25.4 C
Mogadishu
Tuesday, June 30, 2026

Daawo: Cali Guudlaawe oo ugu dambeyn loo ogolaaday inuu tago gobolka Hiiraan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxgaradka, duubabka iyo odayaasha dhaqanka beelaha dega gobolka Hiiraan oo ku shiray magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe uu tegi doono gobolka Hiiraan oo sida ay sheegeen aan cidina ka hor istaagi doonin.

Sidoo kale waxgaradka oo warbaahinta la hadlay Madaxweyne ku xigeenka maamulka HirShabeelle Yuusuf Dabageed waxay ka dalbaday inuu raali gelin ka bixiyo hadalkiisii ahaa in doorashada xildhibaanada ee ka dhaceysa Beledweyne ay ku soo bixi doonaan xubnaha ay rabaan.

Odayaasha ayaa dalbaday in doorashada ka dhaceysa Beledweyne isha lagu hayo, “Yuusuf Dabageed waxaan leenahay wixii aad dhahday ka noqo oo raali gelin ka bixi,” ayuu yiri mid ka mid ah odayaasha dhaqanka beelaha Hiiraan.

“Reer Hiiraan hadaan nahay waxaan leenahay Madaxweyne Cali Guudlaawe hadii uusan tegin Hiiraan, caqabad ayaa ku jirta meeshaas, waxaan soo dhaweyneynaa oo aan mar kasta ku celcelineynaa Madaxweyne Cali Guudlaawe Hiiraan lagama lahane waa inuu tago,” ayuu yiri mid ka waxgaradka reer Hiiraan.

Sidoo kale waxgaradkii hadlay ayaa meel ka dhac ku tilmaamay hadalkii Yuusuf Dabageed, “Odayaashu waxay soo jeediyeen arrintaas inay aad uga xunyihiin, waa inaad ka waantowdo oo ka noqotaa hadalkaas Madaxweyne,” ayuu yiri nabadoon kale.

Hoos ka daawo

Dalalka Mareykanka iyo UK oo taageeray shirka Rooble

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladaha Mareykanka iyo UK ayaa mar kale ku celiyey inay taageersan yihiin shirka uu ku baaqay ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ee Golaha Wadatashiga Qaran

Qoraal kooban oo kasoo baxay safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa lagu yiri “Waxaan sii wadeynaa inaan taageerno baaqa ku saabsan kulanka Golaha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho. Wada-hadallada toddobaadkan ee Madashan horey u jirtay waxay muhiim u yihiin dedejinta hanaanka doorashada Soomaaliya iyo sixitaanka khaladaadka la arkay.”

Safiirka UK, Kate Foster ayaa iyana tiri “Waxaan sii wadeynaa inaan taageerno baaqa ku saabsan kulanka Golaha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho. Madashan muhiimka ah waa halka ay tahay in cabashooyinka iyo arrimaha wax looga qabto. Wadahadalka waa u muhiim wax ka qabashada dhibaatooyinka iyo khaladadaadka la arkay iyo dedejinta hanaanka doorasho ee Soomaaliya.”

Warka kasoo baxay Mareykanka iyo UK ayaa muhiim u ah ra’iisul wasaare Rooble, xilli madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu isna iclaamiyey shir kale oo lagu carqaladeynayo midka Rooble.

Qoraalka Mareykanka iyo UK ayaa yimid saacado kadib markii uu soo dhammaaday kulan uu hab fogaan arag ah ra’iisul wasaare Rooble kula yeeshay wakiilada beesha caalamka.

Sida uu Rooble u sheegay xubnaha Beesha Caalamka, shirka la qorsheynayo inay yeeshaan Golaha Wada-tashiga Qaranka ayaa waxaa lagu soo saari doona jadwal doorasho oo mudeynaya xilliga ay soo gaba-gabobeyso doorashada dalka, ayada oo hore u fashilmeen dhowr jadwal doorasho oo lasoo saaray.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa si wadajir ah u bogaadiyay dadaalka Ra’iisul Wasaaraha ee la xiriira sidii doorashada u noqon lahayd mid daah-furan oo lagu kalsoonaan karo.

Sidoo kale waxay si gaar ah u soo dhoweeyeen kulammada wada-tashiga ah ee Ra’iisul Wasaaruhu la yeeshay Midowga Murashaxiinta, Bulshada Rayidka ah iyo Beesha Caalamka, si uu u dhageysto talooyinkooda ku aaddan hagaajinta hufnaanta iyo daah-furnaanta doorashada.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii 

Guddiga doorashada oo lagala wareegay maamulka ciwaanada baraha bulshada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyinka heer Federaal ayaa markii uu shalay ku dhawaaqay inay xilkii ka qaadeen Maxamed Xasan Cirro, ayaa waxaa gebi ahaanba lagala wareegay barihii bulshada ee Guddiga iyo mareegtii rasmiga aheyd ee uu lahaa.

Caasimada Online ayaa ogaatay in koox ka tirsan Villa Somalia ay la wareegtay maamulka bogagii uu Guddiga ku lahaa baraha bulshada iyo mareegtii rasmiga aheyd, taasi oo lagu baahiyay in waxba kama jiraan tahy xil ka qaadistaas.

“Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal wuxuu cadaynayaa in aysan jirin xil ka qaadis lagu sameeyey guddoomiyaha guddiga iyo ku-xigeenkiisa, ayna hawlahooda shaqo si rasmiya u wataan,” ayaa lagu yiri qoraal lagu baahiyay bogga Facebook ee Guddiga oo xubnihii shalay shiray sheegeen in uusan wax saameyn ah ku laheyn go’aankii xilka uga qaadeen Guddoomiye Cirro.

Mowliid Mataan oo shir guddoominayay kulankii shalay ayaa sheegay in waxkasta oo lagu daabaco baraha lala wareegay ee guddiga aysan ansax aheyn, illaa inta ay dib ugu soo celinayaan gacanta Guddiga, sida uu sheegay.

“Waxaa rabnaa in umadda Soomaaliyeed u sheegno intii aan ku gudo jirnay dooda waxaa lala wareegay guud ahaan barihii bulshada ee Guddiga doorashooyinka heer Federaal haddii ay tahay Twitter, Website iyo Facebook,” ayuu yiri.

Guddiga doorashooyinka heer Federaal ayaa u kala qeybsamay labo garab sida muuqata, kadib markii xilka laga qaaday guddoomiye Cirro oo lagu eedeyay inuu xadgudub joogto ah ku hayo guddiyada doorashada, wax wada-tashi ahna la sameyn guddoonka iyo guddiyada intiisa kale, uuna lumiyey madax-banaanadii guddiga doorashooyinka isla markaasna uu baalmaray xeerarkii guddi hoosaadka u yaalay iyo habraacii guud ee doorashada dalka.

Sidoo kale waxaa eedeymaha xilka looga qaaday guddoomiye Cirro kamid ah; Inuu iska qaatay go’aano qatar u keeni kara doorashada oo uusan guddiga waxba ka ogeyn kuna matalin, sababna u noqday inuu xumaado xiriirkii ka dhaxeeyey guddiyada dhexdooda iyo golaha wada-tashiga Qaranka iyo Wada-shaqeyn xumo u dhaxeysa guddoomiyaha, guddiyada heer maamul Goboleed iyo guddiga xalinta khilaafaadka.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Maxaa kasoo baxay shirkii Rooble iyo beesha caalamka?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhoweyd soo dhamaaday shirkii u socday Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo xubnaha Beesha Caalamka oo ku qabsoomay aalada fogaan arraga (Zoom-ka), kaasi oo ku saabsana xaaladihii u dambeeyay ee soo kordhay.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Rooble ayaa lagu sheegay in shirkaas looga wada-hadlay xaaladda dalka, dardar-galinta doorashooyinka iyo shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee lagu wado in uu ka furmo magaalada Muqdisho.

“Ra’iisul Wasaaraha ayaa u xaqiijiyay Wakiilada Beesha Caalamka in shirka furmaya ay diiradda ku saari doonaan ilaalinta hufnaanta doorashada iyo sixitaanka, ku dhaqanka habraacyada doorashada iyo soo saaridda jadwal ay ku caddahay waqtiga ay soo gabagaboobeyso doorashada,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska Rooble.

Sida uu Rooble u sheegay xubnaha Beesha Caalamka shirka la qorsheynayo inay yeeshaan Golaha Wada-tashiga Qaranka ayaa waxaa lagu soo saari doona jadwal doorasho oo mudeynaya xilliga ay soo gaba-gabobeyso doorashada dalka, ayada oo hore u fashilmeen dhowr jadwal doorasho oo lasoo saaray.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa si wadajir ah u bogaadiyay dadaalka Ra’iisul Wasaaraha ee la xiriira sidii doorashada u noqon lahayd mid daah-furan oo lagu kalsoonaan karo.

Sidoo kale waxay si gaar ah u soo dhoweeyeen kulammada wada-tashiga ah ee Ra’iisul Wasaaruhu la yeeshay Midowga Murashaxiinta, Bulshada Rayidka ah iyo Beesha Caalamka, si uu u dhageysto talooyinkooda ku aaddan hagaajinta hufnaanta iyo daah-furnaanta doorashada.

Kulanka ayaa imanaya xilli uu cirka isku shareeray khilaafka cusub ee ka dhex qarxay Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday, islamarkaana ay labada dhinac ku baaqeen shirar is khilaafsan.

Beesha Caalamka ayaa dadaal badan ku bixisay in doorashooyinka ka bilowdaan dalka, waxayna xilligaan rabtaa in khilaafka Rooble iyo Farmaajo uusan wax saameyn ah ku yeelan geedi socodka doorashooyinka.

Si kastaba, Beesha Caalamka ayaa u muuqata mid arrimaha doorashada ku gacan siineysa Ra’iisul Wasaare Rooble oo kal hore loo igmaday, waxayna wada dadaalo ku aadan in si dhaqso ah loo saxo qaladaadka ka jira doorashada, si saamileyda siyaasiyadda ugu wada qancaan, loona dhameystiro doorashada.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Puntland oo shaacisay liiska kuraasta ugu horeysa ee ay doorashadooda qabaneyso

0

Garoowe (Caasimada Online) – Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Puntland ayaa goordhoweyd shaaciyey 10 kursi oo kamid ah kuwa Golaha Shacabka, kadib markii uu kal hore uu maamulka uu sheegay inuu diyaar u yahay qabashada doorashada.

Guddiga ayaa qoraal ay soo saareen waxay ku soo bandhigeen liiska kuraastaas, kuwaasi oo kala ah; HOP#196, HOP#166, HOP#128, HOP#200, HOP#235, HOP#223, HOP#249, HOP#232, HOP#094 iyo HOP#144.

Tobanka kursi ee uu shaaciyey guddiga doorashada Puntland ayaa waxay kamid yihiin 37 kursi oo ku asteysan deegaanka maamulkaas, sidoo kale waxay billow u yihiin doorashada Golaha Shacabka ee Puntland.

Shaacintan ayaa imaneysa saacado un kadib markii ay Madaxtooyada Puntland ay sheegtay inay diyaar u tahay qabashada doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka si waafaqsan heshiisyadii Golaha Wada-tashiga Qaranka oo uu gundhig u yahay heshiiskii 17 September 2020.

Guddiga ma shaacin xilliga rasmiga ah ee la qabanayo doorashada kuraastan, marka laga imaado in tobankan kursi ay yihiin kuwa u horeeyay ee uu qabanayo doorashadooda.

Doorashada Golaha Shacabka ayaa dalka kasii socota xilli ay ku gadaaman yihiin mad-madow badan, ayada Midowga Musharaxiinta ay qaadaceen, islamarkaana ay dalbadeen in la hakiyo, illaa inta dib u sixid lagu sameynayo qaladaadka ka jira.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Cabdi Xaashi oo dalbaday in la howl-geliyo Aqalka Sare ee cusub, kana hor-yimid hadalkii MURSAL

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee Aqalka Sare Senatar Cabdi Xaashi ayaa soo jeediyay maadaama la dhammeystiray doorashada xubnaha Aqalka Sare in lagu dhawaaqo natiijada guud ee doorashada xubnaha Aqalka Sare,  si loo qabto fadhigii u horreeyay, ayna doortaan Guddoon iyo Guddi hoosaadyadooda, si ay u gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah.

Cabdi Xaashi ayaa sheegay in tallaabadaas ay gacan ka geysan karto samata bixinta marxalada adag ee uu dalku marayo.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in muddo xileedka Madaxweynaha ay tahay afar sano, sidaas darteed uu muddo xileedkiisa ku ekaa Madaxweyne Farmaajo 7 Febraayo 2021.

Waxaa kaloo uu caddeeyay hadalkii ka soo yeeray Guddoomiye Maxamed Mursal uu ahaa mid aan sharciyad laheyn oo dalka u horseedaya halis amni daro iyo dagaal la mid ah midkii dhacay 25 April 2021.

Cabdi Xaashi ayaa shirka uu Ra’iisul Wasaare Rooble ku baaqay ku tilmaamay inuu yahay mid muhiim u ah samatabixinta iyo hamsami socodka doorashada, wuxuun ku baaqay in shirkaas lagu saxo cabashada laga soo gudbiyey doorashada.

Hadalka Cabdi Xaashi ayaa kusoo aadayo xilli uu khilaaf xoogan u dhaxeeyo madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’isulwasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Halkaan hoose ka akhriso qoraalka kasoo baxay Cabdi Xaashi

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Ra’iisul Wasaare ROOBLE oo qaaday tallaabo xeelad ah iskuna beddelay laba wasiir

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa isku beddelay wasiirada gaashaandhigga iyo cadaaladda xukuumadda federaalka, sida lagu sheegay wareegto kasoo baxday xafiiskiisa.

“Wareegto uu soo saaray Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayuu Wasiirka Gaashaandhigga JFS ugu magacaabay Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo horay u ahaa Wasiirka Caddaaladda. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale Mudane Xasan Xuseen Xaaji oo horay ahaa Wasiirka Gaashaandhigga XFS u magacaabay Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda JFS,” ayaa lagu yiri qoraal uu soo saaray xafiiska Rooble

Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray labada wasiir ee la isku baddelay in ay sida ugu dhaqsiyaha badan xilalka ula kala wareegaan.

Tallaabada uu qaaday Rooble ayaa loo arkaa mid xeeladeed, ayada oo Cabduqaadir Maxamed Nuur uu ka mid yahay wasiirada aadka ugu dhow Rooble, lana safnaa dhowrkii dagaal ee uu la galay Farmaajo.

Wasaaradda Gaashaandhigga ee loo dhiibay Cabdulqaadir ayaa loo arkaa mid muhiim ah, ayada oo laga cabsi qabo in dalka uu galo dagaal mar kale ka dhasha damaca muddo kororsi ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Wasiirkii hore ee gaashaandhigga Xasan Xuseen Xaaji ayaa dhowr maalmood kahor soo saaray warqad u muuqatay mid gef ku ah ra’iisul wasaraaha kadib markii uu amray in la baaro dhul boob uu taliyaha ciidamada badda ku eedeeyey Rooble.

Xasan Xuseen ayaa mar dambe ka laabtay qoraalkaas, isaga oo sheegay inuu ula jeeday in la baaro gefka uu taliyaha u gaystay Rooble, hase yeeshee sida muuqata waxyeelada ay gaysatay warqadiisa ayuu xilka ku waayey.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Xasan: “Qoraalkii Farmaajo wuxuu ahaa mid waali ah”

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud kana mid ah Midowga Musharrixiinta ayaa ka hadlay qoraalkii kasoo baxay madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xasan Sheekh oo Warbaahinta la hadlay kadib kulan ay yeesheen Midowga Mushariaxiinta ayaa sheegay in caqabada ugu wayn ee doorasho in ay dalka ka dhacdo hortaagan ay tahay madaxwaynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Farmaajo.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in qoraalkii xalay uu soo saaray Farmaajo uu yahay mid waaali ah oo aan miirqab aheyn, islamarkaana dulqaadka dadka Soomaaliyeed ay sameynayaan uu u qaatay dayuusnimo.

“Caqabadda doorashada hortaagan oo awal diidanaa in la bilaabo markii la bilaabayna diiday inay socoto waa madaxweyaha waqtigiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, qoraalkii xalay kasoo baxayna intaas ayuu dugsan yahay, warkaas waa diidan nahay, dan Soomaaliyeedna kuma jirto, wixii uu ku dhawaaqay waa Waali oo aan ku dheeheyn caqli iyo mas’uuliyad” ayuu yiri.

Xasan Sheekh ayaa sheegay inay mar hore dadka Soomaaliyeed uga digeen inay ka fiirsadaan cidda ay u dhiibanayaan xilka.

“Dulqaadka siyaasiyiinta iyo dadka Soomaaliyeed in dayuusnimo loo qaato sax maahan, Farmaajo wuxuu u qaatay caqliga dadka dayuusnimo, dadka Soomaaliyeed horey ayaan uga dignay inay ka fiirsadaan cidda ay xilka u dhiibanayaan,” ayuu sii raaciyey hadalkiisa.

Dhinaca kale Xasan Sheekh wuxuu sheegay in hadalkii shalay uu jeediyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal uu daba socso kii hore oo uu dalka qatar ku galiyay, isaga oo ugu baaqay in dalka uusan qatar gelin, wixii dhacana uusan la wadaageen Farmaajo.

“Barlamaan sharciyad haysta majiro farmaajo shalay ayuu ku hoojiyay ee yuusan ku hoojin Mursaloow , in albaabkii furmi tagaba in lasoo oodo sax maaha ayuu yiri,” Xasan Sheekh.

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday Xasan Sheekh dalacsiintii Madaxweyne Farmaajo taliyha Qeybta Boolisla Gobol Banaadir, wuxuuna si cad u sheegay in Sarkaal aan lagu amri karin in wixii doono uu iska sameysto.

Halkaan hoose ka daawo shirka jaraa’id ee Xasan Sheekh

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Jubaland iyo Puntland oo la saftay R/Wasaare Rooble

0

Garoowe (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka Jubaland ayaa noqotay tii labaad kadib Puntland ee si rasmi ah u taageerta ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo shirka uu ku baaqay ee arrimaha doorashada.

Jubaland ayaa qoraal ay soo saartay ku tiri “Dowlada Jubaland mar walba waxay diyaar u tahay dardar galinta howlaha doorashooyinka oo fursad weyn u ah shacabka Soomaaliyeed inay kaga baxaan xaaladan adag ee dalku ku jiro.”

Qoraalka ayaa intaas ku daray “Waxaa meel wanaagsan maraya dadaalada ay guddiga doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubaland ay ku bilaabayaan doorashooyinka aqalka hoose ee baarlamaanka oo si wanaagsan uga socda Magaalada Kismaayo ee Caasimada KMG ah ee Jubaland.”

“Jubaland waxay diyaar u tahay, kana qeybgalaysaa shirka Golaha wadatashiga qaran ee arimaha doorashooyinka ee garwadeenka uu ka yahay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, oo aan rajo weyn ka qabno in ay kasoo baxaan go’aamo waxtar u leh Shacabka Soomaaliyeed.”

Goor sii horeysay qoraal kasoo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu yiri “Dowladda Puntland waxay kaloo cadeynaysaa inay diyaar u tahay qabashada doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka si waafaqsan heshiisyadii Golaha Wada-tashiga Qaranka oo uu gundhig u yahay heshiiskii 17 September 2020.”

Go’aanka Jubaland iyo Puntland ayaa jawaab u ah abaabulka Farmaajo ee shirka lagu wiiqayo middka uu hore u iclaamiyay Rooble, kaasi oo uu ku sheegay mid lagu saxayo jihaynta doorashooyinka, ayna kasoo qeybgalayaan Goleyaasha Dowladda ee Heer Federaal, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Farmaajo oo hore u wareejiyay hogaanka arrimaha doorashooyinka iyo amniga dalka ayaa marar badan isku dayay in uu awoodaas dib u soo ceshado, ayada oo qoraalkiisi u dambeeyay uu qeyb ka yahay qorshaha uu ku carqaladeynayo doorashooyinka dalka, uuna isku dayayo in awoodaas uu ku soo ceshado.

Si kastaba, Shirka uu dhawaan iclaamiyay Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa haddii uu qabsoomo waxa uu wax badan ka bedeli doona jahwareerka siyaasadeed ee ka taagan dalka, kaasi oo ka dhashay hanaanka ay ku bilaabatay doorashada Golaha Shacabka, waxaana dib u sixid lagu sameyn doono qaladaadka jira, si doorashooyinka u noqdaan kuwa daah-furan.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Lafta-gareen oo si cad ula saftay Farmaajo kana horyimid shirka uu ku baaqay Rooble

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Koofunfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa si cad ula saftay madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay dagaal siyaasadeed cusub uu kala dhaxeeyo ra’iisul wasaare Rooble.

Laftagareen ayaa sheegay in Koonfur Galbeed aysan ka qeybgeli doonin shirka uu ku baaqay Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, balse y diyaar u yihin ka qeyb galka shirka uu ku baaqay Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday.

Halkaan hoose ka akhriso qoraalka kasoo baxay Koonfur Galbeed

KGS kama qeybgalayso shirka uu iclaamiyay Ra’iisul Wasaaraha”

Baydhabo, 26ka Diseembar 2021: Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) wuxuu caddeynayaa in uusan kasoo qeybgali doonin Shirka uu iclaamiyay Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Go’aankan wuxuu ka dhashay keddib markii lagu xadgudbay madaxbannaanida Guddiga Xallinta Khilaafaadka oo 7 xubnood laga saaray iyo Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka ee Federaal oo shalay la kala qeybiyay.

Koonfur Galbeed Soomaaliya waxay diyaar u tahay ka qeybgalka baaqa Madaxweynaha si looga tashado sidii lagu samatabixin lahaa geeddiga socodka doorashooyinka dalka.

Shir xasaasi ah oo u socda Rooble iyo beesha caalamka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shir deg deg ah oo dhanka fogaan araga ah (Zoom-ka) ayaa hadda u socda Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo xubnaha Beesha Caalamka, kaasi oo looga hadlayo xaaladihii u dambeeyay ee soo kordhay.

Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa imanaya xilli uu cirka isku shareeray khilaafka markale ka dhex qarxay Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Sida ay Caasimada Online u sheegen illo ku dhow-dhow Beesha Caalamka waxay saaxiibada Soomaaliya xilligan isku dayeysaa in shirka uu hore u iclaamiyay Ra’iisul Wasaare Rooble ee looga arrinsanayo arrimaha doorashooyinka u qabsoomo si deg deg ah.

Sidoo kale waxa uu imanayaan shirkaan ayada oo xubnaha Beesha Caalamka ay xiriiro ay la sameeyen Madaxda dowlad goboleedyada kana dalbadeen in shirka Golaha Wada-tashiga Qaran uu si dhakhso leh ku qabsoomo, ayna yimaadan magaalada Muqdisho.

Maamulka Puntland ayaa goor sii horeysay shaaciyey in uu diyaar u yahay inuu ka qeyb-galo shirka uu hore ugu baaqay Ra’iisul Wasaare Rooble, islamarkaana uu bilaabo doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Dhanka kale, Farmaajo ayaa wada abaabulka shir lagu wiiqayo middka uu hore u iclaamiyay Rooble, kaasi oo uu ku sheegay mid lagu saxayo jihaynta doorashooyinka, ayna kasoo qeybgalayaan Goleyaasha Dowladda ee Heer Federaal, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Farmaajo oo hore u wareejiyay hogaanka arrimaha doorashooyinka iyo amniga dalka ayaa marar badan isku dayay in uu awoodaas dib u soo ceshado, ayada oo qoraalkiisi u dambeeyay uu qeyb ka yahay qorshaha uu ku carqaladeynayo doorashooyinka dalka, uuna isku dayayo in awoodaas uu ku soo ceshado.

Beesha Caalamka ayaa dadaal badan ku bixisay in doorashooyinka ka bilowdaan dalka, waxayna xilligaan rabtaa in khilaafka Rooble iyo Farmaajo uusan wax saameyn ah ku yeelan geedi socodka doorashooyinka, islamarkaana si dhaqso ah loo saxo qaladaadka ka jira doorashada, si saamileyda siyaasiyadda ugu wada qancaan.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Xaguu ku dhamaan doonaa dagaalka cusub ee ka dhex-qarxay Farmaajo iyo Rooble?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Mowjad labaad oo siyaasadeed ayaa ka bilaatay Soomaaliya, oo muddooyinkii ugu dambeysay u muuqatay mid soo hagaageysa, kadib markii uu dib u soo laba kacleeyay khilaafkii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kala dhaxeeyay Ra’iisal Wasaarihiisa Maxamed Xuseen Rooble.

Madaxweynaha ayaa xalay Ra’iisal Wasaare Rooble ku eedeeyay inuu ka gaabiyay hoggaaminta iyo hirgelinta doorashooyinkii uu u igmaday 1-dii bishii May ee sanadkan, wuxuuna ku baaqay shir wadatashi, oo lagu saxayo jihaynta doorashooyinka, taa oo sida muuqata dhaawici doonta doorashada markii horeba uu gaabiska (muranka) hareeyay.

Rooble ayaa isla maanta u jawaabay, wuxuuna qoraalka Farmaajo ku qeexay mid si ku talo-gal ah uu madaxwaynuhu ugu carqaladaynayo hannaanka doorashada dalka oo maraya marxalad aad xasaasi u ah.

Khilaafkoodan ayaa la fahamsan yahay inuu ka dhashay, sida Guddiga Xalinta Khilaafaadka uu bartamihii bishan kaga falceliyay khilaafka hareeyay kursiga uu tirsigiisu yahay #HOP067, oo bishii November uu ku soo baxay Taliyaha KMG ee Hay’adda NISA, Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud (Yaasiin Farey).

Guddiga Xalinta ayaa 15-kii December war-saxaafadeed ku sheegay in hannaanka loo maray doorashada kursigaasi ay aheyd mid waafaqsan habraaca doorashada, taasoo aysan dadku ku qancin, Ra’iisul Wasaaruhuna uu ganafka ku dhuftay.

Rooble oo ka biyo diiday qaabka ay guddiga u maareeyeen tabashada laga keenay kursigaasi ayaa 18-kii bishan waxa uu xilka ka qaaday toddobo ka mida xubnaha guddigaasi, iyadoo xil ka qaadistoodana uu ku sababeeyay inay lumiyeen madaxbannaanidii guddinimo, ayna ku milmeen siyaasadda, isagoona warsaxaafadeed  ku soo magacaabay xubnihii bedeli lahaa xubnahaasi.

War qoraal ah oo saqdii dhexe ee xalay ka soo baxay xafiiska Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu sheegay in Ra’iisul Wasaarahu ka leexday dhibihii hirgelinta doorashada, isaga oo kala dhantaalay baa warka lagu yiri wadajirka guddiyadii loo igmaday fulinta iyo qabashada doorashooyinka, kuna xadgudbay madaxbannaanidooda shaqo.

Haddaba sidee khilaafkan u saamayn karaa hannaanka geeddi-socodka ee doorashada?

Maxamed Cabdi Cumar oo barre ka ah Jaamacadda Muqdisho ayaa qaba in khilaafka ka dhashay is bedelka lagu sameeyay xubnaha ka midka ah Guddiga Xalinta Khilaafaadka ee Doorashooyinka Heer Federaal ay caqabad ku noqon doonto doorashadii la fillayay in dalka ka qabsoomto.

“Is riix-riixu wuu sii badan doonnaa, dhibaatadana waxay u muuqataa in maalin walba albaab cusub oo mushkiladihiisa wata in la sii furayo.” Ayuu yiri Maxamed Cabdi Cumar.

Waxa kaloo uu yiri “Way muuqataa in arrintan ay dib u dhac kale ku keeni doonto doorashada. Guddiga markii la sameynayay, maysan soo sameynin kooxo qaab siyaasadeed la isla fahamsan yahay heshiis ku ah, maxaa yeelay inta badan guddigu hal dhinac ayuu ka yimid oo aragti hal dhinac ah ayaa jirtay, fara-gelina mar walba inay jirto waa la iska dareemayay, waana la arkayay. Mar walba oo carqalad ay timaado, mar walba oo fara-gelin lagu sameeyo ama mar walba madaxbannaanida ay madaxbannaan yihiin ay yar tahay oo saamayn xagga siyaasadda ah ay jirto, waa mar walba oo wax fashilmaan oo lees qabqabsado, dibna ay u dhacdo.”

Maxamed Cabdi ayaa muujiyay in Ra’iisul Wasaaruhu uu doonayo inuu wax ka qabto amaba uu xal u helo tabashada Midowga Musharaxiinta, haddana aanu ka xalin karin dhinaca Villa Somalia.

“Nimanka mucaaradka ah waxyaabo badan ayay tabanayaan, laakiin dhibaatada taagan waxay tahay Ra’iisul Wasaaruhu gacantiisa kuma jirto, wuxuu ku xalin lahaa barnaamijka ay tabanayaan. Haddiiba uu ka ballanqaado tabashadooda inuu xalin doono, way ku adkaaneysaa inuu fuliyo waxyaabaha ay mucaaradku doonayaan, maxaa yeelay wax Ra’iisul Wasaaraha keligiis gacanta ugu jiro ma’aha,” ayuu yiri Maxamed Cabdi oo BBC la hadlay.

Doorashadan ayaa noqonayso tii ugu liidatay ee dalka laga qabto, marka aad eegto sida ay foosha ugu dheeratay iyo sida aan daacadda looga ahayn in laga fooliyo.

Dadka odoroso siyaasadda dalka waxay ka digayaan in khilaafka u dhaxeeya labada xafiis ee dalka ugu sarreeya, ay dalka dib ugu celin karto waqtigii adkaa ee sida adag looga soo gudbay, maadaama ay fahamsan yihiin fara-gelinta joogtada ah ee ka imaaneysa xafiiska Madaxweynaha.

Waxay sidoo kale u badan tahay in dagaalka markan uu ku dhammaado in Farmaajo ama Rooble uu midkood baxo, oo aanu dhici doonin heshiis dambe.

Wasiirka Amniga oo amray in uusan dalka ka bixi karin taliyaha ciidamada badda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa ku amray Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya in aanu safri karin Sarkaalka lagu magacaabo Cabdixamiid Maxamed Dirir, oo ah Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliya.

Wasiirka Amniga ayaa sheegay in taliyaha ciidamada Badda uu qorsheenayo inuu dalka ka baxo maadaama loo heysto xadgudub uu kula kacay madaxda qaranka.

Sidoo kale, Wasiirka Cabdullaahi ayaa sheegay in Taliyaha ciidamada Badda loo haysto hanti ay leeyihiin dad shacab ah, islamarkaana loo hayo caddeymo ku filan uuna diiday inuu soo wareejiyo.

Amarka kasoo baxay wasiirka Amniga ayaa kusoo aadayo xilli guddi loo saaray inay baaraan hadalkii dhawaan uu sheegay taliyaha Ciidamada Badda ay go’aamiyeen inuu ahaa hadal sharaf dhac ku ah madaxda qaranka, islamarkaana ay ku baaqeen in xilka laga qaado.

Si kastaba, guddigaas ayaa inuu shaaciyo natiijada baaritaanka waxaa ka hor-istaagay taliyaha ciidamada xoogga dalka, Jeneral Odawaa Yuusuf Raage oo Villa Somalia ay gadaal ka riixeyso.

Sidoo kale, warqadda kasoo baxday wasiirka Amniga ayaa kusoo aadeyso xilli uu khilaaf culus soo kala dhex galay madaxweynaha waqtiga ka dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble.

Halkaan hoose ka akhriso amarka kasoo baxay Wasiirka Amniga

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Rooble oo jawaab culus ka bixiyey qoraalkii Farmaajo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa jawaab kulul ka bixiyey hadalkii kasoo yeeray madaxweynaha Soomaaliya ee waqtigiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Rooble ayaa sheegay in musharax gaar ah laga yeeli doonin inuu ku takri falo doorashada Soomaaliya. Halkaan hoose ka akhriso jawaabta Rooble.

Musharrax gaar ah lagama aqbalayo in uu in doorashada ku takri falo.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble waxa uu aad uga xun yahay qoraalka saaka aroortii kasoo baxay Xafiiska Madaxwaynaha.

Qoraalkaas waxa uu ahaa mid si ku talo-gal ah uu Madaxwaynuhu ugu carqaladaynayo hannaanka Doorashada  Dalka oo maraya marxalad aad xasaasi u ah.

Sida ka muuqata waqtiga lagu soo beegay qoraalkan oo ah xilli loo balansanyahay Kulanka Golaha wadatashiga Qaranka oo la doonayo in lagu dardargaliyo howlaha Doorashooyinka, iyo ilaalinta hufnaanta doorashada, waa qorshe uu Madaxwaynuhu ku doonayo in uu uga hortago kulanka Golaha taas oo si cad u muujinaysa in aanu Madaxwaynuhu marna raali ka noqon, kana noqondoonin in dalkaan ay ka dhacdo doorasho ay ku kalsoonaan karaan Bulshada Soomaaliyeed.

Waxaan la wadaagaynaa Shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamkaba in Madaxwaynuhu  intii uu Xafiiska  joogay  uu waqti, maal iyo maskaxba ku bixinayay sidii uu kusii joogi lahaa xafiiska isaga oo isku dayaya in doorashadu noqoto oo kaliya mid ka jawaabaysa doonistiisa ama uu wadada u xaarto muddo kororsi sharci-darro ah.

Tan iyo intii uu Ra’iisul Wasaauruhu la wareegay hoggaaminta howlaha doorashada, Madaxwaynuhu waxa uu si joogto ah caqabad ugu ahaa hirgalinta doorashadii lagu heshiiyay, isaga oo isticmaalayay xeelado kala duwan kuwaas oo markii mid la xaliyaba uu buurayay mid kale ilaa uu saaka si cad oo sharciga baalmarsan u soo saaray baaqan mas’uuliyad-darrada ah.

Waxaa xusid mudan in doorashada uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaaruhu ay tahay mid ay u siman yihiin dhammaan Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan Musharaxiinta u tartamaya hoggaanka dalka oo uu ku jiro Madaxwaynahu sidaas darteed lama aqbali karo in Musharax gaar ah  uu isku dayo in uu doorashada ka dhigo mid uu natiijadeeda ku leeyahay saamayn gaar ah.

Haddaba, waxaan Shacabka Soomaaliyeed u caddayneynaa  in mas’uuliyadda doorashadu ay saaran tahay Ra’iisul Wasaaraha iyo Golaha Wadatashiga  Qaranka, sidaas awgeed shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee uu iclaamiyay Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka qabsoomaya Magaalada Muqdisho sidii uu ku tala galku ahaa.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu wadaa Kulammo aragti wadaag ah oo uu la leeyahay, Bulshada Rayidka ah, Golaha Musharaxiinta iyo Beesha Caalamka si looga dhagaysto talooyinkooda la xiriira hufnaanta doorashada iyo dhammaystirka Golaha Shacabka oo waqtiyaysan kuwaas oo lagu dhamaystiri doono kulanka Golaha Wadashiga Qaranka ee qorshaysan.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu la socodsiinayaa Shacabka Soomaaliyeed iyo Bulshada Caalamka in la joogo xilligii si wadajir ah looga hor-imaan lahaa shaqsiyaadka caqabadda ku ah nabadda iyo dowlad-dhiska Soomaaliya si looga baaqsado in uu dalku galo qalalaase siyaasadeed iyo mid amni.

Ugu danbayn, Ra’iisulewasaaruhu isaga oo gudanaya waajibaadka qaran ee uu siiyay Dastuurka KMG ah ,raacayana Heshiisyada Siyaasadeed ee awoodda u siiyay hogaaminta Doorashada iyo Amniga, wuxuu u balanqaadayaa Shacabka Soomaaliyeed isaga oo kaashasnaya Golaha wadatashiga Qaranka in uu xoggiisa isugu gaynayo dhamaystirtka Doorashada iyada oo la ilaalinayo hufnaanteeda maadaama xalka kaliya ee u furan Qarankaan ay tahay Doorasho horseeda in awoodda loogu kala wareego si sharci ah oo nabdoon.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

CC Shakuur oo 5 qodob soo saaray, kadib tallaabadii uu qaaday Farmaajo (Aqriso)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa soo sooray qoraal xasaasi ah oo uu ugu falceliyey tallaabadii u dambeysay ee uu qaaday madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa marka hore shaaca ka qaaday in go’aanka kasoo baxay Farmaajo uu yahay nabar la filayey naxdin ma laha, sida uu hadalka u dhigay.

“Inqilaabka Farmaajo waa nabar la filaayey naxdin ma laha,” ayuu qoraalkiisa ku yiri musharrax madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Sidoo kale wuxuu falcelintiisa ku soo koobay illaa shan qodob uu kaga hadlay arrinta Farmaajo iyo sidoo kale xaaladda guud ee dalka iyo arrimaha doorashooyinka.

Waxa kale oo uu hoosta ka xariiqay in awooda dhameystirtka doorashooyinka uu leeyahay ra’iisul wasaare Rooble, maadaama uu Farmaajo ka dhammaaday muddo xileedka.

“Ra’iisul Wasaaraha ayaa leh awoodda xil-gaarsiinta ee ay ugu horreyso dhamaystirka doorashada iyo Amniga dalka, waana in uu xilka hayaa ilaa iyo inta doorashadu ka dhamaanayso, madaxda qarankana laga dooranayo,” ayuu markale sii raaciyey.

Halkan hoose ka aqriso:-

Inqilaabka Farmaajo waa nabar la filaayey naxdin ma laha, waxaanse u baahannahay in aan isla garanno shantaan qodob;

1- In uusan Farmaajo dalka Madaxweyne ka ahayn, 10 bilna uu xafiiska sharci darro ku fadhiyo, ayna tahay in uu ka soo baxo Villa Somalia.

2-  Golaha Wadatashiga Qaranka, wuu shiri jiryay, Farmaajana shaqo kuma lahayn shirkooda.

3- Sixitaanka iyo socodsiinta doorashada waa hawl madasha uu Ra’iisul Wasaare Rooble hoggaamiyo u taalla.

4- Muddo xileedkii Golayaasha Dawladda wuu dhamaaday, Aqalka Sare waa la soo doortay, Golaha Shacabka ayaa dhiman, Ra’iisul Wasaaraha ayaa leh awoodda xil-gaarsiinta ee ay ugu horreyso dhamaystirka doorashada iyo Amniga dalka, waana in uu xilka hayaa ilaa iyo inta doorashadu ka dhamaanayso, madaxda qarankana laga dooranayo.

5- Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Muqdisho, waa in ay RW Rooble, garab istaagaan, gaashaanna u noqdaan, si wadajir ahna uga hortagaan dhagarta uu Farmaajo maleegayo, iskana qabtaan calooshood u shaqaystayaalka uu adeegsado.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

QM oo jawaab ka bixisay go’aankii DF Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – War kasoo baxay Qaramada Midoobay, gaar ahaan xafiiskeeda Soomaaliya ee ku yaalla magaalada Muqdisho ayaa looga hadlay go’aankii dowladda Soomaaliya ay ku xirta Terminalka garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee loo yaqaano (MOVCON), kaas oo ay adeegsan jiraan QM, AMISOM iyo safaaradaha reer Galbeedka.

Qaramada Midoobay ayaa shaacisay inay ay aad u ixtiraameyso go’aamada dowladda Soomaaliya, isla-markaana ay u shaqeyneyso si waafaqsan heshiisyada labada dhinac.

“In Qaramada Midoobay ay Soomaaliya uga shaqaynayso iyadoo si buuxda u ixtiraamaysa sharciga Soomaaliya iyadoo la raacayo shuruudaha Heshiiska Hawlgalka iyo heshiisyada kale ee khuseeya ee ay kala saxiixdeen hay’adaha Qaramada Midoobay ee lacagaha, barnaamijyada, iyo sidoo kale Axdiga Qaramada Midoobay iyo Axdiga Xuquuqda iyo Xasaanadda ee Qaramada Midoobay,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay QM.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay inay aad uga xun tahay xiritaanka Terminalka Aadan Cadde oo ay sheegtay in aan wax wada-tashi lagala sameyn, ka hor go’aanka soo baxay.

“Waxaan si dhab ah u qaadaneynaa walaac kasta oo ay Dowladda Federaalku ka muujin karto hawlgallada Qaramada Midoobay waqti kasta, waxaanan ka xunnahay in tilmaamahan xiritaanka si lama filaan ah loo soo saaray oo wada tashi laga samayn”.

Qoraalka ayaa sidoo kale intaasi kusii daraya “Eedeymo aan weli si faahfaahsan loogu soo bandhigin Qaramada Midoobay si loogu sameeyo baaritaan,”.

Ugu dambeyn QM ayaa xustay inay sii wadi doonto wada-shaqeynta dowladda federaalka, isla-markaana ay ka qeyb qaadan doonto caawinta dadka Soomaaliyeed.

“Qaramada Midoobay wali waxaa ka go’an iskaashiga ay la yeellato Soomaaliya iyo in ay sii waddo caawinta dadkeeda in kasta oo ay jiraan carqalado dhanka shaqada ah,” ayaa markale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Jawaabta ay bixisay QM ayaa ku soo aadeyso maalmo uun, kadib markii dowladda Soomaaliya ay ku dhowaaqday inay xirtay Terminal-ka MOVCON ee garoonk Aadan Cadde ee magaaladda Muqdisho, iyada oo eedeymo u jeedisay QM, AMISOM iyo reer galbeedka.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

CABDI JUXA oo afgambi ku qeexay tallaabadii Farmaajo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Soomaaliya, Cabdi Faarax Saciid (Juxa) oo haatan ah siyaasi Soomaaliyeed ayaa ka falceliyey qoraalkii xalay ka soo baxay madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhammaaday, kaas oo bannaanka soo dhigay khilaaf horleh ookala dhexeeyo ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya.

Juxa ayaa war uu soo saaray ciwaan uga dhigay ‘FARMAAJO OO AFGEMBIYEY VILLA SOMALIA 21 SANO OO DAWLAD-DHIS AH KA DIB’ wuxuuna sheegay in qoraalka kasoo baxay xafiiska madaxweynaha uu ku laalayo heshiiskii & hannaanka doorashooyinka dalka.

“Waxaa xalay 26/12/21 saqdii dhexe Maxamed Cabdullaahi Farmajo soo saaray wareegtadii 1-aad ee Afgembiga oo uu ku laalayo heshiiskii iyo Hannaankii Doorashooyinka Soomaaliya iyo RW Rooble labadaba, taas oo ahayd waxa keli ah oo xilligan heshiis lagu yahay,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu gabi ahaan istaagay hannaankii dastuurka iyo dowlad dhiska Soomaaliya ee kasoo billowday Carta, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaa si buuxda u istaagay Hannaankii Dastuuriga iyo Dawlad-dhiska Soomaaliya ee ka soo bilowday CARTA 2000-2017, waxaana bilowday bog cusub oo Taariikhdu MAGAC GAAR AH u bixin doonto,” ayuu markale qoraalkan ku yiri wasiirki hore ee arrimaha gudaha.

Waxaa kale oo uu intaasi sii raaciyey “Maanta waxaa keli ah oo jira FARMAJO oo muddo-xileedkiisu dhamaaday sannad kahor oo VILLA SOMALIA dhex fadhiya iyo Dawlad-goboleedyo badankoodu kala aragti ah, VILLA Somaliyana aysan saamayn ku lahayn,”.

Ugu dambeyn wuxuu tallaabada uu qaaday Farmaajo ku tilmaamay inuu yahay ‘Afgembi’ labaad oo dhacay, iyada oo aan weli laga soo kaban boogihii ka dhashay kii horey u dhacay.

“Kani waa Afgembigii 2-aad ee taariikhda siyaasadda Somalia, kii horena weli lagama soo kaban boogihii iyo haarihii ka dhashay,” ayuu ku soo gabagabeeyey falcelntiisa Juxa.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo xalay madaxweynaha Soomaaliya soo saaray qoraal liddi ku ah Rooble oo uu ku eedeeyey inuu gudan waayey waajibaadkii loo igmaday, waxaana tani ay dhalisay inuu bannaanka u soo baxo khilaafka labada nin ee ugu sarreyso.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Farmaajo oo caddeeyey inuu qorsheynayo xil ka-qaadista Ra’iisul Wasaare ROOBLE

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qorsheynaya in xilka laga qaado ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Farmaajo ayaa damaciisa si aan gabasho laheyn ugu caddeeyey qoraalkii uu soo saaray abaare 2-dii aroornimo ee maanta, ee uu shirka isugu yeeray madax goboleedyada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

“Madaxweynuhu wuxuu ku baaqayaa in la isugu yimaado shir wadatashi ah oo lagu saxayo jihaynta doorashooyinka kaas oo ay kasoo qeybgalayaan Goleyaasha Dowladda ee Heer Federaal, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir si la isugu waafaqo hoggaan awood u leh hirgelinta doorasho dhammeystiran oo si hufan dalka uga dhacdo,” ayuu Farmaajo ku yiri qoraalkiisa.

Hoggaanka uu Farmaajo doonayo in la isku waafaqo ayaa sida aan xogta ku helnay loola jeeda ra’iisul wasaare cusub, waxaana durba qorshahan billaabay guddoomiyihii hore ee baaralamanka Maxamed Mursal Cabdiraxmaan.

Mursal oo shalay khudbad ka jeediyey Xamar ayaa tusmeeyey damaca isaga iyo Farmaajo kadib markii uu sheegay in heshiiska 27-ka September uu ku egyahay dhammaadka bisha, taasi oo meel uu ka keenay aan la garaneyn, balse loo fahmay arbushaad cusub.

Sida aan xogta ku helnay, Farmaajo ayaa xil ka-qaadista ra’iisul wasaare Rooble taageero uga raadinaya qaar ka mid ah mucaaradka, isaga oo ku qancinaya inuu ra’iisul wasaare ayaga ka keeni doono.

Si kastaba, inta badan mucaaradka ayaa diidan isku dayga Farmaajo, hase yeeshee waxaa laga cabsi qabaa in qaarkood uu damac qaado oo ay u dhuuntaan madaxweynaha.

Tallaabooyinka cusub ee Farmaajo ayaa dalka geliyey qalalaase siyaasadeed oo horleh, waxayna caddeyn u noqdeen in Soomaaliya aysan marnaba ka dhici doonin doorasho intuu Villa Somalia ku sugan yahay. 

Shirkii ROOBLE iyo madax goboleedyada oo baaqday, wajahayana shaki badan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee ra’iisul wasaare Rooble iyo madax goboleedyada ee la filayey inuu berri ka furmo Muqdisho ayaa dib u dhacay, wuxuuna wajahayaa shaki badan oo ku aadan inuu qabsoomi doono.

Shirka ayaa dib loogu dhigay codsi ka yimid madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, oo sheegay inuu doonayo in marka hore uu dhammeeyo xiisadda dagaal ee ka taagan magaalada Boosaaso.

Waxaa hadda Puntland ku sugan madaxdii hore ee Puntland iyo xubno horey xilal uga soo qabtay dowladda federaalka, kuwaas oo xal u raadinaya xiisadda, wuxuuna Deni codsaday in la siiyo muddo toddobaad ah.

Hase yeeshee, xitaa haddii Deni uu kasoo dhammaado arrinta Boosaas, waxaa shaki ku jiraa inuu shirkan dhici doono, kadib markii madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu isna shir isugu yeeray madax goboleedyada.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in madaxweyne goboleedyada Galmudug iyo Koonfur Galbeed Axmed Qoor Qoor iyo Cabdicasiis Lafta-gareen laga yaabo inay qaadacaan shirka uu Rooble ku baaqay.

Ka hor shirka uu Farmaajo iclaamiyey, Qoor Qoor iyo Lafta-gareen ayaa ku hanjabayey inaysan ka qeyb-geli doonin shirka, haddii aan lasoo celin guddoomiyeyaashii guddiyada doorashada ee la eryey.

Guddoomiyihii guddiga doorashada heer federaal Maxamed Xasna Cirro ayaa waxaa shalay xilka ka qaaday xubnaha kale ee guddiga, halka guddoomiyihii guddiga xalinta khilaafaadka Xuseen Maxamed Maxamuud iyo lix xubnood oo kale uu toddobaad kahor eryey ra’iisul wasaare Rooble. Labada guddoomiye ayaa ku xirnaa Villa Somalia.

Si kastaba, shirka uu ku baaqay Farmaajo ayaa abuuray xaalad siyaasadeed cusub, waxayna u badan tahay inay kasii darto kahor inta aan la isugu iman shirka dibka u dhacay ee uu Rooble ku baaqay.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Farmaajo iyo Mursal ayaa qorsheynaya in xilka laga qaado Rooble, waxaana suurta-gal ah in taasi ay ku dhacdo maalmo gudahood.

Cabdiraxmaan Odawaa ma hadda ayuu mar kale Farmaajo u qiray madaxweynenimo?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Soomaaliya xildhibaan Cabdiraxmaan Odowaa ayaa shalay u muuqday inuu is-hilmaamay markii uu u hambalyeeyey taliyaha ciidamada booliska gobolka Banaadir Farxaan Qaroole, oo uu Farmaajo u dalacsiiyey darajada Jeneraal.

Odowaa ayaa qoraal uu soo dhigay facebook ku yiri “Hambalyo Sareeeye Guuto Janaraal Farxaan Maxamuud Aadan.”

Hase yeeshee, Odowaa ayaa Farxaan Qaroole ugu hambalyeey darajo sharci-darro ah, marka la eego waxa uu Odawaa aaminsan yahay oo ah in Farmaajo “uusan darjo bixin karin ama qaadi karin,” wixii ka dambeeyey 8-dii Febraayo.

Markii uu Farmaajo darajooyinka ciidan ka xayuubiyey Jeneraal Saadaq John 13-kii April ayuu Odowaa qoraal uu soo dhigay facebook ku yiri “Xay ku nuugtaa maxayse ka nuugtaa aan maqli jiray, Farmaajo wax xil ah dalkaan uma haayo sharci darro ayuu ku joogaa, darajo uu bixiyay 8 Febarayo ka dib iyo mid uu qaaday midna sharci ma ahan.Waxa ay ku biirayaan liiska xad gudubyada uu gaysanaayo oo u qormaya. Generaal Sadaq Cumar quluubta dadka Soomaliyeed ayuu Jenaraal iyo ka badanba ku yahay.”

Haddaba Odowaa, ma wuxuu hadda qirsan yahay sharciyadda Farmaajo, mise waxaa u jira laba Farmaajo oo kala ah kii darajooyinka ka xayuubiyey Saadaq iyo midka darajooyinka siiyey Farxaan Qaroole?

Laba qalbiyeynta iyo mabda’ la’aanta Odowaa ayaa waxaa si xooggan u cambaareyey shacabka ku xiran bartiisa facebook iyo baraha kale ee bulshada.

Waxay u egtahay in Odowaa ay hambalyada Farxaan Qaroole oo ay isku reer yihiin ay kala weynaatay inuu ka tago wixii uu ka aaminsanaa mabda’ ahaan muddo bilooyin ah.

Gefka Odowaa mid la mid ah waxaa sidoo kale shalay ku dhacay Wasiirka amniga Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur oo isna shalay Farmaajo ugu yeeray “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya,” kadib muddo uu inkirsanaa.

Ficillada labadooda ayaa tusaale u ah in Soomaalida ay ku yar yihiin siyaasiyiin mabda’ iyo qiyam leh, oo dhammaantood ay mucaaradnimadooda iyo muxaafadnimadooda ay saldhig u yihiin danta gaarka ah ee shaqsi, koox ama qoys.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii