25.1 C
Mogadishu
Wednesday, July 1, 2026

Taliyihii amniga degmada Dayniile iyo askar ilaalo u aheyd oo qarax lagu dilay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahin dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa qarax khasaare kala duwan geystay oo ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, kaas oo ay waxyeelo xoogan kasoo saartay saraakiil iyo askar ciidan.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa lagu soo warramayaa in duleedka isbitaalka Dayniile lagula eegtay gaari uu la socdan taliyaha amniga degmadaasi, Cabdisamad Ugaas Xaashi Ugaas Faracade, kaas oo lasoo wariyey inuu ku dhintay weerarkaasi loo adeegsaday qaraxa.

Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa in isla qaraxaasi ay ku dhinteen saddex askari oo gaariga la saarneyd taliyaha, kuwaas oo magacyadooda lagu kala sheegay Cabdi Cismaan Wehliya (Fajagaal), Cabdicasiis Indha-Murux Cabdulle (Ariirow) iyo mid kale oo magaciisa lagu soo koobay Miiroow

Wararka ayaa sheegaya in taliyaha iyo askarta la socotay ee geeriyootay inay ku sii jeedeen, iyaga oo gurmad ah, halka loo yaqaano Saqiiro oo xilligaas ay ka socotay is-rasaaseyn u dhexeysay ciidamada ammaanka iyo xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray goobta, waxayna kasoo qaadeen meydka taliyaha iyo askarta la socotay, kuwaas oo isla maanta lagu aasayo magaalada Muqdisho.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan qaraxaasi lagu dilay taliyaha amniga Dayniile iyo qaar ka mid ah ilaaladiisa.

Dayniile waxaa horay uga dhacay dilal iyo weeraro qorsheysan oo qaarkood lagu beegsaday mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmadaasi.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

CC Shakuur oo shaaciyey waxa uga dhex-baxay hadalkii Mursal ee shalay (Daawo)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa shaaca ka qaaday fasiraado badan oo uga soo dhex-baxay hadal-jeedintii shalay ee guddoomiyihii hore ee golaha shacabka Maxamed Mursal oo sheegay in heshiiska doorashada uu ku egyahay inta ka hartay sanadkaan 2021-ka.

Cabdiraxmaan ayaa sheegay in hadalkii Maxamed Mursal uu muujinayo mowjado kale oo mudo kororsi ah oo isaga iyo Farmaajo ay ka shaqeynayaan, isagoo baaq u diray Ra’iisul wasaaraha iyo madaxda dowlad goboleedyada.

Sidoo kale Cabdiramaan ayaa hadalkii Mursal ku macneeyey fariinta saxda ah ee Madaxweyne Farmaajo uu u diray dadka Soomaaliyeed,

“Guddoomiyihii hore Maxamed Mursal waxuu sheegay 24 xildhibaan in la doorto inay qaadatay 55 maalmood, waxuu kaloo sheegay in heshiiskii 17-September uu ku egyahay sanadkaan 2021-ka oo maalmo yar ay ka hareen, isagoo sheegay in hey’daha dastuuriga ah ama baarkamaanku uu sii jiri doono, waxuu kaloo shegay in qodobka 30 aan laga jixinjixi doonin oo uu sii jiri doono,” ayuu yiri Cabdiramaan Cabdishakuur.

Cabdiramaan ayaa sidoo kale sheegay in markii la isku daro hadalkaas iyo dibin daabyo uu sheegay in maalmahaan ay waday kooxda Farmaajo ay muujinayaan, in Villa Somalia ay xoogga saareyso in la baahiyo shirka golaha wadatashiga qaranka oo loo balansan yahay 27-ka bishan.

“Waxaan ognahay Villa Somalia inay ku howlan tahay aruursiga ciidanka, dalacsiinta saraakiil iyo u diyaar garowga marxaladda soo socota, waxaan kaloo ognahay in Villa Somalia ay ku holan tahay in la baajiyo shirka golaha wadatashiga qaran ama la fashiliyo natiijadiisa,” ayuu yiri.

Cabdiraxmaan ayaa sheegay in Farmaajo uu doonayo in markii uu guuleysto qorshahaan lagu fashilinayo shirka Ra’iisul wasaaraha iyo madax goboleedyada, ay isaga iyo Mursal shiri doonaan baarlamaanka, si mudo kororsi kale loo sameeyo.

“Farmaajo iyo kooxda yar ee Villa Somalia kula xareysan ee shirqoolka iyo in dalkaan fidno galo ka shaqeyneysa, waxaan leeyahay taas ka waantooba, u soo noqda dadka aad meteshaan,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Ugu danbeyntii Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa Ra’iisul wasaaraha iyo madaxda dowlad goboleedyada ugu baaqay inay si mas’uuliyad iyo daacadnimo leh ay u maareeyaan marxaladaan, maadaama ay ayaga saaran tahay mas’uuliyadda marxaladaan kala guurka ah.

Hoos ka daawo

Farmaajo oo shaaciyey inuu R/W Rooble gudan waayey waajibaadkiisa, ku baaqay shir

0

Muqdisho (Caasimada Onine) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku dhawaaqay in Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu gudan waayey waajibaadkii loo igmaday ee doorshada Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa ku baaqay inay kulan deg deg ah isugu yimaadaan madaxda maamul goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir si looga wada hadlo wax uu ugu yeeray “jiheynta doorashada.”

Halkaan hoose ka akhriso warka kasoo baxay Farmaajo

BAAQ KU SAABSAN DHAB-U-JIHEYNTA DOORASHOOYINKA
Diseembar 26, 2021.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo;

Markuu dib u eegay Xeerkii Madaxweyne ee uu ku magacaabay Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble taas oo lagu faray in uu dhiso Xukuumad tayo leh oo dalka u horseedda doorasho nabdoon;

Markuu arkay heshiiskii 17kii Sebteembar 2020 ee ay wada gaareen Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir kaas oo uu Barlamaanka labadiisa Aqal ansixiyay, Madaxweynuhuna uu kusoo saaray Sharciga Lam. 30 (Law No. 30),

Markuu arkay habraacyadii hirgelinta doorashooyinka iyo xeerarkii lagu dhisay guddiyada heer Federaal, Heer Dowlad Goboleed iyo Guddiga Xallinta Khilaafaadka ee soo baxay 1-dii Oktoobar 2020;

Markuu tixraacay khudbaddii uu Madaxweynuhu ka horjeediyay Golaha Shacabka 1-dii May 2021 taas oo masuuliyadda hoggaaminta doorashooyinka uu u igmaday Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble;

Markii ay u caddaatay in 14 bilood keddib saxiixii Heshiiskii 17ka Sebteembar 2020 in aysan wali dhammeystirmin doorashooyinka dalka;

Markuu arkay inuu Wasiirka Koowaad ka gaabiyay hogaaminta iyo hirgelinta doorashooyinkii uu u xilsaaray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya sidii ku caddayd khudbaddii uu Madaxweynuhu ka horjeediyay Golaha Shacabka 1-dii May, 2021.

Markii ay caddaatay in Ra’iisul Wasaarahu uu ka leexday dhibbihii hirgelinta doorashada isaga oo kala dhantaalay wadajirka guddiyadii loo igmaday fulinta iyo qabashada doorashooyinka kuna xadgubay madaxbannaanidooda shaqo.

Markuu arkay in Ra’iisul Wasaaraha uu soosaarayo go’aanno kaligiis u gaar ah oo ay ka dhalanayaan caqabdo khatar ku ah geeddi socodka doorashooyinka;

Wuxuu Madaxweynuhu xeeriyay qodobadan;

  1. In Ra’iisul Wasaaruha uu gudan waayay waajibaadkii loo igmaday ee ahaa hogaaminta doorasho ku dhisan Heshiiskii 17kii Sebtember 2020 iyo habraacyadii dhammeystirayay ee soo baxay 1-dii Oktobar 2020;
  2. Madaxweynuhu wuxuu ku baaqayaa in la isugu yimaado shir wadatashi ah oo lagu saxayo jihaynta doorashooyinka kaas oo ay kasoo qeybgalayaan Goleyaasha Dowladda ee Heer Federaal, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir si la isugu waafaqo hoggaan awood u leh hirgelinta doorasho dhammeystiran oo si hufan dalka uga dhacdo.
  3. Madaxweynuhu wuxuu ku baaqayaa in la dhagaysto talooyinka waxgaradka, siyaasiyiinta, iyo bulshada rayidka ah ee qaba tabashooyinka la xiriira doorashooyinka si loo helo hannaan doorasho oo ku dhammaada jawi nabdoon oo loo siman yahay.

DHAMMAAN

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;

Cabdullaahi Maxamed Nuur ma Farmaajo ayuu u galay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka amniga Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa cambaareyn xooggan kala kulmay inuu maanta Farmaajo ugu yeeray “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya,” kadib muddo uu inkirsanaa.

Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa kahor inta aan wasiirka amniga loo magacaabin, ee uu socday loolankii u dhaxeeyey Farmaajo iyo mucaaradkii Badbaado Qaran, wuxuu Farmaajo ugu yeeri jiray “Madaxweynihii hore ee Soomaaliya.”

Cabdullaahi ayaa xitaa kasii fogaa xubnaha kale ee mucaaradka oo Farmaajo ugu yeera madaxweynaha muddo xileedksiiu dhammaaday, isaga oo si cad u sheegi jiray inuu si sharci darro ah ku joogo Villa Somalia. Wuxuu sidoo kale ugu yeeray “hoggaamiye kooxeed kaligii taliye ah.”

Hase yeeshee munaasabad maanta ka dhacday Muqdisho, oo loogu dabaal-degayey sanad-guuradii 78-aad ee aas-aaska ciidamada booliska Soomaaliya, ayuu Cabdullaahi Maxamed Nuur ayada oo ay daawanayaan boqoaal qof, wuxuu Farmaajo ugu wacay “Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya.”

Hadalkaas ayaa niyad jabiyey dad badan oo taageersanaa wasiirka ama ka mid ah mucaaradka Farmaajo, kuwaas oo aad ugu dhaleeceeyey baraha bulshada.

Waxay ugu yeeraan siyaasi aan mabda’ laheyn, oo wixii uu markii horeba u qeylinayey uu ahaa kursiga, kaasi oo hadda oo uu helay ay ka dhigtay inuu hilmaamo qofkii uu shalay ahaa.

Ka sokow hadalka kasoo yeeray Cabdullaahi, waxaa maalmahan jiray warar sheegaya inuu xulufo la noqday madaxweynaha, oo ka furtay ra’iisul wasaare Rooble oo dagaal xooggan oo la xiriiray magacaabista wasiirka kala kulmay Farmaajo.

Hadalka maanta kasoo yeeray Cabdullaahi Maxamed Nuur iyo wararka suuqa ugu jira waxay tusaale u yihiin in Soomaalida ay ku yar yihiin siyaasiyiin mabda’ iyo qiyam leh, oo dhammaantood ay mucaaradnimadooda iyo muxaafadnimadooda uu saldhig u yahay kaliya kursiga.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Midowga Masharaxiinta oo war kasoo saaray laba arrin oo xasaasi ah oo taagan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Midowga Masharaxiinta oo war ka soo saaray khilaafka guddiyada doorashada ayaa ku baaqay in deg deg loo soo doorto hoggaanka guddiga doorashada heer federaalka iyo kan xalinta khilaafaadka, kadib markii xilalkii laga qaaday labadii guddoomiye ee guddiyadaas.

Golaha ayaa sidoo kale guddiyada doorashada ugu baaqay in aysan ku milmin arrinaha siyaasadda, kana shaqeeyaan sidii ay dalka uga qabsoomi lahayd doorasho hufan oo daahfuran.

“Golaha Midowga Murashaxiinta wuxuu ugu baaqayaa guddiga doorashada heer federaal iyo guddiga xallinta khilaafaadka in ay si deg deg ah hoggaan u doortaan,” ayaa lagu yiri bayaanka midowga, oo muujinaya inay ku qanacsan yihiin in la eryo guddoomiyeyaasha guddiyada doorashada.

War-saxaafadeedka Golaha ayaa lagu sheegay Midowga Musharaxiinta ay aaminsan yihiin in xalku uu ku jiro qabsoomidda doorasho hufan oo daahfuran ‘taas oo keenaysa in natiijadeedana la aqbalo.’

“Goluhu wuxuu hoosta ka xarriiqayaa muhiimadda uu leeyahay shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee loo ballansan yahay 27 Disember. Goluhu wuxuu rajaynayaa in ay shirka ka soo baxdo natiijo togan oo lagu toosinayo geeddi-socodka doorashada, laguna dardar gelinayo meelmarinteeda,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Warkaan ka soo baxay Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa ku soo aaday xilli galabta xubno ka tirsan guddiga doorashada ee heer federaal ee FEIT ay xilkii ka qaadeen guddoomiyahoodii Maxamed Xasan Cirro.

Sidoo kale todobaadkii hore Ra’iisul wasaare Rooble ayaa 7 xubnood oo guddoomiyihii uu ku jiro waxuu ka eryey guddiga xalinta khilaafaadka doorashada, waxayna tallaabooyinkaas musharaxiinta mucaaradka ah u miijiyeen qaneeco, iyagoo dalbaday in si deg deg ah ay guddiyadu u doortaan guddoon cusub.

Daawo: Guddoomiye Mursal oo tusmeeyay inuu socdo qorshe muddo kororsi cusub

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyihii hore ee golaha shacabka Maxamed Mursal Cabdiraxmaan oo maanta hadal ka jeediyey munaasabadii booliska ayaa hadlay arrimaha doorashooyinka dalka, asigoo sheegay hishiiska 17-kii September uu ku egyahay bishaan December 2021-ka.

Mursal ayaa sheegay in bulshada looga baahan yahay inay ku baraarugto in heshiiska doorashada uu yahay mid ku eg sanadkaan 2021-ka oo maalmo kooban ay ka harsan yihiin, isagoo rajo xumo weyn ka muujiyey qaabka ay u socoto doorashada golaha shacabka oo wax badan dib u dhacday.

Sidoo kale Maxamed Mursal ayaa sheegay in 55 maalmood ay qaadatay in la doorto 24 xildhibaan oo ka tirsan xubnaha cusub ee golaha shacabka, halka ay hartay doorashada 251 xildhibaan.

“Heshiiska siyaasadeed ee doorashada waxaa ku qoran 2020-2021, heshiiskaas Madaxweynaha ayaa ku soo saaray sharci lambar 30, Madaxweynuhu waxuu heshiiskaas ogolaaday in doorasho lagu aado, waxaa ku qoreyd in heshiiskaas uu ku egyahay sanadkaan 2021-ka,” ayuu yiri Maxamed Mursal guddoomiyihii hore ee golaha shacabka.

Mursal ayaa sheegay in dadka u xilsaaran doorashada looga baahan yahay inay ku baraarugaan in waqtiga heshiiskaas uu dhawaan dhacayo, “Inta ka hartay bishaan December aad ayey muhiim u tahay,” ayuu yiri.

Gudoomiye Mursal ayaa sheegay inay horay uga taxadareen in dalku galo firaaq dastuuri ah, oo ay bedeleen qodob ka mid ah dastuurka, si ay u sii jiraan hey’adaha dowladda ilaa inta laga soo dhisayo golayaal cusub.

“Sharciga lambar 30 waa sii jiri doonaa, ilaa baarlamaanka 11-aad laga dhaariyo, aad ayaan ugu faraxsanahay in Alle nagu badbaadiyey dadaalkii aan horay u bixinay,” ayuu yiri Maxamed Mursal.

Hadalka Mursal ayaa waxaa si toos ah loogu macneeyey inuu tusmeynayo isku day muddo kororsi labaad oo socda, xilli la sheegay in Farmaajo isku dayayo inuu carqaladeeyo doorashada dalka.

Hoos ka daawo

Daawo: Wasiir Al-Cadaala oo shaaca ka qaaday sababta weerarka loogu hayo Rooble

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Al-Cadaala oo goordhaw shir jaraa’id qabtay ayaa digniin u diray dadka dacaayadaha been abuurka ka faafinaya Ra’iisul Wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble.

Wasiir Al-Cadaala ayaa sheegay in dadka isku howlaya inay magac-dilaan Ra’iisul Wasaaraha ay caqabad u raadinayaan howsha socota ee doorashada oo danahooda gaarka ah ay ka dhex-waayeen, isagoo nasiib darro ku tilmaamay in saraakiil iyo mas’uuliyiin dowladeed loo adeegsaday fidinta dacaayadahaas ka dhan ah Ra’iisul Wasaaraha Qaranka.

“Waxaa runtii nasiib darro ah, in abaabulka dacaayadahaas loo adeegsaday saraakiil ciidan oo darajadii qaranka lebisan iyo qaar ka mid ah hey’adaha rayidka ah ee dowladda, Ra’iisul Wasaaraha oo u turaya dalka iyo dadka waxa uu go’aansaday in qaladkaas isla hey’adaha dowladda lagu dhex saxo,” ayuu yiri wasiir ku xigeenka warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Al-Cadaala.

Hase yeeshee nasiib darro waxa uu sheegay in guddiyadii loo xil-saaray baritaanka arrintaas magac dilka ku ah Ra’iisul wasaaraha ay la kulmayaan cadaadis ka dhan ah howshooda.

“Saraakiishii ciidamada ee loo xil-saaray baaritaanka arrintaas waxaa nasiib darro ah in faro-galin lagu sameeyey oo laga hor istaagay qaraaradii ay qaadan lahaayeen. Waxaan ognahay go’aanadii ay gaareen in la diiday oo dib loogu celiyey, taas oo muujineysa heerka uu gaarsiisan yahay abaabulkaas iyo sida la doonayo in lagu jaha wareeriyo oo lagu milo hey’adaha dowladda qeybo badan oo ka mid ah, gaar ahaan ciidamada,” ayuu hadalkiisa ku sii daray wasiir Al-Cadaala.

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaruhu uu uga digayo saraakiisha ciidamada Qaranka inay ku milmaan siyaasadda dalka, taas bedelkeedna ay gutaan waajibkooda oo dadka Soomaaliyeed ay ugu adeegaan si waafaqsan waajibaadka uu sharcigu siiyey.

“Waxaa lala socodsiinayaa cid kasta oo caadeysatay ku noq-noqoshada falalka ka baxsan sharciga oo dooneysa inay dano qaas ah ugu adeegto xafiisyada ay joogto, inay la kulmi doonto tallaabo anshaxeed iyo mid ciqaabeed oo ka jawaabeysa falalka ay ku kaceen,” ayuu yiri wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta XFS.

Ugu dambeyntii wasiir Cabdiraxmaan Al-Cadaala ayaa sheegay in dalkaan uu ku jiro marxalad cakiran oo u baahan isku duubnaan, midnimo iyo badbaado lagu dhiirado, si looga gudbiyo isgoyskaan iyo marxaladaan adag.

“Xukuumaddu ma ogolaan karto in tallaabooyin dhaca oo laga hor tegi karo ay keenaan in berri ay dadka Soomaaliyeed is dilaan oo dowladnimada Soomaaliyeed ay ku burburto, si sahlan oo dano shakhsi ah ku saleysan, sidaas darteed waxaan weydiisaneynaa shacabka Soomaaliyeed inay garab istaagan xukuumadda oo u adeegeysa jiritaanka iyo danaha dowladnimada iyo umadda Soomaaliyeed, kana hufan danaha shakhsiga ah, xalka kaliya ee dalkaan uu leeyahay waa doorasho iyo inay taaba-galaan waxii lagu heshiiyey, xukuumaduna intaas ayey ka shaqeyneysaa,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Al-Cadaala wasiir ku xigeenka warfaafinta Soomaaliya.

Hoos ka daawo

Wararkii ugu dambeeyey ee dadaallo xal loogu raadinayo xiisadda Boosaaso + Sawirro

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay madaxweynayaashii ka horreeyay ee kala ah Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Ra’iisul Wasaare hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid iyo siyaasiyiin kasoo safartay magaalada Nairobi ee Kenya.

Kulanka oo uu sidoo kale goobjoog ka ahaa Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash), ayaa ujeedkiisu ahaa in xal loo raadiyo xiisadda Boosaaso ee ka dhalatay xil ka qaadista Agaasimaha PSF iyo diidmada uu go’aankaas ku sameeyay Maxamuud Cismaan Diyaano.

Faroole, Gaas iyo Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay in ay u istaageen xal u helista dagaalka saddexda cishe ka socday magaalada Boosaaso xarunta gobolka Bari oo sababay dhimasho, dhaawac, barakac iyo Burbur soo gaaray goobo kala duwan.

Wafdiga ka gaaray magaalada Garoowe ayaa la filayaa inay tagaan magaalada Boosaaso si ay ula kulmaan dhinaca kale ee PSF, waxaana la filayaa maalmaha soo socdo in xal laga gaaro xiisadda ka taagan Boosaaso.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ballan-qaaday in ciidanka ka amar-qaata ee dagaalka kala hortagay PSF in ay joojinayaan rasaasta, waxa uu tilmaamay in uu diyaar u yahay xal weliba oo ay go’aan u arkaan Isimada, Bulshada rayidka, Madaxdii hore ee Puntland iyo dhinacyada kale ee waan-waanta wada.

Garoowe iyo Boosaaso waxaa ka socda kulamo xal loogu raadinayo sidii loosoo afjari lahaa xiisadda ka dhalatay dagaalka dhex maray Ciiamada ka kala amar-qaata Siciid Deni oo ah Madaxweynaha DG Puntland & kuwa PSF ee oo diidan in xilka laga qaado Agaasime Maxamuud Cismaan Diyaano.

Guddoomiyihii guddiga doorashada heer federaal, Cirro oo xilka laga qaaday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyinka heer Federaal ayaa ku dhawaaqay inay xilkii ka qaadeen Maxamed Xasan Cirro oo ahaa guddoomiyihii guddiga tan iyo markii la aasaasay.

Kulan ay isugu yimaadeen dhammaan xubnaha guddiga doorashooyinka heer Federal oo ka dhacay Muqdisho ayaa looga dhawaaqay in xilkii laga qaaday kadib markii laga soo gudbiyey mooshin iyo eedeyn.

Guddiga ayaa guddoomiyihii hore ku eedeyeey shaqo gudasho la’aan iyo inuu ku milmay siyaasadda.

Qodobada ay soo saareen guddiga ee lagu eedeeyey guddoomiye Cirro ayaa kala ahaa:

1- In guddoomiye Maxamed Xasan uu xadgudub joogto ah ku hayo guddiyada doorashada.
2- Inuusan wax wada-tashi ah la sameyn guddoonka iyo guddiyada intiisa kale.
3 – In uu lumiyey madax banaanadii guddiga doorashooyinka isla markaasna uu baal maray xeerarkii guddi hoosaadka u yaalay iyo habraacii guud ee doorashada Dalka.
4- Inuu iska qaatay go’aano qatar u keeni kara doorashada oo uusan guddiga waxba ka ogeyn kuna matalin.
5- inuu sabab u noqday guddoomiyaha inuu xumaado xiriirkii ka dhaxeeyey guddiyada dhexdooda iyo golaha wada-tashiga Qaranka.
6- Wada-shaqeyn xumo u dhaxeysa guddoomiyaha, guddiyada heer maamul Goboleed iyo guddiga xalinta khilaafaadka.

Halkaan hoose ka daawo xil ka qaadista lagu sameeyey guddoomiye Cirro

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Madaxweyne Farmaajo oo ka digay in wax laga beddelo heshiiskii 17-ka September

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qeyb galey munaasabadda xuska 78-aad ee kasoo wareegtay markii dhidibada loo aasay ciidanka Booliiska Soomaaliya.

Farmaajo oo jeediyey khudbad dhinacyo badan taabaneysa ayaa ka hadlay doorashada ka socoto dalka, wuxuuna ku baaqay in aan lagu dag dagin isbadal lagu sameeyo heshiiska 17-septembar oo ay wada saxiixdeen Madaxda Dowladda Federaalka Dowlad Goboleedyada.

“Waxaan aaminsanahay in Ra’iisulwasaaraha iyo madaxda dowlad-goboleedyadu wax badan qabteen,doorashada dadban iyadaaba muran ku dhisan,heshiiskii 17-Septemper waan saxiixay meel buuna yaallaa wuxuu ahaa mid laga fakaray waa in la iska ilaaliyaa in wax lag baddalo,” ayuu yiri Farmaajo.

”Madaxweynayaasha iyo Ra’iisulwasaaraha waa inay diiradda saaraan qabsoomidda doorasho hufan caddaalad ku dhisan qof walba oo muwaadin ahna u tartamikaro,waxa nalaka sugaayo waa doorasho.”

Hadalka Farmaajo ayaa kusoo aadayo xilli la filayo inay dhawaan kulan Muqdisho ku yeeshaan Golaha Wada-tashiga Qaran, waxayna warar soo baxayo sheegayaan inay qorsheynayaan in wax laga badalo qaabka ay u socoto doorashada weliba si gaar ah in hal deegaan doorasho laga dhigo.

Hadalka Farmaajo ayaa u muuqda farriin loo dirayo madaxda maamul Goboleedyada iyo Ra’isulwasaare Maxamed Xuseen Rooble isla markaasna looga digayo inay wax ka badalaan heshiiskii horey loo saxiixday.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Magacyada shaqsiyaadka uu Axmed Madoobe la rabo kuraasta la shaaciyey (Aqri)

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka Jubaland ayaa shaacisay liiska xubnaha guddiyada ee soo xulaya ergada dooraneysa lixda kursi ee ugu horreeya xubnaha Golaha Shacabka ee ka imaanaya degaanada maamulkaas gaar ahaan degmada Kismaayo.

Durba waxaa soo baxeyso cabasho laga muujinayo sida uu Axmed Madoobe ku wajahayo doorashada Golaha Shacabka, waxaana lagu eedeeyey inuu Kuraasta dhan u diyaarsaday shaqsiyaad uu isaga aaminsan yahay.

Sidoo kale waxaa lagu eedeeyey inuusan wax talo ah ka siin salaadiinta iyo odayaasha dhaqanka rasmiga ah ee loogu talagalay inay soo xulaan ergada dooraneyso Kuraasta.

Oday dhaqameedyadii rasmiga ahaa ayaa haatan qaarkood si cad uga hor yimid inuu Ahmed Madoobe doorashada sida uu isaga rabo ka sameeyo.

Waxaa fashilmay qorsho uu Axmed Madoobe ku doonayey in ergada soo dooraneyso dhammaantood laga dhigo Askar isaga ka amar qaata, waxaana qorshahaan Axmed Madoobe la waday guddoomiyaha guddiga doorashada ee Jubbaland.

Kuraasta hadda lagu dhawaaqayo doorashadooda ayaa la sheegay inuu Axmed Madoobe doonayo inay kusoo baxaan shaqsiyaadka hoose ku qoran:

Kursiga iyo qofka la siinayo

HOP#217: Xasan Cabdi Ismaaciil (Xasan Firinbi)
HOP#203: Xamza Cabdi Barre (Gudoomiyahii doorashada Axmed Madoobe)
HOP#082: Cabdirashid Jire Qalinle (Wasiirka madaxtooyada Jubaland)
HOP#028: Cabdiniur Cali Aadan
HOP#134: Sahra Jaamac Cali (Sahra Qoorsheel)
HOP#113: Maryan Aweys Jamac (Wasiiradda gaadiidka badda)
HOP#136: Cumar Yuusuf Galadiid, waxaa kursiga loo diidan yahay Colneel Khaalid Cabdullahi
HOP#072: Cabdirashiid Maxamed Xidig, waxaa kursiga loo diidan yahay Cabdi Cali Raage
HOP#219: Rooda Carab (Jinni Boqor) iyo Koojaar midkood, waxaa kursiga loo diidan yahay xildhibaan Cabdifatax Maxamed Cali.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Beesha Habargidir oo digniin culus kasoo saaray culeys lagu hayo R/W ROOBLE

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha hoggaaminta Beesha Habagidir ayaa Maanta soo saaray digniin culus oo ku saabsan hagar daacin ay sheegeen in lagu hayo habsami socodka doorashada Soomaaliya.

Golaha ayaa sheegay inay u muuqato ififaalo iyo dhaq-dhaqaaqyo keeni kara xasilooni daro, colaad iyo carqaladeyn habsame u socodka iyo taaba gelinta doorashada Dalka ee uu hormuudka ka yahay Ra’isulwasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble.

Guddoomiyaha Golaha Hogaaminta Habargidir Prof Cabdulqaadir Maxamed Shirwac oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdsiho ayaa sheegay inay soo saareen qodobada soo socda:

1 – In loo midoobo taaba gelinta doorashada Dalka lagana fogaado wax kasta oo carqaladeyn kara ka shaqeynta doorasho xor iyo xalaal ah.

2 – In Ra’isulwasaaraha iyo xukuumadiisa lagu gacan siiyo dardar gelinta doorashada loona madax baneeyo gudashada waajibaadkoooda dastuuriga ah iyo heshiisyadii ay gaareen Golaha wada tashiga Qaranka.

3 – In Ra’isulwasaaraha kasoo dhalaalo hanka iyo rajada ay umadda Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka ka sugayaan, taasoo ah qabashada doorasho hufan si dalka looga saaro firaaqa dastuuriga oo ay ku jiraan hey’adaha Federaalka qaarkood.

4 – Golaha hoggaaminta Habargidir wuxuu ka digayaa cawaaqibka ka dhallan karta haddii la isku dayo majaxaabin iyo hagardaamin lagu sameeyo howlaha doorashada ee Ra’isulwasaaraha hormuudka ka yahay.

5 – Golaha wuxuu garab taagan yahay habsami socodka doorasho hufan oo lagu kalsoon yahay.

6 – Golaha wuxuu Beesha Caalamka ugu baaqayaa inay culeyskooda isugu geeyaan si dalka ay uga dhacdo doorasho natiijadeeda lagu wada qanco taasoo dalka ka badbaadin karta qatar siyaasadeed iyo mid amni.

7 – Goluhu wuxuu hey’adaha gargaarka iyo ganacsatada ugu baaqayaa inay dhammaan ka qeybgalaan gargaarka loo fidinayo dadka ay saameysay abaaraha.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Wararkii u dambeeyey wada-hadallo u socdo Rooble iyo Musharixiinta + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa haatan ka socda shir gaar ah oo u dhexeeyo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Musharixiinta Mucaaradka, kaas oo looga hadlayo xaaladda taagan iyo doorashooyinka.

Wararka ayaa sheegaya in shirkan oo ah mid xasaasi ah uu goordhow ka billowday hoyga ra’iisul wasaaraha, waxaana madasha ku sugan inta badan xubnaha mucaaradka.

Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilow ku dhow shirka ayaa waxa ay dhinacyadu diiradda saari doonaan arrimo ku aadan shirka loo ballan yahay 27-ka bishan, kaas oo u dhexeeyo Rooble, madaxda maamul goboleedyada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in xubnaha mucaaradka ay doonayaan inay qeyb ka noqdaan shirkaasi, maadaama looga hadlayo doorashada iyo qaladaadka ka jira.

Golaha Midowga Musharixiinta ayaa horey u soo saaray qoraal wadajir ah oo ay ku soo dhoweeyeen shirka ka dhacaya magaalada Muqdisho ee Golaha Wada-tashiga Qaran.

Shirkan wuxuu kusoo aadayaa, xilli xasaasi ah, isla-markaana ay weli cabasho ka taagan tahay doorashada Soomaaliya, gaar ahaan mida xildhibaanada Golaha Shacabka.

Si kastaba, lama oga sida ay markale iskula jaan qaadi karaan ra’iisul wasaaraha iyo musharixiinta muddooyinkii u dambeeyey aad isugu hayey doorashooyinka dalka.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

DF oo xirtay qeybtii Amisom, QM iyo Reer Galbeedka ay adeegsan jireen ee garoonka Muqdisho kadib eedeyn culus

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xirtay terminal-ka MOVCON ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, kaasi oo ay adeegsan jireen QM, Amisom iyo safaaradaha reer galbeedka.

Warqad kasoo baxday maareeye ku-xigeenka garoonka Aadan Cadde, Caydaruus Axmed Kaahiye ayaa lagu sheegay in go’aankan la qaatay kadib amar kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya.

Duulimaadyada Amisom, QM iyo safaaradaha reer galbeedka ayaa lagu war-geliyey in hadda kadib ay adeegsan doonaan terminal-ka shacabka caadiga ah iyo qeybta VIP.

Warqadda kasoo baxday Wasaaradda Arrimaha Dibedda, oo ay heshay Caasimada Online, ayaa lagu sheegay in dhowr sababood loo xiray MOVCON oo ay ka mid tahay inay adeegsadaan rakaab aan aheyn AMISOM iyo QM, taasi oo jebineysa hanaanka socdaalka sharciga ah.

Waxaa sidoo kale warqadda lagu sheegay in marar badan ay dhacday in duulimaadyada QM ay soo cago dhigteen garoonka ayaga oo aan kahor waaxda socdaalka usoo gudbin dokumentiyada rasmiga ah.

Wasaaradda Arrimaha Dibdda Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay in qaar ka mid ah duulimaadyada adeegsada MOVCON ay soo qaadeen dad aan haysan baasabooro ama ay warqado ka dhiman yihiin, taasi oo ka dhigan inay si sharci darro ah kusoo galeen Soomaaliya.

Warqadda ayaa qaar ka mid ah qandaraaslayaasha QM ku eedeysay inay terminal-ka MOVCON u adeegsadeen inay ka gudbiyaan waxyaabo sharci-darro ah.

Warqadda ayaa intaas ku dartay in sidoo kale ay jiraan xaalado qaar ka mid ah shaqaalaha waaxda socdaalka lagu xadgudbay ama loo hanjabay, taasi oo horey loogala hadlay QM.

Hoos ka aqriso warqadaha maareeye ku-xigeenka iyo tan wasaaradda arrimaha dibedda

Wasiir Jamaal oo shaqada ka eryey agaasimihii guud ee wasaaradda qorsheynta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaarada qorsheynta xukuumadda federalka Soomaaliya, Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa shaqadii ka joojiyey agaasimaha guud ee wasaaraddaas, Mudane Cabdiqaadir Maxamed Aadan, kadib eedeymo loo soo jeediyey.

Warqad kasoo baxday xafiiska wasiirka, isla-markaana lagu socodsiiyey ra’iisul wasaaraha ayaa lagu sheegay in maanta laga bilaabayo xilka laga qaaday agaasimaha, iyada oo si KMG ah xilkaas loogu dhiibay Asad Yuusuf oo ahaa madaxa xiriirka ee deeq-bixiyeyaasha.

“Laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 25-12-2021 in Cabdiqaadir Maxamed Aadan laga joojiyey ku howlgalidda xilka agaasimaha guud ee waasaaradda,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Agaasimaha shaqada laga joojiyey ee Cabdiqaadir Maxamed ayaa waxaa la sheegay inay cabasho xoogan ka keeneen waaxyaha ay ka kooban tahay wasaaradda iyo shaqaalahaba.

Sidoo kale waxaa lagu eedeeyey inuu sameeyey ku takri fal awoodeed oo ka dhan ah shaqaalaha ka howl-galka wasaaradda qorsheynta Soomaaliya.

Hay’adaha kale ee dowladda ayaa sidoo kale la faray inay inay la shaqeeyaan agaasimaha cusub, isla-markaana ay gacan ku siiyaan waajibaadka shaqo ee loo igmaday.

“Waxaan dhammaan hay’adda dowladda ka codsaneynaa inay la shaqeeyaan gacana ku siiyaan gudasha waajibaadkiisa shaqo sii hayaha xilka agaasimaha guud ee waasaradda,” ayaa markale lagu yiri warqadda kasoo baxday xafiiska wasiirka wasaaradda qorsheynta.

Wasaaradda qorsheynta Soomaaliya ayaa ka mid ah wasaaradaha ugu muhiimsan dowladda, waxayna qabataa shaqooyin badan oo gudaha iyo dibadda isugu jira.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Mudullood: Rooble waxaan ku taageereynaa awood ciidan iyo mid dhaqaale + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Yuusuf Xaaji Maxamuud oo ka mid ah waxgaradka beelaha Mudullood oo maanta hadal ka jeediyey kulan ay xaalada dalka ka yeesheen waxgaradka beeshaas ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaare Rooble ay diyaar ula yihiin xoog iyo xoolo, hadii ay daacad ka tahay inuu si dhab ah u maareeyo xaaladaan kala guurka ah ee dalku ku jiro.

Waxa uu cadeeyey in beesha Mudulood ay Rooble ku taageeri doonto taaba-gelinta cadaaladda, balse wax kale aysan isugu imaa doonin, “Hadii gudashada howshaan ay dhab kaa tahay Rooblow waxaan diyaar kuula nahay garab iyo dhaqaale,” ayuu yiri  Yuusuf Xaaji.

Waxuu intaas ku sii daray, “Ra’iisul wasaare taladaada iyo go’aanka aad gaartay hadii aad ka tanaasusho xilka ayaad ku weysay, go’aanadaada cidii fulin laheyd waa laguu haayaa, hadii lagaala hadlo ama lagaa hor istaago go’aankii aad guddiga khilaafaadka uga ceyrisay xubnaha oo aad ka tanaasusho dalka adigaa burburiyey.”

Yuusuf Xaaji waxa uu sheegay in dalku uu galay xaalad adag, isla markaana qof maanta badbaadi kara uu yahay Ra’iisul wasaaraha, hidii uu noqdo nin daacad ah oo go’aan leh.

“Rooblow waan kuu balan qaadeynaa hadii ay daacad kaa tahay dalka inaad badbaadiso, hiil hoo ah iyo mid xoog ah intaba waan ku siineynaa, xoogaas ma ahan in wax lagu duminaayo ee waa mid dalka lagu badbaadinaayo,” ayuu yiri.

Yuusuf Xaaji ayaa sheegay in aysan diyaar u aheyn gacan ka hadal, balse hadii xaaladda la gaarsiiyo aysan kasii aamusnaa doonin.

“Dalkaan in la dumiyo dhibkeeda waan soo aragnay, laakiin hadii duruuftu kalifto oo dagaal laga baaqsan waayo, waxaan u sheegeynaa in garoonka iyo dekedu xirmi doonaan, guryaha magaalada ee la canshuurana aysan sii soca doonin, war dalkaan meesha loo wado halaga joogo,” ayuu yiri Yuusuf Xaaji Maxamuud oo ka mid ah waxgaradka beelaha Mudullood.

Hoos ka daawo

Jubaland oo hab ka duwan Galmudug iyo K/Galbeed u qabaneysa doorashada

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa shaacisay liiska xubnaha guddiyada ee soo xulaya ergada dooraneysa lixda kursi ee ugu horreeya xubnaha Golaha Shacabka ee ka imaanaya degaanada maamulkaas gaar ahaan degmada Kismaayo.

Guddiga doorashada ee Jubbaland ayaa soo gudbiyey liiska guddiyada ergada diyaaranaya, waxayna isugu jiraan oday dhaqameedyo iyo bulshada rayidka ah.

“Guddiga Hirgalinta doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Jubaland SEIT waxay halkan kusoo gudbinayaan Guddiyada xulista Ergooyinka kuraasta 6-da ah ee la shaaciyay 23/12/2021 kuwaasoo kamid ah 43-da kursi ee ku asteysan dawlad Goboleedka Jubaland,” ayaa lagu yiri warqadda kasoo baxday guddiga hirgelinta doorashada ee Jubbaland.

Doorashada lixdan kursi ayaa la filayaa in maalmaha soo socda ay ka qabsoonto gudaha magaallo xeebeedka Kismaayo oo haatan laga dareemayo qaban-qaabo xoogan.

Jubbaland ayaa u muuqata inay si ka duwan maamullada Galmudug iyo Koonfur Galbeed u qabaneyso doorashada Golaha Shacabka, waana maamul goboleedkii ugu horreeyey ee soo bandhiga guddiga soo xulaya ergooyinka, taas oo aysan horey u sameyn maamullada kale.

Sidoo kale waxay tallaabadan fure u noqoneysaa hannaanka daah furnaanta ee doorashada Golaha Shacabka oo haatan cabasho xoogan ay ka muujinayaan xubnaha mucaaradka.

Si kastaba, doorashada Soomaaliya oo marxalado kala duwan soo martay ayaa haatan mareysa meel wanaagsan, walow ay weli dood ka taagan tahay dhammeystirkeeda.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

 

Masaafada uu FARMAAJO u jaray Itoobiyaan jaceylka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Farmaajo ayaa loo diiwaan galiyey madaxweynihii koowaad ee Soomaali ah oo burburka kadib dowladiisa fagaaraha ka difaacdo Dowladda Itoobiya.

Farmaajo, oo xafiiska ku yimid inuu yahay siyaasiga ugu fog xagga naceybka Soomaalida u qabto Itoobiyaanka waqti dheer, ayaa waxaa si deg deg ah ugu dhacay isbadal masaafadiisa illaa hadda ay Soomaalida la yaaban tahay.

Tallaabadii Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay qaaday asbuucaan waxay ahaan doontaa mid diiwaan ku leh taariikhda siyaasadeed ee Soomaaliya.

Golaha xuduuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa cod uu qaaday ku ansixiyey dhismaha guddi khubaro ah oo Caalami ah oo baaritaan ku sameenaya tacadiyada xuquuqda Aadanaha ee ka dhacay Wadanka Itoobiya intii uu socday dagaalka aan weli dhammaan.

Codeynta ayaa dhacday kadib shir looga hadlay xaaladda xuquuqda Aadanaha ee Itoobiya. Saraakiisha Qaramada Midoobay ayaa si weyn uga digay in dagaalka ka socda waddanka Itoobiya uu saameyn taban ku yeelan karo dhammaan dalalka gobolka.

Codeyntii la qaaday iyo halka ay Soomaaliya ka istaagtay ayaa si weyn uga marqaati kacday jaceylka uu Madaxweyne Farmaajo u qabo xukuumadda Abiy Ahmed.

21 waddan oo kamid ah wadamada ku jira golaha xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay waxay ku codeeyeen inay ansixiyaan qaraarkaas, waxaana kasoo horjeesatay 15 wadan halka ay 11 kalana ka aamuseen.

Wadamada ansixiyey in Itoobiya loo diro guddi heer caalami ah oo baara xasuuqa lagula kacay dadka rayidka ah intii ay dagaalada socdeen waxaa kamid ah Ingiriiska iyo Jarmalka.

Markii aad tahay Soomaali sheekadaan waxay kaa khuseysaa halka uu dalkaagu ka istaagay qadiyadaan lagu baarayo xasuuqaas dhacay.

Soomaaliya waxay kamid noqotay dhowrkii dal ee diidmada ugu codeeyey in guddigaas baarista ah loo diro Itoobiya.

Sidoo kale Eritrea ayaa kamid ah dalalka iyaguna diiday in la baaro tacyadigaan ka dhacay Itoobiya oo ay ku kacday xukuumadda Ra’isul Wasaare Abiy Ahmed.

Maadaama dadka Soomaalida ay xasaasiyad ka qabaan isku dhajinta uu Farmaajo isku dhajinayo Itoobiya, waxaa Dowladda Soomaaliya u furneyd inay ka aamusto arrintaan haddii aysan taageeri karin in la baaro xasuuqa, ayey leeyihiin dadkii arrintaan fikirka ka dhiibtay.

Wadamada ka aamusay mowduucaan waxaa kamid ah Senegal, Libya, Malawi iyo Sudan. Guddigaan wuxuu shaqeyn doonaa muddo sanad ah, wuxuu kormeeri doonaa xaaladaha xuquuqda aadanaha ee Itoobiya, wuxuuna baarayaa tacayadii dhacay intii ay dagaalada socdeen.

Wuxuu ka koobnaan doonaa seddex qof. Xukuumadda Addis Ababa ayaa diiday guddigaan iyadoo ku doodeysa in dalal dano gaar ah wata inay golaha afduubteen.

Haddii aan usoo laabano midda ku saabsan Farmaajo

Madaxweynaha mudada ka dhammaatay ee Soomaaliya ayaa waayihiisa kusoo gabagabeeyey inuu meel fagaaro ah ka difaaco Itoobiya oo dunida dooneyso in lala xisaabtamo.

In Farmaajo oo waayihiisa ku billaabay Itoobiyaan naceyb uu maanta kusoo afjaro Itoobiyaan jaceyl kama dhigi doonto qofka ay u sheegayaan kuwa ku hareereysan, wuxuu kaloo dilay in siyaasiyiinta Soomaalida mar kale laga dhageysto inay wax ku raadsadaan cadaawadda Dalalka dariska ah.

Farmaajo wuxuu asbuucaan u safray dalka Turkiga, wuxuu sii maray wadanka Itoobiya, wuxuu raacay diyaaradda Ethiopian Airlines oo safar dheer ah isagoo heli karay safar midkaas ka saacado yar oo ah Turkish Airline.

Sababta waxaa lagu sheegay inuu diidan yahay inuu Jabuuti sii maro, maadaama ay si shakhsi ah isugu dhacsan yihiin isaga iyo madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, wuxuuna ka door biday inuu Itoobiya sii maro.

Madaxweyne Farmaajo wuxuu horey u diiday in la baaro xasuuqii ka dhacay magaalada Baydhaba oo ay geysatay dowladiisu, wuxuuna dalka ka eryey Wakiilkii Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya Nicholas Haysom mana ah wax lala yaabo inuu diiday in la baaro xasuuq Dal kale ka dhacay, balse midda lala yaaban yahay waa in cidda uu difaacayo ay tahay Itoobya.

Tallaabadaan waxay sii durjineysaa dad badan oo aaminsanaa in xisaabta xaaladaha waaweyn ay u saxan tahay Farmaajo. Tallaabadaan itoobiyaan jaceylka ah wuxuu Farmaajo qaaday iyadoo uu Dalka ku jiro xilli doorasho oo xasaasi ah.

Meydka Imaam Maxamed Xasan Aadan oo ka mid ahaa Soomaalida Ohio oo la helay

Columbus (Caasimada Online) – Meydka Sheekh Maxamed Xasan Aadan oo imaam ka ahaa Masjidka Abu Hureyra ee Soomaalida magaalada Columbus ee gobolka Ohio ee dalka Mareykanka ayaa la helay kadib maalmo la la’aa.

Meydka Sheekh Maxamed ayaa gelinkii dambe ee Jimcihii shalay laga dhex-helay baabuurkiisa oo yiil meel howd ah oo ku taalla dhinaca waqooyi ee magaalada Columbus.  

Imaam Maxamed ayaa waxaa ugu war dambeysay laba habeen kahor markii uu salaadda Cishe dujiyey.

“Markii uu soo laaban waayey, xaaskiisa ayaa wacday balse marna kama uusan jawaabin taleefonkiisa. Qof kasta wuxuu isku dayey inuu helo balse ma dhicin,” waxaa sidaas yiri Xasan Cumar oo ah guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Ohio.

Wixii markaas ka dambeeyey boqolaal ka mid ah Soomaalida Columbus ayaa waday olole lagu baadi-goobayo, oo dhamaman xaafadaha magaalada looga raadiyey.

Imaam Maxamed wuxuu sidoo kale ahaa aabe iyo ganacsade aad looga dhex jeclaa bulshada Soomaalida.

“Canug kasta oo halkan joogo qur’aanka ayuu baray billow illaa dhammaad,” waxaa sidaas yiri Cabdi Cumar oo ah 29 jir ka mid ah Soomaalida Columbus. 

Bulshada Soomaalida ayaa dalbatay caddaalad iyo baaritaan buuxa oo lagu sameeyo geerida Imaam Maxamed.

Sidoo kale, Golaha Xiriirka Muslimiinta Mareykanka ee CAIR ayaa ku yaboohay 10,000 oo dollar oo ah abaal-marin la siinayo qofkii keena akhbaar hoggaamin karta in lasoo qabto qof kasta oo ku lug leh geerida Imaam Maxamed.

 

Sawirro: GORGOR oo ka hor-tagay weerar qaraxyo ah

0

Afgooye (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Gorgor ayaa lagu soo warramayaa inay howl-gallo ka dhan ah Al-Shabaab ka sameeyeen degmada Awdheegle iyo duleedkeeda.

Wararka ayaa sheegaya in howl-gallada oo ahaa kuwa qorsheysan ay ciidamadu ku fashiliyeen weeraro qaraxyo ah oo lagu aasay waddooyinka soo gala degmadaasi.

Saraakiil ka tirsan kuwa Gorgor ayaa sheegay in dhowr miinooyin ay ka soo saareen inta u dhexeysa Awdheegle iyo deegaanada Shaamgare, Jowhar Yareey iyo Mubaarak.

Sidoo kale saraakiisha ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada marka ay soo saareen miinooyinkaasi ay ku guuleysteen in la qarxyo, iyaga oo aan geysan wax khasaare ah.

“Howlgalkan oo uu hoggaaminayay taliyaha Guutada 17-aad ee kumaandooska Gor Gor col. Dayax Cabdi Cabdulle, wuxuuna sheegay in ay soo saareen miinooyin dhowr ah, sidoo kale ciidamada ayaa qarxiyay  miinooyin kale oo maleeshiyada argagixisada ah ay ku aaseen wadooyinka ay shacabku maraan,” ayaa lagu yiri qoraal ay daabacday warbaahinta dowladda.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howl-galladaas ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Maalmihii u dambeeyey ciidamada Gorgor ayaa dhaq-dhaqaaqyo xoogan ka waday dhinaca degmada Awdheegle, halkaas oo ay ku xoogan yihiin dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii