayaa waxaa looga hadlay xiisadda weli ka taagan gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, gaar ahaan dadaallada xalay dib uga dhacay gudaha magaaladaasi.

PSF ayaa ku eedeysay Puntland inay jabisay xabad joojintii lagu dhowaaqay, isla-markaana ay weerar ku soo qaaday xerada PSF, sida lagu sheegay warka ka soo baxay taliska.

Sidoo kale PFS ayaa sheegtay in wasiirada Puntland ee haatan ku sugan magaalada Boosaaso inay sii hurinayaan colaada haatan ka aloolsan magaaladaasi.

”Wasiiradii ay dowladdu usoo xil-saartay arrintaan waxay sii hurinayaan colaadda iyo barakicinta shacabka, waxaa sii socda dhiig-baxa shacabka iyo Ciidanka Puntiand,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Dhanka kale PFS ayaa shaacisay in haatan ay ciidamadeeda ay ku sugan yihiin gudaha xerada, waxayna uga digtay kuwa Puntland inay soo weeraraan halkaasi.

“Waxaan oga digaynaa dhallinyaradda Ciidamadda kala duwan ka tirsan ee lasoo marin habaabinayo inaysan naftooda u biimeyn shaqsi aanan garanayn culeyska ay leedahay masuuliyadda. PSF waxay ku sugantahay xarunteedii, weyna is-difaacaysaa, waxayna ku kalsoontahay shacabk,” ayaa markale lagu yiri qoraalka kasoo baxay taliska ciidanka PFS.

Hadalkan ayaa daba socda eedeyn ay goordhoweyd madaxtooyada Putland u jeedisay PSF-ta oo ay sheegtay inay colaad kasii hurineyso magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Si kastaba, hadallada kul kulul ee ay labada dhinac isku marinayaan warbaahinta ayaa uga sii daraya xiisadda Boosaaso, waxayna caqabad ku yihiin wada-hadallada haatan billowday.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Sheekh Manuur Sheekh Yuusuf oo gurigiisa lagala baxay kadibna la gowracay

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar qorsheysan oo xalay dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay ka fuliyeen qeybo ka mid ah degmada Buurhakaba oo ka tirsan gobolka Baay ee koonfurta dalka Soomaaliya.

Weerarka oo ahaa mid gaadmo ah ayaa ka dhacay bartamaha degmadaasi, iyada oo lagu beegsaday mas’uul ka tirsan Koonfur Galbeed, sida ay sheegayaan wararka soo baxaya.

Ragga weerarka qaaday ayaa la sheegay inay gurigiisa kala baxeen guddoomiyihii maxkamadda Buurhakaba, Sheekh Manuur Sheekh Yuusuf, kadibna ay ‘gowraceen’.

Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda weerarkan ayaa shaaca ka qaaday inay ku khaarijisay Manuur Sheekh Yuusuf oo ahaa guddoomiyihii maxkamadda Buurhakaba.

War laga sii daayey Idaacadda Andaluus ee ku hadasha Afka Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in dagaalyahano ka tirsan kooxda ay gudaha u galeen degmada, kadibna ay dileen madaxii garsoorka ee Buurhakaba.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo la xiriira weerarkaas ay guusha ka sheegatay kooxda Al-Shabaab.

Ciidamada ammaanka ayaa lagu soo warramayaa inay dhankooda howl-gallo ka bilaabeen magaalada, iyaga oo baadi goobayo raggii ka dambeeyey weerarkaasi uu dilku ka dhashay.

Buurhakaba ayaa ka mid ah degmooyinka waa weyn ee gobolka Baay, waxaana inta badan weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ka fuliya dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

PUNTLAND oo war xasaasi ah kasoo saartay dagaalka Boosaaso, kuna celisay in..

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada dowlad goboleedka Puntland ayaa waxaa markale looga hadlay xiisadda dagaal ee haatan ka taagan magaalada Boosaaso, taas oo u dhexeyso ciidamada maamulkaasi iyo kuwa PSF-ta.

Puntland ayaa qoraalkan ku sheegtay in agaasimihii xilka laga qaaday ee hay’adda PSF uu hurinayo colaad ka dhacda Boosaaso isla-markaana uu hoobiyeyaal la dhacayo magaalada.

Sidoo kale waxay Puntland shaaca ka qaaday inay marweliba ka go’an tahay illaalinta dowladnimada iyo sarreunta sharciga.

“Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxaa mar wal ba ka go’an illaalinta dowladnimada ku dhisan sareynta sharciga. Dowladda Puntland waxay caddeynaysaa in Agaasimihii hore ee PSF uu hurinayo colaad ka dhacda Magaalada Boosaaso, asagoo si aan kala sooc lahayn Magaalada ugu duqeynaya hoobiyaal ka mid ah hantida PSF ee laga sugayo inuu xilkeeda wareejiyo,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka ka soo baxay madaxtooyada Puntland.

Qoraalkan ayey sidoo kale madaxtooyada Puntland ku sheegtay inay dooneyso in si nabad ah lagu dhammeeyo xiisadda ka dhalatay xil wareejinta agaasimaha hay’adda PSF-ta.

Ugu dambeyn Puntland ayaa ku celisay inay waqti siineyo dadaallada nabadeed ee haatan socda, isla-markaana ay dhankeeda qaadeyso wixii tallaabo ah oo lagu fududeyneyo.

“Haddaba, si loo dhiirigeliyo sidii xal nabadeed loogu dhammeyn lahaa xaaladda xil wareejinta masuuliyadda iyo hantida PSF, Dowladda Puntland waxay ku celinaysaa in ay wakhti siinayso dadaalada loogu jiro in si nabad ah lagu dhammeeyo xaaladda Boosaaso, Dowladduna waxay qaadaysaa wixii tillaabooyin lagu fududeynayo dadaalada socda,” ayaa markale lagu yiri qoraalka ka soo baxay hoggaanka ee sare ee maamulka Puntland.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo horay PSF-ta qoraaal ay soo saartay ku sheegtay in la soo weeraray ciidamadooda, isla-markaana ay ku jiraan is difaacid, aadna ay uga xun yihiin waxyeelada shacabka iyo barakacooda, waxayna mas’uuliyadda saareen Puntland.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

ROOBLE oo la rabo in lagu furo dacwad si looga joojiyo hoggaanka xukuumadda

0

Muqdisho (Caasimada Online) –  Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble wuxuu galay wajigii labaad ee dagaalka isaga, Farmaajo iyo Fahad Yaasiin. Tan iyo markii uu Rooble isku dhigay kursiga Yaasiin Farey oo uu diiday inuu gudbo, dhinaca madaxweyne Farmaajo waxay cabeysteen dagaal cusub.

Marxaladda koowaad waxay xoog iyo xoolo geliyeen in guddiga xalinta khilaafaadka uu fasaxo kursiga Yaasiin Fareey waana ku guuleysteen, laakiin Ra’iisul Wasaare Rooble oo la sheegay inuu helay caddeymaha sida musuq maasuqa leh ee loo maareeyey Kursigaas wuxuu 7 xubnood ka eryey guddigii xalinta khilaafaadka.

Markii uu soo baxay go’aanka Ra’iisul Wasaaraha waxay kooxda madaxweyne Farmaajo ku cadaadiyeen guddigii inay ka horyimaadaan go’aanka Ra’iisul Wasaaraha, waa sameeyeen guddiga shaqadaas laakiin cidna uma joojin hadalkooda.

Kadib waxay u dhaqaaqday kooxda madaxweyne Farmaajo inay isticmaasho guddiyada doorashada ee heer maamul Goboleed iyo midka heer Federaal, waxay ku cadaadiyeen inay soo jeediyaan in doorashada la joojiyo, waxaana warqad soo saaray guddoomiyaha guddiga doorashada ee heer Federaal Maxamed Xasan Cirro isagoo xiganaya guddoonka guddiyada heer maamul Goboleed.

Markii ay soo baxday warqaddaas lagu joojinayo doorashada waa la is-qabsaday, waxaa iska dafiray inta badan guddiyada doorashada ee heer maamul Goboleed marka laga reebo guddiga maamulayo doorashada Galmudug.

Ninka madaxda ka ah guddiga maamulayo doorashada Galmudug iyo ninka madaxda ka ah guddiga doorashada heer Federaal labadaba waxaa lagu eedeenayaa inay toos uga amar qaataan Agaasimihii shaqada laga eryey ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo isaga la sheegay inuu go’aansaday inuu doorashada joojiyo wax walba oo ay ku qaadato.

Markii qorshaha guddiyada shaqeyn waayeen waxay kooxda madaxweyne Farmaajo adeejiyeen Taliyaha ciidamada Badda oo isaga meel fagaare ah ka aflagaadeeyey Ra’iisul Wasaarihii Dalka, isagoo haddii uu wax gudbinayo awoodo inuu marsiiyo hannaanka Dowladda.

Waxaa isna warqad soo saaray wasiirka Gaashaandhigga ee Dowladda Federaalka ah Xasan Xuseen Xaaji, warqaddaaan oo sax ahaanshaheeda ay inoo xaqiijiyeen xubaha xukuumadda Federaalka ah wuxuu wasiirka Taliyaha ciidamada Xoogga Dalka ku amrayaa in arrintaan la baaro kadiba uu tallaabo qaado.

Arrinta la baarayo waa kiiska Dhulka ee Taliyaha Badda ku eedeeyey Ra’iisul Wasaaraha. Wasiir ayaa amraya in la baaro Ra’isul Wasaarihiisii. Farmaajo iyo kooxdiisa ayaa la sheegay inay isticmaaleen Wasiirka Gaashaandhigga.

Sida muuqata Ra’iisul wasaare Rooble waxaa kusoo socota dabeyl xoog leh haddii uusan qaadin tallaabooyin deg deg ah oo ay dhacdo in yadda lagala hormaro wixii uu dib ka sheego macno ma sameyn doonaan ayey leeyihiin dadka isha ku haya dagaalkaan cusub.

Farmaajo iyo kooxdiisa hadda waxay jiraan dhanka maxkamadaha iyo xeer ilaalinta, waxay isku dayayaan in Rooble lasoo eedeeyo kadibna uu Farmaajo soo jeediyo inuusan xukuumadda hoggaamin karin inta ay dacwadda ka dhamaneyso oo uu Mahdi Guuleed sii wadi doono shaqada.

Haddii ay tallaabadaas qaadaan waxaa u sawiran inay doorashada istaagi doonto, Rooble fadeexoobi doono uuna baaqan doono shirka Golaha Wada-tashiga Qaran oo uu Farmaajo ka walaacsan yahay in lagu burburiyo labada deegaan doorasho.

Intaa halkaas la gaarin dad badan waxay qabaan inay Ra’iisul Wasaare Rooble u furan tahay inuu eryo dhammaan wasiirada howshaan ku lugta leh, sidoo kalana uu shaqada ka qaado Taliyaha ciidamada Badda uuna maxkamad u diro. Haddii uusan Rooble dhiirran isagaa noqon doono ninka dhaxalkiisa la qeybsado.

Kooxda madaxweyne Farmaajo waxay fahamsan yihiin in awoodoodii guddiyada la wiiqay shaqada kuraasta reer Woqooyigana aysan sida ay rabeen u socon, sidoo kalana ay adkaan doonto in Fahad, Kulane, Cabdiraxmaan Dheere iyo dhammaan xubnaha Farmaajo madaxiisa u dakaneysay inaysan kuraas soo qaadan karin oo Rooble Ragga qaar jidka u taagan yahay.

Sidaas darteed, hadda waxay isku diyaarinayaan inay abuuraan xaalad burburin karta doorashada oo dhan.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Wasiirka Gaashaandhigga Somalia oo si cad u sheegay cidda uu amray in la baaro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa fasiraad ka bixiyey warqadda shalay uu soo saaray oo uu kaga hadlay boobka la sheegay in lagu hayo dhulka Ciidamada Badda.

Wasiirka ayaa caddeeyay in warqaddii shalay ka soo baxday Xafiiskiisa ay ujeedadeedu aheyd in baaris rasmi ah lagu sameeyo hadalkii gafka ahaa ee ka soo yeeray Sarkaal ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka.

Wasiirka ayaa hadalka Taliyaha Ciidanka Badda ku tilmaamay inuu ahaa hadal ka baxsan  nidaamka iyo anshaxa uuna u gafay Ra’iisul Wasaaraha.

“Haddaba waxaan Ummadda Soomaaliyeed la socodsiinayaa  in baaristu ay quseyso oo kaliya sarkaalkaas shacabkana la socon doonaan gunaanadka falka uu ku kacay sarkaalka,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Wasiirka.

Si kastaba, hadalkii horey ee wasiirka ayaanay meelna uga jirin in la baaro taliyaha, balse waxay taas beddelkeed taliyaha ku amreysa inuu isaga sameeyo baaritaan.

“Waxaa warbaahinta lagu faafiyey muuqaalo la sheegay in laga soo duubay Taliyaha ciidamada Badda kaasoo ku eedeenayo madaxda Qaranka oo uu Ra’isulwasaaraha kamid yahay inay ku lug leeyihiin dhulka Ciidanka Badda ee loo adeegsaday arrimo shaqsiyadeed, waxaa lagu farayaa taliye inaad baaritaan deg deg ah ku sameysid arrintaan, sidoo kalana aad ka qaadatid tallaabo waafaqsan shuruucda dalka iyo xeerka ciidanka Xoogga dalka,” ayuu shalay yiri wasiirka gaashaandhigga.

Fasiraada cusub ee wasiirka Gaashaadhigga ayaa kusoo aadeys xilli baraha bulshada lagu faafiyey in warqadda wasiirka iyo baarista uu dalbaday ay ka dhan tahay Ra’isul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Rooble ayaa la rumeysan yahay inuu wajahayo olole cusub oo la rabo in lagu ceebeeyo oo ka imanaya dhanka madaxweyne Farmaajo.

Halkaan hoose ka akhriso qoraalka kasoo baxay Wasiirka

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

ODAWAA oo magacaabay guddi baara kiiska dhul-boob ee lagu eedeeyey ROOBLE

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa magacaabay guddi baar boobka la sheegay in lagu sameynayo dhulka ciidamada badda Soomaaliya, oo dadka lagu eedeeyey uu ka mid yahay ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Warqadda kasoo baxday Odawaa ayaa astaan u ah inuu sii xoogeysanayo khilaafka madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Rooble, ayada oo uu socdo olole dacwad loogu furayo ra’iisul wasaaraha.

Kooxda madaxweynaha ayaa qorsheyneysa in marka dacwad lagu furo Rooble uu madaxweynaha amro in shaqo ka-joojin lagu sameeyo ra’iisul wasaaraha, si looga wareejiyo hoggaanka xukuumadda iyo doorashada, oo loogu gacan geliyo ra’iisul wasaare ku-xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar. 

Hoos ka aqriso warqadda kasoo baxday Jeneraal Odawaa 

Ujeedo: Magacaabid guddi

Ayadoo la tixraacayo warqadda tixraaceedu yahay WG/XW/00174/21 kana soo baxday Xatiiska Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda federaalka Soomaaliya, soona baxday 21.12.2021 kuna saabsaneyd Baaritaan iyo wax ka Qabasho Dhacdo si waafaqsan sharciga. 

Laga bilaabo maanta oo ay Taariikhdu Tahay 21.12.2021, Waxaan Saraakiisha hoos ku xusan u magacaabay Guddi Baaritaan ku sameeya dhacdada ku cad warqadda kor ku xusan, waana sidaan magacyadooda:-

1. S/guuto Maxamud Sheikh Cali Maxamed, Guddoomiye
2. S/guuto Maxamed Tahliil Biixi, Guddoomiye ku-xigeen
3. S/guuto Maxamed Xaashi Guuleed, Xubin
4. S/guuto Maxamed Xasan Raage, Xubin
5. S/guuto Cabdullahi Warsame Siyaad, Xubin 

Sidaas darteed, waxaa Guddiga Saraakiisha sare ku xusan lagu adkaynayaa inay si hufan u gutaan shaqada iyo waaajibaadka loo igmaday.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Saciid Deni vs Reer Diyaano: Xaqiiqda colaada Boosaaso

0

Dhidiba u aasida maamul goboleedka Puntland waqti laga joogo 23 sano waxaa usoo halgamay siyaasiyiin, waxgarad, saraakiil iyo qeybaha kale ee bulshada, kumana imaan xabad iyo awood cid gaar ah sheegata, hase ahaatee tallo guud iyo maslaxo la isla qaatay oo ay heshiis ku gaareen beelaha ood-wadaagta ah isla garteen.

Taasi waxay horseeday maamul nidaam iyo kala danbeyn leh ay kusoo xukumayeen madaxweyneyaal xukunka isku dhiibayay iyadoo aysan dhicin wax qalalaase ah oo bulshada ku mideysan magaca Puntland ay ku dooranayeen hadba madaxdii ay u arkaan in maslaxada ummada ka shaqeynaayo.

Tan iyo aas-aaskii Puntland waxaa maamulkaasi soo maray Shan madaxweyne oo kala ah C/llaahi Yuusuf Ahmed (AUN) oo lagu aas-aasay Puntland, Cadde Muuse Xersi (AUN), C/raxmaan Faroole, C/weli Cali Gaas iyo Saciid C/llaahi Deni oo hadda xilka haaya, ma jiro madaxweyne Puntland soo maray oo caqabada iyo collaada Boosaaso ka taagan mid la mid ah la kulmay, Puntland-na u horseeday shacabkeeda barakac, dhimasho iyo in maamulkii dowladnimo uu noqdo mid jaandaa rogan, marka laga reebo qalalaasihii xukun ku dirirka Jaamac Cali Jaamac iyo C/llaahi Yuusuf balse xalkeeda degdeg noqday.

Dabcan wey jireen dhibaatooyin hore oo madaxdii Saciid Deni ka horay ay la kulmeen hase ahaatee marka dib loogu noqdo Isimada iyo waxgaradka ay xalin jireen, iyadoo Puntland Soomaalida kale ugu duwaneyd ixtiraam iyo qadarin ay mudnaayeen Isimada oo warkooda, war kale la daba dhigi jirin, hase ahaatee xiligaan aysan jirin maamul iyo cid tixgelinaysa go’aamada Isimada ay kasoo saareen colaada magaalada Boosaaso ka taagan mudo seddax cisho, sababtayna dhimasho, dhaawac, barakac iyo burburka hanti dadweyne.

Marka aan usoo laabto dulucda qoraalkeyga, Colaada Boosaaso maalmahaan ka taagan ee u dhaxeysa isla ciidamada Puntland ee u kala baxsan dhinacyada madaxtooyada iyo kuwa argagixiso la dirirka PSF (Puntland Security Force) oo horay loo oran jiray PIS Waxaa la aas-aasay sanadkii 2001-kii kadib weeraradii mataanaha ahaa ee lagu qaaday New York iyo weerarkii kale ee eAl-qaacida ku qaaden ciidmadii Mariiniiska Mareykanka ee USS Marine Corps.

Sanadkii 2002-kii madaxweynihii hore ee Puntland AUN C/llaahi Yusuf Ahmed oo noqday markii danbe madaxweynihii DGKM Somalia ayaa intii uu ahaa madaxweynaha Puntland saxiixay in Mareykanka uu saldhig yar ka sameysto Puntland si loola dagaalamo argagixisada, hashiiskaas kadibna waxaa agaasimaha PIS noqday Maxamed Aadan Bidaar oo markii danbe xilkaasi uu kala wareegay Cusmaan Diyaano AUN sanadkii 2004-kii, xiligaasi oo hay’addaani soo shaac baxday markii uu xilka la wareegay Cusmaan Diyaano oo ciidamo tayo leh deegaanada Puntland ka qorotay.

Xiligaasi wixii ka danbeeyay Puntland waxay wajahaday la dagaalanka argagixisada iyo in kor loo qaado arrimaha sirdoonka iyo ugaarsiga kooxaha argagaixisada oo Puntland aakhirkii ay noqotay meel ay ka baqdaan kooxaha nabad diidka ah.

Markii uu xilka qabtay C/raxmaan Faroole 2009-kii inuu la dagaalamo nidaamkii haykalka hay’adda PIS ee waqtigaasi la oran jiray, laguna tirin jiray hay’adda kaliya ee awood ciidan iyo nidaam leh maadaama uu Mareykanka taageerayay, wuxuuna Faroole soo jeediyay in xilka laga qaado Cusmaan Diyaano sanadkii 2010-kii taas badalkeedana u magacaabay sarkaal kale oo jufada Cusmaan Diyaano ahaa, waxaase si cad ugu horyimid saraakiishii iyo mas’uuliyiintii Mareykanka ee u xil saarnaa arrimaha Somalia iyo argagixiso la dirirka maadaama Mareykanka ay sheegeen in ay aaminaad ku qabeen aqoonta iyo kartida Cusmaan Diyaano AUN.

Geeridii Cusmaan Diyaano AUN kadib waxay hay-adda PIS noqotay mid ay soo farageliyaan maamulkii C/raxmaan Faroole, waxaana la isku dayay in loo kala qaado labo hay’adood oo kala ahaa ciidamo ka hortaga amaanka iyo ciidan gaar ah oo argixisasada iyo sirdoonka Puntland ah, waxaase aakhirkii xilka la wareegay Jen. Asad Cusmaan Diyaano oo ah wiilka uu dhalay agaasimihii hore ee hay’addaan ilaa 2018 dhamaadkeedii xiligaasi oo uu ka qeyb galay tartankii doorashada madaxweyne ee Puntland oo Saciid Deni uu labo cod kaliya uu ugu qaaday.

Xiligaasi kadib waxaa xilka la wareegay Maxamuud Cusmaan Diyaano oo kusoo koray magaalada Boosaaso laakiin haysta sharciga Swedan, wuxuuna intii uu xilka hayay ay Mareykanka ku qanacsanaayeen hab maamulkiisa iyo nidaamka maareynta shaqo ee uu Puntland ugu hor taagnaa argagixisada.

Cid kasta oo Puntland kasoo jeeda shaki kama saarna in hay’adda PSF ama PIS ay aheyd hay’adda amni ee dadka Puntland ku seexan jireen amaan ay horseeday, maantase waxaa waji xun u yeelaya maamulka hadda talada Puntland haaya, taasina shacabka Puntland u maleyn maayo inay aqbali doonaan.

Sababta xil ka qaadista Agaasimha PSF iyo Dagaalka Qarxay!

Tallo xumida dagaalkaan uu ku dhacay ayaa loo sababeynayaa labo arrimood, tan koowaad oo ah madaxweynaha Puntland oo la-talinaya kooxda saamileeyda Aaran Jaan oo uu madax u yahay wasiirka maaliyada lana yiraahdo inuu isku haayo xilalka wasaaradaha maaliyada, arrimaha gudaha iyo amniga, oo lagu magacaabo Xasan Shire Cabdi (Abgaal) oo ay qoys yihiin madaxweynihii hore ee PL C/raxmaan Faroole, iyadoo la sheego laguna xanto inay heshiis ku yihiin hagbada dhaqaale ee Puntland iyo xero isku dhiibka Maxamuud Saleebaan, xiligaana loo carbinaayo xilka marka uu baneeyo Saciid Deni shaqsi aad ugu dhow gaar ahaan jufada Ciise Maxamuud. Maadaama uu isagu yahay mas’uul u hanqal taagaya xilka madaxweynenimo ee Somalia.

Arrinta kale ee xusida mudan ayaa ah in markii uu digraatada uu soo saaray Deni xilkana ugu qaaday agaasimaha PSF ee uu u magacaabay Amiin Xaaji Kheyr ujeedada ugu weyn waxay aheyd in walaalkii Xasan Deni uu u magacaabo Agaasimaha hay’dda si dhaqaalaha ay Mareykanka bixiyaan ugu xarooda kooxda Aaran Jaan iyo qosyka Deni oo ka xun loolankii doorashadii uu la galay Asad Cusmaan Diyaano ee uu kaga guuleystay labada cod.

Deni oo asad u arkayay nin shacabka kalsooni fara badan ka haystay wuxuu qorsheeyay Deni in awoodiisii dhaqaale iyo ciidan wiiqo si asad loaga taqluusa in la xididada loo siibo hay’addii uu asad kasoo muuqday ee PSF.

Ugu danbeyntii, Puntland gaar ahaan magaalada Boosaaso oo ah xarunta dhaqaalaha PL xiligaan uma baahna dagaal iyo bakaracin, taas badalkeedna waa in la qaato baaqyada nabadeed ee isimada iyo waxgaradka labada dhinac ugu baaqeen xabad joojin shuruud la’aan ah si dalka iyo dadka loo badbaadiyo. Nabad ayaa Naas La Nuugo Leh.

W/Q: Ali Muhiyaddiin
Email: [email protected]

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid.

AFRICOM oo war ka soo saartay xiisada Boosaaso

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa war cusub ka soo saaray dagaalka u dhexeeya ciidamada maamulka Puntland iyo kuwa PSF-ta ee weli ka socda gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ee maamulkaasi.

AFRICOM ayaa qoraal kooban oo ay soo saartay ku sheegtay inay aad uga walaacsan tahay iska hor imaadyada kasoo cusboonaaday Boosaaso ee u dhexeeya ciidanka Puntland & PSF.

Sidoo kale AFRICOM ayaa sheegtay in ciidanka PSF ay yihiin kuwa ugu awoodda badan ee ciidamada Puntland, isla-markaana loo dhisay la dagaalanka argagixisada.

Warka ka soo baxay taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa sidoo kale lagu sheegay in colaadaan cusub ay fursad weyn siineyso kooxaha argagixisada ee ku sugan Puntland.

“PSF waa ciidanka ugu awoodda badan ee Puntland u jooga la dagaalanka argagixisada. waxaan ka walaacsanahay in iska hor imaadyadani ay hoos u dhigaan awoodda PSF-ta iyo in kooxahan argagixisada ah ay fursad u helaan in ay ka faa’ideystaan,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Mareykanka ayaa taageero tababar, mid dhaqaale iyo qalab siiya ciidamada PSF, kuwaas oo haatan dagaal kula jira maamulka Saciid Deni, waxayna xiisaddu ka dhalatay, kadib markii xil ka qaadis lagu sameeyey agaasimaha hay’addaasi General Maxamuud Cismaan Diyaano.

Xaaladda Boosaaso ayaa weli qasan, waxaana xalay ka dhacay dagaal u dhexeeyey ciidamada labada dhinac, kaas oo geystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalka ayaa ka dhacay saddex aag oo magaalada ah, sida aagga geedka Qabriga ee xaafadda Suweyto, xaafada Ridwaan oo u dhow taliska PSF & dhinaca Haamaha Shidaalka.

Si kastaba, waxaa haatan socda dadaallo lagu qaboojinayo xiisaddan, kadib markii ay Puntland ku dhowaaqday inay diyaar u tahay xabad joojin iyo wada-hadal toos ah.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Sawirro: Somtel oo abaal-marisay ku dhawaad 1,000 macaamil todobaadkii 22aad

0

Munaasabadan ayaa waxaa ka soo qeyb-galay Xildhibaano ,Mas’uuliyiinn ka socotay Jaamacadaha Muqdisho,  Ururada dhalinyada ,Ururada bulshada rayidka Mas’uuliyiin ka tirsan shirkadda isgaarsiinta somtel,.

Ugu horeyntii  Waxaa Munaasabada hadal-jeedin rasmi ah ka sameeyay Madaxa Suuqgeynta  & iibka  shirkadda isgaarsiinta somtel  Mudane  Cumar Maxamed Nuur Oo aad u bogaadiyay Somtel kuna Tilmaamay Ololaha ku Shubo Oo Guuleyso 10,000 Hadiyadood Mid  Wax tar u leh  bulshada soomaaliyeed  macamiil walba oo sameeya ku shubasho  Wuu u tartami karaa fursadan qaaliga ah kaasoo isticmaala adeegyda somtel ku hadal, internet & adeegga eDahab

“Waa barnaamij macaamiisha si daah-furan nasiibkooda u tijaabiyaan iyagoo sameeynaya ku shubashada kaarka ku hadalka & Data internet-ka Kuna helayaan hadiyado qaali ah sida gaariga Hyundai-ga, Bajaajyada, Dahab-ka I.w.  Waxaan balan qaadeeynaa inan   31 December si rasmi ah ugu dhawaaqno macaamiilkii ku guuleystay gaariga Hyundai  Sedexaad Waliba Nuuca raaxada ah Qiimihiisu uu yahay ku dhawaad 40’000 doolar iyadoo macaamiisheenu  u furantahay fursadaan qaaliga Waxaan aad ugu faraxsanahay inay ku tartamaan macaamiisheena ku dhaqan Magaalada Muqdisho & kuwa gobalada. Waxaan shaqo abuur u sameeysay dhalin yaro soomaaliyeed. qaarkood iyagoo wax bartay xaafadaha iska fadhiyay waxaan bixinay 22 bajaaj todobaad kasta labo bajaaj ayey macaamiishu ku guuleystaan waxaan bogaadinayaa macamiilkii ku guuleystay galabta gaadiidka bajajka waa Olole daaah-furan waxaa gacantiisa ugu generate gareeyay Xildhibaan Yuusuf xeyle Jimcaale”

Waxaa sidoo kale Munaasabada ka hadlay Gudoomiyaha jaamacada  Palasma   Dr  Xasan Maxamed  Xasan oo ku dheeraaday ahmiyada Ololaha  Ku shubo oo guuleeyso 10,000 Hadiyadood

“Waxaan u hambalyeeynayaa shirkadda isgaarsiinta Somtel oo ah Shirkadii ugu horeysay ee macaamiisheeda ku celisa10,000 Hadiyadood daqligii yaraa ay macaamiisha shirkadda ku soo celiyeen waa talaabo bogaadin-mudan waxaan marqaati ka nahay in macamiisha guuleysatay si toos ah loogu wareejiyay abaalmarinadii ay ku guuleysteen  Waxaa Sharaf gaar ah in shirkaddu nagu maamuusto inaan gacanteena ku generate gareyno macamiishii ku guuleysatay todobaadkii 22 aad  aan waqti dheeri ah siiyay si system-ku u wada maro dhamaan Nambarada  macaamiisha isticmaasha adeegyada somtel  waxaa xusid mudan in shirkaddu abuurtay xarunta tababarka tiknoolujiyada somtel oo ah xaruntii ugu nhoreysay ee lagu tababaryo ardayda baratay kuliyada ( Focult Of Engireeing) Sidoo kale kama marna ardayda baratay (IT)

Waxaa Sidoo kale munaasabada ka hadlay mudane: Xasan Xaaji Yabarow( Wiish)  oo ah Madaxa Isboortiga Gobalka banaadir  oo bogaadiyay howsha adag ay somtel bulshada u heyso

“Waxaan si diiran u bogaadinaya maamulka sare ee somtel & Howl-wadeenada shirkadda oo dadaal dheeri ah ku bixiyay in somtel bulshadu wax ku celiso waliba 10’000 hadiyadood muddo dhowr bilood ayey howshaan socotaa todobaadna lama baajin waa talaabo ku daysho mudan waxa ay somtel & Dahabshil Group inoo taabageliyeen Tartankii kubada gacanta Degmooyinka & Deegaanada Gobalka banaadir waxa ay mar kale Somtel Taabagelisay  Tartanka  Kubada Cagta Degmooyinka & Deegaanada Gobalka banaadir ooh adda si toos ah uga socda Eng Yariisow Stadium Marka Somtel Waxaan leeyahay Hambalyo Howsha Halkiina ka sii Wada ”

Waxaa Sidoo kale munaasabada ka hadlay  GudoomiyE ku-xigeenka  jaamacada Himilo  Mudane  Ahmed Daa’uud oo aad u bogaadiyay barnamijka 10’000 Hadiyadood

“Hadii aan anahy bahda waxbarashada in Somtel xiriir dhow Nagala dhaxeeyo waxay fursado internshio inoo siiyaan ardayda jaamacadaha soomaailyeed oo idil wax ka barta,  Waxaan bogadinayaa macaamiisha guuleysatay sidoo kale waxaa mahad balaaran mudan somtel oo  qabaneeysa barnamijkan daah-furnaanta leh oo ay bulshada ku celinayaan 10’000 hadiyadood iyadoo qof waliba u tartami karo fursadaan qaaliga muhiimada waa in macaamiilku sameeyaa ku shubasho si uu uga faa’ideyso fursadaan taariikhiga ah”

Waxaa sidoo kale  Munaasabada ka hadlay Madaxa Bandhiga Ganacsiga Soomaaliyeed Mudane: C/Sataar Carabow Abuukar oo ku dheeraaday ahmiyada Ololaha 10’000 hadiyadood

”Waxaan bogaadinayaa Shirkadda Isgaarsiinta Somtel oo la timid Istaraatijiad Suuq-geyn dhaxal  gal ah kaasoo aan ka jirin suuqa soomaliya waxa Hubal ah in ololahaan macaamiil fara-badan ku dhiiragelin doono isticmaalka adeegyada somtel iyagoo faa’iido dheeri ah ka helaya”

Ugu dambeyntii Waxaa munaasabada soo xiray xildhibaan Yusuf Xeyle Jimcaalei oo ah  Aqonyahan   U dhaq-dhaqaaqa Ardayda Soomaaliyeed eel aga tirade badan-yahay  boqolaal arday deeqo wax-barasho uga soo saaray dalalka Turkey,Egypt,Sudan I.W.M Sidoo kale waxa   Uu Xog-ogaal u ahaa hormarka bulshada soomaaliyeed ku talaabsaneyso 

“waxa’ ay shirkaddu nagu sharaftay inaan si toos ah ugu generate gareyno  macaamiisha  u tartantay gaadiidka bajaajka  todobaadkii 22 aad   Waxaan rajeeynayaa in todobaad kasta  si gaar ah uga  soo qeyb-galo  Si dhow ayan ula socon doonaa  ololahaan shirkaddu ku abaalmarineeyso macaamiisheeda sharafta leh hadiyado  wax ku ool ah sida:  gaariga Hyundai-ga, bajaajyo, Dahab,  Laptop-yo I.w.m  waxaan alle ka baryayaa in somtel u barakeeyo waxa ay heeysato madaama ay bulshadii u turtay gar-waaqsatay inay ku celiso 10’000 hadiyadood.”

Isku soo wada duuboo Dhamaan  macaamiisha Shirkadda Somtel waxaan u rajeynaynaa inay ku guuleystaan 10,000 hadiyadood  , Shirkaddu ugu talagalnay Macamiisheeda sharafta leh hadiyadahaan oo Ugu sareeyo gaari Hyundai-ga kaasoo 31 bisha December  aan si rasmi ah ugu dhawaaqi doono macaamiilkii ku guuleystay   gaarigii lsedexaad waxaan leenahay macaamiisheena ka faa’ideysta  Ololaha ku shubo oo guuleyso 10’000 hadiyadood macaamiil Waad  u  u tartami kartaan fadlan samee ku shubashasho karaka hadalka ama data internt adigoo uga shuban kara adeegga eDahab *101# ama ku shubo scratch card-ka la xoqdodo,ugu dambeyntii waxaad uga shuban kartaa adeegga eDahab Reseller 

Waxaa xusid mudan in gaariga Hyundai 3-aad macaamiilka ku guuleysta Somtel waxa ay ku bixin doonto xaflad balaaran taasoo lagu qaban doonto mid ka mid ah hoteelada ugu casrisan  magaalada muqdisho hadaba si dhow ula soco munasabadaan loo madlanyahay dhawaan.

FARMAAJO oo war kasoo saaray dagaallada Boosaaso

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo dagaallada magaalada Boosaaso ee u dhaxeeya ciidamada PSFee uu hoggaamiyo Jeneraal Maxamuud Cismaan Diyaano iyo kuwa maamulka Saciid Deni.

Qoraal kasoo baxay madaxtooyada ayaa lagu yiri “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa uu ka tiiraanyaysan yahay shaqaaqada iyo dagaalka ka socda magaalada Boosaaso, kaas oo sababay dhimasho, dhaawac, burbur hantiyeed iyo barakac muwaadiniin aan waxba galabsan. “

“Madaxweynaha oo ku kalsoon xilkasnimada iyo garashada isimada, odayaasha dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, wuxuuu ku baaqayaa in si degdeg ah loo joojiyo gacan ka hadalka, lana abbaaro dhabbaha nabadda si loo helo xal waara.”

Farmaajo ayaa tacsi u diray ehelada iyo qaraabada dadkii ku geeriyoodey shaqaaqadan laga maarmi karey, wuxuuna dadkii ku dhaawacmay Alle uga baryay inuu degdeg ugu booga dhayo.

“Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu dhiirrigelinayaa dadaallada nabadaynta iyo wadahadalka ku dhisan ee ay wadaan isimada iyo dhaqanka Puntland ee u istaagay sidii loo joojin lahaa shaqaaqadan, looguna danayn lahaa xasilloonida deegaanka iyo danta bulshada reer Puntland,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Dagaallada Boosaaso ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 14 qof, waxaana ku dhaawacmay tobannaan kale, waxaana ka dhashay baakac xaafadaha qaarkood.

Dagaalka ayaa istaagay shalay kadib markii xabbad joojin uu ku dhowaaqay Wasiirka Amniga ee Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Boosaaso, taasi oo sidoo kale ay aqbaleen PSF.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Puntland oo ka laabatay warkii ku saabsanaa Gorgor ee dagaalka Boosaaso

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Maamulka Puntland oo shalay ciidanka kumaandoonka Soomaaliya ee Gor Gor ku eedeeyey inay qeyb ka yihiin dagaalka ka socda magaalada Boosaaso ayaa hadda beeniyey hadalkaas.

Wasiirka Amniga Puntland Cabdisamad Galan oo u waramay BBC ayaa sheegay in Gor Gor aysan ka qeyb gelin dagaalka Boosaaso ku dhex-maraya ciidanka PSF iyo ciidamada kale ee Puntland.

Wasiirka ayaa sheegay in dagaalka maamulka looga soo hor jeedo ee ka socda Boosaaso ay wadaan ciidamo yar oo uu ku tilmaamay ‘qowleysato qaab qabiil u abaabulan’ oo Taliyihii hore ee PSF Maxamuud Cusmaan Diyaano uu hoggaaminayo, sida wasiir Cabdisamad uu u dhigay hadalkiisa.

Duqa magaalada Boosaaso Cabdiqani Axmed Ismaaciil Deera-dile oo shalay warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamada Gorgor oo ka dagaalamaya gudaha Boosaaso ay hoobiyayaal ku garaaceen qaybo kamid ah magaalada Boosaaso.

Hase yeeshee wasiir Galan oo wax laga weydiiyey eedeyntaas ka soo yeertay duqa Boosaaso ayaa yiri, “Arrintaas cidii ka hadashay ayaa la weydiinayaa, ma jirto cid aan ilaa hadda eedeynay anagu, inta aan ogahay ma jiraan ciidamo ka tirsan Gor Gor oo Boosaaso ka dagaalamay, arrintaana waxaan dooneynaa inay sharciyadda ku dhamaato oo nidaamka aan la hareer marin marnaba.”

Hadalka wasiirka ayaa toos uga hor imaanaya eedeyntii uu shalay Gor Gor u jeediyey duqa magaalada Boosaaso oo ku cel-celiyey in Gor Gor ay ka dagaalamayso gudaha Boosaaso, iyagoo garab siinaya ciidanka PSF-ta oo dagaal kula jira xukuumadda Saciid Deni.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Faroole, Cumar Cabdirashiid iyo Gaas oo 5 qodob kasoo saaray dagaalka Boosaaso

0

Boosaaso (Caasimada Onine) – Madax horey xilal uga soo qabatay maamulka Puntland iyo Dowladda Dhexe ee Soomaalitya oo maanta kulan ka yeeshay xaaladda Magaalada Boosaaso ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo xabadda, islamarkaana wax kasta lagu xaliyo wada-hadal iyo isfaham.

Xubnaha shirka yeeshay oo kala ahaa Ra’iisul Wasaariii hore ee Cumar Cabdirashid Cali Sharmaake, madaxeynihii hore ee Puntland Cabdiraxman Maxamed Maxamud Farole, madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamad Cali-Gaas, taliyihii hore ee Booliska General Saacid Daahir Siciid, Cabdikhadar Faarax Shaaciye iyo Cabdiqani Faarax Dhaashane oo kamid ah xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa soo saaray baaq ka kooban 5 qodob

“Waxaan ka tacsiyadeyneynaa khasaarihii naf iyo maal-lahaa ee ka dhashey dagaalkii ayaan-darada ahaa ee ka dhacay magaalada Bosaso 21-22 December. Wuxuu ahaa dagaal dhaawacay niyadda guud ahaan dadka Soomaaliyeed gaar ahaanna dadka reer Puntland oo nabadda iyo wada-noolaashaha astaan u ahaa,” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saaren.

Halkaan hoose ka akhriso 5-ta qodob ee kasoo baxay kulankooda:

1- Waxaan taageeraynaa go’aanka dowladda Puntland ee ah xabad-joojinta, si fursad loo siiyo wadahadalada socda.

2- Si loo xoojiyo wadahadalada nabadeed ee ay ku baaqeen waxgaradka waa in dhammaan Ia joojiyo dhaqdhaqaaq-yada ciidamada ee jira.

3- Waa in Ia ilaaliyo dowladnimada, xasiloonida, nabadgalyada iyo midnimada shacabka Puntland.

4- Waxaan sii wadi doonnaa wadahadalka aan Ia leenahay dhinacayada ay khuseyso arinkaan si xal-waara looga gaara khilaafka taagan.

5- Ugu danbayn waxaan diyaar u nahay in aan tagno Puntland si aan uga qayb qaadano xal u helidda iyo joojinta iska hor-imaadkan hubaysan si ayaan xabadd dambe magaalada u dhicin.

Cali Xarbi oo jawaab yaab leh siiyey garsoorihii qaadayey dacwadda dilkii David Ames

0

London (Caasimada Online) – Nin loo maxkamadeynayo dacwad ku saabsan dilka xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka UK, oo lagu magacaabi jiray Sir David Ames ayaa ku adkeystay inuusan ku kicin falkaas.

Weerarkaas oo la sheegay inuu ahaa mid argagixiso ayaa mudanaha lagu dilay bishii October, xilli uu waajibaadkiisa shaqo gudanayay.

Cali Xarbi Cali, oo 25 jir ah, kana soo jeeda magaalada Kentish ee waqooyiga London ayaa kasoo hor muuqday Old Bailey, waxa uuna beeniyay inuu siyaasigaas dilay 15-kii October.

Eedeysanaha ayaa sidoo kale inkiray in uu diyaarinayay falal argagixiso intii u dhaxeysay bishii May ee 2019-kii ilaa bishii September ee 2021-ka.

Waxaa la sheegay in waxyaabaha uu diyaarinayay ay ka mid ahaayeen inuu eego meelaha la weerari karo, sida Aqallada Baarlamaanka iyo goobaha ay khudbadaha ka jeediyaan xildhibaannada, iyo sidoo kale inuu internet-ka ka sameyn jiray baaritaanno ku saabsan meelaha bartilmaameedyada ah.

Cali ayaa dambiyadan iska fogeeyay isagoo u jawaabayay garsoore Sweeney, xilli uu ku sugnaa xarunta Old Bailey ee magaalada London.

Garsooraha heerka sare ah ayaa dacwadda u qaadayay qaab maqal iyo muuqaal ah isagoo ku sugan dhismaha maxkamadda ee magaalada Manchester, halka Cali uu joogay Xarunta Dhexe ee Makaxmadda Dambiyada.

Sir David, oo xildhibaan ahaa tan iyo sanadkii 1983-kii, ayaa xilligaas ku mashquulsanaa la kulanka dadweynaha oo uu ka sameynayay Leigh-on-Sea, Essex. Qof ayaa si lama filaan ah toori ula dhacay.

Siyaasiga 60 jirka ahaa ayaa ku geeriyooday isla goobtaas. Waxa uu ka tagay shan carruur ah oo isugu jiray afar gabdhood iyo hal wiil.

Waa xildhibaankii labaad ee la dilo sanadihii la soo dhaafay, kadib dilkii Jo Cox oo ka tirsanayd xisbiga shaqaalaha taasi oo la dilay bishii July 2016.

Eedeysanaha ayaa markii uu maxkamadda kasoo hor muuqanayay xirnaa shaati midabkiisu yahay buluug iyo surwaal madow, waxaana uu isdaba marinayay gacmihiisa marka uu diidayay dambiga, isagoo aan marna iska furin maaskarada afka ugu xirneyd.

Kaddib markii uu dhageysiga dacwadda socday saacad barkeed, Cali waxaa lagu celiyay gacanta booliska oo xabsiga kusii heyn doona ilaa mar kale laga maxkamadeynayo 21-ka bisha March ee sanadka 2022-ka.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Cumar Filish oo ballan ku saabsan doorashada u sameeyey guddoomiye Cirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Maanta xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka heer Federaal Maxamed Xasan Cirro.

Ujeedka Kulankaan ayaa ahaa mid looga arrinsanayay sidii loo dar-dar gelin lahaa  Doorashooyinka golaha shacabka ee dalka ka socda.

Waxaana Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho u ballan-qaaday Guddiga doorasho in ay kala shaqeyn doonaan wixii fududeyn ah ee ku aaddan Kuraasta doorashadooda ay ka dhaceyso gobolka Banaadir.

Dalka hadda waxaa uu kuniraa waqti doorasho, waxaana doorashooyin dhowr ah ee la qabtay ka yimid cabashooyin kala duwan, kuwaas la sugayo in xal laga gaaro.

Kulanka Guddoomiye Cirro iyo Cumar Filish ayaa imaanayo xilli uu buuq badan hareeyey doorashadii ka socotay Dalka kadib markii la boobay Kuraas badan.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa taalo Kuraasta Reer Woqooyoga iyo kuwa Banaadiriga, waxaana illaa hadda la doortay dhowr Kursi oo kamid ah kuwa Golaha Shacabka ee maamuladaas.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Ciidanka PSF oo war kulul kasoo saaray dagaalka kala dhaxeeya maamulka Deni

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Saraakiisha Ciidamada Hay’adda PSF ayaa markii u horeysay si adag uga hadlay dagaalkii shalay iyo maanta magaalada Boosaaso ku dhex-maray ciidamadooda iyo kuwa Puntland.

Qoraal kasoo baxay saraakiisha PSF ayaa ugu horeyntii lagu sheegay in ciidamadooda iska difaaceen labadii maalmood ee u dambeeyay weeraro gardaro ah oo lagu jabiyay xeerarkii sharciga ahaa oo dhan.

Sidoo kale waxaa ay ku eedeeyen maamulka madaxweyne Deni in uu diiday gartii ay u dhiibteen Isimada Puntland, islamarkaana ay Boosaaso ka bilaabeen barakicin bulsho iyo weeraro gardaro ah, ayna dhankooda kasoo horjeedan colaada iyo dhibaatada shacabka.

“Dhinacayagu marna ma hurinayn colaadda iyo dhibaataynta shacabkeeda. Waxaan aad uga xunnahay dhibta bulshadeenna soo gaartay, runtii raali kama nihin wixii sameeyayna way qaadanayaan mas’uuliyadooda,” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Ciidanka PSF waxay u taagan yihiin la dagaalanka argagixisada, amni daradda iyo cid kastoo ku lug leh.”

Ugu dambeyntiina waxay sheegen inaysan marnaba aqbali karin inay eedeyan PSF dad ay sheegen inay argagaixisadda ka tirsanaayeen oo ku gabanaya xasaanadda dowladda, sida ay sheegen.

Dagaal xoogan oo ay ka dasheen khasaare baaxad leh ayaa labadii maalmood ee u dambeeyay ciidamada PSF iyo kuwa Puntland ku dhexmaray magaalada Boosaaso, kadib muddo ay taagneyd xiisad xil ka qaadista agaasimaha hay’adda PSF.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii