25.4 C
Mogadishu
Tuesday, June 30, 2026

R/W Rooble oo la wareegay mas’uuliyadda dalka, amar culusna siiyey ciidamada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa ka hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka, isaga oo si adag uga jawaabay tallaabadii uu Farmaajo saaka uga hor istaagay xafiiskiisa.

Waxa uu tallaabadaas ku tilmaamay isku day bareer ah oo lagu afgambinayo dowladnimada, dastuurka iyo sharciyadda dalka u yaallo, kaasi oo markii dambe fashil kusoo dhamaaday.

“Farmaajo ka sokow inuu shuruucda Dalka ku xadgudbay wuxuu Saaka weerar ciidan kusoo qaaday xafiiska Ra’isulwasaaraha iyo Golaha Wasiirada, isagoo isku dayey inuu ka hor joogsado inay gutaan waajibaadkoodii Qaran” ayuu sii raaciyey,” ayuu yiri.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tallaabooyinka uu qaaday Farmaajo ku sheegay inay yihiin kuwa lagu carqaladeenayo doorashada dalka ka socota, si uu wada ugu sii xaaro muddo kororsi sharci darro ah.

“Ujeedada uu ka leeyahay tallaabooyinkaan gurican ee sharciga baalmarsan waa inuu ku carqaladeeyo doorashada dalka ka socota si uu xafiiska ugu sii joogo si sharci darro ah si lamid ah isku daygii fashilmay  ee Bishii April ee dalka lagu dumin rabay”.

Waxa uu sheegaymar haddii uu Farmaajo go’aan ku gaaray inuu burburiyo hey’adaha dowladda uu Shacabka Soomaaliyeed u caddeynayo in xukuumadda ay gudaneyso waajibaadka ka saran xaaladda kala guurka ee Dalka ku jiro.

“Maadaama madaxweynihii hore ay muuqato inuu go’aan ku gaaray inuu burburiyo hey’adaha Dowaladda isagoo aan heysan sharciyad waxaa Shacabka Soomaaliyeed u caddeynayaa in xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo gudaneysa waajibaadkeeda Dastuuriga ah , gaar ahaan xilliga kala guurka ah ay si buuxda mas’uul uga tahay hoggaaminta iyo hagista dhammaan howlaha hey’adaha kala duwan ee Qaranka”.

Dhammaan ciidamada kala duwan ee Dowladda ayuu ku amray inay isaga ka amar qaataan, wuxuuna ku hanjabay inuu tallaabo adag ka qaadi doono ciddii amarkiisa diida.

Waxa uu markale ku cceliyay in Farmaajo uu kamid yahay musharixiinta u taagan xilka madaxweyne, wuxuuna ugu baaqay inuu faraha kala baxo howlaha doorashada, si lamid ah musharaxiinta kale ee kursiga kula tartameysa.

“Maxamed Cabdullaahi Farmaajo sida aan la wada socono waa musharax madaxweyne , waxba ugama duwana musharixiinta kale ee xilkaan u taagan, waxaana u caddeynayaa musharax ayaad tahay, gees u istaag sida musharixiinta oo kale kursigana u tartan, ciidamada kama amar qaadan karaan wax amar ahna ma siin karo maadama uu doonayo inuu awoodaha Qaranka uga faa’idesto musharxnimadiisa una burburiyo dowladanimada haddii uu waayo dantiisa shakhsiga ah taasoo ah waan boobaa ama waan badanaa”.

“Waxaan caddeynayaa inay iga go’an tahay inaan Dalka u horseedo doorasho hufan isla markaasa awoodda Dalka si nabad ah lagula kala wareego si looga baxo cakirnaanta siyaasadeed ee uu Dalka geliyey madaxweynihii hore.”

Halkaan hoose ka daawo shirka jaraa’id ee Rooble

CC SHAKUUR: Waxaa noo ballan ah xafiiska ROOBLE

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga caanka ah ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa markale qoraal xasaasi ah kasoo saaray xaaladda cakiran ee ka taagan dalka, gaar ahaan xiisadda hareysay Villa Soomaaliya ee u dhexeyso Farmaajo iyo Rooble.

Ugu horreyn Cabdiraxmaan Cabdishakiir ayaa si weyn uga soo horjeestay tallaabadii uu qaaday madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday, wuxuuna ku eedeeyey in uusan utureyn dowladnimada, sidoo kalena uusan ilaalineyn dastuurka & shuruucda u taal dalka.

“Farmaajo dawladnimo uma turin, dastuurna ma dhowrin, guud ahaan Soomaalida, gaar ahaan dadka degaankana waxba uma hanbayn, xad-gudubyadiisu way is daba yaalleen, laga soo billaabo weerarkii 17 Dec, ee xarunta Xisbiga Wadajir, shirqoolkii lagu dilay AUN Eng Yarisow, weerarkii uu 19 February ku qaaday Madaxweynayaashii hore, rasaastii isla maalinkaa la dhacay madaxdii iyo shacabkii mudaaharaadayey, khaarijintii Ikraan Tahliil, iyo maanta uu Raysalwasaarihii madaxiisa haysto,” ayuu yiri siyaasiga CC Shakuur.

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa ku sii daray “Farmaajo nin garasho leh maaha, nin gar qaata maaha, nin sharci, dastuur iyo akhlaaq leh maaha, nacas iyo nin liita [daba dhilif] keli ah ayuu rabaa,”.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay guud ahaan dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan odayaasha, aqoonyahanada, siyaasiyiinta, haweenka, dhalinyarada iyo ciidanka ay ka soo horjeestaan Farmaajo, ayna taageero u muujiyaan ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya.

“Waa in aan iska qabanaa, Shacab, siyaasi, oday, aqoon yahan, haween, dhallinyaro iyo ciidan waa in marka hore dhaba dhilifka iyo calooshiis u shaqaystaha ka soo horreeya iska qabannaa, ka dibna iska bixinnaa. Dhamaanteen Xafiiska Rooble ayaa noo balan ah,”.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo haatan xaaladda dalka ay tahay mid aad u cakiran, waxaana uga sii dartay xiisadda haatan ka taagan Villa Soomaaliya ee Farmaajo & Rooble.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Kheyre: “Farmaajo wuxuu isku qasayaa dab iyo gaas”

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isulwasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa ka hadlay tallaabooyinkii uu Xalay iyo Maanta qaaday madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in mustaqbalka dalka uu galay mugdi isla markaasna ay Maanta joogto in la weeraro xafiiska Ra’isulwasaarihii dalka.

” Waxaa shaki ku jirin in Maanta dalkeena galay xaalad mugdi ah,  waxaa shaki ku jirin in mustaqbalkeena iyo mustaqbalka ubadkeena Maanta la huwiyey khatar aan indhaha laga qarsan karin, waxaana Maanta taaganahay in xafiiska Ra’isuwasaarihii loo igmaday inuu daadihiyo doorashada Dalka ciidamo la dul dhigo” ayuu yiri.

Kheyre ayaa madaxweynaha waqtiga ka dhammaaday ku eedeeyey inuu dalka u jiheeyey god mugdi ah 30 sano kadib.

“ Nasiib darro waxaa muuqda in madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday oo looga fadhiyey door odaynimo inuu ka doortay inuu dalka u jeeheeyo godki mugdiga ahaa ee horey looga dhacay 30 sano ka hor” ayuu sii raaciyey.

Kheyre ayaa tilmaamay in Dalka oo ku jiro xaalado abuuro iyo dhaqaale xumo isla markaasna ay Al-Shabaab shacabkii dilayaan inuu Farmaajo go’aansaday inuu dalka ku maamulo Kaare.

“ Waa caddahay halka uu Dalka u wado waayo waxaa muuqata inuu go’aansaday inuu isku qaso Dab iyo Gaas , in iyadoo Abaaro jiraan, argagixisadii ay Shacabka gumaadayaan, dhaqaalihii uu hoos u socdo, hey’adihii dalka ay wada cuuryaansan yihiin dadka Soomaaliyeedna ay doorasho sugayaan in ninkii Ummadda Soomaaliyeed u dooratay inuu dhibka ka saaro isagana laga rabay inuu bixiyo dulqaadka ugu badan inuu rabo inuu kaarayaal dalka ku xukumo” ayuu sii raaciyuey.

Ra’isulwaaariii hore ee dalka ayaa madaxda Maamu Goboleedyada dalka ugu baaqay inay qaataan mas’uuliyadooda si deg deg ahna ay isugu yimaadaan si looga hortago qatarta taagan.

Qeybaha kala duwan ee ciidamada iyo hoggaankooda ayuu ugu baaqay inaysan ku milmin siyaasadda isla markaasna ay ka dhabeeyaan wixii ay u dhaarteen oo ah badbaada Dadka.

Hadalka Xasan Cali Kheyre ayaa kusoo aadayo xilli uu cirka isku shareeray khilaafka Rooble iyo Farmaajo oo keenay in Farmaajo uu isku dayo inuu xoog ku qabsado xafiiska Ra’isulwasaaraha.

Shariif iyo Xasan Sheekh oo war kasoo saaray isku dayga afgambi ee Farmaajo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynayaashii hore ee dalka, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay tallaabooyinkii ugu dambeeyey ee uu qaaday madaxweynaha muddo xileedkiisu Maxamed Cabdullahi Farmaajo dhammaaday, iyada oo ku eedeeyey inuu sameeyey isku day afgembi.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa marka hore qoraal uu soo saaray ku cambaareeyey fal uu ku sheegay ‘afgembi milatari’ oo uu sameeyey Farmaajo, wuxuuna sheegay in Ummadda Soomaaliyeed ay feejigan tahay, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan cambaareynayaa afgambiga milatari ee uu isku dayay madaxweynihii hore. Ummadda Soomaaliyeed waa ay soo jeeddaa waana feejigan tahay,” ayuu yiri Xasan.

Sidoo kale wuxuu qoraalkiisa kusii daray “Waxaan ku baaqayaa ilaalinta sharciyadda dimuqaraadiga ah ee uu dalka ku dhisan yahay & garab istaagga Ra’iisul Wasaaraha si dalka looga hirgeliyo doorasho

Dhankiisa madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa isna shaaciyey in go’aanada kasoo baxay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ay halis ku yihiin dowladninada iyo xasiloonida dalka, sida uu hadalka u dhigay.

“Go’aanadii uu qaatey Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday Mohamed Abdullahi Farmaajo waxay halis ku yihiin jiritaanka Dowladnimada iyo Xasiloonida Dalka,” ayuu yiri.

Shariifka ayaa ugu baaqay Farmaajo inuu dib uga joogsado faragelinta uu ku hayo arrimaha doorashooyinka dalka.

“Dalkaan xalkiisu wuxuu ku jiraa oo kaliya dhammaystirka doorashadii lagu heshiiyay, lana saxo wixii ka khaldan, taasoo loo igmaday hogaaminteeda  RW Mohamed Hussein Rooble. Talaabooyinka khaldan ee hareermarsan sharciga oo horseedi karo qalqal siyaasadeed, cidna looguma dulqaadan karo, waxaana ugu baaqeynaa madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday in uu dib uga joogsado faragelinta arrimaha Doorashada,” ayuu sii raaciyey.

Ugu dambeyn Sheekh Shariif ayaa baaq u diray dadka Soomalaiyeed, wuxuuna yiri “Bulshada Soomaaliyeed waa inaysan aqbalin in la majaxaabiyo dowladnimada, dalkana dib loogu celiyo burbur iyo dagaal sokeeye. Waxaana ugu baaqayaa bulshada Soomaaliyeed in aynu meel ugasoo wada jeesanno badbaadada Dalka iyo Dowladnimada,”.

Xaaladda Soomaaliya gaar ahaan, xiisadda ka qaraxday Villa Soomaaliya ayaa cirka isku sii shareereysa, iyadoo tallaabooyinkii ay qaadeen labada dhinac ay uga sii dareen xiisadda.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

 

Sawirro: Rooble oo jabiyey xayiraadii Farmaajo – Sidee ayuu ku tegay xafiiskiisa?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ugu dambeyn jabiyey xayiraaddii uu saaray madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo , isaga oo tegay xafiiskiisa.

Rooble oo ay wehliyaan taliyeyaasha Xoogga, Booliska iyo qaar ka mid ah golihiisa wasiirada ayaa waxa ay ciidamo ka amar qaata Farmaajo ay isku dayeen inay hor istaagaan kolonyadiisa, balse wuxuu kadib lug ku galay xafiiskiisa, isaga oo jabiyey xiyaaradda.

Ra’iisul wasaaraha ayaa muujinaya dhabar adeeg xoog leh, wuxuuna haatan si caadi ah u bilaabay shaqadiisa.

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ayaa isna isku dayaya inuu shaqada ka joojiyo ra’iisul wasaaraha oo ay haatan isku hayaan arrimaha doorashooyinka.

Xiisadda ka taagan Villa Soomaaliya ayaa ka dareysa marba marka ka dambeysa, lamana oga sida ay wax noqon doonaan, waxaana sii kordhaya walaaca laga muujinayo xaaladda.

Sidoo kale waxaa isa soo taraya baaqyada kala duwan ee loo diray Farmaajo iyo Rooble oo laga dalbanayo inay qaboojiyaan xiisadda dhexdooda ah.

Haddii ay arrintu sidan kusii socoto xaaladda ayaa isku beddali karta gacan ka hadal, iyado aad looga digayo inay xiisaddu gaarto halkaasi.

Soomaaliya ayaa ku daahday xaaladda kala guurka ah ee ka dhalatay khilaafka doorashooyinka, waxaana haatan laga digayaa inuu dalka galo qalalaase horleh.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

Mareykanka oo fariin culus u diray Farmaajo iyo Rooble

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa markale war cusub ka soo ka soo saartay xiisadda haatan ka taagan Villa Soomaaliya, taas oo u dhexeyso madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday iyo ra’iisul wasaaraha xukuumadda, Maxamed Xuseen Rooble.

Qoraal kooban oo kasoo baxay safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa waxaa marka hore farriin loogu diray Farmaajo iyo Rooble oo loogu baaqay inay xiisadda qaboojiyaan.

Mareykanka ayaa sidoo kale ka dalbaday labada dhinac inay ka fogaadaan falalka kicinta ah, gaar ahaan hadallada kulul ee ay isku marinayaan warbaahinta iyo baraha bulshada.

Sidoo kale wuxuu Mareykanka sheegay in Farmaajo iyo Rooble looga baahan yahay ina ka fogaadaan wax kasta oo keeni kara rabshado horleh oo ka dhaca magaalada Muqdisho.

“Waxaan si adag ugu baaqaynaa madaxda Soomaaliya inay qaadaan tillaabooyin degdeg ah oo lagu qaboojinayo xiisadda Muqdisho, kana fogaadaan falalka kicinta ah, kana fogaadaan rabshadaha,” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee kasoo baxay safaaradda Mareynkanka.

Dowladda Mareykanka ayaa ka mid ah dowladaha sida weyn u taageera Soomaaliya, waxayna si dhow ula socotaa xiisadda taagan iyo dooda ka dhalatay doorashooyinka.

Hadalka Mareykanka ayaa ku soo beegmaya, iyada oo haatan meel xun ay gaartay xiisadda Villa Soomaaliya ee u dhexeysa madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaday & Rooble.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaana xaaladdu ay u muuqataa mid sii cakirmeysay, iyada maamullada dalka ay qaar la kala safteen labada nin ee is haya.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

 

Mahdi Maxamed Guuleed oo shaaciyey mowqifkiisa, soo saaray baaq xasaasi ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa caddeeyey mowqifkiisa ku aadan xaaladda cakiran ee dalka, gaar ahaan xiisadda hadda ka taagan Villa Soomaaliya.

Mahdi Maxamed Guuleed ayaa shaaca ka qaaday inuu yahay dhex-dhexaad, isla-markaana uu noqonayo Tabliiq Nabadeed, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday iyo ra’iisul wasaaraha inay utaraan dalka, isaga oo guul u rajeeyey dadka Soomaaliyeed.

“Waxa aan ahay “Tabliiqi Nabadeed”. Waxaa aan labada oday ugu baaqayaa in ay dalka caymadiyaan. Soomaaliya Guul,” ayuu ku yiri qoraal uu soo saaray Mahdi Guuleed.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka ayaa u muuqda inuu ka baxay garabka Farmaajo oo muddooyinkii la soo dhaafay ay ku wada jireen hal aag, marka loo eego khilaafaadkii iyo doodihii ka dhashay xaaladda kala guurka ah, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka dalka.

Hadalkiisa ayaa ku soo aadaya, xilli adag oo xasaasi ah, waxaana meel adag gaaray khilaafka siyaasadeed ee haatan u dhexeeyo Farmaajo iyo Rooble.

Si kastaba,lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaana xaaladdu ay u muuqataa mid haatan kasii dareyso, iyada oo lagu jiro xilli adag iyo marxalad doorasho.

Soomaaliya ayaa ku daahday xaaladda kala guurka ah ee ka dhalatay khilaafka doorashooyinka, waxaana haatan laga digayaa inuu dalka galo dagaal sokeeye

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

Rooble oo jawaab culus ka bixiyey tallaabadii Farmaajo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa jawaab culus ku bixiyey tallaabadii ugu dambeysay ee uu qaaday madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhammaaday oo shaaciyey inuu shaqo joojin ku sameeyey Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka, kadib eedeymo uu u jeediyey.

Rooble oo ka jawaabay go’aankaasi ayaa marka hore Farmaajo ku tilmaamay madaxweyne hore, wuxuuna sheegay in tallaabada uu qaaday ay baal-marsan tahay sharuucda dalka.

Sidoo kale wuxuu shaaca ka qaadau in Farmaajo uu bilaabay inuu awood ciidan kula wareego xafiiskiisa, isagoo ka digay dhaq-dhaqaaqyada haatan ka socda Villa Soomaaliya.

“Warka ka soo baxay madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee khuseeya shaqada Ra’iisul Wasaaraha iyo isku daygiisa in uu ciidan kula wareego xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, waa tallaabooyin baal marsan dastuurka iyo sharciyada dalka,” ayuu yiri.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale xusay in wixii mas’uuliyad ah ee ka dhashay waxa haatan socda uu qaado madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

“Mas’uuliyadda wixii ka dhashana waxaa qaadaya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,” ayuu yiri Rooble,” ayuu sii raaciyey ra’iisul wasaaruhu.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay ra’iisul wasaaraha inuu sii wadi doono waajibaadka loo igmaday, isaga oo shaaciyey in uusan cidna uga hebeysan doonin.

“Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidii caadiga ahayd u wataa shaqo maalmeedkiisii, waxaana ka go’an in uusan cidna uga heybeysan gudashada waajibaadkiisa Qaran, si uu dalka u gaarsiiyo doorasho horseedda in awoodda lagula kala wareego si nabad ah,” ayuu yiri.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaana xaaladdu ay u muuqataa mid haatan kasii dareyso, iyada oo lagu jiro xilli adag iyo marxalad doorasho.

Soomaaliya ayaa ku daahday xaaladda kala guurka ah ee ka dhalatay khilaafka doorashooyinka, waxaana haatan laga digayaa inuu dalka galo dagaal sokeeye

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

Rooble oo ciidamo la dul-dhigay iyo xaalada oo kacsan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xaaalad kacsanaan ah ayaa lagu soo warramayaa inay ka taagan tahay xarunta Villa Soomaaliya oo saacadihii u dambeeyey la geeyey ciidamo dheeraad ah, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta oo war kasoo saaray xaaladda taagan iyo dhaq-dhaqaaqyada laga dareemayo Villa Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inuu socda Afgembi.

“Waxa socda saaka waa afgambi dadban mase guulaysanayo,” ayuu yiri wasiir Cabdiraxmaan Al-Cadaala.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ciidamo la dul-dhigay xafiiska ra’iisul wasaaraha, taas oo uu ku tilmaamay mid sharci darro ah.

“R/W Rooble wuxuu leeyahay Xafiis shaqo oo uu Dastuurku Fariisiyay. In Ciidan Sharci darro lagu geeyo si looga hor istaago waxeey furaysaa albaab cusub mana shaqayndoonto insha allaah,” ayuu markale qoraalkiisa ku yiri wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta.

Arrintan ayaa uga sii dareyso xiisadda u dhexeysa madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday iyo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo isku hayo doorashooyinka.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaana xaaladdu ay u muuqataa mid haatan kasii dareyso, iyada oo lagu jiro xilli adag iyo marxlad doorasho.

Soomaaliya ayaa ku daahday xaaladda kala guurka ah ee ka dhalatay khilaafka doorashooyinka, waxaana haatan laga digayaa inuu dalka galo dagaal sokeeye

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

Wararkii ugu dambeeyey ee xaaladda Villa Somalia ee maanta- Maxaa soo kordhay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdsho ee caasimada Soomaaliya waxaa si xoogan looga dareemayaa xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Villa Soomaaliya, taas oo u dhexeyso madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhammaaday iyo ra’iisul wasaare Rooble.

Xiisadda ayaa kasii dartay, markii uu xalay saq-dhexe Farmaajo uu shaaciyey inuu shaqo ku joojin ku sameeyey Rooble, oo uu ku eedeeyey musuq-maasuq iyo ku tarfal awoodeed.

Mahad Salaad oo ka mid ah xildhibaanada Golaha Shacabka ee ay muddada xil heynta ka dhammaatay oo ka hadlay talaabada uu qaaday Farmaajo ayaa wuxuu ku eedeyey in xalay iyo saaka uu xiray dhamaan jidadka soo gala dhismaha xaruta madaxtooyada Soomaaliya.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale sheegay in irida SYL ee laga galo Villa Soomaaliya iyo xafiiska ra’iisul wasaaraha lagu gooyey Beebayaal, sida uu hadalka u dhigay.

“Xalay ilaa saakay jidadka soo gala madaxtooyada caro ayuu ku gooyay. Irida SYL ee madaxtooyada laga galo iyo xaafiiska PM-kana Beebeyaal ayuu ku gooyay,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyey “Rooble iyo xigtadiisa hoose ee qaylodhaanta keeni lahaana wali waa ganbanyihiin,”.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaana xaaladdu ay u muuqataa mid haatan kasii dareysa, iyada oo lagu jiro xilli adag iyo marxlad doorasho.

Soomaaliya ayaa ku daahday xaaladda kala guurka ah ee ka dhalatay khilaafka doorashooyinka, waxaana haatan laga digayaa inuu dalka galo dagaal sokeeye.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

UK oo shaacisay go’aanka ay ka qaadaneyso Soomaaliya sababo la xiriira khilaafka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha Afrika u qaabilsan UK, Vicky Ford ayaa si adag uga hadashay xaaladda cakiran ee Soomaaliya, gaar ahaan muranka hareeyey hannaanka doorashooyinka iyo khilaafka haatan u dhexeeya madaxda ugu sarreysa ee waddanka.

Vicky Ford ayaa marka hore shaaca ka qaaday inay Uk aad uga walaacsan tahay xaaladaha soo kordhay, waxayna sheegay in haatan Soomaaliya ay taagan tahay meel xasaasi ah.

“UK waxay aad uga walaacsan tahay xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya. Soomaaliya waxay mareysaa meel xasaasi ah,” ayey tiri wasiirka UK u qaabilsan arrimaha Afrika.

Sidoo kale waxa ay ugu baaqday madaxda Soomaaliyeed inay meel iska dhigaan khilaafka, ayna usoo jeestaan, sidii loo soo gaba-gabeyn lahaa doorashada socota ee 2021-ka.

“Si loo helo xasilloonida iyo amniga Soomaaliya, waxaa lagama maarmaan ah in madaxda Soomaaliya ay sida ugu dhaqsiyaha badan ku soo gebagebeeyaan hannaanka doorashada, si loo xaqiijiyo kalsoonida shacabka Soomaaliyeed ay ku qabaan natiijada ka soo baxda,” ayey markale bayaankeeda ku tiri Vicky Ford.

Dhinaca kale waxa ay hoosta ka xariiqday haddii ay dhici weyso doorasho loo dhan yahay, inuu isbedalayo xiriirka haatan ka dhexeeyo Beesha Caalamka iyo Soomaaliya, iyada oo  intaasi ku dartay in UK ay qiimeyn ku sameyn doonto xiriirka iyo nooca caawimaadeeda.

“Haddii la waayo is-afgarad buuxa oo horseedaya in doorasho loo dhan yahay oo lagu kalsoonaan karo la qabto iyadoo aan dib u dhac kale dhicin, waxaa isbedeli doona xiriirka Beesha Caalamka iyo madaxda Soomaaliya. Boqortooyada (UK) waxay saaxiibadeeda caalamiga ah kala shaqayn doontaa hab midaysan oo dib-u-qiimayn loogu samaynayo xiriirkeenna iyo nooca caawimadayada Soomaaliya,” ayey markale tiri Vicky Ford.

Ugu dambeyn waxay ku boorisay Golaha Wada-tashiga Qaran inay deg deg u qabtaan shirkooda, isla-markaana ay diiradda saaraan arrimaha aas aasiga ah iyo xallinta khaladaadka la arkay ee doorashooyinka dalka, gaar ahaan midda Golaha Shacabka.

“Daah-furnaan weyn oo geeddi-socodka ayaa si gaar ah muhiim u ah,” ayey ugu dambeyntii ku tiri warsaxaafadeedkeeda, wasiirka arrimaha Afrika u qaabilsan UK.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Rooble iyo Farmaajo: Yaa gacan sarreeya illaa hadda?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii uu dib u soo laba kacleeyay khilaafkii Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kala dhaxeeyay Ra’iisal Wasaarihiisa Maxamed Xuseen Rooble, waxaa dalka ka bilaabatay mowjad labaad oo siyaasadeed, oo dhalisay kala xulafeysi labada dhinac ah.

Dagaalka labada Nin ayaa cirka isku sii shareeyay markii Farmaajo uu Ra’iisal Wasaare Rooble ku eedeeyay inuu ka gaabiyay hoggaaminta iyo hirgelinta doorashooyinkii uu u igmaday 1-dii bishii May ee sanadkan, islamarkaana uu ku baaqay shir wada-tashi, oo lagu saxayo jihaynta doorashooyinka, midaasi oo sida muuqata dhaawici doonta doorashada markii horeba uu muranka badan hareeyay.

Rooble ayaa u jawaabay, wuxuuna qoraalka Farmaajo ku qeexay mid si ku talo-gal ah uu madaxwaynuhu ugu carqaladaynayo hannaanka doorashada dalka oo maraya marxalad aad xasaasi u ah, kaasi oo uu ku tilmaamay mid sharciga baalmarsan ayna ku dheehan tahay mas’uuliyad darro.

Farmaajo ayaa xiisadda kasii daray xalay markii uu sheegay inuu shaqada ka joojiyey ra’iisul wasaaraha.

Haddaba, Sidee illaa hadda labada Nin u kala gacan sareeyan, una kala heleen taageerada siyaasadeed?

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa taageero weyn u muujiyey Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, oo sheegay inay ka qeyb-galayaan shirka uu hore u iclaamiyey ee Golaha Wada-tashiga Qaranka, ayaga oo ka horyimid midka uu ku baaqay Farmaajo.

Jubaland ayaa qoraal ay soo saartay ku tiri “Jubaland waxay diyaar u tahay, kana qeybgalaysaa shirka Golaha wadatashiga qaran ee arimaha doorashooyinka ee garwadeenka uu ka yahay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, oo aan rajo weyn ka qabno in ay kasoo baxaan go’aamo waxtar u leh Shacabka Soomaaliyeed.”

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa sidoo kale lagu yiri “Dowladda Puntland waxay diyaar u tahay ka qaybgalka shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee uu hogaamiyo RW Maxamed Xuseen Rooble. Dowladda Puntland waxay kaloo caddeynaysaa in ay diyaar u tahay qabashada doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka si waafaqsan heshiisyadii Golaha Wadatashiga Qaranka oo uu gundhig u yahay heshiiskii 17 September 2020.”

Sidoo kale waxaa Rooble taageeray Midowga musharixiinta, guddoomiyaha aqalka sare iyo beesha caalamka oo kala shiray arrimaha doorashad iyo siddii loo dhameystiri lahaa.

Si gaar ah, Dowladaha Mareykanka iyo UK ayaa mar kale ku celiyey inay taageersan yihiin shirka uu ku baaqay ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ee Golaha Wadatashiga Qaran

Qoraal kooban oo kasoo baxay safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa lagu yiri “Waxaan sii wadeynaa inaan taageerno baaqa ku saabsan kulanka Golaha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho. Wada-hadallada toddobaadkan ee Madashan horey u jirtay waxay muhiim u yihiin dedejinta hanaanka doorashada Soomaaliya iyo sixitaanka khaladaadka la arkay.”

Safiirka UK, Kate Foster ayaa iyana tiri “Waxaan sii wadeynaa inaan taageerno baaqa ku saabsan kulanka Golaha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho. Madashan muhiimka ah waa halka ay tahay in cabashooyinka iyo arrimaha wax looga qabto. Wadahadalka waa u muhiim wax ka qabashada dhibaatooyinka iyo khaladadaadka la arkay iyo dedejinta hanaanka doorasho ee Soomaaliya.”

Xubnahan ayaa waxay dhamaantooda Ra’iisul Wasaaraha ku garab taagan yihiin dadaalka doorashada ee uu hormuudka u yahay iyo qabsoomidda doorasho daahfuran, waqtiyaysan, islamarkaana la xaliyo tabashooyinka iyo qaladaadka ka jirra doorashada socota.

Dhinaca Farmaajo illaa hadda waxaa taageero u muujiyey Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen oo sheegay inuu ka qeyb-geli doonin shirka uu ku baaqay Ra’iisul Wasaaraha, balse uu diyaar u yahay maamulkiisa ka qeyb-galka shirka uu ku baaqay Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday.

Sida muuqata illaa hadda waxaa ku gacan sareeya Ra’iisul Wasaare Rooble dagaalka siyaasadeed ee kala dhaxeeya madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Waa suurta-gal in xulafeysiga dhinacyada ay kordhaan saacadaha soo socda, hase yeeshe dhinacyadii u muhiimsana ayaa illaa hadda waxay raacsan yihiin dhanka Ra’iisul Wasaaraha, oo asagu ah mas’uulka u sareeya ee gacanta ku haya arrimaha doorashooyinka iyo amniga dalka.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Farmaajo oo sheegay inuu shaqada ka joojiyey Rooble

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo qoraal soo saaray ayaa sheegay inuu shaqadii ka joojiyey Ra’isul wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo uu ku eedeeyey inuu ku takrifalay dhul dan guud ah oo leeyihiin Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Qoraalka kasoo baxay madaxweyne Farmaajo ayaa lagu sheegay inay socdaan baaritaan ku saabsan eedeynta loo soo jeediyey Rooble.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso qoraalka oo dhameystiran

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo;

Markuu arkay qodobka 87aad ee Dastuurka KGM ah ee dalka kaas oo tilmaamaya inuu yahay ilaaliyaha iyo horumariyaha mabaadii’da asaasiga ah ee Dastuurka;

Markuu tixraacay wareegtadii uu soo saaray 18kii Jannaayo 2018 ee la xiriirtay ilaalinta dhulalka danta guud si waafaqsan qodobka 43aad ee Dastuurka KMG ee dalka;

Markuu arkay xeerkii uu ku mamnuucay ku takrifalka iyo musuqmaasuqa dhulalka danta guud ee xilliyada doorashada ee soo baxay 27kii Oktoobar 2021;

Markuu ogaaday in Ra’iisul Wasaaraha uu soo galay raad tuhun oo muujinaya inuu ku takrifalay dhul dan guud ah oo leeyihiin Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed;

Markuu arkay in Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay fureen baaris looga gun gaarayo tuhunka la xiriira Musuqmaasuqa dhul dan-guud ah oo ay leeyihiin Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed;

Markuu garwaaqsaday in Ra’iisul Wasaaraha uu saaray cadaadis Wasiirka Gaashaandhigga si loo leexiyo baarista looga gun gaarayo tuhunka la xiriira kutagri-falka dhul dan guud oo ay leeyihiin CXDS;

Markuu arkay in Ra’iisul Wasaaraha uu 26-kii Diseembar 2021, Wasiir cusub usoo baddalay Wasaaradda Gaashaandhigga iyadoo aan la dhamaystirin baaristii socotay taasoo looga gol leeyahay faragelinta baarista socota ee la xiriirta musuqmaasuqa dhul dan guud oo ay leeyihiin CXDS;

Madaxweynaha wuxuu soo saaray go’aamadan;

  1. Maadaama Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble uu soo galay raad musuqmaasuq iyo ku takrifal hanti dan guud, uuna haatan socdo baaritaan looga gun gaarayo tuhunkaas, waxaa laga joojiyay shaqada iyo awoodaha uu leeyahay Wasiirka Koowaad tan iyo inta baaristaas laga soo gunaanadayo;
  2. Xubnaha kale ee Golaha Xukuumadda waxay sii wadanayaan waajibaadkooda shaqo si waafaqsan shuruucda iyo xeerarka dalka;
  3. Waxaa lagu adkaynayaa dhammaan masuuliyiinta hay’adaha dowladda inay ka fogaadaan ku takrifalka hantida danta guud, ayna dhawraan shuruucda iyo xeerarka dalka.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Sidee khilaafka Farmaajo iyo Rooble u saameyn karaa doorashooyinka Soomaaliya?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa markale dib u soo cusboonaaday khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya hoggaanka sare ee Villa Soomaaliya, gaar ahaan madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhammaaday, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Khilaafkan ayaa bannaanka usoo baxay markii madaxweynuhu ku eedeeyey ra’iisul wasaaraha inuu gudan waayey waajibaadkii loo igmaday ee doorashada, kadibna Rooble uu isna soo saaray qoraal liddi ku ah Farmaajo, kuna sheegay inuu la mid yahay musharixiinta.

Haddaba, sidee khilaafka Farmaajo iyo Rooble u saameyn karaa geeddi socodka doorashada?

Wasiirkii hore wasaaradda Batroolka Soomaaliya, Mudane Maxamed Mukhtaar Ibraahim oo u warramay VOA ayaa shaaca ka qaaday in khilaafka u dhexeeya labada mas’uul uusan aheyn kii ugu horreeyey, isla-markaana uu yahay mid mar labaad soo laba kacleeyey.

“Waxaad u maleysaa in taariikhdii ay mar labaad dib isku celineyso, haddana madaxweynihii uu soo saaray waraaq kale oo ra’iisul wasaaruhuna waraaq kale ku diidayo,” ayuu yiri wasiirkii hore ee Batroolka oo ka hadlayey khilaafka haatan Farmaajo iyo Rooble.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay ins qab-qabsiga madaxweynaha muddo xileediisa uu dhammaaday iyo ra’iisul wasaaraha uu saameyn xoogan ku yeelan karo geeddi socodka doorashooyinka, wuxuuna tilmaaamay in loo baahan yahay in cashir laga barto wax haatan ka socda dalalka Itoobiya iyo Afghanistaan oo uu tusaale u soo qaatay.

Maxamed Mukhtaar Ibraahim ayaa ugu baaqay mas’uuliyiinta dowladda federaalka in aysan horseed u noqon burburka dalka, isla-markaana ay u turaan dadkooda.

“Haddii aan usoo gudubno saameynta guud ay ku sameyneyso doorashada horta waxaa muhiim ah in dadka Soomaaliyeed ay ogaadaan doorasho la diidan yahay ama doorasho la’isku diidan yahay waxaa noogu filan maxsuulka kasoo baxay Itoobiya iyo Afghanistan, dadka mas’uuliyiinta ah waa inay gartaan inaanu waddankan u horseedin in dowladda yar ee lasoo dhoo dhoobay ay burburto,” ayuu markale sii raaciyey Maxamed Mukhtaar.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in mas’uuliyadda ay haatan saaran tahay Golaha Wada-Tashiga Qaran, isaga oo tilmaamay in looga baahan yahay inay qaataan doorkooda.

“Mas’uuliyada waxa ay saaran tahay Golaha Wada-tashga Qaran waxaa loo baahan yahay in awoodooda doorashada ay ka dhabeeyaan,” ayuu sii kusoo gabagabeeyey hadalkiisa.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo meeshii ugu sarreysay ay gaartay xiisadda ka taagan Villa Soomaaliya, waxaana Farmaajo uu shaaca ka qaaday inuu shaqada ka joojiyey ra’iisul wasaaraha, sida uu ku sheegay qoraalkii ugu dambeeyey ee uu xalay soo saaray.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Farmaajo oo taliye Odawaa amray inuu shaqada ka joojiyo Taliyaha Ciidamada Badda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha waqtiga ka dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Sarreeye Guuto Odowaa Yuusuf Raage amray in uu shaqada ka joojiyo Taliyaha Ciidanka Badda Sarreeye Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir, si waafaqsan anshaxa iyo xeerka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Farmaajo ayaa sheegay in xal ka qaadista Taliyaha ciidamada Badda ay muhiim u tahay dhammeystirka Gal-baaritaanka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku aaddan tuhunka ku takrifal dhul dan guud ah oo ay leeyihiin Ciidanku.

Halkaan hoose ka akhriso qoraalka Farmaajo oo dhameystiran

AMAR SHAQO KA JOOJIN TALIYAHA CIIDANKA BADDA SOOMAALIYEED S/GUUTTO CABDIXAMIID MAXAMED DIRIR

Muqdisho, Diseembar 27, 2021: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo aya faray Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Odowaa Yuusuf Raage in uu shaqada ka joojiyo Taliyaha Ciidanka Badda Sarreeye Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir, si waafaqsan anshaxa iyo xeerka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay muhiimadda ay tallaabadani u leedahay dhammeystirka Gal-baaritaanka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku aaddan tuhunka ku takrifal dhul dan guud ah oo ay leeyihiin Ciidanku.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa faray dhammaan Ciidamada Qalabka Sida in ay si waafaqsan sharciga iyo Xeerarka Ciidannimo ugu fara-adeygaan dhulka Danta Guud ee Ciidanka iyo Hantida ay wakiilka uga yihiin Shacabka Soomaaliyeed, taas oo aas-aas u ah howl gudashadooda.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Wasaaradda A/Dibedda Mareykanka oo war kasoo saartay shirka Muqdisho iyo doorashada Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Mareykanka ayaa lagu taageeray shirkii uu iclaamiyey ra’iisul wasaare Rooble, sidoo kale waxaa qoraalka walaac looga muujiyey khilaafaadka siyaasadeed ee madaxda ugu sareysa dalka.

Qoraalka wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa ku bilaawday, “Dowladda Mareykanka waxay taageereysaa baaqa ku saabsan kulanka Golaha Wadatashiga Qaran ee toddobaadkan oo diiradda lagu saarayo horumarinta iyo dedejinta hanaanka doorashada Soomaaliya.”

Sidoo kale qoraalkaan ayaa lagu sheegay in dowladda Mareykanka ay si qoto dheer uga walaacsan tahay dib u dhacyada joogtada iyo khaladadaadka waxyeeleeyey kalsoonida hanaanka doorashada.

“Waa muhiim in hogaamiyayaasha qaranka iyo dowlad goboleedyada ay si deg deg ah u dhameystiraan doorashooyin madaxweyne iyo baarlaman oo lagu kalsoonaan karo, daah-furan loona dhan yahay, isla markaana ay walaacyada jira wax uga qabtaan hab furan oo la aqbali karo,” ayaa lagu yiri bayaanka wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka.

Ugu dambeyntii qoraalka waxaa lagu sheegay in dowladda Mareykanka ay ka go’antahay inay taageerto nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya, iyadoo wax kasta oo la heli karo u adeegsan doonta in lagu guuleysto hadafyadaas.

Warkaan ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa ku soo aaday iyadoo qoraal kale oo isla caawa ka soo baxay safaaradda Mareykanka ee Muqdisho lagu yiri, “Waxaan sii wadeynaa inaan taageerno baaqa ku saabsan kulanka Golaha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho. Wada-hadallada toddobaadkan ee Madashan horey u jirtay waxay muhiim u yihiin dedejinta hanaanka doorashada Soomaaliya iyo sixitaanka khaladaadka la arkay.”

Baaqyadaan ay soo saartay dowladda Mareykanka ayaa imaanaya xilli uu soo ifbaxay khilaaf culus oo u dhaxeeya Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Rooble. Madaxweynaha ayaa ku eedeeyey Ra’iisul wasaaraha inuu ku fashilmay hoggaaminta doorashada, isagoo dowlad goboleedyada ugu yeeray shir, si looga tashado qofka loo dhiibayo hoggaanka doorashada.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Jubaland oo diiwaan-gelisay musharaxiinta kuraas ka mid ah golaha shacabka

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Jubbaland ayaa shalay bilaabay diiwaan-gelinta Musharaxiinta 6 kamid ah kuraasta Golaha Shacabka oo la qorsheynayo in maalinta Talaadada doorashadooda ka dhacdo magaalada Kismaayo.

Musharaxii ugu horeeyay ee guddiga uu shalay diiwaan-geliyo ayaa waxa uu ahaa Guddoomiyihii hore Guddiga doorashooyinka Jubbaland, Xamse Cabdi Barre oo isku soo taagay kursiga tirsigiisu yahay HOP#203.

Xamse Barre oo la guddoonsiiyay shahaadada musharaxnimada, ayaa sida aan hore u baahinay waxa uu kamid yahay shaqsiyaad uu si gaar ah madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ugu xiray Sagaal kursi oo kamid ah Golaha Shacabka, waxaana lasiiyay HOP#203.

Sidoo kale Guddiga doorashooyinka Jubbaland ayaa diiwaan-geliyay Musharax Xildhibaan Maxamed Cali Cumar, kaasi oo u tartamaya kursiga tirsigiisu yahay HOP#108, ayada oo la siiyay shahaadada musharaxnimada.

Guddiga ayaa sidoo kale gudoonsiiyay shahaadada musharaxnimo musharax Xildhibaan Maryan Aweys Jaamac iyo Saynab Cali Muganga oo u tartamaya kursiga tirsigiisu yahay HOP 113 

Guddiga doorashooyinka Jubbaland ayaa maanta soo geba-gabeynaya diiwaan-gelinta musharaxiinta lixda kursi ee uu hore u shaaciyey maamulka, si Talaadada loo qabto doorashadooda.

Kuraasta maamulka uu shaaciyey ayaa waxaa durba soo baxeyso cabasho laga muujinayo sida uu Axmed Madoobe ku wajahayo doorashada Golaha Shacabka, waxaana lagu eedeeyey inuu Kuraasta dhan u diyaarsaday shaqsiyaad uu isaga aaminsan yahay.

Sidoo kale waxaa lagu eedeeyey inuusan wax talo ah ka siin salaadiinta iyo odayaasha dhaqanka rasmiga ah ee loogu talagalay inay soo xulaan ergada dooraneyso Kuraasta.

Oday dhaqameedyadii rasmiga ahaa ayaa haatan qaarkood si cad uga hor yimid inuu Ahmed Madoobe doorashada sida uu isaga rabo ka sameeyo.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Muxuu C/llaahi Maxamed Nuur ka yiri muddo kororsiga cusub ee laga shaqeynayo?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka amniga Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa si adag uga horyimid isku dayga muddo kororsi ee dalka ka socdo, xilli ay xiisad cusub ka dhex-qaraxday madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday iyo Ra’iisul Wasaare Rooble.

Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa soo jeediyay si looga hortago qalaalase siyaasadeed iyo mid amni oo dalka ka dhaca in hanaanka doorashada iyo hogaaminteeda loo daayo Ra’iiusl Wasaare Rooble oo kal hore loo igmaday.

Sidoo kale waxa uu riyo maalmeed ku tilmaamay isku day kasta oo muddo kordhin cusub lagu sameynayo ama doorashada lagu qal-qal gelinayo, taasi oo qorshaheeda uu wado madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday.

“Si looga hortago xasaradda siyaasadeed iyo midda bani’aadaminimo ee abuurmeysa, ikhtiyaarka kaliya ee muuqda waa in la xaqiijiyo hanaan doorasho oo nabadeed, lagu kalsoon karo, loo dhan yahay islamarkaana dhex-dhexaad ah, oo uu hoggaamiyo ra’iisul wasaaraha sida loogu igmaday. Isku day kasta oo muddo kororsi cusub ah ama is-mari waa doorasho ah waa mid aan la aqbali karin, waana riyo maalmeed,” ayuu yiri.

Hadalkan ayaa imanaya maalin kadib markii uu Wasiir Cabdullaahi Maxamed Nuur uu qaaday tallaabo shaki gelisay mowqifkiisa siyaasadeed, kadib markii uu Farmaajo ugu yeeray “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya,” oo muddo uu inkirsanaa.

Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa kahor inta aan wasiirka amniga loo magacaabin, ee uu socday loolankii u dhaxeeyey Farmaajo iyo mucaaradkii Badbaado Qaran, wuxuu Farmaajo ugu yeeri jiray “Madaxweynihii hore ee Soomaaliya.”

Cabdullaahi ayaa xitaa kasii fogaa xubnaha kale ee mucaaradka oo Farmaajo ugu yeera madaxweynaha muddo xileedksiiu dhammaaday, isaga oo si cad u sheegi jiray inuu si sharci darro ah ku joogo Villa Somalia. Wuxuu sidoo kale ugu yeeray “hoggaamiye kooxeed kaligii taliye ah.”

Hase yeeshee munaasabad shalay ka dhacday Muqdisho, oo loogu dabaal-degayey sanad-guuradii 78-aad ee aas-aaska ciidamada booliska Soomaaliya, ayuu Cabdullaahi Maxamed Nuur ayada oo ay daawanayaan boqoaal qof, wuxuu Farmaajo ugu wacay “Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya.”

Tallabaada uu shalay qaaday ayaa u muuqata inay tahay qalad uu ku dhacay oo ku tala-gal aheyn ama ujeedo kale kalaha, ayada oo hadalka maanta uu banaanka usoo saarayo in wax isbedel ah ku iman mowqifkiisi siyaasadeed.

Hadalka shalay ayaa niyad jabiyey dad badan oo taageersanaa wasiirka ama ka mid ah mucaaradka Farmaajo, kuwaas oo aad ugu dhaleeceeyey baraha bulshada.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Daawo: Cali Guudlaawe oo ugu dambeyn loo ogolaaday inuu tago gobolka Hiiraan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxgaradka, duubabka iyo odayaasha dhaqanka beelaha dega gobolka Hiiraan oo ku shiray magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe uu tegi doono gobolka Hiiraan oo sida ay sheegeen aan cidina ka hor istaagi doonin.

Sidoo kale waxgaradka oo warbaahinta la hadlay Madaxweyne ku xigeenka maamulka HirShabeelle Yuusuf Dabageed waxay ka dalbaday inuu raali gelin ka bixiyo hadalkiisii ahaa in doorashada xildhibaanada ee ka dhaceysa Beledweyne ay ku soo bixi doonaan xubnaha ay rabaan.

Odayaasha ayaa dalbaday in doorashada ka dhaceysa Beledweyne isha lagu hayo, “Yuusuf Dabageed waxaan leenahay wixii aad dhahday ka noqo oo raali gelin ka bixi,” ayuu yiri mid ka mid ah odayaasha dhaqanka beelaha Hiiraan.

“Reer Hiiraan hadaan nahay waxaan leenahay Madaxweyne Cali Guudlaawe hadii uusan tegin Hiiraan, caqabad ayaa ku jirta meeshaas, waxaan soo dhaweyneynaa oo aan mar kasta ku celcelineynaa Madaxweyne Cali Guudlaawe Hiiraan lagama lahane waa inuu tago,” ayuu yiri mid ka waxgaradka reer Hiiraan.

Sidoo kale waxgaradkii hadlay ayaa meel ka dhac ku tilmaamay hadalkii Yuusuf Dabageed, “Odayaashu waxay soo jeediyeen arrintaas inay aad uga xunyihiin, waa inaad ka waantowdo oo ka noqotaa hadalkaas Madaxweyne,” ayuu yiri nabadoon kale.

Hoos ka daawo

Dalalka Mareykanka iyo UK oo taageeray shirka Rooble

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladaha Mareykanka iyo UK ayaa mar kale ku celiyey inay taageersan yihiin shirka uu ku baaqay ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ee Golaha Wadatashiga Qaran

Qoraal kooban oo kasoo baxay safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa lagu yiri “Waxaan sii wadeynaa inaan taageerno baaqa ku saabsan kulanka Golaha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho. Wada-hadallada toddobaadkan ee Madashan horey u jirtay waxay muhiim u yihiin dedejinta hanaanka doorashada Soomaaliya iyo sixitaanka khaladaadka la arkay.”

Safiirka UK, Kate Foster ayaa iyana tiri “Waxaan sii wadeynaa inaan taageerno baaqa ku saabsan kulanka Golaha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho. Madashan muhiimka ah waa halka ay tahay in cabashooyinka iyo arrimaha wax looga qabto. Wadahadalka waa u muhiim wax ka qabashada dhibaatooyinka iyo khaladadaadka la arkay iyo dedejinta hanaanka doorasho ee Soomaaliya.”

Warka kasoo baxay Mareykanka iyo UK ayaa muhiim u ah ra’iisul wasaare Rooble, xilli madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu isna iclaamiyey shir kale oo lagu carqaladeynayo midka Rooble.

Qoraalka Mareykanka iyo UK ayaa yimid saacado kadib markii uu soo dhammaaday kulan uu hab fogaan arag ah ra’iisul wasaare Rooble kula yeeshay wakiilada beesha caalamka.

Sida uu Rooble u sheegay xubnaha Beesha Caalamka, shirka la qorsheynayo inay yeeshaan Golaha Wada-tashiga Qaranka ayaa waxaa lagu soo saari doona jadwal doorasho oo mudeynaya xilliga ay soo gaba-gabobeyso doorashada dalka, ayada oo hore u fashilmeen dhowr jadwal doorasho oo lasoo saaray.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa si wadajir ah u bogaadiyay dadaalka Ra’iisul Wasaaraha ee la xiriira sidii doorashada u noqon lahayd mid daah-furan oo lagu kalsoonaan karo.

Sidoo kale waxay si gaar ah u soo dhoweeyeen kulammada wada-tashiga ah ee Ra’iisul Wasaaruhu la yeeshay Midowga Murashaxiinta, Bulshada Rayidka ah iyo Beesha Caalamka, si uu u dhageysto talooyinkooda ku aaddan hagaajinta hufnaanta iyo daah-furnaanta doorashada.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii