25.1 C
Mogadishu
Wednesday, July 1, 2026

Indha-Cadde oo shaaciyey inuu ‘ka badbaaday isku day dil’ isagoo ku sugan garoonka Aadan Cadde

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Jeneraal Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha-Cadde) ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku sheegay inuu ka badbaaday isku day dil, kadib markii meel fog laga soo toogtay isagoo ku sugan gudaha garoonka diyaaradda Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Jeneraal Indha-Cadde, oo warqadaan u diray, qaarna ogeysiiskooda ku xusay xafiisyada ugu sareeya dalka markii laga reebo kan Rooble iyo hey’adaha garoosrka, ayaa codasay in la baaro kiiskaan lagu qaaraji rabay.

“21-12-2021 saacadu markii ay aheyd 5:20 Galabnimo anagoo dhex lugeyneyna Airportka Aadan Cadde Airport, aniga iyo Maxamed Cali Sheekh ayaa waxa nalaga soo toogtay meel Fog oo ku adaneyd deegaanka Alpha Group ay ka dagan yiihiin Airportka, taas oo nalagu soo toogtay qoryaha meesha Fog wax looga toogto, ayada oo la igu talagalay in la igu qaarajiyo, balse ilaahey iga badbaadshay,” ayaa qoraalkiisa ku yiri Indhacadde.

Jeneraalka ayaa sheegay in aad ay u dadaalayeen, taas oo keentay in qofkii tooganayey uu xabadda la waayo, “ Waxan ka rajeynayaa hey’adaha sida tooska ah ay ugu socoto warqadaan iyo kuwa kuleh ogeysiintaba in aan heli doono Cadaalad,” ayuu yiri.

Qoraalka uu soo saaray Jeneraal Indha-Cadde ayaa intaas ku sii daray, “Madaama aan u socday si xoog ah, ayaa sababtay inuu sugnaan waayo shiishkii qofkii i toogan rabay, sidaas awgeed, waxaan ka codsanayaa hey’adaha sida tooska ah ay ugu socoto warqadaan iyo kuwa ku leh ogeysiinta in la baaro kiiskaan loogu talagalay nafteyda in lagu qaarajiyo.”

Qoraalka Indha-Cadde qeybta lagu xusay xafiisyada ay warqadaan ku socoto iyo kuwa ay ogeysiiska ka heysato, midna laguma soo darin Ra’iisul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble, halka ay ku jiraan Madaxweyne Farmaajo, wasiirka amniga, taliyayaasha ciidamada garoonka iyo maxkamadda ciidamada.

Daawo: Deni oo ka hadlay dagaalkii Boosaaso, fariinna u diray Maxamuud Diyaano

0

Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni oo caawa shir jaraa’id qabtay ayaa si qota dheer uga hadlay dagaalkii ka dhacay magaalada Boosaaso iyo khilaafka kala dhaxeeya Taliyihii uu xilka ka qaaday ee PSF-ta Puntland Maxamuud Diyaano.

Madaxweyne Deni ayaa ugu horeyn sheegay in wax kasta oo dhacay ay ka dowlad ahaan diyaar u yihiin in xal nabadeed laga gaaro oo lasoo afjaro xiisadda ka taagan magaalada Boosaaso.

Sidoo kale Deni ayaa baaq u diray isimada dhaqanka iyo siyaasiyiinta reer Puntland, isagoo ka codsaday in xiisadaan ay xal u keenaan, si loo kala badbaadiyo dadka, isagoo balan qaaday in wax kasta oo waxgaradku go’aamiyo ay xukuumadiisu u hoggaansami doonto.

Waxa uu sheegay in wax kasta oo dhacay ay diyaar u tahay xukuumadda Puntland in la is daba qabto, isagoo si toos ah baaq ugu diray Agaasimihii uu xilka ka qaaday ee ciidanka PSF Maxamuud Cusmaan Diyaano oo hoggaaminaya ciidanka ka dagaalamaya Boosaaso.

“Waxaa ugu baaqayaa agaasimihii hore ee PSF oo runtii isaga, walaalkiis iyo aabihiis ay waqti badan ka soo qeyb qaateen difaaca dalkaan, in taariikhdiisa uusan iska xumeyn, waan u nasteexeynayaa, dadka reer Puntland heer kasta ha joogee bulshada, sharciga iyo dowladnimadaa ka weyn,” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Waxa uu sheegay in aysan shaqeyn doonin qof kasta meesha uu ka shaqeeyo hadii laga bedelo inuu ku dagaalamo ‘anigaa qaadanaaya’ “Weliba dadkii dowladnimada lagu tirinaayey oo u soo dhintay waqtiga dheerna u soo bixiyey fal noocaas ah inuu ka yimaado runtii waa ku ceeb,” ayuu yiri Madaxweyne Saciid Deni.

Deni oo sii hadlaayey ayaa sheegay in wixii dhacay ay yihiin wax ku wada dhacay oo ka wada dhacay, qaladkana markiisa laga wada hadli doono, balse maanta aan la joogin waqti la is eedeeyo, maadaama ay dadkii shacabka ahaa duurka u baxeen oo xaalad adag ay wajahayaan.

“Waxaan idiin cadeynayaa dowladeydu waa dowlad nabadeed, nabadbaan dooneynaa, dhamaan ciidamada Puntland waxaan farayaa in nabad ay ku qada noolaadaan, arrintaana waxaan codsanayaa in si kale loo xaliyo, waana loo xali karaa, xalkana dowlad ahaan diyaar ayaan u nahay,” ayuu yiri Saciid Deni.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ciidamada la dagaalamaya ee PSF waxa uu u balan qaaday in aysan jirin cid ka aar goosa doonta, isagoo ka codsaday in xalka ay qaataan oo dagaalka joojiyaan.

“Ciidanka PSF waxaan u balan qaadayaa cid weerar ku ah ma jirto, cid dooneysa in xal askari ah ay wax ku xaliso ma jirto, waxaan rajeynayaa in arrintaan lagu dhamey doono xal ay hormuud ka yihiin xubno aan dowladda aheyn, qoonsiga jira iyo arrimaha taagan waan dareensanahay, laakiin waxaan bulshada u cadeyneynaa in dowladdu ay diyaar u tahay xal kasta oo arrintaan loo keeno,” ayuu yiri Saciid Deni.

Madaxweynaha Puntland ayaa faray ciidamada ka amar qaata ee ku sugan Boosaaso in aysan xabad dambe ridin, xataa hadii lagu xad gudbo oo xabad lagu soo rido, “Inta diiday amarkeyga waxa ay sameeyaan dadkaa arki doona, laakiin waxaan rajeynaa in xalka la qaato oo waxgaradka la tixgeliyo,” ayuu yiri.

Hoos ka daawo

 

Jadwalkii doorashada dalka oo si rasmi ah u fashilmay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Jadwalkii guddiga doorashada heer federaal uu u qorsheeyey in lagu qabto doorashada xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka 11-aad ayaa mar kale fashilmay.

Guddiga ayaa 11-kii bishii hore ee November soo saaray jadwal cusub oo dhigaya in bishaan December 24-keeda la soo gabagabeeyo doorashada xildhibaanada golaha shacabka.

Hase yeeshee waqtigaas waxuu ku ekaa jimcihii maanta oo taariikhdu ku beegneyd 24-ka December, xubnaha dooran 50 xildhibaan ma dhama, badankoodna waxaa lagu muransan yahay hanaankii ay kursiga ku soo qaateen.

Waa markii saddexaad oo dib u dhac iyo fashil uu jawaho jadwal doorasho oo ka soo baxay guddiga hir-gelinta doorashada dalka ee heer federaal, shantii bilood ee u dambeysay.

Ilaa hadda doorashada xildhibaanada golaha shacabka waxaa bilaabay Koonfur Galbeed, Galmudug iyo guddiga doorashada reer waqooyiga, balse inta badan kuraastii la doortay waxaa ka daba yeereysa qeylo dhaanta qabaa’ilkii lahaa.

Jubbaland, Puntland, HirShabeelle iyo guddiga Banaadiriga weli ma bilaabin doorashada kuraasta golaha shacabka, balse Jubaland iyo Banaadiriga ayaa shaaciyey kuraas ay maalmaha soo aadan qabanayaan doorashadooda.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo hoggaamiya golaha wadatashiga qaran ee go’aanka doorashada iska leh ayaa iclaamiyey shir ka dhacaya Muqdisho oo madaxda dowlad goboleedyada iyo Ra’iisul wasaaraha ay uga tasha doonaan caqabadaha ay ka dhaqaaqi la’dahay doorasho daah-furan.

Waxaa jira xogo hor dhac ah oo tilmaamaya in shirkaas lagu gorfeyn doono damac ku jira dowlad goboleedyada qaar oo doonaya in doorashada loo asteeyo hal deegaan doorasho, si madax goboleedyadu ay awood ugu yeeshaan in magaalada fadhiga u ah ay ku maamushaan doorashada dhamaan xildhibaanada ka bimaanaya  deegaanada maamulkiisa.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Putin: Aflagaadeynta Nebi Muxamad (NNKH) qeyb kama ahan xoriyadda hadalka

Moscow (Caasimada Online) – Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa sheegay in aflagaadeynta Nebi Muxamad (NNKH) aysan qeyb ka aheyn xoriyadda hadalka, balse ay tahay ku xadgudubka xoriyadda diimaha.

Putin ayaa hadalkan ka sheegay shir jaraa’id oo sanadle ah oo uu Khamiistii ku qabtay Moscow, sida ay werisay wakaaladda wararka Ruushka ee TASS, wuxuuna intaas ku daray in aflagaadeynta Nebi Muxamad NNKH ay xagudub ku tahay dareenka xurmadda leh ee dadka Islaamka.

TASS ayaa sidoo kale werisay in madaxweynaha Ruushka uu cambaareeyey daabacaadda sawir gacmeedyada lagu aflagaadeeyey Nebiga NNKH ee uu sameeyey wargeyska Faransiiska ee Charlie Hebdo. 

Ficillada noocan ah waxay sare u qaadeen aargudasho ay sameynayaan xagjiriinta, ayaa laga soo xigtay Putin. 

“Xoriyadda sawir gacmeedyada waxay leeyihiin xuduudahooda, mana ahan inay jebiyaan xuduudaha kuwa kale,” ayuu yiri. 

Putin ayaa sheegay in Russia ay tahay dal qowmiyado kala duwan, oo bartay sida midba midka kale uu xushmeeyo dhaqamadiisa. “Dalalka qaarkood xushmadda noocan ah way ku gaaban tahay,” ayuu yiri Putin. 

Wargeyska Charlie Hebdo ayaa dhowr goor daabacay sawir gacmeedyo lagu aflagaadeeyey suubanaha, taasi oo dhalisay cambaareyn xooggan oo ka timid dunida Muslimka.

Sawir gacmeedkayadaas ayaa dhaliyey weerar lagu qaaday xarunta wargeyska 7-dii Janaayo 2015, kaasi oo lagu dilay 12 qof. 

Wargeyska ayaa mar kale sawiro gacmeedyo daabacay bishii September 2020, taasi oo dhalisay cambaareyn kale oo xooggan. 

Bishii October 2020 waxaa Faransiiska lagu gowracay macallin iskuul oo ardaydiisa tusay sawir gacmeedyo lagu sheegay Nebiga NNKH, taasi oo dhalisay in madaxweynaha dalkaas Emmanuel Macron uu difaaco sawirrada kuna sheego qeyb ka mid ah xoriyadda hadalka.

Hadalka Macron ayaa ka careysiisay dunida Islaamka, taasi oo dhalisay inuu ka laabto iskuna dayey inuu hab kale u sharxo.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

DF oo sameynaysa isbedel diblomaasiyadeed ballaaran

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa qorsheynaysa inay isbedel ballaaran ku sameyso u qeybsamayaasha safaarad kasta oo Soomaaliya ku leedahay wadamada caalamka, sida ay noo sheegen saraakiil ka tirsan Wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya.

Xogta ayaa sidoo kale sheegaysa in liiska shaqsiyaadka la magacaabi doono ay ka imanayaan dhinaca xafiiska madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Sida qorshaha uu yahay xubnaha la magacaabayo ayaa si deg deg ah kula wareegi doona shaqooyinkooda, halka kuwii hore la kala diri doono, kadib markii ay dhawaan Wasaaradda arrimaha dibedda ka dalbatay safaaradaha iyo qunsuliyadaha inay laba maalmood kusoo gudbiyaan warbixin dhammeystiran oo la xiriirta shaqada u qeybsamayaasha safaarad kasta.

Farmaajo ayaa doonaya in dhamaan diblumaasiyiinta ka shaqeeya Wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya uu ka dhigo shaqaalaha xafiiskiisa iyo kuwa ugu dhaw ee baraha bulshada ka taageera.

Waa dhaqan ku cusub wasaaradda arrimaha dibedda in madaxweyne muddo xileedkiisa uu dhamaaday uu gebi ahaanba la wareego shaqaalaha safaaradaha iyo qunsuliyadaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa si toos ah shaqadii Wasaaradda u hoos geeyay madaxtooyada Soomaaliya, sida ay sheegen xubno ka tirsan Wasaaradda.

Cabdisaciid Muuse Cali oo ah Wasiirka cusub ee arrimaha dibedda ayaa ah shaqsi u dhow Farmaajo, ka hor inta aan xilkan loo magacaabina wuxuu ahaa Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya, sidoo kale waxa uu soo noqday La-taliyihii Amniga Qaranka ee ugu waqtiga dheeraa ee Madaxweyne Farmaajo intii u dhaxeysay 2017-kii ilaa Septembar 2021.

Si kastaba, isbedelka la qorsheynayo in lagu sameeyo u qeybsamayaasha safaarad kasta oo Soomaaliya ku leedahay wadamada caalamka ayaa noqonaya midkii ugu ballaarna.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Qoyska Ikraan Tahliil oo war cusub soo saaray, eedeyn culusna u jeediyay Rooble

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qoyska Ikraan Tahliil oo ah Sarkaalad ka tirsaneyd hay’adda NISA oo la weysan yahay tan iyo 26-kii June, lana tuhunsan yahay inay ku maqan tahay gacanta NISA, ayaa markale si adag uga horyimid baaristii hordhaca aheyd ee Xeer Ilaalinta kasoo saartay kiiska gabadhooda.

Qoyska Ikraan ayaa Ra’iisul Wasaaraha ku eedeyay in uu ka been sheegay ballan-qaadkii uu kal hore ka sameeyay baarista kiiska Ikraan, sidii ay cadaalad u heli laheyd, islamarkaana uu kiiska u gacan galiyay tuhmanayaashii NISA ee loo haystay, sida ay sheegen.

“Qoyska muwaadin Ikraan Tahliil Faarax, waxaan halkaan uga jawaabaynaa war xaqiiqada ka fog oo kasoo baxay Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida (CQS) 21-kii November 2021-ka, cinwaan looga dhigay; baaris hordhac ah oo ku saabsanaa kiiska Ikraan Tahliil Faarax” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay qoyska Ikraan.

Waxay sheegen in warbixin baariseedka uu Xeer-ilaaliyaha ka sheegay warbaahinta dowladda ay khilaafsan tahay habraaca loo maro baarista fal danbiyeed-yada.

“Xeer ilaalinta waxay si cad ugu sheegeen qoyska iyo qareenkooda-ba inaysan u suurtoobin baarista kiiska sababo la xiriir in saraakiisha NISA ee eedeysanayaash ah ay is hortaag ku sameeyeen baaritaanka kiiska, iyaga oo caddeeyay in xaaladda taagani aysan saamaxeyn in baaritsta la sii wado.”

Qoyska ayaa si adag u sheegay in Xeer ilaaliye uu dembi cidna ka baabi’in karin, islamarkaana uu awood u laheyn in uu xiro kiis ka furan maxkamadaha sharciga.

Waxay intaas kusii dareen in Xeer ilaaliyaha shaaciyey baarista hordhaca ah uu cago-jugleeyay Yaasiin Farey, kadibna uu muuqaalka laga sii daayey warbaahinta dowladda ka duubay, si looga dhaqo eedeynta culus ee kiiska Ikraan, uuna ku helo kursiga xildhibaanimo ee loo boobay.

“Tiirarka dowladnimada waxaa ugu muhiimsan cadaaladda. Haddii cadaalada ay waayan dadweynaha waxay ku qasbanaan doonaan inay gacmahooda ku raadsadaan cadaaladda ay ku qanacsan yihiin. Xaq dadkii lahaa daba joogaan marnaba ma lumo.”

Ugu dambeyntiina waxay sheegen in maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ay u cadeysay in dacwadda Ikraan Tahliil aan weli la qaadin, uuna weli kiiskaas ka furan yahay maxkamadda, xilli uu Xeer ilaaliye Buule Kamey uu kal hore shaaciyey in eedeysanayaasha NISA lagu waayey eedeyntii la xiriirtay maqnaashaha Ikraan Tahliil.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Guddigii loo saaray dhulka ciidamada badda oo go’aan garaay balse la cadaadiyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay inay go’aan gaareen guddigii uu taliyaha ciidamada xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage u saaray inay baaraan dhulka ciidamada badda ee la sheegay in la boobayo.

Taliyaha ciidamada Badda Soomaaliya Jeneraal Cabdixamiid Maxamed Dirir ayaa ka yaabiyey Soomaalida 20-kii bishan kadib markii uu si cad Ra’iisul Wasaare Rooble ugu eedeeyey inuu boobayo dhulkaas, ayada oo kadib ay soo baxday in arrintan ay qeyb ka tahay dagaal cusub oo u dhaxeeya Farmaajo iyo Rooble.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa isla 21-kii bishan magacaabay guddi baara arrintan kuwaas oo kala ah:

1. S/guuto Maxamud Sheikh Cali Maxamed, Guddoomiye
2. S/guuto Maxamed Tahliil Biixi, Guddoomiye ku-xigeen
3. S/guuto Maxamed Xaashi Guuleed, Xubin
4. S/guuto Maxamed Xasan Raage, Xubin
5. S/guuto Cabdullahi Warsame Siyaad, Xubin 

Sida aan xogta ku helnay, guddigan ayaa gaaray go’aan ka kooban laba qodob oo kal ah:

1- In Ra’iisul Wasaare Rooble uusan wax shaqo ah ku laheyn dhul boobka lagu eedeeyey

2- In Taliyaha ciidamada Badda Soomaaliya Jeneraal Cabdixamiid Maxamed Dirir uu ku kacay fal aad u baalmarsan anshaxa ciidanka, oo uu meel weyn uga dhacay sumcadda ra’iisul wasaaraha, sidaas darteedna xilka laga qaado.

Si kastaba, guddiga ayaa laga hor-istaagay inay shaaciyaan go’aankooda, ayada oo Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jen. Odawaa uu ka horyimid go’aanka guddiga, islamarkaana dib ugu diray warqad uu guddiga ku waydiinayo su’aalo ay horay uga jawaabeen kuna handadayo.

Ilo wareedyada ayaa sheegaya in Wasiirka Gaashaandhiga oo markii hore amray baaritaanka aan lala wadaagin jawaabtii Guddiga.

Caasimada Online ayaa ogaatay in arrintan ay ugu wacan tahay kadib cadaadis xooggan oo kaga yimid madaxtooyada Soomaaliya, oo markii horeba la rumeysnaa inay ka dambeysay weerarka lagu qaaday shaqsiyadda Rooble.

Xaqiiqda dhulka

Sida uu sheegay Taliyaha ciidamada Badda Soomaaliya Jeneraal Cabdixamiid Maxamed Dirir, waa dhab in dhulka ciidamada badda la bixiyey oo la siiyey shaqsiyaad kale, hase yeeshee waxaan xog ku helnay inuu bixiyey madaxweyne Farmaajo.

Madaxtooyada ayaa dhulkan siisay ganacsade soo dejiya baaburta oo lacag dhowr milyan oo dollar ah ku lahaa, si uu lacagtaas beddelkeed ugu qaato.

Taliyaha ayaa la sheegay inuu dhowr mar ka joojiyey ganacsadaha inuu dhulkan dhisto, hase yeeshee Rooble ayaa intii uu madaxweyne Farmaajo ku maqnaa safarka Turkiga u sheegay inuu u ogolaado, sababtuna ay tahay in madaxweynaha uu sidaas amray.

Hadalkaas Rooble ayaa la sheegay in kooxda madaxweynaha ay uga faa’iideysteen inay taliyaha ka dhaadhiciyaan inuu sidaas warbaahinta ka sheego.

Dhulkan ayaa banaanka usoo saaray khilaaf cusub oo mar kale ka dhex-qarxay madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha, kaasi oo dadka siyaasadda fallanqeeya ay ku macneeyeen inuu noqon doono mid uu midkood ku baxo markan. 

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Farmaajo oo la sheegay inuu wadaa abaabul ciidan iyo dagaal ka dhan ah Rooble

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa shaaca ka qaaday in Madaxweyne Farmaajo uu maalmahaan ku howlan yahay abaabul ciidan iyo dagaal ka dhan ah Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo qoraal ku daabacay boggiisa Facebook ayaa yiri: “Farmaajo wuxuu maalmahan ku hawlanyahay abaabul ciidan iyo dagaal ka dhan ah Ra’iisul Wasaare Rooble. Mar wuxuu ka hadashiiyey nin dhiirran oo isagoo garaaddihii ciidanka xiran Raysalwasiirihii Aflagaaddo ku dhoobay.”

Cabdiraxmaan ayaa sidoo kale xusay in madaxweyne Farmaajo uu abaabulay guddiyada doorashada si uu uga hor yimaado 7-dii xubnood ee laga eryey guddiga xalinta khilaafaadka.

“Wuxuu soo abaabulay guddiga doorashada, isagoo diiddan in la beddelo xubnihii guddiga xallinta khilaafaadka. Waxaa xigay shirkii dhoollatuska ahaa ee saraakiisha ciidanka iyo waddooyinkii la xiray, si loo baajiyo shirkii Golaha wasiirrada. Waxaa intaas dheer dacaayadda ay CBB baraha bulshada ka wadaan ee Rooble ku wajahan,” ayuu sii raaciyey hadalkiisa.

Ra’iisul wasaare Rooble ayuu ugu baaqay in uu shaqadiisa ku aadan Doorashada xoojiyo, si dalka ay uga dhacdo Doorasho lagu wada qanacsan yahay.

Hadalka ka soo yeeray siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ee ah eeda uu ujeediyay Madaxweyne Farmaajo weli kama jawaabin Madaxtooyadda.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo shalay guddoomiyay shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada ayaa sheegay inay jiraan dad dano gaar ah leh oo doonaya in ay carqaladeeyaan arrimaha doorashooyinka dalka.

Rooble ma sheegin cidda ay yihiin dadkaas, hase yeeshee hadalkiisa wuxuu imanayaa ayada oo khilaaf xooggan oo cusub uu kala dhaxeeyo madaxweyne Farmaajo.

Farmaajo, oo ka careysan ceyrintii Rooble uu ku sameeyey xubno ka mid ah guddiga xalinta khilaafaadka, ayaa la sheegay inuu isku dayayo in la carqaladeeyo doorashada.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii 

Wararkii ugu dambeeyey xaalada magaalada Boosaaso

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Waxaa Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ka dhaqan gashay xabad joojintii la kala dhex-dhigay Ciidamada Puntland iyo kuwa PSF ee mudada Saddexda Maalinta ah ku dagaalamayay Magaalada Boosaaso.

Isimada ku nool degaannada Puntland ayaa xabad joojin kala dhex-dhigay labada dhinac, iyada oo Ciidamadii ishor-fadhiyay la kala qaaday.

Waxaa dib u bilaawday isku socodka dadka, Gaadiidka iyo Ganacsiga ee Magaalada Boosaaso, kuwaas oo istaagay Saddexdii Maalmood ee uu socday dagaalka.

Beeldaaja Maxamed Beeldaaje Ismaciil ayaa sheegay inay rajeynayaan in nabadayntu sida ugu dhaqsiyaha badan udhaqan gasho, wuxuuna ugu baaqay Ganacsatada in ay bulshada barakacday Caawiyaan.

Dhanka kale, Waxaa isa soo taraya khasaaraha iyo saameynta ka dhalatay dagaalka seddaxda maalin qaatay ee ka dhacay magaalada Boosaso ee xarunta ganacsiga dowlad gobaleedka Puntland.

Said siidow oo ah Madaxa cunto kariyayaasha shirkada wadaagsan ee Dhisaysa Dekeda Garacad ayaa dagaalka Boosaaso ka dhacay uga dhinteen 5 carruur ah oo seddax kamid ah uu dhalay iyo laba uu adeer yahay, kadib markii guri ay daganaayeen uu ku soo dhacay madfac.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ay hooyada dhashay carruurtaas ay soo gaartay caafimaaddaro maskaxeed.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii 

Ra’iisul Wasaare Rooble oo si dadban u weeraray Farmaajo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo shalay guddoomiyay shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada ayaa sheegay inay jiraan dad dano gaar ah leh oo doonaya in ay carqaladeeyaan arrimaha doorashooyinka dalka.

Rooble ayaa sheegay in qabsoomidda doorashadu ay tahay xalka kaliya ee dalku uga bixi karo xaaladda adag ee uu ku jiro.

Waxa uu ku adkeystay in doorashada loo qaban doono si deg deg ah, islamarkaana shirka Golaha Wadatashiga Qaran lagu go’aamin doono jadwal doorasho oo deg deg ah.

Rooble ma sheegin cidda ay yihiin dadkaas, hase yeeshee hadalkiisa wuxuu imanayaa ayada oo khilaaf xooggan oo cusub uu kala dhaxeeyo madaxweyne Farmaajo.

Farmaajo, oo ka careysan ceyrintii Rooble uu ku sameeyey xubno ka mid ah guddiga xalinta khilaafaadka, ayaa la sheegay inuu isku dayayo in la carqaladeeyo doorashada.

Sababta Villa Somalia uga dagaalameyso ceyrinta xubnaha guddiga ayaa la sheegay inay tahay inay rumeysan tahay in xubnaha cusub ay caqabad ku noqon doonaan rag kale oo loo wado xildhibaannimo sida Fahad Yaasiin, Cabdiraxmaan Dheere iyo Cabdullaahi Kulane.

Xogta aan helnay ayaa sidoo kale sheegeysa in kooxda Farmaajo ay sidoo kale ka careysan yihiin in doorashada xildhibaanada reer waqooyiga aysan noqon sidii ay doonayeen oo ay kusoo baxayaan xubno badan oo aan taabacsaneyn.

Farmaajo ayaa sidoo kale ka walaacsan in shirka Golaha Wada-tashiga Qaran ee uu ku baaqay Rooble lagu burburin doono labada deegaan doorasho, taasi oo doorashadii Gedo u gacan gelin karta Axmed Madoobe.

Sidaas darteed, kooxda Farmaajo waxay hadda isku diyaarinayaan inay abuuraan xaalad burburin karta doorashada oo dhan.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii 

Xog: Muxuu salka ku hayaa khilaafka cusub ee ka dhex-qarxay Farmaajo iyo Rooble?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Khilaaf cusub oo u dhaxeeya madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Rooble ayaa soo shaac-baxay wax kayar laba bilood un kadib markii ay ka heshiiyeen khilaafkii hore.

Khilaafka haatan kasoo dhex cusboonaaday labada xafiis ee dalka ugu sarreeya ayaa ka dhashay sida Guddiga Xalinta Khilaafaadka uu toddobaadkii hore kaga falceliyay murankii hareeyay kursiga uu tirsigiisu yahay #HOP67, oo bishii November uu ku soo baxay Taliyaha KMG ee Hay’adda NISA, Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud (Yaasiin Farey).

Guddiga Xalinta ayaa 15-kii bishan warsaxaafadeed ku sheegay in hannaanka loo maray doorashada kursigaasi ay aheyd mid waafaqsan habraaca doorashada, taasoo aanay dadku ku qancin.

Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo saluug ka muujiyay qaabka ay guddiga u maareeyeen tabashada laga keenay kursigaasi ayaa 3 cisho ka dib go’aanka guddiga waxa uu xilka ka qaaday toddoba ka mida xubnaha guddigaasi, oo ku xirnaa Villa Somalia.

Rooble ayaa xubnahaas ku eedeeyey inay lumiyeen madaxbannaanidii guddinimo, ayna ku milmeen siyaasadda. Rooble ayaana bayaan kusoo magacaabay xubnihii bedeli lahaa xubnahaasi.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Villa Somalia aanay jecleysan, sida loola dhaqmay xubnihii xilka laga qaaday, oo ciidamo ka amar-qaata Wasiirka Amniga Gudaha, Cabdullaahi Maxamed Nuur ay xoog kaga saareen Xarunta Guddiga Xalinta Khilaafaadka. Tani waxay ka dambeysay markii xubnahaasi ay ka horyimaadeen xil ka qaadistaasi.

Tani ayaa Isniintii sababi gaartay in laba garab u kala jabaan Xubnaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal, garab taabacsan Madaxtooyada iyo garab kaloo la safan Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha.

Sababta Villa Somalia uga dagaalameyso ceyrinta xubnaha guddiga ayaa la sheegay inay tahay inay rumeysan tahay in xubnaha cusub ay caqabad ku noqon doonaan rag kale oo loo wado xildhibaannimo sida Fahad Yaasiin, Cabdiraxmaan Dheere iyo Cabdullaahi Kulane. 

Xogta aan helnay ayaa sidoo kale sheegeysa in kooxda Farmaajo ay sidoo kale ka careysan yihiin in doorashada xildhibaanada reer waqooyiga aysan noqon sidii ay doonayeen oo ay kusoo baxayaan xubno badan oo aan taabacsaneyn.

Farmaajo ayaa sidoo kale ka walaacsan in shirka Golaha Wada-tashiga Qaran ee uu ku baaqay Rooble lagu burburin doono labada deegaan doorasho, taasi oo doorashadii Gedo u gacan gelin karta Axmed Madoobe. 

Sidaas darteed, kooxda Farmaajo waxay hadda isku diyaarinayaan inay abuuraan xaalad burburin karta doorashada oo dhan.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii 

Waa maxay sababta uu garsoorka Somalia fasax u galay December oo dhan?

0

Garsooreyaasha Soomaaliya ayaa hal mar fasax wada gala bisha December ee sanad walba, waxaana hawlgab noqda garsoorka dalka, iyada oo maxkamaduhu ay shaqada joojiyaan, meeshana ka saarta adeeggii shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan 2 milyan oo ku sugan caasimadda Muqdisho, waxaana arrinkaas niyadjab ka muujiyey dadkii nala hadlay!

Arrintan ah in dal dhan garsoorkiisa aanu shaqeyn, waa mid ku kooban uun Soomaaliya oo caalamka kama jirto, waxaana fasaxa jideeyey sharci L. 34 ee soo baxay 22-09-1974-tii.

Sharcigan qodobkiisa 32-aad oo ka hadlaya sanadka Garsoorka ayaa u qoran sidan:

(1). Sanadka Garsoorka waxaa uu bilaabanayaa maalmaha hore ee bisha Janaayo.

(2). Furitaanka shirka Garsoorka waxaa lagu qabanayaa magaalo madaxda dalka.

(3). Sanadka Garsoorka waxaa uu yeelan doonaa joojin hal bil oo ah 1da bisha December, muddadana waxay xafiisyada u furnaan doonaan oo keliya wixii hawlo oo degdeg ah.

 (4). Fasaxa caadiga ah ee garsooreyaasha iyo gar-yaqaannada waxaa la bixinayaa muddadaa shaqada joogsatay oo keliya

(5). Madaxda xafiisyada waa in ay mar kasta xaqiiqsadaan fulinta.

Haddaba, sida sharacigaas oo ilaa hadda lagu dhaqmo uu qabo, garsoorka dalka waa fasax bisha December ee sanad walba, weliba waxaa in fasaxaas la galo difaacaya, oo aan wax ka badal ogoleyn dhammaan garsooreyaasha dalka jooga iyo hey’adaha garsoorka.

Xeerkan dartii, in ka badan 60 garsoore oo ka shaqeynayey maxkamadaha caasimadda Muqdishi ku yaallay sida maxkamadda sare, midda racfaanta, gobolka iyo degmooyinka ayaa hal mar fasax galay, waxaana istaagay dacwadihii socday, iyada oo la reebay uun sida dadka qaar ii sheegeen saddex garsoore oo gobolka iyo ha lama labo degmo, oo furan xilliyo lama huraan ah.

Baaris iyo xiriirro badan oo aan sameeyey waxaan ku ogaaday in sharcigan uu maanta garsoorka dalka fasaxa ku galay la qoray 1974-tii, laakin laga soo miinguuriyey xeer kale oo la dhaho xeerka nidaamka Garsoorkae ee 1962-dii xilligaas oo garsooreyaasha ay ahaayeen Talyaani, si ay waqtig ula qaataan qoysaskooda, dalkoodiina ay dib ugu laabtaan ayey meelmarsadeen fasaxa bisha December, waxaase nasiib darro ah in xataa markii uu garsoorka Soomaaliyoobey aan wax ka badal lagu sameyn, oo ilaa hadda lagu dhaqmo xeer ay shaqaale ajaanib ah qorteen.

Avv Yuusuf Cabdi Faarax oo hadda ku sugan Australia waxaa uu ii sheegay in dalkaasi uu joogo iyo dunida kalaba aanu ku arkin garsoor bil dhan fasax ah, midka Soomaaliyana loo baahnaa in mar hore wax ka badal lagu sameeyo, si dadka loogu adeego.

 Abuukaate Cabdiwaaxid Cabdullaahi Warsame oo jooga Mareykanka ayaa waxaa uu qabaa in sharcigan oo baaliyoobey, macquulna aheyn in lagu dhaqmo isaga oo yiri “Fasaxa ay Qudaada runtii wax ku haboon ma aha socodsiinta dacwooyinka, waa dhici kartaa in garsoore la fasaxo, waxaana dacwooyinkiisa lagu xawilaa mid kale oo sii wada, hannaanka cadliga waxaa weeyey in dadka ka shaqeeya ay heegan yihiin waqti walba, lana heli karo, waayo waxaa jiri kara xaalado adag oo dhib keeni kara ama qarash qofka ku socodsiin kara.

“Sharcigaas dabcan sharci isticmaarbuu ahaa, waxay aheyd dad Ajnabi ama Talyaani dalkooda u noqonayey fasax ay helaan, in hadda dib u eegis lagu sameeyo ayaa fiican”.ayuu hadalkiisa kusoo afjaray Abuukaate Cabdiwaaxid Cabdullaahi Warsame.

Dooddeyda ugu weyn ma aha in garsooraha aan la fasaxin, mana ka hadlayo, ee waa:

(1). In  horta sharacigan uu gumeystaha qoray iyo dhammaan sharciyada la midka ah wax laga badalo,

(2). In fasaxa bisha ahna, halkii 60-ka garsoore iyo ka badan oo labo milyan dad ah oo caasimadda Muqdisho ku nool u adeega ay hal mar wada fasaxi lahaa, albaabadana la isugu dhufan lahaa maxkamadaha, in loo qeybiyo fasaxa garsooreyaasha dhammaan bilaha sanadkan, marka qaar maqan yihiin kuwa kale ay sii shaqeeyaan, lana xirin maxkamadaha iyo guud ahaan garsoorka.

(3). In Fasaxa garsooraha aan la dareemin oo uu la mid noqdo shaqaalaha kale ee dowladda iyo kuwa gaar ah.

Ugu dambeyntii, fasaxa garsooraha ee bisha December waxaa ay saameyn weyn ku leedahay xeer ilaalintii iyo xataa difaacii, iyada oo ay joogsaneyso dacwadihii, meeshana ku baxeyso waqti iyo qarash, waxaa intaa dheer iyada oo sharaciga ay ku dayan karaa muhnadleyaasha kale sida dhakhaatiirta, saxafiyiinta iyo qaar kale oo koox weliba haddii ay bil shaqada joojiso fowdo noqoneyso, abuuri kartana fowdo shaqo, sidaa darteed waa in 2022-ka laga shaqeeyo in wax ka badal lagu sameeyo xeerka nidaamka garsoorka ee 1962-da iyo sharaci L.34 ee 74-ta.

W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye

JUBALAND oo shaacisay jadwalka doorashada 6 kursi oo ka mid ah golaha shacabka

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Guddiga doorashada Jubaland ayaa maanta shaaciyey jadwalka doorashada 6 ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee laga soo dooranayo maamulkaas.

Lixdan kursi ayaa ka mid ah 14 kursi oo uu guddigu sheegay inuu doorashado qabanayo 13-kii December, waxayna kala yihiin HOP82, HOP108, HOP113, HOP134, HOP203, HOP217.

Doorashada lixdan kursi ayaa dhaceysa 28-ka December, sida uu guddiga sheegay, ayada oo maanta oo ah 24-ka la billaabayo diiwaan-gelinta iyo shaacinta guddiga xulista ergada, halka musharaxiinta la diiwaan-gelinayo 27-ka.

Go’aanka Jubaland ay ku qabaneyso doorashada 6 kursi ayaa dhabarjab ku ah isku daygii ay Midowga Musharaxiinta Soomaaliya doonayeen inay ku hakiyaan doorashada oo ay sheegeen in la boobayo.

Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa horaantii bishan dalbaday in doorashada la hakiyo sababo la xiriira boob xooggan oo lagu sameeyey kuraastii la doortay badankood.

Hase yeeshee, dalabkooda ayaa waxaa si wadajir ah u diiday ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxda maamul goboleedyada, ayada oo Rooble uu amray in lasii wado doorashada.

Kuraastii afarta aheyd ee reer waqooyiga ee Muqdisho lagu doortay 19-kii December ayaa hadalkii Rooble u beddeshay ficil, waxayna si rasmi ah u xaqiijisay inuu fashilmay isku daygii mucaaradka.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii  

QM oo war kasoo saartay dagaalkii ka dhacay Boosaaso

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Ku xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay dhanka Gargaarka Bani aadamnimada ee Soomaaliya Aadam Abdulmoula ayaa war kasoo saaray Xaaladda Magaalada Boosaaso xarunta Gobolka Bari ee Puntland.

Aadam ayaa sheegay in wax laga xumaado uu yahay dagaalka Boosaaso oo sabab u noqday Barakaca Kumanaan ruux oo lagu dul dagaalamay iyada oo xaalad la joogo waqtiga is badelka cimilada Magaaladaas.

Hay’adaha hoostaga Qaramada Midoobay ayuu sheegay in ay diiwaangeliyaan kumanaan ruux oo isaga barakacday Guryahooda kaddib markii cabsi ay ka muujiyeen hubka culus oo meelo ka fog goobaha dagaalka ku dhacay.

Saraakiil katirsan Hay’adaha Qaramada Midoobay & kuwo maxali ah ayaa diiwaangeliyay xogta Barakacayaal ku sugnaa Magaalada Boosaaso oo dib usii barakacay maadaama uu saameyn taban ku reebay dagaalka.

70,000 (Todobaatan kun) oo ruux oo ah Dadka Boosaaso oo u dhigma 40% ayaa dib uga sii barakacay guryahooda, xaaladdooda ayuu sheegay ku xigeenka ergayga gaarka ee xoghayaha guud u qaabilsan arrimaha Bani aadamnimada inay tahay nolol adag.

“Waxa aan walaac ka muujineynaa dadka ka barakacay dagaalka Magaalada Boosaaso oo saameyn taban ku reebay noloshooda, 40% dadkii ku barakacay Magaaladaas ayaa dib usii barakacay, Boosaaso waxa ay horay u martigelisay 70,000 oo ruux oo dib u sii barakacay” ayuu yiri Adam Abdelmoula.

Boosaaso waxaa ku dagaalamay Ciidamada Puntland oo fulinaya amarka Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni & kuwa gaarka u tababaran ee PSF oo diidan in xilka laga wareejiyo Agaasime Maxamuud Cismaan Diyaano.

Shirkii Golaha Wasiirada DF oo lagu go’aamiyey in dib loo howl-geliyo guddiyadii…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu go’aamiyey in dib loo howl-galiyo guddiyadii ka shaqeynayay cudurka Coronavirus.

Golaha oo isla fallan-qeeyay xaalada caafimaad ee dalka, kadib markii uu soo labo kacleeyay cudurka Coronavirus hirkiisi saddexaad, ayaga oo isla qaatay in dib loogu yeero guddiyadii ka shaqeyn jiray ee xukuumadda ahaa.

Golaha oo ka duulaya saameyntii uu kal hore ku reebay cudurka Coronavirus guud ahaan dalka ayaa xilligan doonaya in dib loo bilaabo wacyi-gelintii cudurkaas iyo tallaabooyinka looga gaashaman lahaa in hirkiisa saddexaad uu si weyn ugu faafo dalka.

Arrintan ayaa imaneysa xilli ay dhawaan Wasaarada Caafimaadka Soomaaliya shaacisay in cudurka Coronavirus laga helay gobolka Banaadir kiisas gaaray 82, halka Somaliland laga diiwaan-geliyay 9 iyo Puntland oo 4 kiis ah.

Tirada guud ee kiisaska laga diiwaan-geliyay dalka tan iyo markii uu soo gaaray Coronavirus ayaa gaareys 23,169 kiis, waxaa ka bogsaday 12,903, halka ay u geeriyoodeen dad gaaray 1,333 qof, illaa hadda inta ay diiwaan-gelisay wasaaradda caafimaadka.

Coronavirus ayaa saameyn dhaqaale oo ballaaran ku yeeshay dalka, ayada oo xukuumaddu ay dhowr jeer soo rogtay xayiraado looga hortagayo in uu kusii faafo dalka.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Mareykanka oo soo saaray dalab culus oo la xiriira doorashada Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa dalbatay in la saxo khaladaadka ka jira doorashooyinka Soomaaliya, xilli la rumeysan yahay in boob lagu sameynayo kuraasta golaha shacabka.

Qoraal kooban oo ay twitter soo dhigtay safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa lagu soo dhoweeyey kulanka Golaha Wadatashiga Qaran ee 27-ka bishan ka dhacaya Muqdisho, kaasi oo ujeedkiisu yahay in looga hadlayo muranka hareeyey hanaanka doorashada.

“Waxaan soo dhoweyneynaa qorshaha lagu qabanayo kulanka Golaha Wadatashiga Qaran ee diiradda lagu saarayo horumarinta iyo dedejinta hanaanka doorashada. Waxaan ka rajeyneynaa hoggaamiyayaasha Soomaaliya inay saxaan khaladaadka la arkay si loo xaqiijiyo in natiijooyinka doorashada ay helaan taageerada iyo kalsoonida shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalka Mareykanka ayaa daba socday mid maanta kasoo baxay beesha caalamka oo lagu soo dhoweeyey shirka uu iclaamiyey ra’iisul wasaaraha ee Gola Wada-tashiga Qaran laguna dalbaday daah-furnaanta doorashada oo ay weli cabasho ka muujinayaan mucaaradka iyo xubnaha xil doonka ah.

“Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka waxa ay soo dhoweynayaan qorshaha lagu qabanayo kulanka fool ka fool ah u yeelanayo Golaha Wadatashiga Qaran oo diiradda lagu saarayo hagaajinta iyo dardargelinta hannaanka doorashada. Waxaan mar kale ku celinaynaa baaqayada ku aaddan daahfurnaan buuxda ee dhammaan hababka la xiriira,” ayaa lagu yiru warsaxaafadeedka maanta ka soo baxay wakiilada Beesha Caalamka.

“Waxaan weli sii buuxda u taageeraynaa hanaan kasta oo ku saleysan oo ixtiraama heshiisyadii 17kii Sebtembar 2020 iyo 27dii May 2021. Waxaan madaxda Soomaaliya ugu baaqeynaa inay sida ugu dhaqsiyaha badan ku soo gebagebeeyaan hannaanka doorashada.” 

Mareykanka iyo beesha caalamka ayaaa marar badan lagu eedeeyey inay fiirsanayaan boobka iyo musuqa hareeyey doorashooyinka Soomaaliya, ayada oo ujeedkoodu yahay un in deg deg loo dhameeyo doorashada si loogu xalaaleysto malaayiinta dollar ee loogu talo-galay.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Wararkii ugu dambeeyay shirka doorashooyinka ee ka furmaya magaalada Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo maanta guddoomiyay shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada ayaa uga warbixiyay shirka uu dhawaan iclaamiyey ee 27-ka December ka furmaya magaalada Muqdisho, kaasi oo ay iskugu imanayaan madaxda Golaha Wada-tashiga Qaranka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u sheegay Golaha in uu madaxda dowlad goboleedyada uu gaarsiiyey kharashaadkii safarkooda iyo in diyaaradihii soo qaadi lahaa la diyaariyey, si waqtiga uu iclaamiyey u furmo shirka.

Shirka Golaha Wada-tashiga ayaa looga wada-hadlaya arrimaha doorashooyinka, gaar ahaan midda Golaha Shacabka oo ay qaadaceen mucaaridka, kadib markii ay sheegen in doorashadaas laga leexiyay hanaankii daah-furnaanta ahaa ee lagu heshiiyey.

Shirka 27-ka December oo muhiim u ah xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa dib u sixid loogu sameynayaa qaladaadka ka jira doorashada Golaha Shacabka, oo la sheegay in kuraasta qaarkood loo boobay shaqsiyaad gaar ah.

Sidoo kale shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada ayaa looga hadlay wada-shaqeynta hay’addaha dowladda iyo gurmadka abaaraha.

Waxaa diirada lagu saaray arrimaha amniga dalka, xilli uu dalka ku jiro xaalada kala guur ah iyo doorashooyin ay hareeyen mad-madow badan oo dalka qarka u saaray xaalad hubanti la’aan ah.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Xaalad cusub oo kusoo korortay dagaalka Boosaaso

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Wararka aan ka helayno magaalada Boosaaso oo maalmihii u dambeeyay ay ka taagneyd xiisad dagaal oo u dhaxeysa ciidamada PSF iyo kuwa maamulka Puntland, ayaa sheegaya in la furay qaar kamid aaga-gii lagu dagaalay.

Ciidamadii isku horfadhiyay magaalada Boosaaso ayaa la kala qaaday, waxaana la furay qaar kamid ah aaga-gii maalmihii u dambeeyay lagu dagaalamayay, ayada oo meelaha qaar ee magaalada uu dib u furmay isku socodkii.

Dadweynaha qaarkood ayaa la arkayey ayaga oo tagaya xarunta PSF iyo goobihii lagu dagaalamayay oo isku socodkooda dib loo furay, waxayna u muuqata inay dib ka dhaqan gashay xabad-joojintii shalay lagu baaqay.

Wararka ayaa intaas kusii daray in Ciidamada labada dhinac ee ku dagaalsan Boosaaso uu mid walba dhankiisa uu baaritaan ku sameynayo gaadiidka dadweynahay, kadib markii ay dib u fureen isku socodka qeybo kamid ah magaalada.

Tallaabadan ayaa imaneysa xilli ay bulshada reer Boosaaso uu waagu ugu beryey sawaxanka rasaas dhaceysa iyo hubka culus, kadib markii xalay saqdii dhexe uu bilowday dagaal aad u culus oo u dhexeeyay ciidamadda Puntland iyo kuwa PSF ee daacadda u ah Jeneraal Maxamuud Cismaan Diyaano.

Dagaalkaas ayaa wuxuu si iskiis ah u istaagay 7-dii subaxnimo ee saaka. Xaalada ayaa illaa hadda degan.

Labada dhinac ee isku haya gudaha magaalada Boosaaso oo dhowr jeer eedeymo isku jeediyay, ayaa hadda u muuqda inay si isku mid ah u qaateen baaqii xabad-joojinta, kadib maalmo dagaal xoogan oo khasaaro badan geystay uu ku dhex-maray magaaladaas.

Shalay ayay ahayd markii Wasiirka Amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan uu ku baaqay in xabbada la joojiyo, waxaana jiray Isimo iyo waxgard kale oo dhexda u xirtay inay joojiyaan dagaal danbe oo ka dhaca magaaladda, waxaana mar kale Puntland sheegtay in ay wadahadallada nabaddu sii socdaan.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Faroole oo shaaciyey cidda sii hurisay dagaalka Boosaaso

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland, Senator Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa si adag uga hadlay xiisadda dagaal ee ka taagan magaalada Boosaaso, taasi oo u dhaxeysa ciidamada PSF iyo kuwa Puntland.

Cabdiraxmaan Faroole ayaa sheegay in Isimada dhaqanka Puntland ee ku sugan Boosaaso ay qeyb ka yihiin colaadda Boosaaso, islamarkaana ay sii huriyeen, kadib qoraalkii ay kasoo saareen dagaalka.

“Isimadii qoraalka soo saaray iyagaa wax sii fogeeyay, ma aysan qaadan doorkii ay lahaayeen. Waxaad moodaa inay isku ku qasan yihiin doorka ay leeyihiin Isimada iyo doorka dowladda,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Faroole.

Sidoo kale waxa uu ku dhaliilay qaabka ay Isimada u wajaheen xiisadda dagaal ee ka dhex aloosan Saraakiisha ciidamada PSF iyo maamulka Puntland oo uu hogaamiyo Saciid Deni.

Faroole ayaa si adag uga soo horjeedeystay in Isimada ay door ku yeeshaan arrimaha siyaasadda iyo maamulka, maadama uu ku dooday in doorkooda uu yahay keliya inay sulux wax ku xaliyaan.

Isimada dhaqanka Puntland ee ku sugan Boosaaso ayaa bayaan ay kasoo saartay xiisadda dagaal ee ka taagan magaaladaasi, ku baaqay in xabadda la joojiyo si shuruud la’aan ah, islamarkaana loo turo shacabka.

Inkasta oo uu Faroole si cad u sheegen waxa ay xiisadda dagaal ku huriyeen Isimada, haddana waxa uu si weyn u dhaliilay qaabka ay ku wajaheen xiisadaas, oo ayadu ka dhalatay xil ka qaadis lagu sameeyay agaasimihii hay’adda PSF.

Hadalkan ayaa imanaya xili ay baaq nabadeed soo jeediyeen siyaasiyiin uu qeyb ka yahay Faroole iyo siyaasiyiin kale oo kasoo jeeda Puntland, sida Cabdwali Gaas iyo Cumar Cabdirashiid, oo shalay kulan ku yeeshay magaalada Nairobi.

Sidoo kale waxay si wada-jir ah u sheegen inay sharci tahay wareegtadii uu madaxweyne Deni xilka uga qaaday agaasimaha PSF, maadama uu xika yahay meerto, sunaha maamulkana ku dhisan yahay.

Madaxweyne Deni iyo maamulkiisa ayaa waxay usoo jeediyeen in xal ka gedisan xabadda uu ku raadiyo dhaqan-gelinta wareegtadiisa, islamarkaana hab nabadeed loo wajahayo sidii loo dhameyn lahaa xiisadda dagaal ee ka taagan Boosaaso.

Baaqyadan ayaa ku soo aadaya, ayada oo Wasiirka amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan uu ku dhowaaqay xabad joojin deg-deg ah oo ka dhaqan-geleyso magaalada Boosaaso, si loo joojiyo dagaalka ka socda gudaha magaaladaasi.

Wasiirka amniga ayaa xusay in Puntland ay haatan diyaar u tahay inay wada-hadal la gasho PSF, si degenaan loogu dhammeeyo xiisadda haatan taagan, hase yeeshe waxaa saaka dhawaaqa hubka culus laga maqlayay gudaha magaalada.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Cabdiraxmaan Cirro oo tusmeeyey in laga yaabo inuu madaxweyne sheegto

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani oo sidoo kale ah Musharaxa madaxweynaha ee xisbigaas ayaa shaaciyey in marnaba uusan aqbali doonin mucaaridku in ururada la furo ka hor doorashada madaxweynaha, xilli sharci arrintaas ku saabsan la horgeeyay Golaha Wakiilada Somaliland.

Guddoomiye Cirro ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaamay in xilligaan lagu soo beego sharciga furista ururada, isagoona sheegay in xisbigiisu aanu madaxweyne u aqoonsanaan doonin Muuse Biixi haddii uu waqtigeeda ku qaban waayo doorashada.

“Madaxweyne Muuse u aqoonsan mayno marka uu dhamaysto muddo xileedkiisa dastuuriga ah, haddii aan doorasho la qaban, maalin dhawayd waxad maqlayseen xukuumada oo tidhi ururadu way iska furanyihiin, madaxweynayaashuna way iska furnaan doonaan” ayuu yiri Cirro.

Sidoo kale waxa uu ku hanjabay in uu isku caleemo saari doono madaxweyne, haddii uu madaxweyne Muuse Biixi uu iska dayo in doorashada waqtigeeda uu dib uga dhigo.

“Waxan halkan idiinka caddaynayaa in xisbiga Waddani iyo xisbiga kale ee UCID midkoodna aanu kasoo horjeedin furista ururada siyaasada, cuqdadna ka qabin, aqbali doonina waxan xeer jidaynin, doorashooyinka waxa loo soo kala horaysiinayaa siday u kala horeeyaan.”

Waxa uu intaas kusii daray in xisbiyada mucaaridku aanay diidanayn furista ururada siyaasada, hase yeeshe ay rabaan keliya in laga horeysiiyo doorashada madaxweynaha.

“Doorashada waa in waqtigeedi lagu qabtaa, yeeli mayno in saacad lagu daro, tartanka ururada diyaar baanu u nahay marka ay dhamaato mudada xeerku siiyay jiritaanka axsaabta qaranka.”

Mowqifka uu qaatay guddoomiyaha xisbiga Waddani ee uu sheegay inay ka wada socdaan xisbiyada mucaaridka ayaa uga sii daraya xiisadda siyaasadeed ee ka taagan gudaha Somaliland, xilli ay dhawaan xildhibaano ka tirsan mucaaridka iyo xisbul xaakimka ay isku fara saareen kulan ka dhacay Golaha Wakiilada, oo ku saabsana furista ururada.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii