25.5 C
Mogadishu
Tuesday, June 30, 2026

Midowga Musharaxiinta oo dalbaday inuu Farmaajo deg deg uga guuro Villa Somalia, dacwadna lagu soo oogo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Midowga Murashaxiinta ayaa cambaareeyey isku¬daygii afgambiga ahaa ee uu 27-ka December, 2021 ku kacay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxammad Cabdullaahi Farmaajo.

Farmaajo ayaa shalay ciidan dul dhigay xafiiska ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, oo uu sheegay inuu shaqada ka joojiyey, si uu talada dalka ugala wareego xukuumadda xil-gaarsiinta, tallabaadaas oo markii dambe fashilantay.

“Golaha Midowga Murashaxiinta wuxuu si kulul u canbaaraynayaa isku-daygii afganbiga ahaa ee uu 27-ka December, 2021 ku kacay Madaxweyne hore Maxammad Cabdullaahi Farmaajo. Goluhu wuxuu afganbigaas dhicisoobay u arkaa in uu ahaa khiyaano qaran oo lagu duminayo hay’adaha dastuuriga ah ee dalka, laguna carcialadayno doorashooyinka. Maxamad Cabdullaahi Farmaajo wuxuu isku-dayey in uu awood ciidan ku qabsado hay’ado madani oo dastuuri ah,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay midowga musharixiinta.

Midowga musharixinta ayaa dalbay in si deg deg ah dacwad looga gudbiyo madaxweynihii hore ee Farmaajo iyo intii kale ee ku gacansiisay afganbigaas.

“Goluhu wuxuu dalbanayaa in uu Farmaajo deg-deg u banneeyo Villa Somalia sida ugu dhaqsaha badan, si ay usoo afjaranto carqaladaha iyo shirqoolada uu ka soo maleegaayo guriga ummadda,” ayaa agu yiri qoraalka kasoo baxay Midowga Musharaxiinta.

Midowga Musharixiinta ayaa sidoo kale u mahad-celiyey Ra’iisul Wasaare Rooble oo ay sheegeen inuu si geesinimo leh uga horyimid damicii Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

“Goluhu wuxuu u mahadcelinayaa Ray’salwasaare Maxamad Xuseen Rooble oo si geesinimo leh uga horyimid afganbiga una muujiyay shacabka Soomaaliyeed in dalku doorasho aado, Farmaajana dibadda ka istaago hawlahaas. Goluhu wuxuu ka codsanayaa Golaha Wadatashiga Qaran in ay deg-deg u saxaan tabashooyinka habraacyada doorshada oo ay doorashada soo dedejiyaan,” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka.

Ugu dambeyntii Golaha ayaa ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed  in ay difaacaan dastuurka, iyo dawladnimada, garabna siiyaan Ray’salwasaaraha, kana hortagaan isku day kasta oo lagu duminaayo hay’adaha dastuuriga ee dalka.

Halkaan hoose ka akhriso warqadda midowga musharixiinta

 

Guudlaawe iyo Qoor Qoor oo kusoo wajahan Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa la filayaa in saacadaha soo socdo ay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya soo gaaraaan madaxweyayaasha maamul Goboleedyada Galmudug iyo HirShabelle Axmed Cabdi Kaariye iyo Cali Guudlaawe Xuseen.

labada Madaxweyne ayaa si kala gooni gooni ah diyaarado uga soo kala raacay magaalooyinka Jowhar oo Gobolka Shabeellaha Dhexe ah iyo Magaalada Dhuusamareeb oo Gobolka Galgaduud ah.

Safarka labada Madaxweyne ay ku imaanayaan Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli uu ka taagan yahay khilaaf xooggan oo ka dhaxeeya Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in labada Madaxweyne ee HirShabeelle iyo Galmudug ay Muqdisho ka bilaabayaan waan waan lagu dhex dhexaadinayo Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa ku guuleysan waayay in uu xaliyo khilaafkaan kii ka horreeyay balse uu ku guuleystay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen).

Lama oga sida ay u suurtageli karto in xal laga gaaro khilaafka u dhaxeeyo Farmaajo iyo Ra’isulwasaare Rooble oo gaaray meel xasaasi ah isla markaasna ay adag tahay in labada Nin ay mar kale isla shaqeeyaan.

Maamul Goboleedyada Puntland iyo Jubbalad ayaa horey u sheegay inay garab taaga yihiin Ra’isulwasaare Rooble halka Koonfur Galbeed ay si cad ula safatay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Farmaajo.

Galmudug iyo Hirshabelle ayaa ka aamusay khilaafka cusub ee ka dhex qaray Farmaajo iyo Rooble, waxayna aamusnaatooda calaamad u tahay inay dhex-dhexaad ka yihiin khilaafka.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

C/llaahi Maxamed Nuur oo Yaasiin Farey u qabtay 48 saac oo la xiriirta Roobow

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka amniga xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa soo saaray dalab culus oo la xiriira xariga Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo weli xabsi ugu jiro dowladda Soomaaliya.

Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa faray ku simaha agaasimaha hay’adda NISA, Yaasiin Cabdullahi Maxamuud (Farey) inuu soo gudbiyo warbixin dhameystiran oo la xiriirta xaalada Roobow.

Wasiirka ayaa u qabtay 48 saac hay’adda nabad sugidda inay uga soo jawaabto dalabkiisa, isaga oo intaasi ku daray inay cabasho kasoo gaartay ehellada Abuu Mansuur.

Sidoo kale wuxuu sheegay inay dalbanayaan cadaalad, maadaama uu muddo dheer xiran yahay Sheekha oo laga soo qabtay magaalada Baydhabo, xilli uu ahaa musharrax.

“Waxa la farayaa ku simaha hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka inuu soo gudbiyo warbixin dhammeystiran oo la xariirta xariga Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur,” ayaa lagu yiri warqad kasoo baxay xafiiska wasiirka amniga gudaha Soomaaliya.

Abuu Mansuur ayaa xiran tan 2019-kii, kadib markii ay magaalada Baydhabo kasoo qabteen ciidamada Itoobiya, kadibna loo soo gudbiyey magaalada Muqdisho.

Dalabka xasaasiga ah ee ka soo baxay wasiirka amniga gudaha ayaa ku soo aadaya, xilli muddooyinkii u dambeeyey aad looga deyrinayey xaaladda caafimaad ee Sheekh Mukhtaar.

Si kastaba, xilliga uu soo baxay go’aankan ayaa ku soo aadaya, iyada oo Lafta Gareen uu ka horyimid ra’iisul wasaare Rooble, isla-markaana uu la saftay madaxweyne Farmaajo.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

Xog: Taliyihii ilaalada Villa Somalia oo la xiray iyo mid cusub oo la magacaabay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa xaqiijineysa in Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage uu xilkii ka qaaday Taliyihii ciidanka ilaalada madaxtooyada oo loo heysto inuu qaatay oo fuliyey amar qaldan.

Taliyahaas oo lagu magacaabo Xasan Aadan Dhicis, waxaa lagu eedeeyey inuu bixiyey amarkii shalay la isku dayey in Ra’iisul Wasaare Rooble looga hor-istaago inuu xafiiskiisa tago.

Xogtaan oo aan ka helnay ilo xog ogaal ah oo ka tirsan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa intaas ku dareysa in Taliyaha cusub ee ilaalada Madaxtooyada loo magacaabay G/Dhexe Axmed Maxamuud Xasan (Axmed Geelle).

Sida ay ogaatay Caasimada Online Korneyl Axmed Geelle ayaa qaraabo dhow la ah wasiirka amniga Cabdullahi Maxamed Nuur, waxaana Taliyaha ciidanka xoogga Odawaa Raage u soo gudbiyey oo ka dalbaday inuu xilkaas u magacaabo Ra’iisul Wasaare Rooble.

Sidoo kale xogtaan waxay tilmaameysaa in la xiray taliyihii xilka laga qaaday ee ciidanka ilaalada Madaxtooyada Xasan Dhicis, waxaana lagu eedeeyay in uu qaatay amar qaldan iyo in uu dalka geliyay qal-qal amni oo halis ah.

Madaxweynihii hore Maxamed Farmaajo ayaa dafiray oo sarkaalkaas ku inkiray inuu bixiyey amarka ay ciidanku ku galeen xafiiska Ra’iisul wasaaraha dalka, halka sarkaalka la xiray uu ku dooday in Farmaajo bixiyey amarkaas.

Ilo xog ogaal ah ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in madaxweynihii hore uu iska fogeeyey inuu isagu abuuray qalqalkii shalay iyo guud ahaan dhaq-dhaqaaqyada ciidan ee ka jira Muqdisho.

Saraakiishii ciidanka badbaado qaran oo shir jaraa’id ku qabtay afaafka hore ee barta Control ee taalada Sayid ee laga ilaaliyo Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ku goodiyey inay soo qabanayaan Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Sarkaalkii u hadlay ciidanka badbaado qaran ayaa ka codsaday Ra’iisul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble inuu ka hor wareego oo mudo dambe uusan u qaban ciidanka, si Farmaajo ay u soo qabtaan.

“Waxaan ka codsaneynaa Rooble in waqti dambe uusan noo soo qaban oo uu naga hor wareego, Rooblow hana gaarsiin inaan anagu kala dhimano. Waxaa idiin cadeynayaa hadii burbur dhacaayo, waxaa burburi doona halka KM ee Farmaajo ku jiro, intaan ka badan nagu sii xad gudbi maayo Farmaajo, bulshadana waxaan ka codsaneynaa garab istaag,” ayuu yiri sarkaalka u hadlay ciidanka badbaado qaran.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

Farmaajo oo Rooble geeyey meel uusan kasoo laabaneyn

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii uu madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu iskud ayey inuu wiiqo awooda Ra’iisul Wasaaraha, oo xilligan gacanta ku haya arrimaha doorashooyinka iyo amniga dalka, ayaa waxaa bilowday abaabul cusub.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo hore dhowr jeer uga gaabsaday in uu dagaal siyaasadeed adag la galo Farmaajo, ayaa xilligan u muuqda in uu go’aansaday in uu si toos ah u wajaho, asaga oo ugu yeeray “madaxweynihii hore”, maadama uu dhamaaday muddo xileedkiisi sharciga ahaa.

Waxa uu sidoo kale xafiiskiisii ka fujiyey sawirka madaxweynihii hore, taasi oo muujineysa heerka ay gaartay carada Rooble.

Rooble marnaba ma dooneyn in dagaal heerkan gaara, balse waxaa ku qasbay Farmaajo oo daan-daansigiia laga joogi wayaey.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu dambeyntii quus qaatay, kadib markii ciidamo ka amar qaata Farmaajo ay ka hor istaageen in uu tago xafiiskiisi, wuxuuna hadda si toos ah ugu galay mucaaradka oo ayagu kal hore dagaal qaraar la galay Farmaajo.

Khilaafkii labada Nin ayaa hadda isku badalay isku awood sheegasho ciidan, waxaana Rooble ku gacan siinaya dagaalka Farmaajo xubnaha Midowga Musharaxiinta oo ayagu kal hore sandule uga wiiqay Farmaajo muddo kororsi sharci darro ah oo uu meel-marsaday.

Xulafeysiga Rooble iyo Mucaaradka ayaa waxa uu halis weyn ku yahay sii joogista Farmaajo ee Villa Somalia, waxaana billowday abaabul cusub oo dib loogu soo nooleynayo ciidamadii Badbaado Qaran.

Midowga Musharaxiinta ayaa hore u sheegay in Farmaajo uu ku fiican yahay in la iska dhiciyo oo la tuso awood ciidan, maadama uu isagu bilaabay in uu danahiisa gaarka ah u adeegsado ciidamada dowladda.

Saraakiishii ciidanka badbaado qaran oo shir jaa’id ku qabtay meel u muuqata Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ku goodiyey inay soo qabanayaan madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Sarkaalkii u hadlay ciidanka badbaado qaran ayaa ka codsaday Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble inuu ka hor wareego oo mudo dambe uusan u qaban, si Farmaajo ay u soo qabtaan.

Sidoo kale sarkaalkaan oo shirka jaraa’id ku qabtay afaafka hore ee barta Control ee u dhaw taalada Sayidka ee laga ilaaliyo madaxtooyada dalka ayaa sheegay in hadii dagaal dhaco aysan burburi doonin wax ka badan halka kilo mitir ee Farmaajo uga jiro Muqdisho.

Farmaajo ayaa ugu dambeyntii u muuqda in si ka fiirsi laheyn u xoqday kaarkii uu ku bixi lahaa, kadib in muddo ah oo laga indho saabanayay ficiladiisa guracan ee waxyeelaya marxalada xasaasiga ah ee kala guurka iyo amniga dalka.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

Ilhaan Cumar oo ku baaqday in Farmaajo xilka isaga dego

0

Washington (Caasimada Online) – Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan golaha wakiillada ee dowladda Mareykanka ayaa Madaxweynihii hore Farmaajo u soo jeedisay in la joogo waqtigii uu meesha ka bixi lahaa, si doorasho deg deg ugu qabsoonto.

Xildhibaan Ilhaan oo gabar Soomaali Mareykana ah waxay ka tirsan tahay xisbiga talada dalkaas haya ee dimoquraadiga, waxayna xubin ka tahay guddiga arrimha dibadda ee golaha wakiillada dowladda Mareykanka. 

“Farmaajo sanad ayuu dhaafay muddo xileedkiisa. Waxaa la joogaa wakhtigii uu meesha ka bixi lahaa, si doorashada muddada la sugayey ay horey ugu socoto, sida ugu dhakhsaha badan,” ayey ku tiri qoraal ay twitterkeeda ku baahisay Xildhibaan Ilhaan Cumar.

Warka Xildhibaan Ilhaan ayaa ku soo aaday iyadoo xalay dowladda Mareykanka ay sheegtay inay tallaabo ka qaadeyso kuwa caqabadda ku ah nabadda Soomaaliya, waxuuna Mareykanku si cad uga horyimid shaqo ka-joojinta uu madaxweynihii hore sheegay inuu ku sameeyey ra’iisul wasaare Rooble.

“Dowladda Mareykanka waxay diyaar u tahay inay tallaabo ka qaado kuwa carqaladda ku ah waddada nabadda Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska arrimaha Africa ee wasaaradda arrimaha dibeddda.

“Isku dayga shaq ka-joojin ee ra’iisul wasaare Rooble waa arrin welwel leh, waxaan taageersannahay dadaalladiisa ku aadan doorasho deg deg oo la isku haleyn karo. Dhammaan dhinacyada waa inay joojiyaan ficillada iyo qoraallada kasii daraya xaaladda,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale sheegtay in kulanka Golaha Wadatashiga Qaran looga baahan yahay si deg deg, si loo dedejiyo loona hormariyo hanaanka doorashada.

Waa qoraalkii ugu kululaa ee Mareykanka kasoo saaro xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, isla markaana uu si toos ah taageero ugu muujiyo mid ka mid ah dhinacyada is-haya.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

Militariga Mareykanka oo war kasoo saaray xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya?

0

Muqdisho (Caasimda Online) – Taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa ka hadashay xiisada siyaasadeed ee dalka, taasi oo kasii dartay shalay kadib markii uu madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday uu awood ciidan u adeegsaday xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

AFRICOM ayaa qoraal kooban oo ay soo saartay ku baaqday in la qaboojiyo xiisada siyaasadeed ee dalka, islamarkaan aan ciidamada qaranka laga leexin dagaalka ay kula jiraan argagixisada.

“Waxaan ku baaqaynaa in la dejiyo xiisadaha siyaasadeed ee Soomaaliya, Ciidamada Soomaaliya waa inay diirada saaran khataraha amni ee geysanayaan kooxaha argagixisada ah ee ugaaesada shacabka aan waxba galabsan,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Ciidamada Soomaaliya ayaa qaarkood xilligan ku milmeen arrimaha siyaasada dalka, ayada oo madaxweynihii hore ee dalka uu dhowr jeer u adeegsaday dano gaar ah iyo abuurista xiisado hor leh.

Qoraalka AFRICOM ayaa imanaya xilli ay dowladda Mareykanka si buuxda u taageertay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo dagaal culus kala dhaxeeyo madaxweynihii hore ee dalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Dowladda Mareykanka ayaa goor sii horeysay sheegtay in uu tallaabo ka qaadeyso kuwa caqabadda ku ah nabadda Soomaaliya, waxayna ka hortimid shaqo ka-joojinta uu madaxweynihii hore sheegay inuu ku sameeyey ra’iisul wasaare Rooble.

“Isku dayga shaq ka-joojin ee ra’iisul wasaare Rooble waa arrin welwel leh, waxaan taageersannahay dadaalladiisa ku aadan doorasho deg deg oo la isku haleyn karo. Dhammaan dhinacyada waa inay joojiyaan ficillada iyo qoraallada kasii daraya xaaladda,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Mareykanka ayaa rumeysan in Rooble uu yahay mas’uul keliya ee xilligan dalka ka saari kara xaalada kala guurka, asaga oo sheegay in kulanka Golaha Wadatashiga Qaran loogu baahan yahay si deg deg, si loo dedejiyo loona hormariyo hanaanka doorashada.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

Yuusuf Garaad oo shaaciyey xalka xiisadda Villa Somalia

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Yuusuf Garaad Cumar oo ah Ergayga gaarka ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ayaa ka hadlay xaaladda cakiran ee dalka, gaar ahaan xiisadda ka aloolsan Villa Soomaaliya ee u dhexeyso Farmaajo iyo Rooble.

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda ayaa shaaca ka qaaday in xalka kaliya ee looga gudbi karo xiisadda taagan ay tahay in la qabto doorashada, lana dardar-geliyo.

“Sida ugu nabdoon ee aan marxaladdan uga gudbi karnaa waa doorashada oo la toosiyo lana dardargeliyo,” ayuu yiri wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya.

Yuusuf Garaad ayaa sidoo kale tilmaamay, haddii uu sii socda dagaalka siyaasadeed inuu sii fogaanayo doorashada, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuuu ka digay in xiisaddu ay isku bedasho gacan ka hadal sababa khasaare naf iyo maal leh.

“Ka sokow khasaaraha naf iyo maal leh iyo kala irdhowga, in gacan la isula tagaa waa ay fogeyneysaa ee ma soo dhoweyneyso doorasho,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Hadalka ayaa ku soo aadayo, iyada oo weli halkeedii ay tahay xiisadda siyaasadeed ee u dhexeyso madaxweynihii hore ee dalka iyo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan, balse xaaladda ayaa isku cakiran, iyada oo Muqdishana ay soo galeen ciidamo ka tirsan kuwa bad-baado qaran.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

Senator Cabdi Qeybdiid: Farmaajo wuxuu sameeyey ismiidaamin siyaasadeed

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo war ka soo saaray khilaafka ka soo dhex cusboonaaday Madaxweynihii hore Maxamed Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Rooble ayaa tilmaamay in Farmaajo uu maanta sameeyey waxa uu ugu yeeray ‘is-miidaamin siyaasadeed.’

Cabdi Qeybdiid ayaa qoraalkiisa ku sheegay in Farmaajo uu qorsheynayey in god-dheer uu ku rido dalka oo qalalaase siyaasadeed uu abuuro, balse dawada dalkaan ay tahay doorasho oo kaliya.

“Madaxweynaha Mudo Xileedkiisu Dhamaaday Waxa uu maanta ku dhaqaaqay waxaa lagu macneen karaa kaliya iney tahay ismiidaamin siyaasadeed,” ayuu Cabdi Qeybdiid qoraal uu soo saaray ku yiri.

Qoraalka Senator Qeybdiid ayaa intaas ku sii daray, “Waana isku day uu ku doonayay inuu dalka ceel dheer ku rido uuna ku abuuro qas iyo qalalaase siyaasadeed, meeshana uu ka saaro nidaamkii iyo hanaankii uu ku waday Ra’iisul Wasaaraha ee ahaa Doorasho daah furan Iyo inuu bur buriyo hanaankii dowladeed ee mudada dheer lasoo dhisaayay. Dawada Dalka Waa Doorasho.”

Qoraalka Senator Cabdi Qeybdiid ayaa ku soo aaday, iyadoo saraakiishii ciidanka badbaado qaran ay shir jaraa’id ku qabteen meel u muuqata Madaxtooyada Soomaaliya, iyagoo ku goodiyey inay soo qabanayaan Madaxweynihii waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Sarkaalkii u hadlay ciidanka badbaado qaran ayaa ka codsaday Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble inuu ka hor wareego oo mudo dambe uusan u qaban ciidanka, si Farmaajo ay u soo qabtaan.

Senator Cabdi Qeybdiid ayaa siyaasad ahaan aad ugu dhow Ra’iisul wasaar e Rooble, waxuuna qeyb ka yahay geed-fadhigiisa dhanka siyaasadda.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

Jubaland oo dooratay 6 xildhibaan – Yaa soo baxay?

0

Kismaayo  (Caasimada Online) – Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose waxaa haatan ka socota doorashada lix kursi oo ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka ee ka imaanaya dhinaca dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland.

Kursigii ugu horreeyey oo la qabtay doorashadiisa HOP#203 ayaa waxaa kusoo baxay Dr. Xamza Barre oo loo doortay ka mid noqoshada baarlamaanka 11-aad ee dalka.

Dr. Xamza oo ahaa guddoomiyihii guddiga doorashada ee ka shaqeeyey dib u doorashada Axmed Madoobe ayaa ehlay 69 cod, halka musharraxii la tartamayayna uu isna helay 17 cod, sidoo kale 15 cod ayaa halaabay, sida uu shaaciyey guddiga doorashada ee Jubbaland.

Sidoo kale waxaa kursiga labaad ee HOP#082 ku guuleystay Cabdirashiid Jire Qalin oo isna ahaa wasiirkii hore ee Maaliyadda ee dowlad goboleedka Jubbaland.

Doorashada ayaa haatan sii soconeyso, iyada oo la guda-galayo s afarta kursi ee kale ee loo qorsheeyey in isla maanta doorashadooda lagu qabto magaallo xeebeedka Kismaayo.

Guddiga doorashada ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa dhanka kale ballan-qaaday inuu u qabanayo musharixiinta tartan furan oo cadaalad ah.

Qabashada doorashada lixdan kursi ee ka imaanaya Jubbaland, ayaa kusoo aadeyso, xilli dalka uu ku jiro xaalad kacsanaan ah oo ka dhalay khilaafka Farmaajo iyo Rooble.

Si kastaba, Jubbaland ayaa ka mid ah maamullada taageerada u muujiyey ra’iisul wasaaraha, waxaana doorashada ay qabaneyso ay ku garab istaageysaa Rooble oo haatan doonayo in la dadajiyo doorashada, si loo soo dhammeystiro xubnaha baarlamaanka dalka.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

Wareysi: Muxuu Cabdiqasim Salad Xasan ka yiri khilaafka Farmaajo iyo R/W Rooble?

0

Qaahira (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dalka Cabdiqaasim Salaad Xasan oo ka hadlay khilaafka Madaxweynihii hore Farmaajo iyo Ra’iisul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay inuu aad uga xumaaday in mar kale ay dhagihiisu maqlaan khilaaf noocaan ah.

Sidoo kale Cabdiqaasim Salaad ayaa soo jeediyey in ciidamada qaranka laga ilaaliyo siyaasadda, “Siyaasadda waxaa la rabaa inay noqoto mid dad umadoo dhan u codeyso ay hogaamiyaan,” ayuu yiri.

Madaxweyne Cabdiqaasim ayaa Farmaajo iyo Rooble ka dalbaday in khilaafkaan ay soo afjaraan, isagoo waxgaradka Soomaaliyeed ka codsaday inay xal deg deg ah u raadiyaan khilaafkaan, hadii labada nin ay is xali waayeen.

“Waxgaradka iyo aqoonyahanka Soomaaliyeed, waxaan idin leeyahay guddi inta qabtaan ha dhex-galeen madaxdaan is khilaaftay, hala sameeyo guddi arrintaan xaliya, kadibna iyadoo heshiis la yahay, doorasho hala galo dalku, waa nabadoobayaa markaas,” ayuu yiri Cabdiqaasim Salaad Xasan.

Sidoo kale madaxweynihii hore Cabdiqaasim ayaa sheegay in waqtigaan uu yahay mid aad u adag oo in la is khilaafo aan ku habooneyn, “Xaaladaan dhibaato ka dhalata waxaa looga baaqsan karaa, in waxgaradka caasimadda jooga ay la hadlaan madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha oo runta loo sheego,” ayuu yiri.

Madaxweynihii hore ayaa sheegay in xaaladaan looga bixi karo in kaliya gacmaha la is qabsado, si loo maareeyo xaaladaan adag, “In la wadahadlo oo la isla arko waxa la isku heysto ayaa looga bixi karaa xaaladaan,” ayuu yiri Cabdiqaasin Salaad Xasan.

Hoos ka dhageyso wareysi uu siiyey VOA

Doorashada lix kursi oo ka tirsan G/Shacabka oo maanta ka dhaceysa KISMAAYO

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Magaalada  Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose waxaa maanta ka dhaceysa doorashada lix kursi oo ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka ee ka imaanaya dhinaca dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland.

Sida uu guddiga doorashada maamulkaasi shaaciyey kuraastan afar ka mid ah waxaa u tartamaya rag, halka labada kale loo xiray dumarka si lool ilaaliyo qoondada haweenka.

Musharixiinta ayaa marka hore la siin doona hadal jeedin, iyada oo kadib la guda-galayo tartanka doorashada iyo codeynta, waxaana kursigii dooranaya illaa 101 ergo ah.

Kuraasta loo tartamaya ayaa kala ah HOP#082, HOP#108, HOP#113, HOP#134, HOP#203 iyo HOP#217, kuwaas oo la filayo in saacaha soo socda la qabto doorashadooda.

Dhinaca kale guddiga doorashada ee Jubbaland ayaa ballan-qaaday in uu qabanayo doorasho tartan furan oo si siman loogu qabanayo musharixiinta xil-doonka ah.

Waa kuraastii ugu horreysay ee ay Jubbaland qabaneyso doorashadooda, iyada oo sidaas ku noqoneyso maamulkii saddexaad ee guda-gala doorashada baarlamaanka Soomaaliya.

Qabashada doorashada lixdan kursi ee ka imaanaya Jubbaland, ayaa kusoo aadeyso, xilli dalka uu ku jiro xaalad kacsanaan ah oo ka dhalay khilaafka Farmaajo iyo Rooble.

Si kastaba, Jubbaland ayaa ka mid ah maamullada taageerada u muujiyey ra’iisul wasaaraha, waxaana doorashada ay qabaneyso ay ku garab istaageysaa Rooble oo haatan doonayo in la dadajiyo doorashada, si loo soo dhammeystiro xubnaha baarlamaanka dalka.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

 

Mareykanka oo si buuxda u taageeray Rooble, soona saaray hanjabaad culus

0

Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay tallaabo ka qaadeyso kuwa caqabadda ku ah nabadda Soomaaliya, waxayna ka hortimid shaqo ka-joojinta uu madaxweynihii hore sheegay inuu ku sameeyey ra’iisul wasaare Rooble.

“Dowladda Mareykanka waxay diyaar u tahay inay tallaabo ka qaado kuwa carqaladda ku ah waddada nabadda Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska arrimaha Africa ee wasaaradda arrimaha dibeddda. 

“Isku dayga shaq ka-joojin ee ra’iisul wasaare Rooble waa arrin welwel leh, waxaan taageersannahay dadaalladiisa ku aadan doorasho deg deg oo la isku haleyn karo. Dhammaan dhinacyada waa inay joojiyaan ficillada iyo qoraallada kasii daraya xaaladda,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale sheegtay in kulanka Golaha Wadatashiga Qaran loogu baahan yahay si deg deg, si loo dedejiyo loona hormariyo hanaanka doorashada. 

Waa qoraalkii ugu kululaa ee Mareykanka kasoo saaro xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, islamarkaana uu si toos ah taageero ugu muujiyo mid ka mid ah dhinacyada is-haya.

Qoraalkan ayaa dhabar-jab weyn ku ah madaxweynihii hore ee Soomaaliya, wuxuuna tusmeynayaa in caalamka ka qustay xal, islamarkaana wixii hadda ka dambeeya ay diyaar u yihiin inay toos wax uga qabtaan carqaladda joogtada ah ee madaxweynihii hore.

Mareykanka ayaa awood u leh xayiraad socdaa iyo mid dhaqaale uu saaro cid kasta oo carqalad ku ah nabadeynta Soomaaliya.

Caasimada Online ayaa rumeysan in hanjabaadda Mareykanka ay bilow u tahay kuwa badan oo kasoo socda dalalka daneeya Soomaaliya, gaar ahaan dalalka Yurub.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

Villa Somalia oo ka jawaabtay afgambigii la sheegay in FARMAAJO uu isku dayey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdirashiid Maxamed Xaashi, afhayeenka Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka wajaabay eedeyntii afgembiga ee maanta loo jeediyey Farmaajo ayaa ku tilmaamay been abuur iyo wax aan meesha oolin.

Cabdirashiid oo la hadlay VOA ayaa sheegay in waxyaabaha laga hadlay ay ahaayeen fashilkii ku yimid doorashada, balse aysan madaxtooyadu qaadin wax tallaabo militeri ah, isagoo ra’iisul wasaaraha ku eedeeyey ku takrifalka hanti dan-guud ah.

“Maadaama ra’iisul wasaaraha uu ku yimid kiis culus, waxaan rejeyneynaa inuu ka dabaasho oo sugo inta baaritaanku ka dhamaanayo, intaas ka horna waa la hakiyey awoodiisa iyo shaqadii ka socotay xafiiskiisa,” ayuu yiri Cabdirashiid Duqa.

Sidoo kale waxa uu sheegay in maanta wax shaqaaqo ah aysan ka jirin madaxtooyada oo shaqo maalmeedkii caadiga ahaa uu ka socday, “Waxaa jira ciidan madaxtooyo, waana ciidanka ugu anshaxa badan ciidamada qaranka, maanta in laga been abuuro ciidankaasna, waa qalad ku dhacay dowladnimadeena,” ayuu yiri afhayeenka Farmaajo.

Sidoo kale Cabdirashiid ayaa qaar ka mid ah wasiirrada Soomaaliya ku eedeeyey inay isku dayeen inay ciidan la soo galaan madaxtooyada, taas oo mamnuuc ka ah, isla markaana talaabadaas ay diideen ciidanka ilaalada madaxtooyada. sida uu sheegay C/Rashiid Xaashi.

“Rooble isgoo ka dhex hadlaya madaxtooyada, hadii uu leeyahay waa la ii diiday madaxtooyadii, waa alif wax maleh iyo waxbuu leeyahay warkiisu,” ayuu yiri.

Afhayeenka Farmaajo ayaa sharci darro ku tilmaamay hadalkii Ra’iisul wasaare Rooble ee ahaa in ciidanku aysan ka amar qaadan karin Madaxweynaha, isagoo sheegay in Taliyaha ugu sareeya ciidamada Qaranka uu yahay Madaxweyne Farmaajo.

“Fashilka ku yimid doorashada lama sii eegan karo 14 bilood kadib, arrimaha maanta nahor yaalla waa kuwo sharci iyo siyaasad looga dabaalan karo, ma ahan arrimo ciidan iyo xoog lagu xali karo , arrimaha doorashooyinkana shirweyn ayuu madaxweynuhu iclaamiyey, kaas ayaana lagu go’aami doonaa jihada xigta ee la aadi doono,” ayuu yiri Afhayeenka Farmaajo Cabdirashiid Duqa.

Hoos ka dhageyso wareysiga

Beesha caalamka oo war kasoo saartay xiisadda ka taagan magaalada Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ka soo baxay beesha caalamka ayaa madaxda Soomaaliya loogu baaqay inay danta dalka ka hormariyaan wax walba, ayna dejiyaan xiisadda siyaasadeed ee kacsan, iyo inay ka joogsadaan daan-daansiga ama adeegsiga xoogga oo wiiqi kara nabadda iyo xasilloonida dalka.

“Saaxiibada beesha caalamku waxayn marar badan ku celceliyeen walaac isa soo taraya ay ka muujiyeen wax isdaba marin xagga habraaca iyo dib u dhaca hannaanka doorashada Soomaaliya. Waxa lagama maarmaan ah in degdeg ah loo hirgeliyo heshiisyadii 17 Sebtembar 2020 iyo 27 May 2021, ee saldhigga u ah doorashooyinka iyadoo aan lagu sameyn wax carqalad dheeri ah,” ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay beesha caalamlka.

Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran:

Saaxiibada beesha caalamku waxay iyagoo aad uga walaacsan si dhow ula socdaan xaaladda taagan iyo waxyaabaha ku soo kordhay siyaasadda. Waxaan madaxda Soomaaliya ugu baaqaynaa inay danta dalka ka hormariyaan wax walba, ayna dejiyaan xiisadda siyaasadeed ee kacsan, iyo inay ka joogsadaan daandaansiga ama adeegsiga xoogga oo wiiqi kara nabadda iyo xasilloonida.

Saaxiibada beesha caalamku waxayn marar badan ku celceliyeen walaac isa soo taraya ay ka muujiyeen wax isdaba marin xagga habraaca iyo dib u dhaca hannaanka doorashada Soomaaliya. Waxa lagama maarmaan ah in degdeg ah loo hirgeliyo heshiisyadii 17 Sebtembar 2020 iyo 27 May 2021, ee saldhigga u ah doorashooyinka iyadoo aan lagu sameyn wax carqalad dheeri ah.

Kulan ay yeeshaan Golaha Wadatashiga Qaran sida ugu dhakhsiyaha, oo ay weheliyaan wadtashiyada kale ee dhexmaraya saamilleyda muhiimka ah, ayaa si degdeg ah loogu baahan yahay si loo dardargeliyo loona hagaajiyo geedi socodka, doorashadana loogu soo gunaanado si degdeg ah oo lagu kalsoonaan karo, taasoo heli doonta kalsoonida dadka Soomaaliyeed.

*Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Talyaaniga, Japan, Kenya, Holand, Norway, Suudaan, Iswiidhan, Uganda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka iyo Qaramada Midoobay.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

Ciidamada Badbaado Qaran oo caawa qabsaday xaafado ku dhow VILLA SOMALIA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Saraakiishii ciidanka badbaado qaran oo hadda shir jaa’id ku qabtay meel u muuqata Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ku goodiyey inay soo qabanayaan Madaxweynihii waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Sarkaalkii u hadlay ciidanka badbaado qaran ayaa ka codsaday Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble inuu ka hor wareego oo mudo dambe uusan u qaban, si Farmaajo ay u soo qabtaan.

Sidoo kale sarkaalkaan oo shirka jaraa’id ku qabtay afaafka hore ee barta Control ee u dhaw taalada Sayidka ee laga ilaaliyo madaxtooyada dalka ayaa sheegay in hadii dagaal dhaco aysan burburi doonin wax ka badan halka kilo mitir ee Farmaajo uga jiro Muqdisho.

“Dhowr bilood ka hor ayaan ka tagnay halkaan, kadib markii uu na amray R/Wasaare Rooble, xiligaas waxaan ogeyn in Farmaajo uusan ka bixi doonin madaxtooyada, balse waxaan qadarineynay ra’isul wasaaraha, maanta ma laaba doono, anagoo soo qaban Farmaajo, isagaa nagu kalifaya inaan soo qabano,” ayuu yiri sarkaalkaan.

Ciidanka badbaado qaran ayaa Rooble ka codsaday inuu ku fasaxo inay soo qabtaan Farmaajo, “Waxaan ka codsaneynaa Rooble in waqti dambe uusan noo soo qaban oo uu naga hor wareego, Rooblow hana gaarsiin inaan anagu kala dhimano,” ayuu yiri.

Sarkaalka u hadlay badbaado qaran ayaa intaas ku sii daray, “ Waxaa idiin cadeynayaa hadii burbur dhacaayo, waxaa burburi doona halka KM ee Farmaajo ku jiro, intaan ka badan nagu sii xad gudbi maayo, bulshadana waxaan ka codsaneynaa garab istaag.”

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

Al-Cadaala oo faah-faahiyey sida ay maanta wax u dhaceen

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiir ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Al-Cadaala ayaa si adag uga hadlay isku deygii ciidan ee saaka looga hor istaagay Ra’iisul Wasaaraha in uu tago xafiiskiisa.

Al-Cadaala ayaa sheegay in ciidamadii gudaha u galay xafiiska Rooble ay markii hore sameeyen amar diido, kadib markii ay la hadleen wasiiradii iyo taliyayaashii ciidamada, ayaga oo qaadanaya amarka madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday.

“Ciidamadii qalabka siday qeybo kamida ah ayaa loo isticmaalay inay xoog ku qabsadaan xafiiska Ra’iisul wasaaraha iyo halka ay xukuumadda ka shaqeyso, iyaga oo isticmaalaya beebayaashii ciidamadii xooga dalka,” ayuu yiri.

“Markii dambe ayaa lagu guuleystay in qeybo kamid ah dib uga baxaan ciidamada, taasi oo keentay in ra’iisul wasaaraha uu yimaado xafiiska, waxa magaalada ka socda khilaaf iyo wax labo shaqsi isku hayaan oo caadi ah maaha waa xukun ku maroorsi si sharciga ka baxsan, taasina wax aan afgembi aheyn uma naqaan.”

Waxa uu intaas kusii daray in madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday uusan laheyn sharciyad uu shaqada kaga joojiyo Ra’iisul Wasaaraha, maadama ay dhamaatay muddadii sharciga ahaa ee loo doortay kursiga uu ku dhagan yahay.

“Ra’iisul wasaaraha waa xukuumad xil-gaarsiin ah oo dastuurka ayey ku qoran tahay, mudada u dhaxeysa marka uu dhamaado hay’addaha xilka haya iyo inta ay ka imaaneyso dowlad cusub oo sharci ah oo lasoo doortay, taas ayuu Ra’iisul Wasaaraha ka shaqeynaya.”

Hadalkan ayaa imanaya kadib markii uu madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday uu saaka isku dayay in awood ciidan uu Ra’iisul Wasaaraha uga hor istaago xafiiskiisa, kadib shaqo joojintii sharci darada aheyd ee uu xalay saqdii dhexe soo saaray, kaasi oo fashilmay.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

Wasiirka Gaashaandhiga oo amray ciidamada inaysan qaadan amarka Farmaajo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka cusub ee Gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo ka hadlay xiisadda u dhaxeyso madaxweynaha waqtiga ka dhammaaday iyo Ra’isulwasaare Rooble ayaa ka hadlay tallaabadii uu qaaday Farmaajo.

“ Sida wasiirka Amniga faahfaahiyey dalkaan waxaa Maanta ka dhacay Afgambi dhicisoobay, afgambigaas waxaa geystay oo ka shaqeeyey Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo” ayuu yiri Wasiir Jaamac.

Wasiirka ayaa sababta Farmaajo ku kaliftay inuu tallaabadaan qaaday ku sheegay inay tahay sidii uu u boobi lahaa doorashada isagoo ciidamada Dowladda u diray digniin culus.

“ Dhibaatada intaas la eg sababta loo marayo waa dareemi kartaan waa doorashada darteed, waxaana dhammaan ciidamada Qalabka sida ugu baaqeynaa inaysan ka qeybgelin falalka noocaan oo kale ah, intii saaka isku dayday inay la wareegto xafiiska Ra’isulwasaaraha waxaan ku eegi doonaa il gaar ah” ayuu yiri Wasiir Jaamac.

Wuxuu ciidamada faray inaysan qaadan amarka madaxweynaha watigiisa dhammaaday wuxuuna yiri “ Waxaan uga digeynaa ciidamada inaysan ku gadsoomin qaadashada iyo fulinta amarada madaxda danta gaarka ah ka leh arrimaha doorashada, waxaana rabnaa inaan dalka mar labaad meel mugdi ah loo celin”.

Hadalka Wasiirka Gaashaandhigga ayaa kusoo aadayo xilli ciidamo ka amar qaato madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay isku dayeen inay xoog kula wareegaan xafiiska Ra’isulwasaare Rooble.

Ra’isulwasaare Rooble ayaa ugu dambeyntii ku guuleystay inuu tago xafiiskiisa isagoo ay garbaha ka taagan yiihiin taliyayaasha ciidamada Booliska iyo kuwa Militariga.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

Xaad oo go’aan culus soo saaray kadib isku daygii uu maanta sameeyey Farmaajo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo ka hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka ayaa si adag uga horyimid tallaabooyinka guracan ee uu qaaday madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday, kuwaasi oo ka dhan ah Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Nabadoon Xaad ayaa sheegay in xiisada dagaal ee ka taagan dalka uu aas-aas u yahay madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday, isagoona shaaciyey inay garab taagan yihiin Ra’iisul Wasaare Rooble.

“Waxaa nahay waxgaradkii deegaankan, xabad xal ma keento oo natiijadeeda waa naqaana. Marka waxaa ku baaqeyna anaga oo ah Odayaashii Hawiye in la joojiyo dagaalkaas iyo wixii sababi kara oo dhan,” ayuu yiri.

“Waxaa garab taaganahay Raysal Wasaare Rooble, waxaana ka soo horjeedaan Fowdada Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Farmaajo. Ina Farmaajo ha ka wareego doorashada oo caqabada ha ka qaado.”

Sidoo kale waxa uu madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday u jeediyay in uu faraha kala baxo arrimaha doorashada oo uu lamid noqdo musharaxiinta kale ee u taagan kursiga uu rabo in markale uu helo.

“Waddankaan waxaa u daawo ah oo mushkiladan ku xalismi karto waa in la helo doorasho daah-furan oo la aamini karo, ayada ayaa ku baaqeyna waa soo dhaweynayna go’aamada uu markii hore qaatay Ra’iisul Wasaare Rooble, haddana waxaa leenahay ku hogaami hufnaan iyo fir-fircooni iyo inaad la tashi la sameysid Madasha Wada-tashiga Qaran.”

Nabadoon Xaad ayaa ugu dambeyntiina madaxda dowlad goboleedyada dalka ugu baaqay inay dhinac istaagan Rooble, si loo saxo qaladaadka ka jira doorashada socoto, loona dadajiyo dhameystirkeeda.

Hadalkan ayaa imanaya kadib markii uu madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday uu saaka isku dayay in awood ciidan uu Ra’iisul Wasaaraha uga hor istaago xafiiskiisa, kadib shaqo joojintii sharci darada aheyd ee uu xalay saqdii dhexe soo saaray.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

R/W Rooble oo la wareegay mas’uuliyadda dalka, amar culusna siiyey ciidamada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa ka hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka, isaga oo si adag uga jawaabay tallaabadii uu Farmaajo saaka uga hor istaagay xafiiskiisa.

Waxa uu tallaabadaas ku tilmaamay isku day bareer ah oo lagu afgambinayo dowladnimada, dastuurka iyo sharciyadda dalka u yaallo, kaasi oo markii dambe fashil kusoo dhamaaday.

“Farmaajo ka sokow inuu shuruucda Dalka ku xadgudbay wuxuu Saaka weerar ciidan kusoo qaaday xafiiska Ra’isulwasaaraha iyo Golaha Wasiirada, isagoo isku dayey inuu ka hor joogsado inay gutaan waajibaadkoodii Qaran” ayuu sii raaciyey,” ayuu yiri.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tallaabooyinka uu qaaday Farmaajo ku sheegay inay yihiin kuwa lagu carqaladeenayo doorashada dalka ka socota, si uu wada ugu sii xaaro muddo kororsi sharci darro ah.

“Ujeedada uu ka leeyahay tallaabooyinkaan gurican ee sharciga baalmarsan waa inuu ku carqaladeeyo doorashada dalka ka socota si uu xafiiska ugu sii joogo si sharci darro ah si lamid ah isku daygii fashilmay  ee Bishii April ee dalka lagu dumin rabay”.

Waxa uu sheegaymar haddii uu Farmaajo go’aan ku gaaray inuu burburiyo hey’adaha dowladda uu Shacabka Soomaaliyeed u caddeynayo in xukuumadda ay gudaneyso waajibaadka ka saran xaaladda kala guurka ee Dalka ku jiro.

“Maadaama madaxweynihii hore ay muuqato inuu go’aan ku gaaray inuu burburiyo hey’adaha Dowaladda isagoo aan heysan sharciyad waxaa Shacabka Soomaaliyeed u caddeynayaa in xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo gudaneysa waajibaadkeeda Dastuuriga ah , gaar ahaan xilliga kala guurka ah ay si buuxda mas’uul uga tahay hoggaaminta iyo hagista dhammaan howlaha hey’adaha kala duwan ee Qaranka”.

Dhammaan ciidamada kala duwan ee Dowladda ayuu ku amray inay isaga ka amar qaataan, wuxuuna ku hanjabay inuu tallaabo adag ka qaadi doono ciddii amarkiisa diida.

Waxa uu markale ku cceliyay in Farmaajo uu kamid yahay musharixiinta u taagan xilka madaxweyne, wuxuuna ugu baaqay inuu faraha kala baxo howlaha doorashada, si lamid ah musharaxiinta kale ee kursiga kula tartameysa.

“Maxamed Cabdullaahi Farmaajo sida aan la wada socono waa musharax madaxweyne , waxba ugama duwana musharixiinta kale ee xilkaan u taagan, waxaana u caddeynayaa musharax ayaad tahay, gees u istaag sida musharixiinta oo kale kursigana u tartan, ciidamada kama amar qaadan karaan wax amar ahna ma siin karo maadama uu doonayo inuu awoodaha Qaranka uga faa’idesto musharxnimadiisa una burburiyo dowladanimada haddii uu waayo dantiisa shakhsiga ah taasoo ah waan boobaa ama waan badanaa”.

“Waxaan caddeynayaa inay iga go’an tahay inaan Dalka u horseedo doorasho hufan isla markaasa awoodda Dalka si nabad ah lagula kala wareego si looga baxo cakirnaanta siyaasadeed ee uu Dalka geliyey madaxweynihii hore.”

Halkaan hoose ka daawo shirka jaraa’id ee Rooble